31.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

DF oo wada qorshe Muqdisho lagu keenayo Isimida SSC

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay casuumaad u fidisay Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, si ay u yimaadan caasimadda ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Laascaanood uu Isimida SSC u gudbiyay casuumada madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Jaamac Khaliif oo noqonaya wasiirkii ugu horreeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya metalaya ee taga halkaasi, tan iyo markii uu ka billowday dagaalka Somaliland iyo SSC, ayaa waxa uu kulan gaar ah uu xarunta gobolka Sool kula yeeshay hoggaanka Isimada dhaqanka ee SSC.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in magaalada Muqdisho shir gaar ah kula yeelato Isimada SSC, si looga wada-hadlo xaaladda magaalada Laascaanood, xilli dowladda muddooyinkii dambe lagu dhaliilayay in aysan kaalin muuqata ka qaadan wax ka qabashada dhibaatada halkaasi ka taagan.

Garaadada oo hormuud u ah dagaalka SSC ay kula jirto Somaliland ayaa laga sugayaa jawaab celinta casuumaadan, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in Isimida ay wasiirka ku wargeliyeen in dhamaantooda aysan wada bixin karin, islamarkaana ay Muqdisho u dirsadaan laba kamid ah Garaadada, taasi oo lasoo warinayo in wasiirka ay u cuntami weysay.

Weli si rasmi ah looma oga sida Isimada ay arrintan uga fal-celin doonaan, waxaana jira warar sheegaya in guddiga 33-ka ee SSC-Khaatumo ay ka biyo diidsan yihiin inay tagaan meel aad uga fog Laascaanood, maadaama dagaal uu kaga furan yahay gobolka Sool.

Dhinaca kale, Wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada ayaa shalay soo kormeerayay goobaha ay saamayeen madaafiicda lagu garaacay magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay joojiyaan sida uu sheegay xasuuqa ay ku hayaan shacabka magaaladaasi, isaga oo xusay in dhibaatada ay geysteen meel kasta kusoo arkeen.

Wasiir Jaamac Khaliif ayaa dib ugu laabanaya caasimadda ee magaalada Muqdisho, waxa uuna golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya horgeyn doona warbixinta rasmiga ah ee ku saabsan xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood.

Si kastaba, booqashada wasiirka isgaarsiinta iyo teknoolajiyada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli ay markale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.

Faah-faahinta howlgal ay booliska ku galeen bakhaar ku yaalla suuqa BAKAARO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin kasoo saaray howl-gal ay maanta ciidamadu ku galeen bakhaar ku yaalla suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo lagu keydiyo raashinka.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada saldhigga degmada Hodan ay gacanta kusoo dhigeen raashin fara badan oo dhacay, kuwaasi oo lagu iibinayay bakhaarka ay gudaha u galeen ciidamada ee suuqa Bakaaro.

Afhayeenka ayaa sheegay in howl-galkan uu yimid kadib cabasho ka timid shacabka, islamarkaana ay ciidamo howl-gal gaar ah ku galeen bakhaarka, ayaga oo sidoo kale gacanta kusoo dhigay dadkii raashinkaasi dhacay dadka ka gadayay.

“Howl-gal ayaa lagu fuliyay bakhaar alaab lagu iibinayay suuqa bakaaraha, howl-gal ayaa lagu fuliyay oo gacanta ayaa lagu soo qabtay. Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay dadkii eedeysanayaasha ah ee alaabtaas iibinayay,” ayuu yiri Afhayeen Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada la horgeyn doono cadaaladda, ayna wajihi doonaan maxkamadda awoodda u leh, si tallaabo sharci ah looga qaado.

“Waxa dadka lagu dhibaateeyo raashin dhacay kaliya ah ma ahan ee waa kamid yihiin, marka waxkasta oo dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateynayo waa ka hortageyna, waana ka qabaneyna Insha Allah.”

Sadiiq Doodishe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-gallada noocaan ah ay kasii socon doonaan caasimadda, wuxuuna uga digay dadka ku howlan arrimahaan inay ka waantooban, “ciddii ku howlan ayaga iyo sharciga is-waafajin doona, oo gacanta ayaa lagu dhigayna.”

Si kastaba, Howl-galkan ayaa qeyb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda federaalka ay ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo muddooyinkii dambe lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada.

 

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay madal dadweyne oo uu ka baaqsaday R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb-galo dood dadweyne oo loo ballansanaa galinka dambe ee maanta, taasi oo qorshuhu ahaa in su’aallo lagu weydiiyo.

Xamza oo ka cudur-daartay madasha dadweyne ee lagu weydiin lahaa su’aalaha, ayaa waxa lagu sheegay inuu uga baaqsaday kadib markii shaqooyin qaran oo dalka iyo dadka muhiim ah ay kusoo kordheen ra’iisul wasaaraha.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu yiri “Cudur-daar: Shaqooyin Qaran oo Dalka iyo dadka muhiim u ah oo kusoo kordhay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda aawgeed waxaa dib loo dhigay Barnaamijka Dood Furan oo galabta aan ku ballansaneyn.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Waqtiga laga dhigi doono Dooda dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonnaa insha Allah . Mahadsanidiin.”

Arrintan ayaa durba waxaa ka dhashay fal-celin xooggan, ayada oo dadweynaha saacado un kahor xilligii loo ballansanaa madasha (barnaamijka dood furan) ee su’aalaha lagu weydiin lahaa Xamza, lagu wargeliyay inay baaqatay, taasi oo u cuntami weysay dadka qaar.

Haddaba, Sidee ayaa looga fal-celiyay arrintaan?

Caasimada Online, ayaa idin soo aruurisay aragtiyada ay bulshada Soomaaliyeed kaga fal-celiyeen ka baaqsiga Xamza ee madashaan, oo cudur-daarkeeda lagu baahiyay warbaahinta dowladda, Hoos ka aqriso:

Saddam Cabdi Cabdille: “Maxaad nooga baajiseen waa laga oohin lahaa raysal wasaaraha.”

“Shaqooyinka Qaranka muhiimka u ah waxa ugu weyn uguna fiican ballanta oo waqtigeeda lagu ilaaliyo,” ayuu yiri Yaasiin A.Malin oo kamid ah dadka ka fal-celiyay cudur-daarka iyo baaqsiga Xamza ee madasha dadweyne.

Xasan Cali: “Su’aalihii iyo jawaabihiisa maa isku aad-aadin ku wadiin micnaha.”

“Wan sugaynaa doodda lagu waydiinayo su’aalaha Raysalwasaaraheena sharafta leh,” ayuu sidoo kale yiri Cabdirisaaq Cumar.

Cabdicasiis Waddani ayaa isagna yiri: “Su’aalihii baa naga si lumineysaaan miyaa?.”

“Hadda waxaa na leedihiin Xasan ma shaqeyste waaye oo marwalbo waa la heli karaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Nuur oo isagu kamid ah dadka u cuntami weysay in Xamza uu ka baaqsado madashaan, halka kal hore madaxweyne Xasan Sheekh waqtigeeda kusoo xaadiray.

Axmed Nuur ayaa isagna yiri: “Awalba dood furan ma sugayn anigu.”

Hanti-dhawrka oo soo saaray amar lagu joojinayo dhisme sharci darro ah oo ka socda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa amray in si dhakhso ah loo joojiyay dhisme ka socda xaruntii hore ee iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee degmada Warta Nabada, gaar ahaan waaxda Barwaaqo ee magaalada Muqdisho.

Hanti-dhawrka ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in dhismahaasi uu yahay mid sharci darro, islamarkaana dhismaheeda ay waday shirkad ay heshiis la galeen dad gaar ah, oo uusan magacaabin.

“Waxaa hay’addaha dowladda ee ay warqadani sida tooska ah ugu socota waxa lagu wargelinayaa in si deg-deg ah loo joojiyo dhismaha sharci darrada ah ee ka socda xaruntii hore ee Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee Degmada Warta Nabadda, gaar ahaan Waaxda Barwaaqo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warqada uu soo saaray hanti-dhawrka ee lagu joojinayo dhismahaan ayaa waxaa si toos ah loogu socod-siiyay; Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida umadda iyo u hoggaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo bad-qabka hantida Qaranka.”

Hanti-dhawrka ayaa waxa uu sheegay in dhulalka ay leedahay dowladda Soomaaliya uusan jirin qof gaar ah oo yeelan kara dhul aan dowladdu siin, ka iibin ama u ogolaan, islamarkaana ay sharci darro tahay “hibeynta, bixinta iyo wareejinta dhulka dowlada.”

Qoddobada uu go’aankan u cuskaday Hanti-dhawrka Qaranka ayaa waxaa kamid ah qodobka 43-aad (2 & 4) ee Dastuurka Ku-meel gaark ah JFS iyo Qodobka 50-aad (1) Xarfaha (b & t) ee sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr.17, ee 25/12/2019).

Waxaa xusid mudan in go’aankan kasoo baxay hanti-dhawrka ee lagu joojinayo dhismahaan oo faah-faahin dheeraad ah laga bixin, ay ka wada socdaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, sida ku xusan qeybta hore ee warqadda kasoo baxday xafiiska.

CC Shakuur oo shaaciyay 2 arrin oo hoos u dhacay oo halis ku ah dowlad dhiska dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in halista ugu weyn ee wajahayo hana-qaadka dowlad dhiska dalkeena iyo dimuqraadiyada curdanka ah ay tahay hoos u dhac ku yimid kaalintii bulshada rayidka ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray oo ugu hadlay arrintaan, sidoo kale ku sheegay in warbaahinta madax-banaan ay qeyb ka tahay hoos u dhacaas ku yimid kaalinta bulshada rayidka ah.

“Halista ugu wayn ee hanaqaadka dawlad dhiska dalkeena iyo dimoqoraadiyadda curdunka ah soo food saartay waa hoos u dhaca ku yimid kaalintii bulshada rayadka ah iyo warbaahinta madaxa-bannaa,” ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada.

Xildhibaan Shakuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan ay qeyb ka noqotay kadib markii ay hoggaamiyayaashii bulshada rayidka ah ay noqdeen kuwo geeriyooday, kuwa ku biiray siyaasadda iyo kuwa howl-galb noqday.

“Halka la kala garan waayey warbaahintii dawladda iyo tii madaxa-bannaanayd,” ayuu qoraalkaasi ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergey Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina waxaa uu ka dhawaajiyay in xilligaan loo baahan yahay jiil cusub oo dhiirranaan iyo ku dhac leh oo hoggaamiya bulshada rayad ah iyo warbaahin madax-banaan.

“Kuwaasi oo kaalin mug lehna ka qaata qaata xakamaynta siyaasiyiinta, xasillinta dalka, dawlad dhiska iyo dimoqoraadiyeynta.”

Somalia and Qatar to deepen economic ties

Doha (Caasimada Online) – President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia has announced that his country is seeking to deepen its economic ties with Qatar.

During a visit to Doha, Mohamud met with Qatari Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani and discussed a range of issues, including trade, investment, and security.

Mohamud said that Somalia is eager to benefit from Qatar’s expertise in several areas, including infrastructure development, education, and healthcare.

He also hoped Qatar would invest in Somalia’s natural resources, such as oil and gas.

Amir Al Thani said that Qatar is committed to supporting Somalia’s development. He pledged to provide financial assistance and technical expertise to help the country rebuild its infrastructure and economy.

The two leaders also discussed the security situation in Somalia. Al Thani said that Qatar is ready to work with Somalia to combat terrorism and extremism.

Mohamud thanked Qatar for its support in the fight against Al Shabaab, a terrorist group that has been waging an insurgency in Somalia for years.

The visit of President Mohamud to Qatar is a sign of the growing economic and political ties between the two countries. The two countries have a long history of cooperation and are now working to deepen their relationship in many areas.

Background

Somalia has been in a state of conflict for decades. The country was plunged into civil war in 1991, and the internationally-backed government could only return to Mogadishu in 2012.

However, the country remains plagued by violence and instability.

Qatar has been a critical player in Somalia’s efforts to rebuild. The country has provided the Somali government with financial assistance, technical expertise, and military support.

Qatar has also played a role in mediating peace talks between the Somali government and Al Shabaab.

Economic potential

Somalia has a population of over 15 million people. The country has a young and growing workforce and is rich in natural resources, including oil and gas.

Somalia also has a strategic location in the Horn of Africa, which makes it an important transit point for trade between the Middle East and East Africa.

Qatar is a wealthy country with a strong economy. The country has a population of over 2 million people and is a major natural gas exporter.

Qatar is also a major financial center with a strong track record of investing in developing countries.

Mutual benefits

The deepening of economic ties between Somalia and Qatar would benefit both countries. Somalia would gain access to Qatar’s expertise and financial resources, which would help the country to rebuild its infrastructure and economy.

Qatar would gain access to Somalia’s natural resources and strategic location, which would help the country to expand its trade and investment opportunities.

The visit of President Mohamud to Qatar is a positive step towards deepening the economic ties between the two countries.

The two countries have a long history of cooperation and are now working to build a stronger relationship that will benefit both countries.

Kenya strengthens security on Somalia border with 14 FOBs

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya has constructed 14 fully equipped Forward Operating Bases (FOBs) along the Kenya-Somalia border as part of efforts to bolster security in the area.

The FOBs are located in strategic areas along the border and are equipped with various weapons and equipment, including artillery, armored vehicles, and surveillance systems.

Kenyan troops will man the FOBs, and they will be used to monitor the border and to respond to any threats from al-Shabab, the militant group that is active in Somalia.

A strong defensive line

The construction of the FOBs is part of a more significant effort by Kenya to improve security along the Kenya-Somalia border.

In addition to the FOBs, Kenya has also deployed additional troops to the border region, increasing its intelligence-gathering activities.

The Kenyan government is concerned about the threat posed by al-Shabab. The group has carried out several attacks in Kenya, including the 2013 Westgate shopping mall attack, which killed 67 people.

Al-Shabab has also been accused of recruiting Kenyan citizens to fight in Somalia.

The construction of the FOBs is a significant step by Kenya to improve security along the Kenya-Somalia border.

The FOBs will help to deter al-Shabab attacks and to protect Kenyan citizens from the threat of terrorism.

Somalia has been plagued by instability for decades. The country has not had a functioning central government since 1991, and a series of warlords and militias have ruled it.

The Islamic extremist group al-Shabab has emerged as a major force in Somalia in recent years.

Al-Shabab controls large swaths of territory in southern Somalia and has carried out several terrorist attacks in Somalia and Kenya.

The drawdown of Kenyan troops from Somalia

Kenyan troops have been deployed to Somalia since 2011. The Kenyan military intervened in Somalia to oust al-Shabab from power.

Kenyan troops have made significant gains against al-Shabab, but the group remains a major threat to Somalia and Kenya.

The Kenyan government has announced plans to withdraw its troops from Somalia in 2024.

The drawdown of Kenyan forces will be part of a more considerable effort to transition security responsibility in Somalia to the Somali National Army (SNA). The SNA is a Somali military force supported by the African Union Mission in Somalia (AMISOM).

The drawdown of Kenyan troops from Somalia is a significant challenge. The SNA is still a relatively weak force, and it is not clear whether the SNA will be able to secure Somalia after the withdrawal of Kenyan troops effectively.

The Kenyan government is working to strengthen the SNA. However, it is unclear whether the SNA will be ready to take on full responsibility for security in Somalia by 2024.

The construction of the FOBs is a significant step by Kenya to improve security along the Kenya-Somalia border.

The FOBs will help to deter al-Shabab attacks and to protect Kenyan citizens from the threat of terrorism. The drawdown of Kenyan troops from Somalia is a significant challenge.

However, the Kenyan government is working to strengthen the SNA to take on full responsibility for security in Somalia.

Sawirro: Amiirka Al-Shabaab oo lagu arkay shir ay kooxdu ku qabsatay Jubbada Dhexe

Bu’aale (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay in lasoo gaba-gabeeyay shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe, inkasta oo aan la shaacin goobta uu sida gaar ah uga dhacay.

Shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Sawirro ay kooxda baahisay ayaa muujinaya Abu Cubeyda oo dhex fadhiya shirka balse kooxda ayaa qarisay wejigiisa oo sawiradiisa ku furtay humaag.

Kooxda ayaa sheegtay in shirkan uu socday muddo siddeed maalmood ah, ayada oo warbaahinta Al-Shabaab ay baahisay war-murtiyeed iyo fatwo kasoo baxay shirkan, oo ay u dhan yihiin dhamaan dhinacyada kasoo qeyb-galay.

Kulankan ayaa waxaa lagu gorfeeyay marxaladda uu marayo wax ay kooxdu ugu yeerto “Jihaadka Bariga Afrika iyo shirqoolada kala duwan ee uu cadowgu usoo maleegayo si loo xagal daaciyo halganka Jihaadka,” sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay shirkaan.

Shirweynahan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, waxaana ka dhex muuqday sawirada laga baahiyay dhamaan culimada kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Waxaa xusid mudan in qofka kaliya ee wejigiisa la qariyay uu ahaa Amiirka kooxda Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe warar la faafiyay ay sheegayeen inuu xanuunsanayo.

Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo lagu aqoonsan karo.

Si kastaba, Arrintaan ayaa waxaa durba ka dhashay hadal hayn xooggan, ayada oo dadka qaar ay ku macneeyeen inay tahay dib u dhac sirdoon, maadaama ay hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ay ogaan weyday dhicitaanka shirka intaas la’eg ee kooxda Al-Shabaab ay ku qabsatay gudaha Soomaaliya, xilli ay muddooyinkii dambe soo warineysay waxa ka socda gudaha kooxda.

JUBALAND oo taageero u heshay qorshaheeda ku aadan maamul u sameynta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo safiirada caalaamka ee jooga caasimada.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirada arimaha gudaha, caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha madaxtooyada maamulka Jubbaland,

Axmed Madoobe ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann, kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaanada Jubaland kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha amaanka iyo hormarinta deegaanka.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ballan-qaad ka helay Midwoga Yurub oo sheegay inuu ka taageeri doono qorshe laga fulinayo afar degmo, gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka oo afar degmo oo kamid ah maamulka Jubbaland oo dhawaan la bilaabayo.

Jubbaland ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaabm wuxuuna dhanka kale maamulka wadaa qorshe lagu dhisayo goleyaasha deegaanka ee degmooyinka hoostaga maamulkaas oo ka arrimiyaha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay ku xigeenka safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle iyo qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada AFRICOM ee ka howlgala gudaha waddanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa isna looga hadlay tageerada Maraykanka ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka Shabaab iyo wejiga labaad ee howlgallada ka bilaabanaya dalka.

Waxa kale oo uu Axmed Madoobe, magaalada Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay  dhamaystirka golayaasha deegaanka Jubbaland iyo tageerada mashariicda kala duwan ee ka socda Jubaland.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

DF oo ka baaqsatay ceebeynta dad ku kacay arrin yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare oo shalay ku dhawaaqday natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay ayaa shaacisay in macallimiinta qaar ay kusoo xareysteen codsiga shahaadooyin been abuur ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in hadda aysan ceebeynayn macallimiintaas ku kacay arrintaas la-yaabka ku noqotay, balse ay uga digayaan inay ka waantoobaan waxyaabahaasi qaldan.

“Mar waxaan damacnay in aan ceebeyno dadka ku xad-gudbaya hufnaanta, laakiin waxaa dhahnay maadama markii u horeysay ay tahay faraha markaan faraha ka qaada, laakiin marka dambe ma deynayno, dadka la yimaada shahaadooyinka been abuurka waan hayna magacyadooda,” ayuu yiri wasiir Faarax Cabdulqaadir.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaasi ay shahaado been abuur kala yimaadeen Jaamacado ku yaalla dibadda, kuwaasi oo markii ay wasaaradda la xiriirtay noqday kuwa laga been abuurtay oo sal iyo raad toona laheyn.

“Jaamacadihii ayaa la xiriirnay oo liiskoodii waa la hayaa, haddii aan sii deyno waxa laga yaaba in badhkood lala aado maxkamaddo oo dhibaatooyin waaweyn la kulmaan. Been abuur in lagu shaqeysto suurta-gal ma ahan, weliba in macallin lagu noqdo suurta-gal ma ahan, meelaha kale ee muluq-muluqda ah anaga ma ogin.”

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa waxa uu shaaciyay in kharashaadka ku baxaya macallimiinta cusub ay bixiyeen shacabka Soomaaliyeed, “culeyska cidda dusha saaratay waa shacabka Soomaaliyeed ee canshuurta bixiya, iyaga oo abaar iyo dagaal ku jira go’aan ku gaaray inay bixiyaan canshuur loogu shaqaaleysiiyo macallimiin carruurtooda wax barta.”

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Dadka Soomaaliyeed ee canshuurta bixiya waaye waxa keenay fursadaan, ee ah inay dadkeena wax bartaa.”

Billo kahor ayay aheyd markii sidan oo kale ay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay shaacisay in shirkadaha qaar ee soo xareystay tartankii adeegga Xujeyda Soomaaliyeed ay codsigooda kusoo gudbiyeen dukumtiyo been abuur ah, sida shati been abuur ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa markaas baaris ku billaabay shirkadahaas ku kacay been abuurka, kuwaasi oo la fahamsan yahay in xilligaasi wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay la wadaagtay xafiiska xeer ilaalinta magacyada iyo xogta la xiriirta shirkadahaas, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Si kastaba, ka baaqsiga in wasaaradda waxbarashada ay xogta dadkaasi la wadaagto xeer ilaalinta ama hay’addaha kale ee shaqada ku leh ayaa lagu macneeyay mid ay digniin kama dambeys ah ugu direyso dadka ku kaca been abuurka, gaar ahaan kuwa soo xareysta fursadaha kala duwan ee wasaaraddu baahiso.

Ciidanka ammaanka oo xalay howlgal culus ka sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay xalay isku fidiyeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafado ay ka mid tahay xaafada Ciise Cabdi, halkaas oo goob fagaare ah la’isugu keenay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood ay ciidamadu horey u kaxeysteen, si ay u weydiiyaan su’aallo dheeraad ah.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa lab weji mid lagu xaiijinayay amniga iyo la dagaallanka waxyaabaha maanka dooriya oo muddooyinkii dambeeyay ay wadday dowladdu.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay howlgalka sii wadi doonaan, ayaga oo shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago amni darrada.

Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee ay mararka qaar weeraro iyo dilal ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo haatan wajahaya culeys xoogan.

Howlgalladan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada dowladda Soomaaliya ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada.

Si kastaba, reer Muqdisho ayaa hadda ku nooloonaya nabad iyo deganaan ay heleen kadib isbeddalka amni ee ka dhacay caasimada oo lagu wareejiyay Ciidan Boolis Milataaro ah.

Daawo: Mas’uuliyiin ku hadaf ah Al-Shabaab oo loo digay

0

Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka digay in lagu kadsoomo masuuliyiin qaar oo kooxda Al-Shabaab ku hadaf ah, kuwaasi oo dagaal culus uu uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.

“Nin ku eg oo adiga kula jooga oo xaafadaha caadiga ah kula jooga ama masuuliyad waxa uu rabo ha haayo iyo nin duurka ku jira oo Khawaarij ah, oo isku hadaf ah waaye, markaas waa in shacabka Soomaaliyeed aysan ku kadsoomin,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana uusan waxba iska baddelin go’aankii hore loogu bilaabay dagaalka, sidaas darteedna ay tahay bulshada meel uga soo wada jeesato kuwa baro-bogaadada ku wada gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Dagaal ayaa lagu jira marka dagaal lagu jirana waa iska dhib badan oo baro-bogaando badan yahay, waxaa rabnaa in ay kadsoomin, siddeed billood kahor wadaddii aan ku taagneyn aan ku taaganahay, haddii maalin xabad dhicin maalinta labaad ayaa xabad socota, haddii maalin askari naga shahiideyn mid ayaa naga dhaawacmaya,  yeysan ka gorgortamin,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed waxa dhiiggaas, sharafkaas iyo maalkaas loo bixinayo yeysan ka gorgortamin, yeysan qolo kale u adeegsan baro-bogaando, oo yaa loo fahmin in qaddiyada shaqsi leeyahay ama madaxweyne leeyahay ama wasiir leeyahay, qaddiyada Qaranka Soomaaliyeed ayaa iska leh oo Khawaarij lagula diriraayo.”

Wasiir Jaamac oo hadalkaan ka sheegay khudbad uu shalay ujeedinayay ciidamo cusub oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in kuwa  baro-bogaadada ku wada gulufka socda iyo Shabaab uusan wax farqi ah u dhaxeyn.

“Kan na dilaya oo na qarxinaya waa Soomaali, kan biyo ku shubaya in lala dagaalamo Khawaarijta ee dulminaya qabaa’iilada ku jira dagaalka oo hagarsanaya oo beenta u sheegayo oo wiilasha Soomaaliyeed ee dhimanaya baro-bogaanaya wuu la mid yahay wax badan nooma dhaamo.”

Hoos ka daawo

Yuu codka ugu shubi doonaa musharaxa saddexaad ee ku haray doorashadii Turkey?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Murashaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga Qaranka, Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa qaaday tallaabo ay ku kasbanayaan taageerada codbixiyayaasha Isbaheysiga ATA, iyo murashax Sinan Ogan, kaasoo hab dhaqankiisa uu fure u yahay wareegii labaad ee doorashada madaxtinimada.

Iyadoo Kılıçdaroğlu uu la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Guusha, Ümit Özdağ, ayuu Madaxweyne Erdogan sameeyay arrin lama filaan ah, saacado yar kadib kulankaan, iyadoo Xafiiskiisa Dolmabahce uu kula kulmay Oğan.

Kulankan, oo ku dhacay codsiga Erdogan, ayaa wuxuu ku bilawday nidaam cusub oo qiimeyn ah, oo la xiriira Isbahaysiga ATA iyo siyaasi Ogan.

Isagoo la hadlayay BBC-da qeybta ku hadasha afka Turkiga, guddoomiye ku xigeenka xisbiga Zafer, Uğur Batur ayaa yiri, “Fikradayda shaqsiga ah ayaa ah in tani aysan noqon doonin hanaan aan ku go’aansan karno laba maalmood gudahood, oo aanu oran karno waan taageer sanahay arrintan.”

Iyadoo Turkiga uu dhamaaday wareegii koowaad ee doorashada Baarlamaanka 28-aad iyo tan Madaxweynaha, oo lagu tilmaamay “doorashadii ugu xasaasisaneyd”, ayaa indhuhu waxay u weecdeen oo loo rogay wareegga labaad ee dhacaysa Bishan 28-ka bisha ee May.

Kılıçaroğlu iyo xisbiyada qeybta ka ah Isbaheysiga Nation, oo soo gaba gabeeyay doorashada wareegii koowaad, ayaa helay qiyaastii 4.5 dhibcood, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, uu la xiriiray Sinan Oğan, oo noqdayy furaha wareegga labaad ee doorashada, iyo Ümit Özdağ, Guddoomiyaha Xisbiga Guusha.

Isbahaysiga Dadka, ayaan ilaa hadda la soo xiriirin Ogan, halka guddoomiye ku xigeenka xisbiga AKP, Binali Yıldırım, intuu wacay oo uu la xiriiray, uguna hambalyeeyay habeenkii doorashada.

Erayada qallafsan ee madaxda xisbiga MHP, gaar ahaan guddoomiye Devlet Bahceli, ee ku wajahan Ogan, iyo sidoo kale, Erdogan, oo uu uga hadlay wareysi uu siiyay Tv-ga CNN-ka, ayaa waxa uu ka yiri Ogan, “Uma hoggaansami doono rabitaankiisa. Anigu ma ihi qof jecel in uu sidaan u gorgortamo” ayaa waxay keentay hadalladaasi inay albaabada u xiraan wada xaajood ay la yeeshaan xulafada ATA.

Özdağ iyo Kılıçdaroğlu, afar qodob iyo su’aalo la iska weeydiinayo qorshaha ka dagsan socdaalka

Kemal Kılıçdaroğlu, oo ah hoggaamiyaha xisbiga CHP, ayaa la kulmay Guddoomiyaha xisbiga Guusha, Ümit Özdağ duhurnimadii maanta, iyadoo kulankooddu uu ku saabsanaa wareegga labaad ee doorashada; Hal saac oo uu kulankaan socday, ayaa waxaa uu u dhacay si gaar ah. Özdağ ayaa wuxuu la kulmay Sinan Ogan subaxnimadii, intii aanu dhicin kulankaan, wuxuuna qiimeeyay habka ay ku wajihi doonaan doorashada.

Sida laga soo xigtay xogta la helay, Özdağ, ayaa wuxuu waydiiyay su’aalo ku saabsan siyaasadda socdaalka Suuriya, afarta qodob ee ugu horreeya ee dastuurka, xisbiga HDP, qeexida dhalashada Turkiga ee qodobka 66aad ee dastuurka, iyo hab dhaqanka Isbahaysiga Qaranka ee ku saabsan siyaasadda lagu wajahayo musiibadii dabiiciga ahayd, gaar ahaan magaalada Istanbul oo ay ugu wacan tahay dhulgariirkii dhawaan dhacay.

Isagoo soo jiidanaya dareenka iyo wararka la xiriira dhaqaale xumida jirta ee doorashada ka dib, Özdağ wuxuu yiri, “Haddii lagu doorto, waxaad la wareegi doontaa dhibaato burbur,” wuxuuna waydiiyay siyaabaha maangalka ah ee lagu xalin karo dhibaatooyinka jira.

Özdağ ayaa waxaa la weeydiiyay macluumaadka ku saabsan xiriirka uu la leeyahay xisbiga HDP, doorashada ka dib iyo inay noqon doonto mid uu go’aan ku yeelan doono maamulka dalka.

Isagoo xasuusinaya in Isbahaysiga Qaranku iney ku bahoobeen 6 xisbi, Kılıçdaroğlu, ayaa wuxuu sheegay inaysan wax heshiis ah kula jirin xisbigan.

Isagoo sheegay in “xitaa aan la soo jeedin karin in la beddelo qodobbada ku yaalla bilawga Dastuurka”, Kılıçdaroğlu, ayaa sheegay inaysan jirin wax go’aana oo lagu doonayo in lagu beddelo qeexida dhalashada, ee soo jeedinta wax ka beddelka dastuurka.

Hogaamiyaha CHP, ayaa fariinta gudbiyey ku sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada si go’aana, Isagoo xusay inay wadaagaan aragtiyo isku mid ah oo ku saabsan siyaasadda socdaalka.

Kılıçdaroğlu ayaa u sheegay Özdağ soo jeedintiisa ku saabsan dastuurka, iyo tallaabooyinka ka dhanka ah dhibaatada dhaqaale, isagoo tusaale u soo qaatay “Qoraalka Wadajirka ah” ee Isbahaysiga Qaranku uu horay ugu gudbiyey dadweynaha.

“Lama sameyn wax gorgortan ah”

Sida xogta aan kaga helayno labada dhinacba, Isbahaysiga ATA ma codsanin inay qabtaan jago ama hoggaan midna. Waxaa la qiimeeyay in qiimeyn iyo “gorgor” noocaas ah ay dibu dhac ku keeni doonaan, oo ay dhalin karto fal-celin xun oo ka timaada cod-bixiyayaasha, iyadoo aan loo eegin markaasi dhinaca la taageerayo. Waxaa la ogaaday in Özdağ uu si cad u sheegay inuusan wax qorshe uusan ka lahayn arrintan.

Kulanka ka dib, Kılıçdaroğlu, ayaa sheegay inuu dhacay shir “qurux badan oo wax ku ool ah”. Kılıçdaroğlu ayaa sheegay inay muujiyeen fikirkooda ku saabsan is-afgaradka wadajirka ah, iyo wax ka beddelka dastuurka, waxayna muujiyeen aragtida ah “Turkigu inuu u baahan yahay hanaan fur furin oo dimoqraadiyadeed, wadajir iyo xalinta dhibaatooyinka jira”.

Özdağ wuxuu yiri, “Waxaan jiray su’aalo aan qabnay, waanu waydiinay, waxaan helnay jawaabo faahfaahsan, waxaana ku samayn doona qiimeyn guddigayaga loo igmaday.”

Isagoo sheegay inay qiimeyn ku sameyn doonaan kulanka ka dib xisbiyada kale ee Isbaheysiga ATA, iyo musharaxa madaxweyne Sinan Ogan, Özdağ wuxuu yiri, “Waxaan fikradayada la wadaagi doonaa dadweynaha Turkiga muddo gaaban gudahood.”

Codsiga Erdogan ayaa yimid kadib kulankii Kılıçdaroğlu

Ka dib markii uu la kulmay Kılıçdaroğlu, Özdağ, ayaa wuxuu isugu yeeray Golaha sare ee xisbigiisa. Sida xogta aan kuhelayno, shirkan ayaa intii uu socday waxa codsi ku saabsan kulan loo diray Sinan Ogan, kaasoo ku wajahan Madaxtooyada Turkiga.

Ogan ayaa lasoo xiriiray Ozdag, isagoo ku war galiyey inuu aqbali doono codsigan iyo in kale. Özdağ ayaa wuxuu ugu war celiey Ogan inuu kulan haddii loo soo jeediyo uu aqbali doono. Kulanka Erdogan iyo Ogan, ayaa qaatay ku dhawaad saacad, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin.

“Musharax cad ma jiro oo la tilmaami karo”

Ka dib kulankii Özdağ – Kılıçdaroğlu, ayaa waxaa muuqatay in labada hoggaamiye “wada hadala wanaagsan” ay yeesheen, oo ay u janjeersadeen inay taageeraan Kılıçdaroğlu. Falanqaynta iyo ra’yi ururin degdeg ah oo la sameeyey, ayaa waxaa ka muuqanaya inay u janjeeraan codbixiyeyaashu inay taageersan yihiin Kılıçdaroğlu, waa haddii ay far celino cad cad kasoo baxaan ololaha siyaasadaha socda “ee khadka cas” ee Isbahaysiga ATA.

Si kastaba ha ahaatee, looma saadaalin karo in Özdağ iyo Oğan inay qaadan doonaan go’aan sida “inay si toos ah u taageerayaan Kılıçdaroğlu” sababo la xiriira “inay noqon doonto iney ku xadgudbayaan rabitaanka codbixiyayaasha”.

Taa beddelkeeda, waxaa la sheegay in la xoojin karo in siyaasaduhu ay iswaafaqayaan. Intaa waxaa dheer, dhaleeceynta adag ee ka imanaysa Bahceli ee ku wajahan Ogan, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan “inay u egtahay in Bahçeli iyo hoggaamiyeyaasha MHP ay ku riixayaan Isbahaysiga Qaranka”.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii Madaxweyne Erdogan uu la kulmay Ogan, ayaa waxaa lagu macneeyey in “habraaca go’aaminta la dheerayn doonoo” ee Isbahaysiga ATA sidoo kale.

Kulanka Erdogan iyo Ogan ka dib, guddoomiye ku xigeenka xisbiga Zafer, Şükrü Sina Gürel, oo qiimeyn ku sameeyay inta qof ee wareysiyada ay ka qaaday BBC-da qeybta Turkish-ka, ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in markiiba lasoo saaro natiijada qiimeynta.

Gürel wuxuu yiri, “Waxaan rabnaa isbeddel, laakiin waxaan rabnaa isbeddel mabda’a leh. Mabaadi’deenu waa kuwo waafaqsan dhex dhexaad siga, xitaa haddii isbeddel yimaado, waxay noqon doontaa mid waafaqsan mabaadi’daas. Mudnaantayadu way caddahay, qof kasta oo qiimeeya mudnaantan, waanu taageeraynaa inaga”.

“Ma jiri doono qaab aan ku dhihi karno aan taageerno qoladan”

Uğur Batur, oo ah ku xigeenka madaxa saxaafadda, ayaa sheegay in dhinacyadu ay soo bandhigeen dalabaadkooda inta uu socday kulamada, isla markaana ay ku qiimeyn doonaan guddiyada loo igmaday xisbi ahaan iyo isbaheysi ahaanba.

Batur oo tilmaamay in codsiga Erdogan ee ah in uu la kulmo Ogan uu yahay arrin aad u cusub, ayuu yiri Batur, “Fikradayda shakhsi ahaaneed waxay tahay in tani aanay noqon doonin hanaan aan laba maalmood gudahood ku go’aansan karno, oo aanu dhihi karno waan taageer sanahay.

Sababtoo ah marka dhinac uu arko talooyinka ka kale, waxyaabo kale ayaa u muuqan kara inay yimaadaan. Isaga oo sheegay in aanay filaynin ama aanay dalbanayn jago isbahaysi ahaan, Batur waxa uu muujiyay aragtiyaha soo socda:

“Dhibaatadayadu waa cad dahay, waxaan leenahay shuruudo. In dadka magangalyo doonka ah sida ugu dhaqsiyaha badan u baxaan inaanan la dhayalsan afarta qodob ee ugu horreeya dastuurka, qodobka 66-aad ee dastuurkana lama faragelin doono. Dhammaan kuwan waa shuruudo waafaqsan danaha shacabka Turkiga.

“Dabcan, xisbigeena ma laha go’aan ama fikir uu ku kordhiyo habkan, laakiin waxay u muuqataa in habkani uu qaadan doono waqti dheer. Sideen ku soo gebo gebeynayaa? Sababtoo ah Erdogan, oo yiri, “Lama kulmi doono Sinan Bey,’ haatn wuxuu doonayaa inuu la kulmo, waxay u muuqataa inay sii adkaan doonto haatan markay heerkan soo gaartay.”

Waa maxay sababta taageerada Ogan ay muhiim u tahay?

Madaxweyne Erdogan, ayaa helay 49.52 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka Kılıçdaroğlu uu helay 44.88 codadkii doorashada 14-kii Bishan May, inkastoo Muharrem İnce uu ku jiray codbixinta, Sinan Oğan, oo ah musharraxa Isbaheysiga ATA, ayaa helay 5.17 boqolkiiba codadka.

Codadka Ogan ayaa loo arkaa inay yihiin codadka “codbixiyaasha ka soo horjeeda labada dhinac”. Iyadoo la tixgelinayo inay jirto farqi u dhexeeya 2.5 milyan oo cod oo u dhexeeya Erdoğan iyo Kılçdaroğlu, hab dhaqanka 8.5 milyan ee codbixiyeyaasha ah oo aan tagin goobaha codbixinta, ku dhawaad 1 milyan oo codbixiyeyaal ah oo dhiibtay codad aan sax ahayn, iyo codbixiyeyaashii u codeeyay Sinan Oğan, ayaa u muuqda inay yihiin kuwa go’aanka dhinac u ridi kara.

Iyadoo la saadaalinayo in cod-bixiyayaasha taageersan Ogan ay u kala qaybsami doonaan Erdogan iyo Kılıçdaroğlu, haddana khiyaarka uu sameyn doono, ayaa laga yaabaa inuu u jiheyn doono cod-bixiyayaasha aan go’aansan dhinac ama aan tegin sanduuqa codbixinta, si ay u doortaan murashaxa ay taageerayaan.

Isha: BBC Somali

Dhinacyada isku haya dalka Suudaan oo heshiis gaaray

Khartoum (Caasimada Online) – Cidamada Suudaan iyo kuwa RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo dagaalka u dhexeeya labadan kooxood uu galay todobaadkii lixaad.

Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay.

Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga.

Mas’uuliyiinta Suudaan waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa Mudadad 7 maalmood ah ee ay xabad joojinta socota.

Horay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa ugu booriyay dhinacyada isku haya Suudaan inay ka feejignaadaan weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, ayna u hoggaan samaan shuruucda caalamiga ah.

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah

Guuleed oo Axmed Madoobe la wadaagay qorshe uu ka damacsan yahay Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu horreyn Cabdikariin Guuleed iyo Axmed Madoobe ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee waddanka iyo midda Jubbaland oo la filayo inay howlgallo ka billowdaan.

Intaasi kadib ergeyga ayaa madaxweyne Axmed Madoobe la wadaagay qorshe uu ka damacsan yahay Jubbaland, oo uu dhowaan ku tegi doono safar shaqo.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u sheegay madaxweynaha Jubbaland inuu socdaalkiisa ku qotomo si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Hoggaamiyaha Jubbaland oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dadaalka uu wado xafiiska ergeyga, isaga oo shaaciyay inuu la shaqeyn doono.

Sidoo kale waxa uu u muujiyay garab istaag buuxa, taas oo uu Guleed uga mahadceliyay madaxweynaha uga mahadceliyay, maadaama uu aqbalay qorsha uu wado xafiiskiisa.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo kulamo ka duwan la qaatay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa ururada bulshada rayidka ah.

Horay ergey Guuleed ayaa kulamo muhiim ah oo kala gooni-gooni ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo kan Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen.

Kualmadaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray booqashadiisa ku aadan deegaanada dowlad-goboleedyada, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulladaaasi ee ku aadan sida loo wajahayo wada-hadallada Somaaliya iyo Somaliland.

Dhanka jae, Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba,dowlada dhexe ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka ay qabto Somaliland.

Puntland at a crossroads: Urgent calls for negotiation

In the past three days, numerous events have unfolded, which, if they persist, could lead to unfavorable outcomes. On May 15, 2023, the Puntland Political Forum, consisting of politicians from within and outside the country, issued a statement urging the President of Puntland, Said Abdulahi Deni, to engage in negotiations to discuss the election process.

The group warned the President and his team that they would be held responsible for any consequences arising from an election process that did not have the consensus of all stakeholders. Within an hour, it was reported that two militias of the Puntland forces clashed near the airport, when one group attempted to prevent the other from transporting election equipment. The Attorney General issued arrest warrants for four politicians suspected of instigating the conflict. 

One of these politicians, Hassan Shire Abdi, was interviewed at a restaurant in Garowe. He claimed that the President of Puntland instigated the previous day’s fighting. Hassan Shire Abdi argued that the Attorney General lacked the authority to make arrests, citing the rejection on two occasions of the Attorney General’s appointment in parliament. Furthermore, Abdi alleged that the Attorney General shared the same clan affiliation as the President, suggesting that President Deni is consolidating power among his clan members and blindly loyal supporters. 

With each group currently blaming the other, Puntlanders will not get the desired outcome they expect. The average person simply wants a clear and understandable election process based on the principle of one person, one vote. They want to know who they are voting for and what those individuals stand for. 

The crucial issue to address is the election process itself. Discussing matters other than a one person, one vote election will not lead to any solutions. Similarly, any government official advocating for a resolution through force also contributes to the problem, the same way that any politician who prioritizes personal interests over the interests of the Puntland state is also a part of the issue. 

The election process lacks a predetermined timeline understood and agreed upon by all parties. When the election process was restarted in the middle of last year, there was insufficient time for it to be completed, understood, and discussed by all stakeholders. The registration process had not even commenced, except in the initial three districts.

Due to this time constraint, the government prepared a schedule that appeared rushed to the general populace. For instance, voter registration in the city of Bosaso took place in January of this year, and the registration team was present for only a few weeks. Approximately 80,000 people were reported to have registered during that period. However, it is important to remember that the population of the city is over 1.5 million. 

When asked about how it was possible to conclude the voter registration within a few weeks and a year before the actual presidential election, a member of the registration team explained that there were insufficient resources for the government to extend their stay in the city any longer. The team and their equipment had to travel to the next town. This raised questions about how the government, unable to manage voter registration in two to three districts simultaneously, would be able to conduct actual voting from Bosaso to Kalkacyo in one day. The answer remains to be seen, but it is unlikely to be a simple one. 

Reportedly, the youth hired for voter registration were not paid, and some of them refused to return to the post when they were asked to give out the voting cards. Six out of ten of the youth originally hired for the voter registration returned to work knowing that they would not get paid. The youth was told that international community which promised to finance the election asked Puntland to cover the cost and will be paid later. 

It was also reported one third of the voting cards were not distributed because registered voters returned to their rural areas without waiting to pick up their voting cards. 

Some of those who are registered to vote are not even familiar with the qualifications or experience of the candidates. According to the election procedure, voters vote for a party, not a candidate. If a party obtains enough votes for two seats, those seats will be given to the first two people on the party list. If certain people thought they were voting for the third ranked person on the party list but the party did not win three seats, those voters would be disappointed because they failed to understand how the system worked.

Parties’ campaign opportunities were not fair, and many are still wondering why the parties agreed to participate in an election clearly not based on a level playing field. For example, the president, his vice president, the chairman of the parliament, most of the ministers and the parliamentarians belong to the Kaah party. During the voter registration, the government staff were with the voter registration team campaigning for their party while using the government resources. The cars they were driving, the guards who were with them and the gas they used for their vehicles were all government resources. 

Only two parties – Kaah and Mideye – were able to campaign in Kalkacyo stadium because only those two parties had access to the government resources. All other campaigns, those without access to resources, were not able to campaign successfully. It is like one person competing against another person who has been given a two-mile head start in a five-mile race. Of course, the chance of the person starting two miles behind the competition has zero chance of winning, unless a miracle happens. 

It is time for President Deni to consider all of the above and come to the negotiation table, where agreement can be reached on a process which all stakeholders find fair. The president should realize that Puntland is moving away from the election process it has relied on for the last 24 years, and that before the election takes place, another process must be implemented based on one person, one vote. If the president proceeds with the current type of election with all its constraints, President Deni is the one responsible for any negative consequences.

The president should explain to all stakeholders – to people in general –what policies he has in mind for putting into practice regarding the election. It is not fair to wait until council elections are concluded before outlining the government’s next steps. All opposition parties should come together to negotiate on the election process. The only time one person can gain the moral high ground required to rule is if there is an agreement on the election process. Without such agreement, it is like someone dictating to all the others, and this will eventually lead to disaster. 

By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
[email protected]
Atlanta, Georgia

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Maxay tahay wadada cusub ee maanta ay jeexday DF ee bedelaysa 4.5?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay ayaa shaaciyay in la jeexay waddo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib si daah-furan loogu tartami doono boosaska shaqo ee dowladda, taasi oo muujineysa in hadda aynu kasii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qeybsan jiray.

“Waxaa rejaynayaa in aan ka baxno dhibaatooyinka 4.5 oo runtii dabar adag oo cadaalad aan laheyn oo bir ah ku haya shacabka Soomaaliyeed, waxaa looga bixi kara in wixii fursad ah ee jira in loo tartamo si hufnaan leh, sida dastuurka uu qabo. Taas ayaa gaari doona oo dhisayna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah-furnaanta leh ee ay u maamuleen imtixaanka saddexdii kun ee macallin oo maanta si toos ah u soo gaba-gabeysay wasaaradda waxbarshada, hiddaha iyo tacliinta sare.

“Waa guul kale, tirada yar ha ka fiirin laakiin jihada aan u dhaqaaqnay waa kii saxda ahaa, markaas waa guul kale oo lagu farxo. Macallimiinta waxaa saaran masuuliyad weyn oo waxaa idin sugeysa afartaas milyan, magaalooyinka, tuullooyinka ama guryaha ayay iska joogaan, marka waa in aad ogaata in masuuliyadda maanta lagu saaray ay tahay mid qaran, una diyaar garow macallimow sidii aad masuuliyadaas uga soo bixi laheyd.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hadafka xukuumadda Dan-Qaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la-dagaalanka jahliga, sidaas darteed ay dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato, kuwaasi oo ka haw-lgeli doona gobollada dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumadda federaalka ee uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.

Si kastaba, Xukuumadda Dan-Qaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah-furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay.

NISA oo dekedda iyo garoonka markale ku qabatay saanad ciidan oo loo waday Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta markale dekedda Muqdisho ku qabatay Konteer siday agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab.

Alaabtan oo u badan kuwa ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan saanad ciidan ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, islamarkaana laga soo dajiyay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa isla maanta waxaa lagu qabtay qalab kale oo loo adeegsado qaraxyada, oo isleeyihiin kan dekedda lagu qabtay, loona waday kooxda Al-Shabaab.

Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socday agabka iyo saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kaasi oo howl-gal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay, sida uu warbaahinta u sheegay wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha XFS.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wada-jir ah shir jiraa’id u qabtay, ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq-dhaqaaq walba oo Shabaab dooneyso inay ku dhagarto shacabka, taasi oo sahashay in la helo xogtooda.

“Labada alaabood ee tan dekedda iyo garoonka waxay cadeynaysa in isla xidhiidhaan oo ay yihiin wax wada socda oo ay khidad ay maleegayaan argagixisada oo Ilaahay ka sakow ay ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga gudaha Xaggaa.

Xaggaa ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dardar-galiso dagaalka ka dhanka ah khawaarijta oo hadda ka socda Gobollada dalka si amni looga dhigo caasimada iyo gobolada dalka oo idil.

Ciidanka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 18-kii bishaan dekedda Muqdisho ku qabtay Konteenar lagu soo qariyey saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku jireen alaab ciidan oo kala duwan.

“Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan” ayaa xilligaas lagu yiri bayaan kasoo baxay NISA.

Dekadda iyo Airport-ka ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa sidoo kale waxay muujinayaan shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya oo horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la-macaamiilka kooxda Al-Shabaab ayaa xilligaan waxaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado danbiilayaasha iyo qof kasta oo ku kaalmaysa kooxda dhibaatada ay ku haayaan shacabka, ha ahaadaan ganacsato, masuuliyiin ama nuuc kasta oo kamid ah bulshada.

Hoos ka daawo muuqaallada agabka lagu qabtay dekedda iyo garoonka

Horjooge sare oo Shabaab ah ‘oo wadno istaag u dhintay’ kadib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxii kooxda Al-Shabaab u qaabilsana Zakawaat-ka ee gobolka Galgaduud uu wadno istaag u dhintay, kadib markii uu orad uga baxso islahaa ciidamadda xoogga dalka.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Mahad Cagaduub ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada xoogga dalka, kadib howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka Towfiiq oo 15-KM dhanka waqooyi kaga beegan Galcad.

Ninkan ayaa si gaar ah wuxuu ku magacownaa Madaxii Zakawaat-ka deegaanada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax, Bud-bud iyo Ceel-raydab ee gobolka Galgaduud, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mahad Cagaduub ayaa markii ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada xoogga dalka, waxaa soo weeraray oo ciidankii soo qaabtay ninkaan kusoo qaaday weerar arbushaad ah koox ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo markaas uu isku dayay inuu ka baxsado gacanta ciidanka.

Dowladda ayaa shaacisay in horjoogahan markii uu ordayay ugu yaraan 3-KM uu wadnuhu istaagay, wuxuuna ku dhintay bartii, iyada oo aysan wax rasaas ah ku dhufan ciidanku.

“Koox ka tirsan argagaxisada naflacaariga ah ayaa weerar arbushaad ah kusoo qaaday ciiidankii soo qabtay xiligaas ayuuna isku dayay in uu baxsado lkn markii uu ugu yaraa 3km ordayay ayuu wadnaha istaagay wuxuuna ku dhintay bartii iyadoo wax rasaas ah lagu dhufan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Ciidamada dowladda ayaa hadda gacanta ku haaya labo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, oo isla howl-galkaasi ay kusoo qabteen.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dalka si hordhac ah uga bilowday wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo wejigiisa labaad ee rasmiga ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Xamza ma wuxuu la wareegay awooddii madaxweynaha kadib tallaabada uu qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo aan dastuuri aheyn, oo uu kaga dul boodayo awoodaha dastuuriga ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xamza ayaa u magacaabay Xaawo Axmed Xasan Maareeyaha Guud ee Hay’ada Tayo-dhawrka, halka uu Suuban Cabdi Nuur Gaas u magacaabay maareeye ku-xigeenka guud ee Hay’ada Tayo dhawrka. 

Tallaabadan ayaa ah mid ra’iisul wasaaraha uu ku galay khaladaad dastuuri ah, isaga oo la wareegaya awoodda madaxweynaha, meeshana ka saaray Maareeyaha Hay’adda Cali Yaasiin Gurbe.

Maaareeye Cali Yaasiin Gurbe ayaa waxaa magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, oo ku magacaabay qodobka koowaad ee dastuurka, ayada oo isla maariyihii horena uu xilka ka qaaday madaxweynaha.

Haddii ay dhacdo in xilka laga qaado Cali Yaasiin, waxaa sidaas sameyn kara madaxweynaha oo kaliya, ayada oo magacaabis kasta oo cusubna ay ka imaneyso isla dhanka madaxweynaha, sida ku cad dastuurka. 

Haddaba su’aasha waxay tahay xagee ra’iisul wasaare Xamza ka keensaday awoodda uu ku magacaabay maareeyaha cusub. Waxaa sidoo kale isweydiin mudan goorma ayaa xilka laga qaaday maareeye Cali Yaasiin?.

Arrintan waxay u baahan tahay in madaxweynaha uu soo faro-geliyo, islamarkaana ayido dastuurka dalka, haddii kale waxay ku noqon doontaa calaamad su’aal aan ka harin.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in maareeyaha uu magacaabay Xamza ay xubin ka tahay qoyska madaxweynaha, taasi oo ka dhigan in madaxweynaha ay tahay inuu si gaar ah u eego kiiskan.