29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Sawirro: Xasan oo tegay xerada Jeneral Gordan oo ay ku jiraan ciidamo ku biiraya dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka looga cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ayaa maanta booqday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Xeradan ayaa waxaa ku jira cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 26-aad ee “Ilaalo Qaran” ee tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea.

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan qeybta “Ilaalo Qaran” ee ku biiraya howl-galka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo argagixisada si ay garab u siiyaan halyeeyada hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya kooxda.

Madaxweynaha oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri-galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rejada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gaba-gabada maraya ee dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada.

Xasan ayaa waxa uu faray ciidamadan ku biiraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si dardar leh uga socda dalka, iyada oo dagaalka socda uu galay wejigii labaad oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, kuwaasi oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku garabsiin doona sidii loo wiiqi lahaa kooxda.

Sacuudiga oo shaaciyay maalinta ay tahay ciida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul-Fadriga.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Khamiista maanta lagu ogaaday in ay dhalatay bisha Shawaal.

“Bisha Shawaal 1444 ayaa maanta laga arkay Tumair iyo Sudayr ka dibna berri oo Jimco ah, 21-ka April 2023 waa maalinta Ciidul Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xaramka.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta oo iyadu inta badan raacda Sacuudiga ayaa sidoo kale la filayaa inay bulshada Soomaaliyeed ugu bushaareyso bilashada bisha Shawaal iyo Ciidul-Fidriga.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay munaasabadda Ciidul-Fidriga ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howl-gallo ballaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Shabakad qaraxyo ku diyaarinayay Gaalkacyo oo howl-gal lagu qabtay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howl-gal ay si wadajir ah maanta magaalada Gaalkacyo uga sameeyeen ciidamada ammanka dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ee ku sugan magaaladaas.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo ay ku sugneyd shabakad ka tirsan Al-Shabaab, taas oo ka kooban dhowr xubnood.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha lasoo qabtay ay ku howlanayeen diyaarinta qaraxyo iyo abaabulka dilal ay ka geystaan halkaasi.

Ilo dhanka ammaanka ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in guriga ay u daateen ciidanka laga soo saaray qaraxyo diyaarsan iyo sidoo kale bistoolado.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in haatan lasoo xiray eedeysanayaasha, isla-markaana la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Soo qabashada kooxdan ayaa timid, kadib markii maalmo kahor gacanta lagu soo dhigay nin ka dambeeyay qarax todobaadkan ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, waxaana kadib baaris ku sameeyay hay’adaha amniga oo ay u suuragashay inay soo qabtaan ragaan kale.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Gaalkacyo ka soconayay howl-gallo saf ballaaran ah oo ay iska kaashanayaan Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Puntland oo horay u qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xukuno dil ah ku ridday, kuwaas oo lagu soo qabtay howl-gallo kala duwan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19  ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.

Dalkii u horreeyay oo war kasoo saaray maalinta ciidda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay war cusub oo la xiriira munaasabadda Ciidul-Fidriga, waxayna ku dhowaaqday in maalinta berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciida, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sidaas ku noqotay dowladdii ugu horreysay ee shaacisay in beri ay tahay Ciid, xilli waddamada islaamku aysan weli isku raacin in beri ay ciid tahay iyo in kale.

Kenya ayaa sidoo kale fasaxday shaqaalaha dalkeeda, sababo la xiriira dabaal-degga maalmaha munaasabadda Ciidul-Fidriga aawgeed.

“Iyadoo la adeegsanayo awoodaha uu siinayo qodobka 2 (1) ee Xeerka Fasaxyada Dadweynaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xoghayaha Golaha Wasiiradda ee Arrimaha Gudaha waxa uu ku dhawaaqay in Jimcaha, 21-ka April 2023-ka ay noqon doonto maalin fasax dadweyne oo lagu xusayo Ciidul-Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool muslimiin badan, waxaana islaamka uu yahay diinta labaad ee ugu weyn Kenya, taas oo ka dhigan in 10.9% dadka Kenya ay yihiin muslimiin.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in caawa maqribkii si rasmi ah loogu dhawaaqo go’aanka kama dambeysta ah ee ciida, ayada oo ay u badan tahay in berri ah oo Jimco ah ay tahay maalinta koowaad, maadaama inta badan bisha Ramadaan ay ku dhammaato 29-ka.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda dhankeeda war ku saabsan ciida ay la wadaagto guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howlgallo balaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga.

AMNESTY oo militariga Somaliland u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka

Laascaanood (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo warbixin cusub soo saartay ayaa si adag kaga hadashay dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo qaatay bishii 3-aad oo xiriir ah.

Amnesty International oo shaacisay natiijada baaris ay ku sameysay xad-gudubyo ay sheegtay inay ka dhaceen Laascaanood ayaa ku eedeysay ciidanka militariga Somaliland in magaaladaas ay ka geysteen duqeyn aan kala sooc laheyn oo dhaliyay khasaare xoogan.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in duqeymahaasi ay waxyeello u geysteen isbitaallada, dugsiyada iyo masaajidada ku yaalla halkaasi.

“Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay u guntadaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan xeerarka u degsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Isbitaalada iyo ambalaasyada waa in aan marnaba la bartilmaameedsanm” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty International.

Hay’adda ayaa sidoo kale dalbatay in la sameeyo baaritaan kale oo madax bannaan, si dadka ka mas’uulka dhibaatadaasi loola xisaabtamo, loogana qaado tallaabo adag.

“Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini’aadantinimada si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah iyo magdhowga dhibanayaasha,” ayuu yiri Agaasimaha Gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika,ee ee hay’adda  Amnesty International Tigere Chagutah,

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi oo ay hay’addu ku sheegtay ugu yaraan illaa 100 qof iyo dhaawac ka badan 600 oo kale.

Hay’adda Amnesty ayaa sidoo kale sheegtay in inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000 oo qof ay u barakaceen magaalooyinka iyo tuulooyinka deriska la ah Laascaanood, halka qaarkood ay u gudbeen xadka Itoobiya, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah.

Ugu dambeyn Amnesty ayaa ugu baaqday labada dhinac in hay’adaha samafalka ay u fududeeyaan, sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka barakacay Laascaanood.

“Dhammaan dhinacyadu waa in ay oggolaadaan oo ay fududeeyaan in hay’adaha samafalka ay si aan kala go’ lahayn ula kulmaan dadka rayidka ah ee gargaarka u baahan ee ku sugan Laascaanood iyo deegaannada kale ee ay dhibaatadu saameysey,” ayaa markale lagu yiri warbixinta Amnesty International.

Maxay ATMIS ka tiri hub ka dhigista ay DF ka billowday Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidanka howlglka ATMIS ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay amarka hub ka dhigista ee ay dhawawaan ku dhawaaqday dowladda, kaas oo maalmo kahor ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xerada Xalane ayaa sheegtay in weli uusan soo gaarin go’aankaasi, isla-markaana aysan jirin wax war-gelin ah oo ay ka heleen dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hillary Sao Kanu ayaa intaasi ku dartay in marka ay helaan dukumintiyada dowlada ee ku cad amarkaas ay qaadayaan tallaabada markaasi ku haboon ama doorkooda.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in inta ka horreysa aysan faragelin doonin go’aanka dowladda federaalka, isla-markaana ay ka war dhowrayaan madaxda qaranka.

“Tafaasiisha qorshaha hub ka dhigista ee ay ku dhawaaqdey Dowladda Federaalka Soomaaliya wali nama soo gaarin. Balse wali marka aan helno dukumiintiyadda ayaan ogaan karnaa kaalinta aan ku leenahay. Inta ka horeysa, ma faragelinayno” ayay tiri.

Dhanka kale waxa ka hadashay wada-shaqeynta ay la leeyihiin Booliska Soomaaliya, ayada oo shaacisay inay abuurtay kalsooni weyn oo u dhexeyo labada dhinac, isla-markaana ay leeyihiin xiriir toos ah, mararna qaarna ay si wadajir ah u qaadaan howlgallada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho ka dhaqan-galay amarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in aan hubka cul culus lagu dhex-qaadan karin gudaha caasimada oo ay haatan howlgallo amniga xaqiijin ay ka wadaan ciidamada.

Dowladda federaalka go’aankeeda kuma shaacin inuu saameyn toos ah ku leeyahay ciidamada ATMIS oo iyaguna ka howlgala gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa labadii todobaad ee u dambeysay waday qorshayaal cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo haatan qaybo badan oo kamid ah lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda.

Diyaarado dagaal oo lasoo riday iyo wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka SUDAN

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada RSF-ta, ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaha Qumaatiga u kaca, oo ay leeyihiin ciidamada dalka Sudan.

Kooxdan la yiraahdo ciidamada deg degga u hawl gala (RSF) ee Sudan, ayaa ku eedeeyey inay soo rideen laba diyaaradood, oo kuwa qumaatiga u kaca ah, kadib weerar aargoosi ah oo ka dhan ahaa ciidamada.

Kooxda ayaa sheegtay in ciidamadu ay weerar ku qaadeen dagaal yahanadooda magaalada Omdurman, oo u dhow caasimadda Khartoum subaxnimadii Khamiista, inkastoo xabbad joojin lagu dhawaaqay Arbacadii.

“Laakiin ciidamada ayaa ka jawaabey weerarka, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan soo ridista laba diyaaradood oo helikobter ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay RSF soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Kooxda dableyda, ayaa sheegtay inay weli ka go’an tahay xabbad joojinta.

Ciidanka militariga dowldada Sudan, ayaan weli ka hadlin sheegashada weerarka RSF.

Dhanka kale, iskuday kale oo xabbad-joojin ayaa fashilmay caawa, walina waxaa caasimadda ka sii socda duqeymaha cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo kooxda sida millatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF.

Goor sii horeysa oo maanta ah, dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo aysan kala caddeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka Khartoum, halkaas oo ay ku yaallaan guryo uu leeyahay ninka hogaaminaya xoogaga millatariga kasoo horjeedda General Mohamed Hamdan Dagalo, oo lagu naaneeso .

Xog ku saabsan sababta loo xiray waddooyinka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo dhoobay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo hakiyay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka.

Ciidamada Koofi-gaduud oo ah ilaalada gaarka ee madaxtooyada ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka waa weyn, waxayna xireen dhowr jid oo muhiim u ah dadweynaha  caasimada.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah jidka Maka Al-mukarama, Isgoyska KM4, Soobe iyo Tarabuunka, halkaas oo lagu arkayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ammaanka dowladda.

Xirnaashaha waddooyinkan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka Muqdisho oo maalaya cagahooda, si ay u gaaraan goobahooda shaqada ama waxbarashada.

Sidoo kale waxay arrintaan saameyn ku yeelatay dadweyne fara badam oo isku diyaarinayay Ciidul Fidriga, kuwaas oo kasoo adeegan lahaa suuqyada Muqdisho.

Sababta loo xiray jidadka ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto booqasho uu madaxweyne Xasan Sheekkh Maxamuud ugu tegayo ciidamada lagu soo tababaray Eritrea, kuwaas oo ku jiro xerada General Goordan ee magaalada Muqdisho.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale waddooyinka loo xiray wafdi uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo todobaadkii hore booqasho ku yimid gudaha Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa degmooyinka gobolka Banaadir ka socday dhaq-dhaqaaq ciidan iyo howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan xira waddooyinka caasimada, marka ay jiraan shirarka waa weyn ama mas’uuliyiinta dalka ay booqanayaan xarumaha ku yaalla Muqdisho.

BOOLISKA oo 5 sarkaal ku qabtay garoonka Muqdisho kadibna xiray + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska oo howlgal gaar ah sameeyay ayaa garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ku qabtay shabakad ballaaran oo lagu eedeeyay inay wadeen musuq iyo wax is-dabamarin.

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay illaa 5 sarkaal oo loo haysto inay musuq-maasuq ka dhex wadeen xafiisyada maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee  adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.

Booliska Waxa uu gacanta ku dhigay 5 sarkaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin  ka dhex waddo Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee  adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir

Sidoo kale waxaa saraakiishaan lagu eedeeyay inay wateen warqado been abuur ah, ayna ku lunsanayeen daqlkhliga dowladda iyo hantida dadweynaha.

Been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay  kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay talisla Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo qoraalkan lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan shaqsiyqaad kale oo ka tirsan isla shabakaddaan, kuwaas oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Ugu dambeyn booliska ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan ay ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta, islamarkaana uu qaadi doono dacwadda loo heysto eedeysanayaasha.

Si kastaba, waa tallaabadii ugu horreysay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Madamuud u qaado la dagaalanka musuq-maasuqa, kadib isbeddalkii dalka ka dhacay 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Yaasiin Farey oo XOG ka bixiyay dagaalkii Budbud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuna sugan furinta hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyay weerar ku billowday qaraxyo oo ay gelinkii dambe Arbacadii Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Budbud oo ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamul goboleedka Galmudug.

Yaasiin Farey oo xog ka bixiyay weerarkaas ayaa shaaca ka qaaday inuu qaraxyo ku bilowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Xildhibaanka oo u warramay Idaacadda VOA ayaa sidoo kale xusay in laga hortegay weerarka, isla-markaana khasaaraha uu kooban yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxyada ay saameeyeen gaadiid yaallay xerada la weeraray, balse khasaaraha nafeed uu yaryahay, sida uu ku dooday.

Waxa kale oo uu intaas kusii daray in haatan xaaladda ay dagan tahay, magaaladana ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

“Qaraxyo ayay kusoo weerareen magaalada, markii dambana waxaa la’isla soo gaaray illaa maqribadii. Magaalada hadda jawigeeda waa xasilan yahay, iyaguna ma joogaan ciidamada dowladda ayaa ku sugan wax hadda oo khasaare weyn ma jiraan,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Ciidamada waa ay ka feejignaayeen, waana aga war hayey, marka sidaas ayaa looga hortay,”.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Al-Shabaab aysan wax badan  joogin deegaanka isla-markaana marka laga itaal roonaaday ay isaga carareen.

“Cadowga wax badan ma joogin waa intii yareyd oo qaraxyada ay dhaceen ayaa weerar wax ka yar saacad kaliya socday ayaa ka dhacay meesha,” ayuu markale yiri Yaasiin Farey.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo ciidamada huwanta ay haatan kusii siqayaan deegaano hor leh oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, ayaga oo guullo waa weyn ka gaaray howlgalladi u dambeeyay ee Galmudug.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay magacaabis nooc cusub oo uu sameeyay Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sameeyay magacaabis nooc cusub ah, isaga oo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga u magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ergeyga cusub ay aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, wuxuuna kula dardaarmay dardar-gelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo xuquuqda soo-galootiga.

Magacaabista ergeyga cusub ayaa lagu baahiyay bogga Villa Somalia ee Facebook, waxaana ka dhalatay fal-celin xooggan oo la xiriirta shaqada ergeyga cusub iyo erey bixinta xilkaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.

Marwo Maryan Yaasiin Xaaji ayaa noqoneysa ergeygii saddexaad ee isla bishaan April uu magacaabo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba, Sidee ayaa looga fal-celiyay arrintaan?

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyada ay bulshada Soomaaliyeed kaga fal-celiyeen magacaabista cusub ee uu sameeyay madaxweynaha, Hoos ka aqriso:

Farxiya Filsan: “Waa wax loo baahanyahay waa in laga warqaba wixii so galaayo waddanka.”

“War ergadan maxay ahayd?,” ayuu yiri Axmed Dayib Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ee lagu baahiyay bogga Villa Somalia ee Facebook.

Cabdiraxmaan ayaa isagna waxa uu yiri “Yaa soo galooti ah?, kuwii udhashaa ka tahriibaye oo faarujinooye dalka. Xilkii ugu xumaa aan maqlo waye muu iska magacawdo (madaxweynaha) ergeyga la dagaalanka arimaha tahriibka iyo shaqo la’aanta.”

“Shaqa abuur farsameysan ayuu wada madaxweynaha.” ayuu yiri Maxamed Shiine. – “Ergay badana Madaxwayne,” ayuu yiri Cabdishakuur Xaaji Khaliif.

Aadan Salaad ayaa isagna yiri “Waa u qalantaa Marwo Maryan mudo fogna qaranka waa usoo shaqeysey hambalyo.”

“Soomaaliya ayaa soo galaya, iyada ayaa laga sii yaacayaaye,” ayuu yiri Sakariye Cumar Akabbe oo kamid ah dadka la-yaaban ergeyga cusub ee madaxweynaha uu maanta magacaabay.

Cabdiraxiim Maxamed oo ka fal-celiyay magacaabistan ayaa yiri “Soo-galooti waxaa wax siin kartaa marka kuwaaga wax la haleesho. Imika caruur Soomaaliyeed ayaa daryeel xumo amni darro usii dheer tahay ku nool. Xukunka afka waa ka fudud yahay laakiin tii Alle ayaa meel taalo.”

Madar ayaa isagna yiri “Waa tallaabo muhiim oo waqtigeedi ku beegantay. Kaliya yeyna noqon mid laga macaasho ama in wax lagu cuno madaxa caruur bahaan.”

“Madaxwayne caruurta garanaye, Soomaaliya soo-galooti bay leedahay iyada ayaa laga cararayaaye, bal madaxwayne soo galootiga ku laabo oo waxkale u bixi,” ayuu yiri Maxamuud Cilmi Xaashi oo kamid ah dadka la fajacaysan erey bixinta ergeygaan cusub iyo shaqada uu madaxweynaha u igmaday.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax ka yar sanad magacaabay 5 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood.

Askar lagu dilay Soomaaliya oo la siinayo lacag magdhow oo malaayiin dollar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoysaska askarta ciidamada howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2007-dii ayaa la shaaciyay in 200 milyan oo doollar magdhow ahaan loo siin doono.

Magdhowga lacageed ayaa lagu dallacay howl-galka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, iyada oo in ka badan $175 milyan oo lacagtan kamid ah ayaa ku baxaysa magdhowga qoysaska askarta looga dilay dagaalka Soomaaliya.

Halka $15 milyan oo kale la siinayo kuwa ku dhaawacmay ama ku naafoobay howl-galka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Sida ku cad heshiis is-afgarad ah oo ay kala saxiixdeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika, waxaa $50,000 la siin doonaa qoyska askari kasta oo howl-galka ku dhintay, halka dhaawacyada ama naafada lagu bixinayo qadar lacageed oo gaaraya $10,000.

Madaxa Midowga Afrika ayaa dhawaan shaaciyay in ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka kala socday dalalka Kenya, Uganda, Burundi iyo Itoobiya ay ku dhinteen gudaha Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafay.

Askartan ayaa la dilay iyaga oo ku guda jira howl-galka nabadeed oo aan weli laga gaarin natiijooyinkii loogu tala-galay.

Khasaaraha u badan ee ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) soo gaaray ayaa la sheegay inuu ahaa waayihii ay ku cusbaayeen Soomaaliya ee howl-galku uu bilowga ahaa, iyada oo kiisaska qaar aan si saxan loo diiwaan-gelin oo suurta gal ay tahay inay jiraan askar la dilay oo aan diiwaanka lagu darin.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gudaha Soomaaliya in ka badan 16-sano kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, waxaana howl-galkaan ka soo gaaray khasaare lixaad leh oo aan horay ugu dhicin ciidan dal kale loogu diray nabad ilaalin.

Ciidanka ATMIS ayaa wuxuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray weerarro toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Leego, Ceel-cadde, Ceel-baraf iyo saldhigyo kale oo khasaare baaxad leh loogu geystay ciidankaan Soomaaliya uga howlgala magaca Midowga Afrika.

Xoghayaha NATO oo safar kedis ah ku tegey Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa booqasho aan hore loosii shaacin ku tegey Khamiistii dalka Ukraine, taasoo ah booqashadiisii ugu horraysay ee uu dalkaasi ku tago tan iyo markii uu bilawday duullaanka Ruushku ku qaaday dalkaas, in ka badan sannad.

Xoghayaha NATO ayaa booqasho ku tegey goob lagu xusayey askartii lagu dilay dagaalka, isaga oo indha indhayn ku sameeyey qalabkii milateri ee Ruushka ee la burburiyey oo lagu soo bandhigay caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Stoltenberg ayaa marar kala duwan muujiyey sida dalalka NATO ay diyaar ugu yihiin inay dalkaas ku caawiyaan agabka milateri ee ay u baahan yihiin ciidamada Ukraine, xilli ay sii kordhayso awoodda isbahaysiga NATO, ka dib markii dalka Finland uu ku soo biiray isbahaysiga, taasoo jawaab u ahayd, duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalkaas.

Dalka Sweden oo codsaday inuu ku biiro isbahaysiga NATO ayay ansixiyeen dhammaan dalalka xubnaha ka ah, marka laga reebo Hungary iyo Turkiga.

Denmark iyo Holland oo xubno ka ah NATO ayaa ku dhawaaqay khamiistii inay iska kaashanayaan inay hub kala duwan ku caawiyaan dalka Ukraine.

Wasaaradaha difaaca ee Holland iyo Denmark ayaa sheegay in Taangiyo kala duwani inay diyaar u yihiin in la geeyo Ukraine horraanta sannadka soo socda. Waxana labadan dal ay wadaagi doonaan kharashka ku baxaya oo gaadhaya illaa $180 milyan.

VOA AP, AFP + Reuters.

Xabad joojintii SUDAN oo fashilantay iyo barakac ka billowday KHARTOUM

Khartoum (Caasimada Online) – Kumannaan qof ayaa Arbacadi maanta ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartoum, kaddib marki uu dagaalka u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysani uu galay maalintiisii shanaad.

Qaxa ayaa yimid, kaddib marki Talaadadi uu fashilmay iskuday heshiis xabbad-joojin ah oo ay labada dhinac isku afgarteen, kaddib afar maalin oo dagaal culus uu ka socday Khartoum iyo magaalooyinka mataanaha la ah.

Dad ku nool xaafado kala duwan oo ka tirsan Khartoum iyo Omduman ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay arkeen, rag, dumar iyo carruur wata boorsooyin waaweyn oo ka baxaya magaalada.

Dadka qaar ayaa maalayay cagahooda, halka kuwo kale ay wateen gaadiid. Dadkaan ayaa u qaxay magaalooyin kale ee dalka ee ka nabaddoon colaadda.

Dhanka kale, iskuday kale oo xabbad-joojin ayaa fashilmay caawa, walina waxaa caasimadda ka sii socda duqeymaha cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo kooxda sida millatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF.

Goor sii horeysa oo maanta ah, dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo aysan kala caddeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka Khartoum, halkaas oo ay ku yaallaan guryo uu leeyahay ninka hogaaminaya xoogaga millatariga kasoo horjeedda General Mohamed Hamdan Dagalo, oo lagu naaneeso .

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in qoyskiisa ay ku noolyihiin xaafaddaasi, balse ma Jiro war si rasmi ah u xaqiijinaya.

Warbaahinta Af-Carabiga ku hadasha ee AlJazeera ayaa sheegtay, in dagaalka ka socda Khartoum ay ilaa iyo hadda ku dhinteen ugu yaraan 270 ruux, halka dhaawacu marayo 2,600.

VOA

Booliska Muqdisho oo soo bandhigay natiijada howlgalada 24-kii saac ee u dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay howl-galada kala duwan ee caasimadda ka fuliyeen ciidamada Booliska, gaar ahaan 24-kii saac u dambeeyay.

Taliska Booliska ayaa shaaciyay in howl-galadii u dambeeyay lagu soo qab-qabtay burcad hubaysan oo magaca ciidamada qalabka sida dhac ku gaysanayay iyo maandooriye tiro badan.

Howl-galka lagu qabtay burcadka iyo maandooriyaha ayaa waxa uu si gaar ah ugu dhacay qeybta bari ee gobolka Banaadir, iyada oo Booliska uu gacanta kusoo dhigay raggii ka ganacsanayay waxyaabaha maandooriyaha.

Burcadka hubeysan ee dhaca ka geysan jirtay gudaha magaalada ee gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliska, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay Mooto Bajaaj, ay u adeegsan jireen howlahooda burcadnimo.

Taliska ayaa waxa uu sheegay in burcadda iyo kuwa lagu soo qabtay maandooriyaha la horgeyn doono cadaaladda, islamarkaana sharciga la waafajin doono.

Ciidanka dowladda ayaa bilihii lasoo dhaafay waxay howl-gallo lagu baacsanayo burcadda, ciyaal-weerada iyo kooxaha gacan saarka la leh kooxda Al-Shabaab ka wadeen degmooyinka xiga daafaha gobolka Banaadir, iyada oo dadweynaha halkaasi ku dhaqan ay si weyn usoo dhoweeyeen.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo lacag badan ku abaal-mariyey 5 dhalinyaro ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Bisha Ramadaan ayaa abaal marinno guddoonsiiyey dhalinyaradii kaalimaha hore ka galay tartanka Qur’aan akhriska ee la qabtay sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Qur’aanka Kariimka wiilasha iyo gabdhaha ka qeyb-galay, culimada hoggaamisay iyo dowladda soo qaban qaabisay ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweynaha ayaa abaal marin dhan 20,000 oo doolar guddoonsiiyey Cabdifataax Axmed Maxamed oo kaalinta koowaad ka galay sannadkaan tartanka Qur’aanka Kariimka ee dowladdu u qabatay xaafidiinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabadii lagu soo xiray tartankaan ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa abaal marinno kale guddoonsiiyey xaafidiinta kala ah; Saabiriin Xasan Maxamed, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed, Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Ibraahim Maxamed oo galay kaalimaha hore ee tartanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, wuxuuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega aqoontooda diinta suuban ee Islaamka.

Tartankaan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, waxaana soo xiray madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo khudbadii madaxweynaha

Budbud: Xogtii u dambeysay taliyaha xoogga oo ku biiray dagaal la isku riiqmay

0

Galcad (Caasimada Online) – Dagaal aad u culus ayaa galabta ka dhacay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Markii dagaalku bilowday waxaa hawada ka baxday isgaariisnta Budbud iyo deegaanada u dhow, dagaalkii soo bilowday galabta Casirkii ayaa soo gaaray Afurkii, waxaana dhacay dagaal labada dhinacba uu khasaare culus ka soo gaaray.

Weli lama helin xogta rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse waxaa la xaqiijiyey in ciidanka dowladda ay caawa ku sugan yihiin deegaankii lagu dagaalamay ee Budbud.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dib u xoreynta deegaanka ayaa jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyey deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo galabta ay isku dayeen inay weerar arbushaad ah ku soo qaadaan.”

“Ciidanka Qaranka ayaa ku ku raad jooga firxadkii Khawaarijta, waxaana soo bandhigi doonaa xogta rasmiga ah ee jabkii galabta la gaarsiiyey Khawaarijta.”

Sida ay saraakiil ku sugan furimaha u xaqiijiyeen Caasimada Online, Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo wata ciidan xoog leh ayaa galabta ku biiray dagaalka, waxaana u suurta gashay inay ka adkaadaan Shabaab-kii weerarka ku soo qaaday Budbud.

Ciidan dhan laba guuto oo oo isugu jira militeriga dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa ku sugnaa deegaankaas markii ay Al-Shabaab soo weerareen maanta, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ciidanka maanta la weeraray ka mid ah Korneyl Saney Cabdulle.

In kastoo labada dhinac aysan weli shaacin wax khasaare ah dagaalkuna uu soo gaaray caawa maqribkii, hadana xogaha hoose ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegayaan inuu jiro khasaare baaxad leh, maadaama aan dagaalka waxba la isku reeban oo labada ciidan ee Shabaab iyo dowladda ay is dhex galeen aadna isku laayeen.

Wixii ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas kala soco Caasimada Online

Dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka socda Laascaanood iyo SSC oo furin horleh furtay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan xoog leh, kuwaasi oo ay wadaan xooggaga SSC ee la dagaalamaya ciidamada Somaliland.

Xooggaga SSC ee Khaatumo ayaa waxaa lagu soo waramaya inay dhanka waqooyi furin horleh kaga fureen ciidamada Somaliland ee fadhiisinta ka dhigtay duleedka magaalada Laascaanood, xilli uu kal hore militariga Somaliland uu sheegay inuu qaadayo dagaal qorsheysan oo ka dhan ah xooggaga kula dagaalamaya halkaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidanka deegaanka ee SSC ayaa la sheegaya in saacadihii u dambeeyay ku sii gurmayeen dhuuxa dhoodida ee dhinaca waqooyi ka xigta taliska Dhuxun ee ciidamada Somaliland.

Xooggaga dadka deegaanka ee halkaasi kusoo qul-qulaya ayaa la sheegaya inay ku gaashaaman yihiin gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo durba saldhigyo ciidan ka sameystay aagga Dhoodida.

Dagaalka labada dhinac ayaa u muuqda inuu usoo wareegay hadda dhinac waqooyi, halkaasi oo furin horleh ka furtay SSC, waxaana la sheegaya in arrintaan ay culeys xooggan ku noqon karto ciidamada Somaliland, maadaama ay hadda u muuqato in jidadkii muhiimka ahaa ee dhoodida qaarkood ay kusoo xirmeen.

Isniintii ayay aheyd markii ay labada dhinac ku dagaalameen duleedka magaalada, kadib markii ciidamada deegaanka ee SSC ay weerar gaadmo ah ku qaadeen militariga Somaliland, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen bariga magaaladaasi.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi, iyada oo labada dhinac ay helayaan gurmadyo, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay iska soo daba-dhacayaan baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood, balse sida muuqata ay ka dhego furaysteen labada dhinac ee ku dagaalamaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Si kastaba, dagaalka ka socda Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ergey cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu magacaabista ergeygan u maray qoddobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ergeyga cusub ay aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ergeyga cusub ee arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga dardar-gelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo xuquuqda soo-galootiga.

Shaqada ergeyga cusub ayuu kula dardaarmay inuu ku saleeyo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasiga ah, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ee lagu baahiyay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa horraantii bishaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland iyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada, kuwaasi oo uu kala magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare.

Marwo Maryan Yaasiin Xaaji ayaa noqoneysa ergeygii saddexaad ee isla bishaan April uu magacaabo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax ka yar sanad magacaabay 5 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab uu ka socdo dhulka hawdka ah ee gobolkaasi.

Dhulka hawdka ah ee ku dagaalamayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu udhaxeeya deegaanada Cali Yabaal iyo Cows-weyne oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda oo kusii jeeda deegaanka Cows-weyne ay wadada u galeen dagaalyahaano ka tirsan Al-Shabaab, taasi oo keentay inuu halkaas ka bilowdo dagaal aan waxba la iskula harin oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Cows-weyne ayaa la sheegay inay tahay deegaan muhiim u ah kooxda Al-Shabaab, wuxuuna kamid ah yahay deegaanada ay hadda dagaalamayaasha kooxda kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud, oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howl-galo saf-ballaaran ah oo kooxda looga sifeynayo.

Dagaalka maanta ka socda deegaanadaasi ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab iyo kuwa dadka deegaanka ay shalay howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen tuullooyin dhowr ah oo hoosyimaada deegaanka Budbud ee gobolkaasi.

Howl-galada Galgaduud ayaa waxaa hadda siman oo si saf-balaaran ah ku socda duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay Sh/Dhexe, islamarkaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.

Si kastaba, Wejiga 2-aad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u billowday, iyada oo wejigan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada dalalka deriska, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalkan oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.