28.4 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Hoobiye ku dhacay Janaale oo sababay dhimasho iyo dhaawac

0

Janaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya madfac ay tuureen ciidamada ATMIS oo ku dhacay beer ku taalla duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyaha ayaa lagu soo warramayaa inuu ku  dhacay dad shacab ah oo Moos ku rarayay gaari yiilay beerta dhexdeeda oo qiyaastii afar KM u jirta deegaanka weyn ee Janaale.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay dhacdadaasi, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo kamid ah dadkii rarayay Mooska, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale shanta qof ee dhaawacmay ayaa waxa ku jirta gabar ganacsato ah oo lahayd rarka Mooska laga qaadayay beerta.

Gudoomiyaha maamulka deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay falkaasi, wuxuuna sheegay in madfac laga dhex tuuray xero ay dagan yihiin ciidamada Midowga Afrika (ATMIS).

Sidoo kale waxa uu intaasi ku dareen inay ciidamada ATMIS qirteen dhacdadaasi, balse ay ku doodeen in loo sheegay in beerta ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaas oo sababay dhimashada & dhaawac.

“Waa ka wadahadalnay, inay iyagu tureen ayay sheegeen, waana la wada maqlayay oo jugta dhacaysay sagaal saac iyo bar habeenimo ayay ahayd, Jannaale oo dhan waa laga maqlay, inay tuureena iyagaa sheegay, macnaha way qirteen nimanka aan hadda isla joogno ee ATMIS, waxay dhaheen xog waxa naloo soo gudbiyay in meesha cadow ku sugan yahay, saas darteed baan weerarka u sameynay, koley marka baaritaan baa socda, wixii ka soo baxana dib baan ka soo sheegi doonaa.” ayuu yiri gudoomiye Al-Cadaala.

Janaanle ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro loo adeegsado madaafiic oo ay is weydaarsadaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS ee ku sugan deegaankaas oo hoostaga Shabeelaha Hoose.

Madaxweyne XASAN oo sameeyay ballan qaad la xiriira doorashada 2026

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qaybgalay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo doorashada 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dowladiiisa ay ka go’an tahay in dalka laga xureeyo Al-Shabaab, kadibna ay hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, sanadka 2026-ka.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in mar kale aan dib loogu laaban doonin teendhada Afisyooni doorashooyinkii ugu dambeeyay ee dalka lagu qabtay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshaha ay haatan bilaabayaan, si looga mara dhaliyo go’aankiisa ku aadan doorashada 2026.

“2026 aniga waxaa iga go’an inaan hoolka ku noqonin si aan aniga ugu noqon dadkii igu dooran lahaa waa in aanay u noqon jufo hebeleey wakiiladiina keena waa in aan ku noqon, waan ku tala jirnaa doorasho qof iyo cod ah oo qorshe cad ayaa dowladdaan uga degan, markaan daqiiqadda ugu dambeysa marka sanad ama lex bil ka dhiman tahay ma billaabeynee ee maanta ayaa billaabeynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale madaxweynaha oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay in guul weyn laga gaaray wajigiisa koowaad, isla-markaana wajigiisa labaad haatan laga bilaabayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Howlgalladan ayuu tilmaamay inay muhiim u yihiin isku socodka magaalooyinka, maadaama haatan go’doon laga qaaday Jowhar iyo Muqei

“Al-Shabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la’aan ku imaanaya Muqdisho” ayuu yiri sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa marxalad dagaal, kaas oo ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Hay’adda Duulista oo soo faro-gelisay arrin ka taagan garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa faro-gelisay arrin labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka taagnayd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, taas oo saameyn ku yeelatay hab sami u socodka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Hay’adda ayaa sheegtay in maalmihii u dambeeyay ay soo gaarayeen cabashooyin la xiriira rakaab ku daahay gudaha garoonka, gaar ahaan qaybta Terminalka, taas oo ay ugu dambeyn xalisay, kadib markii ay dadkaasi u dirtay magaalooyinka ay u safrayeen.

Sidaas daraadeed Hay’adda Duulista Rayidka oo ka duuleysa dhibaatadaasi ayaa soo saartay saddex qodob oo ku socdo dhammaan shirkadaha diyaaradaha, waxayna kala yihiin:-

1-In aan rakaab lasoo xareyn karin waqti ka badan 3 saac kahor, xilliga ay diyaaraddu kici lahayd.

2-In laga bilaabo 2-05-2023 aanay rakaab soo xareyn karin shirkad aan haysan diyaaraddii ay rakaabka ugu adeegi lahayd.

3-Shirkaddii jebisaa qodobada kor ku xusan waxaa lala tiigsan doonaa sharciga, waxayna wajihi doontaa ciqaab waafaqsan Sharciga Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay shirkadaha kala shaqeyn doonto fududeynta tasiilaadka ay u baahan yihiin, si ay shaqada ugu socoto hannaankii loogu talagalay

“Haddaba Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shirkadaha diyaaradaha la garab taagan tahay wixii tasiilaad ah ee u fududeynaya inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan sharciga” ayay tiri May’addu.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah mid mashquul badan ayaa waxaa maalin walba isaga kala goosha diyaarado u baxa gobollada dalka iyo kuwo caalami ah oo isaga kala goosha waddamada kale ee ku yaal caalamka.

Madaxweyne Xasan oo ka jawaabay sababta uu xulufo uga dhigtay IMAARAADKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay xalay si faah-faahsan uga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo aad u xoogeystay kadib markii uu xilka dib ula wareegay.

Imaaraadka Carabta ayaa ahaa dalkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu booqdo maalmo un kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022, taasi oo muujisay ahmiyadda uu siinayo xiriirka labada dal.

Hase yeeshee, dadka dhaliila siyaasaddiisa ayaa sheegay inuu siyaasadda arrimaha dibedda dalka hoos geeyey Abu Dhabi.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo xalay Muqdisho ku qabtay kulan dadweyne, ayaa ka jawaabay su’aasha ku saabsan sababta uu xulufo uga dhigtay Imaaraadka Carabta.

“Maanta aan joogno, waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego: Dowladda Imaaradka Carabta waa tiirarka ugu waaweyn ee ay ku taagan tahay la-dagaalanka argagxisada. Ciidanka la amaaanayo ee Muqdisho jooga iyadaa noo dhistay, noona qalabeysay, Gaadiidka iyo Hubka ay wataan Imaaraadka Carabta ayaa na siiyay, wax shuruud ah oo ku xireenna ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey madal Dadweyne oo su’aalo lagu weydiiyay ayaa si weyn u difaacay xiriirka dowladiisa iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya xilligan leedahay.

Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay dad uu ku tilmaamay caddow inay doonayaan inay isku diraan Soomaaliya iyo dalalka saaxiibada la ah ee taageera, taasina aysan ka ogolaaneyn.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay. 

Ciidamada DF oo howlgal ku laayey 60 Shabaab ah

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen agagaarka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab,  xilli ay marayeen deegaanka Cali Qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmadaasi

Guddoomiyaha degmada Xarardheere, Mudane Maxamed Yuusuf Kulmiye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shanaab.

Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan lagu dilay 60 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub fara badan oo loo waday Al-Shabaab ay kusoo furteen howlgalkaasi, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen laba gawaari oo ay wateen xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la laayey.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ragga la dilay ay ku howlanaayeen dhibaateynta dadka shacabka ah, isla-markaana ay hubka u wadeen kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan gobolka Mudug.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada Xarardheere.

Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa marxalad dagaal, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee howlgalka uu ka billowdo maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

DF Somalia oo shir caalami ah uga qeyb-galeysa GENEVA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb-galaysa shir caalami ah, iyada oo halkaasi gaareen wafdi heer sare oo ka socda dowladda.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wafdi khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiiru-dowlaha iyo wafdigiisa ayaa ka qayb-geli doona shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka, sida ay shaacisay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya shirweynaha saxiixayaasha 11-aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11) oo maanta Salaaso ah ka furmi doona magaalada Geneva.

Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka yahay shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada.

Axdigan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin.

Ebrahim Raisi oo booqasho taariikhi ah ku tegeya Syria

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa maalinta Arbacada ah u safri doona caasimadda dalka Syria ee Dimishiq.

Booqashada Raisi ee Dimishiq ayaa qaadan doonta muddo laba maalmood ah, ayna tahay tallaabo aad u muhiima oo qayb ka ah iskaashiga sii kordhaya ee gobolku uu la yeelanayo xukuumada Syria, sida ay baahisay warbaahinta dawladda Iran.

Danjiraha Iran u jooga Syria Xuseen Akbari ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA in safarka uu madaxweyne Dr. Raisi uu ku tegeyo Dimishiq maalinta Arbacada ee soo socota inuu yahay mid muhiim ah oo la xidhiidha isbedelada ka socda gobolkaas.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, madaxweynaha Iran ayaa hoggaamin doona wefti ballaadhan oo ay qayb ka yihiin ganacsato iyo siyaasiyiin kala duwan.

Tehran oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Bashaar al-Asad, ayaa taageero joogto ah u fidinaysay Syria 12-kii sano ee ugu dambeeyey ee ay colaaduhu ka socdeen.

Hase yeeshee hore uma dhicin in madaxweyne ka socda Iran inuu dalkaas booqdo tan iyo sannadkii 2011, oo ahayd xilligii uu dagaalku ka bilawday Syria.

Booqashada madaxweynaha Iran uu ku tegeyo Syria ayaa ku soo aadday toddobaadyo kadib markii uu heshiiska taariikhiga ah dhexmaray dalalka Iran iyo Sucuudiga, oo si weyn isugu haya siyaasadda gobolka, taasi oo horseeday inay iridaha u furto in dalalka Carabtu ay dib ula macaamilaan xukuumadda go’doonsanayd ee Syria.

Danjiraha Iran u fadhiya Syria ayaa sheegay in safarkani aanu muhiim u ahayn oo keliya Syria iyo Iran, balse uu yahay mid wax wanaagsan ku soo kordhinaya dalalka kale eek u yaalla gobolka.

Xukuumadda Syria, illaa haatan faah-faahin kama bixinin safarkan qorshaysan.

Madaxweynihii ugu dambeeyey ee ka socda dalka Iran ee booqasho ku taga dalka Syria wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Najaat, kaasoo dalkaas booqday sannadkii 2010.

Sidoo kale madaxweyne Assad ayaa isagu booqday Tehran bishii May ee sannadkii hore, kaasi oo ahaa safarkii labaad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo intii uu dagaalku ka bilawday Syria.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sannadkii hore bogaadiyey xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Syria, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah labada dal, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhkaas weliba sida ugu macquulsan.

Iran ayaa kalmo militari iyo mid dhaqaale u fidinaysay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Assad, tan iyo markii uu dagaalku bilawday, iyada oo ciidamo u dirtay Syria kadib codsi ay sheegeen inay ka heleen xukuumadda dalkaas, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay yihiin la taliyayaal.

Marka laga soo tago Ruushka, Iran ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee uu isku halleeyo Assad, kaasi oo la tacaalaya dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socda, kaas oo ay ku naf waayeen illaa 500,000 oo qof, halka ay ku barakaceen kala badh shacabka dalkaasi.

Ruushka oo KHASAARE 100,000 oo askari ah kala kulmay dagaalka Ukraine

 ka badan 20,000 oo askari oo Russian ah ayaa ku dhintay, 80,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen shan bilood oo dagaal uu ka socday bariga Ukraine, gaar ahaan Bakhmut, waxaa sidaas Isniintii sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

“Waxaan qiyaasaynaa in Ruushka uu la kulmay khasaare ka badan 100,000, oo ay ku jiraan in ka abdan 20,000 oo la dilay,” ayuu weriyayaasha u sheegay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby.

“Isku daygii Russia ee weerarka Donbass, gaar ahaan Bakhmut, waa uu fashilmay… Russia waa ay ku guuldarreysatay inay qabsato dhul la taaban karo oo muhiim ah,” ayuu yiri.

Kirby oo soo xiganaya warbixin sirdoon oo Mareykan ah, ayaa sheegay in kala bar kuwa la dilay ay ahaayeen askar ay soo qortay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, oo inta badan ciidanka kasoo qorata xabsiyada Ruushka.

Khasaraaha dagaalka — oo inta badan ka dhacay Bakhmut, halkaasi oo ciidamada Ukraine laga saaray magaalada waxyar mooyee — ayaa ah tan iyo billowgii December, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

“Isku dayga dadaalkan, gaar ahaan Bakhmut, wuxuu ku fariistay qiime culus. Russia waxay hurtay inta badan hubkeeda iyo ciidankeeda,” ayuu yiri Kirby.

Kirby ayaa sheegay inuusan bixineyn qiyaasta khasaaraha Ukraine, sababtoo ah buu yiri “waa dhibanayaasha, Ruushkana waa kuwa gardarrada wada.”

Aqalka Cad banaanka ma keenayo “akhbaar xaaladda kusii adkeyn karta” xulufo Reer Galbeed oo ciidankooda ay tababaraan ama hubeeyaan isbaheysiga dalalka Mareykanka uu hoggaamiyo, ayuu yiri Kirby.

VOA + AFP

MADAALE oo shaaciyay arrin uga qorsheysan dhagxaanta jidadka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay kulan su’aalo lagu weydiinayay isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa shaaciyay arrin uga qorsheysan dhagxaanta jidadka Muqdisho qaarkood lagu jaray.

Guddoomiye Madaale oo ka garaabay dhibaatada ay waddooyinka xiran kala kulmaan shacabka reer Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay qorsheynayaan in la furo waddooyinka xiran oo la qaado dhagaxyada ku go’an, isaga oo tusaale usoo qaatay kalkiisi hore ee 2016-ka.

“Annaga 2016-kii marka tallada joognay, qaasatan anigu aan ahaa Duqa Magaalada xilligaas jid dhagax yaallo ma jiri jirin, Cabdi-bilayaasha ayay ciidanka marmar ku xiri jireen oo inta ka degno oo dhirbaaxno ayaa ka qaadi jirnay. Dhagax jid yaallo wax jiri-jiray ma ahan,” ayuu yiri.

“Dhawaan go’aan ayaa laga qaadan doono oo waa socota howshiisa qaadista dhagxaanta haddii Ilaahay yiraahdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Madaale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka ay u suurta-gasho inay isku furaan waddooyinka magaalada Muqdisho ay u qorsheyn doonaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba waddooyin gaar ah oo ay maraan, kuwaasi oo hadda dhibaato weyn ku qaba adeegsiga jidadkaasi.

“Magaalada Muqdisho waddooyinka caadiga ah ayaa dhib lagu qaba, markay inoo suurta-gasho isku furida waddooyinka magaalada oo laami laga dhigo ayaa u qorsheyn doona meelo ay maraan.”

Maamulka gobolka Banaadir oo muddooyinkii dambe u muuqda mid shaqadiisa dardar xoogan ku wada, ayaa waxa uu xilligaan qeyb ka yahay qorshaha lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho iyo howl-gallada ka socda caasimadda.

Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo ciidamada cusub Boolis Militari ayaa isku fidiyay Muqdisho, taasi oo keentay inay nafis weyn dareemaan shacabka ku dhaqan caasimada oo horay u wajahayay xaalado amni darro.

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda ka taagan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qeyb-galay shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda dalka Sudan.

Shirkan oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Golaha wasiirada caafimaadka ee dalalka Carabta, waxayna dhinacyada uga wada-hadleen arrimaha kasoo cusboonaaday xaaladda Sudan, oo uu ka socdo dagaal galay toddoabaadkii saddexaad.

Wasiirka Caafimaadka Sudan Dr Haytham Cawad ayaa ka warbixiyey xaaladda qeybta caafimaadka ee dalka Sudan iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray dagaalada ka qarxay wadankaasi.

Warbixintan ayaa waxa uu wasiirku ku codsaday in lala soo gaaro gurmad caafimaad oo deg deg ah, sida dawooyin iyo agab caafimaad, maadaama Isbitaallo badan ay soo gaareen burbur baaxad leh.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Sudan dhibaatada ka soo gaartay shaqaaqooyinka ka socda caasimadda iyo gobollada kale ee wadanka Suudaan.

Sidoo kale waxa uuna Alle uga baryey inuu ugu deeqo nabad waarta dalka Sudan, sida lagu sheegay qoraal ay wasaaradda kasoo saartay kulankaan deg deg ah ee yeesheen golaha wasiirada caafimaadka ee dalalka Carabta

Golaha ayaa u muujiyey garab istaag walaalnimo walaalahood Sudan, waxayna go’aamiyeen in goobaha colaaduhu saameeyeen la gaarsiiyo gurmad deg deg ah oo dhanka caafimaadka ah, kaasi oo iskugu jira dawooyin iyo agab caafimaad.

Ruto oo weerar ku qaaday madaxda Afrikaanka kadib hab dhaqan ay caadeysteen

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay Midowga Afrika inuu awoodi waayo la tacaalidda arrimaha Afrika kadib muddo ka badan lixdan sano oo uu jiray.

Ruto ayaa ka xumaaday in Midowga Afrika uu ka qeylo-dhaamiyo lacag ku dhow 90 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu tala-galay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su’aalo weydiinta maamulka Midowga Afrika. Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85 Milyan. Waa waalli! Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal, 60 sano kadib xornimadooda, ma maamuli karaan $85 Milyan oo lagu taageero Soomaaliya?,” ayuu yiri Ruto.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu tilmaamay in dalalka Afrika ee saboolka ah sida Soomaaliya, inay sugaan taageerada dhinacyada kale sida Midowga Yurub, halka ay aheyd in Midowga Afrikaanka ah uu gacan ka geysto.

“Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka helaan dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay William Ruto.

Ruto ayaa waxa uu ku baaqay isbedel wax ku ool ah oo qaab dhismeedka Midowga Afrika ah, si ay si madax-banaan ula tacaalaan caqabadaha qaarada, loogana maarmo in dalalka horumaray la gacan hoorsado.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Midowga Afrika uu daba-yaaqadii bishii March uu dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu tala-galay ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa xilligaasi sheegay in ciidamada howl-galka Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaalahaasi loo helin.

Madaxda gobolka ayaa dhawaan ku kulmay Kampala, halkaasi oo ay ku adkeeyeen baahida loo qabo in guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa’iideysiga sanduuqa nabadda ee Midowga, si uu u taageero kor u qaadida awoodda amniga ee Soomaaliya.

DF iyo QM oo wada-hadal xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki.

Labada ma’suul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ah kamid yihiin; taageerada dowladda federaalka Soomaaliya uga baahan tahay dhanka saadka ee ciidamada Soomaaliya, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray baahida deg-degga ah ee loo qabo in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxay uga wada-hadleen oo kale sidii Loo xoojin lahaa taageerada howl-galada socda iyo kuwa la qorsheynayo ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaan.

Wada-hadalkan ay Muqdisho ku yeesheen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka si hordhac ah uga billowday wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxaha argagixisada ah ayaa waxay marar badan caalamka u caddeysay in dagaalka aysan sii wadi karin oo xagjiriinta aysan ka adkaa karin, hadii aan laga qaadin cuna-qabateynta saaran.

“Cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada,” ayuu kal hore yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cuna-qabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Daawo: Maamulka gobolka ‘oo xog cusub ka bixiyay’ tallaabadii uu qaaday MADAALE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howl-gallo uu guddoomiye Madaale hoggaaminayay oo toddobaad kahor ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa xilligaasi gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo marka uu gudaha u galay goobtaasi oo lagu caaweynayay uu garaacay wiilal iyo gabdho ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Mudane Yabooh ayaa waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Madaale ay ku timid kadib wax aan loo adkeysan karin oo ay ugu tageen halkaasi, isaga oo xusay in xataa qaarkood dadkii ku sugna goobtaasi ay iyagu dib ugu raadiyeen maryo ay xidhaan.

“Wixii ka socday dadkaan ma dareemi karin, marka la leeyahay Duqa bakoorad ayuu watay, waa la socday anigu oo wixii meeshaas ka dhacayay wax la suureysan karo ma ahan, waa wax aad u culus oo qof Soomaaliyeed, qof Diinta Islaamka sheegta uusan fiirsan karin waaye,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadkii meeshaas joogay anaga ayaa qaar kamid ah dhar u raadinay, waxaas waxay aheyd in xilligaasi ficilkaas looga jawaabo ma ahane wax kale ma laheyn.”

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu iftiimiyay in marka shatiyada ay gobolka ka qaadanayaan goobahaasi dhaqan xumada ka socota ay ku qaatan Maqaayad ahaan ama wax ka gedisan waxa meeshaasi lagu hayo, isaga oo iska fogeeyay in gobolka uu waxyaabahaasi ogolaansho u siiyay goobahaasi.

“Shatiga qofka marka uu qaadanayo daroogo ayaa uga ganacsana oo lagu isticmaala malahan ee waxa uu ku sheega Maqaayad, Dukaan ama Farmashiye, waxaas kala duwan ee laga soo sheekeeyay ayuu uga shaqeyna. Marka shatiga aan bixino saas ayaa ku cad ee ma ahan in qofka daroogo uga ganacsanayo.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: DF oo maamullada ku wareejisay gawaari nooc cusub ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay gawaari u sameysan sida xarumaha caafimaadka, kuwaasi oo loo yaqaano nooca guur-guura ku wareejisay qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo gawaaridan ku wareejiyay wasaaraddaha caafimaadka ee dowlad-goboleedyada, kadib munaasibad ka dhacday Muqdisho.

Munaasabdda lagu wareejinayey gawaaridan u samaysan, una qalabaysan sida xarumaha caafimaad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirada caafimaadka maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo gobolka Banaadir, madax ka socotey hay’adda UNFPA iyo marti sharaf kale.

Gawaaridan loogu tala-galay hanaanka cusub ee caafimaadka guur-guura oo gaaraya ilaa shan gaari ayaa wax badan ka geysan doona yareynta xaaladaha dhimasho ee dhaca xilliga dhalmada ee Hooyada.

Sidoo kale waxay qeyb ka noqon doonaan wax ka qabashada xilliyada ay dhacaan tacadiyada iyo kufsiyadda ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed, taasi oo lagula tacaali doono dhibaatadda soo gaarta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegey in gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka.

Wasiirka ayaa shaaciyay in gawaaridan la geyn doono goobaha sida; magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Doolow, Beledweyne iyo weliba gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka go’an wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee ka jira dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta caafimaadka ee dowladda.

Faah-faahinta iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo dad shacab oo ka dhacay…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidamada militariga Itoobiya iyo dad shacab ahaa oo ku sugnaa magaalada Qabri-dahare

Iska hor-imaadkan ayaa waxaa la sheegaya inuu ka dhashay kadib markii ay ciidamada militariga oo xilligaasi dhex-marayay magaalada ay dhagax tuureen dhalinyaro, kadibna ay ciidamadu adeegsadeen rasaas iyo jidh dil.

Waxaa ka dhashay iska hor-imaadkan khasaare kala duwan, illaa haddana inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 10 qof, kuwaasi oo intooda badan lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Qabridahare.

Gadood ka dhashay dhacdadan ayaa hadheeyay guud ahaan magaalada, iyada oo shacab tiro badan oo arrintaas ka carooday ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Dadkaasi ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan rasaata iyo jidh dilka ay ciidamada militariga Itoobiya kula kaceen shacabka magaalada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka ku dhaawacmay iska hor-imaadkan Qabri-dahare ku dhex-maray ciidamada militariga Itoobiya iyo dadka shacabka ayku jiraan kuwo xaaladoodu ay aad u liidato, kuwaasi oo si weyn looga deyrinayo.

Maamulka magaalada Qabri-dahare oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin waxa ka dhacay magaalada, iyaga oo ka dhawaajiyay inay kulan deg deg ah la yeelan doonaan maamulka ciidamada militariga, ayna kala hadli doonaan dhibaatada uu ka geystay magaalada.

Si kastaba, Jawiga guud ee magaalada ayaa lagu soo waramaya inuu degan yahay kadib iska hor-imaadkan ka dhacay, waxaana sidii caadiga aheyd kusoo laabtay isku socodka magaalada iyo goobaha ganacsiga.

Xogta kulan dhex-maray MADAALE iyo ganacsatada goobihii la xiray + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shalay si deg deg ugu yeeray ganacsatadan, waxaana maanta si gaar ah u qaabilay Guddoomiye Madaale, iyada oo oo hay’addaha dowladda ay fasax yihiin.

Ganacsatadan ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir la wadaagay Shatiga ay hore uga qaateen dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo ay ku furnaayeen goobahooda ganacsi, kahor inta uusan soo xiran maamulka gobolka.

Guddoomiya Madaale ayaa waxa uu ganacsatada la wadaagay in mabnuuc ay tahay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka, sidaas darteed ay tahay in markale aan waxyaabahaasi lagu arkin goobahooda ganacsi.

Sidoo kale waxa uu amray guddoomiyaha gobolka Banaadir in xilliga habeenka wixii ka dambeeyay 12:00 habeenimo aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo.

Kulankan uu guddoomiye Madaale la qaatay ganacsatadan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen ayaa waxa uu maamulka gobolka xilligaasi sheegay in laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaya xilli ay caasimada ka socdaan howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, islamarkaana uu maamulka gobolka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa.

Madaxweyne Xasan oo aqbalay kulan dadweyne kahor sanad-guuradiisa 1-aad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay aqbalay inuu si toos ah uga qeyb-galo kulan dadweyne, xilli ay maalmo ka dhiman tahay sanad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay dib u doorashadiisa 15-kii May ee 2022-ka.

Barnaamij-kan oo sida muuqata ay soo qaban-qaabisay Madaxtooyada Soomaaliya, uuna daadihinayo Maxamed Xaraare ayaa waxay bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah su’aalo ugu weydiin doonaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa maanta galinka dambe magaalada Muqdisho kaga qeyb-galaya barnaamijkan kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka jawaabi doona su’aallaha ay qaban shacabka Soomaaliyeed iyo cabashooyinkii laga muujiyey dowladda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa inta madashani socoto wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa guullaha iyo horumarada laga sameeyey furimaha dagaalka inta uu socday halganka deegaanada dalka goobaha ay kaga sugan yihiin khawaarijtu looga xoraynayo.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu madashaan kusoo bandhigi doona “guud ahaan wixii u qabsoomay muddada sanadka ah ee uu hayey talada dalka.”

Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna madaxweynaha waydiin doona su’aalo toos ah, kuwaas oo ku qotoma hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo halganka dib u xoraynta oo galay wejigii labaad.

Dadweynaha ayaa waxay sidoo kale su’aalahooda uga dhiiban karaan kulankaan habka fogaan araga Online-ka ama qoraal, kaasi oo ay ku gudbinayaan mareeg ay soo bandhigtay warbaahinta dowladda.

Si kastaba, Kulankan dadweyne oo ah mid noociisa u horreeyay ee Soomaaliya, ayaa lagu macneeyay mid qaadaya xayn-daabka u dhaxeeya madaxda sare iyo bulshada Soomaaliyeed.

Itoobiya oo ciidamo cusub usoo tababartay Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ay markii ugu horreysay tababar siisay ciidamo cusub oo ka mid noqonaya kuwa Xoogga dalka, kuwaas oo haatan soo dhameystay tababarkooda, kuna soo laabtay Soomaaliya.

Warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadan uu todobaadkii hore u dhammaaday tababarkooda, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab.

Ma shaacin warbaahinta tirada askartan loo soo tababaray Soomaaliya, balse waxa ay sii daysay sawirradooda, ayaga oo ku sugan xerada.

Waa qaybtii ugu horreysay ciidamo ay Itoobiya usoo tababartay Soomaaliya, tan iyo markii ay iskaashi amni oo saddex geesood ah kala saxiixdeen dowladaha Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Ciidamada qalabka sida ee haatan tababarka kusoo qaatay dalka Itoobiya ayaa ka qayb qaadan doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo horkaceyso duulaanka ka dhanka ah Shabaab ayaa horay u sheegtay in dagaalkan a y ku soo biiri doonaan waddamada dariska oo la’isku yiraahdo dalalka safka hore.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dagaalka kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku jira howlgalka ATMIS.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaas oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadkii hore Kampala uga qaybgalay shir ay yeesheen waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha kala guurka ee howlgalka Midowga Afrika, ATMIS.

Yey yihiin xildhibaannada wada mooshinka Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Xaaji oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa xog cusub ka bixiyay mooshinka ka dhanka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee haatan socdo.

Xidlhibaanka ayaa shaaca shaaca ka qaaday in mooshinkaasi lagu deg-degay, isla-markaana xildhibaanada wada ay caqabad ku yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Mudane Cali Xaaji oo deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland ayaa si weyn u difaacay xukuumadda DanQaran, wuxuuna tilmaamay in muddada ay jirtay ay qabatay wax badan.

“Dadka wax dhaliilaya waxaan u arkaa inay tahay dhaliil deg-deg ah, waxaayo waxaan oran karnaa ra’iisul wasaaruhu waa nin shaqo badan,” ayuu yiri xildhibaanku.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray xildhibaanada wada mooshinkaasi ay yihiin kuwo iska dhex-waayay golaha wasiirada, sidaas daraadeedna ay u mucaaradayaan xukuumadda.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay mooshinkan ay damacsan yihiin inay ku fushadaan dano gaar ah, si au dowladda wax uga helaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii ay noqoto dhaliishaada inay iska dhex weysay wasiirada ama dowladda oo qaylinaya, isla-markaana ayu ku saabsan tahay wax u gaar ah, taana dowladnimo kuma dhisanto,” ayuu mar kale uiri Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xamza lagu diyaarinayo magaalada Nairobi oo ay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano dhowr ah oo raba in ay ridaan xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran.

Sida ay ogaatay Caasimada Online abaabulka mooshinkan ayaa haatan si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda.

Si kastaba, Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Daawo: Macallin Mahdi oo shaaca ka qaaday 4 arrin oo keentay amniga XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir, G/ Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo ka qayb-galay kulan su’aallo lagu weydiinayay isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay amniga Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday in isbeddal weyn oo amni haatan laga dareemayo caasimada, kadib dadaallo ay sameeyeen wixii ka dambeeyay bishii Ramadaan.

Taliyaha ayaa xusay inay yaraadeen dilalkii iyo qaraxyadii ka dhici jiray caasimada, wuxuuna sheegay inay ku timid howlgallada ay wadaan iyo isbeddallada socda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in afar arrimood ay keentay amniga iyo xasiloonida haatan ka jirta magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah: Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyay ciidamada amniga lana dagaalay Shabaab, dagaalka lagu beegsaday dhaqaalaha Shabaab, wada shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale xakameynta hubka waa weyn.

“Shacabka Soomaaliyeed oo ku kacay oo dhibaateynaya ayaa naafo ku ah ebel waa iska jiifan jireen canshuur ayay ka qaadan jireen dhaqaale ayay ka heli jireen, runtii door muhiim ayay ka qaadatay xasiloonida magaalada” ayuu yiri taliye Macallin Mahdi.

Waxa kale oo uu ku daray “La dagaalanka dhaqaalaha door fiican ayay xukuumadda iyo dowladda qaadeen sida aad la socotaan inta qofka dhaqaale uu haysto waa inta uu sii jiri karo”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlgallada ay sii wadi doonaan, ayna ka hortagi doonaan wax kasta liddi ku ah amniga caasimada.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo ciidamada cusub Boolis Militari ayaa isku fidiyay Muqdisho, taas oo keentay inay nafis weyn dareemaan shacabka ku dhaqan caasimada oo horay u wajahayay xaalado amni darro.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa culeys xoogan, waxaana sidoo kale lagu jabiyay inta badand dagaallada kas socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.