28.4 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xog: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ku kulmaya Addis-Ababa iyo qorshaha

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku kulmaan dalka Itoobiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmayo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna horraanta Bishan May ku wajahan Addis Ababa, waxaana xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan in halkaas ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Inkastoo aan weli xog sugan laga helin ajandaha kulanka labada dhinac, haddana waxa lagu wadaa in kulankaas uu mar kale xoojiyo iskaashiga dhinaca siyaasadda ee Puntland iyo Jubaland.

Xiriirka labada dhinac ayaa bilihii dhowaa u muuqday mid gaabiyey, ayada oo uu wiiqmay iskaashiga labada maamul, oo mar u muuqday kuwa aan ku kala harin go’aanada xasaasiga ah.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhowr bil kahor xiriirka u jaray dowladda federaalka, isga oo ka caraysan inaan la siin xilka ra’iisul wasaaraha shaqsiyan, sidoo kalena la dhaafiyey maamulka Puntland.

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaan go’aankaas kula biirin Puntland, wuxuuna wadashaqeyn dhow la leeyahay dowladda federaalka. Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayey isku beel yihiin Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray warar sheegaya in Puntland ay gadaal ka riixeyso mooshin la sheegay inuu ka dhan yahay ra’iisul wasaare Xamza. Hase yeeshee mooshinkaas ayaa u muuqda mid hadal hayn un ku kooban oo aan dhab ahaan jirin. 

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda SUDAN

Khartoum (Caasimada Online) – Kooxaha militariga ee iska soo horjeeda ee Suudaan, ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin cusub oo saddex maalmood ah, balse ma muujin wax saan saan ah oo ay ku joojinayaan dagaalka ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada caasimadda u ah dalka Sudan ee Khartuum.

Ururada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa si wadajir ah u soo saarey bayaan ay kaga digayaan Dadka reer Sudan iney ugu baahi badan yihiin haatan xabbad joojin, si hawlaha gargaarka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo shacabka.

Waxay sheegeen hey’adaha in waqtiga lagu kordhiyey xabad joojinta ee dheeraadka ah, ay horseedayso in joogsadaan colaadaha.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa ku booriyay dhinacyada isku haya Suudaan inay ka feejignaadaan weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayo goobaha ay dadku ku badan yihiin, ayna u hoggaan samaan shuruucda caalamiga ah.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo malaayiin qof oo ku nool magaalada Khartuum ay gabaad ka dhiganayaan guryahooda, iyadoo ciidamada xoogga dalka wata iyo kuwa sida deg degga ah u hawl gala ee ”RSF” ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta magaalada Khartuum.

RSF ayaa waxaa madax u ah General Dagalo – oo loo yaqaan Hamati – kaasoo noqday maalqabeen aad u weyn sanadihii ugu dambeeyay, ka dib markii uu la wareegay macdanta dahabka ee dalka Suudaan.

Waxaa loo malaynayaa inuu hoggaamiyo ilaa boqol kun oo askari. Cabsida uu ka qabo inuu ku waayo awoodda iyo hantida, ayaa caqabad weyn ku ah wada hadal kasta oo nabadeed oo la filayey inuu dhaco.

Isha: BBC

Booliska Jabuuti oo fuliyey howlgal lagu xiray 3,000 qof

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa Axaddii ku dhowaaqday howlgallo ka dhan ah tahriibka, ayada oo taleefishinka dowladda uu weriyey in booliska ay xireen 3,000 oo qof oo la masaafurin doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika “ay buuxiyeen” qulqulka dad ka imanaya dalalka deriska ah, ayada oo 220,000 ay “si sharci darro ah” u yimaadeen sanadkii 2022 oo kaliya.

Jabuuti, oo dadkeeda lagu qiyaaso hal milyan, ayaa ku taalla marin tahriib oo ay maraan muhaajiriinta kasoo cararaya dagaallada iyo musiibooyinka isbeddelka cimilada ee raadinaya nolol wanaagsan.

Nuux ayaa khudbad uu ka jeediyey taleefishinka ku sheegay in Jabuuti ay go’aansatay inay qaado tallaabo lagu ilaalinayo “badqabka iyo nabad-galyada shacabkeeda” iyo inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta dalka imanaya.

“Ciidamada waxaa lagu qasbay Axaddii… inay fuliyaan howlgal deg deg ag oo lagula dagaalamayo dambiyada iyo ka ganacsiga badeecadaha sharci darrada ee qeybo ka mid ah magaalada Jabuuti,” ayuu yiri.

Taleefishinka dowladda ee RTD ayaa sheegay in qiyaastii 3,000 qof lagu xiray howlgalka, loona qaadayo xarumo masaafurin, si baabuur xamuuli ah dib loogu celiyo dalkooda. Lama shaacin dalka ama dalalka ay kasoo jeedaan dadkaas.

“Howlgalalda waa ay kasii socon doonaan dhulka Jabuuti,” ayuu yiri Nuux.

Waxa uu sheegay in muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ka shaqeeya qeybaha aan rasmiga ahayn, la diiwaan-gelin doono, lana siin doono

“sharci dhaq-dhaqaaq,” balse shuruudda ay tahay in shirkadaha ay u shaqeeyaan ay kusoo wargeliyaan dowladda.

Kuwa aan shaqada haysan, “waxaan ku casuumeynaa inay deg deg si iskood ah dalkooda ugu laabtaan,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inuu jiray waqti 30 maalmood ahaa oo loo qabtay muhaajiriinta sharci-darrada inay u hoggaansamaan.

“Muhaajiriinta sharci-darrada ah, waa bam ku qarxi raba Jabuuti, aad ayey u badan yihiin,” waxaa sidaas yiri Bilan, oo ah 45 jir shaqo la’aan ah oo u dhashay Jabuuti oo la hadlay AFP, isaga oo diiday inuu sheego magaciisa oo buuxa.

AFP, VOA

3,000 arrested as Djibouti addresses migrant influx

Djibouti (Caasimada Online) – In an effort to protect the “well-being and safety of its population,” Djibouti’s government announced a crackdown on irregular migration on Sunday.

Interior Minister Said Nouh Hassan addressed the nation via a televised speech, stating that the strategic Horn of Africa nation had become “saturated” by an influx of individuals from neighboring countries, with 220,000 arriving “illegally” in 2022 alone.

“The security forces were forced this Sunday… to carry out an emergency operation to combat crime and the trafficking of illicit goods observed in a certain sector of Djibouti city,” Hassan said.

State-run television RTD reported that approximately 3,000 people had been detained in the operation and taken to deportation centers. They will be transported in trucks back to their countries of origin.

“These operations will continue throughout the territory,” Hassan added.

Irregular migrants facing new rules

Djibouti, which has a population of around one million, lies along a perilous migration route from Africa for individuals fleeing conflict, climate disasters, or seeking a better life.

In response to the growing crisis, Hassan said that irregular migrants employed in the informal sector could register and be provided with “circulation documents,” provided their employers declared them to local authorities.

For those without work, the Interior Minister encouraged them “to return immediately and voluntarily to their country of origin.”

He set a 30-day deadline for irregular migrants to comply with the new rules.

Concerns over illegal immigrants

“Illegal immigrants are like a time bomb in Djibouti; there are so many of them,” an unemployed 45-year-old named Bilan told AFP, declining to provide his full name.

Bilan’s statement reflects the growing concerns of Djibouti’s citizens over the rising number of migrants entering the country.

With the government’s new crackdown and enforcement measures, it remains to be seen how the situation will unfold and its impact on Djibouti and the region at large.

Madaxweyne ERDOGAN oo ku dhowaaqay WAR culus

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Axaddii sheegay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay Suuriya ku dileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi.

“Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk.

Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi.

Waxa kaloo uu yiri “Tani waa markii ugu horreysay oo aan halkan ka sheego, qofkan waxaa lagu soo geba-gabeeyay hawlgal ay MIT fulisay.”

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. 

Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero, waxayna ka mid tahay meelaha ugu badan ee uu saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

Daacish ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee Daacish lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya.

Daacish ayaa la wareegtay dhul ballaaran oo Ciraaq iyo Suuriya ah sanadkii 2014-kii, waxaana madaxii xilligaas Abu Bakar al-Baghdadi uu kaga dhawaaqay khilaafaad Islaami ah dhulalka ay ku nool yihiin malaayiin.

Balse Daacish ayaa lumiyay awooddii ay ku haysay dhulkaas, kadib hawlgallo ay sameeyeen ciidamada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo sidoo kale ciidamada Suuriya oo ay taageerayaan Iran, Ruushka iyo ciidamo kala duwan.

Daawo: Bahda Waxbarashada oo si adag uga hor-timid taxane ka bilowday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bahda Waxbarashada ee gobolka Banaadir ayaa si adag uga horyimid taxane cusub oo lagu magacaabo ARDAY, kaasi oo telefishanka Bile uu baahintiisa bilaabay saddex maalmood kahor.

Taxanahan oo lagu duubay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxay bahda waxbarashada ee gobolka Banaadir ay ku sababeeyen diidmadooda in film-kan uu gudbinayo anshax xumo ka dhan ah magaca uu wato ee “ARDAY”.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen bahda waxbarashada ee gobolka Banaadir ayaa waxay ku sheegeen inay go’aankan ku mideysan yihiin “bahda waxbarashada, culuma’udiinka, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada, ganacsatada iyo waalidiinta.”

Waxay sheegeen in film-kan cusub uu duullaan ku yahay waxbarashada dalka, Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed, “Waxaa soo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga hortago khatarta ka dhalan karta anshax xumada film-kaan.”

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu cambaareeyay in taxanahan si ula kac ah loogu soo aadiyay waqtiga imtixaanaadka, iyaga oo ugu baaqay shirkada duubtay film-kan inay raali-gelin ka bixiso, islamarkaana ay joojiyaan baahintiisa.

“Waqtiga imtixaanaadka ayaa si kas ah ugu soo aadiyeen, si ay ardeyda uga mashquulaan waxbarashada. Arrintan waxay keeni karta inay sare u kacdo tirada ardeyda ee ku dhaca imtixaanka iskuuladda.”

“Film-ka Arday waa duulaan lagu soo qaaday Waxbarashada dalka iyo Diinta Islaamka hadii aysan dowladu joojin waxaan si kumeel-gaar ah u joojin doona waxbarashada,“ ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Marka laga imaado eedeynta iyo diidmada ay taxanahaan kala horyimaadeen bahda waxbarashada, maamulka telefishanka Bile iyo howl-wadeenada kale ee ka shaqeeyay soo saarista film-kan ayaa sheegay in taxanaha cusub uu gudbinayo waaqica ka jira gudaha Soomaaliya.

Waxay ku doodeen in taxanahaan lagu magacaabo ARDAY uu banaanka keenayo dhibaatooyinka ka dhex dhaca marxalada Ardeydnimo ee Soomaaliyeed, islamarkaana uu qeyb ka yahay wacyi-gelinta iyo soo bandhigista waaqica dalka ka jira qaab sheeko-faneed.

Si kastaba, Taxanahan oo Khamiistii si rasmi ah loo bilaabay baahintiisa, ayaa waxaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, oo ayadu sida muuqata noqon doonta marjaca u dambeeya ee doodda uu film-kan ka dhex dhaliyay bahda waxbarashada iyo shirkada soo saartay.

Hoos ka daawo

Daawo: Qoyskii uu ka geeriyooday Weriye Koonaa oo la siiyey lacag dhan $12,000

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu duceynayey Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe, dhamaadkii bishii October ee sanadkii hore.

Kulankaan ayaa lacag ka badan 12,000 oo dollar lagu gaarsiiyey qoyska Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo aad looga jeclaa shaqada saxaafadda Soomaaliya.

Bahda warbaahinta, gaar ahaan weriyaal is xilqaamay ayaa uruurinta lacagtaan soo bilaabay markii uu geeriyooday Weriye Koonaa, waxaana maanta u suurta gashay inay qoyskiisa ku wareejiyaan in ka badan 12,000 oo dollar.

Munaasabad ay ka soo qeyb-galeen bahda warbaahinta Muqdisho, masuuliyiin iyo qoyska AUN Weriye Koonaa oo lagu qabtay beerta Nabadda ayaa lagu wareejiyey lacagtaan.

Waxaa halkaas lagu akhriyey Qur’aan, waxaana loo duceeyey marxuumka, iyo wiil saqiir ah oo ifka uu kaga tegay, Mahanad Maxamed Ciise Koonaa ayaa ka nool reerka aabihiis oo siyaabo kala duwan loo dilay, intii uu dalka qalalaasuhu ka jiray.

Agaasimayaal ka socday bahda warbaahinta dalka oo kulankaas ka hadlay ayaa bogaadiyey sida ay isu-garab istaagaan weriyaasha Soomaaliyeed, markii ay midkood xaaladi soo wajahdo ama uu geeriyoodo.

“Hadii sidaan oo kale qeyb kasta oo isku xirfad ah ay isugu gurmato, Soomaalidu mar hore ayey guuleysan laheyd, waxaana ku talinayaa in saxafiyiinta Soomaaliyeed lagu Dando,” ayuu yiri Ex Weriye, Xildhibaan Nuuradiin Colujoog oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeyb gashay kulankaan ducada ah.

Hoos ka daawo

DF oo shaacisay tirada Soomaalida laga soo badbaadiyey dagaalka ka socda SUDAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhawaad 1,500 oo muwaadin laga soo saaray dalka Sudan kadib markii ay sii xumaatay xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliy ee Sudan Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inuu weli socdo dadaallada lagu soo daabulayo muwaadiniinta, ayna samata-bixintooda si weyn iskaga kaashanayaan safaaradaha dalalka deriska ah.

“Waxaa lagu guuleystay dowladdaha deriska ah inay xiriiro la sameyso oo ogolaadan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waddanka Sudan kasoo cararaya u ogolaadan inay waddankooda u furaan. Dadka u badan waxay u socdaan dhanka Ethiopia,” ayuu yiri.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo xilligaan ku sugan dhanka Xadka, si uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu fududeeyo wixii dukumenti ah ee ka caawinaya ka bixitaanka Sudan, ayaa waxa uu markale ku celiyay in dowladda diyaar u tahay in dadka weli ku go’doonsan gudaha Sudan inay ka saarto.

“Shaqada meel fiican ayay mareysa oo dadkii intii bixi karta ay baxeen, inta gobollada qaar ku go’doonson ee raba inay baxaan waxaa diyaar u nahay in aan ka saacidno wixii dukumenti ah, kana saarno Sudan.”

“Sudan tan iyo 2019-kii waxaa hoos u dhaceysay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u tageysay Sudan. Marka waxaa mooda in ardayda iyo tirada dadka Soomaaliyeed ee dalka Sudan ay soo yaraanayeen, marka qiyaasta waa ku dhawaad laba kun oo arday ah wax ka baranayeen Sudan. Jaaliyad muddo dheer iskaga nooleyd oo ka shaqeysata ay ku nooleyd waddanka.”

Xabbad-joojinta iyo dadaallada kala duwan ee wada-hadal lagu abaaburayo ayaa niyad wanaag u sameysay dadka ku dhibaateysan dalka Sudan, si ay u qiimeeyaan isbaddalka ka dhici kara haddii aanay dagaal dib u billaaban.

Ajaanibtii ugu badneyd ayaa laga daad-gureeyay Sudan, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan.

Si kastaba, Sudan ayaa hadda dhan weliba ka xayiran, waxaana weli is-horfadhiya dhinacyadii dagaalamay, inkasta oo meelaha qaar laga soo warinayo isku dhacyo ciidan oo aan badneen.

Maamulka gobolka ‘oo si deg deg ah ugu yeeray’ qaar kamid ah ganacsatada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa si deg deg ugu yeeray Milkiilayaasha goobihii maqaayadaha ee la xiray ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Go’aankan cusub ee maamulka gobolka ugu yeeray ganacsatadan ayuu ku sheegay in si dib-u-eegis loogu sameeyo shatiyada ay horey u qaateen, ganacsiga ay hada ka shaqeeyaan iyo mas’uuliyadda goobahaasi, sida uu shaaciyay Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Afhayeenka oo warbaahinta la wadaagay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi sida ugu dhaqsaha badan loogu wargelinayo milkiilayaasha iska leh goobaha la xiray ee ku yaal degmooyinka; Cabdicasiis, Hodan, Wadajir iyo Waaberi.

Milkiilayaashan ayaa waxaa si gaar ah u qaabili doono maalinta berri ah oo hay’addaha dowladda ay fasax yihiin guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

“Waxaa la ogeysiinaya milkiilayaasha inay hore usoo qaatan oo ay la yimaadan Shatiga ay hore uga qaateen dowladda Hoose ee Xamar iyo caddeynta muujineysa inuu yahay milkiilaha ama wakiilka saxda ah,” ayuu yiri.

“Milkiile walba oo u dhan dukumentiyadiisa inuu Aqalka Hoose Xamar uu yimaado saacada marka ay tahay 11-ka barqanimo. Berri oo ah 1-da May oo ku beegan maalinta shaqaalaha, islamarkaana fasax laga yahay shaqooyinka, waxa uu Guddoomiye Madaale u asteeyay inuu xafiiskiisa ku qaabilo milkiilayaashii goobihii la xiray si dib u eegis loogu sameeyo.”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen ayaa waxa uu maamulka gobolka xilligaasi sheegay in laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne.

“Maamulka gobolka Banaadir waxa uu xiray goobo ganacsi oo lagu isticmaalayay maandooriye oo ay ka socdeen wax ka baxsan anshaxa iyo dhaqankeena suuban, iyada oo goobahaasi la xiray lagala noqday shatiyadii ganacsi ee hore u haysteen,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaya xilli ay caasimada ka socdaan howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, islamarkaana uu maamulka gobolka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa.

DF oo shaacisay tallaabo uu qaaday mid kamid ah madaxda u dhow Axmed Diiriye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tallaabo cusub oo uu qaaday mid kamid ah horjoogayaasha ku dhow hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab Axmed Diiriye oo kooxdu u taqaano Abuu Cubeyda.

Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Afgooye ayaa waxa uu carruurtiisa kala baxay deegaanada ay weli ku hartay kooxda, kadib markii qaar kamid ah horjoogayaasha sar-sare ee Al-Shabaab ay dagaalka kasoo saareen carruur ay dhaleen oo hore qeyb uga ahaa kooxda.

Horjooge Xasan Afgooye ayaa waxa uu kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Tallaabada uu qaaday Xasan Afgooye ayaa imaneysa xilli ay hore warbaahinta dowladda u baahisay in horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab ay diideen in carruurtooda ay ka qeyb qaataan dagaalka ay ku jirto kooxda, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah.

Warbixintaasi oo baahisay warbaahinta dowladda, ayada oo soo xiganeysa xog ay ka heshay Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay in horjoogayaasha ay carruurtooda ku noolaayeen gudaha dalka ay ka horyimaadeen in carruurtooda qeyb ka noqdaan dagaalka socda.

Sidoo kale waxaa warbixinta warbaahinta dowladda lagu sheegay intii uu socday dagaalka in horjoogayaasha kala ah; Abuu Muslim, Fu’aad Shangolo iyo Xuseen Cali Fiidoow ay dagaalka ka saareen xubno ay dhaleen oo ku noola deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Fu’aad Shangolo ayaa markii uu wiil dhalay uu kasoo saaray dagaal culus, waxa uu faray inuu si deg deg ah uu wiilkiisa uga soo baxo dhamaan deegaanada ay Khawaarijta joogaan, ayada oo ujeedkiisu ahaa in mardambe uu dagaal ku dhicin wiilkiisa,” ayaa lagu yiri warbixintaasi ay sii deysay warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha kooxda ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.

Senator Faroole oo digniin culus kasoo saaray qorshe uu wado Saciid DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa digniin culus kasoo saaray qorshe uu sheegay inuu wado madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Senator Faroole ayaa waxa uu Saciid Deni uga digay inuu furo dastuurka maamulkiisa, taasi oo uu sheegay inay cawaaqib xumo ka dhalan karto furitaanka dastuurka maamulkaasi, xilli ay Puntland ku sugan tahay marxalado siyaasadeed oo xasaasi ah.

“Waxaan rumeysanahay Dastuurka la fara fareeyo iyadda oo dowladda waqtigeeda ay ka hareen bilo inay keeni karto dhibaato aan hadhow laga bixi karin. Waxyaabo kale oo badan ayaa la isku haystay; doorashada nooceeda sax ma tahay, iyadda oo aan la dhameyn iyo wixii horey uga dhacay saddexdii degmo, marka haddii wax kale lagu sii daro harti caloosha laga raray bay noqoneysa,” ayuu yiri.

Faroole oo hoggaamiye ka ah urur siyaasadeedka mucaaradka ah ee Horseed ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aysan jirin daruufo aan laga fursan karin oo qasbaya in dastuurka la furo, isaga oo ka horyimid in dano shaqsi ah loo furo dastuurka Puntland, islamarkaana wax ka bedel lagu sameeyo qoddobada qaar.

“”Dowladda uu madax ka yahay Saciid Cabdullaahi Deni haka waantowdo. Wixii dhibaato ah ee ka yimaadda hadhow iyadda ayaa masuul ka noqoneysa, waxaa leeyahay dadka dalka u dhashay ee wixii la doono la iska marsado wax dib ka xumaan doono horey yaan loo taaban.”

Faroole ayaa waxa uu ku eedeeyay Saciid Cabdullaahi Deni inuu tallaabadan u qaadayo “danaha sii joogitaanka kursiga madaxweynaha awgeed,” taasi oo uu sheegay inay dhibaato horleh u horseedi doonto maamulka Puntland, haddii aan laga joogsan.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayay wararka sheegay damaca madaxweyne Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib kulan xasaasi ah oo uu la yeeshay ururada siyaasadda.

Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.

Si kastaba, Madaxweyne Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

Xogta kulan dhex-maray ergey Guuleed iyo safiirka Midowga Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulankaan ayaa waxay uga wada-hadleen labada mas’uul sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo wada-hadallada uu hormuudka ka yahay ergey Guuleed dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland ayaa ugu horeyntii waxa uu safiirka uga warbixiyay sida ay nooga go’an tahay dib u bilaabidda iyo dardar-galinta wada-hadallada Somaliland, isaga oo la wadaagay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in dowladda federaalka Soomaaliya uga caawiyaan dadaalada lagu xoojinayo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Tiina ayaa sidoo kale waxay u ballan-qaaday ergayga gaarka ah ee madaxweynaha inay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta wada-hadallada Somaliland, oo la filayo inay dib u billowdaan sanado badan oo hakad ku jireen kadib.

Kulankaan uu ergay Guuleed uu la yeeshay safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann ayaa qeyb ka ah kulamo uu maalmihii u dambeeyay uu la yeelanayay wakiiladda beesha caalamka, kuwaasi oo ku qotomay dardar-gelinta arrimaha wada-hadallada loo xil-saaray.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishaan u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland.

DF oo Soomaalidii ugu badneyd ee SUDAN kasoo dejisay laba magaalo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay Soomaalidii ugu badneyd ee laga soo daad-gureeyay dalka Sudan, oo uu ka qarxay dagaal galay toddobaadkii saddexaad.

Muwaadiniinta maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa tiradooda gaareysa 123 muwaadin, kuwaasi oo ku xanibnaa dalka Sudan, una badan Arday halkaasi wax ka baraneysay, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muwaadiniintan ayaa 78 kamid ah waxaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oo la keenay, halka 45 laga dajiyay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Dowladda ayaa waxay muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia kasoo qaaday magaalada Addis Ababa, waxaana garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada.

Halka Garoowe ay 45 muwaadin ee kale ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, waxayna horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.

Ciidamada DANAB oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyeen gobolkaasi.

Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay ku beesgadeen deegaan ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ceel Cali Godle oo dhanka waqooyi ka xiga deegaanka caanka ah ee Ceel Cali ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil u hadashay ciidanka Danab ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen saldhigyo ay kooxda ku lahayd halkaasi, kuwaas oo kasoo abaabuli jirtay weeraro qorsheysan.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha Danab intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan howlgallada, isla-markaana ujeedka uu yahay inay Shabaab ka xoreeyaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab iyo kuwa Macawiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada lagu jabiyay Al-Shabaab, isla-markaana inta badan laga saaray deegaanada gobolkaasi oo ay ku lahaayeen saldhigyo waa weyn.

Bariga Hiiraan ayaa sidoo kale kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad dagaal, waxaana la filayaa in haatan in wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

WARAABE: Farmaajo wuu saxsanaa markii uu isku dayay inuu dilo CC Shakuur

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shalay si weyn Somaliland ugu dhaliilay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Somaliland ku eedeeyay inay gabood-fal ka gaysatay magaalada Laascaanood, waxaana uu tilmaamay in shacabka aan lagu qasbi karin wax aysan rabin, sida uu hadalka u dhigay.

“Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna maleh”.

Dhankiisa Faysal Cali Waraabe oo u jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay inuu yahay nacas weyn, sida uu ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ku saxnaa markii uu isku dayay inuu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay loogu weeraray gurigiisa.

“Farmaajo wuu saxsanaa markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waa nacas wayn” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ah nin aad u naqdiya siyaasiyiinta kasoo jeedo koonfurta ayaa marar badan weeraro afka ah ku qaaday dowladda federaalka iyo reer Muqdisho.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysaa xaalado adag oo isbiirsaday sida daagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashooyinka oo ay weli isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda maamulkaasi.

Maandooriyihii ugu badnaa oo lagu qabtay Wadajir iyo Dharkenley + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta iyo xalay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay degmada Wadajir ayaa waxaa lagu soo qabtay maan-dooroye fara badan oo xashiish ah iyo nin ganacsanayay, kaas oo lagu xiray saldhigga degmadaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafqsan, maadaama la mamnuucay maan-dooriyaha.

“29/04/2023 Abaara 11:00 pm, Ciidanka Boliiska Qeyta Galbeed iyo ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah waday, ayaa soo qabtay,maandooriye tira badan oo xashiish ah iyo Eedeysane lagu magacaabo C/qaadir C/llaahi Axmed waxaana gacanta ku haya saldhiga booliiska Wadajir, waxaana la horgeynd oonaa Cadaalada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ciidamada Booliska gobolka Banaadir oo kaashanayaa kuwa Boolis Militare ayaa howlgal kan lamid ah sameeyay degmada Dharkenley, waxaana lagu soo qabtay maan-dooriye iyo nin kale oo eedeysane ah oo la sheegay inuu ka ganacsanayay, kaas oo uu isna taliska boolisku sheegay in la horgeyn doono maxkamadd, si looga qaado tallaabo adag.

“29/04/2023 Abaara 22:30 pm, Ciidanka Boliiska Qeyta Galbeed gaar ahaan saldhiga ciidanka booliiska dharkeynley oo howlgal waday, ayaa soo qabtay,maandooriye tira badan sida xashiish iyo calaq. Eedeysanaha waxaa gacanta ku haya saldhiga booliiska Dharkeynley, waxaana la horgeyn doonaa cadaaladda” ayuu mar kale yiri Booliska.

Ugu dambeyn wuxuu talisku farriin guud u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan la dagaalanka maan-dooriyaha oo haatan si dardar leh uga socdo gudaha caasimada, gaar ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.

“Muwaadin hadii aad aragto arimo lid ku ah Amniga caasimada waxaa naga soo waci kartaan numberka gaaban ee 991” aya lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayo maanka-dooriyaha, ciyaal weerada iyo burcadda.

Daawo: Fartaag oo dhaq-dhaqaaq ciidan ka bilaabay GEDO

0

Baardheere (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubnaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale dib ugu laabtay gobolka Gedo, halkaas oo uu haatan ka bilaabay dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogleh.

Fartaag oo siyaasad ahaan si weyn uga soo horjeedo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab uga dhawaaqay degmada Baardheere.

Senatorka ayaa marka hore booqday xero lagu tababarayo ciidamo deegaanka ah oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobolkaasi.

“Waa soo noqday waxaa usoo noqday waxaa weeyaan inaan idin ogaado waxaad qabtaan waxaad cuneysaan, waxaad cabeysaan iyo tababarkiina” ayuu yiri Senator Fartaag.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inuu ka billowdo deegaanada maamulka Jubbaland.

“Waxa la’idin diyaariyay waxaa weeyaan ka qayb qaadasha wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Khawaarij maanta waa dhammaatay ayaan u maleynaa”. ayuu raaciyay.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo qayb ka ahaa qorshaha lagu aas aasay ciidankan ayaa ujeedkooda ku sheegay inay ka dhabeynayaan amarkii madaxweynaha Xasan ee ahaa la dagaalanka Shabaab, isla-markaana ay xoreynayaan gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa horay uga hortimid dhaq-dhaqaaqyada ay Senator Fartaag iyo wasiir Janan ka wadaan Gedo, gaar ahaan in ciidamo Macawiisley ah lagu dhiso gobolkaasi.

Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay mar kale soo rogaal celisay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi dib ugu laabteen Senator Fartaaq iyo Janan oo haatan abuul siyaasadeed iyo mid ciidan ka wada halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo sii jiitameysay, kahor iyo kadib-ba doorashadii soo dhammaatay ee 2022.

Sawirro: Axmed Madoobe oo saddex arrin kala hadlay madaxweyne Cagjar

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay dhiggiisa is-maamulka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar.

Kulanka ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Mustafe Cagjar casho sharaf ku maamusay Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo in dhowaanahan ku sugnaa caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay uga wada-hadleen saddex arrimood oo kala ah iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay baahisay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

“Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan” warka qoraalka ah ee kasoo baxay dhanka maamul goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa horay ula kulmay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga tallada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shidde.

Dhammaan waxaa kulamadaas looga hadlay soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee Itoobiya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo sida la rumeysan yahay meesha ka baxay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka dalkaasi, kaasi oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howl-galada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka Axmed Madoobe ee dalka Itoobiya iyo kulamada uu ka wado Addis Aabab ayaa waxaa qorshaheeda lahaa dowladda Imaaraadka Carabta, oo iyadu ka shaqeysay isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ee xilligaan.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas oo xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen.

Shabaab oo ku soo laabtay duleedka degmada Mahadaay kadib go’aankii ganacsatada

Mahadaay (Caasimada Online) – Xaalad baqdin ah ayaa la soo sheegaya in ay la soo deristay shacabka ku dhaqan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al-Shabaab lagu arkay deegaano hoos yimaada degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab lagu arkay duleedka degmadaasi, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Webiga Shabelle.

Imaanshaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay jawaab u tahay, kadib markii ganacsatada Degmada Mahadaay ay iska diideen dhaqaalihii ay maleeshiyadaasi siin jireen.

Iyadoo loo hoggaansamayo awaamiirta ay Dowladda Federaalka ka soo saartay inaanan lala macaamili karin Al-Shabaab, dhaqaalana aan la siin karin ayay ganacdato badan oo dalka sugan bilaabeen in ay joojiyaan lacagihii ay siin jireen maleeshiyadaasi.

Sidoo kale dib ugu soo laabashada mintidiinta ee deegaanadaasi ayaa imaanaysa, xilli ay istaageen hawlgaladii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay maleeshiyadaasi kaga sifeynayeen dhulka hawdka ee Degmada Mahadaay.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dadka reer Mahadaay ay xilligan ka baqdin qabaan in maleeshiyada Shabaabka ay soo weeraraan degmada, inkastoo ay degmadaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Marka laga soo taggo dagaalka tooska ah ee ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada, dowladda ayaa sidoo kale Shabaabka kala dagaalameysa dhanka dhaqaalaha iyo weliba xagga fekerka.

Sawirro: Ciidanka xoogga oo galabta deegaan muhiim ah ka xoreeyey Al-Shabaab

0

Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta howlgallo lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ugu culus wuxuu galabta ka dhacay degaanka Ceel-Cali-godle oo dhanka waqooyi kaga beegan degaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka ayaa cagta mariyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen Al-Shabaab, halkaas oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay kooxdu soo dhoobtay dagaalyahano badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in qoysas reer miyi ah ay deegaankaas ka raacdeeyeen, si aan loo helin xogtooda, balse waxaa la sheegay inay maanta carareen, markii ay ka war-heleen in ciidanka dowladda uu ku soo duulay.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii maanta ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel-Cali-godle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta u sheegay in aysan ka hari doonin kooxdii ka carartay deegaankaas ee  Al-Shabaab oo weli ku dhuumaaleysaneysa dhulka howdka ah ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Todobaadyadaan waxaa gaabis ah duulaanka dowladda ee dagaalka Al-Shabaab, waxayna ciidanka ugu badan hadda kala joogaan Galcad iyo Ceeldheer oo ka tirsan Galgauud.

Wixii ka dambeeyey markii kooxda Al-Shabaab ay ciidanka ku weerartay deegaanka Budbud oo lagu dilay askar badan gaadiid badana ay ku gubeen, waxaa hakaday dhaqdhaqaaqii ciidanka, waxayna hadda u muuqataa in kaliya ay is difaacayaan.

Ciidanka qaranka oo ka tallaabay gobolka Shabeellada Dhexe, gudahana u galay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo waligood ay Shabaab maamulayeen ayaa isku diyaarinaya xoreynta qeybaha ay gobollada ka joogto kooxdu.