28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: DF Soomaaliya oo shir nooc cusub ah uga qeyb-galeysa magaalada Delhi

0

New Delhi (Caasimada Online) – Shirweynaha sanad-laha ah ee horumarinta, ganacsiga, warshadaha, iyo iskaashiga Hindiya iyo Afrika (India Africa growth partnership) ayaa ka furmay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Shirweynahan ayaa waxaa dowladda federaalka Soomaaliya ku matalayay danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir.

Shirweynaha 18-aad ee Hindiya iyo Afrika oo soconaya muddo sadax maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dhinacyada kala duwan ee horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo tiknoolajiyada.

Waxaa marti-galisay shirkaan dowladda Hindiya, halka dowladaha Afrika ay ka socdeen wakiilo iyo diblomaasiyiinta ku matala Hindiya.

Shirkaan ayaa waxa inta badan diiradda lagu saaraya arrimo ay kamid yihiin iskaashiga qeybta hawada ee Orbit-ka, sahminta hababka cusub ee kobaca maalgalinta, wax ka beddelka kaabayaasha horumarinta Afrika iyo wax soo saarka suuqyada guud ee Afrika.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah abuurista iskaashiga waxbarashada, horumarinta xirfadaha iyo iskaashiga tiknoolajiyada casriga ah.

Dowladdaha Hindiya iyo Afrika ayaa inta badan yeesha kulamo kala duwan oo ay ku gorfeeyaan arrimaha gancsiga, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo guud ahaan xiriirka soo jireenka ah ee Hindiya iyo Afrika.

Shiinaha oo lagu eedeeyey inuu jabsaday boqolaal hay’adood iyo wasaarado

Washington (Caasimada Online) – Shirkad qaabilsan ammaanka Computer-ada oo laga leeyahay Maraykanka oo lagu magcaabo Mandiant ayaa Khamiistii sheegtay in kooxo abaabulan oo taageero ka helaya dawladda Shiinuhu inay jabsadeen aaladaha computer-ada ee boqollaal shirkadood oo caalamka oo dhan ku kala yaalla.

Waxaa qeyb ka ah kuwa la jabsaday oo ku jira hay’ado dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, sida ay shaacisay shirkadda Mareykanka ee Mandiant.

In ku dhow 30% aadalaha la jabsaday waxaa iska leh dawlado kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo ay ku jiraan wasaarado arrima debedeed oo hayey shaqooyin muhiima.

Charles Carmal oo ah madaxa farsamada ee shirkadda Mandiant ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay, basaasnimadii ugu ballaadhnayd ee dhinaca Internetka ee ay qaaddo dawladda Shiinuhu, waxaana tallaabadan la fuliyey horraantii sannadkii 2021.

Computer-ada loo dhacay ayaa gaadhaya, tobanaan kun oo computer.

Shirkadda ayaa sheegtay in farsamooyinka loo adeegsaday in loo dhaco aaladaha computer-adan, inay sabab u ahayd, ka dib markii kooxdani ka warheshay, in qaar ka mida cinwaanada email-ada ee laga isticmaalo dunidu, inay leeyihiin, meelo sahlan oo ay fududahay in loo dhaco cidda adeegsanaysa ama computer-ada lagu isticmaalayo.

Kooxahan wax basaasaya ayaa fariimo emailo ah u diray hay’adaha iyo wasaaradaha ay bartilmaameedsadeen. Markasta oo fariintaas la furona, waxay awood u yeesheen inay si qarsoon u xadi karaan macluumaadka ku kaydsan.

Xogtan ayaa tilmaamaysa in ururadaas ay 55% ku yaalliin Ameerica, halka 22% ay ku yaalliin Asia, 24% Yurub, Bariga dhexe iyo Africa.

Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo meel-mariyay heshiiskii doorashooyinka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee meel-mariyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee wax looga beddelay hanaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo la horgeeyay go’aamaddii kasoo baxay shirkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranja.

Shirkan oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka, Goloha ayaa sidoo kale la hor-geeyay sharciga doorashooyinka, ayada guddiga doorashooyinka madaxa-banaan laga dhageystay warbixin.

Guddiga doorashooyinka ee horay u dhisnaa islamarkaana waday howlaha doorashada maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ka warbixiyay sida ay isu waafaqsan yihiin qodobbadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatshiga Qaran iyo sharciga doorashooyinka.

Golaha ayaana dood dheer kaddib cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku ansixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran iyo sharciga doorashooyinka.

