28.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Wararkii ugu dambeeyay doorashada ku celiska ah ee Turkiga

Ankara (Caasimada Online) – Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay.

Doorashada ku celiska ah ayaa Turkiga ka dhaceysa 28-da bishan oo ku beegan Axadda danbe, waxayna timid ka dib markii Erdogan uu waxyar uun ka hoos maray tiradii loo baahnaa oo ahayd in ka badan %50 (konnton boqolkiiba) taasi oo u saamixi lahayd in uu ku guuleysto tartankii ugu adkaa ee uu waligiis galo.

Ilaa 3.4 milyan oo qof oo Turki ah oo qurba-joog ah ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka mid ah 64 milyan oo qof oo ka codeynaya guud ahaan doorashada dalkaasi. Qurba joogta ayay codeyntoodu socon doontaa 20-ka illaa 24-ka bishan.

Wakaaladda wararka ay dowladdu leedahay ee Anadolu ayaa warisay in codeyntu ay ka bilaabatay dalal badan oo ku yaalla Aasiya iyo Yurub. Jarmalka oo ah halka ay ku nool yihiin diyaasbarada ugu badan ee Turkiga ayay 1.5 milyan oo qof oo Turki ahi xaq u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan.

Doorashadii Axaddii hore ayaa xisbiga Erdogan ee talada haya ee AK Party iyo xulufadiisu waxa ay ku guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka dalkaasi.

Kilicdaroglu, oo ah murashaxa isbahaysiga mucaaradka ah ee lixda xisbi, ayaa helay codad dhan 44.88%, isagoo ku soo xigay codadka Erdogan oo gaarayay 49.52%, iyadoo Erdogan uu been ka dhigay ra’yi aruurinno soo baxay oo muujinayay in ninka ay is-hayaan uu ka badin doono.

Indhaha ayaa hadda lagu wada hayaa Sinan Ogan, oo ah musharraxa kaalinta saddexaad galay oo helay 5.17% taageerada dadweynaha. Go’aan kasta oo uu ku taageerayo mid ka mid ah labada musharrax ee isku soo haray ayay suurtogal tahay in ay guusha siiso musharraxaasi.

Khudbadihiisa ayuu hadda Kilicdaroglu xoogga ku saaraa qaxootiga dalkaai jooga, isaga oo dowladda ku eedeeyey in toban milyan oo qaxooti ah ay u oggolaatay in ay dalka joogaan, waxaana uu sheegay in haddii uu guuleysto uu dhammaantood dib u celin doono.

Ma uusan bixin wax caddayn ah oo ku saabsan tirada muhaajiriinta dalkaasi jooga.

Turkey ayaa ah dalka koowaad ee martigeliya tirada ugu badan ee qaxooti ah oo dhan afar milyan sida ay sheegeyso tirada rasmiga ah ee ay dowladdu faafisay.

Ogan ayaa ku ololeeyey in uu dib u celin doono qaxootiga oo ay ku jiraan 3.6 milyan oo Suuriyaan ah oo ka soo qaxay dagaalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegaya in uu yahay kan kali ah ee badbaadin kara Turkey oo ah dal xubin ka ah gaashaanbuurta NATO, xilli qiimaha maciishaddu uu aad u kacay, sicir bararkuna uu aad u sarreeyo, uuna u dheer yahay saameynta dhul-gariirkii dalkaasi ku dhuftay bishii February.

ISHA: VOA

Axmed Madoobe oo saddex arrin kala hadlay KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen. Thomas Chepkuto.

Axmed Madoobe ayaa danjire Maj. Gen. Thomas Chepkuto saddex arrimood oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dib u furista xuduudaha labada waddan, arrimaha dhaqaalaha iyo sidoo kale dagaalka Shabaab.

Arrimaha muhiimka ee ay isla meel dhigeen labada mas’uul ayaa waxaa ka mid ah sidii loo kordhin lahaa howlgallada ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka oo ay ka howlgalaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah ATMIS.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay kulan dhex-maray  madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka dowladda Kenya, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

“Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay furista xuduudaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo ahmiyad wayn u leh Shacabka labada dal ee dhinacyada socdaalka, isdhaafsiga badeecooyinka iyo hormarinta dhaqaalaha labada wadan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Inta uu kulan ku socday waxaa kale oo masuuliyiintu ay ka wada hadleen arimaha amniga iyo howlgalada ay Jubaland ka wado qeybo badan oo kamid ah gobolada Jubaland kuwaas oo lagu cirib tirayo kooxaha Argagixisada ah”.

Kenya ayaa xiriir wanaagsan laleh dowlad goboleedka Jubbaland oo ay si gaar ah u taageerto, waxaana la sheegaa in xittaa ay dhismaheeda ay gacan weyn ka geysatay, ayada oo taageereyo Axmed Madoobe.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan qorshuhu yahay in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo koonfurta Soomaaliya, kaas oo ay ka wada qayb-qaadanayaan dalalka dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya.

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo war culus soo saaray, kana jawaabay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan Garoowe, kaas oo ka dhashay muranka hareeyay doorashooyinka ee u dhexeeyo mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka oo war culus soo saartay ayaa maanta jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo shaaciyay in mucaaradka ay diideen wadahadal ku saabsan arrinta doorashooyinka qof iyo codka ah, si ugu dambeyn xal waara looga gaaro.

Siyaasiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in aysan ka war qabin shir looga hadlayo doorashada oo lagu casuumay, waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen hadalka wasiir Juxa.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in hadalkan uu yahay farriin been abuur ah iyo nooc wax isdaba marin ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Madasha Siyaasadda Puntland kama warqabto shirar/wadahadallo horay loo sii qorsheeyay oo looga hadlayo qalalaasaha doorashada Golayaasha degaanka Puntland balse waxaan u aragnaa arrintan inay tahay fariin been abuur ah iyo wax is daba mari”. ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay mucaaradka Puntland ee ku kacsan madaxweyne Deni.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Deni uu ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashada iyo qorshaha xukuumaddiisa, isaga oo shaaciyay in xilligeeda ay ku dhaceyso, taas oo ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka ee dowlad goboleedka Puntland.

Saciid Deni ayaa tilmaamay in aysan jiri doonin cid hor-istaagi karta qabsoomida doorashadan oo ah mida golaha deegaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana la filayaa in doorashada ay billaabatio 25-ka bishan May, walow ay ka biyo diidan yihiin xubnaha mucaaradka Puntland.

Madaafiic lagu duqeeyay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maadaafiic xoogan lagu garaacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Somaliland ay madaafiic ku duqeen aagga ay ku sugnaayeen ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidank deegaanka ee SSC.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi.

“Dhowr meelood inuu ku dhacay ayaa wararka igu soo gaarayaan, jugtana waa maqlayay, waana xaafadaha dhaca bariga Laascaanood,” ayuu wareysiga laga qaaday ku yiri Cabdiqani

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastab, waxaa magaalada Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Gaari Dameer qarax miino lagula beegsaday duleedka GALCAD + Khasaaraha

0

Galcad (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay agagaarka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, kaas oo lagu warramayo in lala eegtay Gaari Dameer ay la socdeen carruur yaryar.

Qaraxa oo jugtiisa looga maqlay magaalada ayaa la sheegay inuu haleelay Gaari Dameer ay la socdeen laba carruur ah oo la sheegay inay goobta ku geeriyoodeen, ,kadib markii ay la kacday miinadu, xilli ay ku socdaaleen mid kamid ah waddooyinka soo gala Galcad.

Wariye Cali Cilmi Salaad oo kamid ah howlwadeedanada Idaacadda Kulmiye oo ku sugan halkaas ayaa sharraxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen iyo geerida carruurta.

“Saacado ka hor ayaa miino lagu aasay waddada ay haleeshay Gaari Dameer ay saarnaayeen carruur, khasaare ayaana ka dhashay, waxaa ku dhintay laba carruur ah,” ayuu yiri Wariye Cali Cilmi Salaad oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinayay qaraxaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qaraxyada nooca miinooyinka ah ay maalmihii lasoo dhaafay ay ku soo badanayeen duleedka Galcad, isla-markaana khasaaraha ugu badan uu soo gaarayay dadka shacabka ah ee ku socdaala waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala.

“Maalmo ka hor Ceeldheer waxaa miino ay haleeshay xoolo ay lahaayeen dad shacab ah, halkaasna waxaa ku dhintay xoolihii,” ayuu sii raaciyay Wariye Cali Cilmi Salaad.

Inta badan waxa uu tilmaamay in weeraradan ay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab, isla-markaan bartilmaameedkeeda uu yahay ciidamada huwanta ee ku sugan magaaladaasi.

“Meesha ugu badan ee miinooyinka lagu aaso waa waddooyinka gala magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka intooda badan ay ku socdaalaan, marka ay magaalada soo galayaan ama ay ka baxayaan” ayuu markale yiri.

Galgaduud oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda.

Madaxweyne SACIID DENI oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashada Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid CabdullaahIi Deni oo haatan booqasho ku marayo deegaano ka tirsan gobolka Bari ee maamulkaasi ayaa ka hadlay muranka ka dhashay arrimaha doorashada qof iyo codka ah.

Saciid Deni ayaa ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashadaas iyo qorshaha xukuumaddiisa, waxaana uu sheegay in doorashada ay xilligeeda ku dhaceyso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jiri doonin cid hor-istaagi karta qabsoomida doorashadan oo ah mida golaha deegaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in Puntland ay horumar u tahay in 50 sanno kadib ay dalka ka qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in la wada taageero.

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Deni ugu jawaabayo xubnaha mucaaradka oo iyagu ka biyo diiday qabsoomida doorashooyinkaasi oo muran xoogleh ka dhaliyay Puntland, isla-markaana xittaa sababay dagaal todobaadkii hore ka dhacay caasimada weyn ee Garowe.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo shirweyne ku yeeshay Garoowe waxa ay horay u shaaciyeen  in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo sidoo kale sheegay in doorashada aan lagu aamini karin madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana la filayaa in doorashada ay billaabatio 25-ka bishan May, walow ay ka biyo diidan yihiin mucaaradka Puntland.

Wasiirkii ugu horreeyay ee ka socda DF Soomaaliya oo tegay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli ka socdaan dagaallo u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, kaas oo kulamo ka bilaabay xarunta Sool ee Laascaanood.

Wasiirka ayaa la kulmay gudiga 33 ee SSC-Khaatumo oo uu ka xog wareystay xaaladda murugsan ee magaalada Laascaanood oo dhowr bilood  ay dagaallo culus ka socdaan.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay magaalada Laascaanood, kuwaas oo sababay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada oo burbur laga dareemayo iyo saameynta ay ku yeesheen dagaalladaasi.

Waa wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee tago magaalada Laascaanood, tan iyo markii uu ka billowday dagaalka Somaliland iyo SSC.

Booqashada wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, xilli ay mar kale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.

Dagaallada ayaa ku billowday kacdoon xoogan oo ka dhashay dilkii loo geystay marxuum Cabdifataax Hadraawi, wuxuuna isku beddalay arrin siyaasadeed iyo mid qabiil.

Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn, waxaana labada dhinac ay isku weydaarsadeen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo isugu jiro labada dhinac, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo muran dhuleed soo jiitamayey lixdii sano ee lasoo dhaafay, kaas oo hadda sababay inay dagaalamaan labada dhinac.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dagaalkaasi u dhexeeyo beelahaaasi.

Sidoo kale ma jirto cid kala dhex gashay labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xiisadda colaadeed ee ka jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Wanlaweyn ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo laa laabanayay weerarada hubeysan iyo dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha u badan kasoo gaaro rayidka.

IMF oo soo gabagabeysay qiimeyn ay waday oo la xiriirta SOOMAALIYA

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo warbixin cusub soo saartay ayaa soo gabagabeysa qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

IMF ayaa warbixiteeda ku sheegtay inay soo dhammaatay qiimeyntii ay ku sameysay hannaanka la socodka sharuudaha Deyn cafinta Soomaaliya.

Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa sidoo kale ku boggaadisay dowladda federaalka dadaalkeeda ku aadan xoojinta hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, wada-shaqeynta kala dhexeysa deeq-bixiyeyaasha iyo hay’addaha kale ee caalamka.

Guddiga sare ee IMF oo warbixintaan soo saaray ayaa sidioo kale sheegay in loo baahan yahay in lalabo jibaaro daadalada lagu dardargelinayo kordhinta dakhliga gudaha si mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta iyadoo la yareynayo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay  in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, maamulka Guud ee maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya  Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo isna qoraal kooban soo saaray ayaa ka falceliyay warbixinta IMF.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo warbixinta ka soo baxday hguddiga sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, isaga oo shaaciyay inay ku dhiiragelineyso in ka dowlad ahaan ay xoojiyaan arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta dalka.

” Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF waa war wanaagsan. Arrimaha dib-u-habeyntu waxa ku socdaan waddadii saxd ahayd, waxaana naga go’an inaan aragno guulo badan inkastoo oo ay jiraan caqabado”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud.

Si kastaba dowladda federaalka ayaa sanadihii u dambeeyey waqti badan gelisay barnaamijka deyn cafinta, oo dhammeystirkiisa muhiim u ah dalka, si loo helo maalgashi caalami ah.

Maxay Aqalka Cad iyo Koongareeska uga heshiin la’yihiin kordhinta deynta?

Washington (Caasimada Online) – Wadahadallo lagu doonayo in looga fogaado lacag la’aan baahsan oo uu wajaho Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah ka soconaya Mareykanka, iyadoo Madaxweyne Joe Biden uu ka digay in uusan aqbali doonin dalabaadka “xagjirka” ah ee ka imanaya Jamhuuriyiinta, laakin uu wali ka rajjo qabo in la is fahmo.

“Waxa aan wali aaminsanahay in aan ka fogaan karno in ay lacag la’aan baahsani dhacdo, wax wanaagsan ayaanna sameyn doonaa,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay isaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda dalalka G-7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima, Japan.

Iyadoo Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ay ka digayso in dowladda Mareykanka ay lacagtu ka dhammaan karto kowda bisha June ayay taasi kicineysaa dhaqaale xumo ballaaran oo ka dhacda dalkan ugu dhaqaalaha badan caalamka, iyadoo ay u badan tahay in taasina ay saameyso dunida oo dhan.

Laakin dagaalka siyaasadeed ee ka socda Washington ayaa socda iyadoo aysan wali muuqan wax muujinaya in xal ay labada dhinac gaarayaan.

Xisbiga Jamhuuriga, oo maamulka aqalka Congress-ka, ayaa dalbanaya in si xooggan loo dhimo miisaaniyadda dowladda si ay iyana u oggolaadaan in ay kordhiyaan awoodda ay dowladdu lacag ku amaahan karto.

Aqalka Cad ayaa doonaya in uu hoos u dhigo dalabaadka Jamhuuriyiinta, waxaana ay saraakiisha Aqalka Cad ku doodayaan in kordhinta xaddiga deynta ee sanadlaha ah oo ahaan jirtay wax caadi ah hadda loo adeegsanayo dano siyaasadeed.

Rajjada laga qabay in murankan xal laga gaaro ayaa Jimcihii caqabadi ku timid ka dib markii ay Jamhuuriyiintu ka bexeen wadaxaajoodka, iyagoo ku dhawaaqay in ay “hakiyeen.”

Laakin wadahadalka ayaa saacado ka dib dib u bilowday, iyadoo Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ay sheegtay in ay “rajja wanaagsan” ka qabaan.

Biden, oo ku sugan dacalka kale ee dunida halkaasi oo ay ku kulmayaan dalalka dimuqraadiga ee hodanka ah ayaa xaaladda lala socodsiiyay saacadihii hore ee Sabtida maanta ah, sida uu Aqalka Cad sheegay.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee Biden, Ben LaBolt, ayaa yiri “Jamhuuriyiintu waxa ay afduub ku haystaan dhaqaalaha, iyagoo ku riixaya in lacag la’aani ay dhacdo, taasi oo dhalin karta in malaayiin qof ay shaqada waayaan, dalkana u horseedi karta dhaqaale burbur ka dib laba sano oo shaqo la’aantu yaraaneysay iyo mushaarkuna uu kobcayay.”

VOA + AFP

Aqriso: 4-ta qodob ee Xasan uu la wadaagay madaxda Jaamacadda Carabta

0

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay meertada 32-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed la wadaagay afar arrimood muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1- Gulufka dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, 2- La-wareegida ciidanka Soomaaliyeed ee amniga dalka, 3- Hiigsiyada qaran ee deyn cafinta iyo 4- Xasillinta siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howl-gallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, loona diyaarinayo ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyada oo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.

“Waa inaan dardar-gelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta.”

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee madasha Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale waxa uu dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wada-hadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu hoggaamiyeyaasha xasuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale.

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha ku baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas, uu kaga dhawaajiyay khudbadiisa uu ka jeediyay meertada 32-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta.

Xogta kulamo uu ergey Guuleed la qaatay qaar kamid ah madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Guuleed ayaa weli wada kulamada uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergey Guuleed ayaa kulamo muhiim ah oo kala gooni-gooni ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo kan Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen.

Kulanka ergey Guuleed iyo madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa diirada lagu saaray booqashadiisa ku aadan deegaanada dowlad-goboleedka, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo aragtiyada masuulliyiinta iyo shacabka maamulkaasi ka qabaan hanaanka loo wajahayo wada-hadallada dib u billaabanay ee dowladda federaalka iyo Somaliland.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ergeyga iyo xafiiskiisa ku dhiira-galiyay dadaalkooda, isaga oo ka aqbalay soo jeedintooda wanaagsan, sidoo kalana u muujiyay garab istaag buuxa.

Ergeyga ayaa dhankiisa madaxweynaha dolwad-goboleedka HirShabelle uga mhad-celiyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga gaar ah ee madaxweynaha.

Dhinaca kale, Ergey Guuleed ayaa sidoo kale kan lamid ah la qaatay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaasi oo ay ka wada-hadleen safar uu dhawaan ergeyga ku tagi doono deegaanada dowlad-goboleedkaas, si ay u soo dhageystaan tallooyinka shacabka iyo madaxda maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo marayo wada-hadallada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalada xafiiska Ergeyga, isaga oo tilmaamtay in uu si buuxda ula shaqeyn doono.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay sida uu uga aqbalay soo jeedintooda iyo sida uu ugu muujiyay garab istaag buuxa.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii April u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka XASAN iyo BIN SALMAN ee Jeddah?

0

Jeddah (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan muhiim la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Kulan-doceedkan ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen xiriirka labada dal ee Soomaaliya & Sacuudiga iyo kobcinta iskaashiga labada dhinac, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxay labada masuul uga wada-hadleen gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ciidamada dowladda iyo ku deegaanka ay ka wadaan gobollada dalka.

Kulanka Xasan iyo Bin Salmaan ayaa kamid ah kulan-doceedyo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda la qaadanayo madaxda kala duwan ee qeybta ka ururka Jaamacadda Carabta, oo maanta shir uga furmay magaalada Jeddah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maanta halkaasi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane Mohammed Shia al-Sudani.

Kulankaas ayaa waxay labada hogaamiye uga wada-hadleen xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, iyada oo madaxweynaha uga mahad-celiyay dowladda Ciraaq deynta ay ku laheyd Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen.

Waxay labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan goor sii horeysay kasoo baxay Villa Somalia.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Maxkamadda gobolka oo Muqdisho ka wada qasab ku fulinta qaraaradii kasoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa weli waxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ka wada qasab ku dhaqan-gelinta xukunadii hore uga soo baxay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa dhul cabirkiisu yahay 20×15, kaasi oo muddo si sharci darro ah loo haystay, iyada oo si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay.

“Dhulkaan muddo ayaa laga haystay oo lagu tasarufayey, maanta waxa Ilaahay suurta-galiyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay la wareegaan xaqoodii ay lahaayeen, iyada oo Booliska Soomaaliyeed ay ka shaqeeyeen burburinta dhulkaan, si loogu wareejiyo dadkii lahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay inay bilaabatay qasab ku fulinta qaraaraddii hore uga soo baxay maxkamaddaha, islamarkaana ay asbuucyada soo socda fulin doonaan tobaneeyo gal oo kasoo dhamaaday maxkamaddaha.

“Dadka dhulalka laga fulinayo ee sheeganaya in cadaalad darro lagu sameeyay, majirto cid cadaalad darro lagu sameeyay, ee ciddii ka cabaneysa fulin lagu sameeyo maxkamaddaha ayay iman karaan.”

Guddoomiye Dabaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in wariyeyaasha ay sheegaan in dowladda Soomaaliya ay maxkamadaheeda cadaalad darro ka jirto, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono ciddii gudbisa wax aysan cadeyn u hayn.

“Wariye kasta oo qadaf u geysta hay’addaha dowladda waa lagula xisaabtamaya cmaalaya, wariyihii dhaha dhulkaas cadaalad darro ayaa lagu burburiyay waxaa laga rabaa inuu keeno cadeymaha haddii uu keeni waayan asaga ayaa eedeysane noqonaya.”

Maxkamadda gobolka ayaa hore ugu wareejiyay dadkii lahaa sidan oo kale guri dhaxaltooyo ah, kaasi oo 33 sano si sharci darro ah loo haystay, iyada oo xilligaasi si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaas.

Si kastaba, Maxkamadda ayaa waxaa xilligaan ka go’an meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska.

Sawirro: Wasiirka gaashaandhigga ‘oo ciidamo cusub tababar heer sare ah’ ugu soo xiray…

0

Kampala (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force)oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ciidamadan cusub ayaa qaatay oo soo dhameeystay tababar heerkiisa aad u sareeyo, kaasi oo muddooyinkii dambe ku qaadanayeen dalka Uganda.

Wasiirka Difaaca dalka ayaa munaasabadda soo xirista tababarkaan kula dardaarmay ciidankan cusub ee maanta tababarka uu usoo xiray.

Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaaraadka Carabta ayaa iyadu bixinaysa kharashka ku baxaya tababarka ciidamada lagu tababarayo dalka Uganda, ayada oo arrintaan qeyb ka tahay heshiis iskaashi oo Imaaraadku ku taageerayo dhismaha dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dowladda Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga.

Billooyin kahor ayay aheyd markii ciidamadii ugu horreeyay oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa la keenay magaalada Muqdisho, kuwasi oo tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Xasan oo ka mahad-celiyay dal aan la fileyn oo 67% ka cafiyay deyntiisa Somalia

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Jeddah ayaa maanta halkaasi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane Mohammed Shia al-Sudani.

Labada hogaamiye ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka mahad-celiyay dowladda Ciraaq deynta ay ku laheyd Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen.

Waxaana labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la-dagaalanka aragagixisada, madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

Isku soo wada duubo, Waxaa xilligaan si habsami leh u socda barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayada oo ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.

Madaxweynaha Ukraine oo safar lama filaan ah ku tegay Sacuudi Carabiya

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Jimcaha maanta ah gaaray magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, si uu uga qeyb galo shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Safarkan lama filaanka ah ee Zelenskiy uu ku tegay Jeddah ayaa imanaya, iyada oo madaxweynaha Syria Bashaar Al-Asad oo si weyn u taageeray Ruushka dagaalka sokeeye, uu sidoo kale goobjoog ka noqon doono kulanka Carabta.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa waxa uu halkaasi ku tagay diyaarad ay leedahay dowladda Faransiiska.

Zelenskiy ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo shirka madaxda G7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalka Japan dhamaadka todobaadkan.

“Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay ciyaareysaa door muhiim ah, waxaana diyaar u nahay inaan wada-shaqeynteenna gaarsiino heer cusub,” ayuu madaxweynaha Ukraine ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wax yar kadib markii uu gaaray Jeddah.

Booqashada Zelenskiy ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee uu ku tago Sacuudiga, taasi oo muujineysa sida uu udaneynayo inuu kor u qaado xiriirka uu la leeyahay waddamada Carabta.

Volodymyr Zelenskiy ayaa waxa uu horey u booqan jiray oo kaliya xulafadiisa Yurub iyo Mareykanka.

Garaad Jaamac oo shaaciyay tallaabo uu ciidankoodu qaadayo kadib dhawaaqii Biixi

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa shaaciyay in ciidamadoodu ay go’doon galin doonaan ciidamada Somaliland, kadib hanjabaadii kasoo yeertay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee aheyd in dagaalka uusan joogsaneyn.

Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in hadalka Biixi uu yahay qiraal ku aadan duulaanka uu ku ahaa dhulka SSC-Khaatumo, ayna hadda waxba dhowrsaneyn, maadaama ay muddooyinkii dambe dalbanayeen in ciidanka Somaliland laga saaro gobolka, si xal looga gaaro oo miiska wada-hadalka la isku imaado.

“Shalay hadaanu baryaynay oo aanu lahayn guryihiina ku noqda maanta iyaga ayaa na baryi doona,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo sheegay in hada dagaalka balaadhinayaan oo ay xidhi doonaan wadada uu saadku u maro ciidamada Somaliland ee saldhigooda u weyn yahay Goojacadde

Garaadka Guud ee SSC ayaa duulaanka cusub ee qaadayaan ciidamadooda ku macneeyay is-difaac ay ku xoreysanayaan dhulkooda, oo uu sheegay inuu duulaan bareer ah ku yihiin Muuse Biixi iyo ciidankiisu.

“Laascaanood ma degana Isaaq, Muuse Biixi reerkiisu ma degana, waxay degan yihiin waa Berbera, Hargeysa iyo Burco, haddii aan anagu duulaan ku ahaan laheyn Hargeysa, anaga duulaan ahaan laheyn waa la garanaya ninka duulaanka ah marka arrintaan laba-labeyn ma lahan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in la waayay cid madaxweyne Biixi uga ergaysa oo ku qancisa inuu ciidanka ka saaro SSC, sidaas darteed ay qaateen go’aanka ah inay xiraan wadada kaliya ee ciidamada Somaliland usoo marti taakulada iyo saadka.

“Gurigiisa intuu ugu yeedhay (ergadii odayaasha aheyd ee Muqdisho ka tegay) ayuu qaabili waayay, kadibna iyaga oo wali gurigiisa ku sugan ayuu yidhi xabada joojin mayno ilaa aanu gaadhno xad beenaadkii gumaystuhu u kala qaybiyay umada Soomaaliyeed markaa nabadaasi maalinta ayay dhimatay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Marka ay inoo muuqatay inaysan jirin cid Muuse qaban karta, wadaddaas sabab ay noogu furnaato majirto, markii horeba awood la’aan uma furneyn ee waxay u furneyd in ciidankaas guryahooda ku noqdo, mar haddii ay taas dhaceyn in aan wadaddii xirno ayaa go’aansanay, weyna xidhmaysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay inay jiraan ciidamo aan ahayn kuwa deegaanka ee SSC oo dagaalamaya Laascaanood, kadib markii uu maamulka Muuse Biixi uu sheegay inay halkaas ka dagaalamayaan kooxo huwan ah.

Dhawaaqan cusub ayaa imanaya xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu shalay sheegay in uusan dagaalka istaageyn illaa inta taako kamid ah Somaliland uu cadow ku sugan yahay.

“Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Go’aan culus oo laga gaaray in masuuliyiinta DF ay xirtaan waddooyinka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba mamnuucay in masuuliyiinta dowladda ay danahooda gaarka ah isaga xirtaan waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha ganacsiga caasimadda ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in hadda kadib la aqbali doonin in masuul dowladeed uu iska xirto waddo, si usoo fushado danihiisa gaarka ah, xilli muddooyinkii dambe uu reysanayay ammaanka caasimadda.

“Dadyowga masuuliyiinta ee marka ay rabaan in tukaan ka ganacsadaan waddooyinka xiranaya. Qof masuul ah ayaa Wadadda weyn Maka Al-Mukarama iyo kuwa lamidka ah inuu qof dantiisa raba inuu tukaan u galo u xirto wadadda oo loo xayiro Wiil iyo Hooyo Soomaaliyeed oo shaqo u socota, Aabe Soomaaliyeed oo isbitaal u socday iyo Gabar Soomaaliyeed oo ardayda ah inay u xayirnaato qof dukaameysanaya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa mamnuuc laga bilaabo maanta in masuuliyiinta dowladda ay danahooda gaarka ah ay isaga xirtaan wadooyinka iyo goobaha ganacsiga ah, hubna ay la galaan isbitaalada goobahaas oo kala dhaxaysa shacabka.”

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in isbeddelka ku yimid amniga caasimadda ay qeyb weyn ka qaadatay wada-shaqeynta ciidamada amaanka, oo markii hore meelo kala duwan amarka ka qaadan jirey, balse hadda hal meel amarka ka wada qaata.

“Wada-shaqeynta Ciidamada Amaanka oo gaab uu jiray hadda hal meel ayey amarka ka wada qaataan, madaxda qaranka uu Madaxweynuhu ugu horeeyana waxay nagu hagayaan in aan la dagaalano Khawaarijta Nabada u diidan shacabka caasimadda degan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu digniin kama dambeysa ah u diray dadka qaar ee weli degmooyinka ku dhex wata hubkii la mamnuucay, kuwaasi oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

“Looma ogola qof qori wata oo aan ka tirsaneyn ciidanka, ee magaalada qori ku wata ee la qabto sharciga la horgeyna oo qorigiisana waa lala wareega,” ayuu yiri taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Maxay tahay arrinta ay QATAR diidan tahay ee hareysay shir-madaxeedka J/Carabta?

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxda dalalka xubnaha ah ka ah ururuka Jaamacadda Carabta ayaa waxay maanta kulankoodii 32-aad ku leeyihiin magaaladda Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxda ka qeybta ah shirkaan ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Shirkan ayaa waxyaabaha ku cusub qeyb ka ah ka qeyb-galka madaxweynaha dalka Syria, Dr. Bashaar Xaafid Al-Asad oo dalkiisa dibad-joog ka ahaa xayndaabka carbeed, tan iyo sanadkii 2011-kii oo ay dalkaasi ka billowdeen dibadbaxyo isku bedelay dagaal lagu hoobtay.

Axmed Abu Qeyd oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu sheegay in shirka carbeed ee Jeddah muujinayo soo-laabashada buuxda ee dalka Syria ee ururka carbeed.

Xoghayaha ururka ayaa tallaabadan waxa uu ku tilmaamay mid fududeynaysa xalka colaadda ee ka jirta dalka Syria.

Ka qeyb-galka Bashaar ee shirkaan ayaa waxaa ka dhashay guux xooggan, ayada oo la sheegay in dowladda Qatar ay ka biyo diidsan tahay inuu madaxweynaha dalka Syria dib uga soo muuqdo madasha shirka madaxda Carbeed.

Mana muuqato inuu Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim uu kaga soo qeyb-geli doono shirka Jeddaha ka furmaya, ee u madlan yihiin madaxda ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta.

Dhanka kale, Dowladda Lubnaan oo aan weli la dooranin Madaxweyne cusub ayaa waxaa marnaan doona kursiga maamuuska madaxweyne ee shirkaasi.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegay inay madaxda carbeed ansixin doonaan 32-mashruuc, oo qaraar horyaalla shirkooda 32-aad, kuwaasi oo kamid yihiin;

  • Qaddiyadda Falastiin iyo Dhacdooyinkii Israel ka geysatay deegaanada Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed
  • Xiisadaha colaadeed ee ka socda dalka Sudan Sudan dadaalka socda ee Carbeed ee lagu gaari lahaa Xabbad-Joojin waarta oo ka dhaqan gasha caasimadda dalkaasi ee Khartoum.
  • Ku-soo-laabashada Syria ee ururka Jaamacadda Carabta iyo doorka Carbeed ee dib–u-dhiska dalkaasi ku burburay dagaallada
  • Xaalladda dalka Lubnaan, marnaanshaha xilka madaxweyne xaallada dhaqaale ee dalkaasi iyo xaallada Maciishad ee ay ku sugan yihiin Qaxootiga Suuryaanka iyo Falastiiniyiinta.
  • Waxa kale oo ay ka arrinsan doonaan xaalladaha ka taagan dalalka Yemen, Somalia iyo Libya.
  • Sidoo kale waxay diiradda saari doonaan qoddobo ku xiriirsan iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha bulshada, isbedelka cimilada iyo amniga guud ee qowmiyadda Carbeed.