28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Afar carruur oo walaalo ah oo ku geeriyooday Muqdisho kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku geeriyoodeen afar carruur oo walaalo ah.

Afarta carruur oo ahaa dhammaan wiilal ayaa waxaa kusoo dumay dhisme qadiimi ah oo ay daganaayeen, kuna yaalla gudaha degmadaas.

Gaadiidka dab gurmadka oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay in ugu dambeyn maydadka carruurta laga soo saaro dhismaha hoostiisa.

Aabaha qoyskan oo lagu magacaabo Jimcaale oo si qiireysan uga hadlay dhacdadaan ayaan sheegay in carruurta ay da’doodu u dhexeysay 16 sano jir illaa saddex sano jir, isla-markaana uu ku qanacsan yahay qaddarta Alle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga uu guriga soo dumayay ay carruurta jiifeen banaanka guriga, balse uu dhismaha ku soo kordhacay.

Aabe Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaan ay ka bad-baadeen ilaa 11 qof oo kale oo kamid ahaa qoyska guriga ku noolaa.

Dhacdadan oo ay si weyn u tabisay warbaahinta gudaha ayaa xanuun ku reebtay ehellada carruurta, maadaama ay hal mar waayeen afar wiil oo muhiim u ahaa qoyska.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Shangaani  oo markii uu maqlay dhibkaan goobta gaaray ayaa sameeyay dadaal xooggan oo loogu gurmanayo qoyska ay waxyeellada kasoo gaartay guriga dumay.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa wel.ku yaallo guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, kuwaas oo halistooda leh.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa sanadihii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, waxaana kordhayay khasaaraha ka dhasha burburka dhismaha qadiimiga ee ku yaalla caasimada, kuwaas oo ay deegaansadaan qoysas danyar ah.

Muxuu C/weli Gaas ka yiri tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka falceliyay tallaabadii ay Khamiistii qaadeen xubnaha golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay in wax ka beddal lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, xilli la’isku diyaarinayo doorashada guud.

Golaha ayaa isku raacay in xisbiyada siyaasadda Puntland laga dhigo shan xisbi, halka ay markii hore ahayd saddex xisbi, ayada oo loo sii gudbiyay Baarlamanka, si uu u ansixiyo.

Cabdiweli Gaas oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay inay dhib weyn u keeneyso xasiloonida siyaasadeed ee Puntland oo ah hooyada federaalka Soomaaliya.

“Aniga waxaan u arkaa arrintaas inay tahay arrin dhib u keeneyso xasiloonida siyaasadeed ee Puntland. Waxaan kale noo u arkaa amniga iyo midnimada Puntland-na dhaawici karta,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Dastuurka shaqsi ah looma furi karo, dan caam ah uubnaa loo furi karaa,”.

Dhanka kale Cabdiweli Gaas ayaa weerar ku qaaday madaxweyne Saciid Deni, waxaana uu tilmaamay in damaciisa shaqsiga uu yahay mid xad dhaaf ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu xusay inuu sida uu doono u isticmaalayo dastuurka, isaga oo mar-marsiiyo ka dhiganayo barnaamijka dimuquraadiyeynta, isla-markaana uu

“Waxaa moodaa madaxweynaha damaciisa siyaasiga ah nuu hadda xad dhaaf yahay inay kalifeyso Dastuurka sidii doono loo isticmaalo, ayada oo mar-marsiiyo laga dhiganayo barnaamijkan dimuquraadiyeynta,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Cabdiweli Gaas.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay haatan sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi, kaas oo uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen waqooyiga gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Weerarka oo ka dhacay tuulada Indha Kayd doo hoostaga deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey Weriye Abdulahi Warsame Roble oo Dhuusamareeb jooga.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay beegsadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ah dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka ka dambeeyay dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa halkaasi.

Sidoo kale xogta uu nasiiyey Weriye Abdulahi Warsame Roble ayaa intaasi kusii daraysa in xiisad colaadeed haatan laga dareemayo duleedka deegaanka Huurshe oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.

Falkan ayaa lala xiriirinayaa dilalka aanooyinka qabiil ee inta badan ka dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ay isku geysanayaan maleeshiyaadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan gobolladaasi oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug.

Wada-hadallo ku saabsan dagaalka SUDAN oo ka furmaya dalka Sacuudiga

Riyad (Caasimada Online) – Dowladda Sucuudiga, ayaa marti gelineysa wada hadalkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah Sabtida maanta ah, oo u dhexeeya ciidammada ku dagaallamaya Suudaan, ka dib markii dhowr xabad joojin ay burburtay.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga, ayaa lagu soo dhaweeyay billowga “wada hadallada horudhaca ah” ee magaalada Jiddah ku dhexmari doonna ciidamada Suudaan, iyo xoogagga taageerada degdegga ah ee RSF.

Ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in wada hadallada ay uga gol leeyihiin in wax loogga qabto arrimaha bini’aadantinimada. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxaya dhanka kale ee ciidamada RSF-ta.

Ciidanka ayaa waxay xaqiijiyeen inay ergo u dirtay Jiddah, si ay wada-hadallada uga qayb-galaan.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka, ayaa waxay ku cadaadiyeen dhinacyada ku dagaalamaya Sudan wada hadal, maadaama ay soo wajahday xaalad bini’aadantinimo oo xun oo ka taagan dalka Suudaan.

Ku dhawaad ​​saddex toddobaad oo dagaallo culus ay socdeen, ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad ​​450,000 oo rayid ah.

Wadartaas guud, Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, ayaa sheegay in in ka badan 115,000 oo ka mid ah dadkani ay u qaxeen dalalka deriska la ah Sudan.

Taliyaha ciidamada Sudan, Jen Cabdulfataax al-Burhan – oo ah madaxweynaha Sudan – ayaa dagaal adag kula jira hogaamiyaha RSF Jen Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Xamadi.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo si weyn u dhaliilay Saciid Deni, kana digay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulka Puntland ee salka ku haysa doorashada maamulkaas iyo damaca la xiriira ee madaxweyne Saciid Deni.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Saciid Deni iyo siyaasiyiinta reer Puntland ee mucaaradsan.

“Ifa-faalayaasha muuqda wadada aan soo marnay ee aan sheegayno marka u barbar dhigno ifa-faalayaal fiican ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka deyriyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa uga digay madaxweyne Saciid Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn, isagoo hoggaanka Puntland ugu baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo qal-qal gelin karta nidaamkii ay horay Puntland ugu soo caana maashay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland ee ugu sareeyo madaxweyne Deni inay tix-geliyaan rabitaanka bulshada, oo aysan ka tallaabsan, “ha ka tallaabsanin kama tallaabsan kartaane, aad iyo aad ugu dhago nuglaada oo dhageysta.”

“Meel dhaqan leh oo dhaqankeedu xooggan yahay oo siyaasiyiin dalka laga yaqaano leh waaye, siyaasiyiinta ha la dhageysto, odayaasha dhaqanka ha la dhageysto. Ka bacdi sida uu maamulka iyo dowladnimo u adkaanayaan ha la yeello.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod ee uu leexsaday Deni, ay hore uga gadmi weyday reer Puntland, sidaas darteed ay tahay in si wada-ogol ah oo lagu qanacsan yahay lagu saleeyo hanaanka doorashooyinka maamulkaasi ee qof iyo codka ah.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

Taliye SHUB oo shaqada ciidanka ka eryay 32 askari + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa maanta shaaciyay in shaqada ciidanka uu ka eryay 32 askari, kuwaasi oo ka tirsanaa ciidanka asluubta.

Taliyaha ayaa sheegay in askartaan uu shaqada ciidanka uga saaray laba maalmood gudahooda, kadib markii ay ku cadaatay in ciidanka ay isticmaalan waxyaabaha maanka dooriya.

Taliye Shub ayaa sheegay in hadda kadib aan loo dulqaadan doonin askarta ciidanka ku dhex joogta cabtooynimada, islamarkaana ay ka sifeyn doonaan ciidanka kuwa bulshada leh.

“Anaga ciidanka ah hadda xashiish cabno oo wadada la taaganahay calaq, ciidan waaye la leeyahay oo canshuurtii umadda Soomaaliyeed laga qaaday inta mushaar looga dhigay. Xashiisheyste hadda noqoto suurtoobi-weyso in aad ciidanka kamid noqoto,” ayuu yiri Taliye Shub.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Laba beri gudaheeda 32 qof oo xashiishteyse ah ayaa gacanteyda ku rusqeeyay, oo irida laga saaray. Fadhiyada dhiman ee alkuulista keenin bal Ilaahay idinku dhaarshe keena waa rusqeynayna.”

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa waxa uu sheegay inay rabaan ciidan nadiif ah oo ka madhan daroogo, oo ka tarjumaya sharafta ciidanka Soomaaliyeed.

“100 askari xataa manoo soo hadho, 100 askari oo nadiif ah ayaa rabna, oo sharaf leh, oo sharaftii ciidanka muujineysa. Inta aan maanta joogno aan wax toosino.”

Tallaabadan uu qaaday Taliye Shub ayaa daba socota amar uu dhawaan faray saraakiisha ciidanka asluubta, kaasi oo kaga dalbaday inay usoo gudbiyaan askarta isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya.

Si kastaba, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Shub) ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan.

Sarkaal iyo ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biiray SSC

Laascaanood (Caasimada Online) – Sarkaal iyo ciidan uu wato oo kasoo goostay Somaliland ayaa ku biiray ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha Jabhada SSC Cabdi Madoobe ayaa ciidankan iyo sarkaalka horkacayay kusoo dhaweeyay Jabhada SSC, waxayna ku biirayaan dagaalka looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland ee ka socda xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood.

“Caro-wayn qaybna Jabhada ayaa ka daganayd qaybna ciidamada deegaanka ee Somaliland ka mushaar qaata. Waxaanu ku guulaysanay in labadii ciidanba ay hal ciidan isku noqdaan,” ayuu yiri Taliyaha Jabhada SSC Cabdi Madoobe.

Taliyaha ayaa waxa uu ku bogaadiyay Kornayl Maxamed Deeq oo ah sarkaalka horkacayay ciidanka ku biiray Jabhada SSC, inuu la dareen noqday dadkiisii iyo deegaankiisii, uuna kasoo horjeestay duulaanka lagu yahay dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay meel iska fadhiyi doonin ee ay dagaalami doonaan, “Waa soo dhamaatay waan-waan kasta oo la doonayay in dagaalka lagu joojiyo, waxaan galaynaa halgan, iska fadhiyi mayno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Saraakiil kale oo ka hadlay munaasabadda lagu soo dhaweynayay ciidanka kasoo goostay Somaliland yaa dhankooda sheegay inay rabaan in ay weeraraan magaalada Caynaba, ayna wixii ka dambeeya ay xabad isticmaalayaan.

SSC ayaa sidoo kale waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland.

Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata  in dhinacyadu xabada ku joojinayaan, iyada oo ay fashilmeen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la xiriirtay arrintaan.

Madasha Siyaasadda P/L oo bayaan culus kasoo saaray tallaabadii golaha wasiirada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland ayaa si adag uga horyimid tallaabada uu qaaday Golaha Wasiirada maamulkaasi, ee uu ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka.

Bayaan kasoo baxay Madashaan ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaasha isbeddel-doon ah ayaa waxaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan ku xad-gudubka Dastuurka Puntland ee maamulka muddada yar u harsan tahay ee uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo isagu caadeystay ku tumashada shuruucda maamulkaas, sida lagu yiri bayaankan.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansixin ku sheega sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraddu ay 4-tii May 2023-ka wax uga baddaleen Dastuurka Puntland.

Madasha ayaa waxay ugu baaqday madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xukuumaddiisa inay joojiyaan wax ka badalka Dastuurka, islamarkaana aysan kusii dhiiran ku xad-gudubka Dastuurka maamulkaasi.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay Maxkamadda Dastuurka ugu baaqaysaa inay hor istaagto ku xad-gudubka Dastuurka oo ah heshiis bulsho, islamarkaana ay gudato ilaalinta dastuurka oo ah waajibaadkeeda Dastuuriga ah,” ayaa sidoo kale lagu bayaanka madasha.

Sidoo kale waxay madasha siyaasadda ugu baaqday Baarlamaanka Puntland in uusan ku dhex milmin damaca siyaasadeed ee Saciid Deni, ayna qeyb ka noqon curyaaminta geedi socodka hanaanka dowladnimo, una horseedin Puntland hubanti la’aan siyaasadeed iyo amni.

“Madashu waxay Isimadda Puntland ugu baaqaysaa inaynaan indhaha ka laaban burburka dowladnimo ee uu wado madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay. Sidoo kale waxay shacab weynaha reer Puntland ugu baaqaysa in si buuxda looga hor-yimaado ku takri-falka awoodda dastuurka.”

Bayaanka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay ku cadeysay in xaalad kasta oo ka dhalata damaca arrintaan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Warkan kasoo baxay Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus maamulka Puntland ayaa waxa uu imanaya saacado kadib markii ay Golaha Wasiirada Puntland ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi.

Golaha ayaa sheegay in go’aankan uu ku meel-mariyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi u cuskaday dalabka ururada siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, taasi oo uu markii hore gadaal ka riixayay madaxweyne Deni.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

Daawo: Madaxweyne Xasan “Dalka waxa uu yeelanaya lacag cusub inta aan bixin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ku howlan tahay soo daabicista lacag Shilling Soomaali ah oo uu dalka uu yeesho, ayna hirgelinayaan kahor inta uusan dhamaan muddo xileedkiisa.

Madaxweynaha ayaa ballan-qaadkan ka sameeyay kulan dadweyne oo dhawaan uga qeyb-galay magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay inta uusan bixin ay ka go’an tahay in dalka uu yeesho lacag cusub, taasi oo uu sheegay in qorshaheeda iyo hanaankii looga dhameyn lahaa uu marayo meel wanaagsan.

“Aniga markii aan horraantii 2017 dalka ka tagayay waxaan ka tagay ayada oo naqshadii lacagtii la isku raacay oo aan weynay dhaqaalihii aan kusoo daabacan laheyn, waxay u baahan tahay dhaqaale lagu soo daabaco lacagta, sidoo kale waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maanta waxay mareysaa meel sidii oo kale qaban-qaabsan oo sawirkii lacagta la hayo, dhismayaashii Bangiyada Dhexe ee dowlad-goboleedyada xataa qaarkood la dhisay, qarkoodna uu dhismahooda socda. Heshiiskeeda siyaasadeedna ee dhaqaalaha waa waxa laga hadlayo ee madalahan loo fadhiyo.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay dowladdiisu ku dadaaleyso inta uusan dhamaan muddo xileedkiisa, sidii dalka u yeelan lahaa lacag Shilling Soomaali ah oo cusub, oo bedesha midda duugta ah ee laga isticmaalo dalka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa horraantii sanadkaan ku dhowaaqay qorshe uu ku beddelayo lacagta kaliya ee dalka uu leeyahay.

Lacag 1,000-shilling ah oo dib loo naqshadeeyey ayaa lagu beddeli doonaa lacagta hadda jirta oo markii ugu dambeysay la daabacay kahor inta aanu billaaban dagaalkii sokeeye 1991-kii, sida laga soo xigtay Bangiga Dhexe.

Lacagtii hore ayaa qarka u saaran inay meesha ka baxdo, soo saarista cusubna waxay la-dagaalami doontaa lacagaha sharci darrada ah iyo in la-xakameeyo sicir-bararka iyadoo la baabi’inayo lacagaha xad dhaafka ah.

Si kastaba, Lacagta shillinka ah ee weli suuqa ku jirta ayaa ah mid aad u duugowday, waxaana lagu beddelay lacago dollar ah ama lacago si gaar ah loo daabacay oo intooda badan ah lacago been abuur ah.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

Al-Shabaab oo toogatay shan ruux ‘oo ay ku sheegtay basaasiin’ + Magacyada

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo.

Shanta ruux ee kooxda ay toogatay ayaa waxay sheegtay inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaayay sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 25 illaa 41 sano ayaa waxay kooxda shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib, waxayna kooxdu sheegtay in dhamaantood ay qirteen inay basaasiin u ahaayeen sirdoonada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan Mareykanka ee CIA-da.

“Dhammaan xubnahan jawaasiista ah ee shan-ta ah waxay maxkamadda – Jubboyinka ka hor qirteen inay basaas u ahaayeen sirdoonnada (DF) iyo midka Maraykanka ee (CIA) ayna ka dambeeyeen duqaymo kala duwan oo ka dhacay wilaayaadka islaamiga ah oo loo gaystay dad muslimiin ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay baraha taabacsan ee Internet-ka.

Sidoo kale waxay kooxdu sheegtay in mid kamid ah shanta ruux ee toogashada lagu fuliyay uu masuul ka ahaa dilka Maxamed Dulyadeyn oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka kooxda Al Shabaab.

Dulyadeyn ayaa waxa uu ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ay taageerayeen kuwa dowladda Maraykanka, waxa la dilay bishii Juun ee sanadkii 2016-kii.

Kooxda ayaa shaacisay magacyada shanta xubnood ee shalay lagu toogtay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Jilib, kuwaasi oo kala ah;

  1. Cabdicasiis Aadan Maxamed oo 41 sano jir ah – wuxuu ushaqaynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
  2. Cumar Cabdi Aadan (Dhagaweyne) oo 27 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonnada DFS-ka iyo CIA-da Mareykanka.
  3. Madeey Idbow Madow oo 25 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonnada DF-ka iyo Mareykanka.
  4. Mustaf Isxaaq Xasan oo 26 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.
  5. Xuseen Cumar Yuusuf oo 35 sano jir ah – wuxuu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa toogashooyin lamid ah midda shalay, oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada DF Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya.

Cali Cosoble: Puntland waa curad caasi noqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo saaray qormo cusub oo uu cinwaan uga dhigay “Puntland waa curad caasi noqotay” taasi oo uga hadlayo doonista Puntland iyo isa-seegooda dowladda federaalka Soomaaliya.

Cali Cosoble ayaa waxa sheegay in Puntland ay ku faa’iiday magaca Soomaaliyeed, iyada oo waxa maamulkaasi uu ka helay Soomaaliya aysan helin maamullada Galmudug, HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, sida uu ku yiri qormadan.

“Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay Puntland (ex Migiutinia) ka heshay Soomaaliya ama ku heshay magac Soomaaliyeed ma aanay helin Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa haboon maadaama ay Puntland ilaa iyo heer horumartay iney u ololeyso sidey walaalaheed u horumari lahaayeen una soo gaari lahaayeen.”

Hoos ka aqriso qormada oo dhameystiran:

Puntland waa curad caasi noqday.

Sidii loo lahaa curadka ha loo roonaado, wax walbana loogu badinaayay, ayey hadda mareysaa roonaanshihii ha naloo sharciyeeyo, haddii kalena wax walba waa bannad, gow iyo gash ma leh.

Markaad muraayadda isku eegtay ee aad aragtay inaad ka qurux badan tahay, joog iyo jamaalna dheer tahay walaahaa ma aheyn inaad kibir iyo isla weyni la timaadid. Wexey aheyd inaad ku fekerto iney walaalahaa ayagana quruxdaada iyo joogaaga oo kale yeeshaan.

Shalay waxaad dooneysay wexey aheyd in federaal la noqdo, intii kula dhalatay ayaad ku qasabtay fikirkaagii, ayagana wey kula qaateen, balse halkaad fikirkii aad keentay wanaagiisa bari laheyd walaalahaa, waxaad isu beddeshay keligii cune iyo keligii daneyste.

Ratiga yar wuxuu ku deydaa ratiga weyn, wax aad wanaag moodo oo Soomaali bohol ka sii tuuraya ayaad yaryarkii kula dhashay tuseysaa. Waxaad sheegatay maamul goboleedka Puntland, tiiyoo laga wada shaqeynayo ayaad u guurtay dowlad goboleed, haddii misana lagugu deyday waad ka guurtay, maanta waxaad sii mareysaa Dowladda Puntland, saa curadkii baad tahay inta kalena wey kugu dayataa adigana waxaad mar walba muujisaa inaadan ku qanacsaneyn tallaab kasta ee ay qaaddo dowladda.

Waxaad aad u sheegtaa inuu khilaaf soo kala dhex galay labada dowladood ee kala ah Dowladda Puntland iyo Dowladda Soomaaliya”, iney taleefan ku wada hadleen madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Soomaaliya. Federaalka markaad nagu qancineysay nooma aadan sheegin inaad dowadd dhexe faceysan doonto.

Waxaad si weyn ugu celcelisaa oo aad inta kale tusaaleysaa qodobka ah “dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka”. Waxaa jira dowlado xubno ka ah golaha ammaanka, dowlado xubno ka ah EU, dowlado xubno ka Jamacadda Carabta. Xubin ahaanshaha wexey muujineysaa inaad ka bixi karto ama lagaa saari karo golaha, waxaana sidaa meesha uga baxaya qarankii Soomaaliya, sababtoo ah xubno qaran ma noqon karaan, gobolna xubin kama noqon karo waddan.

Laga soo bilaabo xilligii ay Majertiniya la heshiisay Talyaniga oo ay aqbashay iney noqoto maxmiyad Talyaani ilaa iyo waqtigan la joogo ma dhicin iney shacabkaas ka qadaan deeq ku timid magaca Soomaaliya.

Waxaa la soo maray xilli uusan Talyaniga shaqo siin jirin qof aanan ka soo jeedin degaankaas, sidoo kalana uusan waxbarasho dalkiisa ugu diri jirin reer kale. Maanta waxaa la idinka helayaa qof uu awowgii shanaad ahaa jaamici dalka talyaaniga wax ku soo bartay.

Waxa keliya ee dhaxalgalka ah ee laga hayo dowladdii Kacaanka, marka laga reebo qoritaanka luqadda Soomaaliga adinkaa heysta, waana dekedda Boosaaso iyo waddada isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo, labadaas oo ah furaha horumarka ay Puntland gaartay.

Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay Puntland (ex Migiutinia) ka heshay Soomaaliya ama ku heshay magac Soomaaliyeed ma aanay helin Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa haboon maadaama ay Puntland ilaa iyo heer horumartay iney u ololeyso sidey walaalaheed u horumari lahaayeen una soo gaari lahaayeen.

Waalidka waxaa laga rabaa hadduu wiilka curadka ah isku filnaado inuu ka shaqeeyo sidey kuwa kalena isugu filnaan lahaayeen. Wiilka curadka ahna waxaa laga rabaa inuu ku kaalmeeyo waalidka sidii kuwa la dhashay loo korin lahaa oo loo soo gaarsiin lahaa heerka uu joogo.

Puntland wexey faani kartaa oo qurux badan tahay marka ay afartii kale ee la dhalatay qurux badan yihiin hareeraheedana deggan yihiin. Laakin maxaad ku faantaa, yaadse u faani kartaa markey afartii kula dhalatay sabool yihiin.

Noqo curad baari ah oo aanan keligii cune aheyn kana billow inaad labada dekedood mid dakhligeeda ku wareejiso dowladda dhexe si ay wax ugu qabato walaalahaa.

Golaha Wasiirada Puntland oo qaaday tallaabo lagu xalaaleynayo damaca DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, taasi oo ay hore uga digeen mucaaridka Puntland, oo ku macneeyay qorshahaan inuu qeyb ka yahay damaca muddo kororsi ee madaxweyne Saciid Deni.

Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoomooyiye madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka, islamarkaana xisbiyada siyaasadda maamulkaasi laga dhigo shan xisbi, halka ay awal aheyd saddex xisbi.

Golaha ayaa go’aankan uu ku meel-mariyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, u cuskaday dalabka ururada siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya xisbiyada siyaasadda, taasi oo uu markii hore gadaal ka riixayay madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qodobo ay ka midyihiin amniga, dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Sudan, dardar-gelinta Doorashada goleyaasha deegaanka.

Golaha ayaa waxa kale oo loo gudbiyay warbixinta xaaladda gaadiidka dowladda iyo curashada roobabka gu’ga, oo laga cabsi qabo in bulshada ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyagoo , Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo Xisbiyada Siyaasadda 5 Xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh Goluhu u ansixiyey loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

DF Somalia oo soo saartay digniino hor leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka fogaadaan neelaha qatarta uga imaan karto, maadaama laga cabsi qabo in uu gobollada dalka qaarkood ka da’o roobab mahiigaan ah.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faray shacabka inay muujiyaan feejignan dheeri ah, isaga oo xusay in dhawaan magaalada Qardho ay ku soo rogmadeen daadad, sidoo kalena ay caasimadda dalka ay ka dhaceen dhimasho sababtay roobabkaaasi

“Shacabka Soomaaliyed ha ka fogadaan goobaha biyo mareenada ah, roob xoogan oo mahiigan ah ayaa ku soo wajahan dalka  sidoo kale shacabka waxaan rabnaa inay qaataan talooyinka hay’adda, maadaama isbuuc kasta an soo saarno xaalado aan uga hadleyno roobabka iyo webiyada buux dhaafiyay ee laga cabsi qabo inay fatahaado ka dhashaan,” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay inay ka dowladd ahaan wadaan qorsheyaal looga faa’iidaysan doona biyaha, maadaama shacabku ay mar ka cabanayaan biyo yari, halka marka kalena kaga cabto fatahaadaha, sida uu sheegay.

Agaasimaha xarunta qaran  ee howl-gallada gurmadka deg-dega (NEOC) ee hay’adda SODMA oo sidoo kale madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xarumaha kala duwan ee hay’adda ay mar walba u taagan yihiin inay bulshada Soomaaliyeed siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada.

Agaasimaha oo ay hoos tagto xarunta qaran ka digista halis-wadareedka ayaa sidoo kale maalmo kahor soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay xilligaasi hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in roob xoogan ka di’i doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka sida; Awdal, Waqooyi-galbeed, Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada-Dhaxe, Banaadir, Shabeellada-Hoose, Jubadda-Dhexe iyo Jubadda-Hoose.

Ciidamada DF iyo shacabka oo saaka kooxda Al-Shabaab ku baacsanaya deegaanka…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saaka kooxda Al-Shabaab ku baacsanaya deegaanka Maxamed Xasan oo u dhaxeeya deegaannada Baar-dheere iyo Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Beledweyne.

Sida ay shaacisay wasaradda warfaafinta dowladda, ciidamada huwanta ayaa waxay weerar ku qaadeen xubno Shabaab ah oo isku dayay inay si dhuumaalaysi ah deegaankaan isugu abaabulaan.

Howl-galkan ayaa yimid kadib markii dadka deegaankaan oo aan ogolayn in mar kale kooxda ku soo dhex ganbadaan ay si dhow ula shaqaynayaan ciidanka Qaranka, islamarkaana ay qayb ka yihiin dagaalka hadda socda.

Inta badan dhulka gobalka Hiiraan ayaa horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo wajaheysa guluf dagaal oo culus, waxaana haatan socda howl-galadii ugu danbeeyay ee guud ahaan la doonayo in lagu ciribtiro Khawaarijta.

Shalay ayay aheyd markii howl-gal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka dhacay deegano dhowr ah oo ku yaala Jiinka wabiga Shabeelle ee Koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-galkaas ayaa waxay ciidamadu ku burburiyeen dooman ay isticmaalayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu xirnaa wabiga Shabeelle, oo Shabaab-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu soo gudbi jireen.

Sidoo kale waxaa lagu xoreeyey deegaano dhowr ah oo ku teedsan wabiga Shabeelle, oo ay ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, kadib markii ay iskaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa.

Si kastaba, dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa wejigiisi koowaad laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, ayada oo dowladda ay sheegtay in lagu dilay boqolaal Shabaab ah oo ku jiraan horjoogayaal.

Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Deni iyo Juxa + ‘halka uu salka ku hayo’

Garoowe (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Cabdi Faarax Juxa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta aan ka helayno khilaafkan cusub ee ka dhex aloosan labadan masuul ayaa waxay sheegaysa inuu yimid kadib markii uu wasiir Juxa uu si adag uga horyimid qorshe uu madaxweynaha Puntland uu ku rabo inuu wax ka bedel ugu sameeyo Dastuurka.

Saciid Deni ayaa raba inuu wax ka bedel ku sameeyo qoddobo ku jira Dastuurka, gaar ahaan kordhinta tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in khilaafka Deni iyo Juxa uu gaaray heer uu madaxweyne Saciid Deni uu qaato go’aan ah inu xil ka qaadis ku sameeyo wasiir Juxa, taasi oo uga jawaabayo diidmadiisa ku aadan qorshaha uu rabo inuu wax ka bedel ugu sameeyo Dastuurka maamulkaasi.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la sheegay in maalmaha soo socda xil ka qaadis uu ku sameeyn doono wasiir Juxa, ayada oo loo badinayo in booskiisa u magacaabo Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu sii xoogeysanayo damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo xataa siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

Somaliland ‘oo iska fogeysay’ arrin ay ku dhowaaqday DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay tirakoob dadwayne oo ay ku dhowaaqday dowladda federaalka Soomaaliya inay ka sameynayso dalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay tahay dal gaar u taagan oo ka madax-banaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteed aysan khuseyn tirakoobka ay dowladda federaalka, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland.

“In aanay Qaranka Somaliland khusaynin Tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Somaliland.

“Somaliland xuduudaheeda Afarta Jahaba way cad yihiin, waana xuduudo caalami ah. Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure).”

Bayaanka Golaha ayaa sidoo kale waxa looga hadlay xuska 18 May, ayada oo ugu baaqay in shacabka iyo ciidanka qaabilsan amniga Somaliland inay iskaga kaashadaan ilaalinta nabad-gelyada, islamarkaana ciidanku ay si gaar ah xil-weyn iska saaraan xoojinta amniga.

“Xuska 18 May ee sannad guuradda 32-aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo-noqoshadii Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland awgeed, waxay ciidammada ku hawlan difaaca guud ee Qarankuna ku sugnaan doonaan xarumahoodii,” ayaa sidoo lagu yiri bayaanka Somaliland.

Si kastaba, Barnaamijka ay ka hortimid Somaliland oo sida qorshuhu yahay laga fulin doono dhamaan dowlad-goboleedyada dalka, ayaa waxa uu door muhiima ka ciyaari doona amniga iyo dhaqaalaha, sida ay sheegtay dowladda.

Goorta ay billaabaneyso maxkamadeynta Donald Trump

New York (Caasimada Online) – Garsooraha New York ee guddoominaya kiis dambiyeedka Donald Trump ayaa Khamiistii weydiistay dacwad-oogayaasha iyo qareenada difaacaya Trump inay isku raacaan waqti ka mid ah bilaha Febraayo ama Maarso ee sanadka dambe.

Amarkan ayaa ka dhigan in maxkamadeynta taariikhiga ah ee la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaamta gogol dhaafka ay dhici doonto xilli lagu guda jira doorashooyinka is-reeb-reebka ah ee Xisbiga Jamhuuriga, oo Trump uu doonaya inuu noqdo musharaxa kusoo baxa si uu doorashada guud u wajaho madaxweyne Biden.

Garsoore Juan Merchan ayaa sheegay in marka la isku raaco taariikhda, in dhammaan dhinacyada, oo uu ku jiro Trump aysan waqtiyeyn karin munaasabado kale.

“Ma ogolaan karo dhacdooyin kale oo hadal laga jeedinayo ama laga soo muuqanayo inta maxkamadda ay socoto,” ayuu Merchan ka yiri maxkamadda Manhattan, halkaasi oo Trump uusan xaadirin.

Hadalladiisa ayaa yimid intii uu socday dhageysigii koowaad ee tan iyo markii Trump la horgeeyey maxkamadda bishii tagtay, isaga oo wajahaya 34 xisaab dacwadeed oo ku saabsan inuu ka been sheegay diiwaan ganacsi.

Merchan ayaa dhageystay doodo ku saabsan codsi ay soo jeediyeen dacwad-oogayaasha oo ahaa in Trump laga mamnuuco inuu dacaayad ka dhigto qeybo ka mid ah kiiska maxkamadeynta.

Garsooraha ayaa sheegay in marka uu go’aan gaaro Trump looga baahnaan doono inuu maxkamadda uga soo hor muuqdo hab fogaan arag si loogu wargeliyo.

Trump ayaa beeniyey dacwadaha ku saabsan inuu qareenkiisii hore Michael Cohen u celiyey lacag dhan $130,000 oo la siiyey gabadha jisha filimada gogol dhaafka ah Stormy Daniels.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in lacagtan, oo la bixiyey 2016-kii, looga dan lahaa in lagu aamusiyo Daniels si aysan u sheegin gogol la dhaaf ay sheegtay in sanad kahor xilligaas la sameysay Trump.

Trump waa madaxweyne hore ama mid xil haya kii ugu horreeyey ee dacwad dambi lagu soo oogo.

Kiiskan waa mid ka mid ah dhowr caqabado sharci ah oo uu wajahayo Trump oo ah 76 jir doonaya inuu mar kale kusoo laabto Aqalka Cad sannadka dambe.

SHIRKAD laga leeyahay dal kale oo ku guuleysatay dhismaha Suuqa Waaheen

Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkad laga leeyahay dalka Eswatini ee dhaca koonfurta Afrika ayaa ku geeleysatay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Shirkaddan ayaa lagu magacaabaa INYATSI CONSTRUCTION COMPANY, waxaana si rasmi ah u shaaciyay inay ku guuleystay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen guddida qandaraasyada ee Somaliland.

“Guddida Qandaraasyada Qaranku, wax ay shacabka reer Somaliland ogaysiinaysaa in ay soo gebo-gebeysay ‘qandaraaska dhismaha suuqa Waaheen’ oo illaa 9-aad ee sanadkii 2022 ay guddidu gacanta ku haysa,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday guddida qandaraasyada ee Somaliland.

Tartanka ay kusoo baxday shirkadaan laga leeyahay dalka Eswatini ayaa waxa uu guddidu sheegay inuu maray marxaladdo kala duwan, kuwaas oo dhowr jeer dib u eegis xayaysiin iyo dib u xayaysiin-ba lagu sameeyo, iyada la raacayo xeerka qandaraasyada qaranka iyo habraaca qandaraas bixinta dhismayaasha iyo xeer-nidaamiyaha qandaraas bixinta Somaliland ee LR.2022.

“Guddida Qandaraasyada Qaranku, wax ay qiimeyn dheer kadib ay ku qanacday in shirkadda Inyatsi Construction Company oo kamid ah shirkadaha Inyatsi Group of Companies, fadhigeeddunna yahay dalka Eswatini ee Koonfurta Afrika ay ku guulaysatay dhismaha suuqa Waaheen.”

Warqada kasoo baxday guddida qandaraasyada Somaliland ee lagu shaaciyay shirkada ku guuleysatay dhismaha suuqa Waaheen, in shirkaddan ay kamid tahay shirkaddaha ugu waaweyn Afrika, islamarkaana ay shaqooyin badan ka wado meelo badan oo kamid ah dalalka Afrika.

Suuaqa Waaheen oo ah kan ugu weyn caasimadda Somaliland ayaa waxa uu gebi ahaanba ku shuf beelay dab ka kacay sanadkii hore, waxaana la qorsheeyay in laga dhiso suuq casri ah oo aan tayo ahaan aad u sarreeya, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland.

Daawo: MADAALE oo Muqdisho ka daah-furay mashruuc 7 sano kahor uu ka hirgeliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib caawa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”.

Mashruucan oo ahaa mid horey u hirgalay, islamarkaana lagu dhisay qaar kamid waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa waxa markale ku dhawaaqay guddoomiye Madaale.

Daah-furka mashruucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee maamulka gobolka, aggaasimayaal, guddoomiyaasha degmooyinka, ganacsato, culuma-udiin iyo hoggaanka ururada bulshada rayidka.

Munaasabaddan ayaa waxaa lagu soo bandhigay muhiimadaha uu xambaarsan yahay barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mashruucan u xushay dardar-galinta horumarinta bilicda gobolka Banaadir, gaar ahaan dib udhiska waddooyinka iyo hoos u daadajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Dib usoo nooleynta mashruucan ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli uu guddomiye Madaale uu maalmo kahor magaalada Muqdisho ka daah-furay barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu naleynaayo casimadda dalka.

Si kastaba, caasimadda ayaa waxaa ka billowday naleynta caasimadda, oo lagu bilaabay wadada dheer ee Makka Al-Mukaramma, iyada oo maamulka gobolku u qorsheeyay barnaamijkan lacag dhan $2,500,000.

Hoos ka daawo

Mareykanka oo shaaciyay ‘arrin uu la wadaagay’ Muuse Biixi iyo ballan-qaad uu ka helay

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay kala hadashay walaaca ay ka qabto dagaalka Laascaanood, gaar ahaan dhibaatada bini’adamtinimo ee ka dhalatay dagaalkaasi oo socda muddo ka badan saddex bilood.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraa ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in madaxa USAID ee Soomaaliya uu madaxweyne Muuse Biixi la wadaagay walaaca ay dowladdiisu ka qabto arrintaasi.

Sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Mareykanka Mudane Biixi ayaa waxa uu ka garaabay soo jeedinta madaxa USAID, isaga oo u ballan-qaaday inuu xabad joojin uu sameynayo iyo sidoo kalena uu diyaarinayo khariidadii doorashada, xilli uu soo laba kacleeyay khilaaf la xiriira doorashooyinka maamulka.

“Agaasimada USAID ee Soomaaliya Lawrence ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la wadaagay walaac wayn oo ay ka qabaan saamaynta aadanninimo ee ay sababtay colaadda Laascaanood, wuxuuna ku booriyay in xal nabadeed laga gaadho,” ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muuse Biixi Cabdi waxa uu kaga jawaabay arrintaan ballan-qaad xabad-joojin, wuxuuna aqoonsaday muhiimada khariidada doorashooyinka.”

Dagaalka Laascaanood oo qaatay muddo ka badan saddex bilood ayaa illaa hadda laga garin wax xal, ayada oo ciidamada labada dhinac ee halkaasi ku dagaalsan ee Somaliland iyo SSC ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Laascaanood.

Colaadda Laascaanood ayaa galaafatay nolosha boqolaal qof, halka ay ku barakicisay badiba dadkii reer Laascaanood, oo ayagu xaalado bini’aadannimo ku wajahay deegaanada iyo gobollada kale ee ku dhow halkaas.

Si kastaba, Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay Somaliland ku cadaadineysay in ay ka dhabeyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka.