31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

FARMAAJO oo taageeray qorshaha DENI ee doorashada

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war cusub kasoo saaray doorashada Puntland, isaga oo taageero u muujiyay isku dayga uu Madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku bogaadiyay maamulka Deni hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka, oo lagu wado inay deegaanada maamulkaasi ka qabsoomto maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 25-ka May.

“Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore.

Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, taasi oo uu ku sheegay inay tahay “dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka.”

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Allaah uga baryey guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan.

Farmaajo ayaa waxaa la xasuusta in muddo kororsi fashilmay uu ku sameystay qorshaha doorasho qof iyo cod ee heer federaal ah, taasi wax tallaabo oo muuqata uusan u qaadin intii uu joogay xilka u sareeyay dalka, waxaana hadda waddo tii lamid ah lagu eedeynayaan Saciid Deni.

Muranka doorashooyinka maamulka Puntland ayaa dhawaan isku rogay gacan ka hadal dhaliyay dhimasho iyo dhaawaca, kaasi oo ka dhacay caasimadda maamulkaasi ee Garoowe.

Si kastaba, hadalka Farmaajo ayaa imanaya, xilli mucaaradka Puntland lagu qanciyay in doorashada golaha deegaanka ku dhacdo si nabdoon, kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.

Dowladda oo shaacisay magaca horjoogaha lagu dhaawacay duqeyntii JILIB

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay magaca horjooge sare oo lagu dhaawacay duqeyntii Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa waxa lagu shaaciyay in horjoogaha lagu dhaawacay duqeynta lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Cabdi.

Ninkan ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab u qaabisan yahay arrimaha dibadda, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu isku qarinayay horjoogahan, kaasi oo ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

“Horjoogahaan waa denbiile mas’uul ka ah in uu dalka soo galiyo Khawaarijta ajaanibta ah, sidaas si la mid ah wuxuu fududeeyaa kala gudbinta fikradaha Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaankan.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda Al-Shabaab ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Beegsiga horjoogeyaasha Khawaarijtu waa fariin ku socota kooxaha Khawaarijta ah taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaankan.

Duqeyntan oo 20-kii bishaan uu Mareykanka ka fuliyay Jilib, ayaa aheyd mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Sidoo kale, waxay kusoo aadeysa xilli Mareykanka uu ku sugan yahay agaasimaha NISA Mahad Salaad, uuna halkaasi wada-hadalo kula yeeshay madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da.

Xog: Arrinta ka dambeysa muuqaalka Abu Cubeyda ee ay baahisay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa dhawaan kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe

Abu Cubeyda ayaa muuqaalkan cusub kaga soo dhex muuqday wareysi kooban oo uu kaga warbixiyay shirkaas ay kooxda qabatay, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo kooxda ay qarisay wejigiisa oo muuqaalkiisa ku furtay humaag, haddana waxaa la dheehan kara inuu yahay mid dheer, sida muuqata, garkiisana timo cirro leh.

Muuqaalkas ayaa waxa uu Axmed Cumar Abu Cubeyda uga hadlay arrimo dhowr ah, oo ugu horeyso howl-gallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee isgarabsanaya. Halkan guji – oo ka daawo.

Haddaba, Maxay tahay arrinta u weyn ee ka dambeysa in Abu Cubeyd kasoo muuqdo muuqaalkaas?

Tan iyo markii ay warbaahinta kooxda sii deysay muuqaalkaas cusub ee uu kasoo muuqday Amiirka Al-Shabaab ayaa waxay dad badan isweydiinayaan waxa hadda loogu soo beegay muuqaalkan.

Ibraahim Aadan oo aqoon dheer u leh Abu Cubeyda iyo kooxda Al-Shabaab, haatana la shaqeeyo dowladda ayaa sheegay in muuqaalka Amiirka Al-Shabaab xilligaan loogu soo aadiyay si meesho looga saaro warar laga faafiyay muddooyinkii dambe oo la xiriira xaaladiisa caafimaad.

“Waxaa is dhihi karaa, maadaama muddooyinkii dambe la isla dhex mari jiray in uu jirran yahay oo xanuun daran hayo oo sariir jiif yahay, si marka ay taas u beeniyaan oo ay u muujiyaan inuu caafimaad qabo oo hawlihiisii wato ayaan is leeyahay waa sababta ugu weyn ee muuqaalka loo soo duubay,” ayuu yiri Ibraahim Aadan.

Ibraahim oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay si fiican u yaqaanaan adeegsiga warbaahinta, sidaas darteed ay shirka kooxda iyo ka qeyb-galka Abuu Cubeyd u arkeen fursad ay arrintaas ku beeniyanan.

Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo si dhameystiran loogu aqoonsan karo.

Sidoo kale, Ninkan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kamid yahay xubnaha ugu da’da weyn madaxda kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Muuqaalka cusub ee Amiirka Al-Shabaab iyo shirweynaha kooxda oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa waxa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay kooxda wajaheyso guluf xooggan oo ka dhan ah, kaasi oo looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Taliska booliska Somalia oo shaaciyay magacyada iyo sawirada askar uu rusqeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyay in ciidanka Booliska laga rusqeeyay laba askari, kadib markii ay ku kaceen anshax xumo.

Labadan askari ayaa lagu kala magacaaba Cabdi-Saaq Aadan Calasoow iyo Cabdullahi Maxamed Axmed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay sawirada labadan askari, oo uu sheegay inay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah.

“Waxa ayna jabiyeen (labadan askari) waajib Diini ah kadib markii ay maalin soon ah bulshada dhaxdeeda balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen, iyaga ooo aysan jirin sabab caafimaad daro,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Ruqseynta askartaan ayaa waxa uu taliska ku wargeliyay hay’adaha amaanka caasimadda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Taliska ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay sawirada labadan askari, si ay u fududaato inay aqoonsadaan bulshada Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay dowladda dib u habeyn ku wado ciidanka, gaar ahaan kuwa ka howl-gala caasimada, islamarkaana shaqada ciidanka laga saarayo guud ahaan kuwa daroogada isticmaala.

Si kastaba, Madaxda sare ee dowladda ayaa hore u qirtay in askarta xoogga u isticmaasha daroogada ay qeyb ka yihiin amni darada, tan iyo markaas oo ay qaaday tallaabooyin wax ka taray amniga caasimada.

Hoos ka arag sawirada

Soomaaliya oo New York uga qeyb-galeysa shir heer sare ah iyo Huruuse oo gaaray

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo shir heerkiisu sarreeyo.

Shirkan ayaa waxaa yabooh dhaqaale loogu sameyn doona dalalka Geeska Afrika oo qeyb ka tahay Soomaaliya, oo sanadihii dambeeyay ay abaaruhu saameyn xooggan ku yeesheen.

“Waxaan saaka soo gaaray magaalada New York si aan uga qayb-galo shir heer sare ah oo yabooh dhaqaale loogu samayn doono wadamada geeska Afrika ee sanadihii la soo dhaafay ay abaaruhu saamaynta xun kaga tageen” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Soomaaliya ayaa waxay shirweynaha la wadaagi doonta waxyaabaha qeybta ka ah abaaraha soo noq-noqday iyo isbeddelka cimiladda, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

“Waxaan shirka la wadaagi doonaa waxyaabaha qaybta ka ah abaaraha soo noqnoqday iyo daadadka xilli roobaadka, oo ay ugu weyntahay saamaynta isbeddelka cimiladu.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

Puntland oo badnow kusoo rogtay deegaanadeeda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska guud ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku bandow kusoo rogay guud ahaan maamulkaas, gaar ahaan inta ay socoto doorashada.

Afhayeenka Ciidanka Booliska maamul goboleedka Puntland oo lagu magacaabo, Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa warbaahinta u faahfaahiyay go’aanka ay soo saareen oo la xariira amniga doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacaya Puntland.

Gaashaanle Sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa sheegay in la joojinayo dhammaan isku socodka gaadiidka deegaanada Puntland, sababo la xariira habsame u socodka doorashada.

“Taliska Ciidanka Booliska Puntland wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha reer Puntland in la joojinayo isku socodka gaadiidka guud ahaan gobollada Puntland, inta lagu guda jiro doorashooyinka golayaasha deegaanka” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Puntland.

Afhayeenka ayaa xusay in bandowga uu bilaabanayo 24-ka bishaan, isla-markaana uu soconayo illaa 26-ka isla bishan May oo lasoo gabagabeyn doono codeynta doorashada.

“Xilliga isku socodka la joojinayo ayaa ku beegan 24-ka May 2023-ka, saacadda marka ay tahay 6:00PM, illaa 26 May 2023, saacadda 6:00AM,” ayuu markale yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in amarkan uu saameyn doono guud ahaan gaadiidka, haddii ay yihiin kuwa dadweynaha ama kuwa gaarka loo leeyahay intaba.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray reer Puntland, wuxuuna ka codsaday in qof walba oo caawin u baahan uu la xariiro Booliska, inta uu bandowga soconayo.

“Qof walba oo reer Puntland ah, una baahan caawin wuxuu la xiiriiri karaa ciidanka Booliska, gaar ahaan labmarka gaaban ee 999,” ayuu markale yiri Afhayeenka Booliska.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada golaha deegaanka ay ka socoto guud ahaaan Puntland, taas oo ay si weyn ugu loolamayaan ururada siyaasadda ee maamulkaas oo uu ku jiro midka madaxweyne Deni.

Dowladda oo dhagxaanta ka qaadeysa MUQDISHO iyo xeyndaabka oo la fogeynayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) oo ka qayb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay arrinta xirnaashaha wadooyinka ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay in la qaado dhagxaanta lagu jaray jidadka qaar.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qorshahaan uu hadda socdo, isla-markaana qayb qayb loo furi doono waddooyinka xiran, si ay u isticmaalaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Marka ka qaadaayo qayb qayb ayaa loo qaadaayaa waxaa la hubsanayaa meeshaan dhagaxa laga qaadaayo shaqadii uu dhagaxa haayay ma dhammaatay? haddii ay dhammaatay waa la qaadayaa waddadiina waa la marayaa,” ayuu yiri wasiir Doodishe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshahan uu qaadan doono dhowr bilood, balse dadka Soomaaliyeed ay heli doonaan xorriyad iyo nabad ay ku naaloodaan.

“Waxaan rajeyneynaa dowr bilood kadib inaad magaaladan oo dhagax lahayn aad horay iyo gadaal, habeen iyo maalin aad socotaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.

Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in amniga magaalada Muqdisho uu haatan wanaagsan yahay, isla-markaana la fogeyn doono xeyndaabka haatan yaalla gudaha magaalada, si la’isugu furo waddooyinka oo dhan.

“Maadaama ay hadda amni noqotay xeyndaabkii waa la durjinayaa magaalada waa la’isku furayaa” ayuu markale yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soonmaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka jiray xaalad degnaasho ah, marka loo eego marxaladihii hore, waxaana yaraaday dilalkii, qaraxyadii iyo weeraradii ay horay uga geysan jirtay kooxda Al-Shabaab, taas oo ku timid qorshaha ay la timid dowladda dhexe.

Mareykanka oo shaaciyay in la dhawaacay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa war cusub kasoo saaray duqeyn 20-ka May uu ka geystay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, isaga oo shaaciyay in lagu dhaawacay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah.

Hawl-galka Militariga Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa shaacisay in mid kamid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab lagu dhaawacay duqayntaasi ka dhacday xarunta u weyn Shabaab ee Jilib.

Taliska AFRICOM ayaa waxa uu sheegay in qiimaynta lagu sameeyey howl-galkaas “in mid kamid ah hoggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab lagu dhaawacay.”

AFRICOM ma magacaabin hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee ku dhaawacmay duqeynta, oo la fahamsan inuu ahaa bartilmaameedka howl-galkaas, oo ahaa mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qiimaynta ugu horraysa ee taliska ay muujineyso “in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan.”

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo dhaawacyada rayidka. Ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo kamid ah hawl-gallada taliska, si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon.”

Duqeyntan ayaa sidoo kale waxaa lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, iyada oo uu jiro khasaare xooggan, sida ay hore u baahisay warbaahinta dowladda ee SONNA.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Sidoo kale, waxay kusoo aadeysa xilli Mareykanka uu ku sugan yahay agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Xogaha aan ka helayno socdaalka agaasimaha NISA ayaa sheegaya in Mahad uu booqasho ku maray magaalooyinka New York iyo Washington DC, halkaasi oo wada-hadalo kula yeeshay madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da.

Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, loona xaqiijiyo xog wadaaga labada dhinac iyo siddii Soomaaliya looga caawin lahaa tayeynta hay’adda sirdoonka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore guullo wax ku ool ah laga gaaray, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

KENYA oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay xadka SOOMAALIYA + Ujeedka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada u dhow xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay xuduuda.

Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas ay sameyn doonaan howlgallo culus si loo sugo amniga xuduuda, maadaama dhowaan dib loo furayo.

Ujeedka ay Kenya haatan ciidamada usoo dhoobtay xadka ayaa waxaa lagu sheegay in la xariirto ka hortagga ganacsiga sharci darrada ah, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa guud.

Ciidamada ayaa sidoo kale xoojin doono dadaalaada laagu xaakameeynayo ganaacsiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha dalkaasi, kadin markii xukuumadda Nairobi iyo Muqdisho ay maalmo kahor ku heshiiyeen in la’isku furo xuduudka labada waddan.

Heshiiiska ayaa dhigaya in dib loo furo xarumihii xuduudaha Ismaamuladaa Mandheera, Lamu, iyo Garisa, muddada 90-ka Maalmood ee soo socda.

Sidoo kale hay’adda canshuuraaha Kenya ee loo soo gaabiyo (K R A) ayaa shaqaalaheeda Kastamkaa iyo xakameyntaa xuduudaha u dirtay Lamu, waaxa ay kala shaqeeyneysaa ilaalada xeebaha Kenya si ay u ilaaliyaan qayb ka mid aah Badweynt Hindiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in jidadka isku xira deegaanada ku yaalla xadka laga bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu hubinayo gaadiidka, si looga hortago suurta-galnimada weeraro dhaba-gal ah oo ayAl-Shabaab ku qaadaan dadka isaga kala gudbaya is-maamullada ka jira halkaas.

Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe kordhisay weeraradeeda dalka Kenya, taas oo keentay in Kenya hakiso dhaq-dhaqaaqa xadka labada waddan, si loo yareeyo weeraradaasi

Si kastaba, hase’aahaatee  dib u furisrata Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sare u qaadeysa Xiriirka Ganacsi ee ka dhexeyaay labada dal.

DF oo baaris ku haysa ganacsatada qaarkood ‘oo loo haysto arrin xasaasi ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wad baaritaano la xiriira dadka ku lugta lahaa agab iyo saanad ciidan oo dhawaan lagu qabtay dekedda weyn iyo garoonka magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa sida ay warisay waxay gacanta ku dhigtay hal asbuuc gudahiisa laba konteer iyo agab kale oo la xiriiray oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socday alaabtan oo u badan kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, oo lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

Intaas kadib dowladda ayaa waxay billowday baarista ganacsato u fududeysay kooxda in agabka iyo saanad ciidan uga soo dejiyaan dekedda iyo garoonka, sida ay shaacisay La-taliyaha madaxweynaha ee xakameynta qul-qulka hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse.

Marwo Mako ayaa waxay sheegtay in dowladda ay wado baaritaano shaqsiyaadkaas la xiriira, islamarkaana la horgeyn doono cadaaladda.

“Dowladda waxey wadaa baaritaano la xariira shaqsiyaadka makriga u maleegayay umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri usoo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda,” ayey tiri Lataliye Marwo Mako.

Sidoo kale, waxay soo dhaweysay howl-galka ciidamada hay’adda Nabad-sugidda ay ku qabteen laba konteenar oo kooxda Al-Shabaab kusoo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.

La-taliyaha madaxweynaha ee xakameynta qul-qulka hubka sharci-darrada ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa ugu dambeyntiina waxay bogadisay howl-gallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Dowladda federaalka oo horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la-macaamiilka kooxda Al-Shabaab ayaa xilligaan waxaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado danbiilayaasha iyo qof kasta oo ku kaalmaysa kooxda dhibaatada ay ku haayaan shacabka, ha ahaadaan ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo kamid ah bulshada.

Faah-faahinta xiisad DAGAAL oo ka taagan SH/HOOSE

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Wanlaweyn ay maanta ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyaad beeleed oo wada dega halkaasi.

Xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaneysa Walanweyn ayaa waxa si weyn looga dareemaya duleedka degmada, ayada oo labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

Arrintan ayaa daba socota dagaal billowgii todobaadkaan ka dhacay deegaanka Yaaq-bariweyne oo ay ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay jirto cabsi laga qabo inuu maanta markale qarxo dagaal u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed oo lasoo warinaayo inay is horfadhiyaan

Dagaal beeleedkan ayaa salka ku haya murun dhuleed, oo la sheegay inuu soo jiitamayey lixdii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo hadda sababay inay dagaalamaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jirto cid kala dhex gashay labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xiisadda colaadeed ee ka jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maleeshiyo beeleedkan ayaa tiraba dhowr jeer oo hore ku wada dagaalamay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, illaa haddana majirto wax waan-waan ah oo maamulka uu ka galay xiisadda colaadeed ee halkaasi ka taagan.

Si kastaba, Wanlaweyn ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo laa laabanayay weerarada hubeysan iyo dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha u badan kasoo gaaro rayidka.

Mahad Salaad oo ku sugan Mareykanka iyo xogta kulamo uu la qaatay CIA iyo FBI-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa ku sugan dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo dhowr cisho ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarka Mahad Salaad ee Mareykanka ayaa imanaya kadib markii casuumad rasmi ah uu ka helay Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Xogaha aan ka helayno socdaalka agaasimaha NISA ayaa sheegaya in Mahad uu booqasho ku marayay magaalooyinka New York iyo Washington DC, halkaasi oo wada-hadalo kula yeeshay madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da.

Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray dhameystirka dagaalka Al-Shabaab, loona xaqiijiyo xog wadaaga labada dhinac iyo siddii Soomaaliya looga caawin lahaa tayeynta hay’adda sirdoonka.

Mahad ayaa sidoo kale waxa uu warbixin ka siinaya xaaladda amni ee dalka iyo gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo galay wejigii labaad, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamada dalalka deriska.

Muddo aad u fog ma dhicin in CIA-da ay casuunto taliye Sirdoon oo Soomaali ah, dhowr taliye oo hore iskugu dayay inay Mareykanka wada-shaqeyn dhow la yeeshaan, ayaa dhamaan helin wax kalsooni iyo kulamo ah.

Maanta in albaabada laga furo Sirdoonka Soomaaliya ayaa u muuqata mid ay keentay ka go’aanshaha dowladda ee dagaalka Shabaab iyo tallaabooyinka ay u qaaday dhanka xaqiijinta amniga iyo helista xogaha sirdoon.

Duqeymaha la fuliyay intii uu socday dagaalka Al-Shabaab, oo ay iska kaashadeen hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inay sahashay in CIA-da ay casuunto taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugida Mahad Maxamed Salaad.

Isku soo dhawaanshahan ayay dowladda federaalka ka qabta rejo badan inuu caawin karo Sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, tababarada iyo cilaaqaadka adduunka.

Si kastaba, Socdaalka agaasimaha hay’adda NISA ee Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli uu Mareykanka duqeyn cirka ah ka fuliyay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, oo ah xarunta u weyn ee kooxda Al-Shabaab, wuxuuna weerarkan ku yimid iskaashiga labada dhinac.

DENI oo ka laabtay waarankii soo qabasho ee mucaaradka kadib arrin ay aqbaleen

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka laabtay waaran uu dhawaan u jartay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkooda, kuwaasi oo diidana hanaanka uu maamulka Saciid Deni ku wado doorashada Puntland.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Isimada iyo Nabadoonada gobolka Nugaal ay xal ka gaareen khilaafka ka taagna doorashada, kaasi oo dhawaan isku rogay gacan ka hadal dhaliyay dhimasho iyo dhaawaca, kaasi oo ka dhacay caasimadda maamulkaasi ee Garoowe.

Kulan ka dhacay hoyga Islaam Ciise Islaam Maxamed ayaa la sheegay in lagu go’aamiyay in siyaasiyiinta mucaaradka ay magaalada ka saaran maleeshiyaadka taabacsan, islamarkaana ay doorashada golaha deegaanka ku dhacdo si nabdoon.

Odayaashan dhaqanka ayaa waxa lasoo warinaya inay mucaaradka ku qanciyeen in doorashadu si nabad ah ku dhacdo, islamarkaana ay magaalada caasimadda ah ka saaraan maleeshiyaadka lagu carqaladaynayo doorashada iyo amniga caasimadda.

Mucaaradka ayaa la qaatay isimida iyo nabadoonada in doorashada golaha deegaanka kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.

Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanada gobolka Nugaal loo daabulo sanaaduqda doorashada golaha deegaanka ee gobolkaas, kadib markii dhinacyada isku hayay arrintaan ay dhamaantood ku qanceen go’aanka dhaqanka.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran ayaa ka laabtay warqaddii soo xirista siyaasiyiin kamid ah mucaaradka, oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen rabshadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha Garowe.

Waxaa la qorsheeynaya in maalin kadib loo dareeri doono doorashada golaha deegaanka ee 37 degmo ee maamulka, taasi oo lagu tilmaamay “dhacdo taariikhi ah oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, tan iyo burburkii kadib.”

Arrimahaan ayaa imanaya xilli ay wakiiladda beesha caalamka ay taageero u muujiyeen isku dayga uu madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

“Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka wakiiladda caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa bayaankas ay ku sheegeen inay ku dhiiri-gelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon iyo in miiska wada-hadalka lagu xaliyo khilaafaadka doorashada ka jira, iyada oo loo marayo hanaanka sharciga.

Si kastaba, Xiisadda Puntland ee ka dhalatay doorashada ayaa hadda u muuqata mid kasoo reynaysa, xilli ay maalmihii lasoo dhaafay xoogeysatay, taasi oo galaafan gaartay amniga guud ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.

War ka cusub guddiga wax ka beddelka muddo xileedka BF iyo madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ka talo-bixinta wax ka bedelka mudo-xileedka Labada Aqal ee BF iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka gaashaandhiga ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo guddiga xog iyo warbixin dhameystiran ka siiyay horumarada laga gaaray howl-galada dalka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu guddiga la wadaagay oo uga warbixiyay horumarada ka jira deegaanadda maleeshiyaadka kooxda laga saaray, kuwaasi oo qaarkood ay gacanta ku hayeen in ka badan toban sano.

Guddiga ayaa dhankooda ku amaanay ciidamada Qaranka dadaalka ay ugu jiraan in dhulka Soomaaliyeed laga cirib-tiro khawaariijta, iyaga oo kula dardaarmay in ay dadaalkooda laba jibbaaraan.

Wasiir Jaamac ayaa dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Uganda, halkaasi oo uu tababar heer sare ah ugu soo xirey urur gaar ah (special force)oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Madaxweyne ERDOGAN oo helay taageero xaqiijineysa guushiisa wareega labaad

Ankara (Caasimada Online) – Dadka waddanka Turkiga ayaa 28-ka bishaan markale u dareeri doona codeynta doorashada madaxweynaha. Markan laba musharax ayaa tartami doonta, waana madaxweynaha tallada haya Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha xisbiga calmaaniga ah Kemal Kilicdaroglu.

Doorashadan ku celiska ah waxaa ugu saameyn badan ninkii kaalintii saddexaad ka galay doorashadii dhacday 14-kii bishaan ee lagu adkaan waayay Sinan Ogan. Dhowr maalmood waxaa la sugayay halka uu taageeri doono doorashada kala baxa ah ee 28-ka bishaan.

Kulamo ayuu la qaatay Recep Tayyip Erdoğan iyo isbaheysiga ka soo horjeeda labadaba, ugu dambeyna waxa uu Ankara uga dhawaaqay go’aankii la wada sugayay.

Sinan Ogan waxa uu sheegay in cod bixinta dhici doona 28-ka bishaan in isaga iyo taageerayaashiisa la safan yihiin madaxweyne Erdoğan oo raba inuu shan sano oo kale sii hoggaamiyo Turkiga.

Ninkan ayaa Jamahiirta waddaniyiinta dhabta ah iskugu yeera, wuxuu ku tilmaamay ciyaartoyda go’aaminaya natiijada doorashada 28-ka bishaan.

Wuxuu helay 5.7% codadkii doorashadii dhacday 14-kii bishaan, wuxuun sabab u noqday inay kala adkaan waayan Erdoğan iyo Kemal Kilicdaroglu.

“Waxaan aaminsanahay inuu go’aankeena noqon doono mid dariiq sax ah u jiheeya dalkeen iyo qarankeena,” ayuu yiri Ogan, isaga oo go’aankiisa ku saleeyay in Recep Tayyip Erdoğan uu ku guuleystay tirada ugu badan ee kuraasta baarlamaanka.

“Waa muhiim in madaxweynaha la dooranayo uu sidoo kale haysto hoggaanka Baarlamaanka, si uu dalka iskula jaanqaado,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, isaga oo sheegay in isbaheysiga uu hoggaamiyo Kamaal in aanay soo bandhigin hoggaankii talinayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Musharax Sinan waxa uu sheegay in go’aanka ay kula safteen Erdoğan, uu sidoo kale ka dhigan yahay taageerada mab’diisa aan joogsiga laheyn ee la-dagaalanka argagixisada.

Dadka waxay badankooda saadaalinayeen inuu Sinan Ogan raaci doono dhanka Kemal Kilicdaroglu oo isku aragti ka yihiin dhanka naceybka qaxootiga, laakiin waxaa dhinaca kale aad loo xoojinayay dood dhaheysa dadka waddaniyiinta dhabta ah isku yaqaana ee taageera Sinan ma ogola in dalkan loo jabiyo reer galbeed.

Dadka waddanka Turkiga badi waxyaabaha ay Recep Tayyip Erdoğan ku jecel yihiin waa sida uu ula xisaabtamo reer galbeedka.

Taageerada Sinan uu taageeray madaxweyne Erdoğan ayaa la sheegaya inay wax badan ka tari doonto doorashada ku celiska ah ee dhici doonta 28-ka bishaan.

Haddii Kemal Kilicdaroglu iyo xulafadiisa loogaga adkaado doorashada soo aadan, waxay ka dhigan tahay in Turkidu ay iska diiday inay ku daba feylaan reer Galbeed iyo dhinaca kale in qaxootiga faraha badan ay ka badbaadi doonaan masaafuris.

Taliska Asluubta oo dib usoo celiyay askar badan oo uu ciidanka ka eryay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa dib ugu soo celiyay shaqadii ciidanka askar badan oo ka tirsan ciidanka asluubta.

Askartaan oo markii u horeysay aheyd 32, balse markii dambe korodhay, ayaa waxa uu hore u sheegay taliyaha inuu shaqada ciidanka uga saaray kadib markii ay ku cadaatay in ciidankaan ay isticmaalan waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa dib usoo celinta askartaan ku macneeyay, si loogu sameeyo dhaqan celin, kadibna ay hore kasii wataan shaqadii ay hayeen.

“Dib ayaa isugu noqonay ka saraakiil ahaan oo arrintii wax lag beddelo, ha lasoo xareeyo oo timaha ha laga xiiro oo kow kow aan kasoo bilowno. In aan aalkuliste rusqeynay umadda oo dhan raali ayay ka ahaayeen, oo waa nagu amaanayeen dowlad iyo shacab,” ayuu yiri Taliye Shub.

Saraakiisha ayuu faray in ciidanka dib loo soo celiyay ay xoogga saaran kala saaristooda, taasi oo uu sheegay in loogu go’aan qaadanayo inay kasii mid ahaadan ciidanka, gaar ahaan kuwa asluubta.

“Waa in gaararka laga istaago oo inta qoyan iyo inta qalalan lasoo kala saaro, oo si dhab ah oo waddannimo ku xisaabtameysaan oo qabiil ka fog micnaha. Macallimiin ayaa u sameynay dugsiga.”

Tababarka loo furay ciidankan lasoo celiyay ayaa billaabanay maalinta berri ah, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya, xilli taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya uu muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka kalfadhiga BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo dhiggiisa Aqalka Sare ayaa kormeeray hoolka shirarka Baarlamaanka si ay ugu kuurgalaan dib u dayactirka lagu sameeyay.

Labada Xoghaye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa dhinac weliba ka qiimeyay, maadaama uu dhawaan furmayo kalfadhigii Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Sida uu hore u shaaciyay Golaha, kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa furmi doona maalinta Isniinta toddobaadka soo socda ee ku beegan 29-ka May 2023.

Xilliga labada Xoghaye ee Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ay tegayeen xarunta Golahaas uu ku shaqeeyo ayaa waxaa ka socday dib u hagaajin hoolka dhexdiisa ah, “si dib u dayactir loogu sameeyo muddada kooban ee ka dhiman in aanay u billaaban fadhiyada Baarlamaanka.”

Guddoonka Labada Gole ee BFS ayaa dhowaan iclaamiyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 3-aad, kaasi oo qorshuhu yahay inuu daah-furo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare BJFS waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qabyo u ah, halka sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka loo gudbin doonno labadaas Gole, si ay uga doodaan uguna codeeyaan.

29-ka May ayuu si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Kahor waqtigaas, ayaa waxaa la filayaa in uu dalka kusoo laabto madaxweynaha Soomaaliya, oo xilligaan safar qarsoodi ah ku jooga Imaaraadka, halkaasi oo uu gaaray shalay.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo shir muhiim ah uga qeyb-galay Sharm El-Sheikh

0

Sharm El-Sheikh (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qayb-galaya shir -madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi.

Shirka oo ay ka qayb-galayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa isku-dubaridka maal-gelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qayb-galaya dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka.

Sidoo kale waxaa dooddan qeyb ka ah doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay kasoo dhoofay magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb-galaan shirweynaha maanta ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirkan ayaa waxaa kasii horeeyay kulan gaar ah oo halkaasi ka dhacay, ayn isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda bangiyada dowliga ah ee dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Kulankaas oo Soomaaliya uga qeyb-galay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa looga dooday sidii dal waliba uu maal-galin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Sawirro: Axmed Madobe oo kulamo ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaabilay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo ay ka wada-hadleen xaaladda dalka iyo siyaasadda.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha kulan la qaatay guddoomiyaha hay’adda maareeynta musiibooyinka Soomaaliya Maxamud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan oo uu kala-hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah deegaannada Jubbaland iyo xanuunada ka dhalan kara.

Kulankaan ayaa waxa kale oo diirada lagu saaray qorshaha hay’adda maareeynta musiibooyinka, oo uu guddoomiyaha ku sheegay in ay tahay sidii wax muuqda looga qaban lahaa deegaannada Jubbaland arimaha gargaarka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sidoo kale waxa uu kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Ganaral Sulub Axmed Firin.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqaynta ciidamada booliska heer federaal iyo heer Jubbaland sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha amniga iyo horumarinta ciidamada Booliska.

Kulamadaan ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu maalmihii dambe magaalada Muqdisho ka waday madaxweyne Axmed Madoobe, kuwaasi oo uu kula kulmay qaar kamid wakiilada beesha caalamka, ee fadhigooda yahay caasimadda.

ISRAEL oo weerar culus ku qaaday Daanta Galbeed

Nablus (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa Daanta Galbeed ee la haysto ku dilay saddex dagaal-yahan oo Falastiiniyiin ah, howl-galkaas oo ciidamada ay ku qeexeen mid lagu soo qabanayey xubno lagu tuhunsan yahay argagixisanimo.

Bayaan ay soo saartay ayey wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ku sheegtay in saddexda nin oo lagu dilay xerada qaxootiga Balata ee Nablus lagu magacaabay Muhammad Abu Zaytoun, 32 jir, Fathi Abu Rizk, 30 jir, iyo Abdullah Abu Hamdan, 24 jir.

Guutada Shuhadada Al-Aqsa, oo ah garabka hubeysan ee xisbiga Fatah ee madaxweyne Mahmud Abbas, ayaa bayaan ku sheegtay in saddexda nin ay xubin ka ahaayeen dagaalyahannada kooxda.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay toogteen dhowr dagaal-yahan kadib markii dagaal uu qarxay intii uu socday howl-galkaan ay ku macneysay “ka hortag argagixiso,” kaasi oo saddex qof ay kusoo xireen.

Intii uu socday howl-galka, “koox hubeysan ayaa rasaas kusoo furay askarta kuwaasi oo iyagana rasaas ku jawaabay,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Israel.

Bayaanka ayaa intaas ku daray “in ciidamada ay soo xireen saddex qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dhaq-dhaqaaq argagixiso.”

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Falastiin Nabil Abu Rudeineh ayaa dilka ku qeexay “xasuuq dhab ah”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarada ciidamada Israel ay yihiin dambiyo dagaal oo weyn iyo ciqaab wadareed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in “aamusnaanta Mareykanka ay Israel ku dhiiri-gelineyso inay kordhiso weerarada,” isaga oo Washington ugu baaqay “inay de- deg usoo faro-geliso inay joojiso waalida Israel ee gobolka kusii riixeysa qarax.”