31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhiga ATMIS ee BUULO-MAREER

0

Buulo Mareer (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM) ee magaalada Buulo Mareer.

Weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee saaka ayaa waxaa lagu waramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Kooxda ayaa saldhiga ku weeraray qaraxyo xiriir ah, sida ay VOA u sheegeen laba illo-wareed oo mid ka tirsan yahay laamaha amniga.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale laga soo xiganayaa in Al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda.

Sidoo kale diyaarado ayaa la sheegay in hawada magaalada lagu arkay kadib weerarka. Illaa haddana ma cadda khasaaraha weerarkaan, inkasta oo lasoo warinayo in labada dhinac waxyeelo gaartey.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin xilligan, mana soo bandhigin warbaahinta kooxda wax khasaare ah.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.

U.S. strikes al-Shabab’s finance network with sanctions

Washington (Caasimada Online) – In an unprecedented move, the United States government has initiated stringent sanctions against key individuals within the Somali militant group al-Shabab, exposing its extensive operations network.

With their scope and specificity, the sanctions levied emphasize the financial infrastructure that empowers the group’s activities.

The U.S. State Department officially labeled five high-ranking al-Shabab officers as global terrorists.

In unison, the U.S. Treasury appended the same classification to 26 other individuals and entities, prominent among them charcoal smugglers, marking a crucial step in dismantling the militant group’s financial mechanisms.

Four of the five sanctioned commanders stand accused of perpetuating attacks on innocent civilians and Somali forces and collecting taxes to fund al-Shabab.

They are believed to be a part of the group’s estimated annual $100 million revenue system, garnered through illicit taxation, mandatory donations, and extortion.

Key operatives unveiled

Mohamed Siidow, one of the newly sanctioned operatives, serves dual roles within al-Shabab as a finance emir and a commander in the group’s armed wing, the Jabha.

Siidow allegedly oversees the group’s illegal tax collection operations in the Aliyow Barrow village of the Lower Shabelle region.

The U.S. Secretary of State Antony Blinken further reported, “Siidow has led al-Shabab fighters in attacks and played a critical role in planning operations using improvised explosive devices.”

Also sanctioned are Ali Yare, Mohamed Dauud Gaabane, and Suleiman Abdi Daoud, all holding the title of finance emirs in various towns and villages across Lower Shabelle.

Blinken added, “This region is possibly al-Shabab’s most lucrative region, where commercial goods from Mogadishu frequently pass.”

A network of intelligence 

Gaabane stands accused of leading the Amniyat, al-Shabab’s intelligence wing, in Wanlaweyn.

“Gaabane operates an extensive early warning and informant network, regularly gathering information on coalition forces and Somalis who work at the Baledogle Military Airfield,” noted Blinken.

The fifth commander, Mohamed Omar Mohamed, is the al-Shabab commissioner in the Dinsor district and allegedly orchestrates attacks against civilians.

The U.S. Treasury extended the designation to fifteen al-Shabab financial facilitators and operatives, four charcoal smugglers, and seven associated companies.

Among those targeted were al-Shabab’s shadow governor of the Juba region, Mohamed Abdullahi Hirey, also known as Abu Abdalla; the region’s militant commander Ahmed Kabadhe; and Mohamed Ali, a company commander responsible for 100 fighters.

Additional targets included junior officers charged with collecting mandatory donations and coordinating attacks against Somali and African Union forces.

The impact of sanctions

Antony Blinken elucidated the implications of these actions: “All property and interests in property of those designated today that are subject to U.S. jurisdiction are blocked, and U.S. persons are generally prohibited from engaging in transactions with them.”

According to Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre, these financial measures taken by the U.S., coupled with domestic efforts to shut down over 250 bank and mobile money accounts suspected of aiding al-Shabab, have already begun to affect the group’s financial health.

Ibrahim Aden Nadara, an ex-al-Shabab regional official now advising Prime Minister Barre, reinforced the efficacy of these sanctions.

“This is impactful and timely,” Nadara told VOA Somali. He emphasized that these restrictions would block the designated individuals from transferring money internationally, significantly hindering their financial maneuverability.

“If they were to deposit it in foreign bank accounts or buy houses abroad and invest in business, this would be an obstacle to them,” he added.

In recent years, al-Shabab has been implicated in numerous attacks targeting civilians and military forces, casting a long shadow over the region’s stability.

Analysts believe it amasses an estimated $100 million annually through a combination of illegal taxation, coerced donations, and outright extortion, funds that feed its destructive operations.

Last year, the Somali government announced a multi-pronged strategy to weaken al-Shabab, focusing on strangulating its financial resources, confronting its ideology, and intensifying military operations against the group.

Shan fasiraad cajiib ah oo laga bixiyay doorashada looga dareeray Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Ku dhawaad afar boqol oo kun oo shacabka Puntland ah ayaa maanta u dareeray goobaha codeynta doorashada ee Golaha Deegaanka.

Inkasta oo ay jiraan ururo siyaasadeed oo qaadacay hanaankan, haddana nidaamka Saciid Cabdullaahi Deni taas uma joojin.

Magaalada Ganacsiga ee Boosaaso waa meesha ugu weyn ee ay maanta ka socoto doorashadu, wallow magaalada caasimada aheyd ee Garoowe iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Nugaal laga diiday doorashadan.

Labada urur siyaasadeed ee Kaah iyo Mideeye ayuu dhex-yaalla loolanka ugu weyn ee doorashadan.

Haddaba, warbixintan waxaynu ku eegayna shan dhinac;

1. Maxay uga dhigan tahay reer Puntland?

Dadka reer Puntland waxay maanta uga dhigan tahay maalin gaar ah, in afar boqol kun oo qof oo reer Puntland ah ay dooranayaan dadkii maamuli lahaa deegaanadooda, “waa guul bulsho iyo mid maamul oo aan indhaha laga qarsan karin.”

Waxay tani caawineysa horumarka deegaanka, waxay sahli doonta isla xisaabtanka, waxay dhinaca kale wiiqi doonta hanaankii duugoobay ee qabaliga ahaa ee ku kabmay dowladnimada Soomaaliya labadeeda heer.

2. Siyaasiyiinta diidan doorashadan

Inta badan siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland waa diidan yihiin doorashadan, waxay muujinayaan inay dhici karto ku shubasho.

Qaar waxay qabaan in halkii hore la joogo oo xisaabtii beeluhu sidii ku socota, qaarna waxay ku doodayaan in ururadan ay hal reer yihiin oo aanay sax aheyn “in Puntland ay hal reer kala doorato.”

Dooddahan oo qaar loo qaateen yihiin ma caawin in hanaanka doorashada hakiyaan, shacabkuna markii xilligaan oo kale lasoo gaaro hoos uma degaan.

Siyaasiyiintu waxay hadda ku qasban yihiin inay doorashadan aqbalaan, Saciid-na ay kala doodaan waxa xiga, gaar ahaan doorashada madaxtooyadda ee 8-da Janaayo.

3. Doonistii beesha caalamka

Beesha caalamku waxay malaayiin dollar ku bixisay 15-kii sano ee lasoo dhaafay in Soomaalidu gaarto in madaxda shacabku soo doortaan oo laga gudbo hanaanka qabiilka.

Somaliland, inkasta oo iyadu gooni isu-taag ay sheegato haddana waxay aheyd meesha qudha ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ka tirsan ee dadku madaxdooda doortaan.

Tallaabada maanta ee Puntland waxay beesha caalamka siinaysa rejo ah “in maalgalintoodii ay ku dhowdahay miro-dhal oo mustaqbalka dhow ay dhamaan maamullada dhabahan wada raaci doonaan.”

4. Maamul-goboleedyada kale

Codeynta maanta ka socotay Puntland waxay farriin u tahay dhamaan maamul goboleedyada kale ee ka jira Soomaaliya. Puntland waxay muujinaysa waxa ay kaga duwan tahay maamullada kale.

Inkasta oo ay 24-sano jirto oo ay leedahay waayo-aragnimo ka duwan maamullada kale, haddana tani waa cashir aan laga boodin oo maamullada kale uga baahan “inay qaatan, dariiqana u jiheeyaan dadkooda, kaas oo xambaarsan ilbaxnimo, amni iyo isla-xisaabtan.”

5. Maxay uga dhigan tahay Saciid Deni

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu u muuqda inuu ka adkaaday raggii ay isku hayeen doorashada, oo uu ku adkeystay inuu si walba qabto. Inkasta oo deegaanada qaar ay doorashadu ka socon sida magaalada caasimada ah ee Garoowe, haddana tani waxay Saciid Deni u xoojin kartaa diiwaankiisa.

Isaga oo qabtay doorashadii goleyaasha deegaanka, haddii uu haddana tii madaxtooyada xilligeeda ku qabto waxay wax badan ka tari doonta “fursadiisa siyaasiga ah ee maanta iyo middiisa berri.”

Sawirro: DF oo qabatay hubkii ugu badna oo lagu qariyay guri ku yaal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ayaa weli magaalada Muqdisho ka wada howl-galo ballaaran oo qeyb ka ah xaqiijinta amniga caasimada iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay hubkii ugu badna.

Hubkan oo lagu qarinayay gurri ku yaalla xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ku jira noocyo kamid ah dharka ciidanka, hub kale oo ay ku jiraan qaraxyo iyo rasaas badan.

Ciidamada ayaa kasoo saaray hubkaan iyo agabka kale ee lagu qariyay gurigaasi, waxayna warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawirada hubkaan la qabtay.

Waxaa illaa iyo hadda ciidamada fuliyay howl-galkaan ay gacanta kusoo dhigeen laba eedeysane oo loo haysto arrinkaan.

Sidoo kale waxaa jira shaqsiyaad kale oo lagu daba joogo, kuwaasi oo baxsad ah, sida ay saraakiisha ciidamada ammaanka u sheegeen warbaahinta dowladda.

Isla maanta galinkii dambe ayay aheyd markii ay ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ay gacanta kusoo dhigeen hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid.

Howl-galkaas oo ahaa mid qorsheysan oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka agdhaw ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubno Shabaab ah oo kamid yahay darawalka waday gaariga hubka lagu qabtay.

Walxahan ayay kooxda Al-Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed, waxayna iskugu jiraan bambooyinka gacanta laga tuuro, qoryo waaweyn iyo rasaas aad u tira badan.

Hay’adaha ammaanka ayaa sida muuqata ku guulaystay inay fashiliyaan dhagarta aan muuqan ee kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo kooxda loo waday.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howl-gallo culus oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo deganaasho nay ku dareemeen reer Muqdisho, maadaama ay yaraadeen falalkii ammaan darrida, sida weerarada qaraxyada, dilalka iyo falalka dhaca ah.

Villa Somalia oo war kasoo saartay maalintii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Shirkan ayaa waxaa maanta looga arrinsanayey wejiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan si rasmi ah uga bilaaban doona dalka, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in fadhiga maanta ee shirkaan ku biireen wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Waxaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howl-galka isku dhafka ah ee ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howl-gal mideysan oo dalka lagaga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wejiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ku bogaadiyey ciidamada Soomaaliyeed sida naf-hurnimada leh ee ay ku xoreeyeen deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan HirShabelle iyo Galmudug, waxayna ammaaneen doorka weyn ee ay qaateen bulshada deegannada la xoreeyey oo garab iyo gaashaanba u noqday ciidamada qalabka sida.

Shirkan oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Sidoo kale waxay madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.

Xasan Cali Kheyre: Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn u boggaadiyay doorashada maanta ka qabsoomtay deegaanada Puntland, taasi oo loogu dareeray cod-bixinta doorashada dowladdaha hoose ee maamulkaasi.

Kheyre ayaa maanta ku tilmaamay inay tahay maalin weyn oo taariikhi ah, taasi oo mudan in lagu xuso diiwaanka cusub iyo sooyaalka dib-u-dhiska dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

“In dad ku dhow afar boqol oo kun oo muwaadiniin Soomaliyeed ah ay doortan madaxdooda waa guul la hubiyay, oo mudan boggaadin iyo garab istaag,” ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ku yiri qoraal uu kasoo saaray doorashada maanta looga dareeray Puntland.

“Waxaan hambalyo u diraya guud ahaan shacab-weynaha Soomaaliyeed ee reer Puntland, si gaar ahna waxaan u boggaadinayaa guddiga doorashada, xisbiyada iyo maamulka oo ka dhabeeyay in muwaadiniintu helaan xaqooda dastuuriga ah ee dhigaya in ay doortaan madaxdooda si loo helo hoggaan tayo leh, lala xisaabtami karo, kuna yimid rabitaanka bulshada.”

Kheyre ayaa ka dhawaajiyay in dhacdadan taariiikhiga ah ay farxad galineyso qof kasta oo rejo ka qaba inay Soomaaliya ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, “oo saldhiga tartankeedu yahay in shacabka lagu kasbado hufnaan maamul, daacadnimo, aqoon iyo amaano.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu siyaasiyiinta reer Puntlnad iyo maamulkaba ugu baaqay in wixii khilaaf ah ee taagan lagu xaliyo miiska wada-hadalka, ayada oo loo turayo nabadda.

“Shaqo walba oo la qabanayo waa yeelan kartaa dul duleel iyo dhaliil, waxaanna ugu baaqaya dhammaan siyaasiyiinta reer Puntland in mad-madowga siyaasiga ah lagu xaliyo wadahadal, isu-tanaasul iyo sharciga qoran, loona turo nabadda iyo horumarka ay heysato Puntland.”

“Hambalyo Puntland, Hambalyo Soomaaliya, Hambalyo Dimuqraadiyadda iyo awoodda shacabka.”

Deegaanada Puntland ayaa waxaa maanta looga dareeray doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, taasi oo ay si weyn ugu loolamayaan ururada siyaasadda ee ka jira Puntland.

Illaa 30 degmo ayay ka qabsoomayaan doorashooyinka, kuwaas oo ay saaka dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha cod-bixinta, si ay codadkooda u dhiibtaan.

Si kastaba, Puntland ayaa markii ugu horreysay qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, taasi xujo kale ku noqon doontaa maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.

Sawirro: NISA oo Muqdisho ku qabatay hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa galinkii dambe ee maanta gacanta kusoo dhigay soo bandhigay hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid.

Sidoo kale waxaa howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan oo ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka agdhaw ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Walxahan ayay kooxda Al-Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed, waxayna iskugu jiraan bambooyinka gacanta laga tuuro, qoryo waaweyn iyo rasaas aad u tira badan.

Ciidanka ayaa intii uu socday howl-galkan gudaha u galay guryo kale oo ku yaalla Tarakabuunka, oo uu ku hoggaamiyay mid kamid ah xubnaha lasoo qabtay, kuwaasi oo loogu tegay hub badan oo qeyb ka ah kuwa ay ciidanku warbaahinta usoo bandhigeen.

Hay’adaha ammaanka ayaa sida muuqata ku guulaystay inay fashiliyaan dhagarta aan muuqan ee kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo kooxda loo waday.

Alaabtaas oo u badneyd kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, islamarkaana laga soo dajiyay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa isla maalinkaas waxaa lagu qabtay qalab kale oo loo adeegsado qaraxyada, oo isleeyihiin kan dekedda lagu qabtay, loona waday kooxda Al-Shabaab.

Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socday agabka iyo saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku guuleystay la socoshada dhaq-dhaqaaq walba oo Shabaab dooneyso inay ku dhagarto shacabka, taasi oo sahashay in la helo xogtooda.

Dekadda iyo Airport-ka ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa sidoo kale waxay muujinayaan shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howl-gallo culus oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo deganaasho nay ku dareemeen reer Muqdisho, maadaama ay yaraadeen falalkii ammaan darrida, sida weerarada qaraxyada, dilalka iyo falalka dhaca ah.

Juxa oo shaaciyay in 4 nin ay diideen doorashadii Garoowe

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka xilli maanta ay si rasmi ah u billowdeen doorashooyinka maamulkaasi, walow dib loo dhigay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale, sababo la xiriira xiisadda dagaal ee weli ka taagan qaybo kamida gobolka Nugaal.

Juxa ayaa shaaca ka qaaday in 4 nin oo kaliya ay ku ciyaareen masiirkii shacabka gobolka Nugaal, walow uusan shaacin magacyadooda.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay raggaas in hor ay istaageen doorasho ka dhacda Garoowe, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin saaqidiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Afar nin oo siyaasada ku saaqiday ayaa ku ciyaaray masiirkii shacab waynaha gobolka Nugaal”. ayuu yiri wasiirka arrimaha guddaha maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu mucaaradka ku eedeeyay inay fashiliyeen dadaalladii la doonayay in xal waara looga gaaro xiisadda ka taagan Garoowe , taas oo sababtay gacan ka hadal.

Wasiir Juuxa ayaa intaasi ku daray in iyaga iyo Islaam Ciisa oo qayb ka aha dadaalka la wada qiyaamay, sidaasina lagu burburiyay wadahadalkii ku aadanaa adkeynta nabadda.

Puntland ayaa waxa haatan ka socota doorasho taariikhi ah oo maanta si wadajir ah uga bilaabatay illaa 30 degmo, taas oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka.

Doorashadan oo sidoo kale  ah qof iyo cod ayaa waxaa si weyn ugu loolamayo illa  7 urur, waxaase ka soo bixi doona 3 urur, kuwaas oo noqon doona xisbiyo siyaasadeed.

S kastaba, Puntland oo ah hooyada federaalka ayaa markii ugu horreysay qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ay xujo kale ku noqon doontaa maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.

Muqdisho: Nin iska dhigay ‘askari’ kadibna geystay afduub iyo kufsi oo lasoo qabtay 

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleebaan Maxamuud Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kiis xasaasi ah oo loo haysto nin ku eedeysan inuu iska dhigay inuu ka tirsan yahay hay’adaha amniga, kadibna geystay xad-gudub, sida kufsi iyo afduub carruur, kaas oo ay dhowaan gacanta kusoo dhigeen ciidanka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha haatan loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, si looga qaado tallaabo adag.

Xeer -ilaalintu ma shaacin magaca shaqsigan, balse waxa ay sheegtay inuu iska dhigay askari, kadibna uu soo xirtay dharka ciidanka, sidoo kalena uu qaatay hub sharci darro ah.

Sidoo kale Xeer-ilaalinta ayaa ninkan ku eedeysay inuu sharaf dilayay magaca hay’adaha amniga, isla-markaana uu khal-khalgelin ku hayay amniga guud ee magaalada Muqdisho.

“Xafiiska Xeer-ilaaliya Guud ee Qaranka, gaar ahaan waaxada denbiyada carruurta iyo haweenka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyey eeed waafaqsan qodobka. 71-aad ee XHCS, loona haysto eedeysane iska dhigay inuu ka tirsanyahay hay’adaha amaanka isaga oo soo xirtay darayska ciidanka, qaatayne hub sharci darro ah, si uu uga gaaro danihiisa gurracan, una sharaf dilo ciidanka amaanka,” ayuu lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ka dalbaday Maxkamadda Gobolka Banaadir inay soo mudeyso dhageysiga dacwadda loo haysto eedeysanaha.

“Eedeysanahaan oo ku kacay falal lid ku ah karaamada iyo sharafka carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed, sida kufsi, afduub iyo khal-khalgelin amni ayaa wuxuu xafiisku waxa uu maxkamadda ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga maxkamadayntiisa,” ayaa mar kale lagu warqadda kasoo baxday Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka ayaa digniin culus kasoo saaray falalka gurraxan ee noocaan oo kale ah, isaga oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad ku howlan falal abaabulan oo ka dhan ah carruurta iyo haweenka, laguna sharaf dilayo dowladda dhexe.

Mareykanka oo hanjabaad culus kasoo saaray dagaalka magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Danjiraha xafiiska kasii tegaya ee dowladda dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Larry André oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Sool.

Larry André oo habjabaad culus soo saaray ayaa labada dhinac ku eedeeyay inay ka dhagaha fureysten baaqyadii nabadda ee ay horay ugu direen, si loo joojiyo dagaalka.

“Aniga saaxibada kale ee caalamka waxaan warsaxaafadeed kasoo saarnay durbadiiba markii uu billowday dagaalka, waxaan ku baaqnay in colaada la joojiyo miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka” ayuu wareysigan ku yiri safiirka xilka kasii tegaya ee Larry André.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan si toos ah ula hadlay hoggaamiyeyaasha Hargeysa, Laascaanood iyo Garoowe”.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay horay u caddeeyeen mowqifkooda, isla-markaana sii socosha dagaalkan ay ka dhalan cawaaqib xumo, sida uu hadalka u dhigay.

“Si cad ayaa u sheegnay halka aan ka taagnahay dagaalkaas, kadib wadahadalkii aan la yeeshay madaxweyne Biixi iyo qoraalkii aan soo dhigay baraha bulshada. Haddaba waxaan ku sheegayaa in sii socoshada dagaalkan ay ka dhalan karto cawaaqib dhanka sharciga ah oo dhankeena ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiirka waddanka Mareykanka.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku goodiyay inuu Mareykanka tallaabo adag ka qaadayo dadka sii hurinayo colaadda, isla-markaana ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn uu sheegay in lagu soo rogayo shaqsiyaadka ka dambeeyay dagaalka, balse ma shaacin magacyadooda.

“Go’aanadda noocaas waxaa gaara mas’uuliyiin sar sare oo ku sugan Washington, marka la gaaro go’aanadaas lama shaaciyo cidda la saaray cunaqabeynta, balse waxaa la shaaciyaa in aan qaadna tallaabadaas oo ah mid aan jecleyn, balse laga fursan waayay ” ayuu yiri.

Laacaanood ayaa waxaa tan horraantii bishii Febraayo ee sanadkan ka socdo dagaallo qaraar oo u dhexeeyo Somaliland iyo SSC, kuwaas oo sababay dhimshada boqolaal qof, dhaawac ka badan kun qof, barakac iyo burbur xoogan oo soo gaaray magaaladaasi.

Somalia’s Puntland holds historic local elections

Garowe (Caasimada Online) – Somalia’s semi-autonomous state of Puntland, a region rich in oil, is currently in the throes of a historic transition toward democracy.

Despite ongoing security issues disrupting some areas, Puntland marked a significant milestone by conducting landmark local elections this Thursday.

These elections represent a notable departure from the past, as they are the first one-person, one-vote polls to be held in the embattled Horn of Africa nation in more than 50 years. The only exception being the breakaway region of Somaliland.

Despite the battles against a devastating Islamist insurgency and the relentless assault of natural calamities, including a severe drought pushing the country to the brink of famine, Somalia continues its struggle to rise from the rubble of decades-long conflict and disorder.

‘Global support’  

The country’s International allies have lauded the district council elections of Puntland, terming them as “historic.”

“The partners believe that Puntland’s experience with direct elections has the potential to inform and inspire the expansion of democracy across Somalia at all levels of government,” they expressed in a statement before the voting commenced.

However, the electoral process hasn’t been without its hurdles.

Polling in three of the region’s 33 districts, including the state capital Garowe, has been put on hold due to unspecified security incidents, according to a statement released by the Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC) on Wednesday.

The TPEC underscored its commitment to ensuring safety and resolving conflicts through dialogue in its statement.

They promised to announce the new dates for voting in the affected districts soon.

‘Volatile transition’

A recent report by the UN’s humanitarian agency OCHA elucidates the challenges faced in Puntland’s transition to the new electoral system, describing it as “volatile and fraught with obstacles.”

Historically, Puntland has had an uneasy relationship with the central government in Mogadishu since declaring autonomy in 1998.

However, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, elected by lawmakers a year ago, made a promising declaration this March.

He announced that the next national elections would employ universal suffrage, shifting away from the current complex indirect model.

This local election precedes a regional parliamentary poll slated for January 2024. As seven parties gear up for the race, some opposition politicians have voiced concerns about the integrity of the process.

They have accused state president Said Abdullahi Deni of manipulating the election procedure.

‘Constitutional controversy’

Deni’s term is set to conclude in January, and there are allegations that he might attempt to modify Puntland’s constitution to extend his mandate.

An opposition forum convened in mid-May strongly condemned any such attempt, especially at this crucial stage of the transition period, when the mandate of both parliament and government is nearing expiration.

In spite of these challenges, more than 387,000 voters have registered for the Puntland elections.

They will be choosing from a field of 3,775 candidates, including a significant 28 percent representation of women, according to the TPEC.

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta oo laba warbixin lagu soo bandhigay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigay laba warbixin oo muhiim ah.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, maadaama uu weli ra’iisul wasaaruhu safar ugu maqan-yahay dalka Masar.

Labada warbixin ee shirka diiradda lagu saaray midood waxaa lagu gorfeeyay xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan Beleweyne oo ay dhowaan ku dhufatay fatahaad xoogan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaana golaha u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay.

Sidoo kale warbixinta labaad ayaa looga hadlay imtixaanka shahaadiga ah ee ay sanadkan qaadeyso dowladda federaalka, kaas oo haatan aad loogu diyaar garoobayo.

Dhankeeda wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda kusoo hadal qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda gobollada dalka, kaas oo guul weyn laga gaaray.

Golaha ayaa boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, gaar ahaan guulihuu u dambeeyay ee ay ka soo hoyeen howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

“Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka kooxaha Khawaarijta iyo hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee nidaaminta Bajaajta caasimadda oo dhaqan galay maanta oo khamiis ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

FAAH-FAAHIN ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta maamulka degmada, kaas oo sababay khasaare u badan dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa bar ay gaadiidka ku baaraan ciidanka Boolis Milataaro oo ku taalla halkaasi, taas oo uu qaraxu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan illaa laba qof oo maray waddada dhinaceeda, kuwaas oo loola cararay mid kamid ah goobaha caafimaadka.

Sidoo kale waxaa goobta isla markii tegay ciidamada ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadaha u dhow halka uu qaraxu ka dhacay, balse ma jirto wax hadal ah oo ay illaa iyo hadda saraakiisha laamaha amniga kasoo saareen qaraxaas iyo howlgalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa guud meesha ay wax ka dhaceen, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka.

Waa qaraxii saddexaad ee magaalada Muqdisho lagula beegsanayo ciidamada booliska ee sida milatariga u tababaran ee lagu wareejiyay qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu qarxiyay isla degmada Kaxda iyo sidoo kale Dayniile.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay daganeyd xaaladda magaalada Muqdisho marka loo eego xilliyadii hore oo ay ka dhici jireen weeraro joogta ah.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabada uu qaaday madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay taageero u muujiyay isku dayga uu Madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taasi oo si weyn looga fal-celiyay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku bogaadiyay maamulka Deni hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka, oo lagu wado inay deegaanada maamulkaasi ka qabsoomto maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 25-ka May.

“Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore.

Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, taasi oo uu ku sheegay inay tahay “dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka.”

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba, Sidee ayaa looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday Farmaajo?

Cali Muxiyaddiin: “Waa mid ka mid ah calaamadaha hoggaamineed in la muujiyo dareenka dimoqraadiyada bulsho ku tallaabsatay mahadsanid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

“Puntlad waa midii aad shalay madaxa uga taagneyd, shalay ayay garab kaa rabtay. Dalkaan wuu ka reystay qaladkii dhacayna dib ayaa loo saxayaa Insha Allah,” ayuu yiri Diiriye Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka madaxweynihii hore.

Maxamuud Cabdi ayaa isna yiri: “Qofkasta oo afkaarta aad aaminsan tahay fuliya waa saaxiibkaa.”

Xasan Xuseen Abuukar: “Farmaajow doorasho adigu ha ka hadlin waxaa tahay ninkii dalka iyo dadka nabadda inta uyimid xabada kagabaxay Puntland’-na waxa ku gal-galanaya waa Deni-gii shalay aad cadka xaaraantaa ku tilmaamaysay waxaase ogaataa inaad ooga dartay xaalad daganayd ood neceb tahay daganaashaha Puntland iyo shacabkeeda.”

“Mudane Madaxwayme mahadsanid Puntland wa horseedka umda soomliyeed marksatana waa inay hogaasimsaa hayanka dimuqraadiyadeed,” ayuu yiri Maxamuud Xirsi.

Cabdiraxmaan ayaa isna yiri: “Puntland markaad xukunka joogtay waxaad ku aheyd caqabad horumaro badan oo ay sameysayna waxaad isku dayday inaad hor istaagto, hada oo aad wax xukun ahna aad heyn miyaad reer Puntland iskaga dhigeysa qof jecel?!!.”

Maxamed Dhagaafe Cilmi: “Waad mahadsan tahay Madaxweyne haddii aadan na cuna-qabatayn ee aad nala shaqayn lahayd hadda madaxweyne ayaad ahaan lahayd mida kale hal jaanis baa kuu haray kaalay Puntland oo tolow waan khaldamay inaad tiraahdo ha ka xishoon, anagu hada waxba kuuma qabno kii kaa danbeeyayna wado silic badan ayaan marin doonaa haka wal-walin.”

Maxamuud Khaliif Cali ayaa isna yiri: “Ku xumayn Xasan Sheekh ah baa ku haysa maahane wax faa’iido ah uma haysid umadda reer Puntland mudadii aad xafiiska joogtayna dadka adigaa ugu necbaa.”

“Mahadsanid Mudane, waxbadan waa cadaadisan Puntland ugu dambayn maanta ayadii baad bogaadinaysaa, halkaas waxaa ka cad inay saxnayd tubta horumar ee aan haynay,” ayuu yiri Saciid.

Khaalid Isaaq Xuseen: “Mudane Madaxweyne waad ku mahadsan tahay dhiirigelintaada wanagsani, haddan nahay shacabka soomaaliyed waxan jeclaan laheyn in talada gacanteyna dib loogu soo celiyo.”

Maxamed Qoorsuul: “Garab istaaga Saciid Deni kaama ahan jaceyl aad uqabto iyo Puntland midna kaliya waa hagardaamada aad la rabto Xasan Sheekh Maxamuud, waatii shalay lagaa fujin waayay sidii la ogaay dalka lagaaga saaray.”

Sawirro: Doorasho taariikhi ah oo ka socota Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaanada Puntland waxaa maanta oo ku beegan 25 May ee 2023 loo dareeray doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, taas oo ay si weyn ugu loolamayaan ururada siyaasadda ee ka jira Puntland.

Illaa 30 degmo ayay ka qabsoomayaan doorashooyinka, kuwaas oo ay saaka dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha cod-bixinta, si ay codadkooda u dhiibtaan.

Sida la filayo waxaa codadkooda dhiiban doonto qiyaastii illaa 319,000 oo qof (Sadex boqol 19 kun oo qof), inkastoo dadka is-diiwaangeliyay ay intaasi ka badan yihiin.

Sidoo kale waxaa doorashada loo diyaariyay 395 goobood oo la dhigay sanaadiiqda doorashada maanta ka bilaabatay Puntland oo ay ku tartamayaan illaa todobo urur.

Dhanka kale, waxaa la hakiyay doorashada saddex degmo oo kala ah Garoowe, Godobjiiraan iyo  Dangorayo, sababo la xiriira amniga, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Puntland, waxaana weli xiisad ay ka taagan tahay gobolka Nugaal.

Waxaa sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka oo la geeyay ciidamo dheeraad ah, waxaana bandow lagu soo rogay guud ahaan Puntland.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dhanka kale soo dhoweeyay bulshada rayidka Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saaray hannaanka wax ku socdaan.

Bulshada rayidka ayaa si weyn doorashadan waxa ay ugu bogaadisay maamulka, maadaama tallaabada horumarleh uu uu qaaday dhanka dimuquraadiyadda.

S kastaba, Puntland oo ah hooyada federaalka ayaa markii ugu horreysay qabaneysa doorasho qof iyo cod ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ay xujo kale ku noqon doontaa maamullada kale iyo xitta dowladda dhexe.

Amarkii maamulka gobolka oo ka dhaqan-galay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan-galay go’aankii kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ahaa jadwalka Mooto Bajaajyada ee A iyo B, kaas oo qorshihiisu in mudo ah soo socday.

Maanta oo ah 25 bisha May ee sanadka 2023 ayaa waxaa shaqeynaya Bajaajyada wata sumadda A, taas oo haatan si weyn loogu arkayo waddooyinka waa weyn ee caasimada, halka B ay iyaduna shaqo bilaabi doonto maalinta Jimcaha ee 26-ka May, taasi oo ka dhigan in mid walba ay shaqeyn doonto 24 saac, sida uu warbaahinta u la wadaagay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere).

“Waxaa lagu wargelinaya milkiilayaasha mooto bajaajyada ee u hoggaansamay awaamiirta, in laga bilaabo 25-ka May uu dhaqan-galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada Muqdisho ee ahaa A iyo B oo midba maalin uu shaqeynayo.” ayuu yiri afhayeenka gobolka.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Saacaddu marka ay tahay 5-ta arroornimo maalinta berri ah waxaa howl-galaya oo kaliya ama shaqeynaya Mootooyinka ku asteysan A, iyada oo maalinta xigta marka saacaddu tahay 5-ta arroornimo ay shaqeynayaan oo kaliya Mootooyinka ku asteysan B, sidaasna ay ku dhaqan-gashay inay Mootooyinka u kala shaqeeyaan A iyo B midba 24 saac oo ka bilaabaneysa 5-ta arroornimo.”

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shaaciyay i Bajaajta aan soo marin habraaca diiwaan-gelinta iyo midabeynta ee la qabto la ganaaxayo lacag dhan $100.

Halka Mooto Bajaajta diiwaan-gashan balse shaqeynaysa maalin aan loo asteyn la ganaaxayo lacag dhan $100, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir.

“Mooto-dii si iskeed ah u midabeysata ee qaadata lambar been abuur ah ee la qabto waxaa loo aqoonsanaya inay khatar ku tahay amniga, waxaana loo gudbinayaa laamaha amaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda kaga aadan.” ayuu mar kale yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Ujeedka ka dambeeya arrintan ayaa ah in lagu xakeemeeyo mootooyinka, isla-markaana la yareeyo ciriiriga ka jira waddooyinka waa weyn ee ku yaalla gudaha caasimada.

Si kastaba, amarkan ayaa waxaa markii hore dood weyn ka keenay Bajaajleyda, balse waxaa ku adkeystay maamulka gobolka Banaadir oo ugu dambeyn ka dhabeeyay go’aankii uu horay u soo saaray, kaas oo ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee loolanka loogu jiro Aqalka Cad

Washington (Caasimada Online) – Barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis ayaa si rasmi ah Arbacadii ugu dhowaaqay inuu u ordayo loolanka xubnaha Jamhuuriga ee xilka madaxweynaha Mareykanka , isaga oo kulan dadweyne ku qabtay Twitter Space.

“Waa inaan soo afjarnaa dhaqanka guuldarrada ee sanadihii dhowaa asiibay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu yiri DeSantis oo kumanaan qof ay dhageysaneyeen, oo uu ka mid yahay milkiilaha Twitter Elon Musk.

Intii uu socday kulanka, ayaa Twitter Space-ka waxaa asiibay cilad keentay in kumanaan qof ay ka baxaan khadka, oo uu ka mid yahay DeSantis, waxaana markii dambe barta wareegay hashtag #DeSaster.

Ku-biiritaanka loolanka Xisbiga Jamhuuriga ee DeSantis ayaa billaabeysa tartan adag oo dhexmari doono isaga iyo Donald Trump oo mar xulufo ahaa, kaasi oo looga adkaaday doorashadii 2020 ee lagu doortay Joe Biden.

Barasaabka Florida ayaa isku calaameeyey inuu yahay hoggaamiye shaqadiisa kasoo baxa oo mar is-hortaagay dowladda federaalka oo ay isku qabteen siyaasaddii COVID-19.

Waxa uu difaacay dadaalladii uu Florida uga mamnuucay in iskuullada lagu dhigo casharo ku saabsan aqoonsiga jinsiga qofka iyo cunsuriyad wadareedka, isaga oo sheegay inuu ka ilaaliyey caruurta siyaasadda bidixda fog.

Ayada oo magaciisa qaranka uu sare usii kacayo, islamarkaana haysta taageero dhaqaale oo xooggan, DeSantis oo 44 jir ah ayaa durba noqonaya ninka uu Trump kala kulmi doono loolanka ugu xooggan.

“Dowladdu ma ahan madadaalo ama inaad dhisto magacaaga,” ayuu yiri DeSantis oo u muuqda mid duraya Trump. Hase yeeshee marnaba ma xusin magaca Trump.

Trump oo 76 jir ah ayaanse ka gaban inuu ku jeesjeeso DeSantis, isaga oo duraya ololihiisa ku billowday ciladda qabsatay Twitter Space-ka.

Codadka ra’yiga ayaa muujinaya in Trump uu aad uga horreeyo DeSantis, ayada oo taageeradiisa Jamhuuriga ay laba mar ka badan tahay tan DeSantis.

VOA + REUTERS

Daawo: Ciidanka amniga oo howlgal culus ka sameeyay saddex degmo oo Xamar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay ciidamada dowladda Sfederaalka oomaaliya ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxaana fuliyay ciidamada Boolis Milataaro ee ku sugan caasimada.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay sidoo kale ka sameeyeen baaritaano dheeraad ah.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa ciidamada ay ku soo qabteen koox burcad ah oo bistoolad caag ku dhaceysay dadka deegaanka, kuwaas oo haatan lasoo xiray.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kormeer sameeyay ayaa ka warbixiyay howlgalladaas, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa in uu soo indha-indheeyo qaabka ay u howlgalayaan ciidanka.

“Waxaan kormeer ku tegnay dhowr degmo oo kala ah, Heliwaa, Yaaqshiid, deegaanka Daarusalaam iyo Kaaraan oo aan hadda joogno waxaan u kuur-galeynay sida degmooyinkaas aan soo marnay ay ciidamada ammaanka uga howlgalaayeen,” ayuu yiri.

Yabooh ayaa intaasi kusii daray in ciidamadu ay si wanaagsan u gudanayeen waajibaadkooda, isla-markaana ay baarayeen gaadiidka iyo dadweynahaba,

“Si qurux badan oo aad iyo aad aan ula dhacnay oo dhameystiran ayaa loo baaraayay gaadiidka,” ayuu sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada G/Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa indhowaanahan ka socday howlgallo culus oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo deganaasho nay ku dareemeen reer Muqdisho, maadaama ay yaraadeen falalkii ammaan darrida, sida weerarada qaraxyada, dilalka iyo falalka dhaca ah.

Sawirro: Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Turkiga ay usoo dirtay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray saraakiil sar-sare oo ka socda Booliska dalka Turkiga.

Wafdigan culus oo ka socda Booliska Turkiga ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Booliiska Soomaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan ay u yimaadeen  in ay booqdaan, Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowladda Turkigu tababarto, kuwaas oo qayb weyn ka qaatay amniga magaalada Muqdisho oo ay haatan ka howlgalaan.

Wafdiga oo ka koobnaa Afar sarkaal ayaa dhamaantood ka socday ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin:

1: Taliyaha özel Harekat

2: Taliyaha Arimaha Dibadda

3: Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda

Iyo Sarkaal katirsan özel harekat.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in booqashada wafdigan ay qaadan doonto muddo dhowr cisho ah, isla-markaana ay kulmi doonaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Turkiga ayaa haatan ah dalka koowaad ee milatariga ka taageero Soomaaliya, wuxuuna tababar siiyaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Si kastaba, Turkiga ayaa haatan wajaha doorashada adag oo la’isla aaday wareegga labaad, ayada oo dadka Soomaaliyeed ay taageero u muujiteen Recep Tayip Ordogan.

Hanti-dhowrka Qaranka oo ku guuleystay dib usoo celinta 5 gaari, kuna wareejiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 5 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska.

Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxa uu gawaaridan ku wareejiyay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, oo markii hore asal ahaantood lahaa.

“Iyadoo ay wali socdaan dadaallada dib loogu soo celinayo gaadiidka ka maqan hay’adaha DFS, ayaa Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku waxa uu ku guuleystay inuu ku wareejiyo Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka shan gaari oo horay gacantooda uga maqnaa.”

Hanti-dhowrka ayaa sidan oo kale 14-kii bishaan ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 10 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna Wasaaradda Waxbarasahda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, uuna ku wareejiyay.

Arrimahan ayaa imanaysa, xilli Hanti-dhawrka guud uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta ama u haysan karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hay’adaha dowladda ee la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’adahaasi inay dib u soo celiyaan sida ugu dhaqsaha badan, “waa in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.”

Si kastaba, Hanti-dhawrka Guud oo muddooyinkii dambe ka shaqeynayay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uu dib ugu soo celiyo gacanta hay’addihii asalka u lahaa, ayaa waxa uu shaaciyay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.”