27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro: Xasan iyo Xamza oo kulankii u horeeyay la qaatay ergeyga cusub ee QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray argagixisada.
Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka bini’aadannimo.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Marwo Catriona Laing.

Kulankaan ayaa waxay uga wada-hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha Qaramada Midoobay siiyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Qaramada Midoobay uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu muujiyey sida ay xukuumadda Dan-Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa dhankeeda ka mahad-naqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay tilmaantay in howl-galkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.

Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa Isniintii soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa 3-dii May u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Britain inay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa sidoo kale noqoneysa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, waxayna xilka kala wareegi doonta Amb. James Swan oo isagu u dhashay dalka Mareykanka.

Magacaabista Ling ayaa timid kadib booqasho taariikhi ah oo 11-kii April ee sanadkaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

António Guterres ayaa xilligaasi ka dhawaajiyay in QM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata.

Aqriso magacyada: Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo, oo sanado badan ay ka taagned xiisad u dhaxeysa isaga iyo siyaasiyiinta beel ahaan kasoo jeeda gobolka qaarkood. 

Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda. 

Gobolka Gedo ayaa ah gobol inta badan aan gacan ugu jirin maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna intii uu xilka hayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga xukumi jiray Villa Somalia.  

Waxaa weli intiisa badan gacanta ku haya ciidamo diidan Axmed Madoobe oo qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya balse uu halkaas geeyey madaxweyne Farmaajo. 

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, islamarkaana ay awood ciidan ku joogaan gobolka. 

Waxaa dhowaan Muqdisho loo diiday inay ka soo kacdo diyaarad sidday mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasoo dhalisay is mari waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii Gobolka Gedo. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan sheegay inuu xal u heli doono xiisadda gobolka Gedo, balse weli uma dhaqaaqin inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadaas.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha gobolka

Daawo: Howlgal ka dhacay Baladul Amiin oo lagu dilay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha deegaanka Baladul Amiin oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaloiyeed, kuwa NISA iyo sidoo kale saaxibada caalamiga ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkan lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi, isla-markaana qorsheynayay inay weeraro soo qaadaan.

“Waqtigan aan idinla hadleyno wuxuu howlgal ka socdaa meesha la yiraahod Baladul Amiin oo gobolka Shabeelaha Hoose ka tirsan, halkaas oo ay Khawaarijta isku dayayaan inay weeraro ka fuliyaan, iskuna aruursanayeen, balse ay ka war heleen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 20 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, welina uu socdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta naloo soo xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu dilay illaa labaatameeyo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, wixii dheeraad ah waa idinla socod siin doonaa” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, wasiirka oo soo saaray warbixinta todobaadlaha ah ee dowladda ayaa shaaca ka qaaday inuu bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan waddada dariska, gaar ahaan Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale Itoobiya.

“Waxaa xusid mudan in waddamada dariska ah ee qatarta Khawaarijta nala dareemaya ay iyaguna qayb ka yihiin howlgalkan” ayuu mar kale yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa intaasi kusii daray “Haddii Soomaaliya laga suuliyo Khawaarijinta waxaa dhici kara inay u gudbaan waddamada dariska ah, waxaana kamida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Al-Shabaab oo shaqaale caafimaad ka afduubtay duleedka BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay gelinkii dambe ee Talaadada ay afduub ka geysatay gobolka Hiiraan, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanka Farlibaax iyo degmada Beledweyne.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay waddada u galeen gaari ay la socdeen shaqaale caafimaad, kadibna ay horay u kaxeyseen dadkaasi.

Tirada dadka la afduubtay ayaa gaaraya illaa 6 qof oo 5 kamid ah ay yihiin shaqaale caafimaad oo u shaqeynayay hay’adda Wardi oo howlo caafimaad ka wada Hiiraan.

Sidoo kale qofka lixaad ayaa la sheegay inuu yahay ruux shacab ah, isla-markaana horay usoo raacay gaariga shaaqaalaha caafimaadka wateen oo kusoo jeeday Baledweyne.

