27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Abaanduulihii militariga Somaliland ee isku dhiibay SSC oo bixiyey xogo xasaasi ah

Laascaanood (Caasimada Online) – Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, oo ahaa taliye ku xigeenkii militeriga Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo baxay gabi ahaan ciidamada Somaliland, oo uu haatan ku sugan yahay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in dhibaatada heysata uu la qeybsa doono dadkiisa reer Sool.

“Laascaanood illaa 6-dii bishii February, ee sanadkaan 2023-ka. Waxaa ka socday dagaal, kaas oo u dhaxeeyey dadka reer Sool iyo ciidamada Somaliland, dagaalkaas wuxuu sababay khasaare aad u fara badan, oo naf iyo maalba leh,” ayuu yiri.

Taliyaha oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in marar kala duwan uu madaxda Somaliland kala hadlay in dadka Laascaanood aan dagaal lagu qaadin, maaddaama ay yihiin buu yiri dad ay iyagu xukumaan.

“Dad badani inay ku dhinteen, oo ay dad badani ku dhaawacmeen, magaalada in la duqeeyey, oo burbur hantiyeed oo fara badani uu ka dhacay, magaalo dhan oo dadkii daganaa ay ka qaxeen, oo 90% ay ka maqan yihiin, ayaa igu kaliftay in dadkii aan kasoo jeeday aan dareenka la qeybsado, intaas ayaan uga soo tagay Somaliland,” ayuu yiri Janankaan soo goostay.

Wuxuu sheegay in dadaal kasta uu ku bixiyey in Somaliland ay duulaanka ka joojiso dadkiisa, balse waxaba laga dhageysan waayey, “Waxaan go’aansaday inaan kasoo baxo halkaas, oo ciidanka Somaliland aana kasii mid ahaan, dadkayga ayaan u imid, waxaana la qeybsa doonaan dhibka ay ku jiraan,” ayuu yiri Jeneraal Geeesood.

Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, ayaa tilmaamay in muddo ku dhaw lix bilood uu ka war sugayey bal si un in loo xaliyo dagaalka Laascaanood, taas oo uu sheegay inay wax kasoo naasa cadaa waayeen.

Markii la weydiiyey sida uu uga soo baxsaday ciidamada Somaliland wuxuu sheegay in markii hore uu u baxsaday dhinaca magaalada Jigjiga, kadibna uu marin kasii dhigtay Buuhoodle, si uu u gaaro Laascaanood, oo uu hadda uu joogo.

Dhanka kale dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayaa taliyaha u wareygistiisa dhanka ciidanka ka dagaalamaya Sool ku macneeyey inuu iyaga markii horaba ku matalayey Somaliland, haatanna uu dhankooda kaga soo biiri doono dagaalka, oo iyaga uu la safan doono.

Wuxuu sheegay in afar maalmood ka hor uu ka soo baxay ciidanka Somaliland, isagoo cadeeyey in maamulkii ka sareeyey uu ku war-geliyey inuu isaga tegayo shaqada ciidanka.

Ciidankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay inuu ka tirsanaa jiray, sidoo kale 10-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Somaliland, sanadkii 1998-dii, wuxuu sheegay inuu lasoo shaqeeyey ciidamada Puntland, isagoo kasoo noqday taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka.

Janankaas ka soo goostay Somaliland eek u biiray ciidamada SSC ee Somaliland kula dagaalamaya gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood wuxuu sheegay in  ciidankii burburay ee xoogga Soomaaliya uu ku biiray sanadkii 1973-kii, wuxuuna tababarkii ugu horeeyey ku qaatay kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Sawirro: Catriona Laing oo soo gaartay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Marwo Catriona Laing ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Soo dhaweynta ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda JFS, ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay iyo saraakiil kale.

Intaas kadib waxa uu kulan soo dhaweyn ah wasiirku kula qaatay Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa 3-dii May u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Britain inay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa sidoo kale noqoneysa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, waxayna xilka kala wareegi doonta Amb. James Swan oo isagu u dhashay dalka Mareykanka.

Catriona Laing ayaa waxay kusoo kordhin doonta doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblumaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Xoghaye Guterres.

Sidoo kale oo ay ku jirto in Laing ay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dowladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM António Guterres.

Magacaabista Ling ayaa timid kadib booqasho taariikhi ah oo 11-kii April ee sanadkaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

António Guterres ayaa xilligaasi ka dhawaajiyay in QM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata.

Daawo: Xildhibaan Daahir Jeesow oo kashifay maamul xumo baahsan oo ka jirta BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isku dhex-yaac baahsan uu ka jiro golaha shacabka, isagoo tusaale u soo qaatay in guddoonka oo shalay yeerinayey xildhibaanada maqan uu ka tegay xubno ka maqnaa golaha.

Xildhibaan Jeesow ayaa guddoonka ku eedeeyey isku dhexyaaca uu sheegay inuu ka jiro golaha, “Fadhigii maanta wuxuu nooga baaqday kooram la’aan, waxaana suurta gal ah in guddoonku uu fasaxay xildhibaano badan,” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray, “Markii la yeeriyey magacyada xildhibaanada maqan, waxaa laga tegay xubno badan oo aan aqaan golahana ka maqnaa, marka waxaan waxay tilmaamayaan isku dhexyaaca dhinaca maamulka ah ee golaha ka jira.”

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa dalbaday in hadda kadib ay jirto xisaab adag oo guddoonku cadeeyo xildhibaan kasta waxa uu ku maqan yahay, “Waxaa miiska saaran dood masiiri ah oo dastuurka wax looga bedelayo, marka kooram hadaan soo buuxi weyno ma waxaan bedeli karnaa dastuur?” ayuu yiri Jeesow.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka oo joogay kulankii baaqday ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaanadu ay waajibkooda guda waayaan.

“Xildhibaan kasta oo maqnaada, waxaan halkaan ka yeeri doonaa magaciisa, si dadkii soo doortay ay u ogaadaan, xildhibaan maqan iyo mid jooga isku xuquuq ma noqon doonaan,” ayuu yiri Abshirow.

87 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay kuwaas oo 16 ka mid ah ay saxiixeen buuga xaadirinta, waxaana arrintaas ka hadlay guddoonka.

Guddoomiye Abshirow wuxuu ku dooday in xildhibaanada saxiixay buugga xaadirinta ay ka fiican yihiin xildhibaanada iska maqan, “Waa inaan kala saarno, ugu yaraan xildhibaanada yimid ee tegay waxay buuxiyeen kooramka,” ayuu yiri.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shalay dhaliilay sababta shir guddoonka loogu soo diro guddoomiye Abshirow, markii laga doodayo arrimo xasaasi ah, inkastoo hadalkaas uu raali gelin ka bixiyey markii ay dhibsadeen xildhibaano badan.

Guddoomiyaha koowaad ee golaha shacabka ayaa ku maqan dalka Sacuudiga, sidoo kale waxaa maqan ku xigeenkii koowaad, waxaana kulamada shir guddoominaya ku xigeenka labaad, iyadoo uu miiska saaran yahay muddo kororsi cusub iyo wax ka bedel ka qorsheynayo in lagu sameeyo dastuurka.

Hoos ka daawo Jeesow

Dabley hubeysan oo dil iyo afduub ka geysatay Nigeria

Zamfara (Caasimada Online) –  Dabley hubaysan ayaa dalka Nigeria ku dishay ugu yaraan 30 qof, halka ay afduubteen tiro caruur ah, weeraro ka kala dhacay illaa saddex gobol oo ku yaalla dhinaca woqooyi ee dalkaas, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka iyo dadka deegaanka.

Falalkan ayaa ka dhacay gobollo ay ku xooggan yihiin, kooxaha budhcadda ahi, waxayna weeraradooda u adeegsadaan mootooyin, iyaga oo ka faa’iidaysanaya goobaha aanay joogin ciidamada boolisku, xilligaas oo ay afduub kula kacaan dadka deegaanka, iyo ardayda, iyaga oo dalbanaya madaxfurasho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxahan hubaysani, inay weeraro ku ekeeyeen tuulooyinka Janbako iyo Sakkida oo ku yaalla dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalkaas, waxay gobolka Zamfara ay ku dileen illaa 24 qof. Dablaydan ayaa sidoo kale tuulada Gora ka afduubtay, caruur yaryar oo loo dirsaday inay kaymaha ka soo ururiyaan xaabada dabka lagu shito.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sidoo kale sheegay in gobolka Sokoto, uu isna ka mid yahay, meelaha ay budhcaddani weerarada ka geysatay, iyaga oo bartilmaameedsaday shan tuulo oo hoostaga degmada Tangaza.

Warar kale ayaa sheegaya in dablaydu ay dad gaadhaya 25 qof ku dileen deegaanka Imande Mbakange, oo ku yaalla gobolka badhtamaha dalkaas dhaca ee Benue, halka ay guryo kala duwan ay dab qabadsiiyeen. Illaa haatan war badan lagama hayo ujeedada ka dambaysa weeraradan.

VOA + Reuters.

Daawo: Wiilkii lagu jir-dilay xarunta ciidanka Taraafikada oo bixiyey faahfaahin cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhibane Ismaaciil Cabdi Cadaawe oo maalmo ka hor baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalkiisa, iyadoo ay jir dilayaan ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey.

Ismaaciil oo ka tirsan ciidamada NISA ayaa horay lugtiisa ugu waayey weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa ciidamadii la tacaalayey soo afjaridda weerarkaas.

Maalmo ka hor waxaa aad baraha bulshada loogu faafiyey oo caro badan abuuray muuqaal muujinaya iyadoo Ismaaciil lagu jirdilayo xarunta ciidanka Taraafikada ee Muqdisho, waxaana isugu tegay ciidamo badan iyo sarkaalkii hoggaaminayey.

Ninkaan ayaa sheegay in xaruntaas uu u tegay si uu ciidanka uga soo furdaamiyo mooto Bajaaj uga shaqeyneysay magaalada oo laga xareeyey, iyada iyo wiilkii u wadaba, kadib markii ay wadooyinka Muqdisho ka qabteen ciidamada Taraafikada.

Dhibane Ismaaciil, wareysi uu siiyey Weriye Xuseen Cabdulle ayuu ku faahfaahiyey sababtii keentay inay jirdilaan oo isugu tagaan ciidamadii joogay xarunta Taraafikada iyo sarkaalkii ugu sareeyey.

Mar la weydiiyey inuu helay wax jawaab ah ama ay la soo xiriirtay madaxda dalka, markii muuqaalkaas la baahiyey kadib, wuxuu sheegay in aysan jirin cid ka soo jawaabtay muuqaalkii argagaxa lahaa lee lagu baahiyey baraha bulshada.

“Wixii igu dhacay cid ka soo jawaabtay ma jirto, waxaan cadaalad ka rabaa maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaa na deeqda cadaalad, anigu waxaan u naafoobay qarankeyga,” ayuu yiri Ismaaciil Cadaawe.

Wuxuu sheegay in ragga jirdilka u geystay aysan horay isku garaneyn, balse uu ugu tegay dacwo, kadibna ay garaaceen oo isugu tageen.

“Waxay igu dhaheen waxaa tahay xarig, waa I handadeen, markii aan isku sheegana sarkaalkii wuxuu igu dalbaday ciidankiisa, xitaa jirdilka ugu daran wuxuu iigu geystay gacantiisa,” ayuu yiri Ismaaciil Cabdi Cadaawe.

Hoos ka daawo wareysiga

Axmed Madoobe oo shaaciyey musiibo heysata shacabka oo madaxdu ogtahay

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shirka madasha xiriirka arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaas ayaa musiibo ku tilmaamay deeqa iyo raashinka la siiyo dadka reer miyiga ah xilliyada uu roobku da’ayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaas looga danleeyahay in dadka beeraleyda ah aysan abuuran beerahooda oo lagu mashquulinayo macaawino markii ay ku dhaqaaqi lahaayeen inay dalag soo saartaan.

“Qofkii beertiisa fasha markii ay u soo go’do hadii la keeno oo dadkii loo qeybiyo Ganley macaawino ah, soo musiibo maaha?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in deeq bixiyaasha aysan ku eedeyneyn arrintaas oo madaxda Soomaalida ay leedahay qaladkaas, sababtoo ah wax qorshe ah kama lihin abaaraha, fatahaadaha iyo musiibooyinka kale ee dhici kara.

“Hadii aan weydiiyo wasiirka wax un ku saabsan arrimaha bini’aadanimada ‘wuxuu war iiga bilaabayaa deeq bixiyaashu waxay balan qaadeen inay noogu deeqi doonaan intaas’ sidoo kale hey’adda maareynta masiibooyinka hadaan weydiiyo qorshahooda wuxuu ku egyahay balan-qaadka deeq bixiyaasha” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in muhiim ay tahay in la bedelo siyaasadda noocaas ah “Kama faa’iideyno deeq nala siiyo, laakiin waayihii abaaruhu dhaceen dadkii laga soo daad-gureeyey waqooyi iyo gobollada dhexe inta wax la baray maanta waxay ka mid yihiin hoggaamiyeyaasha dalka, sidaas oo kale ayaan u baahanahay hadda,” ayuu yiri.

Shirkaan uu Axmed Madoobe ka furay Kismaayo waxaa isugu yimid wasiirrada gargaarka ee dowlad goboleedyada iyo hey’adda maareynta masiibooyinka qaranka, waxaana looga arrinsanayaa xaaladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Duulimaadyada GEDO oo weli xayiran iyo xiisadda oo kasii dareysa

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ku dhowaad toddobaad waxaa xayiran duulimaadyadii tegi jiray gobolka Gedo, gaar ahaan garoonka Doolow ee gobolkaasi.

Xayiraadda duulimaadyada ayaa markale xaalad go’doon ah gelisay gobolka Gedo, oo markii horeba ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay maamulka gobolka iyo kan Jubbaland.

Arintaan ayaa saameysay guud ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Waxaa lasoo warinayaa in dad xanuunsan oo isugu jira waayeel iyo caruur ay ka maqan yihiin balamaha isbitaalada, maadaama aysan tagi karin Muqdisho iyo meelo kale.

Xayiraadda duulimaadyada ee Gedo ayaa waxa uu maamulka gobolka ku eedeeyay inay ka dambeyso dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa waxa uu si gaar ah arrintaan ugu weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha ee ah inaysan tagi karin gobolka Gedo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xayiraada dulimaadyada ee Gedo ay daba socoto kadib markii ay diideen in xubno ka socda maamulka Jubbaland ee is-hayaan ay tagaan gobolkaasi.

“Diyaaradii waa la joojiyay waxaa la yidhi nimankaan waa in aad qaadan, waa la baajiyay diyaaradii. Markaa waxaa noogu xigtay in diyaaradihii la yidhaahdo duulimaad ma sameyn kartaan, arrintaas masuuliyadeeda waxaa leh ninkan ra’iisul wasaaraha ah xamza oo waxaa la ii sheegay inuu ku dhex jiro diyaaradaha oo aad u dhex boodayo,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Anaga dadka aan celino waa dad la yaqaano oo cid kasta Muqdisho iyo maamullada waa laga celiya cidii dhib ku haysa waa wax caam ah oo dalka ka jira waana maamulkaas Kismaayo jooga.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in iyaga iyo maamulka Kismaayo ee uu hoggaamiya Axmed Madoobe ay kala yihiin laba garab oo shaqo isku laheyn, islamarkaana uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed, oo aan lagu qasbi karin, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, xayiraada duulimaadyada ee Gedo ayaa uga sii dareysa xiisadda, ayada oo saameyn xooggan ku yeelatay dad ku dhow 300 qof oo si maalinle ah iskaga kala gooshi jiray Gedo iyo Muqdisho, sida ay sheegeen maamulka gobolka iyo shirkadaha diyaaradaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulkaas mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulankaas oo ay ka qeyb-galeen Madaxweyne ku-xigeenka koowaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubbaland ku matala gobolka Gedo ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo sanadihii la soo dhaafay khilaafaad ka taagnaa.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in dowlad-goboleedka Jubbaland ay soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib marka ay soo dhammaadan la-tashiyada bulshada gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u cadeeyey inay ka go’an tahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxeysa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland.

Muxuu yahay guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ay dhisayaan?

0

Riyadh (Caasimada Online) – Baarlamannada Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa guddi wadajir ah dhisanaya, kadib kulan ay Riyadh ku yeesheen guddoomiyaasha baarlamannada labada dal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho ku jooga dalka Sacuudiga ayaa waxa uu kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa dalkaas Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa dalka Sacuudiga ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kulanka ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo xildhibaanno katirsan labada baarlamaan, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka.

Gunnaanadka kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan-gelinta arrimahan iyo xiriirka labada baarlamaan ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.

Si kastaba, Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Uganda oo laba arrin midkood ka fakareysa kadib weerarkii saldhigga Buulo-Mareer

0

Kampala (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Buulo Mareer ee kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhiga ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ee magaaladaasi, waxay dowladda Uganda wajaheysay cadaadis gudaha oo la xiriira arrintaas.

Dadka reer Uganda qaarkood ayaa waxay dalbadeen in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, maadaama ay sheegeen “in si bahal-nimo ah ugu dhimanayaan dal kale,” halka qaar kale ay dowladda usoo jeediyeen in loo aargudo askartooda.

“Waa dareen isku jira qaar waxay nagu tirtirsiinaya in aan aargudano, qaar kalena waxay doonayaan in ciidanka laga soo saaro sababto ah waxay leeyihiin ciidankan waddankeena uma dhimanayaan ee dad kale ayay madaxooda ku dhimanayaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Uganda oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay dareenka uga yimid dadka reer Uganda.

Waxa uu intaas kusii daray “Annaguna waxaan leenahay waa in aan joogna (Soomaaliya) si Afrika oo dhan nabad uga dhalato.”

Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Uganda ay dooneyso in joogitaankeeda Soomaaliya uusan waxba iska beddelin kadib weerarkii Buulo Mareer ee looga dilay askar badan.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Dadka reer Uganda ayaa guud ahaan si weyn uga calool xumaaday weerarkaasi, waxayna u arkeen inay u dhinteen si cadowtinimo ah, ayada oo dowladdu ay ku adkeysanayso in howl-galka uu sii socdo illaa uu gaaro hadafkiisa macquulka ah.

Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

Isla xisaabtanka xukuumadda oo billowday iyo R/W Xamza oo maanta tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballan-qaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, ayaa ra’iisul wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balan-qaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.

Masuuliyiinta mashaariicda wasaaradda gacanta ku haya ayaa kulankaan uu la yeeshay ra’iisul wasaaruhu ku soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay.

Sidoo kale waxay la wadaageen waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo ra’iisul wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa faray wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu faray in wasaaradda ay wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanq-aadkii ay horey u kala saxiideen.

Ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u faray wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu tala-galay, taasi oo xoojineysa isla xisaabtanka xukuumadda oo si rasmi ah u billowday.

AL-SHABAAB oo sheegtay inay dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Uganda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii toddobaad kahor ka dhacay Buulo Mareer, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday saldhiga ATMIS ee magaaladaasi.

Kooxda ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dishay sarkaale sare oo ka tirsan ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda, kaasi oo ay magaciisa ku sheegtay Edward Nyororo.

“Gaashaanle Dhexe Edward Nyororo oo ahaa taliyaha guutada Zulu ee ka howl-gasha deegaanada Buulo-Mareer, Golweyn iyo Baladul Amiin ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkii saldhigga Buulo-Mareer ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta kooxda.

Sidoo kale waxay soo bandhigtay kooxdu sawirka meydka taliyahaan, ee ay sheegtay inay ku dishay weerarkii Buulo Mareer.

Al-Shabaab ayaa hore guul weyn uga sheegtay weerarkaasi, kaasi oo ay sheegtay inay ku dishay illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Dhinaca kale, Askarta Uganda looga dilay weerarkaasi ayaa lagu sheegay inay gaareyso illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni. Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale, Militariga Uganda ayaa markii u horeysay qiray in qaar kamid ah askartooda ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab kadib weerarkaasi ay dagaal-yahaanada kooxda ku qaadeen saldhiggooda militari ee magaalada Buulo Mareer.

Sarkaal Soomaali oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen ugu yaraan saddex askari, oo kamid ah kuwa Uganda, kadib weerarkii ay kooxda ku qaaday saldhigooda Buulo Mareer.

Si kastaba, Weerarkii Buulo-Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.

Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee Buulo Mareer.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray “Howl-galada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM.”

Dalxa oo ka falceliyay hadalkii madaxweyne Laftagareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa u jawaabay madaxweynaha dowlad goboeedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo si lama filaan ah uga hadlay doorashadii u dambeysay ee uu xildhibaano badan ku reebay, kuwaas oo uu kamid ahaa Prof. Dalxa.

Laftagareen oo khudbad jeediyay ayaa a sheekeeyay arrimo cajiib ah oo isagu sameeyay intii ay socdeen doorashooyinkaasi oo ahaa kuwa dadban, isaga oo sidoo kale tilmaamay inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u noqday kaliya inuu soo saaro xildhibaano iyo kuwa kalena uu reebo.

“Aniga waxaan u noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa ay ahayd in aan xildhibaano soo saaro qofna aan iraahdo waxba ma lihidee iska bax, qofna aan dhaho waxbaa leedahay intaas ayaan rabaa haddii aanan sameyn karin oo wixiiba shacab ay qabsanaayaan maxaan madaxweyne kasoo doonay”” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen

Dalxa oo ka falceliyay hadalkan ayaa ugu horreyntii nin geesi ah ku tilmaamay madaxweyne Laftagareen, maadaama buu yiri uu qirtay khaladkii uu galay.

“Marka ugu horreyso waxaan leeyahay madaxweyne Laftagareen marka loo fiiriyo raggii kale ee dambiga la galay wuxuu muujiyay geesinimo, inuu taas u bareerana waa raganimo,” ayuu yiri xildhibaan hore Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Wixii dhacay waxay ahaayeen wax khaldan, mar kalena in lagu noqdo ayaan ka digeynaa”.

Maxamed Cumar Dalxa oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jeediyay in la’iska wada cafiyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, maadaama wixii dhacay uu ka garaabay.

“Wuxuu mudan yahay aniga iyo dadka ila midka ah wixii dhacay Ilaahey dartiisa inay iska cafiyaan” ayuu mar kale wareysigan ku yiri Dalxa.

Hadalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan heshiis rasmi ah laga gaaray doorashada soo socota, taas oo noqoneyso qof iyo cod, sida ay ku heshiiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulankii Golaha Shacabka oo hal arrin darteed u baaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u baaqday hal sabab darteed u baaqday, taas oo kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga tiro xildhibaano ku filan, si uu fadhigu u furmo.

Tirada kulankan soo xaadirtay ayaa noqotay 103 xildhibaan oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga, isla-markaana uu digniin culus u diro xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta.

Waxaa uu Golaha laga hor aqriyay qaar ka mid ah magacyada Xildhibaannada maqan oo lagu sheegay in intooda badan ay joogaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo si adag uga hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in lala xisaabtami doono xildhibaanada maqan.

“Maanta kadib waxaa inoo bilaabanaya xildhibaanada imaada iyo kuwa maqan inay isku xuquuq noqoneyn bishaan marka ay dhammaato,” ayuu yiri Cabdullaahi Bashirow.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in uusan jirin doonin xad-gudub xildhibaanada ah, isla-markaana tallaabooyinka ay qaadayaan ay u marayaan xeer hoosaadka u degsan golaha

“Xildhibaan lagu xad-gudbaayo ma jiro, xeer hoosaadka waxa ku qoran lee mareynaa,” ayuu sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay, maadaama kulamo badan hore ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan.

“Waa mas’uuliyad darro in kulanka baarlamaanka uu u baaqdo kooram la’aan” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xubnaha ka hadlay baaqashada kulankii maanta.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan waxaa hortaalo shaqo culus, waxaana maalmihii u dambeeyay ay ka doodayeen wax ka beddal lagu sameynayo dastuurka KMG ah.

Daawo: Al-Cadaala oo ka hadlay arrinta Cali Yare iyo dagaalkii MASAGAWAAY

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo wareysi gaar ah siiyay Universal Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida arrinta Facebook ee Cali Yare Cali iyo sidoo kale dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Al-Cadaala ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay Facebook-ga ka xirtay siyaasiga Cali Yare oo si weyn u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Annaga sideeda qof shaqsi ah oo aan beegsano ma jirto waxaasna kama shaqeyno. Facebook iyo annaga heshiis ayaan ku jirnaa, waxaana is fahan ka gaarnay waxyaalaha aan shuruucdooda waafaqsaneyn aan loo ogolaan in Soomaaliya laga isticmaalo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas sii raaciyay “Ma war-sano habeel noo xira, habelna noo soo daaya annaga baahi uma qabno, iyagana uma qabaan”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka dowladda uu yahay beegsiga baraha Al-Shabaab ee Internet-ka. ama kuwa taageera, si looga hortago faafinta farriimahooda.

“Haddii lasoo helo Facebook ay leeyihiin Al-Shabaab oo jira hal bil waxa aan sheegeyno waa been, way abuuraan waana xirnaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday weerarkii maalmo ka hor ka dhacay gudaha deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh.

Wasiir Al-Cadaalla ayaa sheegay in weerarka kadib ay dhaceen illaa saddex dagaal, isaga oo qiray in looga dilay 9 askari, gaadiidna looga gabay, isaga oo dhinaca kale sheegay inay Al-Shabaab ka dileen 150 xubnood oo kamid ahaa dagaalyahanada weerarka soo qaaday.

“Ciidan illaa 9 askari ayaa halkaasi ku shahiiday, sidoo kale tiro dhaawacyo ah ayaa jiro dhankooda illaa 150 ayaa dagaalladaas uga dhintay,” ayuu yiri C/raxmaan Al-Cadaala.

“Goobtii iyo dhulkii lagu dagaalamay oo dhan waxaa hadda jooga ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayuu mar kale wareysigan ku yiri wasiir Al-Cadaala.

Daawo: Rag arrin yaab leh sameeyay oo lagu qabtay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo xalay howlgal ka sameeyay degmada Kaaraan ayaa gacanta ku soo dhigay rag arrin yaab leh sameeyay, si ay magaalada Muqdisho u soo geliyaan maan-dooriyaha Xashiiska.

Raggan oo mootooyin ku waday maandooriyaha ayaa waxaa lagu soo bandhigay saldhigga booliska degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay ku jiraan gacantooda, isla-markaana la horgeyn cadaaladda, si tallaabo looga qaado.

“Caawa oo Taariiqdu tahay 04/06/2023 abaaro 08:45 PM ayaa ciidanka boliiska saldhiga kaaraan  iyo ciidanka polis milataariyo ay gacanta ku soo soodhigeen maandooriye xashiish ah iyo eedeysanayaashii waday waxaana la waafujin doonaa cadaalada” ayuu yiri talisku.

Sidoo kale waxaa halka lagu soo bandhigay Xashiiskan tegay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu gu horreeyo Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale, ku xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale taliyaha booliska ee gobolka Banaadir.

Yabooh oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna sheegay in ragga lasoo qabtay ay keeneen naqshada cusub oo ay rabeen inay Xashiishka ku soo galiyaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ayaa xusay in Xashiiska lagu cabeeyay jawaano, kadibna afka hore dhuxul looga shubay, si aan loo arkin.

 

“Waxaan halkan u nimid howlgal lagu soo qabtay waxyaabaha maanka-dooriya, gaar ahaan Hashiis oo jawaano waa weyn ku jira oo naqshaddii magaalada lagu soo gelin jiray la beddalay,” ayuu yiri  guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa moodaa kiishashkii lagu cabeyn jiray dhuxusha oo kale, afka horena inta dhuxul looga soo shubay intii kalena uu Xashiiska ku jiro”

Xogta taliye ku-xigeenkii militariga Somaliland oo isku dhiibay ciidamada SSC

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa maanta ciidamada Somaliland ee ka dagaalamaya aagga magaalada Laascaanood ka soo goostay sarkaal sare iyo ciidankiisa oo ku soo biiray ciidamada SSC.

Sarkaalka soo goostay waxaa lagu magacaabaa Janeraal Saleemaan Barre Geesood, wxuuuna ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada Somaliland.

Sarkaalkaas iyo ciidamo uu watay ayaa waxaa maanta magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan xoogaga SSC.

Saraakiisha soo dhaweysay salkaalkaas iyo ciidamadiisa waa kuwii ciidamada Somaliland ka saaray Laascaanood, hadana kula dagaalamaya duleedka magaalada.

Janeraal Saleebaan Barre Geesood, taliye ku xigeenkii militeriga Somaliland markii uu soo goostay kadib wuxuu la hadalay warbaahinta, wuxuuna sheegay in isaga iyo ciidamada uu wato ay ku biiri doonaan dagaalka looga soo horjeedo Somaliland.

Horay sidaan oo kale saraakiil iyo ciidamo badan oo ka soo jeeda beelaha dega gobollada Sool iyo Sanaag ayaa uga soo goostay Somaliland, iyagoo ku soo biiray ciidanka u dagaalamaya qadiyadda SSC.

Somaliland weli kamaysan hadlin sababta ku kaliftay taliye ku xigeenkii militerigooda inuu u goosto SSC oo Laascaanood uu iska dhiibo.

Dagaalka ka socda gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood iyo hareeraheeda ayaa daba-dheeraaday, waxayna Somaliland cadeysay inaysan ka samri doonin dhulka SSC.

Dhankooda dadka u dhashay gobolladaas oo is abaabulay, dagaalna kala hor tegay ciidamada Somaliland ayaa wacad ku maray in aysan sii hoos joogi doonin xukuumadda Hargeysa.

Labadaas go’aan waxay sababeen dagaal culus oo xalkiisa la waayey, kaas oo weli ka socda aagga Laascaanood, hadda Somaliland waxaa laga saaray magaaladaas, balse waxay ciidamadeedu weli ku raja weynyihiin inay dib u hantay maamulka magaaladaas muhiimka ah.

Daawo: Reer Muqdisho oo u abaal guday ciidanka sugay amnigooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay u abaal guday ciidanka boolis-miltaar ee loo xil saaray sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa saraakiisha ciidankaas lagu wareejiyey dhowr gaari oo sida agab kala duwan oo shacabka iyo maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ay iska soo uruuriyeen.

Tan iyo markii ciidankaas lagu wareejiyey sugidda amniga Muqdisho oo la dareemay ififaalaha nabadda laga dareemay magaalada waxaa bilowday uruurinta deeq nooc walba leh oo ciidankaas ay u uruurinayaan shacabka iyo maamullada degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Yabooh iyo guddoomiyaha degmada Shibis oo aheyd halkii saldhigga u aheyd agabkaan laga soo uruuriyey shacabka Muqdisho ayaa saraakiisha ciidanka ku wareejiyey deeqdaan.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Soomaali oo u xil-saaraa isku uruurinta abaal-marinta shacabka Muqdisho ay u garteen ciidankaan sugaya ammaankooda ayaa ugu horeyn goobtii lagu wareejiyey deeqdaan warbaahinta kula hadlay.

“Waxaan maanta wareejineynaa agab kala duwan oo dhamaadii bishii Ramadaan aan uruurintiisa soo bilownay, kaas oo la isugu keenay xarunta degmadaan Shibis, ciidanka oo baahi u qabay agabkaan ayaa horay nooga dalbaday,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Shibis.

Sarkaal ka tirsan ciidanka boolis-militaar oo agabkaan lagu wareejiyey ayaa ka mahad celiyey sida ay shacabka Muqdisho iyo maamulladoodu uga jawaabeen baahida ciidanka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa faahfaahiyey oo mid mid u tilmaamay alaabaha ay ku wareejiyeen saraakiisha ciidanka xasilinta caasimadda, isagoo sheegay in dalabka lagu soo uruuriyey deeqdaan uu markii hore ka yimid ciidanka.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab-kii ugu badnaa oo mar qura isa soo dhiibay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isa soo dhiibay, sida ay sheegtay hay’addu.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in ay isa soo dhiibeen illaan 10 xubnood, kuwaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Raggan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka jabhadaha weerarada geysta, sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in xubnahan ay kasoo howlgaleen gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose Shabeelada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan.

Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howlgallada haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, kaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi,

Si kastaba, wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa haatan ku wajahay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, si looga horreeyo dagaalyahanada kooxdaasi.

Mareykanka, UK iyo Qatar oo malaayiin dollar ku caawinaya Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa ku dhowaaqay taageero dhaqaale oo ay iska kaashanayaan saddexdaan dal, isla-markaana lagu caawinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha weli ka jira gudaha dalkeenna.

Lacag dhan 10.5 milyan oo doolar oo ah gargaarka abaaraha iyo u adkeysiga, ayaa la siin doonaa dowladda federaalka iyada oo ay iska kaashanayaan Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

Taageeradan dhaqaale ayaa lagu doonayaa in looga hortagga macluusha Soomaaliya iyo wax ka qabashada saamayntii ka dhalatay abaarahii Soomaaliya ku dhuftay 2021 iyo 2022.

Sidoo kale ilaa 6.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa ah cunto yari aad u daran taas oo ay ugu wacan tahay abaaraha iyo rabshadaha ka dhashay colaadaha.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka hadlay iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid muhiim ah, balse waxa uu qiray in Soomaaliya aysan ku filneyn intaasi loona baahan yahay taageero kale si xal waar loogu helo dhibaatooyinka gudaha ee weli ka jira dalkeenna.

“Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadantinimo oo keliya ma xallin karo dhibaatada ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis.

Soomaaliya waxaa ku barakacay in ka badan saddex milyan oo qof, tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii hore 2022-kii kadib abaaro, fatahaado iyo colaado soo laabtay.

Si kastaba, in ka badan 500,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay dhintaan ama ay wajahaan nafaqo-xumo ba’an sanadkan.

Daawo: Booliska oo soo bandhigay rag sameeyey kiis ka yaabiyey reer Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyey in lasoo xiray afar qof oo saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshada qabsatay arrin ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

Taliyaha booliska gobolka Bari ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ay ku soo qabteen afartaas qof oo u bareertay inay u dhacaan guri ay degaan reer danyar ah.

Dadkaas ayaa lagu baahiyey bara bulshada iyagoo dil ugu hanjabaya reerka ay gurigooda ugu dhaceen saqdii dhexe ee xalay, waxaana sii maqan qof kale oo boolisku uu ku raad joogo, sida uu sheegay taliyuhu.

“Dhacdadaas waxay salka ku heysaa dad isku caayey Tiktok, dhacdadaan markaan ogaanay waxaan howlgelinay booliska ka howlgala Boosaaso,” ayuu yiri G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir.

Wuxuu sheegay in falkaas ay geysteen shan qof, balse hadda ay soo qabteen afar kamid ah oo qiraal ah, isla markaana ay ku dabajiraan qofka maqan ee kiiskaan wax ka geystay.

Afar wiil oo dhalinyaro ah ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, “Waxaan cid kasta uga digeynaa inay sameyso qalqal gelin amni, ka boolis ahaan go’aan adag ayaan ka qaadanay wixii amniga liddi ku ah,” ayuu yiri.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari ee Puntland G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan bulshada ugu bishaareynayaa in sharciga aan hor keeni doono dhamaan dadkii reerka ku sameeyey qalqal gelinta aad baraha bulshada ka aragteen.”

Wuxuu sheegay in dhalinarada lasoo qabtay ay qirteen inay sameeyeen kiiskaas, maadaama ay muuqaalo iska duubeen, isagoo balan qaaday in qiraalkooda ay maxkamad ku geyn doonaan.

Hoos ka daawo