31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Saciid DENI oo DF u jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta DAGAALKA Laascaanood

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay gabtay masuuliyadii ka saarneyd collaada ka taagan Laascaanood, taasi oo qaadatay muddo ka badan saddex bilood.

Saciid Deni ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inaysan u dhaqmin kaalintii laga rabay dowlad Soomaaliyeed, islamarkaana iyada oo dhiig uu daadanayo ay rabto inay wada-hadal la furto Somaliland, oo ay u magacowday ergay gaar ah.

“Iyada oo uu dhiig da’ayo oo dadkii la-laynayo, hadalkeeda ugu horreeya waxay ahayd sidii dhiigga loo joojin lahaa oo nabadda u sugi lahayd. Inay gardarro garab og uga dhigto Somaliland, oo tiraahdo Somaliland ayaan wada hadal la furaynaa oo ergay u magacaabaynaa, waa arrin gef ah,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni oo si adag uga horyimid tallaabada ay dowladda federaalka u qaaday dhanka wada-hadallada Somaliland, xilli uu dagaal ka socdo Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in SSC aysan ka mid ahayn Somaliland, “qasab iyo xoog laguma maamuli karo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Deni oo garab istaag u muujinaya SSC oo iyadu dagaal kula jirta xukuumadda Somaliland.

Deni ayaa magacaabista ergayga arrimaha Somaliland oo horraantii bishaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay waqti lumis aan waxba kusoo kordhin doonin xaaladda taagan.

Ugu dambeyntiina waxa uu caddeeyay inuu maamulkiisu taageersan yahay mowqifka SSC, ayna qeyb ka noqonayaan dagaalka socda ee kula jiraan Somaliland, haddii buu yiri ay sii socdaan colaaduhu ayna garab weydiistaan Isimida dhaqanka ee SSC.

“Diyaar ayaa u nahay in aan ka qeyb qaadano difaaca qaddiyada reer SSC ay ku taagan yihiin,” oo ah tan midnimada Soomaaliyeed, ugana horyimaadeen gooni isu-taagga Somaliland ay ku doodeysay in ka badan 30 sano.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa hore uga horyimid magacaabista ergey Cabdikariin Guuleed oo horraantii bishaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, ayna soo dhaweysay xukuumadda Somaliland, oo ayadu ku tilmaamtay nin waxbadan kala socda wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Xabbad-joojinta dagaalka SUDAN oo la kordhiyay iyo wararkii ugu dambeeyay

Khartoum (Caasimada Online) – Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa markale isku afgartay inay kordhiyaan heshiiskii hore ee xabbad-joojinta ahaa ee ku ekaa 72-ka saacadood.

Ciidanka Militariga ayaa sheegay inay aqbaleen in wakhtiga xabbad-joojinta oo dhacayey fiidnimadii Khamiista, in lagu daro saddex maalmood oo kale, lana gaadhsiiyo illaa Axadda toddobaadka soo socda.

Ciidamada RSF ee la dagaalamaya ciidamada dowladda Sudan ayaa iyaguna markii ugu horraysay Khamiistii aqbalay in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta, laguna daro 72 saacadood oo kale oo ka bilaabmaysa maalinta Jimcaha. Isla Khamiistii waxaa markale ay ciidamada Militarigu ay markale ku celiyeen inay dhinacooda wakhtiga u kordhinayaan heshiiska xabbad-joojinta ah.

Hase yeeshe waxaa weli lasoo warinaya inay jiraan rabshado ka dhacaya caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo gobolka Darfur, iyada oo dhinacyada ku dagaalamaya ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabad-joojintii dagaalka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xad-gudubyada ka dhanka ah heshiiska xabbad-joojinta, xilli ay si weyn isku soo tarayaan walaaca laga muujinayo dagaalka Sudan.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka Sudan, halka ay ku barakaceen kumanaan qof, ka dib dagaalladii adkaa ee dhexmaray ciidamada Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee RSF.

Si kastaba, Go’aanka cusub ee ka soo baxay labada dhinac ayaa waxaa soo dhoweeyey Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD iyo dalalka ka odayaynaya xaaladda Sudan ee kala ah Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Sacuudiga.

Isxaaq Macallin Aadan oo isku soo dhiibay dowladda kadib markii u adkeysan waayay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Macallin Aadan oo magaciisa af-garashadu yahay “Isxaaq Calooley” ayaa isku soo dhiibay ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka, xilli ay dalka ka socdaan howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo sanado badan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxa uu kooxda u qaabilsan qeybta loo yaqaano Jabhadda, isaga oo ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan oo kooxda uu hore uga tirsanaa ay la gashay ciidamada dowladda.

Isxaaq ayaa waxa uu sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Gedo iyo Shabeellada dhaxe.

Ninkan ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta dowladda u sheegey in sababta ku kalliftay in kooxda Al-Shabaab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay u geysanayaan shacabka iyo gumeysiga dhexdooda ka jira.

Isxaaq ayaa waxa uu baaq u direy saaxibadiisa kale ee ku haray kooxda Al-Shabaab inay isaga Soo baxaan kana faa’iidaystaan cafiska dowladda u fidisay xubnaha ka kasoo laabanaya fikradaha gurracan ee xagjirka.

Shabaab ayaa lasoo warinaya in tan iyo markii uu billowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah ay culeys xooggan saartay dhalinyarada ku harsan, oo qaarkood ay dowladdu sheegtay inay kooxdu si qasab ah u dagaal-galiso, kadib markii ay diideen inay qeyb ka noqdaan dagaalka ay kooxdu kula jirto ciidamada huwanta ah.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo sheegayay in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin iyo in ay u adkeysan waayeen howl-galada kooxda uga socda qeybo badan oo dalka, sida ay sheegeen.

Trump oo ka digay arrin dhici doonta haddii aan dib loo dooran doorashada 2024

Manchester (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

“Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.

Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto “dagaalka ruuxda.”

Mas’uuliyiin sare oo Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee 2022 uu wiiqay Jamhuuriga.

“Jamhuuriga waxay doonayaan qof guuleysan kara November 2024. Donald Trump waa guuldarreyste,” waxaa sidaas yiri barasaabka gobolka New Hampshire Chris Sununu, oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu is-sharxo.

Sagaal Senator oo Jamhuuri ah oo ka titasan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa taageeray Trump, hase yeeshee kuwo kale ayaa ka digay in dacwadaha uu wajahayo ay wiiqi karaan rajada ay Jamhuuriga ka qabaan inay Aqalka Wakiilada kala wareegaan Dimoqraadiga sanadka dambe.

Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow.

AFP, VOA

DF Soomaaliya oo taageero cusub u heshay qaadista cunaqabateyn saaran

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero horleh u heshay qaadista cuna-qabateynta hubka ee saaran, kadib shir-madaxeedkii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ee ay ka qeyb-galeen madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay shirkan ayaa waxaa lagu taageeray qorshaheeda qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey, iyada oo madaxda ka qeyb-gashay shirkaas ay dalbadeen in la qaado cuna-qabateynta hubka, islamarkaana la dhaqan-geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

Madaxda waddamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tix-geliyo in Soomaaliya laga qaado cuna-qabaeaynta hubka, si waddanku uu awood ugu helo qaadista mas’uuliyaddiisa amni.

Sidoo kale waxay madaxdan bogaadiyeen guulaha ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay ka soo hoyeen howl-galka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab oo laga saaray deegaano horleh.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore usheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi koowaad ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, ayada oo wejiga labaad ee dagaalkan ay qeyb ka noqon doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si loo xoojiyo howl-gallada ka socda dalka.

Mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan xulka qaranka oo laga reebay tartanka U17

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah ciyaar-yahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17-jirada Soomaaliya ayaa la shaaciyay in laga reebay tartanka kubadda cagta ee U17, kaasi oo maanta ka bilaaban doona magaalada Algeris, ee dalka Algeria.

Ciyaar-yahankaan oo lagu magacaabo Cabdixaafid ayaa waxaa la sheegay in laga reebay tartanka, kadib markii la marsiiyay baaritaanka MRI-ga oo lagu ogaanayo da’da qofka, uu soo saaray in Cabdixaafid uu ka weyn yahay da’da 17 sano.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay arrintaan, oo lagu sheegay in nasiib daro ay tahay ciyaar-yahan oo kamid ah kuwa ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17-jirada laga reebo tartanka.

“Waxaa maanta soo baxday natiijada MRI la marsiiyay cayaartoyda qaranka oo lagu ogaanayay in ay yihiin da’da saxda ah ee tartanka ka qeyb-geli karta. Nasiib darro Soomaaliya waxaa naloo soo sheegay in uu dhacay cayaar yahan Cabdixaafid Maxamed” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Xiririka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegay inuu dalbaday cadeymo dheeraad ah oo la xariira natiijada Cabdixafiid, maadaama baaritaanada qeybtii hore ee Addis Ababa iyo Muqdisho ay Scan-du sheegeen in ciyaar-yahankaan uu gudbay.

“Cabdixaafid ayaa qeybtii hore ee Addis Ababa iyo Muqdisho ku gudbay 5+ oo ahayd marxaladda ugu dambeysa inta aan la gaarin marxaladda 6 oo ah marxaladda dhicitaanka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu dalbaday xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya muqaalada scan-ka MRI ee lagu baaray ciyaar-yahan Cabdixaafid.

“Xiriirku wuxuu dalbaday muuqaalada MRI-gii la saaray cayaaryahan Cabdixaafid wixii kasoo kordhana waan la wadaagi doonaa bulshada Soomaaliyeed insha allah.”

Ciyaar-yahankan ayaa kamid ahaa ciyaar-yahanadii 17-jirada ee sida weyn uga soo dhex muuqday Xulka Qaranka 17-jirada Soomaaliya, waxaana tallaabadan looga reebay tartanka lagu macneeyay mid dhabar jab ku ah xulkaan.

Hanti-dhawrka guud oo war kasoo saaray tallaabo ‘dhif iyo naadir ah’ oo uu qaaday WEHLIYE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa ka hadlay tallaabo “dhif iyo naadir ah” oo uu qaaday Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye, oo shalay mag-dhaw ka bixiyay hanti dowladeed oo uu iibiyay markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Wehliye oo ka tirsanaa wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka, markii ay dowladdu bur-burtay ee dalku uu dagaallo sokeeye cagaha la galay ayaa wuxuu iibiyey gaarigii dowladda ee gacantiisa ku jiray.

Ninkan ayaa shalay sheegay in gaarigii uu ku iibiyey lacag dhan 12,500 oo dollar, wuxuuna 32 sano kadib uu shalay lacagtii si toos ah ugu shubay Bangiga Dhexe ee dowladda, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya

Tallaabada uu qaaday Wehliye ayaa waxaa si weyn u bogaadiyay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo isagu kal hore ku baaqay in dadka ay weli ku maqan tahay hanti dowladeed ay dib ugu celiyaan hay’adihii asal ahaan u lahaa markii hore.

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu markale ku celiyay “in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.”

Waa dhif in dadkii boobay ama xiligaas si un ay xagooda u martay hantidii dowladda ee dib ugu soo celiyey qaranka, markii dib loo soo dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad xoog leh oo hey’ado dhisan leh aadna u qalabeysan, inta badan hantidii dowladda waa la boobay, mana badna dadka go’aansaday inay dib u soo celiyaan xisaabihii dhinacooda maray, si lamid ah geesinimada uu maanta sameeyey Cabdiraxmaan Wehiye.

Uganda oo shaacisay go’aan cusub oo la xiriira ciidamada ka jooga Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay ka go’an tahay dhimista ciidamadeeda ka hoos shaqeeya Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Abubaker Jeje Odongo oo go’aankan cusub ka sheegay shirka Wasiirada ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Kampala, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladdiisa ay ka shaqeynayso hirgelinta qorshaha ay ATMIS uga hayaameyso dalkeena marka la gaaro 2024-ka.

Wasiir Odongo ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda federaalka Soomaaliya gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo abaabulka ciidamada shisheeye, si ay ugu biiraan dagaalka socda, isagoo ka dhawaajiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto raadinta nabadda, amniga iyo xasiloonida.

“Uganda waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee ciidammo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007-dii oo ay gacan ka geystaan soo celinta nabadda dalka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Uganda.

Waxa uu intaas kusii daray “Bishii hore, 2,900 oo askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si guul ah loogu soo gaba-gabeeyeyay tababarkooda ciidan ee Uganda.”

Odingo ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in dufcad kale oo ka kooban 3,000 oo askari ay bilaabeen tababarkooda, taasi oo qayb ka ah dadaalka socda ee sidii ay ciidamada Soomaalida ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga ee 2024-ka.

Ugu dambeyntiina wuxuu bogaadiyay dadaalka ay wadaan ciidamada amaanka oo kaashanaya dadka deegaanka, si dalka looga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Si kastaba, Uganda ayaa martigelineysay maalmihii u dambeeyay kulan muhiim u ah ammaanka Soomaaliya iyo howl-galka ATMIS, kaasi oo qeyb ka ahaayeen taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo wafuud ka kala socota Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya.

Sawirro: DF oo Muqdisho ka daah-furtay ‘shir heer sare ah’ oo ku saabsan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furtay shir heer sare ah oo looga hadlayay dardar-gelinta howlaha gurmadka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiin la ahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha dalka.

Waxaa shirkan kasoo qeyb-galay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wakiilo ka socday deeq-bixiyayaasha iyo hay’adaha gar-gaarka Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirkaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee gar-gaarka ka shaqeeya, masuuliyiin ka socotay dowlad-gobaleedyada dalka iyo hay’adaha gar-gaarka ee maxaliga ah.

Gudoomiye ku-xigeenka hay’addda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Dr Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ka dhawaajiyay in ujeedka u weyn ee shirkaan uu yahay sidii loogu codsan lahaa deeq-bixiyayaasha in kor u qaadaan deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, ee arrimaha bini’aadannimo.

Qorshaha dowladda ee kor u qaadista deeqaha ay ka hesho deeq-bixiyayaasha caalamiga, ayaa door muhiim ah ka qaadanaya “sidii ay awood ugu yeeshaan in ay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog-fog ee dalka.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka, islamarkaana uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.












Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogan Soomaaliya oo bayaan culus soo saaray

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo maalmihii dambe shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa laga soo saaray bayaan 5 qoddob ka kooban.

Bayaanka kasoo baxay madaxdan ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu isla qaateen hirgelinta habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo sida qorshuhu yahay Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka.

Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa qiray muhiimada in la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah bayaanka kasoo baxay shirka maalmihii dambe ka socday Kampala, in la qaado cuna-qabateynta hubka, lana dhaqan-geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

Madaxda ayaa waxay bogaadiyeen guulaha ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay ka soo hoyeen howl-galka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab oo laga saaray deegaano horleh.

“Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri bayaanka kasoo baxay shir-madaxeedka dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo ay baahisay Villa Somalia.

Shirkaan oo muhiim u ahaa xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya ayaa waxaa marti-galinayay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana ka qeyb-galay madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Waraabe oo dalbaday arrin ka dhan ah odayaashii ka tegay Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddooomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka hadlay arrimo ergada oday dhaqameedyada ka baxay Muqdisho ee nabadeynta u tegay magaalada Hargeysa.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in odayaashaas ay mareen waddo qaldan, isla-markaana dadaalkooda ay markii hore ka bilaabeen meel ka baxsay  Somaliland oo ah Garoowe.

“In Ummada is qabataa la dhex-dhexaadiyo waxaa weeye waa mid meesha ku jirta, laakiin nimankan waxaa ka xumaaday waddadii halka ay soo mareen waad ogtihiin Garoowe ayay ka dageen, ma Somaliland-baa?. Laascaanood ayay haddana yimaadeen waad arkeyseen waxay ku hadlayeenm” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Mudane Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in odayaasha aysan aheyn dhex-dhexaad, isla-markaana ay wax ka qaban lahaayeen xaaladaha ka taagan Soomaaliya.

“Waxaan u aragnaa annaga in nimankaan aysan wadin sulux, horana waan u iri. Nimanka tooda ayay dhex-dhexaad ka noqon waayeen teena dhex-dhexaad kama noqonayaan.” ayuu raaciyay.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo sii hadlaya ayaa ugu baaqay odayaasha ka tegay Muqdisho ee haatan ku sugan Hargeysa in ay isaga tegaan Somaliland, kuna laabtaan Muqdisho

“Aniga waxaa dhihi lahaa iska noqda Somaliland iyo reer Laascaanood dad walaalaa weeye annaga heshiineynee tiiniibaa baylah ahee tiina hagaajiya” ayuu mar kale yiri Faysal.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ugu baaqay inuu guda-galo doorashada, si xal waara loogu helo xiisadaha ka taagan Somaliland.

Si kastaba, odayaasha ka baxay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxayna haatan kulamo ka wadaan caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xaggee ayuu ka dambeeyay mooshinkii ka horreeyay midka R/W Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo ay haatan wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Xildhibaanka ayaa marka hore xaqiiijiyay jiritaanka mooshinkan, wuxuuna tilmaamay in xittaa ay xildibaanada wada ay isaga si toos ula soo xiriireen, si uu ugu biiro abaabulka.

Cabdiraxmaan Cabduqaadir ayaa dhaliilay sida ay wax ku wadaan xildhibaanadaasi iyo guud ahaan baarlamaanka oo uu tilmaamay in uusan xor aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrintaa way jirtaa xittaa dhowr xildhibaan oo ila soo xiriiray way jiraan, laakiin mooshin in xildhibaano waqti fasax ah ay mar walbo si oor-kacsi ay usoo diyaariyaan oo aanan fuleyn waxaa u sabab u ah baarlamaanka ayaanan xor aheyn” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan.

Sidoo kale waxa uu su’aal ka keenay halka uu ku dambeeyay mooshinkii kan horay ee laga keenay xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka iyo, isaga oo xusay in meel la’iska dhigay, markii la fulin waayay.

Waxa kale oo uu xusay in aragti ahaan uu qabo in uusan fuli karin mooshinka hadda laga wada ra’iisul wasaaraha, isaga oo sababta ku sheegay awood la’aanta baarlamaanka.

“Mooshinkan mooshin ayaa ka horreeyay mooshinkaas oo la dhaqan-gelin baarlamaankan ila ma’ahan inuu fulin karo in maanta xukuumadda kalsoonida lagala laabto. Wuu caddaa mooshinka waxaa jiray shaqo arrimo baarlamaanka quseeyay iy mooshin ay xildhibaanada wadeen oo ka dhan ah qof kamid ah saddexda guddoon” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Saaxibada waxaan dhihi lahaa maalin walba inaan meel ku dhacno waxaa dhaanta annaga horta inaan dib isku fiirino oo golaheena hagaagsano”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu socdo guux weyn oo ku aadan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo ay wadaan diyaarinayaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo hadda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada gudaha magaalada Nairobi.

Ciidamada Somaliland oo duqeeyay Laascaanood + Khasaaraha

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Madaafiicda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku hoobteen, gudaha magaalada waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyay ilaaa ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhaawacmay duqeyntan, waxaana sidoo kale jiro dhimasho, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in madaafiicdan uu ka dhashay burbur xoogan oo mar kale soo gaaray guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaalla xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib uu qarxo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaaladda, inkastoo ay weli is horfadhiyaan ciidanada dagaalamay ee labada dhinac.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastaba, waxaa magaalada Laascaanood bishii saddexaad oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo iyo Xisaabiyaha Guud + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayadoo inta badan ay goobjoog ahaayeen golaha wasiiradu.

Golaha wasiirada ayaa shirkood ku ansixiyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo sidoo kale heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Ugu horreyn golaha ayaa shirkooda ku meel-mariyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas, kadib soo jeedin ka timid wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Anas ayaa ah aqoonyahan dhalinyaro ah, isla-markaana khibrad fog u leh dhanka maamulka iyo maaliyadda, kaas oo helay kalsoonida golaha wasiirada oo maanta la horgeeyay.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa maanta shirkooda Khamiislaha ah ku ansixiyay heshiis Iskaashi maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar.

Heshiiskan oo ah mid muhiim ah ayaa ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga arrimaha caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar.

Dhanka kale, wasaaradaha amniga gudaha iyo Glgaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Golaha ayaa sidoo kalw boggaadiyey guulaha ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen goobihii ugu dambeeyay ee  lagala wareegay Al-Shabaab.

Ugu dambeyn golaha wasiirada ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan.

Turkiga oo ku xad-gudubay cunaqabateynta hubka Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay oo warbixin cusub soo saartay ayaa ku eedeysay dowladda Turkiga inay ku xad-gudubtay cunaqabateynta hubka ee saaraan Soomaaliya, waxayna shaacisay inay ku ogaatay baaris ay sameeyeen khubaro ka tirsan QM oo loo xil-saaray arrintaasi.

Warbixintan ayay Qaramada Midoobay ku sheegtay in baareyaasheeda ay ku ogaadeen in Turkiga uu Soomaaliya  geeyay diyaarado hubeysan oo aysan la socon UN-ka.

QM ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradahaasi ay yihiin Drones-ka Bayraktar oo ay farsamaysay shirkad ay leeyihiin qoyska madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in tallaabadan ay muujineyso in Turkiga uu si cad ugu xad-gudbay cunnaqabteynta hubka ee Qaramada Midoobay, sida laga soo xigtay guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya ee u kuurgala xaaladda colaadeed ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo go’aankii Golaha Ammaanka.

Waxa kale oo warbixintaan lagu sheegay in Turkiga uu magaalada Muqdisho soo gaarsiiyay diyaaradaha Bayraktar TB2 December 6, 2021 iyada oo lagu daabulay laba diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah ee Airbus A400M oo ay maamulaan ciidamada cirka Turkiga.

Sidoo kale, waxaa Turkiga lagu dhaliilay in xogta iyo dirista diyaaradaha uusan la wadaagin QM, kahor inta aysan ka howlgelin gudaha Soomaaliya, taas oo sii xoojisay eedeymaha culus ee loo jeedinayo Ankara.

Dhanka kale, dowladda Turkiga oo jawaab rasmi ah ka bixisay eedeyntan ayaa iska fogeysay warbixinta Qaramada Midoobay, waxayna ku dooday in diyaaradaha ay geeyeen saldhiggooda magaalada Muqdisho uu ujeedkoodu yahay inay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Warbaahinta gudaha Turkiga ayaa horay dhankeeda horay u sheegay in saraakiil Soomaali ah oo tababar ku qaatay dalkaas loo gacan galiyay shan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, taas oo liddi ku ah jawaabta xukuumadda Ankara oo iyadu sheegtay in diyaaradahaasi loogu talagalay in ay isticmaalaan ciidamada Turkiga ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa haatan xiriir wanaagsan laleh dowladda federaalka, waxayna tababar joogto ah siisaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobollada dalka.

SOMALILAND oo BBC ka qaaday xayiraadii saarneyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo horay deegaanadeeda uga mamnuucday laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa haatan ka laabatauy go’aankeedii hore, waxayna soo saartay war cusub, kadib wadahadallo dhex-maray labada dhinac.

Qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland, Suleymaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa waxaa lagu sheegay in xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii uu dhexeeyay Somaliland & BBC.

Wasiir Koore ayaa shaaca ka qaaday in arrinta lagu xalliyay shirar ay labada dhinac ku yeesheen xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland, isla-markaana ay qayb ka aheyd wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulkaasi, kadibna lagu gaaray heshii rasmi ah.

Sidoo kale Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay qaaday xayiraada ay sanadkii hore 2022-kii ku soo rogtay BBC-da, isla-markaana maanta wixii ka dambeeya ay si rasmi ag uga howl-geli karto deegaanada maamulkaasi.

“Sidaas daraadeed waxa aan ku wargelinayaa in aan maanta oo ay taariikhdu tahay 27/04/2023 aan ka qaadnay xayiraadii ka saarneyd ka howlgelida gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Idaacadda BBC-da laanteed afka Soomaaliga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Horay Somaliland ayaa BBC-da ugu eedeysay in ay ku xad-gudubtay Qaranimadeeda, ayna hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadeeda, taas oo keentay in ay gebi ahaan mamnuucdo.

Waxay sidoo kale Somaliland sheegtay in BBC ay lumisay dhaqankii iyo taariikhdii jiritaanka ee ka dhexeeyey reer Somaliland iyo BBC-da, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka sare ee BBC-da oo ku aadan warka cusub ee Somaliland iyo dib u fasixida Idaacaddooda.

Si kastaba, BBC-da oo ah warbaahin caalami ah ayaa marka ay ka hadleyo arrimaha Somaliland ugu yeerto Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida, taas oo ay muuqato inay dhibsatay xukuumadda Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso Ictiraaf.

Daawo: Sheekh Cismaan Barre oo weerar ku qaaday guddoomiye CALI JAYTE

0

Beledweyne (Caasimada Online ) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable TV ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Hiiraan iyo is qab-qabsiga ka dhashay canshuuraha gobolkaas oo ay isku qabteen guddoomiye Cali Jayte iyo wasaaradda maaliyadda HirShabelle.

Sheekh Cismaan Barre oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hiiraan ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday guddoomiye Cali Jayte, wuxuuna shaaciyay in maamulkiisa uu dhibaato ku hayo reer Hiiraan.

“Cali Jayte meesha boqortooyo ma’aha waxaan ku sheegay in markii saddexaad ay tahay oo la magacaabay, shacabka reer Hiiraan dhibaatada haysato waa maamul xumo oo maanta ugu weyn waana maamulka ka jira gobolkaasi,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka HirShabelle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowlad goboleedka HirShabelle ay beddali karto Cali Jayte, isla-markaana uu u ogolaanayo Dastuurka iyo dowladnimada.

“HirShabelle waa State sharci ah oo dhisan inay qofka ay doonaan ku beddalaan inay maamulka hagaajiyaan waajib iyaga saaran waayay oo Dastuuri ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhashay canshuurta gobolka Hiiraan oo ay  ku kala qaybsameen xubnaha maamulkka gobolkaasi, kadib markii ay wasaaradda maaliyadda maamulka HirShabelle amartay in si toos ah canshuurta loogu shubo qasnadeeda, si loo mideeyo canshuuraha.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shabellle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sharci darro tahay in guddoomiye gobol uu farageliyo canshuurta dadweynaha, sida uu ku dooday.

“Waa sharci darro in guddoomiye gobol uu canshuur faraha la galo waxaa la rabaa haddii ay dowlad dhisan tahay wasiirka maaliyadda ayaa iska leh iyo shaqaalaha wasaaradda maaliyadda inay qaadaan,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri siyaasiga Sheekh Cismaan Barre.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel sare gaaray khilaafka ka dhashay canshuurta ee u dhexeeyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo saameeyay wada shaqeyntooda.

Xaalad caafimaad oo lasoo daristay madaxweyne Erdogan

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyey isu soo baxyo olole doorasho, oo uu qaban lahaa Arbacadii iyo Khamiista maanta ah, sababo caafimaad dartood, toddobaadyo kahor doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee 14-ka May.

“Maanta, waxaan ku nasan doona guriga anigoo qaadanaya talada dhaqaatiirteyda,” ayuu Erdogan Arbacadii kusoo qoray barta twitter-ka.

“Haddii Allah uu ogolaado, waxaan barnaamijkeena sii wadi doonaa berri. Waxaan dhammaan muwaadiniinteena u rajeynayaa caafimaad, nabad iyo damaashaad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Erdogan ayaa goor dambe oo maalintii Talaadadii aheyd wuxuu soo gaabiyey wareysi TV, kaasi oo intii uu socday uu sheegay inuu dareemayo calool xanuun.

Saacado kadib, Erkan Kandemir oo ah madaxweynaha ku-xigeenka Xisbiga AKP ayaa ku dhowaaqay in Erdogan uu sidoo kale baajiyey barnaamijyadii Khamiista.

Waxaa lagu waday inuu xariga ka jiro furitaanka warshadda Nukliyeerka ee Akkuyu ee gobolka Koonfureed ee Mersin.

Furitaanka warshadda oo ay dhiseen Ruushka, ayaa lagu waday inay noqoto mid ka mid ah dhacdooyinka ugu weyn ee ololaha doorasho ee madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa waday olole doorasho oo aan kala joogsi lahayn, si uu beddelo hoos u dhac ku yimid aragtida ay ka qabaan shacabka, sida ay muujiyeen codadka ra’yiga dadweynaha.

Doorashada dhaceysa 14-ka May ayaa ah tii ugu adkeyd ee soo marta Erdogan oo xukunka hayey in ka badan 20 sano, isaga oo ah ra’iisul wasaare ama madaxweyne, xilli sare u kac uu ku yimid qiimaha maciishadda.

Erdogan ayaa wajahaya loolan adag oo kaga imanaya hoggaamiyaha mucaaradka ee calmaaniga ah Kemal Kilicdaroglu, kaasi oo matalaya isbaheysi ay ku midoobeen xisbiyada mucaaradka.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa rajadiisa wiiqay xasarado dhaqaale iyo saameyn xooggan oo ka dhalatay dhul-gariir dalkaas ku dhuftay bishii Febraayo, oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof.

AFP, VOA

Shacabka XAMAR oo ‘kasoo baxay godkii cabsida’ iyo kaalintooda isbadalka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka degan magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inay markii ugu horeysay bilaabeen inay laamaha amniga kala shaqeeyaan xasilinta magaalada.

Iyada oo Muqdisho laga dareemayo inay amni ahaan kasoo reynayso sidii hore ayaa dhinacyada aan la xusin ee arrintaan qeybta weyn ka qaatay waxa kamid ah shacabka reer Muqdisho.

Dadweynaha ayaa bilaabay inay toos ula wadaagaan laamaha amniga, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida, dadka laga shakiyo, guryaha lagu tuhmo inay Al-Shabaab hubka dhigtaan, xogaha gaadiidka ay kooxdu adeegsato, akhbaarta ganacsatada lacagaha u haya ama siiya kooxda iyo xogo kale, taas oo la sheegay inay wax weyn ka tartay dadaalka ay laamaha amniga ugu jiraan inay caasimadda xasiliyaan.

Muddo fog shacabka magaalada Muqdisho waa ku adkeyd inay xog siiyaan laamaha amniga, gaar ahaan cidda sirta ku shaqada leh, sababtana waxaa loo arkayay kalsooni darro ay dadweynaha ka qabeen in xogtooda kusoo laabato kadibna ay dhibaato kala kulmaan kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab.

Isbadal ayaa shacabka ku dhacay, xogo joogto ah ayay hadda siiyaan laamaha amniga, waxay aamineen inay xogtooda ku soo noqon doonin oo lagu dhibaateyn doonin. Wuxuu ahaa door weyn oo ka maqna laamaha amniga.

Tan iyo markii la helay garabka shacabka wax badan oo isbadal ah ayaa muuqda ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha xukuma amniga magaalada Muqdisho oo noo xaqiijiyay in garabka shacabka uu wax badan ka taray xaalka magaalada.

Marwalba oo ay xoogeysato wada-shaqeynta dadweynaha iyo ciidanka dowladda waxaa la aaminsan yahay inay adkaan doonto in Al-Shabaab ay kusii dhex dhuumato magaalada Muqdisho iyo deegaanada kaleba.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sida muuqata tamar badan galineysa amaanka caasimada waxaa looga baahan yahay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta dhawaan-galka ah ee shacabka iyo laamaha amniga, si loo helo caasimad ka caagan Al-Shabaab.

Khasaarihii ay kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa si weyn loo dhimay bilihii u dambeeyay, dhowr arrimood ayaa loo tirinaya sababta isbadalkan.

Waxaa maalmahan marba dhinac ka eegi doona sababaha keenay isbadalka amni ee magaalada Muqdisho.

Erdogan cancels campaign appearances amidst stomach bug

Ankara (Caasimada Online) – Turkish President Recep Tayyip Erdogan, 69, unexpectedly canceled his scheduled appearances on Wednesday and Thursday, citing a stomach illness.

This development occurs less than three weeks ahead of Turkey’s pivotal election, which many political experts consider the most significant since the fall of the Ottoman Empire.

During a heated campaign season, Erdogan revealed on his official Twitter account that he would be resting at home under doctor’s orders.

He had initially planned to attend three events in central Anatolian provinces on Wednesday, but Vice President Fuat Oktay stepped in as his replacement.

Later, Erkan Kandemir, vice-president of the ruling AKP party, announced that Erdogan would cancel his Thursday plans.

The President was expected to inaugurate Turkey’s first nuclear power station, the Russian-built Akkuyu facility, on the southern coast.

This event was supposed to be a highlight of Erdogan’s campaign this week.

Erdogan’s struggles in Polls

As Erdogan strives to reverse a decline in polls and maintain his 20-year election-winning streak, he finds himself in a tight race with secular opposition leader Kemal Kilicdaroglu.

The Turkish leader is grappling with a severe economic crisis and the aftermath of a massive February earthquake, which resulted in more than 50,000 fatalities.

On Tuesday, Erdogan had to end a live television interview prematurely due to his illness.

The interview was already delayed by more than 90 minutes and was interrupted by a commercial break just 10 minutes in.

Erdogan leave live TV interview

Erdogan returned around 15 minutes later to apologize for the incident, explaining, “Yesterday and today were hard work. That’s why I got a stomach flu.”

Though Erdogan underwent gastrointestinal surgery in 2012, he has generally been in good health.

After the television incident, numerous politicians, including Turkey’s 74-year-old opposition leader Kilicdaroglu, wished Erdogan a speedy recovery.

Nationalist leader Meral Aksener and other prominent members of Kilicdaroglu’s six-party opposition alliance also expressed their support through tweets.