30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Sawirro: Ciidanka Danab oo qaaday tallaabo aad u caawisay qoysas ku nool Galcad

0

Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa shacabka ku nool degmadda Galcad ee gobolka Galgaduud u qeybiyey raashin, sidoo kale degaano kale oo hoos taga Galcad ayuu ciidanka Danab deeqdaan gaarsiiyey.

Deeqdaan oo bulshada deegaankaas ay aad ugu baahnaayeen waxay isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan, waxayna ciidanku ugu tala galeen qoysaska aad u liita ee Galcad iyo aageeda ku nool.

Degaanada deeqdaan ay gaarsiiyeen ciidanka xoogga dalka, waxaa kamid ah Ceel-Xaaji, halkaas oo markii raashinka laga qeybinayey ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo metela dadka ku nool deegaanadaas.

Qoysaska qaar waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay xoolahoodii ka dhaceen ama dileen xubnihii qoysaskaas u firfircoonaa ee u dhaq-dhaqaaqayey, maadaama ay sanado badan Galcad heysteen.

In Al-Shabaab 15 sano ka badan ay Galcad xukumayeen waxaa u dheer, inay mar dhexe dib ugu soo laabteen oo ka aar guteen cid kasta oo la shaqeysay ama ay tuhmeen inay wax un cilaaqaad ah la yeelatay ciidamada dowladda.

Ciidanka xoogga dalka oo Galcad ka xoreeyey kooxda dhowr bilood ka hor ayaa mar soo baneeyey degmadaas, kadib markii weerar cagmarin ah ay ku soo qaaday kooxdu, taas oo keentay in shacabku ay aad uga cabsadaan la shaqeynta ciidanka dowladda.

Weerarkii sababay in ciidanku dib uga soo baxo Galcad, waxaa lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidanka Danab Allaha u naxariistee Xasan Tuure oo door-weyn ku lahaa in kooxda laga xoreeyo gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud qeybo ka mid ah oo markii dambe lagu dilay.

Ciidanka dowladda ayaa aad loogu amaanaa sida ay u caawiyaan bulshada ku nool deegaanada ay ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab oo si daran u cunaqabateysa bulshada ku nool deegaanada ay dalka ka joogaan.

Daawo: Maamulka G/Banaadir oo shaaciyey ‘qolo uu sida Shabaab-ka’ ula dagaalamayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aano rasmi ah oo lagu xirayo hoteellada iyo maqaayadaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha eek u yaalla magaalada Muqdisho.

Go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka ayaa dhigaya in si isku mid ah loola dagaalami doono kooxda Al-shabaab iyo cidii hadda kadib lagu arko goob lagu sameynayo ansha xumadii uu habeenadaan la dagaalamayey duqa Muqdisho.

Waxaa la xiray in la xiro dhamaan goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha, cidii ka dhega adeygta amarka maamulka waxaa loogu goodiyey sharciga lala tiigsa doono.

Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir wuxuu go’aankaan ku cadeeyey xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo maan-dooriyaha, una hoggaansami waaya go’aankaan lagala noqa doono shatiga ganacsi.

“Waa lagama maarmaan in la xiro goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha ee ku yaalla magaaladaan Muqdisho,” ayaa lagu yiri go’aanada ka soo baxay maamulka gobolka.

Sidoo kale maamulka ayaa cadeeyey in fasahaad culus uu ku socdo dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana bulsho badan ay ka soo cabatay waxyaabaha lagu sameeyo ama lagu isticmaalo hoteellada iyo maqaayadaha qaar.

“Laga bilaabo maanta, waxaa la xiray goobaha lagu isticmaalo maan-dooriyaha iyo wax kasta oo anshaxa iyo akhlaaqda lidi ku ah, cidii hadda kadib lagu arko goobahaas waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan oo bayaanka akhriyey.

Sida lagu cadeeyey go’aanadaan waxaa sii soca doona howlgallada ka dhanka ah arrimahaan laga digayo ee maamulka gobolka Banaadir uu soo waday labadii habeen ee lasoo dhaafay.

“Howlgalladu waa soca doonaan, waxaana sida Khawaarijta loola diriri doonaa goobaha lagu gado ama laga soo dejiyo maan-dooriha,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan oo go’aanadaan cusub u akhriyey warbaahinta.

Hoos ka daawo

Villa Somalia oo ka hadashay ‘waxa ka jira’ in muddo kordhin horleh u raadineyso ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beenisay warar sheegaya in madaxweynaha iyo dowladdiisu ay muddo kordhin horleh u raadinayaan howl-galka ATMIS ee Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in uusan jirin qorshe ay dowladda ku dooneyso in muddo kordhin loo sameeyo howl-galka ATMIS.

Xuseen oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in waxba iska badalin qorshihii bixitaan ee kal hore kaasi oo ATMIS uga hayaamayaan Soomaaliya 31-ka bisha December ee sanadka 2014-ka.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay kala wareegto ATMIS, marka la gaaro 31-ka December 2024, sida uu dhigayo qaraarka UNSC ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

“Tani waa warbixin been abuur ah,” ayuu yiri Xuseen oo tweet-kiisa kusoo qaatay warbixin uu baahiyay warsidaha The East African, kaasi oo uu ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya oo uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh ay muddo kordhin laba sano oo dheeraad ah u raadineyso howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda ay rabto in wax ka bedel ku ameyso qorshaha ay cutubyada shisheeye ay dalka kaga hayaami doonaan bisha December ee sanadka soo socda.

“Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta go’aamadii UNSC ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670, marka la gaaro 31-ka December 2024. Waxaan diiradda saareynaa dhacdada ATMIS kadib,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Maxamed Cumar oo isagna beeniyay warbixinta uu baahiyay warsidaha The East African.

Wargeyskan ayaa warbixinta la beeniyay ku sheegay in ololahan uu madaxweyne Xasan Sheekh uu si gaar ah gadaal uga riixayo isaga oo kaashanaya madaxda dalalka gobolka.

The East African ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay warbixintiisa in qorshaha muddo kordhinta ATMIS ee uu sheegay inuu wado xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh uu waafaqsan yahay soo jeedin horey uga timid dalalka ay kasoo jeedaan ciidamada taliska ATMIS.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.

Sawirro: Maxay aheyd farriinta uu Albert Shingiro soo gaarsiiyay Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyada oo dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka iyo adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha deg-degga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxa uu kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taasi oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.

Mudane Albert Shingiro ayaa Axadii soo gaaray dalka, wuxuuna horkacaya wafdi ballaaran oo uu qeyb ka yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka ciidamada.

Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wada-hadallo gaar ah, kuwaasi oo diiradda lagu saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah howl-galka ATMIS.

Burundi ayaa ka mid ah waddamada dhanka militariga ka taageera Soomaaliya, waxayna qayn ka yihiin howl-galka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan waddamada ciidamada ka joogaan dalka.

Daawo: Ciidamada huwanta oo bur-buriyey xarumihii Shabaab-ka J/Hoose, kadibna toogtay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gal ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ku bur-buriyay xarumo ay ku dhuumaleysanayeen kooxda Al-Shabaab.

Xarumaha la bur-buriyay ayaa ku kala yaallay deegaanada Buula-madeey iyo Alamgaab oo ka tirsan gobolkaasi, ayada oo inta uu socday howl-galka ciidamada saareen miinooyin dhowr ah oo ay kooxda ku aastay waddooyinka.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay illaa iyo siddeed dagaal-yahaan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay toogteen ciidamada huwanta ee howl-galka ka fuliyay deeganadaasi.

Howl-galadan ayaa ujeedka ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga degaanada maamulka Jubbaland, kuwaasi oo sii socon doona inta guud ahaan kooxda laga sifeeynayo degaanada ay kaga dhuumaaleeysanayaan Jubbada Hoose, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta dowlad-goboleedka Jubbaland Saleebaan Maxamad Maxamud.

Wasiir Saleebaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galo si wada-jir ah u fulinayaan ciidanka xoogga, kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamka ah, kuwaasi oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab iyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka.

Bulshada deegaanadaasi ayuu ugu dambeyntiina wasiirku ugu baaqay inay ka qeyb qaatan howl-galka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada maamulka Jubbaland iyo dalka guud ahaan.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu dagaalka Al-Shabaab si dardar leh uga socda deegaanada maamulka Jubbaland, iyada oo dhawaan madaxweynaha Jubbaland uu tegay Afmadow oo muhiim u ah gulufka dagaal ee Jubbaland ay ku wajaheyso kooxda.

Al-Shabaab waxay Jubbaland ka joogaan dhul baaxad leh, waxaana halka maamul oo gobol buuxa ay ka xukumaan Al-Shabaab, gobolkaas waa Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in seddaxda gobolka ee Jubbaland la isku yiraahdo, ay labada gobo lee kale mid-ba qeyb ka joogaan, markii laga reebo Jubbada Dhexe oo ay wada xukumaan.

Marar badan waxaa madaxweynaha maamulkas lagu eedeeyey inuu ka caga jidayo in kooxda laga xoreeyo dhulka baaxadda leh oo Jubbaland ay ka joogaan, waxayna kooxdu si lamid ah gobollada kale weerarro culus ka fulisaa deegaanada Jubbaland.

DF oo walaac xooggan ka muujisay xaalad deg-deg ah oo ka taagan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Marwo Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda deg-degga ah ee ka taagan dalka Sudan.

Ergeyga ayaa waxay sheegtay in xaaladda ka taagan dalkaasi ay keentay inay barakacaan qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo arday, kuwaasi oo qeyb ka yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si gaar ah isha ugu hayo xaaladda ka taagan dalka Sudan, si gaar ahaan daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaasi.

“Xafiiska Ergaygu waxaa uu ku howlan yahay sidii si deg deg muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waddankooda hooyo, Iyadoo howshaan baaxadda leh lagala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu ergeygu qiray doorka muhiimka ah ee ay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ay ka ciyaartay isku-dubaridka iyo doorkeeda sama-tabixinta muwaadiniinta ku sugan dalkaasi.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xiriir dhow oo ay la leedahay safaaraddeena Soomaaliyeed iyo hogaanka wanaagsan ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) ayuu qirayaa ergeygu.”

Ergeyga ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyay beesha caalamka inay taageero dheeraad ah siiyaan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka taagan Suudaan, gaar ahaan carruurta iyo qoysaska lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda.

SSC oo qaaday tallaabo kadib go’aankii ay ku dhawaaqday + Sawirro

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Duqa degmada Laascaanood ayaa kormeer ku tegay Taliska Booliska Qeybta Guud ee gobolka Sool.

Isimida SSC iyo xubnaha kale ee la socda ayaa waxay halkaasi kulan xasaasi ah kula qaateen saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska ee SSC-Khaatumo.

“Golaha Isimada Dhaqanka ayaa saraakiisha Ciidanka Booliska ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ciidanka Boolisku ay u hayaan shacabkooda.”

Isimida SSC ayaa faray dhammaan ciidanka Booliska inay sii labo jibaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga guud ee magaalada, islamarkaana gacan bir ah ku qabtaan dhamaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida.

Masuuliyiinta ay horkacayeen Isimida ayaa sidoo kale waxay kormeer indha-indheyn ah kusoo mareen xabsiga dhexe ee degmada Laascaanood, iyaga oo u kuur galay duruufaha uu ku shaqeeyo xabsigaasi.

“Waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay hawl-gelinta dhamaan xarumaha adeegyada dadweynaha ee degmada Laascaanood.”

Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo oo bishii la soo dhaafay lagu aas-aasay magaalada Laascaanood ayaa tan iyo markaasi waday howl-gallo ay ku xaqiijinayaa amniga xarunta gobolka Sool.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Isimida SSC ku dhawaqeen in go’aankoodu yahay inay deegaankooda u tashadaan oo Soomaaliya ay ku soo biiraan oo cid Soomaali ka baxsan aysan taladoodu u daba fariisa doonin hadda kadib, islamarkaana ay iska difaacayaan duulaanka Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda BURUNDI oo shirar ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ku sugan wafdi ballaaran oo uu hogggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Burundi, Mudane Albert Shingiro, kaas oo Axaddii lagu soo dhoweeyay garoonka Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada, kaas oo u yimid kormeerka ciidankooda.

Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wadahadallo gaar ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS.

Wasiir Huruuse ayaa sidoo kale dhiggiisa dalka Burundi uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin howlgalka ATMIS ee Ciidamada Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wafdigan ay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si ay ula yeesheen wadahadallo ku aadan xiriirka labada dal.

Sidoo kale waxaa  la sheegay in la wadaagi doonaan dhanbaal ay ka sidaan madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye, si ay u gaasiiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Burundi ayaa ka mid ah waddada dhanka milatariga ka taageera Soomaaliya, waxayna qayn ka yihiin howlgalka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka qayb qaadanayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka.

Gaetz stands firm on US military withdrawal in Somalia

Washington DC (Caasimada Online) – In recent tweets, Rep. Matt Gaetz (R-Fla.) reiterated his calls to remove U.S. troops from Somalia, arguing that the conflict-ridden country does not pose a “vital national security concern.”

Gaetz has been advocating for the withdrawal of American soldiers from Somalia, maintaining that their continued presence has proven expensive and largely fruitless.

Gaetz highlighted that the U.S. had maintained a military presence in Somalia since 1992. However, the country remains mired in violence and political instability.

“Somalia is entrenched in violence and political instability that has persisted for decades, and there seems to be no end in sight,” he wrote.

The Florida Republican added that while the United States is responsible for protecting its citizens and defending its interests, Somalia should not be a priority.

Gaetz urged the U.S. to focus on issues directly impacting its neighbors and prioritize its needs, stating, “It is time to bring our troops home and let Somalia find its path to stability.”

War powers resolution

Last month, Gaetz introduced a war powers resolution calling for removing U.S. Armed Forces from Somalia, except those protecting the U.S. Embassy.

The resolution mandated that these forces be withdrawn no later than 365 days after its adoption.

It has since been referred to the House Committee on Foreign Affairs and must clear the committee before receiving a vote on the House floor.

A previous resolution to withdraw U.S. troops from Syria failed, highlighting divisions among members of both parties.

Gaetz criticized military leaders for their inability to assess their efficacy, stating, “The American people have extremely low confidence in our military leaders and their ability to assess their efficacy.”

He further questioned the justification for occupying Somalia and challenged Congress to explain how continuing the occupation serves the interests of the American people.

“If they cannot, it is incumbent upon the Congress to bring our troops home from Somalia,” Gaetz said.

Gaetz’s fight for withdrawal

Reflecting on the debate surrounding his resolution to withdraw troops from Syria, Gaetz noted that both Republicans and Democrats argued that the 2001 Authorization for the use of Military Force against Afghanistan served as a “global permission slip for every neocon fantasy.”

He anticipates similar arguments being made regarding Somalia.

By championing the withdrawal of U.S. troops from Somalia, Gaetz aims to shift the focus to domestic concerns and prioritize the well-being of American citizens.

As the resolution awaits further action from the House Committee on Foreign Affairs, the debate over the U.S. military’s role in Somalia will continue.

Wararkii ugu dambeeyay ee mooshinka R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya guuxa siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka laga wado xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.

Mooshikan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay diyaarinayaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Sida ay ogaatay Caasimada Online abaabulka mooshinkan ayaa haatan si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda.

Sidoo kale xildhibaanadaan ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah saaxiibadooda Baarlamaanka, kuwaasi oo ay ka dalbadeen inay ka qeyb qaatan mooshinka lagu ridayo xukuumadda Xamza, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dhanka kale xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankeeda ka hadashay arrintan, waxaana si gaar ah jawaab uga bixiyay agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo war kooban soo saaray ayaa u jawaabay xildhibaanada wada mooshinka, isaga oo sheegay in dalka uu ku jiro marxalad dagaal, sidaas darteedna aan loo baahneyn in la abuuro xiisad siyaasadeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xukuumadda federaalka ay haatan ku howlan tahay dhammeystirka dastuurka iyo denyn cafinta.

“Miyaanay ogeyn in Dowladda iyo Dadkuba dagaal ay ku jiraan — weliba #DanQaran ay u sii dheer tahay Deyn cafinta iyo Dastuurka in la soo afjaro 2023!” ayuu yiri Farxaan Jimcaale.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhankeeda qoraal soo saartay ayaa difaacday xukuumadda, maadaama ay ka tirsan tahay, waxayna sheegtay in dalka ay hormar weyn gaarsiiyeeen ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

“XJFS EE RW Hamza Abdi Barre & GUUD AHAAN DJFS EE MW Hassan Sheikh Mohamud OO JIDKA MAKKAH-ALMUKARAMA DHAAFTEY MOOSHIN HOWGA BAQINA” ayay qoraalkeeda ku tiri wasiir Khadiijo Diiriye.

Si kastaba, Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Somali nationals flee Sudan conflict, reach Ethiopia

Khartoum (Caasimada Online) – Somali officials confirmed the arrival of 27 Somali nationals, including four women, in Ethiopia after fleeing the conflict in Sudan’s capital, Khartoum.

These individuals crossed into Ethiopia through the border town of Metema, according to an official at the Ministry of Foreign Affairs who spoke with VOA Somali.

Among those who arrived in Ethiopia was former BBC Somali service journalist Abdisalam Hereri.

Hereri was in Khartoum to attend a memorial for the late Somali singer Mohamed Suleiman Tubeec when the fighting erupted.

He and other Somalis took advantage of a 24-hour cease-fire, traveling by bus to the southeastern Sudanese city of Al Qadarif before proceeding to the border town of Gallabat.

At Gallabat, Hereri reported encountering a “major problem” as some Sudanese border officials demanded a hefty fee for an exit stamp on their documents.

After negotiations, the group was charged $50 each. The Sudanese Embassy in Washington did not respond to a request for comment.

Upon arriving in the Ethiopian town of Metema, Hereri described a markedly different atmosphere from Sudan.

“There was order and respect,” he said, adding that Ethiopian soldiers at the checkpoint expressed sympathy and welcomed the group warmly.

More Somalis fleeing

The Somali Embassy in Khartoum has confirmed that more Somalis are heading toward the Sudan-Ethiopia border in an attempt to return to Somalia.

Over 200 Somalis arrived in Al Qadarif on Saturday, according to Somali Ambassador to Sudan, Mohamed Sheikh Isak.

Somali officials are in communication with their Ethiopian counterparts to facilitate the entry of Somalis into Ethiopia.

Ambassador Isak explained that while the Somali government is not providing transport, they offer guidance to those fleeing the conflict.

He advised women against traveling alone to Al Qadarif and stated that the embassy in Khartoum remains open, preparing travel documents for those wanting to leave.

Challenges faced by Somali students

Somali students who arrived in Al Qadarif struggle with high living expenses and a lack of remittance services.

Abdalle Muse Ibrahim, a Khartoum’s International University of Africa student, said essentials are expensive, and he could not find a remittance office in the town to receive money from his parents in Somalia.

Asha Idris Hassan, another student who fled from Khartoum, reported encountering similar difficulties.

She mentioned a lack of water, accommodation, money exchange bureaus, and remittance services.

Asha Ali Abdi, a mother with a child who also fled from Khartoum, said she was asked to pay $30 a day for a one-bedroom rental with no running water, electricity, or kitchen.

DAAWO: Hub iyo tuutaha militariga oo lagu qabtay hoteel ku yaalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay laga sameeyay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho kaas oo lagu soo qabtay hub iyo dharka tuutaha ee ay xirtaan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa wajigiisa labaad laga sameeyay degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Ciidamada ayaa gudaha ugu daatay dhowr xarumood oo ku yaalla halkaasi, kuwaas oo isugu jiro hoteello iyo goobo ay ku caaweeyaan dhalinyarada, xilliyada habeenkii ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo howlgalka kadib la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in ciidamadu ay kasoo qabteen mid kamid ah hoteellada ay galeen saddex qoray iyo dharka tuutaha ee ay xirtaan milatariga, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku wareejiyeen hay’adaha amniga.

“Meelihii aan tegnay meel kamid ah oo magaceeda la yiraahdo Saba waxaa lagu qabtay dareeska ciidamada milatariga oo ka kooban 45 joog iyo saddex qoray oo AK47 ah, waxaana ku wareejinay taliska qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay gudaha u galeen xarun kale oo ay ku sugnaayeen dhalinyaro isugu jiro wiilal iyo gabdho, isla-markaana lagu sameynayay waxyaallo ka baxsan anshaxa, sidoo kalena lagu isticmaalayay maandooriye.

Yabooh oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in howlgalladu ay sii socon doonaan, isla-markaana ujeedka uu yahay la dagaalanka maandooriyaha iyo dhaqan xumada.

“Waxaa sidoo kale kamid ah meelaha aan tegnay Boosh oo dhalinyaro fara badan oo waqti xilli dambe ah halkaas oo nalalka ay u dansan yihiin aan ku aragnay, marka waxaan rabnaa howlgalkan isaga ah muddo inuu sii socdo” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiye Yabooh.

Howlgalkan ayaa waxaa wajigiisa koowaad habeen hore laga sameeyay xeebta Liido, kadib markii uu duqa Muqdisho gudaha u galay kalaabyo ku yaalla halkaasi, kadibna uu xiray.

Xog: Xildhibaanada BF oo ku kala qeybsamay mooshinka xukuumadda R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay mooshin ka dhan ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaasi oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaanada.

Xildhibaanada kasoo horjeestay mooshinkan oo la rabo in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, ayaa waxay ku doodayaan in aan xilligaan la wiiqin dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, oo aan fursan la siin argagixisada.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkan ayaa waxa uu sheegay in waxx walba ay ku noqonayaan Zero oo ka dhigan halkii hore looga soo qaaday, marka loo eego horumarka laga sameeyay amaanka caasimadda dalka ee Muqdisho iyo gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Xildhibaano aanu saaxiibonahay oo meelo kala duwan jooga ayaa habeenadan ila soo xidhiidhaya oo igala hadlaya in aan ka qayb-qaato kambayn-ka Mooshin lagu ridayo Xakuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse,” ayuu yiri qoraal uu Xildhibaan Xayir Maareeye soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Saaxiibaday waxaan u sheegay in inkasta oo aanan ka mid ahayn Xukuumada RW Xamse hadana in aanan jecelayn in la rido xukuumada, waayo waxaan ku faraxsanahay oo dawladda ku amaanayaa dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo sida ay wax uga qabatay Amniga Magaalooyinka qaar sida Muqdisho, hadii hada la furo muran siyaasadeed ama xukuumada la ridona wax waliba waxay ku noqonayaan zero.”

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale waxa uu iftiimiyay in mooshinka ka dhanka ah xukuumadda lagu rabo dano gaar ah, islamarkaana meesha ka saarayan rejada iyo dowlad-dhiska umadda Soomaaliyeed, taasi oo dabada ka riixayaan dowladda shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

“Illaa xiligii UNITAF ee 1993, waxaan u soo joogay oo qibrad weyn u leeyahay sida markasta oo Soomaaliya ay u soo ifto nabad, deganaansho iyo dawladnimo sida ay dawlado caan ah oo la yaqaan oo adeegsanaya Wakiilo gudaha ah oo marxali ah (marba ninkii xanaaqsan ee dareen qabiil ama mid xil shidayo) dhabarka uga jebin jireen oo u kala tuuri jireen rajada iyo dawlad dhiska ummadda Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maanta oo mooshin iyo buuq siyaasadeed la furo ay la mid tahay “Shabaab waa sii jabayaa haloo hiiliyo oo dalka ha joogo, deynta ayaa la cafinayaa oo dalka maalgashi baa imaanaya ee hala kala tuuro oo dalka iyo dadku tuugsigoodii ha ku sii jireen, shirarkii Madasha, Dhameystirka Dastuurka, dhismaha Dawlad dhiska ee hawluhu ka socdaan hala istaajiyo,”

“Waxaas oo dhana sidii aan arki jiray waxaa dabada ka riixaya oo Qarash ku bixinaya Dawlado Shisheeye. Xildhibaanada walaalahay ah waxaan kula talinayaa yaan sidaas la yeelin ee dalka iyo dadka haloo tudho,” ayuu Xildhibaanka ku yiri qoraalkiisa.

Si kastaba, Mooshinkan cusub ee ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ee wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

Mucaaradka KENYA oo cayimay maalinka ay dib u billaabayaan dibad-baxyada

Nairobi (Caasimada Online) – Mucaaradka dalka Kenya ayaa dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda dib u billaabi doona 2-da May, waxaa sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka.

Dibad-baxyada ayaa la hakiyey ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii dowladda ay yaboohday wada-hadallo.

“Waxaan dibad-baxyada dib u billaabi doonnaa 2-da May,” ayuu yiri Dennis Onyango oo ah afhayeenka Raila Odinga, oo abaabulay dibad-baxyadii bishii tagtay. “Waxay dibad-baxyada ka billaaban doonnaa Nairobi,” ayuu yiri Onyango.

Onyango ma uusan sheegin sababta ay mucaaradka ugu baaqeen in dibad-baxyada dib loo billaabo. Hase yeeshee mucaaradka ayaa horey uga digay inay sidan dhici doonto haddii aan horumar la taaban karo laga sameyn wada-hadallada.

Odinga ayaa hoggaaminayey dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda, isaga oo ku dooday in lagu shubtay doorashadii madaxweynaha ee bishii August iyo sidoo kale wax uu ugu yeeray in dowladda ay ku guul-darreysatay inay wax ka qabato qiimaha nolosha ee sare usii kacaya.

Saddex qof ayaa geeriyooday, goobo ganacsina waa la bililiqeystay saddex maalmood oo bishii tagtay ay socdeen dibad-baxyo rabashado watay oo ka dhan ah dowladda.

Sidoo kale booliska ayaa laba qof ku toogtay magaalada Kisumu, halka sarkaal boolis uu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray isku dhacyo ka dhacay magaalada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Bishan horraanteeda, Odinga ayaa ku dhowaaqay in la hakiyey dibad-baxyada kadib markii madaxweyne William Ruto uu ku baaqay in wada-hadallo lagu xaliyo dhibaatooyinka jira.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyey in la abuuro guddi baarlamaani oo labada dhinac ah, si ay uga shaqeeyaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashada.

Odinga ayaa soo dhoweeyey “xalka nabadeed” ee Ruto. Hase yeeshee waxa uu sidoo kale ka digay “Waxaan xaq u leenahay inaan ku baaqno dibad-baxyo haddii hanaankan uusan miro dhalin.”

Odinga, oo looga adkaaday shantii doorashado madaxweyne ee ugu dambeeyey, ayaa toddobaadkii tegay sheegay inuu shaacin doono qorsheyaal cusub oo la xiriira dibad-baxyada mustaqbalka kadib dhammaadka bisha Ramadan.

AFP, VOA

Itoobiya oo ku dhawaaqday go’aan la xiriira jabhadda Oromada

Addis ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axaddii sheegay in dowladdiisa ay wada hadal la furtay jabhadda Oromada ah ee OLA, oo ka dagaalanta gobolka Oromada, oo ah gobolka ugu weyn uguna dadka badan dalkaas.

“Wada xaajoodka Oneg Shene, ayaa maalin ka dib ka bilaabmi doona dalka Tansaaniya,” ayuu yiri Mr Abiy, isagoo magac kale u adeegsaday OLA.

Wuxuu yiri “Dowladda iyo shacabka Itoobiya waxay aad ugu baahan yihiin geeddi-socodkan wada-xaajoodka,” isagoo raaciyay, “Waxaan ka dalbanayaa dhammaan kooxaha inay qaybtooda ka qaataan wada hadalkan.”

Abiy ayaa sidaas ku sheegay khudbad uu ugu dabbaaldegayay heshiiskii nabadeed, ee ay dowladdiisu la gashay Jabhadda Tigray (TPLF) bishii November ee sanadkii hore, si loo soo afjaro dagaalka Tigray-ga.

Ma jiro wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan, oo uu ka bixiyay qaabka ay u dhacayaan wada-hadallada iyo dhexdhexaadiyeyaasha.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka dalbaday dhammaan dhinacyada inay “xasuusnaadaan inaanan waxba laga faa’iideynin dagaal”.

Bayaan ay soo saareen isniintii OLA, ayaa lagu xaqiijiyay wada hadalka, iyagoo sheegay inuu yahay “tallaabo muhiim ah oo wanaagsan oo loo qaaday sidii nabad waarta loogga dhalin lahaa gobolka”.

Waxa ay sheegtay in dowladdu ay aqbashay shuruudaheeda wada xaajoodka nabadeed, oo ay ku jiraan in lagu daro “dhexdhexaadiyeyaal ka socda dhinac saddexaad”.

Ururka OLA iyo dowladda federaalka Itoobiya, ayaa midba midka kale ku eedeeyay weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Oromada.

Kooxdan fallaagada ah, ee sheegta in ay u dagaallamayaan xuquuqda qowmiyadda Oromada, ayaa dowladda federaalku u aqoonsatay urur argagixiso bishii May 2021-kii.

Khilaafka u dhaxeeya OLA iyo dowlada Federaalka, ayaa ah mid ka duwan dagaaladii Tigray-ga, balse OLA ayaa isbahaysi la samaysatay kooxda TPLF 2021-kii.

Daawo: Ciidanka xoogga dalka oo gaadiid iyo maxaabiis ka qabtay Al-Shabaab

0

Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxay ku soo qabteen gaadiid looga shakiyey inuu sahay u siday Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyey fariisimo ay si qarsoodi ah isaga soo abaabulayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka.

Ciidanka Qaranka sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay saraakiishu u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca xamuulka qaada ah oo loo yaqaano BG, kaas oo la sheegay ama looga shakiyey inuu saanad ciidan, sahay raashin iyo shidaal ah u sido kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana laga soo doorto bariga gobolka Galgaduud ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalka lagu soo qabtay gaariga iyo maleeshiyaadka la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Xusul oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan gaadiidka iyo ragga la qabtay, isla markaana ay dib bulshada ula soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaanka.

“Waxa aan soo qabanay hal gaari kaliya ma ahan, sidoo kale waxaa jira maxaabiis badan oo gacanta lagu hayo, dowladdu waa baareysaa gaadiidkaan, oo sida alaab u badan saadka ciidamada, waana sii baari doonaa,” ayuu yiri Xusul.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa u tacsiyeeyey odayaashii ay maalin ka hor Al-Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Mesagawaa ee gobolka Galgaduud, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in kooxdu ay mar kasta disho dadka birimageydada ah.

Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiseen Caasimada Online.

Hoos ka daawo warbixin uu Galcad ka soo diray Weriye ka tirsan warbaahinta dowladda Soomaaliya

MADAALE oo sharaxaad ka bixiyay tallaabadii uu qaaday, wacadna ku maray in uu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa wacad ku maray in uusan aqbali doonin kalaabyada ka furan Muqdisho iyo anshax xumada taalla caasimadda.

Guddoomiye Madaale ayaa xalay hoggaaminayay howl-gal aan hore loogu baran maamulka gobolka, kaasi oo ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo gudoomiyaha uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasga gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Guddoomiye Madaale ayaa qoraal uu soo saaray kadib howl-galkii xalay waxa uu ku sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka u rabaan xasilooni, horumar, bilic iyo dhaqan wanaagsan.

Sidaas darteeda aysan hadda kadib aqbali doonin waxkaste oo wax udhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo Anshaxa Suuban.

“Waxaa mas’uuliyad innaga saaran ilaalinta mustaqbalka dhallinteena Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duq Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

Laamaha amaanka ayaa howl-galkii xalay kadib uu faray inay albaabada isugu dhuftaan dhammaan goobaha kalaabyada ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna shaaca ka qaaday in aan la furi karin wixii haatan ka dambeeyo.

Si kastaba, Tallaabada uu qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay dadka reer Muqdisho oo guddoomiyaha ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday.

Daawo: Culimada Muqdisho oo war ka soo saartay ‘dadkii uu xalay uleeyey Madaale’

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa la hadlay warbaahinta, iyagoo ku dhawaaqay inay soo dhaweynayaan tallaabadii uu xalay qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa xalay tegay goobaha lagu tunto ee ku yaalla xeebta Liido, isagoo uleeyey dhalinyaro uu halkaas ugu tegay, waxaana tallaabadaas ka dhalatay falcelin bogaadin ah oo xoog leh.

Sheekh Yuusuf Ceynte, Sheekh Cali Dheere iyo culimo kale oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiye Yuusuf Madaale waxay ku amaaneen go’aanka uu ku suulinayo munkarka.

“Xalay wixii dhacay oo guddoomiyaha gobolka uu sameeyey waa badbaado umadeed. Waa xaq in la suuliyo munkarka, culimadu waxay ayidsan tahay oo soo dhaweyneysaa tallaabadii uu xalay qaaday Guddoomiye Yuusuf Madaale,” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ceynte.

Ceynte ayaa farriin u diray dadka daroogada keena dalka, isagoo sheegay inay ka halis badan yihiin kuwa qarxiya bulshada, wuxuuna ugu nasteexeeyey inay ka waantoobaan baabi’inta ay ku wadaan dhaqanka suuban ee bulshadaan muslimiinta ah.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay tallaabadii xalay oo meel fiican laga bilaabay, umadda waa laga helayaa dad u istaaga inay suuliyaan munkarka, halkaas ka sii wada waan idin garab taaganahay,” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ceynte.

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta, sidoo kale ka mid ahaa culimadii galabta garab istaaga u muujisay guddoomiyaha gobolka ayaa aad u amaanay go’aankaas.

“Sidii ushii Cumar Binu Khadaab ayey u heybad badneyd ushii uu xalay sitay guddoomiye Sheekh Yuusuf, waa mahadsan tahay guddoomiye, culimadu waa ku garab taagan tahay, bulshada dhana waa ku taageertay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa guddoomiyaha ka balan qaaday inay go’aanada lamidka ah kuwii xalay ay la fulinayaan, hadii uu u yeerto culimada, markii uu qaadayo mid lamid ah tallaabadii xalay.

Hoos ka daawo

Sidee looga falceliyay ‘tallaabadii cajiibka aheyd’ ee uu xalay qaaday Madaale?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddoomiye Madaale ayaa xalay hoggaaminayay howl-gal aan hore loogu baran maamulka gobolka, kaasi oo ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo gudoomiyaha uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasga gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Guddoomiye Madaale oo Wariyeyaasha kula hadlay goobta ayaa sheegay in arrin aan la aqbali karin ay tahay wax ka socdo xeebta Liido, wuxuuna shaaciyay “in gacmaha ay ula tageen dhalinyaradii ku sugnaa halkaasi,” isaga oo uu tilmaamay in qaarkood ay cabsanayeen, ayna isku dayeen inay la dagaalamaan.

Haddaba, Sidee bulshada uga fal-celiyeen tallaabada uu xalay qaaday gudddomiyaha gobolka Banaadir?

Dadka reer Muqdisho oo ka fal-celiyay muuqaalka laga soo duubay howl-galkaasi oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday.

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyada ay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho ay kaga fal-celiyeen howl-galkii uu xalay sida shaqsiga ah u hoggaaminayay guddoomiye Madaale. Hoos ka aqriso:

Ikraam Cali Maxamed: “Masha Allah howl wanagsan ayuu qabtay gudoomiyaha dhalinyarada naftooda iyo nolashooda hala badbadiyo balayadaas Allaha haka madobeeyo dhamantood nabad iyo barwaaqo allaha ha inooga dhigo caasimadda.”

Cabdulqaadir Axmed ayaa isagna yiri “Aad baan usoo dhaweynaynaa in Munkarka iyo Fasahaadka umadda laga dhex suuliyo. Guddoomiye aad baad u mahadsan tahay horey u soco.”

Burhaan Xaaji Yuusuf: “Munkar qofkii arka in gacanta ku suuliyo waa waajib, guddoomiye Madaale shaqo wacan.”

“Madaale xalay shaqo fiican ayuu qabtay wuu ku mahadsan yahay munkarka uu gacantiisa ku burburiyey,” ayuu yiri Shuuriye Cali.

Guuleed Maxamed Rashiid: “Waa arrin aad u fiican akhlaaqda dhuntay wax wayn ka taraysaa balse Guddoomiye Madaale waxaan kula talin lahaa inay xalay kaliya noqon uu uxilsaaro ciidan gaar ah waqtina loo sameeyo maqaatadaha ku yaalla xeebta Liido.”

“Maxkamad in la soo saaro waaye, Madaale xaq umalahan inuu dadka garaaco waddanka sharci ayaa ka jira,” ayuu yiri Colow oo kamid ah dadka ka falceliyay tallaabada uu xalay qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka.

Cabdiwaaxid Axmed: “Mudane guddoomiye shaqo wanaagsan ayaad qabatay waxaan tala ku darayaa in lagu daro guddoomiyihii shaqada xalay qabatay fuli waaya in xilka laga tuuro waayo amaanada umadda ma qaadi karo.”

Khadro Maxamed Cali oo ka falcelisay ayaa tiri “Ciyaalka waxaa ka weyn milkiilayaasha waaweyn ee goobahaas leh ayaga ha ka xiro dhalinyarada meel ay aado ma jiri doonto.”

Guuleed Maxamed Rashiid: “Waa arrin aad u fiican akhlaaqda dhuntay wax wayn ka taraysaa balse Guddoomiye Madaale waxaan kula talin lahaa inay xalay kaliya noqon uu uxilsaaro ciidan gaar ah waqtina loo sameeyo maqaatadaha ku yaalla xeebta Liido.”

“Mahadsanid Guddoomiye waa arrin bogaadin mudan walow laga fiicnaa in muuqaalkaas la duubo,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Muuse oo kamid ah dadka ka falceliyay tallaabada uu xalay qaaday guddoomiye Madaale.

Suldaan Sheekh: “Shaqo fiican ayay qabteen oo u baahan in lagu taageero sababto ah meesha waxaa ka socday wax xun.”

FINLAND oo qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta dib u heshiisinta dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Finland ayaa qaadatay go’aan lama filaan ah oo la xiriira kaalmo dhaqaale oo ay ku bixisay geedi socodka dib-u-heshiisiinta qaranka ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Finland ayaa la sheegay inay qorsheyneysa inay dib usoo ceshato dhaqaale dhan 50,000 oo Yuuro, kaasi oo markii hore ay ku shubtay hay’adda Finn Church Aid (FCA), looguna tala-galay hormarinta geedi socodka dib-u-heshiisiinta dalka.

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in ay doonayso in dib loo soo celiyo lacagahaas, kadib markii shaki laga muujiyay in dhaqaalahaas si sax ah loo isticmaalay.

Tallaabadan ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland sheegtay inay timid kadib markii aysan suurta-gelin in la xaqiijiyo in dhaqaalihii loo isticmaalay si waafaqsan go’aanka deeqda dowladda dalkaasi.

Kharashkan ayaa waxay dowladdu bixisay 2021-kii, waxaana loogu tala-galay in lagu hormariyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta qaranka ee Soomaaliya.

Kaalmada dhaqaale ee Finland ayaa markii hore ujeedkoodu ahaa sidii loo xoojin lahaa ka qayb-galka ballaaran ee shacabka Soomaaliyeed ay ku yeelanayaan wada-tashiyada qaran, “loogana hortagayo in ay sii huriyaan qalalaasaha siyaasadeed ee doorashada kahor,” hase yeeshee lama xaqiijin karo in dhaqaalahaasi loo adeegsaday arrintaas.

Si kastaba, dowladda Finland gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa billowday baaritaan madax-bannaan oo la xiriira hawlaha ururka si loo hubiyo in ay qaadato tallaabooyin ku filan, taasi oo lagu xoojinayo hababka maaraynta kaalmada la siiyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.