28.4 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xasan oo shaaciyay arrin yaab leh oo loogu tagay deeganadii laga saaray Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay shaaciyay in dhulkii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab loogu tagay Beero ay ku beerayeen Xashiish, kaasi oo kooxda ay ka sameyn jirtay dhaqaale badan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxda ay xashiishkaasi u beeraysay si ay dadka ugu duleeyaan, xilli ay dowladda ku jirto dagaal kale oo ka dhan ah waxyaabaha maanka-dooriya, kaasi oo ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Beero Xashiish loogu beero ayaa loogu tegay oo waxay usoo diri jireen in dadka ku duleeyaan, oo waxay usoo diri jireen ciidamada iyo suuqyada, lacag adag ayay ka heli jireen. Soddan jawaab oo xashiish waatii dhawaan la qabtay ee la gubayay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay tallaabadii u dambeysay ee guddoomiye Madaale ka sameeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyay in dowladda ay wado shuruuc lagu xakameynayo nooc kasta oo waxyaabaha maanka dooriya ah.

“Waxay u baahan yihiin in qaanuun laga dejiyo oo waxay dowladda xoog ku leedahay waa qaanuun, marka qaanuunkii mukhaadaraadka waa naga duugoobay, waxaa soo socda shuruuc ay xukuumadda ay keeni karto oo lagu xakameynayo arrimaha maandooriyaha.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay tallaabooyin dhowr ah u qaaday sidii ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa caasimada looga nadiifin lahaa waxyaabaha maandooriyaha ah, xilli ay caasimada ka yaraadeen dilalkii ay mararka qaar ciidamadu ka geysan jireen.

Si kastaba, Dagaalka Maandooriyaha ka dhanka ah ee ka socda caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, ayada oo toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, kaasi oo albaabada la iskugu dhuftay goobo halkaasi ku yaalla oo lagu isticmaalayay maandooriyaha.

SSC ‘oo farriin kama dambeys ah’ u dirtay Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ee fadhigoodu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa markale ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool iyo guud ahaan deegaanada SSC.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay farriintan u dirayaan inta aanay dhibaato badani dhicin, oo aanay dagaalo kale oo lagu hoobto aysan dhicin.

Waxa uu ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay difaaca dhulkooda iyo inay iska celiyaan ciidamada Somaliland uu sheegay inay doolaan ku yihiin dadkooda iyo deegaanadooda.

“Guryihiin idin tilmaami mayno waad garaneysaa ee dhulkayaga nooga baxa farriinta u direyno waa taas. Kama dulqaadaneyno riyada ah Ingiriis ayaa dhulkaan idin siiyay oo mid aan deris ku ahaaneyno ma ahan, waxaan ku wada deganaan karnaa dad Soomaaliyeed oo isgarab yaalla oo nin walba dhulkiisa iyo talladiisa leeyahay,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Xabaalaha dushooda intii laysku gacan qaadi lahaa, iyada oo ragu nool yahay ha la is gacan qaado, intaan wiilasheenu isku dhiman, dhiigeenu isku bixin, guryihiina ku noqda.”

Garaadka ayaa sidoo kale waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in inta wiilashooda isku dhiman oo dhiigooda isku bixin, oo aysan dagaalka ku dhiman in ka badan kuwii hore ugu dhintay, ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dhulkooda.

Hadalkan kasoo yeeray Garaadka Guud ee SSC oo u muuqda inuu yahay farriin kama dambeysa ah oo ay SSC u direyso Somaliland, ayaa la ogeyn sida ay ka yeeli doonto xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa oo hore dhagaha uga fureysatay baaqyo kuwan lamid ah oo xataa beesha caalamka u jeedisay, si xal looga gaaro colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaaalada Laascaanood.

Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata ay dhinacyadu xabada ku joojinayaan.

Si kastaba, Waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in labada dhinac ay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, kadib markii ay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood ay ku xireen shuruudo horleh oo mid walba uu ka gows adeygay aqbalkeeda.

R/Wasaare Xamza oo magacaabay xubno cusub oo wasiirro ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabay xubno wasiirro ah oo cusub.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa Mudane Cabdikariin Cabdow Xaydar loogu magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu Mudane Axmed Jaamac Cumar u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu kula dardaarmay xubnahaan cusub in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

Hoos ka aqrso wareegtada oo dhameystiran;

Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:Qodobka 97-aad faqradiisa 3-aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98-aad faqradiisa 2-aad Xar. A iyo B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100-aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay: Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

  1. Mudane, Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  2. Mudane, Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

Mudane Xamza ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

PUNTLAND oo jawaab ka bixisay hadalkii Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoos u dhigay khilaafka dowladdiisa kala dhexeeyo maamulka Garoowe, isaga oo sheegay in uusan ogeyn waxa ay ka tabaneyso Puntland.

Qoraalka ay soo saartay Puntland ayaa lagu soo koobay 10 oo loogu jawaabay madaxweynaha, isla-markaana lagu caddeeyay tabashada ay Puntland ka qabto dowladda federaalka.

Halkan hoose ka aqriso:- 

Mudane Madaxweyne, Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland waxay isku hayaan cid kaagama xog ogaalsana, adna waad ogtahey, annaguna waan ognahey, umadduna waa ogtahey.

Madaxwayne Puntland tabasho ma qabto ee talada dalkey wax ku leedahey, lagamana tillaabsankaro, dhiig iyo dhaqaaley ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soocelinta Jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta.

Dowladda Federaalka iyo Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay isku hayaan 10 arrrimood oo ah masiiri iyo dastuuri. Puntland 10kii sano ee u danbeeyey waxay ku doodeysey in dowladda Federaalku ogolaato in dalku Federaal yahey, lagu dhaqmo dastuurka ku meel gaarka ah, lagana heshiiyo 10 kaan arrimood oo saldhig u ah dhamaystirka Dastuurka iyo dowladnimo waarta oo ku dhisan hanaan Federaali ah.

1. Ilaalinta midnimada dalka, iyo in Dowladda Federaalka difaacdo oo caddayso mowqifkeeda ku aadan kala goynta dalka, waa arrin si gaar ah u taabaneysa Puntland, waana tan maanta ka taagan SSC.

2. Dhamaystirka Dastuurka dalka, ayadoo loo marayo hab ku dhisan wadatashi ah iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey.

3. In laga heshiiyo Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka sida ee dalka.

4. In laga heshiiyo sida loo maamulayo, iyo sida loo wadaagayo khayraadka dalka.

5. In laga heshiiyo, lana kala saaro awoodaha iyo siday u wadashaqeynayaan hayadaha Federaaliga ah iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

6. In laga heshiiyo hanaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka, iyo sida maxkamaduhu u kala leeyihiin awoodaha iyo dacwadaha ay galayaan.

7. In laga heshiiyo hanaanka dhaqaalaha iyo sida maaliyadda dalku u noqon lahaa mid Federaali ah oo daah furan.

8. In laga heshiiyo nooca iyo siday noqoneyso doorashada hayadaha Federaalka ee dalka.

9. In laga heshiiyo maqaamkay yeelaneyso caasimadda dalka, mattalaadeeda iyo sharciga lagu maamulayo

10. In laga heshiiyo shuruucda iyo xeerarka dalka intaan la horgeyn golayaasha hayadaha Federaalka ah.”

Puntland Government.

Xogta kulan XASAN uu xalay Villa Somalia kula yeeshay Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo uu xalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kaas oo ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u yeeray, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cali Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay u joogeen howlo shaqo oo kala duwan.

Ugu horreyyn madaxda ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guulaha haatan laga gaaray.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay in sidA ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ku biiriyaan ciidamo ka socda waddamada dariska oo la isku yiraahdo dalalka safka hore.

Intaas kadib ayaa madaxweyne Xasan Sheekh & hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle waxay guda galeen ujeedka kulankooda oo daarnaa xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Puntland, si xal waara looga gaaro.

Madaxweynaha dowladda dhexe ayaa saddexda hoggaamiye kala hadlay sidii ay deg deg ugu bixi lahaayeen safarkkooda magaalada Garoowe, si ay wadahadallo ku saabsan tabashada Puntland ula soo yeeshaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedada ugu weyn ayaa ah sidii Deni loogu qancin lahaa inuu kasoo qay-bgalo shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu wado in bartamaha bishaan May uu ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kaas oo qorshuhu yahay in diiradda lagu saaro dagaalka Shabaab iyo doorashada 2026-ka.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale innoo sheegay in madaxweynaha uu ka dalbaday Qoor Qoor, Laftagareen iyo Guudlaawe inay ka dhabeeyaan dadaalka, isla-markaana ay daacad ka noqdaan dhex-dhexaadinta ay wadaan.

Arrintaan ayaa kusoo aadayso, ayada oo haatan ay sii laba kacleysay xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadib markii uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh uu hoos u dhigay khilaafka kala dhexeeya maamulka Garoowe, isaga oo shaaciyay in uusan ogeyn tabashada ay qabto Puntland, taas oo ka careysay kooxda madaxweyne Saciid Deni.

Booliska oo soo xiray Aabe si arxan darro ah u dilay wiilkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay howlgal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen degmada Cabadicasiis ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay Maxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan inuu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir.

Aabahan oo 45 sano jir ah ayaa saacado badan la baadi goobay, wuxuuna ku eedeysan yahay dilka wiilkiisa Maxamuud Maxamed Cali Cilmi.

“Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Cabdicasis ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku soo dhigay edeysane Maxamad Cali Cilmi Ina Xaawo Cali Iimaan 45 jir ah, oo ku eedeysan inuu Degmada Heliwaa toorey ku dilay wiilkiisii Marxuum Saqiir Maxamuud Maxamed Cali Cilmi oo 6 sano jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Sidoo kale taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in haatan uu socdo baaris ku aadan kiiskan xasaasiga ah, isla-markaana eedeysanaha loo gudbiyay hay’adaya ku shaqada leh.

“Eedeysanaha, waxaa ku socota baaris, wuxuu wajihi doonaa Maxakamada Awooda u leh si sharciga loo waafajiyo” ayaa mar kale lagu yiri.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Aabe Maxamed Cali Cilmi uu xanuunsan yahay, isla-markaana uu qabo xanuun dhimmirka ah.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa walwal ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn loo baahiyay baraha bulshada, ayada oo dad badana ay ka falceliyeen falkaasi.

“Habaar qabe haddaa maqasho waaa kanaa 6 jir muxuu ogyahy? bal wakasaa hee” ayuu yiri Sayid Cali oo kamid ay dadka ka hadlay.

“Subxaana allh wiilkan xogaa wa xanuunsan yahay ilaahey ku sababay wiilkiisa” ayay iyaduna tiri Amiiro Kooshin.

“Xasbunallah Illaheeyow na xifdi yaa rabbi” ayuu dhankiisa yiri Cabdullahi Muxudiin Maxamed.

Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray colaadda ka taagan LAASCAANOOD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood ka socda muddo ka badan saddex bilood.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, islamarkaana la wada-hadlo halkii xabbad wax lagu raadin lahaa.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dhiigga dadka Soomaaliyeed la daadiyo, iyada oo ugu dambeyn laga heshiin doono waxa lagu isku hayo sida uu ka sheegay kulanka dadweyne ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

“Waxaa ahmiyadda koowaad inoo ah in colaadda ka socota Sool iyo Sanaag in la joojiyo, dhiigga daadanaya uu istaago kadibna la wada-hadlo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dhinac walba xaajadu waan ka rogeynaa si loo helo midnimada Soomaaliya, in la heshiinayo waan hubaa balse waxa aan rabnaa in la joojiyo dhiigga baxaya.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in odayaal dhaqameed loo diray colaaddaasi, kuwaasi oo tegay magaalooyinka Garoowe, Laascaanood iyo Hargeysa, si ay u raadiyaan xal la isugu soo dhaweyn karo labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi, laguna soo afjaro colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Laascaanood iyo deegaankaas waa in la joojiyo dhiigga daadanaya ka bacdina la wada-hadlo. Gargaar haddii la sameynayay waa la sameynay welina waa socona, inta muuqata waa intaas, wadiiqooyin kale oo qarsoon oo shaqo nooga socoto oo dhinac walba leh waa jiraan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso in dadka reer Laascaanood aan lagu qasbi karin wax aysan raali ka aheyn, “wax iyagu raali ka yihiin ayaa soconaya, laakiin waxaa rabnaa in rabitaankaas laftigiisa uu si nabad ah ku yimaado oo si dhiig ku daadan ku imaan.”

Sawirro: Dalalka Soomaaliya iyo RUUSHKA oo iskaashi cusub yeelanaya + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo dardar-gelinta iskaashi cusub oo dhex-mara golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Raashiya.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabsan halka uu marayao xiriirka labada dal, isaga oo xusay in dowladda Raashiya ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo istaraatiiji ah.

Sidoo kale waxa uu danjiraha u sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi inay go’an tahay dowladdiisa xoojinta xiriirka labad dal iyo iskaashi dhex-mara golayaasha Baarlamaanka labada dal.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa danjiraha la wadaagay xiriirkii soo jireenka ah oo ay lahaayeen Soomaaliya iyo Raashiya, iyo weliba sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi mira-dhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi aan mugdi ku jirin.

Dhinaca kale, Danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka, iyada oo safiirka uu dhambaal salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal.

Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb-galeen shirka Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaasi oo looga hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Afrika iyo Ruushka, si loo adkeeyo wada-shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka.

Haweeney laba carruur ah oo ay dhashay ku dishay Qardho oo lasoo qabtay

0

Qardho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan Booliska magaalada Qardho ayaa gacanta ku soo dhigay hooyo laba carruur ah oo ay dhashay ku dishay gudaha magaaladaasi, kadib howlgal ballaaran oo ay xalay sameeyeen.

Haweeneydam oo lagu magacaabo Ubax Cabdi Cismaan ayaa waxaa haatan lagu xiray saldhigga Booliska ee magaalada Qardho, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga.

Labada cunug ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maajiid Maxamed Cabdi oo jiray hal sano iyo 8 bilood iyo Maysoon Maxamed Cabdi oo jirtay hal bil iyo 5 cisho.

Howlgalka lagu soo qabtay haweeneydan ayaa waxaa horkacayay taliyaha saldhiga dhexe ee Qardho, Carab Aadan Hayaan, wuxuuna sheegay in haweeneydaan la hor geyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan uu billowday baaris qoto dheer oo la xiriirta dhacdadaas xanuunka badan oo murugu ku reebtay ehellada iyo dadka deegaanka.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka carruurta ayaa haatan kusoo badanaya gudaha dalka, waxaana aheyd xalay markii ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay degmada Cabdicasiis kasoo qabteen Aabe Maxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan inuu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir.

Eedeysanaha ayaa waxaa haat ku socdo baaris dheeraad, ayada oo haatan loo gudbiyay hay’adaya ku shaqada leh, si tallaabo adag looga qaado.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in Aabe Maxamed Cali Cilmi uu xanuunsan yahay, isla-markaana uu qabo xanuun dhimmirka ah.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa walwal ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn loo baahiyay baraha bulshada, ayada oo dad badana ay ka falceliyeen falkaasi.

DF oo soo saartay digniin cusub oo ku wajahan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in roob xoogan ka di’i doonaan qaar ka mid ah gobollada dalka sida; Awdal, Waqooyi-galbeed, Sool, Sanaag, Togdheer, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada-Dhaxe, Banaadir, Shabeellada-Hoose, Jubadda-Dhexe iyo Jubadda-Hoose.

“Waxay saadaashu roobka xilliga Gu’ga todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu horeeya ee bisha May 2023-ka in gobolladaasi sida saadaashu sheegayso ay heli doonaan roobab cabirkoodu gaarayo 50 illaa 150 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SODMA.

Hay’adda ayaa waxay si adag ugu digaysaa bulshada ku nool gobollada kor ku xusan iyo Webiga hareerihiisa in ay aad uga feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidoodaba.

“Degmooyin kamid ah gobollada aan kor kusoo xusnay waxay saadaashu sheegaysaa inay dadka degan deegaanadaasi ay wajihi doonaan daadad iyo fatahaado (Flood and Flash floods). Waxaa sidoo kale looga digayaa bulshooyinka ku nool gobolladaasi inay iska ilaaliyaan togaga biyuhu maraan xilliga roobku da’ayo, taasi oo khatar galin karta naftooda.”

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxa kale oo ay uga digtay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in aysan deegaameyn ama guryo ka dhisan meelaha biyo mareenka ah si ay ugu badbaado naftooda iyo hantidooda.

Hay’adda ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay “haddii roobabka la filayo toddobaadkaan ay u da’aan sida saadaashu sheegayso ay geeysan karaan khasaare ka dhasha fatahaado iyo daadad saameyana naf iyo maalba,” sidaas darteed ay tahay in si aad ah loo feejignaado.

Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah qulqulka Tahriibayaasha

5Washington (Caasimada Online) – Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

Go’aankan ayaa imanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda marka ay 11-ka May dhammaadaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19.

Qiyaastii 1,500 oo askari ayaa la gayn doonaa xuduudda, kuwaasi oo dheeri ku noqon doona 2,500 oo horey halkaas u joogay si ay u taageeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda.

“Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan militari waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah,” waxaa sidaas bayaan ku yiri afhayeen u hadlan Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder.

Marka la gaaro 11-ka May, maamulka madaxweyne Biden ayaa qaadi doona xeerka Title 42, oo ah xayiraad adag oo uu soo saaray madaxweyne Donald Trump, si uu u diido soo gelitaanka muhaajiriinta, una eryo dadka magan-galyo doonka ah, ayada oo qiil laga dhiganayo COVID-19.

Ayada oo la fududeynayo xeerarkii Coronavirs — oo ay ku jirto go’aankii Isniinta ee lagu soo afjaray tallaalka looga baahnaa dadka usoo safraya Mareykanka — maamulka Biden qiil kama dhigan karo xeerka Title 42, si loo xakameeyo muhaajiriinta.

Taa beddelkeeda, maamulka ayaa qorsheynaya inuu Muhaajiriinta ku xakameeyo adeegsiga Xeerka Title 8, oo dambi ka dhigaya kasoo tallaabista sharci-darrada ah ee xuduudda, taasi oo qofka sidaas sameeya u diideysa inuu sharci helo mustaqbalka.

Washington ayaa sheegtay inay rajeyneyso in muhaajiriinta iyo magan-galyo doonka ay hadda isku diiwaan geliyaan wareysiga saraakiisha socdaalka ayaga oo jooga dalalkooda, ama dalalka ay soo maraan kahor inta aanay iman xuduudda.

Wareysiga waa in lagu soo diyaariyaa app-ka cusub ee CBP One.

Sidoo kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday toddobaadkii tegay inay diyaarineyso xarumo lagu eego kiisaksa muhaajiriinta oo laga sameynayo dalalka — ayada oo lagu billaabayo Columbia iyo Guatemala.

Dalalka Canada iyo Spain ayaa sidoo kale ogolaaday inay qaataan qaar ka mid ah muhaajiriinta kiiskooda lagu soo caddeeyo dalalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

VOA + AFP

Dhageyso: Jeneral Biixi ‘oo xog cusub ka bixiyay’ howl-gal lagu laayey Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka fuliyeen agagaarka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Jeneral Biixi ayaa waxa uu sheegay in howl-galkan uu yimid kadib markii ay heleen xog lagu kalsoon yahay, ayna fuliyeen ciidamo si gaar ah loogu soo xulay howl-galkaan, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda oo xilligaasi doon kala soo degay hub iyo agab kale oo ubadan waxlaha qarxa.

“Waxaa halkaasi loo qorsheeyay ciidan naftood hurayaal ah, xogtana waxaan ka helnay rag aan ku leenahay cadowga gudihiisa. 140 jirkaan oo kiimakada walxaha qarxo lagu sameeyo ah ayaa laga soo dejiyay doontaas, waxaana lasoo saaray baabuur oo waxaa korka ka fuulay ciidan 50 nin kor u dhaafaya, baabuur qooqana oo cusub oo isagana bacdiisa ah oo la socotay 9 qof.”

Waxa uu sheegay in ciidamada howl-galkaan fuliyay ay baasuke ku dhufteen gaariga lagu soo qaaday walxaha qarxa ee laga soo dejiyay doontaas, “baabuurkaas waxaa ka dhashay qarax laba jeer ka weyn kii Zoobe ka dhashay, oo baabuurkii hal bir oo kamid ah lama helin, dhamaantii waa bas beelay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in halkaasi lagu dilay ku dhawaad 67 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo gacanta lagu dhigay xubno kale oo kamid ahaa kooxda.

“Waa ku daba jirnaa doontaas oo waa heli doona xogteeda, laakiin hadda kama sii hordhacayo oo waa ku raadjoogna. Doon dambe oo Khawaarijta wax u keenta waxaa ula dagaalameyna sidooda oo kale, doonta waa ka gubeyna oo wax alaala waxa saaran waa dileyan, waa amar aan dowladda ka haysano weeyi.”

Jeneral Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gaadiid lagu soo furtay howl-galkaan, kaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada huwanta, uuna yaallo degmada Xarardheere, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay inuu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu tilmaamay inay ku sifeynayaan cadowga go’doonsan, “ee laga xiray baddii iyo barigii,” ayna ku xoroobi doonaan gobolladaasi.

Si kastaba, Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Hoos ka dhageyso

Dowladda oo shaacisay inay iibisay kalluun lagu soo qabtay shirkado ajnabi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay iibisay kaluun si sharci darro ah doomo ajnabi uga kalluumeysteen xeebaha Soomaaliya, oo ay gacanta kusoo dhigtay.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo hore u baahisay iibinta kaluunkan ayaa waxay ugu dambeyn caawa shaacisay inay iibisay kaluunkaasi oo ahaa ku dhawaad 30 tan, kaasi oo dhawaan lagu soo qabtay doomo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay xeebaha dalka.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa maxkamadda gobolka Banadir 16-04-2023 horkeenay 36 eedaysane, oo lagu eedeeyay kalluumaysi sharci darro ah, eedaysaneyaasha ayaa watay 2 doon oo ay saarnaayeen kalluun lagu qiyaasay xilligaas ku dhawaad 30 tan,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa sheegtay in eedaysanayaasha ajaanibta ah ay u dirtay xabsi, si waafaqsan qoddobka 39 xeerka habka ciqaabta.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda “Halka kalluunkii lagu qabtay eedeysanayaasha oo noqday markii la miisaamay 24.850 tan (Labaatan iyo Afar Tan siddeed Boqol iyo konton kiilo) oo ah hanti u nugul isbeddel ku yimaado ay maxkamaddu ku iibisay TR.24-04-2023 habka maadada waafaqsan qoddobka 131 (B) ee Xeerka Lr.84 ee soo baxay 12-12-1972, Xeerka wax ka beddelka xeerka habka ciqaabta oo lala akhriyay qoddobada 373,374 iyo 375 ee xeerka habka madaniga.”

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa hore u sameysay sharuudo iyo hanaan loo marayay iibinta kalluunkaas, waxaana shirkadaha kala ah; Fatwo Fiish iyo Sardiin Fish ay buuxin waayeen sharuudaha, sidaasi darteed Somali Seafood ayaa ku guuleystay in laga iibiyo kalluunka kadib markii ay buuxisay dhammaan hannaankii loo qabtay, sida lagu yiri warqad kasoo baxay maxkamadda.

“Kalluunkaas halkii kiilo oo kamid ah waxaa lagu iibiyay 0.4 USD, qarashkii kasoo baxay ayay maxkamaddu hayn doontaa inta dacwadaasi kama dambays noqoneyso, waxaana looga go’aan gaari doonaa si waafaqsan qoddobka 131/C ee xeerka wax ka beddelka habka ciqaabta iyo qoddobka 183 ee xeerka ciqaabta.”

Kaluunkan ay iibisay dowladda ee sida sharci darada ah looga kaluumeystay xeebaha Soomaaliya ayaa kala ah; nooca loo yaqaano White Tuna iyo Daamberi, sida kal hore lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Maxkamadda kaasi oo ujeedkiisu ahaa iibin Kaluun.

Waa markii u horeysay ee maxkamadda gobolka Banaadir ay si shaacsan u iibiso kaluun si sharci daro ah looga kaluumeystay xeebaha Soomaaliyada, ayada oo dhawaan ay dowladda gacanta kusoo dhigtay doomo si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Doomahaasi oo tiradoodu dhameys laba, ayaa waxay dowladdu sheegtay in ka badan 30 sano inay si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya, kuwaasi oo laga lahaa dalka Iiraan.

Si kastaba, Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka ah kaluumeysiga sharci darada.

DF Somalia iyo Midowga Yurub oo maanta qoray taariikh cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daah-furay Geeddi-socod wada-shaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex-mara labada sano ee soo socota.

Geeddi-socodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga gol leeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax wada-qabsi dhex-mara labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Qorshahan wada-shaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u falayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay inaan iskaashigan uga faa’iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa’iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

“Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in Geeddisocodkan wada-shaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddi-socodka wada-shaqaynta ee dhex-maray Soomaaliya iyo Midowga Yurub, wuxuuna dowladda federaalka ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tallaabsado nabad waarta iyo baraaro.

“Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo. Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah”, ayuu yiri Mr. Fontelles.

Haddaba, Geeddi-socodka maanta la daah-furay ayaa qeexaya saddex aag oo ay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ka wada-shaqeynayaan labada sano ee soo socota, waxaana gundhig u ah;

1- Hirgelinta siyaasad loo dhan yahay iyo hannaan dimuqraadi ah:

  • a) Hannaanka dowlad-dhiska iyo taabbagelinta degenaansho siyaasadeed
  • b) Hufista iyo heshiis laga gaaro hannaanka garsoorka dalka
  • c) Qaybsiga awooddaha iyo khayraadka
  • d) Hirgelinta hannaanka federaalka iyo doorashooyinka
  • e) Qabyotirka dastuurka, si waafaqsan muddada dowladdu u qabsatay ee 2024
  • f) Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah meesha loogu laabanayo xallinta khilaafaadka.

2. Sugidda amniga iyo xasillinta dalka:

  • a) In Soomaaliya ay hanato mas’uuliyadda amnigeeda( bad iyo berri) si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka, taas oo suurtagelin karta maalgelin toos ah.
  • b) Dhammeystirka hannaanka dib-u-dhiska ciidammada qalabka sida, iyada oo loo marayo heshiisyadii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
  • c) Xoojinta kaalinta Midowga Yurub ee tayeynta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.
  • d) Meelmarinta qaraarka Golaha Ammaanka 2628 (2022) iyo xaqiijinta in xilliga kala guurka ay si habsami leh amniga dalka ula kala wareegayaan Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

3- Horumarinta dhaqaalaha bulshada:

  • a) Soo afjarista go’doonka dhaqaale ee Soomaaliya muddada ku jirtey
  • b) Kordhinta dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda
  • c) Ka caawinta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada sidii adeegga hufan loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed
  • d) Abuurista jawi iyo sharuuc dhiirrigelinaya in maalgashi lagu sameysto dalka
  • e) Xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub
  • f) Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo fududeeyo isku-xirka hawlaha ganacsi ee dalka iyo dibedda.

Musuq-maasuqii adeegga Xajka oo meesha laga saaray iyo qiimaha oo hoos loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo arrintaan shaaciyay, ayaa waxa uu sheegay in meesha laga saaray lacago badan oo si musuq-maasuq ah loo dul saaran jiray xujeyda Soomaalida.

“Wuxu marka uu yahay cadaalada iyo itus oo itaabsi damiirka dadku waa ku qancaya, waxaa rejaynayaa in raali la noqday. Waxaa isku deynay in shaqadaan cibaadada ah Ilaahay uga baqno oo dadka Soomaaliyeed aan u fududeyno in alaala inta u fududeyn karno, maadama aan ka bixin karin aan inay wax iska bixin karaan u fududeyno intii nooga aadaneyd,” ayuu yiri.

“Waxaa ogaanay in  dadkeenu beylaha badan soo mareen oo dhibaato badan soo mareen oo aan isku naxariisan jirin inagu laftigeenu oo meel walba isku istaagnay, qof walba meeshu wax ka goosan karayay ka goosto, qofkii ganacsato ahaa uu wax kasii goosto, oo ugu dambeyntana qofkii miskiinka ahaa la dul-saarayo.”

Waxa uu shaaciyay inay meesha ka saareen calaa qof oo ay usoo hareysa hadda qof walba oo Xaaji Soomaaliyeed $745 iyo sintiyaal, taasi oo markii hore qaab musuq-maasuq ah looga qaadi jirey Xujeyda Soomaaliyeed.

Qiimaha sanadkaan lagu xajin doono ayaa dhan $4,484, waxaana hoos loo dhigay lacagihii awal xujeyda laga qaadi jiray oo kor u dhaafayay shan kun oo doollar.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladda ka daba tagtay oo hal hal usoo eegtay adeegyada ay helaan xujeyda Soomaaliyeed iyo qiimayaasha markii hore la iska dul dhigan jiray, kuwaasi oo meesha laga saaray.

“Waa guul weyn oo la gaaray iyo meel fog oo laga keenay waxayna ku timid in musuqii laga saaray meesha oo la isku daalac naasiliyay isaga oo isha lagu hayo qofka muwaadinka ee Xaajiga ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay dadaal badan ku bixiyeen in qofka Soomaaliyeed ee Xaajiga ah uu helo adeeg wanaagsan, kaasi oo ka bilaabanaya duulista illaa soo celinta.

Hoos ka daawo muuqaalka

Somaliland: Dadka reer Laascaanood dookh malaha hal arrin darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markale ka hadashay colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo meel adag iska taagtay midnimada ay raadinayaan reer Laascaanood.

Afhayeenka xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in dadka reer Laascaanood aysan laheyn dookh, islamarkaana ay yihiin reer Somaliland, sida uu sheegay.

“Shacbiga Somaliland, doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh oo waxay rabitaan qaateen 1991-kii, oo waata maanta 32 guuradii u dabaal-dageyno, taas ayay qaateen oo ku suntan yihiin,” ayuu yiri Afhayeenka xisbiga tallada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Buuni.

Afhayeen Buuni oo wareysi siiyaya warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sidoo kale si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Xilhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu ku sheegay in dadka reer Laascaanood aan lagu qasbi karin rabitaanka gooni-goosad ee Somaliland.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur haddii aduu markii aad wasiirka ahayd aad ku iibisay badii Soomaaliya dookh aad leedahay, Shacbiga Somaliland doc ahaana shacbiga Laascaanood malaha dookh, waxay qaateen rabitaan 1991,” ayuu yiri Buuni.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gees illaa gees waxa uu dookhooda, rabitaankooda iyo aaminsanaantooda ay tahay waa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taana waxaa leeyahay umadda ku daba qaaday ee maanta xasuusan taariikhda baalka madow ee kaga jirto waa tan aad maanta waxba u noqon weyday.”

Afhayeen Buuni ayaa waxa kale oo uu dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay in aanay Cabdiraxamaan Cabdishakuur xil wasiir siinin, isaga oo ku eedeeyay in Mudane Shakuur uu iibiyay badda Soomaaliya mar uu wasiir noqday.

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka ayaa waxa la qabta xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo isagu kal hore sheegay in colaadda ka taagan Laascaanood ay tahay mid gudaha Somaliland ka jirta, ayna dhinacyada daneynayna in xal laga gaaro arrintaasi ay taasi kasii amba-qaadan si miiska wada-hadalka la iskugu imaado.

Si kastaba, Somaliland ayaa si weyn u dhibsatay qoraal uu dhawaan bartiisa Facebook ku baahiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo uu ku dhaliilay habka ay Somaliland u wajahday colaadda ka taagan Laascaanood, wuxuuna sheegay “in reer Laascaanood aan lagu qasbi karin rabitaanka Somaliland, sida aan iyada loogu qasbin midnimada.”

Taliye SHUB oo awaamir culus dul dhigay ciidanka asluubta iyo saraakiisha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo ku socota ciidanka asluubta iyo saraakiishooda, oo uu faray in kuwa fasaxa iyo eregta ku maqan ay sida dhaqsaha badan ugu soo laabtan shaqadooda.

Taliye Shub ayaa sidoo kale waxa uu faray saraakiisha ciidanka asluubta inay soo gudbiyeen askarta isticmaasha waxyaabaha maanka-dooriya, xilli uu caasimadda ka socdo howl-gal lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo askarta isticmaasha, si meesha looga saaro falalka amni darro ee ka dhasha.

“Waa dhamaaday waqtigii aan siinay, aniga oo tixgelinaya kuna hadlaya afkii ciidanka asluubta, dadkaasi waxaa ugu darnay shan maalmood oo kale, ninkii shantaas maalmood ku imaan ciidanka asluubta kamid ma ahan, meesha uu joogo hore ha uga dhaqaaqo. Dadka aan u yeerayno qof noogu imaan kara oo aan ka ogolaaneyno ma jirto,” ayuu yiri Taliye Shub.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba ciidanka asluubta dhexdiisa aan laga aqbali doonin dad xashaashka caba oo daroogeyste ah, “dad meelaha ku dhac dhacaya noocaas asaga ah askari lagama rabo, ciddii askarnimo dambe usii haysa Qaranka ayuu khiyaamay.”

Saraakiisha ciidanka asluubta ayaa waxa uu ku amray in askarta noocaasi ah laga saaro ciidanka, islamarkaana liiskooda sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyeen xafiiska taliyaha ciidanka asluubta.

“Waxaa amreyna saraakiisha iyo sareeyaasha in aysan iska qori karin shaqsiyaadka ay rabaan, askari waa kii shaqeeya, in midna uu shaqeeyo mid kalena guriga jiifo oo isku mushaar qaatan waa cadaalad darro, dooni meyno cadaalad daro.”

Saraakiisha iyo madaxda hoggaanka ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay dib ugu soo laaban doonto ayaga, haddii aysan u hoggaansamin amarka kasoo baxay, “idinka ayay idinku soo noqoneysa haddii aydaan fulin oo tallaabo ayaa la idinka qaadaya.”

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Shub) ayaa muddooyinkii dambe dib u habeyn ku waday ciidanka asluubta, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilkaan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay Cindy McCain

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso agaasimaha fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Marwo Cindy McCain.

Madaxweynaha iyo Cindy ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya iyo taageerada hay’adda cunnada adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale waxay kulankaan diirada ku saareen labada masuul wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida, taasi oo ay qeyb ka ah waxyaabaha ay la daala dhaceyso Soomaaliya.

Agaasimaha fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Marwo Cindy McCain ayaa dhankeeda bogaadisay dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku bixineyso barnaamijyada tayeynta cunnada.

Waxay sidoo kale u ballan-qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in WFP ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageeri doonaan in ay gaaran isku fillaansho buuxda.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay muddooyinkii dambe ay sare u qaaday dowladda federaalka Soomaaliya wada-shaqeynta WFP, gaar ahaan arrimaha bini’aadantimo, iyada oo labada dhinac ay hore u kala saxiixdeen heshiis maaliyadeed oo wax looga qabanayo dadka nugul.

Si kastaba, Soomaaliya oo xilligaan ku jirta dagaal ka dhanka ah kooxaha argagixisada, ayaa sidoo kale waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

Odowaa oo shaaciyay in ay dileen ajaanib ka tirsan Al-Shabaab, qaarna ay qabteen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa shaaciyay in howl-galkii Ceel-qaboobe lagu laayay Ajaanib ka barbar dagaalameysay kooxda Al-Shabaab, halka kuwa kalena nolosha lagu qabtay.

Jeneraal Odowaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay “in ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo ku howl-galayay xogo ay horay uga hayeen cadowga ay ku beegsadeen deegaan 30-KM dhanka koofureed kaga beegan degmada Xarardheere.

Waxa uu sheegay in kooxda ay halkaasi doomo u rarnaa xilligaasi kala degayeen hub iyo agab kale oo ay doonayeen inay ummadda ku dhibaateeyaan, isagoo sheegay in kooxda laga gubay gaari weyn oo ay kusoo diyaariyeen waxyaabaha qarxa, lagana qabsaday gaadiid dagaal, sida uu sheegay.

“Gaadiidka wuxuu ahaa gaadiid xamuul ah oo waxyaaba ay doomo ku keeneen ay kusoo qaadeen, oo ay rabeen inay ku dhibaateeyaan waxyaabaha qarxa oo ay ka mid yihiin baarruudaha TNT loo yaqaan iyo waxyaabaha la midka ah, gaari weyn oo BG ah oo ay alaabtaas ku sideenna waa la gubay ” ayuu yiri Jeneraal Odowaa.

Waxa uu intaas kusii daraya in xubnaha Ajaaniibta ah ee la dilay iyo kuwa la qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay xilligaasi ku guda jireen dejinta iyo daabulidda hubka ay doomaha kala soo dagayeen kooxda.

“Majiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka xoogga, kuwa deegaanka iyo dadka shacabka ah ee halkaasi ka dhawaa, wuxuuna howl-galka u dhacay si taxadar iyo xog ogaalnimo ah, iyada oo feejignaanta ciidankuna ay aheyd mid sareysa.”

Si kastaba, Howl-galkaan uu sheegay in taliyaha ciidanka xoogga ay ku dileen xubno ajaanib ah oo ka barbar dagaalamayay kooxda ayaa ahaa mid qorsheysan oo aroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30-KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

DF oo Muqdisho ka daah-furtay shir muhiim u ah dhameystirka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka daah-frutay shir muhiim u ah dhameystirka Dastuurka, kaasi oo socon doona muddo saddex maalin ah.

Shirkan oo u dhaxeeya hay’addaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa waxaa daah-furay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud.

Banbax-howleedkan oo u dhaxeeya hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka iyo Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa looga hadlaya sidii ay qorshe wada-shaqeyneed u dejisan lahaayeen saddexda hay’ad ee loo igmaday dhameystirka Dastuurka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan ka qeyb-galay wasiiru-dowlaha wasaarada Avv Muumino Sheikh, Xoghayaha Joogtada Faysal Aadan guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka Burhan Aadan, guddoomiyaha guddiga la socodka Dastuurka ee BFS Xuseen Iidow iyo marti sharaf kale.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo shirkaan furay ayaa waxa uu sheegay kulankaan uu yahay wejigii saddexaad ee dhinacyadan iskugu imaadan, ee laga yeesho dib u eegista Dastuurka, “Halkaan waxaa ku dhameystiran hay’addihii iyo guddiyadii u xilsaarna, waa maalin taariikhi ah maanta.”

“Waxaa kale oo ogtihiin in Dastuurka intiisa badan uu diyaar u yahay farsamo ahaan oo dhameystiran yahay in la geeyo Baarlamaanka, marka maanta si geesinimo leh oo dhiiranaan leh u dhihi karnaa wejigii u dambeeyay ee saddexaad ayaa galeyna oo waa maalin taariikhi ah.”

Guddoomiyaha guddiga la socodka Dastuurka ee BFS Xuseen Iidow uu isaguna ka hadlay furitaanka shirkaan ayaa waxa uu sii faah-faahin dheeraad ka bixiyay ajendaha shirkaan oo ah wejigii saddexaad ee dhinacyada ku shaqada leh Dastuurka ay iskugu imaadan.

“Kulankeena ayaa waxa uga hadli doona afar ajende, 1-Qorshaha koowaad waxa uu yahay hanaankii aan ku wada-shaqeyn laheyd, 2-Qorshe mideysan oo dowladda federaalka iyo hay’addaha kala duwan oo Dastuurka uga shaqeynayaan oo Soomaalida fahmi karto iyo dadka na-saacidaya ee raba inay na kaalmeeyaan, 3-Dastuurka waxaa lagu hayay banaanka muddo 10 sano ku dhaw, waxaa la go’aamiyo in Dastuurka la geeyo Baarlamaanka, 4-Jadwalkii uga shaqeyn lahaa Baarlamaanka in aan u gudbino Golaha,” ayuu yiri Xuseen Iidow.

Si kastaba, Shirkan ayaa muhiim u ah dhameystirka Dastuurka, waxayna dhinacyadu diirada ku saari doonaan qorshaha wada-shaqeyneed ee saddexda hay’adood iyo sidii loo sii amba-qaadayo dhameystirka Dastuurka dalka oo muddo badan qabyo ahaa loona dhameystiri lahaa.

Hoos ka daawo muuqaalka