28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeyntii ra’iisul wasaare Xamza

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa si adag uga jawaabay eedeyn uu xalay u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ee uu ku sheegay in maamulka Puntland uu fashilinayo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa sheegay in Puntland aysan dowladnimada Soomaaliyeed meeshii laga filayay ka taagneyn, islamarkaana caqabad ay ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo shan bilyan dollar lacag dhan.

Wasiirka Qorshaynta Puntland oo magaalada Garowe kula hadlayay kumanaan shacab ah ayaa waxa uu sheegay in maamulka Puntland aysan jirin wax mashaariic ah oo kasoo gaaray deymihii hore ee dowladda federaalka ah ay ku qaadatay magaca Soomaaliyeed.

“Deynta iyo cafinteeda, anigu wasiirka qorsheynta aheyd waxaa ka dhahaa anagga deyn na-laguma laha. Lacagta deynta ah ee Soomaaliya magacyadeeda ay dowladihii hore ku qaateen, waxay ahayd lacag mashaariic lagu fuliyay. Mashaariicdaas haddaanu nahay reer Puntland hal mashruuc nagama soo gaarin,” ayuu yiri Wasiirka Qorhsheynta Puntland.

Waxa uu sheegay in mashaariicda lagu fuliyay lacagaha deynta lagu leeyahay Soomaaliya, ay Puntland kasoo gaartay laba mashruuc oo kala ahaa; madaarada Boosaso iyo Garoowe, taasi oo uu sheegay inay aheyd deeq ay bixisay Talyaaniga.

“Puntland yeeli mayso deyn aysan waxba ka ogayn, oo aan lagala tashanin in laga cafiyo Soomaaliya,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Maxamed Saciid Faroole.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qaar kamid ah deymahaasi ay musuq-maasuqday dowladda Soomaaliya ee hadda jirta, “Waxay rabaan in shantii bilyan ee qaateen laga cafiyo, ayna qaatan laba boqol oo bilyan oo cusub oo anaga waxba nagala siin oo Soomaali inteeda kale lagu burburiyo.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay dalbaday in la kala saaro horumarka iyo siyaasadda, isaga oo sheegay in maamullada kale ee dalka ka jira ay ka shaqeeyeen nidaamkii dayn cafinta marka laga reebo Puntland, oo diiday inay kasoo qeyb gasho shirarkii gogol xaarka u ah arrimaha dayn cafinta.

Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay arrintaasi iska diidaan oo aysan bar madow ku noqon, inksta oo haddii arrintaasi lagu hungoobo mas’uuliyadda u saariyay maamulka jira ee uu hoggaamiyo Saciid Deni.

SSC oo qaadatay mowqif culus kadib go’aankii Biixi uu ku adkeystay

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa shaaciyay in xabad joojin aysan dhaceyn oo wada-hadal ay la galayn Somaliland, kadib go’aankii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi shalay ka hor sheegay Baarlamaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Baarlamaanka ka sheegay in marnaba aan Somaliland laga sugin in ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool, xilli ay baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ahba ay soo jeediyeen in ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka si labada dhinac ay miiska wada-hadalka iskugu imaadan.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa sheegay in aysan wada-hadal la fureyn Somaliland inta ay ciidamadooda joogaan Sool, isaga oo ka dhawaajiyay aysan marnaba is dhiibi doonin marnaba oo ay la dagaalamayaan, “Shacabkeygu waxay doorteen in ay dhintaa halkii ay gunimo kaga noolaan lahaayeen.”

“Wada-hadalku waxa uu ku iman karaa oo kali ah haddii ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Sool, markaas ayaanu cafin karayna ama aarsan karayna, laakiin inta ciidan na dul joogo wax wada-hadal ah oo noo dhaxaynaya majiro,” ayuu yiri Garaadka Guud ee SSC.

Garaadka ayaa intaas sii raaciyay “Wada-hadalku waxa uu ku iman karaa oo kali ah haddii ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Sool, markaas ayaanu cafin karayna ama aarsan karayna, laakiin inta ciidan na dul joogo wax wada-hadal ah oo noo dhaxaynaya majiro.”

Sidoo kale, waxa uu ka jawaabay garaadku hadal kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo uu ku sheegay in garaadadu ay wada-hadalka diideen.

“Kii soo duulay ee dadka guryihiisa ku dhex jiray ee duminayay ee dhiiga daadinayay, ayaa leh nabad-galyadii cid ayaa ku ciyaaraysa, waa nasiib daro nin aad kusoo duushay oo aad dadkiisii laynayso in aad hadana tadha wada-hadal kii ayuu diiday,” ayuu yiri Garaad Cali Garaad Jaamac

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xabad joojinta ay Somaliland ku andacooto ay ogolaanayaan haddii ay ciidamada Somaliland ku guurayaan waqti kooban, laakiin aysan ogoleyn wax xabad joojin oo kale oo dhex-marta.

“Majiro xad ay saxiixeen aabihii awowgii toona oo Somaliland leedahay, sida uu sheegay Muuse Biixi” ayuu hadalkiisa sii raaciiyay Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali.

DF oo Muqdisho ka daah-furtay madal ay qeyb ka tahay beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta Muqdisho kadaah-furay madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka.

Madashan oo ay soo qaban-qaabisay wasaraadda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, kaasi oo ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamud Beene-beene ayaa faah-faahin ka bixiyey muhiimadda ay madashan u leedahay umadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in madashan ay kor u qaadayso isku-dubbaridka iyo in mashaariicda la waafajiyo qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in madashan ujeedkeedu yahay isku dubaridka iyo hagaajinta gargaarka iyo kaalmada horumarineed ee deeq-bixiyeyaashu siiyaan dalkeena.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madashan ay kaalin muhiim ka qaadaneyso sidii loo yeelan lahaa madal ka shaqaysa iskaashi joogto ah, si looga wada shaqeeyo horumarka guud ee dalka.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxay hiigsanaysa in dawladda la gaarsiiyo heer isku filnaansho iyo isku tashi ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka dhawaajiyay hiigsiga fog ee xukuumadda uu qeybta ka yahay.

Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.

Ciidamo gadoodsan oo xirtay bar-kontarool oo ku yaal Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xirtay bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Garoowe.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan kontaroolka bari ee magaalada Garowe.

Kontaroolkan ay xirteen ciidamada gadoodsan ayaa muhiim u ah isku socodka dadka iyo gawaarida xamuulka, waxaana gebi ahaanba joogsaday isku socodka gaadiidka ku safra waddadaasi laamiga ah oo isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaso.

Ciidankan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa waxay ku eedeyeen madaxweynaha maamulka ee Saciid Deni inuu mushaarkii ciidamada Puntland ku galay ololaha doorashada, xilli uu maamulkaasi ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed xoogan oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka,

Arrintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo madaxweyne Deni uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo uu ka wado ololaha siyaasadeed ee ururkiisa Kaah, kaasi oo taageero loogu raadinayo doorashooyinka uu qeybta ka yhay ee doorashooyinka qof iyo cod ah.

Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa xirtay bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadaas ayaa sidoo kale waxay ka gadoodsanayaan mushaar la’aan, iyaga oo sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, oo ay xuquuqdooda kaga maqan maamulka Puntland, sida ay sheegeen.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Maxay ka wada-hadleen R/W Xamza iyo Danjiraha Indonesia? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare ayaa maanta wada-hadal gaar ah la yeeshay Danjiraha dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Kulankan oo ay ra’iisul wasaaraha ku wehlinayeen howlwadeeno ka tirsan xafiikiisa ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac si gaar ah u dul istaageen muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.

Dhanka kale, wasiirka arrmaha dibadda, Abshir Cumar Huruuse ayaa isla maanta kulan kan lamid ah la yeeshay safiirka Indonesia, Danjire Dr. Mohamad Hery Saripudin.

Wasiir Huruuse iyo Danjiraha ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada diblumaasiyadda, ganacsiga, waxbarashada iyo amniga.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa lagu faahfaahiyay muhiimadda kulankan oo sidoo kale lagu soo qaaday fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal.

Sidoo kale waxa ay isla garteen labada mas’uul abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara waddamada Soomaaliya iyo Indonesia.

“Waxaan isla garanay muhiimadda ay leedahay abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara ganacastada labadeena dal, fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal, iyo inaan iska taageerno golayaasha caalamiga ah, Maadaama dalkeennu dadaal ugu jiro ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka iyo qaadista cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer ina saaran” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Balanballe: Xaflad aroos oo isku bedashay Tacsi kadib markii la dilay..

0

Balanballe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo ka dhacday agagaarka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, kadib uu dil ka dhacay goob ay xilligaas ka socotay xaflad aroos ah.

Arooska ayaa isku beddalay tacsi, waxayna goobta oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo faraxsan, balse goobta ayaa hal mar isku bedashay meel ay murugo taallo.

Dhacdada ayaa ka dhalatay dagaal dhex-maray laba wiil oo dhalinyaro ah oo ku sugnaa xafladda, kuwaas oo murmay, kadibna uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah.

Wariye ku sugan degmada Balanballe oo la socday dhacdadaasi ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in mid kamid ah wiilasha ay murmeen kadibna uu midkoo doontay qoray, sidaasina ku dilay wiilkii kale oo ay ku wada dagaalameen arooska.

“Meel u dhow degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud waxaa xalay ka dhacday in laba wiil oo dhalinyaro ah oo ku sugnayd goob ay ka socotay xaflad aroos in dagaal uu dhex-maray, taasina ay keentay in wiil kamid ah uu halkaasi ku geeriyoodo,” ayuu yiri wariyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay  “Muran kadib mid kamid ah wiilasha ayaa hub doontay, kadibna uu soo qaatay qoray AK47 ah oo uu adeegsaday dilka”.

Dhanka kale waxaa deegaanka ay mashaqada ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug, kuwaas oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedeysanaha oo haatan ku xiran saldhigga degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dilkan ayaa argagax ku reebay dadka deegaanka, madaama ay si lama filaan ah tacsi isugu beddashay xafladdii arooska ee ka socotay halkaasi.

Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa si weyn looga bartay dilalka la xariira aanooyinka qabiil, balse dhacdadaan ayaa ka bedalan, taas oo argagax ku reebtay dadka deegaanka.

PUNTLAND oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii BIIXI

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Biixi oo la hadlayay labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa ku eedeeyay Puntland inay qayb ka tahay colaadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiir Dirir oo ka jawaabay eedeyntaasi ayaa sheegay in dadka la dagaallamaya Somaliland ay yihiin kuwii uu horay u dul dulmiyay Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaanu ku leenahay cod dheer iyo cod gaaban Muuse isaga ayay ku kooban tahay dadkii uu dulmiyaybaa iska celiyayoo hubka qaatay,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Puntland aaney qayb ka aheyn dagaalkaasi, isla-markaana ciidamo ka socda aysan joogin aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood.

“Annaga Puntland kuma jirno, ciidamadeenana qayb kama ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka warfaafinta Puntland,”

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay mowqifka Puntland ee ku aadan arinta gobolka Sool, waxuuna tilmaamay inay qabaan in masiirkooda iyo rabitaankooda loo daayo dadka degan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee SSC.

“Mowqifka Puntland ee dagaalkaas ku aadan waxaa weeye dadkaa in aayo ka talintooda loo ogolaado, taladooda inay leeyihiin, in laga daayo xabadda lala dhacayo” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ay hadallo caynkaan kale ah isku mariyaan warbaahinta, tan iyo markii uu billowday dagaalka muddada dheer ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Daawo: XAMZA oo weerar culus ku qaaday PUNTLAND ugana digay arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaasaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hadalkii ugu adkaa kula hadlay maamulka iyo shacabka Puntland, xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo labada dhinac.

Xamza, oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday degmada Kaaraan ee Muqdisho, ayaa Reer Puntland uga digay in taariikhda Soomaaliyeed aysan baal madow ugu qormin xilligan.

Ra’iisul Wasaare Xamza, oo aan looga baran hadallada adag, ayaa sheegay in Puntland aysan dowladnimada Soomaaliyeed meeshii laga filayay ka taagneyn, islamarkaana caqabad ay ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo shan bilyan dollar lacag dhan. 

Wuxuu kaloo uu sheegay inay hortaagan tahay in 400 macallin oo ka shaqeynaaya waxbarashada Puntland iyo in deegaanadeeda laga soo qoro askarta dowladda federaalka.

“Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland ee walaalahay ah, ma mudnidiin taariikh madoow in Puntland ku qoranto, in la yiraahdo dayn cafintii Soomaaliya waa fashilantay, yaa fashiliyay Puntland, lama qaadan karo taas, waxaan codsaneynaa horumarka iyo siyaasadda in la kala saaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo shacabka Puntland ka codsaday inay diidaan wixii ka dhan ah arrinta dayn cafinta, kana hor-imaadaan ciddii ku lug leh.

“Dhallinyarada Puntland waxay xaq u leeyihiin inay shaqo ka helaan dowladda dhexe, ka badan 400 macallin ayaan diyaar u nahay inaan mushaar siino oo waxbarashada Puntland micno kusoo kordhiyaan, dhallinyarada haddaan cod ka rabno, waad fiican tihiin dhahno, marka ay shaqo heli lahaayeen, ma shaqadaan ka hor istaageynaa, maya, dhallinyarada waa in loo ogolaadaa inay shaqeystaan, dowladdooda waa inay u ogoladaa shaqooyinka,” ayuu yiri ra”iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa is weydiiyay cidda mas’uul ka noqon doonta haddii la waayo dayn cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in maamullada kale ee dalka ka jira ay ka shaqeeyeen nidaamkii dayn cafinta marka laga reebo Puntland, oo diiday inay kasoo qeyb gasho shirarkii gogol xaarka u ah arrimaha dayn cafinta.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu baaqay shacbaka Puntland inay arrintaasi iska diidaan oo aysan bar madow ku noqon, inkstoo haddii arrintaasi lagu hungoobo mas’uuliyadda u saariyay maamulka jira ee uu hoggaamiyo Saciid Deni. 

 

Maxaa ka jira in askari ay tababar u qaaday DF lagala baxay xubnaha jirkiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay markii u horeysay caro xooggan oo ka dhalatay askari ay tababar dowladda ugu dirtay dalka Uganda oo la sheegay in xubno kamid ah jirkiisa lagala baxay.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa beeniyay in askarigaas lagala baxay qaar kamid ah xubnaha jirkiisa, isaga oo sheegay in qaliin lagu sameeyay jirka askarigaas oo geeriyooday.

Waxa uu sheegay in askarigaan uu xanuusansaday isaga oo tababarka ku jira, kadibna la dhigay isbitaal ku yaal Kampala, halkaasi oo markii dambe uu ku geeriyooday.

“Waxaa lagu qasban yahay in qofka jirkiisa la jeexo si loo xaqiijiyo waxa geeridiisa sababay. Report-kiisii iyo fayl-kiisii oo ay ku jiraan asbaabta uu ugeeriyooday iyo maydkiisa ayaa la diyaariyay, waxaa kadibna loo soo qaaday dalka,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa sheegay in qaliinkiisa si qaldan loo fasiray kadib markii laga soo dejiyay meydka marxuumka magaalada Muqdisho, “Qolo ayaa war xumo tashiilisay markii ay arkeen jirkiisa oo jeexan, meyd la jeexay Soomaalida niman ka dharagsan ma ahan, war xun ayaa loo sheegay oo intaas ayaa deegaanka gaartay.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay wasiirka gaashaandhigga in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka suurtoobin in qof ay masuul ka tahay ama askari ay tababar u dirtay lagula kaco arrintaasi oo kale.

“Masuuliyad intaas le’eg anoo haya in askari ciidanka xoogga dalka ka tirsan in waxyaabahaas qaarkood lagu sameeyo, ama raali ka noqon. Soomaaliya horey ciidamo ayay ugu dirtay Uganda iyo dalal kale, mana dhicin waxyaabahaas oo kale. Mana ahan waxaas wax ka suurtowda dowladda Soomaaliya.”

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay banaanbaxyo arrintaan uu beeniyay looga soo horjeedo ka dhaceen magaalada Xudur ee gobolka Bakool, oo markii hore laga qaaday askariga tababarka loo geeyay Uganda ee dalkaasi ku geeriyooday, maydkiisana dalka lagu soo celiyay.

Kulane Jiis oo weerar ku qaaday DF – “Waxay beerdareysay halgankii…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan xoogooda uu ka socdo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Kulane Jiis oo weerar ku qaaday dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in la haystay fursad weyn oo loo adkaan karay Shabaab, balse dowladdii ay ka gaabiyay.

“Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waxa uu lahaa fursado gaar ah oo waawayn  loogana adkaan karo Al-Shabaab. Waxaa jiray kacdoonkii Macawisley iyo ciidan karti leh oo dhisan loogana adkaan karay Alshabaab,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdullahi Kulane.

Xidlhibaanka ayaa xusay in haatan dagaalka uu isku beddalay fashil, isaga oo tusaale usoo qaatay khudbaddii guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo shalay sheegay inuu u itaal waayay howlgalkii gobolkaas, isaga oo toos ula wadaagay Cali Guudlaawe.

“Dagaalku waxa uu isu beddelay fashil sida ku cad hadalkaan hogaamiyaha Macawisley, Gudoomiye Cali Jayte. Qayla-dhaanta Cali Jayte waxay tilmaan u tahay  baaxadda guul-darrada taagan,” ayuu mar kale sii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in dowladda federaalka ay beerdareysay fursaddii ay heshay, gaar ahaan halganka maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleuda.

“Dowladda waxay meel cidlaa ku beerdareysay taageerada bulshada iyo halgankii Macawisleey ee dad badani ku shahiiday.Qirashada hogaamiyaha Macawisley  oo ah in aysan sii wadi karin dagaalka waa jab weyn oo horseedi kara khatara badan,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa muuqata in dowladda dhexe ay awalba dagaalka ugu jirtay inay indhaha shacabka kaga jeediso dhaca iyo musuqmaasuqa baaxadda leh ee wadanka ka socda!” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaan Cabdullaahi Kulane.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la filayo inuu billowday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan waddamada dariska.

Istaahil: Waxaa nala dhihi jiray haddaad gudniin ka hadasho ma jirto nin ku guursanaya

Amsterdam (Caasimada Online) – Istaahil Cabdullaahi oo ka mid ah gabdhihii xulka Qaranka kubadda koleyga Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay hormuud u tahay olole ku saabsan ka hortagga gudniinka gabdhaha. 

Istaahil oo ku sugan dalka Netherland, waxey nasiib darro ku tilmaantay in weli wacyiga bulshadu uusan u bisleyn in fagaarayaasha lagaga doodo dhibaatada caafimaad ee ku imaaneysa gabadhaha la gudo. 

“Gudniinka waxaan u aragnay wax aan laga hadlin, oo haddii aan ka hadalno wuxuu noqday muwduuc [Taboo] ah. Qofkii ka hadlana waxaa la leeyahay waxaasi waa sheeko dumar” Ayeey tiri Istaahil oo wareysi siisay Somali Nederland TV [Youtube]. 

Istaahil mar ay ka hadleysay doorka aabayaashu ka qaadan karaan joojinta gudniinka gabdhaha waxay tiri: 

“Waan jeclaan lahaa inaan ogaado in raggu ay mowduucaan isku soo qaadaan, waxaan rabi lahaa inaan ragga weydiiyo haddeey gabar ku tiraah; xanuun ayaa I haya maxaad sameynee.?”    

 HALKAN KA DHAGEYSO VIDEO-GII OO DHAMMEYSTIRAN 

Senior militants among 12 killed in Israeli strikes on Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Israel launched a series of pre-dawn air strikes on Tuesday against the militant group Islamic Jihad in Gaza, resulting in the deaths of 12 people, according to the health ministry in the Hamas-controlled Palestinian territory.

Among the casualties were women and children, though further details about the victims’ identities were not provided.

An AFP journalist in Gaza reported the top of a building on fire after the air strikes and ambulances evacuating victims.

The Israeli army said it had targeted three leaders of Islamic Jihad, which it considers a terrorist organization, and had struck “weapon manufacturing sites” belonging to the group.

Islamic Jihad confirmed the deaths of three senior officials: Jihad Ghannam, secretary of the Al-Quds Brigades military council; Khalil al-Bahtini, also of the council and commander of the military wing in northern Gaza; and Tareq Ezzedine, described as “one of the heads of military action” in the occupied West Bank who operated from Gaza.

Islamic Jihad vows retaliation

In Rafah, located in the southern Gaza Strip, an AFP photographer saw Ghannam’s body.

Islamic Jihad released a statement mourning the leaders and their families, denouncing the attack as a “cowardly Zionist crime” and vowing that “the blood of martyrs will increase (the) resolve” of the movement.

The air strikes began shortly after 2 am (2300 GMT) and continued for nearly two hours, with explosions heard in the east.

This operation occurred less than a week after Islamic Jihad announced a truce around Gaza, brokered with help from Egypt, following a recent surge in violence.

Israel and Gaza militants exchanged cross-border fire after the death of Khader Adnan in Israeli detention.

Adnan had been on hunger strike for 87 days following his arrest over ties to Islamic Jihad.

On Tuesday, the militant group accused Israel of disregarding “all the initiatives of mediators” and promised to “avenge the leaders” killed in the latest air strikes.

Israel and Hamas’ response

In separate statements, the Israeli army detailed each Islamic Jihad figure killed, asserting its commitment to “operate for the security of the civilians in the state of Israel.”

Ghannam was described as “one of the most senior members of the organization,” coordinating weapons and money transfers between Hamas and his movement.

Bahtini was said to be “responsible for the rocket fire toward Israel in the past month,” while Ezzedine was recently “planning and directing multiple attacks against Israeli” civilians in the West Bank.

Hamas chief Ismail Haniyeh stated, “assassinating the leadership in a treacherous operation will not bring security to the occupier, but rather greater resistance.”

The militant group’s spokesman, Hazem Qassem, warned that Israel “bears responsibility for the repercussions of this escalation.”

Israel and Gaza militants have fought multiple wars since Hamas took control of the Palestinian enclave in 2007.

A three-day conflict in August of last year resulted in 49 Palestinian fatalities and none on the Israeli side.

This year, 120 Palestinians and 21 others, including 19 Israelis, one Ukrainian, and one Italian, have been killed in the ongoing Israeli-Palestinian conflict, according to an AFP count based on official sources from both sides.

SOURCE: AFP

BARAKAC ka billowday Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyay + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Barakac horleh ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu shalay gelinkii dambe ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex mara magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in biyo fara badan ay galeen xaafadaha Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn oo ka wada tirsan Beledweyne.

Shacabka ku noolaa xaafadahaasi ayaa isaga barakacay guryahooda, kadib markii ay fatahaad ku dhufatay xarunta gobolka Hiiraan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka warbixiyay barakaca haatan ka socda Beledweyne iyo xaaladda guud ee magaaladaasi.

“Haddii aan ka hadlo xaafadeyda aniga iyo saddex qoys oo wada daganeyn waan kasoo barakacnay xaafadda 80% way qaxeen caawana biyaha waa nagu saa’id,” ayuu yiri.

Sidoo kale Duniyo Ibraahim Xasan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa VOA u sheegtay in wabiga uu karkaaraha soo jabsaday, kadibna biyaha ay soo galeen xaafaddooda.

“Waxaan daganahay wabiga hoostiisa waa bad waa buuxdaa hadda ayaan ku tusin karnaa biyaha beryahaanba way soo billowdeen,” ayay tiri Hooyo Duniyo Ibraahim Xasan.

Waxaa kale oo ay Duniyo Ibraahim intaasi sii raacisay “Meeshii taag ah oo ay dadka usii dhowaadaan ayaan tageynaa”.

Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqd qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn.

 

 

Israel oo weerar shacab iyo madax sare lagu laayey saaka ku qaaday Marinka Gaza

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa saaka duqeyn oo xooggan oo ka dhan ah kooxda Islamic Jihad ku qaaday Marinka Gaza, waxaa sidaas ku dhowaaqay militarigeeda, ayada oo wasaaradda caafimaadka maamulka Xamza ee Gaza ay sheegtay in 12 qof lagu dilay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in haween iyo caruur ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan aqoonsiga dhibbanayaasha.

Weriye ka tirsan AFP oo ku sugan Gaza ayaa arkay dab ka holcaya dusha sare ee dabaq kadib markii duqeymaha ay haleeleen, ayada oo baabuurta gurmadka deg degga ah ay daad-guraynayeen dhibbanayaasha.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay beegsadeen saddex hoggaamiye oo ka tirsan Islamic Jihad, oo ah koox ay u aragto argagixiso.

Bayaan ay soo saareen ayey saddexda hoggaamiye ee la beegsaday ku sheegeen Jihad Ghannam iyo Khalil Al-Bahtani oo lagu beegsaday Marinka Gaza iyo Tareq Ezzdine oo lagu weeraray Daanta Galbeed.

Islamic Jihad ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah saraakiisheeda sare la dilay, ayada oo bayaan ay soo saartay magacyadooda ku sheegtay Jihad Ghannam, oo ahaa xoghayaha golaha militariga ee guutada Al-Quds, iyo Khalil al-Bahtini oo taliye sare ka ahaa garabka militari.

Qofka saddexaad, Tareq Ezzedine, ayey Islamic Jihad ku qeexday “mid ka mid ah madaxda howlgallada militari ee Daanta Galbeed ee la haysto, kaasi oo ka howlgalayey Gaza.”

Magaalada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, sawir qaade ka tirsan AFP ayaa arkay meydka nin lagu sheegay Ghannam.

“Waxaan u baroordiiqeynaa hoggaamiyeyaasha iyo xaasaskooda iyo tirada caruurta ah ee lagu dilay dambiga fuleynimo ee Sahyuuniyadda,” ayey Islamic Jihad ku sheegtay bayaan ay soo saartay, ayada oo wacad ku martay “dhiigga shuhadada wuxuu kordhin doonaa go’aanka” xarakada.

Duqeymaha oo billowday waxyar kadib 2:00 am ayaa socday illaa laba saac, sida ay sheegeen weriyayaasha AFP, ayada oo qaraxyo cusub laga maqlay bariga.

Howlgalka ayaa yimid wax ka yar toddobaad kadib markii Islamic Jihad ay xabbad-joojin uga dhowaaqday Gaza — taasi oo ay dhex-dhexaadisay Masar kadib rabshado cusub oo ka dhashay mid ka mid hoggaamiyayaasheeda oo ku jiray cunno ka soomid oo ku dhintay xabsi Israel.

AFP + VOA

Xil wareejin ka dhacday dowladda hoose ee Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ciise Guure ayaa xilka u kala wareejiyay agaasimihii hore ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka iyo agaasimaha cusub ee waaxdaasi.

Agaasimaha cusub ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar Xuseen Cabdullaahi Xasan ayaa xilka kala wareegay agaasimihii hore ee waaxdaasi Muuse Sheekh Cali Eybakar.

Munaasabada xil-wareejinta oo ka dhacday Aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimeyaal guud, agaasime waaxeedyo iyo howl-wadeeno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Geba-gabadii munaasabada ayaa waxaa hadal kooban oo isugu jirtay mahadcelin iyo dardaaran halkaasi ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ciise Guure.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu uga mahad-celiyay agaasimihii hore ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha howlihii adkeyd oo uu kasoo qabtay xafiiskaasi, isaga oo dhinaca kalena kula dar-daarmay agaasimaha cusub ee waaxda in la dardar-geliyo howlaha xafiiska shaqada iyo shaqaalaha.

Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee gobolka Banaadir ayaa waxay kamid tahay xafiisyada ugu muhiimsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Hoos ka daawo

Halka ay mareyso deyn cafinta Somalia, xilli uu socdo qorshe ay diiday Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay shir looga hadlayay arrimaha dhaqaalaha, kaasi oo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb. Tiina Intelmann.

Kulanka Wasiirka Maaliyadda Soommaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha dhaqaalaha iyo sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa maaliyadda dalka, xilli Soomaaliya lagu leeyahay deymo badan.

Kulankaan oo qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa ahaa mid miro-dhal ah, sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda oo qoraal kooban kasoo saaray kulankaan.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu xilligaan yahay saaxiib muhiim ah oo kaalin wanaagsan ku leh dadaalada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkii March ee Baydhabo isla qaatay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.

“Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka,” ayaa xilligaas lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Baydhabo ee DF iyo dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayna ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.

BIIXI oo shaaciyay arrin ay Puntland ka damacsan tahay DAGAALKA Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sanadeed u jeediyay labada gole ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa mar kale ka hadlay colaaladda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Muuse Bixii ayaa mar kale ku celiyay eedeyntii ay horay ugu jeediyeen Puntland, wuxuuna tilmaamay in dagaalkaas ay ka dambeyso, sida uu hadalka u dhihay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay in Saciid Deni oo ku socdo magac beeleed uu qayb ka yahay dagaalkaas, kuna doonayo inuu ku sameeyo xuduud beeleed, balse aysan suuragaleyn.

“Dagaalka waxa abuuray maamulka Puntland oo aan ka gambanin in uu dagaalka soo qaado todobbaadkii hore isaga oo waliba hab qabiil u dhaadanaya, waxa uu sheegay in ciidankiisu ka dagaalamayo kana dagaalami doono Laascaanood” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kale uu intaasi ku sii daray in ujeedka Puntland uu yahay inay qaybsato qayb kamid ah dhulka Somaliland, balse ay ku fashilantay.

Sidoo kale wuxuu isla xiriiriyay colaadda Laascaanood iyo khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxa ay Puntland ku taameysay inay hesho qayb kamid ah Somaliland oo ay uga cad goosato Villa Soomaaliya” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu ka xunyahay colaadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood, isaga oo mar kale farriin u diray odayaasha dhaqanka ee SSC.

“Waxa ka socda hadda Laascaanood, aad iyo aad ayaanu uga xunahay, wax la eegan karona maaha, waxaanu leenahay dadka reer Laascaanood nabad wax dhaama magaranayo, waxay dadkaasi qoxooti u ahaadana garan maayo,” ayuu markale yiri madaxweynaha Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mar kale ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ay xalay ku dagaalameen bariga magaalada Laascaanood, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan magaaladaasi.

Xildhibaan ka tirsan BF oo digniin kasoo saaray waxa ka socda Boorama

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa digniin culus kasoo saaray rabshadaha maanta ka billowday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Xildhibaan Ayuub ayaa wuxuu uga digay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in uu isku dayo inuu xoog iyo xabad ku muquniyo dadka reer Awdal iyo guud ahaan gobollada galbeedka.

“Ma dhici karto in 2023 la isugu arrimiyo xoog iyo qori caaradii. Taliska Muuse Biixi waa in uu ogaadaa in aan laga oggolaan doonin dilka iyo cabudhinta dadkayaga,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub oo qoraal kasoo saaray waxa ka socda magaalada Boorama.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Bulshada waxaan leeyahay idinka ayaa yeelanaya guusha, ee yaanay idin cabsi gelin maleeshiyaadka gabbalkoodu dhacay ee Muuse Biixi.”

Xildhibaanka oo saacadihii la soo dhaafay si dhow ula socday waxyaalaha ka dhacayey gobolada Galbeedka gaar ahaan Awdal, ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay ku timi kadib markii ay Somaliland si hufan u maareyn weyday kiiska sarkaal Khadar Xabeeb.

“Arrintan waxa ay timi markii si arxan daran loo toogtay sarkaal Khadar Xabeeb oo sida la sheegay madax ka ahaa ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland, gaar ahaan qaybta gobolada galbeed. Somaliland si hufan uma maarayn kiiskan, waxana dadka deegaanka oo caraysan ay sameeyeeen muddaharaad. Dilka dadka haldoorka ah ee gobolada galbeedku waa mid soo noqnoqtay marar badan oo aan waxba laga qaban,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka gobolada galbeedku muddo dheer lagu hayey cabudhin, dil, barakicin, wiiqid dhaqaale iyo hor-istaag lagu sameeyey horumarka deegaanka, isaga oo ku booriyay dadweynaha reer Awdal in aysan ka tanaasulin xaqa ay kaga tashanayaan aayahaooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Xilligan, dadku waxa ay yidhaahdeen maya kuma sii jiri karno sidan. Waxa ay doonayaan isbeddel iyo in ay iyagu ka tashadaan aayahooda, oo go’aamiyaan mustaqbalkooda.”

“Guud ahaan bulshaweynta gobolada galbeedku waa in ay aanay ka tanaasulin xaqa ay kaga tashanayaan aayahooda. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hoggaamiyayaasha dhaqanka, odayaasha, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo guudi ahaan qaybaha bulshada iyo waxgaradka gobolada galbeedka in ay si deg deg ah u yeeshaan wada tashi looga arrinsanayo arrimaha taagan iyo tubta mustaqbalka.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iy beesha caalamka in aanay indhaha ka qarsan tacaddiyada ka dhacaya magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolada galbeedka, “Waajib masuuliyad akhlaaqeed ayaa ka saaran ilaalinta badqabka dadka rayidka ah.”

DF oo shaacisay horjooge sare oo Al-Shabaab ‘ku sameysay shaqo joojin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay shaqo joojin ku sameeysay horjooge Macallin Eyman oo kooxda u qaabilsanaa weerarada ay ka geysato xudduuda iyo gudaha dalka Kenya.

Horjoogahan ayaa waxa uu maamulayay ciidan ay ugu magaca dareen “Jeyshu Eyman, kuwaasi oo weeraro dhabo-gal ah ka geystay gudaha dalka Kenya, Macallin Eyman ayaa hoggaanka maleeshiyaadkaas loo xil saaray sanadkii 2009-kii, isaga oo maamulayay tan iyo markaas.

Macallin Eyman ayaa waxay saaxiibo dhow yihiin Salmaan Muhaajir oo ajaaniibta Al-Shabaab madax u ahaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, kadib markii dhawaan khilaaf soo kala dhex-galay madaxda sare ee kooxda laguna beddalay Jacfar Suudaani.

Horjoogahan ayaa waxaa la sheegay in looga shakiyay inuu rabay ku biiritaanka maleeshiyadda kooxda Daacish, maadama ay saaxiibo dhow ahaayeen Salmaan Muhaajir-kii dhawaan xilka laga qaaday.

Warbixinta ay baahisay dowladda ayaa intaas kusii dareysa in ciidanka loo yaqaano ”Jeyshu Eyman” loo dhiibay nin lagu magacaabo Cabdisamad Nasta oo kasoo jeedo gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Cabdisamad ayaa waxa uu saaxiib dhow la yahay horjooge Maxamed Aamiin oo la rumeysan inay qaraabo dhow yihiin Mahad Karatee, oo isagu kamid ah madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Tallaabada ay qaaday Al-Shabaab ayaa waxaa lagu tilmaamay mid u horseedaysa kooxda inay soo dhamaato awooddii ay ku laheyd gudaha Kenya, maadaama ay shaqo fariisin ku sameeysay nin si weyn u yaqaanay kooxdii uu hoggaaminayay iyo dhulkii ay dhibaatooyinka ka geysanayeen.

Marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Beledweyne + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoon diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, iyo ku-xigeennadiisa, maamulada degmooyinka Beledweyne, Maxaas, Farlibaax, Feerfeer iyo Matabaan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa, saraakiisha hay’adaha amniga, saaraakiisha ciidamada Hiil-walaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahad-celiyay masuuliyiinta iyo bulshadii kusoo dhoweeysay magaalada Beledweyne, isaga oo ku bogadiyay guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu adkeeyay in la dardar-galin doono wejiga 2aad ee howl-galada, kaasi oo si hordhac ah uga billowday deegaanada maamulkaasi, ayada oo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Shabaab-ka.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa magaalada Beledweyne u tegay dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo khilaafkii dhawaan soo dhex-galay maamulkiisa iyo kan gobolka.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Si kastaba, Waxaa socda diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, iyada oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ciidamadu ka joogaan dalka, kuwaasi oo la howl-gali doona ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee guulaha wax ku oolka ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka.