31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Mareykanka oo faah-faahin cusub kasoo saaray duqeynta JILIB

0

Muqdisho (Caasimad Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa faah-faahin dheeraad kasoo saaray duqeyn ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Mareykanka ayaa shaaciyay in weerarkan laba maalmood kahor laga fuliyay Jilib, oo ah xarunta u weyn ee kooxda Al-Shabaab.

“Howl-galkan ayaa la fuliyay iyada oo la kaashanaysa dowladda federaalka Soomaaliya, AFRICOM ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya 20-kii Maajo, 2023,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Taliska ma shaacin bartilmaameedka rasmiga ah ee duqeynta, inkasta oo ay dowladda federaalka sheegtay in lagula beegsaday bartilmaameedyo gaar ah, islamarkaana uu geystay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

Bayaanka kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in qiimaynta ugu horraysa ee taliska ay muujineyso in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tallaabooyin waaweyn oo looga hortagayo dhaawacyada rayidka. Ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo kamid ah hawl-gallada taliska, si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Dhinaca kale, Wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA ayaa goor sii horeysay baahisay in duqaynta lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, islamarkaan uu jiro khasaare xooggan.

Majirto faah-faahin intaas ka badan, balse waxaa la filayaa in dowladda federaalka ay soo saarto bayaan lagu faah-faahinayo howl-galkan gaarka ah ee ka dhacay Jilib.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto ihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

DF oo amartay ‘in dhakhso looga guuro’ dhul ku yaal XAMAR + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo la xiriira baneynta dhul ay leedahay wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda oo ku yaalla Siinka-dheer ee magaalada Muqdisho.

Dhulkan oo saaran wadada Afgooye ayaa waxay wasaaradda isgaarsiinta ku wargelisay dadka degan dhulkaasi inay ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan, xilli ay soo baxeyso in la isku dayayo in si sharci darro ah lagu iibiyo.

Warqad kasoo baxday wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda oo ujeedkiisu ahaa wargelin ayaa waxay ku wargalisay dadka Soomaaliyeed ee degan gobolka Banaadir iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in dhulkaas uu yahay hanti qaran, islamarkaana uusan beec ahayn.

Sidoo kale waxaa lagu caddeeyay qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay wasaaradda isgaarsiinta in aysana jirin cid loo wakiishay inay iibiso, kirayso ama ay ku manaafacaadsato.

“Iyadoo laga ambaqaadayo digniin ay wasaaradda hore u soo saartay, kuna soo baxday qoraal sumaddiisu aheyd Tix: WIT/XAG/1280/2023, kuna taariikhaysnaa 12/03/20223, waxaan markale ku celinaynaa in dhulka ama hantida ma-guurtada ah ee ku yaal Siinka Dheer R2 ee ay leedahay wasaaradda, uusan beec aheyn, aysanna jirin cid ay wasaaraddu siisay amase u wakiilatay inay iibiso amase kireyso,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiiru-dowlaha wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin wax cadeyn ah oo ay bixisay oo ku saabsan in laga maarmay dhulkaasi danta guud ah. Sidaas darteed, wasaaradda ayaa waxay ka codsatay xafiisyada ay quseyso wargelintan kasoo baxday iyo hay’addaha amniga in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu hubin karo ilaalinta sharciyeed ee dhulkaasi danta guud ah.

Amarkan ayaa daba socda mid ay horay wasaaradda isgaarsiinta ay xaaladda dhulkan uga soo saartay digniin, kadib markii ay sheegtay in sifo sharci darro ah lagu iibinayo, maadama uu yahay mid dowladeed.

Si kastaba, si dhab ah looma oga illaa hadda cidda iibineysa dhulkan ay ka digtay wasaaradda, kaasi oo ay hadda dalbatay inay ka guuraan dadka degan, haddii ay ka madax adeygaana ay hay’addaha amniga ay ka qaadaan tallaabo kasta oo lagu hubinayo ilaalinta sharciyeed ee dhulkaasi, oo ah mid dan-guud ah oo ay leedahay wasaaradda isgaarsiinta.

DF Soomaaliya oo shaacisay in la duqeeyay JILIB

0

Jilib (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in la duqeeyay magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Jilib oo ah xarunta u weyn ee kooxda Al-Shabaab, ayaa waxaa weerarkan ka fuliyay ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah uu geestay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

Wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA ayaa intaas kusii dartay in duqaynta lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, islamarkaan uu jiro khasaare xooggan.

Majirto faah-faahin intaas ka badan, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo saarto dowladda faah-faahinta howl-galkan gaarka ah ee ka dhacay Jilib.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto ihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

BEESHA CAALAMKA oo taageertay qorshaha DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wakiiladda beesha caalamka ayaa bayaan cusub kasoo saaray doorashooyinka Puntland ee ka taagan yihiin muranka xooggan, ayada oo u muuqata inay taageertay isku dayga uu Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Bayaanka ayey xubnaha beesha caalamka ku dalbadeen in dhinacyada siyaasadda ay ka shaqeeyaan sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon.

Beesha caalamka ayaa waxay ku wargelisay madaxweyne Saciid Deni iyo mucaaradkiisa in miiska wada-hadalka lagu xaliyo khilaafka jira, iyada oo loo marayo hanaan sharci ah.

“Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.”

Wakiiladda caalamiga ah ayaa waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah.

Sidoo kale waxaa bayaankan lagu sheegay inay ku dhiiri-gelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

Wakiiladda caalamiga ah ayaa waxa kale oo ay sheegtay inay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiiri-gelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed.

“Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.”

Bayaankan ayaa waxa uu imanaya maalmo kadib markii dalal ay kamid yihiin, Mareykanka, UK, Switzerland, Sweden, Danmark, Norway, Germany iyo weliba Midowga Yurub ay walaac ka muujiyeen xiisadda ka dhalatay khilaafka doorashada Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yiihiin xubnahaha mucaraadka ay hortimid doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland, kadib shirweyne xasaasi ah oo ay ku yeesheen Garoowe, kaas oo ay kasoo saareen bayaan culus.

Byaaankan ayaa waxa si wada-jir ah u soo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

DF oo saraakiil dowladeed u xirtay musuq-maasuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa goordhoweyd lasoo xiray, sida uu shaaciyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay waaxaha ay ka howl-galayeen saraakiishan, kuwaasi oo kala ahaa; khasnajiga xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Warta-nabadda iyo madaxii hore xafiiska canshuuraha beriga ee degmadaasi, haddana ah madaxa canshuuraha berriga ee degmada Xamar-Jajab iyo sarkaal kale oo uusan shaacisan.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ugudbin doonaa eedeysanayaasha maxkamadda awoodda u leh marka ay soo dhamaato baarista kiiska loo haysto si loo horkeenno cadaaladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goordhoweyd kasoo baxay Xafiiska.

Xafiiska ayaa sidoo kale waxa uu digniin culus u diray cid walba oo ku hawlan fal dembiyeedyada sare ku xusan, ee ah damaaciga hantida dadweynaha iyo sameynta dokumentiyada been abuurk ah.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay howl-gallada lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga.

“Xafiiska waxa uu uga digayaa saraakiisha dowladda, shirkadaha iyo hay’addaha la-macaamila hay’addaha dowladda in ay qeyb ka noqdaan dembiyada la xiriira musuq.”

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Xukunka dagaalkii isgoyska Siinaay oo maanta la riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday askartii ka dameeysay weerarkii isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas oo 27-kii bishii February ee sanadkaan lagula beegsaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud Fargax, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askar kamid aheyd ilaalada guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa isna dhaawacmay ku dhaawacmay iyo dad shacab ah oo isgoyska ku sugnaa.

Xukunka maxkamadda maanta kasoo baxay ayaa waxa uu udhigna sidan;

1. Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro oo ah askariga koowaad ee loo haysto weerarkasi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Ninkan ayaa waxa uu qori dhashiiko ah ku dilay lix ruux oo lagu kala sheegay Ilhaan Cabdijamaal Maki oo aheyd hooyo uur laba bilood leh, Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa darawal gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo isagna ahaa darawaliinta ku shaqeysta mootooyinka bajaajta.

2. Axmed Mire Cismaan Fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, iyaga oo is-dhiibay, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

3. Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

4. Sidoo kale, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun min saddex sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, handadaad, amar diido Cciidan iyo inay u dhaqmeen sida maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyntiina waxay siideysay Axmed Cali Axmed Maxamuud (Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.

Taliye ku-xigeenkii hore ee garoonka Garowe oo la dilay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore ee ciidanka ilaaladda ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa maanta lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.

Dilka sarkaalkan ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxayna qaarkooda sheegayaan inuu u geeriyooday tacshiirad ay ku fureen maleeshiyad ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan qorshaha doorasho ee madaxweyne Saciid Deni.

Xiddigle Xayle Carabay Xiireey ayaa la sheegay in xilliga falka uu dhacay uu ku sugnaa aagga garoonka diyaaradaha, mana jirto wax faah-faahin rasmi ah oo laga helayo dilkiisa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka sarkaalkan uu hadda yaallo isbitaalka guud ee Garoowe. Halkaas oo sidoo kale maalmihii tegay ay talaagad ku jireen laba askari oo ku dhintay iska hor-imaad doorashada la xiriiray oo ka dhacay isla magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.

