28.1 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Somaliland ‘oo si yaab leh’ uga hadashay rabshadaha Boorama

Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay rabshadaha maanta ka billowday magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaasi oo ay ku tilmaamtay in gacmo shisheeye ay ka dambeeyan.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh ay ka dambeeyaan rabshadahan oo ay kusoo dhex dhuumanayaan dadweynaha reer Awdal, isaga oo ka dhawaajiyay in cadaalad la marsiinayo dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, oo uu sheegay inay ku soo dhex dhuumanayaan gacmo shisheeye.

“Buuq rabshado wata ayaa ka dhacay magaalada oo dad wax magarato oo dumar iyo carruur oo dad muraad kale leh ay soo abaabuleen ayaa shiiday xarumihii dowladda oo dhan, arrinta marmarsiyaha laga dhiganayo waa sarkaalka dhintay. Sarkaalka dhintay sida loo maamulay sidii ugu dhaqsaha badneyd ayaa u maamulnay oo waa dadajinay howshiisa,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Awdal.

Guddoomiye Tiimbaro ayaa waxa uu sheegay in dadka rabshadaha ka dhigaya magaalada aysan aheyn ehelka marxuumka la dilay, isaga oo ku tilmaamay inay gadaal ka riixayaan rabshadahaasi dad aan kiiskaan shaqo ku laheyn ee marmarsiyo ka dhiganaya, si ay khalkhal u galiyaan amniga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiiska dilka taliyaha uu marayo maxkamadda derajada labaad, “maanta ayaa fileyna inay noo timaado maxkamadda derajada labada sida uu wasiirka daakhiliga noo sheegay, howshaas gacanta lagu haya oo nidaamkeeda waa dhameysaneysa, wax nidaamkaas kasoo horeeya oo qaban karna majirto. Dad muraad kale leh oo meel madaxa kala soo baxaan la’aa ayaa dadka been la dhex qaadaya, dadka ha ka feejignaadan.”

Waxa ugu baaqay in bulshada reer Awdal ay iska qabtaan dadka nabadgelyada khal-khalinaya, “Dadka waxyeelada u badan soo gaareyso waa ganacsatada ee iska qabta, oo qof walba kaalintaas wax ha ka qaato oo dadkan rabshada wada yaan lagu haleyn ciidanka un ee la yidhaahdo naga daa rabshada.”

Dhinaca kale, Maayirka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame oo isaguna qeyb ka ahaa shirka jaraa’id ee guddoomiyaha ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono dadkii ka dambeeyay rabshadaha magaalada ka dhacay, kuwaasi oo khasaare horleh ka geystay magaalada, xanibayna isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

“Dadkii ehelka u ahaa howshaas ku dhacday aan xiriir la laheyn, waxaa ku dhex jira dad kale oo ujeedooyin kale leh oo la’aa meel ay kasoo galan arrinkaan. Waxaa u sheegayaa dadka reer Boorama in nidaamka kiiska dilka uu socdo oo iska soo dhamaan doonto,” ayuu yiri maayirka Boorama.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Looma ogolaanayo in la gubo gurigaaga ama meheradaada, isdaji howshaas waa dhamaan doonta, cid kasta oo gacan ku leh howshaas laamihii ku shaqada lahaa shaqadoodii ayay qabsanayaan waa la qaban doona.”

Xiisadda xoogan ee ka dhalatay dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal ayaa sidoo kale waxaa si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

Si kastaba, Rabshadaha ka billowday Boorama ayaa imanaya ayada oo weli taagan tahay xiisadda dagaal ee Laascaanood, oo la xasuusto in markii hore ay ka bilaabatay kacdoon ka dhashay dilal ka dhacay magaalada, kadibna isku bedeshay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.

NISA oo gacanta ku dhigay Shabaab ka dhoofayay garoonka…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ku qabtay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayey inuu si dhuumaalaysi ah ugu safro magaalada Gaalkacyo.

Ninkan Shabaabka ah oo rabay inuu ka dhoof garoonka magaalada Baydhabo, isaga oo kusii jeeday magaalada Gaalkacyo, oo uu doonayay in falal amni darro uu kasoo fuliyo, sida ay sheegeen laamaha amaanka.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo kooxda looga yaqaanay Fahad ayaa waxa uu sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista kooxda Al-Shabaab, xilli uu ku sugna magaalada Gaalkacyo.

Cabdullaahi Jaamac (Fahad) ayaa waxa uu sheegay in uu tababar kusoo qaatay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Baydhabo in madaxda ka sarreysa ay ku amreen in uu tago magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro uga geysto.

Saraakiisha ciidanka hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkaan maanta la qabtay ay xogtiisa hayeen, ayna muddo ay ku raadjoogeen, islamarkaana hataan ay ku wareejin doonaan hay’adaha garsoorka dalka.

Ciidanka NISA ayaa muddooyinkii kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, la socodka dhaq-dhaqaaqyada kooxda, ayada oo maanta fashiliyay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa ka socda guud ahaan gobollada dalka, iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay deegaano dhawr ah kala wareegeen dagalaamayaasha kooxda, kuwaasi oo sanado badan ay ka talinayeen.

Muuse Biixi oo ku adkeystay go’aan culus oo uga sii daraya xiisadda LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay in marnaba dhankooda laga sugeyn in ciidamadooda kala soo baxaan gobolka Sool, oo uu sheegay inay qeyb ka tahay Somaliland.

Go’aankan oo madaxweyne Muuse Biixi uu ka sheegay khudbad sanadeed uu ujeediyay labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, xilli ay Hargeysa ku sugan yihiin odayaal dhaqan oo waan-waan ka dhex waday xukuumadda Somaliland iyo SSC.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in markii hore ay magaalada Laascaanood u ogolaadeen inay ku shiraan Isimida hadda ku sugan, kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay hurinayaan colaadda ka taagan halkaasi.

“Garaadkii qura ee joogay Laascaanood ayaa yiri waxa aan Laascaanood ku qabaneynaa shir, si loo helo nabad, waan ku raacnay, dad badan way nagu cannaanteen, Garaadadii way yimaadeen, afar maalin markii la joogay ayey ku baaqeen in dagaalka la galo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in shacabka reer Sool ay kala mid ahaayeen ummadda Somaliland nabad-gelyada iyo horumarka adeegyada bulshada ee kala duwan, balse qorshaha kooxo uu ku sheegay argagixiso uu saamayn taban ku yeeshay caadifadda dhalinyarada Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ay sanadihii dambe ay Laascaanood ku dilayeen madaxda iyo haldoorka magaalada, “Argagixisadu waxay muddo 10-sanno ah ku laynayeen madaxda laamaha dawladda iyo muwaadiniinta Somaliland ee deegaanka Laascaanood ee ka shaqaynayey nabadda iyo horumarka Gobolka Sool. Hor-joogayaasha Argagixisada ee qorshahaa ku hawlani waxay ku milmeen Shacabka Deegaanka Laascaanood.”

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in dadkii laayay bulshada ku dhaqnaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku jiraan xabsiyada Somaliland, islamarkaana ay gacanta ku hayso Somaliland.

“Waxaan leeyahay Argagixisada waynu is-huran-nahay. Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda ka qayb-qaataan si magaaladii loogu soo noqdo oo noloshii jirtay dagaalka hor dib loogu soo celiyo; sida amnigii, maamulkii, adeeggii caafimaadka iyo waxbarashadii.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu golaha ka hor sheegay in muddadii xukuumaddiisu xilka haysay ay gobolka Sool ka dhistay dhismayaal dowladeed oo kala duwan, kuwaasi oo gaaray 31 dhisme oo ku jiraan xarunta maamulka gobolka, madaxtooyada Laascaanood, mashruuca naqshadeynta magaalada, dhameystirka iyo dayactirka garoonka Cabdi Bile Cabdi.

Si kastaba, Go’aankan uu qaatay madaxweynaha Somaliland ee ah inaysan ciidamadiisu ka bixi doonin gobolka Sool, ayaa uga sii daraya xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood, ayada oo Isimida SSC ay dhowr jeer dalbadeen in ciidanka la saaro si dagaalka xal looga gaaro miiska wada-hadalka, wallow aysan ka tanaasulin mab’da ay isku seegeen Somaliland ee Midnimada.

Weerar Al-Shabaab u maleegaysay goob ku taal Muqdisho oo la fashiliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka hay’adda NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidammada ay gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howl-galkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

Dhaq-dhaqaaqa shabakadan ee diyaarinta weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay la socotay hay’adda NISA, taasi oo ugu dambayntii keentay in sirdoonka qaranka uu maanta si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay kooxda Al-Shabaab damacsanaayeen.

“Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib-tiriyo kooxda Al-Shabaab iyo ficiladooda, iyada oo uga mahad-celisay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, ciidamada amniga caasimadda ayaa muddooyinkii dambe ku guulaystay inay hoos u dhigaan falalkii kooxda Al-Shabaab ay ka geysan jirtay magaalada Muqdisho, xili uu guluf dagaal oo xooggan uu kooxda uga socdo qaar kamid ah gobollada dalka.

Boorama oo laga taagay calanka Soomaaliya iyo xiisadda oo kasii dareysa

Boorama (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay rabshado horleh oo saaka ka billowday magaalada Boorama, kadib markii ay dadweyne careysan iskugu soo baxeen bartamaha magaaladaasi iyo waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha magaalada iyo kuwa ka baxa.

Rabshadahan oo ka dhashay dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, ayaa waxa uu isku rogay kacdoon dadweyne, ayada oo dadweynaha dhigayay dibad-baxaan la arkayay iyaga oo calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada.

Sidoo kale dadweynaha ayaa waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Boorama la dhex marayay calanka Soomaaliya, oo ka mamnuuc ah in lagu qaato gudaha Somaliland, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhanka ah maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Ciidamada Booliska oo soo fara-geliyay rabshadahan ka socda Boorama, ayaa rasaas nool u adeegsaday dibad-baxayaasha, taasi oo illaa hadda la xaqiijiyay dhimashada hal ruux iyo tirada tobaneeyo dhaawac ah, oo qaarkood culus yihiin, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbaday in tiirka la geeyo askarigii ka dambbeeyay falkaasi oo ay shalay xukun dil ah ku ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar, waxaan falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibadbaxyo waa weyn oo haatan ka billowday Boorama.

Sidoo kale dadweynaha reer Boorama ayaa ku dooday in aysan joojin doonin banaan-baxooda ilaa inta laga fulinayo xukunka dilka ah ee lagu ridday Dable Axmed Cabdi.

Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

Si kastaba, Rabshadaha ka socda Boorama ayaa imanaya ayada oo weli taagan tahay xiisadda dagaal ee Laascaanood, oo la xasuusto in markii hore ay ka bilaabatay kacdoon ka dhashay dilal ka dhacay magaalada, kadibna isku bedeshay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah.

Somali president’s actions raise concerns over political interference

Upon President Hassan Sheikh Mohamud’s election on May 15, 2022, many Somalis hoped for a change in the president’s management style. It was expected that President Hassan would nominate a trusted individual for the position of prime minister, and then allow that person to execute the prime minister’s duties without interference. Hamza Ali Barre, a long-time friend of President Hassan, became prime minister.

However, it did not take long for President Hassan to start performing the duties of the prime minister. He traveled overseas and signed contracts before and after the prime minister was appointed. His appointment of more than half of the government ministers and an equal number of state ministers was viewed by many Somalis as a move to undermine the prime minister’s position. 

Additionally, the president began addressing the Somali people directly, which was considered to be a departure from the approach of his predecessor, the former President Farmaajo. Supporters of the president have stated that he is more open than any previous president, being willing to answer any question he is asked.

But those who oppose the president believe that his actions raise concern about political interference, and that he cannot think clearly or make sound decisions because of his attention-seeking behavior.

On one particular day, President Hassan spoke in the Masjid in Villa Somalia after Friday prayers. During his speech he revealed that his government had discovered cases of corruption in the government, specifically regarding absenteeism from work. He stated that over one-third of government employees had not reported to work on the previous day, and that no one knew why. The government learned of this through the use of an electronic system that required employees to log in. Many Somalis were left wondering why the president had spoken of this matter, as it was typically something the prime minister should discuss with his cabinet.

A few days later the prime minister presented a detailed report to his cabinet and urged action against those who failed to show up for work. The report showed the prime minister reviewing the number of employees reporting for work, live on his computer. However, the report was rendered useless because President Hassan had already told the Somali people about it, before the prime minister had a chance to discuss it with his cabinet.

It has been observed by political analysts that this was a result of the prime minister informing the president before Friday prayers. The president, who wishes to grab all the attention, could not wait for the prime minister to inform his cabinet. The president intended to take the credit for fighting corruption.

On May 5, 2023, during Friday prayers in Villa Somalia Masjid, President Hassan told another story that was deemed inappropriate by most Somalis. He predicted that Puntland would cease to exist if its President Deni did not carry out the people’s wishes. Many people were perplexed as to why he had talked about Puntland, since he had previously stated that there were no problems between the Puntland people and the federal government, and that the only conflict was minor and could be resolved politically.

One analysis suggests once again that the president sought attention by foretelling what would happen to Puntland. That morning, before prayers, a few individuals opposed to the Puntland government had probably told the president of their plan to disrupt the Puntland election, and he had approved of that move. However, the analyst added that President Hassan could not wait for those individuals to act. He then told the Somali people about it because he wanted to be perceived as a visionary if and when the election was disrupted, 24 days later. The President’s intention was to say, “See? I told you so.”

The consequences of President Hassan’s actions were unfavorable to his allies, and President Deni gained much support from both Puntlanders and others. This might make it seem as if he has the mandate of the people to do as he thinks is right. But it should be noted that extending his presidency would not be successful for President Deni. It is essential to hold an election that all stakeholders agree upon in due time.

It is worth recalling that four years ago, when President Deni was elected president of Puntland, his opponent probably wanted to stay in power. However, he relinquished the presidency so that Puntland could move forward. President Deni should remind himself of this fact and do the right thing. President Farmaajo and President Muse Bihi both attempted to extend their period of rule, and it led to chaos and a loss of credibility. President Muse Bihi’s attempt essentially rendered Somaliland non-existent after 32 years of building the government.

By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
[email protected]
Atlanta, Georgia USA

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Somaliland and Puntland: A Tale of Two States

For more than 30 years, Somaliland has been striving to become an independent state separate from Somalia. Despite facing opposition from the majority of Somalis, Somaliland has made significant progress toward this goal. Over the course of three decades, the administration of Somaliland has successfully established peace in the regions under its control, conducted successive elections where power has been handed over from one president to the next, and developed its economy while ensuring cost-of-living controls. The international community has acknowledged and encouraged Somaliland’s progress, and Somaliland was proud to claim that it has created the most democratic and peaceful state in the Horn of Africa, a claim that remains unchallenged until recently.

Unfortunately, Somaliland’s progress has been derailed by its current president, Muse Bihi, due to his selfish interests. President Muse Bihi’s actions have brought to a halt all the claims of progress made by Somaliland. Political observers in Somaliland have stated that President Muse Bihi initiated a conflict in the Laascaanood region to divert attention from the upcoming Somaliland election. His goal was to position his party for an advantage by creating a conflict that would give him more time.

However, this resulted in the displacement of over 200,000 people, the death of over 200 people, and Somaliland being pushed to the point of no return. As a result of President Muse Bihi’s actions, Somaliland can no longer claim to be the most democratic state in the Horn of Africa; the fact that he is still in power, even though his term has expired, only adds to this fact. Many political analysts predict that Somaliland’s existence may come to an end, as there seems to be no other viable option moving forward.

The only claim that Somaliland had for separation from Somalia was its ability to control the border of the former British colony, which includes the Laascaanood region. If this region creates its own federal state and becomes a member of the federal states of Somalia, then this claim will no longer be viable.

In contrast, the Puntland State has existed for over 20 years and has made significant progress toward becoming a part of the proposed federal states of Somalia. Despite not having achieved a one-person, one-vote system yet, Puntland has conducted peaceful elections, with members of parliament being selected by traditional leaders.

The parliamentarians, consisting of 66 members, have then elected the president and vice president, even amidst disagreements that arose before each election. Thanks to the presidents of Puntland, who always put the interests of the state ahead of their own, every election has ended peacefully. President Faroole, for instance, lost an election by one vote but still handed over power to the next president, even though he could have disputed the result. This action showed the world that Puntland State has a mature and functioning democratic system of its own.

The President of Puntland, Said Abdullahi Deni, has exhibited authoritarian tendencies while accomplishing tasks that Puntlanders thought were impossible. Unfortunately, parliamentarians who spoke out against the president’s performance during his first year in office were silenced and removed from their positions.

Additionally, sixteen federal parliamentarians were elected in Bosaso in a single day, despite the election being scheduled to take place over two days. The current election, which began to register voters several months ago, has progressed smoothly, with minor hiccups, despite opposition from two major opposition parties. These actions, which the president has taken and succeeded in, have encouraged him to continue his “my way or the highway” approach, without considering the potential consequences that may arise in the future. This approach could lead him down the same path as President Muse Bihi.

The president now faces a crossroads where he must choose between doing what is right or following in the footsteps of President Muse Bihi. If he chooses the latter, the outcome for Puntland is clear to everyone. However, if President Deni chooses to do what is right, Puntland will continue to make progress, and the next president, whether it is him or someone else, will pick up where he left off.

One significant issue that remains unclear is what type of presidential election will take place on January 8, 2024. Opposition groups suspect that President Deni has not clarified the type of presidential election because he plans to ask the parliament to extend his rule so that he can hold a presidential election based on one person, one vote after the council election is completed on May 25, 2023. If this is not the case, it is President Deni’s responsibility to state otherwise. Everyone, including President Deni, knows that it is impossible to hold a fair presidential election based on one person, one vote within the remaining time of his term.

It is time for President Deni to do what is right for the Puntland State and to come to the negotiation table prepared to accept victory or defeat for the sake of Puntland. He must cease allowing his ego to guide the state to a dead-end that everyone can see coming. Mr. President, please inform Puntlanders of your intentions.

By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
[email protected]
Atlanta, Georgia USA

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Tirada dadka ku dhintay weeraradii Al-Shabaab ee 2022 oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin  cusub oo ay soo saartay xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika (Africa Center for Strategic Studies) ayaa waxaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay weeraradii Al-Shababaab ay Soomaaliya ka gaysteen 2022-kii.

Africa Center for Strategic Studies ayaa shaaca qaaday tirada rasmiga ah ee dadkii ku dhintay weeraradaasi, waxayna ku sheegtay inay ku naf waayeen illaa 2,606 qof.

Tiradan ayaa ka badan tii sanadkii horreeyay ee 2021-kii, taas oo ahayd 6,225 qof, sida lagu muujiyay warbixinta kasoo baxday xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika.

Sidoo kale Africa Center for Strategic Studies waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in haatan ay hoos u dhaceen weerarada Al-Shabaab, ayada oo sababta ku sheegtay culeyska kooxda la saaray, kadib duulaanka tooska ah ee ay ku qaadeen ciidanka dowladda iyo deegaanka.

“Sanadkan 2023 ee loo dhaw yahay bartamihiisa aad bey u yar yihiin weerarada kooxda marka loo eego sanadihii hore, waxaana taasi ugu wacan culeyska koxoda la saaray,” ayaa lagu yiri warbixin sanadeedka xarunta daraasaadka istiraatiijiyadeed ee Afrika.

Africa Center for Strategic Studies waa waax cilmi-baaris oo sidoo kale ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga dowladda Mareykanka, waxaana ay sameysaa tirokoob guud oo ku saabsan guud ahaan weerarada argagixisadda ee caalamka.

Warbixintaan ayaa kusoo aadayo, xilli dowladda Soomaaliya qaaday tallaabo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay kala wareegtay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana howlgalladaas qayb ka ahaa dadka deegaanka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa la timid qorshe cusub oo lagu sugayo amniga caasimada oo qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo boolis milataaro ah, waxayna taasi keenteen inay hoos u dhacaan qaraxyadii horay uga dhaci jiray magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa weli ku jirta marxalad dagaal, waxaana la filayaa in dhowaan la guda galo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka bilaabanaya Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay magaalada LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo saacado badan qaatay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo ay dhufeysyo uga jireen, waxaana xigay dagaal toos oo u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay bariga magaalada, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, waxaana haatan ay tahay xaaladdu mid kacsan.

Sidoo kale labada dhinac, waa Somaliland iyo SSC ayaa guullo waa weyn ka kal sheegtay dagaalkaasi oo dhacay xilli habeen ah, taas oo sii adkeysay xaaladda ka jirta halkaasi.

Laascaanood ayaa waxaa muddo ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada deegaanka, kuwaas oo dhaliyay khasaare iyo barakac.

Xaaladda magaalada ayaa maamlmihii u dambeeyay ahayd mid deggan, marka loo fiiriyo dagaalladii is-daba jooga ahaa ee horay uga dhacay halkaasi.

Dagaalkan cusub ee haatan dib u qarxay, ayaa sii fogeynaya xaaladda iyo rajadii laga qabay inay wadahadlaan madaxda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka ee SSC.

Si kastaba, illaa iyo hadda waxaanan muuqan isku soo dhawaasho labada dhinac ah, mana suuragelin dhammaan isku dayadii la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac.

Xog: Xasan oo mar kale ku wajahan QATAR + Ujeedka

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo uu booqasho ku tegi doono bartamaha bishan May oo ku beegan hal sano, kadib markii mar labaad loo doortay xilka madaxweynaha.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar, isla-markaana safarkiisa uu la xiriiro mid uu taageero dhaqaale ugu raadinayo dowladdiisa oo dagaal adag kula jirto Al-Shabaab.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda dalka yare ee Qatar, balse dhaqaalaha hodanka ku ah kala hadli doono iskaashiga labada dal, amniga iyo siyaasadda

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay iska xog wareysan doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo midda gobolka, maadaama bilihii lasoo dhaafay ay dhaceen isbeddallo waa weyn.

Safarkan oo noqonayo kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15 kii May ee sanadkii hore, waxaana booqadashan ku wehlin doono xubno ka tirsan Villa Soomaaliya iyo wasiiro kamid ah xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynayo dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa in uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaas oo kusoo biiri doonaan waddamada dariska oo haatan la’isku yiraahdo dalalka safka hore.

Beeshii ugu dambeysay oo ciidamadeeda kala baxday SOMALILAND kuna biirtay…

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Ciidankii u danbeeyay ee Beesha Warsangeli kaga harsanaa ciidamada Somaliland ee laga xukumo Taliska Ceerigaabo ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Puntland.

Ciidankan oo ay hoggaaminayaan Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Giigi iyo Gaashaanle Maxamuud Buurmadow ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Xingalool ee gobolka Sanaad.

Abbaan-duulaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidankan, waxaana uu ballan qaaday in loo dhammaystirayo xuquuqda iyo mushaharkooda.

Arrintan ayaa dhabar-jab weyn ku ah maamulka Somaliland, ayada oo hadda ay muuqato in dhammaan beelaha Daarood ee Sool iyo Sanaag ay ka wada baxeen maamulka Somaliland.

Dagaalka Laascaanood oo socday tan iyo bishii Febraayo, ayaa aad u wiiqay doodda Somaliland ee madax-banaani raadinta, maadaama dhul ballaaran oo Somaliland ay sheegato ay beelihii deganaa shaaciyeen inaysan qeyb ka ahayn xukuumadda Hargeysa.

Dhinaca kale, dagaal culus ayaa xalay ka dhacay jiidda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland oo weerarka soo qaaday iyo xoogaga degaanka ee SSC-Khaatumo oo difaac ah ayuu dagaalkaasi dhexmaray.

Dagaalka ugu xooggan ayaa laga soo sheegay jihada galbeedka Laascaanood halkaas oo Somaliland ka soo billowday weerarka.

Ilaa iyo hadda faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha dagaalka labada dhinac waxaana weli la maqlaya dhawaqa hubka oo goos goos ah.

Finland oo sameysay ballan-qaad culus oo la xiriira wada-hadallada DF iyo Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda Finland, MR Jukka Pajrarinen.

Kullankan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd safaaradda FINLAND ee Soomaaliya, waxaana looga wada-hadlay dib u bilaabida wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo dhawaan uu markale garwadeen ka noqday ergey Guuleed.

Ergeyga ayaa waxa uga mahad-celiyay agaasimaha iyo safaaradda doorka dowladda Finland ay ka qaadatay dowladd dhiska Soomaaliya, isaga oo warbixin ka siiyay sida ay uga go’an tahay ka guul gaarista wada-hadallada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay agaasimaha iyo safaaradda-ba in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland, xilli ay socdaan dadaalada dib loogu bilaabayo wada-hadallada labada dhinac.

Mr Jukka Pajrarinen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dhankiisa u muujiyay ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya kaga caawiyaan dadaalada lagu xoojinayo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday inay dowladdiisa ay gacan ka geysan doonto ka mira-dhallinta wada-hadallada Somaliland.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii April u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada, si uu taageero ugu helo wada-hadallo guuleysta.

Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabto Somaliland.

Sawirro: Xiisad lamid ah mida Laascaanood oo ka qaraxday BOORAMA

Boorama (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta dibad-baxyo rabshada wata ay ka ka dhaceen gudaha magaaladaas oo hoostagta Somaliland.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaaladaasi, waxayna kasoo horjeedeen dilkii loo geystay marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal.

Dibadxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in tiirka la geeyo askarigii ka dambbeeyay falkaasi oo ay shalay xukun dil ah ku ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi ayaa Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar, waxaan falkaasi ka dhashay caro dadweyne iyo dibadbaxyo waa weyn oo haatan ka billowday Boorama.

Sidoo kale dadweynaha reer Boorama ayaa ku dooday in aysan joojin doonin banaan-baxooda ilaa inta laga fulinayo xukunka dilka ah ee lagu ridday Dable Axmed Cabdi.

Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

Mar la’is barbar dhigo rabshadahaan iyo kuwii horay uga dhacay Laascaanood ayaa isku mid ah waxayna ka wada bilowdeen kacdoon ka dhashay dilal ka dhacay magaalooyinkaasi, laakiin mida magaalada Laascaanood ayaa isku bedashay gacan ka hadal & dagaal toos ah.

Ma’aha markii u horreysay ee ay dil isu gaystaan askarta Somaliland dhexdooda, waxaana marar badan maamulkaas ka dhacay dilal ay soo fara-gelisay maxkamadda ciidamada.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is biirsaday, sida colaadda Laascaanood iyo muranka siyaasadeed ee weli ka taagan doorashada maamulkaasi.

Fasiraad sharci ah oo laga bixiyey muranka Saciid Deni iyo mucaaradka ee dastuurka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay muranka siyaasaddeed ee ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan qorshaha uu Deni ku rabo in wax ka bedel loogu sameeyo Dastuurka maamulka Puntland.

Guddoomiye Jibriil ayaa fasiraad sharci ah ka bixiyay murankaasi ka taagan wax ka beddelka dastuurka, ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax diidaya in wax laga bedelo dastuurka, “haddii ay timaado baahi laga marmaan ah.”

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la hadlay VOA ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dastuurka laftigiisa ay ku jiraan qoddobo aan wax ka bedel lagu sameyn karin oo u baahan in marka hore loo helo afti dadweyne iyo baarlamaank ku yimaadda codka shacabka.

“Xukuumadda sida uu qabo qoddobka 139 ee Dastuurka waa leeyihiin soo jeedinta, mar hadey timaado soo jeedinta Baarlamaanka, waxa uu leeyahay waxaa la waafajinaya faqradda labaad oo u dhigan ‘marka soo jeedinta ay soo gaarto Golaha Wakiiladda waxaa fallanqeynaya guddi gaar ah, wuxuu guddiga soo jeedinaya talo bixin uu Golaha ka doodayo oo lagu ansixinayo cod hal dheeri ah in la furo Dastuurka si wax ka bedel loogu sameeyo,” ayuu yiri.

Jibriil oo wax laga weydiiyay walaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ay ka qabaan arrintaan, ayaa sheegay in uusan garaneyn arrinta wal-walka ku haysa siyaasiyiintan, islamarkaana ay u furan tahay inay cabashadooda ay u maraan wadada sharciga u ogol yahay.

“Anigu ma garan karo masuuliyiinta waxay ka wal-walsan yihiin, xaq ayay u leeyihiin in cabashadooda u soo gudbiyaan Golaha Wakiilada, oo Golahana uu 30 maalmood gudahooda kaga jawaabo cabashadooda, sidoo kale haddii ay qabaan cabasho Dastuuri ah waxaa jirta Maxkamaddii Dastuuriga ah oo Golaha ansixiyay, oo u gudbin karaan cabashadooda sharciga, kalana hadli karaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Golaha Baarlamaanka Puntland uu arrintaan go’aan kaga gaari doono kalfadhigga bisha June u furmayo, halkaas oo guddiga loo xil-saaray kasoo talo bixinta furista dastuurka ay warbixin golaha horkeeni doonaan, taasi oo lagu go’aan qaadan doono.

Golaha Wasiirada ayaa maalintii Khamiistii lasoo dhaafay meel-mariyay in la furo dastuurka, si wax ka bedel loogu sameeyo qoddobka xisbiyada, si loo ballaariyo tirada xisbiyada kusoo baxa doorashada, si looga dhigo shan urur siyaasadeed, halka ay awal ka aheyd saddex xisbi.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, iyada oo la sheegay in Saciid Deni uu qorshahaan ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

Sullivan oo la kulmay Bin Salman xilli ay jirto…

Jeddah (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa habeenkii Axaddii la kulmay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, xilli ay xiisad u dhaxeyso Aqalka Cad iyo Boqortooyada.

Wakaaladda Wararka Dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in kulanka Jake Sullivan iyo Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan uu ka dhacay magaalada Jeddah.

Warbixinta SPA ayaa lagu sheegay kaliya in labada nin ay dib u eegis ku sameeyeen “xiriirada istaraatiijigga ah” ayada oo kulanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo Mareykan ah.

Goor dambe, Sullivan ayaa ka qeyb-galay kulan dhex-maray dhaxal-sugaha, la-taliyaha amniga qaranka India Ajit Doval iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Sheikh Tahnoon bin Zayed Al Nahyan.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyey kulanka, ayada oo lagu sheegay in ujeedka uu ahaa sare u qaadidda “aragtida ay wadaagaan ee Bariga Dhexe oo noqda gobol barwaaqo iyo ammaan ah kuna xiran India iyo dunida inteed kale.”

Warbaahinta dowladda Sacuudiga ma baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo la xiriira kulamada.

Biden ayaa ololaha doorashada ku galay inuu cidleyn doono Sacuudi Carabiya kadib markii 2018-kii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dilay suxufi wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, Jamaal Khaashuqji.

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in dilka uu ku dhacay amarka dhaxal-sugaha, inkasta oo Riyadh ay beenisay.

Si kastaba, Biden ayaa bishii July ee 2022 booqasho ku tegay Sacuudi Carabiya, ayada oo Mareykanka uu doonayey in boqortooyada ay gacan ka gaysato dhimista qiimaha tamarta kadib duulaankii Ruushka ay ku qaadeen Ukraine.

Isla waqtigaas, Biden ayaa wacad ku maray inay jiri doonaan “cawaaqibyo” ka dhasha dhimista wax soo-saarka saliidda oo ay sameeyeen dalalka OPEC+, oo ah koox ay ku jirto Russia.

VOA + AP

Daawo: Wasaarad ka tirsan DF oo la wareegtay shan gaari

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa hay’adda WHO kala wareegay Shan Gaari oo ah nooca loo yaqaano Hardtop-ka.

Munaasabadda gawaarida lagula kala wareegayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs Maryama Maxamed Xuseen, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada iyo Madaxda hay’adda WHO ee gobolka.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ayaa wareejintya deeqda ka hor la qaatey kulan wafdiga ka socdey hay’adda WHO, iyada oo wafdiga ay ka warbixiyeen howlahooda Soomaaliya iyo qorshahooda hortabinta u le qeybta caafimaadka Soomaaliya.

Gawaaridan ayaa qeyb ka ah qorshaha WHO ay kaga qeyb qaadanayso horumarinta caafimaadka Soomaaliya, waxaana ka guddoomay wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka mahad-celiyey deeqda gawaarida ah, kuwaasi oo la filayo in ay wax badan ka caawin doonaan qeybaha loo qorsheynayo in loogu adeego.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay ka go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee ka jira dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa caafimaadka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka horumarinta caafimaadka ee dowladda

Hoos ka daawo

‘Shabaab kadib cadowga u weyn ee Soomaaliya leedahay waa…’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq-maasuqa ayaa cadowga ugu weyn ee Soomaaliya leedahay marka laga soo tago Shabaab oo ah kan koowaad, waxayna dowladda si isku mid ah ula dagaallameysaa Khawaarijta oo caqabad ku ah nabadda iyo musuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka dowladnimada.

Dowladda ayaa markaan ku dhawaaqday dagaal xoog leh oo ay ku qaadeyso musuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo nabadda, sida uu shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu Jimcihii  ka jeediyay masaajidka Madaxtooyada waxa uu ka sheegay in dowladda ay qaadeyso tallaabooyin waaweyn oo la xiriira la-dagaallanka musuq-maasuqa, isaga oo hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka ku kaca musuqa dadka qaarkood ku dhiiragaliyaan xatooyada uu sameynayo.

”Waxaa rabnaa walaalayaal, dowladdu tallabooyin ayay qaaday ay kula dirirayso masuq-maasuqa, kuwo waaweyna waa soo wadnaa, ee walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiilashay u badan tahay ee daqliga soo galaaya la garanayo ee mushaar 500 ama 700 boqol ah qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaadheer magaalada ka dhisanayo, waa amaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay, xaqiiqdana waa maxay waa tuug,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-Shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo bulshadu ay caadi ka dhigteen, sida uu ka dhawaajiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

” Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaas, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro, marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Si looga hortago masuq-maasuqa hay’adaha dowladda oo ay ugu horeeyaan hay’adaha garsoorka, ayaa waxay dowladda ka dhex bilowday isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.

”Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, maxkamad degmo, gobol, mid racfaan, iyo maxkamad sare,” ayuu yiri guddomiyaha Maxkamadda sare ee dalka.

Si kastaba, Dagaalka ay dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray saraakiil dowladeed oo lagu eedeynayo musuq-maasuq.

Lafta-gareen oo Madaxtooyada iskugu yeeray hay’addaha amniga + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shir guddoomiyay kulan ka dhacay Madaxtooyada maamulkaasi, kaasi oo ahaa shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed, ayna ka qeyb-galeen madaxda kala duwan ee hay’addaha amniga.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amni ee deegaanada maamulkaasi, iyada oo lagu gorfeeyay xoojinta wada shaqeynta hay’addaha amniga iyo dardar-gelinta howl-galada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan looga arrinsaday bilowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhank ah, kaasi oo ka bilaaban doona deegaanada maamulkaasi oo qeybo kamid ah ay weli ku harsan yihiin kooxda.

“Shaqooyinka hadda socda iyo awaamiir la xiriirta amaanka ayay dhinacyadu isku dhaafsadeen kulankaan, iyada oo madaxweyne Lafta-gareen uu ku amray in loo diyaar garoobo wejiga labaad ee dagaalka oo dhawaan ka bilaaban doona deegaanada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada maamulka.

Kulanka uu shir-guddoominayay ayaa kusoo dhamaaday guul, sida lagu sheegay bayaanka Madaxtooyada, waxayna dhinacyadan ka dalbadeen bulshada reer Koonfur Galbeed inay si dhow ula shaqeeyaan hay’addaha amniga, si loo sii xoojiyo amniga deegaanadaasi.

Duulaanka cusub ee ka bilaabay maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qayb qaadan doona dadka deegaanka, oo maamulka uu abaabulay, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka ka socda dalka, ee guulaha wax ku oolka ah laga gaaray.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa ka socda guud ahaan gobollada dalka, kaasi oo wejigiisa labaad uu ka socda Gobollo ka tirsan dowlad-gobaleedyada HirShabelle iyo Galmudug, iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay deegaano dhawr ah kala wareegeen dagalaamayaasha kooxda.

Badhasaabkii Somaliland ee Buuhoodle oo ciidan iyo gaadiid dagaal la goostay

Laascaanood (Caasimada Online) – Badhasaabkii Somaliland u qaabilsanaa Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdile (Nasteex Tuur) oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, dagaalka socdana kala fikir ahaa maamulka uu hore uga tirsanaa, ayaa maanta ka goostay Somaliland.

Guddoomiye Tuur oo wata ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa u galay SSC, isaga oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah ee Jabhadda SSC ay kula jirto ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

Gaadiidka dagaalka ee uu kala goostay Somaliland ayaa gaaraya illaa afar, kuwaasi oo guddoomiye Tuur uu ku wareejiyay SSC-Khaatumo, isaga oo si rasmi ahna u shaaciyay inuu ku biiray xooggaga deegaanka ee SSC.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu dadkiisa la dareen noqonayo intaa ka badana uu adkaysan kari waayey duulaanka Somaliland oo uu ku tilmaamay “xasuuq isir sifeyn ah” oo lagu hayo shacabka gobolka Sool.

Ninkan ayaa markii hore si weyn ugu ololeyn jiray rabitaanka Somaliland ee ah in magaalada Laascaanood ay qeyb ka tahay Somaliland, wuxuuna ugu magacownaa Badhasaabka Buuhoodle, isaga oo kamid ahaa masuuliyiinta ka mushaar qaata xukuumadda Somaliland.

Dhawaan unbey aheyd markii sarkaal iyo ciidan uu wato oo kasoo goostay Somaliland ay ku biireen ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dagaalka looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland ee ka socda xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood.

Saraakiil kale oo ka hadlay munaasabadda lagu soo dhaweynayay ciidankaas kasoo goostay Somaliland yaa dhankooda sheegay inay rabaan in ay weeraraan magaalada Caynaba, ayna wixii ka dambeeya ay xabad isticmaalayaan.

SSC ayaa sidoo kale waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland.

Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, waxaana gebi ahaanba fashilmay waan iyo dhex-dhexaadin lagu qaboojinayay xiisadda dagaal, oo iyadu barakicisay boqollaal kun oo qof, ayna ku waayeen boqollaal kale, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata  in dhinacyadu xabada ku joojinayaan.

Soomaalidii ugu badneyd ee kasoo cararay dagaalka SUDAN oo laga dejiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay Soomaalidii ugu badneyd ee kasoo cararay dagaalada ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudan, kaasi oo u dhaxeeya saraakiisha ugu sarreysa ciidanka dalkaas.

Muwaadiniinta maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa tiradooda gaareysa 137 muwaadin, kuwaasi oo isla maanta laga soo kala dejiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muwaadiniintan ayaa 73 kamid ah waxaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oo la keenay, halka 64 kale laga dajiyay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo-galootiga ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kusoo dhaweeyay 73 qof, kuwaasi oo kasoo degay garoonka Aadan Cadde.

Xamza Aadan Xaadoow, oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ka warbixiyay soo dhaweynta muwaadiniintan, isaga oo sheegay in dowladda ay sii laban laabtay dadaaladda dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniinteeda kasoo cararaya dagaalka ka socda dalka Sudan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay kasoo gudbisay xadka ay wadaagan Sudan iyo Ethiopia ku dhawaad 1250 muwadiniin gaaraya, sida ay shaacisay ku-simaha safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Ayaan Maxamuud Sheekh oo maanta warbaahinta la hadashay.

Dowladda ayaa sidan oo kale waxay horey dalka ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, kuwaasi oo ay ka dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Ajaanibtii ugu badneyd ayaa laga daad-gureeyay Sudan, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.