28.1 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Faah-faahinta Askari ka howl-galay Soomaaliya oo dilay wasiir

0

Kampala (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada Uganda ayaa toogasho ku dilay wasiiru-dowlihii wasaaradda shaqada, shaqaalaha iyo xiriirka warshadaha ee Uganda Charles Okello Engola, oo uu kamid ahaa ilaaladiisa.

Askarigan hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya oo lagu magacaabo Pte WIlson Sabiti ayaa waxa uu ilaalo u ahaa wasiiru-dowlaha uu dilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaasi Uganda.

Kaaliyaha qaaska ah ee wasiirka, Ronald Otim ayaa sidoo kale waxaa dhacdadaan kasoo gaaray dhaawac culus, iyada oo loola cararay isbitaalka Mulago, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad.

“Baaritaanka wuxuu hadda ku jira marxaladaha hore ee dib u eegista. Ma doonayno in aan ku qiyaasno sababta toogashada illaa aan xaqiijino,” ayuu yiri afhayeenka Booliska Engage oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah.

Toogashadan ayaa ka dhacday guriga wasiirka oo ku yaal deegaanka Kyanja ee duleedka magaalada Kampala.

Wasiirka la toogtay ayaa la sheegay in xilligaasi uu usocday inuu ka qeyb-galo fadhi ay lahaayeen Golaha Wasiirada, waxaana lasoo warinayaa in muran dhex-maray askariga ilaaladiisa kamidka ahaa ee toogashada geystay iyo wasiiru-dowlaha kahor inta aysan dhicin toogashada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in sababta keentay muranka dhexmaray labada dhinac ay salka ku haysay cabasho uu Sabitii ka muujiyay mushaar uu dhowr billood ku lahaa wasiirka la dilay.

Askarigan geystay toogashada ayaa isla goobta isku khaarijiyey kahor inta aysan imaan ciidanka Booliska, sida ay warbaahinta maxaliga ah u sheegeen goobjoogayaal.

Sabiti ayaa kamid ahaa askarta Uganda ee dhawaan laga dhoofiyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, islamarkaana kamid ahaa howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

“Sabiti oo ka soo jeeda tuulada Mubali ee degmada Kabarole ayaa waxaa la geeyay Soomaaliya intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021, isaga oo qeyb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah,” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Col Deo Akiiki, ku-xigeenka afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Akiiki  ayaa sidoo kale waxa uu qiray baahida loo qabo baaritaanno caafimaad oo maskaxeed oo badan oo askarta ah si looga fogaado dhacdooyinka la midka ah tan mustaqbalka.

“Waxaan leenahay waax hoos timaada Maamulka Sare ee Adeegyada Caafimaadka, taas oo bixisa la-talin iyo hagitaan. Laakiin haa waa inaan dadaal dheeri ah gelinaa si aan u hubinno caafimaadka askarteenna kasoo laabta meelaha dagaaladu ka socdaan, si aan uga fogaanno falalkaas laga shallayn karo.”

Si kastaba, Dhacdadan oo ay si weyn u hadal hayso warbaahinta Uganda ayaa waxay dhalisay dood xooggan oo la xiriirta in amaanka madaxda sar-sare ee dalkaasi uusan ku jirin gacan la isku haleyn karo oo amni ah, taasi oo u baahan in si deg eg ah wax looga qabto.

Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo gacanta lagu soo dhigay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ay gacanta ku soo dhigeen horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Horjoogayaasha ay sheegtay dowladda in gacanta lagu sheegay ayaa dhan saddex horjooge, oo ciidamada huwanta ay ku daba jireen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, sida lagu shaaciyay qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey ciidanku ku raad-joogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Howl-galkan lagu soo qabtay horjoogayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa laga fuliyay deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey.

Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyay magacyada horjoogayaasha saddexda ah ee ciidamada huwanta gacanta kusoo dhigeen, kuwaasi oo kala ah; Shire Cabdi Maxamed, Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow.

Saddexdan horjooge ayaa waxay dowladdu sheegtay inay lacago baad ah kooxda Al-Shabaab uga qaadi jireen gaadiidka safarka ah, kuwaasi oo in muddo ahna ka tirsanaa kooxda.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dalka si hordhac ah uga bilowday wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo wejigiisa labaad ee rasmiga ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Villa Somalia oo shaacisay tirada ciidamo la keenayo dalka iyo dowladda bixinaysa kharashka

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaciyay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay afar dal, oo qaar kamid ah yihiin waddamada deriska.

Ciidankan cusub ee la keenayo dalka ayaa waxay tababar kusoo qaateen dalalka Ethiopia, Eritrea, Uganda iyo Masar, waxaana qarashaadka ku baxaya bixineysa dowladda Imaaraadka Carabta.

La-taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ciidankan tababarka soo dhameystay lagu soo celinayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xuseen ayaa shaaciyay in ciidankaan tababarkooda, saanadooda iyo mushaarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kal hore heshiis dhanka militariga la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameystirmaya 10,000 Askari oo qarashaadka ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.

La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ciidankaan Mushaarkooda bixineyso, si kumeel-gaar ah illaa inta ay dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo afjarmayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay ka wado dalka.

“Waxaa lagu soo tababaray dalal kala duwan, qoladii u horeysay ee Uganda lagu soo tababaray ee Muqdisho la keenay qoladii ay ku diirsatay caasimadda ayay noqotay. Faa’iidadeedii waa arkeen dadka Soomaaliyeed, inay qeyb ka noqdeen soonkii ugu horreeyay.”

Si kastaba, Ciidankan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda federaalka ku rabto inay kula wareegto amniga guud ee dalka, iyada oo ciidanka ATMIS ay qorshuhu yahay inay ka baxaan dalkeenna daba-yaaqada sanadka 2024-ka.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Madaale iyo Kiki Gbheno?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha amniga guud ahaan dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugida amniga Caasimadda, taasi oo xafiiska QM u amaanay guddoomiyaha gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugida amniga Muqdisho.

Sidoo kale waxaa kulankan loogu hadlay xal u helida arrimaha barakacayaasha maadaama magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka abaareed iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan xafiiska UNSOM oo ay horkaceysay Marwo Kiki Gbeho, Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay si dhaw maamulka gobolka Banaadir kala shaqeyn doonaan arrimaha horumarka caasimadda iyo dib-u-dhiska, iyaga oo soo dhaweeyay qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in isku tashiga bulsho uu yahay mid wax weyn ka badali kara ku tiirsanaashiyaha gacmo kale.

Sidoo kale waxay maanta ka qeyb qaadatay barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar, iyada oo ballan-qaaday inay xoojin doonto wada-shaqeynta Xafiisyada QM iyo kan maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib 4-tii bishaan si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”.

CIISE Faarax Maxamed oo geeriyooday iyo DF oo war kasoo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste qoraa sare Marxuum Ciise Faarax Maxamed oo kamid ahaa shaqaalaha awasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Marxuumka ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, wuxuuna markii ugu dambeysay ka howl-galayay wargeyska dalka, oo uu ka ahaan jiray tifaftire, sidoo kale waxa uu kamid ahaa rug-cadaayaasha saxaafadeed ee Soomaaliya, wuxuuna muddo fog ka shaqeeynaayay Wargeyskii Xiddigta Oktoobar, oo hadda loo yaqaan wargeyska dalka.

Marxuumka ayaa markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee dalka 1991-kii ayna burburtay xukuumaddii dhexe, waxa uu sii watay howshiisa Suxufinimo, waxa uuna wax ku qori jiray Wargeysyadii xilligaasi ka soo  bixi jiray magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wargeysyada Qaran, Xog ogaal iyo Ayaamaha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Da’uud Aweys Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ciise Faarax, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa khabiir dhinaca saxaafadda oo kaalin weyn kasoo qaatey horumarinta saxaafadda dalka.

“Aniga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hawlwadeennada kala duwan ee wasaaradda waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, eheladii, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Ciise Faarax Maxamed oo ahaa khabiir dhinaca saxaafadda oo muddo dheer wasaaradda ka soo hawl-galey,” ayuu yiri wasiir Da’uud.

Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Ciise Faarax waxa uu ka mid ahaa tiirarkii wargeyska afka dowladda ku hadla iyo Wakaaladda Wararka ee SONNA, wuxuuna kaalin weyn ka soo qaatey horumarinta saxaafadda dalka.”

Wasiirka ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehaladii iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan Ilaahay ka siiyo.

Allaha unaxariiste Marxuum Ciise Faarax ayaa waxa uu shaqaynayay illaa sanadkii 2017, isaga oo qori jiray maqaallo badan, kuwaasi oo si gaar ah uga hadli jiray arrimaha bulshada iyo siyaasadda, illaa  markii dambe uu  sidaa ku noqday howl-gab u soo adeegay qarankiisa.

Somaliland oo toogasho ku xukuntay askari dilay taliyihiisii

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dilkii Arbacadii loo gaystay allaha u naxariistii taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe, kaas oo caro xoogan ka dhaliyay deegaanada maamulkaas.

Maxkamadda ayaa waxaa kasoo muuqday Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo isna ka tirsan ciidamadda Badda ee Somaliland, isla-markaana loo haystay dilka taliyihiisii.

Dhageysiga dheer kadib ayaa waxaa eedeysanaha maanta lagu xukumay dil toogasho oo ah qasaasta marxuumka uu horay u dilay oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka xeebaha.

Dilkaan oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa si gaar ah uga dhacay magaalada Lawyocaddo, waxaana xukunka maanta aad usoo dhoweeyay ehellada taliyihii la dilay.

Xiisad xoogan oo ka dhalatay arrintan ayaa sidoo kale si weyn looga dareemay guud ahaan Somaliland, maadaama shacab badan ay ka kaceen qaabka uu u dhacay dilkaasi, iyaga oo dalbadanay in si deg deg ah cadaaladda loo hokeeno ciddii ka dambeysay falkaasi.

Ehellada ayaa dhankood dalbanayay in la isla aaso labada ruux, waa marxuumka iyo asakriga dilka geystay oo ugu dambeyn maanta lagu helay dilka, laguna riday toogasho.

Tallaabada deg degga ah ee ay qaaday maxkamadda ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale qaboojineyso carada iyo xiisadda ka dhalatay dhacdadaasi.

Ma’aha markii u horreysay ee ay dil isu gaystaan askarta Somaliland dhexdooda, waxaana marar badan maamulkaas ka dhacay dilal ay soo fara-gelisay maxkamadda ciidamada.

Maamulka Hiiraan oo xayiraad kusoo rogay deegaano ay maamulaan Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan,  Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan deegaanada dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Cali Jayte ayaa ku amray gaadiidleyda ka baxa Beledweyn iyo Buulo-burde in aysan aadi jarin dhanka deegaanadaas oo dhaca jiinka wabiga Shabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maanta kadib aan la arki karin gaari raashin sida, ama shidaal oo u safraya deegaannada ku yaala hareeraha wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan gaadiidleyda ku xad-gudba amarkaasi, isla-markaana ay la wareegi doono gaariga iyo wixii saaran.

Jayte ayaa amar buuxa siiyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaankam isaga oo faray inay dhaqan-geliyaan go’aanka xayiraadda ah ee uu maanta soo saaray.

“Ciidamada waxay amar ku qabaan iney si buuxdo ula wareegaan gaarigii ay qabtaan isagoo u raran deegaanada shabaab ku sugan yihiin ee ku yaala hareraha jiinka wabiga Shabeelle ee khawaarijta Saadka u geeya, qof walba haatan gaarigiisa ha ilaalaado” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Aniga beer ayaan ku leeyahay degmada Halgan, mana tacban karo marka dadka shabaab dhexdiisa beeraha ku tacbana sow shabaab kalkaaal mahan”.

Dhanka kale go’aankan ayaa saameyn weyn ku yeelan karo haddii uu hirgalo xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ku sugan jiinga wabiga Shabelle ee duleedka Beledweyne.

Galbeedka Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in kooxda looga saaro deegaanada ay ka joogaan halkaasi.

Nin gaari ku waday Mayd oo lagu qabtay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay nin gaari nooca raaxad ah ku waday ilmo yar oo mayd ah, kaas oo lasoo dhigay agagaarka isbitaalka Digfer ee degmada Hodan.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gurmad ku tageen goobta, kadib wargelin ay ka heleen dadka deegaanka.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in marka ay goobta tageen ay la kulmeen ilmaha yar oo Mayd ah, isla-markaana gaariga lagu dhex xiray.

“6/5/2023 abaare 16:45 Galabnimo, ayaa muwaadiniin ku sugan Degmada Hodan gaar ahaan waaxda Octobar, agaagarka Isbilaatka Rayib Racep Ordogan (ex-digfeer) la soo wadaageen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir, la soo wadaagay gaari baakin ku jira oo ilmo yar korlooga xiray, halkaas oo gurmad ay ciidanku ku tageen ayaa goobta kula kulmay ilmaha yar oo meyd ah kuna dhex jira gaariga” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska booliska ayaa intaasi ku daray inay ku guuleysteen soo qabashada eedeysanaha waday gaariga, isla-markaana loo gudbiyay hay’adda CID-da.

Waxaa kale oo warka booliska lagu sheegay in haatan ay socoto baaris ku aadan dhacdadaas, isla-markaana kiiskan la waafajin doono cadaaladda.

“Ciidanka Boliiska ayaa xabsiga u taxaabay eedeysanihii watay gaariga, waxaana baarayaal u soo diray CID-da si dhacdadaas baaris loogu sameeyo kadibna cadaalada loo waafajiyo,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo reer Muqdisho ay ku dareemeen degnaan iyo amni.

Si kastaba, dhacdooyinka la xiriira dhibaatooyinka loo gaysto carruurta, sida afduubka iyo dilka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay inuu Muqdisho ka degayo + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in wada hadalladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay dib u bilaabanayaan ayuu guddoomoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe sheegay in xukuumadda hadda jirta ee Somaliland aanay xaq u lahayn in ay wada hadal la gasho cidna. 

Waxa uu ku hanjabay in isaga laftiisu Muqdisho ka dagayo haddii madaxweynaha Somaliland uu isku dayo inuu galo wadahadal aan iyaga lagala tashan. 

Faysal ayaa sheegay in markii hore ee wadahadallada lala furayey Soomaaliya ay saddex xisbi ka heshiiyeen kadibna baarlamaanka loo gudbiyey sidaasna ay “maqaam dowladeed” kula tageen wada hadalka. 

“Markii aan 2012 kii wada hadallada bilaabeynay waxay martay habraac, saddex xisbibaa ku heshiiyey in arrintaa la galo, kadib baarlamaankaa la geeyay baarlamaankuna wuxuu ka saaray qodobkii ahaa ‘in aan Soomaaliya lala hadal’ intaas kadibna waxaan la tagnay maqam qaran oo la isku wada faaqsan yahay,” ayuu yiri Faysal Cali mar uu ka hadlayey sidii ay kusoo bilowdeen wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in aanay jirin wax “hoos hoos u dhacay”, saas darteedna aanu oggolaanayn heshiis aanay wax ka ogeyn. 

“Maantana waxaa weeye, ma dhaceyso wada hadal Soomaaliya iyo Somaliland dhex mari kara,” ayuu yiri isaga oo intaas kusii daray, “Kow Somaliland qalalaasay ku jirtaa, mid dagaal bay ku jirtaa mid siyaasadeed bay ku jirtaa… madaxweynaha waqtigiisii wuu dhammaaday, wax aan isla ogayna ma jirto. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, halka Somaliland ay soo wakiilatay Edna Xaaji Aadan.

Ma cadda goorta ay dib u furmi doonaan wada-hadallada, haddii ay labada dhinac dhex-mareen wax xiriiro ah oo ku saabsan in la furo wada-hadallada.  

Isha: BBC

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergey ay usoo dirtay SUDAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay Ergey ka socday Golaha Sare ee dalka Sudan, Danjire Dafcallah Alxaaji Cali oo soo gaaray Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda Sudan, xiriirka labada waddan iyo xaaladda guud ee gobolka.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ergeyga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliya uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee weli ka socda dalkaasi.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha Sudan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.

Waxa kale oo kulankan lagu soo qaaday xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal oo dano wadaag ah iyo sidii sare loogu sii qaadi lahaa.

Dhanka kae, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay sida dowladda Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Sudan.

Waxa kale oo uu xaqiijiyey in codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaagayso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Sudan.

Xaaladda Sudan ayaa weli cakiran, waxaana awooda isku hayo labada janaraal ee kakla ah Cabdulfataax al-Burhan iyo Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Xamadi.

Si kastaba, dowladda Sacuudiga ayaa la filayaa inay marti-geliso wada hadalkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah, kuwaas oo u dhexeeya labada janaraal ee hoggaaminaya ciidamada ku dagaallamaya Sudan, ka dib markii dhowr xabad joojin ay burburtay.

Daawo: Maamulka Gobolka BANAADIR oo soo saaray wargelin cusub oo ku socota…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray wargelin cusub oo ku socota Bajaajleyda iyo iskaashatoooyinka kala duwan, kaasi oo la xiriira dhaqan-gelinta go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiiradda ee Mooto Bajaajta.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhinacyadan ku wargeliyay in howsha midabeynta Mooto Bajaajta, ee looga dhigayo A iyo B ay ku eeg tahay maalinta Isniinta ee taariikhdu ku beegan tahay 15-ka May 2023-ka.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay wareegto kasoo baxday maamulka gobolka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono cid alaale cidii u hoggaansami weysay amaradan kasoo baxay dowladda Hoose ee Xamar.

“Waxaa isdiiwaan-geliyay illaa kumanaan Mooto Bajaaj oo ka howl-gala magaalada Muqdisho, maamulka gobolka Banaadir waxa uu ku wargelinayaa dhamaan qeybaha kala gedisan ee milkiilayaasha iyo guddiyada iskaashatooooyinka Mooto Bajaajta in laga bilaabo 15-ka bishaan aan magaalada Muqdisho loo ogoleyn inay ka dhex shaqeyso Mooto aan haysan midabeynta loogu tala-galay in lagu maareeyo Mootooyinka magaalada ka howl-gala ee Bajaajta loo yaqaano.”

Afhayeenka ayaa intaas kusii daray “Milkiilayaasha waxay fursad u haystan illaa inta laga gaarayo 15-ka bisha inay ku fuliyaan awaamiirta ay hore u soo saartay maamulka gobolka Banaadir ee ah in la midabeeyo Mootooyinka si ay u qaatan A iyo B, ciddii u hoggansami weyda waxaa lala tiigsan doona sharciga.”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu faray dhammaan milkiilayaasha iyo shirkadaha Mooto Bajaajta ee weli aan isdiiwaan-gelin ay iska diiwaan-galiyaan goobaha maamulka gobolka iyo dowladda Hoose ee Xamar ay u asteeyeen diiwaan-galinta Mooto Bajaajta.

Golaha Wasiirada ayaa 30-kii March ee sanadkaan ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaasi oo ka koobna 5 qodob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo badanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qaraarkan ayaa dhigaya in aan dalka laga soo dejin karin Mooto Bajaajta si kumeel-gaar ah iyo in la tiro koobo Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), shaqadaasi oo xilligaas goluhu fulinteeda u igmaday maamulka gobolka Banaadir.

DENI oo sameeyay dhagax dhig, iskuna maray 2 degaan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada Garoowe-Garacad, isaga oo muujiyey muhiimada ay wadadan u leedahay bulshada ku dhaqan maamulkaasi.

Masuuliyiin ka socotaya laamaha kala duwan ee dowladda iyo odayaasha deegaanka ayaa goobjoog ka ahaa dhagax dhiga wadadaani.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa intaas kadib usii gudbay deegaanada Awrculus iyo Garyaqaan ee degmada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweyay.

Deni oo fagaare kula hadlay bulshadii soo dhaweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku iay isku diyaariyaan doorashada goleyaasha deegaanka ee 25-ka May ee sanadkaan 2023-ka.

Waxa uu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee dowladda laga sugayey, aidaasi darteed loo baahan yahay in bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.

Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka Awrculus, ayaa uga mahad-celiyay madaxweynaha booqashada taariikhiga ah, dhismaha wadada Garoowe iyo Garacad oo deegaanka maraysa iyo fursada ay bulshadu ku dooranayso Madaxdooda.

Intaas kadib waxa uu madaxweyne Deni soo kormeeray dhismaha saldhiga Booliska ee deegaanka Awrculus oo muhim u ah deegaannada howdka gobolka Nugaal, wuxuuna amray in dhakhso loo dhameystiro shismaha saldhiga oo hadda meel wanaagsan maraya.

Socdaalkan madaxweynaha Puntland uu ku maray deegaanadan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulkaasi, kaasi oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Nin hubeysan oo toogasho ka geystay dalka Mareykanka

Dallas (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay siddeed qof oo ka dukaameysanayay suuq ganacsi oo ku yaalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas, sida ay sheegeen ciidamada gurmadka Deg-dega ah.

Boqolaal qof ayaa laga daad gureeyay suuqa weyn ee magaalada Allen, sida goob joogayaal ay sheegeen kadib markii si aan kala sooc lahayn nin uu u rasaaseeyay dad dukaameysanayay.

Booliiska ayaa sheegay in ay toogteen ninkii hubaysnaa ayna rumeysan yihiin in uu kaligiis falka geystay.

Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay caruur yihiin. Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu daweynayaa isbitaallada, kuwaas oo saddex ka mid ah ay dhaawacyo halis ah soo gareen.

Madaxa dab damiska Allen Jonathan Boyd ayaa sheegay in toddobo qof oo uu ku jiro ninkii hubaysnaa ay ku dhinteen goobta halka labada kalana ay ku geeriyoodeen isbitaalka markii loola cararay kadib. Dhibanayaasha da’doodu waxay u dhaxaysaa 5 ilaa 51, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa toogashada ku tilmaamay musiibo aan la soo koobi karin waxa uuna sheegay in gobolku uu diyaar u yahay inuu wax kasta oo caawimaad ah u fidiyo dad uu weerarku saameeyay.

Booliska Mareykanka ayaa ka codsaday dadweynihii muuqaallada duubay ee goobta ku sugnaa inay la xiriiraan FBI-da, maadaama ay uruurinayaan caddeymaha.

Qaar ka mid ah goobjoogayaasha ayaa ku tilmaamay ninka hubeysan inuu xirnaa dhammaan dhar madow ah isla markaana uu watay qalabka dagaalka.

“Waxaan maqlay in ku dhow 10 xabbadood, ka dib toban ilaa shan iyo toban xabbadood oo kale hadana, waxaan aragnay ninkan oo ku labisan dhar madow, iyo isagoo dadka tooganaya,” ayuu yiri mid ka mid ah goob joogayaasha, isagoo raaciyay “markaa kadibna waxaan galnay dukaanka gadaashiisa”.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dad u ordayay meel gees ah oo baabuurta la dhigto iyadoo rasaas is daba joog ah ay dhacaysay. Suuqa Allen waxa uu 20 mayl (32km) waqooyi ka xigaa bartamaha Dallas.

Inta badan dadka qaangaarka ah ee da’doodu tahay 21 ama ka weyn isla gudaha Texas waa loo oggol yahay inay qaataan bastoolad diiwaan gelin la’aan, haddii aysan gelin dambiyo hore, waxaa Intaa dheer, in ay jirto xaddidaadyo aan badneyn oo ku saabsan haysashada qoryaha iyo iyo qaar kamida hubka fudud.

Dalka Mareykanka ilaa iyo hadda sanadkan gudihiisa waxaa ka dhacay ugu yaraan 198 toogasho wadareed oo afar ama in ka badan lagu dilay ama lagu dhaawacay, sida uu qabo Kaydka Rabshadaha.

BBC

Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshe culus oo dowladda kula dagaalamayso musuqa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay qorsheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed, inay ku garab istaagan dowladda dagaalka ay kula jirto musuq-maasuqa, oo la sheego inuu kamid yahay waxyaabaha ugu waaweyn ee ragaadiyay dalkeenna.

“Waxaa rabaa walaalayaal, dowladda tallaabooyin ay kula dirireyso musuq-maasuqa, kuwa waaweyna waa soo wadna, shacabka haddii ay dowladda ku garab istaagin mashaarciidaas ma guuleysanayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu madaxweynaha sii raaciyay hadalkiisa “Fadlan, hasoo daba kicina masuulka musuq-maasuqa ka shaqeynaya, waa la baaraya haddii musuq-maasuq laheyn waa dalacaya oo tiimbara la siinaya, ileen maxkamadda soo tiri ninkaan wax ma xadin waa aamin oo tuugada lagu soo eedeeyay been waaye sax ma ahan, shahaado ayuu haysta waa nin aamin ah oo meelaha ugu fiican ee wax lagu aamino karo ayaa lasii geynaya.”

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in il gaar ah lagu fiiriyo dadka dowladda u shaqeeya ee daaraha ka dhista magaalada, islamarkaana la baaro halka uu ka keenay lacagtaas. Arrintaan ayuu sheegay madaxweynaha inay qeyb ka tahay mushkiladaha haysta ee taagan.

“Wiil yar oo dhalinyar ah oo dowladda ka shaqeeya (amniga, dekedda ama garoonka) dakhliga soo gala la garanayo oo mushaar shan boqol ama kun dollar qaata ayaa daaro dhaadheer magaalada ka dhisanaya, waa nin karmeed ayaa la leeyahay xaqiiqdana waa tuug, intee ka keenay la weydiin maayo?.”

“Dadka jeebahooda lacagta kuma baaqato laakiin dowladda uma timaado. Beeso ma haysato dowladda, beesadiina dadka majirto waa laga soo qaaday oo waxaa ku dhisan daarahaas aan sheegayo ayaa ku dhisan oo magaaladda ku yaalla, oo leenahay waa sartii hebel.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

Baarlamaanka Puntland oo qaaday tallaabo la xiriirta ‘wax ka bedelka dastuurka’

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta magacaabay guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya wax ka beddelka uu maamulka Saciid Deni qorsheynayo inuu ku sameeyo Dastuurka Puntland.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa timid kadib markii ay shalay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, gaar ahaan qoddobka xisbiyada siyaasadda maamulkaasi, islamarkaana laga dhigo shan xisbi, halka ay awal aheyd saddex xisbi.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in guddigan cusub uu magacaabay kadib markii madaxweyne Deni uu usoo gudbiyay soo jeedinta ku saabsan in dastuurka wax laga beddelo.

Guddigan ayaa waxa guddoomiye u ah xildhibaan Sharmarke Cali Cilmi, sida ku cad warqadda magacaabista ee kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Xubnaha guddigaan ayaa waxay fallanqeyn ku sameyn doonaan wax ka beddelka dastuurka Puntland ee soo jeedisay xukuumadda, iyaga oo markaas kadib warbixintooda usoo gudbin doona golaha.

Guddiga uu Baarlamaanka u saaray wax beddelka dastuurka, ayaa waxay kala yihiin;

1. Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)

2. Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)

3. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)

4. Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)

5. Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)

Sidoo kale guddigaan ayaa waxaa kaalinaya agaasimaha xeerarka iyo xeer-dejinta baarlamanka iyo agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee baarlamanka.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, iyada oo la fahamsan yahay in magacaabista guddiga uu gadaal ka riixayo Deni, si uu baarlamaankana u meel-mariyo in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

Cali Yare: FARMAAJO waxaa fashiliyay saaxiibadeen Khawaarijta Siyaasadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa bilaabay qormooyin taxane ah oo uga hadlayo guul-daradii kooxda uu ka tirsan yahay ee madaxweyne Farmaajo kasoo gaartay doorashadii 2022-ka.

Cali Yare oo baahiyay hordhaca qormada ee taxanihiisan ayaa waxa uu ku shaaciyay in fashilkii doorashadii looga adkaaday madaxweyne Farmaajo ay lahaayeen koox qeyb ka aheyd laba koox oo si toos ah u hoostagayay madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kooxdan ayuu sheegay inay kusoo biireen kooxda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo 2015-kii, illaa maanta ay qeyb ka yihiin, balse ay ku kala aragti duwan yihiin hab maamulka, qoladan ayuu ku sheegay inay u yaqaaneen Khawaariijta Siyaasadda, maadama uu xusay inay ahaayeen koox mayl adag oo “shaqsiga ay ku dayanayaan ka dhiganayeen Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye Abu Cubeyda,” sida uu ku sheegay qormadiisa.

“Meelaha lagu kala fogaa waxaa ugu weynaa, innaga oo u arkeeynay in dalka iyo dadka la maamulayo ay soomaali yihiin, dadkuna aanay weli dib-uheshiis rasmi dhexmarin, magaalada la joogo ay magaalo halis ah tahay oo dowladaha lagu dubto , sidaas daraadeedna xikmad wax lagu wado.”

“Halka saaxiibadeenna kale ee KHAWAARIJTA SIYAASADDU ay iyagu had iyo goor role model iyo shaqsiga ay ku dayanayaan ka dhiganayeen Ahmed Abdi Godane iyo Ahmed Dirie Abu Cubeyda, oo doodaha dhexdeenna ah ayayba ka dhici jirtay, iyaga oo leh, Abu Cubeyda ma laandheere-nimo ayuu wax ku maamulaa? oo mararka qaar ineey nagu dayaan waaba iska jeclaan lahaayeen, nasiib wanaag maynaan aheyn rag jiljeleecaas loola imaan karay, oo waxaan aheyn rag aasaasayaal ah, isku kalsoon, hoggaamiyahoodana ku kalsoon, iyagana u arka niman aan cadow iheyn ee TAKFIIR SIYAASADEED UU AH.”

Cali Yare ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxdan qeybta ka aheyd ee uu sheegay inay dhaawac weyn gaarsiiyeen sumcadii madaxweynihii hore, in wali isku dhufeys ku wada jiraan, oo ay hal hoggaamiye wada leeyihiin oo ah Farmaajo, “hadana waa koox TAKFIIR SIYAASADEED AH oo Soomaalida oo dhan u wada careeysan, iyagana loo wada careeysan yahay, balse nasiib darro uu hardanka labada caro ee isku dhiig-bixi doonta uu ku dhiman doono hoggaamiye Farmaajo.”

Hoos ka aqriso qormada Cali Yare oo dhameystiran:

ARAR: Maadaama marka Madaxweyne Farmaajo laga reebo aan ahay qof kamid ah, labada ruux ee maanta nool oo muddo hadda laga joogo 14 Sanadood halganka siyaasadeed la soo billaabay hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol Farmaajo, ee aan marnaba dhinac uga leexan ka mirrodhalinta himilladiisii hoggaaminta dalka, weli sidii ugu dhaggan mabda’iisa, kuna sii dhagganaan doona Insha Allah.

Sidoo kale, aanu jirin wax khilaaf ah ama kala fikir duwanaansha ah oo innaba hala ekeeto’e xisbiga dhexdiisa ka jira, marka laga reebo qaabka gaarista hiigsiga la tiigsanayo oo sida dabiiciga ah qofba qaab u arki karo, hadana, waxaan u arkay ineey lagama maarmaan tahay, in si dhab ah loogu waramo bulshadii iyo Jamaahiirtii nadhinac taagneeyd xilligaas dheer ee nala soo jamhadeeysay, wax xog ahna aan ka heysan wixii la soo maray iyo waxa socda.

Qoraalkeyga oo taxane noqon doono, kuma xusi doono magacyada shaqsiyaad IWM, waanse idiin iftiimin doonaa.

SABABTA QORAALKA:

Waxaa in muddo ah la i waydiinayay, su’aal la xariirta sida bulshadii Madaxweyne Farmaajo taageerada xaddhaafka u heysay ay qaarkood muddo gaaban oo sannad ka yar ugu qaadeen cadaawad fog iyo sababihii keenay.

IFTIIMINTA KOOXDII HOGGAAMIYAHA FASHILISAY

Waxaa jirtay Koox nagu soo biirtay goor dhexe oo ah sannadkii 2015, waxay ahaayeen koox markii hore (3) saddex qof oo kali ah ka koobneeyd, markii danbana ilaa (9) sagaal qof gaartay, dhisme ahaanna iskugu xirneeyd qaab-dhismeedka islaamiyiinta oo ah, AMIIR iyo koox Efentari ah oo howlgallada u qaabilsan, una badan dad ciishoon, oo waxaanba xasuustaa galab Sep 2016 aan ka soo baxnay Hotelka Intercontinental Nairobi, oo iyaga i hor socda aan kula kaftamay inuu qaab-socodkoodu shabaho kooxda Daacish (ISIS) oo xilligaas ay dunidu aad u hadalheysay – si aad ah ayay u qosleen sidii rag aan dallacsiiyay oo kale (marag-fur ahaan iyaga uwaydii, cilladaha aan ku aqaannay inkiraad kuma jirine).

Xilliyadii dambe ee doorashadii 2017, goortii aan Madaxweyne Farmaajo la sheekeeysanayo, ee aan rabo inaan iyaga soo hadalqaado, waxaan code-ahaan u isticmaali jiray kalmadda ” Daacish-teenna”. (Mar wuu qosli jiray oo ku raaxeeysan jiray eray bixintaas, marna dareen diidmo dhisi ah ayaan ka dareemi jiray, inta uu ku raaxeeysto ayaase badneeyd).

Xilli dheer oo aan xabsi ku jiray dowladda ku jiray ayay beyco siyaasadeed oo rasmi ah la galeen MD Farmaajo, bartamihii 2015, markii aan xabsiga ka soo baxay, isla habeenkii ayaan xogtaas helay, aad ayay ii farxad galisay, waayo waxaan naawilayay ineey nagu soo kordhin karaan, saameeyn iyo dardar xoog leh oo siyaasadeed, karti, qibrad doorasho, iyo daacadnimo (loyalty) iyo shaxaad dowlad carbeed, oo ay markaas ka hor ku soo dhiseen Madaxweyne Xasan Shiikh sanbadkii 2012.

Sida xaqiiqada ah, intii aan filayay oo dhan billowgii hore waa sameeyeen, marka laga reebo tii dowladda carbeed oo ay diidmo kala soo kulmeen.

Musiibo waxay dhacday markii aan ku guuleeysannay kursigii dalka ugu sarreeyay ee Madaxweynaha.

Aniga, taariikh gaar ah oo aan dhammaan saaxiibadeeyda kaga duwanaa ayay guushii habeenkaas ii aheyd, waayo, muddo sideed sano ku dhow ayaa la igu daacayadeeynayay inaan shacabka tabaaleeysan soo abaabulo, si aan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada wax dooranaya ugu handado, taasna waxaa loo arkayay, fikir raqiis ah, tabar darro, riyo, iyo wado aan ceelka guusha marnaba tagi doonin, warkaas xun labo kalmo ayaan uga jawaabi jiray oo kala ahaa “Idinkuna markiinna soo saarta hadeey idinka yeelayaan iyo tan labaad oo ah, shacabka London, Toronto, MN iyo caalamka oo idil nooga sacbinaya ma lacag baan siinnay iyagana?.

Fikirka dadkii igu durayay abaabulka shacabka aniga hiigsigeeygu aad ayuu uga qotadheeraa, oo waxa kali ah oo ii muuqday waxay aheyd inaan abaabulidda shacabka, ciidanka, shaqaalaha dowladda, dhallinyarada, qurbajoogta iyo saxaafadda aan ku sameeynayay ay saameeyn xoog leh ku yeelan doonto, quluubta xildhibaannada labada aqal oo markaas ubadnaa xildhibaanno cusub oo shacabka ruuxooda ka dhex yimid.

Kuwii horay ugu jiray Baarlamaanka, iyagana waxaan xoogga saarayay in ay habeenkii guryahooda ugu tagaan xaasaskooda iyo caruurtooda oo ruuxdoodi Farmaajeeysantahay ilaa heer odaga ama marwada xildhibaanka ahi ay isdhiibaan.

Labadii aan tiigsanayay labaduba waa hirgaleen – oo nin xisbi madax ka ahaa, hadana golaha wasiirada ka tirsan ayaa habeen u yimid Madaxweyne Farmaajo oo musharax ah, kuna yiri ” ninyahow koox ahaan iyo shaqsi ahaanba kuma taageersani, laakiin qoorta ayaan ka xiranahay caawa oo xaaskeyga iyo gabadheyda curadda ah ayaa ila fadhiistay oo igu yiri, haddii aan kursiga iyo talada kula leenahay Aabo, waxaan kaa rabnaa inaad codkaaga annaga na siiso oo markii aad nasiiso kadib aad Farmaajo ugu shubto adiga oo innaga wakiil ah naga ah, intaas markii ay dheheenna caruurtii kale oodhan ee guriga joogtay ayaa iyaguna sacab ku taageeray, marka gacan ku heyntii gurigayga ayaad igala wareegtay, waanan kuu codeeynayaa.” tii labaad iyaduna waa dhacday oo waa tii uu kacdoonkii shacabka iyo ciidanku saameeynta ku yeelatay labadii aqal oo ugu danbeyn, fiidkii February 8,2017 Farmaajo Madaxweyne loo doortay.

Laga soo billaabo maalinkaas ilaa galabta oo aan qoraalkan daabacayo waxaa Madaxweyne Farmaajo si toos ah, laakiin qaab ahaan asturan oo kala madaxbanaan u hoostagayay labada koox oo kala ah;

Aasaasayaashii Jamaahiirtii Farmaajiisamka iyo saaxiibadii gadaal (2015) nooga soo biiray ee runtii kaalinta ragganimo leh oo shariif ah ka soo qaatay guushii la gaaray la’aantoodna xaalku cakirnaan lahaa.

Intii aan talada dalka joognay, labada kooxood marnaba iskuma dhicin, waxaana ka dhaxeysay in talada dalka la wada difaacdo, hal cadowna la yeesho, innaguna aanan hoos iskugu soo laaban, waase jirtay in hal ilna aan ku seexan jirnay isha kalana ay qolo-kasta tan kale iskaga ilaalin jirtay, waayo qaabka maamulka aad ayaa loogu kala fikir duwanaa, hadda oo taladii dalka lagu soo jabayna dib-ulaba-kacleeynta isla sidiu waan ku kala fikir duwannahay innaga iyo saaxiibadeen aan u naqaan KHAWAARIJTA SIYAASADDA. ( si aad tan u fagamto xasuuso maxkamadihii islaamiga oo ay ku wada jireen Indhacade iyo Godane balse hoggaanka Shiikh Shariif ku mideeysnaa).

Waa jireen shaqsiyaad aan labada kooxba ka tirsaneyn, balse kuwaas waxaa la soo laqay fagtii hore, mar ayaa jirtay in dhankeenna ay naga dileen nin hadda safiir ah, habeenkii guushana codka u tirinayay Madaxweyne Farmaajo, innaguna aargudasho ahaan waxaan dhankooda ka dilnay nin ay Duqa magaalada ka dhigteen April 2017.

Meelaha lagu kala fogaa waxaa ugu weynaa, innaga oo u arkeeynay in dalka iyo dadka la maamulayo ay soomaali yihiin, dadkuna aanay weli dib-uheshiis rasmi dhexmarin, magaalada la joogo ay magaalo halis ah tahay oo dowladaha lagu dubto , sidaas daraadeedna xikmad wax lagu wado, halka saaxiibadeenna kale ee KHAWAARIJTA SIYAASADDU ay iyagu had iyo goor role model iyo shaqsiga ay ku dayanayaan ka dhiganayeen Ahmed Abdi Godane iyo Ahmed Dirie Abu Cubeyda, oo doodaha dhexdeenna ah ayayba ka dhici jirtay, iyaga oo leh, Abu Cubeyda ma laandheere-nimo ayuu wax ku maamulaa? oo mararka qaar ineey nagu dayaan waaba iska jeclaan lahaayeen, nasiib wanaag maynaan aheyn rag jiljeleecaas loola imaan karay, oo waxaan aheyn rag aasaasayaal ah, isku kalsoon, hoggaamiyahoodana ku kalsoon, iyagana u arka niman aan cadow iheyn ee TAKFIIR SIYAASADEED UU AH.

Dhankeenna, nooma muuqan inaan koox saaxiibadeen ah cadow u aragno, oo waxaaba culeys nagu ahaa sidii aan iyaga dadka kale uga difaaci laheeyn, maadaama ay yihiin niman talo xun, tabar yar, hadana aanu jirin tol ay ku tiirsanyihiin oo tuutaha dagaalka u xirta;

Waxaa tusaale fiican iyo marag-madoonto ah, sidii aan nafteenna ugu hurnay markii lagu soo gardarooday amiir iyaga ka tirsan, maadaama ay ka itaal roonaayeen huwantii dulmiga ku soo weerartay, innagu waxaan ku qasbanaanay inaan xabadda loo wado isku dhigno, waayo waxaan gunnimo u arkeeynay in nin saaxiibkeen ah, oo nala jooga oo aan dad hubeeysan oo difaaca laheyn in horteenna lagu qasho.

Kooxda danbe, ee intaas oo tilmaam leh, waa ragga dhaawaca siyaasadeed ee uu hoggaamiyaheennu maanta Doha u jiifo u geeysatay, hadana, markale quud-dareeynaysa ineey bohol mugdi ah, oo dheer, oo aan kasoo-kabasho laheyn ku sii hubsadaan – waloow inteenna kaadidooda u soo cabtay oo xanuunka halgankaas soo dhadhamisay aanay aqbali doonin in markale la shirqoolo kaadirkeenna.

SIDEE AYAY U DHAAWECEEN SUMCADDII HOGGAAMIYAHA?

Waxay kalsoonidii hoggaamiyaheennu siiyay uga faa’iideeysteen ineey si qaldan u isticmaalaan, u abuuraan cadaawad xoog leh oo gudaha ah, kala irdheeyaan Soomaalidii qiimaha laheyd iyo hoggaamiyaha, isaga iyo reerkii uu ka dhashay kala ilaaliyaan sidii Gedo lagu fashiliyay, la colaadiyo siyaasiyiintii iyo reerihii saameeynta waaqiciga ah ee siyaasadeed dalka ku lahaa, sida, Puntland, Jubaland, dadka Muqdisho u badan iyo shacabka gobolka gedo, oo lagu daray xataa maamulladdii aan dhismahooda waqtiga galinnay (Galmudug/Hirshabelle), iyo ugu danbeyn qofkasta oo Soomaali ahaa oo tayo iyo waxyar lahaa

Taas baddalkeedana u soo xulay dhammaan intii dhuumatay ee la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen markii dhabta, rag-iska-dhicinta iyo dhufeeyska xabadda la isku lisayo la soo gaaray, sidoo kale u soo xulay labaddii xukuumadood ee fashilisay, waloow ay labada xukuumadood ay tayo ahaan aad u kala sarreeyeen. [Innagu intii aan soo xulnay waa inta yar ee weli mabdi’ii Farmaajiisamka ku dhaggan].

Marka siyaasadda Somalia la joogo, xaqiiqada siyaasadda wax lagu qeybsado waa qabiil – Inaad cadaawad ka abuurato hal Qabiil oo 61 Xildhibaan leh, oo aad jaal siyaasadeed ka yeelato reer 3 Xildhibaan oo qura leh, waa falsafad aan maangal aheyn, markii aad cadow ka dhigato dhowr qabiil oo kiiba uu 61 Xildhibaan leeyahayna iyadu xisaabtaba kuma sii jirto.

Garashadeydu waxay ii sheegeeysaa ineey tahay hadiyad xag Alle kaaga timid inuu Madaxweyne dal dhan ku aamino, waxaase gunnimo ah inaad aaminaadaas si qaldan uga faa’iideeysato, oo aad kala saari weeyso isku-milanka rabitaankaaga shaqsiga ah iyo himillada la rabo in laga shaqeeyo hoggaamiyahaaga ku aaminay, oo aad cadaawad u abuurto, bulshadana ka horkeento, halkii aad adigu ka-kabi laheyd meesha uu uu ka liicsanyahay, oo aad naftaada ugu huri weyso si udhiganta kalsoonidii uu kuu kuu hibeeyay.

Maadaama aan sheegay in ay hoggaamiyaha fashiliyeen su’aasha jawaabta u baahan waa sharaxaadda sida ay ku fashiliyeen.

Waxaan si TAXANE AH oo saddexdii maalin-ba mar ah idiinla wadaagi doonaa (11) Kow iyo Toban XALQADOOD, oo aan qeyb-ba mar idinla wadaagi doono, waxayna kala yihiin, qeybaha kala ah, Sidii amniga loogu fashiliyay oo (2) xalqo ka koobnaan doonta, qaabkii qabaa’ilka soomaaliyeed ee kiisu (Mareexaan/Daarood) ugu horreeyo looga horkeenay oo (2) Xalqo ah, sidii reer Muqdisho iyo hoggaamiyaheenna la iskugu dhuftay oo meel xun gaartay oo (3) xalqo ah, fashilkii doorashadii oo taariikhda markii koowaad laga codad batay Madaxweynihii fadhiyay oo (2) xalqo ah, hungoowgii Maamul goboleedyada oo ay ku jiraan kuwii aan soo dhisnay marka Laftagareen laga reebo oo hal xalqo ah, iyo beegsiga Indheergaradka oo iyana mid ah IWM.

Waloow aan wali isku dhufeys ku wada jirno, oo aan hal hoggaamiye u wada leenahay, hadana waa koox TAKFIIR SIYAASADEED AH oo Soomaalida oo dhan u wada careeysan, iyagana loo wada careeysan yahay, balse nasiib darro uu hardanka labada caro ee isku dhiig-bixi doonta uu ku dhiman doono hoggaamiyihii ay ummada Soomaaliyeed oo idil soo maalgashaneeysay 14-kii Sano ee la soo dhaafay.

Su’aallo ka dhashay ‘shaqada ay ku dhawaad kala bar ciidanka DF’ ay ka hayaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda heerarkeeda kala duwan ee leh ilaalo kamid ah ciidamada Qalabka sida oo iyaga u gaar ah waxay kor u dhaafayaan Laba kun oo mas’uul oo u dhaxeeya agaasime waaxeed, taliye saldhig, guddoomiye waaxeed illaa Madaxweyne.

Tirada askarta madaxda waardiyeysa waxaa xaddida dhaqalaaha masuulka iyo sida uu u heli karo; gunno $100 ilaa $250 u dhaxeysa, gawaari uu askarta ku qaato iyo deegaan qaada ciidanka. Labo ilaa 100 askari ayey u dhaxeysaa tirada ay mas’uuliyiintu isku ilaaliyaan.

Celcelis ahaan masuul kasta oo dowladeed waxaa waardiyeeya 8 (Siddeed) askari oo dowladdu bixiso mushaarkooda iyo xuquuqdooda kale ee ciidan, taas oo ka dhigan in 16,000 (Lix iyo toban kun) oo askri ay ku mashquulsan yihiin sugidda amniga masuuliyiinta dowladda ee Muqdihso kaliya ku sugan, si kale haddii aan kuugu dhigo ku dhowaad kala bar ciidanka ayaa waardiye u ah mas’uuliyiinta dowladda.

Dhanka dhaqaalaha waxay dowladda ku kallifeysaa bixinta ku dhowaad $60 Milyan sanad kasta, taas oo la hubo culeyska ay leedahay marka laga hadlayo dowlad ku tiirsan taageero maaliyadeed oo dibadda ka timaada.

Su’aasha aan la isweydiin ee laga yaabo inay wax weyn kala maqan tahay dowladnimada ayaa ah;

Ma loo baahan yahay ilaalo gaar ah oo tiradaan leh?

Marka aan dhab u fiirino nooca weerarrada ka dhaca Muqdisho xal uma aha tirada ciidanka ee madaxda waardiyeeya ee waxa ay kordhiyaan xaddiga khasaaraha oo kaliya taas oo muujineysa in haba yaraatee aysan u adeegeynin amni sugid iyo arrin nabadgeliyo la xiriirta midna.

Howsha ugu weyn ee ciidamadan u qabtaan masuuliyiinta waxaa lagu sifeyn karaa “Waddo furis” iyaga oo hubinaya in kolonyada masuuliyiintu aysan ku hakan ciriiriga waddooyinka Muqdisho. Waxaa intaas soo raaca adeegga xaragada iyo ismuujinta, maadaama ay dhaqan siyaasadeed noqotay in masuulka lagu qiimeeyo tirada ciidamada waardiyeeya iyo gawaarida ciidanka ee uu heysto.

16,000 oo askari maxay qaban karaan?

Saddex meelood laba meel ciidanka AMISOM ee dalka jooga ayey tiro ahaan u dhigmaan, halkaas ayaadna ka garan kartaa waxa ay ku soo kordhin karaan amniga Soomaaliya, haddii loo howlgeliyo sida ku haboon. Haddii aan dhan kale ka fiiriso waxay ka badan yihiin ciidamada Danab, Gorgor iyo kuwa Eritrea lagu soo tabobaray oo la isku geeyay.

$60 Milyan sanad kasta, maxaa lagu qaban karaa?

Saddexda isbitaal ee Banaadir, Madiina iyo Martiini ee dowladda haddii sanadkii mid walba $20Milyan lagu bixiyo waxay adeeg caafimaad oo heer sare ah siin karaan ku dhowaad nus milyan Soomaali ah, haddii waxbarashada lagu maalgeliyo, imisa arday ayaa waxbarasho heli lahaa.

Bedka Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa 70 Km oo isku wareeg ah, iyada oo horayba u yareyd bal ka warran wax ka yar 20Km oo isku weer ah haddii ay ku sugan yihiin 16ka kun ee askari ee aan ka hadalnay, waa mid kamid ah sababaha amni darrada ugu weyn ee jirta maadama aysan jirin cid ay ciidankan hoos tagaan iyo cid ay ka amar qaataan.

Waxyaabo yaryar oo la saxaa ayaa lagu xaqiijin karaa himilooyin waaweyn, mudnaan-siintana iyo kala hormarinta howlaha dowladdana waa tiirka koowaad ee guusha. Wax ka bedelka hab-dhaqanka masuuliyiinta dowladda waa howl aan waqti iyo dhaqaale midna u baahnayn oo ay ku filan tahay go’aanno si miir qab leh loo qaato oo la darsay iyo fulin kaliya u baahan.

W/Q: Cali Nuur Salaad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Maareeye oo qoraal xasaasi ah u diray madaxweyne Biixi “Waxaad diiday…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qoraal xasaasi ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland oo haatan ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwa dagaal oo ka taagan deegaanada maamulkaasi.

Maareeye ayaa si gaar ah u dul istaagay doorashada Somaliland, wuxuuna farriin u diray madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay inuu diiday toolooyinkii loo soo jeediyay.

Halkan hoose ka aqriso:-

TALO FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI

Xafiiska Xildhibaan Cabdi Xayir (Maareeye)

06 May 23

Talo furan oo ku socota

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Mudane Madaxweyne, sida aad ogtahay Somaliland (SL) halkii sano iyo badhkii u dambeeyey waxaa ka taagnaa muran siyaasadeed oo dhinaca doorashooyinka ah oo laysku hayey doorashada Asxaabta ayaa soo hormaraysa iyo doorashada Madaxweynaha ayaa soo hormaraysa. Sidoo kalena 3dii bilood ee u dambeeyey waxaa ku soo biiray colaada Laascaanood oo markii hore ku bilaabmantay cabasho dadweyne oo xaq ahayd, laakiin isla markiiba loo bedelay dagaal leh weji qabiil iyo mid qadiyado kale oo daba-dheeraan kara.

Waxaan aaminsanahay, Mudane Madaxweyne in aad fahamsantahay in hadal-jeedintaada labada gole ee maalinta Isniinta in ay ku soo beegantay xilli xaasaasi ah, oo la filayo in ay ka duwanaan doonto hadal-jeedimahaagii hore ee Somaliland degan oo aan dagaal ku jirin. Hadal-jeedintaada labada gole ka sokow, waxaa dhegaysanaya shacabka Somaliland ee iyagoo duruufo adag oo nololeed ku jira ay wareeriyeen muranka siyaasadeed, iyo daneeyayaal badan oo gaal iyo muslim-ba leh oo dabcan sida caadiga ah isugu jira kuwo jecel SL degan oo nabad ah iyo kuwo jecel SL dunta oo isdisha. doorkan qudbadaada waxba waqti ha iskaga lumin in aad cid u hanjamto ama ka hadasho arimaha geeska iyo kuwa Caalamka, hadal- jeedintaada waxaa laga fiirinayaa oo keliya si aad uga hadasho arimaha gudaha iyo doorashooyinka, isla marka aad dhameysona waxaad noqon doontaa (either) hogaamiye quus ah oo hogaan kala bax-ah, ama hogaamiye fahamsan duruufta siyaasadeed, mida amni iyo bulsho ee Somaliland ku jirto oo uga tanaasula dadkiisa wax badan oo uu jecel yahay.

Mudane Madaxweyne, hadii aad xasuusato SL oo ku jirta xaalad ka fiican tan maanta, ayaad diiday in aad aqbasho hab-dhaqankii soojireenka ahaa ee SL ku dhisneyd ee wadatashiga iyo ismaqalka, waxaad talo ka diiday Madaxdii Xisbiyada ee talada doorashooyinku kaala dhexeysay, waxaad talo ka diiday oo kala dirtay Salaadiintii Dhaqanka iyo Culimadii SL ee isxilqaamay, waxaad talo ka diiday Gudoonka labada Aqal oo wada socda, waxaad talo ka diiday waxgaradkii iyo Ganacsatadii SL, waxaad diiday oo hoos u kala furfurtay Gudiga doorashada ee aad hada tiraahdo iyagaan ka sugaynaa in ay mudeeyaan waqtiga doorashooyinka oo hore u soo bandhigay in ay mudo 9 bilood gudahood ah ku qaban karaan doorashada Madaxweynaha, ugu dambeyntii waxaad duufsatay Gudoomiye Suleymaan Maxamuud oo runtii ka hoos maray halkii ay ka soo bixi jireen maalinta ay adkaato ragii uga horeeyey xilka Gudoonka golaha Guurtida ama kula jiray oo aan ka xusi karo Sheikh Madar iyo Xaaji Cabdi-waraabe (allah ha u naxariistee) oo aad ku tidhi mudo xileedkaaga 5-sano ku darso, anna 2 sano iigu soo dar, laakiin waxaan u malaynayaa in aad hada garowsatay in taladaasi noqotay taladii Islaanta ee uu ku maahmaahay Maxamuud Xaashi oo aad wixii hada ka dambeeya dadka iyo dalka u tudhi doonto oo aad dhegaysan doonto dadka taladu kaala dhexeyso iyo waxgaradka kale ee SL.

Mudane Madaxweyne, aniga aragtidayda, iyadoo laga qiyaas qaadanayo qibradii laga dhaxlay iyo siday bulshada SL u kala qaybisay doorashadii ururada ee 2012-kii, iyadoo maanka lagu hayo duruufaha kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo colaada ee SL ku jirto, iyadoo la ogyahay in Xisbiyada/ururadu leeyihiin magacyo fiican dad badanina ku wada-jiraan laakiin ay yihiin Xisbiyo/ururo beelo leeyihiin, adigoo og in SL aanay qaadi karin muran/kala qaybsanaan siyaasadeed oo dambe iyo doorashada oo dib u sii dhacda, adigoo aan iloobin Mudane Madaxweyne in shacabka SL abaal kugu leeyihiin oo Madaxweyne kuu doorteen iyagoo og in aad tahay nin milateri ah oo yare qalafsan iyo in aad hada tahay Madaxweyne mudo xileedkiisii dhamaaday, aniga suuragal ilama maha in la soo hor-marin karo doorashada ururadda, hadii aad soo hormarisona wuxuu dalku geliyaa marxalad aan la qiyaasi karin meesha ay ku dhamaanayso, ugu dambeyntana ma jiri doonto maanta cid ama beel kaayeelaysa ururkaagii wuu dhacay. Sidaas awgeed waxaan kugula talinayaa in aad talada ku celiyo Golayaasha aad la hadlayso, Madaxda Xisbiyada/ururada iyo waxgaradka SL oo aad fasaxdo in dalka loo geliyo doorasho Madaxweyne oo ku dhisan duruuf gaar ah oo ay u tartami karaan Madaxda 3-dii Xisbi ee hore u jiray iyo Madaxda ururada Siyaasadda ee cusub ninkii u diyaarsan.

Xeer ilaalinta oo ajaaniibtii u badneyd u gudbisay maxkamadda gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwad ka dhan 36 edeysane oo ajaaniib ah, kuwaas oo la soo qabtay, ayaga oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya.

Raggaan ajaaniibta ah ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka badda Soomaaliya, kadib howlgallo ay ka sameeyeen xeebaha dalka.

Xeer ilaalinta ayaa ajaaniibtan ku eedeysay inay ku xad-gudbeen biyaha Soomaaliya, isla-markaana, ay wadeen kalluumeysi sharci darro ah.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda 36 eedeysane oo ajaaniib ah kuwaasi oo ku eedeysan kalluumeysi sharci darro ah,” ayaa lagu yiri warqad goordhaweyd kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa ka codsatay maxkamadda gobolka Banaadir in si deg deg ah loo guda-galo dhageysiga dacwaddan, si tallaabo sharci ah looga qaado ajaaniibtaasi

“Xafiisku waxa uu maxkamadda ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwaddooda, si loo guda galo maxkamadeyntooda,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray xafiisku inay ka go’an tahay ilaalinta biyaha Soomaaliya oo ay haatan xaalufin weyn ku hayaan maraakiib shisheeye.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa ka go’an ilaalinta xuquuda biyaha dalkeena iyo hoygeynta sharciga cidkasta oo lagu soo qabto ku xad-gudubka biyaha Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta qaranka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay inay iibisay kaluunka ay sida darrada ah ay ula soo baxeen ajaaniibta maanta dacwaddooda loo gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaas oo iyagana haatan wajahaya maxkamadeyn.

in

Daawo: CC Shakuur oo weerar culus ku qaaday duqa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa si cajiib ah uga fal-celiyay tallaabadii uu dhowaan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib markii uu uleeyay dhalinyaro ku caaweyneysay xeebta LIido ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Cabdiraxmaan Cabdishuur oo bilaabay Barnaamij uu ugu magac daray Wacyi ayaa ciwaan uga dhigay “Dhalinyarada Liido lagu budeeyey, Diinta iyo Dawladnimada ma u dawaa mise waa u daran?”

Xildhibaanka ayaa si dadban u weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir oo isagu hoggaaminayay howlgalkii ka dhacay agagaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qofka mas’uulka uusan isku noqon karin sharci dajiye iyo in isla isagii uu ciqaabo eedeysanaha ama dambiilaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Qof isagii sharci dajiye ah oo waxaan inay xun yihiin tilmaamaayo waxa laga sameynaayo oo ciqaab ah dajinaayo ka bacdi fulinaayo qof isku noqonaayo ma jiro, waana xadgudub” ayuu yiri Xidlhibaan Cabdishakuur oo ka falceliyay tallaabadii uu qaaday Yuusuf Madaale.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in madaxda dowladda guud ahaan looga baahan yahay adeeg dowladeed iyo inay cadaalad u sameeyaan dadweynaha Soomaaaliyeed.

“Dadka madaxda ah waxaa laga rabaa heerkay rabo ha’ahaato dadka waxa ay ka rabaan wixii ay u dirsadeen waxay u dirsadeen maxaa waayey” waa adeeg iyo cadaalad” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo sharciga iyo kala dambeynta, isla-markaana ay hay’ad kastaa gudatio waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay uu Duqa magaalada Muqdisho hoggaaminayay howlgallo laga sameeyay xeebta Liido iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagula dagaalamayay maandooriyaha iyo goobaha lagu sameeyo dhaqan xumada ee caasimada.