Dilka sarkalkaan ayaa yimid xilli ay socotay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu soo afjarayo khilaafka ka dhashay doorashada Puntland, islamarkaana siyaasiyiinta mucaaradka lagu qancinayo inay joojiyaan is hor istaagga ay ku sameynayaan doorashada golaha deegaanka ee Puntland ka dhacay dhacaya 25-ka bishan May.

Isimida waan-waanta ka dhex wada mucaaradka iyo Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay in doorashada goleyaasha deegaanka Puntland qabsoonto, kadib la iskugu yimaado wada-tashi guud iyo halka la aadayo 8-da Janaayo ee 2024-ka.

Si kastaba, Xiisadda ka taagan doorashada Puntland ayaa u muuqata mid kasii dareysa, iyada oo duleedka bari ee magaalada Garoowe ay ku sugan yihiin ciidamo ka amar qaata mucaaradka, si ay isku hortaagan sanaaduqda doorashada ee loo gudbinayo degmooyinka kale ee gobolka Nugaal.

Dalabka u weyn ee mucaaradka ayaa ah “in mugdi la galin doorashada madax-tinimada ee 2024-ka,” iyaga oo kasoo horjeeda in ururada siyaasadu wax go’aan ah ku yeeshaan doorashadaasi.

R/W Xamza oo Muqdisho ka dhoofay iyo halka uu kusii jeedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas waxa uu kaga qayb-galaya shir madaxeed looga hadlayo isku dubaridka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ka maqan yahay dalka, islamarkaana uu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar, ayaa waxa hore ugu sugna wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, kadib markii uu shalay halkaasi kaga qayb-galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda bangiyada dowliga ah ee dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga dooday sidii dal waliba uu maal-galin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.
Si kastaba, dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmi doona magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika iyo shir-madaxeed looga hadlayo isku dubaridka ganacsiga gaarka loo leeyahay.

La-taliyaha madaxweynaha Maxkamadda ICC oo baaq u diray dowladda Xasan Sheekh  

Hague (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Golaha ee Maxkamadda Dambiyadda Caalimiga (ICC) Mudane Mahad Axmed Xaaji ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto ICC. 

Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayaa waxa uu la-taliyaha  ugu baaqay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh  in miiska lasoo saaro islamarkaana la ansixiyo kamid noqoshada ICC. 

Waxa uu Mahad Xaaji xusay in xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka inay doonayaan arrintan si loo helo cadaalad iyo isla xisaabtan lagana hortago danbiyada dagaal (War Crimes) ee aan xal loo helin ee ka dhaca Soomaaliya. 

Waxa uu sidoo kale Dowladda ugu baaqay in ay horgeyso Xeerka dambiyada dagaal ee la yiraahdo Rome Statute, loona baahan yahey in la horkeeno Baarlamaanka inta aan la furin 29 May si loogu daro ajendaha. 

Mudane Mahad Axmad Xaaji wuxuu ugu baaqey in xukumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Villa Somalia in lasoo dedajiyo  xeerarkan, waxaana uu uga  digey dib u dhac in aan lagu sameyn kuna bogaadiyey.

Ansixinta Xeerka waa shaqo Baarlamaan sida ku xusan marka dal uu doonayo in uu ka mid noqdo ICC. Waxa uu tilmaamay in dowlada aysan ansixi karin  Xeerka danbi dagaal ilaa laga soo bilaabey 2002, dowlada doorkeeda waa gudbiyaha natiijada iyo horgeynta Baarlamaanka oo kaliya. 

Soomaaliya waxaa saaran cunaqabateynta hubka taas oo ay Golaha Amaanka ay saareen, waxaana haddii ay ku biirto maxkamadda ay suuragal tahay in laga qaado.

Madaxweyne Xasan oo safar qarsoodi ah ku tegay dalka…

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka safar aan la shaacin ku aaday dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarkan, oo ah mid qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa waxa uu imanaya maalmo kadib markii uu madaxweynaha booqasho rasmi ah ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarkan uu saaka ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya safarkii afaraad oo madaxweynuhu ku tago dalkaasi, muddo sanad ah oo uu xafiiska joogo, tan iyo markii dib loo doortay ee 15-ka May ee 2022-ka.

Safarkan ayaa imanaya xilli labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, islamarkaana ay gaareen heshiis militeri oo dowladda federaalka Soomaaliya ka saacidaya la-dagaalanka Al-Shabaab iyo qorshaheeda xasillinta caasimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

Iskaashiga cusub ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu DF ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtidda dowladda ee amniga.

Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka waa tijaabo gaar ah xilligaan, waxaana isha lagu wada haya qaabka sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u wada hanan karo cilaaqaadka Doha iyo Dubia.

Qaraxyo maanta ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta siyaabo kala duwa uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, meelaha fogna laga hago.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay degmada Dayniile, waxaana lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro, xilli ay marayeen laamiga dheer ee degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Ifis.

Gaariga la qarxiyay oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan ayaa waxaa soo gaaray burbur, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii la socotay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa laba askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ahaa ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo dhaawacyada iyo maydadka kasoo qaaday halkaasi, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada Xamar.

Waa qaraxii labaad ee magaalada Muqdisho lagula eeganayao ciidanka cusub ee Boolis Milataari, tan markii lagu wareejiyay amniga Muqdisho, waxayna ahayd todobaadkii hore markii Cabdi Bile ay leeyihiin lagu qarxiyay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale, qarax labaad ayaa lagu soo warramayaa inay fashliyeen ciidamada ammaanka, kaas oo ay ku qarxiyeen gudaha dgemada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen qaraxa, isla-markaana uusan geysan wax khasaare ah.

“22-05-2023 Abaaro 09:20am Ciidanka Boliiska degmada Wadajir oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka war helay miino ay khawaarijtu dhigeen guri daaqadiis, waxaana lagu guuleystay in laga hor tago isla markaana si nabad ah lagu qarxiyo ayadoon cidna waxyeelo kasoo gaarin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab.

Xildhibaan shaaciyay cidda loo waday hubkii la qabtay iyo FALCELIN ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebook-giisa ayaa ku shaaciyay xog la xiriirta hubkii maalmo kahor lagu qabtay gudaha dekedda weyn iyo garoonka Muqdisho.

Xidlhibaanka ayaa xusay in hubkan iyo saanaddda ciidan ee la qabtay loo waday SSC-Khaatumo, isaga oo dalbaday in loo fasaxo.

Sidoo kale wuxuu weerar ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo taliska NISA, isaga oo sheegay in ujeedkooda uu ahaa igu sawir, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka SSC. Halgan adag ayay ku jiraan agabkoodana waa u bahan yihiin haloosiidayo, Waxii la-isku sawirikaray waa laysku sawiray,!!” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Dayax.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray ‘Amniga iyo shaqada dadka loohayo ka-runsheegid ayay u baahan tahay, Cajiib waaye,”.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo isna hal eray soo qoray ayaa xildhibaanka ugu jawaabay ‘Af Khawaarij’.

Waxaa sidoo kale ka falceilyay arrintan guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo isna usii jawaabay wasiir Al-Cadaala.

“In qofkii hadlaba shabadda “Khawaarij” lagu dhufto waxay nuxurka ka qaadeeysaa dagaallan Khawaarijta lagula jiro, waxayna su’aal gelin doontaa qaarka khawaarij ka tirsan ee mustaqbalka la soo qaban doono” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cali yare Cali.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee haatan xafiiska jooga looga baahan yahay inay adkeysi u yeeshaan dhaliilaha loo jeedinayo

“Waxaa masuuliyad iyo ragganimo ah in dhaliisha adkeeysi iyo dul loo yeesho – waana nacasnimo iyo liidnaansho in masuuliyiin muddo (5) Shan sano ah banaanka iyo idaacadaha dhaliil la taagnaa ay muddo sannad ah u gegsan waayaan dhaliisha saaxiibada ka feker duwan.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali.

Dooddan ayaa ka dhalatay howlgal culus oo ay NISA ka sameysay garoonka iyo dekedda weyn, kaas oo lagu soo qabtay huba ay dowladda sheegtay in loo waday Al-Shabaab.

DF Soomaaliya oo Somaliland ku eedeysay inay xasuuq ka geysatay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif oo booqday magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Wasiir Jaamac ayaa si weyn u dhaliilay Somaliland, wuxuuna ku eedeeyay inay xasuuq ba’an ka geysatay gudaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magaalada la burburiyay, gaar ahaan guryo, goobo ganacsi, kuwo caafimaad iyo masaajidada, kadib duqeymo lagu garaacay magaaladaasi.

“Tagitaankii aan ku tegay Laascaanood iyo dhammaan magaalooyinka ku hareereysan guud ahaan waxaan kusoo arkay dhibaatooyin daahsan oo ka dhashay dagaalkii inta badan ka socday meelahaasi” ayuu yiri wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dagaalkan uu ka duwan yahay, kana dhib badan yahay dagaalladii horay uga dhacay waddanka, wuxuuna ku baaqay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo colaadaasi, laguna garab istaagayo reer Laascaanood.

“Kani waxaa weeye dagaal ka duwan kuwii horay uga dhacay dalka, kana dhib badan shacab Soomaaliyeedna lagu xasuuqay arrintaasina waxay u baahan tahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah.” ayuu mar kale wareysi laga qaaday ku yiri Wasiir Jaamac Xasan.

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada oo hadalkiisa sii wata ayaa dagaalka ay waddo Somaliland ku sifeeyay mid ay uga soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu raji xumo ka muujiyay guuleysiga in wada-hadal lagu dhameeyo colaadda Laascaanood oo dhowr bilood ka taagan gudaha magaaladaasi.

“Waa dagaal ku jiheysan midnimada qaranka, waan qabaa in wadahadalka la raadiyo, laakiin dadka la leynayo kama imaan karto,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Al-Shabaab oo bayaankii ugu cusla kasoo saartay gulufka dagaal ee DF Soomaaliya

0

Bu’aale (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay war-murtiyeed laga soo saaray shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Amiirka kooxda, Axmed Cumar Abuu Cubeyda, waxaana laga soo saaray bayaankii ugu cuslaa ee kooxda kaga jawaabeyso gulufka dagaal ee uga socda qeybo badan oo dalka.

Kooxda ayaa waxay sheegtay in dowladdaha shisheeya oo gacan ka helaya tan Soomaaliya ay soo qaadeen duullaan ballaaran oo ay ku sheegtay in lagu beegsanayo caqiidada, dhaqaalaha iyo deegaanada Muslimiinta, “waa lama huraan in dhexda u xirtaan difaaca dhulkooda.”

Bayaanka kasoo baxay shirweynaha Al-Shabaab oo u muuqda mid ay taageero ugu raadsanayaan dagaalka ku socda ayaa waxay ku sheegtay in maleeshiyaadkeeda iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay si wada-jir ah uga qeyb qaataan ka hortagga iyo fashilinta wejiga labaad ee gulufka dagaal, sida lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxay ku sheegeen in ka qeyb ahaanshaha ciidamada Itoobiya ee wejiga labaad ee dagaalka uu ku saleysan yahay damac dhul ballaarsi oo soo jireen ah oo daba socda sheegashadooda lahaanshaha Zeylac, Muqdisho iyo Balcad, sida lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirweynaha Al-Shabaab ayaa waxa kale oo lagu weeraray dowladda Imaaraadka Carabta, oo xilligaan kaalin mug leh ku leh dagaalka socda, dowladda federaalka ka taageeraysa tababarka iyo kharashaadka ku baxaya ciidamada cusub ee qeybta ka noqoneysa qorshaha dowladda ee dagaalka iyo xasillinta caasimadda.

“Imaaraadku waa dubbaha Yahuudda iyo Mareykanka u adeegsadaan gumeynta iyo gumeysashada umadda, fara-gelinta ay Soomaaliya ku haysana ay tahay mid ay ku abuureyso maleeshiyaad lamid ah kuwii ay ka sameysay Yemen, Liibiya iyo Suuriya, kuwaas oo markii ay burburisay ay gacanta u gelisay cadowgoodii soo jireen ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kooxda Al-Shabaab.

Kooxda ayaa waxa kale oo si weyn uga gil-gilatay dagaalka dhaqaale ee ka wajaheyso dowladda federaalka, kaasi oo laga gaaray guul wax ku ool, sida ay kal hore sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Shabaab ayaa ku tilmaamtay dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah mid lagu beegsanayo dhaqaalaha iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo qorshe ay gacmo kale ku doonayaan inay ku bililiqeystaan hantida umadda, sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, Shirweynaha laga soo saaray war-murtiyeedkan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka dhex muuqday sawirada laga baahiyay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo is-casilay isaga oo ka cabanaya Hinda Culusow

Riyadh (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas, isaga oo ka cabanaya Hinda Culusow oo ah madaxa hab-maamuuska madaxweyne Xasan Sheekh.

Saalim Macow Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray uga andacooday in laga reebey ka qeybgalka shirka 32-aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19-ka May, 2023.  

“Arintan waxey baalmar ku tahay curfiga diblomaasiyada caalamka oo ah in safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu madaxweynaha ka qeyb galaayo,” ayuu ku yiri qoraalka.

Waxa uu intaas ku daray “waxaan caddeynayaa in madaxa barotokoolka madaxweynaha Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah, iina geysatey aflagaado.”

Waxa uu sheegay inuu arrintaasi la socodsiiyey wasiirka arrimaha dibadda, balse wasiir Abshir Cumar Huruse uu ka gaabsadey inuu arrintaasi faragelin ku sameeyo.  

Arrimaha uu safiirka sheegay waxaa sidoo kale mid ah inuu yiri “in leyga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.” 

“Haddaba anigoo ilaalinaya sharafteyda iyo karaamadey, iyo anigoo tixgelinaya sharafta dowladnimada iyo dibloomaasiyada waxaan go’aan ku gaarey inaan iska casilo xilka danjiraha dalka Sacuudiga laga billaabo maanta oo ay bishu tahay May 22, 2023. Waxaana xilka ku wareejin doonaa ku-xigeenka danjiraha mudane Abshir Warsame Diirshe inta laga magacaabaayo qof kale.”

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hinda Culusow oo ku saabsan eedeynta uga timid safiirka. 

Si kastaba, waxaa xusid mudan in safiir Saalim Macow uu ka mid yahay shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana dhowaan la hadal hayey in la beddeli doono.

Maxay yihiin ciidamada cusub ee gaarka ah ee Imaaraadka usoo tababaray Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmo kahor dalka Uganda tababar heer sare ah loogu soo xiray ciidamo cusub oo qeyb ka ah kumanaanka askari oo dowladda Imaaraadka Carabta ay taageerayso.

Ciidamadan oo tababarka loo soo xiray Jimcihii ayaa waxaa la sheegay inay yihiin urur gaar ah (special force) oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, islamarkaana la siiyay tababar dheeraad ah oo heerkiisu aad u sareeyo, kaasi oo muddooyinkii dambe ku qaadanayeen dalka Uganda.

Imaaraadka Carabta ayaa iyadu bixinaysa kharashka ku baxaya tababarka ciidamada lagu tababarayo dalka Uganda, ayada oo arrintaan qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo Imaaraadku ku taageerayo dhismaha dowladnimada.

Sidoo kale waxay ciidamadan kamid yihiin illaa 12,000 askari dowladda Imaaraadka Carabta ay kharashkooda iyo hubkooda bixineyso, loona tababarayo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababarkooda uu ka dhacayo dalka Uganda, Masar, Itoobiya iyo Eritrea.

Ciidamadii ugu horreeyay oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa billooyin kahor laga howl-galiyay magaalada Muqdisho, ayada oo tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, markaas oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.

Hase yeeshe ciidamadan cusub ee tababarka loogu soo xiray Uganda ayaa la sheegay inay lamid aheyn kuwii hore ee caasimadda ka howl-galayay ee ahaa Booliska Milateriga, waxayna iyagu ka howl-gali doonaan gobollada ka baxsan caasimadda, islamarkaana waxay ku biiri doonaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtidda dowladda ee amniga.

Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Shan qodob oo muujinaya in Erdoğan dib loo dooran doono

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa markii ugu horreysay taariikhda geli doono doorasho ku-celis ah, kadib markii doorashadii 14-ka May uu waxyar ka hoos maray 50% codadka, oo laga doonayey musharaxa guuleysanaya si looga baaqsado wareeg labaad oo doorasho ah.

Erdoğan ayaa wareeggii koowaad helay 49.5%, halka musharaxa isbaheysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 44.9%. Sinan Oğan ayaa kaalinta saddexaad ku galay 5.2%.

Haddaba intee le’eg tahay rajada Erdoğan ee wareegga labaad?

Aniga oo eegaya arrimo badan, islamarkaana ka cibro qaadanaya doorashooyin hore oo qaarkood ay ka dhaceen Mareykanka iyo dalal kale, waxaan aaminsan yahay in Erdoğan uu si fudud ugu guuleysan doono wareegga labaad, dhowrkan sabab dartood. 

1- Erdoğan wuxuu u baahan yahay kaliya inuu saamiga codadkiisa wareeggii hore ku kordhiyo 0.5% si uu u guuleysto, taasi oo aad uga fudud howsha u taalla Kılıçdaroğlu oo u baahan inuu saamigiisa ku daro 5%. Waa arrin aad u adag in lagu sameeyo laba toddobaad gudahood.

2- Caadiyan musharaxa xilka haya ma lumiyo taageerada cod-bixiyayaasha wareegga koowaad, sababtoo ah haddii shan sano oo uu xilka hayey Erdoğan aysan ra’yigooda beddelin wax kasta oo muddadaas dhacay, ma jirto sabab ay 14 maalmood gudahood isu beddelaan. Waxa kaliya ee isbeddel weyn keeni kara waa dhacdo weyn ama fadeexad cusub oo soo baxda, taasi oo aan hadda muuqan.

Bil caksi, waxaa suurta-gal in taageerayaasha Kılıçdaroğlu qaarkood ka niyad-jabaan natiijada wareeggii koowaad, sidaas darteedna aysan soo bixin-wareegga labaad ayaga oo aamisan in laga adkaan doono. 

3- Teegarayaasha Erdoğan ee midigta waa ka daacadsan yihiin, kana hubanti badan yihiin kuwa mucaaradka marka ay noqoto usoo bixidda codeynta. Waa muxaafid ku adag diinta, da’ ah oo u badan reer miyi iyo kuwa ku nool magaalooyinka yaryar, halka kuwa mucaaradka u badan yihiin dhallinyaro, bidixda xiga oo ku nool magaalooyinka waa weyn sida Istanbul iyo Ankara. 

Waxaa tan caddeyn u ah in Erdoğan uu wareeggii koowaad helay 49.5% codadka, inkasta oo codadka ra’yiga ay qiyaaseen 45-47%, halka Kılıçdaroğlu oo la qiyaasayey inuu gaari doono 47-49% uu helay 45%. Tani macnaheedu waa in dad badan usoo baxeen Erdoğan, halka mucaaradka qaarkood ay seexdeen.

4- Codadka lagu loolamayo waa taageerayaasha Sinan Oğan oo ah 5% codadka guud. Oğan waa siyaasi xiga midigta-fog, oo macanheedu yahay inay Erdoğan wada xigaan dhanka midigta, balse uu kasii xagjirsan yahay. 

Waxay Erdoğan ka mideysan yihiin inay doonayaan in aad loola dagaalamo kooxda Kurdish-ka ee PKK, halka Kemal Kılıçdaroğlu lagu riixayo inuu u dabacsan yahay kooxdaas, balse waxay Erdoğan ku kala duwan yihiin in Oğan uu kasoo horjeedo qaxootiga Suuriyaanka ah, taasi oo ay ka mideysan yihiin Kılıçdaroğlu.

Waxaa macquul ah in taageerayaasha Oğan ay u kala qeybsamaan Erdoğan iyo Kılıçdaroğlu, balse Erdoğan wuxuu u baahan yahay kaliya 20% taageerayaasha Oğan oo siin karta 1% dheeri ah codadka guud ee doorashada, halka Kılıçdaroğlu u baahan yahay gebigood. Waxaa halkan ka cad sida howsha u taalla labada musharax u kala fududahay.

5- Caadiyan aadanaha ma jecli in la xijiyo dhanka guuldarrada. Tani macnaheedu wuxuu yahay in dadka aan labada musharax kala jecleyn ama weli go’aan ka gaarin qofka ay codka siin doonaan, ay u badan tahay inay xigsadaan dhanka Erdoğan, maadaama uu wareeggii koowaad ku guuleystay, una badan tahay inuu kan labaad guuleysto. 

Arrimahaas oo dhan waxay muujinayaan inay Erdoğan u badan tahay inuu ku guuleysan doona wareegga labaad, taasi oo niyad-jab ku ah Reer Galbeedka iyo warbaahintooda oo dagaal xooggan ku qaaday, balse ay u riyaaqi doonaan malaayiin Muslimiin ah oo aad u jecel hoggaamiyaha xukumayey Turkey 20-kii sano ee tegay. 

Xubno Shabaab ah oo xalay lagu qabtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay xalay ciidamada ammaanka Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay xubno Shabaab ah.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu soo qantay laba eedeysane oo la xiriiriyay inay yihiin Al-Shabaab.

“Howlgal ka dhacay deggmada Howlwadaag  ayaa lagu soo qabtay 2 eedeysane oo la rumeysanyahay in ay Khawaarij yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi kusii daray in howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay waaxda Saqawadiin lagu soo qabtay maandooriye isugu jiro Qamri iyo Calaq.

“Ciidanka Amaanka ayaa caawa fiidkii howlgalka Ciiltire ku soo qabtay Maandooriyaha (Qamri iyo Calaq) Dagmada Howlwadaag, gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Saqawadiin.” ayaa mar kale yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalkan oo lagu magacab Ciiltire uu sii socon doono, isla-markaana ay ka qayb qaadan ciidamada cusub Boolis Milataaro.

Ujeedka ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loona ciribtiri lahaa burcaddam maandooriyaha iyo ciyaal-weerada, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

“Howlgalka Ciiltire ee Ciidanka Boliiska, NISA iyo Polizia Militare ayaa ujeedkiisu yahay Xaqiijinta Amniga, Ciribtirka Khawaarijta, Burcadda Iyo Maandooriyaha. Sidoo kale, waxaa lala soo qabtay eedeysanihii waday maandooriyaha” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab.

Si kastaba, howlgalladan iyo qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa keenay degnaasho iyo xasilooni ay dareemeen shacabka Muqdisho.

Xasan ma ku baasi doonaa imtixaanka ay ku dhaceen Sheekh Shariif iyo Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho marka laga tago inay tahay caasimadda Soomaaliya, dhinaca kale waxay tan iyo sanadkii 2000-ka imtixaan ku aheyd nuuc walba oo maamul ah oo ka curta Soomaaliya.

Laga soo bilaabo aas-aaskii Jamhuuriyaddii saddexaad ee shirkii Carta hal shaqo oo weyn, balse isku mid ah ayaa hortaalay madaxweyne kasta oo la doorto. Shaqadaas waa Muqdisho oo nabad ah.

