28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

M/weyne ku-xigeenka Somaliland oo weerar culus ku qaaday xukuumadda, “Somaliland wey hagratay…”

Boorama (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa markii u horeysay si shaacsan u sheegay in Somaliland ay hagratay dadka reer Awdal.

Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlayay munaasabad ka qabsoomtay Boorama ayaa waxa uu sheegay in uu tabashada la qabo dadka reer Boorama, “balse ay tahay in si nabada loo wada baadi doono wixii dhiman.”

“Aniga ayaa qirsan in reer Awdal ay wax ka maqan yihiin oo ay Somaliland hagratay anaa qirsan. Xisbiga aan madaxweyne ku-xigeenka ka ahay ee Kulmiye waa xisbiga horumarka ugu badan dalka galiya lakiin howshaa reer Awdal way ka qatan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay suurta-gal ahayn in la waxyeeleeyo magaalada Boorama, oo ku tilmaamay mid leh aqoon, soo dhawayn iyo nidaamka biyo galinta ee ugu fiican guud ahaan Somaliland.

“Haddaa wax tabaneysaan ha duminina magaaladiina ee gar ayaa ka muuqata wada-hadal ayaa ka muuqda, wixii aan tabaneyno ee maqan aniga hoggaankii ah reer Awdal. Xukuumadda kamid ahay way hagratay. Waxa dhiman waa idinla qaba, waxaa qurux badana in Somaliland ay run isku sheegto.”

Saylici ayaa waxa kale oo ka dhawaajiyay in magaalada colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood ay heli jirtay in ka badan miisaaniyadii loogu talo-galay mid ka badan oo ay garan waayeen, “inta badan Boorama waxaa lagu haleeyay hay’addaha uun, maadama ay nabad tahay.”

Qirashada Saylici ee tabashada siyaasaddeed ee muddo soo jirtay ee qabaan reer Awdal iyo gobollada Galbeed ayaa waxay imaneysa xilli ay maalmo kahor ay rabshado horleh ka dhaceen magaalada Boorama, taasi oo looga soo horjeeday dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal.

Si kastaba, Waa markii u horeysay ee madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu si shaacsan uga garaabo tabashada saami-qeybsi ee Somaliland ka qabaan reer Awdal, uuna ku marqaati furo xukuumadda uu qeybta ka yahay, ayada oo durtaba soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in uu ka leeyahay ujeedooyin siyaasadeed iyo dejinta xiisadda ka taagan gobolka.

DF oo soo bandhigaysa shaqsiyaad dambiyo dalka ku galay oo ka maqan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay, kuwaasi oo ka maqan.

Taliska ayaa sheegay in tallaabada ay qeyb ka tahay sidii cadaalad loogu qaado, sida ay qabaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu maanta taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeye-Guuto Sulub Axmed Firin uu kormeer ku tegay xarunta hoggaanka xariirka dibadda iyo Interpol ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo bandhigidoona eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay si cadaalad loogu qaado sida ay qabaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u yaala,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaan waxa uu xubin buuxda ka yahay Booliska caalamka ee Interpol, taas oo qeyb libaax ka qaadatay la-dagaalanka dambiyada xaduudaha ka gudba iyo kuwa caalamiga ah.

Taliye Sulub ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba, dib u habeynta uu taliska cusub ku sameeyay xarumaha hoosyimaada iyo shaqadii uu hayay ayaa muddooyinkii dambe laga dareemay caasimadda, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la xiray + Sababta

New York (Caasimada Online) – George Santos oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la xiray Arbacada maanta ah.

George Santos ayaa waxaa lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, gacan-togaaleysi iyo xatooyo hanti dadweyne.

Santos oo 34 jir ah ayaa waxa uu hore u diiday baaqyo ahaa inuu is-casilo maadaama uu ka been sheegay shaqadiisa.

Sidoo kale waxaa hore loogu soo oogay inuu khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda, isaga oo qariyay asalka lacagta uu ku galay olohiisa doorashada iyo mid uu isticmaalay xilli uu ahaa shaqa la’aan.

“Isku soo wada duub, eedeymaha dacwadda lagu soo oogay waxay Santos ku eedeeyeen inay ku tiirsan yahay daacad-darro soo noq-noqotay iyo khiyaanooyin” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Breon Peace, oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Bariga New York.

Waxyar kadib doorashadii Santos ee 2022 si uu u matalo degmada hodanka ah ee New York Long Island, ayaa waxaa baxeysay inuu ka abuuray ololihiisu uu ku soo baxay, uuna khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda.

Jariidada New York Times iyo xarumaha kale ee warbaahinta ay xilligaasi waxay shaaca ka qaadeen inuu ka been sheegay ku dhawaad wax kasta oo ku saaabsan taariikhdiisa shaqsiyeed iyo tiisa xirfadeed.

Sawirro: Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa socod ku maray buundada nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada.

Halkaasi oo barakac baahsan uu ka socday maalmihii dame, iyada oo wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid ah dadkii deganaa magaalada oo ay saameeyeen fatahaadaha.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyada oo magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha,

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

Kormeerka madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex mara magaaladaasi

Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqd qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.








Daawo: Kiiska Haweenay sheegtay ‘inay kufsadeen Booliska’ oo weji cusub yeeshay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay warbixin cusub oo la xiriirta kiiska Haweenay horey u sheegtay inay kufsadeen ciidamo ka tirsan Booliska, xilli ay xabsi ku jirtay, oo loo haystay fal dil ah.

Haweenaydan ayaa waxay hore u sheegtay inay falka kufsiga ah ee kula kaceen ciidamada Booliska ay ku qaaday uur, ayna ku dhashay wiil, taasi oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay, kadib warbixintan uu kasoo saaray kiiskan.

Afhayeenka Ciidamada Booliska oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in guddi loo saaray sheegashada haweenaydan oo lagu magacaabo Xaliimo Cabdullaahi Aadan ay soo baxday inay waxba kama jiraan tahay, kadib markii la ogaaday in wiilka ay sheegtay inay ku dhashay kufsiga lagula kacay ay kasoo kaxeysatay xarun barkacayaal oo ku taal Muqdisho.

“Guddigu waxa uu si qoto dheer u baadhay cabashada eedeysane Xaliimo taasi oo socotay 93 cisho, waxay guddiga wareystay oo si qoto dheer u baareen illa 33 qof oo 31 kamid ahaayeen xubnaha ciidamada Booliska ee falkaasi lagu eedeyay iyo saraakiishii ku shaqada laheyd, iyo laba qof oo kale oo ahaa Xaliimo iyo Nabadoonkeedii,” ayuu yiri,

Inkasta oo la caddeeyay inay Xaliimo uur leedahay, sida uu ka dhawaajiyay Afhayeenka haddana waxa uu sheegay in wiilka ay soo bandhigtay ee Saabir Yare aanay dhalin, lana ogaaday inay kasoo wadatay xeryaha Weydoow ee gobolka Banaadir.

“Waxay jawaabta dheecaanadu noqotay ee laga Xaliimo iyo Saabir Yare, waxaa cadaatay in Xaliimo aysan aheyn hooyada dhashay Saabir Yare, kaas oo sida xafiiska xeer ilaalinta hortiisa ka sheegtay inay kasoo wadatay xeryaha barakacayaasha Weydoow ee gobolka Banaadir.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dheecaanada DNA-ga laga qaaday shantii eedeysane ee lagu tuhmayay kufsiga iyo wiilka ay sheegtay Xaliimo inay ku dhashay uurkii ay ku qaaday CID-da, iyada oo jawaabta dheecaanadaasi ay noqotay in xubnaha Booliska aysan jirin wax xiriir waalidnimo ah oo ka dhaxeeya wiilkaas.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay afhayeenka in wiilkii Saabir Yare la dilay, ayna ku lug yeelatay hooyada dhashay Xaliimo oo lagu magacaabo Safiyo Cabdi Cabdiraxmaan, taasi oo ah kiis kale oo xasaasi ah, waxaana hadda loo haystaa Xaliimo iyo Hooyadeed laba kiis oo dil ah iyo marin habaabinta cadaalada, sida uu sheegay.

Si kastaba, Xaliimo ayaa bishii Janaayo waxay baraha bulshada ku baahisay inay kufsadeen ciidamadii gacanta ku hayey, taasi oo dhalisay hadal hayn badan oo keentay in loo saaro kiiskan guddi gaar ah si qoto dheer u baara, kaas oo ugu dambeyn natiijada kasoo baxday uu Booliska la wadaagay bulshada.

Saddex fasiraad oo laga bixiyay hadalkii Saciid Deni ugu jawaabay Xasan iyo Xamza

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay si adag uga jawaabay dhaliilo dhawaan hoggaankiisa uga yimid dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza, kuwaasi oo walaac ka muujiyay ismaan-dhaafka la xiriira doorashooyinka Puntland iyo sida ay wax u wado xukuumadda Saciid Deni.

Deni ayaa weli ku adkeysanaya hanaankiisa doorasho ee ugu magac daray “dimuqraadiyeynta Puntland”, halka Xasan sheekh iyo Xamza soo jeediyeen in wax walba oo la xiriira doorashooyinka Puntland ay noqdaan kuwa heshiis lagu yahay.

Saciid Cabdullaahi Deni oo deganaan badan aysan ka muuqan ayaa farriin careysan uga jawaabay hadalada Xasan iyo Xamza.

Saddex fasiraad ayaa ka dhex muuqatay hadalka uu shalay Saciid Deni u jeediyay dadweyne iskugu soo baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, si ay taageero ugu muujiyaan urur siyaasadeedkiisa KAAH.

1. Kicin Beeleed: Saciid Deni wuxuu yidhi waa la socotaan kulankii saddex geesoodka ahaa ee lagu dumiyay magaalada Laascaanood, kaas ayaa hadda la rabaa in Puntland lagu dumiyo, wey nasoo gaartay farriintaas diyaar ayaa u nahay in aan ka hortagno.

Wuxuu Deni ula jeeda kulankii Xasan Sheekh Maxamuud, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi Cabdi ee ka dhacay Jabuuti.

Qeybtan waxaa ku jirtay farriin kicin beeleed ah oo u dhigan in saddexdaas hoggaamiye ee isku xisaabta ah ay duulaan beeleed wadaan.

2. Dagaalka Xasan Sheekh iyo Deni: Iyada oo dadka siyaasadda u dhuun daloola ay fahamsan yihiin waxa Xasan Sheekh iyo Saciid Deni isku hayaan, haddana Saciid shalay waxa uu si buuxa dadweynaha ugu cadeeyay dagaalka Xasan iyo isaga.

Wuxuu ku tilmaamay madaxweyne federaal diid ah, sidoo kalena dimuqraadiyad diid ah, wuxuu ku eedeeyay inuu hor istaagay doorashooyinkii dadweyne ee Puntland damacsaneyd sanadkii 2013-kii.

3. Ololaha mashruuca Saciid Deni: Waxa uu Deni u muuqday inuu deg deg uga faa’iideysanayo hadalada Muqdisho ka yimid si uu ukasbado reer Puntland-kii diidana siyaasadiisa, gaar ahaan aragtidiisa doorashada. Wuxuu ku cel-celiyay si dadkaas loogu jawaabo ama loo muujiyo difaac mideysan inay muhiim tahay dhaqan-gelinta barnaamijkiisa dimuqraadiyada Puntland.

Si fudud qoddobkan waxa uu helay olole xooga maan-gal ah. Hadalka Saciid Deni wuxuu u muuqday inay si weyn usii kala fogaadeen isaga iyo madaxda dowladda federaalka ah.

Saciid Cabdull Deni oo bilooyin uga harsan yihiin xafiiska, ayaa muddo xileedkiisi ku kharash-gareeyay dagaalka dowladda dhexe ee Soomaaliya, isaga oo saddex sano iyo dhowr bilood dagaal kala soo horjeeday Farmaajo, halka uu haddana hal sano mucaarid ku yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uul gaadiid kala soo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in Daahir Maxamed Axmed oo kamid ahaa mas’uuliyiinta gobolkaasi ugu magacaaban Somaliland uu kasoo goostay, isla-markaana uu ku biiray SSC-Khaatumo.

Daahir ayaa haatan ahaa madaxa waxbarashada gobolka Sool ee Somaliland, wuxuuna ku dhawaaqay in gebi ahaan uu iska casilay xilkaas, kana baxay Somaliland.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu lasoo goostay gaadiid dagaal oo ay lahayd Somaliland, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inuu ka qaybgeli doono halgalka, isla-markaana uu ku biiri doono dagaalka ka socda Laascaanood.

“Gobolkaygii ayaan kusoo laabtay, waad ku mahadsantihiin sida quruxda badan ee aad isoo dhawayseen, waxa anan ka qayb qaadan doonaa halganka dalka lagu xoraynayo inshallah,” ayuu yiri Daahir Maxamed Axmed.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan arrinta mas’uulkaas uga goostay dhanka SSC oo dagaal kula jirta maamulkaasi.

Ma’aha mas’uulkii ugu horreeyay ee ku biira SSC, waxaana tan markii uu dagaalka ka qarxay magaalada Laascaanood jiray shaqsiyaad isaga soo baxay Somaliland oo ku biiray kacdoonka iyo dagaalka looga soo horjeedo Soomaaliya ee weli ka socda xarunta Sool..

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana maanta la sheegay in ciidanka Somaliland ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Laascaanood.

Si kastaba, waxaa horay u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaasi, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Goorta ay DF qaadeyso imtixaanka dugsiga sare oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey goorta loo fariisanayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in 27-ka bishaan May ee sanadka 2023 la qaadayo imtixaanka oo ay sanad kasta qaado dowladda federaalka Soomaaliya.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare wax ay shaacineysaa in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023,” ayaa lagu yiri farriin wargelin oo lagu shaaciyay bogga Facebook-ga ee wasaaradda waxbarashada dalka.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada ayaa farriin u dirtay Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo sidoo kale maamulayaasha Iskuuladda ku yaalla dalka.

“Haddaba waxaa la farayaa Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulayaasha in ay u diyaar garoobaan Imtixaanka Maalmaha yar ee ka dhiman” ayay raasicsay wasaaraddu.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in maamullada iskuullada looga baahan yahay in ay xil iska saaraan in arday kasta oo ka qeyb gelaya imtixaanka uu helo kaarkiisa agoonsiga.

Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda ayaa ardayda sanadkan geleysa imtixaanka loogu rajeeyey natiijo wanaagsan iyo horumar ay ka gaaraan imtixaankan shahaadiga ah.

“Guul baan u rajeyneynaa Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyay farriinta wargelinta ee ay soo saartay wasaaradda waxbashadu.

Si kastaba, Imtixaankan ayaa noqonaya midkii labaad ee la qaado muddada uu xafiiska fadhiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib loo doortay 15-kii May, 2022-kii.

Saameyn noocee ah ayay Shabaab ku yaalan kartaa xilka qaadista EYMAN?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo haatan la daala dhaceysa khilaaf dhexdeeda ah ayaa haddan qaaday tallaabo kale oo xiisadda uga sii dareysa.

Warar soo baxaya oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in kooxda ay xilka qaadis ku sameeysay hoggaamiyaheedii u qaabilsanaa dhanka howlgallada Kenya, taas oo saameyn weyn ku yeelan karta weerarada ay kooxda ka fuliso dhanka xuduuda.

Ninkan oo lagu magacaabo Horjooge Eyman ayaa ahaa hoggaamiye sare oo militari ah, wuxuuna aqoon durugsan u lahaa deegaanada dhaca xadka labada waddan, taas oo xilligaas loogu doortay inuu taliye u noqdo  kooxda loo yaqaano (Jeyshu Eyman) oo ah garabka Al-Shabaab uga howlgala deegaanada dhaca xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Eyman ayaa sidoo kale qorsheeyay weeraro lagu hoobtay oo horay uga dhacay gudaha dalka Kenya, isla-makaana dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Haddaba maxaa keenay in xilka laga tuuro?

Warar kale oo la helayo ayaa intaasi ku daraya in xilka qaadista horjoogahaan iyo khilaafka kala dhexeeya hoggaanka ka sarreeya ee kooxda uu yimid, kadib markii looga shakiyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro maleeshiyada Daacish oo iyana ka dagaalanta Soomaaliya.

Shakiga ayaa sii xoogeystay markii uu Al-Shabaab isaga baxay Salmaan Muhaajir oo isna ahaa sarkaal ajaaniib ah, isla-markaana ay saaxibo ahaayeen Eyman oo xilka laga tuuray.

Wuxuu ninkan Al-Shabaab ka mid noqday sanadkii 2009-kii, isaga oo mar dambe la wareegay hoggaanka kooxda loo yaqaano Jeyshu Eyman oo weerarta Kenya.

Xilka qaadista lagu sameeyay hoggaamiyahaan ayaa ka mid noqoneyso kuwo horay loogu sameeyay dhowr hoggaamiye oo magac sare leh, kuwaas oo uu kamid ah Jacfar Suudaani.

Si kastaba, khuburada ka faallooda amniga ayaa dhankooda rumeysan in isbeddalka lagu sameeyay garabka Jeyshu Eyman uu yahay mid saameyn ku yeelan kara howlgalladii ay kooxda ka fulin jirtay gudaha Kenya, kuwaas oo sanadihii u dambeeyay aad u kordhayay.

Guux xooggan oo la xiriira heshiiska amni ee DF iyo Imaaraadka oo ka billowday BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guux xooggan oo ka dhashay heshiiska amni ee kal hore kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa ka billowday Baarlamaanka, ayada oo xildhibaanada qaar kamid ah ay dalbadeen in sida ugu dhaqsaha badan loo horkeeno heshiiskaasi.

Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dhaawac weyn u geysaneyso dowladnimada tallaabada ay dowladda si iskeed ah ugu hirgelisay heshiiskaasi, ayada oo lasoo marin baarlamaanka.

“Laanta fulinta ee dowladdu waa inay keentaa Baarlamaanka heshiiska amni ee ay la gaartay UAE, si dib u eegis loogu sameeyo, looga doodo, lagana turxaan bixiyo qaladaadka ku jire ee dhaawaca u geysanaya madaxbanaanida dalka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis.

Waxa uu sheegay in heshiiska dowladda federaalka iyo Imaaraadka uu hirgalay, ayada oo ogolaansho laga helin baarlamaanka, “taas oo keeni doonta dib dhac, dhaawac ku yimaada hanaanka dowladnimo iyo madax-banaanida.” sida uu sheegay.

“Waa in la siiyaa Baarlamaanka doorkiisa oo aan la lumin isku-dheelitirka hay’adaha dawladda iyadoo la eegayo danta dalka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis.

Xildhibaanka ayaa wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee Baarlamaanka inay u istaagaan ilaalinta madax-banaanida dalka, “waa in aan gudannaa mas’uuliyadeenna koormeer ee Hey’adaha kale dowladda.”

Hoggaanka baarlamaanku ayuu ugu baaqay in uusan ogolaan in baarlamaanka noqdo mid aan la xisaabtamin dowladda, islamarkaana ay ku qasbaan laanta fulinta in heshiisyada ay dowladdaha shisheeye la gasho ay keento baarlamaanka.

“Waa in aanu u oggolaan hoggaanka BF in baarlamaanku noqdo mid aan ilko lahayn, oo ay xaqiijiyaan in laanta fulinta ay ku qasbaan sida nadaamku yahay ay keento baarlamaanka heshiisyada ay diwladaha shisheeye la galaan.”

Si kastaba, Heshiiska amni ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa waxaa markii u horeysay ka dhashay guux, ayada oo markii dambe uu qaboobay, haddana waxaa hadda muuqata in markale uu istaadhmay guux xooggan oo la xiriira heshiiskan.

Madaafiic lagu garaacay mar kale Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka maadaafiic xoogan laga maqlay furimaha dagaalka xoogan ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi

Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada Somaliland madaafiic ku garaaceen deegaanka Maraga oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dhashay madaafiicdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib usii qarxo dagaalka ka socda Laascaanood.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa ayada oo madaxda Somaliland iyo kuwa SSC ay hawada isku marinayaan hanjabaadyo la xiriira arrinta Laascaanood.

Si kastaba, waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dhowr bil ka socday dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Daawo: Xamza oo $10,000 guddoon siiyay HOOYO sameysay arrin geesinimo leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo gaareysa toban kun oo dollar ($10,000) Hooyo Soomaaliyeed oo sameysay ficil geesinimo leh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Hooyo Farxiyo ayaa waxay abaalmarintan ku muteysatay kadib markii ay diiday xubno Shabaab ah inay gurigeeda ka dhigtaan marin ay usii dhex-maraan bar-kontarool oo ku yaalla degmada Kaxda, islamarkaana ay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah qoyskeeda diidmada ay kala hortagtay Shabaab-ka.

“Waad ku mahadsan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha illaa Xildhibaanada oo waalidkeyga iyo walaaladay ah, wixii isoo gaadhay ayaa maanta la iga maydhay, waa u mahad-celinayaa.” ayay tiri.

Waxay intaas kusii dartay “Waxaa si gaar ah ugu mahad-celinaya guddoomiyaha Kaxda oo qofka anaga oo dhaawaceena guriga iska dhex yaalla nasoo qaaday oo gaari noo keenay, ee isbitaalka na geeyay.”

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa abaalmarintan oo aheyd mid dhiiri-gelin ah ku guddoonsiiyay hooyada qoska gurigooda u diiday Shabaab-ka munaasabad mka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu amray in loo dayac-tiro gurigii ay ku noolayeen oo burbur uu kasoo gaaray diidmadii ay kala hortimid xubnaha Shabaab-ka ee xilligaasi rabay inay bambaano ku weeraraan ciidamada ku sugan isgoys ciidamadu ku sugan yihiin oo ka fogeyn gurigaasi.

“Waxaa sidaas oo kale uu ra’iisul wasaaraha amray in la daaweeyo dadka dhaawacyada ah oo masuuliyada daawadooda ay xukuumadda ay qaadatay, aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay Maamo Farxiyo,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Hoos ka daawo muuqaalka

DF SOMALIA oo shaacisay inay ka guureyso gargaarka caalamiga, una guureyso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Beene-beene ayaa shaaciyay in dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza ay ka go’an tahay in laga gudbo gargaarka oo loo guuro dhanka horumarinta.

“Markasta laguma jiri karo gargaar, oo waxaa lagu xalin karaa xaalada deg deg ah oo markaas jirta. Marka waxaa dowladda ka go’an in aan u guurno dhanka horumarinta, oo aan ka shaqeyno wixii nolosha dadka iyo horumarka ka shaqeynaya,” ayuu yiri Wasiir Beene-Beene.

Wasiirka oo hadalkaan ka sheegay Madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka qabsoomtay Muqdisho, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda ay qorsheynayso inay si toos ah u fuliso mashaariicda, si isla-xisaabtanka la xiriira arrintaan uu hirgalo.

“Ma dhahayno hal mar ha laga soo wada guuro laakiin waxaa rabnaa inta aan ku jirno sanadkaan, in qeyb kamid ah boqolkiiba ay fuliso dowladda, oo hadhoo loo soo guuro 100%,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya

Sidoo kale waxa uu sheegay in la gaaray xilligii si tartiib ah loogu soo guuri lahaa nidaamka dowliga ah, si looga guuro gargaarka oo loogu guuro dhanka horumarinta, “Dalkaan si meel fog u gaadho waxaa naga go’an in loo guuro dhanka horumarinta, oo kor loo qaado isticmaalka nidaamka dowliga ah.”

Madashan Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo  ay soo qaban-qaabisay wasaraadda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Si kastaba. Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.

Imran Khan oo la xiray iyo xiisad xoogan oo taagan

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray, sida ay booliisku sheegeen, wax yar kadib markii uu kasoo muuqaday maxkamadda, halkaas oo ay ka billaabaneysay dhageysiga mid ka mid ah kiisas dhowr ah oo lagu soo eedeeyay.

Muuqaal laga soo duubay gudaha maxkamadda sare ee Pakistan ayaa muujinayay tobannaan ka tirsan ciidamada ammaanka oo sitay qalabka rabshadaha looga hortago oo Khan ku riday gaari.

Xisbiga Khan ayaa ku baaqay dibad-baxyo looga soo horjeedo xariggiisa. “Dadka Pakistan, waa markii aad badbaadin lahaydeen dalkiinna, ma heli doontaan fursad kale,” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay twitterka xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

Qareen xisbiga PTI Ali Bukhari ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in jirdil lagu sameeyay Khan.

Xariga Khan ayaa kusoo beegmaya xilli dadka caadiga ah ee Pakistan ay la daalaa dhacayaan xaalad dhaqaale xumo tii ugu xumayd ee soo marta tobannaan sano, iyadoo sicir-barar heerkiisu sarreeyo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Rana Sanaullah ayaa u sheegay warfidiyeenka in Khan ay xireen Xafiiska la xisaabtanka Qaranka (NAB) kadib markii ka baaqday inuu horyimaado xaafiiska “inkasta oo ay jireen ogeysiisyo loo diray”.

AFP, Reuters.

Sawirro: Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo gaaray Sacuudi Carabiya + Ujeedka

0

Riyadh (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa gaaray dalka Sacuudiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhigiiisa dalka Sacuudiga.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa booqashadiisan uu ku tegay dalka Sacuudiga ay qaadan doonto saddex maalmood ayaa waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda waddankaas, si gaar ahna dhiggiisa Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga Saud Almejib.

Kulamada uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu la qaadanayo masuuliyiintaas ayaa ku qotomo iskaashiga iyo horumarinta xeer ilaalinta labada xafiis, wadaagga aqoonta iyo waaya-aragnimada labada dhinac.

Sidoo kale waxa uu Xeer ilaaliyaha guud uu booqan doonaa mudada uu joogo dalkaasi Sacuudiga, Xarunta dhexe ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, Xarunta Ictidaal oo ah xarun lagula dagaalamo fikriga xagjirka ah iyo hay’adda hufnaanta iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Xarumaha uu booqan doono Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale waxaa kamid ah hay’adda Forseniga dalka, maxkamaddaha kala duwan ee dalkaasi iyo Jaamacada Naayif ee caluumta amniga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safarka Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Sacuudiga.

Sacuudiga iyo Syria oo dib usoo celiyey xiriirkooda

Dimishiq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa Talaadadii xaqiijiyey dib ugu soo laabashadiisa xeendaabka Carabta kadib markii dalka awoodda badan ee Sacuudi Carabiya oo muddo diidanaa uu sheegay inuu dib ula billaabayo xiriir diblomaasi.

Soo-celinta xiriirka diblomaasi, oo markii dambe ay xaqiijisay Dimishiq, ayaa yimid in ka badan 10 sano kadib markii Riyadh ay wakiiladeeda la baxday intii uu socday dagaalka sokeeye ee Syria, iyo laba maalin kadib markii ururka Jaamacadda Carabta uu soo geba-gebeeyey sideed sano hakad ay ku jirtay xubinnimada Syria.

Boqortooyada “waxay go’aansatay inay dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Syria,” ayey bayaan ku tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga.

Bayaanka oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA ayaa lagu sheegay in Riyadh ay raadin doonto “horumarinta dhaqaaq carbeed oo wadajir ah.”

Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa tiri “Jamhuuriyadda Carbeed ee Syria waxay go’aansatay inay dib u billowdo howlihii diblomaasiyadeed ee Sacuudi Carabiya,” ayada oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha dibedda.

Sacuudi Carabiy ayaa 19-ka May marti-gelin doonta shir madaxeedka xiga ee Carabta.

Assad ayaa siyaasad ahaan ka go’doonsanaa gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Syria, balse dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo dhowr ah ayaa socday toddobaadyadii tegay.

Go’aankan ayaa yimid toddobaadyo kadib markii ay xiriirka diblomaasi soo celiyeen Iran oo xulufo la ah Syria iyo Sacuudi Carabiya.

Saddex toddobaad kahor, Assad ayaa Dimishiq kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan, taasi oo aheyd booqashadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee sarkaal Sacuudi ah uu dalkaas ku tago tan iyo 2011.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay dowladda Assad 2012, waxaana Riyadh ay mudda taageereysay in xukunka laga tuuro Assad ayada oo la safan mucaaradka Syria, marxaladihii hore ee dagaalka.

Assad ayaa rajeynaya in soo-celinta xiriirka dalalka Khaliijka uu horseedi doono kaalmo dhaqaale iyo maaliyadeed oo dib loogu dhiso dalkaas.

VOA + AFP

Daawo: Saciid Deni oo weerar culus ugu jawaabay Xasan iyo Xamza

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar culus uga jawaabay hadalo kasoo yeeray madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa khudbad u jeedinayay isku soo baxyo ka dhacay Gaalkacyo oo qeyb ka ahaa doorashooyinka lagu muransan yahay ayaa waxa uu ku eedeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu federaal diid yahay, haddana uu kasoo horjeedo dimuquraadiyeynta Puntland, sida uu sheegay.

“Xasan Sheekh federaal diidnimada waxa uu ku darsadey dimuqraadiyad diidnimo, naceybka kusoo duulay Laascaanood ka yeeli mayno inay burburiyaan Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Deni.

Waxaa uu intaas sii raaciyay “Muuse Biixi hadaladii uu shalay ka yiri Baarlamaanka waa wax ay isla ogaayeen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh. Marnaba cidna uga heebaysan mayno in aan difaacno sharafta iyo dowladnimada dadkeena.”

Saciid Deni ayaa waxa uu ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu duminayo Laascaanood, uuna hadda kala socdo weerarkii uu dhawaan Muuse Biixi uu ku qaaday maamulka Puntland, inkasta oo uusan soo bandhigin cadeymo xoojinaya hadalkiisa.

“Puntland waxaa ku socda dagaal dheer iyo colaad gaamurtay oo aan loo meel dayin, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa noo soo rumowaya waxyaabo meelo qaar lagu soo maleegay. Shirkii saddex geesoodka ahaa ee Laascaanood lagu burburiyey haddana la rabo in Puntland lagu burburiyo farriintiisa waa nasoo gaartey, difaaceeda diyaar baanu u nahay,” ayuu yiri.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu weerar shaqsi ah ku qaaday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo xalay eedeyn culus u jeediyay maamulkiisa, isaga oo uu ku tilmaamay xoghayaha iyo shaqaalaha madaxweyne Xasan.

“Xoghaynta madaxweynaha ee hadda ra’iisul wasaaraha sheegta farriinta uu kusoo faray waan maqalnay. Shaqadiisi (Xamza) madaxweynaha ayaa qaatay mid cid buu shaqo siin karaa,” ayuu yiri Deni oo si yaab leh uga jawaabay eedeyntii uu jeediyay ra’iisul wasaaraha ee aheyd in Puntland ay fashilinayso barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu ka hortagayo nacabka kusoo duulay, isaga oo ku adkeystay inay ka go’an tahay xoreynta gobolka Sool, oo uu hadda ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Hadalka Deni ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu si weyn u dhaliilay maamulka uu hoggaamiyo ka gadaal xiisadda siyaasadeed ee ka taagan halkaasi, islamarkaana uu ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay maamulka Puntland inuu wado fashilinta dadaallada ay wado dowladda federaalka.

Ujeedka munaasabad ka dhacday Xalane oo ay ka qeyb-galeen DF iyo wakiilada caalamiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayaa ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan Maalinta Midnimada iyo Nabadda ee Yurub oo ka dhacday gudaha xarunta Xalane.

Mudane Xamza ayaa Midowga Yurub ugu hambalyeeyey maalintan taariikhiga ah ee muujinaysa qiimaha ay leedahay iskaashiga dalalka, daris-wanaagga iyo wax-wada qabsiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tusaale u yahay ururrada iskaashi iyo goboleed ee caalamka intiisa kale, maadaama ay dhabbaha u xaareen walaalnimo iyo wada-nolaasho shucuubta qaaraddaas, awood maamul iyo mid dhaqaalena ay ku heleen midnimadooda, taas oo waxtarkeedu uu gaaray dalal badan oo soo kobcaya oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

“Waxaana ka mahadnaqayaa fursaddan aan u helay in aan bogaadiyo taageerada hagar la’aaneed ee Midowga Yurub ku bixiyo horumarka iyo baraaraha Soomaaliya. Taageerada Midowga Yurub ee dhanka amniga, caafimaadka, waxbarashada, dowladnimada, arrimaha gargaarka IWM, ayaa ah mid loo aayey,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisu Wasaaraha ayaa xusay in qorshaha-wadashaqeyneed ee labada sano ee socota ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay dhawaan kala saxiixdeen uu ka tarjumaya mudnaanta ay xukuumaddiisu siinayso xiriirka labada dhinac iyo sida ay muhiimka u tahay in marxaladdan la xoojiyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Taageeradiinnu waxay mahuraan u tahay dhismaha nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo dhanka kale ka qaybqaadaneysa kobaca iyo horumarka dalka. Dowladdeyda waxaa ka go’an dhisidda hay’ado qaran oo wax-ku-ool ah, islamartkaana kulansaday karti iyo hufnaan”.

Midwoga Yurub ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ka qeyb-galka munaasabaddooda sannadlaha ah, waxayna soo dhoweeyeen geeddi-socodka wadas-haqaynta ee dhawaan la isla ansixiyay.

Waxay ku bogaadiyeen dowladda federaalka Soomaaliya dadaalka dhabta ah iyo horukaca ay ku tillaabsatay, gaar ahaan xoreynta dalka, nabaddaynta iyo horumarinta.

WARAABE: Khudbadii madaxweynaha waxay aheyd is dila

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u dhaliilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo uu ku eedeeyay in Somaliland uu ku wado burbur.

Guddoomiye Waraabe oo ka fal-celiyay khudbad sanadeedkii uu madaxweyne Muuse Biixi uu shalay ka jeediyay Baarlamaanka ayaa waxa uu ku tilmaamay khudbad aan la fileyn oo macnaheedu ka dhigna is dila, sida uu hadalka u dhigay.

“Khudbadiisi shalay, lama filayn maanta oo aynu doonayno in uu dalkeenu midoobo oo huwanta dalka soo weerartay gacmaha iska qabsano oo khilaafka gudaheena aan xalino, oo uu horseed ka noqdo ilayn kursigii madaxweynaha ayuu fadhiyaaye in uu khudbad lasoo shir tago khudbad macnaheeda uu ahaa is dila,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu ka horyimid hadalkii Biixi uu xisbiyada ku sheegay ururo, oo uu sheegay inuu u sameynayo sidaas muddo xileedkiisa dahamaaday iyo damaciisa guran.

“Haddii xisbiga Kulmiye urur noqday suurta-gal ma ahan in madaxweyne uu matalo ururo, ma urur madaxweyne leh ayaa la arkay. Sharcigii shanta sano wuu ka dhacay, ma waxaa aragteen meel ay ku taallo guddoomiye guurti oo isaga qudhiisa uu labaatan sano fadhiyo ayaa u kordhiyay,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland.

Waraabe ayaa waxa uu sheegay in sharci aheyd in xoog madaxtooyada kaga soo saaraan Muuse Biixi, maadaama uu dhameystay muddadii uu dastuurka u ogolaa, balse ay shacabka iyo nabadda u tudheen.

“Muusow, Somaliland oo dhan ayaa magac xumo u keentay, anaga oo haybad leh oo na-laga baqo oo ciidankeena, oo Soomaali oo dhan sharaf noo hayso ayaa maanta nala leeyahay ma sidaan ayaa aheydeen.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in cid kasta oo taageersan madaxweyne Muuse Biixi inay ka qeyb qaadanayso bur-burinta Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in xilka laga qaado, haddii kalena ay ka tashan doonaan.

“Wax lagugu soo xasuusto oo kheyr ah lagama hayo (Muuse Biixi-yow) oo magac xumo ayaa la joogta. Waqtigaaga wuu dhamaaday ee wax uun ha lagugu soo gaadho ee qabo doorashada.”

DF oo meel adag iska taagtay sida ay Somaliland u maareysay rabshadaha Boorama

MUqdisho (Caasimada Onlne) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay sida ay xukuumadda Somaliland u maareysay rabshadaha shalay ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday degmada Kaaraan ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba raali ka aheyn in xabad loogu jawaabo shacab cabashadooda muujinaya, sida kal hore ka dhacday Laascaanood, taasi oo hadda mareysa meel adag.

“Dowladda federaalka ah waxay dowlad u tahay laga soo bilaabo Lawyacadde illaa Raaskambooni. Wixii ka dhaca waxa anaga naga hooseeya waxaan leenahay faa’iido ma keenayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay tallaabo ay qaadeen dadweynihii careysna ee shalay calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada Boorama, “Calankaan Buluuga, Hargeysa calan buu u yahay, Laascaanood calan buu u yahay, Boorama calan buu u yahay, Berbera-na calan buu u yahay, iyaga ayuu markii hore ka yimid.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu tlmaamay in arrimaha ka taagan Boorama iyo Laascaanood aysan u baahneyn colaad iyo dhibaato horleh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal iyo wada-jir bulsho.

“Wiil Soomaaliyeed in uu dhinto ma ogolin, in la heshiiyo oo la wada-hadlo ayaan rabnaa. Boorama ha ka socoto ama Laascaanood ha ka socoto, in la heshiiyo ayaan rabnaa.”

Waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay masuuliyad gaar ah ka saaran tahay amniga, ayna tahay inay si caqliyeysan lagu dhameeyo wax jira, oo miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, “Xil gaar ah ayaa ka saaran in dadka iyo odayaasha ay la fadhiistaan, oo nabad-gelyada la ilaaliyo.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in hal dowlad la wada yahay, islamarkaana wax la iskula haro oo nabad-gelyo lagu wada noolaado.

“Siyaasadda waa laga heshiina hal dowlad ayaa wada nahay ee ha la joojiyo kala cararada, oo ha la xishooda, yaan la fogaan oo la isku fogaan, oo shacabkeena iska leynin iyo wax aan berri ka qoomameyn doono,” ayuu yiri.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya xilli ay shalay magaalada Boorama ka dhaceen rabshado horleh, kuwaasi oo looga soo horjeedo dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, iyada oo ciidamada Booliska ay rasaas nool ku fureen dibad-baxayaasha, taasi oo dhalisay inuu isku rogo kacdoon dadweyne, ayada oo dadka dhigayay dibad-baxaan la arkayay iyaga oo calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada.