27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan uu ka dhacay deegaanka Libikus oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu weerarkan qaaday, iyaga oo ka falcelinayay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa halkaasi.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan lagu dilay illaa laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qayb ka ahaa xubnaha weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayid ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan.

Waxa kale oo uu Mareykanka xusay inay ka go’an tahay inuu sii wadayo la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago weeraradooda.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay Soomaaliya dagaal adag kula jirto kooxda, kaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan, isla-markaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqolaal ah ay ka joogaam gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, ayada oo la filayo inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka adag ee Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan.

Daawo: Reer Muqdisho oo taageero weyn u muujiyay madaxweyne ERDOGAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada beri oo Axad ah ka bilaabineysa dalka Turkiga.

Dadweynahan oo la hadlay Dalsan TV ayaa taageero weyn u muujiyay madaxweynaha talada haya ee Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo si dhab ah u garab istaagay Soomaaliya.

Mid kamid ah ragga ka hadlay doorashadaasi ayaa guul weyn u rajeeyay Erdoğan, wuxuuna sheegay in uu abaal lama ilaawaan ah u galay shacabka Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed ma illaawi karto Turkiga, madaxweyne Erdoğan abaalka uu u galay iyo himilada uu u hayo, sidaas darteed annaguna waan ogsoonahay, waanu garab taaganahay, ilaaheyna waxaan ka baryeynaa inuu guusha siiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdi Xaaji Cilmi (Xaiib) oo kamid ah reer Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab istaageyso madaxweyne Erdoğan, isaga oo sheegay in guushiisa ay muhiim u tahay Soomaali weyn, maadaama uu taageeray xilli ay aad ugu baahnaayeen.

“Aniga oo Soomaaliya codkeeda ku hadlayo mid iga maqan iyo mid ila joogaba waxaan leeyahay Ilaahow Erdoğan guuley, waxaan u arkaa inay guushiina dan noogu jirto. Erdoğan waa nin Islaam ah waa nin wax na taray, waa nin noo hiiliyay” ayuu yiri Cabdi Xaaji Cilmi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxtar ayuu noogu beddalay, waxbaanu ka faa’iidnay daawo noo keenyayaa nin jiran aan u qaadnayaa arday jaamacad ka baxyaa mid halkan ka baqay oo cararay iska tegyay oo ku nasayayaa oo ku badbaadyaa,”.

Sidoo kale oday kale oo kamid ah shacabka la hadlay Dalsan TV ayaa yiri “Libaax labo ma’aha shacabka Soomaaliyeed Erdoğan ayay codka siinayaan oo ay taageerayaan,”.

Si kastaba, Recep Tayyip Erdoğan oo ah madaxweynaha ugu awoodda badan dalka Turkiga welina talada haya, ayaa dagaal adag kula jira mucaaradka, oo isaga doorashada dhaceysa beri ay si adag ugu loolamayaan, waxaana kamid ah ragga ay is hayaan Kemal Kilicdaroglu.

NISA oo shaacisay inay howlgal ku dishay 44 ka tirsanaa AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxaa lagu faahfaahiyay howlgan ay ciidanka sirdoonka iyo saaxibada caalamiga ah Jimcihii ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cali Fuuto oo hoostaga degmada Kuntuwaarey.

NISA ayaa shaaca ka qaaday inay heshay xogta xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaankaasi, si bey tiri ay u dhibaateen shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay illaa 44 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.

“Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Deegaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad” ayay tiri Hay’adda NISA.

Sidoo kale Hay’adda ayaa intaasi ku dartay inay ciidamadu burburiyeen hub fara badan iyo godad ay xubnahaasi ka qoteen deegaanka lagu weeraray, sida ay hadalka u dhigay.

“Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godod ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, Hub iyo saanado kale oo ay ku aruursanayeen danbiilayaasha Khawaarijta” ayay tiri NISA.

Waxa kale oo ay intaasi raacisay “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed deegaano badan ka xoreeyeen Khawaarijta,”.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Nabad Sugiddu ayaa howlgallo culus ka wada Muqdisho iypo gobollada u dhow, kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay CEERIGAABO

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay rabshada xoogan ay ka dhaceen gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi, kuwaas oo uga sii daraya xiisadaha ka jira Somaliland.

Rabshadaha ayaa billowday, kadib markii koox aan la garan haybtooda ay rasaas ku furtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo marayay magaalada.

Kadib ayaa waxaa xigay isku dhacyo dhex maray booliska iyo dadweyne careysaN oo isugu soo baxay magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo ku qaylinayay erayo ka dhan ah Somaliland, gaar ahaaM madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in rabshadahan ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow aan la xaqiijin tirada rasmiga ah dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinaya in dibad-baxayaashu ay Calanka Khaatumo ka taageen waddooyin kamid ah magaalada Ceerigaabo.

Mid ka mid ah dadka dhigayay dibad-baxa ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidamada Somaliland, wuxuuna sheegay in nabadda faraha ka baxday, sida uu hadalka u dhigay.

“Reer Sanaagow waxaan idin sheegeynaa nabad innoo xiran caawa ma jirto nin walbaa ciddii uu ahaa ayuu noqonayaa,” ayuu yiri mid kamid ah dibad-baxayaasha.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Haddaba Muusow waxaan ku sheegeynaa waxaa la dooneysay Ceerigaabo waa ka dhaceen”.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana bartamaha magaalada Ceerigaabo lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa booliska Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Si kastaba, horay rabshado kuwaan lamid ah waxay uga dhaceen Boorama oo todobaadkii hore laga taagay Calanka Soomaaliya, waxaana kasii horreysay Laascaanood oo arrinteeda isku beddashay dagaal toos ah oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada SSC.

Daawo: Xasan oo wacad ku maray arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadayo masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee ku kaca xatooyo dadweyne.

Madaxweynaha oo Jimcihii khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa waxa uu dalbaday in aan lasoo daba kicin qofkii loo xiro arrimo la xiriira musuq-maasuq, xilli ay Golaha Wasiiradda ay meel-mariyeen qaraar door muhiim ah ka qaadanaya la-dagaalanka musuqa.

“Qofka dowladda ka tirsan mustawe kasta ha jooge ee masuuliyadaas siday tahay u gudan waaya qaanuun ayaa degan, dowladdu waa qaanuun iyo sharci, tallaabo ayaa laga qaada sharciga waafaqsan oo wuxuu sharcigu ku xukumo ayuu helaya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Adiga muwaadin hasoo daba kicin, tuug hadduu yahay wuxuu mudan yahay ayaa la marsiin inta ciqaabtiisu le’eg tahay laakiin ha daba cararin, waa la xiray macnaheedu waa la dilay ma ahan, waa loo yeeray oo su’aalo ayaa la weydiinaya macnaheedu in la sharaf tiray ma ahan, haddii uu sharaf laheyn adiga yuusan ku sharaf tirin, haddii sharaf leeyahayna mid ka weyn uu yeelana.”

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in caqabadaha jira ee dowladnimada Soomaaliya ka kori la’dahay ay qeyb ka tahay in nabadoonada ama madaxda qaar ay keensadaan qof aysan aqoon shaqsiyadiisa, kaliya ay boos ula rabaan inuu ku qabiil yahay keliya.

“Qof macrifada iyo aqoonta u leedahay ay tahay in aad qaraabo tihiin isku qabiil tihiin oo isku jufo tihiin inta gacanta kasoo qabato ha dhihin qofkaan ha la ii meeleeyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha sheegay inay ka go’an tahay dhaqan-gelinta qaraarka xukuumadda ee lagula dagaalamayo musuq ee Khamiistii ay meel-mariyeen Golaha Wasiiradda XFS.

“Xukuumadda waa dhaqan-gelinaysa ee waa in lagu kaalmeeyo oo lagu garab istaago inuu dhaqangalo, waa dowladnimadii oo qeyba mar taajinayo, halmar ma wada taajin karno.”

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

Muxuu yahay heshiiska ay gaareen Soomaaliya iyo Sacuudiga?

0

Jidda (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo haatan ku sugan magaalada Jidda ayaa kulan la qaatay maamulaha guud ee sanduuqa horumarinta Sacuudi Carabiya, Suldaan Cabdiraxmaan Al-Marshad.

Kulanka oo ahaa mid miro dhal ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka deyn cafinta, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray wasiirka maaliyadda

Labada dowladood ayaa ku heshiiyay in dib loogu dhigo deyn cafinta, isla-markaana ay iska kaashadaan sidii horumar loogu sameyn lahaa tallaabooyinka hortebinta leh.

Sida lagu caddeeyay qoraalka heshiiskan cusub ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada bixinta deynta si loo helo fursado dowlada u suuragalineysa inay ku hirgeliso qorshaheeda.

“Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta” ayaa lagu yiri.

Dhanka kale Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa la filayaaa inuu ka qaybgalo shir sanadeedka wasiirada dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku jirtoSoomaaliya.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka, horumarinta arrimaha dhaqaalaha iyo in la dhageysto waddamada taageerada u baahan.

Heshiiska ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa kusoo aaday, xilli muhiim ah, isla-markaana Somalia ay meel wanaagsan ka gaartay barnaamijika deyn cafinta, maadaama ay qaaday dhowr tallaabo oo muhiim ah, taas oo si weyn loogu boggaadiyay.

Si kastaba, Sacuudiga aya kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhaqaalaa iyo arrimaha bani’aadanimada.

Wararkii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Erdogan oo ah madaxweynaha ugu awoodda badan dalka Turkiga taladana haya, ayaa dagaal adag kula jira mucaaradka, oo isaga doorashada dhacaysa bari ay si adag ugu loolamayaan.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah ninka ay sida weyn ay u xifaaltamaan, ayaa jimcihii kasoo hor muuqday dad badan oo taageersanaa, oo ay garab taagnaayeen isbahaysiyo ka kala socday dhinacyada siyaasadda, oo si aan horay loo arag isugu soo baxay.

Markii uu roobku ka da’ay magaalada Ankara, ayaa wuxuu wacad ku maray Kemal inuu soo celin doono “nabadda iyo dimuqraadiyadda dalka Turkiga”.

Ninka uu doonayo in codbixiyeyaashiisu ay xilka ka tuuraan Kemal 20 sano ka dib ee – Recep Tayyip Erdogan – ayuu sheegay inuu Turkiga xukunkiisa uu ku dheereeday.

Waxaa jira caqabado badan oo ay ka mid yihiin dhaqaale xumo, sicir barar baahsan, iyo musiibadii dhacday bishii February ee labada dhulgariir.

Isagoo 74 jir ah, hogaamiyaha mucaaradka, ayaa inta badan lagu tilmaamaa inuu yahay qof dabacsan.

Laakiin wuxuu khudbad aad u weyn u jeediyay dadweynihii daawanayay, oo aaminsan in tani ay tahay rajadooda ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda, oo ay dib ugu soo celin karaan awoodda madaxweyne Erdogan, uu ka qaaday baarlamaanka.

ISHA BBC.

Muqdish oo maca-salaameynaysa ‘xiriir sameyso iyo kala wareeg’ iyo arrinta bedeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo sanado badan wajaheysay culeys dhanka amniga ah ayaa xilligaan waxaa laga dareemaya deganaan iyo inuu soo hagaagayo amniga caasimada, taasi oo keentay in meesha ka baxdo ereyo caan ka noqday gudaha Muqdisho, kuwaasi oo ahaa “xiriir sameyso iyo kala wareeg”.

Ereyadan ayaa ahaa kuwa ugu badan ee dadka gawaarida wata ay kala kulmi jireen askarta joogta bar-kontaroolada Muqdisho, hase yeeshe xilligaan waxaa bedeshay in baaritaan si dhameystiran loogu sameeyo gaadiidka ay wataan dadweynaha, ayada oo intaas kadib usii gudbi karo goobtii uu u socday, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Baraha kontarool ee laga soo galo magaalada macquul ma aheyn xilligii hore inaad soo gasho, gaar ahaan marka u gudubto degmooyinka Yaaqshiid, Warta-Nabadda, Madiino iyo Kaaraan.

Ciidamada cusub ee loogu tala-galay xasilinta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, gaar ahaan kuwa hay’adda NISA ayaa waxay u muuqata inay wax badan ka badaleen dhaqamadaasi, ayada oo baaritaano kadib aad u gudbeyso meelaha aad u socotid.

Dhamaan Kantoroolada caasimada, ciidanka nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA aya waajibaadkooda gudanaya, iyaga oo baaraya gaadiidka ay wataan dadku si looga taxadaro qaraxyada iyo falalka kooxaha argagixisada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilihii dambe ka yaraaday qaraxyadii iyo dambiyadii kale ee lidiga ku ahaa nabadda iyo xasilloonida, taasi oo ku timid iskaashi dhex-maray ciidamada amaanka iyo dadka shacabka oo hore dhaka-faar ugu rideen kooxaha argagixisada.

Dadweynaha ayaa sidoo kale ka marag kacay in ciidanka cusub ee caasimadda ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda, taasi oo lagu diirsaday.

Sidoo kale waxaa muuqata inay muddooyinkii dameb laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kal hore ballan-qaaday inay xoog badan galinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda.

Xog: Arrinta ka dambeysa weerarkii uu M/Weyne Saylici ku qaaday xukuumaddiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa Arbacadii weerar culus ku qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay hagratay dadka reer Awdal.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa xilligaas waxa uu ku eedeeyay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi inay indhaha ka qarsatay xaqiiqada ka jirta gobolka, islamarkaana uu tabashada la qabo dadka reer Awdal, xilli ay dadweynaha reer Boorama ay rabshado horleh ka dhigeen magaalada.

“Aniga ayaa qirsan in reer Awdal ay wax ka maqan yihiin oo ay Somaliland hagratay anaa qirsan. Xisbiga aan madaxweyne ku-xigeenka ka ahay ee Kulmiye waa xisbiga horumarka ugu badan dalka galiya lakiin howshaa reer Awdal way ka qatan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Saylici ayaa waxa kale oo ka dhawaajiyay in magaalada colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood ay heli jirtay in ka badan miisaaniyadii loogu talo-galay mid ka badan oo ay garan waayeen, “inta badan Boorama waxaa lagu haleeyay hay’addaha uun, maadama ay nabad tahay.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu khilaaf xooggan soo kala dhex-galay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isagu la sheegay inuu isku soo koobay maamulka.

Saylici iyo Biixi oo khilaaf huursan uu ka dhaxeeyay ayaa waxa uu sii kululaaday kadib markii ay isku qabteen cidda buuxineysa jagada wasiirka maalgashiga oo banaanatay kadib markii Aamina Cilmi Fariid ay kamid noqotaya Golaha Wakiiladda.

Muuse Biixi ayaa shalay buuxiyay jagada wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Somaliland, taasi oo imaneysa maalin un kadib hadalka kasoo yeeray madaxweyne ku-xigeenka, oo isagu ku sugan magaalada Boorama.

