29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Masagawaa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka xoogag ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu ku billowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray iyo xoogagii weerarka qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo ka baxsan deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen xerada la weeraray, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada deganaa saldhiggaasi.

Dhankooda saraakiil u hadashay dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay fashiliyeen dagaalka ay soo qaaday kooxda oo ku bilowday qarax culus.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howlgallo culus, ayada oo la filayo in dhowaad uu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

NISA oo fulisay howl-gal lagu laayey Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ugu yaraan 20 Shabaab ah oo isugu jiray saraakiil iyo maleeshiyaad lagu dilay howlgal ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.

Howl-galkaas ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Ugunji iyo Mubaarka ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 20 xubmood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay warkaan, xubnaha la dilay waxay isugu jireen “horjoogeyaal iyo maleeshiyaad waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.”

Howlgalkaan ayaa dhacay habeenkii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-kii bisha, wuxuuna Shabaab-ka la beegsaday ku howlgalkanaa abaabulka qorshe weerar oo ka socday dhulka hawd ah ee aagga u dhaxeeya labadaas deegaan.

“Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaan iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxay ka hortageen dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Marka laga yimaado maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee la laayay waxaa kale oo jira maleeshiyaad kale oo baxsad ah, kuwaasi oo lagu daba jiro.”

Ugu dambeyntii qoraalka NISA waxaa lagu yiri, “Howlgalka aan dalkeena iyo dadkeena uga xorreynayno Khawaarijta ma joogsan doono ilaa iyo inta taako ka mid ah dhulkeena ay joogaan Khawaarijta.”

NISA waxay qoraalkaan ugu mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee kala shaqeeya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan ay shaacisay NISA in lagu dilay Shabaab-ka ayaa la aaminsan yahay in loo adeegsaday duqeyn, in kastoo aan lagu shaacin qoraalkaan cir iyo dhul dhanka laga weeraray kooxda.

Ruushka oo si khaldan u duqeeyey magaalo ku taal dalkiisa

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka ayaa sheegay in mid ka mida diyaaradohoodu inay duqaysay magaalo ku taalla Ruushka oo aan ka fogayn xuduudda dalkaasi uu la wadaago Ukraine, iyada oo duqayntaasi ay ku dhaawacmeen laba qof, halka ay cabsi badan ku abuurtay dadka deegaanka.

Milateriga Ruushka ayaa qirtay in mid ka mida diyaaradahoodu inay si khaldan ugu tuurtay bamka, magaalada Belgorod, oo ay ku nool yihiin illaa 340,000 qof, una jirta xuduuda Ukraine illaa 40 KM. Ruushka ayaa hore weerarkan ugu eedeeyey ciidamada Ukraine.

Qaraxa ka dhashay weerarkan oo la maqlay xilli dambe oo Khamiistii ah ayaa aad uga xoog badnaa, qaraxyadii ay hore u maqli jireen shacabka ku nool Belgorod. Goobjoogayaal ayaa sheegay in awoodda qaraxan ay ruxday dhismayasha dhaadheer, qaarkoodna ay muraayadaha daaqaduhu ka daateen.

Waxyar ka dib weerarkaas, ayaa falanqeeyayaasha Ruushka iyo kooxaha wax ka qora arrimaha milaterigu waxay bilaabeen aragtiyo la xidhiidha nooca hubka ee Ukraine ay u isticmaashay weerarkaasi, iyaga oo qaar badan oo ka mid ahi ay soo jeediyeen in Ukraine lagu ciqaabo falkan ay ku kacday.

Hase ahaatee saacad ka dib, waxaa wasaaradda difaaca ee Ruushku ay qiratay in hubka sababay qaraxaasi inuu si aan ku talo gal ahayn uga dhacay mid ka mida diyaaradohooda. wasaaradda difaacu ma bixinin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee waxaa khubarada milaterigu ay sheegayaan in hubkaasi uu yahay bam awooddiisu gaadhayso illaa 500 Kilogram.

VOA + AP

DF oo shaacisay tirada arday ay kasoo badbaadisay dagaalka SUDAN oo dal kale la geeyey

0

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dalka Itoobiya u daad gureysay tiro ka mid ah ardaydii Soomaaliyeed ee wax ka baraneysay Jaamacadaha dalka Suudaan, kuwaas oo ku xayirnaa qeybo ka mid ah dagaaal oo cagaha la galay dagaalo sokeeye.

Arrinta ardaydaas waxaa xog cusub ka bixiyey Danjire Cabdiraxmaan Diinaari oo ah isku xiraha guddiga ay dowladdu u xil saartay u gurmashada ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka suudaan, anha ku simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diinaari ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabatay daad gureynta ardayda Soomaaliyeed ee ku xayirna dalka Suudaan, iyadoo ilaa hadda 50 ka mid ah ardaydaas la geeyay xuduudda dalka Suudaan uu la wadaago Itoobiya.

Wuxuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Sudan ay diyaarisay gaadiidkii ardayda kale ee ku xayiran gudaha dalka Suudaan looga soo bixin lahaa goobaha ay khatarta ku wajahayaan.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in maalmaha soo socda ay arday kale u gudbin doonaan gudaha dalka Itoobiya oo xuduud la leh Sudan, iyadoo kadibna loo soo qaadi doono dalka Soomaaliya.

“Anagoo ka jawaabayna go’aankii Madaxweynaha, waxaan bilaawnay inaan dalka Suudaan kasoo daad gureyno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugna dalkaas, kuwaas oo u badan arday,” ayuu yiri.

Diinaari ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay si buuxda ugu istaagtay inay juhdi badan ku bixiso in ardayda ku xayiran dalka Suudaan laga soo saaro wadanka, maadaama ay dagaalo culus ka qarxeen.

Dagaal culus oo ay kala hoggaaminayaan saraakiishii ugu sareysay ciidamada Suudaan ayaa dalkaas ka qarxay, saacadihii u dambeeyey garabka ciidamada RSF ee uu hoggaamiyo Jeneraal Xamdaan ayaa oggolaaday xabbad-joojin 72 saacadood ah.

Maanta oo Jimco aheyd waxaa magaalada caasimadda ah ee Khartoum ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo culus, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Ingiriiska oo sabab yaab leh isku casilay

London (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Britian Dominic Raab ayaa iska casilay xilkii uu hayey, kadib markii baaritaan lagu sameeyey, kaas oo la xariira habka uu ula dhaqmay dadka la shaqeeya.

Warqadda is-casilaadda oo galabta la soo dhigay barta Twitter-ka ee ra’iisal wasaare ku xigeen Dominic ayuu ku caddeeyey is-casilaadaan.

Waxaa la sheegay in is-casilaadaan ay daba socoto baaritaan la xiriiray cago-juglayn la sheegay in shaqaalaha xafiiskiisa qaar uu kula kacay.

Ninkaan ayaa horay u balan qaaday inuu is casili doono, hadii ay ku soo baxaan markii la baaro kadib fadeexadda lagu eedeeyey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay inuu erayadiisa ilaaliyo.

Is-casilaada masuulkaan ayaa noqoneysa mid kamid ah fadeexadihii ugu dambeeyey ee la soo gudboonaata mid ka mid ah wasiirrada ugu sareeya Xukuumadda UK.

Dominic Raab ayaa noqonaya wasiirkii seddaxaad oo shaqada uga tegay habdhaqankiisa shaqsiga ah, kadib markii ay ka soo dacwoodeen xubno ay ula dhaqmeen si ka baxsan habdhaqanka shaqada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Ra’iisul Wasaaraha UK u cadeeyey inuu qaatay go’aanka shaqo ka tegidda, ka hor inta aan la shaacin natiijada baaritaankii lagu sameeyey fadeexadda lagu eedeeyey Dominic Raab.

Arrinkaan ayaa dib u dhac ku keenaya doorashada xisbiga muxaafidka, waxaana laga cabsi qabaa in guul darro weyn ay ku muteystaan.

Dominic Raab ayaa warqadii uu isku casilay wuxuu ku cadeeyey in isagu uu dalbay in baaritaan la sameeyo, isagoo xiligaas balan-qaaday in hadii lagu helo dembi cagajugleyn ah uu is-casili doono.

“Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay inaan qowlkeyga ka rumeeyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii is casilay ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalkaas aqbalay warqadda is-casilaadda ah ayaa sheegay inuu ka xunyahay arrinkaan, balse ay muhiim tahay in anshaxa wasiirradiisa uu gaarsiisnaado heerka ugu sareeya.

Sawirro: Ciidanka Jubaland oo ka hor tegay weerar culus oo Shabaab u qorsheeyeen Afmadow

0

Afmadow (caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee fadhigoodu yahay degmada Afmadow ayaa maanta ka hor tegay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen inay ku qaadaan degmadaas.

Ciidanka oo ka howlagalay fashilinta abaabulka weerar ee Al-Shabaab ayaa howlgallo lagu baacsanayo kooxdaas ka fuliyey dhul howd ah oo u dhow Afmadow, waxayna ku guuleysteen inay ka hor tegaan qorshihii ay kooxdu la damacsaneyd degmada Afmadow.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow G/Dhexe Mahad Maxamed Islaam oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa sheegay in kooxdii is baabuleysay ee Shabaab ay kala carareen markii ay ka war heleen in ciidanka Jubbaland ay ku soo wajahan yihiin.

Wararku waxay sheegayaan in maanta oo maalin farxadeed aheyd ay kooxdu qorsheyneysay inay weerar arbushaad ah ku qaado Afmadow oo saldhig u ah ciidamo badan oo Jubbaland ay geysay.

Dhawaan madaxweynaha Jubbaland ayaa booqday Afmadow oo muhiim u ah gulufka dagaal ee Jubbaland ay ku wajaheyso kooxda Al-Shabaab, isla markaana la qorsheynayo in kooxda looga saaro deegaanada ay ka joogaan Jubbaland.

Al-Shabaab waxay Jubbaland ka joogaan dhul baaxad leh, waxaana halka maamul oo gobol buuxa ay ka xukumaan Al-Shabaab, gobolkaas waa Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in seddaxda gobolka ee Jubbaland la isku yiraahdo, ay labada gobo lee kale mid-ba qeyb ka joogaan, markii laga reebo Jubbada Dhexe oo ay wada xukumaan.

Marar badan waxaa madaxweynaha maamulkas lagu eedeeyey inuu ka caga jidayo in kooxda laga xoreeyo dhulka baaxadda leh oo Jubbaland ay ka joogaan, waxayna kooxdu si lamid ah gobollada kale weerarro culus ka fulisaa deegaanada Jubbaland.

Daawo: Garaad Jaamac oo iclaamiyey dagaal cusub iyo ‘go’aankooda ugu dambeeya’

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa maanta si adag uga hadlay dagaalka dadka gobolka Sool kala dhaxeeya Somaliland, isagoo iclaamiyey dagaal cusub.

Sidoo kale Garaadka ayaa farriin culus u diray beesha Isaaq ee Somaliland, isagoo si cad u sheegay in Sool aysan wada deeqin Isaaq iyo Dhulbahante ama guud ahaan reer Sool.

Waxa uu sheegay in ay turaale ku jireen markii hore, maadaama lagu jirin bishii Ramadaan, laakiin ciidamada Somaliland aysan waxaba la harin, sida uu sheegay, isla markaana ay hada kadib u dagaalami doonaan si aan horay u dhicin.

“Qaniiyo-qaniiyo ayaa kaa fujisa, waxaanu caalamka iyo dowladda Soomaaliyeed u sheegaynaa dulqaadkii waa naga soo dhamaaday, wixii ka danbeeya maanta oo ciid ah, wax aan la hari doono ma jirto,” ayuu yiri Garaad Cali oo boqolaal bulsho ah kula hadlay Laascaanood.

Garaadka ayaa si gaar ah fariin ugu diray waxgaradka beesha Isaaq, isagoo ka dalbaday inay ciidankooda kala baxaan dhulka SSC, maadaama aysan dhici doonin in Hargeysa iyo Laascaanood dib loo mideeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadii reer Sheekh Isxaaq habayaraadee uu caqli ku dambeeyo, hanaga kaxeysteen carruurtooda, dalkeena hanooga baxaan oo guryahoodii haku noqdaan ‘ma dhaheyno gurigiin ba’yoo goob xun joogsada’e, waxaanu leenahay deegaankiina ku laabta,” ayuu Garaad Jaamac ku yiri farriinta uu Isaaq u diray.

Garaadka ayaa carrabkiisa ku adkeeyey sida ay u doonayaan midnimada Soomaaliya ilaalinteeda, “Wiilka Barbara jooga, waxaa naga xiga wiilka Soomaaliga ah ee Baydhaba jooga, anaga midnimaa na deeqda, wax kasta oo midnimada Soomaaliya ka hor imaanaya inaan ka hor tagnaa naga go’an,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Garaad Jaamac.

Ugu dambeyntii wuxuu cadeeyey in go’aankoodu yahay inay deegaankooda u tashadaan oo Soomaaliya ay ku soo biiraan oo cid Soomaali ka baxsan aysan taladoodu u daba fariisa doonin hadda kadib.

Hoos ka daawo

Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay ka adkaato Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay la tacaaleysa mid kamid ah kooxaha argagixisada ah ee ugu awoodda badan adduunka, balse dhinaca kale waxaa 31 sano saaran cuna-qabateyn dhinaca hubka ah.

Toddobaadkii hore waxaa Soomaaliya booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, wuxuu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Xoghayaha guud ee QM waxay ku soo aadeysa waqti ay Soomaaliya la tacaaleyso Al-Shabaab iyo Abaar. Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu garab taagan yahay xoghayha guud ee QM Antonio Guterres ayaa soo hadal qaaday mawduuca cuna-qabateynta hubka.

Al-Shabaab waa mid kamid ah labada kooxood ee ugu awoodda badan argagixisada ka jirta qaarada Afrika. Halka dowladda Soomaaliya ay tabar militari iyo mid dhaqaale-ba ay weli ku tiirsan tahay Midowga Afrika iyo dalalka reer galbeedka.

Madaxweynihii xafiiska baneeyay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha hadda tallada haya Xasan Sheekh Maxamuud labaduba waxay ka siman yihiin dalabka ah in Soomaaliya laga qaado cuna-qabateynta hubka si ay ugu sahlanaanto dhismaha ciidan tayo leh oo haysta hub ku filan sugida amniga dalka iyo soo afjarida argagixisada.

Dalalka caalamku waxay marwalba leeyihiin waa in Soomaaliya laga caawiya inay ka adkaato Al-Shabaab, haddana looma ogola hub ku filan in kooxda la wiiqo.

Micnuhu wuxuu u eekaan kara mashruuc aan dhamaad loo rabin ayay leeyihiin dadka ka faaloonaya arrintaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay dhowr jeer ku cel-celisay inay ku kalsoon tahay inay ka adkaan karto Al-Shabaab iyo Daacish, laakiin waxaa dhinaca kale aan la inkiri karin inay hub baahsan wajahayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee loo diyaariyay inay cirib-tiraan argagixisada, soona celiyaan amnigii iyo xasiloonidii dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu QM uga mahad-celiyay garab istaaga joogtada ah ee Soomaaliya siinayeen dhowr iyo tobankii sano ee u dambeysay. Wuxuu sheegay inay Soomaaliya sameynayso horumar ballaaran, si gaar ah iska xoreynta argagixisada, nidaaminta iyo maalgelinta waxbarashada, caafimaadka iyo maamul wadaaga.

Wuxuu madaxweynaha la wadaagay xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres tallaabooyinka togan ee loo qaaday siyaasadda loo dhan yahay, gaar ahaan kulamadii u dambeeyay ee madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul-goboleedyada, shaqada laga hayo dib u eegista dastuurka dalka iyo horumarka guud ee amniga dalka.

Midda ugu muhiimsaneyd ee khudbada madaxweynaha waxay aheyd arrinta cuna-qabateynta hubka. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in la joogo xilligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka si ay ugu filnaanto dagaalka argagixisada iyo sugida amnigeeda gudaha.

Kal hore golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa garwaaqsaday in Soomaaliya laga khafiifiyo cuna-qabateynta hubka, taas oo wax badan u tartay Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynaha ka codsaday xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres inuu Soomaaliya garab ka siiyo in meesha laga saaro cuna-qabateynta hubka ee jirtay 31-dii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa la isku raacsan yahay haddii Soomaaliya cuna-qabateynta hubka laga qaado inay yeelan karto awood ay uga adkaato argagixisada, una xaqiijiso amaanka gudaha.

In uusan caalamka arrintaas si dhab ah uga jawaabin waxay dadka Soomaalida ah ku xoojineysa tuhunkii ahaa in dhibkooda shirko lagu yahay.

Erdogan oo ballan-qaad cajiib ah u sameeyay dadweynaha Turkiga

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay u dabbaal-degay gaaska dabiici kii ugu horreeyay ee Turkigu ka helo marin xeebeedka kaydka ah ee Badda Madow, isagoo ballan-qaaday inuu siin doono gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah qoysaska dalkaas, kahor doorashada 14-ka May.

Xafladan ayaa ahayd isku daygii ugu dambeeyay ee ay dowladu kusoo bandhigto mashaariicda tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee ku aaddan doorashada, taasi oo ra’yi ururintu ay muujineyso in Erdogan uu lumin karo kadib labaatan sano oo uu xukunka hayay.

“Waxaan bixin doonnaa gaaska dabiiciga ah oo bilaash ah oo loogu talagalay isticmaalka qoyska muddo hal sano ah,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay furitaanka deked gaaska dabiiciga ah oo ku taalla xeebta waqooyiga gobolka Zonguldak.

Turkiga oo leh shidaal iyo gaas aad u yar ayaa si weyn ugu tiirsan gaas iyo shidaalka laga keeno Ruushka, Azerbaijan, Iran, Qatar, Mareykanka, Nigeria iyo Algeria.

Doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaanka ayaa ah caqabaddii ugu weyneyd ee doorasho ee uu la kulmo hoggaamiyihii ugu cimriga dheeraa ee Turkiga, kadib markii sicir-bararku uu saameeyay taageerada loo hayo Erdogan.

Musharraxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa ku horreeya ra’yi ururinta dadweynaha.

Reuters + VOA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsi muhiim ah u diray shacabka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howl-wadeennnada dowladda.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay shacabka kasoo qeyb-galay Salaadda Ciidda aya ka dalbaday shacabka reer Muqdisho inay si buuxda u garab istaagan howl-gallada ay ciidamada ka wadaan caasimadda iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Rag iyo Gabdho ayaa u taagan oo habeen iyo maalin u taagan oo nolol adag ku nool. Ciidankeeda macno ayay bixiyeen ee yeyna dayacin oo la shaqeyno, iyaga ayaa u taagan inay cadowga wajahaan oo u dhintaan bulshadooda Ilaahay kheyr ha siiye.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dowladdiisa ay dadaal badan ku bixisay amaanka Muqdisho, oo muddooyinkii u dambeeyay kasoo hagaagayay sidii hore, kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay ciidanka ka howl-gala caasimadda.

“Dowladda dadaal badan ayay ka gashay sidii ay caasimadda amni u noqon laheyd oo uga ilaalin laheyd Khawaarijta dhibta badan ee aan waxba noo reebayn,” ayuu yiri madaxweynaha.

Waxa kale oo madaxweynaha ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan waxaan kula dardaarmaya in la is-cafiyo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baraarujiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu dadaalayey muddadii lagu guda jiray Bishii Ramadaan, kuwaas oo xoojinaya is-caawinta bulshada, walaalnimada iyo hufnaanta nafta.

Hoos ka daawo muuqaalka

Muuse Biixi oo war cusub kasoo saaray dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in aan marnaba la badali karin xadka Somaliland.

Madaxweynaha oo saaka salaadda Ciida la dukaday shacabka Hargeysa ayaa khudbad uu ujeediyay waxa uu ku sheegay in xadka Somaliland uu lamid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay isticmaarkii, taasi oo uu ula jeedo in marnaba Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool aysan ka go’i karin maamulkiisa.

“Suurta-gal maaha shantii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyay ee Afrika lamid ah, xadkii Somaliland ayaa la badalayaa oo hab qabali ah loo badalayaa. Ninka Kenya jooga ama ka Itoobiya jooga iyo kan Kenya jooga iyo ka Somaliland ayaa afarta xadba baabiinaya,” ayuu yirii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in xal nabadeed lagu soo dabaalo colaadda sii daba-dheeraaneysa ee Laascaanood.

“Reer Somaliland colaadda Laascaanood bilowgii illaa maanta nabad unba u hayna,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in Somaliland ay dhankeeda diyaar u tahay soo afjarida dagaalka Laascaanood ee qaatay muddo ku siman saddex bilood.

Muuse Bixii ayaa waxa uu dhinaca kale ee isku hayaan xarunta gobolka Sool, oo ah Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood ay dhankooda qaatan doorka nabadeed ee diyaarka u tahay xukuumadda Somaliland.

“Waxaa ku baaqaya in colaadda Laascaanood wada-hadal lagu dhameeyo. Dagaalka Laascaanood waa kugu dhimay oo ka dhimay,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qiray in dagaalka socda uu khasaare naf iyo maalba leh soo gaarsiiyay labada dhinac.

Ugu dambeyntiina waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland ay dhibaato ku hayso dadka reer Laascaanood, “Somaliland ma dhibaataynin reer Sool oo xoriyad ayay ku noolaayeen, waxaa jira dad faafinaya in Somaliland ay cabudhisay reer Sool taasi oo aan run ahayn.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay iska soo daba-dhacayaan baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood, islamarkaana ay xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan ay u muuqato mid faraha kasii baxeysa.

Si kastaba, dagaalka ka socda Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen.

Maamulka gobolka oo Muqdisho ka bilaabaya dhaqan-gelinta go’aanadii Golaha Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in uu dhawaan maamulka gobolka uu bilaabi doono dhaqan-gelinta go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiiradda ee Mooto Bajaajta.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay wareegto kasoo baxday maamulka gobolka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in maamulka gobolka uu bilaabi doona midabeynta Mooto Bajaajta, iyada oo laga dhigayo A iyo B.

Saalax ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaaban doonto dhaqan-galinta go’aanada cusub laga bilaabo maalinta Isniinta ee 24 bishaan April 2023-ka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu faray dhammaan milkiilayaasha iyo shirkadaha Mooto Bajaajta in ay iska diiwaan-galiyaan, goobaha maamulka gobolka iyo dowladda Hoose ee Xamar ay u asteeyeen diiwaan-galinta Mooto Bajaajta.

“Goobaha isdiiwaan-galinta lagu sameenayo waa sida tan; Xarunta Laasareeti ee degmada Cabdicasiis, Xarunta Gaadiidka ee dowladda Hoose ee Xamar ee degmada Warta Nabadda, Xarunta Saldhigga Galbeed ee degmada Dharkenley,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Afhayeenka ayaa intaas kusii daray in maamulka uu tallaabo adag oo sharci ah ka qaadi doono cid alaale cidii u hoggaansami weysay amaradan kasoo baxay dowladda Hoose ee Xamar.

Golaha Wasiirada ayaa 30-kii March ee sanadkaan ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaasi oo ka koobna 5 qodob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo badanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qaraarkan ayaa dhigaya in aan dalka laga soo dejin karin Mooto Bajaajta si kumeel-gaar ah iyo in la tiro koobo Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), shaqadaasi oo xilligaas goluhu fulinteeda u igmaday maamulka gobolka Banaadir.

Daawo: Muqdisho iyo magaalooyinka dalka oo maanta si weyn looga ciiday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, oo qaarkood ay bulshada dukashada salaadda ciida kala soo qeyb-galeen madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howl-wadeennnada dowladda.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.
Xasan ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo xaqiijiyey amniga dalka muddadii lagu gudajiray bisha Ramadaan.
Sidoo kale waxa uu dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay farxadda Ciidda deeq siiyaan dadka danyarta ah, ayaa Alle ka baryey in dalkeenna uu ku mannaysto naxariis, horumar iyo barwaaqo.

Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaada Ciida madaxweynaha Somaliland oo kumanaan shacab ah kula dukaday Masjid Jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, wuxuuna madaxweynaha u jeediyay khudbad uu bulshada ku boorinayay adkeynta amaanka iyo sidii looga wada-shaqeyn lahaa amniga guud ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay xal nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda sii daba-dheeraaneysa.

“Cibaadadii Soonka laheyd ee Qur’aan akhriska lahaa ee Ducada lahaa ee Taraawiixda iyo Taajudka lahaa Ilaahay hanaga aqbalo. Colaad ayaa jirta ee Ilaahay colaadda hanaga damiyo. Reer Somaliland coladaas bilowgii illaa maanta nabad unba u hayna,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba, Munaasabadda Ciidalul-Fidriga ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadku.

Hoos ka daawo muuqaalada

DF oo war cusub kasoo saartay saraakiil dowladeed oo laga soo xiray garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay shan saraakiil dowladeed ah oo ciidamada booliska ay shalay kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Shanta eedeysane ayaa ka kala tirsan xafiisyo dowladeed oo kala ah; Xisaabiyaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Bangiga Dhexe oo dhamaantood ka howl-galyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay xabsiga u dirtay shanta eedeysane, iyada oo tixgelinaysa codsiga xafiiska, si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah, loogana gun-gaaro kiiska si waafaqsan habraaca sharci.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go’an horkeenida sharciga qof kasta oo lagu soo qabto fal-dambiyeed, waxa uu digniin u dirayaa dhamaan saraakiisha dowladda inay ku kacaan falal baalmarsan sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha Guud oo sidoo kale loogu digay masuuliyiinta dowladda.

Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu bogaadin u diray hay’addaha amniga oo uu sheegay inay shaqo fiican ka qabtay howl-galka kiiskaan, walina ku howlan daba-galka qeybo kale oo kamid ah shabakadaan.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa shalay kasoo xiray shanta eedeysan ee ah saraakiisha dowladeed garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen shanta eedeysane ee u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Si kastaba, waa tallaabadii ugu horreysay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Madamuud u qaado la dagaalanka musuq-maasuqa, kadib isbeddalkii dalka ka dhacay 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Magacyada Soomaali kasoo muuqday maxkamad ku taal Kenya – Maxaa loo haysta?

Nairobi (Caasimada Online) – Toddobo qof oo Soomaali ah ayaa kasoo hormuuqday maxkamadda ku taal magaalada Eldoret ee dalka Kenya, iyada oo maxkamadda ay u ogolaatay dambi baarayaasha hoostaga qeybta Booliska ee ka hortagga argagixisada inay sii hayaan tuhmunayaasha Soomaalida muddo shan maalmood ah.

Eedeysanayaashan ayaa iskugu jira 4 nin iyo 3 gabdhood, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Cabdulqaadir Cali Xuseen, Ceyruus Maxamuud, Axmed Kooshin, Liibaan Cabdi Sugule, Naciima Yuusuf Axmed, Fartum Sugule iyo Leylo Abshir.

Go’aanka maxkamadda ayaa imanaya kadib markii taliska Booliska uu ka codsaday in loo ogolaado in eedeysanayaasha lagu sii hayo saldhigay dhexe ee Eldoret shanta maalmood ee soo socota.

Tuhmanayaasha Soomaalida ayaa la sheegay in looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen fal dambiyeedyo kahor imaanaya sharciga la-dagaalanka argagixisada ee lambar 30 ee 2012, sida lagu soo xigtay taliska Booliska dalkaasi.

“Eedeysanayaasha maadama aysan kasoo horjeedin codsiga sarkaalka baarista, maxkamaddan ayaa amartay in lagu hayo saldhiga Booliska Eldoret shan maalmood si ay Booliska awood ugu yeeshaan inay soo gaba-gabeeyaan baaritaankooda,” ayuu ku amray garsooraha.

Toddobada Soomaalida ah ayaa la soo qabtay dhamaantood 15-kii bishaan, kadib markii su’aalo la waydiiyayna ay badankooda awoodi waayeen inay ku hadlaan afka KIswahili iyo Ingiriis midna.

Kiiska Soomaalidan ayaa la qorsheynaya in dib loo dhageysto 24-ka bishaan April, waxayna dhacdadaan kusoo aadeysa xilli saraakiisha socdaalka Kenya ay ku sugan yihiin xuduudka Soomaaliya iyo Ethiopia ee Mooyaale, kadib markii ay soo bateen soo galooti sharci darro ah oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia.

Daawo: Madaxweyne Xasan “Waxaa haysanaa hal wax oo la heli karin lana iibin karin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato fursadii ay uga takhalusi laheyd kooxaha argagixisada.

“Hal wax oo la heli karin oo beeso goyn oo la iibin karin ayaa haysana, waxaas waa maxay? qalbiga waaye, niyada waaye, fahamka  iyo dadnimada waaye oo beeso laguma soo iibin karo. Beeso kasta oo meenta helno askari fiican oo suuqa yaalla ma soo iibsan karno, askariga fiican waa ka isaga is-tira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hadalkaas ku sheegay khudbad uu ujeedinayay ciidamo dhawaan ku biiri doona dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ku jira xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

“Maalmo ayaa u dhiman, rag hadey yihiin (madaxda Shabaab) ha yimaadaan furinta. Nin madax ah oo Shabaab ah oo la yaqaan oo is-qarxiyay ma garaneysa, fuley ka weyn majiro oo dhuumaleysanaya.”

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu faray ciidamada cusub ee ku biiraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed.

“Ka daba taga raga oo nasiya oo la baneeya aagga-ga oo nasasho soo siiya. Dhalinyaro waxaa idin leeyahay ciid wanaagsan. Ciidan iyo ciido kale oo dalkii xor ah oo Shabaab ka xor oo qoysaskeena la ciidno ayaa noo soo socota, laakiin in aan ka shaqeyno ayay naga rabtaa waana ku jirnaa.”

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan qeybta “Ilaalo Qaran” ee ku biiraya howl-galka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo argagixisada, si ay garab u siiyaan ciidamada hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya kooxda.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

FARMAAJO oo farriin u diray SHACABKA Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray farriin cusub oo ku socota Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ugu hambalyeynayo curashada bisha Shawaal iyo munaasabadda Ciidul-Fidriga.

“Guud ahaan muslimiinta calaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul Fidriga,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa Alle inooga baryaya inuu inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo ugu hambalyeynayo bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku booriyay sii joogteynta kaalmeynta iyo garab istaagga dadka danyarta ah.

“Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan acmaasha wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmeynta iyo garab istaagga dadkeenna danyarta ah.”

Ugu dambayn waxa uu Eebbe Weyne ka baryay inuu ciiddan ciiddeeda kale inagu gaarsiiyo caafimaad qab, amni iyo barwaaqo, “Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin. Ciid Mubaarak.”

Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo howl-gallo ballaaran ka sameeynaya caasimadda inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga.

DF oo wada qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniin ku xirnaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhawaan dalka dib loogu soo celin doono muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada ku yaalla dalka Zambia.

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Zambia ayaa sheegtay in muwaadiniintan oo u badan dhalinyaro ay ku guuleystay inay kasoo deyso xabsiyada ay ku xirnaayeen, ayna dhawaan soo gaari doonaan dalka.

“Inta aan ku guda jirnay bisha Ramadaan waxaa inoo suurta-gashey in iyagoo caafimaadkooda taam yahey aan didbugu celino wadankooda qaar ka mid ah dhalinyaro Somaaliyeed oo in mudo ahba ku xirnaa xabsiyada Jamhuuriyada  Zambia,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Zambia.

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay safaaradda lagu yiri “Waxaana rajeyneynaa sidoo kale inta kale ee ku hartey xabsiyada aan iyagoo bed qaba ku celino wadankooda.”

Zambia ayaa kamid ah dalalka ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo inta badan halkaasi usii mara si ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Afrika, iyaga oo baadi-goob ugu jira nolol ka badalan midda ay ku haysteen dalkooda.

Tan iyo sabadkii 2016-kii xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta ayaa ka shaqeynayay soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada, iyada oo gacan ka helayso dowladda federaalka, wasaaradda arrimaha dibadda, IOM iyo muwaadiniinta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu guuleysatay inay maxaabiis fara badan kasoo deyso qaar ka mid ah dalalka caalamka, taasi oo aad loogu bogaadiyey dowladda dhexe.

Horraanta sanadkii hore ayaa waxay dowladda federaalka dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo gaarayo illaa 97 ruux, kuwaasi oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya.

DF oo isugu yeertay wakiilada caalamiga ee ku sugan Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulan isugu yeertay wakiiladda caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii ay sii korortay walaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladda dalka Sudan.

Kulankan oo yeeristiisa ay laheyd wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan xoghayaha joogtada ee wasaaradda Xamse Aadan Xaadoow, ayaa waxaa soo xaadiray qaar kamid ah wakiiladda hay’addaha caalamiga ah.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay samata-bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku go’doonsan dalka Sudan, oo ay ku dagaalamayaan ciidamada milatariga iyo kuwa RSF ee loo yaqaano birmadka deg-degga ah.

Sidoo kale waxaa kulankaan goobjoog ka ahayd Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergeyga cusub ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa madashaasi waxa uu ku faah-faahiyay tallaabooyinka ay wasaaradda u qaadday ka war-qabka iyo suurta-galnimada daad-guraynta ardayda iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaaladda ay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan samata-bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaalka maalintii lixaad ka socda magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan.

Dagaalkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan u dhalan waddankaas ee u badan ardayda, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin dadka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta.

Kumanaan arday Soomaali ah oo dalka Sudan u joogay wax barasho ayaa lasoo warinaya inay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, tan iyo markii uu Sabtidii billowday dagaalka qaraar ee ka socda magaalada Khartuum iyo qeybo kamid ah dalkaasi.

Qaar kamid ah ardaydaasi oo ay warbaahinta dowladda xiriir la sameysay ayaa u sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan helin wax biyo iyo koronto ah, ayna awoodin illaa hadda inay kasoo baxan halka ay kaga gabanayaan rasaasta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay jiraan gabdho Soomaali ah oo weli ku xaniban xaafaddo ku yaalla Ummdurmaan oo ah qeybo kamid ah caasimadda sadeex geesoodka ah ee Khartuum, kuwaasi oo aan illa hadda helin fursad ay kusoo baxaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Khartuum iyo guud ahaan dalkaasi inay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, iyada oo ku adkeysay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan.

Sidoo kale waxay soo jeedisay wasaaraddu inay iska diiwaan-galiyaan mareegta (website-ka) wasaaradda, si loo caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan.

Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah usoo afjaraan colaadda, kuna laabtaan wada-hadallada kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen in ka badan 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800.

Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaasi oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo ah hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.

Dowladda Soomaaliya oo go’aan kasoo saartay maalinta ciidda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa shaacisay go’aanka rasmiga ah ee bilashada bisha Shawaal, iyada oo ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga.

“Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku sugan xarunta warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kadib baadi-goob dheer dhalashada bisha soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Magaalooyinka laga arkay ee wasiirku sheegay waxaa kamid ah Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Cadaado ee gobalka Galgaduud, Ceel-Waaq oo Jubada Hoose iyo deegaano kale oo kamid ah Soomaaliya.

Dhawaaqan cusub ee kasoo baxay wasaaradda ayaa imanaya, iyada oo goor sii horeysay ay Boqortooyada Sacuudiga ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul-Fadriga.

“Bisha Shawaal 1444 ayaa maanta laga arkay Tumair iyo Sudayr ka dibna berri oo Jimco ah, 21-ka April 2023 waa maalinta Ciidul Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xaramka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, “Walaalkaaga aad wax ka tabaneyso cafi, ka adiga wax ka tabanaya ha ku cafiyo.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed isgarab istaagan, hoosna u fiiriyan walaalahooda ka liita, si ay u qeybsadaan farxada munaasabadda Ciidul-Fidriga.

“Dadka Soomaaliyeed ee soo barakacay ee magaaladan ay duruufta keentay, berri waa maalintii farxada halaga farxiyo, si dhamaan farxad loogu wada ciido.”

Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howl-gallo ballaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga.