27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhawaaqa jugta qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayada oo cirka isku shareertay uuro.

Qaraxa oo jugtiisa cusleyd ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Xamarweyne, mana cadda weli nooca uu ahaa iyo khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale lama xaqiijin weli cidda lala beegsaday qaraxaas oo sida aan xog hordhac ku helnay uu ka dhacay aagga City Mall ee degmada Xamarweyne.

Qaraxan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayo amniga Muqdisho, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee amaanka ay ka sameynayeen caasimadda.

Wixii ka soo kordha iyo faah-faahinta qaraxaan kala soco Caasimada Online.

Madaxweynaha Falastiin oo dalab culus oo ka dhan ah ISRAEL u gudbiyay QM

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ku booriyay Qaramada Midoobay inay hakiso xubinnimada Israel, haddii aysan joojin gardarrada ay ku hayso dadka Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Cabaas ayaa sidoo kale dalbaday in la hakiyo xubinnimada Israel, aysan u hoggaansamin fulinta go’aannada dhigaya in Israa’iil iyo Falastiin ay moqdaan kuwo si gooni ah u taagaan.

Dalabkan ayaa ku soo beegmay xilli dadka reer Falastiin ay wadaan xus ay ka qeybgaleen kumanaan dad ah oo ka soo qaxay dalka hadda loo yaqaan Israa’iil,kaas oo ay ka socdaan rabshado laga soo bnilaabo 75 sano ka hor.

Madaxweynaha oo qudbad qiiro leh ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ayaa xubnaha golahaasi waydiiyey sababta in ka badan 1000 qaraar oo khuseeya Falastiin ,kana soo baxay hay’adaha loo fulin la’yahay.

“Waxaan dalbaneynaa maanta si rasmi ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo go’aamada caalamiga ah, in aan hubinno in Israel ay ixtiraamto go’aamadaan ama ay joojiso xubinnimada Israel ee Qaramada Midoobay,” ayuu madaxweyne Cabbaas ku yiri khudbadiisa.

Khudbadda madaxweyne Falastiin ayaa waxaa kale oo ku jiray in dib loo soo celiyo qaxootiga Falastiiniyiinta ee ka cararay deegaanadooda, kuwaasi oo 15-ka May sanad kasta qabta xus loogu magac daray Nakba – ama masiibo.

Xogta heshiisyo lagu saxiixayo QATAR iyo Xasan Sheekh oo gaaray

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa waxaa caasimada dalka Qatar ee Dooxa uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo laba maalmood ah, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa waxa uu la qaadan doona kulamo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay shaacisay in madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi ku sugan yahay waxay labada dal ka arrinsan doonaan iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Dhinaca kale, Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore.

Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa in uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka deriska ee haatan la’isku yiraahdo dalalka safka hore.

Xeer ilaalinta oo baareysa kiiska haweenay ‘dil iyo dhaawac culus’ u geysatay carruur yar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu gacanta ku hayo baarista kiis xasaasi ah oo la xiriira haweenay dil, dhaawac culus iyo jirdil u geysatay laba carruur ah.

Haweenaydaas oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxa uu xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu sheegay inay magaalada Muqdisho ugu geysatay dil iyo jirdil wiil yar oo 3 sano jir ah.

Sidoo kale waxay haweenaydan dhaawac halis ah u geysatay gabar yar oo 7 sano jir ah, waxaana carruurtan dhalay seyga eedeysanadda oo isagu ka maqan dalka, sida uu xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.

“Fal-dembiyaadkaas oo baaristiisa uu gacanta ku hayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa marka ay natiijada baaristiisu soo dhamaato u gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xafiiska ayaa sidoo kale wuxuu uga digay waalidiinta dayaca masuuliyadda ka saaran carruurtooda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu had iyo goor u taagan yahay difaaca iyo dhowrista xuquuqda dadka nugul oo ay carruurtu kamid yihiin, si waafaqsan qodobka 8-aad XNG.

Ugu dambeyntiina waxa uu xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku booriyay bulshada Soomaaliyeed inay lasoo wadaagan xad-gudubyada ka dhanka ah carruurta iyo guud ahaan dadka nugul.

RUTO oo Soomaaligii ugu horreeyay u magacaabay agaasimaha Sirdoonka

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne Kenya William Ruto ayaa maanta waxa uu u magacaabay Nuuradiin Yuusuf Xaaji inuu noqdo agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka Qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo NIS.

Madaxweyne Ruto oo is-bedello ku sameynaya hay’daha dowladda ayaa waxa uu sheegay haddii magacaabistan uu meel-mariyo baarlamaanka uu Nuuradin Xaaji bedelayo Philip Kameru oo lagu wado inu noqdo howl-gab.

Philip Kameru ayaa waxa uu ahaa agaasimaha Sirdoonka Kenya ee NIS tan iyo bishii September ee sannadkii 2014-kii.

Sida lagu sheegay bayaan kabsoo baxay madaxtooyada Kenya, Ruto ayaa ku tilmaamay Kameru “waxqabadkiisa NIS mid aad u wanaagsan,” isaga oo dalka ka caawiyay ka hortagga argagixisada, dambiyada caalamiga ah iyo “khatarta ugu weyn ee amnigeena.”

Nuuradiin Yuusuf Xaaji oo madaxweyne William Ruto u magacaabay agaasimaha NIS ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horreeyey ee xilkaas qabta, haddii uu ansixiyo baarlamaanka Kenya.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo kamid madaxda Soomaalida ah ee durba soo dhaweeyay magacabistiisa, ayaa waxa uu sheegay in Nuuradiin Xaaji loo magacaabay booskii ku habboona.

“Mudane Xaaji kuma cusba hawsha loo magacaabay. Isagoo soo noqday Agaasimaha Xeer Ilaalinta Guud (DPP) iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Dembiyada Abaabulan ee NIS,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Kenya.

Waxa kale oo uu intaas sii raaciyay “Xaaji waxa uu leeyahay khibradda lagama maarmaa u ah masuuliyadda cusub ee loo igmaday.”

Isbeddalkan uu maanta madaxweynaha Kenya William Ruto ku sameeyay hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NIS ayaa qeyb ka ah isbeddalo uu ku sameynayay hay’daha dowladda ee dalkaasi Kenya.

Somaliland oo guul ka sheegatay dagaalkii maanta, eedeyn culus-na u jeedisay…

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, kaasi ay guulo waaweyn ka sheegatay.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Dhamasaar ee galbeed ka xiga Laascaanood, kaasi oo markii dambe kusii fiday bariga magaalada.

Taliyaha Ciidanka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Taani oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa waxa uu sheegay in dagaalka saaka ay soo qaadeen kooxo uu ku sheegay huwan, islamarkaana ay ciidamada Somaliland iska difaaceen, jab xooggana ku gaarsiiyeen, sida uu sheegay.

“Ciidanka Qaranka JSL guulo ayuu ka gaadhay dagaalo ay ku soo qaadeen huwanta qaska ka wada gobolka Sool,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaad ay qeyb ka yihiin kooxa argagixisada oo soddomeeyo tiknikada dagaalka ay isku dayeen inay jaraan wadadda muhiimka ah ciidamada Somaliland ee saldhiga Goojacadde.

“Ciidanka halkaas soo galay oo soddomeeyo tikniko ah watay, ayaa waxa uu doonayay wadadda inuu qabsado taakuleyntana uu ciidanka ka jaro, ciidanka Qaranka isaga oo ku xisaabtamaya arrintaas guluf ayuu kala hortagay oo waa la jabiyay, deegaankii lagu dagaalameyna waxaa gacanta ku haya ciidanka, iyagiina waxay u yaaceen tuullada la yidhahdo Bale-Hadhac,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Somaliland.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Khasaare wuu dhacaya, dhimasho iyo dhaawac wey dhacayaan, laakiin yaa guusha helay ayaa taalla, guul ayaa intaba laga gaadhay.”

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in duulaanka cusub ee SSC uu ujeedkiisu yahay carqaladeynta xuska 18-ka May, oo ay Somaliland si weyn u xusto, maadama ay tahay maalinta gooni isu-taagga ay ku dooddo

“Ciidanka Qaranka meel walba oo uu joogo guul ayuu rejaynayaa, waana uu ku guuleystay illaa inta uu galay. Waxa shacabka u sheegaynaa in howsha ay inoo igmadeen oo ah difaaca Qaranka aynu sideeda u hayno, daafici doono oo guulna gaari doono.”

Taliyaha Ciidanka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Taani ayaa markale ku celiyay eedeynta ay hore u jeedisay Somaliland ee ah in dagaalka ay qeyb ka yihiin qaswadayaal iyo kooxaha argagixisada, oo ka barbar dagaalamaya kuwa deegaanka ee SSC.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay gacan ku dabaal-degayaan xuska 18-ka May, gacanta kalena ay ku difaacayaan Qarankooda, sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Somaliland

DF oo dalka ka ceyrisay laba qof oo ajaanib ah + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay laba ruux oo ajaabi ah, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu ka codsaday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, oo isagu eedeyn culus u jeediyay labadaan ruux.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa labadaas ruux ku eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharuucda iyo xeerarka dalka, xilli uu dhawaanahan uu waday daba-gal uu ku hayo ajaanibta dalka ku sugan iyo shirkadahooda ka howl-gala caasimadda.

Labadaan ruux ayaa lagu kala magacaaba Jacek Josef Ochman oo u dhashay dalka Poland iyo Ralf Bernhard Gehlig oo u dhashay dalka Jarmalka, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Jacek iyo Ralf aya waxaa la sheegay inay ku xad-gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka, islamarkaana ay ka dhex baxeen anshaxa iyo dhaqanka diblumaasidadeed.

Si shaacsan ah looma sheegin waxa ay ku kaceen labadaan ruux ee dhalasho ahaan kasoo kala jeeda dalalka Poland iyo Jarmalka, marka laga imaado inay ku xad-gudbeen xeerarka iyo shuruucda dalka.

Shalay unbey aheyd markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Shirkadaasi oo lagu magacaaba Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyaheeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sidoo kale waxa uu Maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadooda, si loo guda-galo maxkamadaynta.

Si kastaba, Xafiiska ayaa shalay waxa uu digniin u diray dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya, gaar ahaan kuwa aan u hogaansamin xeerarka iyo shuruucda dalka.

Puntland oo madaxweyne Xasan ku eedeysay weerarkii xalay ka dhacay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ku eedeysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo weerarkii xalay ka dhacay magaalada Garoowe.

Weerarkan ay Puntland ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu qaaday ciidamo galbinayay sanaadiiqda doorashada, xilli ay marayeen agagaarka garoonka diyaaradaha Garoowe, xilli ay kasii dartay xiisadda ka dhalatay khilaafka doorashooyinka.

Cabdi Faarax Siciid Juxa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in weerarkan uu madaxweyne Xasan uga wakiil ahaa ergeygiisa, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland.

“Ergeyga Xasan Sheekh Maxamuud ee arimaha dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sheekh uu sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Juxa ayaa waxa uu sheegay in weerarkas lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidanka, “Weerarka waxaa laga soo abaabulay guriga Khadar Faroole.”

“Doorashada Puntland way dhacaysaa, waa doorasho degaan oo afar boqol oo kun in ka badan ayaa isu diiwaan-galisay. Afar qof oo isku jifi ah oo magaalada Garowe joogta go’aankeeda ma gaari karto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Juxa.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in garoonka diyaaradaha Garowe uu maanta xiran yahay, kadib markii maleeshiyaadka weerarka geysatay ay hub waaweyn la hortaagan tahay garoonka.

“Wax ay noqon karaan oo jabhad aheyn oo shufto aheyn ma garan karo. Ciidamada Puntland waa is difaaceen qalabkana waa gudbiyeen, waana is xakameeyen sida dhacday,” ayuu yiri wasiir Juxa oo sheegay in ciidamada qalabka doorashada waday ay dhankooda ka baaqsadeen in khasaaraha uu sii bato.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu diyaar u yahay inuu la hadlo cidkasta oo tabasho ka qabta hanaanka doorashada, hase yeeshe ay halkaas uga hari doonin waxa dhacay ee lala xisaabtami doono kuwa ka dambeeyay qalalaasaha Garoowe.

Dagaalkan ayaa waxaa xalay isku fara saaray ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday saacado uun kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.

Daawo: Hooyo afar carruur oo mataano ah ku dhashay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Farxiyo Xuseen Cali ayaa xalay afar carruur ah oo mataano ah ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Mataanahaan oo Hooyo Farxiyo ay ku dhashay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa dhammaantooda wada ah gabdho, waxayna dhasheen iyaga oo caafimaad qaba.

Hooyo Farxiyo ayaa iyaduna si lamid ah caafimaad qabta. Hooyadan ayaa la sheegay inay deganeyd deegaanka Oodweyne oo ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Waxay todobado sano ka hor ka timid gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Jalalaqsi, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed.

Agaasimaha oo bulshada la wadaagay xogta Hooyada iyo caruurteeda ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in la garab istaago carruurta iyo waalidkooda.

Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) oo booqday ayaa sidoo kale warbixin ka diyaariyay Hooyo Farxiyo iyo Mataanahaan ay xalay ku dhashay Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyada oo halkaas uu kula hadlay aabaha dhalay carruurtan.

“Ilaahay ayaa nagu deeqay, isbitaalkana aad buu noo caawiyay. Isbitaalka toban habeen ayaa ku jirnay, Hooyaddana waa fiican tahay xaaladeeda caafimaad,” ayuu yiri Yaxye Shire oo ah aabaha dhalay mataanahaan ku dhashay Isbitaalka Banaadir.

Sidaan oo kale dhammaadka bishii March ee isla sanadkaan ayey ahayd markii sidaan oo kale Hooyo Maryan Maxamed Xasan ay ku dhashay afar carruur ah Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Hooyo Maryan oo aheyd 38 sano jir, ayaa markaas ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo xilligaasi maamulka isbitaalka iyo wasiirka caafimaadka oo booqday markaas ay xaqiijiyeen in markii ugu horeysay ay arkeen kiis noocaan ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

SSC oo war culus kasoo saartay dagaalkii maanta

0

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa ka hadashay dagaalka saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

War-saxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada deegaanka ay iska caabiyeen laba weerar oo ciidamada Somaliland ay kusoo qaadeen deegaanka Dhabansaar ee duleedka Tuulo-Samakaab iyo bariga magaalada Laascaanood.

“Waxaa barqanimadii maanta Ciidamada malayshiyada Somaliland ay labo weerar ku soo qaadeen deegaanka Dhabansaar ee duleedka Tuulo-Samakaab iyo bariga magaalada Laascaanood, iyaga oo dharbaaxo iskacaabbin ah oo kulul kala kulmay Ciidamada xaq-u-dirirka ah ee difaaca shacabka SSC.”

SSC ayaa sidoo kale waxay sheegtay in maalmihii dambe ay Somaliland qorsheynayso ka daba-taga shacabkii hore uga qaxay madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

“Dhinaca Dhabansaar, maalmihii ugu dambeeyey Malayshiyada Somaliland waxay ku aruurinayeen ciidamo qorshohoodu ahaa in ay kaga dabotagaan shacabkii hore uga qaxay madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada Laascaanood.”

“Iyada oo uu dagaalka ay isku difaacayaan shacabka deegaanku uu weli ka socdo duleedka Samakaab, waxaana jab xooggan halkaas lagu gaarsiiyey ciidamada malayshiyada Somaliland,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka SSC.

SSC ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in shacabka deegaanka SSC ay wacad ku mareen inay dalkooda ka sifeeyaan maleeshiyada duulaanka ku ah, oo ula jeedo ciidamada Somaliland.

“Dhinaca duleedka bariga Laascaanood ayaa waxaa ka socda dagaal ka dib markii ay weerar soo qaadeen malayshiyada Somaliland, ciidamada shacabka deegaanka ayaa weerarka caabbiyey welina dagaal qadhaadh ayaa aagaa ka socda.”

Dagaalkan saaka dib uga qarxay xarunta gobolka Sool ayaa imanaya xilli muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastq oo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Xasan oo magacaabay la-taliyaha xakameynta hubka sharci-darrada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay La-taliyaha cusub ee dhanka Xakameynta Qul-qulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xilkaan u magacaabay Marwo Mako Maxamuud Muuse, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha, oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cuna-qabateynta hubka ee saaraan, maadama ay muhiim tahay in la xaqiijiyo in hubka aanu galayn gacan aan ahayn tan sharciga iyo dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey La-taliyaha cusub ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah Marwo Mako Maxamuud Xuseen inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegto Qaranka.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay taageero horleh u heshay qaadista cuna-qabateynta hubka ee saaran, kadib shir-madaxeedkii daba-yaaqadda bishii hore ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay shirkaas ayaa waxaa lagu taageeray qorshaheeda qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey, iyada oo madaxda ka qeyb-gashay shirkaas ay dalbadeen in la qaado cuna-qabateynta hubka, islamarkaana la dhaqan-geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

Madaxda waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tix-geliyo in Soomaaliya laga qaado cuna-qabaeaynta hubka, si waddanku uu awood ugu helo qaadista mas’uuliyaddiisa amni.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore usheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Xog: Muuse Biixi oo ku wajahan duleedka Laascaanood kadib markii uu si qarsoodi ah ku tegay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa la sheegay inuu qorsheynayo in halkaasi uga sii gudbo gobolka Sool, gaar ahaan saldhiga Goojacadde ee ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood iyo taliska ciidamada Somaliland ee Oog, xilli uu gobolkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in madaxweynaha Somaliland inta uu ku sugan yahay Burco uu ka shaqeynayo xal u helida shaqaaqo beeleed ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer.

Socdaalka Muuse Biixi ayaa waxa uu kusoo beegmaya xilli uu saaka dagaal culus uu dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Ciidamada Somaliland ee saldhigooda ugu weyn uu yahay Goojacadde ayaa doonaya inay wadadda dheer ee marinka u ah ka dheereyso ciidanka SSC ee halkaas u dhowaaday, maadama uu yahay jid muhiim ah oo ay u marto sahayda iyo gurmadka, kuna xira magaalooyinka Somaliland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dagaalkan barbar socotay duqeyn xoogan, taasi oo uga sii dareysa xaaladda adag ee haatan ka taagan aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood.

Dagaalka Somaliland iyo SSC ayaa qaatay in ka badan afar bilood, ayada oo uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayada oo burbur horleh uu soo gaaray magaalada, islamarkaana dadkii deganaa ay badankooda ka barakaceen magaalada.

Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Biixi ee ku wajahan magaalada Oog ee gobolka Sool oo ku dhow saldhiga Goojacadde, ayaa kusoo beegmaya xilli ay Somaliland dhawaan xuseyso gooni isu-taageeda ay ku dooddo ee maalinta 18-ka May.

Tirada dadka ku dhintay Beledweyne oo kordhay kadib markii…

0

Beledweyne (Caasimda Online) – Warbixin dheer oo ay soo saartay hay’adda arrimaha bani’aadanimada UNOCHA ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan  gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in fatahaadda ay sababeen roobab mahiigaan oo todobaadkii lasoo dhaafay ka da’ay Beledweye, taas oo dhalisay khasaare xoogan.

UNOCHA waxa ay xaqiijisay in Beledweyne ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 22 qof, kadib waxyeelo kasoo gaartay daadadka iyo biyaha qaaday xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay burbureen guryo badan oo ay daganaayeen dad shacab ah, taas oo keentay inay barakacaan in ka badan 200 oo kun oo qoys.

Warbixinta UNOCHA ayaa sidoo kale lagu xusay in xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Beledweyne ay qariyeen biyo, taasi oo saameyn ku yeelatay dad lagu qiyaasay 460,470 qof, kuwaas oo ku dhawaad 219,000 ka mid ahna ay isaga carareen guryihii ay ka deganaayeen Magaalada Baladweyne.

Dhanka kale waxa ay hay’addu tilmaamtay in fatahaadda sidoo kale ay baabi’isay dagalyo kala duwan ii beernaa dhul beeree ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda Beledwene ayaa weli cakiran, waxaana hakad galay ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo isku socodka, maadaama ay biyo ay go’doomiyeen magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale xaalad adag wajahaya qoysaska haatan ka barakacay Beledweyne, kuwaas oo aan heysan hoy, wax ay cabaan iyo wax ay cunaan intaba.

Fatahaaddaan ayaa soo laa laabta, waxayna sanad kastaa ay saameyn ku yeelataa nolosha qosaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada maamul goboleedka HirShabelle.

Dagaal culus oo ka qarxay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC.

Dagaalka ayaa lagu soo warramauaa in xoogiisa uu ka socda bariga iyo galbeedka magaalada oo ay haatan isku fara saarayaan ciidamada labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo la sheegay in ujeedkooda inuu yahay inay la wareegay fariisimo ay soo banneeyeen ciidamo beeleed ku sugnaa duleedka magaalada Laascaanood ee xaeunta gobolka Sool.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa, kala duwan, ayada oo dhawaqa hubka laga maqlayo meelo fog fog.

Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socota duqeyn xoogan, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee haatan ka taagan aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dagaalka uu socda, isla-markaana ay gurmadyo helaan ciidamada labada dhinac.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Doorashada Puntland oo dagaal isu rogtay iyo Garoowe oo la isku faro saaray

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in ay kasii daresyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaaladaas, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka dadweyne ee la filayo inay ka dhacaan maamulkaasi.

Xiisadda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan isku rogtay dagaal ka dhashay doorashada oo ay isku hayaan hoggaanka sare ee Puntland iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo diidan hannaanka ay xukuumadda u wajaheyso doorashooyinka qof iyo codka ah.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Garowe iyo koontaroolka bari, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo kasoo horjeedo qabsoomida doorashooyinkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada la dagaalamay kuwa ammaanka Puntland ay ka yimaadeen dhanka Laascaanood, waxayna xalay gudaha usoo galeen Garoowe, si ay taageero ugu muujiyaan xubnaha mucaaradka oo iyaguna shirar ka wada magaaladaasi.

Inta uu socday dagaalka ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada PMPF ee maamulka goboleedka Puntland, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya bariga magaalada Garoowe oo ah halka lagu dagaalamay.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday saacado uun kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.

R/Wasaare Xamza oo baaq cusub kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray baaq cusub oo la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka.

Mudane Xamza oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka May oo ku beegneyd curashadii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, ayaa waxa uu ugu baaqay dhalinyarada inay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan xoreynta dalka iyo dagaalka socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in aas-aaskii xisbigii Leegada (SYL) uu Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madax-bannaanida ay maanta ku faanayso, “taas oo ay dhiiggooda u hureen halyeeyo Soomaaliyeed oo u istaagay in ummadda ay ka kor qaadaan heeryada gumeystihii arxanka darnaa.”

“Dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in laga dulqaado heeryadii Gumeysiga waxa ay ku sifoobeen isku duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaaladda, dhallinyaradaas waxay baal-dahab uga qoran yihiin sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare.

Ugu dambeyntiina waxa uu uga mahad-celiyey dhallinyarada Soomaaliyeed doorkooda ku aadan dowlad-dhiska dalka, isaga oo sii xoojiyay baaqa ah inay kaalin wax ku ool ah ay ka qaatan xoreynta dalka, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sanad walba waxaa la xusaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan aas-aaska ururkii gobanima doonka ee SYL, kaasi oo dhidibada loo taagay 15-kii May, 1943, oo aas-aastay dhallinyaro Soomaaliyeed.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo xilligaan uu si dardar leh uga socdo gobollada dalka, uuna dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Hoggaamiyaha Milatariga SUDAN oo xil ka qaadis sameeyay

Khartoum (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Militariga Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa xilka ka qaaday ku simaha wasiirka arimaha gudaha Anan Hamed Mohammed Omar oo sidoo kale ahaa taliyaha ciidamada booliska.

War qoraal ah oo uu soo saaray Gen Burhaan ayaa taliyaha guud ee booliska ugu magacaabay Khalid Hassan Muhyi al-Diin.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday, balse Gen Burhaan ayaa horay sidan oo kale wareegtooyin xilka uga qaaday guddoomiyihii bangiga dhexe iyo laba dublamaasi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Bilaysku ayaa la sheegay inay ka hawlgeli waayeen meelaha ay dagaalada ka socdeen , oo ay ku jirto caasimadda, Khartoum, tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15kii Abriil.

Tani ayaa sidoo kale keentay in deegaanadaas ay si weyn uga dhacaan falal lidi ku ah sharciga oo ay ka mid yihiin dhac iyo boob.

Xaaladda Sudan ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana dalgaalka uu billowday, xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa muddo dheer soo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Si kastaba, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka, kuwaas oo ay waddo Sacuudiga, laguna wada hadashiinayo labada nin ee hoggaaminaya dagaalka.

Siyaasiyiinta Puntland oo ku dhowaaqay go’aan culus, soona saaray 8 qodob

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasadda mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shirweyne ku yeeshay gudaha magaalada Garoowe ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah doorashooyinka dadweyne ee maamulkaasi.

Siyaasiyiintaan oo la magac baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa si guud uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi oo haatan ah mid kacsan, waxayna sidoo kale ka horyimaadeen doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay ka dhacaan Puntland.

Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen in ciidamada ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Badda loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasina ay ka digayaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in madaxweyne Saciid Deni aan lagu aamini karin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntlan, sida ay hadalka u dhigeen.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa sidoo kale lagu dalbaday in la joojiyo wax ka beddelka Dastuurka, si aysan u imaan khilaafaad kale.

Dhanka, kale, siyaasiyiinta ku shiray Garoowe ayaa waxay ugu baaqeen dowladda federaalka Soomaaliya inay faragelinta siyaasadeed iyo hadallada xanafta leh ka dayso Puntland, iyagoo sheegay inay Puntland isaga filan tahay xalka khilaafka dhexdeeda yaal.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

CIA-da Mareykanka oo qaaday tallaabo yaab leh oo ku wajahan shacabka Ruushka

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa xoojisay dadaalka ay dadka Ruushka uga dhaadhicineyso inay dusiyaan sirta dalkooda, ayada oo muuqaalo qiiro leh soo dhigtay Telegram, kuwaasi oo loogu talo-galay dadka ka niyad jabsan xaaladda xukunka madaxweyne Vladimir Putin.

Muuqaalka gaaban ayaa waxa uu muujinayaa shaqaale dowladeed iyo haweeney gurigeeda ku haysata ilmo, oo u muuqda kuwa dhibaato nololeed ay haysato, isna weydiinaya haddii tani ay tahay wixii ay ku riyoonayeen.

Wuxuu soo jeedinayaa in dadku ay tallaabo qaadi karaan si ay xaaladda u hagaajiyaan — ayaga oo akhbaar siinaya hay’adda sirdoonka Mareykanka — islamarkaana sii ahaanaya waddiniyiin.

Muuqaalka, oo uu wehliyey qoraal, ayaa bixinaya tilmaamo ku saabsan sida ay dadka akhbaar kusoo gudbin karaan ayaga oo adeegsanaya webka qarsoodiga ah iyo agab ay CIA-du sheegtay inuu xaqiijin doono badqabkooda.

“CIA-da waxay dooneysaa inay ogaato runta ku saabsan Ruushka, waaana raadineynaa dad la isku halleyn karo oo noo sheegi kara runtan,” ayey qortay hay’adda.

“Xogtaada waxaa macquul ah inay ka qiimo badan tahay sida aad moodo.”

CIA-da ayaa sheegtay inay rajeyneyso inay la xiriirto dadka ka tirsan sirdoonka, diblomaasiyadda, sayniska iyo taknoolajiyadda iyo qeybaha kale, ayna xiiseyneyso akhbaar nooc kasta oo ay tahay, oo ay ku jiraan siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sarkaal ka tirsan hay’adda ayaa AFP u sheegay inay codsi sidan oo kale ah ka sameeyeen baraha kale ee bulshada, balse ay iminka diiradda saarayaan barta Telegram maadaama ay tahay halka ugu badan ee dadka Ruushka ay akhbaarta ku wadaagaan.

CIA-da ayaa fileysa in bixinta hab fudud oo cad oo lagu dusin karo akhbaarta ayada oo la adeegsanayo webka sirta ah, ay ka dhaadhicin karto dadka Ruushka ee taxaddaraya inay qaadaan tallaabada xigta.

“Ujeedkeenu waa inaan siinnaa marinada ugu amnisan uguna macquulsan oo ay nagula soo xiriiri karaan,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin.

Sarkaalka waxa uu adkeeyey in Mareykanka aanu dooneyn inuu kiciyo kacdoon ama isbeddel maamul, balse uu filayo in qaar ka mid ah dadka Ruushka ay arkaan hab ay ku caawin karaan in dalkoodu horey u socdo.

AFP, VOA

Erdogan: Guul taariikhi ah ayaan gaari doonnaa wareegga labaad ee DOORASHADA

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Waxa uu sheegay in ku guuleysiga aqlabiyadda Baarlamaanka ee xisbigiisa ay u xaqiijisay in shacbiga Turkigu uu ku kalsoon yahay, islamarkaana ay aayahooda ka arkeen isaga iyo xisbigiisa.

“Waxaan kusoo bixi doonnaa doorashada 28-ka May innagoo kordhinayna codadkii aan helnay 14-kii May, waxaana rajaynaynaa inaan gaarno guul taariikhi ah,” ayuu ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Anigoo ah siyaasiga aan rabitaanka ummadda mooyaane aan wax kale aqoon, kana leexan dariiqii ummaddu ay dejisay, waxaan ixtiraamaya natiijada kasoo baxday sanduuqa codbixinta.”

Erdogan ayaa helay doorashadii Axaddii in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii la dhiibtay, waxaana uu musharraxa kusoo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka sarreeyaa 2.5 milyan oo cod.

Doorashada ku-celiska, oo ah tii ugu horreysay taariikhda Turkey, ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 28-ka May.

Waxaa hoos u dhacay qiimaha lacagta Lira ee marka loo eego Dollar-ka iyo Euro, kadib markii maal-gashtayaasha Reer Galbeedka ay ka niyad-jabeen natiijada ayada oo ay u muuqato in Erdogan dib loo soo dooran doono.