31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Wasiirkii hore ee qorsheynta Galmudug oo ka digay qorshe uu wado Axmed Qoor Qoor

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ahna Musharax u taagan tartanka doorashada madaxtinimo ee Galmudug 2024, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud (Qaaf) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ka digay qorshaha muddo kororsiga ee madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ).

Cabdikaafi ayaa sheegay muddada halka sano ah ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug uu ugu kordhiyay Qoor Qoor ay tahay mid ka soo horjeeda Dastuurka iyo heshiiska beelaha wada dega Galmudug, taasoo uu sheegay inay horseedeyso qalalaase siyaasadeed, amni darro iyo fowdo.

Baarlamaanka Galmudug ayaa fadhi uu yeeshay 13-kii bishii September sanadkii 2022-kii waxay muddo xileedka madaxtinimada Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ahayd muddo 4 sano ah taasoo ku eg 2 Febraayo sanadka 2024 ka, ku kordhiyey muddo 1 sano ah wuxuuna ka dhigay muddo 5 sano ah.

Musharax Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin, kana soo horjeeda dastuurka iyo nidaamka dimoqraadiga, wuxuuna shacabka Galmudug iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka uu ku wargeliyay in wixii dhibaato ah iyo qalqal siyaasadeed ee ku yimaada hanaanka dowladnimo ee Galnudug uu masuuliyadeeda qaadi doono Axmed Qoor Qoor.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ahna Musharax u taagan tartanka madaxweyne ee Galmudug ayaa sheegay in muddadii uu kursiga ku fadhiyay Qoor Qoor ay dib u dhac la kulantay Galmudug, gaar ahaan adeegyada bulshada ee laga maarmaanka ah.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka Galmudug inay kasoo horjeestaan muddo kororsiga Qoor Qoor taasoo uu tilmaamay inay ka soo horjeedo Dastuurka iyo heshiiska Beelaha wada dega Galmudug.

Aweys Foodeey
Nairobi, Kenya

DF Somalia oo soo saartay bayaan cusub oo lagu soo bandhigay dhowr qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku soo bandhigeyso waxqabadka dowladda ee toddobaadkan, kaasi oo lagu soo qaatay safaradii u dambeeyay ee madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, howl-galada iyo halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Bayaankaan oo qodobeysan ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, waxaana ciwaan looga dhigay “Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS.” – Hoos ka aqriso

  • Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta Muqdisho ka furmaya, loogana hadli doono qorsheyaal muhiim u ah dalka.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta uga waramey horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab, qorshaha ciidammada Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, deyn cafinta iyo xasilinta dalka.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sidoo kale Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ka sheegay inuu soo dhoweynayo dib ugu soo noqoshada ururka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, isagoo dhanka kalena ku celiyay baaqii ahaa in dhinacyada isku haya Suudaan ay colaadda joojiyaan, wadahadalna ku xaliyaan khilaafkooda.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Jeddah kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgashey Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.
  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dooxa kulan miradhal ah kula yeeshay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Thaani.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada Qatar uga waramey fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
  • Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kula kulmey saraakiil ciidan Soomaaliyeed oo tababar uga socdo Qatar, isagoo ku booriyay inay isku diyaariyaan ka qeyb ahaanshaha hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sandadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika.
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada.
  • Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa agaasimeyaasha guud iyo maareeyeyaasha haya’adaha dowladda farey kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, una sheegay in xukuumaddu muhiimad gaar ah siinayso hufnaanta adeegyada bulshada.
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad si rasmi ah loogu shaacinaayey macalimiinta kuy guuleysatey barnaamijka shaqaaleynta macalimiinta cusub ee dugsiyada dowladda.
  • Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya.
  • Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York halkaas oo uu ka dhacayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka Bariga Afrika ee abaaraha ay saameeyeen.
  • Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay qeybta koowaad ee kulanka wadatashiga diyaarinta istiraatiijiyadda qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka.
  • Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay shixnad ciidan oo ku socotey Khawaarijta Al-Shabaab.
  • Ciidamada Booliiska Degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan.
  • Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno ku ridday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febraayo ee sanadkaan.
  • Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa furay kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka caddaaladda iyo asluubta ee ay dhawaan Golaha Wadashiga Qaran heshiis ka gaareen.
  • Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ka daah-furay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya.
  • Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ayaa ka dhacay Muqdisho.
  • Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameystey tababar heerkiisa aad u sareeyo.
  • Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa bin Jassim Al Kuwari.

Mareykanka oo liiska madow ku daray 26 Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Mareykanka ayaa maanta liiska madow ku dartay xubno kale oo ka mid ah ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad xiriir la leh kooxda.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha liiska madaw lagu daray ay ka mid yihiin:

Maxamed Siidow oo Mareyanku sheegeen inuu yahay amiir dhinaca maaliyadda ah oo ka tirsan ciidanka jabhadda ee Al-Shabaab; Cali Yare oo la sheegay inuu yahay amiir kale oo dhinaca maaliyadda ah oo qaabilsan inuu canshuuraha Al-Shabaab uga ururiyo tuullada Beledul Amiin ee gobolka Shabeellada Hoose; Maxamed Dauud Gabaane oo isna la sheegay inuu Al-Shabaab mas’uul uga yahay hawlaha canshuuraha degmada Wanlaweyn.

Waxaa kale oo xubnaha uu Mareyanku ku daray liiska madow ku jira Suleiman Cabdi Daoud oo ah amiirka maaliyadda ee iyo amiirka degaanka Beledul Amiin, iyo kormeerka maxkamadda Al-Shabaab ee ganaaxa ururisa.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa isna la sheegay inuu yahay guddoomiyaha Al-Shabaab ee Diinsoor, waxaana lagu eedeeyey inuu mas’uul ka yahay weeraro lagu qaaday rayidka.

Sidoo kale waxay dawladdu Mareykanku maanta sheegtay inay liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mid ah Al-Shabaab iyo hay’ado lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin ururka. 

Dadka la bartilmaameedsaday waxaa ku jira 15 qof oo la sheegay inay fududeeyaan maaliyadda ururka, afar ka ganacsada dhuxusha sharcidarrada ah iyo toddoba hay’adood oo ku xiran.

Xubnahaas kalena waxaa ku jira Xasan Abshir Xuurow oo Mareyanku sheegay inuu hoggaaminayey koox Al-Shabaab lacagta uga ururiisay rayidka Kismaayo, Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim) oo Mareyanku sheegay inuu Al-Shabaab hanti uga ururiyo Shabeella Hoose iyo Mumin Dheere (Dheere) iyo Macalin Burhaan oo Mareykanku sheegay inay kala yihiin ku-xigeenka amiirka deegaanka Wayanta oo tirsan Shabeellada Hoose. 

Xubnaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah; madaxa xisbada Al-Shabaab ee isla degaankaas, iyo 14 qof oo kale oo iyagana lagu eedeeyey dhaqaale u ururiyeen Al-Shabaab iyo 9 ka ganacsiga dhuxusha, iyo shirkado.

Soomaaliya iyo 2 dal oo kale oo helay kaalmo dhaqaale oo $2.3 BILYAN

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta ka qayb-galay shir heerkiisu sarreeyo oo dhaqaale loogu aruurinayey waddamada geeska Africa, gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Saddexdan dal ayaa waxaa saamayn ku yeelatay abaar ka dhalatay shan xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in intii Gu’gan ka horreysay, iyo sidoo kale fatahaadda ka dhalatay roobabka Gu’ga oo saameeyey qaar kamid ah gobolada dalka.

Shirkaan oo si wadajir ah u soo agaasimeen dowladaha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Qatar iyo ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan isku dubaridka gargaarka UN-OCHA ayaa waxay deeq-bixiyeyaashu ku ballan-qaadeen bixinta gargaar lacageed oo gaaraya 2 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo dollar ($2.3B).

Kaalmadan cusub ayaa waxaa loogu talo-galay in lagu taageero dadka ay abaaruhu horay u saameeyeen ee dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Shirkan oo socday muddo kooban ayaa waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka jeediyey khudbad koobeysey saamaynta xaaladahani ku reebeen dadka Soomaaliyeed ee nugul iyo hab nololeedkooda sida beeraha, xoolaha iyo dhammaan kaabayashooda nololeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shirweynahan la wadaagtay waxyaabaha qeybta ka ah abaaraha soo noq-noqday iyo isbeddelka cimiladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

 

Maamulka gobolka oo ku dhawaaqay ‘arrin berri ka dhaqan-gelaysa’ Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in maalinta Khamiista ee berri ah uu caasimada ka dhaqan-gelayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada magaalada Muqdisho ee ahaa A iyo B.

Bajaajyada wata sumada A ayaa 25-ka May oo berri ah ka shaqeyn doona magaalada Muqdisho, halka B iyaduna ay shaqo bilaabi doonto maalinta Jimcaha ee 26-ka May, taasi oo ka dhigan in mid walba ay shaqeyn doonto 24 saac, sida uu warbaahinta u la wadaagay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in lasoo gaba-gabeeyay howsha midabeynta Mooto Bajaajta, ee looga dhigayay A iyo B, islamarkaana wixii ka dambeeya hadda ay ganaax lacageed mudan doonaan Bajaajyada aan weli marin nidaamkaasi.

“Iyada oo la fulinayo oo la meel-marinayo go’aankii gobolka Banaadir ee ahaa in 24-ka May oo maanta ah ay ku eegtahay diiwaan-gelinta iyo midabeynta Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho, ayaa waxaa lagu wargelinaya milkiilayaasha mooto bajaajyad u hoggaansamay awaamiirtaas, in laga bilaabo 25-ka May uu dhaqan-galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada Muqdisho ee ahaa A iyo B oo midba maalin uu shaqeynayo.”

“Saacaddu marka ay tahay 5-ta arroornimo maalinta berri ah waxaa howl-galaya oo kaliya ama shaqeynaya Mootooyinka ku asteysan A, iyada oo maalinta xigta marka saacaddu tahay 5-ta arroornimo ay shaqeynayaan oo kaliya Mootooyinka ku asteysan B, sidaasna ay ku dhaqan-gashay inay Mootooyinka u kala shaqeeyaan A iyo B midba 24 saac oo ka bilaabaneysa 5-ta arroornimo.”

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in Mooto Bajaajta aan soo marin habraaca diiwaan-gelinta iyo midabeynta ee la qabto la ganaaxayo lacag dhan $100.

Halka Mooto Bajaajta diiwaan-gashan balse shaqeynaysa maalin aan loo asteyn la ganaaxayo lacag dhan $100, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir.

“Mooto-dii si iskeed ah u midabeysata ee qaadata lambar been abuur ah ee la qabto waxaa loo aqoonsanaya inay khatar ku tahay amniga, waxaana loo gudbinayaa laamaha amaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda kaga aadan.”

Ugu dambeyntiina maamulka gobolka Banaadir ayaa faray Nootayooyinka in aysan kala wareejin karin Mooto Bajaaj, islamarkaana “haddii ay timaado kala gadasho Mooto ay tahay in lagu soo wargeliyo waaxda gaadiidka ee dowladda hoose,” si loo beddelo milkiilihii hore, maadaama lagu diiwaan-geliyay markii hore.

UN chief appeals for immediate funding for Horn of Africa

New York (Caasimada Online) – In an impassioned plea, Antonio Guterres, the UN Secretary-General, has urged nations to act promptly to avert a looming catastrophe in the Horn of Africa.

According to Guterres, the region, comprising countries such as Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Somalia, South Sudan, and Sudan, is battling its most severe drought in 40 years.

The Horn of Africa has been grappling with this devastating drought since late 2020, and the situation has progressively worsened.

Five consecutive seasons devoid of rain have resulted in desolated crops and the death of millions of livestock.

This disaster has plunged over 43 million individuals in Somalia, Ethiopia, and Kenya into desperate need of immediate and significant assistance for their survival.

In a startling revelation by the UN’s humanitarian agency, OCHA, over 23.5 million people are surviving under acute food insecurity conditions in Ethiopia, Kenya, and Somalia.

Moreover, in Somalia, 6.7 million people are struggling to find food, and displaced individuals have risen to a staggering 3.8 million.

The situation is further exacerbated, with over half a million children suffering severe malnutrition.

Climate crisis: An unpaid debt

Climate scientists from the World Weather Attribution (WWA) group have strongly linked the drought to greenhouse gas emissions’ effects in an April report.

“People in the region are paying an unconscionable price for a climate crisis they did nothing to cause,” commented Guterres, highlighting the injustice of their plight.

In a recent New York conference, Guterres expressed dissatisfaction with the current level of funding for the region.

He stated that only 20 percent of the UN’s humanitarian response plan for the Horn of Africa was funded, amounting to a meager $1.63 billion pledged.

“Without an immediate and major injection of funding, emergency operations will grind to a halt, and people will die,” Guterres cautioned.

The Secretary-General appealed for global solidarity and an urgent donation of $7 billion to help those in need across the region, reminding everyone of last year’s successes.

Guterres mentioned, “Last year, donor countries delivered vital help to 20 million people in the region and helped avert a famine.”

First signs of hope

The conference witnessed a step in the right direction with Islamic Relief Worldwide, a British-based NGO, pledging $18 million to alleviate the crisis.

Despite this encouraging development, the overall response to the drought remains woefully insufficient.

Guterres ended his appeal with a call for immediate action, saying, “We owe them solidarity.

We owe them assistance. And we owe them a measure of hope for the future. This means immediate action to secure their survival.

And it means sustained action to help communities across the Horn adapt and build resilience to climate change.”

Puntland oo hakisay doorashada Garoowe iyo laba degmo oo kale

0

Garoowe (Caasimada Online) –  Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in xaalad amni oo soo korodhay darteed loo hakiyay doorashada degmada Garoowe, ee qorshuhu ahaa inay ka qabsoomto maalinta berri ah.

Sidoo kale waxaa la hakiyay doorashada dowladaha Hoose ee degmooyinka Dangorayo iyo Godobjiraan, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland.

“Guddiga markuu arkay xaalada amni iyo dhacdooyinka amniga la xiriiray ee ka dhacay degmada Garoowe, islamarkaana uu guddiga uu qiimeyn ku sameeyay xaalka guud ee shaqada doorashada degmooyinkan waxa uu hakiyay doorashada 25-ka May ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa waxa uu qiray muhiimada ay leedahay deganaanshaha iyo in wada-hadal lagu xaliyo waxkasta lagu kala duwan yahay oo la xiriira doorashada dowladdaha Hoose ee saddexdaasi degmo.

“Guddiga wuxuu awood u leeyahay joojinta qeyb ahaan ama dhamaan doorasho degmo ama gobol markasta oo ay dhacaan dhacdooyin lama filaan ah ama ay dhacaan isbedelo la xiriira nidaamka guud oo sababa in la hirgalin waayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu go’aaminayo maalinta sii wadida howlihii doorashada ee hakaday kadib marka uu la tashado hay’addaha dowladda ee ay khusayso iyo ururada siyaasadda.

Doorashada golaha deegaanka ayaa waxay maalinta berri ah ka dhaceysa degmooyinka kale ee horey loo qorsheeyay kuwaasi oo gaaraya illaa 30 degmo, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii ciidamo maleeshiyaad ah oo ka amar qaata siyaasiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen qabsoomida doorashada ee saddexdaasi degmo.

Si kastaba, Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa doorashada saddexda degmo ee ku jirto Garoowe u hakiyay, si aanay saamayn ugu yeelan doorashooyinka kale ee ka dhacaya degmooyinka kale ee Puntland, kuwaasi oo loo dareerayo maalinta berri ah.

Muuse Biixi oo safiirka UK la wadaagay go’aan cusub oo la xiriira DAGAALKA

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka cusub ee dowladda UK ee arrimaha Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis, oo howl shaqo ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan ayaa waxaa lagaga wada-hadlay qodobbo dhowr ah oo ay kamid yihiin sidii dowladda Ingiriiska iyo Somaliland sannadkan gudihiisa ay u daah-furi lahaayeen mashaariicda labada dhinac iska kaashadeen ee Berbera Corridor iyo horumarinta dekedda Berbera.

Sidoo kale, waxa shirka lagu lafo-guray mashaariicdii hore u socday ee la xidhiidhay arrimaha bulshada ee dowladda Ingiriisku ka taageeri jirtay Somaliland in la sii dardar-geliyo kuwii socday iyo kuwa cusubba.

Kulankan ayaa waxa kale oo lagaga hadlay arrinta dagaalka ka taagan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadda sii daba dheeraaneysa ee halkaasi ka taagan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu safiirka la wadaagay in marwalba ay ka go’an tahay xukuumadda uu hoggaamiyo xabbad-joojin, diyaarna ay dowladdu u tahay nabad.

Ugu dambeyntiina waxaa kulankaan looga hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh, oo muddooyinkii dambe uu ka dhashay khilaaf la xiriira qorshaha xukuumadda ee doorashooyinka.

Muuse Biixi ayaa safiirka wuxuu u sheegay inay si habsi leh u socdaan hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku, sida shaqada daabacaadda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha.

Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinaayey wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Dhinaca wefdigana waxa safiirka ku wehlinaayey masuuliyiin kale oo ka socday xafiiska horumarinta UK ee Somaliland.

U.S. airstrike targets head of Al-Shabab external operations

Mogadishu (Caasimada Online) – The most recent U.S. airstrike against the militant group, al-Shabab in Somalia, targeted its chief of external operations, according to two informed sources, one of whom is a defector from the extremist organization.

Moallim Osman, the veteran military commander known for coordinating the influx of foreign fighters into Somalia, was confirmed as the intended target by former al-Shabab official Omar Mohamed Abu Ayan and substantiated by the Somali Ministry of Information.

According to a Tuesday statement from the Ministry, Osman has played a significant role in fortifying al-Shabab’s ranks by managing foreign fighters’ entry into the war-torn country.

A resilient target

Despite the U.S. mission’s explicit intent, the strike did not achieve its ultimate goal. Lieutenant Commander Timothy S. Pietrack, a U.S. Africa Command (AFRICOM) spokesperson, indicated that the al-Shabab leader had survived the attack.

“U.S.-AFRICOM has determined that one al-Shabab leader was injured as a result of the operation,” Pietrack said on Tuesday.

The operation occurred in Jilib, a recognized al-Shabab stronghold roughly 385 kilometers southwest of the Somali capital, Mogadishu.

The U.S. command’s initial appraisal suggested no civilian casualties, according to an official AFRICOM statement.

An Infamous track record

Moallim Osman, the veteran al-Shabab commander, has held various prominent roles within the extremist group, even serving as defense chief.

His active role in orchestrating al-Shabab’s deadliest assault on peacekeepers in Somalia back in January 2016 has been acknowledged by anonymous Somali officials.

Reportedly, over 140 Kenyan troops were killed during the assault on an African Union military base in El Adde, a region that coincidentally serves as Osman’s hometown.

Following the devastating attack, Kenyan forces vacated the base, an action uncontested by the Kenyan government.

In his current capacity, Osman oversees al-Shabab’s attacks in Kenya, where the group has repeatedly struck against security forces over the years.

He also directed the group’s strategic incursion into eastern Ethiopia last July.

This latest U.S. action against al-Shabab coincides with an important diplomatic event.

Mahad Salad, the director of Somalia’s National Intelligence and Security Agency, was reportedly in the United States to engage with Pentagon, CIA, and FBI officials.

These crucial discussions, revealed by a source familiar with the visit but wishing to remain anonymous, were centered on strengthening security and counterterrorism cooperation between the two nations.

Wararkii ugu dambeeyay qorshaha muddo kororsi ee hay’adaha dowladda federalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankan ayaa waxa uu guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha la yeeshay guddiga madaxa-banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG ah.

Guddigan ayaa xog-wareysi ku saabsan waxqabadkooda la yeeshay guddiga madaxa-banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG, iyada oo intaasi kadibna ay guddiga weydiiyeen su’aalo ku saabsan warbixintooda.

Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ayaa ugu mahad-celiyey xubnaha ka socday guddiga madaxa-banaan warbixintooda wanaagsaneyd ee ay siiyeen guddigooda.

Kulankaan ayaa qeyb ka dadaalka uu guddiga wax bedelka muddo xileedka Labada Aqal ee BF ugu jiro sidii hawlaha guddiga uu u xilsaaray Baarlamaanka uu ugu noqdo dhameystir, maadaama la doonayo in golaha la horgeeyo kalfadhiga 3-aad ee golayaasha.

Qorshaha guddigan lagu magacaabay ayaa waxaa hore uga dhashay dood xoogan iyo falcelin, kaasi oo lagu tilmaamay muddo kororsi ay waddo dowladda federaalka, oo lagu karkarinayo Baarlamaanka, si wax ka beddal loogu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda.

Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afar sano.

Si kastaba, Arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay xubnaha mucaaradka oo ka digay in haatan lagu dhaqaaqo muddo kororsi horleh, ayada oo aysan jirin sababo keeni karo.

DF oo shir deg deg ah ku qabatay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sareeyo, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayey xaalada adag ee ka jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulankaan oo goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa waxaa ka qeyb-galay dhamaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka, ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii dadka ku barakacay fatahaada gargaar loo garsiin karo.

Sidoo kale waxaa kulankaan ay dhinacyadu ku lafa-gureen sida la iskugu duwi karo howlaha gargaarka, ee ku aadan xaalada adag ee ka taagan magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha hay’adda ayaa dhamaan masuuliyiinta iyo wakiilada uu la kulmay ee ka socday hay’addahan kaga warbixiyey xaalada magaladaas, madaama uu booqasho dhowr maalin qaadatay uu ku tagay Beledweyne .

SODMA ayaa tudabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna tala-galay shacabka dhibatada ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Beledweyne iyo deeganada ku xeeran.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne.

Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.

Sawirro: DENI oo qaaday tallaabo cajiib ah ka hor doorashada berri dhaceysa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xaafadaha degmada Badhan ka sameeyay olole cajiib ah, oo codka ugu raadinayo Urur Siyaasiyadeedkiisa KAAH.

Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ayaa baahisay madaxweyne Deni oo sidoo kale ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH oo albaabada u garaacaya qaar kamid ah dadka xaafadaha degmadaasi, ee u diiwaan-gashan inay ka qeyb-galaan codbixinta berri ka dhacaysa maamulkaasi.

Saciid Deni ayaa weydiistay bulshada uu la kulmay in ay u codeeyaan urur siyaasadeedka KAAH.

“Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH.

Tallaabadan uu maanta qaaday ayuu madaxweyne Deni ku tilmaamay “guul weyn oo taariikhi ah,” maadaama isaga oo madaxweynihii maamulka ah uu cod ka raadinayo bulshada, uguna tegayo xaafadaha.

“In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaynu suntaynaa Taariikh cusub oo soo noolaysay Rajada Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Rajada u weyn ee dalkeenu waa in dadku codeeyo. Guul Inshallah.”

Si kastaba, Puntland ayaa waxaa la filayaa in beri ay ka bilaabato codeynta doorashada qof iyo codka ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka, ayada oo mucaaradka lagu qanciyay in doorashada ku dhacdo si nabdoon, kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.

Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho iyo laba mas’uul oo ka maqan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maaanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana goobjoog ah madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, HirShabelle Cali Guudlaaw, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Sidoo kale waxaa shirka ka maqan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo weli khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana fashilmay isku dayo lagu doonayay in looga soo geliyo shirka maadaama ergo loo xilsaaray.

Saciid Deni ayaa haatan ku jira tartan doorasho oo adag, maadaama ay beri Puntland ka bilaabaneyso doorashada golaha deegaanka ee maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale mdasha ka maqan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo isna haatan safar shaqo ku joogo magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb-galayo shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay dalkaasi.

Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana Puntland ku jirto doorasho, dowladddana dhexana ay ku howlan tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda.

Ganacsato loo haysto kiis xasaasi ah oo la horgeeyay Maxkamadda G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu  Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay ganacsato iyo shirkado loo haysto kiis xasaasi ah, kuwaas oo maalmo kahor lagu soo qabtay howlgal qorsheysan uu ka dhacay Bakaare.

Ganacsatadan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay iibanayeen raashin iyo cabitaano dhacay, kuwaas oo halis ku ah bulshadeena.

Sidoo kale xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in ganacsatadan iyo shirakadaha ay jawaano iyo taariikh cusub siiyeen cunooyinka iyo cabitaanada dhacay.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaaditr 9 eedeysane iyo shirkado lagu soo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay, ayaga oo jawaano iyo taariikh cusub siinaya,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-ilaalinta.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Marka ay baarista soo dhammaato waxa uu xafiiska eedooda u gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh”.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale digniin culus u diray cid kasta oo ku howlan kaydinta iyo ka ganacsiga raashinka dhacay oo halis ku ah bulshada.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa farriin gaar ah u diray dadweynaha Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay inay arrintaan kala shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

‘Wuxuu xafiisku ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo soo afjaro falalka khatarta ku ah bulshada,” ayaa markale yiri qoraalka.

Ugu dambeyn Xeer Ilaalinta ayaa boggaadisay dadaalka hay’adaha ammaanka ee dowladda oo howlgal ay ka sameeyeen Bakaaraha kusoo qabtay ganacsatada la geeyay maxkamada.

 

 

Sanaadiiqda doorashada PUNTLAND oo la weeraray

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobollka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay dhaceen qaar kamid ah sanaadiiqda cod-bixinta doorashada Puntland oo la filayo inay beri ka dhacdo deegaanada maamulkaasi.

Ciidamadan oo ka gadoodsan qaabka loo wado doorashada ayaa lagu soo warramaya inay waddada u galeen gaadiid sanaadiiqda u waday degmada Burtinle iyo hareeraheeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan oo taageersan xubno kamida mucaaradka ay qabsadeen sanaadiiqda, isla-markaana ay la wareegeen kahor inta aan la geynin goobaha loo waday, si ay codadkooda ugu ridaan dadweynaha ka qaybgalaya doorashada degaanka.

Sidoo kale muuqaal ay soo duubeen ciidamada dhacay sanaadiiqda ayaa waxa ay ku sheegeen in syan aqbali doonin doorashooin boob ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal u hadlay ciidamadan ayaa sidoo kale xusay inay ka tirsan yihiin ciidamada gaarka ee Danab, wuxuuna ku dooday inay u istaageen ka hortagga doorasho aan lagu wada qanacsaneyn oo ka dhacda Puntland, oo sababi karta rabshado iyo gacan ka hadal.

“Waxa aan u sheegeynaa Bulshada Reer Puntland innaga oo katirsan Ciidanka Kumaandooska Danab horayna uga soo horjeesanay doorashada lagu muransan yahay ee boobka ah ee qof iyo goriga ah ee ciidanka lagu gelinayo, waxaa caawa gacanta ku dhignay in badan oo kamid ah sanaadiiqdii Codbixiyaasha iyo warqadihii codbixiyaasha ee deegaanka burtinle & tuulooyinka hoos yimaada” ayuu yiri sarkaalka.

Dhanka kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo ku aadan dhacdadaasi, waxaana haatan ah xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalada oo ka dhalatay muranka doorashooyinka qof codka ah ee maamulkaasi oo ay isku hayaan Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa la filayaa inay beri dhacdo doorashada, waxaana Booliska Puntland uu bandow kusoo rogay guud ahaan maamulkaasi.

Ganacsade Daahir Xuseen oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan wiil dhalinyaro ahaa ugu geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Daahir Xuseen Maxamuud oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxo hubeysnaa bistoolada ay marxuumka ku dhex dileen goobtiisa ganacsi oo ku taalla xaafadda Mac-macaanka ee Dharkenley.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Marxuum Daahir Xuseen Maxamuud uu sidoo kale dhowaan ka soo qalin-jebiyay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Goobta uu dilka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falka dilka ah ee loo geystay wiilkaas dhalinyarada ah.

Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan oo ku soo aaday, xilli maalmihii lasoo dhaafay amniga caasimada uu ahaa mid xasilan.

Arrintan ayaa ku timid, kadib qorshe cusub oo ay la timid dowladda federaalka, kaas oo wax looga qabanayo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ammaanka ayaa qayb ahaan waxaa lagu wareejiyay ciidamo Boolis-Milataaro ah oo dhowaan lagu soo tababaray Uganda, kuwaas oo la dhigay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Waxaa sidoo kale jira guluf kale oo ay dowladdu ku qaaday Al-Shabaab, kaas oo ka socda gobollada dalka, isla-markaana lagu jebiyay kooxda oo laga saaray dhul ballaaran.

Safiirka MAREYKANKA oo dhaliil culus u jeediyey DENI

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kula taliyay in uu ka qeybgalo shirarka madaxda Soomaaliya oo waxa uu tabanayo uu halkaa ka sheego.

Safiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay heshiis ka gaaraan awoodaha iyo mas’uuliyada ay kala yeelanayaan labada heer ee dowladda.

Danjire Andre ayaa sheegay in sannadkii iyo barkii uu Soomaaliya joogay ay wax badan iska beddeleen xaaladaha waddanka.

Danjiraha oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa yiri: “Waxaa aad muhiim u ah in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto awoodaha iyo shaqooyinka ay kala yeelanayaan maamullada iyo dowladda dhexe. Si taa loo helo, waxaa muhiim ah in ay dhacaan shirar wadaxaajood, sida kan madasha qaranka oo ay iska dhex arkaan Soomaalida oo dhan. Waxaan jeclaan lahaa in kulamadaas kursi looga banneeyo Somaliland.”

Hase yeeshee safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba uusan madaxweyne Deni ku raacsanayn inuu ka maqnaado kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

“Kuma raacsani oo xitaa waan u sheegay Madaxweyne Deni in kulamadaas ay ka maqnaato Puntland. Maamul goboleedkaas waxa uu ahaa mid Soomaaliya ka tirsan oo si habsami leh u shaqeynayey muddo 25 sano ah. Waxa uu leeyahay qiso muhiim ah oo uu la wadaagi karo Soomaaliya inteeda kale.”

Deni ayaanan ka qeyb galin shirkii Golaha ee bishii Maarso ka dhacay magaalada Baydhabo. Madaxweynayaasha afar dawlad goboleed oo uusan ku jirin kan Puntland iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa shirkaasi ka qeyb galay.

“Si guul buuxda looga gaaro Soomaaliya, waxaa muhiim ah in Puntland ay qeyb ka tahay. Waxaan Deni u sheegay in xitaa haddii uu ka baaqdo kulamada uu muujiyo aragtida uu ka qabo arrimaha masiiriga laga hadlayay. Laba goor ayaan arrintaa kala hadlay, wax jawaab ahna ima uusan siin,” ayuu yiri danjire Andre.

Bilowgii sannadkan ayuu soo shaac-baxay khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland kaddib markii Puntland ay soo saartay bayaan muran dhaliyay kaas oo tibaaxayay in dowladda dhexe in ay “hagardaamo” ku waddo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

Sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.”

Danjiraha oo ka hadlayay qibradda uu u leeyahay Soomaaliya iyo markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya tago ayaa yiri:

“Waxaan Soomaaliya markii ugu horreysay booqday sanadkii 2001. Haddii aan isbarbar dhig ku sameeyo sidii ay Soomaaliya ahayd 22 sano ka hor iyo maanta, horumar badan ayay samaysay. Waxaan si weyn ugu kalsoonahay in Soomaaliya ay si buuxda u soo kaban doonto. Waxaase jira dhibaatooyin dhanka dowladnimada ah, amniga ah, bani’aadannimada ah maadaama ay dhacday abaar aan nooceeda horay looga arag Soomaaliya.”

“Dowladda heerarkeeda gobol iyo Federaal ayaa ka shaqeynaya wax ka qabashada arrimahaas, iyadoo gacan ka helaysa saaxiibbadeeda caalamiga ah. Markii aan Soomaaliya tegay January 2022, dalka waxa uu ku jiray xaalad adag, siyaasad xumo awgeed. Bilhii ka horreeyay, waxaa muuqday astaamo u eg kuwii 1990-kii, oo hub urursi iyo rabshado ayaa ka socday wadooyinka.”

“Khatarta ugu weyn ee Soomaaliya haysatay waxa ay ahayd qalalaaso siyaasadeed. Tan iyo sanadkii hore, waxaan aragnay hawlo wanaagsan oo laga qabtay dhinaca dowlad dhiska, kulamo joogto ah oo u dhexeeya madaxda Soomaaliya iyo dhanka amniga oo ay ciidamada Soomaaliya madax bannaanida dhuleed ku soo celiyeen 1/3 dhulkii uu haystay ururka Al-Shabaab.”

Isha: BBC

PUNTLAND oo jawaab ka bixisay qoraalkii FARMAAJO

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo war qoraal ah soo saaray ayaa jawaab ka bixiyay qoraalka madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay doorashooyinka maamulkaasi.

Jibriil ayaa marka hore qoraalkiisa ugu mahadceliyay Farmaajo oo si weyn u boggaadiyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee beri ka bilbaaneysa deegaanada Puntland.

“Wuu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalayada uu shacabka iyo Dawladda Puntland hawada usoo mariyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku boggaadiyay teegeerada uu u muujiyay doorashooyinka qof iyo codka ah iyo dimuquraadiyadda Puntland.

“Waxaan lee yahay Madaxweyne Waan kugu bogaadinaynaa inaad taageertay barnaamijka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland , Mahadsanid Mudane Madaxweyne guulayso adiguna markale.” ayuu mar kale qoraalka ku yiri guddoomiyihi

Farmaajo oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer Federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, maadaama ay tahay dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed” ayuu yiri.

Puntland ayaa waxaa la filayaa in beri ay ka bilaabato codeynta doorashada qof iyo codka ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka taas oo ay ku tartamayaan ururada.

Maxaa ka jira in Karatay uu khilaaf uga maqna shirka Abu Cubeyda kasoo muuqday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan deegaan kamid ah gobolka Jubbad Dhexe ku qabsatay shirweyne wada-tashi oo looga hadlayay wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika.

Shirweynahan ayaa waxaa kasoo dhex muuqday qaar kamid ah madaxda sare ee kooxda iyo Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda, sida ay muujinayaan sawiro iyo muuqaalo ay baahisay warbaahinta kooxda.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa kasoo muuqan oo ka maqna Mahad Karataay iyo madax kale oo kamid ah hoggaanka kooxda Al-Shabaab, taasi oo keentay in dad badan isweydiiyaan sababta ka dambeysa inay kasoo muuqan waayan shirweyne intaas le’eg oo ay qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Arrintan ayaa imaneysa xilli muddooyinkii dambe la hadal hayay inuu jiro khilaaf xooggan oo soo kala dhex-galay hoggaanka sare ee kooxda, una kala jabeen laba garab oo kala taageersan Mahad Karataay iyo Abu Cubeyda.

Haddaba, Maxaya tahay sababta ay Mahad Karataay iyo hoggaamiyeyaashii kale ee wajigooda la yaqaanay ay uga soo muuqan waayeen shirkaas?

Ibraahim Aadan oo aqoon dheer u leh kooxda Al-Shabaab iyo hoggaankeeda, haatanna la shaqeeyo dowladda ayaa waxa uu sheegay in shirka uu kasoo muuqday Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda oo ah mid aanay badanaa kasoo qayb-gelin madaxdooda sare.

Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in shirkan noocaas oo kale ah loo qabto kuwa gobollada, oday dhaqameedyo iyo culimada taabacsan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana aysan qasab ahayn in lagu arko madaxda kale.

Shirweynaha uu dhawaan kasoo muuqday Abu Cubeyda ayaa waxa uu Ibraahim ku sheegay mid sanad leh, kaasi oo ay kooxdu billowday kadib markii hoggaankoodii hore ee Axmed Godane uu baabi’iyay golaha shuurada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii hore ka koobnaan jirtay laba gole oo kala ah golaha shuurada iyo kan fulinta, kadibna uu baabi’iyay midkii shuurada Godane, oo ah hogaamiyiihi hore ee Al Shabaab, kaas oo la dilay sannadkii 2014-kii.

“Golihii shuurada waxaa beddalay shir sannadeed oo madaxda gobollada ay isugu yimaadaan oo Afhayeenka guud ee ururku ka soo qayb galo gabagabadana amiirka ururku uu kasoo qayb galo, warmurtiyeedna uu ka soo boxo,” ayuu yiri Ibraahim oo la hadlay BBC.

Si kasta, Shirweynahan ayaa ahaa kii labaad ee noociisa ah ee kooxdu yeelato, ayna kooxdu sheegtay inuu ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe, inkasta oo aan la shaacin goobta uu sida gaar ah uga dhacay.

Xog: Somaliland oo qorsheynaysa duulaankii ugu weynaa, kuna beegaysa…

Laascaanood (Caasimada Online) – Iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda dagaal u dhexeeyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa waxaa haatan ay xukuumaddda Hargeysa wada qorshe ay ku qaadeyso duulaankii ugu weynaa ee ku aadan gudaha Laascaanood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, duulankan ayaa Somaliland waxa ay qorsheyneysaa inay kusoo aadiso maalinta doorashada Puntand oo ku beegan 25-ka bishan May, taas oo ah qof iyo cod, isla-markaana lagu dooranayo golahayaasha deegaanada ee maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in haatan ciidamada Somaliland ay dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan aagga xerada Goojacadda, islamarkaana ujeedkooda uu yahay inay u jiheystaan dhanka magaalada Laascaanood oo ay joogaan ciidanka SSC.

Sidoo kale ciidanka deegaanka ayaa dhankooda sii xoojiyay difaaca, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay uga hortagaan weerarka ay qorsheyneyso inay soo qaado Somaliland.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana mar kasta la filan karaa in dagaalka uu qarxo, maadaama labada dhinac uu mid kasta u diyaar garoobay midka kale.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda haatan ka aloolsan duleedka Laascaanood oo maalmihii ugu dambeeyay ay ku dagaalamayeen ciidamada labada dhinac.

Horay madaxweyne Biixi ayaa wacad ugu maray in ay si wadi doonaan dagaalka, islamarkaana xukuumaddiisa aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Somaliland,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hanjabay in dagaalka uusan joogsan dooneyn, inta ay ka hortagayaan cadow uu sheegay inuu ku soo duulay Somaliland.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa qaatay dhowr bilood oo xiriir ah, waxaana sidoo kale fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu keeno labada dhinac.