27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Sudan’s capital shaken by clashes, thousands flee

Khartoum (Caasimada Online) – Sudan’s capital, Khartoum, is embroiled in escalating violence between the army and paramilitary forces, leading to the deaths of an estimated 200 people.

Thousands of residents have sought refuge outside the city as the conflict enters its fifth day following the collapse of a brief truce.

The hostilities erupted on Saturday due to a bitter dispute between two generals, army chief Abdel Fattah al-Burhan and his deputy, Mohamed Hamdan Daglo, who commands the paramilitary Rapid Support Forces (RSF).

The disagreement revolved around the planned integration of the RSF into the regular army, a pivotal condition for a final deal aimed at resuming Sudan’s democratic transition.

Humanitarian crisis unfolding 

Witnesses reported loud explosions and heavy gunfire in Khartoum on Wednesday morning, accompanied by thick black smoke from buildings near the army headquarters.

The fighting has left the city’s civilians with dwindling food supplies, power outages, and a lack of running water.

Despite attempts to implement a humanitarian ceasefire on Tuesday, it collapsed within minutes of its proposed start.

As thousands of people began leaving Khartoum on Wednesday, they reported streets littered with dead bodies.

Governments have started planning evacuations for thousands of foreigners, including many United Nations staff members.

Japan announced it had begun preparations to evacuate around 60 of its nationals, including embassy staff.

Accusations and breaches of ceasefire

After the truce collapsed, the army accused the “rebel militia” of failing to commit to it and continuing “skirmishes around the army headquarters and the airport.”

The RSF countered by accusing the army of “committing violations” and breaching the ceasefire by launching “sporadic attacks” on its forces and bases around the capital.

The United Nations reported that the fighting has resulted in at least 185 deaths and over 1,800 injuries.

However, the actual figures may be much higher, with many wounded unable to reach hospitals under fire, according to the official doctors’ union.

Deafening explosions have rattled buildings and shattered windows, instilling terror in residents who hunker down, hoping for an end to the violence.

Offices and residential buildings throughout the city have sustained damage, with shattered windows and bullet-riddled facades.

Electricity and water outages are widespread in many parts of Khartoum, forcing residents to venture out during lulls in fighting to purchase food and supplies.

A struggle for power and democracy

The ongoing conflict takes place during the Muslim fasting month of Ramadan, with over 120 civilians killed in a crackdown on pro-democracy demonstrations over the past 18 months.

Both generals involved in the conflict have positioned themselves as saviors of Sudan and guardians of democracy.

The violent outbreak culminates in deep divisions between the army and the RSF. Burhan and Daglo toppled long-time autocrat Omar al-Bashir in April 2019 following mass protests against his rule.

The two then led a military coup against the civilian government in October 2021, derailing an internationally backed transition.

With each side claiming the upper hand, it remains to be seen how this escalating conflict will ultimately impact Sudan’s prospects for a return to democracy.

The power struggle between the two generals continues to fuel the violence, jeopardizing Sudan’s fragile transition and causing suffering for countless civilians caught in the crossfire.

Somalia strikes back: Disrupting al-Shabab financial empire

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s government has recently made significant strides in the fight against the extremist insurgency al-Shabab.

On March 30, Abdirahman Yusuf Al-adala, the Deputy Minister of Information, announced at a press conference in Mogadishu that the government had effectively disrupted al-Shabab’s extortion activities in the country’s ports and airports.

Al-Shabab, an al-Qaida-linked extremist group, has been active in Somalia since 2006. The government launched a concerted military offensive against the group in July 2022, targeting its revenue streams in recent months.

According to a 2022 United Nations report, al-Shabab collects around $120 million annually, primarily through extortion, with about $24 million of its yearly budget used for procuring weapons from abroad.

The group is known for its violence, threats, and mafia-like tactics, often intimidating businesses into paying taxes on real estate transactions and shipping imports.

A challenging task

Aweis Ahmed, a politics and foreign policy professor at Mogadishu University, told The Africa Report magazine that the government’s capability to curb al-Shabab’s funds is limited.

Al-Shabab generates revenue in 10 of Somalia’s 18 administrative regions, despite not maintaining a physical presence in all of them.

A 2022 report from the Hiraal Institute, a Mogadishu-based think tank, estimated that the group collects approximately $15 million monthly, equaling the Somali government’s revenue.

Government efforts and challenges

Somali President Hassan Sheikh Mohamud has committed to enhancing financial sector monitoring and enforcing the 2016 Anti-Laundering and Terrorist Financing Act, which requires financial institutions to report all transactions of $10,000 or more.

He also warned business owners that those found supporting al-Shabab, either willingly or through extortion, would face having their trading licenses revoked.

In January, the government announced it had frozen 250 bank accounts and 70 mobile money-transfer accounts linked to al-Shabab.

Prime Minister Hamza Abdi Barre, speaking at a gathering of Somali diaspora members in Cairo, Egypt, attributed the success to tips from Somali citizens.

Despite these efforts, the well-funded insurgency persists. Al-Shabab continues to find ways around regulations, transferring smaller amounts to avoid having transactions flagged.

Wendy Williams, a researcher at the Africa Center of Strategic Studies (ACSS), reported that Somalis make approximately 155 million mobile money transactions worth about $2.7 billion monthly.

Strengthening investigative agencies

Former Minister for Planning and International Cooperation Abdullahi Godah Barre has called for increased investment in Somalia’s investigative agencies to improve capabilities and capacity.

He also stressed the importance of prosecuting those who enable al-Shabab’s use of banks.

“The employees of the banks must be held accountable,” Barre told Voice of America. “Those who are proxies, whose names are used to open accounts, should be prosecuted and face justice.”

As the Somali government seeks to dismantle al-Shabab’s revenue streams, security expert Matt Bryden from the Kenya-based Sahan Foundation think tank emphasized the need for a crackdown on the financial sector and tightening up loopholes.

Though recent government efforts have shown progress, the fight against al-Shabab’s economic prowess remains an uphill battle.

Dagaalka Sudan oo xaalad cusub galay kadib markii…

Khartoum (Caasimada Online)Kumanaan qof ayaa Arbacada maanta ah ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartuum ayada oo uu maalinkii shanaad galay dagaalka u dhaxeeya militariga iyo ciidamada sida militariga u tababaran, kaasi oo ay ku dhinteen qiyaastii 200 qof, kadib markii ay burburtay xabbad-joojin 24 saac ah.

Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal ee xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala ah; madaxa ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Mohamed Hamdan Daglo oo hoggaamiya ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.

Waxa uu ka dambeeey khilaaf xooggan oo dhex-maray Burhan iyo Daglo oo ku aaddan qorshe ciidamada Dacmu Sariic loogu dhex dari lahaa ciidamada militariga — taasi oo shuruud muhiim u aheyd heshiis kama dambeys ah oo dib loogu soo celin lahaa dimoqraadiyadda Sudan.

Qaraxyo xooggan ayaa ku habsaday dhismooyinka ayada oo rasaas xooggan laga maqlayey Khartuum, waxaana goobjoogeyaal ay sheegeen in qiiq uu qabsaday hawada.

Ciidamada Dacmu Sariic oo wata gawaarida gaashaaman iyo gawaari xamuul oo hub ay ka buuxaan ayaa lagu arkayey waddooyinka, halka diyaaradaha dagaalka ee militariga ay duqeynayeen bartilmaameedyada Dacmu Sariic ama RSF, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Shacabka weli ku jira guryahooda ayaa quus taagan, ayada oo cunnada ay haystaan ay sii yaraaneyso, biyo la’aan ay jirto, islamarkaana korontada ay go’an tahay.

Rajadii ay ka qabeen in la daadgureeyey ayaa meesha ka baxday markii xabbad-joojin bani’aadannimo oo 24 saac aheyd ay burburtay daqiiqado yar un kadib xilligii lasoo jeediyey inay billaabato saacaddu markii ay aheyd 7-dii habeennimo.

Shacabka qaarkood ayaa sida ay goobjoogeyaal sheegeen si iskood ah u billaabay inay guryahooda Khartuum ka cararaan, qaar ayaa ku safrayey gawaari, halka kuwa kalena ay lugaynayeen oo ay ku jiraan haween iyo caruur.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in meydadka ay daadsan yihiin waddooyinka.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 185 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 1,800 qof, sida ay sheegtay QM.

Hase yeeshee tirada rasmiga ah ayaa la rumeysan yahay inay intaas aad uga badan tahay ayada oo kuwa badan oo dhaawac ah aysan gaari karin isbitaallada oo qaarkood sidoo kale la duqeeyey.

Qaar ka mid ah dowladaha dunida, sida Japan iyo Mareykanka ayaa billaabay qorshe ay kumanaan ajaaniib ah uga daadgureyanayaan dalka, oo ay ku jiraan shaqaalaha QM.

Kadib markii xabbad-joojinta ay burburtay, militariga ayaa ku eedeeyey “maleeshiyada mucaaradka ah” inay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan, ayna sii wadaan “dagaalka xarumaha ciidanka iyo garoonka diyaaradaha.”

Kooxda Dacmu Sariic ayaa farta ku fiiqday militariga “inay ku xadgudbeen” islamarkaana jebiyeen xabbad-joojinta ayaga oo billaabay “weerar aan kala sooc laheyn” oo ka dhan saldhigyada ciidankeeda ee hareeraha caasimadda.

AFP, VOA

GORGOR oo burburiyay maxkamadihii Al-Shabaab

0

Marka (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada Gorgor, gaar ahaan guutada 14 October ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxayna burburiyeen maxkamado iyo baro koontarool oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka degmada Awdheegle iyo deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay deegaanada kala ah Jowhar Awdheegle, Ay-Buutey, Gumeysidiid, Kali Caafimaad iyo Buulo-naagey, kuwaas oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sidoo kale sheegay in ay ku raadjoogaan xubnaha Al-Shabaab ee isaga baxsaday deegaanada ay maanta gacanta ku dhigeen.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii wadi doonaan, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan gobolka oo dhan.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna kasoo abaabushaa qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada lagu beegsanayo Kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

DF oo iibineysa kalluun lagu soo qabtay shirkado ajnabi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaacisay inay iibineyso kaluun si sharci darro ah doomo ajnabi uga kalluumeysteen xeebaha Soomaaliya, oo ay gacanta kusoo dhigtay.

Warqad kasoo baxday Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dowladdu iibineyso 30 tan oo kaluun ah, kaasi oo dhawaan lagu soo qabtay doomo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay xeebaha dalka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay iibinaysaa Kaluun si sharci daro ah looga kaluumeystay Xeebaha Soomaaliya kaas oo dhan 30-tan, oo ay Maxkamadda kula wareegtay warqadda sumadeedu tahay MGB/DDL/469, kuna taariikheysan 16-April-2023,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa waxay si gaar ah ugu socod-siisay wargelinteedan ganacsatada, shirkadaha ka ganacsada kaluunka iyo cid alaale cidii daneynaysa inay iibsato kaluunka ay soo bandhigtay ee 30-tan ah.

Kaluunka ay iibineyso dowladda ee sida sharci darada ah looga kaluumeystay xeebaha Soomaaliya ayaa kala ah; nooca loo yaqaano White Tuna iyo Daamberi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Maxkamadda kaasi oo ujeedkiisu ahaa iibin Kaluun.

Codsiyada iibka kaluunkan 30-tan ah ayaa waxa uu ku eg yahay muddo saddex maalin ah oo ka bilaabaneysa maanta oo taariikhdu tahay 19-ka April 2023-ka, kuan eeg 21-ka bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Waa markii u horeysay ee maxkamadda gobolka Banaadir ay si shaacsan u iibineyso kaluun si sharci daro ah looga kaluumeysanayay xeebaha Soomaaliyada, ayada oo dhawaan ay dowladda gacanta kusoo dhigtay doomo si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Doomahaasi oo tiradoodu dhameys laba, ayaa waxay dowladdu sheegtay in ka badan 30 sano inay si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya, kuwaasi oo laga lahaa dalka Iiraan.

Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka ah kaluumeysiga sharci darada.

Job Vacancy: Consultancy service for the development of strategic plan 2023-2028 for MoECC

FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
MINISTRY OF ENVIRONMENT & CLIMATE CHANGE
Airport Road, Next to Jazira Hotel

CONSULTANCY SERVICE FOR THE DEVELOPMENT OF STRATEGIC PLAN 2023-2028

RFP NO……

Issued on April 16, 2023 – Closing date: April 21, 2023

  1. BACKGROUND

The Federal Ministry of Environment and Climate Change (MoECC) has recently been formed, by upscaling the previous Directorate of Environment and Climate Change (DoECC) with the aim of providing institutional leadership at the national level for  environmental protection and climate actions. The Ministry essentially leads the efforts to maintain a balance between effective environmental conservation, development activities, and the sustained management of natural resources in the age of rapid climate change for generations to come through decentralized structures of governance. To fulfill this Vision the Ministry is mandated to:

  • Integrate environmental concerns into the national planning and management processes and provision of guidelines for overall wellbeing of Somali people.
  • Undertake the protection, conservation and improvement of the environment and the implementation of policies and programs relating to conservation of the country’s natural resources.
  • Monitor the impacts of climate change on human and natural capital and ensure climate-responsive policies, plans and programmes are implemented to mitigate the negative impacts that undermine social and economic indicators of the country
  • Negotiate national position on environment and climate change at the global level and align national responses to Multi-lateral Agreements, Global Conventions and Protocols as these relate to environment and climate change
  • Promote  of public involvement in environmental preservation through mass awareness and community mobilization.
  • Build resilience against climate change, and mobilise investments for disasters mitigation, preparedness, adaptation, mitigation, and develop climate smart skills and transfer of appropriate technologies
  • Lead the development of environmental and climate policies and support legislation for adoption at national level
  • Formulate effective strategies for the implementation of environmental policies and mainstream environment and climate in sectoral policies
  • Ensure climate change and environment interventions  are mainstreamed  in sectoral line Ministries at Federal and Federal Member State level,
  • Coordinate the contributions of line Ministries at Federal and Federal Member State level to mobilize climate finance resources,
  • Ensure line Ministries at Federal and Federal Member States level are involved in the climate chanage and environment Fora,
  • Initiate and coordinate activities that support central and decentralized institutions, communities and civil society to adopt nature-based solutions and climate responsive practices.

With this, the Ministry seeks to develop a 5-Year Strategic Plan for the Period 2023-2028. The Ministry intends to undertake this strategic planning exercise through the guidance of a consultant.

  1. OBJECTIVE

The main objective of the consultancy is to review the performance of DoECC and develop a 5-Year Strategic Plan (2023-2028) with a sustainable framework for the Ministry through a participatory process involving key stakeholders.

  1. SCOPE OF WORK

At the end of this consultancy, we expect that the Ministry will have a new strategic plan building on the achievements brought forward from previous strategic plans of the Directorate of Environment and Climate Change. To achieve this, the consultant will review and guide the Ministry in clearly defining: –

  1. Review of the performance of DoECC,
  2. Institutional Analysis of the Ministry including stock taking of human and financial resources,
  3. Vision, Mission, strategic areas, and objectives based on the outcomes of the review; including priority focus areas for the strategic plan period.
  4. Stakeholder map and identify relevant strategies to engage with them to advance the stated objectives.
  5. Situational context, through a SWOT, PESTEL, and other relevant analysis.
  6. Facilitate consultative meetings with Ministry staff, students, other Government Ministries, Federal States, development partners, and other stakeholders.
  7. Sustainability component; including proposals for effective financial and human resource strategies.
  8. Risk analysis and management approaches.
  9. Functional institutional and coordination structure.
  10. Monitoring and evaluation framework to enable effective tracking of the strategic plan.
  11. Costing of the strategic plan.
  1. EXPECTED OUTPUTS AND DELIVERABLES

At the end of this consultancy, the consultant (individual/ firm) will be expected to have submitted the following key deliverables:

  1. Inception report outlining the procedures, methods, strategies, and timelines involved in undertaking a rapid evaluation and development of the Strategic Plan.
  2. A Stock-taking: Report of the Previous Department of Environment and Climate Change.
  3. Strategic planning and validation workshops for the MOECC staff, and other stakeholders.
  4. A five-year elaborate strategic plan covering the period 2023-2028 alongside a theory of change, SWOT, PESTEL analysis, detailed implementation matrix for 2023-2028, corresponding implementation budget, and reviewed organogram.
  5. A detailed donor mapping and associated resource mobilization plan relevant to MOECC.
  6. An operational annual targets detailing strategies, key activities, performance indicators, targets, budget and responsibilities.
  7. A robust M&E Framework, with clear monitoring, evaluation, and learning activities for the strategic period.
  8. A consultancy report that includes the major activities of the consultancy, highlights of the strategic planning and validation workshops, and the evaluation of the workshops.5. EXPERT PROFILE

In order to be selected for this assignment, the Consultant must possess the following among other Academic and Professional qualifications:

  1. A minimum of a post-graduate qualification in the field of Strategic Management, Public Administration, Organizational Development, and/ or management or in a related field.
  2. Minimum of 10 years of experience in strategic planning in the Public Sector.
  3. Knowledge of the Environment Sector or Natural Resource Sectors (Water, Land) as well as Climate Change issues is desirable,
  4. Excellent communication and facilitation skills.
  5. Highly motivated and committed to the Ministry’s values.
  6. SELECTION CRITERIA

The consultant will submit a Proposal to the Ministry of Environment and Climate Change, including the following:

  1. A suitability statement; including commitment to his/her availability for the entire assignment.
  2. Updated curriculum vitae that clearly spells out qualifications and experience in relation to this assignment.
  3. Contacts of 3 institutions/ organizations that have recently contracted the consultant to carry out a similar assignment.

7.0 CONFIDENTIALITY OF INFORMATION

All documents and data collected in the process of the consultancy will be treated as confidential and used solely to facilitate the consultancy assignment. All information to which the consultant shall receive access to shall at all times be treated as the property of the Ministry of Environment and Climate Change and shall not be disclosed saved for where express permission has been granted as such.

  1. CONSULTANCY DURATION

The strategic planning exercise is expected to be fully completed by 30th June 2023. The consultant will submit a detailed plan of work as part of the Proposal.

9.0 APPLICATION REQUIREMENTS

Interested individuals and or firms to submit a technical and cost proposal to the Ministry detailing the methodology on how to carry out the assignment, a work plan, consultants’ level of experience, detailed CV, and professional fees. In addition, at least 3 references of similar assignments you have successfully undertaken in the last 3 years.

The proposal should reach the Ministry not later than COB April 21, 2023. The proposal should be submitted in PDF format to: [email protected]

And copied to:
[email protected]
[email protected]
[email protected]

Only candidates short-listed for interview will be contacted.

Daawo: Ciidanka cusub ee sugaya amniga Muqdisho oo magac loo bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa kulan isugu yeeray laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo ka hadlay shaqada ciidanka cusub ee boolis militaarka oo la wareegay amniga magaalada Muqdisho.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka culus ee lagu dhex-qaato caasimadda Muqdisho oo dhawaan ay soo saartay dowladdu.

Masuuliyiinta ayaa warbaahinta la hadlay kulanka kadib, waxayna ka warbixiyeen amniga magaalada Muqdisho iyo sida ay doonayaan in loo sugo amniga, iyadoo loo hogaansamayo go’aanka xakameynta hubka.

Wasiiru dowlaha amniga Maxamed Xagaa ayaa aad u amaanay ciidanka cusub ee sugaya amniga caasimada, kuwaas oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda, wuxuu sheegay in ciidankaas ay ku guuleysteen inay si buuxda u sugaan amniga caasimadda.

“Ciidanka cusub ee amniga caasimadda sugaya waxaan ugu yeereynaa magaca ‘Ciiltire’ waxaan uga mahad celineynaa shaqada ay ka qabteen amniga caasimadda,” ayuu yiri wasiir Xagaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa masuuliyiinta dowladda ka codsaday inay u hoggaansamaan go’anka dowladda ee lagu xakameynayo hubka culus, “xeerkaan wajiyo kale ayuu yeela doonaa, laakiin hadda hubka culus guryihiina dhigta, amniga magaaladaan waa la sugaye,” ayuu yiri.

Sidoo kale wasiir Xagaa ayaa qof kasta oo hub heysta ku war-geliyey inuu iska diiwaan geliyo wasaaradda amniga, isagoo shacabka ugu baaqay inay ciidanka la shaqeeyaan.

Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa ka hadlay kulankaas, isagoo sheegay in xeerka xakameynta hubka culus ee lagu dhex wato caasimadda Muqdisho uu wax badan ka bedeli doono dhibaato ay bulshadu kala kulmi jirtay ciidanka.

“Hadii xeerkaani dhaqan galo waxaan qabaa inay meesha ka bixi doonto dhibaatadii gaari jirtay dad badan oo shacab ah, dadka reer Muqdisho amni ayey baahi u qabaan, waxaana amnigooda masuul ka ah masuuliyiinta halkaan fadhisa,” ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf Madaale.

Hoos ka daawo

Saameynta uu dagaalka Laascaanood ku yeeshay Somaliland oo korodhay

Burco (Caasimada Online) – Saameynta ka dhalatay dagaalka bishii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sii korodhay, taasi oo si weyn looga dareemayo gudaha Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa waxa ka dhalatay saameyn dhaqaale, oo inta badan laga dareemay suuqyada Somaliland, iyada oo gebi ahaanba uu joogsaday isku socodkii ganacsi ee Somaliland iyo deegaanada SSC.

Qaar kamid ah ganacstada dharka ee magaalada Burco ayaa xaqiijiyay inuu jiro hoos u dhac dhaqaale, xilli loo diyaar garoobayo munaasibada Ciidul Fidriga.

“Sannadkan waxad mooda in bulshadii reer Laascaanood ay ka dhex maqayihiin dadkii noo iman jiray ee naga adeegan jiray,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada dharka oo la hadlay telefishanka Bulsho.

Ganacsatadan ayaa waxay sheegeen in suuqa magaalada Burco uu tabayo macaamiil badan oo hadda ka hor uga iman jirtay dhanka Laascaanood, balse ay hadda dadkaasi deegaano kale qaxooti ku yihiin dagaalka socda awgiis.

“Waxaanu dareemayna in macaamiil badan oo aanu wax ka iibin jirnay ay maqan yihiin, hadaanu nahay ganacsatada wax waliba nabada ayuu ku jiraa,” ayuu yiri mid kale oo kamid ganacsatada magaalada Burco oo la hadlay warbaahinta.

Tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, waxaa gebi ahaanba istaagay ganacsigii labada dhinac, kadib markii Isimida SSC ay jareen tacaamulkii ganacsi ee kala dhaxeeyay Somaliland.

Sidoo kale waxaa saameynta dagaalkan qeyb ka ah inay istaageen safaradii ganacsi ee ka iman jiray dhanka Puntland iyo deegaanada kale ee Soomaaliya.

Isimida SSC ayaa hore u sheegay in wax safar ganacsi ah oo Somaliland u socda ama ka socda uusan mari karin dhulkooda, kaasi oo si rasmi ah dhankeeda uga dhaqan galay 15-kii bishaan.

“Maamulka SSC waxa uu joojiyay dhamaan ganacsigii ka dhaxeeyay SSC iyo Somaliland, sidaas darteed waxaa reeban in wax ganacsi ah nooga yimaado Somaliland, sidoo kalena mid ka socda ka gudbo deegaanada SSC-Khatuumo.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC, ayna Somaliland ku dhawaaqday in dib gacanteeda ugu soo celinayso magaalada Laascaanood, taasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo beeleedyo taabacsan guddiga garaadada 33-ka ah.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa socda muddo ku siman saddex bilood, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay isku xilqaameen dhinacyo kala duwan, kadib markii labada dhinac ee isku haya halkaasi ay ku xireen shuruudo adag, si la iskugu imaado miiska wada-hadalka.

CC Shakuur oo weerar ku qaaday xukuumadda Xamza

0

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si weyn ugu dhaliilay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, oo uu sheegay in isdhex-yaac uu ka jiro hay’addaha dowladda.

Ergeyga oo booqasho ku jooga magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay VOA waxa uu ku sheegay in xukuumadda ay sidii la rabay u maamulin dhaqaalaha gargaarka ee lasoo gaarsiiyo, uuna dhowr jeer la wadaagay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Dowladda Soomaaliya lama xisaabtanto hay’addaha ka shaqeeya samafalka iyo gargaarka, mudnaanta ay dowladda u baahan tahay miiska looma saaro. Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsi iyo inay ku tiirsanaanto ajnabiga waa isla xisaabtan,” ayuu yiri.

Dhaliisha u weyn ee ergeyga ujeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa ah in aysan jirin wada-shaqeyn wasaaradaha dhexdeeda ah, taasi oo keentay isdhex-yaac baahsan oo ka jiro hay’addaha dowladda, oo lumisay masuuliyad iska saarida arrimaha mudnaanta leh, gaar ahaan arrimaha gargaarka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in aan la aqbali karin in gargaarka Soomaaliya laga dhigo wax laga ganacsado, “Kuwa deeqda bixiya kan ayuu usoo dhiiba, kan waaye ka shaqada la habsaamay ee haraadiga ku noqday.”

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsiga iyo in ay ku tiirsanaanto ajnabi waa isla xisaabtan la’aan, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, dadkii la xisaabtami lahaa shaqooyinka la xiriira in la xijiyo”.

Arrintan ayuu ku tilmaamay “Ceeb Qaran” islamarkaana loo baahan yahay in isku mashquulka hoose ee beelaha iyo shaqsiyaadka ah laga gudbo, si ay Soomaaliya uga baxdo tuugsiga caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda waa inay dadka ku kalsoonaadan, waxaa kamid ahay dadka su’aalaha ka qaba shaqada xukuumadda, dhaliilna ka keeni kara, laakiin illaa hadda aragtida iyo dhaliisha aan qabo go’aankeyga waa in aan si gaar ah u siiyo madaxweynaha,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha.

DANAB iyo Daraawiishta Jubbaland oo dhaqaaqay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay maanta howlgallo qorsheysan ka bilaabeen qaybo kamid ah gobolkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa u dhaqaaqay deegaano hoos yimaada magaallo xeebeedka Kismaayo, si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab, una xoreeyaan dhulkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ay ku arkeen agagaarka Kismaayo, isla-markaana ay howlgallo culus ka bilaabeen halkaasi.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in ujeedkoodu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanada ay joogaan Al-Shabaab ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay wacad ku mareen inay horay usii socon doonaan, illaa inta laga xoreynayo gobollada Jubbooyinka oo ay haatan ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac laga dareemayaa gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay ka fulisaaa weeraro xoogan oo ay ku beegsato xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ka socday diyaargarow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo inuu dhawaan ka billowdo Jubbooyinka.

Si kastaba, inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay hogaamineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isla-markaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka.

Danaha Talyaaniga iyo fikirka ka dambeeya shirka Somalia, Itoobiya iyo Italia

Talyaanigu wuxuu ku lug lahaa dadaallada lagu horumarinayo xasilloonida, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka geeska Afrika, wuxuuna isku dayay inuu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay saaxiibadiisa muhiimka ah, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Talyaanigu wuxuu ku lug lahaa mashaariic kala duwan oo dhaqaale iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka, gaar qhaan dhismaha biya xireenka Nile, dhismaha wadooyin muhiimka u ah Ethiopia, wuxuuna sidoo kale bixiyay kaalmo horumarineed oo lagu taageerayo horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha.

Kulanka dhexmaray Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xasilloonida Geeska Afrika, wuxuuna ka tarjumayaa hab waaqici ah oo loo wajaho xiriirka caalamiga ah oo laga soo qaatay aragtiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaqiiqo iyo wax dhisid.(realism and constructivism).

Gobolku waxa uu la kulmay caqabado kala duwan sanadihii u dambeeyay, oo ay ka mid yihiin xasillooni darro siyaasadeed, horumar la’aan dhaqaale, iyo khataro amni oo kaga imanaya argagixisada iyo abaarta ay sababtay isbadalka cimilada adduunka.

Guud ahaan, danta Talyaanigu ka leeyahay Geeska Afrika waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inay saamayn togan ku yeelato horumarinta xasilloonida gobolka, horumarinta dhaqaalaha, iyo isdhexgalka guud ahaan Mediterranean iyo Bariga Dhexe.

Kulankii dhawaan dhexmaray Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga ayaa tusaale wanaagsan u ah sida lagu gaari karo habab dhab ah oo iskaashi oo ku aaddan xiriirka caalamiga ah.

Maxay Soomaaliya ka faa’iidi kartaa?

Ugu horeyn, kulanka waxa uu fursad u siiyay Soomaaliya in ay xoojiso xiriirka ay la leedahay labada dal ee muhiimka ah ee Geeska Afrika. Labada Itoobiya iyo Talyaanigu waxay ka qaybqaateen dadaallada lagu horumarinayo xasilloonida, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana kulanka uu ahaa mid fursad lagu sii amba qaadayo xiriirradaas jira.

Labo, kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta gobolka, taasoo Soomaaliya uga faa’iidaysan karta soo jiidashada maalgashiga, abuurista shaqooyin, iyo taageeridda kobaca dhaqaalaha. 

Dalka Talyaaniga ayaa dhowr mashruuc oo kaabeyaasha dhaqaalaha ah ka waday Soomaaliya, waxaana ka mid ah ballaarinta dekedda Muqdisho iyo dhismaha garoonka cusub ee magaalada. Mashaariicdan ayaa gacan ka geysan kara hagaajinta isku xirka Soomaaliya iyo kor u qaadista dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee dalka.

Saddex, kulanku wuxuu gacan ka geysan karaa horumarinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo wax laga qabanayo caqabadaha amniga guud, sida argagixisada , ka qayb qaadashada in cuna qabataynta laga qaado Soomaaliya, wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Ka qaybbgaadashada suuq gaynta kheyraadka ama soo saariata shidaalka Soomaaliya Iyadoo la kaashanaysa Itoobiya iyo Talyaaniga, arimahaas oo dhan ayaa xoojinaya dadaallada lagu taageerayo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo sare u qaadista amniga gobolka, waxaana kulanka uu ahaa mid fursad lagu falanqeeyay sidii iskaashigan loo sii xoojin lahaa.

Shirarkaan madaxda somalidu la qadanayso wadamada daneeya arimaha gobolka waxay gacan ka geysan kartaa horumarinta gobol aad u xasilloon, barwaaqo ah, oo isku dhafan, kaasoo taageeri kara horumarkeeda bulsho iyo dhaqaale.

W/Q: Axmed Kaboole

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Daawo: DF oo hub ka dhigis ka sameynaysa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaacisay in hub ka dhigis ka sameyn doonto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, marka lag gaaro waqtigeeda.

Wasiiru-dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlay shir xasaasi ah oo Muqdisho ku yeesheen hay’addaha amaanka ayaa waxa uu ka sheegay in hub ka dhigista XAMAR ay ka horeyso dhaqan-gelinta amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha, kaasi oo caasimadda looga mamnuucay in lagu dhex wato hubka culus.

“Waxaa ugu baaqaya madaxda kala duwan oo ay kamid yihiin saaxiibadeyda golaha wasiirada iyo xildhibaanada, inay u hogaansamaan sharcigan lagu xakameynayo hubka,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

“Lama gaadhin hub ka dhigis, waa la gaari doona hub ka dhigis laakiin wejiyo badan ayuu yeelan doona, laakiin wejiga koowaad ee aan mareyno waa in caasimaddeena si qoryaha waaweyn ee argagaxa leh ee cadowga lagula dagaalamo ee aysan muuqan cid lagu dilayo magaalada dhexdeeda, si ay magaaladu u muuqato magaaladu mid nabadeed ay guryahooda dhigtaan.”

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta oo rabta inay hub haysato inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda amniga, si ay sifo sharci ah ugu haystaan hubka fudud ee loo ogol yahay.

“Waxaa aad ugu mahad-celinaya mar labaad iyo mar saddexaad ciidanka dhalinyarada ee runtii iyaga oo tababar kasoo baxay oo aan degin howl deg deg markiiba loo geliyay, oo illaa hadda mirihii howsha lagu diirsaday oo shacabka Soomaaliyeed markhaati ka yihiin.”

Wasiiru-dowlaha ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ka dalbaday inay garab istaagan ciidanka oo ay la fududeeyan howl-gallada amni ee ay ka wadaan caasimadda dalka.

“Waxaa halkaa ka bilaabmeysa hadalkii madaxweynaha uu sheegay ee Soomaali Heshiis ah, macnaheedu waxa weeyi in shacabka iyo dowladda heshiiyaan. Waxaa ku celinayna baaqii madaxweynaha ee ahaa in Garanwaaga la iska qabto,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

Hoos ka daawo muuqaalka

Iran oo caasumaad u dirtay boqorka Sacuudi Carabiya

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu casuuntay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan inuu booqasho ku yimaado Tehran, kadib heshiis dib u heshiisiin ah oo bishii hore ay gaareen labada waddan.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran sanadkii 2016-kii, kadib markii safaaraddeeda Tehran iyo qunsuliyada ku taalla magaalada Mashhad ee waqooyi-galbeed ee dalkaasi la weeraray xilli ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo xukunkii Riyaad ay ku fulisay wadaadka Shiicada ahaa ee Nimr al-Nimr.

Labada quwadood ee Bariga Dhexe ayaa dhowr wareeg oo wadahadal ah ku yeeshay Ciraaq iyo Cumaan kahor inta aan la gaarin heshiiska lagu hagaajinayo xiriirka 10-kii Maarso, kaas oo ka dhacay dalka Shiinaha.

Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasser Kanani ayaa sheegay in madaxweyne Ebrahim Raisi “uu ku casuumay boqorka Sacuudiga inuu soo booqdo Iran.”

Kanani ayaa sheegay in madaxweynaha Iran uu horay u helay casuumaad uu ku booqanayo boqortooyada ay maamulaan Sunnigu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in Iran iyo Sacuudi Carabiya ay dib u furaan xafiisyadooda diblumaasiyadeed marka la gaaro 9-ka May, sida uu qorshuhu yahay heshiiska Shiinaha ay garwadeen ka tahay.

Waxaa la filayaa in sanadkan bartamihiisa bisha June ay bilaabato gudashada waajibaadka Xajka ee goobaha barakeysan ee dalka Sacuudiga oo ka mid ah tiirarka Islaamka.

Maalmihii la soo dhaafay, wufuud ka kala socotay labada dal ayaa booqasho ku tagay safaaradaha Riyadh iyo Tehran iyo qunsuliyadaha ay ku leeyihiin Jeddah iyo Mashhad, si ay u bilaabaan hannaanka dib u furista.

Lixdii April, wasiirrada arrimaha dibadda ee Iran iyo Sacuudiga, Hossein Amir-Abdollahian iyo Prince Faisal bin Farhan, ayaa waxay ku yeesheen Beijing wadahadal ku saabsan dhaqangelinta caadiga ah ee xiriirka labada dal.

VOA

Jeneraalada ku loolamaya Sudan oo gaaray go’an uu Mareykanku gadaal ka riixayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin soconaysa muddo 24 saacadood ah, oo ka billaabmaysa caawa.

Xabbad-joojinta ayaa timid kadib cadaadis uga yimid xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ku saabsan joojinta dagaalka lagu hoobtay ee ka dhacay caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo weliba rasaas lagu furay kolonyo diblomaasiyiin Maraykan ah.

Colaadda u dhexeysa kooxaha hubaysan ee ku loolamaya dalka Sudan ayaa billaabmay afar maalmood ka hor, waxaana ku dhintay ugu yaraan 185 qof guud ahaan dalka.

Xabbad-joojinta ayaa billaabanaysa 6-da Fiidnimo wakhtiga dalka Sudan, iyada oo aan laga sii kordhin doonin wakhtigaas lagu heshiiyey, sida uu u sheegay telefishanka al-Carabiya, General Shams El Din Kabbashi oo xubin ka ah golaha milateriga ee haya dalka Sudan.

Subaxnimadii Talaadada, waxaa guud ahaan Khartoum ka dhacay rasaas ay wehlisay dhawaqa diyaarado dagaal iyo qaraxyo.

Dadka deggan magaalooyinka deriska ah ee Omdurman iyo Bahri ayaa soo sheegay duqeymo xagga cirka ah oo ruxay dhismayaal iyo rasaas lidka diyaaradaha ah. Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaallo ay ka dhaceen galbeedka dalkaas.

Blinken waxa uu la yeeshay wicitaano gooni gooni ah taliyeyaasha iska soo horjeeda – taliyaha ciidanka iyo madaxa ciidamada taageerada degdega ah (RSF) – kuwaas oo loolankooda awoodeed uu meesha ka saaray qorshe caalami ah oo uu taageeray oo loogu wareegayo xukun rayid kadib tobanaan sano oo madax-bannaani iyo xukun milatari.

Blinken oo hadal ka jeediyey dalka Japan ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay taliyaha RSF General Mohamed Hamdan Dagalo iyo General Abdel Fattah al-Burhan, isaga oo ugu baaqaya xabbad-joojin soconaysa 24 saacadood, si loogu ogolaado qoysaska dalka Sudan inay la midoobaan ehelladooda ka maqan iyo in la gaadhsiiyo gargaar.

Blinken ayaa sheegay in la weeraray kolonyo diblomaasiyadeed oo uu ka taagan yahay calanka dalka Maraykanku. Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya inay weerarkaas ku lug leeyihiin ciidamo lala xidhiidhinayo kooxda RSF.

Blinken ayaa sheegay tallaabadaasi inay tahay mid mas’uuliyad darro ku dheehan tahay. Blinken ayaa sheegay inay bedqabaan dhamaan shaqaalaha Maraykanka ahi.

Taliyaha ciidanka RSF, Hemati ayaa sheegay in RSF ay qaateen xabbad joojinta si loo hubiyo marin ammaan ah oo ay isticmaalaan dadka rayidka ahi iyo in la daadgureeyo dadka dhaawaca ah.

Hemati ayaa sheegay inay qorshaysan yihiin wadahadallo dheeraad ahi.

REUTERS + VOA

Al-Shabaab-ka ku sugan Ceelbuur oo qaaday tallaabo kahor duulaanka ku wajahan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaabka ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lasoo warinayaa inay hubkoodii ku wareejiyeen odayaasha dhaqanka ee degmadaasi, kahor duulaanka xooggan ee ciidamada dowladda ee ku wajahan Ceelbuur.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in Shabaab-ka ku sugan Ceelbuur ay go’aankaasi qaateen kadib markii lagu go’aamiyay in hubkooda wareejiyaan kulan ay kooxda iyo odayaasha deegaanka ku yeesheen gudaha degmadaasi.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Ceelbuur lagu amray inay shacabka ku dhex milmaan, halka horjoogayaasha sarena ay iskaga baxayaan deegaanka inta uusan soo gaarin duulaanka ciidamada huwanta ee iskaashanaya.

Warbixintan ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in kooxda Al-Shabaab ay ugu dambeyntii go’aankaas qaateen kadib markii culays uga yimid ciidamada dowladda federaalka, kuwa Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ee ku wajahan Ceelbuur, si ay uga saaraan kooxda.

Marka laga imaado warbixinta dowladda ay sii deysay, waxaa maalmihii u dambeeyay ay kooxdu isku aruursaneysay degmada Ceelbuur, halkaasi oo ay uga arrinsanayeen doodda ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan, kaasi oo markii hore khilaaf ka dhex abuuray xubnaha kooxda.

Hase yeeshe, waxaa hadda muuqata in ugu dambeyntii ay kooxdu go’aansatay inay ciidamada iskaashanaya ee duulaanka kusoo ah aysan kula dagaalamin gudaha degmada, xilli ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan Ceelbuur.

Arrimaha niyad-jabiyay Al-Shabaab ee ku riixay go’aankan ayaa la sheegay inay kamid yihiin guuxa dadka deegaanka oo lasoo wariyay inay ka gaabsadeen in kooxda la fal-galaan waayahan dambe ama siiyaan ballan-qaad ah in dagaalka ay la gali doonaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Ceelbuur ka talineysay tobankii sano ee udambeysay, waxayna mudadaas la kulan degmadan taariikhiga ah dib u dhac weyn. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka.

DF oo wadda qorshe $300 milyan ah oo degaanada laga saaray Al-Shabaab la xiriira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa fulinta qorshe xasilin, kaasi oo la sheegay inay u raadineyso kharash gaaraya 300 Milyan oo doollar.

Qorshahan oo wejigiisa hore uu billowday ayaa waxa uu ku qotoma in gargaar la gaarsiiyo deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadibna loo sii gudbo dib u soo celinta adeegii dowladnimo ee sanadaha badan ka maqnaa dhulkaasi.

Sida laga soo xigtay Majaladda Financial Times, bartilmaameedka mustaqbalka qorshahan ayaa ah in dib loo yagleelo adeegyada muhiimka ah sida; caafimaadka iyo waxbarashada deegaanada la xoreeyay.

Lacagta ay dowladda u raadineyso mashruucan ayaa waxa uu qorshuhu yahay in barnaamijkan lagu bixiyo saddexda sano ee soo socota, sida laga soo xigtey warbixinta Financial Times oo lagu wareystay masuuliyiin kala duwan.

Deeq-bixiyayaasha reer galbeedka ayaa waxaa lagu wadaa inay qeyb ahaan bixiyaan lacagtaan, inta kale waxaa la filayaa in Soomaaliya ay la timaado, deyn ahaan ama dhakhli gudaha ka yimaada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan in dowladda ay hesho dakhli ku filan, maadaama ay dhankeeda kooxdu qaado lacago baad ah oo sanado badan ku tamarineysay.

“Dowladdu ma haysato dakhli ku filan. Sababtuna waa Al-Shabaab darteed, dalka ma wada gaari karto dowladdu. Marka la xoreeyo dalka waxaa jiri doona meel banaan oo dowladdu ay dakhli ku aruurin karto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha iyo dowladdiisa ayaa diiradda saaraya sidii loo heli lahaa deyn cafis kahor inta dalka uusan qaadan deyn cusub oo uu horey ugu sheegay inay gaari karto boqolaal bilyan, si ay Soomaaliya u gaarto isku filnaansho dhaqaale.

Qorshaha ugu weyn ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay xilligaan ku howlan tahay ayaa ah sidii uu sanadkaan uga takhalusi lahaa kooxda Al-Shabaab.

Hase ahaatee, khuburada amniga ayaa waxay qabaan inay adkaan doonto ka dhabeynta arrintaan muddadaasi kooban, iyada oo xusid mudan tahay in weli kooxdu ay helayso dhaqaalihii ay hore u qaadi jirtay, inkasta oo dowladda ay ku faantay inay wiiqday inta badan dakhliga ay kooxdu ka heli jirtay ganacsatada Muqdisho.

Sawirro: Taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidanka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga oo ay ka qeyb galeen hay’adaha kala duwan ee amaanka dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka caasimada ee dhawaan ay soo saartay dowladda, kaasi oo ay dowladda ku mamnuucday in hubka cul-culus lagu dhex wato gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan warbixino looga dhageystay taliyeyaasha ciidamada isku dhafka ah ee howl-galka Ciiltire-sida, Boliiska, Nabad-sugidda gobolka Banaadir.

Kulankan amni ee ka qeyb-galeen taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidanka ayaa waxa kale oo warbixin looga dhageystay Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa ciidanka amaanka.

Ugu dambeyntiina waxaa la iskula qaatay kulankaan dardar-galinta sugida amniga Muqdisho, xilli ay si habsami leh caasimadda uga socoto diyaar-garowga munaasabada Ciidul Fidriga oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin.

Kulankaan ayaa imanaya xilli ay caasimadda si rasmi ah looga dhaqan-gelinayo amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus noocyadiisa kala duwan.

Masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta kale ayaa dhawaan lagu wargeliyay inay hub culus ku dhex wadan karin caasimadda, halka ciidamada kala duwan ee magaalada ku dhex wata hubka la faray inay uga soo tagaan xeryahooda.

Si kasta, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir.










Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka SUDAN iyo war kasoo baxay Jeneral Xamdaan

Khartuum (Caasimada Online) – Militariga Sudan ayaa maanta beeniyey inay ka war hayaan xabbad-joojin 24 saac ah, kadib markii madaxa ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo uu xaqiijiyey inuu ogolaaday xabbad-joojinta.

“Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, waxaana dadaalkeenu uu diiradda saarayaa sidii loogu guuleysan lahaa hadafyada heerka howlgal,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga kadib maalmo ay isku dhacyo dhex-marayeen ayaga iyo ciidamada Dacmu Sariic.

Jeneraal Xamdaan oo sidoo kale loo yaqana Xamedti ayaa goor hore sheegay inuu ogolaaday xabbad-joojin 24 saac ah si loo ogolaado marin nabdoon oo ay helaan shacabka loona daad-gureeyo dhaawaca.

Xamedti ayaa intaas ku daray in ciidamada militariga ay ku guul-darreysteen inay ixtiraamaan xabbad-joojinta, ayna duqeeyaan goobo ay shacabka ku badan yihiin islamarkaana halis geliyeen nolosha rayidka.

“Waxaan wada-hadallo dheeraad ah ka sugeynaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, kuwaas oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xadgudubyadan,” ayuu yiri.

Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirada arrimaha dibedda dalalka G7 ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay si deg deg ah usoo afjaraan coladda, kuna laabtaan wada-hadallada kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen ku dhowaad 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800.

Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay deg deg u joojiyaan colaadaha shuruud la’aan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulanka wasiirada arrmaha dibedda G7 oo ku shiraya dalka Japan.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadlay labada Jeneraal, hoostana ka xariiqay baahida deg-degga ah ee loo qabo xabbad-joojin.

“Nolosha rayid badan ayaa mar hore luntay,” ayuu Blinken soo tweet-gareeyey, isaga oo intaas ku daray inuu “adkeeyey muhiimadda in la xaqiijiyo badqabka shaqaalaha diblomaasiyadda iyo kuwa gargaarka.”

Blinken ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kolonyada diblomaasiyiinta Mareykanka la rasaaseeyey Isniintii, inkasta oo dadkii la socday aanay waxba gaarin, isaga oo ugu yeeray ficil aan laga fiirsan.

REUTERS, AFP, VOA

Isbeddel cusub oo ku yimid xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Qatar – Maxaa soo kordhay?

Doha (Caasimada Online) – Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku guda jira hanaan ay dib ugu soo celinayaan xiriirka diblomaasi kuna furayaan safaaradaha, waxaa sidaas sheegay saraakiil xog ogaal ah.

Arrintan ayaa imaneysa in ka badan laba sano kadib markii dhowr dal oo Carbeed ay soo geba-gebeeyeen qaadacaad iyo go’doomin ay ku hayeen Doha.

“Xilligan, billaabidda xiriirka diblomaasi, oo ay ku jiri doonto dib u furista safaaradaha, waa ay ku guda jiraan labada dal,” waxaa sidaas sheegay sarkaal Imaaraati ah oo ka jawaabay su’aal ay waydiisay wakaaladda wararka Reuters.

Sarkaal kale ayaa sheegay in safaaradaha dib loo furi doono, islamarkaana safiirada ay tegi doonaan xafiisyadooda ugu dambeyn bartamaha bisha June. 

Ilo-wareed saddexaad ayaa sheegay in xiriirka diblomaasi si buuxda dib loogu soo celin doono toddobaadyo gudahood. 

Dib usoo celinta xiriirka ayaa kusoo beegmaysa ayada oo uu jiro dadaal gobolleed ballaaraan oo dib u heshiisiin, kadib markii Iran iyo Sacuudi Carabiya ay bishii tagtay isku raaceen inay dib u billaabaan xiriirkooda kadib sanado cadaawad ah.

Dhowr dal oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Masar, ayaa sidoo kale u dhaqaaqay inay soo afjaraan in ka badan 10 sano oo go’doomin lagu hayey Syria kadib dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka billowday 2011.

Dalka Yemen, Xuutiyiinta iyo Sacuudi Carabiya ayaa yeeshay wareeg wada-hadallo ah toddobaadkan, ayaga oo is-dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah, taasi oo loo arko tallaabo nabad dhisid oo muhiim u ah mid ka mid ah dagaallada maldahan ee u dhaxeeya Iran iyo Sacuudi Carabiya.

Bartamihii 2017, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisada, ayna u dhowdahay Iran, eedeymahaas oo Doha ay beenisay.

Riyadh iyo Qaahira ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey ee dib safiiro ugu magacaaba Doha 2021-kii kadib markii heshiis uu hoggaaminayey Sacuudiga lagu soo afjaray khilaafka, halka Bahrain ay toddobaadkii tegay ku dhowaaqday inay dib usoo celineyso xiriirka diblomaasi. 

Dhammaan dalalka, marka laga reebo Bahrain, ayaa sidoo kale dib usoo celiyey xiriirka ganacsi iyo kan safar ee Qatar, 2021-kii, halka Imaaraadka Carabta ay tusmeeyeen in soo celinta xiriirka diblomaasi uu waqti qaadan doono.

Xiriirka Imaaraadka iyo Qatar ayaa soo hagaagay sanadkii tegay, islamarkaana hoggaamiyayaasha labada dal ayaa u kulmay si weji-ka-weji ah.

“Siyaadadda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta waxay diiradda saareysa dhisidda isu soo dhowaansho, iskaashi dhaqaale iyo qaboojinta xiisadda gobolka,” waxaa sidaas yiri sarkaal Imaaraati ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Sarkaal kale oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in bishii tagtay saraakiisha Qatar iyo Imaaraadka ay isku raaceen inay dib usoo celiyaan xiriirka diblomaasi, islamarkaana Abu Dhabi ay ku wargelisay Doha qofka uu noqon doono safiirkeeda. Qatar weli sidaas oo kale ma sameyn.

Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar, oo ay la xiriirtay Reuters, waa ay diiday inay arrintan ka hadasho. 

DF iyo beesha caalamka oo ku heshiiyay hal qodob xilli su’aal laga keenay $8 bilyan…

0

Washington (Caasimada Online) –  Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan magaalada Washington ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee dalka, kadib wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in weli Soomaaliya ay ku jiraan xaalado adag oo ka dhashay fatahaado iyo abaaro xoogan oo soo laa kaabtay.

“Suura gal maahan in 30 sano aan ku jirno fatahaad iyo abaar dhexdeeda, adduunkane uu nagu sheegto in uu nagu baxshay balaayiin dollar.” ayuu wareysigaan ku yiri ergeygu.

Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka ay ku baxaan dhaqaalaha tirada badan ee ay magaca Soomaaliya kusoo qaataan hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha waddanka.

“12-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya $8 Bilyan ayaa ku baxday oo mucaawino ah, weli abaarta way taagan tahay, sanadkii hore $1.4 Bilyan ayaa dalbatay, haddane $2.8 Bilyan ayaa dalbanaysaa, dhibaatada way sii kordheysaa ee dhaqaalaha xaguu aadaa?” ayuu sii raaciyay.

Warsame ayaa xusay in haatan dowladda federaalka iyo beesha caalamka ay ku wada heshiiyeen inay sameeyaan isla xisaabtan dhab ah, si meesha looga saaro la socosho la’aanta hay’adaha samafalka.

“Soomaaliya lama xisaabtanto Hay’adaha ka shaqeeya Samafalka iyo gargaarka, mudnaanta ay u baahan tahay miiska looma saaro.” ayuu markale yiri CC Warsame.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Dowladda Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsiga iyo in ay ku tiirsanaanto ajnabi waa isla xisaabtan la’aan, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, dadkii la xisaabtami lahaa shaqooyinka la xiriira in la xijiyo”.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka, kadib markii ay baaqdeen shan xilli roobaad oo la filayay.