28.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Wasaarad Puntland ka mid ah oo korontada laga jartay

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Warfaafinta Dolwad-goboleedka Puntland ayaa korontadii laga jartay kadib markii ay iska bixin waysay kharashka lagu yeeshay muddo dhawr bilood ah, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah.

Wasaaraddan oo markii horeba deganeyd guri kiro ayaa waxay tahli kari weysay inay iska bixiso kharashka korontada ee lagu yeeshay dhowrkii billood u dambeeyay, taasi oo keentay in gebi ahaanba ay shaqadii wasaaradda u istaagto koronto la’aan kadib markii shirkada korontada ay ka jaratay.

Waxaa la xasuusta in wasaaraddan uu Saciid Deni horey ugu dhagax dhigay dhisme ay yeelaneyso wasaaradda warfaafinta Puntland, taasi oo illaa hadda la isweydiinayo halka uu ku dambeeyay.

Arrintan oo fadeexad horleh ku ah maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, ayaa waxay imaneysa xilli ay billooyin uga harsan yihiin muddo xileedkiisa, islamarkaana uu maamulkaas ka taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa muddooyinkii dambe loo jeedinayay dhaliilo culus oo la xiriira inuu ka gaabiyay bixinta mushaaraadka iyo kharaashadka kale ee muhiimka ah, ayada oo weli shaqaalaha rayidka ah ee Puntland iyo ciidamada amniga ay ka cabanayaan mushahaar la’aan joogto ah.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Deni ayaa dhaqaalihii u badna u weecisay hanaanka doorashooyinka lagu muransan yahay iyo meel-marinta qorshayaasha la xiriira damaca Saciid Deni ee dib u furista dastuurka iyo muddo kororsiga.

Isku soo wada duubo, Muranka siyaasadeed ee ka taagan Garoowe ayaa habeen hore isku rogay gacan ka hadal, ayada oo isku fara saareen ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, kaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Dagaalkaas ayaa yimid saacado uun kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.

Waa tee hay’adda ugu kabashada iyo horumarka ballaaran ee hay’adaha DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyay in hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliyeed ay tahay tan ugu kabashada iyo horumarka ballaaran ee hay’addaha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo shalay ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka dhaqan-gelinta ayaa arrintaan ka sheegay, isaga oo ku amaanay howl-wadeenada hay’adda dadaalka ay galiyeen.

“Hay’addan duulista hawada Soomaaliyeed ahmiyadda ay Qaranka ugu fadhido wan ognahay gaar ahaan dhaqaalaha, waxay si xoog leh uga qeyb qaadata dhaqaalaha oo meel weyna kaga taalla Qarankan, aan runtiina uga mahad-celinayno dadaalka ay galeen iyo wax soo saarkooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay in maanta aan gaarno heer aan diyaar u nahay in aan tartano, “hay’addaan inay tartano oo asaageed la tartanto waa guul.”

Mudane Xamza ayaa waxa kale xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay hay’adda duulista rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, islamarkaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka.

“Waa guul weyn oo usoo hooyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay heerka ay maanta soo gaartay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay sanadihii dambe sameynaysay horumaro kala duwan, ayada horraantii sanadkaan ay hawada Soomaaliya heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka.

Sawirro: Koonfur Galbeed oo DIL ku fulisay Aadan Cali iyo Maxamed Geedow

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu helay inay horay dilal uga geysteen deegaanada maamulkaasi.

Labada nin ayaa xukun dil ah waxaa horay ugu ridday maxkamadda gobolka Baay, ayada oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyay toogashada oo ka dhacday fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow, kuwaas oo maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan.

Aadan Cali Cabdi ayaa lagu helay dilka Marxuum Macalin Daahir Cabdullaahi Mukhtaar oo ahaa agaasimaha Radio Koonfur Galbeed.

Maxamed Geedow Nuurow ayaa isaguna lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Jamaal Cabdikariin Maadey oo ugu dambeyn lagu helay, sida ay shaacisay maxkamadda gobolka Baay.

Fagaaraha lagu toogtay labada nin ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaas, si ay goobjoog uga noqdaan toogashada.

Sidoo kale waxaa fulinta xukunka dilka ah soo dhaweeyay ehellada marxuumiinta ay horay u dileen ragga saaka la toogtay, waxayna u mahadceliyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale tiirka u geysay rag dilal ka gaystay magaalada Baydhabo iyo kuwa kale oo lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, tirada toogashada ee sanadkan 2023 ayaa noqoneyso 6 qof, oo ay ugu dambeeyeen labada nin ee saaka lagu fuliyay qasaasta, laguna dilay magaalada Baydhabo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Xogta arrinta xasaasi ah ee lagu haysto laba qof ajaanib ah oo DF ay dalka ka cayrisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay shaacisay inay dalka ka cayrisay laba nin oo u kala dhashay Jarmalka iyo Poland, kuwaasi oo lagu kala magacabo Jocek Jozef Ochman iyo Ralf Bernhard Gehlig.

Dowladda si rasmi ah xilligaasi uma shaacin sababta laba nin ee ajaanibta ah looga ceyriyey dalka, hase yeeshee baaritaan ay samaysay VOA ayaa waxay sheegtay inay ku ogaatay in labadan sarkaal ay u shaqeeyaan xafiiska Midowga Yurub ee dhismaha kartida hay’adaha dowladda loona yaqaan EUCAP Somalia.

Labada nin ayaa la sheegay in ceyrintoodu ay la xiriirto kiiska kalluumaysato dhan 36 oo ku xiran xarunta ciidamada booliiska ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Maxaabiista iyo laba doonyood oo ay la socdeen ayaa lasoo qabtay bishii April, iyaga oo ku sugnaa xeebaha maamul-goboleedka Galmudug, waxaana loo haystaa inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in tallaabada ceyrinta ay qaaday kadib codsi uga yimid xeer ilaaliyaha guud ee waddanka Suleymaan Maxamed Maxamuud.

VOA Soomaali oo heshay codsiga uu xeer ilaaliyuhu u gudbiyey Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Soomaaliya, ayaa waxaa looga codsanayey in labadan nin waddanka laga saaro.

Codsiga xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyey labada nin inay si qarsoodi aha sawirro uga qaadeen maxaabiis ku xiran goob ciidan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa codsigiisa ku sheegay in raggaas ay leeyihiin xasaanad oo aan lagu dhaqaajin karin dacwad ciqaabeed, sidaas darteedna loo baahan yahay inay dalka ka caryriso.

VOA ayaa sheegtay inay la xiriirtay xeer ilaaliyaha iyo xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, hase yeeshe labadduba kama aysan soo jawaabin codsigaasi.

Maalmo kahor unbey aheyd markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Shirkadaasi oo lagu magacaabo Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyaheeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

Si kastaba, Xafiiska ayaa hore waxa uu digniin ugu diray dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya, gaar ahaan kuwa aan u hogaansamin xeerarka iyo shuruucda dalka.

Gobolkii ugu horreeyey ee MAREYKANKA ka tirsan oo mamnuucay TikTok

Helena (Caasimada Online) – Montana ayaa Arbcadii noqday gobolkii ugu horreeyey ee Mareykanka ah oo mamnuuca TikTok, ayada oo sharcigan uu dhaqan-geliyo sanadka xiga, xilli ay xoogeysatay doodda la xiriirta saameynta iyo amniga app-kan caanka ah.

Mamnuucista, oo uu saxiixay barasaab Greg Gianforte, ayaa tijaabo sharciyeed u noqon doonta haddii app-kan laga leeyahay Shiinaha laga mamnuuci karo dalka oo dhan, taasi oo sharci-dejiyayaasha Washington ay ku baaqayaan.

“TikTok kama howlgali karo dhulka sharciyeed ee Montana,” ayaa ku qoran nuqul ka mid ah sharciga oo lasoo dhigay website-ka gobolka Montana.

Mamnuucista ayaa ka dhigaysa in sharciga la jebiyey mar kasta “oo qof uu furo TikTok, ama uu helo oo awood uu ku geli karo TikTok, ama la siiyo awoodda uu kusoo degsan karo TikTok.”

Jebin kasta oo lagu sameeyo sharciga waxaa ka dhalanaya ganaax $10,000 maalin kasta oo xadgudubkaas uu dhaco.

Sida ku qoran sharciga, Apple iyo Google waa inay app-ka TikTok ka saaraan halka lagala soo dego, haddii kale waxay ay wajihi karaan ganaax maalinle ah.

Tallaabadan ayaa waxaa hubanti ah in sharci ahaan laga horiman doono.

Hoggaamiyayaasha gobolka “waxay caburiyeen xoriyadda hadalka ee boqolaal kun oo reer Montana ah oo app-kan u adeegsada inay isku muujiyaan, ku helaan akhbaar, islamarkaana ku ganacsadaan, sababo la xiriir guux ka dhan ah Shiineeska,” waxaa sidaas yiri agaasimaha qeybta siyaasadda Montana ee xarunta xuquuqda madaniga ah ee ACLU.

Mamnuucistan ayaa dhaqan-geleysa 2024, balse waa la baabi’in doonaa haddii TikTok ay la wareegto shirkad ka diiwaan gashan Mareykanka, oo aanay dowladda Mareykanka u arkin cadow dibadeed.

TikTok ayaa sheegtay in dastuur ahaanta mamnuucistan ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha.

Mamnuucistan ayaa ah dagaalkii ugu dambeeyey ee loolan xooggan oo u dhaxeeya TikTok iyo qaar ka mid ah dowladaha Reer Galbeed, ayada oo horey app-ka looga mamnuucay aaladaha dowladaha Mareykanka, Canada iyo qaar ka mid ah Yurub.

App-ka TikTok, oo ay leedahay shirkadda Shiineeska ah ee ByteDance, ayaa siyaasiyiinta Mareykanka waxay ku eedeeyeen inuu ku shaqeeyo amarka dowladda Shiinaha, islamarkaana uu aalad basaas u yahay Beijing, taasi oo shirkadda ay si xooggan u beenisay.

AFP, VOA

Daawo: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo qaaday tallaabo cajiib ah oo ka gedisan kuwii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta hal tan oo kalluun ah ku wareejisay wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa tallaabadan u qaaday si loo sii dhiiri-geliyo ciidankeenna, islamarkaana ka gedisan go’aankii Golaha Wasiiradda ee ahaa in wasaaradaha ay laba neef oo geel ah ugu deeqdo ciidamada, si loogu dhiiri-geliyo howsha adag ee u hayaan bulshada.

“Waa fulineyna go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiiradda in la keeno laba geel laakiin anaga maanta waa bedelnay ka wasaarad ahaan, waxaana ku bedelnay Kalluun ama Mallaay, oo maanta ugu deeqnay ciidamada dalka oo dadaal aad u wanaagsan u haya dalka,” ayey tiri Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi.

Waxa kale oo ay intaas sii raacisay “Bey’adiina waa u fiican tahay in la bedelo, tan kalena ay tahay aniga oo kasoo jeeda gobolka Banaadir ama Muqdisho, anaga Geela ma dhaqano waxaa dhaqana kalluunka, marka sidaas awgeed waxaa go’aansanay ka wasaarad ahaan in aan ciidamada barno kalluunka muhiimada uu leeyahay.”

Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahad-celiyey deeqda wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay soo gaarsiisay taliska qaybta guud Booliska gobolka Banaadir.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa waxay ugu tala-gashay taageeradaan in ay ku dhiiri-geliso bulshada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan kheyraadka dalka, si gaar ahna muhiimad loo siiyo kalluunka oo dalkeennu hodan ku yahay.

Si kastaba, Wasaaradaha dowladda federaalka ayaa toddobaadyadii dambe waxay taliska Booliska Soomaaliyeed ku wareejinayeen neefaf Geel ah oo lagu dhiiri-gelinayo ciidanka, iyada oo laga duulayo go’aankii xukuumadda ee ahaa inay wasaaraduhu taageeraan ciidamada qaranka ee har iyo habeen u taagan difaaca dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hanti-dhowrka oo shaaciyay arrin ay shaqaalaha dowladda ku lumin karaan shaqadooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa uga digay shaqaalaha dowladda inay shaqada ku lumin karaan haddii ay saacadiisa shaqadu ka yaraadan 48 saac.

Hanti-dhawrka Qaranka oo soo saaray ogeysiis ku saabsan isla-xisaabtanka dhanka ilaalinta shaqada iyo waqtiga ee shaqaalaha rayidka dowladda, ayaa waxa uu ku sheegay in shaqaalaha dowladda ay waajib ku tahay dhameystirka 48 saac oo shaqo ah toddobaadkii.

“Haddii ay saacadaha shaqadu ka yaraadaan 48 saac, shaqaaluhu waxa uu ku luminayaa shaqadiisa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in sharciga shaqaalaha rayidku wuxuu difaacayaa oo keliya shaqaalaha sida joogtada ah u yimaada goobta shaqada iyo kuwa ku maqan fasaxyada rasmiga ah ee sharcigaas ku cad.

“Shaqaalaha Rayidka ee dowladda waa shaqaale leh xuquuq iyo waajib gaar ah sida ku cad Sharciga Rayidka Dowladda (Sharci Lr.11 ee 05/12/2006) iyo siyaasadaha, hageyaasha iyo xeerarka anshaxa ee guud ahaan dowladdu leedahay ee dhaqan-galka ah, qofka shaqaalaha ah waxaa saaran waajibaad ay tahay in uu guto, waxaana jira arrimo ka reeban oo uusan sameyn karin.”

Xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in shaqaale walba oo ka tirsan hay’adaha dowladda oo ka maqan goobta shaqada uu luminayo shaqaalenimada haddii uusan/aysan oggolaansho ka heysan hay’adahaas si waafaqsan sharciga.

Digniintan uu soo saaray Hanti-dhawrka Qaranka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda federaalka ay dardar-gelinayso isla xisaabtanka shaqaalaha, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada.

R/W Xamza oo soo saaray amar culus kadib qaraarkii xukuumadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu faray agaasimeyaasha iyo maareyeyaasha guud ee dowladda federaalka inay ka miro-dhaliyaan qaraarkii dhawaan kasoo baxay xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirka agaasimeyaasha iyo maareeyeyaasha guud ayaa waxa uu intaas ku daray in xukuumaddiisa ay mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka, xilli ay qaaday tallaabooyin la xiriira la-dagaalkan musuq-maasuqa.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan waxay soo saartay qaraar si cad u qeexayey ciribtirka musuqa, kaasi oo la yiraahdo “qaraarka adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta maaliyadda dalka.”

Qaraarkan oo ka kooban illaa 8 qodob, ayaa waxa uu saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale maalmo kahor magacaabay guddiga soo-celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta hantida qaranka ayaa durba wajahaysa mucaaradad xooggan.

Guddigan oo heer wasiir ah ayaa ka kooban siddeed xubnood, sidoo kale waxaa ku jira guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxayna magacaabistooda daba socota qaraar ay Khamiistii ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Waxaa loo xil-saaray tirakoobka hantida hay’adaha dowladda, soo celinta hantida qaranka ee sida sharci darrada ah loo haysto, qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida qaran ee la tirakoobay iyo kasoo tala-bixinta nidaaminta hantida qaranka ee lasoo celiyay iyo sida ugu haboon ee loo adeegsanayo ugu adeegidda bulshada.

Waxay guddigan warbixin dhameystiran oo geeddi socodka soo celinta hantida qaranka u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha, sida lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Sawirro: Muuse Biixi ‘oo indhaha soo saaray’ askarta ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood

Burco (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu kormeer ku tegay Isbitaalka guud ee Burco iyo Isbitaalka ciidamada Somaliland, isaga oo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad.

Muuse Biixi ayaa waxa uu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday askarta ciidamada Somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu duceeyay in u Illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka dhawaajiyay in xukuumaddiisa ay u hurayso wax walba oo la xiriira daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, islamarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Waxa u mahad-naqay dhamaan hawl-wadeenada bahda caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isaga oo ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna amaanan yihiin shaqada Qaranka.

“Wuxuu ku bogaadiyay sida fiican ee bahda caafimaadka oo ay hoggaaminayso wasaaradda horumarinta caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyaga oo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Isbitaalada Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad sareecana siiyo dhammaan bukaanada guud ee xanuunada kala duwan u jiifa cusbitaalka guud ee Burco.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyada oo la sheegay inuu qorsheynayo in halkaasi uga sii gudbo gobolka Sool, gaar ahaan saldhiga Goojacadde ee ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood iyo taliska ciidamada Somaliland ee Oog, xilli uu gobolkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in madaxweynaha Somaliland inta uu ku sugan yahay Burco uu ka shaqeynayo xal u helida shaqaaqo beeleed ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer.

Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Biixi ee ku wajahan magaalada Oog ee gobolka Sool oo ku dhow saldhiga Goojacadde, ayaa kusoo beegmaya xilli ay Somaliland maalinta berri ah xuseyso gooni isu-taageeda ee maalinta 18-ka May.

DF oo dhaqan-gelisay shuruucda hay’adda duulista rayidka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay dhaqan-gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.

Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya hay’adda duulista rayidka ah oo ay meel-mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suurta-galisay in hay’addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay’adaha dhiggooda ah ee adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii bogaadiyey horumarka ay sameysay hay’adda duulista rayidka ah ayaa waxa uu sheegay in hay’addani ay ahmiyad gaar ah u leedahay qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha.

Waxaa uu ka dhawaajiyay inay xukuumaddisa Dan-Qaran ay ka shaqeynayso horumarinta garoomada dalka, taasi oo qeyb ka ah dadaallada ay dowladda u qaadeyso dhanka kaabayaasha dhaqaalaha.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay hay’adda duulista rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, islamarkaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka.

“Waa guul weyn oo usoo hooyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay heerka ay maanta soo gaartay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay sanadihii dambe sameynaysay horumaro kala duwan, ayada horraantii sanadkaan ay hawada Soomaaliya heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka.

Booliska oo war kasoo saaray khasaaraha qaraxii Xamarweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay inta badan caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ahaa mid gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa, kuna qarxay aagga Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in qaraxaan uu ka dhashay khasaare kooban, kaasi oo ku eg gubashada gaariga lagu soo xiray qaraxa.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in gaariga qarxay uu lahaa qof muwaadin ah, kaasi oo loogu xiray gaarigiisa oo noociisu yahay Surf.

“Maanta 17/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agaagaarka Muqdisho Mall,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska “Muwaadinkii (lahaa gaariga) wuu nabad qabaa, ma jiraan wax qasaare ah oo kale marka laga reebo gubashada gaarigii dab ka dhashay qarxay.”

Mana jirto illaa haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, oo Booliska uu sheeay in gaariga qof muwaadin ah lagu xiray, inkasta oo inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay qaraxyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab, oo guluf culus uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.

Maalmo kahor unbey aheyd markii qarax khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga ee booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay amniga caasimadda.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay amniga Muqdisho, ayna bulshada caasimada ka nasteen qaraxyada iyo falalka amni darro, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee ammaanka ay ka sameynayeen caasimadda.

Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la qaatay amiirka dalka Qatar + Sawirro

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taasi oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo inay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gaaray magaalada Dooxa ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxay madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore.

Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaasi oo ku saleysan dardar-gelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha Caalamka.

Faah-faahinta qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo goor sii horeysay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhawaaqa jugta qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay inta badan caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayada oo cirka isku shareertay uuro qaraxa kadib.

Qaraxa oo jugtiisa cusleyd ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo looga tegay qeybta Parking-ka ee Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qolyaha dab-damiska ayaa markii dambe ku guuleystay daminta gaariga qarxay, taasi oo yareysay khasaaraha, maadaama ay goobtaasi yaalleen gawaari kale, ayna ka agdhawayeen dad badan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa mid qof muwaadin ah uu lahaa oo loogu xiray, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin cidda iska leh gaariga waxyaabaha qarxa lagu soo xiray ee ku qarxay halkaasi.

Mana jirto illaa haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, ayada oo inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay qaraxyada noocaan oo kale ah ka fuliso kooxda Al-Shabaab, oo guluf culus uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo la xiriira qaraxaan iyo khasaaraha ka dhashay, oo inta badan looga bartay warinta xogta u dambeysa ee dhacdooyinkan oo kale.

Maalmo kahor unbey aheyd markii qarax khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga ee booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay amniga Caasimadda.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Waxda Saddexaad ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, wuxuuna qabsaday gaari ay la socden ciidamada, iyada oo la sheegay inay afar askar ku geeriyoodeen qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale.

Qaraxaas ayaa waxa ka dhashay khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ciidamada Booliska Milateriga ee Xasilinta caasimadda ee Amniga magaalada Muqdisho gacanta ku haya.

Ciidamada oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa waxaa mushaharkooda bixiya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana bishii askari kasta uu qaataa $300.

Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay amniga Muqdisho, ayna bulshada caasimada ka nasteen qaraxyada iyo falalka amni darro, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee ammaanka ay ka sameynayeen caasimadda.

Puntland oo amartay in la soo xiro la-taliyaha Xasan iyo saddex mas’uuliyiin oo kale

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Mudane Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay dhacdadii habeen hore ka dhacday magaaladaas, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Taaran ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas ay gaysteen afar nin oo kala ah Khadar Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), Xasan Shire Cabdi (Abgaal), Maxamuud Warsame Faarax (Shido) iyo Maxamed Jaamac Faarax oo kamid ah siyaasiyiinta maamulkaasi.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay afarta nin inay hoggaaminayeen ciidamadii weerarka ku qaaday Booliska oo xilligaas waday sanaadiiqda doorashada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay soo gaartay dacwad ay usoo gudbiyeen Booliska oo dalbaday in la siiyo waaran lagu soo qabanayo raggaas, taas oo uu tilmaamay inay u ogolaatay maxkamadda, isaga oo amar ku bixiyay in lasoo xiro dhammaan ragaasi.

“Xeer ilaalinta Puntland waxa ay soo saartay amar soo qabasho oo ah afarta eedeysane ee kala ah 1-Khadar Cabdiraxmaan Maxamed  Faroole, 2-Xasan Shire Cabdi Abgaal 3-Maxamuud Warsame Faarax Shido 3-Maxamed Jaamac Faarax,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Khadar Faroole iyo Xasan Shire Abgaal ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku sugan yihiin Garoowe oo ay ku haystaan ciidamo hubeysan, taas oo dagaal sababi karta.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, wuxuuna amarkan uga sii darayaa xiisadda dagaal ee haatan ka taagan caasimada mamulka Puntland ee Garoowe.

Dagaalkii habeen hore ka dhacay Garoowe ayaa sababay dhimashada 2 askari iyo dhaawac kale oo intaasi ka badan, waxaana ragga la eedeynayo ay iska fogeeyeen weerarkaasi.

“Anigu waxaan ahay ergayga madaxweynaha ee beeyac mushtarka iyo dhaqaalaha xafiiska aan ergayga u ahay waa xafiis shaqadiisu tahay xasilooni iyo nabad, marka ma garanayo meel aan isaga nimaano xasilooni darro,” ayuu horay u  yiri Khadar Faroole oo haatan lataliyaha gaarka ah eemadaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, kaddib markii mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.

Horjoogayaashii Shabaab oo isaga baxay Ceelbuur

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in horjoogayaashii kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ku wajahan yahay guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee u dhashay Ceelbuur ayaa  isaga baxay degmada habeenadii Axada iyo Isniinta ee todobaadkan, Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Sababta ayaa lagu sheegay in ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan howlgallada ka socda gobolka, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale warisay in kooxda Al-Shabaab ay ku fashilintay in odayaasha deegaanka ay garab ka hesho, si loogu garab istaago dagaalka iyo difaaca Ceelbuur oo ka mid ah degmooyinka waa weyn ee ay muddada ku sugneyd kooxdu.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in odayaashu ay xittaa diideen inay beel ahaan ula wareegaan hubka Al-Shabaab, taasina ay keentay inay isaga huleelaan halkaasi.

Ma shaacin dowladdu halka ay aadeen horjoogayaaashaasi, balse waxa ay tilmaamtay in dhalinyaro kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya looga tegay gudaha degmada.

Tallaabadan ayaa muujineysa in ay meesha ka baxday rajadii Al-Shabaab ee ku aadaneyd inay dagaal ku difaacdaan Ceelbuur, sida ay warisay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa agagaarka degmadaas oo ay kusii jeedaan ciidamada huwanta Soomaaliya.

Sidaan oo kale ayaa horay saraakiisha iyo xubnaha Al-Shabaab ay usoo banneeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada dhexe, ka hor inta aysan gaarin ciidamada.

Si kastaba, waxaana haatan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo la’isku yiraahdo Galmudug, haatan ka socdo gulufkii ugu dambeeyay oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo degmooyin badan looga qabsaday, waxaana ugu dambeeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Jubbaland oo war kasoo saartay heshiiska cusub ee DF Soomaaliya iyo Kenya

0

Kismaayo (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay Isniintii gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo dhigaya “dib u furista xuduudka dalkeennu uu la wadaago waddanka Kenya.”

Axmed Madoobe ayaa wuxuu ugu baaqay bulshada reer Jubbaland ee ku nool deegaanada xuduudka ah inay ku gacansiiyaan hay’adaha amniga ilaalinta nabad-galyada xuduudka, iyada oo si wadajir ah looga faa’iidaysanayo furitaanka xuduudka oo ahmiyad weyn oo dhaqaale u leh labada shacab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale waxa uga mahad-celiyay dowladda federaalka ah iyo dowladda Kenya heshiiska miro dhalka ah ee ay ka gaareen furitaanka xuduudkan.

“Furida Xuduudkan oo xiraa inta badan sanadahii lasoo dhaafay ayaa muhiim u ah isku socodka bulshada labada dhinac gaar ahaan dhinacyada hormarka ganacsiga, is dhaafsiga badeecooyinka kala duwan iyo wadaaga himilooyinka labada shacab ee dariska ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Furitaanka xuduudka degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo iyo degmada Mandhera ee “Mandheera County” ayaa qorshuhu yahay in la furo mudo 30 maalmood ah kadib.

Sidoo kale, xuduudka dhinaca degmooyinka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose iyo Libooyo oo ka tirsan “Garissa County” ayaa iyaguna la furi doona 60 maalmood kadib.

Halka xuduudka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose iyo Deegaanka Kiunga ee “Lamu County” la furi doono muddo ku siman 90 maalmood kadib.

Si kastaba, Xuduuda labada waddan ayaa mudo dheer xirnaa, taasi oo dhibaato badan ku qabeen ganacsatada iyo bulshada walaalaha ah ee labada dhinac.

Daawo: Ciidan ka kooban 3 qeyb oo howlgal culus ka fuliyey Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo ay xalay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa culus, isla-markaana saacado badan qaatay ayaa waxaa sameeyay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda oo sii kaashanaya ciidamada Boolis Milataaro oo haatan qayb ahaa amniga caasimada si toos ah loogu wareejiyay.

Ciidamada ayaa inta ay socdeen howlagallada guri guri u baarayayay xaafadaha qaar ee degmooyinkaaas, si u hubiyaan amniga xaafadaha Hodan iyo Howlwadaag.

Wararka ayaa sheegaya in inta uu socday howlgalka ciidamada ay kusoo qabteen dad badan, isla-markaana la’isugu geeyay hal goob, ayada oo kadib lasii daayay intooda badan, balse ciidamada ayaa watay laba kamid ah dadkaas oo lagu tuhmay inay yihiin Shabaab.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Waliyow Cadde Gaashaanle Daa’uud Axmed Caraale oo howlgalladan hoggaaminayay ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in ujeedka uu aha amni xaqiijin, isla-markaana ay si wadi doonaan howlgallada ka socda caasimadda.

“Waxa dhibka idin ku hayo inaa sheegtaan, Garanwaaga guriga ku jira jira inaa sheegtaan, waxa aad ka shakisaan inaa sheegtaan oo ciidanka la kaashataan,” ayuu yiri Daa’uud.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha maamulka degmada Howlwagaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed, wuxuuna farriin guud u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha caasimada.

“Waxaan rabnaa annaga oo mideysan oo shacab, ciidan iyo dowladba leh inaan nimankaas ka wada hortagno” ayuu isna yiri guddoomiye Bashiir Cabdi Maxamed.

Howlgalladan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada dowladda Soomaaliya ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada.

Hanti-dhowrka Qaranka oo shaaciyey masuuliyiin ka tirsan DF oo il gooni ah lagu hayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray digniin cusub oo ku socota masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Wargelin uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo ku socota masuuliyiinta dowladda ayaa waxa uu kaga dalbaday in marka shaqada ka tagayaan ay hantida gacantooda ku jirta ay si rasmi ah ugu wareejiyaan hay’addaha asal ahaan u leh.

“Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka waxa uu ku wargelinayaa dhamaan masuuliyiinta u shaqeeya hay’addaha dowladda ee si ay u gutaan waajibkooda loogu dhiibo gaadiidka ama hanti kale in marka ay ka tagayaan shaqada oo ay hawshooda dhamaato ay hantida gacantooda ku jirta si rasmi ah ugu wareejiyaan hay’adda asal ahaan u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa uu hay’addaha dowladda ku wargeliyay in laga doonayo in ay magaca hay’adda ku diiwaan-galiyaan hantida iyo gaadiidka oo aan lagu diiwaangelin magac qof gaar ah.

Hanti-dhawrka ayaa hore u shaaciyay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.”

Sidoo kale waxa uu faray masuuliyiintii hay’adaha dowladda ee weli la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’aduhu inay dib u soo celiyaan sida ugu dhaqsaha badan, “waa in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.”

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo dib loogu soo celinayo gaadiidka ka maqan hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo maalmo kahor uu ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 10 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna hay’addaha dowladda.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya, iyada oo Hanti-dhawrka guud uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta ama u haysan karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.

Maxaa ka jira in wiilka FAROOLE uu ka dambeeyay dagaalkii Garoowe?

0

Garoowe (Caasimasa Online) – Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland, sidoo kalena hadda ah la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha dhaqaalaha ayaa ka hadlay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Garoowe.

Khadar ayaa marka hore u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo shalay ku eedeeyay inuu isagu ka dambeeyay weerarka oo lagu qaaday ciidamo waday agabka doorashadaPuntland, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Ergeyga Xasan Sheekh Maxamuud ee arimaha dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabulay weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sheekh uu sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,” ayuu yiri wasiir Juxa.

Wiilka Faroole, ahna haatan la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dhaqaalaha ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeynta culus ee loo jeediyay, wuxuuna tilmaamay in shaqadiisa ay tahay nabad.

“Anigu waxaan ahay ergayga madaxweynaha ee beeyac mushtarka iyo dhaqaalaha xafiiska aan ergayga u ahay waa xafiis shaqadiisu tahay xasilooni iyo nabad, marka ma garanayo meel aan isaga nimaano xasilooni darro,” ayuu jawaabtiisa ku  yiri Khadar C/raxmaan Faroole.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in wasiirka arrimaha gudaha Puntland uu u gefay madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku dhuftay in aan lagu eedeyn karin dagaalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh laguma eedeyn karo muxuu uga hadlay arrimaha Puntland? waa madaxweynihii Somalia.” ayuu raaciyay.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.

Weerar dhimasho leh oo lagu qaaday kolonyada safaarada Mareykanka ee Nigeria

Anambra (Caasimada Online) – Dabley ayaa weerartay kolonyo baabuur Mareykan ah oo marayey gobolka Anambra ee Koonfurta Bari ee Nigeria Talaadadii, sida ay sheegeen booliska iyo sarkaal Mareykan ah, ayaga oo dilay afar qof, saddex kalena afduubtay.

Koox gooni u goosad ah oo ka howlgasha gobolka ayaa sanadihii dhowaa xoojiyey weerarada ay halkaas ka fuliyaan, ayaga oo inta badan beegsada xarumaha booliska iyo dowladda.

“Wax muwaadin Mareykan ah lama socon kolonyada,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska Ikenga Tochukwu.

Dableyda “ayaa dilay laba ka mid ah booliska, iyo laba shaqaale oo ka tirsanaa qunsuliyadda Mareykanka,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray inay kadib dab qabadsiiyeen baabuurka.

Weerarka ayaa “abaare 3:30pm Talaadadii ka dhacay waddada Atani, Osamale,” ee degmada Ogbaru, sida ay sheegeen booliiska.

Ciidamo isku dhaf ah ayaa goobta la geeyey, sida uu sheegay Tochukwu, hase yeeshee dabelyda ayey u suurtagashay inay afduubtaan laba sarkaal oo boolis ah iyo darawal.

Waxaa xalay socday “howlgal badbaadin ah” sida uu bayaan ku sheegay Tochukwu.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kibry oo weriyayaasha kula hadlay Washington DC ayaa xaqiijiyey weerarka.

“Kolonyo baabuur Mareykan ah ayaa la weeraray. Waxa aan idiin xaqiijin karo ayaa ah inuusan la socon muwaadin Mareykan ah,” ayuu yiri Kirby.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijisay weerarka.

“Shaqaalaha howlgalka Mareykanka ayaa hay’adaha amniga Nigeria kala shaqeynaya in la baaro,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda.

AFP, VOA