28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Faah-faahinta dagaal xooggan oo ka dhacay DIINSOOR

Diinsoor (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ciidamada dowladda Ethiopia ee kamid ah howl-galka ATMIS ee ka howl-galla deegaanada Koonfur Galbeed iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalkan oo geystay khasaaro kala duwan, ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerareen saldhiga ciidamada Ethiopia ee degmada Diinsoor, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu socday muddo saacad ku dhow, ayada oo si weyn loo maqlayay dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Ethiopia ay adeegsanayeen madaafiic cul-culus, kuwaasi oo si weyn looga dareemay degmada Diinsooriyo degaannada hoostaga, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Illaa hadda majiro cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, ayada oo ciidamada Ethiopia ee kamid ah howl-galka ATMIS ay dagaalka kadib sameeyeen howl-gallo baaritaano ah, wallow aan la sheegin dad ay kusoo qabteen.

Degmada uu dagaalka ka dhacay ee Diinsoor ayaa la soo sheegaya in xaaladeedu degan tahay, waxaana halkaasi gacanta ku haya ciidamada Ethiopia, kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Dagaalkan ayaa imanaya xilli dhawaan magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dagaalameen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS iyo dagaal-yahaano Al-Shabaab oo weerar ku qaaday, taasi oo markii dambe keentay in ciidamada Uganda ay isaga baxaan magaalada.

Shariif, Kheyre, Gaas, CC iyo madax kale oo ka horyimid heshiiskii golaha wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa si adag uga horyimid war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen madaxdaan ayaa waxaa lagu cadeeyay in qaar kamid ah qodobada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.

“Sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in wax ka beddelka qoddobada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadoodu kasoo billowdaan hay’addaha u astaysan lagana tala-geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

“In iyadoo aan si qotodheer looga baaraan-degin wax ka beddelka siyaasadeed lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hanaanka dowladnimada dalka, lagana qeyb-galin dhamaan qeybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u dhac kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.”

Sheekh Shariif iyo madaxdaan xilalka duwan kasoo qabatay Soomaaliya ayaa waxa kale oo ay soo dhaweeyeen in dalka la gaarsiiyo hanaan doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo badan, taasi oo ay aamisan yihiin inay tahay dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdood kuna gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah, kuna dooran karaan dadka metela, taas oo xoojinaysa dowladnimada iyo dimuqraadiyadda.

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen baarlamaanka JFS labadiisa Aqal inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna dalka ka badbaadinayaan damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geedi socodka dowlad dhiska dalka.

“In marka hore dowladdu ay mudnaan siiso dagaalka Al-Shabaab, tallaaba walba oo siyaasadeed oo culeys ku keeni kartana laga fogaado, laguna dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka Shabaab-ka laga xoreeyay,” ayey sidoo kale ku baaqeen.

Waxaa bayaanka si wada-jir ah u soo saaray; Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Xasan Cali Kheyre, Cabdiweli Shiikh Axmed, Cabdiweli Gaas, Shariif Xasan Sh. Aadan, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed.

FARMAAJO oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan heshiiskii golaha wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo saaary ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii xubnaha Golaha Wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ayaa taageeray heshiiskan oo dhigaya in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka, sidoo kalena uu yeeshay madaxweyne iyo ku xigeen.

Qoraalkiisa ayaa Farmaaho waxa uu ku sheegay inuu soo dhaweeynayo dhammaan go’aanadii kasoo baxay shirka, gaar ahaan arrimaha quseeya doorashooyinka.

“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne hore Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugayeen in codkooda kusoo doortaan madaxda ay rabaan, taas oo ah fursad kale oo muhiim ah.

“Muddo dheer ayaa shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” ayuu yiri

Dhanka kale madaxweyne hore Farmaajo ayaa xusay in qodobada soo baxay ay taabanayaan dastuurka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sameeyo wadatashi qaran, maadaama go’aanadan ay saameynayaan nidaamkii hore ee dalka ka jiray.

“Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)” ayuu fariinta kusoo gabagabeeyay Farmajo.

Farmaajo ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee soo dhoweeya heshiiskii siyaasadeed ee ay gaaren Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Si kastaba, dad ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in Maxamed Farmaajo uu rabitaankiisa iyo fursad kale uu ka dhex arkay heshiiska, maadaama la sheego inuu yahay mid kamid ah madaxweynayaashii soo maray ee waddan ee haddan ugu shacbiyada badan.

Axmed Madoobe: Tareenka waa uu soconayaa, cid hor-istaagi kartana ma jirto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u difaacay heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho, kaas oo dood xoogan dhaliyay.

Axmed Madoobe oo ka qayb-galay casho sharaf loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si faah faahsan uga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii maalmahaanba u socday ee ay dhowaan ku yeesheen xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay qaateen go’aan geesinimo leh, isla-markaana talada ay dib ugu soo celiyeen gacanta dadweynaha Soomaaliyeed.

“War geesinimo ka badan ma garaneysaan? nimankii lagu tuhunsanayaa in iyaga ay gacanta ku heysaan oo waxay rabaan lasoo baxaan inay yiraahdaan dadweynow idinkaa talada idin kusoo celinay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Qof kastaa oo maanta Coment-bixinayay waa kii shalay lahaa kaligii taliye ayaa meesha ka jira, Axmed Madoobe wuu iska fadhiyaa liis-buu iska soo qoran wuxuu rabuu sameynayaa, maantana wuxuu rabaa talada inuu gacanta ka bixiyo”.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dadka dhaliilaya heshiiskooda looga baayahan inay dadweynaha u caddeeyaan ciladaha uu leeyahay.

“Cidda dood qabtaa bal inta ay dadweynaha si furan usoo hor istaagto ha tiraahdo ciladdaa kow, labo, saddex iyo afar ayaa ii muuqaneysa” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tareenka uu dhaqaaqay, isla-markaana aysan jirin karin cid hor istaagi karta, sida uu ku dooday madaxweynaha maamulka Jubbaland.

“Qof kastaa oo isku daya inuu hor istaago ma kari karayo hadda, sababtoo ah dadkii hadda way dhaqaaqeen tareenkiina wuu soconayaa, taladiina gacantii shacabka ayey ku wareegeysaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Muxuu R/W Xamza ka yiri qorshaha lagu baabi’inayo xilkiisa ra’iisul wasaaraha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiskii uu qaybta ka ahaa ee ay gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo meesha looga saaray xilka ra’iisul wasaaraha, ayada oo Soomaaliya ay markii ugu horreysay yeelaneyso madaxweyne iyo ku xigeen.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa si weyn u taageeray qorshahan oo lagu baabi’inayo xilkiisa, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo ka Xamza ahaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka oo yeesho madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, sida uu hadalka u hadalka u dhigay.

Xamxa ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Mareykanka oo ah dal federaalka, sidoo kalena leh madaxweyne & madaxweyne ku xigeen, uuna ugu horreeya dhanka dimuquraadiyadda.

“Qaar waxay dheheen federaalkiibaa burburay oo madaxweyne iyo ku xigeen ayaa la sameynayaa oo ra’iisul wasaare iyo waxaas waa la tuurayaa marka federaalkiibaa baaba’ay marka muu Mareykan ka baaba’o. Haddii madaxda midka ay u arkeen Soomaaliya inay ku haboon yahay qaateen muxuu yahay dambiga ay galeen?” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay in arrintan iyo federaaliisamka aysan wax shaqo ah isku laheyn, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo..

“Wax federaaliisam la yiraahdo oo shaqo ku leh waxaan maba jirto, isku shaqo maba aha” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ugu baaqay in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan.

“Doodu inay noqot dood akadeemig ah oo siyaasi ah oo dadka loo sheegi karo oo la’is horfariisto ayaa fiican,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo doodo xoogan ay ka dhasheen heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyay doorasho qof iyo cod ah iyo wax ka beddal lagu sameeyay nidaamka dowliga.

 

 

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne XASAN iyo hoggaanka SSC? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah isimada dhaqanka ee gobollada SSC-Khaatumo oo shalay soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka SSC-Khaatumo kala hadlay arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Inta uu kulanka uu socday madaxweyne Xasan ayaa ka dhageystay Isimada aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa markale adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Laascaanood kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waaa ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya” ayuu yiri.

Dhinaca kale Isimada SSC ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii xukuumadda ee masiirka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Dhaq-dhaqaaqan Muqdisho ku billowday ee ku aadan arrinta Laascaanood ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay istaageen dagaalladii ka socday magaaladaasi.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.

Gaas oo laba arrin ku diiday heshiiskii golaha wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedyada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku biiray siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii dambe ka socday xarunta Villa Somaliaa, kaasi oo  go’aano culus laga soo saaray.

Cabdiweli Gaas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay war-murtiyeedka kasoo baxay shirkaasi, kaasi oo wax ka beddal loogu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah.

Gaas ayaa sidoo kale waxa u sheegay in war-murtiyeedka iyo heshiisyada ay gaareen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ay yihiin kuwa aan la jaan-qaadi kareyn wadciga maanta lagu jiro.

“Warka xalay ka soo yeeray Villa Somalia maaha wax la aqbali karo, mana aha wax u cuntami kara Umadda Soomaaliyeed iyo wadciga maanta lagu jiro,” ayuu ku yiri Gaas qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu soo dhigay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay 12 qodob oo xasaasi ah laga saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Golaha ayaa baahiyey in heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey waxay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee liiska xiran (Proportional Representation – Closed List).

Sawirro: Lafta-gareen oo gaaray BARAAWE + Ujeedka

0

Baraawe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Baraawe kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose,Maamulka Caasimada Baraawe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka Madaxweyne Lafta-gareen ee degmada Baraawe ayaa lagu sheegay inay tahay qaban-qaabinta doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, maadaama guddoomiyahoodii Cali Saciid Fiqi uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Baraawe waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka degmada, saraakiisah ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Safarka madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Baraawe ayaa kusoo aadaya xilli degmadaasi ay saameyn xooggan ku yeelatay abaarta, ayna kusoo barakaceen dad horleh oo kasoo cararay Khawaarijta, islamarkaana ay dowladda halkaasi u dirtay shixnado mucaawino ah.

Si kastaba, Lafta-gareen ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb-galay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu gaaray heshiisyo dhowr ah, oo durba wajahaya mucaaradad xooggan.

Ciidamada UGANDA oo dad isku QOYS ahaa ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gelinkii dambe ee shalay dad isku qoys ahaa ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Tani ayaa ka dambeysay, kadib markii Ciidanka Uganda ee saldhigga ku leh deegaanka Ambareeso ee duleedka Degmada Baraawe ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe, oo Degmada Baraawe kaga beegan dhanka Degmada Sablaale.

Mid ka mida madaafiicdaasi ayaa ku habsaday guri ay dadka rayid ah deganaayeen, iyadoona ay goobtaasi ku geeriyoodeen lix carruur ah oo wada dhalatay, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wax badan lagama oga sababta ka dambeysa in Ciidanka Uganda ay madaafiic ku harqiyaan deegaankaasi, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in lagu arkay xubno ka tirsan mintidiinta Al-Shabaab.

Jimcihii ayay ahayd markii maleeshiyada Shabaabka ay weerar xoogan ku galeen xeradii ay Ciidanka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolkaasi.

Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer.

Ma shaacin khasaaraha rasmiga ee ciidamadiisa kasoo gaaray weerarkan oo qaraxyo ku billowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Madaxweynaha Uganda ayaa soo hadal qaaday, sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Ciidanka ATMIS oo Dowladda Federaalka ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaabka ayaa xilliyada ku kaca gabood-falo ka dhan ah dadka rayidka, tiiyoo aanay jirin cid kula xisaabtanta.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ka heshiiyay ‘marxaladda ka dambeysa’ deyn cafinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee habeen hore magaalada Muqdisho lagu soo geba-gebeeyey, ayaa qoddobada heshiiska looga gaaray kamid ah “marxaladda ka dambeysa deyn cafinta Soomaaliya”.

Golaha ayaa ugu horreyntiina wuxuu bogaadiyay horumarka laga gaaray hanaanka deyn cafinta oo gebo-gebo maraya, iyaga oo isla gartay in dhameystirka hanaanka deyn cafinta dalka uu yahay mudnaan qaran.

Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa isla qaatay in la dejiyo qorshe lagu dardar-gelinayo maareynta marxaladda ka dambeysa deyn cafinta dalka, iyada oo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha maaliyadda iyo adkaynta hufnaantood.

Madaxda ayaa sidoo kale isla gartay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo qeyb ka ah qorshaha ay Soomaaliya ku dalbaneyso deyn cusub oo balaayiin dollar ah.

“Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.”

Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxa kale oo uu taageeray tallaabada uu dhawaan qaadeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka, “Si loo gaaro Soomaaliya xasilloon oo barwaaqo ah, goluhu wuxuu taageerayaa dadaallada dalka loogu sameynayo Hiigsiga Qarni-jirsiga Soomaaliya ee 2060-ka.”

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo dhawaan ku shiray Villa Somalia, iskugu raacay in dalka uu yeesho hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060, sida lagu shaaciyay war-murtiyeed ay Villa Somalia kasoo saartay shirkaan.

Golaha ayaa waxa uu sidoo kale isla meel-dhigay in hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.

Odowaa iyo Biixi oo saraakiil Mareykan ah geeyay GALCAD

0

Galcad (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliye Odowaa ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika.

Ujeedka safarkooda ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro abaabulka iyo u diyaar-garowga howl-galka ay tahay in ciidamadu ay kula wareegaan magaalada Ceelbuur.

Safarkan ayaa imanaya xilli diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka uu si habsami leh u socdo, kaasi oo dhawaan si rasmi ah uga billaaban doona dalka, islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Howl-galada Galgaduud ayaa waxaa hadda siman oo si saf-balaaran ah ku socda duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee ka talaabay Sh/Dhexe, islamarkaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.

Howl-galka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo wejigiisi hore ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.

Xaliimo Yarey oo shaacisay ‘sida kaliya ee dhaqan-gal ku noqon karo’ heshiiska Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey” oo ah Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixisay sida uu ku dhaqan-gali karo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran uu ka gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Xaliimo Yarey oo sidoo kale horey u ahaan jirtay Guddoomiyaha Guddigii Qaran ee Madaxa-bannaan ee doorashada dalka ayaa sheegtay in heshiiskan uu dhaqan-gal ku noqon karo heshiis wada ogol ah, oo loo dhan yahay, xilli ay heshiiskan ka maqan yahay maamulka Puntland.

“Heshiiskaas waa inuu noqdo heshiis la wada ogol yahay oo loo wada dhan yahay uu noqda, si loo dhaqan-geliyo. Qoddobadii xalay soo baxayna waxa uu qeyb dhan kala mid yahay 2018-kii heshiiskii Baydhabo ay madaxda ku saxiixdeen, waxaa lagu saa’idiyay in nidaamka dhismaha oo meeshii madaxweyne iyo ra’iisul wasaare aheyd ayaa laga dhisay madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen,” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Sidoo kale waxay ka dhawaajisay in doorasho qof iyo cod ah laga qaban karo guud ahaan dalka, haddii dhexda loo xirto, ayada oo tusaale u soo qaadatay doorashadii taariikhida aheyd ee 25-kii bishaan ka dhacday Puntland, oo degmooyin kamid ah looga dareeray doorashada dowladaha hoose.

“Adduunka waa ka jirta in hal guddi isku qabto (doorashada heer federaal iyo heer maamul-goboleed) iyo in kuwa kalena heerar kala gaar ah u qabtaan, labada waa jirta oo waxay ku xirnaaneysa waddankaas sida shuruucdiisa u degsan tahay ee ku heshiiyeen,” ayey tiri ayada oo ka hadashay in hal guddi doorasho uu maamulayo doorashada heer deegaan, heer degmo, heer gobol iyo heer Qaran.

Xaliimo Yarey ayaa waxay sheegtay in heshiisyada kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ay meelo iska qaadanayaan Dastuurka dalka, halka qaarkood ay is qaadan karin, ayna lagama maarman tahay in Dastuuri laga dhigo, taasi oo muhiim u ah dhaqan-galinta heshiiskan.

“Heshiis la heshiiyay Dastuur ma buriyo, waxay marwalba u laabanee in Dastuurkii loo noqdo, heshiisyada soo baxay iyo Dastuurkeena sida uu qoran yahay meelo waa ka qaadan kara, meelana kama qaadan karo. Howshaas haddii lagu dhaqaaqayo waa inay Dastuuri noqota oo shuruuc gaar ah leedahay, waana qasab in Dastuurka loo laabto.”

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xalay baahiyey heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Golaha aya wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List).

Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.

Si kastaba, Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS ayuu dhigaya heshiiskan in loo dardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, ayada oo dalka uu qaadanayo nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed, ayada oo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.

 

Sawirro: Xasan oo qaaday tallaabo la xiriirta arrinta Gedo, kuna dhowaaqay inuu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamulkaas mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Waxaa lulanka ka qeyb-galay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubbaland ku matala gobolka Gedo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo sanadihii la soo dhaafay khilaafaad ka taagnaa.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in dowlad-goboleedka Jubbaland ay soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib marka ay soo dhammaadan la-tashiyada bulshada gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u cadeeyey inay ka go’an tahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxeysa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada Jubbaland inay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland.

“Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, waxaan dhex fariisanaa dadka, tabashada ay qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim walaalayaal reer Jubbalanow,” ayuu hore u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Isimida SSC oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isimida dhaqanka SSC qaar kamid ah ayaa maanta galinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Isimida SSC ee Muqdisho soo gaaray ayaa kala ah; Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi, Garaad Cabrisaaq Garaad Soofe, Garaad Cabdisalan Xasan Maxamed iyo Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-seed.

Wafdiga Isimida ayaa waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, guddoomiye ku-xigeenka Golaha Aqalka Sare Cabdullahi Timo-cade, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, booqashada hoggaanka SSC ee Muqdisho ayaa timid kadib casuumad rasmi ah oo u direen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo uu gaarsiiyay wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maalmo ku sugnaa magaalada Laascaanood.

Ujeedka safarka Muqdisho ee Isimada SSC ayaa waxa uu salka ku haya deeqaha beesha caalamka ay siiso Soomaaliya, sidii qaybtooda toos loogu wareejin lahaa guddiga 33-ka ah ee SSC ee la isku yiraahdo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo xilkas ah.

Hoggaanka SSC ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda ugu sareysay dalka, iyaga oo la wadaagi doona xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood, oo bilihii u dambeeyay uu ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan tegay magaalada Laascaanood, taasi oo qeyb ka aheyd qorshaha Isimida SSC lagu keenay magaalada Muqdisho.

Arrimaha ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Natiijada doorashada dalka TURKEY oo soo baxday

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay doorashadii ku-celiska aheyd ee dalka Turkiga, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah ee warbaahinta dowladda.

Ayada oo la tiriyey 97% codadka, Erdogan ayaa ku horreeya 52.2%, halka musharaxa isbaheysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 47.7%. Guddiga doorashada ayaan weli si rasmi ah ugu dhowaaqin natiijada.

Guushan ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu sii dheereysan doono xukunkiisa 20-ka sano ah ee Turkey ee marna uu ahaa ra’iisul wasaare, iminkana madaxweyne.

Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa isugu soo baxay hoygiisa magaalada Istanbul, ayaga oo ku qeylinaya “Allahu Akbar, Allahu Akbar.”

“Waxaa rajeynayaa in wax walba ay ka wanaagsanaan doonaan sidii hore,” waxaa sidaas tiri Nisa oo ah gabar 28 jir ah oo ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa durba billaabay inay u hambelyeeyaan madaxweyne Erdogan, waxaana ugu horreeyey amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

“Walaalkeyga qaaliga ah Recep Tayyip Erdogan, waxaan kugu hambalyeynayaa guushaada, waxaana kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato xilkaaga cusub, oo aad ka gaarto waxa ay dadka walaalaha ah ee Turkiga ku taamayaan ee ah horumar iyo barwaaqo, iyo xiriirka adag ee naga dhaxeeya,” ayuu Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter. 

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu adkeyd ee uu wajaho madaxweyne Erdogan, waxaana madaxda Reer Galbeedka ay aad u filayeen in looga adkaan doono, ayada oo warbaahintooda ay dagaal xooggan oo dacaayad ku qaaday. 

Hase yeeshee, shacabka Turkey ayaa mar kale muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin hoggaanka madaxweynahooda.

Uganda acknowledges soldier casualties in Somalia assault

Kampala (Caasimada Online) – The ferocity of the Al-Shabab’s unexpected onslaught on a Forward Operational Base (FOB) guarded by Ugandan People’s Defence Forces (UPDF) in Somalia brought to light a series of missteps and miscalculations that ultimately resulted in a catastrophic loss of life.

President Yoweri Museveni articulated his concerns, remarking, “Certain soldiers in the unit did not uphold their responsibilities, resulting in chaos and disarray that Al-Shabab exploited to overrun the base and destroy equipment.”

This admission suggests a profound lapse in military conduct, and the dire consequences of these errors are palpable.

