28.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

DF oo dirtey gaadiidkii ugu badnaa oo safar dhulka ah ku tegaya Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe dirtay gaadiidkii ugu badnaa oo ku raran raashinka noocyadiisa kala duwan, kuna sii jeeda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Munaasabad kooban oo lugu sagoontinyay gawaaridan oo gaarayay 50 ayaa ka qabsoomtay magaalada Muqdisho, taasi oo goobjoog ka ahaayeen gudoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wasiirka wasaarada qorsheynta iyo maalgashiga Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxman Beene-Beene.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo warbaahinta kula hadlay goobta lugu sagootinayay gaadiidka raashinka wado ayaa sheegay in kadib markii uu soo arkay baaxada dadka ku barakacay fatahaada Beledweyne uu ka shaqeynayay in wax walbo oo la awoodo lala gaaro barakacayaasha.

Waxaa uu si gaar ah ugu mahad-celiyay dowlada Imaaraadka Carabta oo ayadu kaalin mugleh ka geysatay gaarsinta gargaarkan dadka ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta oo asagna hadal kooban ka jeediyay munaasabada ayaa u mahad-celiyay hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in dhamaan hay’addaha dowlada ay ka qeyb qaadanayaan sidii loogu gargaari lahaa dadka ay fataahaduhu saameeyeen ee ku nool magaalada Beledweyne.

Gaadiidkan gaaraya 50 ayaa safar dhanka dhulka ah ku tegi doona magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, oo ay ka jirto xaalad adag kadib fatahaad uu halkaas ka geystay wabiga Shabeelle.

Deeqdan oo ah tii u horeysay ee nooceeda ah ayaa imanaysa xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne.

Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa’labatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.

Isimida SSC oo go’aan cusub kasoo saaray muranka doorashada kadib kulan dhex-maray DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Isimida SSC oo dhawaan ku biiray waan-waanta hoos loogu dhigayo xiisadda ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee Puntland ayaa soo saaray go’aan cusub.

Isimida SSC oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay inay go’aamiyeen in doorashada goleyaasha deegaanka Puntland qabsoonto, kadib kulan ay la qaateen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib doorashadaas ayay sheegeen in la iskugu yimaado wada-tashi guud iyo halka la aadayo 8-da Janaayo ee 2024-ka, iyada oo maalmihii u dambeeyay uu meel sare gaaray khilaafka doorashada Puntland ee u dhaxeeya madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Garaad Jaamac Gaarad Ismaaciil iyo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka hadlay shirka jaraa’id ee Isimida ay xalay ku qabteen magaalada Garoowe ayaa shaaciyay in go’aankan ay ku dhawaaqeen ay isla qaateen Madaxweyne Deni.

“Howshaas ciddii ka hortimaada waa cid anaga nala dagaashay. Hadal cad iyo go’aan adag ayaa iskula imaaneyn, ninkii ka horyimaada meel ayaa uga soo wada jeesaneyna,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

“Hoggaankii ayaa nahay anagu, waxaa nagala yaqaana marka howshaas dhamaato (doorashada) in aan iskugu yeerno in aan dhexdaa dhigno oo ka tashano wixii reerku ku guurayo, iyada oo la isku raacsan yahay looga gudbo. Ninkii ka horyimaadana kursiga ha ku fadhiyo ama kan dambe ha fadhiye in gacan bir ah lagu qabto.”

Garaadada ayaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kulan xasaasi ah kula yeeshay magaalada Qardho, kaasi oo is-afgaradka ay caawa shaaciyeen looga gaaray muranka doorashada.

Isimida SSC ayaa waxa ugu dambeyntiina sheegeen in go’aankan ay ku dhawaaqeen ay wakiil uga yihiin dhamaan Isimida Puntland, si miiska wada-hadalka loogu xaliyo khilaafka doorashada Puntland.

Go’aankan Isimida ayaa imanaya xilli hilaafka doorashada ee u dhaxeeya madaxweyne Saciid Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka uu dhawaan isku rogay gacan ka hadalka, kadib markii ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen magaalada Garoowe, kaasi oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Musharaxa la loolamaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii xoojiyey codkiisa ka dhanka ah muhaajiriinta, isaga oo wacad ku maray inuu dhammaan muhaajiriinta ku celin doono dalkooda, haddii lagu doorto doorashada ku-celiska ah ee 28-ka May.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah musharaxa isbaheysiga lixda xisbi ee mucaaradka, ayaa ku guuleystay 45% codadka doorashada Axaddii, halka Erdogan uu helay 49.5%, isaga oo waxyar ka hoos maray 50% si looga baaqsado doorasho ku-celis ah.

Hadalladii ugu dambeeyey ee Kilicdaroglu ayaa yimid ayada oo la filayo in musharaxii kaalinta saddexaad ka galay doorashada uu ku dhowaaqo go’aankiisa ku saabsan cidda uu taageerayo wareegga labaad.

Sinan Ogan, oo ah siyaasiga xisbiga diidan qaxootiga, ayaa helay 5.2%, taasi oo taageeradiisa muhiim ka dhigtay wareegga kala reebtada ah.

Isaga oo khudbad ka jeedinayey xarunta xisbigiis CHP, ayaa Kilicdaroglu wuxuu ku celiyey sida xooggan ee uu uga soo horjeedo siyaasadda Erdogan ee ku aaddan socdaalka.

“Erdogan, waxaa si kas ah ugu ogolaatay 10 milyan oo qaxooti ah inay yimaadaan Turkey. Waxaad xitaa iibisay muwaadinnimadii si aad cod u hesho,” ayuu yiri Kilicdaroglu isaga oo aan bixin caddeymo.

Turkey ayaa waxaa ku nool bulshada ugu badan caalamka ee qaxooti ah oo gaaraya 4 milyan oo qof, sida ku cad xisaabaadka dowladda.

“Waxaan halkan uga dhawaaqayaa: Dib ayaan dhammaan qaxootiga ugu celin doonaa dalalkooda marka madaxweyne la ii doorto,” ayuu yiri.

Kilicdaroglu ayaa ololihiisa ku sheegay inuu dhammaan qaxootiga Syria dalkooda ugu celin doono laba sano gudahood kadib marka uu heshiis kala gaaro madaxweynaha Syria Bashar al-Assad badbaadadooda isaga oo kaashanaya QM.

REUTERS, VOA

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadinkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan deegaanka Philippi oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in burcadka hubeysan ee u dhalatay dalkaas ay ku dhex toogatay goobtiisa ganacsi muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Cali Xuseen.

Kooxdan burcadka ayaa sidoo kale waxay dhac u geysteen dukaanka marxuum Daahir Cali, iyaga oo intaas kadib iskaga baxsaday goobta, sida uu sheegay mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaasi.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

SOMALILAND: Middee ayaa maanta u dhow ictiraaf iyo midnimo kadib 32 sano?

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaca Somaliland maanta waa 32 jir, waxa uu ku jiray gorgortan ictiraaf wixii ka horreeyay 2023-ka. Wuxuu xambaarsanaa ereyo ay kamid yihiin nabad, dimuqraadiyad, xasillooni siyaasadeed iyo ilaalinta xuquuqda aadannaha.

Waxaa kale oo doodda ictiraaf doonka ay ku xoojineysay Somaliland xasuuq ka dhacay deegaankaas 1988-dii. Dalal iyo hay’addo caalami ah ayaa muddadaas qolaba si uga fal-celisay damaca ictiraaf doonka ah ee Somaliland.

Laakiin sanadkaan 2023 waxa ugu badan ee adduunka ka yiri Somaliland lama xiriirto ictiraaf.

Waxaa eegayna qoddobadii ay Somaliland ku iibineysay mashruuca ictiraafka waxa maanta ka dhaqan, kuwaasi oo kala ah;

1. Nabaddii: Somaliland waxay hore u aheyd deegaan nabada ku faana, laakiin 2023 dagaalka Laascaanood ayaa dhinac u riixay cinwaankii nabadda Somaliland. Halkan waxaa ku dhintay boqolaal dad ah.

Hay’addaha qaar ayaa waxay ku tilmaameen inuu tacadi xooggan ka dhacay magaalada Laascaanood, halkaasi ay Somaliland ka fulisay duqeymo saameeyay goobo cibaado, kuwa caafimaad iyo dad shacab ah.

Kumanaan dad ah ayaa ku barakacay dagaalkan, Boorama iyo goobo kale oo isla Somaliland ah ayaa sidoo kale marti-gelinaya shaqaaqooyin qabiil.  Nabaddii halkan ayay ku naafowday ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimaha Somaliland.

2. Dimuqraadiyaddii siyaasadda: Qodobkan waxa uu kamid ahaa kuwa ugu waaweyn ee ku faanto Somaliland. Muuse Biixi ayaa muddo xileedkii ka dhamaaday bishii November ee sanadkii hore, wuxuu sameystay muddo kororsi laba sano ah. Mucaaradka ayaa diiday oo dhigay banaanbaxyo laakiin awood ciidan ayuu u adeegsaday Muuse, halkaas oo dad rayid ah ay ku dhinteen.

Dhowr jeer beesha caalamka waxay Muuse Biixi ka dalbatay inuu doorashada qabto. Halkaan waxaa iyadana mugdi ku galay qodobkii labaad ee Somaliland ku raadineysay ictiraafka, oo ahaa dimuqraadiyada iyo is-ogol siyaasadeed.

3. Beesha caalamka: Wakiiladda beesha caalamka ee jooga Soomaaliya waxay ka quusteen inay hoggaamiye Biixi ku qanciyaan inuu ciidanka ka dulqaado magaalada Laascaanood, waxay kale oo ku qancin waayeen in doorasho uu qabto.

Waxay dhowr jeer ku hanjabeen in lala xisaabtami doono kuwa ku lugta leh dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood. Wakiiladda beesha caalamka waxay u muuqdaan inay kasii niyad jabayaan la macaamilka Somaliland.

Farriimaha laga tabinayo maamulka Somaliland oo ay safaaraddaha u gudbinayaan waddamadooda waqtigaan, waxay sii tir-tirayaan farriimihii tognaa ee sanado kahor laga tabinayay Somaliland, ee abuurayay rejada ictiraafka.

4. Guuxa midnimada: Reer Laascaanood waxay kor u sheegeen in aan loo dhameyn qorshaha gooni isu-taagga Somaliland, kadibna deegaano kale ayaa guux kaas lamid ah uu ka billowday.

Haddii dhowr sano kahor adduunka loo gudbinayay dad reer Somaliland oo isku duuban oo raba ictiraaf, hadda waxaa la gudbiya in bulshada deegaanadaasi wada degan ay si weyn ugu kala qeybsan tahay inay ka go’aan Soomaaliya.

5. Dowladda federaalka ah: Dowladda Soomaaliya oo fahamsan sida dhamaan caqabadahaasi usii jiirayaan damacii Somaliland ayaa dhawaan magacowday ergey dib u bilaaba wada-hadallada.

Magacaabista ergeygan kahor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si cad u sheegay in Somaliland kala hadleyn marna uusan aqbaleyn in Soomaaliya la kala jaro.

Hargeysa, iyada oo farriintaas haysata ayay haddana si weyn usoo dhaweysay ergeygii uu magacaabay Xasan Sheekh Maxamuud. In ay itaal dhigeen oo sii quusanayaan iyo inay culeyska dhinac walba ka haysta ay iskaga dejinayaan soo dhaweyntan, midda ay tahay si fiican looma fahamsana.

Marka dhamaan arrimahaan la isku geeyo, 32 sano kadib dadku maanta waxay ka dooddayaan middee Somaliland u dhow ictiraaf iyo midnimo. Cidda rejo beelkan abuurtay waxaa loo arkaa hoggaanka maanta ee Somaliland.

DENI oo qaaday dhabbihii uu Farmaajo ku hungoobay

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa gashay xaalad siyaasadeed oo hubanti la’aan ah, habeen dhaweyd dagaal ka dhacay duleedka magaalada Garoowe ayaa sababay tiro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidanka PMPF la yiraahdo oo gelbinaayay sanaaduqda codbixinta golaha deegaanka iyo xubno taabacsan siyaasiyiinta diidan qorshaha Deni ee doorashada, kuwaasi oo aaminsan inuu Saciid Deni u gogol xaaranayo muddo kororsi laba sano ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in weerarkaasi uu abaabulay Khadar Cabdiraxmaan Faroole, Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha ganacsiga caalamiga ah. Halka uu Khadar Faroole arrintaas iska fogeeyay kuna tilmaamay eedeyn mala-awaal ah.

Siyaasiyiin dhawaan ku shiray magaalada Garoowe, oo u badan kuwa doonaya inay doorasho u dhacdo sidii hore iyo waqtigeedii ayaa Deni ugu baaqay inuu miiska wada-hadalka kusoo laabto, uuna joojiyo damaciisa muddo kororsiga, laakiin uma uusan jawaabin.

Waxay xaaladdu weji kale yeelatay markii uu Xeer Ilaaliyaha Puntland oo la fahamsan yahay inuu dhanka Saciid Deni raacsan yahay, dhinaca kalena isku xisaab yihiin uu soo saaray waaran lagu soo qabanayo xubno kamid ah mucaaradka Saciid Deni.

Xubnaha lasoo qabanayo oo dhamaan kasoo jeeda magaalada caasimadda ah ee Garoowe, ayaa kala ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, Maxamed Shiddo oo wasiir hore iyo siyaasi awood badan ah iyo nin la yiraahdo Maxamed Laysar oo wasiirka Maaliyadda xoghayn u ahaan jiray.

Arrintan ayaa durba kicisay dareen ka duwan midkii hore, waxayna muujineysa in Saciid Deni uu aaday dariiqa is-maquuninta.

Xubnaha dorraad loo jaray soo qabashada ayaa ku sugan Garoowe, waxayna illo wareedka inoo sheegeen in aad u hubeysan yihiin, in soo qabashadooda loo bareerana waxay leedahay culeyskeeda.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ka jawaabay waaranka loo jaray ayaa ku tilmaamay mid aan sharciyad aheyn oo aan macno ku fadhin, haddana waxa uu sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Garoowe, uuna si nabad ah ugu shaahayo mid kamid ah maqaayadaha magaalada ku yaalla, sida uu usheegay BBC-da qeybta Soomaaliga.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u dhaqaaqay dariiqii is-maquuninta ee Farmaajo isticmaalay dhamaadkii muddo xileedkiisa. Farmaajo ugama badin markii uu isku dayay inuu awood ciidan u adeegsado siyaasiyiintii caasimadda. Lamana yaqaano inay hadda Deni ugu badin karto isla wadaddaas uu qaaday.

Mucaaradka Puntland waxay ku baaqeen inuu Saciid Deni kusoo laabto miiska wada-hadalka, oo laga heshiiyo doorashada soo aadan, kadibna uu sii wado doorashada golaha deegaanka, laakiin kooxda Deni dhag jalaq uma siin baaqaas.

Sidoo kale waxyaabaha doodda Saciid Deni hoos u dhigaya waxaa kamid ah in saddexda urur siyaasadeed ee doorashada ugu cadcad uu midkiisa ku jiro ay saddexduba kasoo wada jeedaan magaalada Qardho, taas oo aad u deeqi la’a Garoowe iyo Gaalkacyo.

Dadka waxgalka ah ee reer Puntland ayaa ku baaqaya in wada-hadal lagu xaliyo xiisadda siyaasadeed ee soo xoogeysatay maalmahan, halka dhaqanku ay u muuqdaan in weli eegayaan halka la isla gaaro.

SSC oo caalamka u jeedisay dalab culus oo ka dhan ah madaxweyne Muuse Biixi

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa si adag uga jawaabay hadal xasaasi ah oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu shalay ka jeediyay munaasabaddii xuska 18-ka May ee fagaaraha magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in uusan dagaalka istaageyn illaa inta taako kamid ah Somaliland uu cadow ku sugan yahay, “Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee.”

Afhayeenka Guddiga 33-ka ee SSC, Cabdirisaaq Falaalug oo hadalkaas daba socda ayaa waxa uu madaxweynaha Somaliland ku sifeeyay shaqsi duulaan ku ah Soomaali oo dhan ah, marka laga imaado deegaanada SSC.

Afhayeen Falaalug ayaa waxa ujeediyay beesha caalamka inay maxkamad soo taagto, si cadaaladda loogu qaado, kadib markii uu ku eedeeyay in madaxweyne Muuse Biixi uu yahay ciil-qabe duulaan ku ah Soomaali oo dhan.

“Waxaanu leenahay awalna aanu ogayn in uu yahay nin ciil qaba, maantana wixuu caddaystay ciil qab kiisii, waxa uu caddaystay ciilka uu u qabo Harti, ciilka uu u qabo Darood iyo ku uu u qabo Soomaali oo dhan” ayuu yiri Cabdirisaaq Falaalug.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaanu beesha caalamka ka codsanayna in ninka la geeyo maxkamadaha cadaalada.”

Afhayeenka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaalida kale aysan ka bixin jawaab hadalka kasoo yeeray Biixi, oo uu sheegay in aargoosi u socdo, “waxaa la yaaban yahay umadda kale ee Soomaaliyeed oo aan hadalka Biixi wax jawaab ah ka bixinayn.”

Falaalug ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hadasho hadalkii madaxweyne Biixi oo ahaa mid banaanka usoo saaray naceybka iyo ciilka u qabo Soomaali oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay SSC-Khaatumo ay is-difaacayaan, islamarkaana ay la dagaalamayaan ciidamada Somaliland, “waan isdifaacyena, Biixi waa caddeeyay in aanu gobolka ka tageyn illaa askariga ugu dambeeyay kaga dhinto.”

Maxkamadda sare ee Mareykanka oo go’aan ka gaartay dacwad ka dhan ah Twitter-ka

Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Khamiistii diiday sii socoshada, dacwad ka dhan ahayd shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada gaar ahaan shirkadda Twitter-ka, taas oo ay dacwad ku soo oogeen, qaar ka mida dhibbanayaal ay eheladoodu ku dhimatay weeraro argagixiso.

Dhibbanayaasha dabada ka riixaya kiiskan ayaa dacwadooda saldhig uga dhigay sharciga la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka.

Waxay ku eedeeyeen in shirkadaha iska leh baraha bulshadu, oo ay ugu horrayso shirkadda Twitter inay ku guul daraysteen inay ka xakameeyaan kooxaaha dembiyada abaabulan fuliya, inay adeegsadaan barahooda bulshada.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa go’aan midaysan ku laalay go’aankii maxkamadda hoose ee Maraykanku ay dib ugu soo noolaysay dacwaddan ka dhanka ah shirkadda Twitter. Tallaabadan ayaa guul u ah shirkadda Twitterka.

Dacwaddan waxaa dabada ka riixaya ehelada Maraykanka ah ee Nawras Alassaf oo u dhashay dalka Jordan, kaas oo sannadkii 2017 lagu dilay magaalada Istanbul, intii ay socotay xaflad loogu dabbaaldegayey sannadka cusubi.

Weerarkaas ayaa ka dhacay xarun lagu caweeyo, waxaana sheegtay kooxda ISIS.

Dacwaddan ayaa ahayd mid looga danlaha in lagula xisaabtamo shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada waxyaabaha ay soo dhigaaan dadka isticmaala adeegyadooda, arrintaas oo walaac isa soo taraya ku haysa bulshada iyo sharci-dejiyayaasha Maraykankaba.

Muuse Biixi oo luuqad adag kula hadlay caalamka kadib arrin ay ku cadaadiyeen

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay si adag uga jawaabay cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayaan qabashada doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in Somaliland aanay deeqaha caalamiga ah ku badalaneyn inay talladeed shisheeye u gacan galiso, islamarkaana ay masiirkeeda ka tashaneyso, sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda xuska 18-ka May ayaa waxa uu ka sheegay in beesha caalamka ay shaqo ku laheyn tallada doorashooyinka Somaliland, ayna qabsanayaan iyagu.

“Waxaynu u diyaar garoobaynaa doorashooyin, cadowgu noogu talin maayo doorashadayada, beesha caalamku doorashadayada soo fara-galin mayso, kama taliso, sharcigayaga ma fara-galiso ninka u qishayaana waa nacas ee dalkiisa aamini waaya,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhaqaalaha doorashooyinka lagu galayo uu Somaliland u yaallo, ayna ku filan yihiin, “ma aqbaleyno in cid kale ka taliso doorashooyinka, oo nooga badalato taageero dhaqaale.”

“Dhaqaalaha doorashadu waxa uu yaalla Somaliland, waan ku taageerayaaye talladaada ii dhiib ma yeelayno, yeeli-mayno, dhaqaalahana inaga isku filan oo Somaliland ayaa ku filan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu nidaam sharci ah ku tagi doono, isaga oo ku doodday in Somaliland hogaankeedu isku badalayay hab qori isku dhiiba, taas wax aan aheyna uga degi doonin xilka, oo Mucaaridka uu sheegay inuu muddo kororsi sharci darro ah ku fadhiyo.

Si kastaba, Somaliland iyo hoggaankeeda sare ayaa muddooyinkii dambe cadaadis xooggan kala kulmeysay beesha caalamka, kadib markii ay muddo dhaafeen doorashooyinka, gaar ahaan tan madaxtinimada oo ay si weyn iskugu qabteen Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka, taas oo mar gacan ka hadal ka riday caasimadda Hargeysa.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo caawa ka degay dalka…

0

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Jimce ah ka qeyb-gali doona Meertada 32-aad ee hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, hakaasi oo caawa uga soo duulay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugna Dooxa waxa uu Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taasi oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo inay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka Geeska Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Wararkii ugu dambeeyay kulamada Xasan Sheekh ee Qatar

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo ka wada magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo uu gaaray Talaadadii.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulammo kala duwan la yeeshay hoggaanka rugta ganacsiga Qatar iyo ururka ganacsatada Qatar, isaga oo u soo bandhigay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga.

Xasan Sheekh ayaa ganacsatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalkeenna, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah.

“Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa argagixisada dhiigmiiratada ah, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri-gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxay si weyn ugu bogaadiyeen guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu kulan gaar ah magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kula yeeshay saraakiil iyo saraakiil ku-xigeenno tababar ku qaadanayo waddankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagay saraakiisha ay Soomaaliya u tababareyso Qatar, warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in idhalinyaradaan looga baahan yahay inay hormuud u noqdaan howl-gallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan heynin askar la’aan balse ay tahay saraakiil la’aan., “dhibaatada Soomaaliya heysta maanta askari ma’ahan ee waa sarkaal la’aan.”

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxay madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore.

Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Xamza oo kulan xasaasi ah la yeeshay golaha dhaqaalaha qaranka, farayna hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka, isaga oo faray inay dardar-geliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka kadib deyn cafinta iyo sidii dalku u yeelan lahaa kaaboyaal dhaqaale oo xooggan.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhawaan isku raacay in dalka uu yeesho hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060, kadib kulan ay ku yeesheen Madaxtooyada Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxay isla meel-dhigay in hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

Golahaan ayaa waxa uu xilligaasi usoo jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta hiigsiga 2060 iyo meel-marinta talooyinka ka soo baxay heerka farsamo ee golaha dhaqaalaha qaranka.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, iyada oo xukuumadduna qaaday tallaabooyin la xiriira la-dagaalanka musuqa.

Daawo: Ciidanka Somaliland oo dhoola-tus cajiib ah ka sameeyay xuska 18-ka May

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 32-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu qabtay fagaaraha caasimadda Hargeysa ee lagu xuso munaasibadda 18-ka May, ayaa waxa ka qeyb-galay madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, shir-guddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxweyne ku-xigeenadii hore, siyaasiyiin, diblumaasiyiin iyo haldoor kala duwan oo ka socday dalalka deriska iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Waxaa fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo xuska maalinta 18-ka May, ayada oo halkaas ay bandhig cajiib ah ka sameeyen ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Sidoo kale, waxay sanadkaan Somaliland kusoo bandhigtay fagaarahaasi cudud ciidan iyo saanad militeri oo Somaliland leedahay, iyada oo hay’adaha wax soo saar ee gudaha iyo degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland sida militeriga, kamaandoosta, asluubta, ilaalada xeebaha, laanta socdaalka iyo booliska, ayaa gaardis iyo gaaddo-ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaasi oo uu halkaas salaan kaga qaatay madaxweynaha, iyada oo sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saanad kale.

Intaas kaddib, maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa kalmad kooban ka jeediyey munaasibadda, wuxuuna shacabka ku hambalyeeyey xuska maalintaan ee 18-ka May oo ku weyn quluubta shacabka reer Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey bulshada reer Somaliland ee dabbaal-degga ugu jirta maalintaan.

Waxa uu sidoo kale isagna uu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan iyo shacabka reer Somaliland, ee xuska maalinta 18-ka May, oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa 32 sano kadib oo ku suntan dabaal-degga maanta, ayaa illaa hadda uusan jirin dal ku dhiiraday in uu u aqoonsado dal madax-banaan.

Hoos ka daawo

NISA oo dekedda weyn iyo garoonka ku dhex qabatay saanad loo waday Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo howlgal culus qaaday ayaa gacanta kusoo dhigay agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo dajiyay dekedda weyn ee Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in agabka ciidamada iyo saanad kale lagu qabtay gudaha dekadda, kuwaas oo ay sheegtay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan looga soo dajiyay dekadda iyo garoonka Muqdisho.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab” ayay tiri NISA.

Sirdoonka Soomaaliyaa ayaa intaasi ku daray in uu si dhow ula socday saanaddan ciidan, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay in la keeno gudaha dalka.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad ballaaran oo kala joogtay dibadda, Muqdisho iyo gobollada, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sidoo lale xustay inay ka wada shaqaynayeen, soo iibinta, soo rarista iyo soo dejinta , si loo gaarsiiyo Al-Shabaab, ayada oo dhammaantoodna gacanta lagu soo dhigay.

“Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka NISA.

Dadkan ayaa waxaa sidoo kale ku jiro ganacsato waa weyn oo ay dowladdu siisay ogolaansho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin, si ay ugu ganacsadaan gudaha waddanka.

Hay’adda ayaa sidoo kale la wareegtay afar baabuur oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan, si ay u geeyaan deegaanada Al-Shabaab ee ku yaalla gobollada dalka.

Dhanka kale, Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in agab kale oo ciidan ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga sameeyay howlgal kale oo qorsheysan, kuwaas oo toos loogu keenay diyaarad.

“Dekadda iyo Airport-ka waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa caddeyn u ah shaqada adag ay haayaan hay’adaha ammaanka waddanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeenna” ayuu sii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska NISA.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la macaamiilka Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaallo culus oo uga furan gobollada dalka.

Madaxweyne BIIXI oo diray hanjabaad culus, “Dagaalku joogsan maayo illaa…”

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta boqalaal dadweyne ah oo isugu soo baxay magaalada Hargeysa si ay ugu dabaal-deggaan xuska 18 May ee aas aaska Somaliland ayaa khudbad u jeediyay, wuxuuna ka hadlay arimo dhowr ah dagaalka xoogan weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood.

Muuse Biixi ayaa wacad ku maray in ay si wadi doonaan, isla-markaana xukuumaddiisa aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hanjabay in dagaalka uusan joogsan dooneyn, inta ay ka hortagayaan cadow uu sheegay inuu ku soo duulay Somaliland.

“Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan dheel-dheel ka ahayn dagaalkan, isla-markaana ay xoreyn doono dhulka Somaliland, sida uu ku dooday

“Ragga dheel-dheelayow dagaalku wuu soconayaa inta uu doono ha qaato, dhiigga ragga ha daato, dalkana waa xoreyneynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu farriin culus u diray xubnaha beesha caalamka, isaga oo sheegay inuu macaamil wanaagsan kala dhexeeyo, balse aysan aqbali doonin inay faro-geliyaan.

“Dowladaha caalamka cid walba nabad ayaan u haynaa, talada annagaa iska leh, laakiin nama maamuli kartiin,” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Somaliland.

Hadalkan ayaa uga sii daraya colaadda Laascaanood oo qaadatay dhowr bilood oo xiriir ah, waxaana sidoo kale fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu keeno labada dhinac.

Golaha wasiirada Somalia ‘oo qiray guul aan caadi aheyn’ oo laga gaaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay hal ajende oo ah amniga caasimada.

Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ka qayb-galay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho iyo saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyn golaha warbixin ka dhageystay duqa Muqdisho iyo taliyeyaasha ciidanka ee goobjooga ahaa, kuwaas oo faahfaahiyay guulaha laga gaaray amniga gobolka Banaadir.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagu guuleystay sugidda amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda, sida uu hadalka u dhigauy

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaran oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa saraakiisha hay’adaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qayb ahaan amniga lagu wareejiyay ciidamo boolis milataaro ah oo kusoo tababartay Uganda, kuwaas oo guul ka keenay amniga caasimada.

Somaliland iyo SSC oo guullo ka kala sheegtay dagaalkii maanta

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo qaraar oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaallada oo soo billowday saaka aroortii hore ayaa soo gaaray illaa duhurkii maanta waxayna ka kala dhexeen saddex jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalladan, wuxuuna mid kasta shaaciyay in weerarka lagu soo qaaday fariisimahooda, sida ay ku sheegeen warar ay soo saareen.

Qoraal kooban oo kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa waxaa lagu sheegay in ciidankooda ay iska difaaceen weeraro culus oo ay kusoo qaadeen ciidanka Somaliland.

“Waxaa saaka dhawr jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga weerarro gardarro ah kaga soo qaaday magaalada Laascaanood malayshiyada soo duushay ee maamulka Somaliland, iyadoo ay Xoogagga Difaaca Shacabka SSC-Khaatumo iska difaaceen weerarradaas,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku daray in ciidamadooda ay jabiyeen kuwa Somaliland, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen.

“Ciidamadeenu jab weyn ayay u gaysteen malayshiyada soo duushay ee Somaliland” ayaa mar kale lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale Somaliland ayaa dhankeeda guul weyn ka sheegatay dagaalladan, waxayna shaacisay in la soo weeraray fariisimaha ciidamadeeda ee ku yaalla gobolka Sool, xilli ay ciidamadooda u dabaal-dagayeen xuska sanad guurada 18-May ee aas aaska Somaliland.

“Fadhiisimada ciidamada Qaranka ee ku sugan aagga Gooja-cade oo ah gobolka Sool oo xuska Sannad Guurada 32aad ee 18 May oo la qaadanayey shacbigooda dareenka maalintanay ay u leedahay ciroole iyo carruurba ayaa waxa subaxnimadii hore ee saaka weerar qorshaysan ku soo qaaday ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah Galbeedka magaalada ee Xargaga, Bariga Magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer iyaga oo ku danbeeya jab & firxad” ayaa lagu yiri warkan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo iyadu qoraalka soo saartay ayaa sheegtay in dagaalkan ay qayb ka ahaayeen ciidanka Puntland-Soomaaliya iyo kooxo Argagixiso ah.

SHABAKAD lagu qabtay Muqdisho oo loo gudbiyay maxkamadda G/ Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud oo maanta qoraal soo saaray ayaa sheegay in shabakad ka ganacsaneysay maan-dooriye oo dhowaan lagu qabtay Muqdisho ay u gudbiyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xeer ilaalinta ayaa shaaca ka qaaday in marka hore la qabtay nin hoggaaminayay kooxdan, kadibna lagu oo qabtay raggii kale ee la shaqeynaay, kadib howlgal ka dhacay gudaha caasimada.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale sheegay in shabakaddan ay ku howlanayd sameynta iyo ka ganacsiga maan-dooriyaha gaar ahaan Calaqa oo dhibaato ku hayo bulshadeenna.

“Xafiiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay shabakad abaabulan, kuna howlanayd sameynta ka iyo ganacsiga maan-dooriyaha gaar ahaan Calaqa,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Sidoo kale waxa ay Xeer Ilaalintu intaasi kusii dartay in la guda-gali doono maxkamadeynta raggan, kadibna tallaabo adag laga qaadi doono.

“Marka ay baarista soo dhammaato waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda, si loo maxkamadeeyo,” ayuu mar kale lagu yiri warqadda.

Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ew Qaranka ayaa digniin culus u diray ganacsatada soo dajisa maan-dooriyaha iyo kuwa isticmaala, isaga oo sheegay inay la dagaalami doonaan.

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale boggaadisay howlgallada ay wadaan ciidamada ammaanka ee lagula dagaalamayo maan-dooriyaha, isla-markaana uu horkacayo gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyay in ay qayb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah maan-dooriyaha.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay qayb ka noqdaan dagaalanka lagu ciribtirayo maan-dooriyaha oo ay la soo wadaagaan warbixinada dembi, ayaga oo soo wacay 4949” ayaa lagu soo gabaganeeyay qoraalka Xafiiska Xeer Ilaalinta.

X

Beesha caalamka oo soo faro-gelisay muranka doorashada Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka oo warsaxaafadeed kasoo saartay xaaladda adag ee Puntland ayaa faro-gelisay muranka hareeyay doorashada maamulkaasi oo ay isku hayaan xukuumadda madaxweyne Saciid Deni iyo ururada kale ee siyaasadda.

Bayaankan kooban ayaa waxa si wadajir ah usoo saaray dalal ay kamid yihiin, Mareykanka, UK, Switzerland, Sweden, Danmark, Norway, Germany iyo weliba Midowga Yurub.

Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow ula socoto doorashada Puntland, oo haatan isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaal habeenkii Talaadada ka dhacay Garoowe.

Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in Beesha Caalamka ay aad uga walaacsan tahay rabshadaha kasoo cusboonaaday Garoowe ee ka dhashay doorashada golaha geeaanka.

“Saaxiibada caalamiga ah, waxay si dhow ula socdaan hanaanka dimuqraadiyeynta ee Puntland, waxayna aad uga walaacsan yihiin rabshadihii dhawaan ka dhacay ee la xiriira doorashada golaha deegaanka ee soo socota,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa farriin culus u dirtay dhinacyada isku haya siyaasadda Puntland, oo ay ugu baaqday in miiska wada-hadalka lagu xaliyo xiisadda ka dhalatay doorashooyinka.

“Rabshadduhu xal maaha, waxaanu ku boorinaynaa wada-hadal dhexmara daneeyayaasha (saamileyda siyaasadda Puntland) si loo xaliyo khilaafaadka.” ayuu sii raaciyay qoraalka.

Dhowaan ayay ahayd markii Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yiihiin xubnahaha mucaraadka ay hortimid doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland, kadib shirweyne xasaasi ah oo ay ku yeesheen Garoowe, kaas oo ay kasoo saareen bayaan culus.

Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ah tii ugu darneyd, taas oo ka dhalatay doorashada iyo khilaaf kale oo kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh: ATMIS wax ay noo qaban weysay, ayay qabteen ciidanka xoogga

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiil iyo saraakiil ku xigeenno tababar ku qaadanayo waddankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay saraakiishan dhalinyarada ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida dagaalka Al-Shabaab, doorka ATMIS iyo ammaanka guud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan heynin askar la’aan balse ay tahay saraakiil la’aan. “Dhibaatada Soomaaliya heysta maanta Askari ma’ahan ee waa Sarkaal la’aan,” ayuu yiri khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu la wadaagay saraakiisha ay Soomaaliya u tababareyso Qatar, warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale sheegay in dhalinyaradaan looga baahan yahay inay hormuud u noqdaan howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay qaadeen tallaabo aad loogu baahnaa, isla-markaana ay qabteen wax ay 15 sano qaban weysan AMISOM oo hadda loo yaqaano ATMIS, taas oo muddo fog ka howlgaleysa dalka.

“AMISOM oo haysata Taangiyaal, Beebayaal, Madaafiic iyo waxl waliba, 15 sano way noo sameen waayeen waxa ay innoo sameeyeen Ciidanka xogga dalka muddada yar,” ayuu yiri.

Madaxweynaha dowladda federaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya aysan cid kale wax u qaban karin, isla-markaana ay iyadu kaliya dhisan karto dowladdeeda, sidaas daraadeedna loo baahanyahay in la’is kaashado guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Dalkeenna isaga oo dowlad leh oo dhisan annagaa duminnay, hadda in aan dhisno oo dowlad u yeelno annaga uu naga sugayaa, gaashaanbuur NETO haddii ay timaado dowlad nooma dhisi karto. 33 dawladood Ciidankooda ayaa Soomaaliya yimaaday dhawr sano ka dib way isaga baxeen.” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan loo yaqaano Macawiisleyda.