Dhamaan madaxdii 23-kaas sano la doortay oo ahaa Cabdiqaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo, dhamaan waa ku fashilmeen in Muqdisho nabad ka dhigaan.

Balse, Xasan Sheekh wuxuu kusoo laabtay xukunka, wuxuu helay nasiib aanay madaxdaas kale helin, wuxuu soo laabtay iyada oo weli ay taagan tahay isla su’aashii aheyd yaa Muqdisho nabad ka dhigi kara?.

Maalmahaan waxaa si weyn looga hadla inuu kasoo reynaayo amaanka magaalada caasimadda ee Muqdisho, weli lama dhihi karo caasimadda waa amni, laakiin waxaa muuqata in sidii hore wax badan dhaanto oo ay yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii joogtada ah.

Balse, taasi kama dhigna inuu Xasan Sheekh weli su’aashii jawaab u helay. Fursad ayuu’se weli haysta. Hoggaamiyihii ku guuleysta inuu Xamar nabad ka dhigo, wuxuu qabtay howl ay qaban waayeen dhamaan madaxdii la doortay 23-kii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh oo 23-kaas sano oo isaguba qeyb ku leh, balse fursad labaad helay wuxuu fahamsan yahay ahmiyadda arrintaan.

Muqdisho waa meesha laga ogaado shaqada iyo shacbiyada dowladda, haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto micnaheedu waa in shaqo la qabtay, haddii amniga Muqdisho lagu guuleystay shacbiyada kor ayay u kici doonta.

Haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto dhaqaalaha dowladda kor ayuu aadi doona, haddii ammaanka Muqdisho lagu guuleysto Al-Shabaab siima jiri karaan, haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto shaqo la’aanta dhalinyarada daawo ayaa loo heli doona oo maalgashi xoog leh ayaa dhici doona.

Haddii amniga Muqdisho lagu guuleysto isku haynta dalku waa sahlanaan doonta, haddii ammaanka Muqdisho lagu guuleysto dowladdu waa ka maarmi doonta dawarsiga ajnabiga, haddii amniga Xamar la xaqiijiyo waxay sahli doonta in guud ahaan ammaanka dalka la xaqiijiyo.

Xitaa madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu ku fekerayo inuu siyaasadda kusii nagaado sanado kale, inuu Muqdisho nabadeeyo waxay u noqon doonta hubkiisa ugu weyn ee loolanka siyaasadda.

Dhamaan fursadahaas oo dan u ah dalka, dadka, dowladda iyo hoggaanka maanta xukunka haya waxay ku xiran yihiin Muqdisho oo nabad laga dhigo.

Dadweynaha waxay baddi aaminsan yihiin inuu Xasan Sheekh haysto fursadii uu taas ku sameyn lahaa iyo koox fahamsan ahmiyadda ay mashruucooda u leedahay inay Muqdisho nabad ka dhigaan.

Daawo: Abu Cubeyda oo muuqaal kasoo muuqdaay iyo arrimaha uu ka hadlay

Bu’aale (Caasimada Online) – Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe

Abu Cubeyda ayaa muuqaalkan cusub kaga soo dhex muuqday wareysi kooban oo uu kaga warbixiyay shir ay dhawaan kooxda qabatay, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo kooxda ay qarisay wejigiisa oo muuqaalkiisa ku furtay humaag, haddana waxaa la dheehan kara inuu yahay mid dheer, sida muuqata, garkiisana timo cirro leh.

Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa waxa uu ka hadlay howl-gallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee isgarabsanaya, kaasi oo uu sheegay in kooxdiisa ay ka gaartay guul wax ku ool ah, sida uu sheegay.

“Dagaalkii u dambeeyay ee soo qaadeen ay aheyd in ay adeegsadaan maleeshiyaad Macawisley la magac baxay oo tabartu biday inay miciin bidaan, iyagana aad hadda moodo inay fashilmeen oo meesha ka baxeen,” ayuu yiri Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Abu Cubeyda ayaa waxa kale oo wareysigaan kooban ee uu siiyay warbaahinta kooxda, ku sheegay in dowladda federaalka iyo xulafadeeda qeybta ka ah gulufka dagaal ay ka quusteen in guul ka gaaran dagaalka Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa uu kusoo aaday (shirweynaha) xilli dowladda Mareykanka iyo xulafadiisa ay ka quusteen ama quus ka taagan yihiin weerarka iyo gulufka ay kusoo qaadeen Wilaatyaadka.”

Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo si dhameystiran loogu aqoonsan karo.

Sidoo kale, Ninkan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kamid yahay xubnaha ugu da’da weyn madaxda kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Shirweynaha Al-Shabaab oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka qeyb-galay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Hoos ka daawo muuqaalka