A comprehensive review 

In response to this tragic event, the President announced the establishment of a Board of Inquiry (BOI).

This body will work to uncover the full details of the incident, including a comprehensive account of the casualties sustained.

As the President astutely noted, the somber occasion serves as a stark reminder that the UPDF’s activities in Somalia are not merely humanitarian missions.

“Any individual who knowingly sends ill-prepared or unfit soldiers into such an environment is committing a criminal act,” he asserted.

Al-Shabab claims success 

The Al-Shabab group purportedly seized the UPDF base at the periphery of the town of Buula-Mareer, claiming to have eliminated 137 soldiers.

“The Mujahideen successfully captured the base, securing its boundaries and taking control of its defense posts.

Preliminary battlefield reports suggest the death of 137 crusaders and the capture and destruction of military vehicles,” they proclaimed.

Yet, Brig Felix Kulayigye, the UPDF Spokesperson, disputed this account, insisting, “…a team of military officers, headed by Lt Gen Muhanga, has been dispatched to Somalia to determine the precise circumstances of the attack and formulate a plan of action.”

These remarks mirror those of the African Transition Mission in Somalia (ATMIS), confirming an attack on Ugandan forces without providing casualty figures.

The battle for Somalia continues

If validated, this incident could mark the most significant loss of ATMIS forces, which evolved from the African Mission in Somalia (AMISOM), in a single attack.

Ugandan forces and their Kenyan, Burundian, Ethiopian, and Djiboutian counterparts were scheduled to withdraw entirely from Somalia by the close of 2021.

Yet, a change in the mission’s trajectory from AMISOM to ATMIS necessitated prolonged involvement.

The UPDF articulated the need to bolster Somalia’s National Army, emphasizing the importance of training, command, intelligence, and the ability to respond to terror attacks.

Post-Attack reflection

President Museveni reflected on the incident, saying, “Our UAVs observed the entire situation from the sky, directing fire.

It seems the panic was utterly unwarranted, as both the anti-tank ditch and our soldiers had already destroyed the three explosive-laden vehicles before they entered the base.”

He further noted the unfortunate reality that many soldiers hastily withdrew to a nearby FOB, missing the chance to counter the terrorists, estimated at around 800.

“It was a missed opportunity to annihilate them,” he ruefully remarked, expressing condolences to the families of those lost in the attack.

The incident exposes a sobering reality – that of the immense challenges faced by forces combating Al-Shabab and the complexities of securing stability in the volatile region of Somalia.

Somalia ushers in new era with universal suffrage in 2024

Mogadishu (Caasimada Online) – In a monumental stride towards a more democratic Somalia, President Hassan Sheikh Mohamud declared in March his commitment to abolishing the convoluted indirect voting system that has been the country’s mainstay since 1969.

The landmark change aims to introduce a one-person, one-vote system that promises an empowered electorate and an independent, corruption-free multiparty political setup.

Stepping away from clan politics

Somalia’s history has been marked by decades of conflict, political chaos, and natural disasters, with a recent severe drought adding to the country’s woes.

The indirect voting system, rooted in clan affiliations, had governed Somali politics since 1969 when Siad Barre seized power.

Influential roles in government, such as the Speaker, Prime Minister, and President, have traditionally been divided among main clan groups.

The national parliament members, chosen by clan delegates and state legislatures, subsequently select the president.

However, interclan rivalries have led to a prolonged period of strife and political deadlock, a volatile environment that Al-Shabab militants affiliated with Al-Qaeda have exploited to their advantage.

“We need to break away from the past. Politics isn’t about dominance; it’s about the organization of ideas. Clan politics no longer has a place in our national political discourse,” said President Mohamud, emphasizing the need for universal suffrage.

The dawn of democracy

As a harbinger of change, Somalia witnessed its first universal suffrage elections since 1969 last Thursday.

These elections took place in Puntland, a semi-autonomous state, demonstrating a progressive shift in the country’s political landscape.

Even though some security incidents marred the voting, the United Nations, African Union, and various neighboring governments have hailed this as a ‘historic’ vote.

Puntland’s neighbor, Somaliland, declared independence in 1991 but has yet to receive international recognition and taken direct voting.

Observers believe these instances of direct elections can serve as models, inspiring the expansion of democracy across Somalia.

Future prospects

After four days of meetings by the National Consultative Forum, a consensus for nationwide universal suffrage was reached, marking a significant turning point.

This forum included President Mohamud, Prime Minister Hamza Abdi Barre, and federal state leaders. However, as the region voted, Puntland’s state president, Said Abdullahi Deni, was absent from the meeting.

Additionally, the agreement advocates for a single presidential ticket where voters would elect a president and a vice-president, essentially eliminating the Prime Minister’s role.

President Mohamud’s re-election in May 2022 followed an extended political crisis after the federal government and regional states failed to concur on a presidential selection mechanism.

President Mohamud, serving a second term, has pledged to tackle the country’s myriad issues and to provide relief to citizens worn down by Al-Shabab violence, rising inflation, and the devastating drought.

“I foresee a bright future for our country,” Mohamud expressed optimistically, becoming the first Somali president to be elected to a second term, serving from 2012 to 2017.

With this significant reform, Somalia is taking steady steps toward political stability and progress.

‘La-taliyihii Axmed Godane oo usoo gacan galay’ NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay garsoore beenaadkii kooxda Al-Shabaab ahna La-taliyihii horjoogaha guud ee kooxda.

Ninkan ayaa ah xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda, sida ay shaacisay NISA.

Horjoogahan sare oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed ayaa sidoo kale waxaa kooxda Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaana Abuu-Saacid ama Shariif.

Xilalka uu kooxda Al-Shabaab kasoo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga Maxkamad beenaadka gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo La-taliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane.

Sidoo kale waxa uu soo noqday madaxii Zakawaadka gobolka Shabeellaha Hoose iyo ku-xigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.

“Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid ugu danbeyntii waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sida uu muujinayo qoraalka NISA, ninkaan oo ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah ayaa isugu isku soo dhiibay hay’adda, inkasta oo ay hay’adda NISA aysan qoraalkeeda ku sheegin faah-faahin dheeraad oo kale.

Si kastaba, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo door muhiim ku leh dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, ayaa sidoo kale waxay hore u burburisay maxkamaddo beenaadkii Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay xarunta BF ka hor furitaanka kalfadhigga berri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi aheyn.

Kulankaan ayaa waxa ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kalfadhiga 3-aad.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka usoo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, islamarkaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka.

Sidoo kale waxa uu guddoomiye Aadan Madoobe xusay in kalfadhigan berri furmaya Golaha ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

Guddoonka Labada Gole ee BFS ayaa dhowaan iclaamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 3-aad, kaasi oo qorshuhu yahay inuu daah-furo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“29-ka May ayuu si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya”

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare BJFS waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, halka sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka loo gudbin doonno labadaas Gole, si ay uga doodaan uguna codeeyaan.

Al-Shabaab oo dal-dashay shan qof ‘oo ay ku sheegtay basaasiin’ + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku fulisay xukun dal-dalaad ah, kaasi oo ka dhacay fagaare ku yaalla degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo.

Shanta ruux ee kooxda ay daldashay ayaa waxay sheegtay inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaayay sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 41 illaa 67 sano ayaa waxay kooxda shalay galinkii dambe ku daldashay fagaare ku yaalla degmada Bu’aale, waxayna kooxdu sheegtay in dhamaantooda lagu helay inay u basaasayeen sirdoonka dowladda federaalka iyo kan Mareykanka ee CIA-da.

Kooxda ayaa shaacisay magacyada shanta xubnood ee shalay lagu fuliyay xukunka dal-dalaada ah, kuwaasi oo kala ah;

  1. Cabdiraxmaan Tifoow Cabdiraxmaan (Sanqool) oo 67 sano jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka DF-ka.
  2. Cabdillaahi Axmed Maxamuud (Shaadeel) oo 41 sano jir ah.
  3. Maxamed Ibraahim Coloow (Max’med Coloow) 41 sana jira ah – wuxuu ushaqeynayay Mareykanka, wuxuuna dilay C/qaadir Kumaandoos.
  4. Siyaad Maxamed Kaahiye (dhegaweyne) 49 jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka Mareykanka.
  5. Maxamed Maxamuud Coloow 51 sano jir ah – wuxuu ushaqeynayay sirdoonka DG Jubbaland.

Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab ku toogatay shan xubnood oo kamid ahaa kooxda fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo ay ku sheegtay basaasiin.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa xukuno toogashooyin iyo dal-dalaad lamid ah midda shalay, oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada DF Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya.