31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Howlgal nooc cusub ah oo ka bilaabanaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday isbitaallada ku yaalla Muqdisho, isaga oo si weyn u dhaliilay, sida ay u shaqeeyaan qaar kamid ah goobaha caafimaadka.

Yabooh ayaa shaaciyay inay jiraan isbitaallo lagu baabi’iyo shacabka, isla-markaana ay ka shaqeeyaan dhaqaatiir aan qibrad u laheyn howlaha caafimaadka ee ay ka shaqeynayaan.

“Dalkeenna waxaa baabi’iyay dad aan dhaqaatiir aheyn, waxaa baabi’iyay dad aan aqoon u laheyn waxa ay ka shaqeynayaan, waxaa baabi’iyay daawo aan sax aheyn oo sidii la raba in dalka loo soo geliyo dadka lagu baabi’inaayo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka gobolka uu bilaabi doonto howlgal nooc cusub ah oo lagu beegsan doono dadkaasi, gaar ahaan dhaqaatiirta aan taqasusiga aheyn ee ka shaqeysa caasimada iyo dadka ka shaqeeya farmashiyeyaasha lagu iibiyo daawooyinka.

“Gobolka Banaadir sidaad ogtihiin waayihii lasoo dhaafay wuxuu ka shaqeynayay daroogada inuu la dagaalamo. Wuxuu ka shaqeynayaa oo hadda soo socota isbitaallada inuu koontaroolo iyo farmashiyeyaasha daawooyinka yaalla isbitaallada, dadka gadaaya iyo dhaqaatiirta ka shaqeeya waa kusoo soconaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yabooh.

Dhanka kale, waxa uu digniin u diray shaqsiyaadka ku howlan arrintaan, isaga oo ku ugu baaqay inay ka digtoonaadaan dhibaateynta dadka shacabka ah/

“Mar kale waxaan leeyahay haka digtoonaadee isbitaallada iyo farmashiyeyaasha iyo meel kasta oo ay caafimaad u tegaan dadka waa inuu adeegga ay bixinayana uu noqdo adeeg sax ah, hadii ay noqoto dadka shaqeynaaya iyo haddii ay tahay daawac” ayuu markale yiri.

Gobolka Banaadir ayaa horay howlgal lagula dagaalamayo, maadooriyaha, ciyaal-weerada iyo burcadda hubeysan uga sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sawirro: In ka badan 33 kun oo ARDAY ah oo u fariistay imtixaanka dugsiyada sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta si isku mid ah uga billowday imtixaanka qaran ee dugsiyada sare oo ay qaadesyo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda.

Imtixaankan oo ay u fariisteen in ka badan 33 kun oo arday ah ayaa waxaa daah-furay, ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana sidoo kale wehlinayay wasiirka waxbashada Soomaaliya.

Saalax ayaa marka hore faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi socoka waxbarashada, isaga oo shaaciyay in haatan meel wanaagsan uu marayo

“Si dhow ayaan ula soconay howsha ka socotay wasaaradda waxbarashada xilligii hore, dowladdii hore, tii ka horreysay, illaa tan ama geeddi socoka waxbarashada, waxaa hubaal in maalinta maalinta ka dambeysa in tayada waxbarasho oo uu helayo muwaadinka Soomalaiyeed ay kordheyso,” ayuu yiri ku simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu guul u rajeeyay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

“Guul iyo gobanimo ayaan u rajeyneynaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ardayda ah ee maanta imtixaanka mareysa, imtixaankana waa furan yahay” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, wasiirka waxbashada Faarax Sheekh Cabduqaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka galayaan illaa 33,700 oo arday, isla-markaana lagu galayo 114 goobood oo ku kula yaalla gudaha magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Imtixaanadu waxa ay ka dhacayaan 114 goobood oo dalka qaybihiisa kala duwan ka tirsan waxaana ka qayb-galayaa 33,700 oo arday” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan aad iyo aad ugu rajeynayaa ardayda iyo waalidiintoodaba si guul in imtixaanka uu ugu dhammaado,”

Ugu dambeyn wasiirka waxbarashada ayaa soo hadal qaaday cabashada kasoo yeereyso qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku aadan imtixaanka, wuxuuna sheegay in ka wasaarad ahaan ay baaris sameeyeen, isla-markaana ay kasoo baxday natiijo wanaagsan.

Sidee Midowga Yurub iyo Mareykanka u arkaan safiirkii wasiir Huruse ee Ruushka?

0

Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse wuxuu booqasho ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, isagoo kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Sergey Lavrov.

Booqashadaasi ayaa la isweydiinayaa maxay u dhimi kartaa xiriirka Somalia kala dhaxeeya wadamada Yurub iyo Mareykanka maadaama wadamadaasi ay caddow ku yihiin Ruushka dalalka kale ee dunidana ku cadaadiya in xiriirka loo jaro Moscow laguna cambaareeyo weerarka Ukraine.

Mareykanka ma jecla Ruushka iyo dal walbo oo xiriir la leh, waxayna isku dayaan in dalkii xiriir la leh ay cadaadis ku saaraan in ay kala fogeeyaan dal kasta Moscow macaamil dhex mara, haddii ay ku guuleysan waayaana Washington waxay iska fogeysaa dalka xiriirkiisa adag la yeesho Ruushka. Sidaasi si la mid ah wadamada reer Yurub ee sida weyn ugu soo horjeeda Ruushka waxay la mid yihiin Mareykanka.

Tusaale, Dagaalkii Ruushka iyo Ukraine, dalalka qaar ee Mareykanka iyo midowga Yurub waxay ku mideysnaayeen in dowladdaha dunida ay wada cambaareeyaan dagaalkaasi, dowladdii ka diidana loo arkayay dhinaca Moscow, waxaa dowladdihii ka horyimid ka mid ahaa Turkiga oo siyaasad dhex dhexaadnimo ah muujisay, hase ahaatee waxay colaad xooggan kala kulantay Mareykanka iyo Midowga Yurub oo halis u arka Ruushka.

Bal ka waran, adigoo ah dowlad hadda saan qaadeyso, hadaad booqato caddowga dowladdihii aad ku tiirsaneyd ee miisaaniyadaada bxinayay, maxaa arrintaasi ka dhalan kara?.

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo miisaaniyada ugu badan ee dowladda hadda bixiya, waxay xiriirka ugu jarteen dalalka qaarkood siyaasadda dabacsan iyo dhex dhexaadnimada ay ka muujiyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine, bal maxay noqon doontaa xiriirka idin kala dhaxeeya dalalkaasi iyo idinka oo dhaqaalahiina uu ku xeran yahay?.

Waa siyaasad arrime dibadeed “Qar isku tuurnimo ah” waxaase xaqiiq ah inaysan Reer Yurub iyo Mareykanka dhaliilsan yihiin booqashada wasiirka arrimaha dibada Somalia ee Ruushka.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online

QM oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday ATMIS ee Buulo-Mareer

0

New York (Caasimada Online) – War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa si adag loogu cambaareeya weerarkii xoogan ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Buul-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo lagu beegsaday xarada ciidanka ATMIS.

Csaba Kőrösi oo ah guddoomiyaha golaha loo dhan yahay ee QM ayaa sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas oo askar badan looga dilay ATMIS, gaar ahaan Uganda.

Sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehellada, shacabka iyo dowladda Uganda oo ay kasoo jeedeen askarta ku dhintay weerarkaasi oo qaraxyo ku billowday.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weerarkani uu muujinayo sida ay weli halis u tahay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag kula jirta dowladda iyo howlgalka ATMIS/.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi, si tallaabo adag looga qaado.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhinaca ammaanka ee ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka saldhiga Buulo Mareer ay ku dileen in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.

Transparency oo Noordin Haji kala noqotay abaal-marin ay hore u siisay

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ee Transparency International ayaa dib ugala noqotay abaal-marin ay hore u siisay dacwad oogaha guud ee Kenya ee xilka kasii degaya, sida ay sheegtay Jimcihii, iyadoo ku eedaysay inuu meesha ka saaray kiisas musuqmaasuq oo caan ah.

Hay’adda caalamiga ah ee qaybteeda Kenya ayaa sannadkii 2019-kii guddoonsiisay Noordin Haji abaal-marinteeda daacadnimada, isaga oo sheegay in uu xafiiskiisa ku hoggaamiyey dacwado lagu soo oogay tobannaan kiis oo musuqmaasuq ah, taas oo loo arkay guul taariikhi ah oo laga gaaray waddan uu ragaadiyay musuqmaamuqu.

Xaaji oo uu madaxweyne William Ruto u magacaabay in uu noqdo madaxa hay’adda sirdoonka, ayaa meesha ka saaray eedeymihii loo haystay dhowr qof oo lagu tuhmay musuqmaasuq kaddib markii Ruto uu la wareegay xaafiiska madaxweynaha bishii September ee la soo dhaafay.

Hay’adda Transparency International (TI) ee Kenya ayaa sheegtay inay heleen codsiyo dadweyne oo ka dhan ah go’aanka lagu laalay dacwadaha, oo ay ku jiraan kuwii ka dhanka ahaa madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo Aisha Jumwa, oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda ee Kenya.

“Codsiyadan waxay dhaliyeen eedeymo culus oo la xiriira ka noqoshada kiisas musuqmaasuq oo caan ah, oo ay ku jiraan kuwii hore laguu aqoonsaday, taasoo keentay in aad lumiso kalsoonida dadweynaha,” ayay Agaasimaha Fulinta TI Kenya Sheila Masinde ku sheegtay warqad loo diray Xaaji Jimcihii.

Gachagua iyo Jumwa labaduba waxay dafireen inay wax khalad ah sameeyeen markii ay dacwaddu socotay.

VOA + Reuters.

Puntland oo baaq u jeedisay DF iyo maamullada kadib doorashadii taariikhiga aheyd

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku bogaadineyso doorashada shalay ka qabsoomtay deegaanada maamulkaasi.

Maamulka ayaa waxa uu si weyn ugu bogaadiyay doorashadii shalay oo aheyd mid taariikhi ah shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo guddiga KMG ee doorashooyinka maamulka, oo iyagu kaalin mug leh ka qaatay hanaanka doorashada iyo inay si hufnaan leh ku qabsoomto.

War-saxaafadeedkan oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa loogu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah inay sidaas oo kale qaataan nidaam dimuqraadi ah oo toos ah.

Puntland ayaa waxay dhinacyadaas ugu baaqday inay ka shaqeeyaan hanaankii deegaanadooda loo gaarsiin lahaa hanaanka doorasho qof iyo cod ah, taasi oo awood u siinaysa shacabka inay soo doortaan madaxdooda metalaysa, islamarkaana kobcineysa dhaqan ballaaran oo isla xisaabtan ah.

“Iyadoo la tixraacayo horumarka la wadaago, waxaan ugu baaqaynaa Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya (FMSs) ee Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay sidaas oo kale qaataan nidaam dimuqraadi ah oo toos ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

“Haddii aan sidaas yeelno, waxaan kobcin karnaa dhaqan ballaaran oo isla xisaabtan ah, horumarinta midnimada, iyo xaqiijinta in qof kasta oo Soomaali ah codkiisa aan si dhab ah u maqalno. Tallaabada wadajirka ah ee noocan oo kale ah waxay si aan la dafiri karin u calaamadinaysaa tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday socdaalkayaga wadaagga ah ee ku aaddan hannaankii dawladnimo ee loo wada dhan yahay, daah-furnaan iyo isla xisaabtan.”

Maamulka Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday shacabka reer Puntland inay kala qeyb qaataan dadaaladda lagu dhisayo isla xisaabtanka, “Anagoo ku guda jirna safarkan cusub ee socdaalkeena siyaasadeed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Puntland inay nagala qayb qaataan dadaallada lagu dhisayo dowlad la xisaabtanta shacabkeeda, taasi oo u gogol xaareysa mustaqbal barwaaqo iyo is-waafaqsanaanta dhamaanteen.”

War-saxaafadeedkan ay soo saartay Madaxtooyada ayaa imanaya kadib markii uu xalay madaxweyne Saciid Deni uu bogaadiyay sida nabdoon ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod ee Puntland, taasi oo illaa 30 degmo ka qabsoomtay maalintii shalay aheyd.

Madaxweyne Deni ayaa u mahad-celiyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ciidamada dowladda iyo dhammaan hawl-wadeennadii ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dhammaan ururrada siyaasadda ee ka qayb qaatay doorashada qof iyo cod, islamarkaana dadaalka geliyay in ay codka weydiistaan bulshada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dareenka bulshada Puntland u qabto doorashada qof iyo cod uu taagan yahay meel aan laga soo noqon karin oo ay tahay in madaxdooda ay ku doortaan nidaamka qof iyo codka ah.

Aqriso: Shirkii Mayaaradda ee Muqdisho oo laga soo saaray bayaan 15 qodob ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay kulankii labaad ee Madasha Maayaradda Soomaaliya, kaasi oo ay garwadeen ka aheyd wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta DFS.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen guddoomiyeyaasha iyo guddoomiye ku-xigeenada degmooyinka ka socday dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, iyo wasiirada iyo agaasimayaasha guud wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedyada, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 15 qodob.

Dhinacyadan ayaa isla qaatay la dardar-geliyo dhamaystirka hanaanka dhismaha golayaahsa deegaanka dalka, iyada oo Madasha Maayaradda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kobciyo awoodda maamulada KMG ah ee deegaanada hadda la xoreeyay, si loo gaaro nabad waarta, kasbasho dareen shacab iyo adeeg-bixin qaangaar ah.

“In kor loo qaado, lana xoojiyo maamul-daadejinta socota si dowladaha hoose u bixiyaan, una joogteeyaan adeegyada bulshada ee ku qeexan xeerarka dowladaha hoose iyo hanaanka adeeg bixinta daadegsan ee dalka.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay bayaankan in dhinacyadu isla qaateen in la abuuro nidaamka qorshaynta magaalooyinka dalka, maaraynta dhulka iyo dhismaha guddiyada xallinta khilaafaadka dhulka, si waafaqsan shuruucda, xeerarka, siyaasadaha iyo habraacyada jira.

“In la joogteeyo kulamada Madasha Maayaradda Soomaaliya si loo hubiyo in degmooyinka dalku helaan madal u gaar ah oo ay ku falanqeeyaan arrimaha khuseeya shaqadooda, islamarkaasna u noqon karaan kuwa dabooli kara baahiyaha bulshada deegaamadooda.”

Madasha Maayiradda ayaa ku baaqday in magaalada Beledweyne loo muujiyo garab istaag walaalnimo iyo Soomaalinimo, xilli ay ka taagan xaalad adag oo ay sababtay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ugu dambeyntiina waxaa bayaankan lagu sheegay in dowladaha hoose ay dardar-galiyaan howlaha wacyi-galinta bulshada, gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta iyo ka hortaga fikirka xagjirka ah.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay natiijada hordhaca ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Puntland ayaa soo saaray natiijada hordhaca ah ee deegaano iyo degmooyin kamid ah kuwa ay shalay ka qabsoomtay doorashada golaha deegaanka, isaga oo illaa hadda ku soo saaray natiijada hordhaca ah degmooyin kamid ah gobollada Nugaal, Bari, Haylan, Karkaar iyo Gardafuu.

Natiijada hordhaca ah ee lasii daayay ayaa waxay muujinaysa in ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka, gaar ahaan Kaah iyo Mideeye oo la sheegay inay yihiin labada urur siyaasadeed ee codadka ugu badan ka helay doorashooyinkii shalay dhacay, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah. Hoos ka arag:

Natiijada Doorashada gobolka Nugaal – Burtinle

Ururka Runcad = 1%: 131 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.4%: 51 cod
Ururka Sincad = 27.2%: 3,433 cod
Ururka Kaah = 41.3%: 5,225 cod
Ururka Mideeye = 19%: 2,387 cod
Ururka Mustaqbal = 4.3%: 547 cod
Ururka Ifiye = 6.8%: 862 cod

Burtinle/Nugaal waxaa hoggaaminaya ururka KAAH

Natiijada Doorashada gobolka Bari – Balidhiin

Ururka Runcad = 0%: 0 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.3% 3 cod
Ururka Sincad = 9.8% 119 cod
Ururka Kaah = 54.6% : 661 cod
Ururka Mideeye = 18% : 218 cod
Ururka Mustaqbal = 17% : 206 cod
Ururka Ifiye = 0.3% : 3 cod

Balidhiin/Bari waxaa hoggaaminaya ururka KAAH

Natiijada Doorashada gobolka Haylaan – Buraan

Ururka Runcad = 0% 0 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.2% 3 cod
Ururka Sincad = 18% 245 cod
Ururka Kaah = 26.7% 365 cod
Ururka Mideeye = 43.2% 591 cod
Ururka Mustaqbal = 5.2% 71 cod
Ururka Ifiye = 6.7% 91 cod

Buraan/Haylaan waxaa hoggaaminaya ururka MIDEEYE

Natiijada Doorashada gobolka Haylaan – Dhahar

Ururka Runcad = 0% : 2 cod
Ururka Shaqaalaha = 4.8% : 216 cod
Ururka Sincad = 26.7% 1,196 cod
Ururka Kaah = 28% : 1,254 cod
Ururka Mideeye = 23.7% : 1,060 cod
Ururka Mustaqbal = 4.4% : 198 cod
Ururka Ifiye = 12.4% : 554 cod

Dhahar/Haylaan waxaa hoggaaminaya ururka KAAH

Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Shaxda

Ururka Runcad = 0.2% 3 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.1% 1 cod
Ururka Sincad = 26.1% 317 cod
Ururka Kaah = 39.4% 479 cod
Ururka Mideeye = 24% 291 cod
Ururka Mustaqbal = 0% 1 cod
Ururka Ifiye = 10.1% 123 cod

Shaxda/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka KAAH

Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Dhudhub

Ururka Runcad = 0% 0 cod
Ururka Shaqaalaha = 0% 1 cod
Ururka Sincad = 0% 1 cod
Ururka Kaah = 21.3% 263 cod
Ururka Mideeye = 78.6% 969 cod
Ururka Mustaqbal = 0% 1 cod
Ururka Ifiye = 0% 1 cod

Dhudhub/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka MIDEEYE

Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Rako-raaxo

Ururka Runcad = 0.4% 9 cod
Ururka Shaqaalaha = 1% 21 cod
Ururka Sincad = 15.1% 338 cod
Ururka Kaah = 33% 740 cod
Ururka Mideeye = 41.4% 929 cod
Ururka Mustaqbal = 1.7% 39 cod
Ururka Ifiye = 7.4% 165 cod

Raako-raaxo/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka MIDEEYE

Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Bandarbayla

Ururka Runcad = 0.1% 2 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.3% 10 cod
Ururka Sincad = 15.8% 525 cod
Ururka Kaah = 48.1% 1,599 cod
Ururka Mideeye = 29.2% 970 cod
Ururka Mustaqbal = 6% 197 cod
Ururka Ifiye = 0.5% 18 cod

Bandarbayla/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka KAAH

Natiijada Doorashada gobolka Karkaar – Waaciye

Ururka Runcad = 5.7% 288 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.3% 16 cod
Ururka Sincad = 25.2% 1,248 cod
Ururka Kaah = 30.1% 1,488 cod
Ururka Mideeye = 22.4% 1,107 cod
Ururka Mustaqbal = 5.1% 252 cod
Ururka Ifiye = 11% 547 cod

Waaciye/Karkaar waxaa hoggaaminaya ururka KAAH

Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Gumbax

Ururka Runcad = 0% 0 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.9% 6 cod
Ururka Sincad = 9% 56 cod
Ururka Kaah = 17.3% 108 cod
Ururka Mideeye = 72.5% 453 cod
Ururka Mustaqbal = 0.3% 2 cod
Ururka Ifiye = 0% 0 cod

Gumbax/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka MIDEEYE

Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Gumbax

Ururka Runcad = 0.2% 5 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.7% 14 cod
Ururka Sincad = 7.7% 154 cod
Ururka Kaah = 38.8% 776 cod
Ururka Mideeye = 12.6% 253 cod
Ururka Mustaqbal = 0.4% 9 cod
Ururka Ifiye = 39.5% 791 cod

Gumbax/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka IFIYE

Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Murcanyo

Ururka Runcad = 0.3% 11 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.5% 16 cod
Ururka Sincad = 6.8% 219 cod
Ururka Kaah = 36.5% 1,167 cod
Ururka Mideeye = 26% 832 cod
Ururka Mustaqbal = 0.2% 8 cod
Ururka Ifiye = 29.5% 945 cod

Murcanyo/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka KAAH

Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Baargal

Ururka Runcad = 0.3% 7 cod
Ururka Shaqaalaha = 0.8% 19 cod
Ururka Sincad = 29.2% 657 cod
Ururka Kaah = 32% 721 cod
Ururka Mideeye = 12% 267 cod
Ururka Mustaqbal = 0.2% 5 cod
Ururka Ifiye = 25.5% 574 cod

Baargal/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka KAAH

Natiijada Doorashada gobolka Gardafuu – Caluul

Ururka Runcad = 0% 0 cod
Ururka Shaqaalaha =0.3% 7 cod
Ururka Sincad =0.4% 9 cod
Ururka Kaah = 39.3% 823 cod
Ururka Mideeye = 9.3% 194 cod
Ururka Mustaqbal = 0.1% 2 cod
Ururka Ifiye = 50.6% 1,061 cod

Caluul/Gardafuu waxaa hoggaaminaya ururka IFIYE

DF oo shaacisay in la laayay Al-Shabab badan, lana burburiyay saanad ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maanta howl-gal qorshaysan lagu laayay in ka badan 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, laguna bur-buriyay gaadiid waday saanad ciidan.

Howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo isugu jiray cirka iyo dhulka ayaa laga sameeyay ilaa iyo afar deegaan oo hoostaga degmada Kuntuwaaray ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in saanad ciidan ee la burburiyay ay qeyb ka ahaayeen qoryo culus oo ah kuwa dagaalka ee duqaymaha loo isticmaalo.

Howl-galkan ayaa waxa uu daba socday weerar “naf la-caarinimo ah” oo ay saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu yiri bayaankan.

Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Uruurinta xogta howlgalkaan oo wali socota awgeed, waxaan dib ka soo gudbin doonaa faah-faahinka howlgalka oo dhamaytiran.”

Howl-galkan ayaa imanaya kadib weerarkii saaka waaberigii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ee magaalada Buulo Mareer, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti.

ATMIS aya dhankeeda sheegtay in hadda xaalada la dajiyey, islamarkaana ay hadda hawluhu ay sidii caadiga ahaa ku soo laabteen, taasi oo ka dhigan in saldhiga ay gacanta ku hayaan ciidamada ATMIS.

Si kastaba, Weerarkan ayaa imanaya xilli dhawaan la qorsheynayo in uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

ATMIS oo war kasoo saartay weerarkii BUULO-MAREER

0

Buulo Mareer (Caasimada Online) – Ciidamada Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa war kasoo saaray weerarkii saaka waaberigii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhigooda magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

ATMIS ayaa sheegtay in weerarkaas kadib ay iska caabin xooggan kala hortageen, kadibna uu soo xoojiyay waaxda ciidamada cirka ee ATMIS iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo burburiyay dhamaan hubkii ay wateen maleeshiyada soo weerartay, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

“Saaka abaarihii 5ta subaxnimo ayaa Saldhiga Ciidanka ATMIS ee Buulo mareer oo dhinaca koonfur Galbeed kaxiga 120km magaalada Muqdisho kana tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ay soo weerareen maleeshiyaadka AL-Shabaab iyagoo Adeeg sanayo baabur Qarax laga soo buuxiyey iyo ismiidaamin.”

Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS aya waxa uu caddeeyay dhamaan bulshada iyo hay’adaha kale ee waddanka jooga in xaalada ladajiyey, islamarkaana ay hadda hawluhu ay sidii caadiga ahaa ku soo laabteen, taasi oo ka dhigan in saldhiga ay gacanta ku hayaan ciidamada ATMIS.

Bayaanka ATMIS ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay ka go’an tahay la-dagaalanka argagixisada iyo inuu sii wado la-shaqeynta dowlada fadaraalka ah ee Soomaaliya, maamul-goboleedyada dalka iyo saaxibada caalamiga ah, si loola dagaalamo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee ku sugan Soomaaliya.

Bayaankan si faah-faahsan loogama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalkii xigay, marka laga imaado in ciidanka ATMIS ay gacanta ku hayaan saldhigii lagu dagaalamay.

Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti ayaa ka dhashay weerarkan, ayada illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen lix ruux oo ah kala ah rayid iyo dhinacyada dagaalamay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo deegaanka ah, illaa saddex qof oo dadka deegaanka ah ay ku dhaawacmeen rasaas ku haleeshay goobo kala duwan.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in weerarka saldhiga Buulo Mareer ay ku dileen in ka badan 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.

Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Moscow

Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa booqasho ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa Sergey Lavrov.

Lavrov ayaa sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobanaankii sano ee tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan.

Waxa uu sheegay inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.

“Maanta waxaan aragnaa fursad wanaagsan oo aan dib ugu eegno ajendaha iskaashiga, oo aan ka wada hadalno halka ay lagama maarmaan tahay inaan kor u qaadno dadaalkeenna iyo in mowduucyo dheeri ah lagu soo dari karo,” ayuu yiri Lavrov.

“Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa sheegay inay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi.

Al-Shabab strikes AU base in escalating Somalia conflict

Mogadishu (Caasimada Online) – The Al-Qaeda-affiliated jihadist group, Al-Shabab staged another offensive against the African Union’s military base in Bulo Marer, a town approximately 120 kilometers southwest of the capital, Mogadishu, the African Union force ATMIS confirmed on social media platforms.

“The base came under Al-Shabaab attack,” ATMIS issued on its official Facebook and Twitter handles, leaving the specifics about casualties or damages undisclosed. Presently, they are assessing the security situation, as per the report.

The battle over claims

Al-Shabaab promptly claimed responsibility for the assault via its communication networks, alleging it had successfully overrun the base.

However, Somali military commander Mohamed Yerow Hassan countered this claim.

“A suicide bomber drove a vehicle with explosives targeting the ATMIS base, and then gunfire broke out,” Hassan told AFP by telephone.

“The terrorists were forced to retreat and flee. The situation is back to normal now.”

In such remote corners of Somalia, it’s challenging to corroborate these assertions about army base attacks independently.

Al-Shabaab often inflates battlefield successes in its propaganda, while the AU force member nations seldom verify their casualties.

ATMIS: An offensive force

Distinguished from its predecessor, AMISOM, by a more aggressive mandate, the 20,000-strong ATMIS force draws its strength from five countries – Uganda, Burundi, Djibouti, Ethiopia, and Kenya.

Their soldiers are deployed across southern and central Somalia, with a mission to pass on security to Somalia’s army and police by 2024.

In the latest assault, the primary targets were Ugandan soldiers serving as part of the ATMIS, confirmed Uganda Peoples’ Defence Forces spokesman Felix Kulayigye, adding that they were still “cross-checking” the details.

The war on Al-Shabab

Last year, President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia declared an “all-out war” on Al-Shabaab, rallying Somalis to aid in eradicating these jihadist “bedbugs.”

This initiative, reinforced by ATMIS and US airstrikes, has empowered the army and the local militias known as “macawisley” to reclaim significant territory in the country’s central region.

Yet, Al-Shabaab’s lethality hasn’t waned. They have carried out potent strikes against civilian and military targets, resulting in high casualties.

The deadliest incident occurred in October when two car bombings orchestrated by Al-Shabaab hit the education ministry in Mogadishu, causing 121 fatalities.

This made 2022 the deadliest year for Somali civilians since 2017, primarily due to Al-Shabaab’s actions, according to a report submitted to the UN Security Council by UN Chief Antonio Guterres.

Meanwhile, the US Africa Command announced on Monday that it had conducted an airstrike the previous weekend in Jilib, in Somalia’s south, noting that initial assessments indicated no civilians were harmed.

Despite progress by pro-government forces, the militants’ ability to cause significant harm remains a grave concern.

Sawirro: DF Soomaaliya iyo UK oo gaaray iskaashi cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda UK ayaa gaaray iskaashi cusub oo ku qotoma arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Iskaashiga cusub ayaa lagu gaaray kulan ay Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi iyo Safiirka Cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirka ayaa waxaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinka xiriirka ay Boqortooyada Ingiriiska ay la leedahay dowladda federaalka, iyo weliba sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Wasiir Khadiijo Al-Makhzoumi ayaa qoraal ay kasoo saartay kulankaan ku sheegtay in iskaashigan cusub uu qeyb ka yahay dadaal ay dowladda ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa, si looga gun-gaarno hadafka wasaaradda ee Soomaaliya Cagaaran.

“Waxaan kulan la yeeshay safiirka dalka UK, Mudane  Michael Nithavrianakis, annaga oo ka wada-hadalnay xiriirka qotoda dheer ee labada dalka iyo sidii aan isaga kaashan lahayn arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo aan dadaal ugu jirno sidii wax looga qaban lahaa si aan uga gun-gaarno hadafkeenna ah SoomaaliyaCagaaran,” ayey ku tiri qoraalka Khadiijo Al-Makhzoumi.

Wasiir Al-Makhzoumi ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa shaqada Qaranka u igmaday, ayada oo dhawaana heshiis is-afgarad ah la saxiixatay dalka Finland, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya ka jawaabista arrimaha deegaanka yo Isbeddelka cimilada ee ka jira dalkeenna.

Heshiiskaaas ayaa waxa uu xoojinayaa ka go’aanshaheenna iyo sida ay wasaaraddu diyaar ugu tahay iskaashi calami ah, si loo gaaro hadafka guud ee ah yareynta dhibaatada deegaanka iyo cimilada.

“Heshiiskaani wuxuu nooga dhigan yahay mid waxtar u leh wasaaradda iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxaan ka shaqayn doonnaa heshiiskaan si loo dhaqangeliyo, loona gaaro yoolkiisa.”

Al-Shabab oo sheegatay in ciidamo Ugandes ah ay ku qabatay weerarkii Buulo Mareer

0

Buulo Mareer (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo war cusub kasoo saartay weerarka saaka waaberigii ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer, kaasi oo ay sheegtay inay ku qabatay askar Yugaandheys ah.

Sheegashada kooxda oo ay baahisay warbaahintooda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in kooxdu ay qabsatay gebi ahaanba saldhiga, inkasta oo sheegashadan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Kooxda ayaa sheegatay dhimashada in ka badan 137 ka tirsan ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in nolosha ay ku qabteen askar Yugaandheys ah, ayna hadda maxaabiis ahaan ay gacanta ugu jiraan maleeshiyada weerartay saldhiga, sida ay ku sheegeen bayaan ay kasoo saartay kooxdu weerarkan.

Sheegashada kooxda Al-Shabaab si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Kooxda ayaa inta badan guulo ka sheegata weerarada ay la beegsato xeryaha ciidanka, xilli uu guluf dagaal oo xooggan uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka, uuna dhawaan billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dowladda Uganda, oo la xiriira weerarkan iyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay.

Ururada ku horreeya doorashada Puntland iyo xilliga lagu dhawaaqayo natiijada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa meel gaba-gabo ah mareysa tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee Puntland, taasi oo bilaabatay kadib markii ay codeynta soo xirantay lixdii fiidnimo ee xalay.

Natiijada hordhaca ah ee lasii daayay ayaa waxay muujinaysa in ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka, gaar ahaan Kaah iyo Mideeye oo la sheegay inay yihiin labada urur siyaasadeed ee codadka ugu badan ka helay doorashooyinkii shalay dhacay, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Gobolka Bari oo ah meelaha codadka ugu badani yaaleen waxaa natiijada hordhaca ah ay muujinayaan in ururka Mideeye uu yahay ururka helay codadka ugu badan. Natiijooyinkan oo ahayn kuwo rasmi ah ayaa waxay tilmaamayaan in ururka Mideeye uu doorashada Boosaaso ka helay codadka illaa 14 xildhibaan.

Tirada Xildhibaanadan uu helay Mideeye, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah ayaa ah ku dhawaad kala bar aqlabiyada golaha deegaanka ee degmada Boosaaso.

Ururada Kaah iyo Mideeya ayaa sidoo kale lasoo warinaya inay hoggaaminayaan codadka ugu badan ee tuulooyinka hoosyimaada degmada Boosaaso. Sidoo kale ururada Sincad iyo Mustaqbal ayaa kamid ah ururada codadka badan helay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gobolka Mudug uu hoggaaminayo urur siyaasadeedka KAAH, wuxuuna helay 15 xildhibaan codadkiisa, sida ay muujinayso natiijada hordhaca ah ee codadka la dhiibtay.

Si kastaba, Marka laga imaado natiijada hordhaca ah ee kasoo baxeysa doorashada dowladdaha hoose ee Puntland, waxaa la filayaa in maanta uu guddiga doorashada Puntland ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashadan, kadib marka la dhameeyo tirinta codadka degaanada qaar oo aan weli la dhamayn.

Faah-faahinta khasaaraha weerarkii BUULO-MAREER

0

Buulo Mareer (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer.

Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti ayaa ka dhashay weerarkan, ayada illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen lix ruux oo ah kala ah rayid iyo dhinacyada dagaalamay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo deegaanka ah, illaa saddex qof oo dadka deegaanka ah ay ku dhaawacmeen rasaas ku haleeshay goobo kala duwan.

Sidoo kale diyaarado ayaa la sheegay in hawada magaalada lagu arkay kadib weerarka ay dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ee magaaladaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ay gurmad siiyeen askarta ATMIS ee lagu weeraray saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.

Sidoo kale ciidamo gurmad ah oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa iyaguna gaaray magaalada Buulo Mareer, kuwaasi oo la sheegay inay gurmad deg deg ah u fidinayaan ciidamada dhaawaca soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga cagta mariyeen, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin xilligan, mana soo bandhigin warbaahinta kooxda wax khasaare ah.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dowladda Uganda, oo la xiriira weerarkan iyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay iyo weliba “waxa ka jira” sheegashada Al-Shabaab.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.

Mareykanka, Qatar iyo UK oo ku dhawaaqay dhaqaale cusub oo la siinayo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa Muqdisho ku soo bandhigay heshiis iskaashi horumarineed si ay u daahfuraan barnaamijka gargaarka abaaraha iyo adkeysiga oo ay ku baxeyso $10.5 milyan oo uu dhaqan-galinayo barnaamijka dhisidda adkeysiga bulshooyinka ee Soomaaliya (BRCiS).

Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa lagu sheegay in uu xoojinaya maalgashiga ka-hortagga macluusha iyo dhisidda adkeysiga ee ay horaan u sameeyeen USAID, UKAID, iyo Sanduuqa Horumarinta ee Qatar (QFFD) sanadihii 2021/22 wuxuuna awood u siin doonaa BRCiS inay joogteyso bixinta adeegyada naf-badbaadinta ah iyadoo la dardargelinayo dadaallada soo kabashada lixda bilood ee soo socota.

Mike Nithavrianakis, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in xaaladda Soomaaliya ay weli halis tahay, islamarkaana ay boggaadinayaan bixinta gargaarka bini’aadnnimo ee joogtada ah.

“Xaaladda Soomaaliya weli waa halis. Waxaan bogaadinaynaa bixinta gargaarka bini’aadannimo ee joogtada ah ee ay bahwadaagteena ku bixiyeen ka hortagga macluusha dalka oo dhan sanadkan,” ayuu yiri Amb. Mike Nithavrianakis.

“Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadannimo oo keliya ma xallin karto dhibaatada. Taasi waa sababta UK ay u xoojineyso ka jawaabidda BRciS ee abaaraha iyadoo loo marayo wadashaqeynta Mareykanka iyo Qatar.”

Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa asagna yiri: “Dhibaatada abaaruhu waxay mugdi gelisay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya oo markii horeba ka sii dareysay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus, taasi waxay saameysay malaayiin qof, waxayna kordhisay khatarta macluusha, barakaca, cunto yarida, iyo nafaqo-xumada ba’an ee soo wajahda carruurta.

Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa ugu dambeyntiina sheegay in bixinta taageerada bini’aadannimo iyo gargaarka ay yaraynayso malaayiinta ay saameeyeen xaaladaha bini’aadannimo, isaga oo tilmaamay inay ka shaqayneyso ka hortagga xaaladaha abaaraha ee ka jira Soomaaliya.

Midowga Yurub oo dib u fasaxay lacagtii uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ansixiyey lacag 20.5 milyan oo Euro ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta ururka ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo SRBC.

Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay billaabeen qorshe hawleed wadajir ah oo ku aaddan macaamilka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaasi oo qeexaya ahmiyadaha wadajirka ah ee labada sano ee soo socota.

Ayada oo la bixinayo lacagtan ayaa Midowga Yurub wuxuu ku taageerayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay u fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka ayna kusii socoto waddadii ay ku gaari laheyd barta dhameystirka barnaamijka deyn cafinta ee loo yaqaan HIPC.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa tiri “Iyadoo ay ku dhowdahay dhameystirka barnaamijka HIPC, Soomaaliya waxay dhawaan gaari doontaa guul taariikhi ah, taasi oo keeni doonta fursado cusub laakiin sidoo kale caqabado wadata.”

“Kordhinta kheyraadka gudaha iyo sii wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa muhiim u ah horumarinta ajendaha dib u habeynta dhaqaalaha iyo sii wadidda dhismaha dowladnimada Soomaaliya.”

Tiina ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu daneynayo inuu sii wado taageerada Soomaaliya si wax looga qabto caqabadahan loona xaqiijiyo in adeegyo wanaagsan la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa yiri “Waxa aan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Saaxiibada Soomaaliya ee Midowga Yurub ay dib u soo fasexeen kabkii miisaaniyadda oo muddooyinkaan ay dowladdu dadaal ugu jirtay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka maaliyadeed ee hay’adaha caalamka.”

“Taageerada Miisaaniyadda ee Midowga Yurub waa il kaalmo oo qiimo leh si loo xaqiijiyo in dowladdeenu ay xoojiso isbeddelada socda iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.”

Isha: VOA

Horjoogihii lagu dhaawacay duqeyntii degmada JILIB ‘oo xaalad darran ku sugan’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horjoogihii dhawaan lagu dhaawacay duqeyntii magaalada Jilib uu ku sugan yahay xaalad aad u liidata.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Cabdi (Macallin Cusmaan) ayaa waxa uu dhaawac daran kasoo gaaray howl-gal ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada calamiga ah, kaasi oo laga fuliyay magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Horjoogahan ayaa lagu sameeyey qalliino kala duwan kadib dhaawaca culus ee kasoo gaaray duqeynta, wuxuuna weli ku sugan yahay xaalad miyir doorsoom ah, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Horjoogahaan ayaa waxa uu ahaa danbiile la daba joogay oo mas’uul ka ahaa in uu dalka kusoo hogaamiyo Khawaarij ajaanib ah, sidaas oo kale wuxuu ka shaqaynayay in uu soo waarido Afkaarta Khawaarijta.”

Ninkan ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsan yahay arrimaha dibadda, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkan ayaa ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday guri uu isku qarinayay horjoogahan, kaasi oo ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda Al-Shabaab ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Beegsiga horjoogeyaasha Khawaarijtu waa fariin ku socota kooxaha Khawaarijta ah taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaankan.

Duqeyntan oo 20-kii bishaan uu Mareykanka ka fuliyay Jilib, ayaa aheyd mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Daawo: Halkee ayuu marayaa kiiska xasaasiga ah ee loo haysto 36 qof oo ajnabi ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale u fariisatay dacwad culus oo loo heysto 36 ajaaniib ah oo ay maalmo kahor ay xeer ilaalinta guud ee qaranka ay gudbisay maxkamadda, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha dalka.

Ajaaniibtan oo kala dhashay dalalka Iran iyo Pakistan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay kalluumeysi sharci darro ah iyo inay kusoo xadgubeen biyaha Soomaaliya.

Fadhigaan ayaa waxaa la horkeenay 18 eedesane, si loogu akhriyo eedooda, halka 18-kale horay maxkamaddu ugu marisay dacwadda loo soo xiray iyo eedda loo heysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kiiska dacwad ciqaabeeda loo haysto raggaan uu yahay lambar 469-2023, isla-markaana maanta fadhiga labaad uu yahay in 18-ka haray loo sharaxo eedeymaha loo heysto ee ka dhanka iyaga.

“Fadhiga maanta wuxuu ku saabsan yahay in maxkamaddu ay eedda u akhriso 18-ka kale ee harsan oo ka harsan eedeysanayaasha kale ee aan weli loo akhrin eeda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay dacwadda loo heysto ay tahay inay soo galeeb biyaha Soomaaliya ogolaansho la’aan, weliba ruqsad ka heysan dowladda federaalka

“Eeed nuxurkeeda waxaa waayey in eedeysanayaashu ay biyaha Soomaaliya soo galeen, iyaga oo aan u heysan ruqsad, sidaasna ay uga qaateen kalluun si sharci darro ah. Waa eedda uu xafiiska xeer ilaaliyaga guud u heysto eedeysanayaasha,” ayuu sii raaciyay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale tarjumaan gaar ah u diyaarisay ajaaniibtaan, si uu ugu tarjumo, waxayna soo xulatay Aqoonyahay Cali Xaydar oo wax kusoo bartay Iran.

“Fadhigan ayaa waxaa tarjumi doono, Insha Allah Cali Xaydar Cismaan oo ah qabiir muddo fog ku noolaa dalka Iran” ayuu mar kale yiri gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay iibisay kaluunka ay sida darrada ah ay ula soo baxeen ajaaniibtan oo hadda wajahaya maxkamadeyn.