28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

MADAALE oo awaamiir culus dul dhigay maamullada degmooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaro cusub dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banadir, kadib kulan ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Madaale oo guddoominayey shirka todobaadlaha ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir ayaa waxa uu faray mas’uuliyiinta kulankan kasoo qeyb-gashay xoojinta wada-shaqeynta laamaha ammaanka, la-dagaalanka maandooriyaha iyo in la gar-gaaro bulshada kuwooda nugul ee caasimadda.

Kulanka ayaa waxa kale oo looga hadlay dar-dar gelinta barnaamijka dariseynta caasimadda, sare u qaadida dakhliga dowladda hoose ee Xamar, amniga bilic soo celinta caasimadda iyo xoojinta wada-shaqeynta Guddiga Khilaafaadka iyo Maamulka Dhulka ee Dowladda Hoose Xamar oo shirkan goob joog ka ahaa.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud, waxaana lagu bogaadiyay isbadalka dhinaca amniga ee ka jira Muqdisho.

Dhinacyada ayaa waxay shirkaan iskula qaateen dar-dargelinta Barnaamijka Dariseynta Caasimadda oo wax weyn ka taraya Amniga iyo ka war-qabka Bulshada.

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay qorshaha ugu haboon ee degmooyinka Muqdisho looga hirgalin karo barnaamijka diriseenta, iyo muhiimada ay Xasiloonida Iyo horumarka caasimadda u lee dahay hirgalinta diriseenta.

Si kastaba, Muddooyinkii dambe waxaa soo hagaagaya amniga magaalada Muqdisho, oo markii hore ay qaraxyada iyo falalka amni darro ay uga dhici jireen si aan kala joogsi laheyn, iyada oo maamulka gobolka oo qeyb ka yahay qorshaha amni ee caasimadda.

Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray tallaabadii Golaha Wasiirrada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray tallaabadii ay maanta qaadeen Golaha Wasiirrada, kaasi oo lagu meel-mariyey qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dallka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu soo dhaweeyay qaraarkaas ay maanta ku ansixiyeen golaha wasiirradu shirkooda todobaadlaha, kaas oo ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha.

Tallaabada Golaha Wasiiradda ayaa waxa uu ku tilmaamay mid looga hortago musuq-maasuqa, loona taabo-galinayo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.

“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan. Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed”

Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Si kastaba, Qaraarkan ayaa ah mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Aadan Madoobe oo QM kala hadlay ‘nooca doorashada soo socota’ + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayo Madaxa Xafiiska Doorashooyinka iyo Dhismaha Nabadda ee Qaramada Midoobay Mudane Serge G. Kubwimana.

Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dalka, Dastuurka KMG ah iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Golaha iyo Xildhibaanada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo ka socday QM ayaa ahmiyada koowaad siiyay doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta nooca ay noqon karto, iyaga oo ka wada-hadlay sidii dalka ugu dhici laheyd doorasho ka duwan midii hore loo soo arkay.

Madaxda QM iyo UNDP ayaa xusay in guddoomiyaha Golaha Shacabka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta baarlamaanka, tayeynta aqoonta shaqaalaha Golaha iyo xildhibaannada.

Sidoo kale waxay ballan-qaadeen in ay gacan ka geeysan doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharuucda muhiimka u ah dalka.

Wafdiga QM ayaa waxaa qeyb ka ah Marwo Mikyong Kim, oo ah Xafiiska Siyaasadda Doorashooyinka, La-Taliye Sare ee Gobolka ee arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta Dowlad-wanaaga ee UNDP Mudane Luis Martinez betanzos iyo Mudane Walter Lotze oo ah Madaxa Bariga Afrika ee Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda ee QM.

Dhawaan unbay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaca ka qaaday in dowladiiisa ay ka go’an tahay in dalka laga xureeyo Al-Shabaab, kadibna ay hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, sanadka 2026-ka.

Madaxweynaha ayaa xilligaasi waxa uu hoosta ka xariiqay in mar kale aan dib loogu laaban doonin teendhada Afisyooni doorashooyinkii ugu dambeeyay ee dalka lagu qabtay.

Dowladda federaalka Soomaaliya qorshuhu yahay in ay haatan bilaabaan, si looga mara dhaliyo go’aanka madaxweynaha ee ku aadan doorashada 2026-ka.

