28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

CC Shakuur oo ka falceliyey tallaabooyinka ay qaaday NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA oo haatan ku tallaabsatay isbeddalo waa weyn.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warbixintiisa ku sheegay in NISA ay ahaan jirtay meel lagu dhibaateeyo shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, balse haatan taliska hay’adda uu wado qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo sumcadda iyo magaca hay’adda NISA.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay xafiiska cusub ee Garmaqalka Dadweynaha oo ay hay’addu soo kordhisay, si ay uga jawaabto cabashadooyinka shacabka iyo eedaha loo jeediyo.

“Ma’aha in muwaadinkuna uu cabadashiisa oo qur ah gudbiyo ee waa in uu tebiyaa haddii uu arko xadgudub lagula kacayo muwaadin kale,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waa mid siloon sooyaalka hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee (NISA). Burburkii ka hor iyo ka diba waxay ahaan jirtay hay’ada lagu caburiyo laguna cabsi geliyo shacabka iyo siyaasiyiinta. Taasi waxay dhalisay in dad badan ay sas iyo sumcad xumi la xariiriyaan magaca Hay’adda

Haddaba hagaajinta sumcada, magaca iyo waxqabadka hay’adda waa laga maarmaan. In loo sameeyo sharci ay labada Gole ee Baarlamaanka kula xisaabtami karaan Hay’adda iyo hawl-wadeenkeedu waxay ahayd tilaabo wanaagsan.

Furitaanka xafiis ay dadwaynuhu toos ugu gudbin karaan tabashada ay ka qabaan xadgudubyada ay galaan saraakiisha ama Ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah, ku-takrifalka awoodeed, cadaalad-darrada, musuqmaasuqa iyo dhamaan dhaqannada dhaawici kara sumcada Hay’adda ama bani-aadanimada ka baxsan., waa tallaabo shacabka u furaysa ilinka la xisaabtamka NISA.

Dalal badan ayaa leh xafiisyo iyo hay’ado madaxbanaan oo looga cawdo xadgudubyada iyo takrifalka ay gaystaan hay’adaha amniga, waase kuwo ka madaxbanaan hay’adahaas.

Hayeeshee in uu hoggaanka hay’addu hal abuurkan oo kale la yimaado, iyadoon cidna ku qasbin waa tillaabo boggaadin mudan, waxayna waxna ka tari doonta dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada, sababtoo ah dagaalka lagula jiro argagexisada waxaa lafdhabar u ah sirdoon bulsho (Community Intelligence), kasoo ay lagama maarmaan tahay in shacabku ku kalsoonaado hay’adda sirdoonka, si ay ula wadaagaan xogta la xariirta argagexisada.

Haddaba ma aha in muwaadinkuna uu cabadashiisa oo qur ah gudbiyo ee waa in uu tebiyaa haddii uu arko xadgudub lagula kacayo muwaadin kale, ama habdhaqan aan wanaagsanayn ee ay ku kacayaan ciidanka NISA.

Waxaan ku boorinaynaa laamaha kale ee amniga, gaar ahaan Booliska in ay ku daydaan hay’adda Nabadsugidda oo ay furaan xafiisyo looga cawdo xadgudubka ay ku kacaan ciidanka booliska.

Waxaan sidoo kale u soo jeedinyaa xukuumadda in ay dhisto xafiiska Gardoonka ee uu dhismihiisa farayo qoddobka 129aad ee dastuurka si ay dadweynuhu u helaan hay’ad madaxbannaan oo looga cawdo xadgudubyada ciidamada iyo hay’adaha kale ee maamulka Dawladda.

Sawirro: R/W Xamza oo daah-furay mashruuc ay dhaqaale badan ka heleyso Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay mashruuc muhiim ah oo ah dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo Boqortooyada Sacuudiga.

Munaaabadda daah-furka oo ka dhacday hotel Jaziira ayaa waxaa ka qayb-galay wasiiro, xildhibaano, safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya, ganacsatao iyo marta sharaf kale.

Ra’iisul wasaare Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa mashruucan ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya, maadaama ay ogolaatay Sacuudiga.

Sidoo kale waxa uu xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha oo caan ku tahay Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.

Dhanka kale, Xamza oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga ee bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.

Si kastana Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal galisay in dowladda Sacuudigu ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, taas oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee horumarinta dhaqaalaha dalka.

PUNTLAND oo xukun adag ku ridday raggii qoyska ku dhibaateeyay BOOSAASO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun ka soo saartay kiiskii xasaasiga ahaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Boosaaso, kadib markii lix dhalinyaro ah ay dhibaateen qoys degan magaaladaasi, kadibna ay ka duubeen muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada, isla-markaana dhaliyay caro aad u xoogan.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee magaalada Boosaaso oo la horgeeyay eedeysanayaasha ayaa ku ridday xukun xabsi ah, ganaax lacageed iyo sidoo kale magdhow.

Mid kamid eedeysanayaasha oo lagu magacaabao Yuusuf Axmed Cali, isla-markaana hoggaaminayay dhalinyarada falkan geysatay ayaa lagu xukumay lix sanno oo xarig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkaamdda Darajada Koowaad ee magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Maxkamadda ayaa sidoo kale raggan ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan min 4,000 oo doollar iyo magdhowga muuqaalka ay faafiyeen oo ah min 1,000 doollar oo kale.

Guud ahaan lacagta la saaray dhalinyaradaan ayaa noqoneyso 25,000 oo doollar, taas oo ka dhingan in qofkiiba lagu ganaaxay lacag gaareysa 5,00 oo doolar.

Sidoo kale maxkamadda ayaa intaasi kusii dartay in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon maalin gudahood ah, kaasi oo ay qaadan karaan dhamaan lixda eedeysane.

Kheyriya Maxamed Cali Afweyne oo ah gabadha qoyskeeda la weeraray, arrintuna ay ka bilaabatay ayaa horay u sheegtay inay ku faraxsan tahay in la maxkamadeeyo raggan.

“Annaga waxaan ku faraxsanahay in maxkamad la horgeeyo, cadaaladda la marsiiyo, markaas ayaan qanceynaa oo cadaalad baan helnay ayaan dhihi doonaa, waxbaa la qabtay iyo wax baa la xiray cadaalad uma arko.” ayey tiri Kheyriya Maxamed Cali Afweyne.

Sida laga arki karo muuqaalka, kooxdaan ragga ah oo aan wajiyadooda loo jeedin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya, sidoo kale waxay aad ugu hanjabayaan hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah, taas oo sii kordhisay carada kiiskan.

Diyaarad sidday maamulka cusub ee gobolka Gedo oo laga soo celiyay Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta diyaarado ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliyaa, kuna sii jeeday gobolkaas laga soo celiyay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah Gedo.

Diyaaradaha oo labo ahaa ayaa mid kamid ah waxa ay waday mas’uuliyiinta maamulka cusub ee uu dhowaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in labada diyaaradood ay is hortaag ku sameeyeen mas’uuliyiintii horay ugu sugnaa gobolka oo kaasnahaya dadka deegaanka ee weli diidan Jubbaland.

Labada diyaaradood ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku soo laabteen gudaha magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka baxeen, maadaama dib loo soo celiyay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha mas’uuliyiintan lagu geynayay Gedo ay qayb ka aheyd dowladda federaalka, balse haatan lagu guul darreystay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan is hortaagga lagu sameeyay mas’uuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Gedo.

Dhowaan ayaa Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay Gedo, taas oo uga sii dartay xiisaddi horay uga taagneyd gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. 

Si kastaba, arrinta gobolka Gedo ayaa u muuqato mid kasii dareysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama ay haatan xiisadda sii xoogeysatay.

Xamza iyo NISA oo $20,000 ku abaal-mariyey wiil bixiyey xogta qarax la qorsheeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo uu garab taagnaa Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay wiil dhalinyaro ah oo soo sheegay qarax la fashiliyay.

Muwaadinkan ayaa hay’adda NISA usoo dusiyay xogta Mooto Bajaaj siday qarax ay kooxda Al-Shabaab ay doonaysay inay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed, waxaana la guddoonsiiyey lacag dhan 20-kun oo dollar.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay sawirka wiilkan dhalinyarada ah oo ra’iisul wasaaruhu guddoonsiinayo abaalmarinta lacageed, ayada oo wejigiisa la qariyay oo sawirkiisa ku furtay humaag, si uusan bartilmaameed ugu noqon kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal kooban ka jeediyay munaasabaddaasi oo ka dhacday xarunta Taliska Guud ee NISA ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wada-shaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka.

Sidoo kale waxa uu ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka hay’adda NISA ayaa horraantii bishii May fashiliyay qaraxaasi, oo kooxda Al-Shabaab la damacsaneyd Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay xilligaasi ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarkaasi la fashiliyay.

Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka hay’adda, ayaa waxa uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay NISA, oo mar si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda, xilli ay hadda safka hore uga jirto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo shaaciyay marxalada uu marayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay meertada 14-aad ee shirka IGAD, ayaa shaaciyay halka uu marayo heshiiskii dhawaan Golaha Wadatashiga Qaranka uu ku gaaray Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa marka hore xusay in shirkaasi kasoo baxeen go’aano muhiim ah oo ay ku jirto in doorasho iyo qof cod ah dalka loo diyaariyo.

Waxa uu sheegay in heshiiskii lagu gaaray shirkaasi, ay hadda ka shaqeynayaan golayaasha dowladdu hirgalinta heshiiskaas, xilli ay si adag uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu khudbadiisa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay tallaabooyin muhiim u ah qaaday si loo nabadeeyo dalka, oo ay ugu horreyso dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo looga saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

“Nabad iyo nidaam dowladeed ayay ku naaloonayaan deegaanada iyo degmooyin ay kooxdu cadaadiska ku haysay muddo 15 sano ah.”

Waxa uu sheegay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.

Mudane Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyada oo la joogteyanayo kulamada golaha Wadatashiga Qaranka, ayna qabsoomeen ilaa lixbkulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somalia dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu garab istaag u muujiyey dalka Suudaan oo ay colaadi ka socoto, wuxuuna madaxda dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalkaasi iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan.

Sawirro: Booliska Puntland oo burburiyay warshad lagu sameeyo khamriga

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso.

Booliska ayaa howl-galkaas ku burburiyay warshad Khamriga samaysa oo ku taallay xaafad ka tirsan magaalada Boosaaso.

Qoraal kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in howl-galka lagu baabi’iyay warshadda Khamriga ay fuliyeen ciidamo uu hoggaaminayo taliyaha saldhiga bartamaha Boosaaso Dhamme Cabdullaahi Faras.

“Taliyaha Saldhiga Bartamaha Bosaso Dhamme Cabdilaahi Faras iyo ciidamo uu hogaaminayay ayaa caawa sameeyay Howlgalo ka dhan ah Maandooriyaha waxaana inta ay howlgaladu socday lagu burburiyay Warshad khamriga lagu sameeynayay oo ku taalay mid ka mid ah xaafadaha Bosaso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Puntland.

Taliye Cabdilaahi Faras ayaa dhankiisa sheegay inay sii wadayaan howl-galada ka dhanka ah maandooriyaha, “Waxaan had iyo jeer xoojin doonaa howlgaladan anagoo dabar goyn doona Maandooriyaha si loo helo deegaan xasiloon oo amni ah”

Ciidamada Booliska Puntland ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha, kuwaasi oo si gaar ah loogu beegsanayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, oo dhibaato badan ku haya bulshada maamulkaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii magaalada Garoowe uu iska hor-imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ku dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.

Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya magaalooyinka maamulkaasi.

Daawo: DF oo iska fogeysay eedeyn duulimaad oo kaga timid Soomaalida degan UK

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay qoraal lagu daabacay baraha bulshada, gaar ahaan Twitter oo ku saabsanaa cabasho ay qabeen qoysas Soomaaliyeed oo doonaya inay Soomaaliya u soo safraan.

Qoysaaskaas ayaa diyaaradda Qatar Airways waydiisay warqad ka socota Safaaradda Soomaaliya ee Ingiriiska, waxaana warqadaas ka jawaabtay dawladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay safaaradda Soomaalida ee dalka Ingiriiska ayaa lagu yiri, “Safaaradda Soomaaliya ee London wax shardi ah oo la xariira warqad laga doonaya musaafiriinta oo ay rabto ma jirto.”

Dhanka kale, hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxafadeed ay ku cadeysay in amar dhankooda ka yimid oo shuruudo la kordhiyay ah uusan jirin.

“Dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee sameeya duulimaadyada caalamiga ah ee ka yimaada Yurub iyo Maraykanka waxaa la faray in ay qaadaan xannibaada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeeda hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Dhankeeda shirkadda duulimaadyada ee Qatar Airways kama soo bixin wax war ah oo ay ku faahfaahineyso arrintaan sababtay inay ka soo jawaabaan safaaradda iyo hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya UK Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa ka hadlay arrintaan isagoo sheegay in shirkadaha diyaaradaha ay la yimaadeen shuruud ah inay dal ku gal la yimaadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkooda u safraya.

“Arintaasi waxay ku egtahay shirkadaha diyaaradaha oo dowladda ama safaaradaha kama soo bixin amarkaasi, waxayna saameysay Yurub oo dhan,” ayuu yiri Danjire Cabdulqaadir Axmed Kheyr.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay safaaraddu kala hadashay shirkadaha duulimaadyada, isla markaana ugu dambeyn xal lagu gaaray in safaaraddu ay bixiso warqad cadeyneysa in dhalinyarada ku soo laabaneysa dalkooda ay dhalashadoodu sax tahay.

Hoos ka daawo wareysi uu safiirku siiyey Universal TV

Soomaaliya iyo Shiinaha ‘oo kor u qaadaya’ iskaashiga laba dhinac oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirka wadanka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mr. Fei Shengchao.

Labada masuul ayaa waxay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay la iskaga kaashan, oo kor loogu qaadi lahaa dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa ay si wada-jir ah u soo dhaweeyeen muhiimadda iskaashi ganacsi oo dhexmara labada dal, dhiiri-gelinta maalgashiga gaar ahaan isku xirka ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Shiinaha.

Iskaashigan ayaa dhabaha u jeexaya abuurista fursado ganacsi oo labada dhinac ah iyo weliba sidii looga wada-shaqeyn lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa waxa uu safiirka la wadaagay dadaalada ay ka dowlad ahaan sameeyeen ee khuseeya horumarinta iyo fududeynta ganacsiga wadanka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in maanta Soomaaliya u diyaarsan tahay inay wadanka ku soo dhaweeyaan maalgashadayaal caalami ah, si kor looggu qaado wax soo saarka waddanka, si ay Soomaaliya dheelitir ganacsi u la yeelato waddamada caalamka.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

Sweden: Maxkamad go’aan ka gaartay amarkii booliska ee gubitaanka kitaabka Quraanka

Stockholm (Caasimada Online) – Maxkamad racfaan ah oo ku taalla dalka Sweden ayaa Isniintii sheegtay in aanay boolisku awood sharci u lahayn inay diidaan ama hor-istaagaan mudaharaado la qorsheeyey.

Mudaharaadada la qorsheeyay ayaa la doonayey in lagu gubo kitaabka barakaysan ee Qur’aanka Kariimka ah.

Kadib markii bishii January ee sannadkan lagu gubay kitaabka Qur’aanka ah ee barakaysan, barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee Stockholm ku taalla ayaa arrintaasi waxay dhalisay cadho xooggan oo ka timi dunida Muslinka, horseeddayna mudaharaaddo lagu dalbanayo inaan la iibsan dhammaan alaabooyinka ay soo saarto Sweden.

Sidoo kale arrintaasii ayaa waxay cirka ku laashay rajadii dalka Sweden ee ahayd inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

Bishii February, waxaa markale codsi gudbistay laba kooxood oo qorsheeyey inay barxadda hore ee safaaradaha Turkiga iyo Ciraaq ku gubaan kitaabka Qur’aanka ah, hase ahaatee arrintaas waxaa diiday ciidamada booliska ee dalkaas.

Booliska Sweden ayaa sheegay in tallaabadii bishii January ay Sweden ka dhigtay mid bartilmaameed u ah weerarada.

Hase yeeshe arrintaas waxaa racfaan ka qaatay dhinacyada soo abaabulay labada mudaharaad, iyaga oo maxkamadda geeyey kiiskooda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in amarka iyo dhibaatada amni ee boolisku sheegay aanay lahayn tilmaamo cad oo ku xidhaya in mudaharaadada la qorsheeyey ay sababi karaan dhibaato degdeg ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aankeeda laga qaadan karo racfaan, islamarkaana loo qaadan karo maxkamadda sare.

Faah-faahin ku saabsan dil ka dhacay degmada Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Dilkan oo ka dhacay xaafada Dhagax-tuur, ayaa waxay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay dileen Cabdiqaadir Cabdi Cismaan oo loo yaqaanay (Jawaari).

Cabdiqaadir Jawaari ayaa waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay xaafadaha degmadaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamada Nabad-sugidda iyo Booliska magaalada, kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay howl-galo balaaran.

Ma jirto illaa hadda cid loo soo qabtay dilkaan ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo aan weli si rasmi loo ogeyn cidda ka dambeeysa dilkaas.

Hase ahaatee waxaa la sheegayaa in laamaha amaanka ay ku daba joogaan danbiilayaashii falkaasi geystay, oo ayagu markiiba iskaga baxsaday goobta.

Si kastaba, Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geysto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya maamulka, waxaana inta badan baxsada oo la soo qaban ragga fuliya dilalkaasi qorsheysan.

Mareykanka oo Shiinaha ku eedeeyay arrin xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in Shiinuhu uu sannadkii 2019, ka sameeyey dalka Cuba ee deriska la ah Maraykanka, xarumo sirdoon oo horumarsan.

Blinken ayaa u sheegay weriyayaasha, in markii uu madaxweyne Biden uu xafiiska la wareegay, bishii January ee sannadkii 2021, in lagu wargeliyey howl-gallo sirdoon oo Bejieng ay ka waddo caalamka, si ay kor ugu qaaddo hawlgalladeeda basaasnimo ee caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulkii hore ee Biden uu arrintan ka warhayey, hase ahaatee ay u soo baxday maamulka Biden, in Washington aanay xilligaas wax horumara oo wanaagsan aanay ka samaynin arrintan, sidii ay u xakamayn lahayd.

Blinken ayaa sheegay in tan iyo xilligaas, uu maamulka uu ka tirsan yahay ay bilaabeen, tallaaboon iyo xeelado cusub oo ay ku xakamaynayaan, arrintan.

Blinken ayaa intaas raaciyey, inay la kulmeen madax badan oo caalamka ah, oo xilligaas danaynayey inay marti-geliyaan saldhigyo uu Shiinuhu ka samaysto dalkooda.

Wuxuu sheegay in khubarada Maraykanku ay garawsadeen, in dedaalada diblomaasiyadeed ee Maraykanku inay hoos u dhigeen isballaadhintii hay’adaha sirdoonka ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa gaashaanka u daruuray eedaha loosoo jeediyey ee la xiriira inay howl-gallo sirdoon ka fuliyeen gudaha Cuba, taasi oo illaa 160 KM oo keliya u jirta gobolka Florida ee Maraykanka.

Tacsi ku socota Mako Xuseen Hadaafow iyo reer Hadaafow

Adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan oo kala ah Aba Cali Siid Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed.

Reer Cumar Xuseen Jimcaale Juungal, gaar ahaan Cabdicasiis Cumar Xuseen Juungal, Abuukar Nuur Muudey, Sayid Caraaye, Lemon Cabdulle Sabriye, iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Abuukar Cariif, Reer Maxamed Cumar Afrax, iyo Reer Maxamed Xasan iyo Xaliimo Hadaafow, Hindiyo Maxamed Cariif iyo Xasan Dalfac, Jamiila Maxamed Cariif, John Shaqaaq, Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiiska Faadumiina.

Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Mako Xuseen Hadaafow iyo seygeeda Yuusuf Yaxye, iyo dhammaan reer Xuseen Hafaadow, ayaga oo uga tacsiyeynaya geerida Cabdullaahi Xuseen Hadaafow oo Muqdisho ku geeriyooday June 13, 2023. 

Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo Iimaan Allaha ha naga siiyo, marxuumkana jannada fardowsa Allah ha ka waraabiyo.

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎

Daawo: Ninkii hooyadiis ku dilay magaalada Kismaayo oo sameeyey qirasho yaab leh

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Xasan Cabdullahi Cabdi oo maalmo ka hor hooyadiis ku dilay magaalada Kismaayo ayaa la hor geeyey maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Kismaayo, waxaana la dhageystay eedeynta xeer ilaalinta.

Sidoo kale waxaa la hor geeyey maxkamadda ninkaan oo qiranaya inuu si ku tala-gal ah u dilay hooyadiis, taas oo ka yaabisay masuuliyiintii joogtay goobta.

Xasan ayaa waxa uu Maxkamadda ka hor cedeeyey inuu miyir qabay oo wax xanuun ah uusan dareemeyn, markii uu Hooyadiis kula kacay falkaas.

Ciidanka booliska Jubbaland ayaa soo qabtay ninkaan markii uu geystay dilka Hooyadiis, isagoo isku dayey inuu baxsado, waxaana toos loogu gudbiyey xeer ilaalinta.

Xafiiska xeer ilaalinta Jubbaland ayaa Xasan shalay hor geeyey maxkamadda, waxaana qiraalkiisa kadib lagu celiyey xabsiga.

Maxkmadda ayaa ogolaatay in toddobaad xabsiga lagu sii hayo Xasan, iyadoo lagu sameynayo mudadaas baaritaano dheeraad ah, 7-cisho kadibna waxaa dib loogu celinayaa maxkamadda.

Kiiskaan ayaa argagax ku abuuray dadka reer Kismaayo, waxaana aad loogu faaqiday baraha bulshada ee guud ahaan Soomaalida, waxayna dadku muujiyeen inay aad ugu farxeen soo qabashada ninkaas.

Xasan Cabdullahi waxaa la sheegay in Hooyadiis ay dhawaan dadka ku soo celisay, kadib markii uu qurbaha ku dhaqan doorsoomay, wuxuuna ugu dambeyn ku dilay magaalada Kismaayo oo dhaqan celin ay u keentay.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaanada BF ku metela gobolka Gedo oo war culus ka soo saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku metela gobolka Gedo ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen war-saxaafadeed ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan xaaladda gobolkaas.

Xildhibaanada ayaa warbaahinta u akhriyey bayaan toddoba qodob ka kooban oo ay ka soo saareen xaaladda gobolkaas, iyagoo si weyn u taageeray maamulka cusub ee madaxweynaha Jubbaland uu u magacaabay gobolka Gedo.

“Waxaan soo dhaweyneynaa maamulka cusub ee Jubbaland ay u magacowday gobolkaas, waxaana bulshada ugu baaqeynaa inay la sheeqeeyaan maamulka cusub, sidoo kale waxaan kula dardaarmeynaa masuuliyiinta la soo magacaabay inay la yimaadaan firfircooni shaqo iyo xalka gobolkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaanada.

Sidioo kale xildhibaanada ka soo jeeda Gedo waxay farriin u direen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, iyagoo ka codsaday inay si deg deg u fasaxaan mashaariicda ka xayiran dadka reer Gedo.

“Waxaan soo jeedineynaa in amniga iyo kala dambeynta gobolka Gedo ay gacanta ku soo dhigto dowladda federaalka, maadaama ciidanka jooga gobolkaas ay toos u hoos tagaan dowladda dhexe,” ayaa lagu yiri bayaankaan maanta ka soo baxay xildhibaanada.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayey xildhibaanadaan ku bogaadiyeen doorka ay ka qaateen in gacanta maamulka Jubbaland dib loogu celiyo gobolka Gedo.

Ilaa 11 xildhibaan ayaa ku saxiixan bayaanka ay maanta soo saareen xildhibaanada dowladda federaalka ku metela gobolka Gedo oo muddo seddax sano ah ku jira jahawareer maamul, kadib markii uu Farmaajo gobolkaas ka jaray Jubbaland, una gacan geliyey siyaasiyiin ku mowqif ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmo ka hor maamul cusub u magacaabay gobolkaas, balse xubnihii la magacaabay waxay diidmo culus kala kulmeen siyaasiyiinta maamusha gobolkaas oo awood ku joogta meesha, inkastoo dhamaan magaalooyinka maamulkaas ay joogaan ciidamada dowladda federaalka.

Hoos ka daawo bayaanka xildhibaanada

Dagaal culus oo caawa ka socda Baraawe iyo khasaare ka dhashay – Yaa isku haya?

0

Baraawe (Caasimada Online) – Dagaal culus oo soo bilowday galabta, soona gaaray caawa ayaa ka dhacay degmada Baraawe oo gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed.

Dagaalka ayaa u dhaxeey ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya oo fariisin ku leh gudaha magaalada Baraawe iyo ciidanka daraawiishta koonfur Galbeed ee magaaladaas jooga.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ay ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ay dileen askari magaciisa lagu soo koobay Suusac oo ka tirsanaa militeriga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidanka militeriga ah oo ka carooday askarigii laga dilay ay ugu yaraan seddax askari ka dileen ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed.

Intaas kadib waxaa magaalada ka bilowday dagaal culus, waxaa lasoo sheegayaa in khasaare nafeed uu soo gaaray dadkii shacabka ahaa eek u noolaa magaalada Baraawe, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaruhu.

Ilaa hadda waxaa gudaha magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyo madaafiic ay isku ridayaan labada dhinac, dad badan waxay ka qaxeen magaalada, halka dadka qaar ay ku go’doonsan yihiin gudaha magaalada.

Xaaladda magaalada Baraawe ayaa caawa ah mid colaadeed, waxaana dentay korontadii magaalada, mana jirto qof shacab ah oo guriga ka soo bixi karta, halka dadkii fursadda u helay ay isaga baxeen magaalada.

Shacab badan oo banaanka magaalada u cararay ayaa caawa beylah u ah kooxda Al-Shabaab, maadaama ay joogaan daafaha magaaladaas oo mararka qaar ay madaafiic ku tuuraan magaalada.

Sawirro: Mahad Salaad oo xarun cusub kusoo kordhiyay NISA + Waxa ay qabaneyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta kormeer ku tagey xarunta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa daah-furay xafiiska “Garmaqalka Dadweynaha”.

Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xad-gudubyada ay galaan ciidamada NISA.

Xad-gudubyadan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin kuwa ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan cusub ee lagu soo kordhiyay hay’adda NISA.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku ammaanay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay’adda.

Mudane Xamza ayaa ka marqaati kacay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka sannadihii dhawaa.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay hoggaannada kala duwan ee hay’adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.

Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka hay’adda, ayaa waxa uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay NISA, oo mar si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda, xilli ay hadda safka hore uga jirto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka Qaranka ayaa hadda ah hay’ad sharci leh, kaasi oo soo afjaraya tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA iyo mad-madow oo ku gadaamna hay’addan.

Sawirro: Tallaabo cusub oo maanta loo qaaday hanaanka deyn cafinta Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ka furmay shirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa uu socon doona muddo afar maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar kamid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya oo hoggaan ay u tahay Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF/Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa inta uu socdo ayaa waxaa la sheegay in diiradda lagu saarayo horumarinta soosaarka dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo dowladeed oo loo dhan yahay, si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa hore iskula qaatay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.

“Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka,” ayaa xilligaas lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Baydhabo ee DF iyo dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayna ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.

Sawirro: Safaaradda Somalia ee Sudan oo la bililiqeystay

0

Khartoum (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubeysan ayaa maanta bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas.

Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq oo arrintaan si weyn u cambaareeyay ayaa waxa uu sheegay in gaadiidka safaaradda ee la bililiqeystay ay yaaleen guriga uu ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

“Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la qaateyna gawaaridii safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuushnimada ah waxaa sameeyey maaleeshiyaad hubeysan oo aan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha diblumasiyiinta.“

Horey waxaa loo dhacay dhismaha safaaradda, ayada loo geystay bililiqo xoogan, waxayna qeyb ka tahay xarumo dowladeed oo tan iyo markii uu billowday dagaalka Suudaan la bililiqeystay, kuwaasi oo ay kamid tahay xarun weyn oo ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Khartoum ee caasimada dalkaasi.

Xaaladda dalka Suudaan ayaa weli ah mid cakiran, kadib markii ay si lama filaan ah uga qarxeen dagaallo qaraar oo u dhexeeyo ciidanka milatariga iyo kuwa gaarka ee RSF.

Si kastaba, dagaalka labada dhinac ayaa meesha ka saaray qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

R/W Xamza oo hortagay guddoonka BF kadib markii loo yeeray – Sidee wax u dhaceen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta hortagay guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS.

Kulanka oo uu guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wax laga weydiiyay hannaanka shaqo ee xukuumadda, iyada oo guddigu uu caddeeyay in la bilaabi doono hannaan lagula xisaabtamo oo mid mid wasiirada loogu yeeri doono.

Mudan Xamza ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, isaga oo caddeeyay in wasiirada uu ku wargelin doono arrintan, si wasiir kasta oo loo baahdo loola xisaabtamo, heshiis kastana ay horkeeni doonaan Golaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu ku bogaadiyay golaha ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyaga oo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday in ay meel-mariyaan shuruucda weli horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Waxa uu tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la-xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Mudane Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow iyo sida ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Si kastaba, tallaabada maanta ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee uu Golaha Shacabka u qaado arrimaha la xisaabtanka xukuumadda, kadib muddo sanad ah.