Dhinaca kale, Golaha wasiiradda Galmudug ayaa shirkii maanta waxay warbixin uga dhageysteen wasaaradda amniga maamulka Galmudug.

Wasaaradda ayaa golaha warbixin la wadaagtay buuxda oo ku saabsan amniga iyo qorshaha dagaalka wejiga labaad ee argagixisada looga xoreynayo deegaannada ay kaga sugan yihiin dhulka dowlad-goboleedka Galmudug.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor keentay Golaha xeerka degmeynta laba degmo, waxaa lagu ansixiyay shirka in loo aqoonsado Gadoon iyo Godinlabe laba degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka maamulka Galmudug.

Kulanka Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale waxaa maanta lagu ansixiyay sharciga dhulka Galmudug.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug ayaa golaha faray in la dardar-galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan billaaban doona.

Kulamadii Golaha SHACABKA BF oo la hakiyay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 23-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ajendihiisu ahaa hakinta fadhiga golaha inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidda iyo ajandeynta warbixinnada la xisaabtanka xukuumadda.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu go’aamiyay in la hakiyo fadhiga Golaha laga bilaabo maalinta Sabtida ah oo ku beegan 17-Juun 2023-ka.

Fadhiga Golaha ayaa sida lagu gaaray kulankaan dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkaan 2023-ka, sida uu shaaciyay guddoonka golaha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in xukuumadda federaalka ay soo gudbiso xisaab-xirka miisaaniyadda, iyaga oo faray in ugu dambeyn 30-ka Juun soo gudbiyaan, si waafaqsan qodobka 102-aad Faqradda 1-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Shalay ayay aheyd markii Golaha uu yeeshay kalfadhiga saddexaad kulankiisa 5-aad, kaasi oo uu ajandihiisu ahaa hadal jeedinta warbixinta guddoomiyaha Golaha Shacabka kulamadii aan caadiga aheyn ee guddiga joogtada ee Golaha iyo akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka howl-gabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka.

Kulankaas ayaa goluhu iskula qaatay in Golaha Wasiiradda mid mid loogu yeero, lana bilaabi doono todobaadyada soo aaddan su’aalooyinna lagu weeydiin doono Golaha hortooda.

Si kastaba, Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka, iyo weliba qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, oo dood badan dhaliyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beesha caalamka ka helay taageero culus oo la xiriirta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada beesha caalamka ee ka howl-gala gudaha Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay danjireyaasha dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika.

Madaxaweynaha ayaa wakiilada caalamiga ah waxa uu kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka, si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu sheegay in haddii la hirgeliyo hanaankaasi doorasho ay saamayn wanaagsan ku yeelan doonto geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna.

Sidoo kale waxa uu dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meel-marinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha ciidamanka xooga dalka ay kula wareegayaa amniga dalka iyo cirib-tirka argagixisada Al-Shabaab.

Danjireyaasha dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab.

Sidoo kale waxay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ku garab taagan yahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meel-marinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah sida la fahamsan yahay qorshaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu taageero ugu raadinayo heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo madax hore iyo siyaasiyiin miisaan culus ay si adag uga horyimaadeen.

Maalmo kahor unbay aheyd markii madaxda uru goboleedka IGAD ay beesha caalamka ugu baaqeen in dowladda federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meel-marinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

DENI oo shaaciyey tallaabo ay qaadayaan haddii ay Somaliland diido qaraarkii QM

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta war cusub kasoo saartay xiisadda dagaal ee weli ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne Saciid Deni oo ka hor hadlayay golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan baaqa kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aadan in Somailand ag ciidamada milatariga kala baxdo aagga magaalada Laascaanood.

Deni ayaa ku goodiyay haddii ay Somaliland ka dhaga fureysato baaqaas ay si toos ah ula safan doonaan ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ee ku sugan magaaladaasi.

“Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii maamulka Muuse Biixi Cabdi uu ka dhega-fureysto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel oo ah in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood” ayuu kudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dul qaadan karin dhibaato u sheegay in Somaliland ay ku heyso dadka reer Laadcaanood.

Hadalkana ayaa daba socda go’aankii Golalaha Ammaanka ee QM oo dhowaan ku baaqay in ciidamad Somaliland si degdeg ah looga saaro goobaha lagu dagaalamay, kuna boorriyay dhammaan dhinacyada in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan ficillada daandaansiga iyo waxyaabaha kicin kara iyo hadallada hurinaya colaadda si xaaladda dagaalka loo joojiyo.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dhamaan dhinacyada xasuusiyey waajibaadka ka saaran xeerka caalamiga ah, ee uu ka mid yahay xeerka caalamiga bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya.

