27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Somaliland oo xukun adag ku riday nin Al-Shabaab ‘u qaabilsanaa ciidan qorista’

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Somaliland ayaa xukun adag ku riday nin ay sheegtay in lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo lagu magacaabo Faysal Cali Ibraahin ayaa waxay maxkamaddu sheegtay in kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa in xubno Al-Shabaab ah ka diyaariyo gudaha Somaliland.

Maxkamadda ayaa Faysal oo 42 jir ah ku riday xukun 9 sanno oo xabsi milatari, sida lagu shaaciyay warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee ee Ciidamada Somaliland.

“Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada JSL ee goboladda galbeedku waxay xukun 9 (Sagaal Sano) oo ah xabsi milatari ku riday danbiile-Al-Shabaab Faysal Cali Ibraahin Ina Aamina Aadan oo 42 jir ah oo Al Shabaab ka tirsan,” ayaa lagu qoraalka Xeer Ilaalinta.

Xukunkan ayaa imanaya xilli Booliska Somaliland uu dhawaan sheegay inuu soo qabtay xubno looga shakiyay Al-Shabaab-nimo, lamana oga in ninka la xukumay uu kamid ahaa kooxdaasi la qabtay iyo inkale.

Dhawaan unbay aheyd markii xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay fashilisay weerar argagixiso, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa qarax is-miidaamin ah.

Si kastaba, Somaliland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in falalka argagixisada ay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka ay gaadhay, islamarkaana ay ciidamadeedu ay si joogto ah ugu taagan yihiin ilaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda.

Askartii ka badbaaday weerarkii Buulo Mareer oo bixisay xog yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah askarta dhaawacyada ah ee ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, isla-markaana kasoo badbaaday weerarkii Al-Shabaab ee ka dhacay Buulo Mareer ayaa bixiyay xog yaab leh oo ku aadan weerarkaasi.

Askartan oo ku jira isbitaalka xerada Xalane ayaa waxaa booqasho ugu tegay la-taliyaha Madaxweynaha Uganda, ahna wiilkiisa Muhoozi Kainerugaba oo xog wareystay xaaladooda.

Qaar kamid ah askarta ayaa General Muhoozi uga sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, maadaama weerarkaas uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray ciidamada Uganda.

Waxa ay sheegeen in saldhigooda ay ku agyaalaan beero, isla-markaana xubnaha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay u maleynaayeen dad beeraley ah oo falanaya beerahooda, maadaama subax kasta ay beeraleyd ku kaliihi jireen aaga xeeradooda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay arkayeen nalalka baabuurta Al-Shabaab, balse ay u heysteen cagafta beeralah lagu falo, balse ay mar qura lagu bilaabay rasaas xoogan.

“Waan u jeednay nalalka gawaarida ay wateen Al-Shabaab, waxaan u heysanay beeraleydii oo beerahooda waraabsanaya, cagafta beeralah lagu falo ayaan u maleynay,markii ay hoosta naga soo galeen ayey rasaas billaabatay” ayuu yiri mid ka mid ah askarta.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay la qabsadeen beeraleyda shaqadooda, isla-markaana aysan fileyn weerarka uga yimid dhanka kooxda Al-Shabaab.

Dhankjiisa wiilka Museveni oo dhacdadan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka ku sugnaa xerada ay is dhigteen, taasna sababtay in saldhigga si fudud lagu qabsado.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qalad sameeyeen laba sarkaal oo ciidanka ka mid ahaa, maadaama ay amreen in difaacyada lasoo baneeyo, taas oo fursad kale siisay Al-Shabaab.

Labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Oluka iyo Obbomwaa ayaa haatan la xiray, waxaana la saarayaa maxkamad ciidan, si loogula xisaabtamo weerarkii Buulo Mareey.

Ugu dambeyn General Muhooz ayaa xusay inay haatan ugu sii daran tahay, maadaama lagu jiro xilli kala guur ah oo ay weerarada kordhin karto kooxda Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay guud ahaan ciidamada howlgalka ATMIS inay muujiyaan feejigaan dheeri ah.

Si kastaba, weerarkii Buulo Mareer ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan 137 askari, baske Uganda ayaa qiratay in laga dilay 54 askari oo ku sugnaa xerada.

KENYA iyo JABUUTI oo ka horyimid qorshe ay bishan damacsan tahay Soomaaliya

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha waddamada Kenya iyo Jabuuti oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda ammaan ee Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha dhimista ee ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.

William Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shirkooda jaraa’id si gaar ah diirada ugu saaray muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo dhimista ciidanka ATMIS iyo awoodda amni ee dalka.

Labada madaxweyne ayaa u muuqda inay kasoo horjeedaan qorshaha ay dowladda ku dooneyso in lagu dhimiyo tirada ciidamadaas oo 15 sano ka howlgalaya gudaha dalka.

Waxay ku doodeen in muhiim tahay in la ogaado marka hore in Soomaaliya ay awood u leedahay inay si hufan ula dagaallanto kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay ku adkaysteen baahida loo qabo in la ilaaliyo waxay ugu yeereen guulaha ATMIS, maadaama muddo dheer ay Soomaaliya u joogeenm nabad ilaalin.

“Annagoo ah dalalka ciidamada ku deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaan ku heshiinnay in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in looga hadlo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaareen AMISOM/ATMIS” ayay shirkooda jaraa’id ku yiraahdeen madaxweynaha waddamada Kenya iyo Jabuuti.

Hadalkan waxa uu kusoo aadaya, ayada oo la filayo in dhammaan bishan June la dhimo 2,000 oo askari oo ka mid ah howlgalka AMISOM, si loo bilaabo qorshaha kala guurka.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la filayaa inuu dhimo 2,000 oo askari marka la gaaro bishan June 30-keeda, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu dhowaaqay in la guda galo dhismista askarta ATMIS, si loo fuliyo qaraarka golaha ammaanka ee tirsigiisu yahay 2670, waxaana arrintaas Jimcihii lasoo dhaafay ku dhowaaqay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya iyo Jabuuti ayaa kamid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sidoo kalena laga sugayay inay soo diraan ciidamo dheeraad ah oo ka qayb qaata wajiga labaad ee duulaanka mar kale lagu qaadayo kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Halis kale oo ka jirta xeebta Liido kadib weerarkii lagu qaaday Pearl Beach

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka falceliyay weerarkii tooska ah ee ay Jimcihii kooxda Al-Shabaab ku qaaday agagaarka xeebta Liido, gaar ahaan hotelka caanka ah ee Pearl Beach, wuxuuna tilmaamay in weli ay halis amni ka jirta halkaasi, sida uu hadalka u dhigay

Tuulax ayaa su’aal ka keenay qaabka ay halkaasi ku gaareen xubnaha Al-Shabaab ee weerarka ku galay hoteelkaas, oo ay ka dhex dagaalameen dhowr saacadood.

Sidoo kale wuxuu xusay in loo baahan yahay in cashir laga barto weeraradii horay uga dhacay xeebta Liido, si aysan mar kale Al-Shabaab dhibaato uga geysan halkaasi.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay dhanka badda, wuxuuna tilmaamay inay furan tahahay, isla-markaana ay doomo ku imaan karaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

“Xeebta Liido markii kowaad ma’aha, markii labaad iyo markii saddexaad ee wax ka dhacaana ma’aha intaas waxaa la rabaa in wax laga barto xagee nimankan ka soo galayaan?. Dhinaca badda waa furan tahay hadda laguma baraarugsana, laakiin beri markii ay badda wax ka dhacaan ayaa la leeyahay waxaa la oran doonaa baddii waa xirnay doomo ayaa geynay macno ma sameyneyso” ayuu yiri guddoomiye hore Maxamed Tuulax.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddii ay shalay bariga ka soo galeen, beri waxaa laga yaabaa inay doomo ku yimaadaan oo kaartada ay soo beddaan”.

Dhanka kale, Tuulax ayaa ka hadlay amarka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee la dul-dhigay Bajaajleyda, kaas oo ah in aysan qaadin karin askarta hubeysan, wuxuuna guddoomiye ku xigeenkii hore ku taliyay in go’aanka kastaa lagu saleeyaa waaqica jira.

“Amarada la soo saarayo waa in ay waaqiciga jira la socdaan, haddii aaney dhowr bilood wax dhicina micnaheedu ma ahan in ay dhamaadeen Qaraxyadii Al-Shabaab” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu baaqay inay u taraan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.

“Maamulka isna waxaa la rabaa inuu fiiriyo dhib maxaa kasoo gaari shacabka?” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

MUUSE BIIXI oo ku dhacay khaladaad taariikhi ah

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) oo si buuxda u ixtiraamaya wadajirka dhuleed, iyo midnimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kana walaacsan colaadda ka taagan Laascaanood ayaa June 7, 2023, ugu baaqay taliska Somaliland inuu si dhaqso leh ciidamada ugala baxo aagga, si heshiis xabbadjoojin ah loo gaaro. 

Maamulka Somaliland oo soo dhaweeyey baaqa Golaha Ammaanka ee joojinta dagaalka, abuurista xaalad nabadeed aan carqaladayn gargaar aadaminimo iyo xasilloonida Laascaanood ayaa ku adkaystay in xaqiiqada jirta si khaldan looga warhayo. Waxuu ku doodayaa in colaadda ay hurinayaan argaggixiso, inkastoo uusan soo bandhigin wax caddayn ah.

Dafiraada waxay muujinaysa in Maamulku uusan u hoggaansamaynin dalabka Golaha Ammaanka oo ah inuu si degdeg ah ugala soo baxo ciidamadiisa Laascaanood. 

Tan iyo December 2022, Laascaanood waxaa ka taagnaa colaad sokeeye oo maalinba maalinta ka dambeysa sii adkaanaysa in wadahadal lagu gaaro xal macquul ah. Hoggaanka Somaliland waxuu ku fashilay inuu wax ka qabto dilal lagu beegsanayay taniyo 2007, haldooryada deegaanka. Waxuu bannanbaxyada dadku ku weydiisanayeen caddaaladda uga jawaabay rasaas nool oo lala dhaco. Quursiga shacabka ayaa sababay in xiisadda cirka isku shareerto oo ay gaarto: Ma rabno Somaliland.

Baaxadda colaadda iyo saamaynteeda barakac ayaa soo jiitay dhaleeceynta caalamka ka walaacsan in khilaafka isu rogo dagaal beeleed lagu hoobto. Maamulka Somaliland oo ka baqay natiijada shirkii looga arrinsanayay masiirka dadweynaha (Ceyn, Sanaag, iyo Sool) ayaa February 6, 2023, weerar ku qaaday magaalada si uu cudud ugu hor-istaago rabitaanka dadweynaha.  Duqeymo aan loo meel dayin oo burburiyey kaabayaasha rayidka ee degmada ayay ciidanka Somaliland ka wadaan daafaha Laascaanood.

Maamulka Somaliland waxuu ku dhacay khaladaad taariikhi ah. Kacdoonka buluugga ee dadweynaha Ceyn, Sanag, iyo Sool, waxuu soo afjaray tijaabo toban sanadood qaadatay oo is-xukun rayad ah iyo dimuqraadiyad. Xisaabtan xumidda siyaasadeed ayaa soo shaac bixisay in beelaha waqooyiga Soomaaliya wada dega aysan wada qabin hammiga gooni isu-taagga Somaliland.

Sidoo kale, maalgashi shisheeye oo ku soo qulqulay ayaa hoggaanka siyaasadda ku yeeshay cawaaqib xumo soo bandhigtay inaan loo sinnayn awood qaybsiga.

Muuse Biixi waxuu aamusinta dalabaadka aayo ka tashiga dadka ku lumiyay riyadii wada-xaajood siman [Koonfur iyo waqooyi (Somaliland)] oo isku hor fariista sida “laba shacab iyo dowlado kala duwan”. Sidoo kale, awood isku dhiibka hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo amniga dib u soo kabanaya waxuu dhabar jab weyn ku noqday shisheeyaha u xusul doobayay ictiraaf. Balse, heshiiska lagu soo dhammeyay dagaalkii dhexyiil Dowladda Federaalka Itoobbiya iyo qawmiyadda Tigrayga ayaa soo afjaray kala qaybinta Soomaaliya.

Tiraabta ku salaysnayd in Waqooyi lagula kacay xasuuq ay u dhammaayeen nidaamkii Keligiitaliskii iyo shacbiga Koonfur oo ujeeddadiisu ahayd beerlaxawsi bulshada caalamka si loogu helo ictiraaf maamulka Somaliland waxaa cagta mariyay siyaasadda gurracan ee Muusa Biixi oo:

  • Sababtay kacdoonka buluugga ah ee ka dhashay xasuuq iyo cabburun dadweynaha;
  • Gaarsiiyay  in Awdal in uu ka abuurmo dhaqdhaqaaq buluug-doon ah;
  • Bannaanka soo dhigay maamulka Somaliland inuu yahay nidaam ku qotoma hal beel oo qura;
  • Lumiyay doorashadii iyo xukun isu dhiibkii lagu yiqiinnay Somaliland oo lagu beddelay muddo kororsii.

Dhanka kale, qaraarka Golaha Ammaanka waxaa lagu dhawaaqay June 7, oo ah maalintii Soomaaliya laga saaray “UN trusteeship,” taas waxay hoosta ka xarriqaysaa midnimada dalka Soomaaliyeed inay tahay lama taabtaan. Si taas loo muujiyo waxaa qoraalka qaraarka loo adeegsaday magaca “Somaliland” oo wata astaanta labada bilood (quotation mark). Maamulka Somaliland waxuu halis u yahay cunaqabatayn soo dhaw misna sababtay in ictiraafkii aad usii fogaaday.

Colaad sokeeye oo raagta waxay horseeddaa inuu hubka gacanta u galo wax-ma-garatada waxaana ka dhasha fowdo iyo dagaal oogayaal nidaam diid ah. Somaliland waxay ku guuldaraysatay inay wax iska weydiiso dagaalkii sokeeye ee ragaadiyay koonfurta Soomaaliya.

Haddii Muuse Biixi iyo maamulkiisa aysan nabad ku raadin xal, dagaal ku soo xeraggelinta Laascaanood beddelin, waxaa laga yaabaa inay golaha ammaanka kaga mutaystaan ciqaab cunaqabateen, si loo baajiyo xasillooni darro ku faafta gobolka.

Puntland oo shaacineysa mowqfi ku aadan wadahadal ay la gasho DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Kadib booqashadii wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ay ku tagtay Garoowe, waxaa soo baxdey in wadahadlkii Puntland iyo dowladda federaalka ah oo khilaaf weyn u dhexeeyey uu dib u billaabmayo.

Catriona Laing ayaa Madaxweynaha Puntland ka codsatay in uu ka qaybqaato geedi socodka dowladnimada Soomaaliya, oo wadahadalka dib u billaabo.

Hase yeeshee, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland ku adkeystey in aanu u aqonsaneyn kooxda Golaha Qadatashiga Qaran kuwo dastuuri ah oo gaari kara qodobo masiiri ah oo taabanaya dastuurka, laakiin wixii kala dhexeeya dowladda federaalka ah ay diyaar u yihiin in ay ka wada hadlaan.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in Siciid Cabdullaahi Deni uu billaabey wadatashi ku aadan dib u billaabashada wada-hadalka, waxaana uu kulamo la qaatey guddigii wada xaajoodka ee uu magacaabey bishii Janaayo ee sanadkan 2023 iyo guddi khubaro ah oo ka soo talo bixinayey wada-hadalka iyo doodda Puntland qabto.

Guddigan oo ka kooban 22 xubnood waxaa hoggaamiya guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, waxaana ku xigeen u ah wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa.

Weli xog hoose lagama helin qodobada miiska u saaran madaxweyne Deni iyo guddiga oo haatan shirkoodu socd,o waxaase lagu wadaa in ay dhawaan guddigu warbaahinta la hadlaan.

Waxaa taasi xigi doonto in dhawaan Puntland ay soo bandhigto mowqifkeeda ku aadan wada-hadallada dowladda federaalka.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Ra’iisul Wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa dhawaan soo saarey heshiis wax looga beddelayo hannaanka doorashooyinka dalkaas.

Heshiiskaas ayaa waxaa ka horyimid dhinacyo badan, oo ay ku jiraan Puntland, siyaasiyiin dalka xilal sare uga soo qabtay iyo xildhibaano.

Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqay qorshihii ugu ballaarnaa ee la xiriira Xajka

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxa labadda masjid ee barakaysan ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqay qorshaha hawl-galka ee xajka ee sanadkan, oo aad iyo aad u ballaaran.

Qorshaha howlgelinta oo ballaaran, ayaa waxaa ku dhawaaqay Dr. Abdulrahman bin Abdulaziz Al-Sudais, iyadoo uu goobjoog ka ahaa wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga, Dr. Tawfiq bin Fawzan Al-Rabiah.

Qorshaha ayaa wuxuu diiradda lagu saarayaa dhawr qeybood oo waaweyn, oo la xiriira himilooyinka istiraatijiyadeed ee dowladda, ee ku wajahan Xajka sanadkan 1444-ta ee Hijriyada oo ku salaysan Hiigsiga boqortooyada Sucuudiga ee 2030-ka.

Al-Sudais oo khudbad dheer ka jeediyay madasha warbaahinta, ayaa waxa uu yiri “Qorshaha hawlgelinta xajka ee sanadkan waa kii ugu ballaarnaa ee soo mara madaxtooyada lagaga arrimiyo Sucuudiga, kadib markii uu dhamaaday xanuunka cudurkii Covid19, isla markaana lagu dhawaaqay dib usoo celinta arrimihii xujaajta kuwaasoo gaaraya malaayiinta, sida ku cad nidaamka isku dhafan ee adeegyada ay diyaariyeen hoggaanka.”

Waxa uu intaa ku daray in qorshahani uu yahay mid lagu kordhinayo guulaha muuqda, iyo himilooyinka fog ee lagu soo bandhigay awaamiirta kasoo baxday Xukuumadda, oo uu ugu horeeyo Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan Boqor Salmaan iyo Dhaxalsugaha Boqortooyada, kuwaasi oo si dhow ula socda dhammaan adeegyada loo fidiyo Xujaajta.

Dhinaca adeegyada dadka looggu gargaarayo samafalkana ah, Al-Sudais, ayaa waxa uu sheegay in Madaxtooyadu in ka badan 8,000 oo shaqaale iskaa wax u qabso ah ay ka hawl galisay labada Masjid ee Barakaysan oo toban goobood ah, iyo in ka badan 200,000 oo saacadood oo iskaa wax u qabso ah in la shaqeyn doono, inta lagu guda jiro xilliga Xajka.

Si kor looggu qaado doorka hanuuninta ee labada Masjid ee Xaramka, ayaa mas’uulka wuxuu carrabka ku adkeeyay in madaxtooyadu ay bixiso adeegyo tarjumaad, hagid goobeed, iyo macluumaadka xujeyda, oo ku qoran 51 luqadood oo caalami ah, taasoo laga qeybin doono 49 saldhig.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dr. Tawfiiq Al-Rabiah, ayaa intii uu socday daahfurka qorshaha howlgelinta ka hadlay is dhexgalka, iyo isku xirka Wasaaradda Xajka iyo Madaxtooyada guud ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, ee loogu adeegayo xujeyda. gaar ahaan iyadoo tirada xujeydu ay malaayiin qof ugu soo noqdeen, isla markaana ay u fidiyeen adeegyadii ugu wanagsanaa, si ay ugu gutaan cibaadadooda xasillooni iyo raaxo.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kolkani waxay shaaca ka qaadeen qorshihii ugu ballaarnaa ee abid, kaasoo la xiriira gudashada waajibaadka Xajka ka hor xilliga xajka ee soo socda, iyadoo xannibaadihii tirooyinka dadka la qaaday markii ugu horreysay, tan iyo markii uu dillaacay cudurkii dunida aafeeyey ee COVID-19.

Shaqaale gaaraya 14,000 oo shaqaale ah, iyo in ka badan 8,000 oo mutadawiciin ah, ayaa la geyn doonaa garoonka, si ay u caawiyaan malaayiinta xujeyda ah ee la filayo inay sanadkan ka qeyb qaataan Xajka.

QM iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada-hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaythi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo quseeya xaaladda guud ee Soomaaliya oo haatan wajaheyso xaalado adag oo isbiirsaday.

Qoraal kasoo baxayn UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, si gurmad loogu fidiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo kordhin lahaa taageerada dhaqaale ee la siiyo dowladda federaalka, si ay wax loogu qabto dhinac muhiimka ah.

“Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa taageero dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo oo loo fidiyo Soomaaliya, ka hor warbixinteeda soo socota ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaasoo Imaaraadku uu hayo xilka madaxtinimada bisha Juun” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxaya xafiiska Qaramada Midoobay.

Catriona Laing oo ah ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalada Muqdisho, ayada oo sidoo kale gaartay Jowhar iyo Garoowe oo ay kula soo kulantay madaxda dowlad goboleedka HirShabelle iyo Puntland.

Dhankiisa Imaaraadka ayaa haatan dhaq-dhaqaaq culus ka wada Soomaaliya, isaga oo dadaal badan ku bixinaya dhinaca ciidamada oo uu horay awood ugu lahaaa.

Soomaaliya ayaa haatan dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab, waxayna dowladda federaalka ay hadda taageero dhaqaale iyo mid milatari u raadineysay howlgalkeeda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Scotland oo la xiray

London (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa la xidhay, iyada oo saldhiga lagu hayey illaa toddoba saacadood, ka dib markii ay si iskeed ah u tagtay saldhiga booliska si ay uga qayb gashay waraysi ay la yeelanayeen ciidamada booliska oo ku saabsan, habka loo maamulay lacago uu lahaa xisbigeeda Scottish National Party.

Baadhista ay wadaan ciidamada boolisku ayay ku eegayaan, sidii loo maareeyey lacag ka badan $754,140 dollar, taas oo ay ururiyeen xubnaha u ololaynayey madaxbanaanida Scotland, sannadkii 2017, taasoo la asteeyey in loo isticmaalo hawlo gaar ah, hase ahaatee ay soo baxday in lacagahaas loo adeegsaday arrimo kale oo aan ahay hawlihii loogu talo galay.

Xadhiga ra’iisal wasaaraha hore ee Scotland ayaa weji gabax ku noqday, xisbiga SNP, kaas oo ka mida, xisbiyada ugu waaweyn siyaasadda Scotland, labaatankii sano ee ugu dambeeyey.

Sturgeon ayaa sannadkan bilawgiisii waxay ka degtay xilka.

Afhayeen u hadlay xisbiga SNP ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha hore ay u tagtay booliska, si ay su’aalo u weydiiyaan, taas ugu dambayn ay boolisku xidheen, ka dibna ay baadhitaan ku sameeyeen.

Nicola Sturgeon ayaa sheegay inay la shaqaynayso ciidamada booliska ee baadhitaanka wada, haddii ay ka dalbadaan.

Reuters.

DF oo qaaday tallaabadii u horreysay kadib heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin ayaa maanta ku wareejiyay guddiga dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaa lagu wareejiyay illaa shan heshiis ee goluhu gaareen oo ay Puntland ka maqneyd ayaa guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo uu guddoomiye u yahay Xildhibaan Xuseen Iidow iyo xoghayaha guddiga Saciid Cabdi Xuseen.

Heshiisyadan ayaa la qorsheynayaa in laga qeyb-geliyo wax-ka-bedelka Dastuurka, xilli uu buuq badan dhaliyay heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran oo wax ka beddal loogu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah.

Sidoo kale waxay su’aal ka taagan tahay sida heshiisyadan waddar oggol loogu soo dabaali karo, iyada oo aysan maamulka Puntland qeyb ka aheyn, oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeyso madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa heshiiskii ugu dambeeyay ku gaaray inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya, islamarkaana loo guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Heshiisyada lagu wareejiyay guddiga ayaa kala ah;

1- Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka ee December, 2022.
2- Astaynta awoodaha hay’adaha dowladda ee December, 2022.
3- Heshiiska astaynta iyo wadaagga dakhliga ee Maarso 2023.
4- Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka ee Maarso 2023.
5- Heshiiska hannaan doorashooyinka Qaranka ee Maarso 2023.

Si kastaba, Tallaabadan ay maanta dowladdu qaaday ayaa ka dhigan in loo qaaday sidii heshiisyadaasi oo uu qeyb ka yahay midkii u dambeeyay ee doorashooyinka loogu beddeli lahaa luuqad Dastuuri ah.

Daawo: Feysal Cali Warabe oo si yaab leh uga hadlay is-casilaadii Cabdirisaaq Khaliif

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka  madaxtooyada, is casilaadii guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo arrinta Laascaanood.

Feysal ayaa si adag u dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi, isagoo quus ka muujiyey qabsoomidda doorashooyinka Somaliland, wuxuuna ka dalbaday madaxweyne Biixi inuu dadka ku hago doorasho lagu kala badbaado.

Wuxuu sheegay in mustaqbalka Somaliland uu god dheer ku sii dhacayo, isagoo tusaale u soo qaatay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood oo awood ciidan looga saaray militeriga Somaliland.

Sidoo kale Guddoomiye Feysal Cali wuxuu ka hadlay is casilaada guddoomiyihii baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif, isagoo sheegay in mar hore uu mudnaa in tallaabo laga qaado.

Hoggaanada Xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ee Somaliland ayuu sidoo kale ku eedeeyey inay siyaasadda ku milmeen oo dowladnimada aysan u shaqeyn, balse ay meesha u joogaan raali gelinta Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabdirisaaq Khaliif maalintii uu yiri ciidanka qaranka Somaliland ayaa xasuuq ka geystay Laascaanood ee mar kale uu yiri waxaan raacsanahay go’aankii ka soo baxay odayaasha Laascaanood, ayuu mudnaa in talaabo adag laga qaado, balse nasiib darro xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ragga jooga waxay isku arkaan inay Muuse u shaqeeyaan,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Waraabe wuxuu Puntland iyo dowladda federaalka ku eedeeyey inay dab ka shidayaan gobolka Sool oo kicin bulsho ay ka wadaan magaalada Laascaanood oo shacabkii ku noolaa ay dagaal adag kula jiraan ciidamada Somaliland.

Sidoo kale dadka reer Laascaanood ayuu ku tilmaamay kuwo aan dantooda garaneyn, isagoo sheegay in hadda ay quud dareynayaan inay hoos tagaan dowladda federaalka, inta Somaliland iska diidan oo Puntland ku gacan seyraan.

Hoos ka daawo

  https://fb.watch/l5RyOb_LDG/?startTimeMs=113000&mibextid=YCRy0i

Al-Shabaab oo toogtay 5 nin oo arrimo xasaasi ah ay u heysteen + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeegloow ee gobolka Bakool, kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo.

Shanta ruux ee kooxda ay toogatay ayaa waxay sheegtay inay ubasaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ethiopia.

Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 21 illaa 49 sano ayaa waxay kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeegloow, waxaana halkaasi ku sugna boqolaal qof oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada.

Kooxda ayaa sheegtay in shantan nin dhammaantood lagu helay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay sirdoonnada Mareykanka iyo Ethiopia.

“Qaadiga maxkamadda islaamiga wilaayada Bakool ayaa goob fagaare ah ka akhriyay xukunka eedaysanayaasha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay baraha taabacsan ee Internet-ka.

Sidoo kale waxay kooxdu sheegtay in mid kamid ah shanta ruux ee toogashada lagu fuliyay uu hagi jiray duqeymo ay fulisay Ethiopia.

Kooxda ayaa shaacisay magacyada shanta xubnood ee la toogtay, kuwaasi oo kala ah;

1. Aweys Xaaji Xasan Liibaan oo 41 sano jir, wuxuu la shaqeynayay sirdoonada CIA-da Mareykanka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed.

Ninkan ayaa qeyb ka ahaa shabakad ay magaceeda ku sheegtay Boorow Tukow.

2. Cabdi Wahaab Cumar Mubaarag looyaqaano (Lafoole) oo 21 sano jir, wuxuu la shaqeynayay Mareykanka.

Lafoole ayaa sida ay sheegtay kooxda waxa uu qeyb ka ahaa “shabakadii jawaasiista ee Dr Ayuub.”

3. Sakariye Yuusuf Xuseen oo da’diisu tahay 30 sano jir, wuxuu la shaqeynayay Sirdoonka Ethiopia.

Ninkan ayay kooxdu sheegtay in laga soo diray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed.

4. Ibraahim Xassan Maxamed oo ku magac dheer (Jaabir) oo 49 sano jir ah, wuxuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa shabakadii jawaasiista ee Dr Ayuub, sida ay sheegtay kooxda Al-Shabaab.

5. Maxamed Abuukar Cusmaan oo 34 sano jir ah, waxa uu la shaqeynayay sirdoonnada Mareykanka iyo kan Ethiopia.

Maxamed ayaa waxay kooxdu sheegtay inuu hagi jiray wax ay ku sheegtay “duqeymihii cadowtooyo ee Itoobiyaanku ku garaaci jireen degmooyinka gobolka Banaadir.”

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa toogashooyin lamid ah midda shalay, oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada DF Soomaaliya, Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya.

Sawirro: Xamza oo dhagax dhigay xarun aad muhiim u ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina.

Xaruntan oo ah mid aad muhiim u ah ayaa waxaa loogu tala-galay in lagula tacaalo muwaadiniinta ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar.

Lacagtan ayaa la sheegay inay ka imaanayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in xukuumadda Dan-Qaran oo ka duuleysa baahida bulshada ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Ugu dambeyntiina waxa ra’iisul wasaaruhu soo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, wuxuuna warbixinno ka dhageystay maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Cabdirisaaq Khaliif oo iska casilay xilkii guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

Cabdirisaaq oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dawladda hoose ee Laascaanood ayaa kaga dhawaaqay is-casilaaddiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

“Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif Gudoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu iska casilay xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland, sida ay hore u sameeyeen siyaasiyiin ku deegaan ah.

Cabdirisaaq Khaliif oo si weyn u kala fogaadeen Somaliland kadib dagaalka dhowrka bilood ka socda Laascaanood ayaa tallaabadan qaaday kadib xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwd ay ku dalbaneyso in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada.

Somaliland ayaa Cabdirisaaq Khaliif ku eedeeysay inuu jabiyey dastuurka Somaliland, waxayna muddooyinkii dambe ku howlneyd sidii ay xilka uu maanta iska casilay uga qaadi laheyd.

Mudane Khaliif ayaa hore si adag uga horyimid duullaanka Muuse Biixi ku soo qaaday SSC-Khaatumo, gaar ahaanna shacabka Laascaanood, isaga oo ugu dambeyntiina la dareen noqday dadka deegaankiisa, oo dagaal kula jira Somaliland.

Maamulka gobolka oo amar culus kusoo rogay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Go’aankan cusub ee ka soo baxay maamulka gobolka ayaa waxa lagu faray dhammaan gaadiid in aysan qaadi larin skar hubeysan nuuc kasta uu yahay iyo hay’ad kasta oo uu ka tirsan yahay.

Gaadiidka uu sida tooska ugu socdo amarkaan kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxaa kamid; Mooto Bajaajta, gawaarida iyo Mootooyinka laba lugaaleyda ah ee bulshada caasimadda ay adeegsato.

Maamulka gobolka ayaa waxa uu sheegay in ciddii ka dhego adeegta amarkaas lala tiigsan doono sharciga, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Sidoo kale waxa uu maamulka gobolka markale ku wargaliyay gaadiidka ay wataan masuuliyiinta in ay u hoggaansamaan awaamirta lagu sugayo ammaanka, islamarkaana ay ogolaadaan in baraha ciidamadu joogaan lagu hubiyo si ammaanka loo xaqiijiyo.

Dowladda ayaa hore usoo rogtay in hubka culus lagu dhex wadan karan magaalada Muqdisho, ayada oo hore u sheegtay in masuulkii diida gaarigiisa la baaro uu yahay Shabaab kalkaal.

Ciidamada kala duwan ee magaalada caasimadda ee Muqdisho ku dhex wata hubka ayaa sidoo kale la faray inay uga soo tagaan xeryahooda.

Si kasta, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sidii hore kasoo hagaagaya, kadib markii inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.

Dowladda oo baaris ku haysa shirkado dhowr ah + Arrinta ay ku kaceen ee loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu baaris ku hayo baarista kiis xasaasi ah oo la xiriira qaar kamid ah shirkadaha la siiyay bixinta adeegga Xajka ee sanadkaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid ah shirkadahaasi ay dadka ka qaadeen lacago ka badan tii ay hore u jaangoysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu baaris ku wadaa shirkado kamid ah kuwa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay siisay adeega Xajka oo lacago ka badan tii ay Wasaaraddu u jaangoysay Xajka ka qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamad ay horgeyn doonto shirkadahaasi iyo shaqsiyaadka iska leh, kadib marka ay soo dhamaato baarista uu ku hayo, ee salka ku haysa ku xad-gudubka qiimaha xujeyda laga qaadayo ee hore u jaangoysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan shirkado ku kacay arrintaan oo kale, “Muwaadinka la weydiisto lacag ka badan kuwa Wasaaraddu jaangoysay haku soo wargaliyo xafiiska.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horraanta bishii hore ee May shaacisay in meesha laga saaray musuq-maasuqii adeegga Xajka, islamarkaana qiimihii hore hoos loo dhigay.

Dowladda ayaa sidoo kale xilligaas ku dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Si kastaba, Qiimaha sanadkaan ay dadka Soomaaliya ugu xajinayaan ayaa dhan $4,484, waxaana hoos loo dhigay lacagihii awal xujeyda laga qaadi jiray oo kor u dhaafayay shan kun oo doollar.

Howl-gal culus oo ka socda gobolka SH/HOOSE iyo Shabaab badan oo lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal culus ayaa hadda ka socda tuulada Buula Maxamed Cabdalla goostagta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galkan oo ay sida wadajir ah u samaynayaan Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa howl-galkaan illaa inta hadda la xaqiijiyay lagu dilay 19 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay ku warameyso wakaaladda SONNA.

Sidoo kale waxa lagu soo waramaya in howl-galkaan wadajirka ah lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay ku howl-gelaysay kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa imanaya, ayada oo muddooyinkii dambe gaabis uu ku yimid gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa in dhawaan uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee durba ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Nabadsugidda ayaa howl-gallo culus ka wada Muqdisho iyo gobollada u dhow, kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Zoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo xiray gaari marayay halkaasi, wuxuuna ku qarxay Zoobe, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo uu watay sarkaal ka tirsan Booliska oo lagu magacaabo Nasiib Daahir Cabdi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa guud ee waddadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in sarkaalkan uu dhaawac soo gaaray, isla-markaana loola cararay isbitaalka, sidoo kalena uu burburay baabuurka la qarxiyay.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo saaka ay xirneyd waddada Maka Al-Mukaramo oo la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana loo xiray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi oo xaflad uga qayb-galaya isbitaalka weyn ee Madiino.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha dhaawaca iyo buburka.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.

Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kordhay, waxaana ay aheyd Jimcihii markii weerar toos ah ay Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka xeebta Liido.

WHO oo sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay weerarkii LIIDO

0

 qof Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka  ee WHO ayaa war kasoo saartay weerarkii xooganaa ee ay Jimcihii Al-Shabaab ku qaaday hotel Pearl Beach oo ku yaallo xeebta, kaas oo ku billowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal toos ah.

Madaxa hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay, Tedros Adhanom oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in mid kamid ah shaqaalahooda uu ku dhintay weerarkaasi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal kula jirta dowlada dhexe.

“Aad ayaan uga xumahay inaan xubin ka tirsan WHO ku weynay weerarkii ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya,” ayuu Wwitter-kiisa ku yiri agaasimaha guud ee hay’adda WHO.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay hay’addu si xoogan u cambaareneyso weerarkaasi oo ay ku naf-waayeen ugu yaraan 9 qof oo isugu jiro askar iyo rayid, sida ay sheegtay dowladdu.

Tedros ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qof kasta oo waayay qofka uu jeclaa. Waxaan cambaareyneynaa dhammaan weerarrada ka dhanka ah rayidka iyo shaqaalaha bini’aadantinimada”. ayuu mar kale ku yiri qoraalka uu soo dhigay barta Twitter-ka.

Weerarkan ayaa qaatay saacado badan, wuxuuna ku soo aaday, xilli ay dad badan ku sugnaayeen xeebta Liido, maadaama ay aheyd Jimco, goorta uu weerarka dhacayay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab waxa ay sheegtay in weerarka ay ku dishay illaa 29 qof oo isugu jiro saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda federaalka, sida ay hadalka u dhigtay.

Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo qarax lagu dilay

0

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada oo xalay ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada NISA ee ka howlgala magaaladaas iyo deegaanada ku hareereysan.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xasan Cusmaan Cali Bitooni oo loo yaqaanay (Taliye Kush-gale), kaas oo isla goobta ku geeriyooday.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale la dhashay gudoomiyihii hore ee maamulka degmada Marka Maxamed Cusmaan cali ( Yariisow), sida ay innoo xaqiijiyeem ilo wareedyadu.

Sidoo kale waxaa qaraxaan uu dhaawac kasoo gaaray qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad kale oo shacab ah oo marayay waddada dhinaceeda, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ay dad kusoo qab qabteen ka sameeyay halkaasi, ayada oo dhowr qof loo xiray tuhun la xariira qaraxa lagu dilay sarkaallaasi.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay ku dishay mid kamid ah saraakiisha Nabad Sugidda ee Marka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga iyo maamulka degmadaasi oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Marka waxaa ku badan qaraxyada, waxayna aheyd dhowaan markii laba qarax oo miino ahaa laga soo saaray ilinka hore ee xarunta degmadaas oo ah caasimada gobolka Shabeelaha Hoose.