30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Mooshin lagu ridayo xukuumadda R/Wasaare Xamza oo socda – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay inoo xaqiijiyeen mudaneyaal ka tirsan BF.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mooshinkan ay diyaarinayaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa la rabaa in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Kaambaynka mooshinkan ayaa si xawli ah u socda, ayada oo Xildhibaanada hormuudka u ah qorshahaan ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda.

Xildhibaanadan ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah saaxiibadooda Baarlamaanka, kuwaasi oo ay ka dalbadeen inay ka qeyb qaatan mooshinka lagu ridayo xukuumadda Xamza, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha ayaa waxa uu si weyn ugu dhaliilay xukuumadda, oo uu sheegay in isdhex-yaac uu ka jiro hay’addaha dowladda.

Ergeyga ayaa xilligaasi wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay in xukuumadda ay sidii la rabay u maamulin dhaqaalaha gargaarka ee lasoo gaarsiiyo, uuna dhowr jeer la wadaagay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Dhaliisha u weyn ee uu ujeediyay xukuumadda ayaa ah in aysan jirin wada-shaqeyn wasaaradaha dhexdeeda ah, taasi oo keentay isdhex-yaac baahsan oo ka jiro hay’addaha dowladda, oo lumisay masuuliyad iska saarida arrimaha mudnaanta leh, gaar ahaan arrimaha gargaarka.

Si kastaba, Mooshinkan cusub ee ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ee wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

Cumar Xasan Rooraaye oo lagu aasay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Cumar Xasan Rooraaye oo kamid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay oo shalay galinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu aasay caasimadda Somaliland.

Allaha unaxariiste Cumar Xasan Rooraye ayaa ka mid ahaa heesaagii iyo jilayaashii hobolladii Waaberi ee Soomaliyeed.

Aaska marxuumka Cumar Xasan Rooraaye ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo qeybaha kale ee bulshada, iyaga oo Eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelkii, qoyskii, qaraabadii, bahda fanka, shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba dadka afka Soomaaliga ku hadla geerida ku timi Alle ha u naxariistee fanaanka.

Wasiirka ayaa marxuunka ku sifeeyey “in uu ahaa heesaa iyo fanaan caan ah oo fanka ku soo jiray muddo ka badan konton sanadood,” wakhtigana ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa marxuumka eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, bahda fanka iyo guud ahaanba shacabka Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Cumar Xasan Rooraaye ayaa fanka ku jiray muddo ka badan konton sano, wuxuuna fankiisu ugu fiicnaa sannadihi todobbaatanaadkii iyo sideetamaadkii.

Ciidamada DF oo nolosha ku qabtay xubno Shabaab ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay howlgal culus ka sameeyeen agagaarka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay deegaanka Ceel-Qansax oo hoostaga magaaladaasi, waxaana lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen fariisin ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, isla-markaana ay isku uruursanayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ay nolosha ku qabteen ilaa iyo 5 ka tirsan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada la weeraray.

Waxaa sidoo kale saraakiisha Xoogga dalka ay intaasi kusii dareen in ay gacanta ku dhigeen gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG, saanad ciidan, raashin iyo shidaal.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale isku fidiyan deegaanka howlgalka laga sameeyay oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga Galcad, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ku sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Galcad ayaa waxaa marar badan isku bed beddalay labada dhinac, kadib dagaallo ka dhacay magaaladaas oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii lagu dilay Xasan Tuure

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan shaacisay magaca iyo xogta ninkii fuliyay qaraxii koowaad ee uu ku billowday weerar tooska ahaa oo ay  AlShabaab bishii January ee sanadkan ku qabsadeen magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, walow haatan kooxda dib looga saaray degmadaasi.

Kooxda oo filim ka diyaarisay weerarkaas ayaa ninka fuliyay qaraxa koowaad oo ahaa ismiidaamin ku sheegtay magaciisa Abshir Caamir Isxaaq, kaas oo isku qarxiyay saldhig ay ciidamada Danab ku leeyihiin halkaasi.

Ninkan ayaa sidoo kale muuqaalka ay baahiyeen Al-Shabaab ku sheegay inuu kasoo dagaalamay gobollada Baay iyo Galgaduud oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii dambe uu ku biiray kooxda is-qarxinta Al-Shabaab, isaga oo ugu dambeyn fuliyay is-miidaamiyay, kuna baxay weerarkii Galcad.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkii Galcad ku dishay askar badan iyo saraakiil ciidan oo uu ku jiray taliye ku xigeenkii ciidamada Danab oo lagu magacaabi jiray, General Xasan Tuure oo hoggaaminayay howlgalladii Al-Shabaab looga saaray gobolka Shabeelaha Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

 Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

Maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada dheelmadka ah ee ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda, waxaana u dambeeyay weerarkii deegaanka Masagawaa oo lagu dilay askar iyo odayaal dhaqameed ku heyb ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka, waxaana sidoo kale qayb ka ah dadka deegaanka.

MADAALE oo galay kalaab ku yaallo LIIDO, kadibna sameeyay arrin yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho,Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay hoggaaminayay howlgal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ayaa gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag & dumar leh.

Duqa Muqdisho ayaa marka uu gudaha u galay goobtaas oo lagu caaweynayay garaacay wiilal & gabdho ku jiray kalaabka, kuwaas oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Wariyeyaasha kula hadlay goobta ayaa sheegay in arrin aan la aqbali karin ay tahay wax ka socdo xeebta Liido, isaga oo shaaciyay in gacmaha ay ula tageen dhalinyaradii ku sugnaa halkaasi, isaga oo uu tilmaamay in qaarkood ay cabsanayeen, ayna isku dayeen inay la dagaalamaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhalinyarada qaarkood waxay isku dayeen illeen waa cabsan yihiinee inay nala dagaalaan ayay isku dayeen, waxaan ilaalinay xabad, waxaan adeegsanay gacmaheena” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhaliyaradaas qaarkood la xiray, halka kuwa kalena lasii daayay, kadib markii ay u sameeyen la-talin guud.

“Dhalinyarada qaar badan waan la talinay, qaarna xabsiga ayaan geynay waaga marka uu beryo ayaana waalidoontooda lagu wareejin doonaa,” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa albaabada isugu dhuftay dhammaan goobaha kalaabyada ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna shaaca ka qaaday in aan la furi karin wixii haatan ka dambeeyo.

“Laga bilaabo caawa goobahaas iyo kuwa la midka ah waa xiran yihiin, mana la furi karo, sidoo kale magaalada Muqdisho goobaha kalaabyada ay ku yaallaan ee Ummadda iyo dhalinyarada lagu fasahaadinaayo kulli waa xiran yihiin, ciddii furtaana iyadaa mas’uul ka ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo lagula dagaalamayo maan-dooriyaha, burcadda hubeysan & ciyaal-weerada dhibaatada ku haya shacabka caasimada.

Rag hubeysan oo xalay lagu qabtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay laba nin oo ku hubeysanaa qoryaha AK47, isla-markaana dhac baahsan u geysanayay dadka deegaanka.

Mid kamid ah ragga lasoo qabtay ayaa ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, halka kan kalena uu ku howlgalayay burcadnimo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska.

“22/4/ 2023 abaaro 10:25pm waxeey gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Boliiska Saldhigga Wadajir 1:Cabdiraxiin Aaran Cabduqadir ka tirsan ciidanka Xoogga dalka 2: Abshir Cali Nuur ku howlanaay burcad nimo kuwaas oo ku hubeysan Qori Ak 47 iyo qori faal ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Boolisla gobolka

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in raggan la horgeyn doono maxkamad, kadibna laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah.

“Waxaana la horgeyn doonaa cadaaladda” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska ee lagu faahfaaahiyay howlgalkaasi.

Dhanka kale taliska qaybta Booliska ee gobolka Banaadir ayaa farriin u diray shacabka Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka ee dowladda.

“Muwaadin kusoo wargali Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed cid walba oo amniga caasimada dhib ku ah, adigoo soo wacaya nambarka gaaban ee 991.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa gudaha caasimada ka socday howlgallo culus oo lagu xaqiijinayo amniga, ayada oo qayb ahaan amniga magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray nabadoono lagu dilay weerarkii Masagawaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray nabadoono ay kooxda Al-Shabaab shalay ku dishay weerarkii qaraxyada ku billowday ee ku qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay weerarkii shalay ee Masagawaa.

Xasan ayaa waxa uu sheegay in falkan bahalnimada ah ee Al-Shabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama kooxda Al-Shabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Masagawaa oo dowladda ay sheegtay inay fashiliyeen ciidamadii halkaasi ku sugna, ayaa waxa ka dhashay khasaare horleh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howl-gallo culus, iyada oo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Mareykanka oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka SUDAN

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in militariga Mareykanku ay soo afjareen daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Suudaan, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro rabshadaha aan “mabda’a laheyn” ee halkaas ka dhacay, iyadoo laba hoggaamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda Sudan.

Biden ayaa u mahadceliyay ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgalkii lagu soo saarayay shaqaalaha Mareykanka ee ku suganaa Suudaan.

Daad-gureyntan, ayay Washington ku xirtay safaaradda Mareykanka ee Khartoum muddo aan la cayimin, waxaana shaqaalahan loo duuliyay meel aan la shaacin oo ku taalla Itoobiya, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah hawlgalkan.

Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalkan fuliyay, iyadoo dagaalkani uu u dhexeeyo laba taliye oo hubaysan – kaas oo lagu dilay in ka badan 400 oo qof, kaas oo Sudan galiyay halis burbur iyo cawaaqib xumo ka durugsan xudduudaheeda, waxaana uu dagaalkani galay toddobaad labaad.

“Waxaan si weyn ugu faanayaa shaqaalaha safaaradeenna oo waajibaadkooda u gutay si geesinnimo iyo hufnaan leh, isla markaana muujiyay saaxiibtinimada Maraykanka iyo xiriirka dadka Sudan,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Waxaan ka mahadcelinayaa xirfadda aan lasoo koobi karin ee ciidankayaga, kuwaas oo si guul leh shaqaalaha ugu qaaday goob ammaan ah” ayuu raaciyay Biden.

Biden waxa uu sidoo kale u mahad celiyay Jabuuti, Itoobiya, iyo Sacuudiga oo gacan ay ka geystay howlgalka lagu soo daad-gureeyay shaqaalaha safaaradda Mareykanka.

Biden ayaa ku amray ciidamada Mareykanka inay daadgureeyaan shaqaalaha safaarada kadib markii uu talo soo jeedin ah ka helay kooxdisa amniga qaranka Sabtidii.

VOA  + AP.

Al-Shabaab oo malaayiin dollar ku bixineysa qorshe xasaasi ah oo ka dhan ah JEYTE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa war qoraal oo uu soo saaray kaga hadlay qorshe xasaasi ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka damacsan tahay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waare oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale xusay in beddalka Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ugu baaqay inuu iska ilaaliyo dhagarta Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday in uusan beddalin Cali Jayte.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa,” ayuu qoraalkan ku yiri Waare.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!.”

Cali Jayte ayaa door weyn kasoo qaatay howlgalladii gobolka Hiiraan oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.

Sidoo kale waxa uu hadda hoggaaminayaa wejiga labaad ee howlgalka xoreynta oo la doonayo in Al-Shabaab looga saaro galbeedka Hiiraan.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo haatan uu taagan yahay khilaaf u dhexeeyo guddoomiye Cali Jayte iyo maamulka HirShabelle, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda maamulkaasi, kaas oo ka dhashay mideynta canshuuraha.

Maxaa ka jira in Soomaalida kaliya loo diiday inay ka cararaan dagaalka ka socda Sudan?

0

Qadaarif (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa maanta dib u qarxay kadib markii ay dhaqan geli weysay xabad joojin loogu talagalay munaasabadda Ciidda.

Soomaalida ku sugan dalka Sudan oo arday iyo shacab kale isugu jirta ayaa qaarkood waxaa u suurta gashay inay ka qaxaan magaalada Khartuum oo dagaal culus uu ka socdo, waxayna tageen magaalo xadeedka Qadaarif.

War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay dalalka Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha lagu soo daadgureynayo diyaarado kuwa xamuulka qaada ah oo ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Balse Axmed Xasan Maxamed oo ka mid ah Soomaalida ku xayiran dalka Sudan ayaa sheegay inay ku sugan yihiin magaala xadeedka Qadaarif oo ay ku xayiran yihiin, wareysi uu Axmed siiyey BBC ayuu uga warbixiyey dhibaatooyinka ay wajahayaan.

“Waxaan magaalada Khartuum ka soo baxnay maalintii afaraad ee dagaalka, taas oo ku beegnayd Arbacadii lasoo dhaafay, waxaan u soo baxnay dhankaas iyo magaalada Qadaarif, si aanu u gaarno dalkeenii Soomaaliya, inagoo sii mareyna xadka Itoobiya, balse hadda waxaan ku xayiranahay magaalo xadeedka Qadaarif,” ayuu yiri Axmed.

Wuxuu intaas ku sii daray in bilowgii ay Khartuum ka soo baxeen iyagoo qiyaastii 20 arday ah, balse hadda Soomaalida ku sugan Qadaarif ay shan boqol ku dhow yihiin.

Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah aysan garanayn, balse Soomaalidii kale ee wadatay baasaboorrada dalalka kale, sida Kenya iyo Itoobiya la fasaxay oo ay ka gudbeen xadka.

“Waxaan la dhaafeyn ciidamada Suudaan, sababta ay nagu haystaana nooma sheegin, aniga ahaan baasaboorkeyga waa uu shaqeynayaa, Iqaama ayaa ii saaran, balse dhanka Suudaan baa nagula haystaa,” ayuu yiri Axmed Xasan oo ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogtay dalka Suudaan.

“Aniga Axmed ah, waxaan kuwada soconnay 10 arday oo Soomaali wada ah, laakiin waxaa nagu jiray labo wiil oo baasaboor Kenyan ah sitay iyo inan mid Itoobiyaan ah sitay, hase yeeshee 3-daasba waa ay ka gudbeen inagii baasaboor Soomaaliga wadanay ayaa meesha ku xayiran,” ayuu Axmed hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Axmed Xasan wuxuu sheegay inay wajahayaan caqabado ay ka mid tahay kharash la’aan, maadaamaa xawaalad lacag loogu soo diro aysan jirin, kharashkii ay wateena uu ka go’ay.

Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin dambi culus ka geystay degmada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska degmada Waaberi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif (Cabdi Haash Gaad) 30 jir ah, kuna eedeysan inuu Toorey caloosha uga dhuftay Maxamed Cabdullahi Sheekh.

Eedeysanaha lasoo qabtay caawa ayaa dhibkaan geystay xalay, waxayna saraakiisha boolisku sheegeen in eedeysanaha ay cadaaladda hor geyn doonaan.

Boolisku ma shaacin sababta ninkaan ku kaliftay inuu caloosha toorey uga dhufto dhibanaha, waxaana xusid mudan in isla gudaha degmada Waaberi laga soo qabtay ninkaan ku eedeysan inuu dhibka geystay.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falal tuugnimo ah, kuwaas oo sababa in dil ama dhaawac loo geysto qofka ay tuugadu dhaceyso, balse boolisku ma kala cadeyn in kiiskaan uu la xariiro dhaca tuugada.

Muqdisho tuugada taleefoonada ka dhacda dadka waxay sitaan midiyo ama toorey, qori iyo bistoolad oo ah waxa ugu badan oo lagu dhaco dadka shacabka ah.

Mararka qaar waxaa dhacda in tuugadu qofka ay dhaawacaan, kadibna dhacaan, inta badana inay tuugadu dadka disho waxaa keenta in qofka la dhacayo uu dagaalamo ama isku dayo inuu goobta ka baxsado.

Inkastoo lasoo sheego meelaha qaar, hadda waxaa Muqdisho ka yaraaday tuugada taleefoonada dhacda, ciyaal weerada iyo kooxihii dadka u dili jiray Al-Shabaab.

Ciidan cusub oo boolis militaar ah ayaa laga howl-geliyey amniga caasimadda, waxayna fariisimo ka sameysteen degmooyinka dhaca daafaha oo markii hore ay ku badnaayeen falalka amni darrada ah.

Sidoo kale ciidankaan oo wata gaadiid u gaar ah ayaa ka howlgala gudaha caasimadda, waxaana la dagaalanka tuugada iyo kuwa dilalka geysta u dheer, dhaqan gelinta qararka ay dowladdu ku xakameyneyso hubka culus ee lagu dhex sida jiray magaalada Muqdisho.

Daawo: Madaale oo hal ciidan ku amaanay amniga ay heleen dadka reer Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa aad u amaanay ciidankii lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo uu sheegay inay nabad ka dhigeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in bishii Ramadaan ay nabad heleen dadka reer  Muqdisho, iyadoo laga hor tegay weerarradii Shabaab iyo ciyaal weeradii.

“Ciidankii lagu soo tababaray dalka Uganda ee boolis militaar oo madaxweynuhu uu amray inay amniga caasimadda sugaan, waxay suurta geliyeen in si nabad ah ay dadka reer Muqdisho u soomaan, una cibaadeystaan,” ayuu yiri duqa Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dad badan oo masaajidda ka quustay inay ku cibaadeystaan ay Ramadaankii dhamaaday u suurta gashay inay masaajidda ku soo cibaadeystaan, taasna ay suurta geliyeen ciidanka cusub ee amniga caasimadda la wareegay.

“Ciyaal Weero, Khawaarijtii iyo Tuugadii dhamaan waala xakameeyay, waana ku mahadsan yihiin ciidankii lagu soo tababaray Uganda, anaguna waan kala shaqeyn doonaa sugidda amniga muwaadiniinta ku nool caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale.

Ciidanka cusub ee boolis militaarka ayaa si xoog leh uga howlgala degmooyinka dhaca daafaha Muqdisho, iyagoo halkaas ku baacsada kooxaha ciyaal weerada oo u badan degmooyinka hareeraha xiga.

Sidoo kale ciidanku waxay ka hor tagaan in Muqdisho la soo geliyo gaadiid lagu soo raray waxyaabaha qarxa, inta badan qaraxyadii ka dhici jiray caasimadda waxaa la sheegay in lagu soo farsamey jiray gobollada.

Degmooyinka Kaaraan, Wadajir, Dhakenley, Kaxda, Deyniile, Heliwaa iyo kuwo kale oo ciyaal weeradda iyo tuugadu ay ku badnaayeen ayaa la geeyey ciidanka cusub ee boolis militaarka ah, waxaana lagu amaanay sida deg degga ah oo ay wax uga bedeleen amni xumadii ka jirtay caasimadda Muqdisho.

Hoos ka daawo muuqaalka guddoomiyaha

Jeneral Tareedisho oo XOG ka bixiyay weerarkii Masagawaa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Jeneral Axmed Maxamed Tareedisho oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee haatan howlgallada ka wada Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ka fulisay deegaanka Masagawaa ee gobolkaasi.

Tareedisho ayaa marka hore xog ka bixiyay sida u u dhacay weerarka, wuxuuna tilmaamay inay ka hortageen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

“Dagaal ayay soo qaadeen, balse waa laga war helay saas ayaana looga hortagay, ayaga oo meel dhexe socda dagaalka sidaas ayuu u dhacay, waana laga adkaaday” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay qaabka loo dilay saddex oday dhaqameed oo ay Al-Shabaab ku dileen weerarka ay ka fuliyeen Masagawaa, wuxuuna taliyaha tilmaamay in odayaashaas ay qayb ka ahaayeen howlgallada xoreynta, isla-markaana ay la dagaalamayeen Shabaab.

“Odayaal dhaqameedka hadda ma ahayn odayaal dhaqamees waxay ahaayeen dad shacabkooda la safan oo qoryahooda wata, isla-markaana Khawaarijta la diriraayo oo dhufeyska dhinacooda uga jiro. Saddex ayaa meesha ku dhimatay oo kamid ahaa raggii aagga ka dagaalamaayay” ayuu sii raaciyay.

Jeneral Maxamed Axmed Tareedisho oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in 18 kamid ah Al-Shabaab ay ku dileen dagaalka dhex maray labada dhinax, isla-markaana ay dhankooda ka dhinteen illaa 4 qof, sida uu hadalka u dhigay.

Dhankeeda Al-Shabaab ayaa iyaduna guul weyn ka sheegatay weerarkan, waxayna shaacisay in saacado kooban ay qabsatay deegaanka, sidoo kalena ay khasaare culus gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

“18 ayaa xaqiijinay hadda waxa ka dhintay dhankaan kalena raggii meesha dagaalamayay waxaa ka dhintay saddex oday iyo hal wiil oo dhalinyaro ahaa” ayuu mar kale yiri Jeneralku.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Maamulka masjidka Cali Jimcaale oo ka hadlay ‘dhacdadii fajicisada noqotay’ ee shalay ka dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka masjidka Sheekh Cali Jimcaale ee magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdo fajiciso ku noqotay dad badan, taasi oo uu maamulka masjidka ku tilmaamay wax laga xumaado.

Maamulka masjidka oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu dhacdadii shalay ee ragga iyo dumarka isku dhex-galeen intii lagu jiray salaadda Ciidul-Fidriga ku sheegay “munkar ku dhacay si aan ku tala-gal aheyn.”

Arrintan ayuu sheegay maamulka masjidka Sheekh Cali Jimcaale inay ku dhacday kadib markii masjidka ay soo buux dhaafiyeen kumanaan kun oo shacab ah oo isaga kala yimid magaalada Muqdisho, ayna meesha ka baxday hab nidaamintii saxda aheyd ee masjidka.

“Waxaa la waayay meel dadka lagu kala nidaamiyo. In ragga iyo dumarku ay is dhexgaleen intii salaadda lagu jiray waa fool xumo weyn oo ka fog diinta islaamka iyo aqlaaqda islaamka,” ayuu yiri maamulka masjidka oo sheegay inuu ka xun yahay wixii shalay ka dhacay masaajidka intii lagu guda-jiray salaaddii Ciidul-Fidriga.

Sidoo kale waxay sheegeen in ciidamada amniga iyo kooxaha nidaamka ilaalinayay loo awood sheegtay oo ay xamili waayeen culayska badan ee kaga yimid qul-qulka dadka oo shalay aad u badna.

“Wixii shalay meesha ka dhacay waxay ahayd awood sheegasho. Waxaa ka baqnay xataa in wax intaas kasii daran dhacaan. Waxaaba ka baqnay in dad isbuurasho ku dhintaan.”

Dhacdadan oo si weyn uga fal-celiyeen bulshada, ayaa waxay timid kadib markii qaar kamid ah raggii ay dhex galeen qeybtii dumarka ay ku tukanayeen, taasi oo maamulka masjidka uu sheegay inay ku dhacday qaab aan ku talo-gal ahayn iyo nidaam xumo timid kadib markii masaajidka uu buux dhaafay intii lagu guda-jiray salaada ciidda.

Si kastaba, Arrintaan ayaa waxay noqoneysa markii u horeysay ee gudaha Soomaaliya ay ka dhacdo in masjid dhexdiisa ay rag iyo dumar is dhex-galaan xilli salaad lagu jiro.

Bajaajleyda oo ka horyimid go’aankii maamulka gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada Bajaajleyda ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee labada qayb (A iyo B) loogu qaybinayo mootooyinka haatan ka shaqeeya caasimada.

Bajaajleyda oo u badan dhalinyaro ayaa la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho waxayna sheegeen in go’aankan uu saameynayo shaqadooda maalinlaha ah, sida ay hadalka u dhigeen

Bajaajleyda ayaa ku dooday in ciriiriga ka jira caasimada ay keeneen dhagaxyada lagu jaray qaar kamid ah waddooyinka, ayna dalbanayaan in la qaado si xal loogu helo jaamka Muqdisho.

“Waxay rabaan 15 inay usoo baxdo Bajaajta nimankaas 5 bari oo kamid ahna waddadaa xiran meeshaas waxaa kasoo hareyo 10 beri. Qof nafle ah ayaa tahay waxaa laga yaabaa in maalin ama laba maalin aad jirato sideed bari ayaa soo hareysi, marka sidaas xal ma’aha” ayuu yiri mid kamid ah Bajaajleyda.

Waxa kale oo uu sii raaciyay “Ciddii dooneysa magaaladaan inay jaamka ka yareyso ha qaadaan dhagaxyada, hana geeyaan meesha magaalada looga baxo, kadibna talo kale ha keenaan”.

Darawal kale oo ka hadlay go’aanka maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in aysan suuragal ahayn in laba loo kala qaybiyo Bajaajta, wuxuuna sabab uga dhigay in dhalinyarada qaar ay kiro ku wadaan, halka kuwa kalena ay ka biishaan qoysaskooda.

“A iyo B wax suurageli karo ma’aha, waayo dadbaa waxay ku wadaan 10 dollar haddio baahasha ka xumeeyo macquul ma noqoneyso” ayuu yiri darawal kale.

Ugu dambeyn waxa ay wacad ku mareen Bajaajleyda in ay dhigi doonaan dibadbax balllaaran oo ay kusoo bandhigayaan cabashada ay ka qabaan go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba, horay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa usoo saaray go’aanno ka dhan ah Bajaajleyda, waxayna mamnuuceen soo dejinta mooto Bajaajta iyo mootada labada lug leh, waxaa sidoo kale goluhu soo jeediyay in la tirakoobo Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho.

DF oo war kasoo saartay khasaaraha weerarkii Masagawaa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar qaraxyo ku billowday oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadii halkaasi ku sugna oo iskugu jiray kuwa dowaldda iyo dadka deegaanka ay fashiliyeen weerarka ay ku qaaday Al-Shabaab.

“Khawaarijta oo aanan awoodin inay dagaal toos ah kala hor yimaadaan geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa Qaraxyo waxay ku soo xireen kuwa ay qaldeen, laakiin naftood hurayaasha Ciidanka Qaranka ayaa hor istaagay damaca Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Sidoo kale, Jeneraal Tareedisho oo ku sugan goobta dagaalka ka dhacay oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa isaguna waxa uu sheegay in 18 ka tirsan dagaal-yahaanadii soo weeraray ee kooxda ay ku dileen dagaalkii saaka kadib weerarkii qaraxyada ay kusoo qaadeen.

Waxa uu intaas kusii daray in xaaladda magaalada ay hadda tahay mid degan, ayna ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay wali sii baacsanayaan firxadka Shabaab-kii saaka soo weeraray Masagawaa.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab oo dhankeeda war kasoo saartay weerarkan iyo dagaalka tooska ah ee xigay, ayaa sheegatay in dagaal-yahaanadeeda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka iyo saldhigyadii ciidanka dowladda, sida ay sheegtay.

Si kastaba, Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howl-gallo culus, iyada oo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Sawirro: Soomaaliya iyo Serbia oo wada-hadal muhiim ah ku yeeshay Belgrade

0

Belgrade (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiga dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane. Aleksandar Šapić.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa Magaaladda Belgrade ayaa waxaa ay wada-hadleen sedax arrimood oo kala ah;

  1. Dib u mataaneynta labadda caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade.
  2. In khubaro injineero ah ay daraasad rasmi ah kuu sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho.
  3. Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gar-gaarka deg-deg ah, iyo gaadiidka waxbarashadda iyo weli maareynta saxmada magaalada, sida wakhiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Duqa Magaaladda Belgrade, Aleksandar Šapić ayaa dhankiisa sheegay in xiriirka labadda caasimadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan, “Keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaan ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda Muqdisho iyo Belgrade,” ayuu yiri Aleksandar Šapić, waxaana ka mid ahaa buu yiri Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faasax.

Sidoo kale, Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa Duqa Magaaladda Belgrade u gudbiyay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimaacle (Madaale) oo ku sabaabsan dib usoo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa labadda caasimadood ee qadiimid ah.

Labdda Dowladood ee Soomaaliya iyo Serbia ayaa si wagaasan iskula jaan-qaadaya tan iyo dib u furidda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee magaaladda Belgrade.

Xiriirka labadda dal ayaa ah mid ku dhisan wax-wada qabsi, is-ixtiraam iyo iskaasho danaha labadda dal.

Madaxweyne Xasan oo cafis u fidiyay 127 maxbuus oo u xirnaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis madaxweyne u fidiyay 127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maanta lasii daayay.

Maxaabiistan uu madaxweynaha cafiska u fidiyay ayaa ku kala xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7 (ex-Control Afgooye), sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

“127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay markii uu cafis u fidiyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud munaasabadda Ciidda awgeed,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Cafiska madaxweyne ee lagu sii daayay maxaabiistan ayaa ku timid soo jeedin uu sameeyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Maxaabiistan ayaa la sheegay inay ahaayeen maxaabiis ku xukuman dambiyada fudud, uuna sidaas xafiiska Xeer Ilaaliyaha uu madaxweynaha ugu jeediyay in cafis u fidiyo oo laga sii daayo xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiga MBC ee KM7.

Madaxdweynaha Soomaaliya ayaa sanad walba cafis madaxweyne u fidiya maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaal caasimadda, kuwaasi oo loo soo xiray dambiyo fudud, iyada oo cafiskaan ku soo aadaya munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka SUDAN iyo xaaladda oo kasii dareysa

Khartoum (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta wali la maqlayo, inkasta oo ciidamada Miltarigu ay sheegeen inay aqbaleen xabbad-joojin saddex maalmood ah.

Ciidamada RSF ee Sudan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Xamdaan ayaa shalay sheegay inay oggolaadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taasi oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

“Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul-Fidriga. In la furo waddooyin si loo daad-gureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri hadal ay shalay soo saartay.

Magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa waxaa gelinkii hore ee Jimcihii shalay ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.

Kuma uusan xusin xabbad-joojin hadal horay loo duubay oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee ciidanka.

Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada Sudan ayaa qarxay Sabtidii toddobaadkii hore, taasi oo meesha ka saartay qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa doraad codsaday xabbad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobaha amniga ah.

Dagaalka Sudan oo ah loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeyay laba hoggaamiye oo hore isbahaysi u ahaa xukuumaddii militariga ee talada dalka haysay ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 350 qof.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi ayaa waxaa kala hoggaaminaya taliyihii ciidanka Burhaan iyo hoggaamiyaha RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo, oo iyagu isku haya awoodda u sareysa dalkaasi.

Nabadoono caan ah oo ku dhintay weerarkii Masagawaa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerar ku billowday qaraxyo oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Ugu yaraan illaa 10 qof oo isugu jiro askar iyo nabadoono ayaa ku dhintay weerarkan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Nabadoonada ayaa la sheegay inay ku dhinteen mid kamid ah qaraxyo ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaankaas, waxayna xilligaas  ku sugnaayeen guri ay ka daganaayeen halkaasi.

Sidoo kale waxaa jira burbur soo gaaray deegaanka la weeraray,.madaama qaraxyo iyo dagaal saacado qaatay ay ka dhaceen halkaasi

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana haatan Masagawaay gaaray ciidamo uu hoggaaminayo Khaliif Cumar Macalin Nuur oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howlgallo culus, ayada oo la filayo in dhowaad uu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya.