27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Soomaaliya ‘oo qarka u saaran’ inay lumiso fursad dahabi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ayaa si weyn looga cabsi qabaa inuu galaafto khilaafka siyaasadeed ee dowaladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Puntland.

Khilaafkan ayaa halis gelin kara rejada ah in Soomaaliya laga cafiyo deymaha adduunka ee IMF iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah, dhamaadka sanadkaan 2023-ka, sida ay ka digeen saraakiisha iyo khubarada maaliyadda.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar.

Waddamada u qalma inay helaan deyn cafinta ayaa waxaa shuruuda 1-aad ah inay ballan-qaadaan isbeddel dhaqaale iyo mid maaliyadeed, iyo weliba sidoo kale dhimista faqriga iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalkaasi.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid kamid ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, sida lagu soo saaray warbixinta hay’adda Transparency International ee sanadkii hore.

Dowladda federaalka oo ka gil-gilaneysa in hanaanka daah-furnaanta dalka ee dhinaca maaliyadda uu yahay kan ugu hooseya ayaa dhawaan meel-marisay sharciyo ka dhan ah musuq-maasuqa, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa sharcinimada iyo kalsoonida hay’addaha maaliyadda dalka.

“Cafinta deymaha waxay rejo weyn u tahay Soomaaliya inay dib u soo ceshato maqaamkeeda maaliyadeed ee beesha caalamka, waxayna u ogolaaneysaa dalkeenna inuu dib ugu soo laabto dhaqaalaha adduunka kadib 30 sano oo dibad joog ka ahaa,” ayuu yiri dhaqaalyahan sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay VOA.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in la xigto magaciisa ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in haddii ay sii jiraan musuq-maasuqa iyo khilaafyada siyaasadeed ee aan loo baahneyn ay Soomaaliya lumin doonto fursad dahabi ah oo deymaha lagu leeyahay looga cafin karo.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshaha ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkii March ee Baydhabo isla qaatay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.

Isku soo wada duubo, arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayna ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.

Tirinta codadka doorashada Turkiga oo socota iyo ‘sida musharaxiintu u kala horeeyaan’

Ankara (Caasimada Online) – Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, iyada oo ay haatan soo baxayso natiijooyinkii ugu horreeyey ee hordhaca ahaa, kadib markii la tiriyey qaybo ka mida sanaadiiqda codbixinta.

Sida ay baahinayaan wakaaladaha wararka iyo weliba hay’adaha warbaahinta ee dalka Turkigu, waxaa illaa haatan la tiriyey illaa 49% oo ka mida codadkii la dhiibtay.

Natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ee ka soo baxaysa sanaadiiqda la tiriyey ayaa muujinaysa in Erdogan uu ka horreeyo musharaxa mucaaradka ee la tartamaya illaa 10%. Erdogan ayaa haysta 52% halka musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee Kilicdaroglu uu haysto 42%.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah la filayey inuu ku hoggaamiyo Erdogan, maadaama ay badankoodu ka imanayaan deegaano uu ku xoog badan yahay Erdogan.

Afar ilo wareed oo ka tirsan mucaaradka Turkiga oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Kilicdaroglu uu tiro aad u yar ku horreeyo.

Weli waxaa dhiman codad aad u badan, kuwaas oo go’aamin doona natiijada rasmiga ah ee cidda ku guulaysanaysa doorashada madaxtinimada.

Doorashadan ayaa ah midda ugu muhimsan Turkiga taariikhdooda casriga ah, waxayna go’aan ka gaarayaan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay.

Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

Wixii kasoo kordha wararka doorashada dalka Turkiga, kala soco Caasimada Online.

NISA oo heshay qorshe ay Al-Shabaab lacag uga qaadaneyso ganacsatada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay heshay xogta Shabaab isku dayaya inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan deegaanka Sabyo oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa xogta sirdoon ee heshay NISA ayaa sheegtay in qorshaha Shabaab-kaasi uu yahay sidii ay halkaasi ugu yeeri lahaayeen ganacsatada, uguna baadaan xoolahooda, xilli uu socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka dhowrka jiho leh waxaa saamayn wayn ku yeeshay talaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliye ee gabi ahaanba lagu soo xiray waddooyinkii ay hantida shacabka Soomaaliyeed uga baadi jireen.

Ciidanka NISA ayaa horay waxay u bur-buriyeen dhamaan maxkamadihiii iyo xarumihii ay dadka ugu yeeri jireen Al-Shabaab, kuwaasi oo ku yaalay duleedyada Muqdisho iyo deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay dad la macaamilay kooxda, ganacsato lacago baad ah siiyay iyo kuwa doonayay inay ugu tagaan meelaha ay joogaan oo ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 23-kii bishii October ee sanadkii hore soo saartay digniino ku saabsan joojinta la macaamilka dhaqaale ee Shabaab, oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah dalka

Dowladda ayaa xiligaas la wadaagtay dadweynaha lambaro ay ugu tala-gashay in shacabka Soomaaliyeed kula soo wadagaan xogaha ku saabsan “haddii ay arkaan dhaqaale Shabaab loo qaadayo ama ay qaadanayaan, nooca uu doono ha ahaade.”

Si kastaba, Dowladda ayaa ku guuleysatay inay xirto boqolaal akoon iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana dardar xooggan ku socda dadaalada lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda.

Xasan oo Villa Somalia ku qabtay shirka golaha dhaqaalaha qaranka, oo lagu meel-mariyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir heerka sare oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.

Shirka heerka sare ee golaha dhaqalaaha qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoominayay shirkaan ayaa si qotadheer u faah-faahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo golaha dhaqaalaha qaranka iyo xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.

Intaas kadib golaha dhaqaalaha qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay la-taliyayaasha dhaqaalaha qaranka oo ah laanta farsamo ee golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta hiigsiga qarniga ee 2060 iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060, sida lagu shaaciyay war-murtiyeed ay Villa Somalia kasoo saartay shirkaan.

Sidoo kale, Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardar-geliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka hiigsiga, sida wada-tashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in golaha usoo jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta hiigsiga 2060 iyo meel-marinta talooyinka ka soo baxay heerka farsamo ee golaha dhaqaalaha qaranka.

Golaha ayaa waxa uu sidoo kale isla meel-dhigay in hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

Ugu dambayntiina waxa uu goluhu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dadejinta dhammaystirka qorshaha maaraynta marxaladda deyn cafinta ka dambaysa (Post-HIPC Plan).

Saciid DENI ‘oo raali-galin ka bixiyay’ hanaankii u maamulay kuraas kamid ah BF

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Deni oo kulan xasaasi ah la yeeshay Isimada gobolka Mudug ayaa waxa uu raali-gelin ka bixiyay habkii u maamulay kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Mudug.

Isimida ayaa dhankooda ka aqbalay raali-gelinta deni oo isagu sheegay inuu kasoo hoyday boobkii kuraasta Golaha Shacabka ee gobolka Mudug iyo tixgelin la’aantii dhaqanka beesha ee doorashadii 2022-ka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

“Boobkii kuraasta iyo xad-gudubkii dhacay ee aad sanadkii 2022-ka geysatay haddaad kasoo hooyatay waa aqbalnay hoyashadaada,” ayay Isimida uga jawaab celiyeen kasoo hoyashada Deni ee boobkii doorashada.

Xogaha aan ka helayno kulankaan ayaa waxay sheegayaan intii uu socday madaxweyne Saciid Deni uu sidoo kale ka codsaday Isimada gobolka Mudug inay maamulkiisa kala shaqeeyaan hirgalinta doorashada dowladaha hoose ee gobolka Mudug, xilli gobolkaan uu kamid yahay meelaha laga saluugsan yahay qaabka uu maamulka Deni u wado doorashada qof iyo cod.

Inkasta oo Isimada iyo odayaasha Mudug aySaciid Deni ka qaateen raali-galinta uu ka bixiyay hanaankii uu umaamulay doorashadii xulista Baarlamaanka ayaa haddana waxay uga digeen inuu qabto doorasho qalaalase ka dhasho, xilli uu meel sare gaaray khilaafka siyaasadeed ee maamulka Puntland.

“Doorashada goleyaasha deegaanka ee aan heshiiska lagu aheyn hbaraacooda iyo natiijada ka dhalaneysa waxay khatar ku yihiin xasiloonida dalka iyo doroashada madaxweynaha waa inay wakhtigeeda ku dhacdaa.”

Madaxtooyadda Maamulka Puntland ayaa weli ka hadlin kulankaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Isimida gobolka Mudug iyo madaxweyne Saciid Deni.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland iyo Isimida Puntland ayaa hore ugu kala fogaaday boob qaawan oo uu kula kacay doorashadii xildhibaanada maamulka ku matalayay labada aqal ee BF, wuxuuna u muuqda kulankaan iyo cudur daarka uu bixiyay Deni mid uu ku raadinayo nafis siyaasadeed, xilli ay maamulka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo looga soo horjeedo damiciisa guracan.

Dagaal culus oo ciidamada DF iyo Al-Shabaab ku dhexmaray xadka laba gobol

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo deegaan dhaca xadka gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan oo yimid kadib markii ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen goobo Shabaab-ka ay ku dhuumalaysanaysay oo dhaca xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago Shabeellaha Dhexe.

Deegaankaas oo lagu magacaabo Sabansableey ayay ciidamadu ku weerareen Shabaab-ka goobtaasi ku sugnayd, iyada oo halkaas uu ka dhacay dagaal Xooggan, oo ay guulo ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in jab xooggan Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka, kaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxay sheegtay in ciidamada xoogga ay ka warheleen in xubno katirsan Khawaarijta ay isku arruursanayeen deegaanka Sabansableey, si ay u sameeyaan arbushaad, islamarkaana ay ciidamada ay ka hortageen dhagartooda.

“Xoogga dalka ayaa sii baacsanaya xubnihii khawaarijta ee ku dhuumaaleysanay deegaanka oo isaga cararay halkaa,” ayaa lagu yiri warka dowladda ee dagaalkan.

Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay inuu weli socdo howl-galkan isku rogay dagaalka ee ciidamadu ku qaadeen deegaanka Sabansableey, oo dhaca xadka gobolka Galguduud uu la wadaago Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul horleh ka sheegatay dagaalkan, oo ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen tiro gaadiid ah oo ay ku jiraan kuwa ciidamada ee tiknikada loo yaqaano.

Majiro illo madax-banaan oo illaa hadda si rasmi ah u xaqiijin kara sheegashadan.

Si kastaba, howl-galada ay ciidamada huwanta muddooyinkii dambe ka wadeen gobolka Galgaduud iyo guud ahaan gobollada kale ee dalka ayaa dardar xooggan ku socday, ayada oo dhawaan la filayo inuu si rasmi u billowdo wejiga labaad ee dagaalka.

Galmudug oo digniin culus kasoo saartay qorshe la iskaga horkeenayo beelaha

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa digniin culus kasoo saaray qorshe uu sheegay in la iskaga horkeenayo beelaha, si ay u dagaalamaan maleeshiyaadka hubeysan.

Qorshahan ayuu maamulka sheegay in looga dan leeyahay koradhka isku dhacyada beelaha iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, waxayna si gaar ah ugu digtay dad ay sheegtay inay ka shaqeynayaan arrintaas, islamarkaana ay ka waantooban.

La-taliyaha dhanka Amniga Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Jeneraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo arrintaas ka hadlay ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in xilligaan xoogga la saaro dagaalka beelaha, iyada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

“Waayahaan shaqaaqooyinka soo laabtay ee meelo badan laga soo sheegayo in aan iraahdo walaalayaal looma baahno dagaal aan ahay midka argagixisada, maanta dagaalka keliya furan waa midka khawaariijta balse midka beelaha waa maja-xaabin,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Qoor-Qoor.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadkaan waa walaalo aan meelna ku kala tageen, dhulkaan waa mid aan qaadmeyn ee hala iska daayo riix-riixa.”

La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in marnaba uu maamulka Galmudug aqbali doonin isku dhacyada beelaha, islamarkaana la xiri doono dadka ka dambeeya, “deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug waxaa ka dhici karo oo keliya dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.”

“In aad Dumarka kufsataan oo carruurta kala dishaan idinka qudhiina nafta is dhaafsataan wax dan ah idinkuma jiraan, waxa ay dantu idin kugu jirtaa walaaltinimada, ehelnimada iyo isa-soo jiidashada, meel weliba oo dagaal beeleed ka jira waxaa ka faa’iideysanaya oo ku dhex dhuumanaya argagixisada,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo wada istaago sidii wax looga qaban lahaa qorshaha laga iskaga horkeenayo beelaha, si uusan u wiiqmin dagaalka Shabaab oo dardar xooggan ku socda, “wax ka qabashada dagaal beeleedyada ha loo istaago, si loo badbaadiyo dadka waxyeellada kusoo gaarta.”

Digniintan ayaa imaneysa xilli deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug ay marar kala duwan ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya maleeshiyaad Beeleed, halka dilal la xiriira aanooyin loo geystay dad u badan haween iyo dhalinyaro.

Hanti-dhowrka guud oo ku guuleystay dib usoo celinta 10 gaari, kuna wareejiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 10 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska.

Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu gawaaridan ku wareejiyay Wasaaradda Waxbarasahda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

“Iyada oo la dardar-galinayo dadaallada dib loogu soo celinayo gaadiidka ka maqan hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku waxa uu ku guuleystay inuu ku wareejiyo Wasaaradda Waxbarasahda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka toban (10) gaari oo horay gacantooda uga maqnaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska hanti-dhawrka guud ee qaranka.

Tallaabadan ayaa imanaysa, xilli kal hore Hanti-dhawrka guud uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta ama u haysan karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hay’adaha dowladda ee la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’adahaasi inay dib u soo celiyaan sida ugu dhaqsaha badan, “waa in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.”

Hanti-dhawrka Guud oo muddooyinkii dambe ka shaqeynayay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uu dib ugu soo celiyo gacanta hay’addihii asalka u lahaa, ayaa waxa uu shaaciyay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.”

Si kastaba, Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo 20-kii April ee sanadkaan la wareegay xilka ayaa waxa uu sheegay in muhiimaad gaar ah uu siin doono dhameystirka howlaha qabyada ka ah XHGQ sida dhammeystirka xeerka xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo habraacyada baarista iyo korjoogteynta.

 

Saraakiil iyo ciidamo kale oo Somaliland uga goostay SSC-Khaatumo

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ciidamo horleh iyo saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland ay ka goosteen maamulkasi, kuwaas oo si toos ah ugu biiray ciidamada SSC-Khaatumo.

Ciidamadan iyo saraakiishooda ayaa hoostagayay ciidanka uu maamulo Mahad Cambaashe oo ku sugan afaafka hore ee jiida dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u baxsadeen dhinaca degaannada hawdka ee gobolka Sool, halkaas oo ay difaac ka galeen, maadaama ay isaga baxeen Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan ayaa gaaraya ilaa tobaneeyo askari iyo saraakiishooda, waxaana la sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Laascaanood, oo hadda laga dareemayo qaban qaabo ku aadn soo dhaweyntooda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan arrinta ciidamadaasi iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka Sool.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale ay usoo goosteen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo wata gaadiidkooda dagaalka, kuwaas oo lagu soo bandhigay Laascaanood.

Dhanka kale, Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo horleh oo xoojin ah ay geysay tuulo Samakaab ee gobolka Sool, halkaas oo uu ku sugan yahay Cambaashe.

Ujeedka ayaa ah in ciidamadan ay ka hortagaan inay goostaan askar kale, maadaama uu kala shaki xoogan soo kala dhex-galay ciidamada ku sugan halkaasi.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, Somailand ayaa lumisay dhul ballaaran, madax, ciidamo iyo saraakiishooda, kuwaas oo ku biiray SSC-Khaatumo.

Daawo: Hooyo Calasey “Wiilkeyga waxaa la dilay isaga oo biyo uu shubtay aan cabin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Calasey Xamuud Cadow oo kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan tuulada Maxaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle ayaa ka warbixisay dil maanta wiilkeeda loogu geystay deegaankaas oo ay mudo 7 sano ah ka taagan tahay colaad u dhexeyso 2 maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Hooyadan oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Kulmiye ayaa ka sheekeysay, sida arxan darrada ah ee loo dilay wiilkeeda oo ahaa 40 sanno jir, sida ay sheegtay.

Calasey ayaa sidoo kale sheegtay in xilliga la dilayay wiilkeeda uu ka yimid biyo dhaamin, isla-markaana isaga oo biyo uu shubtay cabayay toogasho lagu dilay.

“Igaarkeyga waa dhaanshay kadib waa soo fulay Ratiga, haddii uu furay aa la weeraray gurigiisa lagu dilay,” ayay tiri Hooyo Calasey Xamuud Cadow.

Waxa kale oo Hooyadaan oo murugeysan ay hadalkeeda sii raacisay “Wiilkeyga biyo uu cabaayay oo uu shubtay intoo cabin ayaa la dilay”.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay taqaano ragga dilay wiilkeeda, isla-markaana ay daris yihiin, sida ay hadalka u dhigtay.

“Colaadda asal ayay jirtay nimankan dilka geystay waa kuwaan dariskeenna waayay Xasan Gaab ayaa la yiraahdaa,” ayay mar kale tiri Hooyo Calasey Xamuud Cadow.

Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ay ka dalbatay inay cadaalad u raadiyaan wiilkeeda, si loo soo qabto raggii ka dambeeyay.

Marxuumka ayaa ifka uga tegay carruur iyo xaas, sidoo kale waxa uu gacanta ku hayay hooyadiisa oo da’ah, taas oo si weyn ula muroogootay dilka loo geystay wiilkeeda.

Haweeney si arxan darro ah u dishay wiil uu dhalay Seygeeda oo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir oo howlgal ka sameeyay degmada Dharkenley ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney jirdil xoogan u geystay ilmo uu dhalay Seygeeda.

Ciidamada Booliska, qaybta Galbeed ayaa gacanta kusoo dhigay haweeneydan oo ku eedeysan in ay si arxan darro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd oo uu dhalay ninkeeda.

Booliska ayaa sheegay in dilka uu sababay jirdil iyo garaacis xoogan oo ay wiilka yar u geysatay haweeneyda oo haatan ku xiran saldhigga degmada Dharkenley.

Sidoo kale waxa uu talisku intaasi kusii daray in ciidanka ammaanka ay soo badbaadiyeen gabar wiilka la dhalatay oo iyadana jirkeeda ay ku yaallaan dhaawacyo xoogan.

“13/5/2023 Abaara 8:00 fiidnimo, Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeeed gaar ahaan Saldhiga Dharkeynley, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan in ay si arxan daro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd halka gabadhii wiilka la dhalatay Boliisku ka badbaadiyay gabadhana ay dhaawacyo badan ku yalaan waxayna u aheyd eedo aabo qabo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir.

Taliska qaybta booliska ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedeysanaha ayaa booliisku gacanta ku hayaa, waxaana la waafajindoonaa Maxkamadda Awooda u leh si cadaalada loo mariyo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Dhinaca kale, booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimada, wuxuuna ka codsaday inay kala shaqeeyaan amniga, ayna usoo gudbiyaan xogta ay hayaan.

“Muwaadin hadii aad aragto arimo lid ku ah Amniga caasimada waxaa naga soo waci kartaan numberka gaaban ee 991”. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka booliska.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyin argagax leh, kuwaas oo ay dad usoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Magacaabistii uu sameeyay Xamza oo durba wajahaysa mucaaradad xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabista uu shalay sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ee guddiga soo-celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta hantida qaranka ayaa durba wajahaysa mucaaradad xooggan.

Guddigan cusub oo heer wasiir ah ayaa ka kooban siddeed xubnood, sidoo kale waxaa ku jira guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxayna magacaabistooda daba socota qaraar ay Khamiistii ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Guddigan ayaa waxaa loo xil-saaray tirakoobka hantida hay’adaha dowladda, soo celinta hantida qaranka ee sida sharci darrada ah loo haysto, qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida qaran ee la tirakoobay iyo kasoo tala-bixinta nidaaminta hantida qaranka ee lasoo celiyay iyo sida ugu haboon ee loo adeegsanayo ugu adeegidda bulshada.

Waxay guddigan warbixin dhameystiran oo geeddi socodka soo celinta hantida qaranka u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha, sida lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre.

Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo kamid ah dadka sida weyn u dhaliilsan magacaabista uu sameeyay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa uu su’aallo ka keenay hanaanka loo soo xulay iyo shaqada loo igmaday.

“Inta aan waxkale la isla gaarin magaca guddiga ayaaba qurxin u baahan, dhirirkiisa iyo macnayaashiisa wada qaloocan intaba,” ayuu Cali Yare ku yiri qoraal uu soo saaray oo uu si weyn ugu weeraray magacaabista ra’iisul wasaaraha.

Waxyaabaha kale ee guddigan uu ku dhaliilay ayuu ku sheegay in aysan kasoo muuqan laamihii saxda ahaa ee mudna sida; xeer ilaalinta qaranka, hanti-dhowarka iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran:

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu magacaabay guddi la garan waayay ujeedada laga leeyahay iyo magaciisaba.

Waxyaabo yaab iyo waxyaabo iswaydiin leh labaduba waa ku jiraan magacaabistaan.

1. Inta aan waxkale la isla gaarin magaca guddiga ayaaba qurxin u baahan, dhirirkiisa iyo macnayaashiisa wada qaloocan intaba.

Haddii caawa la waydiiyo RW Xamse inuu korka ka sheego magaca guddigii uu magacowday waa hubaal in aanu sheegi karin, magaca oo (7) macnaboo la isku xariiriyay oo kala duwan ka kooban daraadiis – magaca guddiga waa (Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta Talo-Bixinta, Nidaaminta, Hantida Qaranka) Cajiib!!

Hadiiba ay dhacdo inaad magaca fahamto, haddana su’aalahaan jawaabahooda ayaa baadigoob kaa sugaya.

  1. Maxaa xilligaan ku soo beegay magacaabistan?
  2. Maxaa loo xushay dadkaan wada cajiibka ah?
  3. Aaway wasaaraddii arrimaha gudaha?
  4. Maxay tahay ujeedada ka danbeysay in madaxtooyadu xoogto booskii Wasaaradda WAG?
  5. Maxaa xeer ilaalinta qaranka looga reebay?
  6. Hanti-dhowaruhu muxuu galabsaday?
  7. Aaway Taliyihii Booliska
  8. Maadaama dhulalkii ciidanka la dagganyahay aaway Taliyihiina Ciidanka Xoogga dalka ?
  9. Dhulka la tirakoobayo ma Muqdisho kali ah-baa mise waa dhulkii Jamhuuriyadda?
  10. Haddii sida muuqata ay Muqdisho kali ay tahay, sabab Muqdisho kali ah?
  11. Maadaama magaca “soo celinta” la isticmaalay dhulka la soo celinayo ma ku jiraan dhulalkii horay loo boobay oo saraha dhaadheer laga dhistay sida xaafadda (ILAAHAA JOOGA) ee jaayga garoonka oo haddii shirkadaha dalka laga xaraasho dakhli xooggan laga heli karo, Madaxweynaha ay barta madoow kaga tirmi karto?
  12. Ma ku jiraan dhulalkii dowladda ee dowladdaan hadda joogta ay bixisay, sida dhulkii ciidanka asluubta, warshadihii dalka sida warshaddii caanaha, Warshaddii Burka, warshaddii Baastada, xeryihii ciidamada, garoomadii kubadda, jardiinooyinkii nasiinada, kaalimihii shidaalka, dhulalkii bangiga, boosteejooyinkii gaadiidka, dhulkii dimayo mirito (Liido), dugsigii farsamada gacan Boli teckniko (kaalimaha shidaalka waxaa bixiyay Madaxweyne Shariif Sh Ahmed).

Inta aan waxkale la gaarin sidee hadda loo joojin karaa guddiyada iskugu jira xildhibaannada, wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee sheeganaya in Madaxweynuhu soo wakiishay oo beecinaya xeryihii ciidanka?

Hadda bartilmaameedka loo socda waa:
1. Dhulkii Kaluunka ee jaayga ku dhaggan
2. Xeraddii ciidanka Oodweyne
3. Guulwadayaasha
4. Daaqa qaranka
5. Siinka dheer
6. Dhulkii xanaanada digaagga
7. Xeradii cuuryaamiinta

DARDAARAN: Inta arrimahaani kala cadaanayaan Shacaboow difaaciinna adkeysta, oo yaan mar labaad dhulalka aad daggantihiin la idinka kacsan oo aanay ku nacfin dad idinla mid ah.

Cali Yare Cali

Faah-faahinta nin weerar ka geystay Muqdisho ‘oo gacanta lagu soo dhigay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay guul ka sheegteen saraakiisha amniga.

Howlgalka ayaa yimid, kadib markii bam-gacmeed lagu tuuray bar-koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan, waxaana kadib xigay howlgal ka daba tag ah oo ay sameeyeen ciidamada la weeraray.

Saraakiisha laamaha amniga ee gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka ay sameeyeen ay kusoo qabteen ninkii ka dambeeyay tuurista bambada, isla-markaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada mara ay gacanta ku dhigeen ninka weerarka geystay ay ku soo qabteen laba haween ah oo uu sheegay inay kala shaqeeyeen weerarka, kuwaas oo iyana laga soo qabtay xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile.

Dhanka kale, saraakiisha amniga ayaa sheegay in weerarkan loo adeegsaday bam-gacmeed uusan geysan wax khasaare ah, wuxuuna dhacay xilli aroor hore ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka socday howlgallo amni xaqiijin ah, waxaana ugu dambeeyay oo ay ciidamo fashiliyeen weerar toos ahaa oo ay Al-Shabaab ay damacsaneyd inay ku qaado Beerta Nabadda, kadib markii la qabtay qaraxyo iyo kooxdii fulin laheyd.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si weyn isku beddalay, kadib qorshe cusub oo ay la timid dowladda federaalka, waxaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lagaa gudaga caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Shabaab.

Qoor Qoor oo magacaabay wasiiro cusub + Magacyada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor Qoor) oo wareegto cusub soo saaray ayaa magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Qoor Qoor ayaa soo saaray liiska lix xubnood oo cusub, kuwaas oo isugu jiro wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowleyaal, sida lagu caddeeyay wareegtada.

Xubnaha laga magacaabay ayaa kala ah:

1-C/qaadir Shire Warsame wasiirka wasaaradda tamarka iyo biyaha, 2-Cabdirisaaq Cali Jaamac wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada 3-Liibaan Cabdi Maxamed wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada 4-C/kariin Macallin Axmed wasiiru dowlaha wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka 5-wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare 6-Maxamed Axmed Maxamed wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxaa wareegtadan lagu faray hay’adaha kale ee Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub ee xalay uu magacaabay madaxweyne Qoor Qoor.

“Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo,” ayaa lagu yiri degreetada.

Waxaa kale lasii raaciyay qoraalka “Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug”.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan madaxweynaha Galmudug uu socdaal ku marayo deegaano ka tirsan gobollada dhexe oo uu kasocda howlgal ka dhan ah Shabaab.

Si kastaba, marar badan madaxweyne Qoor Qoor ayaa isbeddal ku sameeyay golihiisa wasiirada, isaga oo sabab uga dhigay in la helo wasiiro karti leh oo shaqeyn kara.

Doorashadii ugu adkeyd oo maanta ka dhaceysa Turkey

Istanbul (Caasimada Online) – Dalka Turkiga ayaa maanta waxaa ka dhaceysa codbixinta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.

Sanaadiiqda cod bixinta waxay furmi doonaan 08.00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17.00.

In ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin ee dalka.

60 milyan 697 kun oo codbixiyayaal ah ayaa xaq u leh inay dalka ka codeeyaan.

Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharax.

Waxa kale oo mamnuuc ah in la saadaaliyo ama laga faallooda natiijada doorashada ilaa laga gaarayo 18.00 .

Doorashadan ayaa ah midda ugu muhimsan taariikhdooda casriga ah, waxayna go’aan ka gaarayaan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay.

Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

ISHA BBC

Xiisadda Puntland oo kasii dareysa iyo Xasan Abgaal oo dalab u direy caalamka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Deni ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe waxa uu si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Xasan Abgaal ayaa waxa uu sheegay in aan la isku hayn doorashada goleyaasha deegaanka, balse ay tahay waxa la isku hayo qorshaha madaxweyne Deni ku damacsan yahay muddo kororsi, xilli ay bilooyin ka harsan yihiin muddo xileedkiisa.

“Cid doorasho isku haysa majirto ee waxaa la isku hayaa damaca guracan ee Saciid Deni ee muddo kororsiga, waxaa la isku hayaa damaca guracan ee Dastuur furista ah,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in miiska wada-hadalka la keeno Saciid Deni, taasi oo ugu baaqay beesha caalamka iyo odayaasha dhaqanka Puntland, si xal masiiri ah looga gaaro labada qoddob ee la isku hayo.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland ayaa waxa kale oo uu nasiib darro ku timaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Saciid Deni ee dagaalka Laascaanood, kaasi oo uu ku sheegay inay difaacayaan Laascaanood oo in ka badan saddex bilood ay ku dagaalsan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

“Waa nasiib darro in nin siyaasi ah oo u jeeda in waxa uu wato uu wax ku gaaro in warar aan jirin uu sheego, madaxweyne Deni dagaalka Laascaanood waa la ogyahay meesha uu ka taagna oo wuxuu diiday dowladnimadii Puntland lagu dagaal galo, inuu ku faano dad shacab ah o qabaa’il ah uu ku faano waa nasiib darro.”

Xasan Abgaal ayaa waxa kale oo uu madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay dayaca ciidanka maamulka Puntland, kuwaasi oo muddooyinkii dambe mushaar la’aan u xirtay bara-kontarool oo ku yaalla Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday khilaafka madaxda dowladda federaalka iyo Puntland, ayaa waxa uu tilmaamay mid ku saleysan dano shaqsiyadeed oo isku hayaan madaxdaasi, oo uusan aheyn khilaaf ku qotoma arrimo masiiri ah, xilli ay dhawaan hadallo kulul ay hawada isku mariyeen.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland ayaa kasii dareysa kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni uu dardar-galiyay damiciisa wax ka beddelka Dastuurka, kaasi oo ay meel-mariyeen Golihiisa Wasaaradda.

Si kastaba, Qorshaha Deni ayaa waxaa si adag uga horyimid mucaaradka maamulkaasi, oo ku tilmaamay mid uu ka leeyahay dano shaqsi ah iyo muddo kororsi uu rabo inuu kusii fadhiyo xilka u sareeya Puntland.

Muxuu yahay mashruuca ay DF ku saxiixday Nairobi?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku saxiixay mashruuc cusub oo ku saabsan adeega la-talinta farsamada iyo abuuridda khariidadda muuqaalka digital-ka ah ee caasimadda.

Gudoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhanka howlaha guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa maanta magaalada Nairobi kusoo xiray kulan socday muddo afar cisho ah oo looga hadlayay mashruucan, oo ka kooban shan qoddob oo kala ah;

  1. Sawirida magaalada dhanka Satellite-ka
  2. Aasaaska barta xakamaynta dhulka (GCP)
  3. Soo saarka khariidadda magaalada Muqdisho (Topographic Mapping)
  4. Horumarinta nidaamka (GIS Web)
  5. Tababarka shaqaalaha dowlada hoose

Kulankaan kadib ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo howl-wadeenada mashruucan fulinaya kala saxiixdeen howlaha shaqo oo ay ka qabanayaan magaalada Muqdisho.

Saxiixa heshiiska lagu fulinayo mashruucan cusub ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa aggaasimayaal ka tirsan dowladda hoose ee Xamar iyo wakiilo ka socday dowladda Japan.

Maamulka gobolka ayaa muddooyinkii dambe dardar-gelinayay shaqada ay u igman yihiin, gaar ahaan horumarinta bilicda gobolka Banaadir, dib udhiska waddooyinka iyo hoos u daadajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Sidoo kale waxa toddoba sano kadib magaalada Muqdisho si rasmi ah looga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”, kaasi oo afartii bishaan uu markale ku dhawaaqay guddoomiye Madaale.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa hadda ka socda naleynta caasimadda, oo lagu bilaabay wadada dheer ee Makka Al-Mukaramma, iyada oo maamulka gobolku u qorsheeyay barnaamijkan lacag dhan $2,500,000.

Sawirro: Wafdi heer federaal ah oo gaaray Beledweyne iyo ‘waxa ay kusoo arkeen’

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi uu hugaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macalim ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay wafdigaan heer federaal garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan ayaa waxay kulan la qaateen madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo halkaasi maalmo kahor u tegay xaaladda bini’aadanimo ee kasoo cusboonaatay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha iyo wafdigaan ay waxay ka wada-hadleen xaalada cakiran ee ka jirta magaalada Beledweyne iyo sidii ay dowladda gargaar deg deg ah u gaarsiin laheyd kumanaanka ka barakacay guryahoodii.

Guddoomiye Maxamuud Macalim iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intaas ksdib u kuur-galay xaaladda qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Maamulka Degmada Baladweyne Saraakil ciidan ayaa sidoo kale waxay socod ku mareen buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen.

Socdaalka wafdigaan heer federaal ee Beledweyne ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne.

Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.

Xasan oo sharaxaad ka bixiyay tallaabo ay qaaday DF oo buuq dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay canshuur kordhinta ay dhawaan sameysay dowladda federaalka, taasi oo uu ka dhashay buuq badan.

Madaxweynaha oo Jimcihii khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa sharaxaad ka bixiyay canshuurta ay dowladda ku kordhisay qaar ka mid ah badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo ee laga soo dajiyo Dekadda magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inay suurta-gal aheyn inay isku canshuur noqdaan badeecadaha loo soo dhoofiyo dalka, sidaas darteedna ay dowladda qaaday tallaabada canshuur kordhinta ah ee ganacsatada qaar ay cabasho ka muujiyeen.

“Telefoon iPhone ah oo kun iyo jajaba dollar jooga iyo Niiclaha inay isku mid noqdaan sax ma tahay? maanta waaye waxa aan ka hadlayno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo sharaxaad ka bixinaya sababta keentay tallaabada dowladda ay qaaday.

“Qof in uu ka gil-gishto shilin saa’id ah bixi, Ninna uu naftiisa keeno oo yiraahdo waa kanaa waa dhimanaa oo dhinto, dhaawacma, cuuryaama, agoon ka tago, Hooyo gablantay ka tago, macquul ma’ahan, waxyaabaha uu caqliga diidayo ayey ka mid tahay laakiin la’iskama yeelayo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in lacagta laga qaado ganacsatada ay waajib ku tahay, halka ay dowladda tahay inay ilaaliso amaanadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkaan ugu yaraan dowladdaan waa in ay la baxdaa qarashaadkeeda, hormarin ayaan u baahanahay ee hanala kaalmeeyo waa wax la dhageysan karo, laakiin hanala biilo wax la dhageysan karo maahan.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maanta xoolaheena iyo xooggeena dowladnimo nooga horeyso, dowladda dhaqaale la’aan ma shaqeyn karto, Soomaaliyoow dadnimadaada iyo damiirkaaga ku laabo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsatadu qeybta ka yihiin inay bixiyaan canshuurta dowladda, isaga oo ballan-qaaday in dowladduna ay sida u haboon u maamuli doonto dhaqaalahaas.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay dhawaan dowladda ay kordhisay canshuurta badeecadaha qaarkood ee laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho, islamarkaana ay cabasho xooggan ka muujiyeen qaar kamid ganacantsada, taasi oo markii dambe keentay in wasaaradda maaliyadda ay dib u eegis ku sameyso cashuurtaas.

Duqa magaallo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa magaalada Bolnas ee dalka Sweden, Mudane Cabdullahi Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdullahi Aadan ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo xildhibaano kamid ah  baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal iyo qeybo ka mid ah bulshada gobolka Banaadir.

Intaasi kadib ayaa mas’uulkan waxaa loo galbiyay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo uu ku qaabilay dhiggiisa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

Ujeedka safarka Duqa Magaalada Bolnas ayaa la xiriira howlo shaqo, waxaana inta uu joogo Muqdisho uu maamulka gobolka Banaadir kala hadli doonaa sidii la’isaga kaashan lahaa wada-shaqeynta iyo wax is-dhaafsiga labada magaallo ee Bolnas iyo Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo horumarineed oo ku aadan caasimadaha labada waddan.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa soo xiray kulan socday muddo 4 cisho ah oo looga hadlayay qodoba ay kamid yihiin:

1- Sawirida Magaalada dhanka Satellite-ka, 2-Aasaaska Barta Xakamaynta Dhulka (GCP), 3-Soosaarka Khariidadda Magaalada Muqdisho (Topographic Mapping), 4-Horumarinta Nidaamka (GIS Web), 5-Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose.

Kulan kadib ayaa sidoo kale maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenada mashruucan fulinaaya kala saxiixday howlaha shaqo oo ay ka qabanayaan magaalada Muqdisho, iyada oo saxiixa heshiiskan ay goobjoog ka ahaayeen aggaasimeyaal katirsan Dowladda Hoose ee Xamar wakiila ka socday dowladda Jaban.