Waxay sidoo kale dhammaan dhinacyada ku boorriyeen inay la xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada iyo xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana ciidamada labada ay haatan isku horfdhiyaan duleedka magaalada , gaar ahaan aagga dhaanka xerada Goojacadde.

Cabdirsaaq Khaliif oo ka degay Garoowe + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ugu dambeyn gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib markii uu dhowaan isaga baxay guud ahaan maamulka Somaliland.

Khaliif ayaa kulan hordhac ah madaxtooyada Puntland kula yeeshay madaxweyne Saciid  Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash oo si ballaaran ugu soo dhaweeyay magaalada Garoowe oo uu tegay markii ugu horeysay, tan iyo markii uu is casilay todobaadkan uun.

Sidoo kale labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku aadan dagaalka Laascaanood, maadaama ay weli duqeymo ku socdaan magaaladaasi.

Marka laga tego sawirrada kulanka oo la faafiyay ma jiro wax faah faahin ah oo ay labada dhinac ka bixiyeen kulankaas oo ku soo aaday, xilliu xasaasi ah.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa 11-kii bishaan June, 2023 iska casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Laascaanood.

“Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,” ayuu is casilaaddiisa ku yiri Cabdirisaaq Khaliif.

Sidoo kale waxa uu iska casilay xisbiga Waddani oo  uu ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland, sida ay hore u sameeyeen siyaasiyiin ku deegaan ah.

Ninkan oo si weyn ay u kala fogaadeen Somaliland kadib dagaalka dhowrka bilood ka socda Laascaanood ayaa tallaabadan qaaday kadib xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwd ay ku dalbaneyso in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada.

Si kastaba, tagistiisa Garoowe ayaa sii hurineysa xiisadda haatan Puntland kala dhexeysa Somaliland, taas oo sii laba kacleysay, kadib markii uu qarxay dagaalka Laascaanood.

UK’s verdict: Boris Johnson’s deceit uncovered

London (Caasimada Online) – In a groundbreaking report that targets Boris Johnson, the former Prime Minister of Britain, the parliamentary privileges committee has suggested he be barred from automatic access to Parliament.

This stringent measure, the committee argues, is justified due to Johnson’s deliberate deception of lawmakers concerning the COVID lockdown breaches at Downing Street.

The report, spanning over 100 pages, delves into six controversial events held at Downing Street, the Prime Minister’s primary office and residential quarters.

“We conclude that in deliberately misleading the House, Mr. Johnson committed a serious contempt,” the committee proclaimed.

“The contempt was all the more serious because it was committed by the Prime Minister, the most senior government member. There is no precedent for a Prime Minister having been found to have deliberately misled the House (of Commons, lower House of Parliament).”

The committee, comprised of four lawmakers from Johnson’s Conservative Party and three from opposition parties, has recommended that he should not be granted a former member’s pass, a privilege that most former Prime Ministers and lawmakers usually enjoy, ensuring automatic access to Parliament.

Parliament will consider the recommendation on Monday.

Johnson’s denial and resistance

The former Prime Minister, known for his distinctive persona and political charisma, retaliated vehemently, labeling the report as “rubbish,” “a lie,” and “a charade.”

He further accused the committee of harboring a personal vendetta against him. This standoff has not helped to mend the fractures within the Conservative Party.

Instead, it adds more fuel to the fire of discord, subsequently burdening the current Prime Minister Rishi Sunak, whose economic reforms are clouded by the ongoing controversy.

Johnson stated, “I believed, correctly, that these events were reasonably necessary for work purposes. We were managing a pandemic.”

He decried the committee’s report as a marker of a “dreadful day” for Members of Parliament (MPs) and democracy.

While Johnson has apologized for his conduct, he consistently denied intentionally misleading Parliament, asserting that he took advice from his aides who affirmed that his office was abiding by the rules.

Fallout and implications

Following an advance look at the report, Johnson resigned from Parliament last week, referring to the inquiry as a “witch hunt.”

In the wake of the report’s publication, Johnson strengthened his criticism, contending that the committee utilized ‘mystical powers’ to envision occurrences at Downing Street that he himself had not witnessed.

“DAMNING” was how the Labour Party described the report. Thangam Debbonaire, a member of Labour’s top echelon, criticized Sunak’s alleged preoccupation with the “ongoing Tory soap opera” and called for attention to more pressing issues.

Nevertheless, certain Conservative lawmakers, even those not particularly partial to Johnson, questioned the severity of the committee’s findings.

One anonymous source said, “I’m not his biggest fan, but it seems excessive.”

Johnson’s conduct, infamously tagged ‘Partygate,’ marked the onset of his downfall as Prime Minister.

A mass resignation from his Conservative Party in the previous year pressured him to announce his resignation in July.

His departure from office occurred in September. However, his influence within the Conservatives persisted, occasionally undermining Sunak’s authority, even after he resigned from Parliament last week.

While Sunak was once Johnson’s protégé, their relationship has recently taken a contentious turn, further amplified by this week’s dispute over the former Prime Minister’s resignation honors list.

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah, sida ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha.

Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya.

Intaas kadib golaha ayaa guda galay arrimaha ku aadan amniga guud ee dalka, ayada oo warbixino laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Wasaaradaha ayaa soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay weli ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Dhankooda golaha wasiirada ayaa si weyn u boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay inta badan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa isaguna sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab la gaarsiinayo adeegyada dowladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ka qayb qaadanaya dadka deegaanka, ayada oo guullo waa weyn laga gaaray.

Daawo: SHEEKH SHARIIF oo dhaq-dhaqaaq culus ka billaabay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo indhowaanahan ka maqnaa dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay xildhibaano, senataro iyo waxgarad kale oo hadallo ka jeediyay munaasabad ka dhacday gudaha garoonka.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay inuu si dhow u la socda xaaladaha soo kordhay ee waddanka, isla-markaana loo baahan yahay in laga wada fariisto, si looga sameeyo wada tashiyo ballaaran.

“Xoogaa ayaan maqnaa hadda waa soo laabtay xaaladda dalka, inkastoo maqnaa wax uun waa kala socdaa inta aad sheegteen iyo in kale waxaa loo baahan yahay in loo fariisto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu bilaabi doono dhaq-dhaqaaqyo siyaasaddeed oo ku aadan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira oo uu sheegay in looga gudbi karo talo guud.

“Xaalado kuwaan ka adag ayaa lasoo maray, tana waxaan aaminsanahay in laga gudbaayo, taladana waa badsaneynaa fadhiya kale ayaan yeelan doonaa” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed rajadooda waxaa waayay inay helaan dowlad cadaalad ah, nabad, horumar qeerkood ay la tartamaan”.

Shariifka ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeestay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee go’aanka looga gaaray doorashooyinka dalka.

Si kastaba, imaashaha Sheekh Shariif ayaa hordhac u ah qulqulka siyaasiyiin kale oo kusoo wajahan caasimada, si ay uga arrinsadaan go’aannada xasaasiga ah ee haatan soo baxay.

Xubno Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Galcad

0

Galcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa Galacad iyo deegaanka Baraag Sheekh Caamir.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Maxamed Jowle ayaa xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku sugnaayeen aagga tuulada Aflax oo hoostagta magaalada Galcad.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay la wareegeen hub iyo gaarid NOAH ah oo ay wateen raggaas oo uu ku eedeeyay inay dhibaato ku hayeen dadka deegaanka.

Maxamed Jowle ayaa xusay in kooxdan ay si dhuumaaleysi ah uga howlgalayeen halkaas, isla-markaana ay muddo ku raad-joogeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay miinooyin ku aasi jireen waddooyinka ay isticmaalaan dadka safareyda ah, sidoo kalena ay maraan ciidamada huwanta.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas oo ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Galcad oo ay dhowr jeer soo weerareen Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

SACIID DENI oo soo saaray dalab la xiriira arrinta GEDO

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Saciid Deni ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday xiisadda mar kale kasoo cusboonaatay gobolka Gedo, taas oo u dhexeyso Jubbaland iyo reer Gedo.

Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in walwal ay ku heyso xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan xasilooni darrada uu sheegay inay kasoo korortay gobolkaasi.

“Dowladda Puntland waxay walwal ka muujineysa xaalad amni iyo xasillooni daro iyo siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Gobolka Gedo,” ayuu yiri madaxweyne Saciid.

Sidoo kale wuxuu dalab culus u diray madaxda dowladda federaalka, isaga oo ugu baaqay in aysan ku dhaqaaqin ficilo lamid kuwa dowladdii hore, sida in la xayiro diyaaradaha.

“Waxaan madaxda dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in aysan ku kicin, ficil la mid ah midkii ayaga laftooda dhibanaha u ahaayeen, ee diyaaraddii ay la socdeen hawada laga celiyay loo diiday inay gudaha dalka ku safraan ficiladii madaxda federaalka ee horay madaxdii ka horeysay ugu cambaareyn jireen ee xayiraada duulimaadyada rakaabka ee gudaha dalka. Waa nasiib darro in maanta dowladda federaalka ku caburineyso dadka Gobolka Gedo wixii ay horay u diideen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay in Jubbaland dib u heshiisiin dhameystiran loo sameeyo, isla-markaana xiisada ka taagan Gobolka Gedo aan xabad iyo caburin loo adeegsan.

Xiisadda Gedo ayaa mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore.

Si kastaba, lama oga halka ay ku furan doonto arrinta haatan soo korortay oo durbo saameynteeda la dareemay, maadaama la hakiyay duulimaadyadii gobolka Gedo.

Xog: Muxuu ka billowday DAGAALKA Ceelbarde?

0

Ceelbarde (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo Talaadadii shalay ka qarxay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyo ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad rayid ah.

Haddaba muxuu ka billowday dagaalka Ceelbarde?

Bashiir Maxamed Jaamac oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaciyay xog ku aadan waxa sababay dagaalkaas oo saameyn ku yeeshay degmada.

Ninkan ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu ka bilowdey dhibaato loo geystay gabar uu isagy dhalay iyo gabar kale oo uu dhalay nin askari ah oo dagan degmada Ceelbarde.

Waxa uu tilmaamay in askariga la dhibaateeyay gabadhiisa uu ka carooday falka, kadibna uu tegay ninka dhibaateeyay oo askari kale ah, sidaasna ay ku murmeen, waxaana kadib meesha ka dhacay dagaal toos ah oo dhex maray labada ciidan ee hada iska soo horjeeda.

Labada askari ee murmay ayaa ka kala tirsan Daraawiishta iyo Militeriga, kadibna way is dileen, waxaana xabadda lagala hor maray askarigii militeriga ahaa, ayada oo kadib uu dagaalka sidaas ku qarxay.

“Aniga kula hadlayo gabarteyda ayaa lagu dhibaateeyay magaalada markii aan ka hadlayna xabad ayaa la’iigu jawaabay aniga waa iska samray, nin kale oo walaal ah oo ciidanka ka tirsan ayaa gabadhiisa lagu xadgudbay markii lagu xadgubay wuu dul qaadan waayay isna xabad ayaa loogu jawaabay marka dhibka gabdhaha ku dhacay ayay waxaan ka billowdeen” ayuu yiri Bashiir Maxamed Jaamac oo ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xaaladda ay weli kacsan tahay, isla-markaana ay difaac isugu jiraan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

“Halka aan rabnay in dhufeyska loo qoto oo dhinaca Al-Shabaab waa la beddalay dhufeyskii, Ceelbarde ayay nimanka kusoo jeediyeen” ayuu sii raaciyay.

Ugu yaraan 6 qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi, sida uu xaqiijiyay maamulka degmada Ceelbarde.

Si kastaba, sidaan oo kale ciidmaada militeriga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ugu dagaalamay magaalada Baraawe, waxaana weli ay xiisad ka taagan tahay magaaladaas, taas oo ka bilaabatay khilaaf askarta dhexdeeda ah, balse wuxuu dagaalkaasi isku bedelay mid qabiil, kaas oo saameyn ku yeeshay Koonfur Galbeed.

Daawo: Beelaha Irir-Samaale oo u midoobey xiisadda ka taagan degmada Baraawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal ka kala socday beelaha Irir-samaale ee Dir iyo Hawiye ayaa ku shiray magaalada Muqdisho, waxayna soo saareen bayaan ay digniin u dirayaan beelaha Digil iyo Mirifle.

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayey uga digeen qorshe dagaal oo ay sheegeen inuu ka hurinayo Baraawe, sibey yiraahdee uu u barakiciyo dadka ka soo jeeda beelaha Irir-samaale.

“In Koonfur Galbeed aysan dooneyn in Baraawe lagu wada noolaado waxaan daliil u ah, Dir ama Hawiye waxay maamulkaas ku leeyihiin madaxweyne ku xigeen, maamul aan madaxweyne ku xigeen laheyn ma jiro, balse kan waxaa loogu diiday in Irir-samaale uu wax ku yeesho,” ayuu yiri Suldaan Cabdullahi Cali Geedi.

Suldaan Cabdullahi oo sii hadlaayey ayaa Madaxweyne Laftagareen ugu baaqay in ciidanka uu keenay Baraawe uu ka saaro inta aan lagu leyn, sida uu ku goodiyey.

Odayaashaan ayaa sidoo kale ku hanjabay in gobolka Shabeellada Hoose ay ka jari doonaan K/Galbeed oo Banaadir ay ku soo dari doonaan, hadaan laga siin saamiga ay beelaha Irir-samaale ku leeyihiin hoggaanka maamulkaas.

Dhankiisa Caaqil Cabdullaahi Xalane Dhuxulow ayaa yiri “Ciidan meel daggan oo ciidan la dul-dajiyey wali lama arag, waxaan caddeyneynaa haddii xurmo la waayey oo xishood dhamaaday, waxaan ku dhameyneynaa ninba tabartii, ninba taagti.”

Caaqil Cabdullaahi Xalane ayaa madaxweynaha K/Galbeed ku eedeeyey inuu xoog uga saarayo magaalada Baraawe ciidankii ka xoreeyey Al-Shabaab oo joogay 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Waa nasiib darro in maanta nala yiraahdo waxaa la idinka saarayaa Sh/Hoose, xukuumadda Muqdisho waxaan u sheegeynaa in Siinkadheer ilaa Kuunyabarow wixii ka dhacay ay masuuliyadooda qaadi doonto K/Galbeed.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Xiisadda magaalada Garoowe oo ka sii dartay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in ay sii xoogeysatay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ka dhalatay doorashada golaha deegaanka oo aan weli laga qaban gudaha degmadaasi.

Garoowe ayaa haatan wajaheysa xaalad hubanti la’aan, waxaana si weyn isku haya madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee maamulka Puntland.

Shacabka Garoowe, gaar ahaan kuwa dagan aagga xarunta Baarlamaanka ayaa xalay loo daadiyay waraaqado digniin ah, taas oo loogu sheegayo inay ka guuraan halkaasi.

Digniinta ayaa si toos ah ugu socotay golaha wakiilada oo looga digay inay furaan dastuurka Puntland, maadaama uu maanta u furmayo kalfadhigooda.

Sidoo kale waxaa xalay magaalada ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu qaaday guriga xildhibaan C/qani Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland, kaas oo shalay si adag uga hadlay qabashada doorashada degmooyinka gobolka Nugaal ee aan weli la qaban.

Xildhibaanka ayaa ka badbaaday weerarkan, wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeeyaan xubnaha mucaaradka ee maamulkaasi.

“Weerar la’igu soo qaaday aniga, gurigeyga iyo gaarigeyga waxaa la’iigu horgooyay baabuur weyn oo daaqadda u furan tahay, waxaana kasoo dagay 5 nin oo wajiga xirtay qoryana wata waxaa la’iigu bilaabay xabad laakiin wax igu dhacay ma leh Alxamdulilaah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Nimankaas waxay lahaayeen ma adigaa dastuur furi kara oo isku dayi kara inaad beri furtid”.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe.

Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.

Cali Yare oo weerar culus ku qaaday Kulane Jiis – “Cafis weydiiso dadka reer GEDO”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa weerar culus ku qaaday Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kullane oo ka tirsan golaha shacabka.

Cali Yare ayaa ka fal-celiyay qoraal uu Kullane soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo uu ku sheegay in gobolka Gedo aysan suurtagal aheyn in loo gacan geliyo Jubbaland.

“Nin kasta iyo koox kasta oo ku hamineysa ama haatan ku hawlan in ay gobol weynaha Gedo, ku dirqiyaan, ku jajuubaan ama tooda mutuxan u meeriyaan; waxaan leeyahay hays lugoynina,” ayuu Kullane ku yiri qoraalka.

“Sina Suurtagal uma aha umana noqon doonto in Gedo la muquuniyo. Shalay bay ahayd oo lasoo tijaabiyey iyadoo la wato dawladdo shisheeye oo cudud ciidan ka joogto Jubbaland sidoo kale xadka ugu dheer la wadaaga Gedo, waana socon wayday.”

Cali Yare ayaa Kullane ku eedeeyay inuu isagu qeyb ka yahay heerka ay Gedo taagan tahay maanta, isaga oo usoo jeediyay “inuu cafis waydiisto reer Gedo,” uuna qaddiyadeeda ugala sinaaddo Soomaalida kale.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare Cali oo dhameystiran;

Ruuxkasta oo indheergaradka Gedo ka tirsan oon kulannay waxay si aan kala qeybsanaan laheyn oo tiiraanyo laga dheehan karay iigu sheegayeen mahadhooyinka iyo fashilkii uu saaxiibkeeyga qoraalkaan qoray u horseeday reer Gedo iyo siyaasaddii dowladdii Madaxweyne Farmaajo ee wajahneeyd gedo.

Waaba amakaage saakay waxaan aqrinayaa isagii oo ku baroor darsanaya dadkii uu heerka ugu hooseeya oo uu gaarsiiyay.

Tan ugu sahlan ee tusaalaha loogu soo qaadan karo ay aheyd; in kuraastoodii uu nin Axmed Madoobe la dhaho oo reer kale ah uu ku soo qorto Teendho xuduudka Kenya ku taalla.

Inta xog-ogaalka ah waxay iiga marqaati-furi doonaan in sababta 16-kaas Kursi loo dhaafsaday ay aheyd helitaanka hal kursi oo aanay reer Gedo laheyn, kuna abtirsan.

Waana isla kursigii sababay inuu burburo shirkii Dhuusamareeb oo hadana nasiib darro markale sii sababay inuu dhinto xiriirkii xariirta ahaa ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne QoorQoor, heer uu Madaxweyne QoorQoor u diido Madaxweyne Farmaajo musharixii uu kursigii beeshiisa hoose ee reer Dalal xildhibaannimada la jeclaa oo ahaa ruug caddaa siyaasadeed oo heer ku-sime Ra’isalwasaare gaaray

Si kale haddaan u dhigo, waa kursigii dartiis uu Madaxweyne Farmaajo ku waayay kursigiisii madaxweynennimo waxaana tusaale u ah inuu kursigaas dartiis ku waayay 16 kursi oo Gedo ah iyo 31 Kursi oo Galmudug ah (47 COD).

Hal talo ayaan xildhibaanka siin lahaa, taas oo ah “Intii horana cafis waydiiso reer Gedo, hadana ha uga sii darin ee adiga iyo xildhibaanka Seylac matala u sinnaada qadiyadda Gedo.”

Jeneral Michael Langley oo la kulmay Axmed Madoobe xilli la qorsheynayo in Jilib…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shalay magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howl-galka Mareykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.

General Michael E. Langley ayaa booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saraakiisha howl-galka AFRICOM, ATMIS, saraakiisha hay’adaha amniga Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka.

Waxaa shir-guddoomiyay kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana lagaga hadlay xaalada guud ee amniga.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ee dalka looga xoraynayo kooxda.

Kulankaan ayaa imanaya, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garoweyso howl-gallo lagu xoreynayo deegaanada ay weli maamulkaas ka joogaan xoogaga Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Wejigii hore ee howl-galka ayaa Al-Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.

Erdogan oo shuruud cusub ku xiray codsiga Sweden ee xubinimada isbahaysiga NATO

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaysan ka sugin rajo ku saabsan dalabkooda xubinnimada NATO ee shirwaynaha isbahaysiga reer galbeedka ee bisha soo socota, ilaa ay ka hortagto mudaaharaad ka dhan ah Turkiga oo ka dhacaya Stockholm.

“Turkigu uma dhawaan dalabka Sweden ee NATO ilaa inta ay argagixisad ku mudaharaadayeen Stockholm” ayaa laga xigtay Erdogan.

Mawqifka Turkiga ayaa mar kale lagu caddeeyay wadahadal uu la yeeshay saraakiisha Sweden Arbacadii.

Si loo caddeeyo diidmadooda ku aaddan xubinnimada Sweden, Turkiga ayaa Stockholm ku eedeeyay inay gabbaad siiyaan xubno ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta ee uu u arko inay yihiin argagixiso.

Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Sweden ayaa waxaa dhawaan ka dhashay dibad bax looga soo horjeedo Turkiga iyo NATO oo bishii hore ka dhacay magaalada Stockholm, iyada oo calanka kooxda Kurdistan Workers’ Party (PKK) ee laga mamnuucay Turkiga uu kasoo muuqday dibad-baxyadaas.

VOA + Reuters

Daawo: Dhaawacyadii ciidanka Macawiisley oo dib loogu soo celiyey Muqdisho kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Seddax ka mid ah ciidamadii macawiisley eek u dhaawacmay dagaaladii gobolka Shabeellada Dhexe looga xoreeyey kooxda Al-Shabaab oo lagu soo daaweeyey dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Raggaan ayaa si gaar ah ugu dhaawacmay dagaal muddo todobaad ah ka socday deegaanka Masaajid Cali-gaduud, waxayna nasiib u yeesheen inay helaan caafimaad dibadda ah.

Maanta ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde, iyagoo ka soo kabtay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray dagaalka, waxaana garoonka ku soo dhaaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo waxgarad u badan ehelka raggaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobileen oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii garoonka ku soo dhaweysay raggaan, “Maanta waan farxay markii aan arkay raggii iyagoo liita aan halkaan diyaaradda ka saarnay oo soo caafimaaday, waxaan ciidamada macawiisley ugu baaqaa in tani ay dhiiragelin u noqoto, dowladiinu waa idin garab taagan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobileen.

Cabaas Luunge, oo labadiisa lugood ku waayey dagaalka Al-Shabaab, Cabdi Geedi oo ku waayey Ishiisa iyo Aadan Xuseen oo dhaawac culus uu ka soo gaaray caloosha ayaa hadda warbaahinta u sheegay inay heleen daaweyn iyo daryeel dhameystiray.

Sidoo kale raggaan oo heysta niyad aad u sareysa ayaa wacad ku maray inay dib ugu laaba doonaan furimaha dagaalka oo xoreynta dalka ay ka qeyb qaada doonaan.

“Shalay markii diyaaradda nala saaray saan u ekeyn iyo saan maanta u egnahay iskuma dhawa, waxaa nala geeyey wadan dadkiisu ay aad noo ciseynayaan, abaalka naloogalay ma gudi karno,” ayuu yiri Cabaas Luunge oo xabadda Al-Shabaab ay ka jartay labada lugood.

Cabdi Geedi oo xoreynta dalka ku waayey ishiida midig ayaa yiri, “Waxa nagu dhacay qadar ayey ahaayeen, sidaana ugama niyad jebi doono in dalka aan ka xoreysano Khawaarijta.”

Hoos ka daawo

DAGAAL culus oo mar kale dhex-maray militariga DF iyo daraawiishta K/Galbeed

0

Ceelbarde (Caasimada Online) – Dagaal kale oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo dawaariishta Koonfur Galbeed ayaa galabta ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, kaas oo geystay khasaare culus.

Sidaan oo kale ciidmaada militeriga dowladda federaalka iyo kuwa daraawiishta K/Galbeed ayaa shalay ugu dagaalamaya magaalada Baraawe, xiisadda Baraawe oo weli taagan ayaa markii hore ka bilaabatay khilaaf askarta dhexdeeda ay, balse wuxuu dagaalkaasi isku bedelay mid qabiil.

Dagaalka maanta Ceelbarde ka dhacay ayaa ka bilowday laba askari oo ka kala tirsan Daraawiishta iyo Militeriga oo murmay, kadibna is dilay waxaana la dilay oo xabadda lagala hor maray askarigii militeriga ahaa.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Geedi oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa dagaalkaas uga waramay Universal Tv, wuxuuna sheegay in horay magaalada uu uga taagnaa khilaaf maamul.

“Magaalada waxaa ka jiray khilaaf salka ku hayey maamul loo soo magacaabay oo hadana toddoobaad gudihiis lagu bedelay, hadana xiisadda waxaa sii kiciyey dilka askariga,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xuseen.

Sidoo kale xildhibaanka oo sharaxay waxa dhex maray labada askari ee dagaalkaasi uu ka bilowday ayaa shaaciyey in gabar la fara xumeeyey uu ka soo bilowday dagaalka labada askari oo markii dambe mid la toogtay.

Intaas kadib ciidanka militeriga ee degan Ceelbarde ayaa weeraray xerada ciidanka daraawiishta K/Galbeed, waxaana galabta maqribadii soo gaaray dagaal soo bilowday maanta duhurkii.

Xildhibaanka ka hadlay dagaalkaas ayaa ku eedeeyey madaxweyne Laftagareen inuu hurinaayo dagaalkaas, isagoo u xaglinaaya mid ka mid ah qabaa’ilka dega Ceelbarde, sida uu wareysigaan ku sheegay Xildhibaan Maxamed Xuseen oo baarlamaanka K/Galbeed ka tirsan.

Hoos ka dhageyso wareysiga