27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Soomaalida ku sugan Sudan oo wajahaysa xaalad adag

0

Khartuum (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF ayaa maalintii afaraad ka soconaya gudaha magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Dagaalkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan u dhalan waddankaas ee u badan ardayda, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin dadka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta.

Kumanaan arday Soomaali ah oo dalka Sudan u joogay wax barasho ayaa lasoo warinaya inay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, tan iyo markii uu Sabtidii billowday dagaalka qaraar ee ka socda magaalada Khartuum iyo qeybo kamid ah dalkaasi.

Qaar kamid ah ardaydaasi oo ay warbaahinta dowladad xiriir la sameysay ayaa u sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan helin wax biyo iyo koronto ah, ayna awoodin illaa hadda inay kasoo baxan halka ay kaga gabanayaan rasaasta.

“Ilaa iyo saaka waxaan ku howlnahay in aan kasoo saarno arday hablo u badan oo ku go’doonsanaa xaafado ka mid ah Khartuum oo ay dagaallo xooggan ka socdaan, illaa haddana waxaa jira arday weli ku go’doonsan xaafadaha qaar oo aan awoodi weynay in aan u tagno,” ayuu yiri mid kamid ah ardeydii is xilqaamay ee u istaagay caawinta kuwa kale ee go’doonsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inay jiraan gabdho Soomaali ah oo weli ku xaniban xaafaddo ku yaalla Ummdurmaan oo ah qeybo kamid ah caasimadda sadeex geesoodka ah ee Khartuum, kuwaasi oo aan illa hadda helin fursad ay kusoo baxaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Khartuum iyo guud ahaan dalkaasi inay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan ku adkeysay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan.

Sidoo kale waxay soo jeedisay wasaaraddu inay iska diiwaan-galiyaan mareegta (website-ka) wasaaradda, si loo caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan.

Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah usoo afjaraan coladda, kuna laabtaan wada-hadallada kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen ku dhowaad 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800.

Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaasi oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo ah hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.

Ciidanka DF oo degaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada halkaasi ay gaareen deegaano horleh oo ka tirsan gobolkaas, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada huwanta kula wareegeen deegaanada kala ah Xarartiir, Garasyaani, Baarey, Baladul Amiin iyo kuwo kale oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Deegaanadaan ayaa dhammaantood ku yaalla hareeraha jiinka wabiga Shabelle, waxaana horay ugu sugnaa xoogaga Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay howlgalladan ayaa shaaca ka qaaday inay si nabdoon kula wareegeen deegaanadaasi, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay isaga carareen markii ay ka war heleen inay kusoo socdaan ciidamada huwanta.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay cagta mariyeen saldhigyo iyo godad waa weyn oo ay difaayo uga jireen xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada cusub ee la qabtay.

Waxa kale oo ay saraakiishu xuseen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, inta Al-Shabaab laga saarayo dhulka u dhexeeyo magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlgalladan ayaa galay todobaadkii labaad oo xiriir ah, waxaana hoggaaminayo guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo kaashanaya saraakiishw guutada 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Guud ahaan dalka waxaa ka socdo diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, iyada deegaanada qaarna uu si hordhac ah uga billowday, kaasi oo looga xoreynayo goobaha ay kooxda ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey inta badan Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

Amarkii madaxweyne Xasan ma ka dhaqan-galay Kaaraan iyo Yaaqshiid? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay degmooyinka xiga qeybta Bari, gaar ahaan saldhigyada booliska Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa waxaa kormeerkan oo saacado badan qaatay ku wehlinayay saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugidda.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida in uu labadaan degmo ka dhaqan-galay amarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha Caasimadda, islamarkaana ciidii fulin weyso sharciga la horgeyn doono.

Guddoomiye Madaale iyo Taliye Firin ayaa intii uu socday kormeerka faray saraakiisha amniga iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay si wadajir ah u wada shaqeeyan isla-markaana la xoojiyo howlagalada haatan sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta kadib marka uu soo dhammaaday kormeerkooda ayaa shaaca ka qaaday inuu soo hagagaagay amniga degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo kamid ahaa degmooyinka ugu liitay amniga caasimada.

“Sidaan ognahay degmooyinka aan caawa nimid waxaa ka jiray culeys amni, laakiin hadda beryihii u dambeeyay aad iyo aad ayuu u fiicnaa” ayuu marka hore yiri guddoomiye Yabooh.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in degmooyinkan uu ka fulay amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha ee ku aadanaa in hubka culus aan lagu dhex qaadan karin magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Sidaas darteed go’aanka hub ka dhigista ayaa aad loo adkeeyay, laguna dardaarmay in lasii xoojiyo howlgalladaasi” ayuu sii raaciyay.

Isbeddalkan ayaa yimid, kadib markii inta badan amniga Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howlgallo ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, ammaanka Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay oo ay ciidamada ammaanka maalin kahor ku guuleysteen inay fashiliyaan mooto Bajaaj sidday qaraxyo, taas oo ay ku dhinteen sadex nin oo la socotay, kadib markii ay kula qaraxday waaxda General Daa’uud ee degmada Xamarjaja ee gobolka Banaadir.

UK oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

0

London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa haatan safiir cusub usoo magacowday arrimaha Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Safiirka cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa Michael Nithavrianakis, kaas oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu waraaqadihiisa aqoonsiga ugu wareejiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ugna howlgalo gudaha Soomaaliya.

Michael Nithavrianakis ayaa beddalaya, Ms Kate Foster oo xilkan heysay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana si weyn loogu xasuustaa doorkeedii ku aadanaa doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka ka dhacay 2022-kii.

Danjiraha cusub ayaa xilkan si rasmi ah ula wareegi doono inta lagu jiro bisha May ee sanadka 2023-ka, si uu guto waajibaadka loo xil-saaray.

Sidoo kale safiirka cusub ayaa shaqooyin kala duwan oo diblumaasiyadeed kasoo qabtay dhowr waddan, sida Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga, Giriiga iyo waddamo kale.

Waxaa la filayaa in safiirka cusub oo ah qabiir diblumaasiyadeed uu halkeeda kasii wada wada shaqeynta Soomaaliya iyo Uk, uuna sii xoojiyo xiriirka labada dal

Danjire Michael Nithavrianakis ayaa haatan ka tirsanaa xafiiska shaqaalaha ee Qunsulka Guud iyo Agaasimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Ingiriiska ayaa kamid ah waddamada reer Yurub ee xiriirka wanaagsan laleh dowladda federaalka, wuxuuna sidoo kale tababar iyo dhaqaale siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Shalay ayaa ugu dambeysay labada dowladood ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad ah.

Mashruucan Better Lives oo ay fulin doonto UNICEF ayaa waxa uu socon doona muddo saddex sano ah, waxaana laga fulin doonaa sida qorshuhu yahay maamul-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

SSC oo ka jawaabtay arrin yaab leh oo Muuse Biixi uu u sheegay beesha caalamka

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay wado marin habaabin ku aadan dagaalka, taasi oo ay uga dan leedahay in waaqica jira uga fogeyso indhaha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay garaadada 33-ka ah ee ku sugan Laascaanood ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka dhuumaneyso wajihida waaqiciga dhabta ah ee jira, islamarkaana ay marwalba ku jawhareerinayso caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed wax aan jirin oo xaqiiqda ka foga.

Qoraalka Isimida ayaa waxaa si gaar ah loogu soo qaatay kulankii u dambeeyay ee wakiiladda caalamka iyo madaxweynaha Somaliland ka yeesheen dagaalka Laascaanood, kaasi oo uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku sheegay in marka hore Puntland ka baxdo Laascaanood, si xal looga gaaro xiisadda dagaal.

“Sida ku cad qoraal kasoo baxay maamulka Hargeysa oo lagu soo koobay nuxurkii qoddobadii ay isla soo qaadeen xubnihii beesha caalamka, dhamaantooda waxay ahaayeen beentii uu maamulkaasi caadeystay intii uu dagaalka socday marwalba oo loo soo jeediyo in uu ciidankiisa kala baxo gobolka Sool,” ayaa lagu yiri qoraalka Isimida SSC.

“Somaliland waxay sheegtay in xubnihii beesha caalamka ku wargaliyeen madaxweynaha maamulka Somaliland inuu ciidamadiisa geeyo Oog, balse uu shuruud uga dhigay fulinteeda in ciidamada Puntland ka baxaan magaalada Laascaanood.”

SSC ayaa waxay sheegtay in shuruuda Somaliland ee ah in maamulka Puntland ka baxo dagaalka Laascaanood ay tahay mid uu mid uga dan leeyahay in uu sii wado dagaalka, dhagahana ka fureysto baaqyada kasoo yeeraya beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed.

“SSC-Khaatumo waxay markale ku celinaysaa in aysan jirin ciidamo Puntland ka tirsan oo ka dagaalamaya Laascaanood, waxaana magaalada iyo deegaankaba difaacanaya dadkii lahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddida dhaqanka ee SSC.

Isimida SSC ayaa markale ku celiyay in xukuumadda Somaliland ay ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool, oo ay geeyso Oog, si loogu gudbo xal nabadeed iyo wada-hadallo labada dhinac ah.

Ugu dambeyntiina waxay guddida 33-ka ah ee ku sugan Laascaanood uga mahad-celiyeen beesha caalamka dadaallada joogtada ah ee ay ku bixineyso sidii xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi u joojin lahaa dagaalka.

DF oo 36 qof oo ajaaniib ah maxkamad kusoo taagtay Muqdisho + Waxa loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu maxkamad horkeeyay 36 eedeysane oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya, iyagoo ku howlan kalluumeysi sharci darro ah.

Sida u cad bayaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka, waxaa raggaan lagu soo qabtay 30 tan oo kalluun ah oo si sharci darro ah ay uga jalaabteen xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay kalluunkii 30-ka tan ahaa ee lagu soo qabtay raggaas, waxaana loo gudbiyey maxkamadda, sida uu shaaciyey xeer ilaaliyaha qaranka uu u mahad celiyey ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya.

“Maxkamadda oo ka jawaabeysa codsiga xeer ilaaliyaha guud waxay xabsiga u dirtay dhamaan dadkii lagu soo qabtay kalluumeysiga sharci darrada ah, waxayna la wareegtay kalluunkii saarnaa doomaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ilaaliyaha qaranka.

Xeer ilaaliyaha ayaa ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ku sii dhiira-geliyey inay laba jibaaraan dadaalkooda ay ku suulinayaan kalluumeysiga sharci darrada ah oo aad ugu badan xeebaha Soomaaliya.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa ka go’an hor-geyta sharciga qof kasta oo lagu soo qabto inuu dalkaan ka waday kalluumeysi baal-marsan sharciga,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Ugu dambeyntii xeer ilaaliyaha qaranka ayaa ganacsatada ama qof kasta oo Soomaali ah uga digay inay xiriir la yeeshaan shirkadaha iyo dadka ajaanibta ah ee caadeystay inay xeebaha Soomaaliya si sharci darro ah uga kalluumeystaan.

Waa dhif iyo naadir in maxkamad lasoo taago ajaanibta sida sharci darrada ah uga jilaabata xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo wax lagu tilmaamay xaalufin ka geysta badda Soomaaliya, maadaama uu dalkani galay marxalad burbur ah oo ciidamada qaranku aysan hadda ka hor awood u laheyn difaacidda kheyraadka badda.

Hoos ka akhriso warqadda xeer ilaalinta

Safiirka M/Yurub oo lagu weeraray gurigiisa Khartoum

Khartoum (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Sudan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Khartuum, halkaas oo ay ku dagaallamayaan xooggag iska soo horjeeda.

“Dhaawac weyn ma uusan gaarin” diblomaasiga oo u dhashay Ireland, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas, Micheál Martin.

Wasiirka ayaa weerarka ku tilmaamay mid “si weyn meel ka dhac ugu ah waajibaadka ilaalinta diblomaasiyiinta”.

Ku dhawaad 185 qof ayaa ku dhintay dagaalka tan iyo Sabtidii ka socday Khartuum, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 1,800 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhinacyada ku dagaallamaya Khartuum ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaaradaha dagaalka.

Milateriga Sudan iyo xooggaga sida gaarka ah u tababaran ee magacooda loo soo gaabiyo RSF ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku haya goobaha muhiimka ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Ireland ayaa ku tilmaamay danjiraha la weeraray “diblomaasi heerkiisu sarreeyo oo dalkiisa iyo Yurub ba u shaqeeyay xilli adag”.

Goor sii horreysay, madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa bartiisa Twitter ku qoray in “mas’uuliyadda amniga safaaradda iyo shaqaalaha ay saaran tahay” dowladda Sudan.

Nabila Massrali oo u hadashay Midowga Yurub ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in diblomaasiyiinta ururkaas aan laga daadgureyn Khartuum, iyadoo intaa raacisay in la qiimeynayo tallaabooyinka amniga ee ku habboon.

John Kirby oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa isna sheegay in xilligan uusan jirin qorshe ay Washington kula baxayso shaqaalaha ka jooga Sudan, inkastoo uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee Khartuum.

Waxaa se uu ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta dalkiisa in “si dhab ah ay uga fekeraan xaaladda ka taagan dalkaas”.

Shacabka Khartuum ayaa ku sugan guryahooda, waxaana jirta cabsi ah in dagaalka uu daba dheeraado, isla markaana uu burbur u horseedo Sudan.

Isha: BBC

Ciidamada DF ee dagaalka kula jira Shabaab oo kaabiga ku haya degaan muhiim ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Howl-gallo culus oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale ayay ciidamada ka wadaan deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan.

Ciidamada huwanta oo isugu jira kuwa xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab, GorGor iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sii wada howl-gallada ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM dhanka Koonfur ka xigta magaalada Beledweyne.

Ciidamadaan iskaashanaya ayaa horay kooxda Al-Shabaab uga xoreeyey deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Beerxaanno, Tareedishe, Nuur-fanax, Ceela-hele Burdaar iyo deegaano kale oo muhiim ah.

Howl-gallada ay ciidanku ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ku socda saf-balaaran, iyada oo ciidamadu ka soo kala baxeen magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaas, sida Beledweyne, Buulo-burde, Halgan iyo fariisimo kale oo istaraatiiji ah.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howl-galkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa horraantii bishan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, iyada deegaanada qaarna uu si hordhac ah uga billowday, kaasi oo looga xoreynayo goobaha ay kooxda ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu wadaa inay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah.

Beesha caalamka oo si toos ugu hanjabtay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka ayaa wada-hadal Khadka taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, una hanjabay.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen dagaalka magaalada Laascaanood iyo sameynta xooggan ee uu ku leeyahay shacabka, sidoo kalena ay lasoo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyinka dib u dhacay ee Somaliland.

Beesha caalamka oo u hanjabeysa Muuse Biixi ayaa ku tiri qoraalka “Saaxiibada waxay xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku saabsan la-macaamilkooda Somaliland.”

“Saaxiibada ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha iyo iska hor-imaadyada sii socda ee Laascaanood, kuwaas oo hadda ku jira todobaadkii tobanaad. Saxiibada ayaa rajo ka muujiyay in amniga iyo badqabka shacabka ay u dub dhexaad u noqon doonaan dhammaan go’aannada siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan.

Waxay sheegeen in farriin taas la mid ah ay la wadaageen dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaalka ee aan aheyn Somaliland.

“Dhinacyada ugu waa weyn ee dirirtu ay ka dhaxeyso ayaa marar badan si shaacsan u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas. Saaxiibada waxay ku baaqeen dabacsanaan iyo muujinta tanaasul si loo oggolaado saaxad wadahadal,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay saxiibada caalamku sheegeen inay gacan ka gaysanayaan helidda marinno ku wajahan nabad la joogteyn karo, oo ay ku jirto inay gacan ka gaysanayaan fududeynta wada-hadallada.

“Saaxiibada waxay soo dhoweynayaan dadaallada iyo hindisayaasha ay wadaan jilayaasha gudaha iyo kuwa gobolka ee lagu xaqiijinayo xabbad-joojin laguna fududeynayo wada-hadallo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale, saaxiibada caalamka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen muhiimadda horumar deg deg ah oo laga sameeyo doorasooyinka Somaliland.

“Waxaanu ku casuunay Madaxweynuha inuu daabaco khariidad doorasho, oo uu caddeeyo nidaamka iyo wakhtiga doorashadu dhacayso, si loo ogolaado diyaargarow farsamo. Tallaabooyin la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay uga mahad-celiyeen madaxweyne Muuse Biixi ballan-qaadyada ku aadan inuu diyaar u yahay inuu raadiyo nabadda iyo wada-hadalka.

“Waxa kale oo aanu xusnay ballanqaadka madaxweynaha ee ah in la oggolaado gargaar bani’aadannimo oo aan la xanibin la gaarsiiyo Laascaanood. Waxaan rajeyneynaa in dhammaan ballan-qaadyadaas la dhaqan-geliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay ka niyad-jabsan yihiin in madaxweyne Muuse Biixi aanu ballan-qaadin in lasoo saaro ciidamada Somaliland ee fadhiggeedu yahay hareeraha Laascaanood.

Isha: VOA

Ceelbuur oo dood xooggan ka dhex abuurtay Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka bilowday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ciidanka dowladda federaalka ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Bartilmaameedka ugu weyn ee ciidanka dowladda waa qabsashada degmada Ceelbuur oo ah xudunta ugu weyn ee Al-Shabaab-ku xilligaan ku leeyihiin gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Deegaanka caanka ah ee Budbud iyo tuulooyin kale ayaa laga saaray gacanta kooxda maalmihii lasoo dhaafay, laakiin gulufkan cinwaankiisa ugu weyn waa Ceelbuur.

Al-Shabaab waxaa la sheegay inay isku aruursatay Ceelbuur, waxaana kooxda u bilaabatay dood ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan.

Wararka gudaha Al-Shabaab laga soo dusiyay waxay sheegayaan in xubnaha deegaanada kale kasoo jeeda qaar ku doodayaan in Ceelbuur lagu dagaalamo, halka kuwa deegaankaasi ka soo jeeda ay xooggooda qabaan in la baneeyo magaalada oo xeelad kale laga fikiro.

Kooxda Al-Shabaab ayaa halkan ka talineysay tobankii sano ee udambeysay. Kooxda ayaa dagaal la’aan iskaga baxday magaalooyin badan dhowrkii billood ee lasoo dhaafay, waxaana dad badan u laqmi’la sababta ay qaarkood u rabaan in magaaladan u gubaan oo dagaal u galiyaan.

Khilaaf ayaa lasoo wariyay inuu ku dhamaaday kulankii ay kooxdu rabtay inay go’aan uga gaarto sida laga yeelayo magaalada Ceelbuur, oo ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan.

Al-Shabaab ayaa miinooyin badan galisay jihooyinka ay fileyso in laga soo weerari doono Ceelbuur, halka ciidanka dowladda ay maalmahan ku mashquulsan yihiin inay miinooyinkaas bixiyaan.

Dib u dhac weyn ayay la kulantay degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur tobankii sano ee ugu dambeysay oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka.

Dadka ku dhaqan degmada Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan ee aan kooxda qeybta ka aheyn, balse marhore khiyaarkii laga qaaday waxay rajeynayaan in kooxdu dagaal la’aan ka bixi doonto degmada Ceelbuur.

Waxa kale oo niyad-jabineysa Al-Shabaab guuxa dadka deegaanka oo la sheegay inay ka gaabsadeen in kooxda la fal-galaan waayahan dambe ama siiyaan ballan-qaad ah in dagaalka ay la gali doonaan.

Sidoo kale, beelaha deegaanka qaarkood iyo kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay in cilaaqaadkooda uu maalmihii dambe xumaaday kadib markii ay kooxda si xun ula dhaqantay odayaashii deegaanka.

Sawirro: Soomaaliya iyo UK oo heshiis cusub saxiixday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa magaalada Muqdisho maanta ku kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad.

Heshiiskan oo ku saabsan mashruuc caafimaad oo lagu horumarinayo adeega caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka ayaa waxaa kala saxiixday wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Sii-hayaha safiirka safaaradda UM ee Muqdisho Lottie Burrows.

Mashruuca Better Lives oo ay fulin doonto UNICEF ayaa waxa uu socon doona muddo saddex sano ah, waxaana laga fulin doonaa sida qorshuhu yahay maamul-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr Cali Xaaji Aadan oo munaasibadda ka hadlay ayaa Boqortooyada Ingiriiska uga mahad-celiyay taageerada ay mar walba u muujiyaan dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Dr. Cali Xaaji ayaa sidoo kale waxa uu xusay in mashruucan uu maanta qalinka ku duugay uu ka qeyb qaadan doono yareynta dhimashada Hooyada iyo dhallaanka.

Sii-hayaha safiirka safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya Lottie Burrows ayaa dhankeeda sheegtay in heshiiskan uu muhiim u yahay nidaamka caafimaad ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay in heshiiskan ku qotoma mashruuc caafimaad ee lagu horumarinayo adeega caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka uu qeyb weyn ka qaadan doono dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto Horumarinta adeegyada Caafimaadka ee dalka.








Somaliland president, partners discuss crisis

HARGEISA, Caasimada Online) – A group of 15 International Partners held a joint call with the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, on April 15, 2023, to discuss the ongoing conflict in LasAnod and the delays in Somaliland elections.

The group make up Belgium, Canada, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, United Kingdom, and the United States of America.

The conflict between security forces and clan fighters in LasAnod has resulted in more than 200 deaths within a month.

The fighting, which began on February 6, has caused significant damage to infrastructure and homes.

The mayor of LasAnod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed, and 680 others were wounded” in the clashes.

The conflict was triggered by the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), the local chairman of Wadani, Somaliland’s opposition party, and the subsequent murder of local entrepreneur Mohamed Ali Saadle.

The conflict triggers

On February 5, local leaders, clan elders, and notable figures convened in LasAnod to discuss resolving the conflict.

They issued a 13-point declaration reinstating the rule of the SSC-Khatumo regions, denouncing Somaliland as a separatist state, and reaffirming their commitment to being part of federal Somalia.

They also urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area. This declaration led to violent clashes, with both sides accusing the other of aggression.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally.

The unresolved status has further complicated the situation in the region as various parties continue to vie for power and influence.

LasAnod, which straddles a key trade route, is claimed by both Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia.

The ongoing conflict over this strategic location has intensified tensions between the two sides, further complicating prospects for a peaceful resolution.

International partners’ concerns

The partners voiced their grave concerns regarding the continued violence in LasAnod, now in its tenth week, and its severe impact on the population.

One representative stated, “There must be an immediate and unconditional cessation of hostilities and separation of forces to agreed locations.”

The group also emphasized the importance of ensuring humanitarian access and delivering assistance to those in need.

Despite repeated public commitments to a ceasefire and dialogue from the main parties involved in the conflict, these commitments have yet to be implemented.

The international partners called for “flexibility and a willingness to compromise” to allow space for dialogue. They offered their support in identifying paths towards sustainable peace, including facilitating such dialogue.

Somaliland elections

In addition to addressing the conflict, the partners stressed the importance of urgent progress on elections in Somaliland.

They invited President Abdi to publish a roadmap for elections and clarify the sequencing and timing of elections to enable technical preparations.

The partners appreciated President Abdi’s assurances that he is willing to pursue peace and dialogue and allow for unhindered humanitarian access to LasAnod.

However, they expressed disappointment in his lack of commitment to withdrawing Somaliland forces centered around the area.

The international community will closely monitor the situation in LasAnod and the progress of Somaliland’s elections, hoping for a swift resolution and a return to the democratic process.

Partners welcomed the efforts and initiatives by local and regional actors to secure a ceasefire and facilitate a dialogue.

They expressed hope that the security and well-being of the population would be put at the center of all political decisions.

The ongoing conflict and delayed elections seriously impact the international community’s engagement with Somaliland.

The partners urged President Abdi and other involved parties to take tangible steps to ensure elections occur as soon as possible. They reiterated their commitment to supporting a peaceful resolution to the conflict.

Dowladda oo digniin kama dambeys ah u dirtay madaxda iyo siyaasiyiinta + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah kasoo saartay gaadiidka dowladda ee weli ku maqan gacanta madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta kale.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray warqad wargelin ah oo ku farayo in madaxda iyo siyaasiyiinta aan illaa iyo hadda dib isaga soo celin gaadiidka ee ku maqan ay si deg deg ah ugu wareejiyaan hay’addaha dowladda ee asal ahaan leh gaadiidkaas.

Hantidhawrka ayaa waxa uu sheegay in maalinta berri ah ay ku egtahay mudadii loo qabtay in masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta kale ee weli ku maqan yihiin gaadiidka dowladda inay kusoo celiyaan, wixii intaas ka dambeeyana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud waxa uu ku wargelinaya madaxda iyo siyaasiyiinta kale in muddada xafiiska uu u qabtay dib usoo celinta gaadiidka dowladda oo aheyd 15 maalmood ay ku egtahay 18/04/2023. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa cid walba oo gacanta ku haysa gaadiid dowladeed ee aan dib ugu celin hay’addaha asal ahaan u leh milkiyadda gaadiidkaas in wixii waqtigaas loo qabtay ka dambeeya laga qaadayo tallaabo sharci ah.”

Sidoo kale waxa uu xafiiska hantidhawrka guud u mahad-celiyay madaxda iyo siyaasiyiinta dib isaga soo celiyay gaadiidka dowladda ee ay gacanta ku hayeen, iyaga oo fulinaya wargelintii hore uga soo baxday xafiiska, ee ku saabsaneyd dib u soo celinta iyo diiwaan-gelinta gaadiidka dowladda.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa 6-dii March soo saaray awaamiir uu hay’addaha dowladda federaalka ku farayo in ay diiwaan-geliyaan hantida dowladda ee gacantooda ku jirta muddo soddan cisho gudahood ah.

Hantidhawrka Guud ayaa xilligaasi ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, xataa bixin karta ama iibin karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.

“Hay’addaha dowladda waa in dhamaan hantida guurtada iyo ma-guurtada ay hay’ad kasta ku darto liiska hantida, iyada oo hantidaas lagu diiwaan-gelinayo magaca hay’ad kasta,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Hantidhawrka Guud.

Muuse Biixi oo shuruud yaab leh ku xiray dalab culus oo beesha caalamka uga yimid

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shuruudo horleh ku xiray dalab uga yimid wakiiladda beesha caalamka, kaasi oo ku qotoma in ciidamada Somaliland ka baxaan guud ahaan gobolka Sool.

Muuse Biixi ayaa maalin kahor kulan xasaasi ah oo habka fogaan arag ah la qaatay safiiro, safiir ku-xigeeno iyo diblumaasiyiin kala duwan oo dalalka Yurub u badan, kuwaasi oo kala hadlay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dalabka ay u jeediyeen wakiiladda caalamka waxa uu dhaqan-galkooda ku xiray in maamulka Puntland uu magaalada Laascaanood kala baxo ciidanka, hubka iyo taangiyada, kuwaasi oo kusoo daabulay tan iyo markii uu billowday dagaalka, sida ay baahisay Madaxtooyada Somaliland.

“Maamulka Puntland iyaga oo caadifad qabiil ku beer laxawsanaya ayay ku dhex-milmeen shacbigii reer Somaliland ee Laascaanood,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo uu ku dooday in ciidamadiisa ay inta badan is-difaac ku jireen, ayna weerar ku qaadin magaalada iyaga oo ilaalinaya shacabka aan waxba galabsan, “Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland illaa maanta wax weerar ah kuma qaadin magaalada Laascaanood.”

Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in marka uu maamulka Puntland uu ka baxo xadka Somaliland ee ay isku soo hadhaan xukuumadda Somaliland iyo shacabka reer Laascaanood ay ka xukuumad ahaan diyaar u tahay inay wada-hadlaan iyo waxkasta oo xal ah.

“Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in ciidamada maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, oo ku saabsana kulanka wakiiladda caalamka iyo madaxweyne Biixi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay difaacdo dalkeeda iyo xuduudihiisa, sida waddamada kale ee Adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan xuduudahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in xal looga gaaro xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.

Madaxweyne Xasan oo madaxda IGAD ka dalbaday mowqif adag oo ku aadan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday madaxda dalalka urur goboleedka IGAD inay qaataan mowqif adag oo la xiriira dagaalka maalintii saddexaad ka socda dalka Suudaan.

Xasan oo shalay ka qeyb-galay wada-hadallo deg-deg ah oo ay yeesheen madaxda dalalka urur goboleedka IGAD, ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaaliya ay codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ku garab istaagi doonto nabadda, midnimada iyo dowladnimada Suudaan.

“Xaaladdu (Sudan) waa mid cakiran oo xilli kasta isbedeli karta, fara-gelin deg-deg ah oo lagu soo celinayo xasilloonida iyo amniga waa inay noqota mudnaanteena koowaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dawladda Soomaaliya, iyadoo aad uga wal-walsan xaaladda isa soo taraysa ee Sudan, waxay si dhab ah u rumeysan tahay in ay jirto fursad xaaladda sidii caadiga ahayd loogu soo celin karo haddii si togan oo bartilmaameed leh ay dhinacyada ku lugta leh xaaladda Sudan u falan-qeeyaan baahida nabadeed ee ay Sudan qabto.”

Shirka IGAD oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa waxay madaxdu iskugu raacday in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda kasoo cusboonatay dalkaasi.

Wafdigan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona billaabidda wada-hadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Dagaal sokeeye ayaa ka qarxay dalka Suudaan, ayada oo madaafiicda culus ay labada dhinac isku weydaarsanayaa Khartuum iyo magaalo kale oo lagu magacaabo Omdurman.

Ku dhawaad 100 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska hor-imaadka culus ee ka socda dalkaas, una dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah, kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum, kuna sii fidaya magaalooyin kale oo horleh.

Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartoum, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Dagaalka Sudan ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan hawl-maalmeedkooda.

Si kastaba, waxaa isa-soo taraya baaqyada nabadeed ee lagu dalbanayo in la dejiyo xiisadda dagaal ee ka aloosan gudaha dalka Sudan, taasi oo gashay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Khartoum chaos: Over 100 dead amid rival generals’ strife

KHARTOUM (Caasimada Online) – Khartoum, Sudan’s capital, experienced intense explosions and gunfire on Monday as the struggle between the national army and paramilitary forces, led by opposing generals, entered its third day.

The death toll has now exceeded 100, marking unparalleled hostilities in the nation’s heart.

Sudanese analyst Kholood Khair stated, “Never before in Sudan’s history, particularly since gaining independence, has such extreme violence occurred in the center of the capital.”

The strife stems from an ongoing power struggle between Sudan’s army chief Abdel Fattah al-Burhan and his deputy, Mohamed Hamdan Daglo, who leads the influential paramilitary Rapid Support Forces (RSF).

The two generals, who took control in a 2021 coup, have been at odds over the RSF’s proposed integration into the regular army – a crucial requirement for a conclusive agreement to resolve the crisis following the coup.

Worsening humanitarian conditions

The escalating hostilities have forced Sudanese civilians to seek refuge in their homes, with many concerned that a protracted conflict could plunge the country into further chaos and hinder the return to civilian governance.

The World Health Organization cautioned that multiple hospitals in Khartoum currently treating injured civilians “have run out of blood, transfusion equipment, intravenous fluids, and other essential supplies.”

UN Special Representative Volker Perthes, who is in Khartoum, expressed dismay over both sides’ failure to adhere to a humanitarian pause.

The Central Committee of Sudan Doctors, a pro-democracy group, reported dozens of security force fatalities and approximately 942 injuries.

Despite widespread appeals for a ceasefire and safe ambulance corridors, the streets remain too hazardous for transporting the injured to hospitals.

International calls for ceasefire ignored

Global leaders and organizations, including the African Union, Arab League, and East African Bloc IGAD, have been vocal in their demands for an immediate ceasefire.

UN Secretary-General Antonio Guterres warned that intensifying hostilities would “further exacerbate the already fragile humanitarian situation.”

At the same time, US Secretary of State Antony Blinken urged the feuding generals to agree on an “immediate cessation of violence” and initiate negotiations.

However, both generals have shown no willingness to engage in dialogue, with each labeling the other as a “criminal.”

Each side blames the other for instigating the conflict and claims control of essential sites, such as the airport and presidential palace. However, these assertions cannot be independently verified.

The ongoing violence has significantly impacted crucial aid efforts in Sudan.

Three UN staff members from the World Food Programme lost their lives in fighting in the western region of Darfur, prompting a “temporary halt” to all operations in a country where one-third of the population requires assistance.

In Khartoum, power outages have affected large areas, and the few remaining open grocery stores have warned that they will only last a few days if supplies cannot reach the city.

From coup to widespread conflict

The 2021 coup, orchestrated by the generals, disrupted the transition to civilian rule following the 2019 removal of former autocratic president Omar al-Bashir.

The RSF, under Daglo’s command, was established under al-Bashir in 2013, evolving from the Janjaweed militia that the government deployed against non-Arab ethnic minorities in Darfur, leading to accusations of war crimes.

The coup resulted in international aid cuts and sparked frequent protests met with lethal force.

General Burhan, who ascended the ranks under al-Bashir’s three-decade rule, justified the coup as “necessary” to involve more factions in the political process.

Conversely, General Daglo later described the coup as a “mistake” that failed to effect change and inadvertently revitalized remnants of al-Bashir’s regime, which the army overthrew in 2019 following mass demonstrations.

As tensions between the rival generals intensify, fighting has also flared up in other areas of Sudan, including the western Darfur region and the eastern border state of Kassala.

Analyst Kholood Khair pointed out that the RSF forces had “strategically” established bases in “densely populated areas” as a deterrent to potential conflicts, knowing that the high civilian toll would be a significant factor.

“However, it is now evident that their relentless pursuit of total domination has caused them to disregard civilian protection,” Khair added.

Sudan’s future remains uncertain

With no resolution in sight for the violent power struggle between the two generals, Sudan’s future appears increasingly uncertain.

The ongoing conflict threatens to derail progress toward a stable, civilian-led government and exacerbate a precarious humanitarian situation.

The international community’s calls for an immediate ceasefire and dialogue between the warring parties have been ignored, leaving Sudanese civilians trapped in the crossfire and fearing for their lives.

In a country with a long history of brutal civil wars, coups, and uprisings, the current violence in Khartoum is a stark reminder of the challenges ahead for Sudan.

As the conflict between al-Burhan and Daglo escalates, the prospects for peace and stability seem increasingly remote.

The humanitarian crisis continues to worsen, prompting urgent calls for action from the international community.

Al-Shabaab oo madaafiic xooggan ku garaacday saldhigga Baarsanguuni

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay maanta xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jawaab ka bixiyay ciidamada Jubbaland oo ku sugnaa sladhigga la weeraray, kuwaas oo iyaguna madaafiic xoogan riday.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday saldhigga, halka kuwa kalena ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin shacab.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in khasaare  ay ku gaarsiisay dhismaha xerada iyo ciidankii ku sugnaa, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen, isla-markaana ay ka hortgeen xubnaha Shabaab ee soo weeraray.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan raggii weerarka soo qaaday oo goobta isaga baxsaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday weerarada ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobollada dalka.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Jubbooyinka uu ka socdo diyaar garow ku aadan wajiga labaad ee dagaalka Shabaab oo ka bilaabanaya gobolladaasi

Howlgallada Muqdisho ka socda oo isbeddal keenay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho iyo howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Yabooh ayaa boggaadiyay howlgallada haatan ka socda caasimada, wuxuuna tilmaamay inay keeneen isbeddal weyn oo haatan muuqdo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la kordhiyo howlgalladaas, si caasimada Muqdisho looga dhigo goob ka caagan falalka amni darrada ah.

Waxa kale oo uu ku dhiirrageliyay ciidamada ammaanka in ay laba laabaan shaqada adag ay hayaan, isla-markaana ay u turaan shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay l shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo horumarka caasimada.

Amni marka la yiraahdo, marka dadka wax soo dhacay ama kuwa wax dilay si fudud ayaa loosoo qaban karaa, Adduunyadu meelaha ay ka kobocday waxaa kamid ah Caasimadaha, in la qurxiyo waxa ay ku imaan kartaa in Dadka loo shaqeynayo ay noqdaan kuwo u nugul oo fahmi kar” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo lagu sugayo amniga, kuwaas oo sameynayaan ciidamada ammaanka oo fulinaya qorshaha dowladda.

Isbeddalkan ayaaa yimid, kadib markii ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda lagu wareejiyay inta badan baraha koontarool ee ku yaalla caasimada.

Si kastaba, ujeedka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab, sidoo kalena loo soo afjari lahaa kooxaha burcadda iyo kuwa ciyaal-weerada ee dhibaatada ka wada xaafadaha magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal mar kale ka dhacay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale saaka ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ku dhex maray duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada deegaanka  ay weerar gaadmo ah ku qaadeen milatariga Somaliland, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen bariga magaaladaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaaa innoo sheegay in inta uu socday dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow aan la shaacin inta uu gaarsiisan yahay tiro ahaan.

Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socotay duqeyn xoogan oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xaalka.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo aagga lagu dagaalamay oo ah bariga Laascaanood.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale illaa iyo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Si kastaba, baaqyada ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata waa ay ka dhego furaysatee labada dhinac ee ku dagaalamayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkq Sool.

Dagaalka ka socsa Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaaladaas oo shacabkii ay ka barakaceen.

Daawo: Saraakiisha beesha Waceysle uga jirta Shabaab oo loo qabtay 7 maalmood

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidanka xoog leh oo isugu yira militeriga Soomaaliya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka baxay degmada Ceeldheer, waxayna ku guuleysteen inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhowr deegaan oo muhiim ah.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas ayaa soo bandhigay magacyada xubno waaweyn oo Shabaab ay ka dileen, iyagoo farriin u diray waqti koobana u qabtay rag u dhashay deegaanka oo ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Deegaanada kala ah, Dahar-faqay, Baraag-Sheekh, Xaaji-dhagax iyo deegaano kale oo waqooyi-galbeed ka xoga degmada Ceeldheer ayaa soo galay gacanta dowladda, waxayna hadda ciidanku kaabiga ku hayaan deegaanka muhiimka ah ee Cows-weyne.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dadkii deganaa Cows-weyne ku amartay inay ka guuraan magaalada, waxaana lagu wadaa in maanta ay gudaha u galaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo xalay ku hoyday duleedka deegaankaas.

Saraakiisha kala ah, Korneyl Daahir Tuuryare, Khaliif Cumar Macalin Nuur iyo Dhamme Maxamed Qeyla-weyne ayaa hoggaaminaya ciidanka maanta qorsheynaya inay xoreeyaan deegaanka muhiimka ah ee Cows-weyne.

Saraakiishaan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey dagaalladii ay kooxda la galeen saacadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo Shabaab looga dilay in ka badan 60 dagaalame, sida ay sheegeen saraakiishu.

Ragga lagu dilay howlgalladaas oo saf-balaaran ku socday waxaa ka mid ah Kabtan Iley oo ahaa gacan-yarihii guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellada Dhexe Yuusuf Kabakutukade.

Sidoo kale waxaa lagu dhaawacay sarkaal lagu magacaabo Daahir Calasow oo caan ka ah gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, kaas oo aad u dhibay dadka, sida ay sheegeen saraakiishu.

Saraakiishaan ayaa 7-cisho u qabtay Kabakutukade iyo rag kale oo ay magacyadooda shaaciyeen, kuwaas oo ka dagaalamaya aagga degmada Ceeldheere.

“Kabakutukade, Cali Maqane, Subkane, Sheekh Cali Garweyne, Birjebshe, dhamaantiin waan idin naqaan isisoo dhiiba, waxaad heysataan 7 cisho, wixii ka dambeeya is dhiibid idinka yeeli meyno halkaan idinku aragno ayaan idinku dileynaa,” ayuu yiri Dhamme Maxamed Qeyla-weyne.

Hoos ka daawo