27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

QM oo war ka soo saartay qaraxii ay CARRUURTA ku geeriyoodeen ee Qoryooley

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay qaraxii maalin kahor carruurta badan ku laayay duleedka degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

UNICEF ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga naxday dhacdadaasi, maadaama in ka badan 20 carruur ah ay ku dhinteen walxo qarxo oo ay ku ciyaarayeen.

Sidoo kale waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada carruurtaas iyo kuwa dhaawaca ahna u rajeysay caafimaad deg deg ah.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa kuwa dhaawaca ah caafimaad degdeg ah. Ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda UNICEF.

UNICEF ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in loo baahan yahay in si taxadar leh loo maareeyo walxaha qarxa, maadaama ay weli dagaallo ka dhacayaan Soomaaliya,.

“Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka.” ayey sii raacisay UNICEF.

Waxaa kale oo ay hay’addu xustay in ay ka qayb qaadan doonto gurmadka loo fidinayo qoysaska ay dhibaatada kasoo gaartay dhacdadaasi.

Carruurta geeriyootay ayaa goobta ku cayaareysay Banooni, balse qaarkood waxa ay gargaraaceen hub hore oo muddo goobta yaallay, waxaana halkaas ku dhintay 27 qof, sida uu xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley oo la hadlay Telefishinka Dalsan.

Wuxuu sheegay in 22 ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka seddaxda kalena ay dib ka geeriyoodeen kadib markii goobta laga soo qaaday iyagoo qaba dhaawac culus.

“Waxay aheyd Jimco wixii iskuul iyo dugsi lahaaba ciyaalkii waxay aadeen banooni, kadibna waxay garaaceen oo ku qaraxday bir weyn, waxaa halkaas ku geeriyootay 22 ka mid ah, 3-da kale oo mid Xamar loola cararay dib ayey ka geeriyoodeen,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

“Wuxuu intaas ku sii diray in carruurta geeriyootay ay da’doodu u dhaxeysay 15 ilaa 10 sano, “Hal gabar kuma jirin wiilal kaliya ayey ahaayeen,” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Ukraine oo xaqiijiyay in uu bilowday duulaan ka dhan ah Ruushka

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u muuqda inuu xaqiijinayo in dalkiisa uu bilaabay duulaanka ka dhanka ah Ruushka ee mudada dheer la sugayay.

“Weerar iyo isdifaac ayaa dhacaya” ayuu yiri maanta, laakiin waxa uu intaas ku daray in aanu si faahfaahsan uga hadli doonin heerka uu marayo ama uu sheegi doono weerarka rogaal celiska ah.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii ay sii kordheen dagaallada ka socda koonfurta iyo bariga dalka Ukraine.

Sidoo kale waxaa sii kordhaya qiyaasaha ku saabsan horumarka laga filayo in Ruushka dib loo riixo oo looga tag roonaado dagaalkaan.

Ciidamada Ukraine ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo dhaqaaqeen dhanka bari ee u dhow Bakhmut iyo koonfurta meel u dhow Zaporizhzhia.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay weerar duqeyn ah oo riddo dheer ay ku qaadeen bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee ciidamada Ruushka.

Hase yeeshee in la qiimeeyo xaqiiqada ka jirta jiidda hore ee dagaalka ayaa adag, iyadoo labada dhinac ee dagaallamaya ay soo bandhigayaan warar iska soo horjeeda.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku sheegay wareysi muuqaal ah oo la faafiyay Jimcihii in ciidamada Ukraine ay xaqiiqdii bilaabeen duulaankooda.

Putin ayaa ku faanay in ciidamada Ukraine ay ku fashilmeen isku daygii hore oo ay sameeyeen, isla markaana ay kala kulmeen khasaare xooggan.

Manchester City oo markii u horreysay ku guuleysatay koobka Champions League

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka kooxaha horyaallada Yurub ee Champions League, kadib markii ay 1-0 ku garaacday Inter Milan ciyaartii kama-dambeysta ahed ee ka dhacday garoobka Ataturk Stadium ee magaalada Istanbul.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Rodri ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta shabaqa ku hubsaday goolka guusha.

Waxa ay City dhammeystirtay seddexleey, taasoo ka dhigtay inay noqoto kooxdii labaad ee Ingiriis ah ee saddex koob ku guuleysata kadib Manchester United oo sannadkii 1999 ku guuleysatay Premier League, FA Cup iyo Champions League.

Laakiin City, oo laba sano kahor koobkan ay ka qaaday kooxda Chelsea ayaa loo babab dhigi waayay awoodeeda sanadkan.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa haatan ku guuleystay seddex jeer koobka Champions League, waxaana uu ka dhigay 12 koob oo uu City la qaaday.

Josep Pep Guardiola oo ugu dambeyn noqday Macallinkii rumeeyay Rejadii Kooxdaas ee hanashada Horyaalka Qaaradda Yurub Champions League.

Shaxda Kooxda uu hagaajiyay, falsadda lagu maamulayo ciyaartoyda, dhiirragelinta shaqaale ilaa ciyaartoy ayaa u suurageliyay in uu kasoo gudbo labadii imtixaan ugu adkaa ee u gudubka Finalka maadaama uu soo reebay Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich.

Ninkan waxa uu jebiyay Rikoor u yaallay Kooxda ay wada xifaaltamaan oo ay kawada dhisan yihiin halka Magaalo ee Manchester United kaas oo ah sanadkii 1999 ay ku guuleystay koobabka loo yaqaan saddexleyda.

Daawo: Cali Jeyte oo go’aan cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo la dardaarmay bulshada gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka hadlay falal amni darro oo mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Shacabka waxaan leeyahay qoryihiina qaata oo ku dhiirada inaad iska qabataan Shabaab-ka ku jira gudaha magaaladaan, maamulku wuxuu idin sii doonaa fursad aad ku soo gaarsiidaan xogta nabad-diidka,” ayuu  yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Gacan waxaan kula dagaalami doonaa Shabaab-ka qoryaha wata, gacana waxaan isaga qaba doonaa kuwa magaalada ku dhex dhuumanaya oo miinooyinka aasa, dadkana badda ka qaata,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo raadinaya qorshe lagu sugi karo amniga dadka ku nool gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshihiisa ay ku jirto in dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha gobolka wada dega, “Gudaha magaalada waxaa idin kula jira Shabaab, furintana waxaa ka dagaalamaya shacab qoryo wata, waa in lagu wada dhiirado dagaalka oo Al-Shabaab laga adkaado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in dhawaan uu bilaabi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana uu la imaan doono hoggaamin dhab ah.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa u cadaatay in Shabaab aan ka adkaa karno, waxaan idinka rabaa in gabar iyo wiil aysan u kala harin markaan, natiijo muuqata ayaan ka gaarnay halgankii aan horay u soo galnay bilo ka hor,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo madaxda ATMIS kala hadlay qorshaha 2024 ay dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada dalka kula kulmay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef.

Sidoo kale danjiraha Midowga Afrika waxaa kulankaan uu la yeeshay Madaxweynaha ku wehliyey Taliyaha guud ee ciidamada ATMIS Sam Okiding.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiishaan kala ka wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024-ka.

Sidoo kale masuuliyiintaan waxay kulankooda diiradda ku saareen qorshaha ay ciidanka ATMIS amniga qaranka ugu wareejinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka.

Dhinaca kale kulankaan waxaa looga hadlay dardargelinta howlgallada wajiga labaad ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee ciidanka Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee sidoo kale kulankaan looga hadlay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka, si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.

Daawo JANAN: Axmed Madoobe waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay oo qarax maleegay, lana beegsaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Janan, wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland oo haddana kamid ah siyaasiyiinta sida weyn isku hayaan madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxa uu ku eedeeyay inuu ahaa qofkii u horreeyay ee qarax maleegay.

Janan ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu 2006-dii uu maleegay qarax lala beegsaday madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN, illaa haddana uu qaraxyo siyaasadeed ka rido deegaanada gobolka Gedo, sida uu ku sheegay wareysi cusub oo uu bixiyay.

“Axmed Maxamed Islaam waxa uu ahaa shaqsigii u horreeyay ee Umadda Soomaaliyeed qarax ay ku dhintaan oo hantidooda ku burburtay, qalbigoodana ka naxo geystay illaa 2006-dii oo lagu fuliyay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.”

“Axmed warkayga waa dhageysanaya isaga ayaa marqaati u qabsanaya oo saddex berri gaarigaas qooqanta gacantiisu ku waday oo ka ilaalinayay inay dadka ku qaraxdo maalinkii dambena ninkii naftii haligaha usoo dhiibay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa qaraxii koowaad ee Umadda Soomaaliyeed ay dhagahooda maqlaan, dhiiggooda ku daato, oo ay hantidooda ku burburtay.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in qaraxyada ka dhaca gobolka Gedo ee fuliso Al-Shabaab, uu soo dhex-marsado Axmed Madoobe, si loo cabsi geliyo siyaasiyiinta is hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Qaraxyadan loo soo xawilay Gedo waxay Al-Shabaab noqdeen aalad la adeegsado, hadda aragtaan qarax lala raadsaday qof siyaasi ah ama ganacsada waxaa la yidhaahda; walaal muxsin ah ayaa waxa uu naga soo dalbaday in mujrim hebel loo dilo oo dhaqaalihiisana wuu la baxay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan marnaba lagu argagaxeyn, laguna ogolaaneyn hoggaanka Kismaayo qaraxyada siyaasadeed ee uu soo maleego, sida uu ku eedeeyay madaxweynaha oo uu xilligaan kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed xooggan.

“Waa la noolanayaa waxaan hubaa colaad iyo naceyb kaga siyaada adiga (Axmed Madoobe) mooyaane iyo waxa ku weyde wanaag kuma helaysid.”

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay qoraal uu maanta soo saaray madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marxuum Maxamuud Maxamed Nuur.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka .

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marxuum Maxamuud Maxamed Nuur uu u soo adeegay qaranka, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiyihii Bankiga Horumarinta Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhaxe.

Qoraalka madaxweynaha meelna loogama xusin shacabkii ku dhintay weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Liido iyo carruurtii ku dhammaatay qaraxii isna ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee Sh/Hoose, taas oo ay ka dhalatay falcelin aad u xoogan.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn arrintan ugu dhaliilay madaxweynaha iyo guud ahaan kooxda ka shaqeysa xafiiskiisa.

Sidee looga fal-celiyay?

“Waxii shacab dhamaaday ma ninkaan bas looga tacsiyayanayaa xitaa geerida wa la kala qiyamaa HSM,” ayey tiri gabar Facebook-ga kusoo gasha magaca Maria.

“Qarixii xalay maxaa uga tacsiyeey weeysay?” ayuu isna yiri wiil kale oo lagu magacaabo Cali Sheekh Cabdi.

“Carruurti Janaale ku dhinteen oo la gumaaday no Answer miyaa madaxweynow?” ayuu Cabdullaahi Xasan Yuusuf uga fal-celiyay qoraalka Villa Soomaaliya.

“Villadaan waa meel habaar ku dhacay qofkii galaba horay ayuu iska beddelayaa, Alle ha u naxriisto Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe iyo dhammaan walaalihii xalay ku shahiidday qaraxii ay khawaarijta ku weerareen Pearl Beach” sidaasna waxaa yiri Cabdimaajid Cusman.

“Mudane madaxweyne aaway shacabkii Pearl Beach lagu laayey ay ugu horreyso walasheen Nasro. Yaa masuul ah oo loo soo qabtay mise shaqadiisa looga ceeyriyey masuuliyad darradaas amniyeed ee dhacday xalay?” ayuu yiri Amb Aadan Ahmed.

“Alle ha u naxaristo marxuumka kuwii xalay la xasuuqay masuliyadeeda cid lugula xisaabtamo lama yaqaano miyaa ilaa hadda?” ayuu isaguna yiri Ismaaciil Cabdi Maxamed.

Eed musuq-maasuq oo loo jeediyay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay eedo musuq oo ku wajahan wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Si gaar ah waxa ay isu-dul taageen Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya oo ay tilmaameen in la musuq maasuqay.  

“Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU) waxa uu ka walaacsan yahay Barnaamijka shaqo hufan ee dalka Soomaaliya (DWCP) oo ay saxiixday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (MOLSA),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SOCOTU. 

Waxa ay soo bandhigeen wadahadal gaar ah oo meel ka baxsan dalka ku dhexmaray wasiir Biixi iyo xubno ka socday hay’ada shaqaalaha adduunka ee ILO, halkaas oo lagu saxiixay barnaamijkan, waxa ay intaas ku dareen in uu meesha ka maqnaa daraf sadexaad oo ay ahayd in uu goobjoog ka ahaado saxiixa garabkaas oo ah ururada Shaqalaha. 

Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale soo jeediyay in baaris lagu sameeyo ergada uu wasiir Biixi u diray shirka caalamiga ah ee shaqada (ILC)  iyagoo muujiyay in ergo aan sax aheyn loo diray shirkaasi, taasoo qeyb ka ah arrimaha uu u xiran yahay agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada. 

“Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu si weyn u taageersan yahay siyaasadda Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha JFS mudane Xamza Abdi Barre ee ciribtirka iyo la dagaalanka musuq maasuqa laamaha dawlada JFS,” ayay warkooda sii raaciyeen. 

Ugu danbeyntii, Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa u soo jeediyay reysal wasaare Xamza Cabdi Bare in uu si qoto dheer u baaro qaabkii ay wasaarada shaqada  iyo arrimaha bulshada u wajahday mashruuca shaqo hufan ee  Soomaaliya.

CC Shakuur oo shaaciyey ujeed ay AL-SHABAAB ka lahaayeen weerarkii Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka hadlay weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka xeebta Liido.

War qoraal oo ah oo uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu ku sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay beegsadaan shacabka u Dalxiis tegay halkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xoogaga Al-Shabaab ay duulaan ku yihiin farxadda iyo quruxda noloshada, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la gar-naqsaday Al-Shabaab ayaa yiri “War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen?”.

Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada ammaanka ee soo afjaray weerarkaas, isaga oo sidoo kale tacsi u diray dhammaan ehallada ay dadkooda ku dhinteen weerarka lagu qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta ee degmada Cabdcasiis.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxay u dileen maxaad ugu soo baxdeen jawiga deggan ee quruxda badan oo ay hirka badda iyo hawada neecawda leh is haleelayaan?

Waxay duullaan ku yihiin farxadda iyo quruxda nolosha, nabadda, iyo xasilloonida. Sida keli ah ee ay jiritaankooda ku muujin karaan waa in ay weeraro argagaxisnimo, dil iyo xasuuq geystaan, haddii kale waa la iloobayaa, dadkuna amarkooda u hoggaansami mayaan.

Waa duul ka qalbi adag, ka arxan iyo naxariis daran, ka bahalsan maafiyada caalamiga ah iyo kooxaha ku hawllan danbiyada abaabulan.

Waxa keli ah ee la mid ah waa odayadii Carbeed ee xiligii jaahiliga hablaha ay dhalaan nolosha ku aasi jiray ee maalinta qiyaamaha iyaga iyo hablihii la is hor keenayo ka dibna inantii la nolol aasay la su’aalayo danbi caynkee ah ayaad galabsatay oo laguu dilay?

Dabcan inanta jawaab laga sugi mayo ee waxaa la doonayaa oo muuqaalkaa xanuunka iyo murugta badan loo keenayaa in la soo bandhigo naxariis la’aanta, qalbi adayga, caqli darrida iyo bahalnimada odayadii gabdhahooda nolosha ku aasay.

Waxaa taa la mid ah Argagexisada Shabaab oo ay hubaal tahay in la horkeenayo dadkii ay xalay ku laayeen Hoteelka Pearl Beach iyagoo neecawda iyo jawiga deggan si nabdoon ugu cawaynaya iyo kumanaankii kale oo ay hoteellada, iskuullada, maqaayadaha, suuqyada iyo jidadka ku dileen ama ku gawraceen.

War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen? haddii aad gaalo la diririyseen dadkani waa muslimiin ehelkiina ah, haddii aad dawlad la dagaalayseen dadkani waa rayad aan cidna wax u gaysan.

Waxaa boggaadin mudan ciidamada amniga. Allaha u naxariiso intii xalay weerarkaas argagexiso ku nafwaayey, marka laga reebo kuwii weerarka soo qaaday.

Daawo: Wiil dhalinyaro ah oo lagu gowracay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa lagu gowracay xaafadda Barwaaqo oo ka tirsan gudaha degmadaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cabdicasiis Axmed Maxamuud ayaa kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana meydkiisa, isaga oo la bireeyay lagu arkay isla xaafaddaasi.

Qaar kamid ah ehellada oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ahaa wiil dhalinyaro ah, sidoo kalena uu ahaa xerow raacda Kutubada Cilmiga Diiniga ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in marxuumka la waayey labadii maalmood ee lasoo dhaafay, isla-markaana gelinkii dambe Jimcihii isag oo mayd ah laga helay meelo geedo ah oo ka tirsan isla xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah ehellada oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable ayaa shaaca ka qaaday in aysan garaneyn sababta loo dilay wiilkooda iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba.

“Ninkan hadda wax kale oo aan korkiisa ku aragnay malaha, laakiin mindi ayaa dhuunta ku tiilay ma la yaqaano waxa dilay iyo cid aan xitta shaki ka qabno ma jirto” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable.

Ehellada ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda Soomaaliya, waxayna dalbadeen in baaris lagu sameeyo dhacdadaasn, si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeya dilkaasi.

“Waxaan dalbaneynaa in si cadaalad ah naloogu baaro wixii dhibkaas marxuumka u geystay,” ayay tiri hooyo kamid ah ehellada marxuumka la gowracay.

Sidoo kale Macallin Axmed Sheekh oo ah Shiikha kitaabada cilmiga u aqrin jiray marxuumka ayaa ka sheekeeyay shaqsiyadda marxuum Cabdicasiis Axmed Maxamuud.

“Ugu yaraan 5 sanno ayuu ila joogay oo aan wax u aqrinaayay nin wuxuu ahaa cilmiga heer fiican ka gaaray koley isagoo xaafadiisa iska jooga oo aan nabad-gelyo ku ognahay ayaa waxaan aragnay isaga oo meel yaalla oo la gowracay” ayuu yiri Macallin Axmed Sheekh.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maanta lagu aasay, qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho, ayada oo dadweyne kala duwan oo ka xumaa dilkiisa ay ka qaybgaleen aaska.

Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh ka soo saartay weerarkii hotel Pearl Beach

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si faahfaahsan uga hadashay weerarkii ay xalay ku qaaday dhismaha hotel Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac intaba.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay si buuxda la wareegtay dhismaha, isla-markaana ay 10 saacadoo ay ka dagaalameysay hotelka, sidoo kalena ay fashilay illaa 7 weerar oo ay soo qaadeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Warka soo baxay Al-Shabaab waxaa kale oo ay ku sheegtay in hoteelka ay ku caweynayeen saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda, sababtaasina ay ku beegsatay hotel Pearl Beach.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegatay inay weerarkan ku dishay ugu yaraan illaa 29 qof oo ay sheegtay inay isug jiraan saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheegashadan yaabka leh ee Al-Shabaab ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday xeebta Liido, kadib howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo 3 kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka amniga, halka lixda kalena ay ahaayeen rayid.

Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed.

“Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

BOOLISKA oo shaaciyay khasaaraha weerarkii xalay lagu qaaday xeebta LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta dalxiisa ee Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in hoteelka la weeraray ay ku sugnaayeen shacab fara badan, isla-markaana ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay baabi’iyaan dadkaasi.

“Hoteelka ay Naftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaciyay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, halka lixda kalena ay ahaayeen rayid.

Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed.

“Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Taliska ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka sameeyay ay soo bad-baadiyeen illaa 84 qof oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa dhismaha la weeraray.

“Alle mahadii, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ah”.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

Daawo: Waligey xabad iyo qarax ma maqlin xalay ka hor,” sidaas waxaa tiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo kasoo badbaaday weerarkii xalay lagu qaaday dhismaha hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ayaa ka sheekeysay qaabka ay wax ku dhaceen iyo sida ay ku badbaadeen ayada iyo carruurteeda.

Hooyadan ayaa sheegtay i dhnowaan ay dalka kusoo laabatay, isla-markaana ay kusoo barbaartay dalalka Carabta, waxayna sheegtay inay ku sugneyd hoteelka oo ay ku dalxiisayeen ayada iyo carruurteeda, xilliga uu dhacayay weerarka ay ku qaadeen Shabaab.

Waxa ay tilmaamtay in marka ay rasaastu bilaabatay ay gudaha ugu carareen hoteelka, isla-markaana ay meel luuqa ku jireen muddo dheer, kadibna ay mar dambe kasii boodeen darbiga, ayaga oo caawimaad ka helaya ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

“Meel aan Dalxiis aan u imaanay inaan annaga oo naxsan oo wal waleyno aan ka tegno waan ka xumahay, laakiin way dhacday calaa kulli xaal, haddana waxaan ku faraxsanahay inaan annaga oo caafimaad qabno ka tegnay,” ayay tiri hooyadan oo la hadashay Dalsan.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay la kulanto weerar noocaan oo kale ah, isla-markaana ay maqasho xabad iyo qarax.

“Waa markii iigu horreysay ee aan waddankeyga imaado Carabta ayaa la’iigu soo dhalay, kuna soo baraabaray, markii iigi horreysay aniga iyo carruurteyda oo wadanka imaanay oo qarax aan arkeyno, wallaahi waligey meel xabad laga tuuraayo ma maqlin,” ayay raacisay.

Sidoo kale waxay kusii dartay “Xalay naxtin weyn ayay nagu aheyd aniga iyo ilmaheyga waayo dhinac ayay ka ooynaayeen anne waan la ooynaayay xalay aad ayey u xumeyd”.

Weerarkan waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, halka lixda kalena ay ahaayeen dad rayid ah.

Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

“Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.


Ciidamada Haramcad oo soo afjaray weerarkii hotel Pearl Beach + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa ugu dambeyn saaka soo afjaray weerarkii tooska ahaa ee ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen nawaaxiga xeebta Liido, kaas oo sababay khasaare xoogleh.

Ugu yaraan labo qarax ayaa ka dhacday hotelka la weeraray oo la oran jray Ocean View, balse hadda lagu magacaabo Pearl Beach, kaas oo ay galeen rag ka tirsan Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanka amniga ay gudaha u galeen Hotelka, isla markaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo shacab ah oo hotelka ku sugnaa, waxaana dadka laga bixiyey albaab dambe oo dhanka xeebta xiga.

Badbaadinta dadka kadib waxaa bilowday howlgal ballaaran oo ay ciidanka amniga ku soo afjareemn kooxdii weerartay Hotelka, waxaana la baahiyay sawirrada ciidanka Haramcad oo ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Ciidanka Haramcad ayaa dhamaan toogasho ku dilay 5 kamid ah ragga weerarka ku galay hoteelka, kuwaas meydadkooda goobta lagu soo bandhigay, halka kuwa kalena oo watay jaakadaha qaraxyada ay isku qarxiyeen afaafka hore ee dhismaha hoteelka la weeraray.

“Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka argagixiso ee naf la caariga ahaa ku soo qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanku waxa ay toogteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay sii baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo isugu jiro askar, shacab iyo ragga weerarka qaaday, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse waxaa raadka weerarkan si weyn looga dareemayaa xeebta Liido, maadaama uu dhaliyay burbur xoogan.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

Al-Shabaab oo shaacisay magacyada raggii weeraray Buulo Mareer + Ajaanib ku jira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada shan is-miidaamiye ee dhawaan weeraray saldhiga Buulo-Mareer ee ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.

Muuqaal ay baahisay kooxda ayaa waxaa kasoo dhex muuqday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee fuliyay weerarkaasi, kaasi oo askar badan looga laayay ciidamada Uganda.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa khudbad u jeedinaya Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda, kaasi oo kasoo dhex muuqday muuqaalka ay baahisay kooxda, islamarkaana wajigiisa qarisay kooxda sida ay hore u sameysay.

Sidoo kale waxaa kasoo muuqday muuqaalka shan is-miidaamiye oo midkooda Ajnabi kasoo jeeda Kenya uu yahay, waxaana qaraxyada lagu beegsaday saldhiga Buulo Mareer ahaayeen kuwii ugu badna ee is-miidamiyayaal ah.

Is-miidamiyeyaasha Al-Shabaab ee qeybta ka ahaa weerarkaas ayaa intooda badan watay gawaari, waxaana daah-furay oo ugu horeeyay ninka kasoo jeeda Kenya, sida uu muuqaalka ku sheegay.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Magacyada is-miidamiyeyaasha ay soo bandhigtay Al-Shabaab ayaa kala ah;

  1. Muxumed Nuur Xuseen (Muusaa)
  2. Nuur Guhaad Bakar (Muniir)
  3. Jacfar Xasan Saciid (Abuu Faatima) oo ah Ajnabiga kaliya ee kamid ah is-miidaamiyeyaasha weerarkii Buulo Mareer
  4. Axmed Macallin Cabdi (Diini)
  5. Muudey Macallin Xuseen (Qac-qacaa)

Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

Sawirro: Xogta deegaano ka tirsan Jubada Hoose oo laga xoreeyey kooxda Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya Nabad sugidda Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano badan oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa burburiyey fariisimihii ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada uu maanta howlgalkaasi ka dhacay oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,.

Waxaa la sheegay in ciidanku ay ku baxeen deegaanadaas kadib markii ay ka war-heleen in Al-Shabaab ay joogaan oo xoolo uga uruursanayaan shacabkii deganaa deegaanadaas.

Deegaanada maanta kooxda lagu weeraray ee laga saaray waxaa ka mid ah Kaamjaroon, Yaaq Xalul, Kaliil, Buriyow, Buulo Xaaji iyo Yaaq-bishaaro oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Waa howlgalkii labaad oo ciidanka xoogga dalka ay Jimhihii maanta ka fuliyeen gobollada dalka, dhanka Galgaduud, ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogagga abaabulan ee dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Geerille oo u dhaxeyea magaalooyinka Ceeldheer iyo Cowsweyne ee bariga gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee howlgalkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay deegaanka Cowsweyne oo ay tuhunsan yihiin in kooxda Al-Shabaab ay kasoo abaabuleen weerarkii maalmo ka hor ay ku qaaday Masagawaay.

Ciidamada iskaashaanaya ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo Waxbo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Howlgallada ka socda deegaanadaas ayaa muhiim u ah ka hor tagga weerarrada ay Al-Shabaab ka geystaan deegaanada laga xoreeyey eek a tirsan bariga gobolka Galgaduud, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo qeyb ka ah masuuliyiinta hogaamineysa dagaalka.

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaq xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan gobolka, iyada oo saraakiisha hoggaamibaysa ciidanka iskaashanaya ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanada ka maqan gacantooda, ee weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Turkiga oo qabtay lacag faalso ah oo loo waday AFRIKA

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah oo loo soo waday Afrika.

Sidoo kale  waxaa la xiray lix qof oo ku lug lahaa howlgalkaasi, kuwaasoo mid ka mid ah u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.

Ciidamada koofiya casta ayaa dadkan ku raad-joogay, iyada oo markii dambe ay kasoo qabteen goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay ku qabteen lacagta boqob-boqolka dollar ah ee been-abuurka ah ee loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay xafiisku.

Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo agabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana aya la ogeysiiyay qabashada xubnahan.

Falkan been abuurka ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda dalka Turkiga, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.

VOA + Reuters.

Sawirro: Catriona oo Garoowe kula kulantay Deni iyo Karaash

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing ayaa maanta booqasho ku tegtay magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal, sidoo kalena ah caasimada Puntland.

Socdaalkan ayaa waxaa Catriona ku wehlinayay xubno kale oo ka tirsan xafiiska QM ee Soomaaliya, kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada Puntland.

Marwo Catriona Laing ayaa lagu soo warramayaa inay wadahadallo gaar ah la yeelatay madaxweyne Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Wararka ayaa sheegay in kulankan diirada lagu saaray doorashooyinka, baahiyaha bini’aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada QM.

Intaas kadib saddexda mas’uul ayaa wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay wariyeyaasha, iayaga oo la wadaagay xogta kulankooda oo ay uhgu muhiimsadneyd wada-shaqeyn wanaagsan oo dhex-marta, maadaama Catriona ay ku cusub tahay xafiiskeeda shaqada.

Catriona Laing ayaa sidoo kale dowlad goboiledka Puntland ku amaantay horumarka ay u qaadeen dhanka dimuqraadiyada. “Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda, waxayna sidoo kale muujinaysaa horumarka qaybaha kale ee Soomaaliya” ayey ku tiri shirkeeda jaraa’id.

Waa maamul goboleedkii labaad oo ay booqaneyso haweeneydaan oo todobaadkii hore soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna horay u tegay dowlad goboleedka HirShabelle.

Waxa kale oo a horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada.

Ergeyga cusub ee QM ayaa sidoo kale la filayaa inay booqato xarumaha kale ee maamul goboleedyada, si ay wadahadallo ula yeelato hoggaamiyeyaasha kale ee dalka.

Sawirro: Wararkii u dambeeyey weerar culus oo ka socda hotel ku yaalla xeebta Liido

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku billowday qaraxyo ayaa caawa lagu qaaday Hotel ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayada oo la maqlay dhowr qarax oo is-xigxigay iyo rasaas xooggan, kadibna waxaa gudaha hotelka galay dagaalyahano hubeysan.

Ugu yaraan labo qarax ayaa ka dhacday hotelkaas oo la dhihi jiray Ocean View, hadana lagu magacaabo Pearl Beach. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in rasaas xoogan ay ka socoto goobta.

Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanka amniga ay gudaha u galeen Hotelka, isla markaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo shacab ah oo hotelka ku sugnaa, waxaana dadka laga bixiyey albaab dambe oo dhanka xeebta xiga.

Badbaadinta dadka kadib waxaa bilowday howlgal weli socda oo ciidanka amnigu ay ku soo afjarayaan kooxdii weerartay Hotelka, waxaana lasoo bandhigay sawirrada ciidanka Haramcad oo ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Weli ma jirto cid xog ka bixisay khasaaraha ka dhashay weerarkaas, dowladduna weli kama hadlin, waxaana socda dadaallo ay lagu badbaadinayo dadka.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay bilaabeen rag soo xirtay jaakadaha qarxa, kadibna ay koox hubeysan ku xigsatay, kuwaasi oo hadda gudaha ka dhex dagaalamaya.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse weli xog rasmi ah lagama helin heerka uu gaarsiisan yahay.

Kala soco Caasimada Online, wixii kasoo kordha weerarkaas

Dhacdo xanuun badan: 25 carruur ah oo maanta qarax uu ku dilay QORYOOLEY

Qoryooley (Caasimada Online) – 25 Carruur ah ayaa ku geeriyootay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii uu ku qarxay mid kamida haraadiga madafiic hore oo ay ku ciyaarayeen.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley oo la hadlay Dalsan TV ayaa sheegay in carruurtaas goobta ku cayaarayeen Banooni, balse qaarkood ay gargaraaceen hub hore oo muddo goobta yaallay.

Wuxuu sheegay in 22 ka mid ah ay goobta ku geeriyoodeen, halka seddaxda kalena ay dib ka geeriyoodeen kadib markii goobta laga soo qaaday iyagoo qaba dhaawac culus.

“Saakay waxay aheyd Jimco wixii iskuul iyo dugsi lahaaba ciyaalkii waxay aadeen banooni, kadibna waxay garaaceen oo ku qaraxday bir weyn, waxaa halkaas ku geeriyootay 22 ka mid ah, 3-da kale oo mid Xamar loola cararay dib ayey ka geeriyoodeen,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Wuxuu intaas ku sii diray in carruurta geeriyootay ay da’doodu u dhaxeysay 15 ilaa 10 sano, “Hal gabar kuma jirin wiilal kaliya ayey ahaayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in carruurtaan ay ku geeriyoodeen tuulo yar oo 5 KM u jirta magaalada Qoryooley, “Wadankaan wuxuu soo maray dagaal badan, waxa carruurtaan ku qarxay muddo ayey yaaleen halkaas oo hadda dhow wax la riday maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Maamulka degmada Qoryooley ayaa dalbaday in dadka ku nool aagga degmadaas laga badbaadiyo khatarta ka soo wajaheysa qaraxyada ka dhalan kara haraadiga dagaaladii sokeeye iyo kuwii lala galay argagixisada.

“Dadkaan wacyi gelin ayey u baahan yihiin waxaan aqoon uma lahan, 2018-kii 8 qof ayaa sidaan oo kale ugu geeriyootay haraadiga waxyaabaha qarxa, waxaan ka codsaneynaa madaxda K/Galbeed inay hey’adaha ka shaqeeya arrimahaan ka dalbadaan inay wacyi gelin u sameeyaan dadkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley.

Dhankiisa, Gudoomiyaha degmada Qoryooleey Ibraahim Malabow oo la hadlay BBC ayaa sheegay in deegaanka uu qaraxu ka dhacay lagu magacaabo Muraalle, isla markaana dhaca inta u dhaxeysa Qoryooley iyi Jannaale.

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in ay hubka carruurta ku qarxay ay meesha dhigeen “Dowladdu Bam meel ka dhigto, waxaa halkaas Bamka dhigay Khawaarijta,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qoryooley.

Hoos ka dhageyso wareysiga