27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Xasan oo shaaciyay in dowladda ‘ay qaadaneyso toban kun oo shaqaale’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in dowladdiisa ay qaadan doonta toban kun (10,000) oo shaqaale rayid ah, kahor inta uusan dhamaan sanadkaan.

Madaxweynaha oo magaalada Muqdisho uga qeyb-galay munaasabad ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayuu ka shaaciyay in dowladdiisa ay shaqaale cusub qaadan doonto.

“Dowladda mashruuc ayey waddaa oo shaqo abuurka dhallinyarada la yiraahdo, sanadka inta uusan dhammaan ayey bilaabanayaan. Dowladda 10 kun oo shaqo in ay abuurto ayaa u dagsan, Wasaaradda shaqada iyo dhallinyarada ayey la kaashaneysaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in mushkiladda ay hadda wajahayaan dhallinyarada ay tahay xirfad yari heyso, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay la yimaadaan xirfad, oo ay xoogga saaran.

“Mushkiladda na haystaa waxa ay tahay dhallinyaradeena in badan oo ka mid ah ma shaqaaleesmi karaan, haddii shaqadii la abuuro xitaa ma shaqaaleesmi karaan, xirfadda aan baranno, oo xirfadda midda dhibka badan waa midda dadka dhisaya aan baranno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyey dhallinyarada Soomaaliyeed inay mideeyaan cududooda, codkooda iyo taladooda si ay door muhiim ah uga qaatan isbedelka dalka ee xoreynta, la-dagaalka musuq-maasuqa, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dhameystirka dastuurka dalka, iyaga oo soo bandhigaya siyaasad ay ku caddahay qorshaha fog ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Markii bulsho la hoggaaminayo heer kasta ay tahay waa siyaasad, siyaasadna la isma siiyo dhallinyaro, mana ku soo raadsaneyso mas’uuliyaddu ama xilka, sida xirfadaha kale ku soo raadsanayaan. sidaas darteed siyaasadda waa inaad doonataan, si aad u raadsataanna waa inaad abuubulan tihiin oo aad leedihiin hoggaan iyo nidaam aad ku wada shaqeysaan si aad u xaqiijisaan waxa aad rabtiin, markaas cid idin hor istaagi karto ma jirto.”

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qiyaaso in ay bulshada ka yihiin 75%, haddana waxay wajahayaan shaqo la’aan baahsan, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya aysan qaadan shaqaalo rayid shantii sano ee la soo dhaafay.

INTERPOL oo Muqdisho kasoo dejisay eedeysane u baxsaday dal kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in eedeysane Dable Boolis, Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan inuu geystay dil bareer ah maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa waxa laga soo qabtay dalka Koonfurta Sudan, waxaana diyaarad sidda eedeysanahan ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Garoonka ayaa waxaa xilligaas ku sugnaa ehelada Marxuumka, saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Caalamiga ah ee Interpol iyo masuuliyiin kale.

“Diyaarad sidda eedeysane Dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow, oo ku eedeysan inuu 28/July/2022, Degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xidigle Boliis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo caga dhigtay Garoonka Diyaarada Caalamiga ah ee Aadan Cadde,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Soo qabashada eedeysanahan ayaa waxaa ka wada shaqeeyay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Caalamiga ah ee Interpol, taasi oo lagu tilmaamay inay caddeyn u tahay in cidna aanay ka dhuuman karin awoodda sharciga.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Xeerilaalinta Ciidamada ka eedeeyay eedeysane Zakariye Cali, Iskaashi dhex maray Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa fududeysay in eedeysanahaan laga soo qabto dalka Koofurta Sudan.”

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa 10-kii bishaan shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay, kuwaasi oo ka maqan. Tallaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay sidii cadaalad loogu qaado, sida ay qabaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo bandhigidoona eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay si cadaalad loogu qaado sida ay qabaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u yaala.”

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaan waxa uu xubin buuxda ka yahay Booliska caalamka ee Interpol, taas oo qeyb libaax ka qaadatay la-dagaalanka dambiyada xaduudaha ka gudba iyo kuwa caalamiga ah.

Aqriso: DF Somalia iyo Kenya oo heshiis ka gaaray arrimo muhiim ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta heshiis cusub ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo qeyb ka tahay furista xuduudda, fududeynta isku socodka labada dal iyo iskaashiga amniga.

Heshiiskan ayaa yimid kadib kilan heerkiisu sareeyo oo maanta ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya wasiiradda arrimaha dibadda, gaashaandhiga iyo amniga ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga hadleen qoddobada heshiiska laga gaaray oo ay ka mid yihiin furista xaduudda labada dal, fududeynta isku socodka duulimaadyada, ganacsiga iyo iskaashiga amniga.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe oo ka hadlay heshiiskanay gaareen dowladda Kenya ayaa ku tilmaamay “mid la taaban karo, wax ku ool ah.”

“Waxaan ku heshiinay in muddo 90-cisho gudahood ah lagu furo baraha xuduudaha Beled-Xaawo, Mandheera, Dhoobleey-Libooyai, Raas Kaambooni iyo Kiunga,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in masuuliyiinta labada dowladood ay ka wada-hadleen dal-ku-galka Kenya in loo sahlo shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ay si weyn ugu dhib qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaa aan ku heshiinay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda si rasmi ah ugu dhowaaqday inay fureyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, taasi oo xirneyd muddo ku dhow 12 sanno, kadib weeraro kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalkaasi.

“Laga billaabo maanta, waxaan go’aansannay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya hab dhowr waji ah loogu furi doono muddo 90 maalmood gudahood, marinka ugu horeeya waxaa lagu furaya 30 maalmood gudahood” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki.

Heshiiskan ay maanta gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa imanaya, iyada oo uu muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay xiriirka labada dhinac, kaasi oo sanadihii lasoo dhaafay aad u xumaa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan dowladdaha dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya.

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay urur Afrikaan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay xubnaha Ururka Maaliyadda Afrika, oo ah hay’ad bixisa xallinta kaabayaasha qaaradda, iyada oo ku biirtay Benin, Botswana iyo Congo oo xubin cusub ka noqday ururkaan.

Ururka Maaliyadda Afrika oo war kasoo saaray ku biirista Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay in ku biirista xubinimada Botswana iyo Soomaaliya ay horumariso waajibaadka ururkaan.

“Waxay siinaysa dhawrsanaan iyo xasaanad diblumaasiyadeed, si waafaqsan maqaamka dhinacyada badan leh ee ururka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ururka Maaliyadda Afrika (AFC).

“Waxa ay awood u siinaysaa AFC inay abaabusho raasamaal caalami ah, si ay ugala shaqeyso maaliyadda gudaha si loo helo kaabayaal waara oo la taaban karo iyo horumarinta warshadaha ee dalalka xubnaha ka ah.”

Waxa kale oo lagu yiri bayaanka uruka, “AFC hadda ku naaloonaysaa taageerada xubnaha saddex-meelood meel ee dalalka Afrika, oo leh wadar ahaan 40 xubnood oo madax-bannaan.”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay ku biirista ururkan ayaa waxa uu ku tilmaamay mid door muhiim ah ka qaadaneysa taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay.

“Iyada oo ay Soomaaliya sii waddo dib-u-dhiska iyo koboca, xubinnimadeena Ururka Maaliyadda Afrika waxa ay door muhiim ah ka qaadan doonaa sidii loo heli lahaa taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay si loo horumariyo qarankeena, ”ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

AFC ayaa ah hay’ad Maaliyadeed oo horumarineed, oo dhinacyo badan leh oo Afrikaan ah oo la aasaasay 16 sano kahor, waxaana sameeyay dawlado madax-bannaan oo Afrikaan ah si ay u bixiso xalal dhab ah oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha Afrika iyo jawiga shaqada ee adag.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo la xiriira hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna, iyada oo IMF ay ka marqaati kacday in Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda  dowladdu ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

Xasan oo sheegay in dalka ay ka jirto dhibaato lamid ah tii ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu maanta ubax-dhigay tallada halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taasi oo ah argagixisada kusoo duushay nolosha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed.

Waxa uuna madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay dalka uga dulqaadaan Khawaarijta.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah inay dalkooda ka xoreystaan Khawaarijta xasuuqday dadkeenna, nolosha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay muhiimadda siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo kor loo qaaday doorkooda hoggaamineed iyo shaqo-u-abuurka.

“Dhalinyarada magaalada joogta ayaa umaleysa inay weli meelaha qaarkood go’aan ka gaarin, Khawaarijta magaalada ayay ku dhex nooshahay, dad Khawaarij ah oo ay yaqaanan oo magaalada ku nool ayay ogyihiin oo aysan sheegin, waa cabsanayaan ama waa qaraabadiisa darteed,” ayuu yiri madaxweynaha oo ku boorinaya dhalinyarada inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dhalinyarada ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah, “Riyada ma dhimato.

Si kastaba, Sanad walba maanta oo kale ayaa waxaa la xusaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan aas-aaska ururkii gobanima doonka ee SYL, kaasi oo dhidibada loo taagay 15-kii May, 1943, oo aas-aastay dhallinyaro Soomaaliyeed.

Maxkamadda G/Banaadir oo loo gudbiyay shirkad ajnabi ah oo loo haysto kiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho, sida lagu shaaciyay qoraal goordhoweyd  kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha.

Shirkadan oo lagu magacaaba Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyaheeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay si waafaqsan qodobka 71-aad ee XHCS eed lid ku ah shirkadda Aumotaivte Management Service iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya oo shirkad ajnabi ah kuna eedaysan xad-gudubka xeerka shirkadaha ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu Maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadooda, si loo guda-galo maxkamadaynta.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa waxaa kale oo lagu bogaadiyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ula soo wadaaga xafiiska warbixinada denbiyada, si tallaabo sharci ah looga qaado.

Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka digay dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya een u hogaansamin xeerarka dalka.

Sawirro: Ciidankii ugu badnaa oo ku biiraya dagaalka Al-Shabaab iyo Xasan oo sagootiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan Guutada Gantaal ee Ilaalo Qaran.

Ciidankan ka ambabaxaya magaalada Muqdisho ayaa waxay ku biirayaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay ciidankan ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo laba qorshe oo taarikhi ah.

Qorshayaashan ayuu madaxweynuhu sheegay inay ku saleysan yihiin “in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso ciidamada qaranka.”

Khudbada madaxweynaha oo isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa waxa uu ku sheegay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan inay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Waxa uuna faray ciidankan cusub ee ku biiraya dagaalka in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay guulaha isdaba-joogga ah ee ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo cirib-tirka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada qaranka.

Ugu dambayntiina waxa uu madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyaga oo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Shabaab.

Natiijada doorashada Turkey iyo lama filaanka dhacay

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa u muuqata in markii ugu horreysay ay ka dhici doonto doorasho madaxweyne oo ku-celis ah kadib markii madaxweyne Erdogan uu ka hormaray ninka la loolamaya balse ku guuldarreystay inuu helo aqlabiyadda wareegga koowaad.

Natiijada codadka oo intooda badan la tiriyey ayaa muujiyey in Erdogan oo xukunka hayey tan iyo 2003, welina aan looga adkaan in ka badan daraasiin doorasho ah oo uu galay, uu wax yar ka hoos maray 50 boqolkiiba codadka oo looga baahnaa si uu u guuleysto. 

“Waxaan si qalbiyan ah u aaminsannahay inaan sii wadi doonno inaan u adeegno shacabkeena shanta sano ee soo socota,” ayuu yiri hoggaamiyahan 69 jirka ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xisbigiisa talada haya iyo xulufadooda ay heleen aqlabiyadda cad ee baarlamanka. 

Tirinta codadka ee wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayaa muujisay in Erdogan uu helay 49.3 boqolkiiba codadka. 

Hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa kaalinta labaad ku galay 45 boqolkiiba coodadka, taasi oo ah natiijo niyadjab ah kadib markii codadka ra’yiga ee kahor doorashada ay muujiyeen inuu ka horreeyey Erdogan.

Doorashada ku-celiska, oo ah tii ugu horreysay taariikhda Turkey, ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 28-ka May. 

Kilicdaroglu oo ah 74 jir rajo beel ay ka muuqatay ayaa weriyayaasha u sheegay “Haddii qarankeenu yiraah wareeg labaad, waan ku guuleysan doonnaa wareegga labaad.”  

Waxaa hoos u dhacay qiimaha lacagta Lira ee marka loo eego Dollar-ka iyo Euro, kadib markii maal-gashtayaasha Reer Galbeedka ay ka niyadjabeen natiijada ayada oo ay u muuqato in Erdogan dib loo soo dooran doono. 

Waxaa codeeyey in ka badan 90 boqolkiiba cod-bixiyaasha diiwan-gashan, taasi oo muujineysa xamaasadda iyo xiisaha shacabka ee doorashada.

Erdogan ayaa waxaa si aad ah u taageersan muxaafidka ama dadka diinta ku adag ee Turkey, halka mucaaradka ay taageeraan dadka ku nool magaalooyinka waa weyn ama calmaaniga ah. 

Sinan Ogan, oo ah musharaxa saddexaad, ayaa helay 5 boqolkiiba codadka doorashada, waxaana hadda muhiim noqon doonta cidda uu taageero wareegga labaad ee doorashada.

Si kastaba, maadaama xisbigiisa ay ku aragti yihiin kan Erdogan, oo ay ka midaysan yihiin waddaniyadda iyo ku adkaanshaha diinta, waxay u badan tahay in codadkii uu helay ay badankood aadi doonaan Erdogan wareegga labaad. 

“Ma dhihi doonno haddii aan taageereyno musharaxan ama midkaas,” ayuu yiri Ogan. “Waxaan wada-hadal la yeelan doonnaa wakiiladooda kadibna go’aansan doonnaa.” 

Dhinaca kale, xisbiga Erdogan ee AKP iyo axsaabta xulufada la ah ayaa ku guuleystay aqlabiyadda baarlamanka, ayaga oo helay 323 ka mid ah 600 kursi ee baarlamanka, illaa hadda codadka la tiriyey.

Taliyaha cusub ee ATMIS oo soo gaaray Muqdisho iyo ballan-qaad uu sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimda dalka.

Lt. Gen. Okiding ayaa waxa uu dhawaan si rasmi ah ula wareegi doona xilkan, isaga oo bedelay Lt. Gen. Diomede Ndegeya oo u dhashay Burundi oo dhameystay socdaalkiisa shaqo dabayaaqadii sanadkii hore.

Taliyaha cusub ee ATMIS ayaa waxa uu ku dhawaajiyay in muhiimadiisa ugu weyn ay tahay sidii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed (SSF) si habsami leh loogu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga, iyada oo la xoojinayo guulaha la gaaray.

“Waxa ugu muhiimsan waa in la taageero ciidamada amniga Soomaaliya si waafaqsan howlgalka ATMIS, Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 iyo 2670,” ayuu yiri Lt. Gen. Okiding.

Intaas kadib waxa uu ballan-qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo dhaqan geliyo waajibaadka howl-galka ee ah xaqiijinta habsami u wareejinta mas’uuliyadda amniga.

Taliyaha cusub ee ATMIS ayaa ah Nin aan ku cusbeyn Soomaaliya, isaga oo horey usoo noqday taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga intii u dhaxeysay November 2015 illaa January 2017.

Lt. Gen. Okiding ayaa kahor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka ATMIS waxa uu ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka ee UPDF.

Si kastaba, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanad ka hor waxa uu si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

DF Somalia iyo Jubbaland oo shir kale ka yeeshay arrinta GEDO

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairiobi ee caasimada dalka Kenya ayaa halkaas kula kulmay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Axmed Sheekh Doodishe.

Kulankan oo daba socday wadahadal ay horay u yeesheen labadan mas’uul ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kulankooda diiradda ku saareen sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Gedo, maadaama ay mar kale xiisadda dib usoo laba kacleysay.

Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay sidii degmooyinka gobolka Gedo loo gaarsiin lahaa adeegyada ay bulshada u baahan tahay, si meesha looga saaro wada shaqeynta la’aanta.

Waxa kale oo ay madaxdu isla soo qaaday in loo baahan yahay in si wadajir loogu diyaar garoobo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada dhowaan ay dib usoo laba kacleysay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi tageen Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo dhaq dhaqaaq ka bilaabay gobolkaasi.

Jubbaland ayaa dhankeeda ka hortimid dhaq-dhaqaaqaasi, gaar ahaan in ciidamo Macawiisley ah xilligan lagu dhiso gobolka Gedo oo weli ka maqan gacanteeda.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda Gedo oo soo jiitameysay ka hor iyo kadib-ba doorashooyinkii soo dhammaaday ee 2022-kii.

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo la bililiqeystay

0

Khartoum (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Sudan ayaa sheegaya in la bililiqeystay xarunta safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Khartuom.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada dalka Sudan ayaa waxaa lagu sheegay in la dhacay dhismaha safaaradda, isla-markaana loo geystay bililiqo xoogan.

Taliska ayaa ku eedeeyay in dhibaatadaas ay gaysteen ciidamo ka tirsan kuwa Gurmadka Degdega ee RSF, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gudaha u galeen dhismaha safaaradda.

Sidoo kale bayaankan ayaa lagu sheegay in xittaa sidoo kale bililqo loo gaystay xarun weyn oo ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan.

Xarunta QM ee lala bililiqeystay ayaa ah xarun ay daganaayeen Ergada Hawlgalka QM ee  Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed  ee (The United Nations Mission in the Republic of South Sudan) ee loo soo gaabiyo (UNMISS).

Waxaa sidoo kale warbixintan kasoo baxay taliska milatariga lagu sheegay in ciidamada RSF ay weerar u gaysteen Kaniisad ku taalla magaalada Umu Durmaan ee isla dalkaasi.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan bililiqada loo geystay safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan.

Xaaladda dalkan ayaa weli ah mid cakiran, kadib markii ay si lama filaan ah uga qarxeen dagaallo qaraar oo u dhexeeyo ciidanka milatariga iyo kuwa gaarka ee RSF.

Si kastaba, dagaalka labada dhinac ayaa meesha ka saaray qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

Ciidamo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray Puntland

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Warar aynu ka heleyno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo kasoo goostay Somaliland ay ku biireen Puntland, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay duleedka magaalada Ceerigaabo ee gobolkaas oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaal ayaa gelinkii Axadii waxa ay Puntlabnd kula wareegtay deegaan hoostaga magaalada Ceerigaabo oo lagu soo dhaweeyay ciidankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay ka howlgalayeen deegaanka Shimbiraale ee duleedka degmada Ceerigaabo, waxayna gabi ahaan isaga soo baxeen Somaliland.

Goobta lagu soo bandhigay ciidamadan ayaa waxaa ku sugnaaAbbaanduulaha guud ee ciidanka daraawiishta Puntland Sarreeye Guuto Xuseen Dheere, kaas oo si rasmi ah ula wareegay ciidankan iyo hubkooda.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday inay ka mid noqon doonan ciidanka Puntland, isla-markaana ay heli doonaan mushaaraadkooda iyo xuquudooda ciidan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan ciidamadaas uga goostay Puntland, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay duleedka magaalada Ceerigaabo.

Arrintan ayaa sii kicineysa xiisadda labada dhinac oo kasii dartay, tan iyo markii uu billowday dagaalka ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay ciidamo u kala goostaan labadaabn maamul oo daris ah, waana wax horay usoo jiray inay ciidamo u kala wareegaa n Somaliland iyo Puntland.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhiyay tirada ciidamada iyo madaxda kasoo goosaneysa Somaliland ee ku sugan gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana sababta lala xiriirinayaa dagaalka Laascaanood ee u dhexeeyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Daawo: Xaadoole oo weerar culus ku qaaday Guudlaawe, dalab u diray Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa weerar culus ku qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo uu ku eedeeyay inuu indhaha ka fiirsanayo dagaal beeleed ka taagan qeybo kamid ah maamulkaas.

“Cali Guudlaawe Galmaax ma rabyo, in dhigooda daato, dhulkooda la qaato oo dhaxdooda isdilaan ayuu rabaa, laakiin maanta waxaan u sheegayaa Galmaax maanta kadib kuma rabo anaana xildhibaan u ah, dhaqaalaha iska guro, marka ay dadkaada [kuwa kugu jufada hoose ah] isdilaan u gurmo kuwaanna ka aamus waa arrin aan la isaga hari doonin waa boog kugu taallo,” ayuu yiri.

Xaadoole ayaa waxa uu sheegay in Cali Guudlaawe uu isku soo koobay maamulka HirShabelle, uuna ku fashilmay isku wadka dadka, “Meeshaas maamul kama jiro nin hunguri doon ah ayaa jooga oo aan kala jeclayn dhibaatada deegaanka ka jirta.”

“Guddoomiyaha degmada iyo kan gobolka hadda la hadasho waxay ku leeyihiin baabuurka shidaal kuma shuban karo, oo ma hayo wax aan wax ku qabto, dadkaas ayaa loo baahan yahay inay wax qabtaan. Maanta haddii hal dollar la rabo Cali Guudlaawe uu la hadlaa, waxaana wax iska indho tirayo waaye oo waxba laga sugi maayo.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay qaar kamid ah wasiiradda maamulka HirShabeelle inay qeyb ka yihiin dagaal beeleedyada ka taagan maamulkaasi, wallow uusan si gaar ah u xusin, isaga oo dalbaday in aan lagu haleyn mas’uuliyiinta maamulkaasi oo ugu sareeyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Dad mas’uul sheeganayo in aan hebel dhaho ma rabo ee aan la fadhisitay oo dhahay waa in sharciga la horkeeno dadka falka geystay in sharciga la horkeeno oo lasoo qabto, marka ku kala tagnay meesha waxa uu sameeyay, Xasan Gaab oo dhan ayaa magaalada laga waayay, in ka carar camal meesha uu dhahay ayaa u qaadanay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan soo fara-geliyaan waxa ka socda maamulka HirShabeelle, si nabad loogu soo dabaalo beelaha ku dagaalamaya halkaasi.

Kenya oo shaacisay goorta ay fureyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya

0

Nairobi (Caasikmada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay fureyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo xirneyd muddo ku dhow 12 sanno.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in bishaan May ee 2023-ka gudaheeda la furi doono saddex goobood oo muhiim ah, kana tirsan xadka oo la xiray sanadkii 2011-kii, markaas oo ay kordheen weerarada ay xoogaga kooxda Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha waddanka Kenya.

Saddexda marin ee la furayo ayaa kala ah:- Mandera/Beledxaawo, Lipoi Hargar/Dhoobley iyo Kiunga/Raaskambooni, halkaas oo muhiim u ah isku socdka labada shacab.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dal ay isla maanta ka shiri doono qorshaha dib u furista ee saddexdaas goobood, si ay uga wada-hadlaan arrintaasi.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-geli doono wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki,  wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wasiika arrimaha Dibadda Kenya Alfred Mutua, halka Soomaaliya uu metli doono wasiirka amniga Maxamed Sheekh Doodishe.

Labada dhinac waxa ay kulankooda diirrada ku saari doonaan sidii wax looga qaban lahaa  amniga, maamulka xuduudaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo fududeynta ganacsiga.

Dhaq-dhaqaaqa xadka waxaa horay u hakiyay maamulkii hore ee madaxweyne Uhuru Kenyatta, kadib markii uu faraha ka baxay amniga xadka ay wadaagaan labada dal.

Si kastaba, arrintan ayaa timid kadib markii todobaadkii hore laga daah-furay magaalada Mandheera mashruuca xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowladdaha dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya.

Kenya set to reopen 3 Somalia borders after Al-Shabab threat

Nairobi (Caasimada Online) – In an effort to restore trade and facilitate people’s movement, plans are underway to reopen three border points between Kenya and Somalia.

The first meeting took place today in Nairobi, led by Interior and National Administration Cabinet Secretary Kithure Kindiki.

The border points, Mandera/Belet Hawo (Belethawa), Liboi-Harhar/Dhobley, and Kiunga/Ras Kamboni, have been closed for 12 years due to the threat of terrorism.

Secretary Kindiki highlighted the importance of the talks, “We will have important engagements on Monday morning with the Somalia delegation with the view of reopening the three border points between the two countries,” he said.

The aim is to decide on whether and when to reopen the borders.

This meeting is a follow-up to discussions held last year between former President Uhuru Kenyatta and his Somali counterpart Hassan Sheikh Mohamud.

During those talks, the leaders announced steps to address security concerns along the shared border and the reopening of three border points.

Today’s high-level ministerial meeting will deliberate on a roadmap to reopen the borders, contributing to regional integration and sustainable development.

Addressing security concerns

The closed border points were critical ports of entry. Their closure in 2011, at the peak of the al-Shabab attacks, negatively impacted cross-border trade and the free movement of people and goods.

The al Shabaab terror group’s constant invasions prompted Kenya to send its military to Somalia to neutralize the armed criminals.

Today’s meeting will provide a platform for six Cabinet ministers from both countries to discuss common security threats, improve border management, and share ideas on border security management.

They will also tackle cross-border crime, trade facilitation, mobility dynamics, and strategies to promote greater coordination between Kenya and Somalia.

Interior PS Raymond Omollo, who chairs the border coordination and operations committee, is leading the technical team working on reopening these critical border points.

Seeking partnerships for security

On Thursday, during the launch of the Kenya-Somalia-Ethiopia Borderlands Security project, funded by the UK, Secretary Kindiki and his Somali security counterpart emphasized the need for renewed partnerships.

They stressed the necessity of joint efforts to secure the North from terror groups and tackle complex and sensitive security threats.

“…The programs we run as governments must be alive to the complex security we face today as a region. We all must walk together, hand in hand, shoulder to shoulder, to deliver for our people in the region.” Secretary Kindiki said.

However, the implementation of this project will be subject to consultation and consensus with Kenya’s neighbors, Somalia and Ethiopia.

The closure of these official entry points has led to the proliferation of illicit flows of people, arms, and contraband goods across the borders, which both nations are eager to curb.

Turkey braces for historic presidential election runoff

Ankara (Caasimada Online) – Following a night fraught with tension and surprises, Turkey is steeling itself for an unprecedented runoff election.

Despite President Recep Tayyip Erdogan’s strong showing, he fell just short of the decisive victory required to secure his position for another term.

President Erdogan, an indefatigable political titan who has held power since 2003 and remained unscathed in many national polls, barely missed the 50-percent benchmark needed for outright victory.

As per nearly complete results of the most significant election in Turkey’s post-Ottoman history, Erdogan garnered 49.3 percent of the votes, according to the Anadolu state news agency.

“I wholeheartedly believe that we will continue to serve our people in the coming five years,” proclaimed Erdogan, who, at 69, exuded triumph before a vast assembly of supporters past midnight.

He further claimed that his Islamic ruling party and its ultranationalist allies had seized a clear majority in parliament.

A disappointing outcome for the opposition

Despite the late pre-election polls that projected a lead for Kemal Kilicdaroglu, the opposition leader lagged behind Erdogan with 45.0 percent of the vote.

Kilicdaroglu’s camp initially disputed the vote count, alleging they were in the lead. However, the 74-year-old admitted to reporters early Monday that a runoff seemed inevitable.

“If our nation says second round, we will absolutely win in the second round,” Kilicdaroglu asserted, adding, “The will for change in the society is higher than 50 percent.” This statement hints at a strong desire for change within the Turkish populace.

The news of a possible continuation of Erdogan’s unconventional economics has led to the lira’s depreciation against the dollar and euro, signaling investor disappointment.

The geopolitical importance of this election, given Turkey’s significant role in conflicts from Syria to Ukraine, extends beyond its borders.

As a NATO member with a foot in both Europe and the Middle East, Turkey’s election results are as crucial for Washington and Brussels as they are for Damascus and Moscow.

The Erdogan era: Progress and controversy

Erdogan’s tenure, which has seen Turkey evolve into a military and geopolitical powerhouse, has witnessed a development boom, particularly in conservative regions.

Erdogan has also earned the gratitude of more religious voters for lifting secular-era restrictions on headscarves and fostering more Islamic schools.

However, his rule has not been without controversy. The second decade of Erdogan’s leadership was marked by political and social upheaval, with sweeping purges following a failed coup attempt in 2016, causing discomfort among Western allies.

The emergence of Kilicdaroglu and his six-party opposition alliance offers a clear alternative to Erdogan.

A second-round election might provide Erdogan with a chance to regroup. However, he cannot evade Turkey’s gravest economic crisis since the ’90s or the lingering trauma from a poorly handled earthquake in February that claimed over 50,000 lives.

Pre-election polls suggested that Kilicdaroglu would secure the youth vote, constituting nearly 10 percent of the electorate, by a significant margin.

Meanwhile, some remain staunch in their faith in Erdogan, questioning how a coalition of six parties could effectively govern.

The road ahead

As the dust settles and Turkey prepares for its first-ever presidential runoff on May 28, all eyes are now on Sinan Ogan, a lesser-known independent candidate who has unexpectedly emerged as a potential kingmaker with five percent of the vote.

The direction Turkey takes in this critical junction will influence not only its domestic future but also the region’s geopolitical landscape.

Erdogan’s campaign strategy, increasingly targeted towards his core supporters, has been to vilify the opposition as a “pro-LGBT” lobby subservient to outlawed Kurdish militants funded by the West.

He has also been courting state sector workers with substantial pay raises leading up to the vote.

In the heart of Istanbul, voter Recep Turktan expressed his wish for unity after casting his ballot, “The most important thing is that we do not divide Turkey,” the 67-year-old said. “We will carry out our duty. I say, go on with Erdogan.”

But not everyone echoes this sentiment. University student Kivanc Dal voiced his frustration, “Erdogan can build as many tanks and weapons as he wants, but I have no respect for that as long as there is no penny in my pocket.”

Nursery schoolteacher Deniz Aydemir, meanwhile, expressed skepticism about the opposition’s ability to govern, “Yes, there are high prices… but at least there is prosperity,” the 46-year-old said.

A pivotal moment in Turkey’s democracy

This election signifies a pivotal moment for Turkey’s democracy. Kilicdaroglu encapsulated the sentiment of many when he said, “We all miss democracy,” after casting his vote in Ankara.

He represents a broad-based coalition reminiscent of the alliances Erdogan himself was adept at forming throughout his political career.

As the nation prepares for the runoff, Ogan, expelled from an ultranationalist party that has since joined forces with Erdogan, remains noncommittal about his support.

“We will not say if we will support this or that candidate,” Ogan said Sunday. “We will hold consultations with their representatives and then decide.”

This historic runoff election, a first in Turkey’s 100-year history as a primarily Muslim but officially secular state, underlines the shifting political landscape.

The result could substantially change Turkey’s domestic policy and its relations with allies and neighbors. The world will be watching closely as Turkey decides its future.

Sawirro: Rag hubeysnaa oo lagu qabtay howlgal qorsheysan oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen laba nin oo burcad ah, isla-markaana dhac u geysanayay shacabka degmadaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo qabtay nin kale oo saddexaad oo lagu eedeeyay inuu iibsado moobeelada lasoo dhaco, sida lagu caddeeyay qoraalka booliska gobolka Banaadir.

Waxa kale oo uu talisku intaasi kusii daray in saddexda eedeysane la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Taariikda 14/05/2023 abaaro 16:00pm.Ciidanka Boliiska Saldhigga Wadajir ayaa soo qabtay eedeysanayaal dhac u geystay bulshada ku dhaqan degmada iyo edeysanihii loo geynayay oo ah ganacsade taleefanada lasoo dhaco iibsado waxaana la horgeyn doonaa cadaalada.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimada, wuxuuna ka codsaday inay kala shaqeeyaan amniga, ayna usoo gudbiyaan xogta ay hayaan.

“Fadlan haka daalin in aad la xiriirto lambarga gaaban ee 991, haddii aad la kulanto qatar amni ama aad wado fariin amni”. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka booliska.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada booliska oo kaashanaya kuwa boolis milatari ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka waday magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Si kastaba, caasimada ayaa haatan laga dareemayaa xasilooni amni, waxaana yaraaday weeraradii, dilalkii iyo dhacii loo geysan jiray dadka shacabka ah ee ku nool Muqdisho

 

DF oo shaacisay shirkada ku guuleysatay qandaraaska hubinta tayada shixnadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday shirkadda ku guuleysatay qandaraaska hubinta tayada shixnadda ka hor inta ayna badeecadahu soo galin dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay munaasabad loo sameeyey ku dhawaaqista iyo saxiixa qandaraaskan, oo la sheegay inay si daah-furan ugu guulaysatay shirkadda Bureau Veritasm, taas oo ka geyb-qaadan doonta fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadani ay hagaajin doonto sidoo kalena hirgelin doonto hanaanka hubinta tayada badeecadaha ee laga so dhoofiyo dalka dibaddiisa iyo horumarinta hufnaanta ganacsiga dalka.

Waxa uu ku bogaadiyey maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo guud ahaan shaqaalaha hay’adda oo uu sheegay inay dadaal xoog ay ku bixiyeen guusha maanta la gaadhay.

Qandaraaskan ayaa muhiim u ah ilaalinta bad-qabka bulshada, kor u qaadista kalsoonida ee isticmaalka badeecadaha iyo weliba kobac dhaqaale oo waara, sida uu saxiixa qandaraaskan ka sheegay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in arrintaan ay innoo suurto-gelin doonto xoojinta iyo horumarka ganacsiga aan la lee nahay waddamada caalamka.

Ugu dambayntiina waxa uu wasiirka guushan taariikhiga ah ugu hambalyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo umahad-celiyey arrintaan madaxda hay’adda ivo saaxiibada caalamiga ah.

Somalia’s dual disaster: Flash floods amid ongoing conflict

Mogadishu (Caasimada Online) – The central region of Somalia has been ravaged by a flash flood catastrophe, resulting in the tragic loss of 22 lives and the displacement of hundreds of thousands.

The calamity was caused by the Shabelle River, which burst its banks due to heavy rainfall, forcing the inhabitants of nearby settlements to evacuate their homes hastily.

The inundation in Beledweyne town in the Hiran region has provoked chaos and distress, with floodwater infiltrating homes and submerging roads and buildings.

Residents gathered their possessions hastily, wading through the waterlogged streets in a desperate quest for shelter.

“Whenever the river breaks the banks, we flee,” a local mother of eight, identified by Fartun Ali, told AFP. This is her fifth encounter with such flooding in Beledweyne.

Worsening conditions: Climate change and conflict

The UN’s Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) reports that nearly 460,470 people have been affected by this disaster, with around 219,000 displaced from their homes, primarily in flood-prone areas.

“The floods have left a trail of destruction… inundating homes and farmland, washing away livestock, temporarily closing schools and health facilities, and damaging roads,” OCHA said in a situation report.

This disaster strikes Somalia as the country grapples with multiple challenges: it is still recovering from a record drought that pushed millions to the brink of famine and has been grappling with an Islamist insurgency for decades.

Residents and experts concur that extreme weather events have become increasingly frequent and intense due to climate change, exacerbating the region’s vulnerability.

Regional impact: East and Central Africa

East and Central Africa are no strangers to extreme weather events, particularly during the rainy seasons.

Earlier this month, torrential rains claimed 135 lives. They left more than 9,000 homeless in Rwanda, triggering floods and landslides across the hilly nation.

Last week, the eastern Democratic Republic of Congo witnessed over 400 fatalities due to intense downpours, floods, and landslides.

In May 2020, heavy rains in Rwanda resulted in at least 65 deaths, while Kenya reported at least 194 fatalities.

As 2019 drew to a close, relentless rainfall over two months caused the death of at least 265 people and displaced tens of thousands in several East African countries.

The downpours affected nearly two million people and washed away tens of thousands of livestock across Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Tanzania, and Uganda.

These catastrophic events underline the urgent need for region-wide policies and initiatives to manage and mitigate the risks associated with climate change.

QM oo digniin horleh kasoo saartay HALIS cusub oo Soomaaliya kusoo food leh

0

New York (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xidhka gargaarka bini’aadanimo ayaa sheegtay in roobabkii gu’ga ee ka curtay Soomaaliya inay khasaare gaadhsiiyeen deegaano kala duwan, sida Beledweyne oo ka tiran maamul goboleedka HirShabelle iyo Baardheere oo ka tirsan Jubaland.

Fatahaadahan ayaa sababay inay xidhmaan dugsiyadii iyo goobihii caafimaadka, islamarkaana ay meesha ka baxaan xoolo kala duwan oo dadku ay dhaqan jireen, iyada oo dhaawac weyni uu soo gaadhay waddooyin kala duwan.

Warbixintan oo ay sii daayeen UNOCHA oo iskaashi la yeelatay dhinacyada kale ee ku hawlan hawlaha gargaarka bini’aadanimo, ayaa lagu sheegay in dadka ay saameeyeen fatahaaduhu inay ku qiyaasayaan illaa 460,470 oo qof, taas oo 219,000 oo qof oo ka mid ahi ay guryahooda ka carareen, halka 22 qof ay ku dhinteen illaa 17 degmo oo dalka oo dhan ah, tan iyo badhtamihii bishii March ee sannadkan.

Haddii roobabka mahiigaanka ahi ay ka sii da’aan Soomaaliya iyo buuralayda Ethiopia, dhinacyada ku hawlan gargaarka bini’aadanimo waxay ku qiyaaseen in fatahaadaha dooxyada iyo webiyadu inay saamayn karaan illaa 1.6 milyan oo qof, ayna ku barakici karaan in ka badan 600,000.

Meelaha ugu badan ee ay fatahaadahani saamaynayaan ahaa ah, deegaanada ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabelle. Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in fatahaadahani ay ka dhashaan cuduro kala duwani.

Dhinacyada ku hawlaha gargaarka bini’aadanimo ayaa sheegay inay diyaarinayaan qorshe qaran oo isugu jira u diyaargarowga fatahaadaha iyo ka jawaabistiisa, iyaga oo kaalmo lacageed gaadhsiiyey illaa 111,000 oo qof oo ku kala nool guud ahaan dalka.

Si kastaa, Dhinacyada ku hawlan gargaarka bini’aadanimo ayaa soo jeediyey baaq ay ku dalbanayaan kaalmo deg deg ah, si ay uga jawaabi karaan xaaladda taagan.