CC Shakuur oo si cajiib ah uga hadlay khilaafka Deni iyo Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa si cajiib ah oo maldahan uga hadlay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo maalmihii dambe hadallo xanaf leh isku marinayay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan carab baabin labada nin ayaa sheegay in qofka mas’uulka ah looga baahanyahay inuu markasta u hadlo si aqlaaqle ah, isla-markaana uu noqdo ikhyaar. Dad badan oo qoraalkan ka falceliyay ayaase sheegay inuu ula jeedo madaxweyne Saciid Deni oo ay is hayaan dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay khalad tahay in lagu xad-gudbo qofka xilka hayo, isla-markaana la aflagaadeeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Siyaasigu waa in uu sariigtaa, hadalkiisa sarbeebaa haddii uu dhaliil jeedinayo, ama uu ka falcelinayo mid loo jeediyey, dhaliishu waa in ay ficilka iyo kartida hawl gudasho ku ekaataa oo aysan beegsan shakhiga cirdigiisa, muuqiisa ama dadnimadiisa.” ayuu yiri CC Shakuur.

Halkan hoose ka aqriso:-

Masuuliyad akhlaaqi ah ayaa saaran siyaasiga in uu ku hadlo luqadda asluubaysi iyo ikhyaarnimo hadal leh (decency and civility), kana fogaado hadal suuqeedka, iyo wax kasta oo dhiilo iyo colaad hurin kara, ama damqinaya dhaawacyada aan weli bogsan ee bulshadeena colaadda ka soo kabanaysa.

Waa laga yaabaa in ay kugu hareersan yihiin kuwo aan runta kugula dhiirran karin, kuwo kuu durbaan tumaya ama xigto xamaas kuugu sacaba tumaysa, laakiin waxay ku egtahay inta aad xilka hayso.

Waa faham qaldan in xilka iyo xafiiska dawladda loo qaato in shakhsi ama reer leeyihiin. Dawladda dadkaa wada leh, ruuxii xafiis dan guud hayana waa in uu karti iyo dulqaad u yeesho dhaliisha loo jeedinayo, doodaha laga horkeenayo, xanta iyo dicaayadda laga fidinayo.

Taa macnaheedu maaha in masuulka xilka haya lagu xadgudbo oo aflagaado lafagaar ah lagula kaco.

Siyaasigu waa in uu sariigtaa, hadalkiisa sarbeebaa haddii uu dhaliil jeedinayo, ama uu ka falcelinayo mid loo jeediyey, dhaliishu waa in ay ficilka iyo kartida hawl gudasho ku ekaataa oo aysan beegsan shakhiga cirdigiisa, muuqiisa ama dadnimadiisa.

Nasiibdaro, dalkeenu ma laha hay’addo dhisa kaadirka siyaasiga ah, mana jiro halbeeg lagu baadi sooco hibada, hawlkarnimadda iyo hufnaanta siyaasiga. Dunida kale siyaasigu wuxuu ka soo dhex baxaa hay’addo siyaasadeed, wuxuuna soo maraa tijaabooyin, iyo loollan adag oo dadku ku bartaan dunta iyo dadnimada siyaasiga.

Soomaaliya way fuddudahay in aad sallaanka siyaasadda dusha sare ka fuusho, degdegna kaga degto, waa halkii uu Abwaan Hadraawi ka lahaa;

“Rag siyaasi wada-noqoy

Wada-furey sil-siladaha,

Hadba taanu suurayn

Yidhi anigu bal aan saxo”

Waa waxa keenaya in siyaaga Soomaaliyeed isagoo og in uu xilka muddo kooban haynayo uu haddana xukunku miyir la’aan ku ridayo, damaca shakhsiga ahna kaga faa’iidaysto kicinta iyo kala irdhaynta shacab ay diin, isir, iyo dal mideeyaan, iyo bulsho is mudan, isku masiir ah,  meelna u kala kacaynin.

Waa waxa keenaya in siyaasigeenu garan waayo  in xilku uusan kugu soo kordhinaynin dadnimo, balse uu duntaada dibadda soo dhigayo.

Waa waxa keenaya in siyaasiga markii uu xil la’aanta yahay uu akhyaar yahay, laakiin haddii uu xukun iyo xil arko uu dabeecad kale la soo baxayo, halka kii shalay kursiga fadhiyey ee laga harsan la’aa markii uu xilka ka soo dego xikmad socoto yahay.

DF oo iclaamisay dagaal kale oo weyn + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta qoraal kooban saaray ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay qorsheneyso inay qaado dagaal kale oo weyn, xilli ay haatan dagaal milari kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka socda gobollada Soomaaliya.

Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay ku howlan tahay bilaabida howlgal lagula dagaalamayo musuqa, islama-markaana lagu ilaalinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

“Dawladdu waxa ay bilaabaysaa Dagaal kale oo Aad u xoogan kaas oo lagula dagaalamayo musuqa laguna ilaalinayo Hufnaanta iyo isla xisaabtanka” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu isla xiriiriyay musuqa iyo Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inuu dilaa yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan shaqsiyaad u hadla ama u dooda musuq-maasuqa iyo dadka sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Musuqu waa dilaa u shaqeeya Khawaarijta iyo kuwa u hadla!” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, siyaasiga Cali Yare Cali oo ay si weyn isku hayaan Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa ka falceliyay qoraalkiisa, isaga oo ku tilmaamay mid la yaableh

“Warkii ugu yaabka badnaa. Malaha warkale ayuu qori rabay.” ayuu ugu jawaabay Cali yare oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir.
Soomaaliya ayaa marka hore laga hadlayo musuqa, waxay ku jirta waddamada uu la dagay, ayada oo kaalmaha u hooseeya ga gashay liiska sanad kasta lasoo saaro.

Sarkaal sare iyo CIIDAMO kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC-Khaatumo

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta sarkaal sare iyo ciidamo uu wato oo kasoo goostay Somaliland lagu soo dhaweeyay nmagaalada Laascaanood oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka SSC.

Sarkaalkan ayaa lagu sheegay inuu hadda ahaa Abbaan-duulihii Qeybta 7-aad ee ciidamada Somaliland, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale waxaa la socday ciidamo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo toos ugu biiray SSC-Khaatumo oo haatan dagaal kula jirta milatariga Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka is dhiibay uu ka mid ahaa ciidamadii uu hogaaminayay Mahad Cambaashe ee bilo kahor laga saaray gudaha magaalada Laascaanood.

Sida aan xogta ku helnay waxa ay sarkaalkan iyo ciidamadiisa ay haatan kasoo baxeen xero ay ku lahaateen deegaanada Samakaab iyo Yagoori oo ay muddo dheer joogeen.

Ciidamadan usoo goostay dhanka SSC ayaa ka mid noqonaya askar maalmihii u dambeeyay ku biireysay ciidanka dadka degaanka, ayaga oo kasoo baxay Somaliland.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan arrinta ciidamadaas uga soo goostay dhanka SSC oo dagaal kula jirta maamulkaasi.

Ma’aha ciidamo oo kaliya waxa isa soo dhiibaya, waxaana kamid ah mas’uuliyiin sar sare oo uu ugu dambeeyay Daahir Maxamed Axmed oo ahaa madaxa waxbarashada gobolka Sool ee Somaliland, kaas oo shalay ku biiray SSC-Khaatumo.

Ninkan ayaa sidoo kale lasoo goostay gaadiid dagaal oo ay lahayd Somaliland, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ay sheegayaan in ciidanka labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan duleedka magaaladaas.

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha.

Ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay qaraarkan ayaa tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Sidoo kale shirka maantra ee golaha wasiirada ayaa waxaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Waxaa sidoo kale isla maanta shirka golaha lagu ansixiyey heshiis is-afgarad dhinacyada caafimaadka iyo shaqo abuurka  oo u dhexeeya Soomaaliya  iyo Qatar iyo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Dhammaan sharciyadaan ayaa waxaa toos loogu sii gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu doodo, kadibna waxaa saxiixi doono madaxweynaha dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

Mareykanka oo hanjabaad u diray muhaajiriinta ku sugan xuduuda MEXICO

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arbacadii ballanqaaday in “inta badan” kumanaanka muhaajiriinta ah ee doonaya inay maalmaha soo socda ka soo galaan xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico, inay kala eryi doonaan.

“Tani waa waxa dhici doona, dib ayaa laguu celin doonaa” sidaas waxaa yidhi xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka maalin ka hor, dhammaadka siyaasadda socdaalka ee mamnuucaysay in Maraykanka la soo galo, sababo la xidhiidhay cabsida faafitaanka cudurka COVID19.

Sida ku cad siyaasadda cusub oo ah mid ka adag tii hore, ayuu sheegay Mayorkas in muhaajiriinta isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan Maraykanka, in la eryi doono, isla markaana laga mamnuuci doono inay Maraykanka cag soo dhigaan muddo shan sannadood ah.

Qaar ka mida khubarada wax falanqeeya ayaa ku qiyaasay inay illaa 150,000 oo qof oo qaxooti ahi inay ku sugan yihiin xuduudda Maraykanka iyo Mexico kuwaas oo doonaya inay si uun u soo galaan gudaha Maraykanka.

Soohdinta waddamada Mareykanka iyo Mexico ayaa waxaa xilligaan ku sugan Tahriibayaal dalal kala duwan kasoo jeeda oo doonaya in ay gudaha u galaan Dalkaas kaddib markii is baddel uu ku yimid maamulka diidanaa soogalootiga.

Inkasta oo maamulka Madaxweyne Joe Biden aanay qaadin tallaabo ama go’aan adag balse waxaa muuqda in uu qaadi dooni tallaabooyin ka dhan ah qulqulka Tahriibayaasha daneynaya in ay galaan Mareykanka.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay Febaraayo 2022 waxaa sii kordhayay tahriibayaasha isaga kala gudbaya waddamo dhowr ah oo Qaaradda Ameerika ah si ay ugu dambeyn u tagaan Mareykanka oo ah bartilmaameedka socdaalkooda.

 

Daawo: Sidee ayuu ku yimid isbedalka amni ee Kaaraan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay isbeddalka amni ee laga dareemayo degmada Kaaraan oo mar ka mid aheyd degmooyinkii ay ugu badnaayeen ciyaal-weerada.

Yabooh oo ka qayb-galay kulan ka dhacay degmada Kaaraan ayaa sheegay in haatan uu aad u wanaagsan yahay amniga degmada, isla-markaana laga qabtay shaqo badan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamayin isbeddalka amni ee degmada Kaaraan uu ku yimid wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

 

“Ilaahbaa mahad-leh si fiican ayaa loo wada shaqeeyay maanta Kaaraan, wax badan ayay ka beddalan tahay sidiii hore, amaba waxaa dhihi karaa hadda kama jiraan ciyaal-weero”

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir  ayaa u mahad-celiyay ciidamada ammaanka ee ka shaqeeyay inay amni ku naaloodaan reer Kaaraan.

“Waxaan uga mahad-celineynaa Ilaahey SWT, waxaan uga mahad-celineynaa ciidamada ammaanka oo shaqo badan qabtay oo is kaashanaayo ciidamada boolis milataaro iyo kuwa booliska iyo nabad sugidda iyo maamulka gobolka Banaadir,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku celiyay mar kale baaqiisa ku aadan wada shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhacay gudaha caasimada.

“Haddii aan la wada shaqeyn dhibkaa lagu jiraayaa, bulsho mideysan tuug ma ka dhex shaqeyn karo, khawaarijna kama dhex shaqeyn karto,” ayuu mar kale yiri Yabooh.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga dareemayaa deganaasho amni, kadib markii qayb ahaan lagu wareejiyay amniga ciidamo boolis milataaro ah oo dhowaan lagu soo tababaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda.

Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacday Xarardheere iyo wararkii u dambeeyay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday gudaha degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Hoobiyeyaasha oo gaarayay lix ayaa lagu weeraray xero ciidan oo ku taalla degmadaas, balse waxa ay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah.

Guddoomiyaha maamulka degmada Xarardheere, Maxamed Yuusuf Kulmiye oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay weerarkaasi, wuxuuna sheegay in la fashliyay.

“Kooxaha Khawaarijta ayaa waxa ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan demada, balse waan fashilinay weerarkaas, tiro hoobiyeyaal ah ayey soo tuureen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hoobiyayaasha ay ku dhaceen xerada bannaankeeda, isla-markaana uusan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka shacabka ah.

“Shacab waxba kuma gaarin dhammaana waxa ay soo tuureen ilaahey dadka waxba kuma gaarrsiin, illaa 6 hoobiyey ayay soo tuureen waxayna ku dhaceen xerada bannaankeeda” ayuu markale wareysiga ku yiri guddoomiyaha maamulka degmada Xarardheere.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay howlgallo ka wadaan agagaarka degmada, isla-markaana ay baacsanayaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

“Kooxaha hadda waa lagu sii daba jiraa ciidamada aad ayay usii baacsanayaan, meesha ay galeen ayaan ka daba gali doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye Kulmiye.

Xarardheere ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay, waxaana haatan si wadajir ah uga howlgala ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Axmed Karaash oo jawaab ka bixiyey hadalki Xamza ee DAGAALKA Laascaanood

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka jawaabay hadalkii ku saabsanaa xaalka Laascaanood ee habeen kahor uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa hadalkaas ku sheegay in arrimaha ka taagan Laascaanood iyo Boorama aysan u baahnayn colaad iyo dhibaato hor leh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal iyo wadajir bulsho, islamarkaana ay Somaliland ka saaran tahay masuuliyad gaar ah xal u helidda dhibaatada taagan.

Madaxweyne Karaash ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xamza aysan marnaba ka fileyn inuu garab istaag u muujiyo shacabka gobollada SSC.

“Xamza awalba garab istaag kama aysan filayn shacabka reer SSC ee loo xasuuqayo midnimada ummada Soomaaliyeed, inuu hadalo noocaas ah oo ka fiirsasho la’aan ah warbaahinta usoo mariyo waxba ka ma bedeli doonto mawqifkooda iyo halganka ay ku jiraan toona,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Isagana waxay dani ugu jirtaa inuu iskaga aamusnaado sidii looga bartay”.

Hadalka Xamza iyo mid maalmo kahor uu jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsanaa doorasooyinka Puntland ayaa sare usii qaaday xiisadda ka dhaxeysa dowladda federaalka iyo Puntland, ayada oo madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu aflagaado ugu jawaabay Xamza.  

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr toddobaad kahor u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland, taasi oo Puntland ay kasoo horjeesatay kuna tilmaamtay mid lagula saftay Somaliland.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno Shabaab ah

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Guutada 14-ka Octobar ayaa lagu soo warramayaa inay maanta howlgallo culus ka sameeyeen agagaarka degmada Awdhgeele oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaanka Gumeysi-diid  oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeyso sarkaal ka tirsan ciidamada Guutada 14-ka Octobar waxaa howlgalka lagu dillaa illaa 5 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo xilligaas dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegaanka Gumeysi-diid oo 9 KM u jira Awdheegle.

“Taliyaha Guutada 14 oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaaboow oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka sida ayaa xusay in howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay,” ayaalagu yiri warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi kusii daray inuu howlgalka sii socon doono, isla-markaana ujeedkooda uu yahay in xoogaga Al-Shabaab ay ka xoreeyaan deegaanadaasi.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolkan ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay inta badan kasoo abaabuusho weeraro ay ku qaado saldhigyada ciidamada huwanta.

Si kastaba, deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka oo la filayo inay kusoo biiraan waddamada dariska.

Somaliland’s diplomatic struggle amidst regional conflict

LasAnod (Caasimada Online) – Since February 6, the city of LasAnod, or Laascaanood, has been the theater of violent clashes.

The self-proclaimed state of Somaliland and the Dhulbahante clan’s local militia are locked in a battle for control over this disputed city, positioned between Somaliland and Puntland – another semi-autonomous region in northeastern Somalia. Both claim the city as their own.

The city has paid a heavy price for this conflict. Sources from local hospitals reveal a grim picture: nearly 300 fatalities, over 1,900 injured, and a staggering 200,000 people displaced.

Somaliland forces have shifted their base approximately 50km westwards, striking from the city’s outskirts.

Somaliland’s recognition: A mirage?

These clashes pose a severe threat to Somaliland, a region previously praised for its stability compared to the rest of Somalia.

The ongoing war risks tarnishing its reputation and undermining its bid for global recognition.

This quest has remained elusive despite years of diplomatic efforts. The international community still identifies Somaliland as part of Somalia.

Somaliland views itself as the successor of the State of Somaliland, a short-lived independent state in 1960.

After voluntarily merging with the Italian-ruled south, forming the Somali Republic, Somaliland seceded from Somalia in May 1991.

This move followed an attack by Somalia’s military government under Siad Barre on northern cities to quell a rebellion led by the Ethiopian-backed Somali National Movement (SNM).

Clan politics and territorial disputes

The influence of the powerful Isaaq clan has been predominant in Somaliland since it broke away.

However, Markus Hoehne, a social anthropologist at the University of Leipzig, explains that the Dhulbahante clan, residents of disputed areas, have resisted the idea of dividing the Somali state. The Dhulbahante claim LasAnod as their capital.

The escalating conflict has drawn international attention, with concern expressed over Somaliland’s handling of the situation and alleged attacks on civilian areas.

Andrew Mitchell, the United Kingdom’s minister of state for development and Africa, stressed the necessity of stability, calling for an immediate ceasefire during a phone call with Somaliland’s President Muse Bihi.

Human rights concerns

Human rights organizations have called for swift de-escalation. Guleid Ahmed Jama, former Hargeisa-based Human Rights Center (HRC) chair, advocated for “meaningful negotiations” to facilitate a legitimate ceasefire.

Amnesty International’s findings highlighted the indiscriminate shelling by Somaliland forces causing significant damage and displacement.

Efforts to achieve a ceasefire have so far proved fruitless. President Bihi met with the acting USAID Somalia director Ted Lawrence, expressing commitment to a ceasefire.

However, reports suggest that Somaliland launched an attack on LasAnod three days later.

The conflict has worsened an already dire humanitarian situation. Niyi Ojuolape, the United Nations Population Fund’s representative to Somalia, highlighted the plight of the people: “At a time when a devastating famine has already resulted in a loss of lives and livelihoods, it is estimated that around 200,000 people have been forced to flee their homes.”

Global aspirations amidst turmoil

The struggle for recognition is a central theme in Somaliland’s international relations. Matthew Gordon, a doctoral candidate in politics and international studies at SOAS University of London, observed that the ongoing conflict could potentially tarnish Somaliland’s image as a “democratic haven.”

He cautioned that without the principles of democracy and peace, Somaliland’s legitimacy among pro-independence groups might dwindle, and it could be seen no differently than a federal member state of Somalia.

The international community, recognizing the region’s strategic significance, has been actively attempting to mediate.

Several diplomats, including those from the US and Finland’s former envoy for the region, have traveled to Hargeisa to negotiate an end to the conflict.

Their efforts are backed by the potential of imposing travel restrictions on officials undermining the democratic process in Somalia, including Somaliland, as mentioned by State Department spokesman Vedant Patel.

The impact of sanctions

Clan elders like Mukhtaar have advocated for sanctions against Somaliland officials, calling for the withdrawal of troops from the vicinity of LasAnod.

The economic pressure, they believe, would help enforce a ceasefire and hasten conflict resolution.

Despite the ongoing strife, Somaliland remains optimistic about its international standing. Mohamed Hussein Jama Rambo, deputy chair of the foreign affairs committee for Somaliland, expressed confidence in the region’s relations with its international partners.

He reaffirmed Somaliland’s commitment to collaborate on development, peace, and democratization matters.

A call for dialogue

The UN representative, Niyi Ojuolape, urged Somaliland and the Dhulbahante clan elders to engage in constructive dialogue, highlighting the need for sustainable solutions to the conflict.

As LasAnod continues to reel under the impact of this violent clash, the words of Ojuolape echo the sentiments of many – the urgent need for dialogue and a peaceful resolution to this longstanding dispute.

LasAnod hangs in the balance, and the resolution of this conflict might not only determine the city’s future but also shape the international perception of Somaliland.

The hope for a swift and peaceful resolution remains as the world watches.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Denmark

Copenhagen (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Denmark ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay magaalada Copenhagen ee caasimadda u ah dalkaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Rabiile Shire Xuseen ayaa habeen hore lagu dilay magaaladaasi, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday toorey. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay laba qof u soo xireen dilkiisa.

Liibaan Shire Xuseen, oo la dhashay marxuumka, ayaa sheegay in walaalkii uu deganaa Magaalada Odense, markii la dilayayna uu caasimadda Copenhagen ku booqanayay walaaladii oo degan.

“Rabiile da’diisu waxay ahayd 48 sano, wuxuu deganaa magaalo la yiraahdo Odense, wuxuuna ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Copenhagen,” ayuu yiri Liibaan Shire oo VOA la hadlay.

Liibaan Shire ayaa sheegay inaanay garanayn sababta ka dambeysa dilka walaalkii, balse ay boolisku xaqiijiyeen in ay laba nin u soo xireen falkaasi.

“Illaa hadda annaga ma ogin sababta loo dilay, laakiin booliska siday xaqiijiyeen, waxay sheegeen in ay laba nin kiiskaasi u soo xireen, maadaama ninkani mindi la geliyay, annagana sida aan naqaano dadkan caddaanka mindi ma isticmaalaan, oo Soomaalidaa isticmaasho, sida aniga aan ku tuhmayo in ay Soomaali yihiin,” ayuu yiri Liibaan Shire.

Liibaan Shire ayaa intaa ku daray “Marxuumka hadda meydkiisu wuxuu yaallaa Isbitaalka Kaiser, waa Isbitaalka Weyn ee Copenhagen, berri wixii ka dambeeyo ayaana la fasixi doonnaa, oo annagana aan arki doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo.”

Ma cadda cidda dhabta ah ee ka dambeyso dilkaasi, waxaase la fahamsan yahay in dilalka Soomaalida dhexdooda ah ay intii muddo ahba ku soo badanayeen dalalka Reer Galbeedka.

Soomaaliya oo iskaashi cusub la yeelaneysa Morocco

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galaya shirka wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Qaaradda Afrika ayaa kulan doceed (Sideline Meeting) la yeeshay dhiggiisa Marooko Mudane Maxamed Al-Mahdi bin Saciid.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa diirradda lagu saaray iskaashi cusub oo dhex-mara labada wasaaradood, gaar ahaan sidii Boqortooyada Marooko ay Soomaaliya uga taageeri lahayd horumarinta garoomada ciyaaraha.

Sidoo kale waxaa iskaashigan cusub qeyb ka ah xarumo farsamada gacanta iyo xirfadaha gaagaaban lagu baro dhallinyarada Soomaaliyeed, taasi oo xilligaan baahi badan u qabo dalkeenna.

Labada wasiir ayaa ku heshiiyay inay koox farsamo ah u saaraan sidii loo soo diyaarin lahaa heshiis is-afgarad oo labada wasiir ay kala saxiixdaan, si loo diiwaan-geliyo heshiiska labada dowladood oo loo marsiiyo hay’adaha sharciga u leh ee labada dal.

Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya ayaa dadaalo badan ku bixinaysa sidii dhallinyarada Soomaaliyeed u heli lahaayeen garoomo ku filan oo casri ah iyo goobo lagu tababaro si loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyarada.

Wasaaradda ayaa waxaa sanadkaan u qorshaysan inay tababarto shan kun oo dhallinyaro ah oo la barayo xirfado gaagaaban.

Si kastaba, Shirka ay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha uga qeyb-gashay magaalada Ribaat ee Boqortooyada Marooko ayaa waxaa looga hadlayay horumarinta dhallinyarada Afrika iyo qiimayn lagu samaynayay waxyaabihii ka hirgalay caqabadihii dhallinyarada Afrika.

Sawirro: DF oo daah-furtay sanduuqa mideysan ee kaalmada caalamiga ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka daah-furtay Sanduuqa Wada-jirka ah ee Soomaaliya.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa daah-furay sanduuqan, kaasi oo siinaya dowladda hab lagu hubinayo islamarkaana si toos ah ula jaan-qaadi kara qorshayaasha hortabinta u leh Qaranka Soomaaliyeed

Sanduuqan ayaa xoojinayana lahaanshaha qaranka ee kaalmada horumarinta ee caalamiga ah iyo in si wada-jir ah oo mudnaan loo siiyo iyo isku dubbaridka isticmaalka kheyraadka sida ugu wanaagsan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay daah-furka ayaa sheegay in qorshaha xukuumadda iyo ka guud ee qaranka ay ku salaysan yihiin sidii loo heli lahaa Soomaaliya isku filan oo isku tashata si saaxiibbada beesha caalamku ay ugu gurmadaan meelaha kale ee mudan taageerada.

Mudane Saalax ayaa ugu mahad-celiyay saaxiibbada beesha caalamka ee qeybta ka ah sanduuqan garab istaaggooda iyo taageerada ay la barbar joogaan shacabka Soomaaliyeed.

Sanduuqa Wada-jirka ah ee Soomaaliya ayaa noqonaya halka ay kusoo xaroodaan kaalmadda horumarinta ee Soomaaliya loogu tala-glay, sida ay shaacisay wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sanduuqan ay iska kaashadeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ee taageera Soomaaliya.

Daah-furka sanduuqan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka.

Madashaas oo qeyb ka aheyd hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda federaalka iyo deeq-bixiyayaasha, ayaa waxaa qeyb ka ahaa bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.

Huruuse oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee UK

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)  ayaa waraaqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ka gudoomay safiirka cusub ee dowladda UK ee arrimaha Somalia, Michael Nithavrianakis.

Wasiir Huruuse oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay inuu nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub  ee UK, isaga oo guul u rajeeyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in labada waddan uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo muddo dheer soo jiray, kaas oo ku dhisan iskaashi.

“Waxaan maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub  ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona dalkeenna  Mudane Michael Nithavrianakis. Dalkeenna iyo Boqortooyada UK waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan,” ayuu warsaxaafadeedkiisa ku yiri wasiirka arrimaha dibadda Somalia.

Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan ammaanka, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta.

“Waxaana ka wada shaqaynaa dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka. UK ayaa ahayd dowladdii ugu horaysay ee wadamada Galbeedka ka tirsan ee Safaarad fadhigoodu yahay Muqdisho ka furatay dalkeenna 2013” ayuu yiri mar kale yiri wasiirka arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u qaabilsanaan doono arrimaha Somalia, Michael Nithavrianakis ayaa badalay safiirkii hore ee dalkaasi Kate Foster, taas oo si weyn loogu xasuusto doorkeedii ku aadanaa doorashooyinkii soo dhammaaday dalka ee 2022-kii.

Sidoo kale waxaa danjiraha cusub la filayaa in saacadaha soo socdo uu madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyo warqadaha aqoonsiga, si uu u guda galo shaqadiisa.

Si kastaba, Michae ayaa ah diblomaasi rugcaddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, wuxuuna markii u dambeysay ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maalgashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 ilaa 2023, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadaha UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo waddanka Ghana.

Ra’iisul wasaaraha Finland iyo Seygeeda oo kala tegay

Helsinki (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka ka dageysa ee Finland Sanna Marin iyo seygeeda saddexda sano Markus Raikkonen ayaa saxiixay warqadaha furriinka, sida ay Arbacadii ku sheegeen Instagram.

“Waxaan ka mahad-celineynaa 19-kii sano ee aan wada joognay iyo gabadheena aan jecelnahay. Waxaan ahaan doonnaa saaxiibada ugu wanaagsan,” ayay ku yiraahdeen laba qoraal oo kala gooni ah oo ay soo dhigeen Instagram.

Marin iyo Raikkonen, oo ka shaqeynayey shirkad maalgashi illaa dhowaan, ayaa wadaaga gabar 5 sano jir ah.

Waxay ay isguursadeen 2020, xilligaas oo Marin ay aheyd ra’iisul wasaare lana tacaaleysay saameynta cudurkii COVID-19.

“Waxaan soo wada qaadanay caruurnimadeena, waan wada kornay illaa aan waalid uga noqono gabadheena qaaliga ah,” ayey Marin ku qortay Instagram kadib markii ay is mehersadeen Raikkonen bishii August ee 2020.

Marin iyo xisbigeeda Social Democratic Party (SDP) ayaa looga adkaaday doorashadoo baarlamanka ee Finland ka dhacday bishii tagtay, ayada oo ay ka hormareen isbaheysiga midigta fog ee National Coalition Party iyo xisbiga waddaniga ee Finns Party.

Marin, oo ah 37 jir noqotay ra’iisul wasaaraha ugu da’da yar markii ay xafiiska la wareegtay 2019-kii, ayaa taageerayaasheeda caalamka waxay u arkaan inay tusaale u tahay hoggaamiyeyaasha da’da yar ee siyaasadda bidix, inkasta oo shacabka dalkeeda ay doorbideen dowlad cusub.

VOA  + REUTERS

Dhacdooyin ugub ah oo ka dhacay saddex degmo oo ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dowladda federaalka Soomaaliya xoogga saartay amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyo dagaalka Shabaab waxaa soo isa-soo tarayay dhacdooyinka la xiriira sida ay bulshada qeybta ugu yihiin sugida amniga, ayna si dhiiran uga hortagayaan argagixisada iyo kuwa raba qalqal-galinta caasimada.

Waxaa soo qaadaneyna saddex dhacdo oo lagu tilmaamay kuwa ugub ah oo ka dhacday saddex degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kala ah.

Dhacdada koowaad: Haweenay ay Shabaab-ka gurigeeda isku dayeen inay ka weeraraan ciidamada amniga oo halkaas ka ag-dhowaa, oo ayada iyo qoyskeedii oo isku duuban ay u cuntami weysay arrintaas, taasi oo markii dambe sababtay in walaasheed ay ku dhimato diidmada ay kala hortageen Shabaab-ka.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah caruurteeda iyo ninkeedii, si ay u badbaadiyaan ciidanka ay waxyeelada la damacsaneyd Shabaab.

Waxay tani muujineysa sida shacabka Muqdisho ay uga go’an tahay in caasimada ay noqoto mid ka madhan falalka argagixisada ay usoo maleegayaan. Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Tan labaad ayaa iyaduna ah: Wiil dhallinyaro xoogsato ah oo hortiisa lagu diley askari Boolis ah.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu raacdeystay laba xubnood oo Shabaab ah oo markaas dilka geysatay illaa markii dambe ay ku guuleysteen isaga iyo ciidamo boolis ah oo uu wacday inay qabtaan labadii Shabaab-ka aheyd iyo hubkoodii.

Dhacdadan ayaa iyaduna ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Midda saddexaad ee aan warbixinteena kusoo qaadaneyno ayaa iyaduna ah: Nin kale oo da’ dhexaad ah oo asaga iyo saaxiibkiis ay arkeen Shabaab jawaanno ku wata hub iyo bambooyin.

Ninkan iyo saaxiibkiis ayaa waxay u bareereen in ay qabtaan Shabaabkii iyo hubkoodii!. Waxay dhacdadan ka dhacday degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Saddexda dhacdo inkasta oo ay meelo kale duwan ka dhaceen haddana waxay wadaagaan hal dareen oo ah shacab dhiiraday oo qeyb ka ah sugashada amnigooda, waana meesha mudada dheer lala rabay shacabka Muqdisho inuu gaaro.

Si kastaba, Dowladda oo ayadu sii dhiiri-gelineysa geesinimada shacabka iyo inay qeyb ka noqdaan ka hortaga falalka amni darro ayaa abaalmarisay shaqsiyaadka ku xusan saddexdaan dhacdo ee aan soo sheegnay.

Xogta heshiis saddex geesood ah oo uu saxiixay Hantidhawrka guud ee qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta saxiixay heshiis muhiim ah oo saddex-geesood.

Heshiiskan cusub ayaa waxaa u ka dhaxeeya dhinacyada: Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Heshiiskan ayaa soconaya sannadaha 2023-2024 ayaa wuxuu u gogol xaaraya sii wadista taageerada farsamo iyo kobcinta awoodda iyo hufnaanta shaqada iyo shaqaalaha ee uu xafiisku horay uga heli jiray hay’adaha bah-wadaagta caalamiga.

Sidoo kale waxaa heshiiskan gacan ka gaysanaya dadaallada lagu dardar-galinayo dhaqan-galinta qorshaha istaraatiijiyadda cusub ee sanadaha 2023 illaa 2025.

Qorshahan ayaa waxa uu hagi doona hawl-qabadyada Xafiiska ee muddada shanta sanno ee soo socota, sida uu sheegay xafiiska Hantidhawrka guud ee qaranka.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maalmihii dambe ku sugna dalka Ghana, isaga oo shalay magaalada Accra uga qayb-galay furitaanka shirka Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo sannadkan ka qabsoomay dalkaas.

Shirkaas oo ay sannadkan martigalinayso Hay’adda Hantidhawrka Guud ee Ghana ayaa waxaa qayb ka ah Hantidhawrayaasha Guud ee 26 dal oo ku midoobay Ururka Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriisiga iyo hay’ado kale oo ka mid ah bah-wadaagta horumarinta caalamiga.