28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Hay’adda Duulista oo ku dhawaaqday go’aan cusub oo meesha looga saarayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta ku dhawaaqday in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalka aan looga baahneyn inuu horay usoo qaato wax fiiso (Visa) ah.

Hay’adda ayaa shaacisay in qof kasta oo Soomaali ah ee sita Baasaboor kasta iyo goob walba oo kasoo dhoofayo fiisaha lagu siin doono garoommada dalka (visas on arrival).

Wargelintan kasoo baxday Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa sida la fahamsan yahay daba socoto guux badan oo ka dhashay in Soomaalida qurbaha marka ay usoo safrayaan dalka lagu xiro shuruuddo la xiriira dal-ku-galka.

Laba maalin kahor ayay aheyd markii hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ay soo saartay war-saxafadeed ay ku cadeysay in amar dhankooda ka yimid oo shuruudo la kordhiyay ah uusan jirin.

“Iyada oo la tixraacayo qoraalada baraha bulshada lagu baahiyay ee ku saabsan shuruudaha dal-kugalka Soomaaliya, ma jirto wax ammar cusub oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ku waxay wargelisay shirkadaha diyaaradaha inay qaadaan xanibaadaha (haddii ay jiraan), islamarkaaja ay qof kasta oo Soomaali ah u oggolaadaan inay soo qaadaan.

“Maadaama arrintaan taagani ay la xiriirto bulshada Soomaaliyeed ee ku safraya baasabooro ajnabi ah, dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee sameeya duulimaadyada caalamiga ah ee ka yimaada Yurub iyo dhanka Mareykanka waxaa la faray inay qaadaan xanibaadaha (haddii ay jiraan) oo qof kasta oo Soomaali ah – qof weyn iyo mid yar-ba ay u oggolaadaan inay soo qaadaan.”

Qoraalka hay’adda ayaa sidoo kale lagu yiri “Dal-ku-galka waxaa la bixiyaa marka la yimaado xadka Soomaaliya sida ay had iyo jeer ahaan jirtay, mana jiraan wax isbedel ah oo lagu sameeyay siyaasaddaas.”

Ujeedka shirweyne qaran oo laga daah-furay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya.

Shirweynahan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa looga hadlaya arrimaha la xiriira sare u qaadista shaqaalaha caafimaadka dalka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr, Maryama Maxamed Xuseen iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah shirweynahan maanta furmay xubno ka socda hay’addaha caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya, agaasimayaasha wasaaradda caafimaadka, bahwaynta caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socda xarumaha caafimaadka dalka xirfadlayaasha caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha iyo daneeyayaasha dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaal Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo hadal ka jeediyay ayaa waxa uu ku baaqay in la iska kaashado maalgelinta dhanka caafimaadka.

“In la hello maalgellin dhanka Caafimaadka waxay horseedi kartaa hellidda Shaqaale Caafimaad oo adkeysi iyo tayo leh,” ayuu yiri wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS.

“Waxaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay maal-gashtaan caafimaadka dalka taas ayaana sabab u noqon karta in dadkeena ay ka baaqsadaan caafimaadka dibadda ay u aadaan”.

Shirka ayaa ah mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed, maaddaama uu qorshuhu yahay sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaad oo tayo leh, taasi oo kor u qaadeysa horumarinta caafimaadka guud ee Soomaaliya.

Weerar Soomaali lagu dilay oo ka dhacay KAMPALA

Kampala (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay kooxo hubaysan magaalada Kampala ee dalka Uganda ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaaba Liibaan Maxamed, wuxuuna kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dableyda hubeysa ayaa sidoo kale waxay dhaawac u gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo kale kaasi oo dhaawiciisa lagula tacaalayo isbitaqlka magaalada Kampala.

Liibaan ayaa waxaa la sheegay in xilli saqdhexe habeenimo ah ayaa lagu weeraray guri ay ka deganayeen magaalada Kampala, waxaana lasoo warinaya inay weerarkaasi geysteen illaa afar nin oo ku hubeysnaa bistoolad.

Bakar Cali Nuur oo kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Kampla ee dalka Uganda oo la hadlay VOA ayaa dhacdadaan ku tilmaamay mid ugub ah.

“Booliska waxay sheegeen inay ku howlan yihiin dhacdadaan, waxaana socda baaritaano kala duwan, runtii magaalada waxay lahaan jirtay dhacdooyin qaar oo tuugo lala kulmo oo dadka mobile ka qaata, laakiin waa ugub dad bistoolad ku hubeysan inay weerar geystaan,” ayuu yiri Bakar Cali Nuur.

Waxa uu intaas kusii daray “In bistoolad ama waxyaabo kale oo xabaddaha ah la isticmaalayo oo dad tuugo ah oo hubeysan ku weeraraan waa dhacdo cusub oo ugub ah oo soo korodhay.”

Majirto weli cid loo soo qabtay falkaan, waxaana lasoo warinaya inay weli socdaan baaritaano iyo dadaalo la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa danbiilayaasha falkaan ku kacay.

Xiisadda GEDO oo ka dartay iyo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ‘oo ka badbaaday’ dil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa ka badbaaday isku-dey dil, sida uu shaaciyay Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kullane oo ka tirsan golaha shacabka, kuna abtirsada beesha Sade ee ugaaska uu kasoo jeedo.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadaynayaa in Ugaas Maxamed uu dirqi kaga badbaaday shirqool iyo dhagar la doonayey in lagu khaarajiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Kullane.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ku eedeeyay isku-deygaan dil ee Ugaaska uu ka badbaaday inuu soo maleegay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya in wax walba oo soo gaara Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi uu masuuliyadeeda qaadi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Laga bilaabo saacadaas, weerarkaas iyo masuuliyadiisa iyo weliba xariiq iyo xagtin kasta oo soo gaadha Ugaas Mohamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, waxa qaadi doona Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Bare, maadaama isagu yahay madaxa ugu sarreeya ee Xukuumada Federalka Soomaaliya,:

Xildhibaan Kullane ayaa waxa uu ra’iisul wasaare Xamza ku eedeeyay inuu hormuud u yahay xasaradda ka taagan goolka Gedo, Jubbaland-na uu horay ceel ugu riday, sida uu ku yiri qoraalka uu soo saaray.

“Iskudayga Dilka Ugaasku waa gal waxshinimo, kaas oo gebi ahaanba kasoo horjeeda dhaqankeena suuban ee Islaamnimo iyo keena Soomaaliyeed, waxaana maqdac ah oo xariman in lagu xad gudbo birmageydada iyo muqadasaadka dhaqan ee umadi leedahay.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Villa Soomaaliya in aanay madaxweyne Axmed Madoobe ku kaalmayn xaaladan xun ee ka taagan Gedo oo uu sheegay inay keeni doonto cawaaqib kasii xun midda hadda taagan.

Ugu dambayntiina waxa uu shacabka iyo dadweynaha reer Gedo ugu baaqay ilaalinta Ugaaskooda, “ilaashada sharafkiina oo ha ogolaanina in cirdigiina iyo cimaamadiina lagu xad gudbo.”

Cabdullahi Kulane oo kursi Xildhibaan ka soo qaatay Galmudug intii ay socotay doorashadii Baarlamaanka ayaa kamid ahaa saraakiishii NISA ee madaxweyne Farmaajo u adeegsaday in gobolka Gedo ay ka soo jaran Jubbaland-ta uu maamulo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo, taasi oo hadda soo cusbooneysiisay hadal-heynta jahwareerka maamul ee sanadihii lasoo dhaafay ka jiray gobolkaas.

Terror’s new playground: Al-Shabab descends on Kenya

Garissa (Caasimada Online) – Terror ensues in northern Kenya as the extremist group, Al-Shabab, intensifies its activities across the region.

An unprecedented escalation of attacks within a month signals that these militants, under pressure in their native Somalia, have found a new stomping ground in Kenya’s north.

In less than 30 days, six ruthless attacks have marred Garissa, Wajir, and Mandera counties.

Tragically, 11 security officers have been killed, seven wounded, and at least five civilians injured in these assaults. The most devastating of these unfolded on June 13 when eight officers on patrol met their end in Bodhei, Garissa County.

Their vehicle, targeted by an al-Shabab landmine, was reduced to rubble.

The same day, gunmen, believed al-Shabab operatives, attacked a bus en route from Nairobi to Mandera in Tarbaj, Wajir County, leaving three passengers injured.

Beyond borders: A shifting battlefront

In a further show of force, the al-Qaeda-affiliated militia recently overran an African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) base in Buulo Mareer, Shabelle.

The coordinated attack involving explosives and suicide bombers claimed over 50 soldiers’ lives, with many others kidnapped.

The bordering North Eastern region of Kenya now appears to be their focus. “Many AS members have crossed into Mandera as they run away from the ongoing crackdown in Somalia,” warned Mandera County Commissioner Amos Mariba.

Meanwhile, Wajir Governor Ahmed Abdullahi views the improved vegetation and recent rainfall as contributing factors, providing ideal conditions for the militants.

The fallout: Refugees and smuggling cartels

Amid increased US-led attacks and civilian vigilance in Somalia, many militants are reportedly seeking refuge in Kenya.

In Wajir, resident Halima Siad has pointed to the government’s border reopening plan as a cause for the surge in attacks.

“Their illegal activities will be affected,” Siad says, linking the violence to smuggling cartels fearing interference with their operations from Nairobi to Kismayo.

Yet, while cartels may be implicated in the violence, the national government is mounting a formidable response with a Sh20 billion security budget, as Interior Cabinet Secretary Kithure Kindiki announced.

Tightening the border: A defensive strategy

Kenya is bolstering its border security with Somalia as part of its comprehensive response. The nation has constructed 14 fully equipped forward operating bases along the border, set to play a critical role in the phased reopening of border points in Mandera, Lamu, and Garissa.

Kenya remains on high alert, with Somalia’s aggressive crackdown on al-Shabab since last year causing many militants to seek refuge in Kenya.

According to North Eastern Regional Commissioner John Otieno, these militants have infiltrated at least four sub-counties in Wajir alone.

Local communities are integral to the Kenyan government’s strategy, helping track terrorists moving from Somalia to Kenya.

“Patriotic elders have undertaken to work with us to defeat terrorism,” Mr. Otieno said after a meeting with clan elders and religious leaders.

However, not everyone trusts this approach. Mandera resident Mr. Hassan Gure warns against blind trust.

“Most of the al-Shabab militants are locals who understand our environment very well; some are our sons. How does the government know it’s dealing with a genuine person?”

The rising tide of collaboration between locals and militants, fueled by fear of reprisals and high poverty levels, continues challenging counter-terrorism efforts.

This worrying trend signals an urgent need for action to mitigate the burgeoning terror threat on Kenya’s northeastern frontlines.

Minnesota: Somali man admits $250M Feeding Our Future fraud

Minneapolis (Caasimada Online) – A Bloomington man has pleaded guilty to his role in the $250 million fraud scheme that exploited a federally-funded child nutrition program during the COVID-19 pandemic, announced U.S. Attorney Andrew M. Luger.

According to the defendant’s guilty plea and court documents, Abdulkadir Awale, 50, admitted that from April 2020 through 2022, he knowingly participated in a fraudulent scheme to obtain and misappropriate millions of dollars in federal child nutrition program funds that were intended as reimbursements for the cost of serving meals to underprivileged children.

According to the defendant’s guilty plea and court documents, Awale enrolled his businesses, Karmel Coffee, LLC, Sambusa King, Inc., and Nawal Restaurant, Inc., in the Federal Child Nutrition Program as vendors under the sponsorship of Feeding Our Future and Sponsor A.

Awale falsely claimed that through his businesses, he provided food for more than 3.6 million meals to various sites in Minnesota, totaling approximately $11.8 million in fraudulent Federal Child Nutrition Program funds.

As part of the scheme, Awale also paid at least $83,000 in kickbacks to a Feeding Our Future employee in exchange for Awale’s participation in the program.

Awale used some of funds to pay off his home mortgage, make cash withdrawals, and purchase vehicles, including two Freightliner Cascadia trucks.

Awale pleaded guilty today before Judge Nancy E. Brasel to one count of wire fraud and agreed to pay restitution in the amount of $2,126,200. A sentencing hearing will be scheduled at a later time.

This case is the result of an investigation conducted by the FBI, IRS – Criminal Investigations, and the U.S. Postal Inspection Service.

Assistant U.S. Attorneys Matthew S. Ebert, Joseph H. Thompson, Harry M. Jacobs, and Chelsea A. Walcker are prosecuting the case. Assistant U.S. Attorney Craig Baune is handling the seizure and forfeiture of assets.

SHARIIF oo war culus kasoo saaray dagaalka Baraawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay dagaalka magaalada Baraawe, kaasi oo dhaliyay khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

Dagaalka Baraawe ka taagan ayaa wuxuu u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada Daraawiishta dowlad-oboleedka Koonfur Galbeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horreyn waxa uu tacsi ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, halka intii ku dhawacantay u rajeeyay caafimaad sariic ah.

Waxa uu nasiib darro aad u weyn ku tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ku dagaallamaan Baraawe oo cadowgu hareeraheeda joogo, shacabkiina ay ka qaxaan guryahoodii.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dalbaday in dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay sida ugu dhaqsaha badan usoo fara-geliyaan arrintaan.

“Dowladda fedraalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waa inay si deg deg ah u xalliyaan xiisadda magaalada Baraawe,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in xoogga labada ciidan ee ku dagaalamaya magaalada Baraawe loo jiheeyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka kooxda.

“Ma ahan wax la aqbali karo, waana in laga hor tago in markale ay qaxaan Shacab Soomaaliyeed,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Si kastaba, dagaalka Baraawe ee u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay illaa dhowr iyo toban qof oo labada dhinac ah, walina xiisad ayaa kacsan.

Sweden’s NATO quest faces Erdogan’s protest test

Ankara (Caasimada Online) – Turkey’s President, Tayyip Erdogan, has hinted at a potential roadblock in Sweden’s bid for NATO membership, tying the prospect to managing anti-Turkey protests in Stockholm.

Erdogan relayed this message to reporters on Tuesday during a return flight from Azerbaijan.

Erdogan emphasized that Turkey’s approach towards Sweden’s NATO bid will be governed by how “terrorist” protests in Stockholm are addressed.

This firm stance is expected to resonate in the discussions with Swedish officials set to take place in Ankara on Wednesday.

In recent times, Turkish-Swedish tensions were exacerbated by a protest in Stockholm last month.

The demonstration, which expressed anti-Turkey and anti-NATO sentiments, drew particular ire when the Kurdistan Workers Party (PKK) flag, a militant group outlawed in Turkey and the European Union, was projected onto the Swedish Parliament building.

Addressing Ankara’s security concerns

Sweden claims to have been abiding by an agreement made with Turkey in Madrid, specifically targeted at assuaging Ankara’s security worries. These included the implementation of a new anti-terrorism law in Sweden.

Stockholm insists it is adhering to both national and international laws regarding extraditions.

However, Erdogan’s viewpoint remains critical, as he insists this isn’t simply a matter of amending laws or constitutional changes.

He argued for a more active role from the Swedish police in preventing such protests.

A pivotal alliance

Turkey and Hungary have been vocal dissenters against Sweden’s ascension to NATO membership.

This resistance comes despite Turkey ratifying Finland’s application for NATO membership in March.

The core of Turkey’s objection against Sweden’s bid lies in accusations that Stockholm provides refuge to members of Kurdish militant groups, viewed as terrorists by Ankara.

Erdogan has also shared his concerns with NATO Secretary-General Jens Stoltenberg, insisting that Sweden must curb such protests to gain Turkey’s approval for its NATO membership bid.

On the other side, after meeting with Erdogan, Stoltenberg optimistically expressed that a deal concerning Sweden’s NATO membership could be finalized before the forthcoming NATO summit in Vilnius next month.

With Sweden’s bid for NATO membership hanging in the balance, the coming weeks will indeed unfold intense diplomatic negotiations.

Erdogan’s hard stance on the issue may dictate these discussions’ direction, ultimately shaping Sweden’s NATO destiny.

Xog: Muxuu salka ku hayaa dagaalka BARAAWE?

Baraawe (Caasimada Online) – Labadii maalin ee tegay dagaallo ayaa ka dhacay degmada Baraawe, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada daraawiishta dawlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya. 

Inta aan ka warhayno, ilaa dhawr iyo toban qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, walina xiisad ayaa kacsan.

Hadaba Maxay yihiin ciidmadaan isku haya Baraawe? 

Ciidmada milatariga Soomaaliya: oo ku sugan magaalada Baraawe ayaa ah kuwii kala wareegay Al-Shabaab magaalada Baraawe sanadkii 2014 kii, tan iyo xilligaas waxay ku sugnaayeen magaalada, amniga ayayna sugayeen.  

Waxay hoostagaan qaybta lixdanaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed, waxaana taliye u ah Generaal Aadan Abshir Nuure Laba-Afle. 

Ciidamada daraawiishta ee Koonfur-galbeed: ayaa ah kuwa bilowgii qayb kamid ah lagu aasaasay gudaha magaalada, balse markii dabme ayay balaarteen oo ciidamo xoojiya looga keenay magalaada Baydhaba. 

Ku dhawaad horin ciidamadaas ah ayaa waxaa magaalada keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Saddex duulimaad ayay ku yimaadaan ciidamadaas gudaha Baraawe sanadkii 2021 kii.

Sidoo kale safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay ku tageen Baraawe, dhawr unug oo ciidamo ah oo la socday wafdiga ayaa magaalada la gaaray lamana soo celin. Waxaa naloo sheegay inay qayb ka yihiin ciidamada daraawiishta ee la rabo inay qabsadaan magaalada

Yaa ka arrimiya Baraawe?

Baraawe waxay leedahay mamamul dagmo oo ka kooban gudoomiye, kuxigeen iyo gole deegaan. Balse waxaa ku sugan magaalada oo inta badan maamulkeeda gacan wayn ku leh ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidamo daraawiish ah oo ka socda dawlad goboleedka Koonfur-galbeed oo doonaya in ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada.

“Ciidamada milatariga waxay ku sugan yihiin caloosha magaalada, iyaga ayaana ku sugnaa muddo aad u dheer, marka waxaa la doonayaa in gacan ku haynta magaalada lagu wareejiyo ciidamada daraawiista,” ayuu yiri mid kamid ah golaha deegaanka oo ka cudurdaartay inaan magaciisa xusno.

Sidee ku bilowday dagaalkan?

Inta badan waddooyinka magalaada waxaa baro baaritaan ku leh ciidmada milatariga Soomaliya, balse xarunta madaxtooyada ee Koonfur-galbeed (oo ah xarunta dawladda) waxaa ku sugan ciidamda daraawiishta Koonfur-galbeed.

Goob aan sidaas uga fogayn dhismaha madaxtooyada ayuu ku yaallaa mid kamid ah baraha kontorool ee milatariga. Balse dagaalkan cusub waxaa dhaliyay muran soo kala dhexgalay laba xubnood oo ka kala tirsan labada ciidan, kaas oo sababay gacan ka hadal markii dambe isku badalay dagaal baaxad wayn oo laba safle ah, saacado badan qaatay, khasaarena sababay.

Gacan ka hadal dhexmara labadaan ciidan, ma ahan mid ku cusb Baraawe. Inta badan xiisad iyo isku qabsi mamaul ayaana dhexmara. Laakiin hadda waxaa su’aali ka taagan tahay, Maxay ciidamada dawladda oo uu haysto culays kaga imanaaya al-Shabaab isugu soo jeesanayaan xilligaan?

Guddoomiyaha Baraawe ayaan la xariirnay si aan su’aalo uga waydiino isku dhaca, nooma aysan suura galin inaan haleelno.

Dhanka kale milatariga Soomaaliya ee ku sugan Baraawe ayaa qadka taleefanka kula xiriirnay, balse way ka gaabsadeen inay ka hadlaan dhacdadaan.

Isha: BBC

Odawaa oo kulan la yeeshay taliyaha AFRICOM + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay taliyaha ciidamada Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika ee (AFRICOM), General Micheal Langley.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada-hadleen arrimo ku aadan ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale labada taliye ayaa kulankooda diirrada ku saaray xoojinta iskaashiga milatari ee ka dhexeeya dalalka Mareykanka iyo Soomaaliya, sida ay shaacisay warbaahinta qaranka.

“Labada taliye ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay daabacday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale labada sarkaal ay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, siiba guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha AFRICOM, Micheal Langley oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday in ay dhankooda sii ballaarin doonaan taageeridooda, si loo wiiqo awooda Al-Shabaab.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka, taageerada dhaqaale iyo mida milatari ee ay siiso Soomaaliya, wuxuuna Micheal Langley u xaqiijiyay inay ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn u taageero Soomaaliy, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo dhanka duqeynta ka caawiya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan la dagaalamaya kooxdaasi.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhank ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo laga gaaray.

Si kastaba, dagaalka oo haatan galaya wajigiisa labaad ayaa la filayaa inay kusoo biiraan dalalka dariska, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo laisku yiraahdo waddamada safka hore.

 

Jubbaland oo jawaab yaab leh ka bixisay diyaaraddii laga soo celiyay gobolka GEDO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa war la yaab leh kasoo saaray is hortaaggii shalay lagu sameeyay diyaaraddii sidday guddoomiyaha cusub ee  gobolka Gedo, kadib markii laga soo celiyay garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey.

Sayid Aadan ayaa sheegay in diyaaradda aan lasoo celin, balse uu damay gacankii laga hagayay, taas oo ay keentay inay weyso xiriirka garoonka, kadibna ay soo laabatay.

“Maanta diyaaraddii baxday gacankii laga hagayay ayaa la damiyay ama ka damay oo batari la’aan ayaa ku dhacday, marka diyaaraddii marka ay weysay xiriir garoonka ah ayay dib u noqotay” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray siyaasiyiinta Gedo ku sugan oo uu ku eedeeyay inay isbaaro dhigteen gobolka, ayna kasoo horjeedaan horumarka bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo hadalkiis sii wata ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay sugtaan doorashada, haddii ay rabaab isbeddal.

“Siyaasiyiinta roolkooda waa inoo ahaado isbeddalka Jubbaland oo ay raadinayaan, haddii uu xilliga dhammaado doorasho ayaan qabaneynaa waa inay tartamaan, laakiin isbaaro inay gobolkaas dhigtaan oo umadda gobolka lug gooyaan wax macno ah oo ay sameneyso ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guddoomiyaha cusub ee Gedo, Cabdullaahi Cadbi Jaamacuu  tegi doono Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin bulshada deegaanka.

“Guddoomiyaha wa tegaa, bulshada dadka deegaanka, waxgaradka iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol diyaar ayay u ahaayeen” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda Gedo ayaa mar kale soo laba kacleysay, kadib markii uu dhowaan maamul cusub gobolkaasi u magacaabay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Mareykanka oo $5 milyan dul-dhigay Cabdullaahi Cusmaan Maxamed (Injineer Ismaaciil)

0

Washington (Caasimada Online)Dowladda Mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil.

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu yahay Injineer khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in sidoo kale uu yahay la-taliyaha hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta Al-shabaab ee Al-kaib.

“Ma heysaa macluumaad ku saabsan Cabdullaahi Cusmaan Maxamed?” ayuu lagu yiri warbixinta uu soo saaray Mareykanka.

Waxa kale oo uu Mareykanku ballan-qaaday in qof kasta oo keena xogtiisa la qarin doono, isla-markaana lagu wareejin doono lacagta abaal-marinta ah ee la dul-dhigay Cabdullaahi.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, isla-markaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

5-tii Janaayo 2023 dowladda Mareykanka ayaa waxay 10 milyan oo dollar ugu yabooday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. 

Mareykanka ayaa sidoo kale 13-kii Janaayo 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii Hotel DusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada Nairobi.

Kulane oo hanjabaad yaab leh ka soo saaray khilaafka ka taagan gobolka Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kullane oo ka tirsan golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal adag oo uu kaga hadlayo xaaladda gobolka Gedo oo jahawareer maamul ku jira muddo seddax sano ah.

Wuxuu sheegay Xildhibaan Kulane in gobolka Gedo aysan suurtagal aheyn in loo gacan geliyo Jubbaland, “Nin kasta iyo koox kasta oo ku hamineysa ama haatan ku hawlan in ay gobol weynaha Gedo, ku dirqiyaan, ku jajuubaan ama tooda mutuxan u meeriyaan; waxaan leeyahay hays lugoynina,” ayuu yiri Cabdullahi Kulane.

Wuxuu intaas ku sii daray in Jubbaland ay horay ugu guul dareysatay isku dayga ay waddo hadda, isagoo sheegay in reer Gedo marar badan loo adeegsaday awood ciidan iyo dowlado shisheeye.

“Sina Suurtagal uma aha umana noqon doonto in Gedo la muquuniyo. Shalay bay ahayd oo lasoo tijaabiyey iyadoo la wato dawladdo shisheeye oo cudud ciidan ka joogto Jubbaland sidoo kale xadka ugu dheer la wadaaga Gedo, waana socon wayday,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdullahi Kulane.

Ugu dambeyntii wuxuu xildhibaankaan qoraalkiisa ku yiri, “Umadaha liibaanay taariikhda iyo dhacdooyinka tagtada ayey wax ka bartaan. Halka kuwa saaqiday aanay waxba ka baran tagtada. Wax la waayey Xaajoow, Ruuxii waalan baa u duda. Ballanteennu waa Jubbaland loo dhanyahay!”

Cabdullahi Kulane oo kursi Xildhibaan ka soo qaatay Galmudug intii ay socotay doorashadii BF ayaa ka mid ahaa saraakiishii NISA ee Farmaajo u adeegsaday in gobolka Gedo ay ka soo jaran Jubbaland-ta uu maamulo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo, taas oo hadda soo cusbooneysiisay hadal-heynta jahawareerka maamul ee sanadihii lasoo dhaafay ka jiray gobolkaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho oo siday xubno ka tirsan masuuliyiinta cusub ee gobolka Gedo uu u magacaabay Axmed Madoobe ayaa laga soo celiyay oo loo diiday inay ka degaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan gobolkaas u magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaashanaya ciidan ka socda dadka deegaanka oo weli diidan Jubbaland.

Soomaali horleh oo qirtay ku lug lahaanshaha fadeexada ka taagan gobolka Minnesota

0

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Andrew M. Luger ayaa Talaadadii sheegay in Cabdulqaadir Cawaale oo ka mid ah eedeysaneyaasha kiiskii la xiriiray ‘musuq-maasuqa’ barnaamijkii nafaqeynta carruurta uu qirtay dambigii lagu soo eedeeyay.

“Sida ku cad qirashada eedaysanaha iyo dukumentiyada maxkamadda, Cabdulqaadir Cawaale, oo 50-jir ah, ayaa qirtay in laga billaabo Abriil 2020 ilaa 2022, uu si bareer ah uga qaybqaatay qorshe been abuur ah oo uu ku lunsaday malaayiin doollar oo ah barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dawladda federaalka ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska xeer-ilaalinta Mareykan ee gobolka Minnesota.

“Cawaale wuxuu si been abuur ah u sheegay in isaga oo adeegsanaya ganacsigiisa uu qeybiyay in ka badan 3.6 milyan oo cunto ah goobo kala duwan oo ku yaalla Minnesota, taasoo dhan $11.8 milyan oo doollar oo been abuur ah” ayuu raaciyay bayaankan.

Xeer-ilaalinta ayaa inta ku dartay inuu shalay kahor qirtay garsoore Nancy E. Brasel hal dambi oo ahaa inuu qeyb ka ahaa ‘musuq-maasuqan’ isaga oo oggolaaday inuu bixiyo lacag dhan $2,126,200, iyada oo dhageysiga xukunkiisa la muddeeyay waqti kale.

Toddobaadkii hore, Maxamed Cali Xuseen iyo Luul Bashiir Cali oo ah lammaane deggan magaalada Faribault ayaa qirtey doorkii ay ku lahaayeen mashruucan oo ay dowladda Mareykanku sheegtay in lagu lunsaday $250 milyan intii lagu jiray masiibada COVID-19, sida uu ku dhawaaqay xeer-ilaaliyaha Mareykanka Andrew M. Luger.

VOA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahin ka bixiyey laba arrin oo muhiim ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud, oo ka qeybgalay meertada 14-aad ee shirka IGAD, ayaa ka hadlay guulaha amni iyo siyaasadeed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya iyo halganka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay si loo nabadeeyo dalka in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, oo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, lagana saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Waxa uu intaas ku daray inay nabad iyo nidaam dowladeed ay ku naaloonayaan degmooyin ay kooxdu cadaadis ku haysay muddo 15-sano ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyadoo la joogteyanayo kulamada golaha wadatashiga qaranka, ayna qabsoomeen ilaa 6-kulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somalia dib ugu soo laabtay.

Shirkii u dambeeyey ee golaha oo qabsoomay 24-27-ka May ayuu xusay madaxweynuhu inay ka soo baxeen go’aano muhiim ah, oo ay ku jirto in doorasho qof iyo cod ah dalka loo diyaariyo, islamarkaana golayaasha dowladdu ay ka shaqaynayaan hirgalinta heshiiskaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa garab istaag u muujiyey dalka aan walaalaha nahay ee Sudan oo ay colaadi ka socoto, waxaana uu madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalka Sudan iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan.

Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla Bariire + Khasaaraha

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada ATMIS ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Bariire ee gobolkaasi, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku dhaqan gudaha deegaankaasi.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay guri ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac.

Sida uu sheegay mid kamid ah ehellada dadka waxyeelada soo gaartay waxaa guriga uu ku dhacay hoobiya ku dhaawacmay hooyo, aabe iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen.

Shanta qof ee isku qoyska ah ayaa haatan lasoo gaarsiiyay gudaha magaalada Muqdisho, si looga dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray guriga ay daganaayeen qoyska oo ahaa danyar, taas oo uga sii dareyso dhibaatada soo gaartay dadkaasi.

ATMIS ayaa lagu eedeeyay inay marqibadii  uurto madaafiic, taas oo ay walaac ka muujinayaan dadka deegaanka oo haatan uu khasaare soo gaaray.

“Dhinaca AMISOM ayay ka yimideen madaafiicda, waxbay iska tuur tuuraan Maqribadii,” ayuu yiri mid kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada ATMIS oo ku aadan dhacdadaas lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen iyagu.

Ma’aha markii ugu horreyay oo ay ATMIS waxyeelo u geysato dad shacab ah, waxaana marar badan lasoo wariyay dhibaatooyin ay ciidamadooda ka geysteen Soomaaliya.

Si kastaba, dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, xilli dhowaan magaalada Buulo Mareer lagu laayay ciidanka Uganda, kadib weerar culus oo ay ku qaadeen xoogaga Al-Shabaab.

Tirada dadkii gaajada isugu dilay KENYA oo dhaaftay 300

Nairobi (Caasimada Online) – Tirada dadka macluusha isku dilay ee Kenya ayaa kor u dhaaftay 300 Talaadadii ka dib markii ay mas’uuliyiintu kasoo saareen meydad horleh meel kayn ah, taas oo ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee la xiriira cibaadada ee taariikhda dhaw.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka tirsanaayeen kaniisada Good News International Church, oo uu hoggaamiyo Paul Mackenzie, kaasoo lagu eedeeyay inuu xertiisa ku amray inay naftooda iyo carruurtooda gaajo isu dilaan, si ay jannada u galaan ka hor dhammaadka adduunka.

Wadarta dhimashada ayaa hadda gaartay 303 qof kadib markii 19 mayd laga soo saaray xabaalo wadareedyo ku yaalla keynta Shakahola ee koonfur-bari ee dalkaas.

In ka badan 600 oo qof ayaa weli lagu soo waramayaa in la la’yahay, sida ay sheegtay mas’uul ka tirsan gobolka Rhoda Onyancha.

Baarayaasha todobaadkii hore waxay balaadhiyeen baaritaankooda si ay u daboolaan aag ballaaran oo gobolka ah si ay isugu dayaan in ay ku xisaabtamaan dhibanayaal badan.

Ku dhawaad 65 qof oo taabacsan ninka isku magacaabay wadaadka ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay is dilaan Isniintii kadib markii ay diideen inay wax cunaan intii u dhaxaysay June 6 iyo June 10 intii ay ku sugnaayeen xarun samatabbixin ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki ayaa walaac ka muujiyay bishii hore in qaar ka mid ah xerta Mackenzie ee la badbaadiyay ay diideen cuntada. Mid ka mid ah ayaa dhintay, ayuu yiri.

Mackenzie ayaa bishii April isku dhiibay booliiska waxaana loo diiday inuu ku baxo damiin bishii hore.

VOA + Reuters.

Sawirro: Catriona Laing oo saddex qodob kala hadashay madaxweyne Lafta-gareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa shalay gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Catriona Laing ayaa waxaa madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo uu wehlinaayeen wehlinayeen Wasiiro, La-taliyaal iyo sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.

Ugu horreyn Ergeyga QM ee Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa ugu mahad-celisay Laftagareen iyo golaha wasiirada soo dhoweynta ay u sameeyeen, maadaama ay booqashadeedii ugu horreysay ku gaartay maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in socdaalkeeda uu ku qotomo isbarasho iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha shaqo ee ay QM ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed.

Intaas kadib labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin taageerida wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, xoojinta hirgelinta mashariicda hormarineed ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ku soo noq-noqday dalka.

Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaabinta ayaa ka warbixiyay ujeedka kulankooda, wuxuuna sheegay inuu daarnaa wada shaqeynta dhex-marta labada dhinac, maadaama haweeneyda ku cusub tahay xafiiska oo mardhow loo soo magacaabay.

“Aad ayaa u soo dhaweyneynaa imaatinkeeda, waxaana ku kala tageynaa is faham fiican iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Waa maamul goboleedkii saddexaad oo ay booqaneyso Catriona Laing oo todobaadkii hore soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna horay u tegay Puntland iyo HirShabelle.

Waxaa kale oo a horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada.

Daawo: Xildhibaano ka soo jeeda KG oo war culus ka soo saaray dagaalkii Baraawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada iyo senatorrada ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xiisadda ka taagan magaalada Baraawe ee caasimadda maamulkaas.

Baraawe, waxaa ka taagan xiisad culus oo qaraxday gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay gudaha magaalada ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo daraawiishta Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada laga soo doorto deegaanada K/Galbeed ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala magaaladaas, iyagoo sheegay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay shacabka reer Baraawe dhibane u yihiin ciidankaas militeriga ah.

“Weerarkii shalay ay madaxtooyada K/Galbeed ku qaadeen ciidanka SNA, waxaa masuuliyadiisa qaadaya taliyaha ciidankaas Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, wuxuu qalqal geliyey xasilloonida degmada Baraawe, wuxuuna caqabad ku yahay jiritaanka maamulka K/Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xildhibaanada.

Eedeynta ay xildhibaanadu u jeediyeen sarkaalkaas ayaa lagu yiri, “Cabdiraxmaan isagoo huwan shaarka dowladda wuxuu 10-kii sano ee lasoo dhaafay dhibaato ku hayey shacabka degmada Baraawe, wuxuuna sarkaalkaan ka soo hor jeedaa jiritaanka dowladnimada K/Galbeed.”

Sidoo kale xildhibaanadaan waxay bayaankooda ku sheegeen in guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose lagu dhibaateeyo shacabka, maadaama saraakiisha hoggaamisa ciidanka SNA ee gobolkaas joogay ay isku heyb yihiin, sida ay sheegeen xildhibaanada K/Galbeed ku metela BFS.

“Waxaan cambaareyneynaa ciidanka ATMIS ee ka howlgala degmada Baraawe, waxay garoonka diyaaradaha ee degmadaas ku wareejiyeen maleeshiyaad qabiil oo sheegta SNA,” ayuu yiri Xildhibaankii akhriyey bayaanka Xildhibaanada.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS ay askari dhaawac ah ku wareejiyeen ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe, kaas oo goobta lagu toogtay, sida lagu cadeeyey bayaankaan.

“Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe lasoo qaado, kadibna laga qaado tallaabo waafaqsan dunuubta ay geysteen,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka xildhibaanada.

Hoos ka daawo

Daawo: Aabe 60 sano jir ah oo lagu dhex dilay saldhigga degmada Dharkenley

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo saldhigga Dharkenley loogu geystay marxuum Xasan Cabdulle Maxamuud (Giriig) oo 60 jir ahaa, kaas oo sidoo kale caan ka ahaa ka ahaa xaafadda Kaawa Godey.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka lagu dhex-dilay saldhigga Booliska ee degmadaasi, kadib markii ay goobtiisa ganacsi kasoo wateen ciidamo ka tirsan booliska degmada.

Marxuumka ayaa dukaan yar ku lahaa xaafadda Kaawo Godey, halkaas oo ay ugu tageen askarta lagu eedeeyay dilkiisa, waxaana la sheegay in marka hore ay lacag weydiiyeen, markii uu ka dhaga adeegana ay jir dileen, sidoo kalena ay horay u kaxeysteen Aabahaasi.

Nin la dhashay marxuumka oo la hadlay Somali Cable ayaa sheegay in walaalkiis ay dileen ciidamo ka tirsan kuwa booliska ee saldhigga degmada Dharkenley, wuxuuna tilmaamay in markii ay wateen kadib ay soo waceen, ayna u sheegeen in walaalkiis uu dhintay.

“Walaalkey sandaqadaan ayuu baraf iyo cabitaan ku iibinaayay meeshaan ayay ugu yimaadeen way wateen, kadibna cimaamadii uu watay ayay indhaha uga xireen wayna jir dileen nus saac kadib ay isoo waceen waxayna i dheheen walaalkaa waa dhintay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Taliyaha ciidamada Dharkenley ayaa dilay, laakiin waxay igu dheheen maxaabiis ayaa dishay anne waa ka diiday waxaas, waayo maxaabiista bir ma heystaan nin xabsi ku jiro maanta muxuu dili karaa?”.

Dhankeeda gabar yar oo uu dhalay marxuumka ayaa si dareen leh uga hadashay dilka Aabaheed oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka.

“Qof muslim ah oo Aabihiis sidaas loo gelaayo ma fiirsan karo anne waan ka xumahay, maadaama aan aabahey wax u qaban karin” ayay iyaduna tiri marxuumka gabadhiisa.

Ugu dambeyn xaaska marxuumka oo iyaduna wareysi siisay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegtay inuu ifka uga tegay afar carruur ah, waxayna sidoo kale baaq u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga oo ka dalbatay cadaalad.

“Cadaalad ayaan u baahanahay ilmaheyga Aabahood afar carruur ah ayuu igaaga tegay, hadda qaboojiye ayuu ku jiraa, iyagana inkiraad ayay wadaan” ayey tiri xaaska.