27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay deegaan cusub, kuna sii wajahan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegay deegaanka Geerille oo u dhaxeysa magaalooyinka Ceeldheer iyo Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee howl-galkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay deegaanka Cowsweyne oo ay tuhunsan yihiin in kooxda Al-Shabaab ay kasoo abaabuleen weerarkii maalmo kahor ay ku qaaday Masagawaay.

Ciidamada iskaashaanaua ayaa sidoo kale waxaa la sheegay ina ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo Waxbo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasi oo weli ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab

Howl-gallada ka socda deegaanadaasi ayaa muhiim u ah adkeynta xadka ay wadaagaan dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug, sida uu sheegay guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaq xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan gobolka, iyada oo saraakiisha hoggaamibaysa ciidanka iskaashanaya ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanada ka maqan gacantooda, ee weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan cusub ayaa imanaya xilli dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socday qeybo kamid ah gobolada dalka uu gaabis ku yimid toddobaadyadii dambe, kuwaasi oo markii hore kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh.

Si kastaba, waxaa dhawaan lagu wadaa in si rasmi ah u billowdo wejiga 2-aad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, iyada oo wejigan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada dalalka deriska, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalkan oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.

Iska hor-imaad khasaare gaystay oo ka dhacay Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor-imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Iska hor-imaadkaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan Booliska Puntland oo ay ku jirto gabar.

Warar kala duwan ayaa sheegaya inay jirto dhimasho uu sababay iska hor-imaadkan, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin.

Iska hor-imaadka ayaa waxaa la sheegaya inuu dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaar kamid ah ragga hubeysnaa ee iska hor-imaadku dhexmar ciidanka Booliska ayaa la xidhay.

Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka amni ee mararka qaar ka dhaca magaalada Garoowe oo xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah caasimadda Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale dagaal adag kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaas, islamarkaana dhibaatada ku haya bulshada.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay caasimada Puntland ee Garoowe ay ka taagan tahay xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland iyo khilaafka doorashada dowladaha Hoose ee Garoowe iyo laba degmo kale.

Dilka SAHRA BULLE oo loo qabtay ninkeeda Brian Aaron – Sidee ayey wax u dhaceen?

Windsor (Caasimada Online) – Booliska magaalada Windsor ee dalka Canada ayaa dacwad dil ah kuso oogay nin kasoo jeeda gobolka Maraykanka ee Michigan oo lala xiriirinayo in uu dilay xaaskiisa oo la waayey toddobaad ka hore.

Brian Aaron Marbury oo 45 jir ah ayey booliska Canada ka qabteen dhinaca canada ee kanaalka isku xira Windsor iyo magaalada Detriot ee dalka Maraykanka wax yar uun ka dib sagaalkii fiidnimo ee isniintii.

Booliska ayaa sheegay in xarigga ninkani ka dhashay natiijada baaritaan lagu sameeyay gabar Windsor degganayd- Sahra Bulle oo 36 jir ahayd taas oo aan meel lagu sheegin tan iyo 26kii Maajo.

Inkasta oo baaritaanka ku saabsan waayitaanka Sahra uu weli socdo, haddana booliska ayaa sheegay in qabashada Marbury ay u cuskadeen ”cadeymo lagu kalsoonaan karo” oo ay heleen.

”Baarayaashu waxay weli raadinayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan meesha ay ku dambeysay Sahra Buulle,” ayey saraakiisha boolisku kusii dareen.

Sida ka muuqata waraaqo baafin ah oo lagu dhejiyay darbiyada, Sahra waxay dhigaynaysay jaamacadda Windsor. Hooyada Sahra, Fartuumo Kuusow ayaa barah bulshada dadka isticmaala ka codsatay in ay la baafiyaan gabadheeda si loo helo raq iyo ruux mid uun.

Sylvia Guenther Madaxa fulinta ee barnaamijka Hiatus Haouse oo caawiya ka haweenka xadgudubyada dumar nacaybka ah ee loo geysto ayaa sheegtay in dilalka loo geysanayo haweenla ay yihiin dhibaato ku soo badanaysa bulshada.

”Waxaan ognahay in mid ka mid ah saddexdii dumar ahba ay la kulantao nooc ka mid ah xadgudubyada lammaanaha ama xad gudubyada qoyska ugu yaraan hal mar inta ay noolyihiin,” ayay tiri.

“Ma ahan xaalad ka soo raynaysa inta uu wakhtigu sii socdo. Waxaan aragnaa kiisas aad u daran oo xadgudubyo ah, sida aan hadda maqalnayna waxaa jira khasaare aad u xun oo soo gaaray bulshadayada,” ayey sii raacisay.

Hiatus House waa xarun xasaradeed oo muddo 24-saacadoo ah loogu talagalay dadka la kulma xadgudubyada qoyska ama lammaanaha dhow. Qadka taleefanka ee degdegga ah ayey ku shaqeeyaan.

Guenther waxay sheegtay in guud ahaan, waqtiga ay ugu nugul yihiin haweenka xadgudubyada xiriirka, ay yihiin marka ay go’aansadaan inay isbedel sameeyaan. Hiatus House wuxuu kala shaqeeyaa inay gartaan halista iyo khatarta, iyo sida loo yareeyo khatarahaas.

“Waan sii wadi doonnaa inaan qaybteena ka qaadanno sidii aan u hubin lahayn inaan u caawino haweenka intii karaankeena ah iyo … si aan u hubinno inaan aqoonsan karno … xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee sida cudurka ugu faafaya bulshada si aan wax uga baddelno haweenka mustaqbalka. “

Dumarka la waayayo oo waliba qaarkood meydkooda la helayo ayaa kuso badanaya dalka Canada iyada oo toddobaadkan gudihiisa lasoo weriyey ilaa saddex dumar ah oo la la’yahay.

Gabriele vinall oo bishii Janaayo ee sannadkan la waayey ayaa kowdii bishan la helay meydkeeda, balse dhimashadeeda ayaan wax shaki ah oo kale sii bixin sida ay boolisku sheegeen, xog dheeraad ahna weli lamasoo deyn.

Dhawaan ayey sidoo kale ahayd markii gabadh Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka canada ay Soomaalida dalkaasi ka mudaharaadeen xukunka laga saoo saaray dilkeeda.

Hodan Xaashi, ayaa billowgii bishii November ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Saskatoon ee gobolka Saskatchewan.

Paige Theriault-Fisher, oo 22 jir ah, ayaa lala xiriiriyay dilka Hodan oo 23 jir ahayd.

Paige ayaa xukunka kadib lagu sii daayay damaanad $5,000 oo lacagta Canada ah.

Isha: BBC Somali

DF Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan maamulka cusub ee madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo, oo sanado badan ay ka taagned xiisad u dhaxeysa isaga iyo siyaasiyiinta beel ahaan kasoo jeeda gobolka qaarkood.

Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa soo dhoweysay magacaabista maamulka cusub ee madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo.

Waxay sheegtay in sanadihii u dambeeyay si dhow ula socotay xaaladda gobolka Gedo, islamarkaana ay hadda soo dhaweynayso tallaabada cusub ee uu qaaday maamulka Axmed Madoobe ee fadhigiisu yahay Kismaayo.

“Wasaaraddu waxay u hambalyeyneysaa maamulka cusub ee uu madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacan ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia.

Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo.

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan gobolka.

Waxaa dhowaan Muqdisho loo diiday inay kasoo kacdo diyaarad sidday mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasi oo dhalisay is-mari-waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii gobolka Gedo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay inuu xal u heli doono xiisadda gobolka Gedo, balse weli uma dhaqaaqin inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadaas, waxaana hadda muuqata in dowladda federaalka ay la safan tahay garabka Axmed Madoobe oo is-hayaan garabka awoodda ciidan ku jooga gobolka.

DF oo shaacisay tirada ciidamada ATMIS ee bishan JUNE laga saarayo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay tirada u horreeysay ee ciidanka ATMIS ee laga saarayo dalka, taasi oo qeyb ka qorshaha dhimista tirada ciidamada shisheeye.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo war kasoo saartay arrintaan ayaa xaqiijisay in dowladda ay ka go’an tahay inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS.

Wasaaradda ayaa shaacisay in 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha dalka, laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishaan June ee 2023-ka.

“Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa abuurnay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ah, kuwaas oo waajibaadkooda wareejin doona dhammaadka Juun 2023.”

Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay raaceyso oo ay meel-marinayo qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo dhigaya in la yareeyo tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxay magacawday koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban ATMIS iyo xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS), kuwaasi oo kormeeri doona dhaqan-gelinta bixitaanka ATMIS.

Si kastaba, tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee ka billowda gobollada dalka, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah.

Donald TRUMP oo lagu soo oogay dacwad xasaasi ah

New York (Caasimada Online) – Xeerbeegti heer federaal ah oo ku sugan gobolka Florida ayaa Khamiistii ku soo oogtay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump dacwad la xiriirta inuu gurigisa u qaatay sir qaran oo xasaasi ah, kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad.

Waaxda Cadaaladda ayaa ku wargelisay Trump in dacwad lagu soo oogay, waxayna ka codsatay inuu kasoo muuqdo maxkamaddii ugu horreysay ee Miami maalinta Talaadada ah, sida uu madaxweynihii hore ku xaqiijiyay bartiisa bulshada.

“Maamulka Biden ee musuqmaasuqa ah ayaa ku wargeliyay qareennadayda in la igu soo oogay dacwad la xiriirta sanaadiiqdii been abuurka ahaa,” ayuu Trump ku qoray bartiisa shabakadda Truth, isaga oo tilmaamaya sanduuqyo dukumeenti ah oo FBI-du ay ka qabatay gurigiisa ku yaalla Florida bishii Agoosto ee lasoo dhaafay.

Eedeyntan ayaa ah mid aan weli la faah-faahin, balse toddobo kamid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ay ku jiraan dambiyo kala duwan.

Eedeynta ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyay ee hore ee maxkamad federaal ah dacwaddiisa loo diro.

Baaritaankii FBI-da ee gurga Trump ee Mar-a-Lago ee bishii Agoosto ee la soo dhaafay ayaa horseeday in laga helo inka badan 100 dukumeenti sir ah.

Isha: VOA

Maxay Soomaaliya ku soo bandhigtay kulankii lagu qabtay xarunta QM ee Beirut?

0

Beruit (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Beruit.

Wasiiro-dowlaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Nadiif), qubaro ka socdey wasaaradda beeraha iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ka qeyb-galay madaashaasi.

Madashan ayaa waxaa looga hadlayey ilaalinta bulshada sinaan la’aanta bulshada iyo sugnaanta cuntada, kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey UNESCWA ee magaalada Beruit.

Wasiir Yusuf oo ka qeyb-galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey qorshaha wasaaradda kaga degan arrimaha bulshada, ayaa ugu horeyn uga mahad-celiyey dowladda Lubnaan iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut casuumaadda ay u fidiyeen.

Waxa uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto waddamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo dowalad dhiska Soomaaliyeed.

Wasiiru-dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartey wasaarada dhanka arrimaha bulshada iyo faa’iidada uu u leeyahay diiwaanka bulshada nugul (Unified Social Registry).

Ugu dambeyntiina wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay dowaldda federaalka Soomaaliya ugu go’an tahay siyaasadda ilaalinta bulshada, xaqiijinta amniga dalka, iyo dagaalka Al-Shabaab lagula jiro oo dhamaadka sanadkaan qorshaha yahay sidii lagu so afjari lahaa.

Sawirro: XASAN oo Villa Somalia ku qaabilay ganacsato Turki ah oo u socda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat.

Ganacasatadan ayaa caasimadda dalka ee Muqdisho u yimid sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen dalkeenna.

Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso arrinkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wayn oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga.

Baaxadda ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu qiyaasay 280 milyan oo doolar, waxaana lagu qiyaasa in shirkadaha Turkiga ay maalgashi ku sameeyeen dalka ay gaareen $100 milyan.

Maxaa ka dhex socda DF Soomaaliiya iyo Sacuudiga?

0

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maalmihii dambe booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiir Jaamac ayaa waxa uu magaalada Riyadh kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca dalkaas Khalid Bin Salman Bin AbdulAziz.

Kulanka wasiirrada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii labada dal ay u sameysan lahaayeen iskaashi dhanka difaacada iyo amniga, oo sii xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa booqasho ku tagay dalka Sacuudi Carabiya Juun 3, 2023-ka, isaga oo kulamo kala duwa la yeeshay hoggaanka ciidanka Boqortooyada.

Sidoo kale Wasiir Jaamac ayaa booqasho ku tagay kuliyadda hoggaaminta ciidanka qalabka sida iyo hay’adda qaran ee Cyber Security-tiga Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

“Ujeedka booqashada hay’adahaan wuxuu ahaa ka dhuuxista khibradda boqortooyada aan walaalaha nahay ka gaartay tacliinta sare ee xiriirka la leh arrimaha ciidanka iyo ka hortagga khataraha ay xambaarsan tahay teknaloojiyadda isgaarsiinta casriga ah,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili.

Kulankan ayay labada masuul uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaallanka waxa loogu yeero “argagixisada caalamiga ah.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayso dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Puntland oo DF ku eedeysay in ay musuq-maasuq ku sameysay saamigii…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid hanaanka ay dowladda federaalka Soomaaliya sanadkaan u maareysay arrimaha Xajka.

Puntland ayaa waxay dowladda federaalka ku eedeysay inay musuq-maasuq ku sameysay qeybsiga saamiga Xajka, taasi oo si weyn loogu cambaareeyay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caddaaladda Puntland.

”Wasaaradda Caddaaladda Puntland waxay cambaaraynaysaa boobka, eexda iyo musuq-maasuqa ay wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalku ku samaysey hab qeybsiga, maamulka iyo adeegyada Xajka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Wasaaradda ayaa ku eedaysay dowladda federaalka Soomaaliya inay si ku dhisan caddaalad-darro u qeybisay saamiga Xajka ee sanadkaan, islamarkaana maamulka Puntland ka siisay 850 kursi tirada guud oo dhan 11,500.

“Waxay magacowday (wasaaradda) guddi mukhalasiin ah oo ka kooban shaqaalaha wasaaradda oo xigto iyo xaalad dhow la ah madaxda wasaaradda, shaqadooduna tahay in ay lacagaha ka soo aruurshaan xujeyda.”

Puntland ayaa sidoo kale waxay wasaaradda diinta iyo awqaafta federaalka ku eedeysay inay la wareegtay adeegyadii shirkadaha Xajku siin-jireen xujeyda, taas oo saamayn togan ku yeelan doonta tayada adeega, cibaadada iyo nolosha xujeyda.

“Wasaaradda ma samayn tartan furan oo shirkadaha Xajka Soomaaliyeed ugu tartamaan si xalaal ah oo daah-furan si xujeyda u helaan adeeg tayo leh. Halka wasaaraddu xulatay ay ka qaadey lacago hormaris ah.”

Eedeynta Puntland ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay in meesha laga saaray musuq-maasuqii adeegga Xajka, islamarkaana qiimihii hore hoos loo dhigay.

Dowladda ayaa sidoo kale hore ugu dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

SOMALILAND oo war culus kasoo saartay go’aankii Golaha Ammaanka QM

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kasoo saartay bayaankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo si kulul looga hadlay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa ugu horeyn waxay soo dhaweysay bayaankii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa joojinta colaadda Laascaanood iyo abuurista xaaladaha nabadda ee magaaladaasi.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka QM u muuqday mid looga been sheegay xaaladda dhabta ah ee ka taagan Laascaanood, ayna ciidankeedu ka baxeen Laascaanood 26-kii Febraayo ee sanadkaan.

Somaliland ayaa sheegtay in markaas wixii ka dambeeyay ay ciidankeedu difaac adag ka galeen meel ka baxsan magaalada Laascaanood, islamarkaana ay si adag uga hortageen in ay waxyeelo soo gaadho dadka rayidka ah, iyada oo marar badan ay kooxo maleeshiyad ahi soo weerareen.

“Xukuumadda Somaliland ayaa waxay ka walaacsan taha6 go’aankii Golaha Ammaanku soo saaray oo fursad u ah in kooxda Al-Shabaab ay si xawli ah isugu balaadhiyaan magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool ee Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in arrintani aanay khatar ku ahayn oo keliya Somaliland, balse waddamada jaarka iyo gobolkaba, sidaas darteed ay tahay goluhu inuu udhug yeesho arrinkaan.

“Ma jirto dowlad keli ah oo xakamayn karta khatartan, sidaas darteed dowladda Somaliland waxay ka codsanaysaa xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay fiiro gaar ah siiyaan oo ay gacan ka geystaan ​​sidii ay khatartan isa soo taraysa looga hortagi lahaa.”

Somaliland ayaa waxay sheegtay in warqad u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasi oo ku taariikhaysnayd 12-kii bishii April 2023, islamarkaana lagu ogaysiiyay khatarta Al-Shabaab ee ku soo korodhay magaaladda Laascaanood iyo gobolka Sool.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay wada-hadal ku baaqaysay tan iyo markii ay bilaabantay colaadu lakiin garaadadu ay aqbali waayeen iyo inay bixisay jid gargaar oo aan carqalad lahayn, ayna xukuumaddu gargaar cunto, biyo iyo adeeg caafimaad leh gaarsiisay deegaanada ay dadku ku barakaceen.

Waxay sheegtay in ciidamada Somaliland ee Sool ay difaacayaan madax-bannaanida dhuleed ee Somaliland iyo xuduudaheedii la aqoonsaday markii ay madax-bannaanida qaadatay, islamarkaana ay xuduudaha Somaliland waafaqsan yihiin qodobka 4-aad ee sharciga dhulka Afrika ee QM ay aqoonsan tahay.

“Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida magaalada Laascaanood hortaagan waa soo gelitaanka magaaladaas ee ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo iyagu si firfircoon u hurinaya colaadda ka taagan, waxa kale oo in dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay sidoo kale qaab qabiil u adeegsadaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Laascaanood.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Somaliland in sida kaliya ee lagu xalin karo colaadda Laascaanood ay tahay inay ka baxaan magaaladaasi ciidamada Puntland, ayada oo Golaha Ammaanka ee QM ku boorisay inay taageeraan bilowga dadaallada nabadeed.

BOOLISKA oo soo xiray agaasimaha wasaarad ka tirsan DF + Arrinta loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in lasoo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdullaahi Maxamed Cali.

Taliska ayaa sheegay in agaasimaha lagu soo xiray waaran maxkamadeed, ayada oo la dhowrayo sareynta sharciga, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud Booliska gobolka Banaadir.

“Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta iyada oo la dhowrayo Sareynta Sharciga, Waaran maxkamadeed ku soo xiray Edeysane Cabdulaahi Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Booliska uu shaaciyay in la xiray ayaa waxaa loo haysta eedeyn culus oo la xiriirta musuq-maasuq.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hore  agaasimahan lasoo xiray maanta ugu soo eedeeyay musuq, si loo horkeeno maxkamadda gobolka Banaadir.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli masuuliyiin ka tirsan dowladda ay u xiran yihiin xatooyo xoola dadweyne, kuwaaasi oo dhawaan la hor geynayo maxkamadaha dalka.

Sidoo kale waxaa baaritaan lagu hayaa masuuliyiin ka tirsan dowladda oo aan weli lasoo xirin, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Qof kasta oo masuul dowlo ah ama shacab ah waxaan uga digayaa musuq-maasuq, waxaan ula dagaalami doonaa si adag, nagamana faka doono,” ayuu yiri Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah musuq-maasuqa, kaasi oo aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda.

Si kastaba, Dowladda ayaa qorsheynaysa inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo dhawaan Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

Madaxweyne MUSEVENI oo laga helay xanuunka…

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa laga helay COVID-19, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka xalay, isaga oo intaas ku daray in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, uuna sii wadi doonaa shaqadiisa inta lala tacaalayo.

“Madaxweynaha waxaa laga helay cudurka COVID-19. Tani waxay ahayd kadib markii ay soo baxeen astaamo u eg hargab fudud. Si kastaba ha ahaatee caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, wuxuuna ii si caadi ah u gudan doonaan waajibaadkiisa” ayay barteeda Twitterka ku sheegtay Diane Atwine oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda caafimaadka.

Horraantii Arbacadii, kadib markii uu khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka, Museveni, oo 78 jir ah, ayaa tilmaamay inuu shakiga inuu ku dhacay COVID, isagoo sheegay subaxdii inuu dareemay qabow yar, taasoo ku kalliftay inuu codsado tijaabooyin COVID.

Intii lagu jiray masiibadii COVID, Museveni, oo qaatay tallaalka COVID, ayaa had iyo jeer lagu arki jiray fagaaraha isagoo xiran mask.

Xanuunka COVID-19 oo soo shaac baxay bishii December 2019, ayaa caalamka ku dilay dhwor milyan oo qof labadii sano ee ugu horreeyey hase yeeshee wuxuu yaraaday 2022, kadib markii la helay tallaalka xanuunka.

REUTERS + VOA

Axmed Buulle: Waxaan ahay madaxweynaha xorta ah ee Jubbaland

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa ka horyimid tallaabadii uu qaaday madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo maalin ka hor maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo.

Gareed ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ka quseynin magacaabista uu sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe ee ku aadan maamulka gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in aysan jirin cid ka socota Jubbaland oo imaan karta gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

“Nama quseyso waxa uu magacaabay Axmed Madoobe, mana jirto cid ka socota maamulkiisa ama taageersan oo imaan karta gobolka Gedo” ayuu yiri Gareed.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu isagu yahay madaxweynaha xorta ah ee Jubbaland, isla-markaana uu wado qorshe uu mideynayo reer Jubbaland.

“Waxaan ahay madaxweynaha xorta ah ee Jubbaland, waxaana wada qorshahii aan ku mideyn laha Jubbaland sax ah oo aan maamul ugu dhisi laha gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule.

Dhanka kale, Axmed Buulle Gareed ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe, gaar ahaan xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, isaga oo sheegay inay ka shaqeyneyso sii kala fogeynta Jubbaland iyo dadka ku nool gobolka Gedo.

Arrinata gobolka Gedo ayaa mar kale kasii dareysa, kadib tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay gobolkan, xilli weli laga diidan yahay halkaasi.

Guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac, sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata mid haatan kasii dareysa, waxaana laga digayaa in dagaallo ay ka qarxaan gobolka Gedo.

Border clash: Ethiopia and Al-Shabab’s ongoing strife

Addis Ababa (Caasimada Online) – The Ethiopian National Defense Forces have thwarted a potential suicide attack, reportedly launched by the armed group al-Shabab, on the Somali border town of Dollo, Ethiopia’s foreign ministry said in a Twitter post on Wednesday

The gallantry of the army was demonstrated as they “halted the attackers before they could sow seeds of destruction.”

Tracing back the origins of al-Shabab, a group with confirmed ties to al-Qaeda, one finds 15 years of violent opposition against Somalia’s central administration.

From the nucleus of its creation, the group’s intentions of destabilizing the Somali government have been unwavering.

Contrasting narratives

Despite the Ethiopian government’s claims, al-Shabab, via their communications, portrayed a different account of the encounter.

According to the United States monitoring group SITE, the armed group professed to have orchestrated two suicide bombings at an Ethiopian military establishment located on the Somali side of the border.

They stated that the first attack was focused on the “local military command headquarters,” and the second targeted a weapons and ammunition storehouse.

Al-Shabab’s statement also included claims of heavy casualties and substantial injuries. However, their track record of overstating battlefield triumphs questions these assertions.

African Union peacekeeping role

This occurrence comes on the heels of a recent tragic incident in Uganda where 54 soldiers were killed in an attack on an African Union (AU) base.

Despite being expelled from Mogadishu in 2011 by an AU force, Al-Shabab remains a potent force in Somalia’s countryside.

Their operations continue to inflict fatal strikes on civilian, political, and military targets.

Ethiopia has previously experienced al-Shabab’s wrath in reprisal for its efforts as part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

This force was established to dislodge the armed group, and Ethiopia’s role within ATMIS has been a thorn in al-Shabab’s side.

A spate of attacks on Ethiopian military camps along the border in mid-2022 offers a stark reminder of this.

Regional impact

With a strength of 22,000 troops, ATMIS has been lending a hand to Somalia’s federal government in the ongoing battle against al-Shabab since it took over the mantle from the AU Mission in Somalia (AMISOM) in 2022.

Al-Shabab’s transgressions extend beyond Somalia and Ethiopia, periodically launching attacks in neighboring Kenya in retaliation for its support of the resistance in Mogadishu.

The complexities of this conflict and its potential implications for the stability of the East African region continue to loom large.

The global community must remain alert and responsive to developments within this critical theater of war.

DF oo xil sare u magacowday nin aad ugu dhow Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku asixiyay magacaabista maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha (National Identification and Registration Authority).

Agaasimaha guud ee hay’adda ayaa waxaa loo magacaabay Cabdiweli Timacadde, halka ku-xigeenkiisana loo magacaabay Cabdullaahi Biixi Xuseen.

Magacaabista maamulka cusub ee hay’adda ayaa timid, kadib soo jeedin ay golaha ka sameysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya

Timacadde oo loo magacaabay agaasinka hay’addan ayaa ah aqoonyahan dhalinyaro ah, kana soo jeedo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay hadda ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Sidoo kale Cabdiweli Timacade ayaa horay u soo noqday agaasime ku-xigeenkii hore ee madaxtooyada Puntland, inkasta oo uu iska casilay xilkaasi.

Ninkan ayaa sidoo kale kamid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa madaxweyne Saciid Deni, isaga oo kamid ahaa kooxdii ololaha doorashadii Muqdisho, balse waxa kala tageen markii ay dhammaatay doorashada oo Deni iyo raggii kale uu uga adkaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa isla maanta sidoo kale ku meel-mariyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo loo magacaabay, Marwo Safiya Xasan Maxamed, halka ku-xigeen koowaad loo magacaabay Mudane Cabdullaahi Aadan Cabdi iyo Ku xigeenka Labaad Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad.

Kulanka golaha, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2023 iyo heshiisyada Ku Biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Ku Biiridda Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfur Afrika (COMES),

Si kastaba, dhismaha labadan hay’adood ayaa xilligan muhiim u ah Soomaaliya oo haatan kasoo kabaneyso burbur, waxayna qayb tahay horumarka ay ku talaabsaneyso dowladda.

Ilhan Omar’s rising influence: From controversy to clout

Washington (Caasimada Online) – Rep. Ilhan Omar, once ousted from the House Foreign Affairs Committee, now finds herself wielding more influence than before.

The Minnesota Democrat and deputy chair of the Progressive Caucus has not only received a significant promotion within the House Budget Committee but has also seen a surge in her diplomatic engagements post-ouster.

Wednesday marked a milestone for Rep. Omar as her colleagues confirmed her as the vice-ranking member of the House Budget Committee. This makes her the second-in-command among the Democrats on the committee.

Expressing her delight, Omar noted, “It is more important than ever to fight for a future budget that invests in universal health care, debt-free higher education, and tackles the climate crisis — and that change starts with the House Budget Committee.”

While the Budget Committee can’t directly fund these initiatives, it generally sets the overarching spending parameters that shape the more granular appropriations bills.

It’s still uncertain, however, if the House will pass a budget resolution this year.

GOP influence on budget planning

Though Omar has clinched a crucial role, it’s important to note that the Republicans, led by House Budget Chairman Jodey C. Arrington from Texas, hold sway over the budget drafting process.

Despite not producing one yet, Arrington intends to write a budget for the upcoming fiscal year. Given her position in the minority party, Omar’s influence on this GOP-driven plan remains to be seen.

Omar’s rise follows a contentious period in February, during which a party-line vote (218-211) led to her removal from the Foreign Affairs Committee.

The decision came in response to comments she made in 2019, deemed antisemitic by critics.

Omar, born in Somalia and among the first Muslim women elected to Congress in 2018, apologized for her remarks and regained the backing of her party.

An unexpected diplomatic boost

Omar’s removal from the Foreign Affairs Committee has not curtailed her diplomatic pursuits—quite the contrary.

In the last four months, she has increased her interactions with foreign embassies, parliamentarians, the Biden administration, and Democratic lawmakers significantly.

“It’s been actually fascinating,” Omar stated in a recent interview. “Since I was removed from the committee, I think I’ve had more visits from parliamentarians around the world and visits with ambassadors in the last three months than I would in a year or two while on the committee.”

This unexpected turn of events indicates that despite past controversies, Omar is a resilient political player.

Golaha wasiirada oo go’aan ka gaaray heshiiska hannaanka doorashooyinka DALKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa soo saaray saddex qodob oo ku aadan hannaanka uu golughu u maray mee-marinta hannaanka doorashooyinka dalka, kuwaas oo kala ah:-

Qodobka 1-aad: Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

1- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay dhammeystirka iyo dhaqangelinta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku heshiiyay Golaha Wadatashiga Qaranka 27 Maajo 2023 .

3- Waxaa la farayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso in ay si degdeg ah uga hawlgalaan diyaarinta shuruucda loo baahan yahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiska kor ku xusan.

3- Wixii wax-ka-beddel ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinayaa si waafaqsan Cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah loona soo gudbinayaa Golaha Wasiirada J.F.S. si loo horgeeyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Qodobka 2-aad: Dhammeystirka Habraacyada

4- Dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso waa in ay dhammeystiraan dhammaan habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa latashiga ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo la xeerinayo danta guud ee Qaranka.

5- Wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo kaalin ku leh dhaqangelinta go’aankaan waxaa lagula xisaabtami doonaa hirgelinta kaalinteeda ku aaddan hirgelinta Heshiiska.

Qodobka 3-aad: Dhaqangalka Go’aankan

6- Go’aankan oo dhaqan galaya maanta oo Khamiis ah ayaa Golaha Wasiiradu aansixiyeen, isla markaana uu saxiixay Ra’iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Golaha, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2023 iyo heshiisyada Ku Biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Ku Biiridda Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfur Afrika (COMES)

Ugu dambeyn Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Golaha horkeentay warbixin la xiriirta qorshaha dowladda ee ku aaddan soo raridda Hay’ adaha UN-ka iyo kuwa kale Caalamiga ah ee Weli Xafiisyadu uga furan yihiin dalka Dibeddiisa, si ay dalka gudihiisa ugu howlgalaan.

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri go’aankii Golaha Amaanka QM ee xaaladda Laascaanood?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Golaha Ammaanka ayaa shalay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xalay madaxtooyada kulan casho kula yeeshay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada, madaxweynaha ayaa ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

“Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Dhanka kale, Isimada SSC ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii dowladda ee masiirka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Waxaa kale oo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Dhaq-dhaqaaqan Muqdisho ku billowday ee ku aadan arrinta Laascaanood ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay istaageen dagaalladii ka socday magaaladaasi, inkastoo ay weli is horfadhiyaan labada dhinac oo mararka qaar is dhaafsada madaafiic.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa tan iyo bishii Febraayo ka taagnaa dagaallo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo kasoo jeeda deegaanka, kuwaasi oo ay ku dhinteen tobanaan qof, kuna barakaceen kumanaan kale.

 

Hoggaanka SSC oo jawaab kasoo saaray go’aankii Golaha Ammaanka QM

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka falceliyay bayaankii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo si kulul looga hadlay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood.

Qoraalka SSC ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay baaqa Golaha Ammaanka ee ku aadan in ciidanka Somaliland laga saaro aagga magaalada Laascaanood.

SSC waxay sidoo kale shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga shaqeeyo xasiloonida, isla-markaana ay taasi fure u tahay in Somaliland ay dib uga baxdo dhulkooda.

“Qoraalka maanta ee Golaha Ammaanku waa talaabo muhiim ah oo ku aadan sugida nabada waqooyiga Soomaaliya, Golaha Sarre waxa uu markastaba ku baaqayay in maleeshiyaadka Somaliland ay ka baxaan dhulka SSC, taasi oo ah jidka kali ah ee nabada” ayaa lagu yiro warqad kasoo baxday guddiga sare ee hoggaanka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxa ay SSC intaasi kusii dartay inay fududeyneyso guuritaanka ciidanka Somaliland, waa haddii ay ka baxaan aaga magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxaa bayaankan lagu sheegay in SSC ay ayideyso mabaadiida Qaramada Midoobay ee gargaarka bini’adamnimo isla-markaana ay saaxiibada kala shaqaynayso in dadka la gaarsiiyo gargaar aan la carqaladayn.

SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga mahadcelisay ilaalinta madax-bannaanida Somaaliya sida qoraalka lagu xusay qoraalka ay maanta soo saartay.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana halkeedii ah xiisadda ka taagan magaaladaas oo ay weli madaafiic isku weydaarsanayaan labada dhinac.

Si kastaba, waxaa horay u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo diray.