27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

William Ruto oo dalab culus u diray mucaaradka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Axadii ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada, halka Raila Odinga, mucaaridkiisa ugu weyn uu ku boorriyay taageeryaashiisa inay mar kale isugu soo baxaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

Kumannaan qof ayaa ka qaybqaatay mudaaharaad saddex maalmood socday dabayaaqadii bishii March, kaas oo ay hareeyeen isku dhacyo u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo booliiska.

Dibadbaxyada ayaa qeyb ka ahaa eedeymo musuq-maasuq ah oo lagu soo oogay doorashadii madaxtinimo ee dhacday bishii Agoosto ee sanadkii hore, taasoo uu Ruto si dirqi ah kaga guuleystay Raila Odinga.

Khamiistii, Odinga, ayaa sheegay in mucaaradku ay dib u billaabi doonaan dibadbaxyada – marka ay dhammaato bisha barakeysan ee Ramadaan.

Isbaheysiga talada haya ee Ruto ayaa sheegay in doorashii sanadkii hore ay u dhacday si caddaalad ah, isla markaana difaacay waxqabadkii dhinaca dhaqaalaha Kenya intii uu xilka hayay,.

waxaa kale oo uu ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada, isaga oo sheegay inay shaki gelinayaan daacadnimada mucaaradka ee ka qaybgalka wadahadallada.

Isbaheysiga Odinga ee Azimio La Umoja iyo Isbaheysiga Ruto ee Kenya Kwanza ayaa isku khilaafsan nuxurka wadahadalka iyo cidda hoggaamineysa. Kenya Kwanza ayaa doonaysa in wadahadallada ay ka qayb-galaan oo keliya xildhibaannada lagana doodo oo keliya soo xulista guddiga doorashada.

Azimio ayaa sheegay in xubnaha kale ay tahay inay ka qeyb qaataan wadahadallada sidoo kale inay dib u eegis ku sameeyaan doorashooyinkii 2022 iyo inay ka wadahadlaan tallaabooyinka wax looga qabanayo qiimaha maciishada.

Wadahadallada ayaa lagu wadaa in ay billowdaan maalinta Talaadada ah, sida uu Sabtidii sheegay hoggaamiyaha aqlibiyadda Senate-ka Aaron Cheruiyot.

VOA + Reuters.

Falcelin xooggan oo ka dhalatay isbahaysiga cusub ee Somalia, Italy iyo Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay shir isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, kadib shir xasaasi ah oo shalay ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaasi oo ka qeyb-galeen madaxda saddexdaasi dal.

Shirkaan oo muhiim u ahaa isbaheysiga cusub ee saddexdan dal ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale waxaa kulankaas lagu lafo-guray danaha wada-jirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda billow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan.

Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay isbaheysigan cusub ee saddexda dal?

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyo kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed ay kaga fal-celiyeen isbaheysigan cusub, kaasi oo la soo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook. Hoos ka aqriso;

Cabdi Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Talyaani tabar ma hayo ee waa shir Soomaali lagu bah-dilayo. Danta uu Soomaali ka leeyahay Talyaani ee Itoobiya wax kaga xidhan ma garan.”

“Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud wado fiican ayaa ku wadaa waddanka, Somalia iyo Ethiopia iyo Italy inay wada-shaqeyn dhex-marto waa loo baahan yahay,” ayuu yiri Cabdulqaadir Carab.

Maxamed Gabso ayaa isaguna waxa uu yiri “Kolka sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh eegay waxa iiga muuqata in sida ay wax usocdaan uusan la dhacsanayn.”

“Abiy Ahmed ayaa iska wata Farmaajo ayaa lagu maagi jiray, hadda Xasan inta uduulay Addis Ababa u tagay shir Abiy Ahmed booqasho ay ugu timi PM Italy,” ayuu yiri Aamiin Guuleed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay kulanka madaxda saddex dal iyo isbaheysiga cusub ee Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Ibraahim Maxamuud: “Soomaaliya haddii shirkaas lagu qaban lahaa
waa hubaal maalmo ka hor ayaa waddooyinka la xeri lahaa, balse Ethiopia in uu shir jiro Facebook ayaa laga arkayaa, meel la xiro iska dayee.”

“Xasan Sheekh waa siyaasi aan caadi aheyn, Soomaaliya hadey soo laabatay Insha Allah mardhow waddankeenu wuxuu naqon doona waddamada adduunka ugu qanisan,” ayuu yiri Cabdi Jaamac Cilmi oo isagu la dhacsan sida uu Xasan Sheekh wax u wado iyo isbaheysigan cusub.

Bilaal Faarax Maxamuud oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Waxaan badda iyo beeraha ahayn uma socdaan Itoobiya iyo Talyaaniga.”

“Waxan ku darsan lahaa mudane diyaaradan aad saaran tahay kasoo dag wa-bilaahi-towfiiq,” ayuu yiri Cawil oo isagu dhaliilsan safarada madaxweynaha ee tan iyo markii uu xilka u sareeya dalka la wareegay.

Muna Aadan: “Mudane madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Allaha ku fududeeyo howsha qaranka Soomaaliya u hayso, horey u soco weliga Soomaaliya cadawga Allaha ka dulqaado horumar iyo barwaqo ayan u rajaynayaa dalkeena.”

“Intaan garanaye! Maxaa sii qarsoon oo Ethiopia iyo Italy hal meel isugu keenay, anagana noogeeyay. Faah-faahin intaas ka badan nagu fiicnaan laheyd!,” ayuu yiri Ismaaciil Maxamed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay isbaheysiga cusub ee saddexda dal.

Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka billowday Baay iyo degaano la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Deegaanada ay ciidamada huwanta ka saareen kooxda Al-Shabaab ayaa kala ah deegaanada Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada huwanta ee is-garabsanaya ay weli xubnaha kooxda ee laga saaray deegaanadaasi ay kusii baacsanayaan dhulka howdka ah.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada dalka ka wada howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo howl-gallada ay markale si dardar leh uga socdaan qeybo badan oo dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa guulo horleh ka sheegatay dib u bilaabashada howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo sheegtay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

“Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howl-gallada ay ciidamada huwanta ka wadaan qeybo kamid ah dalka, iyada oo si hordhac ah u billowday wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inay qeyb ka noqdaan ciidan ka socda dalalka deriska.

Daawo: Taliye Shub oo go’aan culus kasoo saaray ilaalada masuuliyiin ka tirsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa soo saaray go’aan uu ku dalbanayo in shaqada lagu soo celiyo 25 askari oo ilaalo u ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Jeneraal Mahad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shaqada uu ka joojinayo, mushaarkana ka jari doono askarigii ku soo laaba waaya shaqada ciidanka 10 cisho gudahood.

Taliyaha oo hadda la wareegay xilka, kadib markii dib loogu magacaabay ciidanka ayaa sheegay in taliska uu ugu tegay liiska 25 askari oo ku maqan (ereg) kuwaas oo ilaalo u ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

“Anagu xaq uma lihin in masuul aan ilaalo siino, markii aan xafiiska ka tegayna hal askari banaanka kuma maqneyn oo ereg kama tegin, hadda waxaa ereg ku maqan 25 askari, oo la kala socota xildhibaano iyo wasiirro,” ayuu yiri Jeneraal Mahad.

Wuxuu sheegay in masuuliyiintaas ay booliska xaq ugu leeyihiin inay askar ereg ah ka qaataan, balse aysan Asluubtu bixin ciidan ereg ah, “Looma ogola Asluubta inay ereg noqdaan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in askarta Muqdisho joogta uu shan maalmood u qabtay, kuwa gobollada jirana 10 maalmood, “Ninka ay la joogaanow, iska soo dir askartaas ha dhibaateyn, anigu waqtiga aan u qabtay ninkii ku imaan waaya mushaarkana waan ka jaraa, waana ruqseynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha Asluubta.

Wuxuu sheegay in ciidankaas uu shaqo u dirsanayo, “Nin aan fadhigiisa joogin oo shaqada ciidanka Asluubta aan heynin, kama mid noqonayo ciidanka,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dalku dagaal galay oo ciidan kasta la diyaarinayo, “Markii nala dhaho ciidan halkaas la geeyo keena, 50 askari ayaa fasax nooga maqan cid naga yeeleysa ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Mahad.

Hoos ka daawo

Arrimaha ku cusub amniga Muqdisho ee keenay isbadalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya ayaa ku jirta jawi xasilloon ku dhawaad 60 cisho. Al-Shabaab oo duurka lagu eryanayo ayaa la fahamsan yahay inay u heelan yihiin inay dhibaato ka geystaan caasimadda, laakiin taas bedelkeeda laamaha amaanka waxay soo bandhigeen masuuliyad illaa xad la aqbali karo.

Inkasta oo dhowr jeer madaafiic lagu tuuray qeybo magaalada Muqdisho kamid ah, kuwaas oo khasaare xadidan geystay, haddana dadka magaalada waxay tabinayaan isbedel, iyada oo dhowr iyo labaatankii cisho ee ugu horeysay bisha Ramadaan nabad lagu soomay.

Dhowr isbedel ayaa laga soo wariyay ammaanka caasimadda iyo isku socodka bulshada. Waddooyinka caasimada ayaa inta badan la furay, gaadiidkii la celin jiray ayaa la fasaxay.

Waxay wadayaasha sheegayaan in wixii ka dambeeya 2-da habeenimo illaa 6-da aroornimo gaadiidka qaar la joojiyo, laakiin laamaha amniga waxay taas ku sheegeen mid lagu ilaalinayo saacadaha saqda dhexe oo la ogaaday inay Al-Shabaab isku dayaan hub gudbin.

Ciidan cusub ayaa lagu biiriyay amniga caasimadda, illaa saddex kun oo askari oo dhawaan lagu soo tababaray waddanka Uganda ayaa la geeyay degmada ku yaalla daafaha magaalada, si ay banaanka uga ilaaliyaan caasimadda.

Degmooyinka Kaaraan, Hilwaa, Kaxda, Dayniile, Dharkenley, qeybo Yaaqshiid kamid ah iyo deegaanka Daaru-salaam ayaa loo qeybiyay cidianka.

Dadweynuhu waxay sheegayaan in ciidanka cusub ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda. Daafaha magaalada Muqdisho ayaa loo xil-saaray in aanay argagixisada kasoo tallaabin.

Sidoo kale ciidanka dharcadka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa aad loo kordhiyay sida aan xogta ku helnay, waxaana loo dhiibay taliye cusub.

Dharcadku markii hore waxay joogi jireen bara cayiman oo la yaqaano oo magaalada ku yaalla, laakiin hadda waxay toos u dhex galeen shacabka, iyada oo masuul looga dhigay amniga qeybta loo bixiyay aagga koowaad ee caasimadda.

Illo sirdoon ayaa kasoo xiganay in tan iyo markii ay ciidankan bedeleen qaabkoodii oo shacabka soo dhex-galeen, inay yaraatay in wax lagu dilo degmooyinka ay sida gaarka ah uga howl-gallaan.

Ciidan cusub oo hay’adda Sirdoonka ay leedahay oo maamul-goboleedyada laga soo aruuriyay kadibna tababar iyo hub la siiyay ayaa sidoo kale door weyn ka qaadanaya amniga caasimada, kuwaas oo iyaguna ka howl-gala halka loo bixiyay aagga labaad ee caasimadda.

Booliska ayaa sidoo kale muujinaya fir-fircooni intii hore ka badan. Waxaa muuqata inay laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay ayay leeyihiin saraakiisha aan la hadalnay.

Bisha Ramadaan oo dhowr iyo labaatan cisho mareysa dadka caasimadda waxay ku soomeen jawi xasilloon. Labadii billood ee u dambeysay Al-Shabaab waxay la kulmeen isla xisaabtan ka duwan sidii hore, dhowr jeer ayay hoobiyeyaal labadii billood ee u dambeysay.

Khubarada amniga waxay sheegayaan in haddii la xoojiyo shaqada joogtada ah ee ciidanka iyo wada-shaqeyntooda, sidoo kalena masuuliyad iska saaridu aanay bisha Ramadaan ku eekanin in la heli doono amaan intaan ka wanaagsan.

Shacabka ayaa iyaguna bilaabay inay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya la shaqeeyaan, taas oo ugub ah balse la arkay inay wax badan goyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kal hore sheegay inay xoog badan galinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda.

Sawirro: Madaxda IGAD oo shir deg deg ah isugu timid iyo go’aan ka soo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen madaxda dalalka urur goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan.

Shirkan oo ahaa mid madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda ka taagan dalka Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Soomaaliya ay codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ku garab istaagi doonto nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalaha Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dadka Soomaaliyeed, waayihii adkaa.

Madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Dagaal sokeeye ayaa ka qarxay dalka Suudaan, madaafiicda culus ayaa shalay iyo maanta la isku weydaarsanayaa Khartuum iyo magaalo kale oo lagu magacaabo Omdurman.

Ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska hor-imaad culus oo ka socda dagaaalkaas, una dhaxeeya ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah, kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Horjoogayaal sare oo laga dilay Shabaab + Magacyada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal gaarka ah lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howl-galka lagu qaarajiyay horjoogayaashan ka sameeyay deegaanada Ceel Qansax iyo Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu shaaciyay magacyada qaar kamid ah horjoogayaasha lagu dilay howl-galkan ay fuliyeen ciidmada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Cartan Iley oo ahaa Gacan-yaraha Koba kutukade ayaa lagu dilay howl-galka, sida lagu sheegay qoraalka dowladsa.

Horjooge Daahir Calasoow oo dhibaato xoogan ka geystay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale lagu dhaawacay howl-galkaan gaarka ah .

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale waxay howl-galkan ku burburiyeen saldhigyadii kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen Ceel Qansax iyo Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa isla maanta weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla tuulada Xaawo Gacal oo hoostegta deegaanka Budbud oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, islamarkaana looga dilay 9 xubnood, kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ee ku sugan Galmudug.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howl-galada ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay kooxda sii baacsadaan illaa Ceelbuur.

Muuse Biixi oo caalamka u caddeeyay mowqifkiisa dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan xasaasi ah oo habka fogaan arag ah la qaatay safiiro, safiir ku-xigeeno Iyo diblumaasiyiin kala duwan oo dalalka Yurub u badan.

Safiirada uu madaxweynaha la qaatay kulankaan ayaa ka kala socday waddamada Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo sidoo kale wakiil  ka socday European Union.

Kulanka madaxweyne Muuse Biixi iyo wakiilada beesha caalamka ayaa inta badan waxaa looga hadlay dagaalka ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo madaxweynaha uu wakiilada caalamka u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan collaadda ka taagan halkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka warbixiyey tallaabooyin kala duwan oo uu sheegay in xukuumaddiisa ay u qaaday dhinaca nabadda iyo xasilloonida Laascaanood, taasi oo qeyb ka tahay ergo uu maamulkiisa u diray dhinaca ay is-hayaan ee ku sugan Laascaanood, sida uu sheegay.

“Xukuumaddu waxay u dirtay magaalada Laascaanood wafdi wasiirro ah si loo xalliyo arrinta laaascaanood, wada-hadalna ay ula furaan madaxda dhaqanka. Madaxda dhaqankuna way ku gacan saydheen,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa dhankiisa waxa uu xaqiijiyay in xukuumaddiisu diyaar u tahay xal nabadeed oo laga gaaro colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan xarunta gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay oggolaatay si bilaa shuruuda in garaaddadii muddada dheer ka maqnaa Laascaanood inay soo galaan magaalada si ay qayb uga noqdaan nabad ku soo dabaalidda magaalada, hase yeeshe nasiib darro ay magaalada la soo galeen calan dowlad kale, hub iyo ciidan, sida uu sheegay.

“Tallaabadaasi waxay uga sii dartay xaaladii markaa taagnayd ee ay ahayd inay dejiyaan,” ayuu madaxweyne Muuse Biixi u sheegay wakiilada beesha caalamka ee ka qeyb-galay.

Diblumaasiyiintan ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay oggolaatay shirkii ay ku baaqeen waxgaradka Laascaanood, kaasi oo ay markii hore u arkaysay inuu qayb ka noqon-doono dadaallada nabadaynta, balse waxa uu shirkaasi noqday mid lid ku ah Qarannimada Somaliland iyo nabadii ay ku naaloonaysay Laascaanood shan iyo Toban kii sanno ee u danbeeyey, sida uu sheegay.

“Xukuumaddu waxay go’aansatay oo ay ka saartay Magaalada Laascaanood gudaheeda dhammaan ciidamadeedii kala duwanaa, si loo yareeyo khasaaraha. Waxay ku baaqday fulisayna xukuumaddu xabad-joojin bilaa shuruud ah, ka dib markii garaadadu ku baaqeen dagaalka ka dhanka ah Somaliland.”

Somaliland ayaa sidoo kale ka dhawaajisay inay aqbashay dhex-dhexaadintii dowladda Itoobiya, ayna ka ogolaatay ergadii ka socotay dowladdaasi in labada dhinac isugu tagaan Addis Ababa, hase yeeshe ay ka suurto-geli weyday arrintaasi dhinaca garaadada, sida uu madaxweynaha uu sheegay.

Safiirrada, ku-xigeenada iyo diblumaasiyiintu wakiiladda caalamka ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay madaxweyne Muuse Biixi inuu ka ajiibay kulankaan, oo dalabkiisa ay iska lahaayeen.

Si kastaba, Dagaalka magaalada Laascaanood ayaa galay bishii saddexaad, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu rabay in xal looga gaaro xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.

Ciidamada DF oo weerar ku dilay 9 Al-Shabaab ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla tuulada Xaawo Gacal oo hoostegta deegaanka Budbud oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay 9 xubnood, kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.

“Ciidamada ayaa howlgalkaas qorsheysnaa ku dilay 9 ka tirsan Maleyshiyaadka Khawaarijta waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen, iyadoo hadda wali la sii baacsanayo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay baahisay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in weli uu socdo howlgalka, isla-markaana ay faahfaahin guud ka bixin doonaan marka uu soo dhammaado.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ee ku sugan Galmudug.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga darermayo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab ayaa weli howlgallo amni xaqiijin ah kasii wada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si dardar leh ku socday howlgalll ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay kooxda sii baacsadaan illaa Ceelbuur.

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri dhinacyada isku haya dagaalka SUDAN?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka culus ee Sabtidii ka qarxay dalka Suudaan, kaas oo haatan kasii daraya, kuna sii fidayo meelo horleh, sida ay sheegayaan wararka hadda soo baxaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray bayaan ku qoran luqadda Ingiriiska ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, kadibna wax kasta lagu dhameeyo wadahadal.

“Xaaladda oo lasii huriyo iyo rabshadaha oo lasii kordhiyo kuma imaanayaa xalka caqabadaha ay wajahayso Jamhuuriyadda Suudaan,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka uu soo saaray

Sidoo kale waxa uu farriin u diray beesha caalamka, isaga oo ugu baaqay inay qaadato doorka kaga aadan dhex-dhexaadinta labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda Suudaan.

Horay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay, sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogagga birmadka deg-degga ee dalka Suudaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka, si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ay wasaaradda ka soo saartay rabshadaha ka soo cusboonaaday Suudaan.

Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weli xaaladda ay kacsan tahay, waxaana saaka jugta madaafiic culus laga maqlay Omdurman oo kaabiga ku haysa caasimada Khartoum iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla dhanka badda cas.

Sidoo kale, ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada Suudaan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Wararka ayaa sidoo kalen intaasi kusii daraya in dagaallada ay kusii fideen qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur, halkaas oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Si kastaba, dagaalkan ayaa billowday xilli aan la fileyn, isla-markaana dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ka warbixiyay lacagta cusub ee dhawaan lasoo daabici doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa burburkii dalka kadib waxa ay ku dhawaaqday inay dib u furtay 2007 Bankigii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay ku shuban doonto lacagaha kasoo gala gudaha dalka iyo kuwa deeqaha ah ee ay beesha caalamka ugu deeqdo, ayna ka kaaftoontay isticmaalka xawaaladaha.

Tan iyo xiligaas waxa uu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya soomaray heerar kala duwan waxaana muddo kooban gudaheed uu la jaan qaaday Bankiyada kale caalamiga ah ee Dunida waxaana uu ku guuleystay xasilinta dhaqaalaha dalka.

 Hadaba Shaqooyinka uu bankiga qabto waxaa ugu horeeysa maamulka iyo iskudheelitirka dhaqaallaha wadanka, xisaabinta miisaaniyada dowlada, ilaalinta qiimaha lacagta wadanka iyo nidaaminta koboca dhaqaalaha wadanka. Intaas waxaa u dheer, maamulka iyo dejinta siyaasada dhaqaalaha iyo maalgeshiga dowlada.

Agaasimaha sare ee Waaxda lacagta iyo fulinta Bankiga Dhexe Axmad Xundubey  oo wareysi siiyay Wariye Cabdicasiis Xasan Ibrahim (Abdiaziz Loyal) oo katirsan warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay qaar kamid ah mashaariicda Bankiga Dhexe  sida hanaanka lacag bixinta Qaranka, Lacagta dhawaan loosoo daabacayo Soomaaliya iyo waliba guusha Bankiga Dhexe ee  IBAN oo dalka muhiim u ahaa.

Hoos ka daawo, Agaasime Axmad Xundubey oo arrimahan sharaxaya. 

Scam leaves 250 Somali migrants stranded in Turkey

ISTANBUL, Turkey (Caasimada Online) – Over 250 Somali migrants found themselves stuck at Istanbul Airport this past Saturday following a botched effort to travel to Nicaragua and subsequently enter the United States illegally.

Their plight has been complicated by accusations of fraud involving Somali and Turkish intermediaries.

The travelers, originating from Somalia, India, and various African and Asian nations, paid between $4,000 and $6,000 each for their voyage, totaling two million dollars.

They secured an Airbus from Air Anka, a fledgling Izmir-based airline that initially provided cargo services in 2022 before obtaining authorization to transport passengers in January 2023.

Air Anka’s current fleet comprises two Airbus A330-220s and one A330-300.

Escalating migration trends

There has been a noticeable uptick in the number of Somalis, including prominent social media personalities, entering the United States illegally through Mexico in recent months.

The illegal migration of Somali youth, referred to as “Tahriib,” often involves human traffickers exploiting their desperation for improved living conditions.

While war-ravaged Yemen, the Middle East, Sudan, and North Africa were once the favored pathways for these migrants heading to Europe, the United States and Canada are now increasingly sought-after destinations, mainly due to their substantial Somali diaspora populations.

Social media platforms such as TikTok have been used to promote these risky journeys.

Security risks

The FBI recently alerted Costa Rican officials to Luqman Warsame Farah, suspected to be the eldest son of Fuad Shangole, a top-ranking Al-Shabaab leader.

Farah was deported to Somalia after entering Costa Rica with a Swedish passport and attempting to cross into Nicaragua.

Security analysts widely speculate that his ultimate aim was to enter the US unlawfully.

As the United States contends with a growing influx of immigrants at its borders, the Biden administration is striving to change the incentives that promote illegal border crossings and encourage migrants to pursue legal entry.

With Title 42, a pandemic-related border restriction, set to expire in early May, the Department of Homeland Security has suggested a new rule to curb potential mass migration.

The administration intends to deny asylum claims from those who enter the country illegally, barring a few exceptions.

US tackles border issues

The United States is also working closely with regional allies to tackle the issue.

At a recent summit in Ottawa, Canadian Prime Minister Justin Trudeau revealed that Canada would accept an additional 15,000 refugees from the Western Hemisphere each year.

In return, Washington pledged to address a loophole in the Safe Third Country Agreement that had inadvertently encouraged some asylum seekers to traverse the US and enter Canada illegally.

Although the number of asylum seekers on the northern border is lower than on the southern border, approximately 5,000 individuals entered Canada from the United States in January alone, primarily through the Roxham Road crossing between New York and Quebec.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka SUDAN iyo cidda ku gacan sarraysa + Sawirro

Khartoum (Caasmada Online) – Jugta madaafiicda culus ayaa aroornimadii Axadda maanta ah laga maqlayay Omdurman, oo kaabiga ku haysa magaalada Khartoum, iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas.

Dadka deggan Khartoum ayaa sheegay inay argagax iyo cabsi ku dhacday iyadoo mid ka mid ah uu tilmaamay in rasaas lagu soo riday guriga deriska la ah.

Dhinaca kale, ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Xooggaga Dacmu Sariic ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera.

Maxaa la isku hayaa?

Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye ku-xigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.

ISHA: BBC

Military, paramilitary battle engulfs Sudanese capital

KHARTOUM, Sudan (Caasimada Online) – For the second day, the Sudanese military and the powerful Rapid Support Forces (RSF) paramilitary group are engaged in violent clashes, signaling an unwillingness to halt hostilities even amidst growing diplomatic pressure to cease fire.

These ongoing battles have resulted in mounting civilian casualties and disrupted the country’s fragile democratic transition.

A nation in chaos: Casualties and damage

According to the Sudan Doctors’ Syndicate, at least 56 civilians have been killed in the conflict, with the belief that dozens more casualties have occurred among the rival forces.

Nearly 600 people have been injured, including both civilians and fighters.

The clashes come after months of heightened tensions between the military and the RSF, which have delayed a deal with political parties to return the country to its short-lived democratic transition following an October 2021 military coup.

Heavy fighting continued early Sunday morning in the capital of Khartoum and the neighboring city of Omdurman.

Prominent human rights advocate Tahani Abass reported fierce battles around the military headquarters, Khartoum International Airport, and state television headquarters.

“It’s an all-out war in residential areas,” Abbas said, describing the situation as families huddled in their homes for safety.

Dueling claims and unyielding positions

Both the military and the RSF claim to be in control of strategic locations within Khartoum and elsewhere in Sudan, although their assertions could not be independently verified.

With neither side willing to negotiate, tensions continue to escalate.

The military, led by Gen. Abdel-Fattah Burhan, has called for dismantling the “rebellious militia” RSF. At the same time, the RSF leader, Gen. Mohammed Hamdan Dagalo, demanded Burhan’s surrender.

International diplomatic pressure grows

As the conflict intensifies, international diplomatic pressure mounts.

Top diplomats, including U.S. Secretary of State Antony Blinken, the U.N. secretary-general, the E.U. foreign policy chief, the head of the Arab League, and the head of the African Union Commission, have all urged the warring parties to cease fighting.

Regional Arab states with stakes in Sudan, such as Qatar, Egypt, Saudi Arabia, and the United Arab Emirates, have also called for a cease-fire and a return to negotiations.

In a statement early Sunday, Secretary Blinken emphasized the importance of ending hostilities without preconditions following consultations with the foreign ministers of Saudi Arabia and the United Arab Emirates.

The recent hostilities stem from disagreements over integrating the RSF, led by Dagalo, into the armed forces and the overseeing authority of the process.

The merger is crucial to Sudan’s unsigned transition agreement with political groups.

Pro-democracy activists have accused Burhan and Dagalo of abuses against protesters over the past four years, including a deadly incident in Khartoum in June 2019 that resulted in the deaths of over 120 protesters.

The RSF has also faced allegations of atrocities linked to the Darfur conflict, further complicating the ongoing crisis.

Mooto Bajaaj ay la socdeen saddex nin oo ku qaraxday Xamar-jajab + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa mooto Bajaaj ay la socdeen saddex nin oo saaka ku qaraxday qaybo kamid ah gudaha degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in mootada ay xoog ku soo dhaaftay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla degmadaasi, balse ayada oo ay ceersanayeen ciidanka ammaanka ay ku qaraxday Waaxda General Daa’uud.

Taliska ciidamada Booliska ayaa sidoo kale xusay in laga hortagay weerarkan, isla-markaana qorshihii ay damacsanaayeen raggaan la fishiliyay, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale waxa uu Boolisku tilmaamay in qaraxan ay ku dhinteen saddexdii nin ee watay mootada, sidoo kalena uu dhaawac fudud soo gaaray qof kale oo shacab ah oo waddada mararayay.

“Maanta 16/Apr/2023, abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa’uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka, qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray” ayuu yiri qoraalka taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli”

Dhanka kale taliska Booliska Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaris ku aadan dhacdadaasi, isla-markaaana wixii soo kordha ay la wadaagi doonaan shacabka.

“Dhacadaasi waxaa ku bilowday baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda kala wadaagidoonaa” ayaa mar kale yiri qoraalka.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhinaca kale farriin u diray dadka shacabka ah, waxayna ka dalbadeen inay la shaqeegaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha caasimada.

Fashilinta weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay la timid qorshe lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo cusub oo ah Boolis Militaaro.

Sawirro: Yuusuf Madaale oo qaaday tallaabo la xiriirta amniga magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay qaaday tallaabo ka xiriirta sugidda amniga, isaga oo booqday degmooyinka dhaca galbeedka caasimada.

Kormeerkan ayaa waxaa Yuusuf Madaale ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka Booliska Soonaaliyeed, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha iyo qaar kamid ah guddoomiyeyaasha maamulada degmooyinka.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalidda, sida ay uga howlgalayaan ciidamada ammaanka dowladda federaalka iyo Isbeddalka ka muuqda tan iyo markii ciidan gaar ah loo dhiibay nabad-gelyada deegaanka.

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallada cusub ee ay wadaan ciidanka lagu soo tababaray dalkanUganda ee Booliiska sida Militariga u tababaran uu wax badan ka beddalay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay si wanaagsan ula dhaqmeen dadka rayidka ah, isla-markaana ay la yimaadeen niyad wanaag ay kula shaqeyn karaan bulshada rayidka ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay meesha ka saareen kooxihii burcadda ahaa iyo ciyaal-weerada dhibaatada ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.

“Qalbiga furan iyo gacmo furan ayaan idinku soo dhaweyneenaa, 24 saac waxaa loo taagan yahay in kalsooni aan ka kasbano shacabkeenna oo aan ku heli karno marka ay arkaan wanaaggeena, dhimrinteenna iyo u shaqeynteeda, waxa aad meesha ka saarteen kooxihii burcadda ahaa ee dadka Soomaaliyeed dhibka ku hayay naftooda iyo Maalkooda” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Dhankiisa wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo madasha ka hadlay ayaa boggaadiyay ciidamada cusub ee ka wareegay amniga caasimada, waxaana uu tilmaamay inay ku guuleysteen wajiga koowaad ee howlgalka.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay garab istaagi doonto dowladda federaalka, isla-markaana ay soo booqan doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

“Waan ku faraxsanahay in aan idinla kulano, waxa aad gacanta ku heysaan amniga mustaqbalka ummadda, askariga waa badbaadiyaha shacabka oo waxa aad habeen iyo maalin u taagan tihiin in aad badbaadisaan dadkiina iyo dalkiina, wajiga koowaad waad ku guuleysateen waxaana rajeyneynaa in inta dhiman aad heysaan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa idin soo booqon doonna waxa aan idinku imaanay in aan idin garab istaagno” ayuu isna yiri wasiir Xagaa.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana saaka ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan mooto sidday qaraxyo, taas oo ay ku dhinteen saddex nin oo la socday, kadib markii ay kula qaraxday waaxda General Daa’uue ee gudaha degmada Xamarjajab.

Madaxweyne Muuse Biixi oo war cusub kasoo saaray doorashada SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Cabdi ayaa war cusub kasoo saaray doorashada maamulkaasi oo dib uga dhacday waqtigeedii, kadib wareysi uu siiyay France 24.

Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay u diyaar garowday doorashada guud, si meesha looga saaro khilaafaadka ka dhashay qabsoomideeda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay diyaariyeen dhaqaalihii ku bixi lahaa doorashada, isla-markaana aanu rabin in kursiga uu sii fadhiyo.

Madaxweynaha oo carab baabay cadadka lacagta ayaa sheegay inay gaareyso illaa $10 milyan, isla-markaana ay haatan ku jirto miisaaniyadda sanadkan, sida uu ku dooday.

“Dowladdaydu 10 milyan oo dollar ayay u diyaarisay sannadkan doorashooyinka, miisaaniyada ayay ku jirta, taasi waa hal ku dhaga siyaasiyiinta uun, macangacnimo iyo in wakhti dheer la joogo ma aaminsani” ayuu wareysigan ku yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay guud ahaan Ummadda Somaliland inay muujiyaan deganaan, una diyaar garoobaan dhankooda doorashada soo socota oo ah mid xasaasi ah.

Doorashada madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa khilaaf u dhexeeyay xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda, kuwaas oo isku fahmi waayay doorashada iyo xilliga la qabanayo.

Muranka ayaa sidoo kale kasoo kasii daray markii Golaha Guurtida ay muddo laba sanno ah ugu dareen madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay ka biyo diideen xisbiyada Ucid iyo Wadani.

Si kastaba, doorashada ayaa la filayay inay  dhacdo 13-kii November, 2022-kii, balse dib ayay u dhacday, waxaana arrintaas ka dhashay mudaharaadyo ka dhacay gudaha Somaliland.

Dowladda SOMALIA oo hal arrin ka dalbatay dhinacyada ku dagaalamaya dalka..

0

Khartuum (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay muujinayso sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogagga birmadka deg-degga ee dalka Suudaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka, si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay rabshadaha ka soo cusboonaaday Suudaan.

Caasimadda dalka Sudan Khartuum waxaa shalay ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya milateriga dalkaas iyo ciidamo gaar ah oo loo yaqaano Dacmu Sariic ama gurmadka degdega ah.

Labada ciidan ayaa daacad u kala ah Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan iyo Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo oo ah labada nin ee ugu awoodda badan Sudan.

Xaaladda Khartuum ayaa ah mid cakiran, waxaana uu dagaalka xooggiisa ka dhacay garoonka diyaaradaha, Soomaali u badan arday ayaa ku nool Khartuum, waxaana kamid ah Axmed British oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadiisa.

Waxa uu sheegay in lama filaan ay u ku noqotay in dagaal culus uu ka qarxo gudaha Khartuun xilligan, gaar ahaan iyadoo lagu jiro tobanka maalmood ee u dambeeya bisha Ramadhaan.

“Duqeyn xooggan ayaa nagu socota, guryaha kama bixi karno. Layr iyo biyo waan haysannaa, balse lama oga sida uu xaalka noqon doono. Dadku waa ay ka walaacsan yihiin waxa socda,” ayuu yiri Axmed British oo sidoo kale Sudan uga soo warrama Telefishinka dowladda Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku sii daray in ilaa haatan aan la sheegin cid Soomaali ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka, ardayduna ay ku sugan yihiin guryaha jaamacadaha iyo deegaannadooda.

Hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka, dhaawacana uu intaa ka badan yahay.

“Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, waxaa aad isu dhintay tirada ardayda Soomaalida ah ee Sudan wax ka barata. Waxaan kamid ahay dufcadaha ugu dambeeya ee ka sii tegaya jaamacadaha Sudan,” ayuu hadalkiisa raaciyay weriye Axmed British.

Jaamacadaha Sudan ayaa waxaa ka soo baxay Soomaali badan oo qaarkood ay maanta xilal muhiim ah ka hayaan dowladda Soomaaliya.

Mareykanka, M/Afrika iyo IGAD oo baaq deg deg ah ka soo saaray dagaalka Sudan

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dalalka iyo dhinacyada kala duwan ee dalbanaya in la joojiyo dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda la magac baxday ciidamada gurmadka deg deg ah ee Suudaan ee loo soo gaabiyo RSF.

Dowladda Mareykanka, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa si kala goon-gooni ah ugu baaqay in si deg deg ah loo joojiya collaada ka istaadhmatay caasimadda dalka Suudaan, taasi oo durtaba laga soo warinayo khasaare horleh.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda murugsan ee ka taagan halkaasi, wuxuuna dhinacyada isku haya maalintii labaad magaalada Khartuum ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka, jawigana lagu soo dabaalo nabadgelyo.

Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa isaguna qeyb ka ah baaqyada nabadeed ee loo jeediyay dhinacyada isku haya halkaasi, isaga oo xasuusiyay in aysan marnaba ka tallaabin xeyndaabka nabad-galyada, islamarkaana ay miiska wada-hadalka iskugu imaadan, si ay xal uga gaaraan waxxa ka dhaxeeya.

Sidoo kale xoghayaha fulinta urur-goboleedka IGAD, Dr Workneh Gebeyehu ayaa waxa ku baaqay in dhinacyada hubeysan ee Suudaan ku hardamaya ay ilaaliyaan xasilloonida, iyada oo colaadda lasoo afjaro, lagana wada-hadlayo dhamaan waxyaabaha la isku hayo ee keenay gacan ka hadalka.

Waxaa qasan xaaladda magaalada Khartuum, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu sii fiday, iyada oo jugta madaafiicda culus aroornimadii maanta laga maqlayay Omdurman, oo kaabiga ku haysa magaalada Khartoum iyo Bahri oo iyadana ku dhow.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas. Dadka deggan Khartoum ayaa sheegay inay argagax iyo cabsi ku dhacday iyadoo mid ka mid ah uu tilmaamay in rasaas lagu soo riday guriga deriska la ah.

Ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum.

Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn. Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan hawl-maalmeedkooda.

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

Xooggaga Dacmu Sariic ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera.

Daawo: Biixi oo ka warbixiyey dagaallo culus oo maanta dhacay iyo qorshaha socda

0

Galcad (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadalay wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo hadda ka socda bariga gobolka Galgaduud, “Wajigaan waa ka abaabul iyo awood badan yahay wajigii koowaad, ciidanka maanta dagaalamayana cadow ma hor istaagi karo,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in afar maalmood oo lasoo dhaafay ay ku soo jireen howlgal culus oo lagu xoreeyey dhul aad u baaxad weyn oo dhaca xuduuda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Shabaab maanta ay ku laayeen dagaal ka dhacay duleedka Galcad, “Maanta waxay noo aheyd maalin guul, dharbaaxo weyn ayaa ku dhacday Khawaarijta,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa ciidankaan dagaalamaya iyagoo Sooman wuxuu ugu laab-qaboojiyey in guushu dhowdahay oo deg deg loo soo afjarayo kooxda, isagoo sheegay in xog badan uu ka hayo tabar-darrada heysa Al-Shabaab.

“Maanta ciidankeenu wuxuu joogaa dhul aad u muhiim ah, tusaale waxaa idinkugu filan Budbud oo maanta aan qabanay waxay isku socodka Khawaarijta u ahayd muhiim,” ayuu yiri.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay Budbud lagu samey jiray qaraxyada oo madaxda ugu sareysa Al-Shabaab ay deganaayeen, “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa ciidanku wuxuu ku socdaa si xowli ah, waxaana ku ciidi doonaa magaalooyin waaweyn oo hadda ka maqan gacanta dowladda,” ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa u mahad celiyey shacabka oo uu sheegay inay ku garab siiyeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, “Maalin kasta waxaa xogta na siiya dhacabka, ilaa Ceelbuur kuwa naga soo wacaya waxaan leenahay deg deg ayaan idiin soo gaareynaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Xogta ugu muhiimsan ee shacabka ay ka helaan ayuu ku sheegay miinooyinka ay wadooyinka geliyaan, oo sida uu sheegay ay marar badan uga badbaadeen gacan siinta ay ka helayaan shacabka.

“Waxaan idiin sheegayaa in maanta Shabaab lagu laayey Janaale, dhacdo taariikhi ah ayaa maanta dhacday, waxay jidka u galeen ciidanka ATMIS, waxaana u gurmaday guutada 14-ka October, waxaana halkaas lagu gumaaday cadowgii, waan u hambalyeynayaa ciidanki maanta howshaas qabtay,” ayuu yiri Biixi.

Hoos ka daawo