28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Xasan Sheekh: Dalka wuxa uu ka guuray nidaamkii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Villa Soomaaliya, isaga oo ay hareero taagan yihiin ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga ee xalay lasoo gabagabeeyay.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in sanadka ay jirto dowladdiisa ay xooga saartay arrimaha ammaanka, xoreynta dalka iyo deyn cafinta oo muhiim u ah horumarka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo intiisa badan shirkan jaraa’id diiradda ku saaray heshiiskii siyaasadeed ee xalay la gaaray ayaa sheegay in dalka uu guuray, uuna ka tegay dhammaan nidaamyadii hore ee wax lagu soo dooran jiray, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalka waa guuray wuxuu ka guuray nidaamyadii hore ee uu ku saleysnaan jiray, odayaal dad magacaaba ka nimiday 50 qof ayaa wax dooraneysa ayaan ka nimiday,” ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay bilaabayaan hirgelinta doorasho qof iyo cod oo ay dadka Soomaaliyeed kusoo dooranayaan hoggaankooda heer degmo, illaa madaxweynaha.

“Dowladaha Hoose ee degmooyinka laga soo bilaabo, illaa madaxweynaha jamhuuriyadda lagu keeno muwaadinka Soomaaliga ah inuu doorto oo sanduuq cod ugu rido ayaan rabnaa” ayuu mar kale shirkiisa jaraa’id ku yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Nidaamka xisbiyada badan, nidaamka dimuquraadiyadda, ayaan waxeyneynaa waana bilaabeynaa”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqday inay cabsida iska daayaan, isla-markaana laga rabo inay dhaqaajiyaan taladooda.

“Shacabka Soomaaliyeed ayay u taallaa annaga waan billownay, iyagaa loo soo bandhigayaa Baarlamaanadooda ayaa la horgeynayaa, bulshadooda rayidka meel walba ayaa looga hadlayaa, dadka Soomaaliyeed waxa ay rabaan ayaa soconaya,” ayuu sii yiri.

Golaha Wadatashifa ayaa xalay baahiyey in heshiiska laga gaaray doorashada dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey waxay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran.

DF oo markii ugu horreysay ku guuleysatay diyaarinta ciidan qalabeysan oo gaaraya…

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud oo xalay marti ku ahaa barnaamijka dood qaran ee ka baxa warbaahinta dowladda ayaa ka waramay waxyaabaha u qabsoomay mudadii sannadka ahayd ee xilka hayeen.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay in markii ugu horreysay dowladda ay ku guulaysatay inay diyaariso ciidan qalabaysan oo tiradooda gaareyso 10,000 oo askari.

“Marka loo barbar dhigo diiwaanka waqtiga halka sano dhulka laga xoreeyay, weliba waayadii marka koowaad aan taageero toos ah laga helin ciidamo ajnabi ah, in ay dowladda Soomaaliya, iyada iyo ciidankeeda, iyo shacabkeeda ay dhul aad u ballaaran ka xoreyso, taas oo aad u dhiiri-galineyso dowladihii ajaanibka ahaa ee daneynayay nabadda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah uu banaanka usoo saaray awooda ciidanka Soomaaliyeed, taasi oo keentay in dowladdaha ajaanibka ah ay ku kalsoonaadan ciidamada Soomaaliya, laguna garabsiiyo dagaalka socda.

“Istaraatijyada dagaalka waxay ka koobneyd lix tiir oo  ugu caansan yihiin in lagala diriro dhaqaalaha, dadka ay khaldeen lagaga nasexeeyo iyo dagaalka militari ee ciidanka dowladda iyo shacabka ku qaadeen.”

Dhinaca kale, La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in horumar ballaaran laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, lana dhamaystiray xeerarka la-dagaalanka kooxaha argagixisadda ah.

Sidoo kale waxa uu xusay in badi qodobadii cuno-qabataynta hubka ee saarneyd Soomaaliya la dhamaystirayo dhamaadka sanadkaan, islamarkaana loo gudbin doono Golaha Ammaanka, si dowladda Soomaliya hub ku filan u soo iibsato.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaaraadka ayaa ah dowladda u weyn ee qorshahan ka taageeraysa dowladda federaalka, ayaga oo dhawaan gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideeda amniga.

Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid heshiiskii xalay ee Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimadam Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahan ka socday xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo xalay saq-dhexe go’aano culus laga soo saaray.

Cumar Cabdirashiid ayaa si weyn uga horyimid war-murtiyeedka kasoo baxay shirka oo ku saabsanaa wax ka beddal lagu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa qoraalkiisa oo ku qornaa Egilish ku sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uu isku beddalay nidaam kali talis oo kale, sida uu hadalka u dhigay.

”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay” ayuu ku yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabada ay qaadaay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ay uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama ay iyagu sameysteen muddo kororsi horleh, isla-markaana ay soo saareen go’aanno iskhood ah.

Cumar C/rashiid ayaa hadalkiisa sii raaciyay in qaadashada go’aanadaasi ay kasii dari karto oo kaliya xaalada dalka.

“Tanni waxay keliya ka dari karta sunta degaankeena ee siyaasadded” ayuu markale ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay 12 qodob oo xasaasi ah laga saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Golaha ayaa baahiyey in heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey waxay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List).

Mareykanka oo ‘duqeyn ku burburiyay’ HUBKII ay Al-Shabaab ka qaateen ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer oo qiyaastii 120km dhanka koonfureed uga beegan Muqdisho.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntan uu la beegsaday dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaabm isla-markaana qayb ka ahaa kuwii weerarka kusoo qaaday saldhig ciidamada Uganda ay ku lahaayeen magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ Hoose.

Qoraalka kasoo baxay Africom waxaa lagu sheegay in weerarkan dhanka cirka ah lagu burburiyay hub iyo agab kale oo Al-Shabaab ay ka soo qabsasdeen xerada ATMIS.

Ma shaacin taliska Africom ee Mareykanka khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray weerarkaasi ee ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in uusan jirin  qof shacab ah oo wax ku noqday duqeyntaasi oo ay la beegsadeen xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu sii wadi doono taageerada uu siiso Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagiisa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan ku garab taaganahay saaxibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta Argagixisada iyo horumarinta iyo xasiloonida dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, kadib weerarkii Buulo-Mareer.

Weerarkii Buulo-Mareer oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastaba, weerarkan waxaa si weyn u cambaareeyay QM, Mareykanka iyo dowlado kale oo waa weyn, kuwaas oo qayb ka ah dalalka taageera dowladda federaalka Soomaaliya.

Daawo: Sidee SHACABKA uga falceliyeen go’aanadii Golaha Wadatashiga Qaran?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka aragti dhiibtay qodobadii xalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo heshiis looga gaaray doorashooyinka soo socda oo noqonaya qof iyo cod iyo wax ka beddal lagu sameeyay nidaamka dowliga ah.

Shacabka Muqdisho ayaa ku kula aragti duwaanaday go’aannada soo baxay, ayada oo qaarkood ay taageereen, halka kuwa kalena ay ka hor yimaadeen.

Oday kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inuu taageerayo war-murtiyeedka lasoo saaray, haddiiba laga tegayo nidaamka beelaha ee 4.5.

“Waa dooran karaa, haddii 4.5 ka tanaasuleyno hal iyo cod waa dooran karnaa, waana u baahanahay. Soomaaliya hal waayay” ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka Muqdisho.

Wiil kale oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan caasimada ayaa dhankiisa ka horyimid qodobada lasoo saaray, wuxuuna sheegay in marxaladda lagu jiro aysan suuragelin karin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo u sababeeyay amniga guud ee dalka.

“Aniga ma qabo taas, sababtoo ah marxladda hadda lagu jiro marxalad looga bixi karo doorasho qof iyo cod ah ila ma’aha, waxaan rabnaa in marka hore in la helo heshiis bulsho” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo isna ka hadlay go’aannada soo baxay.

Sidoo kale wiil kale oo ka falceiyay heshiiska dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa shaaciyay inuu hirgeli karo go’aankan, haddii loo diyaar garoobo, wuxuuna tusaale usoo qaatay doorashadii 25-kii bishaan May ka dhacday deegaanada maamulka Puntland.

‘Puntland oo maamul goboleed ahba waa ka dhacday annaga oo federaal ah dowladdii dhexe eh beri subax ayey ka dhici kartaa haddii loo baahdo oo loo diyaar garoobo oo la helo qorshe diyaarsan” ayuu isna ku yiri doodiisa wiilkan dhalinyarada ah

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa ujeedaa Xamar amniga ka jira oo sanadkan gudihiisa la gaaray hadda waxaan joognaa amni iyo ammaano”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay 12 qodob oo xasaasi ah laga saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Museveni oo sheegay in 800 oo Shabaab ah ay fuliyeen weerarkii Buulo-Mareer

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni ayaa markii ugu horreysay weerarkii xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xero ay ciidamada dalkaas ee qaybta ka ah ATMIS ay ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo khasaare culus lagu gaasiiyay.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer.

Ma shaacin khasaaraha rasmiga ee ciidamadiisa kasoo gaaray weerarkan oo qaraxyo ku billowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Madaxweynaha Uganda ayaa soo hadal qaaday, sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay “Howlgalada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in tirada rasmiga ah ee laga dilay ciidanka Uganda ay u dhexeyso 50 illaa 100, sida lagu soo xigtay ilo wareedyo xilkas ah.

Hase’ahaatee kooxda Al-Shabaab ayaa iyadu shaaca ka qaaday inay weerarkan ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastaba, Uganda ayaa haatan guddi saraakiil ah oo baara weerarka usoo dirtay Somalia, si ay wax oga ogaadaan qaabka uu u dhacay weerarka iyo khasaaraha rasmiga ahba.

Aqriso heshiiska hanaanka doorashoyinka iyo muddo kororsiga oo faah-faahsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa baahiyey heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.

Golaha aya wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya.

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List).

Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo.

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loonavdardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uuvqaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan.

Degmooyinka G/Banaadir waxa ay yeelanayaan goleyaal deegaan oo ay soo dooranayaan dadka deegaanka si toos ah, waxayna dhacaysaa 30 June 2024.

Doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer DXDF waa qof iyo cod
oo shantii sanaba hal mar ah. Si loo mideeyo muddada doorashooyinka heer DXDF, waxay doorashooyinku ku qabsoomi doonaan sida soo socota:

I. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa 30 June 2024.

II. Golaha Wakiilada DXDF waxay doorashooda dhici doontaa 30 November 2024.

III. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka DXDF waxay doorashadooda dhici doontaa 30 November 2024.

Hoos ka aqriso heshiiska oo faah-faahsan

Xog: Al-Shabaab oo xir-xirtay horjoogayaal iyo xubno ajaanib ah + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xir-xirtay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaanib ah oo ku sugnaa gudaha Soomaaliya, kana barbar dagaalamayay kooxda, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay magacyada qaar kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee la xiray, kuwaasi oo ay ku kala sheegtay Fu’aad Baajuuni oo kasoo jeed dalka Tanzaaniya iyo Qudaama Kenyaati oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya.

Horjoogayaashan la xiray ayaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ay kooxda gashay, marka laga tago labadan horjooge, waxa kale oo la xir-xiray in ka badan labaatan ajaaniib ah oo iyaguna lagu eedeeyay inay ku aragti yihiin horjoogayaasha aan magacyadooda soo sheegnay.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka la xiray laga soo kala qabtay magaalada Bu’aale oo caasimad u ah gobolka Jubbada dhexe iyo magaalada Jilib oo ah magaalada ugu weyn oo ee xarunta u ah horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab.

Raggan ajaaniibta ah ee la xiray ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen ka qeyb qaadashada dagaalka ay kooxdu ka wajeyso dowladda federaalka iyo inay doonayeen in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Arrimahan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay warbaahinta dowladda baahineysay inay soo badanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee ka hor imaanaya horjoogayaasha Soomaalida ah.

Xubnahan ayaa lasoo wariyay in qaarkood si cad u sheegeen in aysan ka mid ahaan karin maleeshiyaadka Al-Shabaab, taas oo keentay in la khaarijyo ajaaniibta qaarkood oo awood ku dhex lahaa argagixisada, halka kuwo kale xabsiga loo taxaabay, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Tallaabadan ay qaadeen horjoogayaasha Soomaalida ah ayaa la sheegay inay keentay in ajaanib badan si dhuumaleysi ah uga baxaan Soomaaliya, ayada oo todobaadkii tagay ay aheyd, markii maleeshiyaad baxsad ka ahaa kooxda ay isku tuureen wabiga Jubba kadib markii ay ka war heleen in ay ku daba jiraan maleeshiyaad kale oo lagu amray inay soo dilaan.

Si kastaba, marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.

SOMALILAND oo go’aan ka gaartay arrin ka dhalatay DAGAALKA Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay go’aan ka gaartay ardayda markii hore wax ka baran jirtay magaalada Laascaanood iyo degmooyinka hoosyimaada, kuwaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka dhowrka billood ka socda xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa go’aamisay in ardaydaasi oo kor u dhaafaya 3-kun arday in lagu qiimaynayo dhibcihii imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, islamarkaana loo fududeeyo qaabka ay ku heli lahaayeen shahaadooyinkooda, si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo shir-guddoomiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii golaha uu cod gacan taag ku meel-mariyay go’aankan, iyaga oo ka duulaya waajibaadka muwaadiniinta ka saaran iyo muhiimadda waxbarashada, sida lagu qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

“Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wuxuu cod gacan tag ah ku go’aamiyey in ardayda wax ka barata Laascaanood iyo degmooyinka hoos yimaada oo dhan, oo kala ah Dugsiga hoose dhexe 35,177, Dugsiga sare 5,465, oo wadartooda guud ay tahay 40,642 Arday in lagu qiimaynayo dhibcihii Imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, wixii gudbay sannad dugsiyeedkaasi 2022 oo dhamaa marka loo eego Fasalada siddeedaad ee degmooyinkaa oo dhamaa 2,233 Arday iyo Fasalada 12aad oo dhamaa 1,045 Arday in loo fudaydinayo qaabka ay ku helayaan shahaadooyinkooda si ay waxbarashadooda u sii wataan.”

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu cod gacan taag ah oo aanay cidna ka aamusin, cidna aanay diidin ku ansixiyeen xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023) oo guddi ka koobnayd golaha wasiirrada iyo garyaqaanka guud shirkii kan ka horeeyey loo xilsaaray soo dhamaystirkiisa, wax-ka bedelka iyo kaabistiisa.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha amniga Somaliland ka dhegeystay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxa kale oo goluhu warbiximo ka dhegeystay xubno ka mida golaha wasiirrada oo isugu jira guddidii nabadaynta shaqaaqadii gobolka Togdheer ee labada dhinac ee walaalaha ah ku dhexmartay oo Arbacadii la soo afjaray iyo guddidii xuska sannad guurada 32-aad ee 18-May oo golaha xogo ka siiyey guulihii ay ku soo dhamaadeen hawlihii loo xilsaaray.

“Gole ahaan waxaynu isku raacsannahay xaaladdii lagu maray 18-kii ay ahayd mid ugub ah oo taariikhda geli doonta oo ah in maalintaa aynu dabbaaldegaynaya iyo 16-kii oo ka horreeyey huwanta cadowga ahi ee gobolka Sool dagaallada gardarrada ah ka wadaa soo weerareen si ay u carqaladeeyaan dabbaaldegga Somaliland ee 32-aad,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay shirka golaha wasiirrada.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan aad ugu mahad-naqayaa oo taariikhda baal dahab ah ku leh dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwa militeriga, Asluubta, badda, Booliska, socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland, kuwa amniga iyo nabadda ilaaliya, dhammaantood ciidamadaas iyo wasaaradahoodu waxay fuliyeen in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan, dalka oo dhanna dabbaaldeggii iyo isu soo bixii uu noqday amni uu far lasoo geli kari waayey cadowgii. Dhammaan shacbiga Somaliland miyi iyo magaalana waxan ku bogaadinayaa inuu qof waliba halkiisa ka muujiyey waddaninnimadisii oo uu isu xilqaamay.”

Ugu dambayn waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey xeerka siyaasada isbedelka cimilada ee Qaranka, madaama isbedelka cimiladu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee haysta Somaliland qarnigan 21-aad, xukuumadduna ay dedaal badan gelisay sidii loo yarayn lahaa u nuglaanshaha cimilada, loona xoojin lahaa ilaalinta qaybaha bulshada nuqul iyo deegaanka dabiiciga ah iyo u diyaar garowga maaraynta musiibooyinka.

Golaha Aqalka Sare oo markii u horeysay xubin ku yeeshay baarlamaanka Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xubin rasmi ah ku yeeshay Baarlamaanka Afrika (Pan-Afrika).

Baarlamaanka Pan-Afrika oo la aas-aasay 2004-tii, ayaa waxaa ku mideysan 54 dal oo midkiiba uu shan xubin oo iskugu jira labada aqal ee baarlamaanada wadan kasta u soo diro.

Senator Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo matalaya Aqalka Sare ayaa markii ugu horraysay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika oo xilkaasna si rasmi ah loogu dhaariyay.

Senator Samatar ayaa markii la dhaariyay kadib warbaahinta uga warbixiyay wax yaabihii looga hadlay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika maadaama uu ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb qaatay doodihii iyo ajandayaashii looga dooday.

“Meeshan waa baarlamaan cod lagu yeelan karo oo umadda Afrika na-bari kara oo in ka badan 30 sano naga maqneyd,” ayuu yiri Senator Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

“Halkan ayaa la iskugu yimaada sanadkii laba jeer, sanadkan waxaa kow ka ahaa arrinta cimiladda iyo sidii baayacmushtarka Afrika la isagu furi lahaa oo xuduudaha loo fududeyn lahaa, arrinta Sudan ayaa sidoo kale kamid ah.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dhaqaalaha iyo Baayacmushtarka waa kala labo, waxyaabaha doodda na dhex-martay waxay aheyd wax soo saarka ha laga hadlo inta aan laga hadlin isweydaarsiga, haddii uusan wax soo saar jirin, isweydaarsi iman maayo.”

War-murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee kasoo socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo lagu gaaray heshiis isbeddel weyn ku sameynaya hanaanka dowladeed ee dalka. 

War-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa waxaa qodobada ku xusun waxaa ka mid ah; in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaa sidoo kale ku xusan arrimaha amniga deyn caafinta, dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka Puntland.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in lagu heshiiyey in nidaamka dalka ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaare la beddelo, lagana dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in dalka laga hirgeliyo labo xisbi siyaasadeed, hal guddi doorasho qaran, iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda heer degmo, heer gobol iyo heer federaal, oo ay ku jirto gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in muddo sanad ah lagu kordhiyo muddo xieedlka maamul goboleedyada, islamarkaana doorashooyinka madaxweynayaashooda la qabto November 2024.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in sanad lagu kordhiyo muddo xileedka hay’adaha federaalka balse loo dhaafo go’aankiisa baarlamanka federaalka, oo dhowr bil ka hor guddi u saaray arrintaas. 

Waxaa xusid mudan in qodobada qaarkood ay u baahan yihiin in waxa laga beddelo dastuurka federaalka, taasi oo ay adag tahay.  

Heshiiska doorashooyinka ayaan faah-faahintiisa lagu xusin war-murtiyeedka, balse wuxuu kusoo baxay dokumenti gaar ah, kaasi oo dhowaan aan idinla soo wadaagi doonno, hadduu Eebe raali ka noqdo.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka

Doorashada berri ee Turkiga iyo sababaha uu ku adkaan karo ERDOGAN

Ankara (Caasimada Online) – Dadka waddanka Turkiga ayaa berri markale u dareeri doona codeynta doorashada madaxweynaha Turkiga. Waa markii ugu horeysay abid oo ay dadka reer Turki galayaan doorasho madaxweyne ku-celis ah.

Waxaa hadda la kala dooranaya madaxweynaha xafiiska fadhiya Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

Ku dhawaad 64 Milyan oo qof ayaa codeynaysa berri, cod-bixinta ayaa bilaaban doonta 8-da aroornimo waxayna ku eeg tahay 5-ta galabnimo.

Iibka khamriga ayaa mamnuuc ah, warbaahinta ayaa sidoo kale xadidan. Madaxweyne Erdoğan ayaa saadaal aan la fileyn kala kulmay doorashadii dhacday 14-kii May, taas oo dad badan siineysa dhiirasho ah inay soo laabasho xooggan u rajeeyan doorashada berri.

Dhowr arrimood ayaa caawinaya inuu Recep Tayyip Erdoğan shanta sano ee soo aadan uu hoggaamiyo waddanka Turkiga oo uu ku adkaado doorashada ku celiska ah.

Mid waa natiijadii 14-kii May: codeyntii dhacday 14-kii May waxay muujisay in Erdoğan uu weli haysto shacbiyad xooggan, maadaama lix xisbi u midowday waxaa la filayay in si fudud uga adkaan karaan, laakiin hadda dadka siyaasadiisa dhaliila waxay kusoo qancayaan in aan la garaaci karin ninkaan.

Kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka ayuu xisbigiisu ku adkaaday, taas oo sahlaysa inuu midda madaxweynahana ku adkaado, maadaama madaxweyne aan haysan aqlabiyad Baarlamaan ay adag tahay inuu dalka maamulo oo sharciyo badan uu dhaqan-galiyo.

Dal kasta xisbiga aqlabiyada Baarlamaanka ayaa ku haboon inuu sidoo kale haysto Madaxtooyada, si wada-shaqeyntu u hagaagto.

Midda labaad waa Oğan oo maray dhinaca Erdoğan: Hoggaamiyaha ATA İttifakı Sinan Oğan oo kaalinta saddexaad ka galay doorashadii dhacday 14-kii May, ayaa soo maray dhanka Erdoğan, isaga oo sheegay in isbaheysiga mucaaradka aanay soo bandhigin wax loo qaateyn ah oo ay kaga wacan yihiin nidaamkii talinayay labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Ninkan inuu dhinaca Erdoğan maray ayaa madaxweynaha tallada haya siinaysa taageerayaal cusub iyo fursad uu ku adkaan karo berri.

Reuters iyo Al-Jazeera waxay wareysteen dad badan oo Turki ah, waxay sheegeen in aanay jirin xamaasadii hore ee doorashada.

“Kaliya waajibkeena ayaa gudanayna, laakiin doorashadu inay dhamaatay ayay u eeg tahay,” ayay leeyihiin dadka la wareystay.

Qaxootiga ayaa mawduuc weyn ka ah doorashada berri ka dhaceysa waddanka Turkiga.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa badalay qaabkii ay laba asbuuc u odarasayeen doorashada Turkiga, waxayna hadda qorayaan inay u badan tahay in Erdoğan uu sii hoggaamin doono dalkaan xubinta ka ah NATO.

Dunida Muslimka ayaa sidoo kale si weyn looga eegaya doorashada Turkiga ee dhaceysa berri, maadaama dalkaan uu dhex-taal u yahay loolanka reer Galbeedka iyo Dunida Muslimka.

XAMZA oo ku biiray shirka Wadatashiga Qaranka iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga maanta ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Shirka maanta ayaa waxaa kusoo biiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka soo laabtay Shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ee ku qabsoomay Sharm El Sheikh ee dalka Masar.

Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Fadhigii hore ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa oo ku biiray wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Waxaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howl-galka isku dhafka ah ee ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howl-gal mideysan oo dalka lagaga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wejiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.

Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.

Mareykanka oo dacwo ka ah ilaalada Xamza iyo Lafta-gareen + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqad dacwo ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taasi oo ay ku eedeeysay ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Mareykanka ayaa warqadan ku sheegay in askarta ilaalada dhaw u ah labada masuul ee Xamza iyo Lafta-gareen ay si xun ula dhaqmeen kooxda ammaanka safaaradda Mareykanka, intii lagu guda jiray munaasabaddii sagootinta ee safiirka xilka kasii degaya, taasi oo lagu qabtay 17-kii bishaan magaalada Muqdisho.

Warqadda dacwada ah ee Safaaradda Mareykanka u gudbisay Wasiir Abshir Huruuse ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay ilaalada labadaasi masuul inay hub ula soo baxeen, islamarkaana u gacan qaadeen saddex xubnood oo kamid ah shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

“Ciidamadeenu waxay ku sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu, ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxay bahdileen xubno kamid ah kooxdeena ammaanka qaabilsan, ilaalada labada masuul hub ayay ula soo baxeen wayna u gacan qaadeen saddex xubnood oo kamid ah shaqaalaha Safaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Warqaddan eedeynta ah ee Safaaradda Mareykanka u jeedisay ilaalada Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ee ay u marisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa illaa hadda aysan kasoo bixin wax warcelin ah oo ku aadan eedeynta loo jeediyay ilaalada labadaasi masuul.

“Qofka wakiil dublumaasiyadeed waa in aan lagu xad-gudbi karin… Hab-dhaqanka aan la aqbali karin ee labada kooxood ee amniga dowladda ayaa dhibaato u geystey shaqaalaheenna diblomaasiyadeed.”

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida dhow u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale kaalin muuqata ku leeyahay dagaalka lagula jirdo kooxda Al-Shabaab oo uu duqeeyo.

DF oo shaacisay in baaris ku waddo dugsiyada qaarkood oo ku kacay arrin yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay baaris ku waddo dugsiyada Muqdisho qaarkood, oo dhiganayeen arday laga reebay imtixaanka shahaadiga ah ee ka billowday dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa ugu horeyntii waxaa lagu sheegay in ardayda maalmihii dambe ka cabanayay in laga reebay liiska ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ay yihiin kuwa aan soo marin habraacii sharciga ahaa ee sooyaalka waxbarashada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ardeydaan ay xogtooda ardaynimana aysan ku jirin xog kaydiyaha guud ee waxbarashada dalka.

“Waxaa ay Wasaaraddu baaris ku waddaa dugsiyadii sida baalmarsan sharciga sooyaalka iyo hanaanka waxbarashada dalka ku kacay, ee ardaydan aanan xogtooda la haynin ay wax ka baranayeen.”

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in dugsigii ay ku caddaato inay mas’uul ka yihiin fal-dambiyeedkan ay la tiigsan doonto sharciga, si looga qaado tallaabo sharci ah.

“Wasaaraddu waxa ay u taagan tahay ilaalinta hufnaanta habraaca waxbarashada dalka. Sidaas darteed, wasaaradda waxay ku wargalinaysaa waalidka Soomaaliyeed in ay si weyn uga feejignaadan dugsiyada aanan raacaynin habraaca iyo hanaanka sharciga ee u yaalla waxbarashada dalkal had iyo goorna ay hubiyaan sugnaanta xogta ardaynimo ee ubadkooda.”

Ugu dambeyntiina waxay Wasaaradda Waxbarashada ay guul u rajeysay dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee sida habsamida u soo dhameystay waxbarashadooda 12-ka sano, ee maanta imtixaanka ugu dambeeyay dugsiga sare u fariistay.

“Waxay guul weyn u rajaynaysaa wasaaraddu, dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta u fariisanaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad. Waxay wasaaraddu sidoo kale bogaadinaysaa mas’uuliyiinta, hawl-wadeenada iyo ciidamada amaanka ee maanta u taagan sidii ardaydu u heli lahaayeen jawi deggan oo habsami leh, oo ay imtixaanka shahaadiga ku galaan.”

Arrintan ayaa imaneysa, iyada oo maanta ay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka uu si isku mid ah uga billowday imtixaanka qaran ee dugsiyada sare oo ay qaadesyo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda.

Imtixaankan oo ay u fariisteen in ka badan 33 kun oo arday ah ayaa waxaa daah-furay, ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana sidoo kale wehlinayay wasiirka waxbashada Soomaaliya.

Uganda oo qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii Buulo-Mareer

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda oo qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii lagu qaaday ciidankeeda ee shalay ka dhacay Buulo-Mareer ayaa maanta Soomaaliya usoo dirtay taliyaheeda ciidanka dhulka UPDF, Lt. Gen. Kayanja Muhanga.

Ujeedka socdaalka dalka ayaa la xiriira  si uu u ogaado waxa sababay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidankooda Buulo-Mareer oo sababay khasaare xoogan.

Sidoo kale Lt. Gen. Kayanja Muhanga ayaa bilaabi doono baaritaan guud oo ku aadan dhacdadaas, maadaama askar baday ay Uganda weysay weerarkaasi.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaato saraakiisha sare ee ATMIS iyo kwua Uganda ee jooga gudaha Soomaaliya, si uu xog wareysto weerarkaasi,.

Dhinaca kale afhayeenka ciidanka difaaca, Brig Felix Kulayije ayaa dhankiisa sheegay  in ciidamada Uganda ay si hagar la’aan ah uga go’an tahay howlgalkooda Soomaaliya.

“Taliska Ciidanka difaaca Uganda waxay cambaareyneyaan weerarka ay argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen askarteenna. Si kastaba ha ahaatee, tani kama joojinayso sida ay nooga go’an tahay waajibaadka ATMIS ee xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Afrika,” ayuu yiri Kulayije.

Uganda ayaa ah dalka ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ee haatan ka socda Soomaaliya.

Weerarkan waxaa si weyn u cambaareeyay QM, Mareykanka iyo dowlado kale oo waa weyn, kuwaas oo qayb ka ah dalalka taageera Soomaaliya.

Si kastaba, weerarkii Buulo-Mareer oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Mareykanka oo farriin culus soo saaray ka dib weerarkii saldhigga Buulo-Mareer

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa dowladda Uganda ee shalay ka dhacay magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Mattethew Miller oo ka hadlay weerarkaas ayaa si kulul u cambeereeyay, wuxuuna sheegay inay ka xun yihiin.

“Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareneysaa weerarkii ay Al-Shababa ku qaadeen degaanka Buulo-Mareer oo ay ku sugnaayeen ciidanka nabad ilaalinta Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.” ayuu yiri Mattethew Miller.

Sidoo kale wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxibada dhibanayaasha,isaga oo kuwa dhaawac ah u rajeeyay caafimaad buuxa.

Intaas kadib Mattethew Miller ayaa diray farriin culus, wuxuun boggaadiyay ciidamada howlgalka ATMIS ee haatan nabad-ilalainta u jooga gudaha Soomaaliya.

“Mareykanka wuxuu boggaadinayaa geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ka qayb-qaadanaya howlgalkan muhiimk ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan garab istaageeda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaan ku garab taaganahay saaxibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta Argagixisada iyo horumarinta iyo xasiloonida dadka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka.

Weerarkii Buulo-Mareer oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Maamulka Gobolka oo soo saaray maanta GO’AAN saameynaya reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu shaaciyay awaamiir culus oo qaarkood si toos ah u sameynaya shacabka magaalada Muqdisho, gaar ahaan milkiilayshaaha guryaha ku leh caasimada.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Dheere oo amarradan la wadaagay warbaahinta ayaa marka hore digniin u diray shirkadaha heshiiska Qandaraas kula jira Dowladda Hoose ee Xamar.

Saalax Dheere ayaa xusay in shirkadaha la siiyay fursad 30 cisho ah, haddi ay ku dhaqaajin waayaan heshiiska Qandaraas ee loo saxiixay lagala noqon doono.

“Shirkadaha waxaa lala socod siinayaa haddii ay muddo soddon maalmood ah ku dhaqaajin waayaan howlihii loo igmaday in dib loogala noqon doono heshiiskii qandaraas ee lala galay,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay wariyeyaasha.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in 30-ka bisha May dib u eegis lagu sameyn doono heshiiska uu maamulka gobolka Banaadir horay ula galay shirkadda qaabilsab nadaafadda, wuxuuna sheegay in qiimeyn guud lagu sameyn doono shaqadeeda nadaafadda Xamar.

“Fiiro gaar ah shirkadda ka shaqeysa nadaafadda Muqdisho ee heshiiska kula jirta maamulka gobolka Banaadir waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa 30-ka bisha May sanadka 2023-ka, sida ay horay ugu heshiiyeen maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in amar adag la dul-dhigay milkiilayaasha guryaha burbursan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in maamulka uu faray in muddo 90 cisho ah ay ku dhisaaan guryahooda, si ay qayb uga noqdaan bilicda caasimada.

“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ka duulaya bilcda caasimada iyo ka hortegga waxyeelada guryaha burbursan ay u geystaan bulshada ayaa wuxuu milikiilayaasha guryaha burbursan ku leh magaalada Muqdisho ku wargelinayaa in muddo 90 maalmood gudahood ah ay ku dayactirtaan guryahooda,” ayuu sii raaciyay.

Maamullada degmooyinka ayaa sidoo kale la faray inay waajibaadkooda ka gutaan dib u dhiska guryahaas, isla-markaana ay milkiilayaasha u fududeeyaan dib u dayactirka.

Amarkan ayaa dad badan oo ka mid ah reer Muqdisho saameyn doono, kuwaas oo qaarkood aysan awoodin inay haatan dib u dayactiraan gurayhooda.

Xasan Sheekh oo kulankii ugu dambeeyay la yeeshay safiirka dalka Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka shaqada kasii dagaya ee Mareykanka u qaabilsay arrimaha Soomaaliya, Larry André Jr.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka oo ku dhex-taalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa sagooyin, maadaama uu xafiiska kasii tagey Larry André Jr oo ahaa danjiraha dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Larry, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan gar-gaarka iyo arrimaha binu aadannimada, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo taageerada dowladnimada ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro  iskaashi iyo wax- wada-qabsi.

Dhinaca kale safiirka Mareykanka oo madasha ka hadkay ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan uu ku macsalaameynayo, maadaama uu dhameystay muddo xileedkiisa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Kulankan ayaa noqonayo kii ugu dambeeyay ee ay wada yeeshaan madaxweyne Xasan iyo larry, ayada oo labada mas’uul ay isku macsalaameeyeen kulankooda foolka foolka ahaa.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa dagaalka lagula jirdo kooxda Al-Shabaab oo uu duqeeyo.

Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale tababar gaar ah siisa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaas oo si gaar ah ugu howlgalo saldhigga Balidoogle.

Sheekh Shariif oo shaaca ka qaaday arrin ay dhalineyso doorashadii PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Sheekh Axmed oo muuqaal gaar ah iska soo duubay ayaa ka hadlay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee 25-kii bishaan May ka dhacay deegaanada maamulkaasi, taas oo lagu soo doortay goleyaasha deegaanka 30 degmo oo kamid ah dowlad goboleedka Puntland.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa shacabka iyo hoggaanka sare ee Puntland ugu hambaleeyay tallaabada ay u qaadeen dhanka dimuquraadiyadda.

“Shacabka, hoggaanka iyo waxgaradka reer Puntland, waxaana ugu hambalyeynayaa runtii tallaabtaas wanaagsan ee loo qaaday dhinaca nabadda iyo dimuquraadiyadda,” ayuu yiri.

Shariifka ayaa sidoo kale sheegay in doorashadan ay horseedi doono in deegaanada kale ay ku deydaan , isla-markaana ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

“Waxay horseedi doontaa inay gobollada kale iyo deegaanada kale ee Soomaalida inay sidaas oo kale uga dhacday. Marka waxaan leenahay hambalayo kalye,” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale tallaabadan ayuu ku sifeeyey inay tahay mid horay loo qaaday, isla-markaana dhiira-gelinaya hannaanka dimuquraadiyada ee guud ahaan Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in doorashadan ay muujineyso in laga gudbo hababkii hore ee wax lagu soo dooran jiray, maadaama ay dadweynuhu codeyn karaan.

“Waxaana leeyahay waa tallaabo loo baahnaa oo waqti dheer la sugayaayey oo timid xilli munaasab ah, runtii waa wax dhiira-gelinayo in hannaanka dimuquraadiga uu gaaro meel walbo, lagana gudbo hababkii kale ee wax loo soo dooran jiray,” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba Puntland ayaa haatan ku howlan tirinta codadka doorashadii dhacday oo ay ku tartameen illaa 7 urur siyaasadeed, waxaana haatan la shaaciyay natiijo hordhac ah oo muujinaya inay aad isugu dhowyihiin codadka ay haleen ururada siiba, Kaah iyo Mideeye.