31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Dagaalka ka socda Sudan oo saameyn culus ku yeeshay Jabuuti

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadanka Jabuuti waxaa saameyn weyn ku yeeshay qulqulka dadka ka baxsanaya dagaallada ka qarxay dalka Suudaan, dadkaan oo reer Galbeed u badan ayaa buux dhaafshay garoomada caalamiga ah ee Jabuuti.

Dadka gaaraya Jabuuti waxaa laga soo daadgureynayaa caasimadda Sudan ee Khartoum, si loogu gudbiyo dalalkooda.

Garoonka diyaaradaha ee Djibouti waxaa si joogto ah maalmahaan u fariisanaya oo soo caga dhiganaya diyaarado badan oo howlgallo daad-gureyn ah ka wada Suudaan.

Dadkaan ayaa hadda bilaabay inay u sii amba-baxaan dalalka Midowga Yurub oo intooda badan ay ka soo jeedaan, waxaana laga dhoofinayaa Jabuuti, iyadoo koox walba dalka ay u dhasheen dib loogu celinayo.

“Si wanaagsan oo aad aan u jecleystay ayaa la iigu soo dhaweeyey Jabuuti, waxaana jeclahay inaan dib ugu soo laabto dalkaan, markii laga baxo xaaladaan daad-gureynta ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii maanta laga dhoofiyey garoonka magaalada Jabuuti oo dib ugu laabtay wadankiisii.

Nin kale oo ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey dagaalka ka socda Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka reer Jabuuti ay xusuus gaar ah ku reebeen, kadib markii ay magan-geliyo iyo soo dhaweyn u fidiyeen.

“Waa markii ii ugu horeysay oo aan Jabuuti cagaha soo dhigay, markii laga laga baxo xaaladaan samata-bixinta ah ayaan dib ugu soo laabanayaa dadkaan wanaagga badan,” ayuu yiri ninkaan oo maanta diyaarad loo saaray qaaradiisa Yurub.

Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad.

Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada militariga Suudaan iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa sii socda inkastoo Jimcihii lagu dhawaaqay in la kordhiyo xabbad joojin soconeysa 72 saacadood, iyadoo dagaalka la isku adeegsanayo duqeymaha, taangiyada iyo madaafiicda uu gilgilay Khartoum iyo magaalooyinka ku dhow ee Bahri iyo Ombdurman.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF kaasi oo soo bilowday 15-kii bishan April, kaasi oo quus geliyey qorshe ay beesha caalamku taageersaneyd oo dalkaasi uu ugu guurayay hannaan dimuqraadi ah.

Dagaalka ayaa sidoo kale dib u soo kiciyay colaadda labaatan sano jirsatay ee gobolka galbeedka dalkaasi ku yaalla ee Darfur halkaasi oo dad badani ay toddobaadkan ku dhinteen.

Ciidanka ayaa diyaaradaha dagaalka ama kuwa aan duuliyaha laheyn ee drones-ka ku beegsanayay xaafadaha ay ciidamada RSF kaga sugan yihiin caasimadda. Dad badan oo ku nool magaalada ayaa ku xayiran dagaal magaaleedka oo keenay raashin yari, shidaal iyo koronto la’aan.

Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo aaminsan khasaaraha dhabta ah uu intaasi aad uga badan yahay.

Daawo: Banaan-bax culus oo looga soo horjeedo xaalad Muqdisho ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaan-bayo culus oo lagu taageerayo qorshaha maamulka gobolka Banaadir uu kula dagaalamayo maan-dooriyaha ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Banaan-baxaan waxaa dhigay dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir, waxayna la hadleen warbaahinta, iyagoo cod dheer ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ku garab taagan yihiin qorshihiisa suulinta daroogada.

Dhalinyaradaan ayaa si gaar ah taageero ugu muujisay go’aankii uu qaatay guddoomiye Madaale oo gacantiisa ku uleeyey dhalinyaro isticmaaleysay maan-dooriyaha.

“Xumaan wade dooni meyno, maan-dooriye dooni meyno,” ayey ku qeylinayeen dhalinyaradaan oo socdaal ku soo martay qeybo badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii dhalinyaradaan ayaa isugu tagtay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, halkaas oo warbaahinta ay kula hadleen.

“Waxaan maanta sigu soo baxnay suulinta maandooriyaha iyo silica ka jira magaalada Muqdisho, wado fiican ayuu guddoomiye Madaale noo furay, waxaana rajeynayaan in Muqdisho laga siiliyo xumaan oo dhan,” ayey tiri gabar ka mid ah dhalinyaradii banaanbaxa dhigtay.

Waxay dhalintaani duqa Muqdisho ku dhiirageliyeen inuu sii laba jibaaro dagaalka uu kula jiro maan-diiriyaha, “Madaale waan kula shaqeyneynaa, guryaha iyo goobaha lagu qariyana, waan kaala soo saareynaa daroogada,” ayey tiri gabar kale.

Sidoo kale dhalinyaradu waxay codsatay in magaalada, gaar ahaan dekedda iyo garoonka laga joojiyo maandooriyaha laga soo dejiyo, “Dhalinteena qaar waxay aamintay in aysan joogi karin Taabuu la’aan ee deg deg waan wax uga qabano arrintaan,” ayuu yiri wiil ka mid ah banaan-baxayaashii galabta.

Hoos ka daawo

CC Shakuur oo soo saaray warbixin lid ku ah dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo soo saaray warbixin dheer ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka.

Cabdiraxmaan oo qormo cajiib ah ku daabacay boggiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay shaqada baarlamaanka, arrimaha ammaanka, siyaasadda, dagaalka iyo Laascaanood, wuxuuna saluug weyn iyo dhaliil ka muujiyay hannaanka ay wax uga socdaal waddanka.

Ergeyga ayaa warbixintiisa ku muujiyay inuu jiro gaabis weyn oo ay sameynayaan hay’adaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir, balse waxa uu tilmaamay in uu si adag oo kalinimo ah u shaqeynayo madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hooose ka aqriso:-

Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6 Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr, ku xiji kan Habargidir, Hawiye, xildhibaannada Galmudug, mid loo bixiyey aayaha Baarlamaanka, kan guud ee Golaha shacabka. Midkoodna hawlihii Golohu lahaa ee sharci dejin, jihayn siyaasad qaran, korjoogtayn laanta fulinta metelaad deegaan, iyo doodaha masiirka dawlad dhiska, la dagaalanka Alshabaab toona loogama hadlo.

Golaha Shacabku xubnihiisu waa 275 mudane, lagu so xulay 4.5, laakiin jufo, beel ama qabiil isku ajande ah, ama isku meel wax u wadaahi ma jiro. Xisbiyo ama kutlooyin laga tirsan yahayna ma laha.

Xildhibaan kasta madaxiisaa mayrax ugu xiran tahay, waa nin walbow naftaa nabiyow umaddaa. Qaar waxay ka joogtaa maxaaan shaqadaydii uga soo tegey.

Markii Golihii la xiray Cumro, Istanbuul iyo Nairobi ayaa loo kala yaacay. Nairobi waxaa maalmo dhow ku sugnaa ku dhowaad 10 wasiir iyo 100 xildhibaan oo danahooda shakhsiga ama qoysaskooda la jooga, kuwaa ayaan ka mid ahay.

Maqaayadaha iyo hoteellada Kenya ayaa la isaga soo hor baxaa. Ra’iisul Wasaarihii isna ku dhowaad labo toddobaad ayuu Cumro iyo Ciid ku maqnaa.  Allaha ka aqbalo.

Madaxweynaha kaligiis ayaa harjad iyo halgan dagaal Al-Shabaab kula jira. Wuxuu u egyahay nin sidii Nabbi Muuse (CS), lagu yiri

“Tag oo adiga iyo Ilaahaaga dagaallama halkaan ayaan kugu sugaynaa”. Qof walba in Alshabaab laga soo adkaado ayey sugaysaa. Waa dagaalkii Putin iyo Ukraine oo kale.

Maayarkii Muqdisho isagoo dhallinyaro budayn ku jira, ayaa magaaladii mar qura biyo ku soo burqadeen, bullaacadihiina wada butaaceen, Bajaajtiina weli ma bejin.

Waxaan arkay ruux masuul ah oo Facebook-giisa ku aammanay bakooradda Maayarka, labo maalin ka dibna isla qofkii ayaa la ii sheegay in uu qolo ajnabi ah kula sheekaysanayey in Maayarku yahay xagjir loona baahan yahay in dalka laga qabto.

La yaabbi mayo, sababtoo ah labo wajileynta waxay noqotay meherada keli ah ee maanta siyaasadda ka furan.

Ma sahlana in aad siyaasadda ka libin keento haddii aad waydo saaxib runta kuu sheega, dhufaysna kuugu jiraan mucaarad iyo maamul gobolleedyo doonaya in ay ku wiiqaaan, dagaalna kula jirto cadow doonaya in uu ku dilo.

Dunida ma jiro dal 30 sano gobannimo la’aan ah, dadkiisuna la noolyihiin argagexiso, colaad, faqri, cudur, waxbarasho la’aan, abaaro, fatahaad, sharci iyo kala danbayn la’aan, dhallintiisiina rajo beel iyo quus darteed, ay qax iyo tahriib hor leh billaabeen.

Dagaalka Laascano weli ka socda ee dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo hanti burburka baaxadda leh sababay wuxuu tilmaan ka bixinaya halka ay Soomaali 30 sano ka dib taagan tahay.

Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?

Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna waa kuwa leh;

“Abidkeeyba meel lagu xintamo waa anigaa xigaye

maxaa iga xumaan jiray, haddii rag is xiniin taabto”.

Halkaa sawir aan wanaagsanayn iyo saadaal aan wacnayn ayaa ka soo socota.

Taa waxaa la mid ah muddo xileedka gabaabsiga ah ee madaxda dawlad Gobolleedyada Federaalka iyo damaca muddo kororsiga ee ay wada qabaan, goodiska, hanjabaadda iyo is abbaabulka ay wadaan siyaasiyiinta diiddan xil kororsiga ee iyaga xukunka kula loollamaya iyo ka dan la’aanta qaybaha kale ee  bulshada iyo daalka ka muuqda beeshii caalamka ee booliska ahayd, waxaasoo idil waa  daruur mugdi ah oo Soomaaliya dul hoganaysa.

Culimada cilmiga bulshada waxay yiraahdaan, “sida ay ummadi u nooshahay waxay ka turjumaysaa aragtida ay nolasha ka qabaan”. Cidna ku eedi mayno waxaan u noolnahay sidii aan mutaysanay.

Carabta waxay tiraahda; “shidooy bado si dhabbe u furmo”. Habeenku marka uu ugu mugdiga badan yahay ayuu waagu dillaacaa, siday u indha xuntahay uma Alle la’a, inkastoo Qaanuunka Rabaaniga uu ahaa “Ilaaheey qolo ma beddelo ilaa iyo inta ay iyagu iska beddelaan”. “Qaanuunka Allana isma beddelo ismana doorsho”

Isbedel kama horeeyo iyadoon sida aan u fekerayno iyo aragtideena diinta, aduunka iyo dawladnimada isbedelin.

R/W Xamza oo dhoolatus sameeyay xilli uu socdo mooshin culus + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sameeyay dhoolatus weyn, xilli uu soo shaac baxay mooshin ay ka wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Ra’iisul wasaare Xamza oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa ugu maqnaa gudashada Cumrada, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Soo dhaweynta loo sameeyay ra’iisul wasaaraha oo ka duwaneyd kuwii horey loogu sameyn jiray ayaa kusoo aaday, xilli aad loo hadal hayo mooshinka ay ka wadaan xubnaha baarlamaanka, waxaana Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha Wasiirada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Al-Shabaab,.

Waxa kale oo uu xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsan doonto guulo kale oo waaweyn, kuwaas oo ay kamid yihiin dhammeystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday.

Dhanka, kale ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu sii laba jibaaro shaqadiisa, si uu uga hortago abaabulka xilka looga tuurayo, waxaana qorshuhu yahay inuu bilaabo kulamo siyaasadeed oo uu la qaadanayo xubnaha beesha caalamka iyo xildhibaanada qudhooda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in mooshinka ka dhanka ah Xamza lagu diyaarinayo Nairobi oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano kamid ah baarlamaanka, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran.

Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada.

Dagaalka SUDAN oo galay todobaadkii saddexaad iyo wararkii ugu dambeeyay

Khartoum (Caasimada Online) – Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad.

Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada militariga Suudaan iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa sii socda inkastoo Jimcihii lagu dhawaaqay in la kordhiyo xabbad joojin soconeysa 72 saacadood, iyadoo dagaalka la isku adeegsanayo duqeymaha, taangiyada iyo madaafiicda uu gilgilay Khartoum iyo magaalooyinka ku dhow ee Bahri iyo Ombdurman.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF kaasi oo soo bilowday 15-kii bishan April, kaasi oo quus geliyey qorshe ay beesha caalamku taageersaneyd oo dalkaasi uu ugu guurayay hannaan dimuqraadi ah.

Dagaalka ayaa sidoo kale dib u soo kiciyay colaadda labaatan sano jirsatay ee gobolka galbeedka dalkaasi ku yaalla ee Darfur halkaasi oo dad badani ay toddobaadkan ku dhinteen.

Ciidanka ayaa diyaaradaha dagaalka ama kuwa aan duuliyaha laheyn ee drones-ka ku beegsanayay xaafadaha ay ciidamada RSF kaga sugan yihiin caasimadda. Dad badan oo ku nool magaalada ayaa ku xayiran dagaal magaaleedka oo keenay raashin yari, shidaal iyo koronto la’aan.

Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo aaminsan khasaaraha dhabta ah uu intaasi aad uga badan yahay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dad ka badan 75,000 qof ay gudaha dalkaasi ku barakeceen toddobaadkii u horreeyey ee dagaalka oo kali ah. Kaliya 16 boqolkiiba isbitaallada magaalada ayaa si caadi ah u shaqeynaya.

Xabbad joojinta u danbeysay oo ay ka shaqeeyeen quwado shisheeye ayaa ku ekkaan lahayd habeenka Axadda.

RSF ayaa ciidamada ku eedeysay in ay jebiyeen xabbad joojinta oo ay duqeeyeen fariisimadooda magaalada Omdurman, oo mataan la ah Khartoum ahna halka uu Wabiga Niilka Buluugga ah kula kulmo Niilka Cad, iyo Buurta Awliya.

Ciidamada ayaa iyana RSF ku eedeeyey in ay jebiyeen xabbad joojinta.

William Ruto oo saaray dalab ka dhan ah Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto oo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa soo saaray dalab culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro khasaare geysta iyo qaraxyo xoogan ka fuliso gudaha waddankiisa.

Ruto oo ka qayb-galay shir Khamiistii ay magaalada Kampla ku yeesheen dalalka ay ciidanka ka joogaan gudaha Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in lasoo afjaro agragaxisada iyo amni darada ka jirta gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya looga baahan yahay inay xoojiyaan wadashaqeyntooda, is-dhaafsiga xogaha sirdoonka iyo iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab iyo ka hortagga guud ahaan khatarta argagaxisada.

William Ruto ayaa sidoo kale boggaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee howlgalka Midowga Afrika, wuxuuna sheegay inay guul weyn ka gaareen hadafkooda xaislinta Soomaaliya.

“Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Ciidanka ATMIS guusha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab iyo howgalka xasilinta Somalia,” ayuu yiri madaxweyne William Ruto.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Kenya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay diiradda saaraan sidii dhaqaale ahaan loo taageeri lahaa ATMIS, oo soo wajahday mushaar la’aan kadib markii midowga Yurub uu jartay 60 milyan oo dollar siin jiray sanad weliba, taas oo culeys u keentay howlgalka.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladdiisa ay ka go’an tahay sii wadista taageerada Soomaaliya, si looga adkayo kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah labada waddan.

“Xasiloonida gobolka ayaa laf-dhabar u ah horumarka xiriirka ganacsiga Kenya iyo Somalia, ayuu mar kale yiri madaxweyne Ruto.

Si kastaba, Kenya ayaa kamid ah dalalka qaybta ka ah ATMIS, waxayna ciidamadeeda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Cali Jayte oo Mareykanka kala hadlay wajiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay aaladda Zoomka ku yeesheen guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan iyo safiirka Mareykanka ee xilka kasii dagaya Larry André.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay howlgallada xoreynta ee haatan ka socda deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Larry André ayaa marka hore Cali Jayte ku boggaadiyay sida uu maamulka doorka weyn u siiyay la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama uu guullo waa weyn laga soo hoyay.

Sidoo kale danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay dagaal beeleed maalmo kahor ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada 5 qof.

Dhankiisa guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahadceliyay taageerada milatariga ee uu siiyo Soomaaliya, wxuuna ka dalbaday inuu sii laba jibaaro, isla-markaana uu ka qayb qaato wajiga 22-aad ee dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xukuumadda Washington ku amaanay kaalmada isugu jirta hubka, saanada iyo taageerada dhanka cirka ah ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna taageeradiisa muhiin u tahay gulufka dagaal ee ay haatan wado dowladda Soomaaliya.

Bishii Janaayo ee sanadkaan 2023, ayay aheyd markii uu Mareykanka $9 milyan oo doollar oo isugu jira hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu Maraykanku bishii March dowladda federaalka ku wareejiyay deeqdii labaad oo ka kooban 61 tan oo hub iyo rasaas ah taas oo loogu talagalay ciidanka Danab.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda duulaan toos ah oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo waa weyn, kadib markii kooxda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Prof Samatar oo WEERAR culus ku qaaday Madaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo haatan kamid ah Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), xilli uu ka falcelinayay howlgalkii uu dhowaan ka sameeyay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Prof. Samatar ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo la daagaalanka maandooriyaha, balse waxa uu ka horymid tallaabadii uu qaaday Madaale.

Senatorka ayaa sidoo kale su’aal ka keenay hab dhaqanka guddoomiyaha, gaar ahaan dhalinyaradii uu ku garaacay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla xeebta Liido.

“Labo waji ayay arrintu leedahay maadooriyeyaasha, qamriga iyo wixii xaaraan ah in laga qabto waddanka waa mid Soomaali oo dhan ay isku raacsan tahay anigana aan ku raacsanahay, laakiin waxa la’isku hayo habka ay dowladda arrintaan wax uga bedddali lahayd miyaa habkani, mise waa hab kale?” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tallaabada ugu horreyso ay tahay in marka hore digniin la siiyo dadweynaha, kadibna howsha fulinta ay qabtaan hay’adaha ammaanka.

“Waxaa kuu muuqda nin guddoomiye gobol sheeganaya oo bud sida, carrruurna ku garaacaya, isagu ma askarigii ciqaabayaybaa?. Howshiisu howshaa ma’aha waxa weeyaan in lasoo saaro wixii xaaraan ah in dadka loo sheego laga nadiifiyo, dadkana fursad la siiyo,” ayuu mar kale ku yiri wareysigaan oo uu Prof. Samatar siiyay Telefishinka Universal.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Waxa ay ila tahay oo i tuseysaa in meesha loo socdaa ay tahay meeshii kaligii taliska”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada uu dadar uga socdo howlgal culus oo ka dhan ah maandooriyaha, kaas oo uu hormuud u yahay gobolka Banaadir.

Si kastaba, dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha ee ka socda gudaha caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, waxaana toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo Madaale u u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Kalaabyada ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasha gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Taalibaan oo ka hortimid qorshe ay wadaan 90 dal

Islamabad (Caasimada Online) – Taliban ayaa Jimcihii sheegay in go’aankooda ay uga mamnuuceen haweenka dalkaas u dhashay inay u shaqeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobay inay tahay arrin “bulsho oo gudaha dalkaas khusaysa” ayna tahay inay ixtiraamaan dhammaan dalalka kale.

Bayaanka ay soo saareen ururka Taliban Jimcihii ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay soo saareen qaraar ay si adag ugu cambaaraynayaan tallaabada mamnuucista ah ee ururka Taliban uu ku soo rogay haweenka dalkaas.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen inay si degdeg ah u qaadaan, haweenka reer Afghanistan oo ay u ogolaadaan inay waxbaran karaan, isla markaana ay shaqayn karaan.

Qaraarkan waxaa sidoo kale taageeray in ka badan 90 dal, waxaana si weyn walaac looga muujiyey tallaabooyinka sii kordhaya ee ay qaadayaan ururka Taliban ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ee ka dhanka ah haweenka iyo hablaha reer Afghanistan.

Wasaaradda arrimaha debedda ee xukumadda Taliban ayaa sheegay in isagoo tixgelinaya dhaleecaynta, haddana in arrintaasi ay tahay mid u taalla dadka reer Afghanistan ee aanay ahayd mid khusaysa dalalka debedda.

Warbixintan waxaa qoray Ayaz Gul sidoo kale waxaa qayb ka qaadatay Margaret Besheer

DF oo xalay ku dhawaaqday qorshe wax looga qabanayo xaalad ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay kormeeray xaafadaha ay saameeyeen roobabkii xooganaa ee shalay ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo daadad xoogan watay.

Saalax oo u wehliyay duqa Muqdisho ayaa booqday xaafadda Ceelqalow iyo Warta Nabadda oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen daadadka, halkaas oo ay ka jirto xaalad adag.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa xusay in roobabka ay khasaare xoogleh geysteen, isla-markaana dhibaatada ugu daran ay wajahayaan qoysaska danyarta ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay haatan wado qorshe wax looga qabayo biyaha roobka, isla-markaana la sameyn doono biyo xereen.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qorshahaas ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan wasaaradda howlgaha guud iyo maamulka gobolka Banaadir oo is wada kaashanaya.

“Wasaaradda howlaha guud iyo gobolka Banaadir barnaamijyo wadajir ah oo ay kaga wada shaqeynayaan sidii xal waara loogu helo arrintaan ayay ku howlan yihiin, kaasi waxaa xalka durugsan xilligeeda iyo waayaheeda ayaan ka warrameynaa,” ayuu yiri Saalax Axmed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka qorshahaasi fulintiisa ay u raadin doonto lacagaha loo baayahan yahay oo uu ku sheegay malaayiin dollar, walow uusan shaacin tirada rasmiga,

“Dowladdu waxa ay u raadineysaa malaayinka dollar ee loo baahan yahay in arrintaa wax looga qabto inay gobolka ka kabto oo ay oo wax kala qabato,” ayuu sii raaciyay

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan xaalada ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada, waxaana xirmay waddooyinka qaar, kadib markii ay biyuhu fariisteen.

Turkiga oo maxkamad soo taagay 4 Wariye + Sababta

Ankara (Caasimada Online) – Afar saxafi Kurdish ah ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla dalka Turkiga iyaga oo lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) kaas oo mamnuuc ka ah dalka Turkiga.

Beritan Canozer oo u shaqeeya JinNews, saxafi Remzi Akkaya, Abdurrahman Gok oo ah tifatiraha Mesopotamia News Agency iyo saxafi kale oo lagu magcaabo Mehmet Sah Oruc ayaa xabsiga la dhigay Salaasadii ka dib hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidamada booliska ee dalkaas, kuwaas oo 21 magaalo ka soo qabqabtay illaa 128 qof.

Dadka xabsiga la dhigay ayay ku jireen illaa 10 saxafi, garyaqaan u doodayey saxafiyiin Kurdiyiin ah oo xabsiga ku jira, iyo xubno ka tirsan xisbi ay leeyihiin Kurdiyiintu oo ah kan saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka dalkaas.

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ayaa amar ku bixisay in la xayiro xisbigaas oo lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay ururka PKK, hase ahaatee xisbiga ayaa eedayntaas beeniyey.

Xadhigan ayaa ku soo beegmaya, maalmo ka hor doorashada baarlamaanka iyo madaxtinimada dalkaas oo dhacaysa bisha May 14-keeda, taasoo loo arko inay tahay doorashadii ugu adkayd ee uu galo madaxweyne Erdogan labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Ilo dhinaca amniga ah oo Turki ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dadkan loo haysto tuhuno la xidhiidha inay ururka PKK ka caawiyeen dhinaca dhaqaalaha, shaqaalaynta iyo fidinka dacaayadaha. Ururkan ayaa Turkigu u arkaa urur argagixiso.

Hay’ado kala duwan oo caalami ah oo u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka oo ay ku jiraan Freedom House, International Press Institute iyo PEN International ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkigu inay joojiso cagajuglaynta baahsan iyo handadaada ka dhanka ah saxafiyiinta Kurdida ah, hay’adohooda warbaahineed iyo garyaqaanada difaacaya, isla markaana in fursad sharci la siiyo xisbiga Kurdiyiinta, lana soo bandhigo dhammaan eedaha loo haysto.

VOA

Mucaaradka Somaliland oo diiday qorshaha odayaasha Hawiye ee Hargeysa tegay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aysan ku kalsoonayn odayaasha dhaqanka ee ka socda koonfurta Soomaaliya oo dhawaan Hargeysa u tegay xal raadinta.

“Qiimaheena ma garanayaan qoladaani, waan dhageysanay waxa ay wadaan, qolo Garowe ka soo degtay oo hadana Hargeysa timid kuma kalsoonin ee hana noqdaan ceeb u geysan meyno, laakiin kuma kalsoonin,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Odayaashaas ayaa maalmo ka hor Hargeysa u tegay dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya Laascaanood oo kala ah Somaliland iyo SSC.

“Kooxdaan waxay wadataa dan gaar ah, Puntland ayey ku hor mareen, in lasoo daayo oo dalka ay soo galaana ma ahayn, looma baahna, arrintaan waxay u taallaa Somaliland, waxaana xilisa doonaa, insha allaah,” ayuu yiri Feysal Waraabe oo BBC la hadlay.

Gudoomiye Faysal ayaa ku eedeeyay odayaasha ka baxay koonfurta Soomaaliya inay dhinac yihiin oo aan lagu aamini karin dhex-dhexaadinta la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Laascaanood.

“Waa siyaasiyiin odayaal iska dhigaya, hadii ay xal wadaan Garowe ma aysan tageen ee Hargeysa ayey toos u imaan lahaayeen, hanaga noqdaan, karaamada ayagaa iska qaaday markii ay Garowe ka degeene,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal.

Cuqaasha Hargeysa ku sugan ayaan ka jawaabin eedeynta loo jeediyay, waxaana la sheegay in marar badan ay ka cudur-daarteen inay wareysi bixiyaan, maadaama ay xog uruurin ka dhex wadaan dhinacyada dagaalamaya.

Beesha caalamka ayaa taageersan dedaallada dhex-dhexaadinta ah oo ay wadaan odayaasha ka tegay Muqdisho oo sii maray Puntland, tegay Laascaanood, kadibna u gudbay Somaliland.

Odayaashaas waxaa hoggaaminaya Ugaaska guud ee beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana markii ay tageen si wanaagsan loogu soo dhaweeyey Hargeysa oo weli ay ku sugan yihiin.

R/W Abiy Axmed oo qaaday tallaabo culus oo la xariirta dagaalka Sudan

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xilli weli dagaallo culus ay ka socdaan dalka Suudaan ayaa waxaa isasoo taraya baaqyada nabad ilaalineed ee loo jeedinayo dhinacyada isku haya dalkaas.

Koonfurta Suudaan, UN iyo hadda oo Ethiopia ay kusoo biirtay ayaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia wuxuu door dhex-dhexaadin ah ka ciyaarayaa qalalaasaha ka taagan Suudaan.

Isagoo xaqiijinaya ku lug lahaanshaha Addis Ababa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in uu wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay labada Jeneraal ee dagaallamaya, si uu ugu dhiirrigeliyo inay joojiyaan colaadda.

Xabbad-joojintii hore ayaa u suurto-gelisay kumannaan qof inay isaga baxaan dalka Sudan, halka dhowr dalna ay isku dayeen inay la baxaan muwaadiniintooda.

Muddo kordhin 72 saacadood oo kale ah ayaa daba socota dadaallo diblomaasiyadeed oo adag oo ay sameeyeen dalalka deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay.

Weli waxaa jira warar sheegaya inuu dagaal culus ka socdo magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad joojin cusub, xilli tii hore ay ku ekayd xalay saqdii dhexe.

Dhanka kale, ku dhawaad 80 Soomaali ah oo ka baxsaday colaadda Khartuum ayaa diyaarad lagu geeyay caasimadda South Sudan ee Jubba.

Waxaa ardayda uu dagaalku ku qabsaday Suudaan gurmadkaas u fidiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Suudaan.

Daawo: Daad ka dhashay Roobkii ka da’ay Muqdisho oo la tegay 6 Mooto Bajaaj

0

Muqdsho (Caasimada Online) – Roob aad u culus ayaa maanta ka da’ay magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay qoysaska, guryaha iyo wadooyinka nugul ee magaalada.

Degmooyin ay ugu horeyso Wartanabadda ayaa laga soo weriyey khasaare baaxad leh oo ka dhashay roobkii maanta ka da’ay caasimadda Muqdisho.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa tebisay in ugu yaraan lix xabo oo Mooto Bajaaj ah ay biyuhu qaadeen, kuwaas oo ku dhacay tog-weyn oo biyuhu fariistaan oo ku yaalla degmadaas.

“Markii mootooyinka ay biyuhu naga qaadeen, waxaan aadnay saldhigga degmada, cid wax noo qabata waan weynay, maadaama aan nahay canshuur bixiyaashii, waxaan dowladda ka rabnaa inay wax noo qabato,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii la hadashay warbaahinta.

Wiilkaas wuxuu sheegay in si dirqi ah uu naftiisa uga badbaadsaday markii ay mootadiisa biyuhu qaadeen, isla markaana uusan helin wax caawin ah markii ay soo wajahday xaaladdaan.

Xaafadaha qaar ee isla degmadaas Wartanabadda waxaa laga soo weriyey guryo dumay iyo carruur ay biyuhu qaadeen, inkastoo aysan jirin cid si dhameystiran uga warbixisay dhacdooyinkaas.

Roobka maanta ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa aad u biya dhigay magaalada, meelaha qaar waxaa laga quustay in la maro, waxaana ilaa caawa socda qulqulka biyaha ee wadooyinka Muqdisho.

Inta badan magaalada uma diyaarsana maareynta biyaha roobka, waxayna xilli roobaad kasta daadadku saameyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka.

Dadka ugu daran ee sanad kasta uu roobku Muqdisho ku saameeyo waa qoysaska danyarta ah ee ku nool guryaha cooshadaha ah iyo kuwa qadiimiga ah, inta badana mamulka gobolku iskuma howlo hagaajinta biyo mareenada magaalada.

Hoos ka daawo warbixin 

 

INDIA oo DF u sameysay ballan-qaad cusub oo la xiriira goobaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hindiya ayaa maanta ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo la xiriira dagaalka ka socda dalka, gaar ahaan ahaan dhanka caafimaadka ee deegaanada ay how-gallada ka wadaan ciidamada dowladda.

Hindiya ayaa Soomaaliya ugu deeqi doonta shixnado daawo iyo qalab caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed, ee ku nool goobaha dagaallada xooggan ay ka wadaan ciidamada huwanta, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya kadib kulan uu wasiirka wasaaradda oo ku sugan Hindiya la yeeshay Xoghayaha Guud ee Galbeedka Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda India Dr. Pradeep Rajpurohit.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Qunsulka ahna ku-xigeenka safiirka Cabdifataax Cabdullaahi Nuur iyo La-taliye sare Axmed Aadan Maxamed, iyada oo kulankaas looga hadlay in dowladda Hindiya fududeyso fiisooyinka caafimaadka, gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ee ku yaalla Magaalada New Delhi, isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa kala hadlay maamulka cisbitaalkaasi in dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka usoo doonta laga ilaaliyo ka faa’iidaysiga, islamarkaana la siiyo adeegyo hufan.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday in loo sameeyo bukaannada Soomaalida macaamil gaar ah oo dhinacyada dhaqaalaha ah, iyada oo dowladdana ka dalbaday fududeynta fiisooyinka caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba, Soomaali badan ayaa caafimaad u aada dalka Hindiya, waxayna arrintaan ka caawin doonta bukaannada Soomaalida ah ee halkaasi adeeg caafimaad u doonta inay ka yareyso culeyso badan oo ay hore u wajahi jireen, haddey tahay helista fiisaha iyo arrimaha kale ee la xiriira safarkooda.





Daawo: Maxaa ka jira in Taliska Xabsiga Dhexe uu qoraxda ka iibiyo maxaabiista?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidnaka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Taliye Shub) ay u yaqaanaan ayaa maanta soo bandhigay n atiijada baaritaan maalmahaan ka socday xabsiga dhexe ee Xamar oo ah xabsiga ugu weyn magaalada Muqdisho.

Waxaa dhawaan soo baxay eedeymo sheegayey in maxaabiista loo diido qoraxda inay arkaan oo mararka qaar lacag lagu xujeeyo si banaanka loogu soo bixiyo oo qoraxda loo tuso.

Sidoo kale eedeymaha loo jeediyey maamulka Xabsiga waxaa ka mid aheyd in lacag lagu xukeeyo dadka booqashada ugu imaanaya xubnaha ehelkooda ah ee ka xiran.

Taliye Mahad oo maanta qabtay xaflad uu ku soo bandhigay natiijada baaritaan uu sheegay in lagu sameeyey eedeymahaas wax aka jira ayaa beeniyey tuhunkaas.

“Markii warkaani soo baxay waxaan deg deg u magacaabay guddi uu nin janan ah hoggaaminayo, waxaa la bilaabay baaritaan culus, si bulshada na heysata aan ula wadaagno natiijo sax ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay sabab keentay in la faafiyo been abuurkaas, sida uu hadalka u dhigay, taas oo ah in xabsiga laga joojiyey booqashadii dadweynaha.

“Natiijada noo soo baxday waxay sheegeysaa in qoraxdaa nalaga gadaa ay been noqotay, raashinkii ayaa la xumeeyey sidoo kale waa been, waxaana soo ogaanay sababta sidaas lo yiri, muhiimadda been abuurkaas loo faafiyey waa booqashadii aan joojinay, si taas loogu fasaxo ayaa naloo jaa’ifeeyey,” ayuu yiri Taliye Mahad.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in subax kasta muddo hal saac ah maxaabiista la keeno banaanka, si ay u qoraxeystaan, “Hal saac ayaan uga dhignay, iyadoo sharcigu u ogolaanayo nus saac,” ayuu yiri.

Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa hadda fasaxay arrintii ay cabashadaan ka bilaabatay oo ah booqashada ehellada dadkoodu uga xiran yihiin Xabsiga Dhexe ee Xamar.

“Hadda waxaan u ogolaanay booqashadii, Talaado, Arbaco iyo Khamiis waxaa la ogolyahay in ehelladu soo booqdaan maxaabiista laga hayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Hoos ka daawo

DF oo diyaarisay sharci lagu xakameynayo arrin kusoo badatay Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cisman Xaaji Maxamuud Dufle ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay labada Gole ee Baarlamaanka XFS usoo gudbisay sharci ku saabsan nidaaminta daawooyinka aas-aasiga ah ee ganacsi ahaan loo keeno karo gudaha dalka.

Senator Dufle ayaa waxa uu sheegay in sharcigan oo lagu xakameynayo daawooyinka ay dhalinyaradu u isticmaasho sida qaldan ee kusoo batay gudaha caasimada, islamarkaana uu wax badan ka tari doono la-dagaalanka madooriyaha ee dowladda ay ka waddo magaalada Muqdisho.

“Sidii dowladdii u burburtay majiro sharci xakameynaya arrimaha daawada. Hadda waxaa socda sharci la yidhaahdo sharciga daawada oo soo gudbisay wasaaradda caafimaadka oo yaalla golaha shacabka oo hadda marka laga noqdo fasaxa la guda-galayo oo la rabo in laga doodo oo marka uu Golaha Shacabka kasoo gudbo uu Aqalka Sare imaan doono.”

Senator-ka oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta dowladda ayaa xusay in sharcigaan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda caafimaadka XFS uu ujeedku yahay “in si wada-jir ah looga hortago daawooyinka ganacsiga ,gaar ahaan kuwa loo isticmaalo sida qaldan.”

“Wixii la hubin jiray inay faro ka bax noqdeen, oo farmashiyaashii yaallan sidii nac-nacii oo kale. Tramdol-ka wiilka dhalinyarada ah waxa uu kala farmashiyiha iyada oo dhakhtar usoo qorin oo waxyaabaha dhibaatooyinka ah ayay kamid tahay,” ayuu yiri Senator Cismaan Xaaji Dufle.

Dufle ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in sharcigaan dhawaan soo bixi doona, uu wax badan ka tari doono daawooyinka sida qaldan loo isticmaalo, taasi oo dhibaato horleh ku haysa caasimada, loona isticmaalo sida maandooriyaha oo kale.

“Sidii burburka u dhacay wasaaradda caafimaadka wax hubin ah kuma lahan, ganacsato ayaa iska wadata oo soo dagsaneysa daawooyinkaas oo suuqa Bakaaraha ayay geynayaan oo farmashiyihii ka qaadanayaan, taas waaye dhibaatada meesha ka imaaneyso oo dhalinyaradana ka helayaan.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Xasan oo hal arrin ka dalbaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay go’aankii ay madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay ku garab istaageen dalkeena, kadib bayaankii kasoo baxay shir-madaxeedkii ka socday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka dalbaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya taageeradooda joogtada ah illaa inta ay Soomaaliya si iskeed ah u istaageyso, kana gaareyso inay la wareegto masuuliyadda amnigeeda gudaha.

“Soomaaliya waxay ka mahadcelinaysaa doorka hiilka iyo nafhurnimada ah ee dalalka ciidamaadoodu ka mid yihiin Hawlgalka ATMIS ay gaysteen dallkeenna ku dhowaad 16-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxay weli Soomaaliya dhameystiraysa howlaha horyaalla collaadii dalka ka dhacday kadib, balse caawimaadiina awgeed taageeradiina joogtada ah ee 15-kii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya dib ayay cagaheeda ugu istaageysa, waxayna haatan go’aansatay inay la wareegto waajibaadkeeda iyo masuuliyada amnigeeda, hase yeeshe waxaa weli codsaneyna taageeradiina joogtada inta ay Soomaaliya si iskeed ah u istaageyso.”

Waxa uu ku bogaadiyay dalalkan taageeradooda ay sanadihii u dambeeyay siinayeen Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo sheegay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya gaarto hiigsiga ah inay cagaheeda ku istaagto, “Dantiinu waxay aheyd inaad Soomaaliya ka caawisaan sidii ay usoo kaban laheydeen, mudaneyaal hiigsigan ayaa ah mid dhawaan dhici doona, waana tallaabo aan si weyn idinkaga mahad-celinayno.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ka rejo weyn yahay marka loo eego kolkii hore,islamarkaana ay dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka dhabeyn doonaan qorshaha ay saaxiibadeeda Afrikaanka ay ku garab taagan yihiin, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.

“Waxaa jeclaan lahaan in aad idin mahad-celinayo anigoo metalaya dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa la laaban doona ka go’naanshaha aan maanta ka muujiseen halkan mudada ka harsan howl-galka. Waxaa xaqiijinaya in kalsoonida noo muujiseen in hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka dhabeyn doonaan sida ugu dhaqsaha badan.”

Si kastaba, Shir madaxeedkii dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ka qabsoomay Kampala ayaa muhiim u ahaa xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya ayaa waxaa marti-galinayay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana ka qeyb-galay madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Sawirro: Axmed Madoobe oo Addis Ababa ka wada kulamo uu ka dambeeyo Imaaraadka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ee caasimada Ethiopia ayaa kulan xasaasi ah la qaatay masuuliyiinta sar-sare ee dalkaasi.

Kulankaan oo marti-qaadkiisa ay lahaayeen madaxda Itoobiya, ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga tallada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax, Wasiirka Maaliyadda Axmed Shidde iyo madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga hadlay soo celinta xiriirkii wanaagsana ee Itoobiya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo sida la rumeysan yahay meesha ka baxay tan iyo sanadkii 2019-kii.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka dalkaasi, kaasi oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howl-galada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Howl-galladan ay qeybta ka yihiin ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan bilaabanaya deegaanada Jubbaland oo horay maamul ahaan ka saluugsanaayeen qaabka howl-galadaas loo bilaabayo, balse Axmed Madoobe iyo Jeneraalka ayaa qoto dheer iskula lafa-guray qorshaha howl-galladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka Axmed Madoobe ee dalka Itoobiya iyo kulamada uu ka wado Addis Aabab ayaa waxaa qorshaheeda lahaa dowladda Imaaraadka Carabta, oo iyadu ka shaqeysay isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ee xilligaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas oo xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen.

Madaxda dowladda Imaaraadka oo saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed ayaa doonaya inay dhameeyaan khilaafkaas, waxaana safarkiisan Addis Ababa uu qeyb ka yahay qorshaha Imaaraadka ee lagu soo afjarayo mad-madowgii siyaasadeed ee Itoobiya – Abiy Axmed iyo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu socdaalkiisan noqonaya kii ugu horeeyay ee uu tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay, xilligaasi oo khilaaf xooggan uu soo kala dhex-galay, kaddib isku daygii ciidamada Itoobiya ku doonayeen inay ku soo qabtaan August ee isla sanadkaasi.

Si kastaba, Lama oga in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka Imaaraadka ee isku soo dhaweynta Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, balse waxay u badan tahay inay raali ka tahay, maadaama ay hadda Muqdisho iyo Abu Dubai ay gaareen heshiisyo militari iyo mid amni.

Halka uu ka bilaabanayo wejiga 2-aad ee dagaalka XAMAR ka socda oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka dagaalka Maandooriyaha, iyada oo maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya laamaha amaanka uu gudaha caasimada ka sameeyay howl-gallo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa shaacisay in dagaalka Maandooriyaha uu wejigiisa labaad ka bilaaban doono Dekedda iyo Garoomada oo ah meesha laga soo dejiyo waxyaabaha maanka dooriya ee ay dalka kasoo galaan.

“Qofka isticmaalaya iyo meesha lagu isticmaalo ee lagu gado waa in laga suuliyo meesha saldhiga u ah xumaanta, wejiga labaad waa Dekedda iyo Garoonka iyo xuduudaha ay kasoo galayaan, meelaha qaar waxaa laga keena Shabeellooyinka,” ayey tiri Guddoomiye Saynab Xaabsey.

“Shaqada la qabanayo waa kala horeysay, dadka magaalada soo galiya ee ka ganacsada iyo goobaha cayiman oo Muqdisho oo dhan daroogo laguma isticmaalo. Nidaamkaas ayaa suulinayna oo meelihii ay dhalinyarada iyo odayaasha iskugu imaanayeen in aan suulino oo waa ku hoos wadna.”

Guddoomiye Saynab ayaa ku dooday in baa’biinta goobaha asal ahaan ay kasoo baxaan waxyaabaha daroogada ah ee lagu gado ay wax ka tareyso isticmaalka daroogada, taasi oo ah wejiga koowaad ee howl-gallada lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ee ka socda caasimadda.

“Waxaa rajeynaya askarigii suuqa uu kasoo gadanayay ayaa la baa’biina, askarta daroogada isticmaala waa laga xareeyay magaalada. Bilaha soo socda iyo maalmaha soo socda isbaddal fiican ayaa la dareemi doono,” ayey hadalkeeda sii raacisay Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey).

Dagaalka Maandooriyaha ka dhanka ah ee ka socda caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, ayada oo toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo Madaale uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasha gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lahaa guddaha caasimadda, waxaana howl-galladan barbar socda kuwa lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya.