31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

55 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Liibiya

0

Tripoli (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraaad ah ayaa waxaa laga helayaa dooni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub, taas oo ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan inay goobtaas ku qaraqmeen ugu yaraan illaa 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka.

Masiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda, marinkan halista badan, halkaas oo kumanaan qaxooti ahi ay sannad walba maraan, iyaga oo isku dayaya inay gaadhaan dalalka Yurub.

Hay’adda Socdaalka Dunida ee loosoo gaabiyo IOM ayaa sheegtay in masiibadani ay dhacday maalinimadii Salaasada. Doonta qaraqantay ayaa sidday illaa 60 tahriibe, waxayna ka shiraacatay xeebta magaalada Garabouli oo dhinaca bari ka xigta caasimadda Tripoli.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in shan qof ay ka badbaadeen masiibadan, kuwaas oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay keeneen dhinaca berriga. Illaa hadda xog badan lagama hayo sababta keentay inay doontani degto.

Safa Msehli oo ah afhayeen u hadashay IOM ayaa sheegtay in doontani ay degtay waxyar ka dib markii ay xeebaha ka shiraacatay.

Sidoo kale waxa ay intaas ku dartay in illaa haatan ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay soo saareen meydka sagaal nin iyo cunug yar.

Shanta qof ee la soo badbaadiyey ayaa saddex ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, iyo laba qof oo u kala dhashay Masar iyo Syria, sida ay Safa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

IOM ayaa sheegtay in sannadkan oo keliya ay badda ku dhinteen illaa 537 muhaajiriin ah, halka la badbaadiyey ama safarkooda tahriibka laga joojiyey in ka badan 4,300 oo muhaajiriin ah kuwaas oo dib looga celiyey badda.

Norway oo sameysay ballan-qaad culus oo la xiriira wada-hadallada DF iyo Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta Ergeyga Arrimaha wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Dowladda Norway Ms. Heidi Johansen.

Kulankan oo la sheegay inuu ahaa kulan miro-dhal ayaa waxay uga wad-hadleen labada masuul hanaanka ugu wanaagsan ee xilligaan loo wajihi karo xal u helidda arrimaha Somaliland, xilli la filayo inay dib u furmaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxaan maanta kullan miro-dhal ah la qaatay Ergeyga Arrimaha wadahadallada iyo dib u heshiisiinta dowladda Norway Ms. Heidi Johansen oo aan ka wadahadalanay hannaanka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xall u helida Arrimaha Somaliland,” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kasoo saaray kulankaan.

Mudane Guuleed ayaa warbixin ka siiyay ergeyga Norway sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardar-gelinta wada-hadallada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu la wadaagay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland.

Ms. Heidi Johansen ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta, iyada oo ballan-qaaday inay gacan ka geysan doonaan ka mira-dhalinta wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishaan u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland.

PUNTLAND oo soo saartay digniin cusub oo ku wajahan…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan roobab xooggan oo la sheegay inay deegaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin toddobaadka u dambeeya ee bisha April.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in roobabkani ay kusoo wajahan yihiin magaalooyinka Qardho, Qandala, Ufayn iyo dhulka buuraleyda Calmiskaad.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in roobabku kusoo beegan yihiin deegaanada ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya iyo Badda Cas ee deegaanada maamulka Puntland.

“Wasaaradda garagaarka iyo maaraynta musiibooyinka waxay la wadagaysaa dhamaan shacabka ku dhaqan degaanadda Puntland digniin ku saabsan roobab xoogan oo kuso beegan 24 ilaa 30 April,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowlad-goboleedka Puntland.

Waxay uga digeen dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay ka fogaadan meelaha biyo mareenka ah miyi iyo magaalaba, si looga fogaado khatarta ka dhalan karta roobabkaas la filayo maalmaha soo socda.”

“Hadaba waxaa bulshada ku dhaqan degaanada Puntland ku wargelinaynaa inay ka digtoonadaan meelaha biyo mareenka ah miyi, magaalo iyo xeebahaba sidoo kale dhamaan dadka degaanada Puntland dagan ayaa laga codsanayaa inay ogaadaan oo ka digtoonaadan khatarta ka dhalan karta roobabkas xooggan oo sii kordhi kara.”

Marka laga imaado digniinta kasoo baxday maamulka Puntland, waxaa cabsida ugu weyn laga dareemayaa magaalada Qardho oo sanadihii u dambeeyay ay waxyeelo weyn kasoo gaareen daadad ka dhashay roobaab mahiigan ah oo halkaasi ka da’ay.

Qardho ayaa ku taalla meel biyo mareen ah, waxaana labadii sano ee u dambeeyay soo gaaray khasaare kala duwan oo u badan burbur soo gaaray kaabayaashii magaalada, iyada oo dad badani ay ku cayroobeen, kadib markii daadadku ka burburiyeen hantidoodii ay ku tiirsanaayeen.

Kenya: 95 qof oo is-dilay ‘si ay ula kulmaan’ Nebi Ciise CS

Malindi (Caasimada Online) – Khasaaraha dhimasho ee beer ku taalla dalka Kenya, halkaasi oo wadaad diimeed kirishtan ah uu xertiisa ku hoggaamiyey inay gaajo u dhintaan, ayaa Arbacadii gaartay 95 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Tirada cusub ayaa timid kadib markii booliska ay soo saareen meydadka 17 qof. Tirada guud ee dadka lasoo badbaadiyey ayaga oo gaajaysan ayaa hadda gaartay 34 qof.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa tirada dadka illaa hadda la la’yahay ku sheegtay 213 qof.

Paul Makenzi, oo hoggaamiya kaniisadda Good News International Church, ayaa lagu eedeeyey inuu xertiisa ku ururiyey beer ku taalla magaalada Malindi.

Waxaa la tuhunsan yahay inuu u sheegay inay cuntada ka soomaan illaa ay ka geeriyoodaan si ay ula kulmaan Nebi Ciise kahor inta aanu ku aasin xabaalayaal teedan dhul uu leeyahay.

Waxaa la xiray markii booliska ay weerareen beertiisa horraantii bishan, wuxuuna weli ku jiraa gacanta booliska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki ayaa sheegay in ciidamada amniga “ay ballaarin doonaan howlgallada raadinta iyo badbaadinta si ay u badbaadiyaan tirada nololeed ee ugu badan uguna macquulsan.”

“Dhulka oo cabirkiisu yahay 320 hektar, qeybna ka ah beerta Shakahola ayaa waxaa hadda lagu calaamyeeyey aag dhibaato oo howlgal uu ka socdo,” ayuu yiri Kindiki mar uu booqday goobta.

Wasiirka ayaa sheegay in tani ay noqon doonto marxalad isbeddel oo ku saabsan sida dalka ula tacaalo halisaha xagjirnimada diimeed, islamarkaana ay hadda eegayaan dhacdo tan la mid ah oo la tuhumayo inay ka jirto degaanka Kalifi.

Kooxaha goobta qodaya ayaa helaya meydadka si wadareed iyo si kali kali ah loo xabaalay oo ku jira khabuureyaal lagu asteeyey caalamadda kirishtanka.

Wasiirka ayaa dhacdadan la xiriiray dhimasho cibaadeed uu hoggaaminayey wadaad Mareykan ah oo lagu magacaabi jiray Jim Jones, kaasi oo 900 oo ka mid ah xertiisa ay sun cabeen isna dileen 1978-kii.

Waa dhacdadii ugu dhimashada badneyd ee la xiriirta cibaado diimeed ee laga diiwaan-geliyo Kenya.

AP, VOA

Rainfall fails to curb Somalia’s food insecurity battle

Mogadishu (Caasimada Online) – On Tuesday, a United Nations-supported report disclosed that about 6.6 million individuals in Somalia are grappling with humanitarian crises or severe food insecurity, even with an improvement in rainfall forecasts and a drop in food prices.

The Integrated Food Security Phase Classification (IPC), an analysis conducted jointly by UN agencies and other collaborators, revealed that Somalia will experience high levels of acute food insecurity until at least June.

Despite the reduced risk of famine during the same timeframe, 39% of the nation’s total population urgently needs humanitarian aid.

The IPC report stated, “Since mid-2021, steeply rising food prices have been one of the main drivers of deteriorating acute food insecurity in most Somali regions.”

The report underscored the importance of additional coordinated funding to avert a further decline in food security and nutrition conditions.

It called for increasing and maintaining high-level, multi-sectoral humanitarian assistance—including food security, nutrition, health, and WASH interventions—through at least June 2023 and potentially through late 2023.

Child malnutrition remains a concern

The IPC report confirmed the previously estimated total burden of acute malnutrition among children under five.

Around 1.8 million Somali children are expected to face acute malnutrition between January and December 2023, with 477,700 projected to experience severe malnutrition.

The report emphasized the necessity of enhancing humanitarian access and coverage in regions affected by insecurity and conflict to reach the most vulnerable populations.

The report suggested, “Offering timely support to impoverished farmers to capitalize on the ongoing Gu season rainfall is recommended.”

Furthermore, it mentioned the need for complementary recovery and developmental assistance to tackle the root causes of acute food insecurity and malnutrition and to rebuild livelihoods.

Rainfall forecasts improve

According to the IPC report, an updated forecast for the April to June Gu season indicates relatively better seasonal rainfall across most parts of Somalia compared to earlier predictions.

However, floods triggered by heavy rainfall and overflowing rivers in March have affected areas like Gedo and other southern Somali regions.

These floods have caused casualties, displaced tens of thousands, and destroyed property.

The report cautioned that the risk of flooding could escalate if heavy rainfall continues in Somalia and the upper catchments of the Shabelle and Juba rivers in southeastern Ethiopia.

An open letter to the President of Somalia

H.E. President Hassan Sheikh Mohamud
Villa Somalia
Mogadishu, Banadir
Dear Mr. President: 

Thank you for the political leadership you provide for the country. As a citizen who is concerned about our fledgling democracy—and the violent coups and conflicts that have spread across Mauritania, Mali, Niger, Burkina Faso, Chad, Central African Republic, Ethiopia, and Sudan–I am concerned this trend is likely to extend to Somalia and make worse its long agonies of failing governance, civil wars, and violent extremism. 

Excellency, lessons from field experience show that the twenty thousand African forces, and thousands of locally-trained military and police forces, sponsored by foreign powers, have not worked closely with civilian agencies since the formation of the transitional administrations to reduce high civilian casualties, provide justice and fair resolutions of violent conflict, build the capacities of governments and strengthen national security. This underscores 16 years of work to reinforce military and police forces have failed to reduce instability.

Excellency, in spite of external assistance for three decades, our people are deeply hurt and split and many of them have lost their trust in one another, though intra-group trust is increasing. This situation dictates that whatever group of friends comes to power, the others will line up in opposition. This is because the opposing group feels alarmed and defenseless by the possibility of a one-party government. This, along with problems caused by foreign powers which add to the many of our unending challenges, shortens the life of the government. To reverse such a situation, effective authority structure reforms are therefore needed to prevent the looming crises from escalating into an all-out armed conflict between the warring communities.

CHIEF OF STAFF 

Excellency, in order to make sure that you will be running a continuous administration (different from accusations against you of “micro-management”), delegating responsibilities at last may be advisable. As a matter of fact, delegating tasks to individuals you trust minimizes your duties and gives you more time to focus on bigger issues, such as security and the offensives underway. In Somalia, this means requiring even more from a chief of staff. It is widely believed that you pay little attention to day-to day operations in your office. It is time to choose and groom your daughter, Jihan Hassan Sheikh Mohamud, as close advisor who handles the most-delicate strategic matters and becomes the chief of staff. Jihan can serve you as extra eyes and ears by pointing out political potholes you may not recognize. Jihan being your daughter, will definitely ensure that you make the most of your limited time and that information arrives at the right point in your decision-making process, and that follow-up happens without you having to check. 

Excellency, to move forward, it is also important that you form two separate committees: i) a reform task force, and ii) an evaluation board.

REFORM TASK FORCE AND EVALUATION BOARD

Excellency, since institutional reforms can be so controversial and political, bringing in Qamar Ali Omar, first lady as a chair in the reform task force adds a critical dimension of importance and a focus on achieving objectives. In my opinion, reform task forces benefit from an evaluation board—a mix of former presidents and prime ministers. This group of high-level stakeholders—Abdiqasim Salad Hassan, Sharif Sheikh Ahmed, Mohamed Abdullahi Farmaajo,

Ali Mohamed Ghedi, Omar Abdirashid Ali Sharmarke, Abdiweli Mohamed Ali Gas, Abdi Farah Shirdon, Abdiweli Sheikh Ahmed, Hassan Ali Khaire, and Mohamed Hussein Roble—provide strategic direction for the programme, provide governance, and support the chair of the reform task force. This creates a balance of hands-on experience and authorities who are agents of change. You need them in your administration. Find the resolve to take bold action that will lead our nation into the new era of governance. Key reform areas include: 

REFORM TASK FORCE MANDATE 

i) A constitutional settlement agreed by all major stakeholders and completed within the remainder of your term in office.

ii) Developing an administrative intra and inter-working policy guideline between federal government and the member states.

iii) Drawing a policy guideline that would facilitate intra and inter-member state-working relationships.

iv) Devolving functions of the federal government and member-states institutions, in order to pave grounds for respective development programs.

v) Separating the human resource capital between the federal and member-states governments.

vi) Introduce inventories preparations for allocating existing assets and liabilities between the federal government and the member states, as well as other existing public/local authorities.

vii) Making an immediate address of the economic inventory process of all the country’s archival records within and overseas.

viii) Tabulating the external budget support received from the donors, since 1991.

ix) Developing constitutional framework for revenue and levy collection.

x) Initiating constitutional framework that sets forth a medium-term plan aligned with the long-term development objectives (2024-2060). 

Excellency, in order to be able to perform all the aforementioned functions, a reform task force should be equipped with capable staff possessing the appropriate competence and moral standards. The staff should have a sound technical background in different sectors—policy, security, and the economy—they are supposed to operate according to the mandate of the reform task force. Part of their competences will be assessed by the evaluation board. The board are expected to function as guardians and advocates for the sustainability of the overall process. 

THE IMPORTANCE OF CONTINUITY

To accomplish the reform task force’s mission, Excellency, you must ensure the prime minister, Hamza Abdi Barre, and his entire cabinet including Somalia’s intelligence boss, Mahad Mohamed Salad, and the Chief of the Somali National Army, Odowaa Yusuf Rageh continues to remain in office with minimum disruption for the remainder of your term in office. Also, to ensure a national unity, Excellency, there is required massive cooperation and consultation between your administration and the member states. The purpose of this is that ministries, departments, and agencies at the federal and state level wide essential functions continue. Maintaining a continuity of federal and state governments operations helps identify and shrink the gap between existing and desired competencies (knowledge, skills, and attitude), evaluate efficiency and effectiveness of all their activities and further facilitate the planning process. 

In the past, changing Prime Ministers has caused more damage to the President than it has been worth. 

THREATS TO THE PRESIDENCY

Excellency, the steps above ideally might help the Presidency survive. I say this because of apparent threats, both internal and external, that pose existential challenges to the continuity of government in Somalia.

You are well aware that we are in a vastly different world than the one of your previous term in office. Most significantly, African states are once again pawns in a great-power Cold War. Somalia so far has experienced the positioning but not the all-out confrontation of these powers. But as the explosion in Sudan has demonstrated, like Ethiopia before it, know that the risk of such a showdown in Somalia may well be forthcoming within the next year. The hallmark of this great power competition is successive coups and factions supported by different external actors. Somalia is primed for such a catastrophe. 

In the absence of an explicit policy of Somali neutrality between the great powers, it is impossible to satisfy competing demands. Somali has proven it cannot win by taking sides. Somalia can choose to take no one’s side, but it cannot take everyone’s side.

This is a difficult balancing act for any head of state. But it is impossible to achieve if a president is surrounded by individuals allied with different external actors while also pursuing the agenda of personal enrichment at the cost of the welfare of the president.

I name here for your benefit the three individuals central to undermining your presidency: Aweis Yusuf Haji, Ali Balad, and Hodan Osman. To enable any to have access to power or financial resources, most specifically the Central Bank of Somalia, may well be, under these global circumstances, political suicide. And even before that, the delay and eventual failure of the debt relief process.

Furthermore, it does not help that those around you have perpetually raised questions about your health and weaponized doubts about your fitness to remain in office.

As I see it, Excellency, there is the route of stability through neutral, reliable, and stable continuity of government, or the end of Somali Government as we know it and the beginning of a new, dark and unpredictable road for Somalis into the future. 

Good Luck Mr. President and God Bless Somalia, 

Abdirazak Fartaag
Chief Executive Officer
FRC | Fartaag Research & Consulting

Sawirro: Nin iibsaday gaari ay laheed dowladda Soomaaliya oo maanta mag-dhaw bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye ayaa qaaday tallaabo dhif iyo naadir ah, ninkaan markii ay burburtay dowladii dhexe Soomaaliya waxaa gacantiisa ku jiray Gaari kuwa Xamuulka qaada ah oo dowladu ay laheyd.

Wuxuu ka tirsanaa wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka, markii ay dowladdu burbrutay ee dalku uu dagaallo sokeeye cagaha la galay wuxuu iibiyey gaarigii dowladda ee gacantiisa ku jiray.

Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay in gaarigii uu ku iibiyey lacag dhan 12,500 oo dollar, maadaama aysan jirin xiligaas dowlad uu ku wareejiyo.

Markii uu iibsaday gaarigii wuxuu ka cararay dalka oo dagaallo ay ka socdeen, wuxuuna ka mid noqday Soomaalidii gashay waddanka Ingiriiska.

Cabdiraxmaan ayaa 32 sano kadib ku soo noqday Soomaaliya wuxuuna go’aansaday lacagtii uu gaariga dowladda ku iibsaday uu hadda ku soo celiyo dowladda, maadaama ay tahay Hanti-Qaran.

Ugu dambeyntii maanta ayuu Cabdirixmaan lacagtii si toos ah ugu shubay Bangiga Dhexe ee dowladda, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waa dhif in dadkii boobay ama xiligaas si un ay xagooda u martay hantidii dowladda ee dib ugu soo celiyey qaranka, markii dib loo soo dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad xoog leh oo hey’ado dhisan leh aadna u qalabeysan, inta badan hantidii dowladda waa la boobay, mana badna dadka go’aansaday inay dib u soo celiyaan xisaabihii dhinacooda maray, si lamid ah geesinimada uu maanta sameeyey Cabdiraxmaan Wehiye.

 

Xukuumadda oo guddi 12 xubnood ah u xil-saartay xaalad culus oo soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo galabta ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada.

Kulankaas waxaa lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Abshir Haruuse ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii ugu danbeeyey hareeyeen colaado sokeeye.

Wasiir Haruuse ayaa sheegay in ay wasaaraddu xiriiro kala duwan la samaysay diblamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan, si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu talaabaan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in xuduudaha Suudaan ay ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isku socodka.

Xubnaha guddiga ee loo magacaabay soo samata bixinta Soomaalida ku go’doonsan Suudaan ayaa ka kooban 12 oo wasiirka arrimaha dibadda uu hoggaaminayo.

Xubnaha guddiga ayaa ka kala ah:-

  1. Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye
  2. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida Xubin
  3. Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin
  4. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin
  5. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin
  6. Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin
  7. Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xubin
  8. Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin
  9. Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin
  10. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin
  11. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin
  12. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howlgalaan soo samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Suudaan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Kampala, soona bandhigaya qorshaha DF ee…

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda, halkaasi oo uu ka furmayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweynaha ayaa waxa uu halkaasi kusoo bandhigi doona go’aanka dowladda federaalka ee la wareegista amiga dalka, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdaba-joogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo militari ee wajiga labaad ee howl-galka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Al-Shabaab dalka iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Villa Somalia.

Madax iyo wakiilo ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia ayaa ka soo qeyb-galaya shirkaan, oo marti-galinayo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

“Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howl-gallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Villa Somalia.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

Midowga Afrika ayaa bishii hore ee March dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doollor oo loogu tala-galay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaasi oo taageero siiya ciidamadooda militariga ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.




Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay ‘walxa qarxa iyo ninkii waday’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen degmada Deyniile kusoo qabtay walxaha qarxa iyo ninkii waday, sida uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Howl-galkan oo si gaar ah uga dhacay xaafada War-laliska ee degmada Deyniile ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa hoggaanka baarista dembiyada.

Ninkan ay ciidamadu kusoo qabteen walxaha qarxa ayaa xilligaasi ku waday Mooto Bajaaj, waxaana magaciisa lagu sheegay Xasan Nuur Cali, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Booliska.

“Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa maanta degmada Deyniile gaar ahaan WAR–LALISKA ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Khawaarij Xasan Nuur Cali oo walxaha qarxa ku waday Mooto Bajaaj Guduud ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu qirtay inuu rabay waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed oo waxba galabsan, iyada oo ciidamadu halkaasi ku qarxiyeen miinadii uu waday dhagar qabaha la qabtay.

Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ayadu aad uga nasataya qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.

Madax dhaqameedkii ka tegay Muqdisho oo kulamo ka wada HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Madax dhaqameedkii ka tegay magaalada Muqdisho ee u socday inay dhex-dhexaadiyaan xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC ayaa kulamo ka bilaabay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madax dhaqameedkan oo shalay gaaray caasimadda Somaliland, oo si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa waxay maanta la kulmeen shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

“Shir-gudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta xarunta golaha ku soo dhaweeyey ergada dhaqanka ee ka timiday magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo guurtida booqasho iyo salaan ugu yimiday,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray ujeedka ay u socdaan madax dhaqameedka ka tegay magaalada Muqdisho, oo ah sidii xal nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa uga warbixiyey hanaanka ay soo martay nabadaynta Somaliland, doorkii guurtidu ku lahayd iyo sida ay maanta uga go’an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaaladda Laascaanood.

Odayaashan dhaqanka ee ka socda Muqdisho oo hore ula kulmay Isimida SSC ayaa sidoo kale waxaa la filaya inay la kulmaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo markii hore diidana imaatinkooda, balse markii dambe ku aqbalay cadaadiska caalamka ay ku saarayaan xiisadda dagaal ee Laascaanood.

Odayaashan oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa sidoo kale waxay markii ugu horeysay la kumi doonaan bahda dhaqanka ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u xil-saaray inay la hadlaan garaadada ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mucaaradka Somaliland ayaa kal hore meel adag iska taagay waan-waanta ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in aysan marnaba aqbaleyn dhex-dhexaadin ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, taasi oo sida muuqata aysan dhag jalaq u siin xukuumadda Somaliland.

Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Berbera

Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay guri ku dumay qoys deganaa xaafada Barwaaqo ee magaalada Berbera.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dhacdadan, halka laba kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada oo hadda lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inay aheyd haweenay da’ah oo Maamadii guriga aheyd, iyada oo dhaawac culusna uu soo gaadhay gabadh kale, halka inan yarna lasoo bad-baadiyay iyada oo ku neef qabatowday bur-burka.

“Reer jiifa ayuu gurigu ku dumay, waxa laga soo saaray saddex qof, islaan mayd ah, inan yar oo sirirsan iyo gabadh dhaawac aad u culus qabta,” ayuu yiri mid kamid ah goobjoogayaasha ku sugna guriga dumay oo la hadlay warbaahinta gudaha.

“Saddex billood ka hor ayay hablahaasi kasii calaacalayeen guriga hadana saaka qadarka Ilahay ayaa dhacay,” ayuu yiri mid kale oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta, kaasi oo sheegay in guriga uu ahaa mid qadiimi ah, ayna ka walaacsanayeen qoyska deganaa inay dhibaato kasoo gaari karto.

Ciidamada dab-damiska gobolka Togdheer oo iyagu gaaray goobta, ayaa u gurmaday qoyska dhibaatadu soo gaadhay iyaga oo gabadha dhimatay marka laga reebo soo badbaadiyay qoyska intii kale.

“Alle ha unaxariistee Gabadh ayaa ku Geeriyootay, halka laba qof oo kalena ciidamada Dabdemisku ka soo badbaadiyeen dhisme ku soo dumay qoyskii degenaa. Shilkan ayaa ka dhacay degmada Daaroole gaar ahaan xaafada Barwaaqo. Ciidamada Booliska magaalada Berbera, dawlada hoose Berbera iyo dadweynaha ayaa iyaguna hawlgalkaa gacan weyn ka geystay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ciidamada Dab-damiska Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidamada Dab-damiska “Qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxdayna samir iyo iimaan. Alle haw naxariisto.”

Ciidamada Dab-damiska ayaa waxay fariin adag u direen bulshada kala duwan ee reer Somaliland, iyaga oo faray inay ka taxadaraan, islamarkaana dayactiraan dhismayaasha keeni kara halis nafeed, sidoo kale ka feejignaadaan bullaacadaha iyo musqulaha jilicsan ee u nugul inay dumaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu u ambabaxo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa magaalada Kampala uga qeyb-galaya shirka ATMIS oo looga hadlayo xaaladda amaan ee Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu furmi doonaa maalinta Khamiista ah oo ku beegan, 27-ka  Apil ee 2023-ka, sida kal hore lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Uganda.

Shirkan ayaa imanaya ka gadaal markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa dalka Uganda u ka codsaday inuu martigeliyo shirweynahaas oo ay ka qaybgalayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Kulanka ka dhacaya Kampala ayaa Madaxda waxay qiimeyn ku sameyn doonaan guulaha laga gaaray fulinta waajibaadka howl-galka ATMIS (ex-AMISOM) iyo in dib loo eego qorshaha dhimista howl-galkan, iyada oo la raacayo qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee soo baxay sanadkii hore.

Madax iyo wakiilo ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia ayaa ka soo qeyb-galaya shirkaan, oo marti-galinayo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Shirkan mid hordhac u ah ayaa shalay ka furmay Kampala, kaasi oo looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga sifeeyo dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaas warbixin looga dhageystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirkaas ka qeyb gashay ayaa ka marqaati kacay horumarka ballaaran ee laga sameeyay howl-galadda ka socda dalka, kuwaasi oo ay iska kaashanayeen wejiga koowaad ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, sida qorshuhu yahay howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dalka ka hayaaman daba-yaqaadda sanadka 2024-ka, markaas oo la filayo in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

Sawirro: Soomaalidii u horeysay ee laga soo daad-gureeyay SUDAN oo kasoo degay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daad-gureeyay dalka Sudan ka soo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintan oo tiradoodu gaareyso 18 qof ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxay dowladdu sheegtay in laga soo daad-gureeyay xadka Sudan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan magaalada Buluja.

Ku-simaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo qeyb ka ahaa masuuliyiinta garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday dalka Koofurta Suudaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii ay dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan.

Ku dhawaad 500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa la filayaa in isla maanta ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo daad-gureeyneyso dalka Suudaan oo ay ka dhaqan gashay xabbad joojin aan caga adag ku taagneyn.

Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.

Si kastaba, Dagaalka ayaa xaafadaha shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459 qof, wuxuuna dhaawacay illaa 4,000 oo kale.

Yaa ka dambeeya mooshinka R/Wasaare Xamza? – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin iyo xog dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kaas oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in mooshinkan lagu diyaarinayo magaalada Nairobi oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano kamid ah baarlamaanka, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran.

Nabadoon Kacaan oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday xog ku aadan mooshinkaas, cidda ka dambeysa iyo danaha kale ee laga leeyahay.

Kacaan oo u warramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheehay in arrintaan ay dhaawac weyn ku tahay dowladnimada, sidoo kalena ay caqabad ku tahay dagaalka adag ee lagula jiro Shabaab.

“Arrintaan mooshinka ah ee golaha baarlamaanka uu wado waa dhaawac aad iyo aad u weyn si xukuumadda lugaha loo qabto, si ay dowladnimada u shaqeynin, si ay dowladda uga hakato dagaalka ay kula jirto Khawaarijta,” ayuu yiri Nabadoon Kacaan.

Waxaakale oo uu raaciyay “Waxay arrintaan dhaawac ku tahay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed maxaa yeelay dagaal ayuu madaxweynaha u iclaamiyay shacabka Soomaaliyeed”.

Dhanka kale Nabadoon Kacaan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay in mooshinka ay ka dambeyso Puntland, isla-markaama ay taageero ka heleyso xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sida uu ku dooday Nabadoonku.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Puntland ay dooneyso inay hesho xilka ra’iisul wasaaraha oo ay horay u weysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa wato Puntland iyo ragga baarlamaanka taabacsan marka arrintaas waxaa weeye ninka iga rid aniga  aan fuulee” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Nabadoonka.

Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan bani’aadanimada.

Arrin uu IMAARAADKA ‘ka damacsan yahay’ Soomaaliya oo digniin culus laga bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Kulane ayaa soo saaray qoraal uu kaga digayo dhibaato ka imaa karta heshiisyada ay dowladda federaalka Soomaaliya la geleyso dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo dalkeena dhaxal sii kara inuu cagaha la galo colaado la mid ah kuwa ka jira dalal Carbeed oo Imaaraadku uu ku eedeeyey inuu hurinayo.

“Howlaha gurracan ee Imaaraadku ka wadaan Soomaaliya ee aan xakamaynta lahayn waxay keenaysaa inay ka geystaan wadanka  wixii ay ka gaysteen dalalka Yemen, Liibiya iyo Sudan oo ay hadda hurinayaan, taas oo ina dhaxalsiinaysa rajo la’aan,” ayuu yiri C/laahi Kulane oo golaha shacabka ka tirsan.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in baarlamaanka Soomaaliya uu qaato door badbaadin ah, isla markaana la laalo heshiisyada ay galeen dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

“Si loo joojiyo falalka bahalnimada ah iyo danaha gurracan ee Imaaraatka Carabta ay ka wadaan Soomaaliya, waa in Baarlamaanka Soomaaliya uu tallaabo ka qaado,” ayuu yiri Kulane.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waa in meesha laga saaro heshiisyada Jaziiradaha Koyama iyo Chovaye, Dekadaha iyo dhammaan heshiisyada ciidan ee ku dhisan daacad-darrada, kana hortagno hubaynta maleeshiyaad iyo calooshood u shaqeystayaasha ay ka samaynayaan dalka.”

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane oo saaxiib dhow la ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo talada dalka looga guuleystay, mucaaradna ku ah dowladdaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa kula taliyey madaxda dalka inay dantooda ka hor mariyaan danta qaranka.

“DFS waa in ay wax walba ka hormarisaa Qaranimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, kana fogaataa in Imaaraatka Carabta ay si aan gabasho lahayn u dhaxgalaan talisyada Sirdoonka iyo Ciidanka Xoogga dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Kulane Jiis.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka oo baaq u diray dowladda Imaaraadka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Dowladda Imaaraatku waa in aysan ka gudbin xayndaabka shuruucda calaamiga ah.”

Daawo: Yabooh oo Muqdisho ka iclaamiyey dagaalka ‘wax uga daran Al-Shabaab’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh ayaa sheegay in la dagaalanka maan-dooriyaha ay siinayaan muhiimad ka weyn tan ay siiyaan la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama sida uu sheegay uu maan-dooriyuhu bulshada uga daran yahay Al-Shabaab.

Guddoomiye Yabooh ayaa hadalkaan ka yiri fagaare ku yaalla degmada Yaaqshiid oo lagu soo bandhigay waxyaabaha maanka-dooriya oo ciidanku ay howlgallo ku soo qabteen.

Markii uu Yabooh ku dhawaaqay go’aankaan waxaa garab taagnaa duqa Muqdisho oo maalmahaan dagaal adag kula jiray maan-dooriyaha, dadka isticmaala iyo goobaha lagu iibiyo.

“Dagaalka aan kula jirno maan-dooriyaha, wuxuu ka muhiimsan yahay kan Khawaarijta 24-ka saac dadkeena disha, sababtoo ah waxaa macquul ah in Shabaab-ka aan la dagaali karno oo ka hor tegi karno, balse daroogadaan bulshada oo qarinayo ee hadda lagu soo shubay caagadahaan biha loo maleeyo,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan Yaaqshiid u nimid culeyska uu nagu hayo maan-dooriyaha, guddoomiyaha gobolka ayaa meel kasta ka sheegay inaan la diriri doono maan-dooriyaha, dadka waxaan isticmaala ayaa sababa amni darada oo dadkeena qaribay.”

Wuxuu sheegay in wax kasta uu uga muhiimsan yahay dagaalka uu maamulka gobolka Banaadir kula jiro maandooriyaha iyo dadka isticmaala ama ka ganacsada, isla markaana ay ula dagaalami doonaan si aan horay loo arag.

Duqa Muqdisho oo isla goobtaas warbaahinta kula hadlay ayaa yiri, “Anaga daroogo waa noo bartilmaameed iyo dadka cuna ama iibiya, ilmaheena ayaa lagu fasahaadinayaa, cidii nolol ka raadineysa meel kale nolol haka raadsato.”

Guddoomiyaha gobolka ayaa ka digay inay sii furaadaan kalaabyada ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo ku goodiyey in hadda kadib ay go’aan culus ka gaari doonaan gurigii lagu dhex arko maandooriye.

Hoos ka daawo

DF oo shaacisay ‘arrin ay diideen’ madaxda Al-Shabaab oo kala shaki ka dhex-abuurtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab ay diideen in carruurtooda ay ka qeyb qaataan dagaalka ay ku jirto kooxda, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah.

Warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda, ayada oo soo xiganeysa xog ay ka heshay Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay in horjoogayaasha ay carruurtooda ku noolaayeen gudaha dalka ay ka horyimaadeen in carruurtooda qeyb ka noqdaan dagaalka socda.

Sidoo kale waxaa warbixinta warbaahinta dowladda lagu sheegay intii uu socday dagaalka in horjoogayaasha kala ah; Abuu Muslim, Fu’aad Shangolo iyo Xuseen Cali Fiidoow ay dagaalka ka saareen xubno ay dhaleen oo ku noola deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Fu’aad Shangolo ayaa markii uu wiil dhalay uu kasoo saaray dagaal culus, waxa uu faray inuu si deg deg ah uu wiilkiisa uga soo baxo dhamaan deegaanada ay Khawaarijta joogaan, ayada oo ujeedkiisu ahaa in mardambe uu dagaal ku dhicin wiilkiisa,” ayaa lagu yiri warbixintaan.

Warbixintan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in kooxda ay si qasab ah u askariyeyso carruurta ku nool deegaanada ay weli gacanta ku hayaan, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka looga soo horjeedo ee iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, sida lagu sheegay warbixintaan.

“Waxaa jira qaar ka mid ah xubnaha horjoogayaasha ee Khawaarijta ah oo carruurtooda iyo reerkooda u soo dira magaalooyinka nabadda ah ee dalka, iyagoo carruurtooda kala soo cararay in ay dagaallada galaan iyo in ay qaadaan fikradaha qaldan oo ay ku shubayaan carruurta Soomaaliyeed inteeda kale.”

Warbaahinta dowladda ayaa muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo dhawaan baahisay in horjoogayaasha kooxda ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.

DAGAAL culus oo dib uga qarxay DALKA SUDAN iyo wararkii ugu dambeeyay

Khartoum (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa mar kale ka qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.

Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Hase yeeshee rasaas iyo qaraxyo ayaa xalay laga maqlayey magaalada Omdurman, halkaasi oo ciidamada ay adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn si ay u beegsadaan aagagga Dacmu Sariic, sida uu sheegay weriye ka tirsan Reuters.

Militariga ayaa sidoo kale drone u adeegsaday si ay dagaalyahannada uga celiyaan goob saliidda lagu sifeeyo oo ku taalla Bahri, oo ah magaalada saddexaad ee ku teedsan webiga Nile.

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Sudan, Volker Perthes ayaa Golaha Ammaanka u sheegay Talaadada in xabbad-joojinta “ay u muuqato inay illaa hadda ka dhaqan-gashay qeybo ka mid ah dalka.”

Hase yeeshee wuxuu sheegay in dhinacna aanu muujin inuu diyaar u yahay “wada-xaajoodyo dhab ah, taasi oo muujineysa in labada dhinacbna ay la tahay in guul militari oo midba kan kale uu ka gaaro ay suurta-gal tahay.”

“Tani waa xisaab khaldan,” ayuu yiri Perthes, isaga oo intaas ku daray in garoonka diyaaradaha Khartoum uu shaqeynayo balse ay waxyeello gaartay.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.

Dagaalka ayaa xaafadaha shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459 qof, wuxuuna dhaawacay 4,000.

Waxaa burburay isbitaallada, halka cunno yari ay ka jirto dalka oo saddex meelood meel ka mid ah 46-ka milyan ay ay ku nool yihiin gargaar.

Gantaal Talaadadii ku dhacay xarunta caafimaad ee Al-Ruumi ee magaalada Omdurman ayaa waxaa ku dhintay 13 qof, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka.

Kooxda amniga qaranka ee madaxweynaha Mareykanak Joe Biden ayaa weli wada-hadallo la leh labada Jeneraal ee iska soo horjeedda ee dagaalamaya, si dagaalka loo soo afjaro oo gargaar bani’aadannimo loo gaarsiiyo shacabka, waxaa sidaas Talaadadii sheegay afhayeenk Aqalka Cad.

VOA + REUTERS

Turkey violates UN arms embargo on Somalia: Report

New York (Caasimada Online) – A United Nations (UN) investigation has determined that Turkey may have infringed upon international sanctions imposed on Somalia.

The Panel of Experts on Somalia, responsible for overseeing the conflict under the relevant UN Security Council resolution, found evidence suggesting that Turkey transgressed the embargo by providing Bayraktar drones produced by a family-owned firm of Turkish President Recep Tayyip Erdogan.

Confidential intelligence acquired by the UN investigators revealed that the Turkish Air Force transported Bayraktar TB2 drones to Mogadishu on December 6, 2021, using two Airbus A400M military cargo planes.

Despite the UN Security Council resolution’s explicit requirement for such clearance, the Turkish government failed to request an exemption from the UN before dispatching the drones.

Turkey responded to the UN’s inquiries by stating that the drones were delivered to a Turkish base in Mogadishu to support counter-terrorism efforts.

The official report from the UN experts, released on September 1, 2022, noted, “Türkiye informed the Panel that it has not delivered any type of unmanned combat aerial vehicles to the Somali authorities and that the systems in question are assigned to be used by Türkiye in the fight against terrorism in Somalia.”

Conflicting reports question Turkish explanation

However, reports from Turkish media contradict the government’s account, indicating that Somali officers had received training on drone usage in Turkey since March 2021 and had acquired five drones.

These findings challenge the Turkish government’s assertion that the drones in Somalia were intended exclusively for Turkish troops stationed there.

Following the partial lifting of the arms embargo in 2013, UN teams have been tracking and registering weapons and ammunition officially imported by the Somali government.

Countries providing arms and weapons must inform the UN and obtain approval for such deliveries.

Since 2013, Somalia has acquired approximately 27,000 weapons and 80.1 million rounds of ammunition, including 70,000 RPG-7 rounds.

According to UN Security Council Resolution 2607 (2021), the arms embargo does not cover weapons or military equipment supplies for the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the African Union Mission to Somalia (AMISOM), a peacekeeping mission authorized by the African Union in Somalia with UN approval.

Nevertheless, all other foreign troops in Somalia, including Turkish forces, must secure UN clearance to receive arms and ammunition.

Turkey’s history of arms violations in Somalia

In recent years, the UN has repeatedly identified Turkey for arms violations in Somalia. In April 2021, a Turkish maritime company transported military trucks to Somalia without notifying the UN of their compliance with the sanctions requirements, prompting UN investigators to examine the shipment.

UN experts obtained intelligence showing that İstanbullines Lojistik ve Denizcilik Limited Şirketi offloaded 44 “Kamaz” military trucks at the port of Mogadishu on April 30, 2021.

The vessel that carried the trucks to Somalia departed Turkey on April 15, 2021, traveled through the Suez Canal, anchored in Jeddah, Saudi Arabia, and eventually docked in Mogadishu.

The UN was not informed of the shipment by the company or the Turkish government.

Istanbul-based defense contractor Baykar Makina Sanayi creates bayraktar drones ve Ticaret Anonim Şirketi (Baykar), managed by Erdogan’s son-in-law, Selçuk Bayraktar.

Due to the substantial support, it receives from Erdogan, the company has secured major contracts with the Turkish government and foreign countries.

Erdogan actively promotes the sale of drones to the Turkish Armed Forces and other nations.

Erdogan’s Islamist government has made significant military and economic investments in Somalia, constructing a military base in Mogadishu and facilitating controversial Turkish business deals involving ports and airports.

In 2014, with Erdogan’s assistance, the management of the Mogadishu harbor facilities was handed over to the Islamist Albayrak Group, a Turkish conglomerate accused of corrupt practices in Turkey and abroad.