30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

DF oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka SUDAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka oo maanta qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa billowday soo daad-gureynta muwaadiniinteeda ku xayiran dalkaasi, kuwaas oo u badan arday wax ka baraneysay magaalada caasimada ah ee Khartoum.

Dowladda ayaa si rasmi ah u billowday soo daad-gureynta muwaadiniinteeda ku xayiran dalka Sudan, iyada oo maanta ay magaalada Muqdisho soo caga soo dhigatay diyaarad sidday Soomaalidii u horeysay ee laga soo qaaday waddankaasi, kuwaasi oo ku xayirnaa dagaalka u dhaxeeya labada Jeneraal ee isku haya awoodda Sudan.

Danjire Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo ah ku-simaha xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii ay dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl-galayay safaaradaha waddamada deriska, kuwaasi oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen howlaha samata-bixinta Soomaalida ku xayiran dalka Sudan.

Dadka Soomaalida ayaa waxay kusii qul-qulayaan xadadka kala duwan ee Sudan la leedahay dalalka deriska, ayada oo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku howlan yihiin fududeynynta sidii kumanaan muwaadin Soomaali ah  uga soo bixi lahaayeen dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in markale dagaal culus uu ka qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.

Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.

Dagaalka ayaa xaafadaha shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459 qof, wuxuuna dhaawacay illaa 4,000 oo kale.

Wareysi: Gabar sheegtay in si gaar ah uu ganacsigeeda u beegsaday duqa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar lagu magacaabo Manaar Cumar ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in si gaar ah uu u beegsaday guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, isla markaana uu ka xiray seddax Hotel oo Muqdisho ay ku leedahay.

Habeenadii lasoo dhaafay duqa Muqdisho ayaa gudaha u galay dhowr hotel oo ku yaal Liido oo ay ka socdeen sida lasoo bandhigay waxyaabo aan fiicneyn, si gaar ah, waxaa goobahaas lagu isticmaalayey waxyaabaha maanka-dooriya.

Guddoomiyaha ayaa laga duubay muuqaal isagoo uleynaya gabdho iyo wiilal, waxayna Manaar ku dooday in Madaale uu ku qaldanaa tallaabadaas, isla markaana uu isku noqday maxkamad iyo fulin, maadaama uu gacantiisa ku uleeyey dadkii joogay meheradeeda.

Manaar waxay sheegtay in guddoomiyuhu uu si gaar ah u beegsaday seddax hotel oo Xamar ay ku leedahay, waxayna qiratay in goobahaas lagu iibi jiray Shiishada, balse aan lala geli jirin waxyaabo kale oo maan-dooriye ah, markii laga reebo hal Hotel oo jiif ahaa.

“Duqa Muqdisho wuxuu nagu bilaabay la dagaalan ganacsi, sababtoo ah wuxuu awooday inuu nagu amro inaan joojino waxa ay diidan yihiin, mida kale magaalada meel kale lama xirin waxaa la xiray goobaheygii oo kaliya, waana beegsi gaar ah” ayey tiri Manaar Cumar.

Sidoo kale gabadhaan ayaa ku dooday in dalka oo dhan laga isticmaalo Shiishada ay iibiso, balse ay jiraan ganacsato ayada ka daran oo iibisa maan-dooriye uu qaadku ugu horeeyo, sida ay hadalka u dhigtay.

“Muqdisho 27 meelood oo sideyda oo kale looga ganacsado ayaa ku taalla, amar ka soo baxay maamulkana ma diidneen, waan jooji laheyn waxa la diidayo, guddoomiyuhu waxa uu ku socdo khatar weyn ayey dalka ku tahay, sharciga ha soo maro Madaale,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in ganacsigeeda uu sharci gaar ah u leeyahay, sida in qof 18 sano ka yar aan Shiishad laga iibin iyo in qof cabsan uusan soo geli karin xarumaheeda, sidoo kale waxyaabo kale sida Qaadka ayey sheegtay inay u diiday in lala soo galo.

Manaar oo wareysigaan siisay Idaacadda BBC ayaa sheegtay in gaar loo beegsaday oo ganacsi kale aan la xirin ilaa hadda, sidoo kalena laga xiray Hotel jiif oo Shiishad aan lagu iibi jirin.

“3-da Hotel waa la iga xiray mid ka mid ah waa Hotel la seexdo, kuwa kale hadii Shiishad magaaladaan lagu wada iibiyo uu ugu marmarsiyooday, kaas kale sababta uu u xiray ma garan karo, sharci darro ayaa la iiga xiray goobaheygii ganacsiga, iyadoo magaalada kuwii dhinacyada iga xigay ay xitaa ka furan yihiin.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Taalibaan oo dishay hoggaamiye ka tirsanaa Daacish

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay qaraxii lagu hoobtay ee sanadkii 2021-kii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul, ayaa waxaa dilay maamulka Talibanka ee xukuma dalka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Duqeyn dhacday bishii Agoosto sanadkii 2021-kii, ayaa waxaa ku dhintay 170 qof oo shacab ah, iyo 13 askari oo Mareykan ah, xilli ay dadku isku dayayeen inay dalka ka baxsadaan, markii ururka Taliban ay la wareegeen talada dalkaasi Afghanistan.

Hoggaamiyaha Daacish, ayaa la dilay dhowr toddobaad ka hor, balse muddo ayay qaadatay in la xaqiijiyo dhimashadiisa, sida ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen BBC-da iyo warbaahinta CBS.

Wali lama shaacin magaciisa.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegay inay ku ogaadeen sirdoonkooda in hogaamiyahaasi uu geeriyooday, inkastoo aysan faah faahin dheeri ah ka bixin, sida ay ku ogaayeen inuu ahaa shaqsigii ka dambeeyay weeraradii qaraxyada ahaa.

“Khubarada dowladda ayaa aad u aaminsan in qofkan…uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday garoonka diyaaradaha,” sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa u sheegay CBS.

Sida lagu sheegay maqaal lagu daabacay wargeyska New York Times, Maraykanka ayaa ka war helay geerida hoggaamiyihii IS horaantii bishan April.

Ma cadda in uu bartilmaameed u ahaa Taliban iyo in lagu dilay dagaalka u dhaxeeya IS iyo Taliban, sida uu qoray wargeyska.

Dagaallo Al-Shabaab looga xoreeyey laba deegaan oo muhiim ah oo ka dhacay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday degaanka  Jameeco oo u dhow magaalada Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka ayaa la wareegay deegaankaas oo ay horay u joogtay kooxda Al-Shabaab, saraakiisha hoggaamineysa ciidankii xoreeyey deegaankaas ayaa sheegay inay sii baacsanayaan Shabaab-kii ka firxaday deegaanka Jameeco.

Dhinaca kale dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-lahelay oo koonfur-bari ka xiga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka waxaa qaaday ciidanka dib u xoreynta deegaanka, waxayna dagaal culus la galeen kooxda Al-Shabaab oo dagaalkaas looga taag roonaaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ku sugan Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa maalmahaan ka socday howlgallo culus oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku baacsanayeen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa hadda ku baahay koonfurta iyo galbeedka gobolka Hiiraan, waxaana hadda la qorsheynayaa in kooxda laga xoreeyo Buurweyn iyo deegaano kale oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo weli ay joogaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, xiisad u dhaxeysa laba beelood ayaa ka taagan deegaano hoos taga magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, xiisada beelahaas ayaa istaagtay mudadii dagaalka lagula jiray kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay mid kalena waa dhaawac, kadib markii xalay koox hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ay weerareen qoys reer Miyi ah, waxay halkaas ku dileen hal wiil mid kalena waa dhaawaceen.

Somaliland oo soo saartay digniin ku wajahan SOOL iyo laba gobol oo kale

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada Somaliland ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada gobolada Sanaag, Sool iyo Togdheer ay ka di’i doonaan roobab aad u badan, sida ay saadaashu muujinayso.

“Saadaasha roobka Gu’ga ee toddobaadka soo socda ka di’i doona Insha-Allaahu dhamaadka bishan aynu ku jirno ee April 2023, roobab aad u badan ayaa ka di’i doona inta badan gobollada Barriga ee Somaliland, sida;  Sanaag, Sool iyo Togdheer roobabkaas oo cabirkoodu gaadhayo 50mm — 150mm,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland

Sidoo kale waxay sheegtay in qeybo ka mid ah gobollada galbeedka ee Awdal, Saaxil iyo Maroodi-Jeex ay ka di’i doonaan roobab fiican oo lagu diirsan doono cabirkiisuna meelaha qaarkood gaadhi doono ugu sarayn 30mm — 50mm.

Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobollada kor ku xusan in ay ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidooda.

“”Waa inay ka fogaadan jeex-jeexyada, roobku aad buu u di’i doona ee ha la is ilaaliyo oo xoolaha iyo maatida halaga fogeeyo,” ayaa lagu yiri digniinta ay soo saartay wasaaradda beeraha Somaliland, gaar ahaan waaxdeeda saadaashada hawada.

Xafiiska Saadaasha Hawada ayaa si toddobaadle ah u soo saara saadaasha roobka iyo xadiga roobabaka Somaliland da’a, wuxuuna inta badan la wadaaga hay’addaha dowladda, NGO-yada iyo dhamaan bulshada reer Somaliland.

MADAALE oo amar culus dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaro cusub dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banadir, kadib kulan xalay ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan oo ay kasoo qeyb-galeen madaxda kala duwan ee hay’addaha amniga iyo maamullada degmooyinka gobolka ayaa waxa uu guddoomiye Madaale faray saraakiisha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka inay degaan degmooyinka ay masuulka ka yihiin, si loo xaqiijiyo amniga caasimadda.

“Haddii uu guddoomiyaha deganeyn degmadiisa, haddii Taliyaha Saldhigga uusan deganeyn degmada, haddii intii amniga ka shaqeyneysay ay meelo kale jiraan, waxa aan aaminsanahay in meeshaas wax ay ku jiraan. Arrintaas waxa aan rabnaa in laga gudbo oo loo gudbo wada-shaqeyn,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa la’iska rabaa si mideysan oo wada-jir ah in aan u wada shaqeyno, annaga mas’uuliyiin ayaa naga sarreysa oo xisaabtan ayey naga rabaan, annagane waa in aan idinla xisaabtannaa.”

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu masuuliyiinta iyo saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ka codsaday inay sii dardar geliyaan sugidda amniga Muqdisho, isagoo ku bogaadiyey sida ay Ramadaan-kii ugu guuleysteen in bulshada caasimadda ay nabad helaan.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka, taliyaasha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliska iyo Nabad-sugida.

Si kastaba, Muddooyinkii dambe waxaa soo hagaagaya amniga magaalada Muqdisho, oo markii hore ay qaraxyadu uga dhici jireen si aan kala joogsi laheyn, dadkuna aad ugu dhiman jireen.

Madax dhaqameedkii ka tegay Muqdisho ‘ee u socday dhex-dhexaadinta’ oo gaaray Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madax dhaqameedkii kal hore ka tegay magaalada Muqdisho ee u socday inay dhex-dhexaadiyaan xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madax dhaqameedkan oo muddo ku sugna magaalada Garoowe, islamarkaana kormeer ku tegay magaalada Laascaanood oo ay ka taagan tahay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday inay kasoo degaan madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa.

Waxaa garoonka si weyn ugu soo dhaweeyay madax dhaqameedka kala duwan ee Somaliland, iyaga oo kusoo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa, sheegayna inay diyaar u yihiin inay ka qaabilaan dhex-dhexaadintooda iyo arrinta ay u socdaan.

“Madax dhaqameedkii mudaba ku maqnaa magaalada Caynaba ee gobolka Sool ayaa halkan ku qaabilay is wareysigayaguna wuu noo dambeeyaa,” ayuu yiri Suldaan Xasan oo kamid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xil-saaran xalinta colaada Laascaanood.

“Ergo ayaa tihiin oo anaguna ergo ayaa nahay, oo anagu mudaba waxaa fadhinay Laascaanood, waa Salaadiintii Oog tagtay oo halkana maanta idinku soo dhaweynayna, maadama aan nahay ergadii idinka horeysay, hadalkayagu waa soo dhaweyn walaalnimo.”

Ugaas Maxamuud oo horkacaya madax dhaqameedka gaaray Hargeysa oo ka hadlay munaasabadda kooban ee soo dhaweynta aheyd ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta odayaasha dhaqanka Somaliland, “Salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u mahad-celinayna oo runtii si karaamo leh noogu soo dhaweeyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, intaas kadib hadalka iyo ujeedka socdaalkeena waxay noo ahaan doonta goorteeda iyo goobteeda.”

Odayaashan dhaqanka ee ka socda Muqdisho oo hore ula kulmay Isimida SSC ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa inay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxweynaha Somaliland iyo madax dhaqameedka Somaliland ee iyagu dhankooda ku howlan xal u helista colaadda sii daba-dheeraaneysa ee Laascaanood.

Odayaashan oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa sidoo kale waxay markii ugu horeysay la kumi doonaan bahda dhaqanka ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u xil-saaray inay la hadlaan garaadada ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mucaaradka Somaliland ayaa kal hore meel adag iska taagay waan-waanta ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in aysan marnaba aqbaleyn dhex-dhexaadin ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, taasi oo sida muuqata aysan dhag jalaq u siin xukuumadda Somaliland.

“Ugaaskan ka degay Garoowe ee kooxda wata ee Laascaanood yimid in haddana maanta la yidhaahdo Somaliland ayay imanayaan waa nasiib xumo, oo toodii ayaa qasan oo u baahan,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo xilligaasi la hadlay warbaahinta.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ku cel-celisay inay diyaar u tahay xal nabadeed iyo in miiska wada-hadalka lagu xaliyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna tallaabada maanta u muuqata mid ay u qaaday dhabahaasi.

Daawo: DF oo war cusub kasoo saartay daabulida Soomaalida ku xayiran SUDAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa markale maanta ka hadashay muwaadiniinta ku xayiran dalkaasi, ayada oo sheegtay inay dowladda ay soo daabuleyso Soomaalida ku xayiran dalka Sudan oo dagaallo ay ka socdaan.

Ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu sheegay in dadaalka loogu jiro samatabixinta muwaadiniinteenna uu meel wanaagsan marayo, isaga oo shaaciyay in xadka Suudaan iyo Itoobiya maanta laga soo gudbin doono illaa 200 oo muwaadin.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl-galayay safaaradaha waddamada deriska, kuwaasi oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen howlaha samata-bixinta Soomaalida ku xayiran dalka Sudan.

“Aniga oo ku hadlaya magaca wasaaradda waxaa raba in aan u mahadceliyo Diblumaasiyiinteena ka shaqeynayay arrinta gurmadka ee isugu jira safaaradaha Itoobiya, Sudan iyo South Sudan, runtii waa jihaadeen oo waxay qabteen howl aad u muhiim ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Diinaari.

“Dadka Soomaalida waxay kusoo qulqulayaan xadadka kala duwna, waxaa lasoo gudbiyay illaa 148 muwaadin oo ku sugan hadda Sudan, maanta waxaa la filayaa illaa 200 muwaadin oo Soomaali ah inay soo gudbaan, oo waxay taagan yihiin xadka Al Qadarif ee dalka Sudan, ayna usoo gudbi doonaan xaggan, oo waxaa fududeyn doona diblumaasiyiinteena.”

Diinaari ayaa sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyay dowladda Kenya oo 19 Soomaali ah ka qaadday Khartuum iyo dowladda koofurta Suudaan oo dadka Soomaaliyeed u fasaxday inay xadkooda yimaaddaan una fududeeyaan safarkooda.

“Waxaa rajeynayna in dhamaan dadka Soomaalida meel kasta oo ay gaari karaan ay gaaran waxaa meeshaas diyaar ugu ah diblumaasiyiinta kala duwan ee ka howl-galayay safaaradaha Itoobiya, Sudan iyo Koonfurta Sudan oo hadda diyaar u ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu hay’adaha kala duwan iyo ganacsatada ugu baaqay in ay dadkooda u gurmadaan oo ay qeyb ka noqdaan sidii muwaadiniinta halkaasi ku xanniban loo samata-bixin lahaa, si ay u helaan tas-hiilaadka ay u baahan yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka

Shir muhiim u ah ‘qorshaha dagaal ee madaxweyne Xasan’ oo ka furmay Kampala

0

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa caasimadda dalka Uganda ee Kampala ka furmay shir muhiim u ah qorshaha dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku xoojinayo wejiga labaad ee dagaalka.

Shirkan ayaa waxaa iskugu yimid dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo uga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo sidii looga xoreyn lahaa guud ahaan dalkeenna.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Uganda, kaasi oo lagu wado inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howl-galka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkan maanta ka furmay Kampala ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga sifeeyo dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan warbixin looga dhageystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa ka marqaati kacay horumarka ballaaran ee laga sameeyay howl-galadda ka socda dalka, kuwaasi oo ay iska kaashanayeen wejiga koowaad ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Wejiga koowaad ee dagaalka iyo kan labaad oo hadda si hordhac ah uga billowday dalka ayaa waxaa lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay dhiggiisa dalka Uganda uga codsaday inuu martigeliyo shirka looga hadlayo amniga Soomaaliya iyo arrimaha ATMIS, oo ay ka qeyb-galayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan dalkeenna.

Horay madaxdaan ayaa ugu kulmay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan dalalka dariska oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore, waxayna soo saareen go’aano ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu iclaamiyay dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan taageero ka raadinayo dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo adkaado kooxda.

 

From Mogadishu to Minnesota: The Harrowing Journey of a Fleeing Somali Singer

Minnesota (Caasimada Online) – Once a beloved and prominent figure in the Somali music scene, Abdinur Nihaye Ahmed, known by his stage name “Abdi Dhaanto,” was forced to flee his homeland due to escalating insecurity and threats to his personal safety.

With terrorism threats looming and musicians and journalists being targeted by militants in Somalia, Dhaanto made the difficult decision to leave everything behind and embark on a perilous journey to find safety in the United States.

His journey to the U.S was not an easy one. It took him three weeks of navigating through treacherous routes, facing numerous hardships and risks along the way. His first leg of the journey was to Mexico, a country known for its challenges and dangers for migrants.

The journey began with a harrowing escape from Mogadishu, the capital city of Somalia. Fearing for his life, he had to leave behind his family, friends, and his music career, which he had worked so hard to build. Constant death threats by al-Shabab and attacks left him on the edge.

With just a small bag of belongings and his determination to survive, Dhaanto set out on a long and arduous journey, seeking refuge in the United States.

“I had to leave Somalia because the situation there was getting worse day by day,” said Abdi Dhaanto in an interview.

“There was a growing sense of insecurity, especially after last year’s election. Gang violence and terror attacks were on the rise, and it was becoming increasingly difficult to pursue my passion for music and live a normal life. Death threats became the norm.”

Abdi Dhaanto, known for his soulful voice and captivating performances, was a prominent figure in Somalia’s music scene.

He had a loyal fan following and was known for his powerful lyrics that often addressed social and political issues. However, as the security situation in Mogadishu deteriorated, he made the difficult decision to leave his homeland in search of safety and better opportunities.

“I had to leave everything behind – my family, my friends, and my music – but I had no choice,” Dhaanto said, recounting his journey. “I traveled through several countries, facing various challenges, including language barriers, financial difficulties, and the constant fear of being caught in conflict zones. It was a tough journey, but I was determined to find a better life.”

After arriving in Mexico, the 29-year-old singer continued his journey to the United States, where he hopes to find opportunities to develop his music career and share his talent with a wider audience.

“The United States has always been known as a land of opportunities,” he said. “I believe that with hard work and determination, I can rebuild my life here and continue pursuing my passion for
music.”

Abdi Dhaanto’s story is not unique. Many artists and musicians around the world have had to flee their homelands due to insecurity, conflict, and persecution.

They often face numerous challenges in their journey to safety and finding a new home where they can continue their creative pursuits.

“I am grateful for the opportunity to start a new life in the United States,” Abdi Dhaanto said. “I am determined to work hard and make the most of the opportunities available to me. I hope to connect with the local music scene, collaborate with fellow musicians, and share my Somali heritage through my music.”

As Abdi Dhaanto begins his new chapter in the United States, he remains hopeful and optimistic about the future. He is grateful for the support he has received from the Somali diaspora and the international music community, and he is determined to continue using his music to inspire and make a positive impact.

TOUGH ODYSSEY

Traveling mostly on foot, the singer crossed through several countries in Latin America, including treacherous forests and remote areas.

He faced extreme weather conditions, lack of food and water, and the constant fear of falling victim to human traffickers. Despite the challenges, Dhaanto remained resolute in his quest for safety and freedom.

Along the way, he encountered hunger and thirsty and faced threats from criminals who preyed on vulnerable migrants.

He witnessed the suffering and desperation of fellow travelers who had also fled their homelands in search of safety and a better life.

After weeks of grueling travel, he finally arrived in the US, his final destination where he is hoping to rebuild his life and music career and is also seeking asylum.

Maamulka gobolka oo shatigii kala laabtay hoteello iyo maqaayado ku yaal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Go’aankan kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxa uu imanaya xilli caasimada laga bilaabay howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, kadib markii markii uu maamulka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne.

“Maamulka gobolka Banaadir waxa uu xiray goobo ganacsi oo lagu isticmaalayay maandooriye oo ay ka socdeen wax ka baxsan anshaxa iyo dhaqankeena suuban, iyada oo goobahaasi la xiray lagala noqday shatiyadii ganacsi ee hore u haysteen,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in howl-gallada uu horkacayay habeenadii u dambeeyay guddoomiye Madaale ee maamulka gobolka kula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya iyo anshax xumada ay ku yimaadeen cabashooyin badan oo ka yimid bulshada, kuwaasi oo ka cawday xarumaha lagu iibiyo waxyaabahaasi.

Guddoomiye Madaale oo isagu hoggaaminayay howl-galadii labadii habeen u dambeeyay ayaa waxa uu ku sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka u rabaan xasilooni, horumar, bilic iyo dhaqan wanaagsan, sidaas darteed aysan hadda kadib aqbali doonin waxkaste oo wax udhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo Anshaxa Suuban.

“Waxaa mas’uuliyad innaga saaran ilaalinta mustaqbalka dhallinteena Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duq Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

Si kastaba, Howl-galladii u dambeeyay ee uu qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay dadka reer Muqdisho oo guddoomiyaha ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday.

Museveni oo ka jawaabay dalabkii madaxweyne Xasan Sheekh

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay dalabkii uu dhowaan u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo qabanayo shir looga arrinsanayo xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay dhiggiisa dalka Uganda u codsaday inuu martigeliyo shirweynahaas oo ay ka qaybgalayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Uganda, isla-markaana lagu daabacay bogga internet-ka ee ciidamada milatariga ayaa waxaa lagu sheegay inay marti gelinayaan shirkaas oo ka dhacaya Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu furmi doonaa maalinta Khamiista ah oo ku beegan, 27-ka  Apil ee 2023-ka, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Uganda.

Waxaa sidoo kale dowladda Uganda ay shaaca ka qaaday in haatan uu socdo abaabulka shirkaas, isla-markaana ay wadaan guddi farsamo oo ka socdo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo diyaarinaya ajendaha shirka guud ee ka dhacaya Kampala.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan shirkan diiradda lagu saarayo, ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo sidii wajigiisa labaad ay uga qayb qaadan lahaayeen ciidanka howlgalka ATMIS

Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ay qiimeeyaan guulihii u dambeeyay ee laga gaaray howlgallada haatan ka socda koonfurta & bartamaha Soomaaliya.

Horay madaxdaan ayaa ugu kulmay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan dalalka dariska oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore, waxayna soo saareen go’aano ka dhan ah Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka.

Si kastaba, madaxweynaha dowladea Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu iclaamiyay dagaalkan ayaa haatan taageero ka raadinayo dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo adkaado Al-Shabaab.

Muxuu Sheekh Soomow ka yiri tallaabadii MADAALE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Soomow oo kamid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ka falceliyay tallaabadii uu qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho oo bilaabay howlgalo lagula dagaalamayo maandooriyaha.

Sheekha oo u warramay Somali Cable TV ayaa marka hore soo dhaweeyay ficilada guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), wuxuuna tilmaamay inuu qaaday talaabo loo baahnaa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in usha uu qaatay ay tahay mid lagula dagaalamayo munkarka, isla-markaana lagu canaananayo dhalinyarada isticmaasha maandooriyaha.

“Usha uu qaatay ayaa nimco leh guddoomiyaha gobolka Banaadir, waana ushii u wadan jirar Amiirul Mu’miniin, waxaan leenahay marka ushii Seyd Cumar ee munkarka uu uga hortagi jiray oo dadka uu ku canaan jiray ayuu soo qaaray” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sheekha ayaa sidoo kale xusay in waxa loo soo bandhigayo ay tahay inay ku tusaale qaataan dadka kale, si loo suuliyo waxyaabaha macaasida ah iyo maandooriyaha.

“Waxaa ka rabaa dad kale in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay runta gaartay oo canaananaayo gaarto, waxaa ku xigi doono in lagu fuliyo xadka shareecada Islaamka oo ah 40 garbaash oo dadka hortooda ah” ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu shaaca ka qaaday in dowladda iyi culimada Soomaaliyeed ay marar badan u digeen dadka leh hoteelada iyo kuea ganacsada maandooriyaha, isla-markaana xukunkoodu yahay mid adag, sida ay qabto Shareecada Islaamka

“Dadka hoteeladaas iska leh mar horaa loo digay iyo kuwa daroogada keenaayo ee ka ganacsanayo, waxaan leenahay xukunkooda shareecada aad ayuu ugu adag yahay, waana in laga hotagaa” ayuu ku daray Sheekha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo labadii habeen ee lasoo dhaafay uu Duqa Muqdisho hoggaaminayay howlgallo laga sameeyay xeebta Liido iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagula dagaalamayay maandooriyaha iyo goobaha lagu sameeyo dhaqan xumada ee caasimada.

Xog: Madaxweyne Xasan oo sameynaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay billowday abaabulka isbaheysi cusub oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo muddooyinkii dambe ay xiisad xooggan kala dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Isbaheysigan cusub ee Madaxtooyada ay sameynayso ayaa la xaqiijiyay inay ku abaabuleyso siyaasiyiinta reer Puntland ee sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Saciid Deni.

Qorshaha madaxtooyada ayaa la sheegay inay dooneyso in hal isbaheysi oo xooggan lagu mideeyo dhamaan siyaasiyiinta Puntland ee mucaaradsan Saciid Deni, xilli ay sii xoogeysatay mucaaridada gudaha ee Deni.

Xogaha arrintaan laga helayo ayaa intaas kusii daraya in Madaxtooyada Soomaaliya ay dhaqaale gaar ah u diyaarisay hirgelinta qorshahan cusub ee ku sameynayso isbaheysiga siyaasadeed xooggan oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ujeedka u weyn ee Villa Somalia ay qorshahaan ka leedahay ayaa lagu sheegay sidii culeys siyaasadeed u saarto hoggaanka Puntland oo isagu meel iska dhigay wada-shaqeyntii heer federaal, kana horyimid tallaabooyinkii u dambeeyay ee qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Qorshahan cusub ayaa imanaya ka gadaal markii ay maamulka Saciid Deni ay xiriirka u jartay dowladda federaalka, gaar ahaan Villa Somalia, sababa la xiriira khilaaf siyaasadeed iyo rabitaanada madaxweynaha Puntland.

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa horraantii sanadkaan ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhamaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay Villa Somalia iyo maamulka Saciid Deni ayaa si weyn usii kala fogaaday, ayada oo maamulka Puntland uusan kasoo qeyb-galin shirarka iyo heshiisyada muhiimka u ah dowlad-dhiska, kuwaasi oo ay soo xaadireen madaxda dowladda federaalka iyo afarta maamul-goboleed ee kale.

Arrin keentay guusha amniga Muqdisho oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo xalay ka qaybgalay kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay  amniga Muqdisho iyo howlgallada haatan ka socda.

Wasiir Xagaa ayaa marka hore boggaadiyay shaqada iyo wanaagga ay la yimaadeen ciidamada boolis milataaro ee qayb ahaan lagu wareejiyay amniga gobolka Banaadir.

Waxa uu tilmaamay inay ku guuleysteeen shaqadii loo igmaday, isla-markaana ay mudan yihiin in loo hambalyeeyo, lana abaal-mariyo.

“Qof haddii shaqo loo dhiibo ama waa ku guuleystaa ama waa ku guul darreystaa, runtii way ku guuleysteen iyaga iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cali Xagaa.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in guushaan ay keentay wada shaqeynta mas’uuliyiinta gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga oo haatan si wadajir ah uga howlgala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Horta halkan waxaa ku dhan maamulkii magaalada Muqdisho amni iyo civil hadda ka horna ma dhicin inay sidaan u wada shaqeeyaan, marka wada shaqeynta guushaas ayay keentay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in lasii laba jibaaro wada shaqeynta iyo howlgallada ka socda caasimada, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo falalka kale ee amni darada ah.

“Waxaa inoo dhimman inaan laba laabno shaqada, inaan la’is dhigan cadowga nagala dagaalamaayo waa mid nala jira” ayuu yiri.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lagaa gudaga caasimada Soomaaliya.

Qorshe lagu dhacayo dhaxal-kii halgamaa Michael Mariano ‘oo ka socda’ Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyay qorshe uu sheegay in hantiilayaal iyo ganacsato waaweyn ku dhacayaan gurigii Ilma Michael Mariano, oo ahaa masuul xilal kala duwan oo illaa heer wasiir kasoo qabtay dalka.

Xildhibaan Maareeye ayaa waxa uu sheegay in dhul boobka lagula kacay Ilma Michael Mariano uu soo billowday 3 bilood kahor, xilligaasi oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka war helay kana hor istaagay raggaasi, hase yeeshe ay dib u bilaabeen iyaga oo qorshe cusub la yimid, sida uu sheegay.

“3 bilood ka hor waxaa la ogaaday in niman hantiilayaal iyo Ganacsato waaweyn ahi dhacayaan Gurigii ilma Meykal Maryamo oo dadkii hayeyna ka eryeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh ayaa arintii la gaadhsiiyey waxaana lay sheegay in Madaxweynuhu la hadlay ragii dhulka boobayey oo ku yidhi anigoo jooga Guriga Ilma Meykal Maryamo dhicimaysaane faraha ka qaada,” ayuu Xildhibaan Maareeye ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sheegay in ragga hantiilayaasha iyo ganacsatada waaweyn ah ee uu Xasan Sheekh 3 bil kahor ka hor istaagay damacooda boobka hantida Ilma Maykal Maryamo ay maanta bilaabeen inay kala googoyaan dhulkaasi oo baloodh baloodh uga iibinayaan dad ay ku heshiiyeen qorshahaan, si loogu wareero badbaadinta hantidaasi.

“Meykal Maryamo inkasta oo aanu dhinaca diinta ku caaqiido ahayn shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ahaa Muwaadin, halgamaa iyo hogaamiye baal dahab ah ka galay hormuudna u ahaa raadinta qadiyadii 5-ta Soomaaliya iyo sidii labada gobol ee xoroobey (Konfurta Soomaaliya iyo Somaliland) xornimada uga qaadan lahaayeen Talyaaniga iyo Ingiriiska,” ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Wuxuu noqday Wasiir iyo Ambassador shaqo fiican dalka u qabtay, waxaa taariikhdiisa dhowaan wax yar ka xusay General Galaal Allah ha u naxariistee.”

Xildhibaanka ayaa waxa uu “damiir xumo iyo gunnimo weyn” in maanta loo xoog sheegto Ilma Maykal Maryamo oo gurigooda laga dhacayo, isaga oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hortagaan arrintaais.

“Waa damiir xumo iyo gunnimo weyn hadii maanta caruurtii Ilma Meykal Maryamo loo Xoog sheeganayo oo gurigoodii laga dhacayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, RW iyo bahda dhaqanka ee iimaamku hormuudka u yahay waxaanu ka codsanayaa in ay ficilkaas bahalnimada ah joojiyaan.”

Dagaal culus oo ka dhacay degmada Raaga Ceelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu dhexeeyay burcad hubeysan iyo ciidamada ammaanka ee degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob ay isbaaro u tiilay rag hubeysan, isla-markaana ay ku hayeen ku dhowaad ilaa 10 baabuur, si ay uga qaataan lacago baad ah.

Guddoomiyaha degmada Raaga Ceelle oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay iska hor imaadkaasi, wuxuuna sheegay inuu ka dhacay dhanka waddada marta xeebta, halkaas oo ay ku dagaalameen labada dhinac.

Maamulka ayaa xusay in ragga burcadda ah ay ahaayeen laba nin, isla-markaana ay ka biyo diideen inay hubka dhigaan, kadibma ay la dagaalameen ciidamada ammaanka.

“Maadaama ay dagaalameen oo ay hub ka dhigistii diideen xabad ayaa meeshii ka dhacday iska caabin inay sameeyaan ayay isku dayeen waxayna ahaayeen laba wiil oo burcad ah oo baabuurta meesha ku baaraneysay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in mid kamid ah ragga burcadda ahaa la dilay, halka kan kalena uu baxsaday, isaga oo tilmaamay inay haatan ku raadjoogaan eedeysanaha.

“Mid kamid ah iska hor imaadka ayuu ku geeriyooday, midna waa uu fakaday, isna waan ku raadjoognaa, intaas uunbaa meesha ka dhacay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay inay fasaxeen gaadiidkii ku xayirnaa halkaas oo kq yimid dhanka Muqdisho, kuna sii jeeday gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Baabuurta aan meesha ugu tegnay waxay dhammaantood u jeedeen dhanka gobolka Shabeelaha Dhexe safar ayay ahaayeen waxayna ka yimaadeen dhanka magaalada Muqdisho”. ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Howlgalkan ayaa daba socda fulinta amarkii madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u booqday Shabeelaha Dhexe, isag oo amar ku bixiyay in goobta lagu toogto nin walba oo isbaaro dhigta waddooyinka gobolkaasi.

Daawo: MADAALE oo war cusub kasoo saaray go’aankii dowladda ee Bajaaj-ta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa galabta tegay goob ay ka socotay buufinta mootooyinka Bajaaj-ta ah ee ka howlgasha magaalada Muqdisho oo hadda loo kala saarayo A iyo B.

Guddoomiyaha ayaa beeniyey lacag aad u badan oo maalmahaan la isla dhex-marayey in lagu xujeynayo dhalinyarada, si loogu buufinayo mootooyinka oo la go’aamiyey in loo kala qeybiyo A iyo B.

“Waa been wararka suuqa ku jira, warbaahinta horteeda ayey ka qireen dhalinyarada Mooto Bajaaj-ta in 150 Dollar aan laga qaadeyn markii loo buufinayo mootada, balse waxaa laga qaadayaa 36 dollar, waana ogolyihiin inay dhiibaan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maamulka gobolka uu ku dadaalay in la yareeyo qiimaha laga qaadayo Bajaaj-leyda, taas oo ugu dambeyntii keentay inay isla ogolaadaan qorshaha socda ee lagu kala xakameynayo shaqada kumanaanka Mooto Bajaaj ee Muqdisho ka howlgasha.

“Waxaan ku nimid kormeer goobihii aan u asteynay in mootooyinka lagu kalareeyo oo loo kala saaro A iyo B, kani waa go’aan ka soo baxay golaha wasiirrada, waxaana fulintiisa leh maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Wuxuu sheegay in dhaqan-gelinta go’aankaas uu toos u bilowday maanta oo bishu aheyd 24, wuxuuna guddoomiyuhu uga mahad celiyey dhalinyarada ku dhaqeysata Mooto Bajaajta, sida ay ugu hoggaansameen go’aanka dowladda.

“Maanta fulinta awaamiirta dowladda ayey Bajaaj-ley saf dheer ugu jiraan, wixii soo kordha waan isla joognaa, waxaana ku dadaali doonaa inaan fududeyno wax kasta oo culeyska ka yareynaya, dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta.

Go’aankaan oo aad ay u diidanaayeen wadayaasha mooto Bajaaj-ta, isla markaana ay ka banaan-baxeen ayaa dhigaya in mootooyinka loo kala saaro A iyo B, taas oo ka dhigan in kooxda loogu buufiyo A ay shaqeyn doonaan hal maalin, maalinta xigtana ay magaalada ka shaqeysa doonto kooxda kale ee B loogu buufiyo.

Hoos ka daawo

Guurre: “Safiirka Soomaaliya u fadhiya Brussels mar kasta oo wefdi yimaado….”(Daawo)

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Maxamed Cusmaan (Guure) oo ka tirsan guddiga sare ee maamulka dalladda FSAN, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin ururo Soomaali ah oo ka dhisan waddanka Netherland ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan xaaladda Soomaalida dalkaasi ku dhaqan iyo qaxooti cusub oo dalkaasi yimid dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay 

“Waxaan la xiriirnay ururka la yiraa CBS oo soo uruuriya inta qaxooti ee soo gashay, wuxuu noo soo gudbiyay in 24,000 oo qaxooti dhowr waddan isugu jira in ay dalkan soo galeen. Soomaalidu tiradaas ayeey ka yihiin 3%, waxaan ka codsanay in ay inoo soo gudbiyaan cadadka saxda ah ee Soomaalida xerooyinka ku jira waxaan ka sugeynaa in ay dhowaan inoo soo gudbiyaan,” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Guurre, isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay soo dhoweynayaan dhaliilaha loo jeediyo guddihooda ee ku saabsan in ay sheegtaan in ay ku hadlaan codka Soomaalida, haddana aysan Soomaalida waxba u qaban. 

Guurre, oo wareysi siiyay Somali Nederland TV [YouTube] waxaa la weydiiyay in dallada FSAN oo aheyd dallad kulmin jirtay ururada ugu badan ee dalkaasi ka jira, balse ay isaga baxeen ururadii bud-dhiga u ahaa markii ay saluugeen guddiga dalladda oo fadhiid noqday, wuxuu sheegay in FSAN tahay metalaada dhabta ah ee Soomaalida.  

“FSAN waa metelaada dhabta ah ee Soomaalida, Dowladda dalkan cidda keliya ee ay la soo xiriirto waa FSAN, safiirka Soomaaliya u fadhiya Brussels marka wefdi Soomaali ah uu yimaado annaga ayuu si toos ah inoo wacaa,” ayuu yiri Guurre. 

Halkan ka daawo wareysiga Guurre oo dhameystiran

Madaxweyne Biden ma isku sharxayaa doorashada 2024?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu Talaadada maanta ah ku dhowaaqo inuu u tartamayo muddo xileed labaad, isaga oo noqon doono qofkii ugu da’da weynaa ee sidaas sameeya isaga oo ah 80 jir.

“La socda,” ayuu Biden weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad Isniintii.
Biden oo Dimoqraadi ah ayaa la filayaa inuu baahiyo farriin muuqaal ah, si la mid ah sidii uu sameeyey afar sano kahor markii uu ku dhowaaqay inuu u tartamayo doorashadii 2020 ee uu kaga adkaaday madaxweyne Donald Trump.

Kadib guulo sharci oo dhowr ah iyo siyaasad arrimo dibadeed oo caqabado badneyd labadii sano ee ugu horreysay ee xafiiska, Biden ayaanu jirin musharax muuqda oo ku jira xisbiga Dimoqraadiga oo la loolama.

Hase yeeshee waxaa la filayaa inuu wajaho weydiimo joogto ah oo xooggan oo ku saabsan da’diisa.

Biden ayaa noqon doona 86 jir marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad haddii uu ku guuleysto.

Inkasta oo xitaa dhaqaatiirtiisa ay bishii Febraayo sheegeen “inuu caafimaad ahaa” gudan karo waajibaadkiisa, haddana dad badan oo ay ku jiraan taageerayaashiisa ayaa aaminsan inuu aad da’ u yahay.

Ra’yi ururin uu sameeyey taleefishinka ABC News oo lasii daayey dhammaadkii toddobaadka, ayaa muujisay in 70 boqolkiiba, oo ay ku jiraan 51 boqolkiiba Dimoqraadiga, ay shacabka rumeysan yihiin inuusan is-sharxin.

Boqolkiiba 69 dhammaan dadkii jawaabay ee sheegay inuusan is-sharxin ayaa sababta ku qeexay walaac weyn ama yar oo ay ka qabaan da’diisa.

Biden ayaa jecel inuu walaacyadaas uga jawaabo inuu yiraahdo “i fiiriya” — isaga oo ula jeeda in cod bixiyayaasha ay diiradda saaraan guulihiisa siyaasadda arrimaha dibedda iyo isbaheysiga Reer Galbeedka ee uu abuuray si Ukraine looga caawiyo inay iska difaacdo duulaanka Ruushka.

Sanadka iyo barka xiga, Biden wuxuu haysan doonaa faa’iidada inuu xafiiska fadhiyo iyo taageerada midaysan ee xisbigiisa, halka Jamhuuriga ay billaabi doonaan loolan adag oo dhexdooda ah.

Trump, inkasta oo uu noqday madaxweyne hore kii ugu horreeyey ee dacwad lagu soo oogo, haddana weli waa kan ugu cad-cad Xisbiga Jamhuuriga.

Musharaxa uu caqabadda ugu xooggaan kala kulmi doono Trump ayaa la filayaa inuu noqdo barasaabka gobolka Florida, oo si isaga lamid ah aaminsan siyaasadda midigta-fog, balse da’ ahaan aad uga yar oo ah kaliya 44 jir.

Biden ayaa aad loo filayaa inuu mar kale xusho Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee noqota madaxweyne ku-xigeen, si ay ugula biirto ticket-ka 2024.

VOA + AFP