Labada nin ayaa sidoo kale isku fahmi waayay maareynta tabashada reer Awdal ee saami-qeybsiga, taasi oo taagnay illaa xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye, ayada oo waxba kasoo qaad uu ka dhigay Muuse Biixi soo jeedino dhowr ah oo arrintaas uu ka sameeyay Cabdiraxmaan Saylici.

Saylici ayaa sanadihii dambe waxay isa-seegeen bulshada uu metelo, oo ayagu tabashooyin isbiirsaday ka qaba xukuumadda uu madaxweyne ku-xigeenka ka yahay, waxaana loo arkayay mid aan saameyn ku laheyn xukuumadda iyo waxa ka socda, kahor inta uusan Arbacadii u xaal waramin reer Awdal.

Weerarka Saylici ayaa waxa uu si shaacsan banaanka usoo saaray khilaafka mudada huursana ee kala dhaxeeya Muuse Biixi, kaasi oo meel sare gaaray, ayna xukuumadda uu hoggaamiyo Biixi isku dayayso inay hoos u dhigto, xilli ay xiisadda xoogan uga furan tahay gobolka Sool, uuna dagaal ka socdo magaalada Laascaanood.

Si kastaba, Qirashada Saylici ee tabashada siyaasaddeed ee muddo soo jirtay ee qabaan reer Awdal iyo gobollada Galbeed ayaa waxay imaneysa xilli ay maalmo kahor ay rabshado horleh ka dhaceen magaalada Boorama, taasi oo looga soo horjeeday dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal.

Cosoble oo macno yaab leh u sameeyay dagaal ay ku dhawaqday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday ee ka dhanka ah musuq-maasuqa, iyada oo shalay Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

Cali Cosoble ayaa waxa uu ku tilmaamay dagaalkan ay ku dhawaaqday dowladda ee lagula dagaalamayo musuqa inuu la macno yahay ayada oo la dhaho Al-Shabaab ayaa argagixisada la dagaalameysa, “Kuwii wax musuq-maasuqaayay ayaa leh waa in musuq-maasuqa lala dagaalo.”

“Shacabka wax ma musuq-maasuqo ee dowladda ayaa wax musuq-maasuqda, ayadaana leh waan la dagaalameynaa. Taasi sow la macro maaha Shabaab ayaa argagixisada la dagaalameysa. Waa dhurwaagii yiri ariga anaa ilaalinaya,” ayuu yiri Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble.

Waxa uu sheegay in dagaalka musuqa ee ku dhawaaqday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mashruuc laga gadayo caalamka, ee uusan aheyn mid loogu dhimrinayo shacabka la baartay, sida uu hadalka u dhigay.

“Kolley cidda warkaas la maqashiinayo ma ahan shacabka ee waa kuwa loo tuugsi tagayo. Shacabkana wuxuu og yahay hal booli ah ineysan dhali karin nirig xalaal ah.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Haddii dalka la keeno mashiinka la yiraahdo “lie detector” waxaan hubaa hal qof oo madax ah inuusan ka badbaadeyn xabsi.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka qorsheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuqa, kaasi oo loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

‘Saciid DENI waxa uu DF u mucaaradsan yahay kadib markii uu waayay…’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafar Xasan Xaange oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa sheegay in Saciid Deni uu ka carooday waayitaanka damaciisa dowladda dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynaha Puntland u mucaaradsan yahay dowladda federaalka ay tahay kadib markii uu waayay jagaada ra’iisul wasaaraha, oo uu hadda ku fadhiyo Mudane Xamza Cabdi Barre.

“Siciid Deni wixii ka dambeeyay doorashadii Afisyooni wuxuu olole u galay kursiga ra’iisul wasaaraha. Hankaas iyo rabitaankaas waad la socotaan oo way hubgoobeen,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland uu yahay mid uu gacantiisa u sameeyay Deni, kadib markii uu waayay wixii uu rabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Maalinta uu kursigaas waayay ayuu Siciid Cabdullaahi Deni dhexda u xirtay inuu khilaaf ka dhex abuuro maamulka Puntland iyo dowladda dhexe oo ah in uusan la shaqayn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Xaange.

Wasiir Xaange oo kamid ah xildhibaanada lagasoo doortay Puntland ayaa waxa kale oo uu sheegay in Saciid Deni uu beesha caalamka iyo hay’addaha deyn cafinta Soomaaliya uu ka gaday in aysan dowladda dhexe wada-shaqeyn la laheyn, taasi oo uu ku wiiqayo hanaanka deyn cafinta oo maraya meel wanaagsan, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in madaxweynaha Puntland uu kaligii ku yahay khilaafka dowladda federaalka, islamarkaana ay reer Puntland aysan ku raacsaneyn, isaga oo tilmaamay in xiisad abuurka Deni uu ku saleysan yahay danihiisa gaarka ah uu ka dhex wayay.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay xiisad siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, iyada oo hadal kulul ay hawada isku mariyeen madaxda sare ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

DF iyo dalalka safka hore oo kulan xasaasi ah ka yeeshay wejiga labaad ee dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa kulan xasaasi ah maanta ku yeeshay xarunta ciidanka howl-galka wada-jirka ah ee dowladdaha safka hore oo ay kamid yihiin Soomaaliya Ethiopia, Kenya iyo Djibouti

Kualanka ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha ciidanka howl-galka wada-jirka ah ee dowladaha safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, safiirka dowlada Kenya u fadhiya Soomaaliya Amb. Thomas Chepkuto iyo saraakiil katirsan ciidanka XDS iyo ciidanka Kenya.

Kulanan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo wejigiisa labaad uu bilaabanayo dhawaan, kaasi oo dhinacyadan ay iskaashanayaan sidii loo wiiqi lahaa awoodda gudaha Soomaaliya ee kooxda.

Kulankan ayaa waxa uu daba socda kulamo dhowr ah oo muddooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho ku yeelanayeen Soomaaliya iyo dalalka safka hore,  kuwaasi oo qeyb ka ahaayeen saraakiil militari oo ka socotay dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla gorfeeyeen sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.

Qorshe uu horjooge sare oo Shabaab ah ka wado Ceelbuur oo fashil wajahaya – Xog

Ceelbuur (Caasimada Online) – Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale oo madax u ah Shabaab-ka ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu muddooyinkii dambe waday qorshe uu hubka kooxda ugu wareejinayo odayaasha dhaqanka, xilli uu socdo abaabulka howl-gal lagu xoreynayo degmadasi.

Horjooge Gaagaale ayaa waxa uu qorshihiisan wajahaya fashil, kadib markii ay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Ceelbuur iyo nawaaxigeed ay diideen inay hubka kala wareegaan Shabaab-ka halkaasi ku sugan, maadaama uu horjoogahan qorshihiisa qeyb ka tahay in hubkaas dib loogu soo celiyo gacanta kooxda, sida lagu yiri xog ay baahisay warbaahinta dowladda.

Warbixinta dowladda ayaa waxaa lagu yiri “Degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa odayaasha dhaqanka waxay ka biyo diideen isku day ay horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab ay ku doonayeen hubka Al-Shabaab deegaannadaas ku haystaan beelaha loo dhiibo marka la doonnano laga qaato.”

Horjooge Gaagaale ayaa kulan uu odayaasha dhaqanka qeybo kamid ah Ceelbuur kula yeeshay deegaannada Garable, Xiindheere, Xagareey iyo Ceelgaras ayaa waxay odayaasha si gaar gaar ah uga diideen in ay kala wareegaan hubka Shabaab-ka Ceelbuur horjooge Gaagaale.

Horjoogahan ayaa lasoo wariyay inuu doonayo in odayaasha la ciyaaro turub ah in hubka ku wareejiyo, iyada oo xubnaha u muuqdan in aysan hadda qorshaha ugu jirin inay dagaal toos ah la galaan ciidamada huwanta ee kaabiga ku haya degmada Ceelbuur iyo hareeraheeda.

Odayaasha dhaqanka ayaa go’aankooda waxay u cuskadeen in aysan xilligan diyaar u ahayn in magac hubka Shabaab u saariyaan beeshooda, sidaasi darteedna haddii uu doonayo Gaagaale wada-hadal la galo dowladda ama isaga tago deegaanka.

Gaagaale oo ka biyo diidan dalabka odayaasha dhaqanka ayaa waxaa lasoo warinaya in markale isku dayayo inuu Xiin-dheere iyo Xagaleey tago oo odayaal ku kala sugan deegaanadaas ku qanciyay in hubkii Al-Shabaab ee Gaagaale gacanta ku hayay ku wareejiyo odayaasha dhaqanka ee ku abtirsada Ceelgaras.

DF ayaa hore u baahisay in Shabaab-ka ku sugan Ceelbuur ay go’aankaasi qaateen kadib markii lagu go’aamiyay in hubkooda wareejiyaan kulan ay kooxda iyo odayaasha deegaanka ku yeesheen gudaha degmadaasi, inkasta oo odayaasha ay markii dambe diideen shuruuda ay ku xireen arrintaasi, oo ah in markale hubkaasi usoo laabto kooxda.

Kulankaas ayaa markii hore lagu gaaray in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Ceelbuur lagu amray inay shacabka ku dhex milmaan, halka horjoogayaasha sarena ay iskaga baxayaan deegaanka inta uusan soo gaarin duulaanka ciidamada huwanta ee iskaashanaya.

Marka laga imaado warbixinta dowladda ay sii deysay, waxaa muddooyinkii dambe ay kooxdu isku aruursaneysay degmada Ceelbuur, halkaasi oo ay uga arrinsanayeen doodda ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan, kaasi oo markii hore khilaaf ka dhex abuuray xubnaha kooxda.

Hase yeeshe, waxaa hadda muuqata in ugu dambeyntii ay kooxdu go’aansatay inay ciidamada iskaashanaya ee duulaanka kusoo ah aysan kula dagaalamin gudaha degmada, xilli ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan Ceelbuur.

Arrimaha niyad-jabiyay Al-Shabaab ee ku riixay go’aankan ayaa la sheegay inay kamid yihiin guuxa dadka deegaanka oo lasoo wariyay inay ka gaabsadeen in kooxda la fal-galaan waayahan dambe ama siiyaan ballan-qaad ah in dagaalka ay la gali doonaan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa Ceelbuur ka talineysay tobankii sano ee udambeysay, waxayna mudadaas la kulantay degmadan taariikhiga ah dib u dhac weyn. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka.

DF Somalia oo shirweyne caalami ah uga qeyb-gashay Shiinaha

0

Beijing (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb-galay shirweynaha caalamiga ah ee ”Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”.

Shirweynahan oo ay si wada-jir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax iyo aqoon-yahano ka kala socda dalalka Shiinaha iyo Afrika.

Furitaanka shirka, waxaa khubd dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isaga oo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba.

Danjiraha ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan arrimaha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhaxeeyo.

”Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana markaas kadib aas-aasnay wada shaqeyn ku saleysan ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi udub-dhexaad illaa iyo hadda u ah xiriirka labada dal,” ayuu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka.

Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shiinaha-Afrika “China-Africa Institute” (CAI) iyo Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha Chinese Academy of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalamiga ah ee daraasaadka caalamka ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika.

Xasan Macalin: Qofna ku baxsan maayo inuu yahay sarkaale sare haddii uu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Macalin ayaa shaaciyay in dagaalka musuq-maasuqa ka dhanka ah ee ay bilaabeyso dowladda federaalka Soomaaliya aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in musuq-maasuqa uu yahay caqabadda ugu weyn ee horseedi karta burburka ku yimaada horumarka dadka iyo dalka.

“Qofna laguma dulminayo in uu yahay sarkaal hoose, qofna kuma baxsanayo in uu yahay sarkaal sare marka howshu joogto musuq-maasuq,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha garsoorka XFS Mudane Xasan Macalin

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu xusay in musuq-maasuqa ay u arkaan caqabad dhaqaale “oo wiiqi kara horumarka dadka iyo dalka,” sidaas darteed ay dowladda ka go’an tahay in la si dhab ah loola dagaalamo.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka qorsheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo shalay Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka.

Qaraarkan ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha.

Sidoo kale waa mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Daawo: Wasiiro ka tirsan DF oo tegay Bakaaro xilli uu soo hagaagayo amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay suuqa  Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Wasiiru-dowlaha amniga gudaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, xilli uu amniga caasimada soo hagaagayo bilihii ugu dambeeyay.

Maxamed Cali Xagaa iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa waxa u kuur-galeen xaaladda suuqa weyn ee Bakaaraha, ayaga u kuur-galay amniga suuqa, iyaga oo kormeer ku maray qeybaha suuqa, oo markii hore ay canshuur ka qaadi jireen kooxda Al-Shabaab, taasi oo inta badan meesha laga saaray xilligaan.

Wasiiraddan ayaa waxay kasoo dukaameysteen dukaamada kala duwan ee ganacsi ee ku yaalla suuqa Bakaaraha, iyaga oo intaas kadib usii gudbay dhanka isgoyska Balaksi, halkaasi oo ay kula kulmeen dhalinyaro waqti ku qaadanayay hoteel ku yaall halkaasi,

Bulshada caasimada ayaa dowladda iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ku bogaadiyay isbeddelka amniga ee magaalada Muqdisho, kaasi oo horseeday in xubno wasiiro ah ay kormeer ku tagaan suuqa Bakaaro, oo markii hore ay adkeyd inay tagaan halkaasi.

Wasiiradan oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka qaranka ayaa usii jiheystay warshada weyn ee warshadaha ayaga oo socdaal ku tegay deegaanka Daaru-salaam iyo beerta deegaankaas oo boqolaal dad ah u dalxiis tageen.

Amniga caasimada ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, ayada oo ciidan cusub lagu biiriyay kuwii hore ugu sugna, illaa saddex kun oo askari oo lagu soo tababaray waddanka Uganda ayaa la geeyay degmooyin ku yaalla daafaha magaalada, si ay banaanka uga ilaaliyaan caasimadda.

Dadweynuhu waxay sheegayaan in ciidanka cusub ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda. Daafaha magaalada Muqdisho ayaa loo xil-saaray in aanay argagixisada kasoo tallaabin.

Sidoo kale ciidanka dharcadka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa aad loo kordhiyay sida aan xogta ku helnay, kuwaasi oo toos u dhex galay shacabka, iyada oo masuul looga dhigay amniga qeybta loo bixiyay aagga koowaad ee caasimadda.

Booliska ayaa sidoo kale muujinaya fir-fircooni intii hore ka badan. Waxaa muuqata inay laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kal hore sheegay inay xoog badan galinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda.

Hoos ka daawo

Guudlaawe oo qaaday tallaabo la xiriirta xaaladda adag ee ka taagan Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa guddi gaar ah u magacaabay fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddigan oo madaxweyne Guudlaawe u xilsaaray gurmad deg deg ah in la gaarsiiyo qoysaska uu saameynta xooggan ku yeeshay Wabiga Shabeelle ee karkaarada ku jabsaday xaafadaha magaalada Baladweyne iyo sidii loo gacan qaban lahaa qoysaska barakacay.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Caasho Khaliif Maxamed, halka Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo ah wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamulka looga dhigay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Xubnaha guddigan ayaa waxa uu madaxweyne Guudlaawe kusoo daray guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, maadaama gobolkaas uu maro Webiga Shabeelle, uuna dhowr jeer fatahaad ka sameeyay deegaano ka tirsan.

Guddigan oo u badan wasiiro ka tirsan xukuumadda dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa waxaa sidoo kale xubin ka ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, si gargaar loogu raadiyo xaaladda adag ee ka taagan magaalada Beledweyne kadib markii ay guryahooda isaga barakaceen dadkii deganaa.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Arbacadii kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, iyada oo madaxweynaha iyo masuuliyiin uu horkacayay ay socod ku mareen buundada nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada.

Halkaasi oo barakac baahsan uu ka socday maalmihii dame, iyada oo wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid ah dadkii deganaa magaalada oo ay saameeyeen fatahaadaha.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyada oo magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha.

Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

DF ‘oo lumin karta taageerada reer Hiiraan ee dagaalka Al-Shabaab’ + Sababta

Beledweyne (Caasimada Online) – Dadka magaalada Beledweyne waxay maalintii shanaad dhex jiifaan biyo, fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle ayaa sababtay burbur hanti iyo barakac bulsho. Kumanaan dad ah ayaa banaanka uga baxay magaalada oo biyuhu xarqiyeen.

Reer Beledweyne waa umad guryo leh haddana sanad walba isla magaaladoodii barakac ku noqda. Fatahaadan ma geysan illaa iyo hadda sida la sheegay khasaare nafeed oo dadka waxay noqdeen kuwa waaya-arag ah oo waa ka baxsadeen biyaha.

Laakiin hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe wuxuu xaqiijiyay in raashinkii iyo waxyaabihii aas-aasiga u ahaa nolosha bulshada in biyuhu qaadeen, dadkuna ay hadda rafaadsan yihiin. Dadku maalinkii shanaad qoraxda ayay joogaan, habeenkii afaraadna qabowga ayay ku hoydeen.

Gurmad deg deg ah ayay u baahan tahay Beledweyne. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli bixin wax u qalma gurmadka looga baahan yahay Beledweyne, halka maamulka HirShabeelle isaga lagu eedeynayo in uusan keenin xal mustaqbalka ah oo wax looga qabto fatahaadaha soo noq-noqday iyo in aanay xitaa bixin wax digniin ah.

Waxaa jirtay xilli hore oo la isku dayay in xal waara loo helo dhibaatadan soo noq-noqotay laakiin buuq dhaqaale ayaa hareeyay mashruucaas.

Gobolka Hiiraan wuxuu sanadkaan gundhig u yahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyada oo dadka sidaas u dhiban yihiin waa adag tahay in reer Hiiraan laga helo garab dagaal xilli loo diyaar garoobayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, sidaas awgeed waxaa dowladda federaalka la gudboon ayaa la leeyahay in kaalmo xoog leh ka geysato dhibaatada hadda taagan, si ay suurta-gal u noqoto in reer Hiiraan laga helo garab dagaal.

Nin gurigiisa biyo dhex jiifaan, ilmihiisana qorax maalmeedka iyo qabowga habeenkii kula dhibaatoonayaan banaanka Beledweyne, laguma hayn karo furinta dagaalka haddii aanay dowladda deg deg u qaadan masuuliyad ka baaxad weyn inta hadda muuqata ayay leeyihiin reer Hiiraanka raba in jawaab deg deg ah laga bixiyo dhibaatada taagan.

Hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo tegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee wax haystaba waxa uu ka codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro magaalada Beledweyne.

“Waa dareemi kartaa xanuunka ay leedahay hooyo cunug muluq haysata oo geed hoostiis qorax kula dhaceyso, roobna kula da’ayo oo wax ay siiso haynin haynin xanuunka ay leedahay, waxaa ugu baaqeyna cid kasta oo gacan ka geysan karta ha ka geysato ayaa leenahay,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Xaaladda ka jirta Beledweyne waa xaalad adag ee gacan ha laga geysto, si gaar ahna dowladda dhexe ayaa ugu baaqeyna inay arrintaan taagan maanta ay si gooni ah iyo il gaar ah ay ku fiiriyaan.”

Isbeddel lama filaan ah oo dhacay saddex maalin kahor doorashada dalka Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga saddexaad Muharrem Ince ayaa Khamiistii isaga haray doorashada aadka la isugu dhow yahay ee madaxweynaha Turkey, taasi oo ah tallaabo lama filaan ah oo sare u qaadeysa fursadda ay mucaaradka ku guuelysan karaan wareegga koowaad.

Ince, oo 59 jir ah, ayaa go’aankiisa ku dhowaaqay kadib markii lagu beegsaday olole online-ka ah oo ay ku jireen sawirro la been abuuray oo muujinaya isaga oo la kulmaya haween islamarkaana ku socda gawaari qaali ah.

Musharraxan calmaaniga ah ayaa helay 30.6 boqolkiiba codadka markii uu madaxweyne Erdogan kula loolamay doorashadii 2018.

Waxa uu kadib ka baxay xisbiga weyn ee mucaaradka kadibna billaabay dhaq-dhaqaaq u gaar ah, isaga oo codadka qaar ka qaatay hoggaamiyaha calmaaniyiinta Kemal Kilicdaroglu oo ah midka ugu xooggan ee la loolamaya Erdogan.

“Waxaan ka harayaa musharaxnimadayda,” ayuu Ince u sheegay weriyayaasha kahor doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee Axadda. “Tan waxaa u sameynayaa dalkayga.”

Ince ayaa waxa uu weerar xooggan kala kulmay mucaaradka sababo la xiriira inuu ku biiray ololaha doorashada laba bil kahor cod-bixinta.

Dadka dhaliila ayaa u arkay musharax arbushaad wada oo gacan ka gaysan karay in mar kale dib loo doorto madaxweyne Erdogan oo awoodda Turkey haystay tan iyo 2003.

Ince ayaa ku dooday inuu cod-bixiyayaasha siinayey beddel ka wanaagsan Kilicdaroglu oo 74 jir ah, islamarkaana diiwaankiisa doorashooyinka qaran uu aad u liito.

Go’aanka Ince ayaa u muuqday inuu mid lama filaan ah ku noqday madaxweyne Erdogan oo 69 jir ah.

“Mid ka mid ah musharaxiinta ayaa haray. Macquul ma ahan in la fahmo sababta ay tan u dhacday. Dhab ahaantii, aad ayaan u murugsanahay,” ayuu yiri Erdogan oo taageerayaashiisa kula hadlay Ankara.

“Way fiicnaan laheyd inuu sii wado ololihiisa.”

Cod-bixintii ugu dambeysay ee ra’yiga ayaa muujineysa in Kilicdaroglu uu waxyar ka horreeyo Erdogan balse uusan gaarin 50 boqolkiiba, taasi oo ay tahay inuu gaaro si uu u guuleysto wareegga koowaad, oo aan loogu baahan wareeg labaad.

Rajada madaxweyne Erdogan ayaa waxaa caqabad ku noqday xasaradihii dhaqaale ee ugu xumaa ee Turkey asiiba tan iyo sagaashamaadkii iyo dhul-gariirkii ku dhuftay dalkaas bishii Febraayo, oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof.

Mucaaradka ayaa hadda u mideysan sidii ay uga adkaan lahaayeen Erdogan.

Isbaheysiga ka kooban lixda xisbi ee uu hoggaaminayo Kilicdaroglu ayaa waxaa ka jira dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xubno horey xulufo la ahaa Erdogan.

AFP + VOA

CAWAD oo si weyn u dhaliilay madaxda sare ee DF iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si weyn u dhaliilay hadallada xanafta leh ee maalmihii dambe ay warbaahinta isku marinayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Cawad ayaa waxa uu sheegay in dhaqankan uusan wax tar u aheyn xaaladda maanta ay Soomaaliya ku jirto, oo u baahan wada-hadal dhab ah iyo in si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo mustaqbalka iyo muuqaalka guud ee Soomaaliya.

“Soomaaliya maanta uma baahna far isku fiiq iyo in hadallo wax kala fogaynaya hawada la isu mariyo, balse waxay u baahan tahay wada hadal dhab ah oo wax taraya iyo in danta dalka iyo dadka si wada jir iyo is fahan leh looga wada shaqeeyo mustaqbalka iyo muuqaalka guud,” ayuu yiri Cawad.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in ismaan-dhaafka ka dhex jira madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland laga gaaro isfahan, islamarkaana ay xilligaan tahay waqtigii wax sixidda iyo dib u qaabeynta dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Federalka Soomaaliya waa dowladdii dalku lahaa, Puntlandna waa degaan muhiim ah oo ay tahay in tix galin weyn la siiyo. Waaxaa lama huraan ah in degdeg danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed si kal furan looga wada shaqeeyo horayna wada jir loogu socdaa is maandhaafka jirana lagu badalaa wada shaqayn iyo is fahan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan ku midaysan nahay ayaa ka weyn waxaa yar ee lagu kala aragtida duwan yahay. Waxaa loo baahan yahay in si ka fiirsi iyo deggenaansho leh mar walba xaaladda dalka loo wajeho caadifadana meel la iska dhigo. Waxaa la joogaa waqtigii wax sixidda iyo dib u qaabaynta dalka guud ahaan.”

Cawad ayaa waxa kale oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadaladda la jarjaray ee sida khaldan baraha bulshada loo wareejinayo, kuwaasi oo uu ku tilmaamay marin habaabin bulsho, xilli ay meel sare gaartay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

“Waa in aan gacmaha isqabsanaa oo nabadda iyo horumarka dalka laga wada-shaqeeyo,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo baaq guud u diray dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda.

Hadalkan ayaa imanaya xilli maalmihii dambe ay warbaahinta isku marinayeen hadallo kulul madaxda dowladda federaalka iyo Puntland, kaasi oo meel sare geeyay khilaafka labada dhinac, kadib markii uu madaxweynaha Puntland uu si shaqsi ah u weeraray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dalka.