28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay SH/HOOSE + Khasaaraha

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay shacab ku socdaalayay waddada, waxaana ku dhintay hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka agdhaweyd fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kadib howlgal kooban ka sameeyay duleedka degmada Afgooye, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada xiriiirisa Afgooye iyo Mareerery ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxyo iyo weerar toos ah ka fuliya gobolkan oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee howlgallada xoreynta oo ay horkaceyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal, waxaana qorshuhu yahay inay howlgallada kusoo biiraan ciidamo ka socdo waddada dariska la ah Soomaaliya.

Golaha wasiirada oo sheegay in 70% ay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka  Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale lagu ansixiyay heshiis dhex-maray Somalia iyo Kenya.

Ugu horrey golaha ayaa bogaadiyey guulaha waa weyn ee ay ciidamadu ka gaareen howlgallada xorreynta ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgallada socda ay suura-geliyeen in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay dalka oo dhan.

Sidoo kale golaha ayaa xusay in xittaa lagu guuleystay xasillinta caasimadda, taas oo keentay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon.

Dhanka kale inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu meel-mariyay heshiiska Iskaashi ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal.

Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.

Ugu dambeyn golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

 

Xogta isbedelka ay DF ku sameysay canshuuraha dekedda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxa ay isbeddal weyn ku sameysay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho (Import Tax), ayada oo ku kordhisay canshuuraha, sida ku cad xeer ay soo saartay wasaaradda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online alaabaha wax laga bedelay waxaa kamid ah sigaarka, shiishada, qalabka guryaha iyo xafiisyada (Furniture) gawaarida raaxada (Luxury cars), badecadaha isqurxinta (Cosmetics), Cabitanada (Drinks), qalabka korontada iyo qalabka korontada ku shaqeeyo (Electric, Electronics), dharka iyo kabaha, iwm.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Kastamka Canshuuraha ayaa innoo sheegay in tallaabadan aysan saameyn doonin cuntooyinka qutul daruuriga ah, saliida, shidaalka, daawadda, qalabka caafimaadka, agabka waxbarashadda, warshadaha, iyo gaaska cuntada lagu karsado.

Sidoo lale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in canshuurta ay qaado dowladdu aysan ahayn mid ku saleysan qiimaha alaabta (Value based tariff) tusaale:-

Alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture): Aqalka dhameystiran ee ka kooban sariir laba nafar ah, armaajo, tawleet iyo laba komidin waxan la canshuri jiray $43 USD iyadoo qiimaha suuqa uu u dhaxeeyo 1000 USD – 3,000 USD

Kabaha (Shoes): Kabaha lebiska (Celcelis ahaan 6 Dersin – 72 Joog) canshuurtoodu waxa ay aheyd 3.5 USD (0.05 joogi). Qiimaha kabaha suuqa waxa uu dhaxeeya 30 USD – 120 USD.

Dharka lebiska: lebiska caruurta ciidaha (4 Dersin – 48 joog): 9 USD (0.19 USD joogi). Qiimaha suuqa 60 USD – 90 USD. Dharka caadiga ah (6 Dersin – 72 joog): 4.5 USD (0.06 Joogi). Qiimaha suuqana 10 USD – 30 USD.

Baaburta raxadda (Luxury Cars): Prado/Surf: 1,370 USD, Hilux pickup 1,450 USD, Toyota Premio: 920 USD.

Qiimaha lagu kordhiyay canshuuraha ayaa ah 100%, Tusaale gaariga Bulletproofka ee jooga $80,000 waxaa la canshuuri jiray $5000, halka lagu maanta la canshuurayo $10,000.

Waxaa dalka waxaa loo soo dhoofiya badeecoyin badan oo ka mid wax soo saarka dalka, waxaana ka mid ah Yaanyada gasaca, malaayga, digirta, galeyda, daangada, qamadiga, cabitaanada, iwm.

Inkasta oo aanay jirin wax reeban in dalka loo soo dhoofiyo.

Miisaaniyadda dalka in ka badan 70% waxa u ku tiirsan yahay deeqaha caalamka iyadoo dowladda Soomaaliya wax canshuur dhameystiran ah aysan ka qaadin ganacsiga dalka.

Shurudaha deyn cafinta dalka waxaa ka mid ah in dowladdu la timaado dhaqaale kordhin iyo isku filnaasho miisaaniyadda ah si looga shaqeeyo mashaariic hormarineed dhanka kaabayaasha dhaqalaha ah. Ilaha dhaqalaha dowladda waxa ugu weyn Dekeda iyo Air Porka Muqdisho.

Dagaal jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay MUDUG

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka koonfureed ee degmada Xarardheere oo ka tirsan giobolka Mudug ee bartamaha dalka.

Dagaalka ayaa yimid, kadibn markii ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka warbixiyay dagaalkaas ayaa shaaciyay in weerarka ay ku qaadeen deegaano hoos yimaada magaallo xeebeedka Xarardheere, halkaas oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in xubnaha la weeraray ay qorsheynayeen inay soo qaadaan weeraro, balse ay ka hortageen, kadib xog ay ka heleen dadka shacabka ah.

Waxa kale oo uu tilmaameen iy howlgalladaasi ay khasaare culus ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ilaa 7 xubnood, ayna ka qabsadeen gaadiid iyo deegaanka lagu dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad  kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska horjeedo laga dareemayaa duleedka Xarardheere, ayada oo labada dhinac ay helayaan gurmadyo.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalin kahor ayay ahayd markii ay sidaan oo kale ciidamada huwanta u weerareen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ceel Qaboobe oo 30 KM koonfur ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana halkaas lagu dilay illaa 60 xubnood.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkaas ay kusoo furatay hub fara badan, rasaas iyo gaadiid loo waday kooxda Al-Shabaab.

Koonfurta Mudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa maamulka Galmudug iyo Macawiisleyda/

Cali Yare iyo Al-Cadaala oo ay ka dhex-tafatay iyo arrinta ay isku qabteen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo siyaasad ahaan kala fikir duwan ayaa mar kale ay ka dhex-tafatay, waxayna isugu jawaabeen baraha bulshada.

Labadaan nin ayaa isku qabtay arrin la xiriirta dagaalka Al-Shabaab oo haatan si dardar leh uga socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wasiir Al-Cadaala oo marka hore qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in been abuurka dacaayadda uu yahay adeeg argagixiso, sida uu hadalka u dhigay.

“Isma qabato “Khawaarijta waan necbahay waxa ay jecelyihiiinna waan qabanayaa” Been-abuurka iyo dcaayaddu waa adeeg Argagixiso.” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Intaas kadib ayaa waxaa isna usoo jawaabay siyaasiga Cali Yare Cali, wuxuuna sheegay in aysan is qabaneyn in la qaado isbaaro Shabaab, lana dhigto mid ka daran.

“Isma qabato isbaarada shabaab ayaa shacabka ka qaadeynaa iyo innaga ayaa isla isbaaraddii iyo mid kasii ascaar kulul shacabka tabaaleeysan u dhiganeyna, intaas waliba ugu simi meeyno ee hantidoodana waan boobeeynaa.” ayuu isna ugu jawaabay Cali Yare.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab laga itaal roonaaday, islamarkaana aan loo baahneyn in lacago lagu dul raadsado, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka Eeyaha naarta laguma dhex tuugeeysan karo. Waan ka indho-dheernahay, ka hal-abuur badannahay, kana awood badannahay laamaha warbaahineed ee aad malaayiinta dollar ku bixisaan. ISKEEN-SIIYA.”  ayuu mar kale yiri siyaasiga Cali Yare Cali.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab

UK oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne XASAN, kana joojisay…

0

London (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda UK ay qaaday tallaabo ka dhan ah madaxwenaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayay in maalmaha soo socda uu safar shaqo ku gaaro London.

Go’aan cusub oo ay haatan soo saartay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh laga saaray liiska madaxda lagu casuumay xafladda caleema saarka boqorka UK, isla-markaana laga joojiyay safarkii uu ku tegi lahaa waddankaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo markii hore lagu daray madaxda la casuumay, kadib warqad loo soo diray ayaa hadda isbeddal deg deg ah lagu sameeyay, ayada oo uu soo baxay go’aan kale oo liiska looga reebay, kaas oo lagu wargeliyay hoggaanka Villa Soomaaliya.

UK ayaa si toos ah farriinteeda ula wadaagtay dowladda federaalka, waxayna u sheegtay in madaxweynaha uusan qeyb ka eheyn madaxda  rasmiga ah ee la marti qaaday, isla-markaaa la beddalay liiskii hore ee casuumaadda.

Sababta ayaa lagu sheegay in la xiriirto dhanka socdaalka UK, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Ingiriiska uu saaray xayiraadda dhanka socdaalka, isla-markaana aysan diyaaradaha si toos ah isaga kala gooshi karin magaalooyinka Muqdisho iyo London.

Arrintaan ayaa dhalisay dood xoogan iyo hadal xoogan oo qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka oo si weyn loogu faaqidayo, waxaana dadka ay si weydiinayaan sababta ay dowladda UK uga laabatay casuumaadii ay horay ugu fidisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haatana ay dib uga joojisay safarkii uu ku tegi lahaa dalkaasi.

Dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka Villa Soomaaliya oo ku aadan tallaabada ay qaaday dowladda Ingiriiska ee ka dhanka ah madaxweynaha, taas oo ay haatan si aad u warineyso warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

Ingiriiska oo kamid ah dalalka reer Yurub ayaa taageerada u fidiya Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhanka dhaqaalaha.

Si kastaba, horay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u booqday dalka Ingiriiska, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii hore, wuxuuna ka qeyb galay aaska boqoradii waddankaasi, Queen Elizabeth II.

Garaad Jaamac oo ballan-qaad cusub oo la xiriira dagaalka u sameeyay Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC oo markale ka hadlay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxa uu ballan-qaad cusub u sameeyay xukuumadda Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa shaaciyay in SSC aysan ka daba-tegi doonin ciidamada Somaliland haddii ay ka baxaan deegaanadooda, kadib markii uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool iyo guud ahaan deegaanada SSC.

“Inagu dulmi geysan mayno oo ka daba tegi mayno, dhiigooda dooni mayno oo dalkooda iyo dantooda in aan ka burburino ma dooneyno ee hase yeeshe riyada ah dadkaan iyo dalkaan idinka iska leh oo Ingiriis ayaa idin siiyay mid aan ka qaadan karno ma ahan,” ayuu yiri Garaadka Guud ee SSC.

Ballan-qaadkan cusub ee uu sameeyay Garaad Jaamac ayaa imanaya xilli uu markale ku baaqay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulkooda, inta aanay dhibaato badani dhicin, oo aanay dagaalo kale oo lagu hoobto aysan dhex-marin labada dhinac.

“Xabaalaha dushooda intii laysku gacan qaadi lahaa, iyada oo ragu nool yahay ha la is gacan qaado, intaan wiilasheenu isku dhiman, dhiigeenu isku bixin, guryihiina ku noqda.”

Somaliland oo ayadu hore dhagaha uga fureysatay baaqyada la xiriira in ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool, kuna adkeysatay in Laascaanood ay tahay Somaliland ayaa la ogeyn waxa uu ballan-qaadkan cusub ka tari karo colaadda ka taagan halkaasi.

Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata  in dhinacyadu xabada ku joojinayaan, iyada oo ay fashilmeen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la xiriirtay arrintaan.

Waa tuma ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, ayaa ergey cusub u soo magacaabay Soomaaliya.

Catriona Laing oo u dhalatay dalka UK ayaa noqon doonta madaxa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxa ayna xilka kala wareegeysaa ergeyga gaarka ah ee hataan Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomalaiya, James Swan, oo ah muwaadin Mareykan ah.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga wararka ee Qaramada Midoobey, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqadii uu James Swan soo qabtay iyo hoggaamintiisa intii uu hayay talada ugu sarreysa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Catriona Laing, kuma cusba arrimaha Soomaaliya oo waxa ay madax ka ahaan jirtay Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sannadihii 1993 ilaa 1994kii.

Aqoon ahaan, waxay shabaadaha labaad ee Jaamacadda ee Mastarka loo yaqaan ka qaadatay kulliyadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London oo ay ka baratay arrimaha dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale shahaado la mid ah taa ka qaadatay Jaamacadda Crandfield oo ay ka baratay culuunta maamulka iyo maareynta ganacsiga.

Catriona Laing ayaa noqoneysa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, xilli ay leedahay khibrad gaarsiisan 35 sano oo diblomaasiyadeed iyo xiriirka caalamiga ah, sida in ay xilal kala duwan ka soo qabatay dalka Britain.

Xilalkii ay soo qabatay waxaa ugu danbeeyay, in ay ahayd wakiilka sare ee dalka Britain u qaabilsan dalka Nigeria laga billaabo Nofeembar sanadkii 2018 ilaa Abriil 2023.

Intaa ka hor, waxay ahayd safiirka Britain ee Zimbabwe sannadadii 2014 ilaa 2018.

Marka laga soo tago doorkeeda dublomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan oo ku saabsan waxaaha siyaasadeed ee dawladda iyo horumarinta caalamiga ah ee Britain, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka madaxa qaybta Istaraatiijiyadda Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Britain intii u dhaxeysay sannadihii 2000 ilaa 2004, iyo in ay ahayd agaasimaha xuquuqda aadanaha ee wasaaradda caddaaladda ee Britain laga billaabo sanadkii 2009-2012.

Catriona Laing ayaa ahaan jirtay Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan u qaabilsanayd Britain intii u dhaxeysay sannadadii 2006-2009.

James Swan oo haatan ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa 30-kii Bishii May ee sanadkii 2019 loo magacaabay jagadan, waxa uuna khibrad dheer u leeyahay dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya oo uu Qaramada Midoobay uga soo shaqeeyey.

Laga billaabo 1994 ilaa 1996 ayuu James Swan ahaa ergayga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Waxa uu baddalay danjire Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika oo sanadkii 2019 dowladda Soomaaliya ay ka eriday dalka kaddib markii ay ku eedeysay in uu fara gelin ku sameeyay hawlaheeda khaaska ah ee gudaha.

James Swan ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay dalalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

BBC

Daawo: Arrinta ay DF ku dooratay ‘in dalalka safka hore ay la kaashato’ dagaalka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay sababta ka dambeysa in dalalka safka hore ay la kaashato dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii Isniinta ka qeyb-galay kulan dadweyne ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay waddamada jaarka iyo kuwa naga fogba ay u kaashanayaan dagaalka, maaddaama uu cadowgu yahay mid caalami ah.

“Dagaalka aan ku jirno waa argagixiso caalami ah, dalalka safka hore waxaa u door bidnay si aan uga fogaano in Al-Shabaab ay helaan marba meel ay ku baxsadaan oo xagga u riix iyo xagga u soo riix ay meesha ka baxdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabayay su’aal ahayd sababta ay dowladdu u door bidday in ay dagaalka ka qeyb qaataan dowladaha safka hore.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweynaha in howl-galka la qorsheeyay ee ay wada-geli doonaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada dalalka safka hore uu noqon doono muddo ku siman sagaashan maalmood oo keliya, oo kooxda lagu furayo furimo horleh, si loo wiiqo awoodooda gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in ciidanka ay dalalka safka hore u soo dirayaan wejiga labaad ee dagaalka ay uga gedisan yihiin kuwii hore uga joogay dalka qeybta ka ah howl-galka ATMIS, inay yihiin kuwa howl-geli kara sida ay rabto dowladda Soomaaliya oo iyadu hoggaamineysa gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Ma heli karno inaan dhahno AMISOM ha naloo soo badiyo, ma heli karno AMISOM sida annaga aan rabno in ay u shaqayso, dowladahoodiina kalama heshiin karno sababta oo ah AMISOM waxay ku jirtaa United Nations Security Council iyo African Union, dowladahoodii xitaa wax badan kama baddeli karaan , kuwo annaga aan dhihi karno waddadaan baan rabnaa inaad martaan, ayaguna ay dowladahooda dhihi karaan waddadaas ay dowladda Soomaaliya codsatay mara waaye kuwa aan maanta haysanna.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha tusaale usoo qaatay bulshada bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso inay ku biirto iyo waddamada xubnaha ka ah, kuwaas oo aan wax lala wadaagi karin haddii aan la helin amni, sidaa daraaddeedna ay kaashanayaan cid kasta oo ka caawineysa la dagaallanka kooxaha khawaarijta.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda, waxaana dhawaan si rasmi ah u bilaabanaya wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka safka hore oo dowladda Soomaaliya ka gacan siinaya sidii kooxda looga cirib-tiri lahaa dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

Falastiiniyiinta oo go’aan cusub uga dhowaaqay GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad ayaa xababd-joojin uga dhowaaqday Gaza, kadib markii ay gantaallo is-weydaarsadeen Israel, taasi oo ka dambeysay markii xubin sare oo ka mid ah oo cuntada ka soomay uu ku dhintay Israel.

Hal qof oo Falastiini ah ayaa lagu dilay, shan kalena waa lagu dhaawacay weerar duqeymo ah oo Israel ay qaaday ayada oo ka aargudaneysa gantaallo looga soo tuuray Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Hase yeeshee, dhex-dhexaadiyeyaal ka socday Qatar, Masar iyo QM ayaa ku guuleystay in lasoo celiyo xasilloonida abaare 4:00 am, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan kooxda Islamic Jihad.

Masar oo horey u dhex-dhexaadisay Israel iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ayaa ka qeyb qaadatay xabadd-joojinta, inkasta oo weli Israel aysan xaqiijin wax heshiis ah.

“Waxaan ku guuleysanay inaan gaarno xasillooni ayada oo labada dhinacba ay ka jawaabeen saaka,” waxaa sidaas wakaaladda AFP u sheegay ilo-wareed amni oo Masaari ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in digniintii ugu dambeysay ay ka dhowaqday xuduudda Gaza, abaare 5:30 am. Ilo-wareedyo ku sugan Gaza ayaa isheegay in dhowr gantaal oo ku wajahan Israel halkaas laga soo tuuray xilligaas.

“Hal wareeg oo ka mid ah iska hor-imaadyada ayaa dhammaaday, hase yeeshee iska caabinta waa ay sii socon doontaa mana istaagi doonto,” waxaa sidaas bayaan ku yiri Tariq Salmi, oo ah afhayeenka Islamic Jihad.

“Dagaal-yahannadeena geesiyaaasha ah waxay muujiyeen daacadnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay inay difaacaan dadkooda,” ayuu intaas kusii daray.

Hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh ayaa dalbaday in Israel ay qoyskiisa kusoo wareejiso meydka sarkaalka gajaada u dhintay.

“Waxaan adkeyneynaa – sida aan u sheegnay dhex-dhexaadiyeyaasha inay lagama maarmaan tahay in meydka shahiid Khader Adnan lagu soo wareejiyo qoyskiisa,” ayuu Haniyeh ku yiri bayaan.

Adnan, oo ahaa 45 jir ka yimid magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa dhintay Talaadadii kadib 87 maalmood oo uu cuntada ka soomanaa kadib markii Israel ay u xirtay xiriirkiisa Islamic Jihad.

RUUSHKA oo Ukraine ku eedeeyay isku day lagu dili rabay Putin

Moscow (Caasimada Online) – Russia ayaa ku eedeysay Ukraine inay weerar diyaarado drone ah ku beegsatay madaxtooyada Kremlin-ka — eedeyntaas oo Kyiv ay beenisay.

Muuqaallo aan la xaqiijin oo la wareejinayo baraha bulshada ayaa muujiey qarax ka dhacay dusha sare ee Aqalka Kremlin-ka, oo ah hoyga maamulka madaxweynaha Ruushka.

Moscow ayaa ku eedeysay Kyiv inay isku dayday inay Putin ku khaarajiso “ficil argagixiso oo la qorsheeyey iyo isku day lagu qaadi lahaa nolosha Madaxweynaha Federaalka Ruushka.”

Hase yeeshee madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyey in dalkiisa uu mas’uul ka ahaa isaga oo yiri “waxaan u dagaalameynaa dhulkeena, waxaan difaaceynaa xaafadaheena iyo magaalooyinkeena.”

Afhayeenka madaxweynaha Ukraine Mikhaylo Podolyak ayaa soo jeediyey in Moscow ay mas’uul ka tahay.

“Warbixinadan ay abaabuleen Ruushka waa in loo tixgeliyaa isku day lagu diyaarinayo weerar argagixiso oo lagu qaado Ukraine,” ayuu yiri Podolyak.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale shaki geliyey sax ahaanshaha sheegashada Ruushka, isaga oo yiri “Waxa kasta oo ka yimaada Kremlin-ka waxaan ka qaadan lahaa shaki badan.”

Khabiir ku takhasusay Yurubta Bari, Sergej Sumlenny ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu ka dambeeyey weerarka.

Waxa uu sabab uga dhigay arrimo ay ka mid yihiin Kremlin-ka oo xaqiijin deg deg ah ka bixiyey dhacdada, iyo muuqaallada oo ay duubeen kaamirooyinka dowladda.

Inkasta oo aysan caddeyn cidda ka dambeysay weerarka, Ukraine waa ay leedahay xeelad ay weerar gantaallo uga fuliso Ruushka, sidaasna horey waa ay u sameysay.

“Waxaa macquul ah in lagu fuliyey diyaaradda Drone-ka Ukraine ee UJ-22, ama tan Shiinaha uu sameeyey ee Mugin-5, oo horey ay u adeegsatay Ukraine, ama PD-1,” waxaa sidaas yiri Samuel Bendett oo ah cilmi-baare khabiir ku ah qalabka milatari, kana tirsan Barnaamijka Daraasaadka Ruushka ee CNA.

UJ-22 waxay awood ahaan gaari kartaa Moscow, hase yeeshee ma cadda halka diyaaradda drone-ka ah iminka laga soo diray, ayuu sheegay Bendett.

Weerarka ma gaysan khasaare badan, hase yeeshee Bendett wuxuu sheegay in weerar uu cadow la beegsado xuddunta dowladda Ruushka uu yeelanayo “waxyeello maskax oo xooggan.”

Waxa uu sidoo kale dhallinayaan su’aalo ku saabsan tayada difaaca hawada Ruushka.

VOA + AFP

Daad mar kale ku dhuftay Qardho iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Qardho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in xalay mar kale ay daadad xoogan ku rogmadeen gudaha magaaladaasi, kuwaas oo ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay galbeedka magaaladaasi.

Daadadka oo ku rogmaday bartamaha magaalada, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadweynaha iyo gaadiidka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in fatahaadda aysan geysan khasaare nafeed, balse waxaa jiro burbur xoogan oo soo gaaray goobo ganacsi, guryo iyo waddooyinka qaar.

Xaaladda ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana magaalada dhex ceegaaga biyo sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka oo haatan dalbanaya gurmad deg-deg ah.

Dhanka kale war qoraal ah oo kasoo baxay, maamulka degmada Qardho ayaa looga hadlay roobabka daadadka wata ee mar kale ku dhuftay magaaladaasi, wuxuuna maamulka farriin u diray dadka shacabka ah, isaga oo ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Maamulka ayaa shacabka ku wargeliyay inay ka fogaadaan goobaha ay biyaha maraan, si aysan uga soo gaareen waxyeelo halis karta naftooda.

”Waxaan Bulshada Qardhood ku wargelinaynaa in roobabka hada ka de’aaya galbeedka magaalada Qardho la filaayo in ay daadad ku soo celiyaan magaalada.sidaas daraadeed waxaan Bulshada Qardhood u sheegaynaa in ay ka digtoonaadaan kana baxaan meelaha biyuhu maraan. Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka degmada Qardho.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland ee ku aadan xaaladda adag ee ka taagan degmada Qardho oo hoostagta maamulkaasi.

Si kastaba, waa markii labaad oo ay daadad xoogan ku dhufanayaan magaalada Qardho oo sanadkii hore dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan, waxaana haatan mar kale laga digayaaa in fatahaad kale ay ku dhufato magaaladaasi.

Natiijada wada-hadallada ABIY iyo OLA ee ka socday Zanzibar

Zanzibar (Caasimada Online) – Wejigii koowaad ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeyay dawladda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee kasoo jeedda gobolka Oromada ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, sida ay sheegeen labada dhinac.

Kooxda kacdoonka ka wadda gobolka Oromiya oo ay degan yihiin qoowmiyada ugu tirada badan Itoobiya ee Oromada ee OLA ayaa muddo tobannaan sano ah la dagaalamaysay dowladda Federaalka oo ay ku eedeeyeen takoor iyo dayacaad.

“In kasta oo wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, haddana suurtagal ma ahayn in heshiis laga gaaro arrimaha qaar intii lagu jiray wareeggii wadahadallada,” ayay dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay, iyada oo intaas ku dartay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la sii wado wada-hadallada.

Wada-hadalladan oo ay dhexdhexaadinayaan urur goboleedka IGAD ayaa toddobaadkii hore ka billowday jaziiradda Zanzibar ee Tanzania.

Rabshadaha ka socda Oromiya oo ku hareeraysan caasimadda Addis Ababa ayaa madax-xanuun weyn oo dhanka ammaanka ah ku haya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kadib dagaal sokeeye oo laba sano socday oo ka dhacay gobolka waqooyiga ee Tigray, kaasi oo dhammaaday markii labada dhinac ay gaareen heshiis nabadeed bishii November ee sannadkii hore.

Ururka Oromada oo ah ee OLA oo urur la mamnuucay oo hore uga tirsanaa Jabhadda Xoraynta Oromada ee OLF ayaa dhankooda bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyey inay doonayaan inay sii wadaan wada-hadallada.

Waxay sheegeen in aan wax heshiis ah laga gaariin wejigii koowaad ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeyay dawladda Itoobiya iyo kooxda, gaar ahaan “arrimaha muhiimka ah”.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya, iyada oo ay jirto colaad ay boqolaal qof ku dhinteen, tobanaan kun oo kalena ay ku barakaceen.

Xog: DENI oo qorshaynaya ‘inuu xilka ka qaado’ taliyeyaasha ciidanka mid kamid ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheyanaya inuu beddelo dhawaan oo xilka ka qaado taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland General Abshir Cabdi Jaamaca, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa lagu wadaa in uu taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta u magacaabo General Muumin Cabdi Shire oo hadda ah taliyaha Booliska maamulkaasi.

Xogaha aan ka helayno isbeddelka cusub ee uu sameynayo madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in taliyaha cusub ee Booliska loo magacaabo Gaashaanle Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) kadib markii loo dallacsiiyo Sarreeye-Guuto.

Shaati ayaa hadda ah taliyaha ciidanka Madaxtooyada maamulka Puntland, waxaana xilkaas loo magacaabay horraanta sanadkii hore ee 2022-ka, wuxuuna hadda kamid yahay saraakiisha ku dhow madaxweynaha Puntland.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu maanta madaxweyne Deni uu kormeer ku tegay Taliska Ciidanka Daraawiishta Dowlad-goboleedka Puntland ee 54-aad, oo qeybo kamid ah dib-u-dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay.

Xaruntan oo Puntland u ah mid taariikhi ah, maadaama ay tahay halkii lagu qabtay shirkii lagu aas-aasay dowlad-goboleedka Puntland ayaa waxa uu madaxweyne Deni oo hore kormeer ugu yimi amray in dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyo, lana qalabeeyo dhammaan xafiisyada .

Deni ayaa maanta mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan xarunta, habka loo dhisay iyo sida loo qalabeeyay xafiisyada kala duwan, isaga oo warbixin ka dhegaystay saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee xarunta.

Si kastaba, isbeddelkan uu sameynayo madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu Saciid Deni uu wajahayo culeys siyaasadeed oo gudaha ah, iyada oo muddo kooban ka harsan tahay muddo xileedkiisa.

NISA oo fulisay howl-gal lagu laayay horjoogayaal iyo Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ka badan 40 Shabaab ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad lagu dilay howl-gal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

NISA ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in howl-galkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka.

Xubnaha Shabaab-ka ah ee lagu dilay howl-galkaan ayaa waxaa ku jira xubno ajaanib ah, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA.

“In ka badan 40 Khawaarij oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad oo ay kamid ahaayeen Ajaanib ayaa lagu dilay howlgal ciidanak NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka sameeyeen 2-dii bishaan May gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

NISA, howl-galkaan faah-faahin intaas ka badan kama bixin, hase yeeshe bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ayaa lagu shaaciyay in howl-galkan uu ka dhacay Beer ku taalla deegaanka Nuungare oo 8-KM kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa dhacay habeenimadii Talaadada, iyada oo xubnaha Shabaab-ka ee howl-galkan lagu beegsaday ay xilligaasi isku abaabulayeen dhul-beereedkaas, “Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.”

Ku dhowaad 10 Khawaarij ajaanib ah ayaa ku jira xubnaha lagu laayay howl-galkan, ayada oo lagu raad-joogo xubno kale oo isku dayaya inay baxsadaan, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.”

Si kastaba, Howl-galkaan ay shaacisay NISA in lagu dilay Shabaab-ka ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsaday duqeyn, inkasta oo aan lagu shaacin qoraalkaan cir iyo dhul dhanka laga weeraray kooxda.

Xoghayaha guud ee QM oo ergey cusub usoo magacaabay Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Britain inay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa sidoo kale noqoneysa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, waxayna xilka kala wareegi doonta Amb. James Swan oo isagu u dhashay dalka Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Xoghaye Guterres ayaa waxaa lagu sheegay in Catriona Laing kusoo kordhin doonto doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblumaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah.

Sidoo kale oo ay ku jirto in Laing ay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dowladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM António Guterres.

Catriona Laing ayaa hore u soo noqotay madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993-dii illaa 1994-tii.

Catriona ayaa magacaabisteedan ka hor waxay aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay November 2018-kii illaa April 2023-ka.

Magacaabistan ayaa imaneysa kadib booqasho taariikhi ah oo 11-kii April ee sanadkaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

António Guterres ayaa xilligaasi ka dhawaajiyay in QM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata.

Puntland oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan iyo Xamza

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu hoos u dhigay khilaafkaasi kala dhaxeeya maamulka Puntland, isaga oo sheegay in uusan ogeyn  waxa ay ka tabwaneyso dowladdiisa.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay wax badan tartay dib-u-dhiska Soomaaliya, islamarkaana ay dowladda Xasan isku haysan dan shaqsi ee isku hayaan inaysan qeyb ka noqon karin waxa hadda socda, oo ka gedisan wixii lagu heshiiyay, sida uu sheegay.

“Inta ay ka imaaneyso dowlad cadaali ah oo ay ka dhab tahay in nidaam federaal cadaali ah laga hirgeliyo dalka, waxay Puntland isticmaaleysa waxyaabaha Dastuurkeeda u ogol yahay, oo waxa aan qabsan karno qabsano, oo aynaan u dhutin Xamar,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Maamulka Puntland Maxamed Saciid Faroole.

Wasiirka ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxda sare ee dowladda federaalka inaysan rabin dowladnimo Soomaaliyeed, “Soomaalinimo ma rabaan oo Laascaano oo wiilal iyo gabdho yar oo Soomaali oo calan buluug ah wato oo lagu laynayo ayay madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii ka hadli la’yihiin. Marka la isma rabo ee maxaa la isku khasbaya.”

“Damuljadiida maanta waxay lamid tahay Damuljadiidi toban sano ka hor,” ayuu yiri wasiirka oo weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland ayuu sheegay in lagu naco rabitaankeeda dowladnimo lagu dhan yahay, sidaas darteed ay hadda usoo jeesteen inay ka shaqeeyaan danaha Puntland, islamarkaana ay hoos iskaga dhigeen xiriirkii dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Xamar joogta oo iyadaba la waardiyeynayo oo ciidan caalami ah waardiyeynaya ayaa rabta inay mashruuc walba iyo hay’add walba gacanta ku hayso, anaga waxaa rabnaa in Puntland ay yimaadan oo laga shaqeeyo maal-gashiga Puntland oo aan ka shaqeyno siyaasadayada iyo horumarkayaga.”

Si kastaba, Puntland oo dhibsatay in madaxweyne Xasan uu hoos u dhigo khilaafka kala dhaxeeya ayaa sheegtay inaysan tabasho qabin ee talada dalka wax ku leedahey, islamarkaana laga tillaabsan karin, maadama ay dhiig iyo dhaqaale ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soo-celinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta.

Ujeedka kulan ay DF ku qabatay gudaha garoonka Aadan Cadde + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku qabatay shirka deg deg ah oo la xiriira xaaladda ka taagan dalka Sudan.

Shirkan oo si gaar ah ugu saabsana taageerada iyo joogteynta daad-gureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xoghayaha Joogtada, Qaramada Midoobay, gaar ahaan wakiilada hay’adaha IOM, UNHCR, WHO, UNFPA, UN,-OCHA iyo Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Soo-galootiga.

Shirkan oo maanta ka qabsoomay dhismaha VIP-da garoonka Aadan Cadde ayaa waxay dhinacyadu uga wada-hadleen dadaalada daad-gureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga samata-bixinayo dagaallada iyo dalalka deriska oo ay ku qaxeen.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS Mudane Abshir Cumar Haruuse, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Ergayga Madaxweynaha DFS ugu qaabilsan Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta danjire Maryan Yaasiin Xaaji.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.

Si kastaba, Toddobaadkan ayay aheyd markii ay dowladda soo daad-gureysay ku dhowaad 312 qof oo isagu jira dhalinyaro, haween iyo caruur, kuwaasi oo billowgii dagaalka Sudan u cararay xuduudaha Koonfurta Sudan iyo Itoobiya.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan waxaa ajaanibtii ugu badneyd laga daad-gureeyay dalkaasi, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan.

Somaliland iyo UK oo wada-hadal xasaasi ah ka yeeshay colaadda LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan xasaasi ah habka fogaan araga ah (Video Conference) la yeeshay Wasiiru-dawlaha horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda UK, Andrew Mitchell.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ugu horeyntii uu wasiirka UK uga xog warramay arrimaha xaaladda Laascaanood iyo halka ay xukuumaddu ka taagan tahay, sidii xal nabadeed oo waara looga gaadhi lahaa iyo in xukuumaddiisuna ay marwalba diyaar u tahay xabbad joojin bilaa shuruud ah, siday kal hore ka dhawaajisay.

“Dadka reer Somaliland ee Laascaanood-na waa ay ka heshiin doonaan marwalba wixii dhacay balse waxa muhiima oo ay tahay in beesha caalamku maamulka Puntland-Soomaaliya ku amraan inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Laascaanood iyo gudaha Xuduudka Somaliland,” ayuu madxweynaha u cadeeyey wasiirka inay caqabad iyo fidno ku tahay dedaallada xal u raadinta Laascaanood, sida lagu yiri qoraal ay Madaxtooyada Somaliland kasoo saartay kulankaan.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Muuse Biixi uu ku wargeliyey Wasiiru-dawlaha in ciidamada maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood uu soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed, taasi oo uu sheegay inay saamayn-doonta waddamo kale oo ka mida Afrika.

“Waxaanu intaas ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo xuduudihiisa, sida waddamada kale ee adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan xuduudahooda,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa waxa uu uga warbixiyey wasiiru-dawlaha hawlaha doorashooyinka, isaga oo u sheegay inay xukuumaddiisu hore u diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, islamarkaana ay hadda diyaarisay kharashkii lagu qaybin lahaa kaadhadhka cod-bixiyeyaasha oo sida la filayo bisha June horaanteeda ay qaybin doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

“Xukuumaddu diyaar ayay u tahay doorkeeda kaga aaddan doorashooyinka, gaar ahaan doorashooyinka loogu tartamayo xisbiyada Qaran ee tobanka sanno ee soo socda jiri doona iyo doorashada madaxtooyada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiiru-dawlaha horumarinta caalamiga ah iyo Afrika ee dowladda UK, Mr Andrew Mitchell ayaa dhankiisa waxa uu xusay in dowladda Ingiriisku ay diyaar u tahay inay Somaliland kala shaqayso doorashooyinka iyo xal u helidda arrimaha Laascaanood.

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagaga wada-hadlay iskaashiga dhinaca maalgashiga ee Somaliland iyo dowladda Ingiriiska, sidii looga wada-shaqayn lahaa, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Kulankaan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay wasiirka UK ayaa waxaa ku wehlinaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Daawo: Shabaab firxad ka ah weerarkii Ceel-qaboobe oo lagu qabtay Ceeldheer

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo firxad ka ahaa weerarkii Ceel-qaboobe, kaasi oo ay dowladda sheegtay in lagu dilay Shabaab badan.

Xubnahaan la qabtay ayaa waxay damacsanayaeen inay u gudbaan dhanka hawdka ah, balse waxaa ka hortagay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, iyada oo xubnahaan oo dhan laba qof ayaa waxaa lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer oo ah meesha ay ku qabteen ciidamada huwanta.

Muuqaal laga soo duubay labada nin ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii Ceel-qaboobe ee ciidamada dowladda ay ku dileen Shabaab badan, kadib markii ay ku dhufteen laba baasuke gawaari lagu soo raray walxa qarxa iyo agab kale oo xilligaasi ay kooxda kala soo degtay doon, kusoo xiratay deegaan u dhow Xarardheere.

“Laba baabuur ayaa aheyn marka doonto aadeynay oo waxaa ku soconay lixdameeyo, waxaa doonto siday jirkaamo rasaas iyo kiimikada qaraxa,” ayuu yiri mid kamid ah Shabaab-ka la qabtay, oo iyagu ka badbaaday weerarkii Ceel-qaboobe oo ay dowladdu sheegtay in lagu laayay Shabaab ka badan lixdan.

Korneyl Daahir Tuuryare oo kamid ah saraakiisha soo bandhigtay xubnahaan ayaa sheegay in howl-galka lagu soo qabtay ay ku timid wada-shaqeynta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer.

“Howl-galka ka dhacay Ceel-qaboobe waxa uu ahaa howl-gal lagu diirsaday oo waa ku baaba’een raggii rarayay iyo alaabtii la rarayay, kadib markaas ciidamada howl-gal ay qaadeen intii ka firxatay ayay cagta mariyeen oo maxaabiisna waa kasoo qabteen,” ayuu yiri.

Howl-galka Ceel-qaboobe ayaa waxa qeyb ka ahaa ciidamada kumaandooska ee Gorgor, waxayna dowladda ay sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 67 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo gacanta lagu dhigay xubno kale oo kamid ahaa kooxda.

Si kastaba, Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Hoos ka daawo muuqaalka