27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wararkii ugu dambeeyey duqeyn culus oo maanta ka dhacday LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in mar kale ay xalay duqeymo ka dhaceen duleedka magaalada Laascaanood ee gobolkaasi, kadib markii ay ciidamada Somaliland madaafiic ku garaaceen gudaha magaaladaasi.

Madaafiicda ayaa xoogoodu waxa ay ka dhaceen dhanka bari ee magaaladaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

SSC-Khaatumo ayaa dhankkeeda ku jawaabtay madaafiic culus oo la sheegay inay ku hoobteen xerada Goojacadde oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Somaliland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi, waxayna sheegeen inay dareemeen walwal iyo cabsi xoogan oo ka dhalatay madaafiicdaaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicda ay geysteen khasaar isugu jiro dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada dhexdeeda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkiika ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

QM aya aku baaqday in Somaliland ay ciidamada ka qaado aagga Laascaanood, sidoo kale is xakameeyaan ciidanka SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Si kastaba, waxaa horay u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo diray.

Kheyriya Maxamed oo xog ka bixisay sidii qoyskeeda loogu bahdilay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Qoyskii dhowaan weerarka loogu geystay magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay weli sugayaan caddaalad, qoysaan ayaa laga baahiyey muuqaal naxdin leh Sabtidii, kaas oo muujinayay qoys kamid ah beelaha la hayb sooco oo hadallo isir nacayb iyo handaad ah loo geysanayo.

Kheyriya Maxamed Cali Afweyne oo ah gabadha qoyskeeda la weeraray, arrintuna ay ka bilaabatay oo iyadoo ku sugan dalka Faransiiska BBC la hadashay ayaa sheegtay in weli aysan helin cadaaladdii ay ka filayeen laamaha ammaanka Puntland.

Booliska magaalada Boosaaso ayaa horay u shaaciyey in lasoo xiray afar dhalinyaro ah, oo ku eedeysan inay falkaas ku kaceen, waxaana sii maqan qof kale oo weli lagu dabajiro, sida laga soo xigtay booliska.

Kheyriya ayaa sheegtay in sababta raggaas loo hayo ilaa hadda ay ka dhigan tahay inaan dembi loo heysan, “Maanta ayaa lagu ballansanaa in maxkamad la horgeeyo, balse haddana Axad ayaa loo dib dhigay,” ayey tiri Kheyriya.

Waxay intaas ku sii dartay, “Annaga waxaan ku faraxsanahay in maxkamad la horgeeyo, cadaaladda la marsiiyo, markaas ayaan qanceynaa oo cadaalad baan helnay ayaan dhihi doonaa, waxbaa la qabtay iyo wax baa la xiray cadaalad uma arko.”

Ugu dambeyntii Kheyriye waxay soo dirtay codsi waxayna tiri, “Waxaan codsanayaa in dadkeygu ay cadaalad helaan, oo dowladda Puntland ay raggan cadaaladda horgeyso, nimankii falkaas geystay ee la arkayo iyagoo dad jiifa ciid madaxa uga shubaya, anigu weli ma arko cadaalad, marka maxkamad la horgeeyo baan qancayaa,.”

Sida laga arki karo muuqaalka, kooxdaan ragga ah oo aan wajiyadooda loo jeedin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya, sidoo kale waxay aad ugu hanjabayaan hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah.

Taliyaha booliiska gobolka Bari Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa horay u sheegay in dhibaatadaan ay asalkeedii ka timid hadallo aflagaado ah oo la isku weydaarsaday barta Tiktok, taas oo markii danbe keentay in reer aan waxba galabsan ay arrintaasi dhibanayaal u noqdaan.

“Falka lagu soo qabtay dhalinyaradan, waa kaad aragteen oo la wareejinayey baraha bulshada, reer habeen gurigiisa ku jira ayaa loo dhacay, waxaana qof hurda dhabanka laga saaray Cag, jawaabta iyo waxyaabaha ay kula kaceen, iyagoo ah dhalinyada unbaa ka falcelin doona, mar haddii lasoo xiray dadkii dhibaatada geystay,” ayuu yiri taliye Cabdulqaadir Dirir.

Taliyaha ayaa wuxuu intaa raaciyey in eedeysanayaasha maxkamad lasoo hor istaajin doono, lana marin doono ciqaabtooda.

Kheyriya ayaa sheegtay in arrintan ay asalkeeda ka ka bilaabatay kaddib markii ay is khilaafeen gabar sida ay sheegtay guri ay isla degganaayeen.

“Gabadhii way soo caytantay, anigana waan soo caytami jiray, dad ilma adeerradeed ah ayaa u hiilin jiray. Tiktok ayagoo badan iyo aniga keligey ayaan noqon jirnay, waxay igu eedeeyeen ugaas bay cayday aniga Ugaas ma caayin, qabiil bay caayeysay anna qabiil baan caynayey,” ayey tiri Kheyriya oo la weydiiyey halka uu ka soo bilowday kiiskaan.

Waxay Kheyriya intaas ku sii dartay, “Gabadha ayaa mar maqribadii ah ayay Tiktok iiga soo hanjabtay oo tiri waa in 24 saac gudahood wax laga qabtaa oo jawaab lagu tusaa, 3-dii habeenimana reerkeyga ayaa la weeraray.”

Wiilashan hadda booliisku gacantu ka hayo, ayay Kheyriya sheegtay in la dirsaday oo gabdhihii ay is khilaafeen oo ilmo adeer ay yihiin, kuwaas oo hadda ku jira gacanta hey’adaha ammaanka Puntland.

Cali Jeyte: Dagaalka waxaa uga haray madaxda qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlay qorshaha dowladda federaalka ee wejiga labad ee dagaalka Al-Shabaab, ayaa saluug ka muujiyay qaabka loo wado.

Cali Jeyte ayaa waxa uu sheegay in qorshaha cusub ee dagaalka uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.

“Waxay u baahan tahay aragti qaran aniga masii wadi karo (dagaalka), mar haddii xaduuda Hiiraan laga gudbo ka masuul ahaan ima quseyso. Aragtida aan qabo dagaalkan markii hore kuma bilaaban aragti qaran ee si lama filaan ah ayuu ku bilowday wuuna ku guuleystay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay haddii aan la helin dadka deegaanka oo aysan qeyb ka noqon dagaalka aan lagu guuleysan karin in Al-Shabaab laga saaro dalka, kaasi oo ah hadafka u weyn ee laga leeyahay gulufka dagaal ee dowladda wado.

“Dagaalka aan hadda galnay waxa uu ahaa kacdoon bulsho oo dowlada caawinayo, waxaa moodaa in laga leexday foormaladii dagaalka, sida kaliya oo lagu guuleysan karo dagaalka waxay tahay in la helo kacdoon bulsho aniga aragtida aan qabo ee aan soo fulinay.”

“Aniga halkaas ayaa uga haray malaha foormalo ka fiican ayay hayaane kaas ayaa ka sugayna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore loogu dhaliilay qorshaheeda wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo shisheeye, inkasta oo iyadu sheegtay in qorshaha dagaalka ay doorkooda ka qeyb-gelineyso dadka deegaanka, taasi oo illaa hadda aan muuqaan.

Mustaqbalka $DOOLARKA Mareykanka oo wajahaya cabsidii ugu weyneyd!

Mareykanka oo ka faa’ideysanaya daruufta iyo burburka dhaqaale ee Yurub kasoo gaaray dagaalkii 2aad ee dunida ayaa shirkii Bretton Woods oo qabsoomay inyar kahor dhamaadkii dagaalka 2aad layimid aragti ah in sicirka dhaqaalaha aduunka lagu sidko doolarka oo xiligaas sidookale ku xudun-xirnaa qiimaha dahabka. Inkastoo aysan dowladahii shirkaas kasoo qeyb-galay kuwada qanacsaneyn aragtidaas hadana majirin fikrad xambaarsan dhaqaalaha uu Mareykanku waday, ayadoo dowladii aqbashana Mareykanku u balan-qaaday inay saami kuyeelan doonto mashaariicda dib usoo nooleynta dhaqaalaha Yurubtii dagaalada kuburburay sida mashruucii hirgalay dagaalka kadib ee loogu magac daray ‘Marshal Plan’. 

Shirka Bretton Woods waxaa markiiba kafar-camay hay’addo ilaa iyo maantadan saameyn mug leh kuyeeshay dhaqaalaha aduunka sida Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Aduunka oo xiligaas loo yaqaanay bankiga caalamiga ah ee dib u dhiska & horumarinta oo dabcan qasadkiisu ahaa dib u dhisida Yurubtii burburtay kaliya, iyo Ururka Ganacsiga Aduunka (WTO). Muddo kadib waxaa markale seexada bangiyada lagusoo kordhiyey hanaanka SWIFT Code oo ah hab dhaqso lagula socon karo dhaq-dhaqaaqa iyo kala wareejinta qarashaadka bangiyada dunida kaasoo qeyb weyn kaqaata dabagalka iyo xayiraadaha lacagaha bartilmaanka ah. Waxii waqtiyadaas kadanbeeyay lacagta doolarku waxay 80% udub dhexaad u noqotay iibka badeecada, sarifka lacaha qalaad, maalgashiga caalamiga ah, deeymaha, yabooha bini, aadnimada ama keeydka dhaqaale ee shaqsi ama dal leeyahay.

Go,aanadii kasoobaxay shirkii Bretton Woods iyo kuwii daba-socdayba waxaa lagu tilmaamaa inay ahaayeen dabin ama shirqool loo maleegay dhaqaalaha dunida gaar ahaan wadamadii aan codka kulaheyn shirkaas ee xornimada helay waqtigaas kadib ama wadan kasta oo laga dareemi karay inuu ka siyaasad iyo aragti duwan yahay Mareykanka iyo xulufadiisa ayadoo loo adeegsaday xeelado dhaqaale oo ay kamid yihiin xayiraadaha lacagaha, amaaho lacageed oo sharuudo iyo ribooyin adag huwan ama cunno qabatayn. Isticmaalka doolarka ayaa fursad u siiyey xulufada reer galbeedka inay lasocdaan dhaq-dhaqaaqa iyo keydka dhaqaale ee shaqsiyaadka ama dalalka ay danaynayaan goob-walba iyo goor kastaba. 

Shaki kumajiro in lacagaha qiimahoodu sareeyo sida Yen-ka Japan, Euro-da Yurub, Pound-ka Britain, Yuan-ta China ama Dollarka Canada midkoodna uu gaari waayey mustawaha isticmaal ee doolarka Mareykanku leeyahay walloow ay jirto in qaarkood kasicir qaalisan yihiin doolarka. 

Cilladaha soojireenka ah ee doolarku wali leeyahay

Inta badan lacagaha ay isticmaalaan dowlaha dunida waa kuwo kusidkan dahabka maadaama dahabku taariikh fog oo bulshada caalamku isla ogoshahay kuleeyahay ganacsiga dunida islamarkaasna qiime ahaan inta badan fadhiyo halka badeecadaha kale qiimahooda  badanaa sabeeyo. Sidaas darteed, marka ay lacagta dalalkooda laga isticmaalo daabacayaan waxaa cadadka iyo sicirka lacagtaas lagu jaangooyaa keeydka dahab ee dalkaas leeyahay ama hantida qaran ee dowladuhu gaarka u leeyihiin taasoo looga gol leeyahay in lagu kasbado kalsoonida dowladaha ganacsiga kaladhexeeyo dalkaas si ay magdhow ugu helaan hantidooda markii uu hoos u dhac ku yimaado sicirka lacagta dalkaas ee gacantooda kujirta. Lacagaha noocan oo kale ah waxaa looyaqaanaa Commodity money, waana lacag hubinti fiican u leh ganacsiga dunida.

Marka loo imaado lacagaha Mareykanka, UK, Canada, Russia iyo Ururka Midoowga Yurub iyo dalal kale oo badan waa lacago aanan kuxudun-xirneyn dahabka, qalinka ama agabyada kale ee qiime ahaan salka adag leh, waxaana lacagaha noocan oo kale ah lagu magacaabaa Fiat Money, waayo waa lacago kudhisan hadba inta ay gaarsiisan tahay kalsoonida ay dalkaas kuqabaan dalalka laleh macaamilka ganacsi halka daabacaada iyo lasocodka lacagtaas uu gacanta kuhayo bankiga dhexe ee dalkaas. Dhaliilaha ugu weyn ee lacagta Fiat Money leedahay waa in dowladuhu si gaar ah u go,aamiyaan daabacaada lacagta dalkooda ayagoon xeerin hantida keydka ugu jirta taasoo horseeda qiimadhaca sicirka lacagta iyo sicir barar. Waxii kahoreeyey 1970-ka, doolarka Mareykanku waxuu kudun xirnaa qiimaha dahabka balse dagaalkii dabada dheeraday ee Vietnam iyo Mareykanka ayaa horseeday in doolarka kujira gacanta dowladaha kale kafarabato keydka dahab ee Mareykanku leeyahay taasoo sababtay in lakala raro doolarka iyo dahabka. Xiligaas kadib, daabacaada doolarka waxay noqotay sida ugu fudud ee dowladdu ku xaliso daruufaheeda dhaqaale. Goorahaan,  Mareykanku waxuu sannad kasta daabacaa 1 trillion ama kun malyan oo doolar taasoo mar muujinaysa culeysyada dhaqaale iyo sicir barar ee dowlada Mareykanku wajahayso marka kalena qiima dhaca doolarka kudhacaya. Cilmi baarisyo lasoo bandhigay ayaa cadeeynaya in doolarku lumiyey 60% qiimahiisa tan iyo markii koowaad ee ladaabacay 1913-kii.

Maxaa sababay caqabadaha uu maanta wajahayo doolarka Mareykanka

Xiriirka xumaaday ee Sacuudiga iyo Mareykanka: labadan dal oo mudo fog lahaa xiriir aad u wanaagsan oo lama taabtaan lagasoo bilaabo helitaankii keydka shidaalka Sacuudiga oo markiiba iibka shidaalka ku guntay doolarka kaasoo lacagta doolarka siisay taageeradii ugu wayneyd oo uu suuqyada aduunka kahelo ebad, colaadihii soomaray Bariga Dhexe, maalgashiga miisaanka leh ee muwaadiniinta Sacuudigu kasameeyaan Mareykanka, iibka hubka iyo qeybo kale. Tan iyo doorashadii madaxweyne Biden, xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanku waxuu ahaa mid uu hareeyey mugdi iyo is fahan daro xoogan taasoo keentay in Sacuudigu oo libin ahaan u haysta shidaalkiisa baadi goobo saaxiibo iyo suuq cusub oo kamadax banaan Mareykanka. Go,aankan ayaa durbadiiba waxaa fursad kadhex arkay China iyo Russia oo Sacuudiga ku qanciyey inuu abuuro suuq kamadax banaanka Mareykanka. Sacuudiga ayaa talaabadaas u arkay mid banaanka keenaysa awoodiisa siyaasadeed iyo dhaqaale taasoo keentay inuu aqbalo heshiiska Iran oo China garwadeenka ka tahay. Sacuudiga ayaa sidookale qorsheynaya inuu markii ugu horeysay shidaalkiisa ku iibiyo lacagta Yuanta China waxayna noqon doontaa dharbaaxadii ugu cusleyd ee doolarka Mareykanku kudhacda hadii ay uu qorshahaas hirgalo.

Ururka BRICS: ururkan waa mid ay kumideysan yihiin dalalka Brazil, Russia, India IYO S/Africa oo wadarta dadka kunool gaareyso kalabar bulshada dunida islamarkaana kobaca dhaqaalaha dalalkoodu soosaaro gaarayo 26 trillion doolar. Madaxda ururkaan ayaa wada olole xoogan oo wadamada caalamka loogu qancinayo in la abuuro hanaan dhaqaale oo kamadax banaan doolarka Mareykanka taasoo ah inay dalalku wax ku kala iibsadaan lacagaha ay gaar u leeyihiin si ay awood u yeeshaan lacagahooda. Aragtidaan ayaa aad usoo jiidatay dalal farabadan waxayna horseeday inay dalal cusub oo gaaraya 19 dal soo codsadaan ku biiritaanka ururka BRICS. Waxaa kale oo qorsheysan inay dalalkaan mustaqbalka dhow sameeystaan lacag u gaar ah ururka, ayadoo ay suuragal noqon karto in lacagta China ee Yuanta loo aqoonsado mida ururka kadhexeyn doonta. Gulufkaan ay horboodayaan China iyo Russia oo wadna qabad siyaasadeed iyo mid dhaqaale kunoqday Mareykanka, ayaa saameynta waqtiga dhow laga baqayo tahay isbadal ku dhaca sicirka doolarka.

Waayahaan waxaa aad usoo badanaayey wadamada lacagahooda gaarka ama dahabka ku kala iibsanaya badeecadahooda sida China, France, Russia, Brazil,  Japan, India, Iran, Libya, Germany dalalka koonfurta Asiya. Waxaa sidookale xusid mudan in dowlado farabadan ay dib u ceshanayaan keydkii dahab ee kayaalay bangiyada caalamka ayagoo dib u celinaya doolarkii gacanta ugu jiray. Dhowaan ayey aheyd markii uu madaxweyneynaha Kenya William Ruto sheegay in laga digtoonaado istcimaalka doolarka halka uu madaxweyne Xi Jinping sheegay in waayihii doolarku gaba-gabo marayo. 

Hadaba, marka la iskusoo-duubo macluumaadkaas oo idil, waxay muujinayaan in doolarku wajahayo cadaadis iyo hoos u dhacii ugu darnaa oo ay gadaal kariixayaan gaashaan buur  siyaasad ahaan quus kataagan siyaasadaha qalafsan ee Mareykanka. Waqti dhow, waxaa muuqata in doolarku sii ahaanayo lacagta loogu adeegsiga badan yahay balse hadii uusan dhcin isbadal siyaasadeed iyo dhaqaale oo Mareykanku la yimaado, waxay u badan tahay in ololaha hada socda uu wiiqi doono qiimaha doolarka iyo dhaqaalaha Mareykankaba.

Shaki kumajiro isbadal kasta oo ku yimaada doolarka, inuu saameyn toos ah kuyeelan doono dhaqaalaha iyo nolosha mujtamaca Soomaaliyeed. Arrinkaan ayaa waqtigan u baahan in dowladda Federalka ah iyo ganacsatada ku baraarugaan kana wada-tashadaan waxii laga yeeli lahaa duufaanta xowliga kusocota ee  soo caga dhigatay xuduudaha dalalka dariska ah. Maadaama uusan shilin Soomaaligeenu awood iyo aqbalaad ku laheyn suuqyada caalamka waa muhiim inay bulshadeenu garato in qasaaraha doolarka ku yimaada yahay qasaare hantideeda kuyimid.  Waa in bulshadeenu si maskax iyo garasho leh u gorfeysaa hardanka siyaasadeed iyo dhaqaale ee socda kana fogaanaa go,aanada qar iskatuurnimada leh ee dhinac gaar ah lagu safanayo maadaama aan cashar kasoo baranay martigalinta siyaasadaha is-diidan ee dowladaha awooda badan. 

W/Q: Hamdi Wardhere Mohamed
Email: [email protected]

Catriona oo booqasho ku tegtay maamul goboleedkii ugu horreeyay + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Marwo Catriona Laing oo ah wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa maanta booqashadeeda koowaad ee gudaha dalka ku tegtay HirShabelle oo noqotay maamul goboleedkii u horreeyay ee ay tegto, tan iyo markii ay timid gudaha Soomaaliya, oo ay ka shaqo billowday todobaadkan.

Socdaalkan ayaa waxaa Catriona Laingm ku wehlinayay ku xigeenkeeda cusub, ahna u qeybsanaha iyo isku-duwaha howlaha bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway, ayada oo madaxtooyada HirShabelle ee Jowhar uu ku qaabilay Cali Guudlaawe Xuseen.

Labada mas’uul ayaa is barasho kadib ka wada-hadlay howlaha muhiimka ah ee hortabinta leh sida daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle oo warbixin siiyay wafdiga ka socday Qaramada Midoobay.

Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaaladii lala galay Kooxda Al-Shabaab isaga oo sheegay in dhul ballaaran laga saaray.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in deegaanada la xoreeyay la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, sidoo kalana ay isu diyaarinayaan wajiga labaad ee howlgallada, si loo dhameystiro xoreynta deegaanada wali gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Ergeyga cusub ee QM ayaa dhankeeda ballan-qaaday in doorkooda hormarineed ay qaadan doonaan, isla-markaana ay HirShabelle kala shaqeynayaan horumarinta deegaanka.

Haweeneydan oo xafiiska ku cusub ayaa horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada.

Catriona Laingm ayaa sidoo kale booqan doonto xarumaha kale ee maamul goboleedyada, si ay wadahadallo ula yeelato hoggaamiyeyaasha kale ee dalka.

 

 

 

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan DF ‘oo loo xiray’ xatooyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sida loo maareeyey kiiska 36 qof oo ajaanib ah oo shalay lagu xukumay Muqdisho.

Sidoo kale Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyey in masuuliyiin ka tirsan dowladda ay u xiran yihiin xatooyo xoola dadweyne, kuwaaas oo dhawaan la hor geynayo maxkamadaha dalka.

“Saraakiil ciidan, shaqaale dawladeed iyo masuuliyiin kale ayaa u xeran xatooyada xoolo dad wayne, dhawaana Maxkamad ayaa la soo taagi doonaa dhamaantood,” ayuu yiri Xeer ilaaliye Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu balan-qaaday in hantida dadweynaha ay ilaalinteeda masuuliyad gaar ah iska saari doonaan, qofkii lagu qabta isagoo xadayana ay sharciga horgey doonaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan lee yahay lacag dawladda lee dahay Sarkaal ama qof kasta oo dowladda ka tirsan Accoun gaar ah looguma shubi karo, haddii aad qayb ka noqoto arrintaas, ogow in aad danbiga qayb ka tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska 36 nin oo ajaanib ah, kuwaas oo u kala dhashay wadamada IIraan iyo Pakistan.

“Markii aan baarnay waxaan u gudbinay maxkamadda, waxaana qof kasta lagu xukumay 11 kun oo dollar, lacagtaas waxay noqoneynaa (seddax boqol sagaashan iyo lix kun) iyo $30 kun oo dollar oo kalluunkii ay xadayeen lagu qiimeeyey,” ayuu yiri Xeer ilaaliyuhu.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa u digay ajaanibta ku hamineysa inay si sharci darro ah ku soo raadiyaan kheyraadka Soomaaliya, isagoo dadka Soomaalida ah ee ku howlan inay ajaanibta ka caawiyaan falalka xatooyada ah ugu goodiyey inay mari doonaan ciqaab adag.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha wuxuu baaritaan ku hayaa dad aan weli lasoo xirin, qof kasta oo masuul dowlo ah ama shacab ah waxaan uga digayaa musuq maasuq, waxaan ula dagaalami doonaa si adag, nagamana faka doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Hoos ka daawo

Daawo: Sarkaal Al-Shabaab kasoo goostay oo lagu soo bandhigay degmada Xudur

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta uu iska soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku soo dhaweeyeen degmada Xudur ee gobolkaasi.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Saciid Moogow Maday ayaa lagu soo bandhigay Xudur oo ah halka lagu soo dhaweeyay, kadib markii uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab.

Moogow ayaa haatan ahaa gacanta midig ee horjooge Cabdiraxmaan Garweyne oo Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Hiiraan, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Wareysi uu bixiyay ninkan ayaa waxaa ku sheegay inuu muddo sanado ah ka tirsanaa kooxda, isaga oo tababaro kala duwan soo qaatay, kana soo dagaalamay meelo dhowr ah.

Sidoo kale wuxuu wareysiga ku sheegay inuu Shabaab uga soo baxay xaalad adag oo u sheegay inay haatan wajahayaan, kadib howlgallada lagu qaaday, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka faa’iideysanayo cafiska iyo fursadda ay siisay dowladda Soomaaliyeed.

Isa soo dhiibitaanka xubnaha Al-Shabaab ayaa tobobaadyadii lasoo dhaafay aad usoo kordheysay, ayada oo dhowaan gacanta dowladda uu soo galay garsoore beenaadkii kooxda Al-Shabaab ahna La-taliyihii horjoogaha guud ee kooxda, kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed, loona yaqaano Abuu-Saacid ama Shariif.

Ninkan ayaa ah xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda, sida ay shaacisay NISA.

Maalmo kahor ayay sidoo kale aheyd markii ay isa soo dhibeen illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Raggan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka jabhadaha weerarada geysta, sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab uu haatan ku wajahan yahay Jubbaland iyo K/Galbeed, si looga saaro Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo lagu qarxiyay duleedka Mandera + Khasaaraha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya Arbacadii lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka magaalada Mandera oo ku taalla xadka ay wadaagaan labada ee Kenya iyo Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, wuxuuna haleelay gaari gaashaaman oo ay ka socdeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 7 askari, kuwaas oo loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray baabuurka uu qaraxu haleelay oo gebi ku basbeelay goobta qaraxa lagula eegtay.

Ciidamada la qarxiyay ayaa ku soo jeeday dhanka degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin, waxaana la sheegay qaraxa kadib ay rasaas fureen

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay weerarkan ayaa xaqiijiyey, waxayna shaaciyeen inay haatan wadaan baaris ku aadan qaxaas oo ay ku eedeeyeen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya la qarxiyay ay socdaalkooda horay usii wateen.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay deegaanada u dhow xadka, si ay u sugaan amniga, ugana hortagaan weerarada Shabaab.

Maalmo kahor aheyd markii qarax noocan oo kale ahaa uu ka dhacay duleedka Gaarisa, kaas oo lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya.

 

DF oo madal caalami ah uga qeyb-galaysa Sharm el-Sheikh

0

Sharm El-Sheikh (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ka qeyb-galaya madasha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta adduunka (GSR-23) oo uu soo qaban-qaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka.

Madashan oo ka dhacaysa magaalada Sharma El-Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyaga oo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda.

Maalintii ugu horreysay ee shirweynaha ayaa maareeyaha guud ee hay’adda isgaarsiinta qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh waxa uu ka qeyb-galay dood-cilmiyeed loogu tala-galay madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka.

Mustafa ayaa halkaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay istaraatiijiyadda qaranka iyo hababka lagu kobcin karo iskaashi dhexmara qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka.

Maareeyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay in la yeesho siyaasad iyo xeer-nidaamin kor u qaadaysa hal-abuurka, tartanka suuqa iyo ilaalinta macaamiisha.

“Iskaashi dhexmara dowladda iyo ganacsatada waxa uu suuragalinayaa in la wadaago khibrad iyo aqoon suurtogelisa in la hirgeliyo adeegyo dhigitaal ah oo faa’iido u leh bulshada,” ayuu yiri mareeyaha

“Waxaa iyadna sidoo kale laga maarmaan ah in la helo hab isku dhafan oo u dhaxeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo hubiyo iswaafaqsanaanta siyaasadaha iyo xeer-nidaamiyeyaasha, islamarkaana si hufan loo wada hirgeliyo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in wax-wada qabsiga dowladda iyo ganacsatada (PPPs) iyo iskudubaridka hay’adaha dowladda ay yihiin labo tusaale oo muhiim u ah wada-shaqeyn dhexmarta qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada Digital-ka ah.

Sawirro: Wiilka Museveni oo farriin culus soo gaarsiiyey Xasan kadib weerarkii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi oo ah La-Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Sarkaalkaan waxaa Aabihiis ah Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, wuxuuna ugu kalsoonyahay si aad ah.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramay wafdiga Uganda sida ay dalka uga socdaan hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wafdigaan la wadaagay caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halganka xoreynta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiigga iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Safarkaan uu dalka ku yimid la taliyaha dhanka howlgallada ee madaxweynaha Uganda, wuxuu ku soo aadayaa maalmo kadib, markii ciidanka Uganda lagu laayey weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xero ay ka degaanaayeen deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxweynaha Uganda ayaa qiray in 54 lagu dilay weerarkaas, wuxuuna shaaciyey inay jirtay dayacaad sababtay in ciidanka sidaas loo laayo.

Dhankooda Al-Shabaab waxay soo bandhigeen muuqaal muujinaya sida uu weerarkaasi u dhacay, sidoo kale waxay soo bandhigeen cadeymo muujinaya inay nolosha ku wateen dhowr askari.

Ciidanka Uganda waxaa lagu tilmaamaa kan ugu badan ee howlgalka ATMIS, waana markii ugu horeysay oo weerarrada Al-Shabaab uu jab noocaas ah ka soo gaaray, taas oo caro badan ku abuurtay dowladda iyo shacabka Uganda.

Golaha Ammaanka QM oo bayaan kulul kasoo saaray dagaalka Laascaanood

New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Soo lee Waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay golaha.

Bayaanka Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyn dib u xaqiijiyay xurmada ay u hayaan madax banaanida dhuleed, jiritaanka qaranimo, iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Warbixinta golaha ee xaaladda Laascaanood ayaa lagu sheegay in shacab badan ay ku dhiteen colaadda ka taagan magaalada, ilaa iyo 150,000 oo qofna ay ku barakaceen.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada kuwii colaadda ku nafwaayay, soo kabashana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay.

Waxaa kaloo warbixinta lagu yiri “Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka, si xabadda loo joojiyo – wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahayna loo bilaabo.”

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad ku soo dabbaala.

Warbixinta ayaa dhinaca kale ugu baaqday Xafiiska Qaradamada Midoobay ee Soomaaliya inuu taageero iyo gacan dheeri ah ka geysto arrintan.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.

Golaha ayaa xusuusiyay dhammaan dhinacyada waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimo iyo shuruucda xuquuqda aadanaha.

Waxaa kale oo goluhu uu xusuusiyay dhinacyada in lagula xisaabtami doono mas’uuliyaddaasi saaran, gaar ahaan kuwa jebiya shuruucdaas caalamiga ah ama gaysta xagdugudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

Waxaa kaloo Golaha Ammaanka ay ugu baaqeen deeq bixiyeyaasha inay dardar geliyaan kaalmada bani’aadannimo ee loo fidiyo Soomaaliya, iyagoo dhinacyada ka dalbaday inay sahlaan galaangalka kooxaha miinada iyo aaladaha qarxa ka saara goobaha colaadaha.

Dowladda Ethiopia oo war ka soo saartay weerarkii Doolow

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa war kasoo saartay weerarkii maanta barqadii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidankeeda ee magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankan oo aan ka tirsanayn howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS oo saldhiggoodu yahay Doolow ay ka fashiliyeen weerar naftii halignimo ah oo kooxda Al-Shabaab ay la damacsanaayeen inay ka geystaan saldhiga ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka.

“Itoobiya ayaa ku guulaysatay inay fashiliso weerar ay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku doonayeen inay ka fuliyaan magaalada xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Doolow,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa ka hortagay raggii weerarka soo qaaday ka hor inta aysan dhibaato geysan.”

Dhinaca kale, Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saldhigga ciidanka Itoobiya ku weerareen laba gaari oo uu midkood ahaa Surf, kuna qarxay afaafka hore ee saldhigga.

Qaraxaan ayaa sababay dhaawaca afar askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya, sida laga soo xiganayo sarkaalkan la hadlay warbaahinta dowladda.

Ciidanka ayaa sidoo kale toogasho ku dilay wadihii gaariga labaad, kaasi oo ku qarxay meel ka durugsan saldhigga, mana geysan wax khasaare ah, sida uu sheegay sarkaalka sare ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka Itoobiya ee maanta la wareeray ayaa waxay dowladd Soomaaliya ka taageerayaan cirib-tirka kooxaha argagixisada, waxayna qeyb ka yihiin qorshaha dowladda ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ee looga xoreynayo dalka.

Si kastaba, Weerarkan ayaa kusoo imanaya, maalmo uun kadib markii ay kooxda Al-Shabaab weerar cag-marin ah ku qaadeen saldhig ay ciidanka Uganda ku leeyihiin magaalada Buulo Mareere ee Shabeelaha Hoose.

Fahad oo warqad furan u diray Xamza: Cadkaad ku fadhido hana cunin hana ceebeynin

Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaan kugu salaamay, salaanta islaamka ee Asalaamu Calalaykum Waraxma Tullaahi. 

Salaanta kadib. 

Fariintan aan hawada kuu soo marsiinayo laba saboob dartood weeye. 

Waa tan koowaadee; waxaa tahay qof xil qaran haya, sidaas darteedna waa dhaqan siyaasadeed in madaxda loo diro warqad furan. 

Waa tan labaad e; aqoon shakhsi ah kuuma lihi oo qiyaas kama haysto fekerkaada iyo hannaankaada talo dhagaysiga, sidaas baan fariin qoraalkan kuugu soo dirayaa.

Tan iyo kolkaad xilka qabatay xanta magaalada kuu taal kama mid ahan musuqmaasuq, waase kaa muuqataa inaadan waxba ka qaban musuqa geesahaaga oo dhan mushaaxaya. 

Tan hore waa tallaabo aad ammaan uga heleyso ummadda, ilaahayna aad ajar uga heleyso. Waliba, waxaa dad xog ogaal ah ii sheegeen inaad diiday saami-qeybsi maalinle ah oo ka imanaya dakhliga rakaatada ah ee isbaaro madaxeedka ah ee laga qaado Jaadleyda, waliba aad tiri, xoolo xaaraan ah ubadkayga iyo qoyskayga siin maayo. 

Sifada labaad ee ah inaadan musuqa waxba ka qabanin, tabar yaridaada bay sheegaysaa, waadse muujisay sidaad u karhayso xoolaha xaaraanta ah ee laga sameeyo maandooriyaha Jaadka. Eeboow na astur.

Mid kaloo farxad lehna waa lagugu arkay, oo waa inaadan shisheeye ku xirmin oo danaha qaranka aad si qarsoodi ah kala heshiinin, ilaa iyo hadeer. 

Ka Dhawrsanaan-taada labadaas cudur, waxaa sabab u ah ineysan kugu jirin garoojooyin siyaado ah oo kugu kicin karo labada shahwo ee dadka haadaanta ka tuurta,; waa shahwada maalka iyo shahwada xukunka. Laabadaasba hadii lagaa baaray, wali waxaa tahay qof ka badqaba. Sidaad noqon doonto mustaqbalka mooyee, waase ducaysantahay hadaad iska ilaaliso labadaas xanuun ee dilaaga ku ah dowladnimada. 

Mudane Raisal Wasaare,

Intaas aan ku joojiyo faanka aan kugula dul dhacay, ee aad moodo inaan is ilaaway.  

Horta maxaan rabay inaan kaala hadlo?
Ma talo siin bey ahayd?
Ma taariikhayn bey ahayd?
Ma qolo kalaan u tibaaxayaa?
Ma tawaawac bay aahayd?
Intaas midkood kaliya maahayn ee waaba intaas iyo tuducyo kale oo lagu daray.

Mudane Ra’iisal Wasaare,

Afar waddo oo taariikhda soo martay baan kaaga war bixinayaa, mid shanaadna waa taladaan ku siinayo, marka sheekada isku karis baan ka dhigayaa ee hadba intii aad uga baahato ka adeego. Haddii aad dhammaantood iska xoortana, dhamaadkaada unbaa sheegi tubtaad ku danbeyso. 

Afeef:

Tusaala-yaasha aan soo qaadanayo, madaxdii dhimatay waan ka leexinayaa wixii xanaf leh, waayo qof qabri galay qalin laga daba qoray, Alle ha u naxariisto ka badan lama qori karo, hadaysan duruuf cilmi doon ah kugu kallifaynin. Laakiin sida xeerku yahay, ruux aan iska kaa qaban karin, inaad halgaaddo waa gunnimo garaadka kaa gasha. Rabiyow magantaa. 

Gogol-dhig:

Geeddiga qaran ee gaarigiisa uu gar wadeenka ka yahay Madaxweynaha wuxuu jecelyahay inuu ku socdo jidkii uu sheegay inuu guusha ku gaarayo ee uu ku talagalay, ee lagu soo doortay.

Wuxuu u baahdaa inuu dhiso xukuumad hirgalisa ajandayaashaas, oo ka bilaabanaysa magacaabista Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumadda uu rabo Madaxweynaha ee uu soo ballan qaaday xiligii ololihiisa doorashada ama khubaro iyo awood siyaasadeed xubno uu u kaashanayo.  

Halkaas kolka la marayo Ra’iisul Wasaaraha cusub boqolkiiba sagaashan wuxuu magacaabaa siduu jecelyahay Madaxweynaha, wuxuuna dadka u sheegaa dhaqan wanaagsan maahan ninkii i magacaabay inaan hadeer magacyo isku qabsano, isagaana la doortay, marka laba ama sadex waan dhex gashan karaa, laakiin u taga Madaxweynaha. 

Waxaase qalbigiisa ku jirta Baarlamaanka yaanan lagu soo celinin xukuumadda ee is gaabi. 

Xilligaas Ra’iisul Wasaaraha waa nin dhaga-nugul, daacad u ah Madaxweynaha, talo walba ula noqonaya, maalinta uu dhaafo Baarlamaanka ee uu helo codka kalsoonida ilaa sadex bilood waxaa ka qaadata inuu xilalka kala wareejiyo, sadexda bilood ee ku xigtana, waxaa shaqo u noqota inuu xafiiskiisa barto, xiriirka gudaha iyo dibada kala fahmo, laba safar oo dibada ahna aado, xan badanna uu soo helo.  

Dibadaha wuxuu kusoo arkaa dowlado sadex nooc kala ah. Kuwa ku yiraahda maxaad farriin nooga sidaa Madaxweynaha? Kuwa ku yiraahda waxaan diyaar u nahay inaan adiga si gaar ah kuula shaqeyno, madaxweynahaga waa qof aanan la fahmi karin, marka diyaar ma u tahay inaan miisaaniyad, xiriiro caalamka ah iyo qorshe kuu diyaarino oon wada shaqayno? Waxaa jira kuwa saddexaad oo ah dowladaha aanan fahamsanayn xaaladda Soomaaliya oo wax ajanda ahna aanan ka lahayn, kuwaasna uma dhaafayaan soo dhawoow, Soomaalida waa dad wanaagsan. Maxaan idin kala shaqeynaa oon wada qabsanaa? 

Markay lix bilood u dhamaato, waxaa geesaha ka bilowdo mawjado siyaasadeed, iyo muran joogto ah, wareerka halkaas ka bilowda wuxuu salfadaa saddex sano ee u horeysa Ra’iisul Wasaara-yaasha, sanadka afraadna waxay salfataa Madaxweynaha laftiisa. 

Mudane Ra’iisul al Wasaare,

Halkaas markay joogto aan kuu kala sharxo khaatumada Ra’iisul Wasaara-yaasha iyo hab dhaqankooda kala duwan anigoo adeegsanayna eray bixinno kooban oo ka turjumayso siday albaabka uga baxeen.

Gaariga ka dag adigoo aanan qallibin

Waxaa dalka soo maray Ra’iisul Wasaare-yaal diiday iney ajnabi u shirqoolaan Madxweynahooda oo dano gurracanna uga fuliyaan gudaha dawladdooda. Sidoo kale, diiday iney gorodda ka fuulaan qofkii sharfay ee shalay shaqada keenay, xitaa ka fogaaday iney damcaan darinta uu ku fadhiyo inay ka jiitaan. Waxaa usoo baxday iney muunad iyo magac ay ka helayaan iney ka xishoodaan ninkii xilka siiyey. Mararka qaar wey isku dayeen iney abuuraan jawi baddali kara xaaladda oo xilka kusii hayn kara, laakiin kolkay ku adkaatay waxay go’aansadeen iney gaariga kaligood ka dagaan si tartiib ah, iyagoo ka fogaanaya inuu wada qallibmo. Ragaas ayaan mid mid u dul istagayaa.

Dr. Cali Maxamed Geeddi: Isagoo haysta taageerada Barlamaanka oo buuxda, waliba kaga adkaaday Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha oo wada jira, haddana si deggan oo sahlan buu gaariga uga dagay. 

Sidoo kale, wuxuu mar haystay garab istaag buux oo beesha caalamka ah haddii uu kasoo horjeesto Madaxweynihiisa, taasoo uu diiday oo uu waliba carrab kulul ugu jawaabay, kolkaas kadibna ay bilaabeen qorshihii Geeddi xilka looga tuuri lahaa.

Marag waxaa loo hayaa in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Alle ha u naxariistee uu ka shallaayay inuu nin karti leh oo misana uroonaa uu lumiyey.   

Cumar Cabdirashiid: Muddo xileedkiisii koowaad, wuxuu gaariga ka dagay isagoo haysta teegeerada beesha caalamka, lana hareereeyay madaxweynihii oo ku khasbanaaday inuu ka laabto go’aannadiisii qaarkood. Laakiin Cumar, wuxuu ku tagay si deggan oo shanqar yar, taasoo dhalisay inuu isla jagadii mar labaad hanto oo siyaasad lagula shirkoobo, waana siyaasiga kaliya ee laba jeer noqday Ra’iisul Wasaare taariikhda Soomaalida.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo: Taageeradii ugu weyneyd isagoo haysta oo shacabka u mudaaharaadayaan oo la leeyahay caynaanka hay oo ha naga tagin, sidoo kalena horay usoo diiday inuu ajnabi ku caawiyo shirqool siyaasadeed lala damacsanaa Madaxweynihiisa ayuu gaariga ka dagay. Intaas waxaa dheer, waa Ra’iisul Wasaaraha kaliya ee xilka ka dagay, isagoo shardi ka dhigtay qofka ka dhaxlayo jagada oo ah ku xigeenkiisii, waana loo fuliyey ballantaas.  

Waxaa xusid mudan, markii uu Farmaajo diiday faragalinta shisheeyaha waxaa lagu yiri, waxaan ku tusaynaa adigoo la isugu kaa tagay oo inta kale kula dirirsantahay. 

Farmaajo ficilkiisii wanaagsanaa wuxuu ku helay inuu u dallaco Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Sadexdaas masuul waxaan ka dhaxalnay inuu dalkii sii socda, iyagana xushmad iyo qaddarin ku kasbadeen.

Dulmane, haddana la gaaday: 

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid): Waa hannaan ugub ah oo ka duwan hababkii ay ku baxeen Ra’iisul Wasaare-yaashii soo maray dalka. Isagoo daacad u ah Madaxweynihiisa, shaqadana aysan isku qabanin, shisheeyana aanan ka raacin, dalkana uusan ka jirin qalalaase siyaasadeed oo ay tahay in lagu dajiyo,  ayaa weerar gaadmo ah lagu soo qaaday, haddana laga hor istaagay inuu hortago Baarlamaanka. Sidaas baana lagu xukumay isagoo maqan. 

Ra’iisul Wasaare Saacid waa sabray, waana ka tagay booskii si buuq la’aan ah, edeb iyo deggenaan buuna raaciyey oo hadal xun iyo ficil hooseeya kama daba tuurin Madaxweynihiisii.

Saaxib iyo cadow isku si ula dhaqan: 

Tan iyadana waa ugub, waliba waa wada ugub. Dhalashada, dhaqanka, iyo dhamaadka. 

Waa marka Madaxweynaha shaqada u wada dhaafo Ra’iisul Wasaarihiisa, wargalin iyo wada tashi kaliya ku ekaado, hagid iyo hogaamin qaran marka laga reebo, muuqaalka, gole ka hadalka iyo matalaadda hawlaha Dowladda uu si mug leh uga muuqdo Ra’iisul Wasaaraha. 

Taasi waxay u qalantay inuu daacad buuxda usii noqodo Madaxweynihii soo magaacabay, haddana muuqasho iyo awood buuxa ugu daray. Laakiin, waxaa la arkay, isagoo shisheeyo la shirqoolaya, isku dayaya inuu siro dadkoo dhan, xitaa naftiisa haday ku kallifto. Marka danbana, dadkoo wada faraxsan uu kaligiis ku guulaysto inuu dhaxlo Madaxweynihii uu khayaamay. Bal yaabkan eega!

Waxaa adag inaad fahamto marka uu xumaanta kuu falkinayo, inta badan, waran-kiisu shiish maleh illeen waa nabar xatooyo ahee, ama waa gacan saddexaad. Laakiin, haddii uu kula helo waranka, wuxuu kari karaa inuu caddaymo kugu tuso in warankaas uusan isagu kugu shiishin ee ay halgaad kadis ahi kugu dhacday, ama wuxuu ku tusi karaa caddaymo aad ku qanacdo in qofka hebel la yiraahdo uu ganta gaashaanka qabtay, sidaasna ay fallaartii kuugu soo fakatay.

Kolkaasna, waxa kaliya ee kuu furan waa inaad dhibtii uu kuu gaystay aad isaga laftiisa uga tacsiyeeyso oo aad ku dhahdo waxba ha u arkin inaad igu ceeboowday, iskana ilaaw waxa igu dhacay oo waan ogahay adiga inaadan rabin, raallina aadan ka ahayn dhibta isoo gaartay. War ninku xirfad badanaa oo xariifsanaa!

Wuxuuse ku danbeyey, kaligiis inuu quusay, oo xitaa rakaabkii saarnaa doontii uu naakhuudaha ka ahaa ayaa biyaha dhinacooda tubada uga soo furay.  

Mid baa igu yiri; ka warran qofka wali la jaalka ah sidaad adiguba ahaan jirtay mar? 

Waxaan ugu jawaabay jecaylkiisa ninkii iiga danbeeya, neceybkiisana wuu iiga danbeyn. Waana khaatumada qofka si isku mid ah ula dhaqma saaxiibkiis iyo cadawgiis. 

Ma liibaanaha lagu liibaano:

Nuucaanna wuu jiraa, waana marka damac xukun ama dantaada ah, aydnaan isku qaban Madaxweynahaaga, laakiin aad shisheeye u gacan gasho, waliba iyagoo aanan kula heshiinin intay si xun kuu dhibaateeyaan oo nafsi ah, oo laba dal sirdoonadooda ay kuu wada dhigaan shax shareed heerkeedu aad u sarreeyo, ayna ku gaarsiiyaan adigoo ka carayaya iney xogtaada bannaanka usoo baxdo aad u qabato shaqo kasta oo dumineysa dalka, dhaawac uusan kasoo kici karinna ku dhufato Madaxweynihii ku sharfay, habka aad u shaqeyneysana ay ku dhamaato inaadan adigana mustaqbal lahayn, aadna soo fulisay wax kasta oo lagaa rabay si aad lafahaaga u badbaadsato.   

Noocaan waxaa la dhahaa ma liibaanaha lagu liibaano, waa marka aad dhibbane u tahay shirqool aad is aragtay inaad dhexda ugu jirto, adigoonan go’aansanin ama dantaada ku jirin, dadkuna maadama aysan haynin xogtaada rasmiga ah waxay ku wareerayaan sifada ay ku siinayaan. Waa nin rag ah oo iska celiyey hebel iyo hebel. Waa nin wareersan oonan dantiisa aqoonin. Armaaba laga gardaranyahay iyo sifooyin kale oo dhammaantood aanan xog sax ah ku dhisneyn. 

Khasaaraha noo qaybi:

Waa marka aad damacdo inaad tartan la gasho Madaxweynahaaga ood iska dhaadhiciso u sharax ummadda inaad ka fiicantahay Madaxweynihii ku magacaabay, dowladdana wixii ka khaldamay aadan adiga qayb ka ahayn. Waa marka, damaca ku indha-tiro, eed ku dhammayso inaad la safato wareega labaad ama saddexaad ee tartanka qof mucaarad idin ku ahaa adiga iyo Madaxweynaha aad jallaafada la ridayso.  

Jidkaan dhawr jeer baa la tijaabiyey, lagama waantoobo, lagumana guulaysto. Waa halkii Xirsi Magan ka yiri, talo xume u tag oo talo xume ka tag waa tubteydii. 

Waxaan usoo joogay, iyadoo wareeggii labaad la joogo, uu Ra’iisul Wasaare xilka haya oo tartanka ka haraya wareeggii labaad oo baryo iyo shuruud hor dhigayo musharrax mucaarad ahaa oo guulaysan raba, misana warkii loogu soo koobay, dadka aan tixgalin doono baan kugu darayaa. Wallee taasoo kale cuqubo baa lagaa dhahaa. Allow magantaa. 

Xamze maxaa u xal ah?

Marka koowaad dadkoo dhan waxaad uga duwantahay, adiga nasiib kuma aadan iman oo magacaaga Google lagama soo helin. Sidoo kale talo saaxiib ku yaqaanna iyo olole beeleed kumaadan noqon Ra’iisul Wasaare. 

Waxaad tahay xubin Xisbiga Madaxweynaha ka tirsanaa, aqoon muddo dheer uu kuu lahaa, adigana waad soo sabirtay oo muddo xileedkii hore tabasho ayaad ku dhammaysatay, 5 sano oo mucaaradnimo ahna waad lasoo safatay hogaamiyahaaga.

Intaas adigoo xusuusto, taladaya oo kooban waa sidaan;

Koow: Sidaad u muuqato inaad sanadka dhamaaday u dhaqmeysay ku sii wad, waana sifooyinka aan kor kusoo xusay ee aan kugu ammaanay. 

Labo: Rag damac kama dhammaadee, hadday kuu soo xaluulato hawo dhahaysa anna maan Madaxweyne noqdo, waa iga talee awood aadan usoo dhididin ha isku dhadhamin. Orodoo soo kifaax oo dadnimaada soo tijaabso.  

Qoriga laguu dhiibtay inta ku hartay ee rasaas ah intaa u celiso ninkii iska lahaa, waliba si qurxan adigoo u sii dhaqay, si tartiib ah iridda uga siibo. Markaas kaddib, tolkaa, taladaa iyo tayadaa intaad isku darsato damacaaga usoo harjad. Hadaadse isku daydo kursi Madaxweyne baan si dhuumasho ku dafayaa, hortaaba la hollin waa ee bal tubta isku tashiga soo tijaabi. 

Saddex: Shisheeye ha usoo raacin Madaxweynahaaga, marna libin kuma gaaraysid, waxaadna ku danbayn doontaa adigoo bir is moodaya inaad sidii buufinkii kaligaa u dillaacdo ama intay wax fool xun kugu sameeyaan baad hayin la hogaansado u noqon, kolkaas bay ficilladaada oo dhan wada fool xumaaanayaan. Markaad xilka weysana, shisheeye iyo sokeeyo mid ku salaama arki meysid. 

Afar: Muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan ayey is qabteen Raisal Wasaarihiisa, xantii oo aanan bannaanka usoo bixin, buu aniga ii yeertay masuulkaas isagoo suuqa kasoo maqlay inaan gadoodsanahay. War dheer oo nuxurkiisa yahay, inaad ila jirsato baan rabaa oo aan Wasiir kuu magacaabi si aan ula diriro Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidii uu war kale iiga sugayey, baan ku iri, malaha waad ilowdayee inaan kasoo gows-qabsaday Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa saldhig u ahaa inuu adiga kuu magacaabay Ra’iisul Wasaare, hadeerna kolka dagaalkiinna qarxo anigu waxaan dib ula heshiinayaa Madaxweynaha ee haddaad talo yeeleyso, orodoo la heshii oo la saaxiib Madaxweynaha.

Mudane Ra’iisul Wasaare,

Xusuusnoow dad badan waxay Madaxweynaha ula dirirsanyihiin dartaa, maalinta aad is qabataanna, isagay la jirsanayaan. Sidaas darteed meeshaada ku qalalso, kuna qaboowso. 

Deeqsinimada xadka dhaafsan iska yaree oo jagada Ra’iisul Wasaaraha u ekeeysii mid jirta oo joogta, adigoonan madaxa ku dhufanin Madaxweynahaaga. 

Waan arkaa inaad saxiixday qodobo dastuurka khilaafsan oo taabanaya awoodaha xafiisyada ugu sarreeya dalka. Kuma lihi anigu sida dadka qaar, beesha aad matasho maxaad ula tashan weysay? 

Waxaanse ku leeyahay iska ilaali inaad saxiixdo warqad dastuurka si qayaxan uga hor imanaysa, waayo, adigu sharci fuliye unbaa tahay ee sharci dajiye ma tihid. 

Sidoo kale, ha saxiixin waxaanan kuu qalmin, calafna ilaah baad u leedahay ee cadkaad ku fadhido hana cunin, hana ceebeynin.  

Nin aad kuu yaqaan oo siyaasadana aan ku jirin wuxuu igu yiri, adigoo hal asbuuc magacaaban, Ra’iisul Wasaare Xamze, inuu Madaxweynaha xanto oo uu ku nafiso waa laga yaabaa, subax inuu iska dhaqaaqo oo iscasilo waa laga yaabaa laakiin kama hor imanayo, waxbana kama diidayo Madaxweynaha.

Aniga laftayda sidaas baan kuugu duceeyey.

W/Q: Fahad Yaasiin
La-taliyihii Hore ee Amniga Qaranka 

Hanti-dhowrka qaranka oo dalbaday in lagu soo wargeliyo tuug shaar dowlad wata

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray wargelin cusub oo ku socota shacabka, kaasi oo uga dalbanayo in lagu soo wargeliyo haddii ay arkaan shaqaale dowladeed oo ku kacay musuq-maasuq.

Wargelintan kasoo baxday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed looga dalbaday inay hubiyaan in warqadda lacag qabashada adeeg dowladeed ay ku cadahay tirada lacagta laga qabtay, si loo xoojiyo hufnaanta iyo la-dagaalanka musuqa.

“Si waafaqsan Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci No.17) iyo Xeerarka Canshuurta Dowadda, haddii aad bixiso canshuur, ganaax, kiro, lacag adeeg iyo nooc walba oo dakhli ah oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya (Dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir), hubi in aad qaadato warqadda lacag qabashada (receipt voucher) iyo in tirada lacagta lagaa qabtay ay ku caddahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu yiri “Haddii aad rabto aragto khalad, wax is-dabamarin, khiyaano ama xeeladeysi ku saabsan nidaamka lacag qabashada, fadlan la wadaag Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli kal hore ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah musuq-maasuqa, kaasi oo aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale waxay qorsheynaysa inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo dhawaan Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

Qaraarkan ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha.

Sidoo kale waa mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Xog: DENI oo ku wajahan Garoowe xilli xiisad ay jirto

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degaanka Ceel-haarre ee duleedka magaalada Qardho ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Saciid Deni ayaa sida la filayo ku hakan doona degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, halkaas oo kulamo kula qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa lagu wadaa in uu todobaadka danbe si rasmi ah u furo kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo qodoba xasaasi ah horyaallan, oo uu kamid yahay wax ka beddelka Dastuurka Puntland oo ka dhashay muran xooggan.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa horraanta bishii hore ee May magacaabay guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya wax ka beddelka uu maamulka Saciid Deni qorsheynayo inuu ku sameeyo Dastuurka Puntland.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa timid kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, gaar ahaan qoddobka xisbiyada siyaasadda maamulkaasi, islamarkaana laga dhigo shan xisbi, halka ay awal aheyd saddex xisbi.

Xubnaha guddigaan ayaa lagu wadaa in Golaha horgeeyan warbixinta fallanqeyn iyo daraasad ay kusoo sameeyeen arrinta wax ka beddelka dastuurka Puntland ee soo jeedisay xukuumadda uu hoggaamiyo Saciid Deni.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, iyada oo la fahamsan yahay in Deni uu gadaal ka riixayo arrintaan, si uu baarlamaankana u meel-mariyo in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka.

Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Saciid Deni ee Garoowe ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay weli socdaan wada-hadallo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed iyo amni ee qabsoomida doorashada dowladaha Hoose ee Garoowe iyo laba degmo oo kale, kuwaasi oo hore u hakiyay guddiga doorashooyinka Puntland.

Somaliland oo shaaca ka qaaday arrinta ka dambeysa tallaabadii ay shalay qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay faah-faahin dheeraad ka bixisay dacwad ay ka gudbisay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Dacwadaan oo uu ku saxiixna xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa waxaa lagu dalbanayay in Cabdirisaaq Khaliif la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada, kadib markii uu ku eedeeyay inuu jabiyey dastuurka Somaliland.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha Cabdillaahi Axmed Carshe oo la hadlay MMTV ayaa waxa uu dacwadaasi ku tilmaamay mid sharci ah, islamarkaana timid kadib markii Golaha Wakiilada ay ku fashilmeen inay tallaabo ka qaadan Cabdirisaaq Khaliif.

“Golaha Wakiilada muddo lix billood ah ayaa la sugayay, way ku fashilmeen oo tallaabo way ka qaadi waayeen, iyaga oo arkayey Cabdirisaaq Khaliif in uu badheedhay inuu dagaalka ku jiro, markaa qodobka 79-aad faqradiisa 2-aad ayaa ogol in xeer ilaaliyaha guud uu dacwad ku oogo,” ayuu yiri afhayeen Carshe.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xil ka xayuubinta Cabdirisaaq Khaliif ay hortaagan yihiin xildhibaano ka tirsan Golaha, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay guddoomiyaha dacwada laga gudbiya6 ay la fikir yihiin.

“7 xildhibaan oo Baarlamaanka ku jira oo taageersan huwanta la dagaalameysa Qaranka Somaliland ee kusoo duushay ayaa is-hortaagay in Golaha Wakiilada ay Khaliif dacwad kusoo oogan, inta kalena way ka baqeen oo waajibaadkoodii waa gudan waayeen,” ayuu yiri.

Xildhibannada uu eedeeyay afhayeenka oo aanu magacyadooda carabaabin ayuu shaaciyay in sidoo kale dacwad lagu soo oogi doono, kuwaasi oo eed uga dhigay in warbaahinta ka taageeraan guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Si kastaba, dacwada xeer ilaalinta kadib ayaa waxay Maxkamadda Sare ee Somaliland ay guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif u dirtay warqad ay uga dalbaneyso inuu 7-cisho kaga soo jawaabo dacwad dastuuri ah oo xeer ilaalinta Somaliland ay u soo gudbisay maxkamadda.

Dowladda oo shaacisay xog ku aadan wajiga labaad ee DAGAALKA Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta Wariyeyaasha la wadaagay warbixinta todobaadlaha ah ee dowladda ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dhowaan uu bilaaban doono howlgalkan oo ay horkaceyso dowladda federaalka, ayna ka qayb-qaadanayaan waddamada dariska ah.

Wasiirka ayaa xusay in waddamada gobolka ay dareemayaan qatarta kooxda, maadaama ay halis ku tahay gobolka oo dhan.

“Sida aad la wada socotaan waxaa socda howlgallada lagu ciribtirayo Khawaariijta oo qaybo badan oo dalka ah ka socda, waxaa intaas dheer in howlgalka qaybtiisa labaad ee Dowladda Federaalka hoggaamineyso la filayo in uu dhawaan billowdo, waxaana xusid mudan in waddamada deriska ah ee khatarta khawaariijta nala dareemaya ay iyaguna qayb ka yihiin howlgalkaan,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ka socda Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ay ka hoos shaqeyn doonaan kuwa Xoogga dalka, isla-markaana marka uu u dhammaado howlgalka, isla-markiiba ay dib ugu laaban doonaan waddamadooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka ka imaanaya waddamada deriska ah oo ka hoos shaqeyn doonna Ciidamada Dowladda Federaalka waxa ay degdeg ugu laaban doonnaan waddamadooda sida ugu dhaqsiyaha badan marka uu dhammaado howlgalka oo muddo kooban qaadan doonna” ayuu hadalkiis sii raaciyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaloiya, Mudane Daa’uud Aweys.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddii Soomaaliya laga suuliyo Khawaarijinta waxaa dhici kara inay u gudbaan waddamada dariska ah, waxaana kamida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran ay uga qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada ciidanka Itoobiya ee degmada Doolow

0

Doolow (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta ka dhacay gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow, halkaas oo haatan laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Qaraxa koowaad ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay ilinka hore ee xerada, halka qaraxa labaad uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo ka baxeysa xerada, si weyna ay u maqleen jugta qaraxyada.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan qaraxayada loo adeegsaday oo ay durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku sugnaa ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay xirteen aagga xerada, taas oo adkeysay in macluumaad laga helay khasaaraha.

Dhanka kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka degmada iyo kuwa gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib markii ay Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhig ay ciidanka Uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareere ee Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, weerarkan cusub ee ka dhacay Gedo ayaa kusoo beegmay, ayada oo xalay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabay gobolkaasi.

Safiirka Mareykanka oo shaaciyey xog ku saabsan wixii ay isku qabteen Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka u joogay Soomaaliya Larry André ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababtii uu uga hor yimid muddo kororsigii Farmaajo iyo waxa ka jira eedeyn ah in Mareykanku fashiliyey qorshii uu Farmaajo ku sii xukumi lahaa dalka.

Larry André oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in caqabadda kaliya ee Farmaajo qabsatay ay aheyd inuu ka talaabay dastuurka dalka, taas oo qad cagaaran uu ku tilmaamay.

“Cadaadisku wuxuu madaxweyne Farmaajo ka haystay dhinaca dastuurka, wuxuu aad ugu dib dhacay muddo xileedkiisii. Khad cas ayay u tahay Soomaaliya, baalmarista dastuurka, sababtoo ah waa dal tobanaan sano ku soo jiray fawdo iyo gacan ka hadal,” ayuu yiri danjire Larry André.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku doodi jiray inuu hir-gelinayo doorasho qof iyo cod ah, wxuuna baarlamaankii waqtigaas isku dayey inuu u kordhiyo muddo laba sano ah, balse waxaa ka dhashay gacan ka hadal, kadibna waxaa la aaday doorasho dadban.

Safiirkii Mareykanka u joogay xiligaas danjire Larry André, wuxuu wareysigaan ku sheegay in markii ugu horeysay uu Farmaajo bartay sanadkii 2020-kii, xiligaas oo Jabuuti uu ka ahaa safiir u jooga Mareykanka.

Larry wuxuu sheegay in xilligaas uu Farmaajo u tegay dalka Jabuuti inuu ka qeyb galo wadahadalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Somaliland oo Jabuuti ay marti gelisay.

Sanad kadib Larry waxaa loo soo magcaabay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay inay wada qaateen maalinkaas waqti is barasho oo ku filan, fikrado badana ay is dhafsadeen.

“Maalintaas waxaan Madaxweyne Farmaajo u cadeeyay in ay khatar tahay in la dhaafo muddo xilgeedka ku xusan dastuurka Soomaaliya” ayuu yiri danjire Larry André.

Diblomaasigaan wuxuu Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayuu ku amaanay, sidii uu u maareeyey doorashadii dhibka badenyd ee Soomaaliya.

“Waxaan arkaynay in ra’iisul wasaare Rooble uu sameynayay wax kasta oo uu karay, isagoo adeegsanaya awoodiisa, si uu u hormariyo hanaanka doorashada, inkasta oo aan la hadlaynay madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, hadana waxaa lagu guuleystay inay doorasho dhacdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Larry André.

Daawo: FIQI oo weerar culus ku qaaday Nabad iyo Nolol

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi aya weerar culus ku qaaday kooxda Nabad iyo Nolol oo ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in haatan Nolol iyo Nabad rasmi ah ay ka jirto dalka, balse markii hore la’iska sheegan jiray, sida uu hadalka u dhigay.

“Meeshaan niman saaxibadey ah ayaa Nabad iyo Nolol la baxay Nabad iyo Nolol hadda ayay jirtaa oo rasmi ah, markii hore Nabad lama heysan, Nololna lama heysan” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxdii hore ay dadka ku qasbi jireen Nabad iyo Nolol, basle haatan waxa jira ay marqaati ka yihiin dadweynaha Soomaaliyeed.

“Hadda nabadda buuxda idinka ayaa marqaati ka ah yaa idinku qasbay nabadda aad hadda sheegeysaan ebel taas mid sanka la’iska gelinaayo ayay aheyd,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kooxdii ay hore ay lacag adeegsan jirtay, si ay u gaarto danaheeda siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Awal waxay aheyd lacagtaan isii oo Nabad iyo Nolol igu magacow wax la gadanayo ayay ahayd” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray Nabad iyo Nolol, isaga oo uu ugu baaqay inay hadda u diyaar garoobaan tartan adag, maadaama la furayo xisbiyada siyaasadda dalka.

Soomaaliya ayaa haatan galeysa marxalad cusub, maadaama lagu heshiiyay in doorashooyinka ay noqdaan qof iyo cod, walow dood xoogan laga keenay.