Shaqaalahan ayaa ka yimid tuulooyin hoostaga Farlibaax, halkaas oo kasoo fuliyeen adeegyo caafimaad, balse soo laabashadooda ayay afduubteen xoogaga Al-Shabaab.

Lama oga halka ay Al-Shabaab la aadeen shaqaalahaasi oo aan la ogeyn waxa ay hadda ku sugan yihiin, maadaama ay u gacan galeen kooxda oo dagaal ka wada halkaasi.

Dhanka kale, ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu baadi goobayao dadkaasi ka bilaabay duleedka Beledweyne, oo ah halka lagu afduubtay shaqaaladaasi.

Ma’ aha markii ugu horeysay oo ay kooxda Al-shabaab afduubtaan shaqaale ka tirsan hay’addaha ka howlgala gobolka Hiiraan, waxaana arrin kusoo laa laabtay gobolkaasi.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida ay weyn ay dadka deegaanka ugula dagaalameen kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray bariga gobolkaas oo ka tirsan HirShabelle.

MADAAFIIC mar kale lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay saaka ciidamada milatariga maamulka Somaliland ku qaadeen qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhankooda ciidanka SSC-Khaatumo ayaa ku jawaabay madaafiic culus oo la sheegay inay ku hoobteen xerada Goojacadde oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Somaliland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi, waxayna sheegeen inay dareemeen walwal iyo cabsi xoogan oo ka dhalatay madaafiicdaaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicda ay geysteen khasaar isugu jiro dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada dhexdeeda.

“Dhaawacyo yar yar mooyee wax khasaare ah ma ogi, guryo gubtana way jiraan” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkiika ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastaba, waxaa Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah.

Soomaaliya iyo Sacuudiga ‘oo kor u qaadaya’ iskaashiga laba dhinac oo muhiim ah

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili.

General Fayyad ayaa ugu horeyntii waxa uu wasiirka iyo wafdigiisa si weyn ugu soo dhaweeyay dalkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sacuudig ayaa waxay kulankaan uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labada dal.

Sidoo kale waxay labada masuul lafa-gureen sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay wasiir Jaamac.

Dhawaan unbay aheyd markii ay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kulan muhiim ah ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Labada hoggaamiye ayaa waxay markaas ka wada-hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya & Sacuudiga iyo kobcinta iskaashiga labada dhinac, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Kulankaas ayaa sidoo kale waxay labada masuul uga wada-hadleen gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ciidamada dowladda iyo ku deegaanka ay ka wadaan gobollada dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Somaliland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Cabdirisaaq Khaliif oo tegay Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Somaliland ayaa u gudbisay Golaha Wakiillada ee Somaliland in la laalo xubinnimadii Golaha Wakiillada ee guddoomiyaha golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Dacwadaan waxaa ku saxiixan xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan. Xeer Ilaalinta ayaa ku eedaysay guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif inuu jabiyey dastuurka Somaliland.

Guddoomiyaha ayaan weli ka hadaly eedeynta loo jeediyey, waxaana la xaqiijiyey inuu ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo dagaal looga saaray Somaliland.

Dacwadda ay gudbisay xeer ilaalinta Somaliland ayaa ka kooban afar eedeymood oo kala ah:

1 – In uu guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ka hor yimid jiritaanka iyo minidamada Somaliland, kadib markii uu taageeray go’aannadii ay soo sareen odayaasha dhaqanka Laascaanood oo sheegay in Sool, Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayn Somaliland isla maraakana ay hoos tagayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay in guddoomiyuhu uu jebiyay qodobka 1-aad iyo 2-aad ee dastuurka Somaliland.

2 – In Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif uu ka been sheegay dhaartii daacadnimo ee ugu dhaartay Somaliland.

3 – In uu jebiyay dastuurka Somaliland, kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo in golaha uu ka maqnaa 20 fadhi fasax la’aan.

4 – Iyo inuu cambaareeyay ciidamada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay in uu yiri waxay geysteen xasuuq ka dhan ah bini’adannimada.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ka dalbatay in meesha laga saaro xubinnidamada golaha wakiillada ee Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, maaddaama ay sheegeen in uu dastuur jebin ku kacay.

Intaas kadib Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif u dirtay warqad ay uga dalbaneyso inuu 7-cisho kaga soo jawaabo dacwad dastuuri ah oo xeer ilaalinta Somaliland ay u soo gudbisay maxkamadda.

Daawo: Xukunka nin ka tirsan Daacish oo ‘Kufaar’ u yaqaan dadka ku nool Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dacwadiisa soo gabagabeysay, xukun adagna ku riday Warsame Xasan Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ka dagaalanta qeybo kamid ah Soomaaliya.

Ninkaan ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Muqdisho uu ka aaminsan yahay inay yihiin ‘Kufaar’ isla markaana ay qolo kasta ku qiimeeyaan waxa uu aaminsan yahay hoggaamiyahooda.

Ninkaan waxaa lasoo bandhigay muuqaalka isagoo suuqa Bakaaraha ku xabadeynayo goobo ganacsi oo diiday inay canshuur siiyaan Daacish, ilaa laba tukaan ayaa lasoo bandhigay isagoo xabadeynaya.

Lama sheegin cid ku geeriyootay xabadihii uu goobaha ganacsiga ee suuqa Bakaaraha uu ka dhex-riday Warsame, waxaana la qabtay bilo ka hor.

“Waxaa la ii soo diray inaan soo xiro tukaamada ka furan Bakaaro ee diidan inay bixiyaan canshuurta Daacish, dhowr xabo ayaan kor ugu riday tukaamadii aan tegay,” ayuu yiri ninkaan oo lasoo bandhigay isagoo xabadeynaya ganacsatada Bakaaraha.

Maxkamadda ciidamada oo muddo gacanta ku heysay kiiska ninkaan ka tirsanaa Daacish ee ‘Kufaarta’ u yaqaanka dadka reer Muqdisho ayaa maanta ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah.

“Xamar waa daarul kufri, daarta shacab laguma qiimeeyo, waxaa lagu qiimeeyaa hoggaamiyaha ka taliya, kitaabka uu ku dhaqmo ayey ku xukuman yihiin dadka ku nool magaaladaas,” ayuu yiri Warsame oo 15 –sano oo xabsi ah lagu xukumay maanta.

Wuxuu sheegay in yaraantiisii uu ahaa xoolo dhaqato, isla markaana uu ku dhashay gobolka Gedo, sidoo kale uu xoolihiisa u naq raaciyey qeybo ka mid ah gudaha dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya.

“Geel iyo Lo’ ayaan raaci jiray, dhul badan ayaan la maray, si aan u daajiyo, waxaan Daacish uga biiray duleedka Beledxaawo, muuqaaladooda ayaan daawaday, waxaana ka dhacay buuraleyda gobolka Bari, anigoo maray dhulka, waxaana halkaas kula kulmay Cabdulqaadir Muumin,” ayuu yiri Warsame.

Hoos ka daawo

Sawirro: DF iyo dowlad-goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiir Cilmi oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa uu sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha mideynta canshuuraha iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa Hhey’addaha maaliyadda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ku wehliyay furitaanka shirkaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Hon. Raho Janaqow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Hon. Cabdiqafaar Xaange.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, Deyn Cafinta iyo qeybsiga deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxiibada caalamka.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.

Geba-gebada shirkaan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah, oo dhinacyadu ku gaareen shirkaan maanta ka furmay.

DF oo amar cusub kusoo rogtay shirkado dhowr ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka, oo ay qeyb ka yihiin kuwa degan hantida ma-guurtada ah ee wasaaradda.

Warqad wargelin ah oo kasoo baxday wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa waxaa lagu faray shirkadaha iyo ganacsatadaas inay iska soo diiwaan galiyaan wasaaradda.

“Dhamaan shirkadaha ka shaqeeya shidaalka, gaaska cuntada, diyaaradaha keenida, kaydinta, daabulida, kaalimaha shidaalka iyo kuwa degan dhamaan hantida ma-guurtada ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS waxaa la farayaa inay yimaadaan wasaaradda oo iska soo diiwaan-geliyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxat wasaaradda.

Yeerista wasaaradda ee shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka ayaa waxaa qeyb ka ah, ku wargelinta dhamaan waxa uu xeerkan farayo shirkadahaas, loolana socdo badqabka dadka ka shaqeynaya arrimaha shidaalka

“Sida aad la wada socotaan waxa uu dalka Soomaaliya wali ku jiraa dib-u-dhiskii dowladnimada Soomaaliya oo maalinba maalinta ka danbaysa horumar lagu tilaabsanayo sidaa awgeed ayaa waxaa jirta in Golaha Wasiirada dalka ay ansixiyeen Xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 120 30/03/2023 kaas oo ah Xeer Nidaamiyaha Dareer-hoosaadka Batroolka. Xeerkan oo tilmaamaya noocyada kala duwan oo ah habka dareer-hoosaadka Batroolka ku shaqa leedahay.”

Qoraalka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri “Ugu danbayntii waxaan idiin rajaynaynaa wada-shaqayn wacan iyo fulinta amarka wasaaradda, kaas oo aad iyo muhiim ugu ah dowladnimadda Soomaaliya.”

Warqaddan kasoo baxday wasaaradda ee amarka cusub lagu soo rogay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka ayaa waxaa ku saxiixna agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.

Puntland oo war cusub kasoo saartay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo ka hadlay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale oo hore u hakiyeen, ayaa waxay rejo wanaagsan ka muujiyeen in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed iyo amni ee saameynta ku yeeshay saddexdaasi degmo.

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xal ka gaarista doorashada golaha deegaanka ee saddexda degmo ay ku howlan yihiin wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanka.

Waxa uu xusay in wada-hadalka arrintaan la xiriira uu meel fiican marayo, islamarkaana maalmaha soo aadan lagu wado in la shaaciyo jadwalka qabsooomidda doorashada saddexdaasi degmo.

“Sidaad la socotid waa innagii hakinnay saddexda degmo sababo farsamo iyo amni oo markaas jiray welina waxaan war ka sugeynaa hay’adaha dowladda ee ay arrimahaas quseyso iyo bahda dhaqanka meel wanaagsan ayayna mareysaa, marka ay soo dhammaato ayaanu shaacin doona xilliga ay deegaannadaas doorashada ka qabsoomeyso,” ayuu guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Saciid.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in hadda aysan jirin caqabad weyn oo hortaan doorashada saddexda degmo, hase yeeshe fursad siinayaan in xal siyaasadeed laga gaaro qabsoomideeda.

“Wax hadda taagaan oo caqabad weyn ah ma jiraan, annaga guddi ahaan wax hadda taagan oo aanu ognahay ma jiraan, laakiin maaddaama ay markii hore u hakatay sababo markaa jiray oo siyaasadeed ama amni marka in sababihii qaab xal ah looga saaro unbaa lagu mashquulsanaa.”

“Annaguna maaddaama aan fursad siineynay intii ku hawlanayd arrimahaas xalliso welina fursaddii baanu weli siineynaa oo warbaan ka sugeynay laakiin wax dhibaato ah oo hadda taagtaagan ma ogi,” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq oo la hadlay BBC.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa 24-kii May ku dhawaaqay in xaalad amni oo soo korodhay darteed loo hakiyay doorashada degmada Garoowe, ee qorshuhu ahaa inay ka qabsoomto doorashadii dhacday 25-kii bishii hore.

Sidoo kale waxa uu xilligaas guddiga hakiyay doorashada dowladaha Hoose ee degmooyinka Dangorayo iyo Godobjiraan, kadib markii uu qiimeyn ku sameeyay xaalka guud ee shaqada doorashada.

Guddiga ayaa waxa uu markaas qiray muhiimada ay leedahay deganaanshaha iyo in wada-hadal lagu xaliyo waxkasta lagu kala duwan yahay oo la xiriira doorashada dowladdaha Hoose ee saddexdaasi degmo.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay socdaan wada-hadallo la xirira arrintan, ayada oo weli ciidamadii hor taagnaa doorashada ay ku sugan yihiin duleedka magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka biyo diidan go’aan dhawaan kasoo baxay guddi arrimahaan loo xil-saaray, oo go’aamiyay inay fariisimahooda ku laabtan ciidamadu.

Uganda oo shaacisay waxa xiga kadib weerarkii Buulo-Mareer ee askarta looga laayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa shaacisay tallaabada xigta ee ay qaadayaan kadib weerarkii Buulo Mareer ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigooda, kaasi oo looga dilay askar badan.

Uganda ayaa sheegtay in weerarkaasi ay hore uga sii soconayaan ciidamadeedu, islamarkaana aysan dhacdadaasi wiiqi doonin hadafkeeda ay u joogaan gudaha Soomaaliya ee howl-galka ATMIS (ex-AMISOM).

Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Nathan Mugisha oo booqday ciidamadii dhawaan ku dhaawacmay weerarkii Buulo Mareer ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada Uganda ay ka go’an tahay in ay fuliyaan waajibaadka howl-galka ATMIS, iyada oo todobaadkii hore la weeraray saldhigooda.

“Waxaan dejinay xaaladda, waxaana socda dib-u-eegidda iyadoo horayna loo sii socon doono sidii loo qorsheeyay. Dhacdadu nagama wiiqi doonto hadafkeena,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Mugisha.

“Waxaan sii wadi doonnaa geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya, annagoo taageerayna Dowladda Federaalka, Ciidanka Xoogga Dalka, iyo shacabka si ay u helaan xasillooni, horumar dhaqaale, iyo isbeddel.”

Arrintan ayaa imaneysa, xilli dowladda Uganda ay wajaheyso cadaadis gudaha, islamarkaana dadka reer Uganda qaarkood ay dalbadeen in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, maadaama ay sheegeen “in si bahal-nimo ah ugu dhimanayaan dal kale,” halka qaar kale ay dowladda usoo jeediyeen in loo aargudo askartooda.

“Waa dareen isku jira qaar waxay nagu tirtirsiinaya in aan aargudano, qaar kalena waxay doonayaan in ciidanka laga soo saaro sababto ah waxay leeyihiin ciidankan waddankeena uma dhimanayaan ee dad kale ayay madaxooda ku dhimanayaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Uganda oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay dareenka uga yimid dadka reer Uganda.

Uganda ayaa dooneysa in joogitaankeeda Soomaaliya ee xilligaan uusan waxba iska beddelin kadib weerarkii Buulo Mareer ee looga dilay askar badan.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

R/W Xamza oo magacaabay guddi 9 xubnood ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddi cusub.

Guddigan cusub ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha u xil-saaray qaban-qaabada xuska sanad-guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda, kuwaasi oo ka kooban siddeed wasiir iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63-aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda,” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Guddigan cusub ayaa waxaa guddoomiye ka ah wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale waxaa xubno ka ah; wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), wasiirka maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Maxamed Maxamuud Barre iyo wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Xubnaha guddigan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah; wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Biixi Iimaan Cige, wasiirka xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Si kastaba, Guddigan cusub ee maanta uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa ka shaqeyn doona qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda.

Daawo: Maxay yihiin ciidanka ka yimid Talyaaniga ee maanta soo gaaray MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo tababar kusoo qaatay dalka Talyaaniga oo kamida dalalka waa weyn ee taageero dowladda dhexe.

Ciidamadan ayaa waxaa gudaha garoonka kusoo dhoweeyay Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif), safiirka Talyaaniga u joogo Muqdisho iyo saraakiil kale oo ugu tegay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Taliye Kaniif oo ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa khudbad dardaaran ah u jeediyay askartan ay dowladda Soomaaliya usoo tababaray Talyaaniga.

“Waxaan idinku amaanayaa dhabar adeegga, aqlaaqda iyo kartida aad ka muujiseen inta aad tababarka ku jirteen oo dalka aad ka maqneedeen” ayuu yiri taliye Kaniif.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay ka qayb-qaadan doonaan howlaha shaqo ee Booliska Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay si hufa ugu adeegaan dadkooda.

“Waxaad keenteen wanaag iyo sharaf aad kusoo siyaadiseen ciidanka Booliska iyo sharaf aad ugu adeegi doontaan dadkiina” ayuu sii raaciyay.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Talyaaniga oo isku xil-saartay tababarka ciidamadan cusub oo ku biiraya Booliska Soomaaliyeed oo haatan howlgallo ka wada gudaha magaalada Muqdisho.

“Ugu dambeyn waxaan u mahadcelinayaa dowladda Talyaaniga, safiirka iyo macallimiintii idin soo tababartay dhammaantood, guul ayaan idin rajeynayaa,'” ayuu mar kale yiri.

Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna taageero kala duwan siiyaa dowladda federaalka.

Si kastaba, ciidamadan cusub ee tababarka kusoo qaaday Talyaaniga ayaa kusoo aaday, xilli loo baahnaa, isla-markaana uu dalka ka socdo qorshe lagu sugayo amniga guud.

DF Soomaaliya oo jawaab ka bixisay weerarkii Masagawaa

0

Masagawaa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen inta u dhexeyso degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud,

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isku ballaariyay halkaasi.

Ciidamada ayaa si gaar ah howlgalladan uga sameeyay deegaanada kala ah Ceel-hareeri iyo Meexaan oo hoostaga degmada Galcad ee gobalka Galgaduud.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu ahaa inay jawaab ka bixiyaan weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaa, sidoo kalena ay ka saaraan halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli qaybo badan uga sugan gobollada dhexe ee dalka.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay howlgalladooda ku gaari doonaan deegaanada ay joogaan Al-Shaab, sida Ceelbuur Galhareeri, Wabxo iyo degaannada kale ee gobolkaas.

Ma shaacin saraakiishu khasaaraha ka dhashay howlgalladan, marka laga tego in ay ku gaareen deegaano hoos yimaada magaalada Galcad oo ay soo weeraraan Al-Shabaab

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa aagga deegaanka Masagawaa oo ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay markii ugu horreysay shaacisay tirada askarta lagu dilay weerarkii ay toddobaadkii tegay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaay oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerarkaas kaga dhinteen 9 askari, balse Al-Shabaab ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen, oo gaaraya illaa 150 dhimasho ah.

Xogta qaraxii ka dhacay guriga taliye Qoslaaye + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay  ka dhex dhacay guri ku yaalla xaafadda Shiirkoole oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Guriga la qarxiyay ayaa waxaa degan taliyihii hore ee saldhigga Booliska degmada Hodan, Cabdifitaax Qoslaaye, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warrramayaa in lagu xiray qayb kamid ah guriga isla-markaana la qarxiyay, xilli ay ku sugnaayeen taliyaha iyo ilaaladiisa.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan afar askari, halka ay ku dhaawacmeen askar kale oo kamid ahaa ilaalada taliyaha la weeraray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in taliye Cabdifutaax Qoslaaye uu ka bad-baaday weerarkan, balse waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha guriga, maadaaama qaraxa uu sameeyay qaraxa oo ahaa mid xoogan.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda waxa hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Qoslaaye oo ah sarkaal dhalinyaro ah ayaa xilkiisii ku waayay dil ay askartiisa u geysteen ganacsade ku sugnaa agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho,

S kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii dambe xaaladda ammaan ee Muqdisho ay tahay mid deggan, marka loo eego falalkii hore ee ka dhici jiray caasimada.

Xog ka cusub weerarkii Al-Shabaab ee Buulo Mareer iyo 4 askari uu Ugandees ah oo…

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii toddobaad kahor ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidankeeda ee Buulo Mareer, kaasi oo looga laayay askar badan.

Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye oo la hadlay VOA ayaa shaaciyay in saraakiil iyo askar kamid ah kuwii ku sugnaa Buulo Mareer ay ku badbaadeen agagaarka iyo meel kamid ah saldhigaasi.

Waxa uu sheegay in askartaan la helay kadib markii ciidamada Uganda ay dib u qabsadeen saldhigoodii Buulo Mareer, kaasi oo markii hore la sheegay inay si cagmarin ah kula wareegeen dagaal-yahaanadii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday.

“Tirada la xaqiijiyaya ee saldhiga iyo agagaarkiisa laga helay waa 4 askari, oo isugu jiray sarkaal iyo saddex kale oo darajooyin kale lahaa oo laga helay saldhiga iyo meelo ku xeeran saldhiga” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye oo la hadlay VOA.

“Aad ayay daciif u aheyd,” ayuu yiri afhayeenka oo ka hadlay xaaladda askartaasi ka badbaaday weerarkaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mid kamid ah afartaasi oo sarkaal ahaa uu lugta dhaawac kasoo gaaray, balse uu badbaaday.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee Buulo Mareer.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray “Howl-galada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM.”

Shan DAL oo war cusub ka soo saaray Soomaaliya

0

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka, Britain, Turkiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, kadib markii ay Isniintii kulankoodii saddexaad ku yeesheen magaalada Dooxa ee caasimada waddanka Qatar.

Shantan dal oo Soomaaliya taageera ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen saddex arrimood oo kal ah amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada.

Sidoo kale wakiilada ka kala socday dalalkan ayaa sheegay inay taageerayaan horumarka ay dowladda federaalka ka sameysay ammaanka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa kale oo soo dhoweeyeen go’aanadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aadan in la kordhiyo dadaalada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas’uuliyaadka hay’adaha dowladda.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka:

Wakiilo ka  kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraatka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa maanta oo isniin ah June 2023 kulankoodii seddexaad ku qaatay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, waxayna ka wadahadleen  xaaladda Soomaaliya, si gaar arrimaha amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada

Saaxibaadan kulmay waxa ay hoostaga ka xariiqeen in dowladda  dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayaan  horumarka amniga, iyo xasiloonida. Waxaa kale oo kulanka looga  dooday sida kor loogu qaadi karo kalsooni dhiska, xoojinta hay’adaha dowliga iyo isku xirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta argagixisada ah iyo kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.

Waxa ay soo dhoweeyeen ka go’naanta dowladda Soomaaliya in ay xoojiso hay’adaheeda amniga, u diyaar garowga in ciidanka qaranka ay amniga si buuxda ugala wareegeen hawlgalka Midowga Afrika marka la gaaro bisha December 2024, si loo gaaro dhameystirka hawlahahan waxa ay isku raaceen waddamada kulmay wafuudooda in ay xoojiyaan isku-duwidda dedaaalkooda, sidoo kalena la shaqeeyaan dowladaha iyo hay’adaha kala ee caalamiga ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Waxa ay ka doodeen muhimadda ay leedahay in dhammaadka sanadka ay isugu yimaadaan shir lagu dejinayo  qorshe amni oo la xiriira sida loo joogteynayo amniga kadib sanadka 2024 .

Saaxiibada waxa ay falanqeeyeen ahmiyadda ay leedahaya hubinta xasilooni waarta iyo dowlad wanaag laga hirgaliyo deegaanadii dhowaan laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo sida ay uga go’an tahay saaxiibada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deeganadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hoggaamin doonto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay balan qaaddey in ay sameynayso lana wadaagayso saaxiibada taageera  hannaanka isku duwidda dedaalada xasilinta Soomaaliya.

Dowladaha kulmay ayaa sidoo kale balan qaaday in ay sii wadayaan taageerada  siyaasadeed ee ay siinayaan dedaalka Dowladda Soomaaliya ku bixinayso buuxinta shuruudaha  farsamo ee maamulka iyo isticmaalidda hubka , si Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Saaxiibadda waxa ay ay taageereen in Golaha wadatashiga Qaranka kordhiyo dadaalada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas’uuliyaadka hay’adaha dowladda si loo hubiyo xasiloonida Soomaaliya .

Saaxiibada waxa sidoo kale taageereen dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xal u helista colaadda magaalada Laas Caanood, waxayna ,  dhinacyada ugu baaqeen in la joojiyo dagaalka lana gaaro heshiis xabbad joojin ah iyo in wadahadal iyo hannaan nabadeed lagu xaliyo khilaafaadka jira.

Waxa Sidoo kale isku raaceen  horumarka laga sameeyay dhinaca  dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda, waxayna qireen in dhabbaha lagu socdo Soomaaliya uu gaarsiin karo in laga cafiyo daymaha iyo in la helo qorshe dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dayn cafinta kadib.

Saaxiibada waxa ay baaq u direen beesha caalamka in kaalmo bani aadamnimo oo deg deg ah la siiyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa ay adkeeyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in aan la hor istaagin gaarsiinta iyo helista gargaarka bani’aadminimada xilligan iyo taageeridda u adkeysiga isbeddelka cimilada.

Saaxiibadu waxa isku raaceen sii wadida ka wada shaqeynta hawlahan iyo ku soo biiradda Turkiga doodahan si loo joogteeyo horumarka socda.

Muqdisho: Maxkamad xukun ku riday 36 ajnabi ah + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun adag ku ridday illaa 36 ajaaniib kallummeysato ah, kuwaas oo lagu helay inay xeebaha dalka Soomaaliya ka wadeen kalluumeysi sharci darri ah oo kol hore lagu soo qabtay.

Maxkamadeynta raggan ayaa waxaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay maxkamadda oo saddex jeer dhageysatay dacawaddooda, halkaas la isku dhaafsaday soo jeedinta eedeymo ka yimid xafiiska xeer ilaalinta iyo difaaca qareenadii u doodayey eedeysanayaasha.

Ajaanibtaan ayaa u kala dhalatay dalalka Iran iyo Pakistan, waxaana laga soo qabtay xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Saalax Dabaan 36 nin ayaa waxaa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan midkiiba 297 milyan oo Shilin Soomaali ah, una dhiganta 11 kun oo dollar, taas oo wadartooda ay noqoneyso $396 kun.

Sidoo kale waxaa lagu ridday $30 kun oo magdhow ah, taas oo ah kalluunkii ay ka qaateen xeebaha Soomaaliya, isla-markaana la geeyay dalka Cumaan, 29-11-2022-kii.

Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay laba doomood iyo qalabkooda, kuwaas oo ay wateen ajaaniibta la xukumay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in xukunsanayaasha ay haystaan fursad kale oo ay racfaan uga qaadan karaan xukunka maxkamadda, haddii aysan ku qanacsaneyn go’aanka.

“Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan racfaan ku siman inta sharciga uu tilmaamay. xukunkan waa la gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 06-06-2023-ka, wa billaahi towfiiq,” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan.

DF oo qirasho ka sameysay WEERARKII Masagawaay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada askarta lagu dilay weerarkii ay toddobaadkii tegay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud,

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerarkaas kaga dhinteen 9 askari, balse Al-Shabaab ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen, oo gaaraya illaa 150 dhimasho ah.

Wasiir Al-Cadaalla oo la hadlayay TV-ga Universal ayaa sidoo kale beeniyay inay Al-Shabaab hub iyo gaadiid dagaal kaga furteen ciidanka dowladda weerarkii Masagawaay.

Wasiir Al-Caddaala wuxuu sheegay hubka iyo gaadiidka ay soo bandhigeen Alshabaab inay yihiin kuwo been abuur ay dadka ku jahwareerinayaan. Wuxuu sheegay hubkaas iyo gaadiidkaas inay yihiin kuwo horey Al-Shabaab u qabsadeen.

“Baabuurtaa hadda ma aha. Sawiraddaasna hadda ma aha. Waa wax la isku sameeyay. Maxay hubka ugu kor hadli waayeen markii ay qabsadeen. Maxaynan calaamadaha Masagawaa dadka ugusoo bandhigin, ileen waala yaqaanaaye,” ayuu yiri wasiir Alcaddaala.

Dhinaca kale, wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu sheegay dowladdu in aysan joojin dagaaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Wuxuu sheegay weli inay socdaan oo dhul badan la xoreeyay.