27.7 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xogta dagaal culus oo galabta ka dhacay duleedka Galcad

0

Galcad (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Galcad iyo Ceel-bacad oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay weerar ku qaadeen Shabaab halkaas isku uruursanayey.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa Caasimada Online u sheegay inay ka war-heleen koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursaneysa deegaan lagu magacaabo Gal-libaax, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Kooxda la weeraray ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay weerar cag-marin ah ku qaadaan ciidanka dowladda ee dhawaan la wareegay Galcad, balse waa la fashiliyey qorshahaas, sida ay saraakiishu noo sheegeen.

Inkastoo saraakiishu aysan shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, hadana kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay waxay sheegtay inay dagaalkaas 8 askari uga dileen ciidamada dowladda, balse weli lama cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas oo soo gaaray Af-furkii.

Ciidanka xoogga dalka ayaa galabta ku guuleystay inay kooxda Al-Shabaab ka saaraan dhulkii howdka ahaa oo ay isku uruursanayeen, waxayna u kala firxadeen dhowr jiho, sida ay saraakiishu u sheegeen Caasimada Online.

Ciidamada dowladda ayaa caawa ku sugan firiisimihii ay Al-Shabaab ka sameysteen degaanka Gal-libaax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana laga hor tegay qorshihii ay kooxdu ku dooneysay inay weeraraan Galcad.

Dagaalka galabta dhacay ayaa ku soo aadaya xilli maanta ay ciidanka xoogga dalka gudaha u galeen deegaanka istaraatiijiga ah ee Budbud oo ah deegaan ku wacan dalxiiska oo hoos taga degmada Ceeldheer.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku guul-dareysatay inay difaacato deegaanadii ay sanadaha badan maamuleysay ee gobollada dhexe, waxayna deegaan kasta ka baxaan markii ay ka war helaan inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda.

Ciidankii ay dowladda Soomaaliya ka dirtay Muqdisho ayaa ka talaabay Sh/Dhexe, iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin Al-Shabaab ayey gudaha u galeen Galgaduud, waxayna hadda waqooyi-galbeed u dhaafeen degmo xeebeedka Ceeldheer.

Maalmaha soo socda waxaa la qorsheynaa in ciidankaan ay xoreeyaan degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaano kale oo muhiim ah, sida Ceelgaras iyo Ceel-lahelay oo sanado badan ay Shabaab xukumayaan.

 

 

Sawirro: Ergeyga cusub ee uu magacaabay XASAN oo qaaday tallaabadii u horeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA.

Waare ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda.

Ergeyga iyo guddoomiyaha ayaa wada qaatay kulan saacado qaatay, iyaga oo ka wada-hadlay xaalada guud ee dalka iyo qoddobo kale oo muhiim ah.

Kulankaan ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saaray sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga saaray iyo wada-shaqeyn dhexmarta hay’adda iyo xafiiska ergeyga.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa ergeyga ka xogsiiyey shaqada hay’adda oo muddo kooban jirta waxa u qabsoomay.

Ugu dambeyntiin waxa uu ergeyga kaga mahad-celiyay madaxda hay’adda SODMA soo dhawaynta loo sameeyay, isaga oo ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay in xafiiskiisa iyo hay’addaan ay yeeshaan wada-shaqan xooggan.

Wada-shaqeynta cusub ee SODMA iyo xafiiska ergey Waare ayaa ku qotomta sidii gargaar loola gaari lahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegannada iyo degmooyinka la xoreeyay, sida uu sheegay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishaan u magacaabay Waare xilkan cusub ee uu hadda ku howl-galayo, wuxuuna hadda ka shaqeynaya sidii gurmad loo gaarsiin lahaa deegaanadii kooxda Al-Shabaab laga saaray.











Xubno Al-Shabaab ah oo qorshe halis la damacsanaa ATMIS oo lagu laayay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duleedka Jannaalle gobolkaasi lagu laayay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inay fuliyaan qorshe ka dhan ah ciidanka ATMIS.

Ciidanka xoogga dalka ayaa laayaay xubnahaasi Shabaab-ka oo la sheegay inay doonayeen inay jidka u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa laga soo xiganayaa inay halkaas ku dileen ugu yaraan 10 dagaal-yahaan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka Soomaaliya.

Isku-deyga Shabaab ee la fashilayay ayaa imaanaya xilli ay dib u billowdeen howl-galladii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo ay dowladda ka sheegatay guulo horleh.

Dowladda ayaa sheegtay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, uuna si hordhac ah u billowday wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inay qeyb ka noqdaan ciidan ka socda dalalka deriska.

“Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.

Madaxweyne Xasan oo shir saddex geesood ah uga qayb-galay Addis Ababa + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa ka qaybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, kaas oo maanta ka dhacay magaaladaasi.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihion iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, isaga oo shaaciyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab oo halis ku ah gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay madaxda shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalka ee Al-Shabaan, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Talyaaniga iyo Itoobiya, Marwo Giorgia Meloni iyo Abiy Axmed ayaa dhankooda bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay xuseen ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan dalalka dariska la ah Soomaaliya ee la isku yiraahdo waddamada safka hore.

Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda billow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan.

Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul wasaare Xamza oo gaaray Sacuudiga + Sawirro

0

Jiddah (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Safarkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinaya qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada, ayada oo ay soo dhaweyn u sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Riyad.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta gudahashada Cimrada oo maalyiin muslimiin ah ay Bisha barakeesan ee Ramadaan gaar ahaan tobanka dabe ay ku gudanayaan acmaasha Magaalada Barakeysan ee Makah ee dalka Sacuudiga.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay socdaalkan, ayada oo ra’iisul wasaaruhu u duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu duceeyay Ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo colaadda, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isaga oo fariin u diray ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan uu noqon doono sanadka guusha, isla-markaana Al-Shabaab laga xoreyn doono dalka oo dhan.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in sanadkan uu noqon doono Gugii Guusha oo geesiyaasha ciidanka qalabka sida iyo shacabka oo wada jira ay uga xoreyn lahaayeen dalka Khawaarijta dhiigga ummadda daadinayay muddo 15 sano ah.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare uu la kulmo madaxda sare ee Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo kala hadlaya xiriirka labada waddan.

Si kastaba, ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa sanadkaan ka mid noqday malaayiinta qof ee Bishaan Barakaeysan Ramadaan ku cimreesanaya magaalada Makka ee dalka Sacuudiga.

Daawo: DF oo guul weyn ka sheegatay howlgallada ka socda degaanada Galmudug

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug.

General Caanood ayaa shaaca ka qaaday in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

“Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Caanood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

“Saaka wuxuu sidoo kale ciidanka si buuxda ula wareegay deegaanka Budbud, waana tuulo weyn dad badanina dagan yihiin,” ayuu sii raacyay afhayeenku.

General Cabdullaahi Cali Caanood oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tani tahay dharbaaxo kale oo ku dhacday Al-Shabaab, isla-markaana dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay billowdo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.

“Howlgallo kale ayaa imaan doono, taasina waxaa weeye dharbaaxo hordhac ah oo ciidanka Xoogga dalka u geysanayo cadowga,” ayuu markale yiri General Caanood.

Xaaladda deegaanada lala wareegay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.

Somalia, Ethiopia, Italy unite in tripartite talks

ADDIS-ABABA, Ethiopia (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud touched down in Addis Ababa, Ethiopia, for a pivotal tripartite meeting with Ethiopia and Italy to bolster diplomatic, economic, and security ties.

This visit follows the Ethiopian Ministry of Foreign Affairs’ recent report on Somali-Ethiopian relations and a visit to Somalia by Ethiopia’s Vice President.

A foundation for dialogue

Earlier this month, Adam Farah, Vice President of the Prosperity Party, led an Ethiopian delegation to Mogadishu, Somalia.

The group was greeted by Abshir Omar Jama, Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, and Mukhtar Muhammad Ware, the Federal Republic of Ethiopia’s Ambassador Plenipotentiary to Somalia.

The delegation’s primary objective was to convey a message from Ethiopian Prime Minister Dr. Abiy Ahmed to President Mohamud.

Furthermore, the group explored ongoing concerns related to the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) and various bilateral issues, including the League of Arab States’ Council of Ministers’ resolution on GERD, passed on March 9, 2023.

Standing united in the face of conflict

In response to Egypt’s choice to involve the Arab League in the GERD dispute—circumventing the African Union—Ethiopia expressed its disapproval.

President Mohamud emphasized Ethiopia’s long-standing commitment to peace in Somalia, expressing gratitude for his people and government.

Additionally, President Mohamud highlighted Somalia’s unwavering position on the Renaissance Dam issue, urging the concerned nations to pursue dialogue and settle their differences.

He acknowledged Somalia’s dependence on Ethiopian water resources and called for talks on joint management of these shared assets.

Mohamud also lauded Ethiopia’s advancements in irrigated wheat production and assured that Somalia would not engage in actions detrimental to Ethiopia.

Forging a united path towards shared Goals

President Mohamud’s visit will include discussions to refine cooperation among the three countries and synchronize their strategies to tackle common challenges.

The leaders intend to devise practical solutions to issues faced collectively by their nations.

President Mohamud remarked, “This gathering is an opportunity to reaffirm our commitment to working together for the benefit of our respective nations and to emphasize the importance of dialogue in resolving disputes and fostering lasting peace.”

The Addis Ababa tripartite meeting represents a significant stride towards fostering enhanced cooperation and mutual support among Somalia, Ethiopia, and Italy as they join forces to confront pressing regional and global challenges.

With dialogue at the heart of their efforts, these nations exemplify the power of unity in overcoming adversity.

Explosive device hurled at Japanese PM Kishida’s rally

TOKYO, Japan (Caasimada Online) – Japanese Prime Minister Fumio Kishida narrowly escaped harm after an explosive device was thrown in his direction while campaigning at Saikazaki port in Wakayama prefecture on Saturday.

The incident, reminiscent of former Prime Minister Shinzo Abe’s assassination nine months ago, has sent shockwaves through Japan’s political landscape.

Kishida had been visiting the port to support his ruling party’s candidate in a local election.

Suspect apprehended at the scene

Following the incident, a young man, believed to be the suspect, was arrested at the scene after allegedly throwing “the suspicious object,” according to Chief Cabinet Secretary Hirokazu Matsuno.

Matsuno declined to provide details about the suspect’s motive and background, stating that the police are still investigating.

TV footage captured the dramatic scene, showing Kishida’s security detail reacting to the explosive as several people, including uniformed and plainclothes police officers, subdued the suspect.

The man appeared to be holding another device, a long silver tube, before being tackled by the officers.

Explosive details and reactions

Although the exact nature of the explosive device remains unclear, some reports suggest it was a smoke or pipe bomb, possibly with a delayed fuse.

No injuries were reported in the incident, which occurred on the eve of a major international forum in Japan.

Kishida was unharmed and continued to give campaign speeches later that day, Matsuno confirmed.

“Elections are the core of democracy, and we should never tolerate threats or obstruction by violence,” Matsuno said.

He also instructed national police to ensure the utmost effort to protect dignitaries visiting Japan leading up to the Group of Seven (G-7) summit in May.

In light of Abe’s assassination, which exposed security shortcomings for political leaders, police have tightened protective measures.

The nation is also ramping up security as senior diplomats from some of the world’s most powerful democracies arrive for Sunday’s G-7 foreign minister meetings hosted by Kishida in Hiroshima.

Saturday’s attack precedes nationwide local elections, including several by-elections for vacated parliamentary seats, with voting scheduled for April 23.

Abe’s assassination and aftermath

During a campaign speech, Abe’s assassination was carried out using a homemade gun.

The suspect, Tetsuya Yamagami, has been charged with murder and several other crimes, including violating gun control law.

Yamagami told investigators that he targeted Abe due to the former prime minister’s alleged links to a religious group he despised.

Abe’s assassination led to the resignation of top local and national police chiefs and the tightening of security guidelines for political leaders and other prominent figures.

Kishida’s government was hoping to direct world attention to the hot spring resort town of Karuizawa, where senior diplomats will gather on Sunday for the G-7 foreign ministers’ meeting.

Foreign ministers from Japan, the United States, the United Kingdom, France, Germany, Canada, Italy, and the European Union are expected to focus on concerns over Russia’s war in Ukraine, China’s increasingly aggressive rise, and North Korea’s provocative weapons tests.

Qorshaha lagu sugayo amniga Muqdisho oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka oo dadaal badani ku bixineysa sugidda amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in uu bilowday qorshaha lagu doonayo in nabad loogu soo dabaalo caasimadda.

Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in qorshaha lagu xasillinayo amniga magaalada ay iska kaashanayaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwa Nabad Sugidda iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidamadan ay si toos ah uga amar qaadan doonaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin.

“Ciidanka Nabad Sugidda, Booliska iyo Ciidanka Militariga hadda waa hal mid oo ka amarqaata Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Marka waa ciidan mideysan oo hal talis leh, magacyadoodaa kala duwan, laakiin waa hal ciidan, wixii xasillin ee magaaladana waxaa xukuma Taliyaha Booliska oo hoos yimaadaan,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga.

Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in ciidamadan ay barro amni ka sameysteen gudaha iyo dibadda magaalada, si looga hortaggo weerarada maleeshiyada Al Shabaab.

“Hadda xeendaabkii dagaalka waa la fogeeyay, caasimadda culeyskii waa laga qaaday, Shabellooyinka iyo meel walba dagaal baa cadowga kaga socda, waxaan is leenahay qorshahaan boqolkiiba boqol (100%) waa ka fiicnaanayaa kii hore, Insha’Allah,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Waxa uu intaa ku daray “Waa bil Ramadaan’e, Ilaahay wax fiican baa laga baryaayee, waxaan fileynaa qorshahaan inuu noqdo qorshihii magaala madaxda Muqdisho ay nabadda ku noqon laheyd.”

Xagaa ayaa xusay in ciidamada ku sugan bannaanada magaalada ay magaalada ka difaaci doonaan Shabaabka soo gelaya, halka kuwa gudaha ku sugana ay beegsan doonaan, kooxaha amni darrada ka gaysanaya.

“Haddii aan xeendaabka magaalada la xirin oo cadowga dibadda ka imaanayay aan laga difaacin magaalada, kan gudaha ku jira keligii lama xasillin karo,” ayuu yiri Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga. 

“Ciidanka laba qaybood bay u qaybsan yihiin, qayb xeendaabkii magaalada xireysa oo ilaalineysa, wixii cadow ah ee magaalada soo geli lahaa iyo mid gudaha ah, oo la shaqeynaya Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Saldhigyada. Marka Gobolka Banaadir iyo ciidankana way wada shaqeynayaan.”  

Sawirro: HAYAT MARKET oo kusii fidaysa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa si wadajir ah xarigga ugu jaray xarunta 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall, oo laga hergeliyay Degmada Boondheere.

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay ganacsatada Suuqa Xayaat Mall sida ay ugu dhiiradeen balaarinta Ganacsigooda, asigoona ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan Maalgashiga dalkooda, si loo helo kobac dhaqaale iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa sheegay in isbedelka amni iyo horumarka ka jira  Muqdisho ay suuragelisay in Ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiiradaan maalgelinta suuqyo waaweyn oo ay bulshada baahi u qabeen, taasi oo caasimadda Muqdisho u horseedeysa in ay la tartanto caasimadaha kale ee aduunka.

Munaasabadan xarig jarka faraca 3-aad ee Suuqa Xayaat Mall ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Haweenka, Ganacsato, Qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.

Xayaat Mall ayaa horey magaalada Muqdisho uga hirgalisay labo xarumo waa weyn oo ganacsi, waxa ayna xarunta saddexaad laga hirgaliyay degmooyinka dhaca dhinaca waqooyi oo aad ugu baahnaa Suuqa Xayaat Mall.

Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Japan oo qarax lagu weeraray

Tokyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa laga soo saaray goob fagaare ah, ka dib markii lagu tuuray wax u muuqday bam qiiq ah.

Qof ayaa lagu xiray goobta oo ku taal Wakayama, halkaasoo lagu waday in Mr Kishida uu khudbad ka jeediyo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ay arkeen qof wax tuuraya, kadibna uu qiiq ka baxay

Sidoo kalwle ayaa sheegay in ay maqleen jug weyn. Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Booliska ayaa sheegay inay qof u qabteen falkaas, balse ilaa hadda way ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Warbaahinta Japan, NHK, ayaa ka soo xigatay Mr Kishida in uu yiri “qarax weyn” ayaa ka dhacay goobta.

Booliska ayaa baaraya qaraxa iyo waxa uu yahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan raaligelin u diro dadkii goobta isugu yimaaday ee ay dhacdada saameysay..” ayuu raaciyay.

Horay waxaa sidaan oo kale waxaa toogasho loogu dilay ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe, kadib markii la dilay isaga oo ku sugan goob uu markaas ka socday olole doorasho.

Al-Shabaab oo dhexdooda ‘ku dagaalamay’ gobollada Jubbooyinka + Khasaaraha

0

Jilib (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab, saddexdii cishe ee lasoo dhaafay ku dhex-maray dhulka hoodka ah ee gobollada Jubbooyinka ee Jubbaland.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen horhooge lagu magacaabo Ismaaciil Baarow oo ka gadooday kooxda iyo xubno kale oo wadada u galay.

Sarkaalkan oo ay la socdeen maleeshiyaad kale ayaa dagaal kula galay xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Yaaq Shabeel oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkaasi.

Warbaahinta qaranka ayaa ku warrantay in xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay dilaan sarkaalka baxsadka ah, balse uu iska difaacay.

Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 10 ka tirsanaa kooxda dhexdeeda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida warisay warbaahinta dowladda.

Xaalada ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xubno kale oo gurmad ah ay ka baxeen dhanka degmada Jilib, kuna sii jeedaan aagga lagu dagaalamayo, waxaana warbaahinta qaranka ay shaacisay in xubnaha weerarka qaaday ay si gaar ah u hoostagaan Mahad Karataay oo kamid ah sarakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ee saameynta ku leh Shabaab.

Todobaadkii hore ayaa sidoo kale xubno ka tirsan Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Si kasababa, dagaalladan ka dhex-qarxay Al-Shabaab ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan kooxda ay wajaheyso guluf dagaal oo uga imaanayo dowladda dhexe iyo dadka deegaanka.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Giorgia Meloni?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah oo ay ka qeyb-qaadanayaan dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, maadama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika. 

Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska, waxa ayna soo bandhigtay garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Addis-Ababa uga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsanayaan dib u habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.

 Madaxda seddaxda dalka ayaa shirkaas ku gorfeyn doona xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

KENYA oo ‘ka xumaatay’ hadal kasoo yeeray QM

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa “ka xumaatay” hadallada ku saabsan madaxweyne William Ruto oo la sheegay inay kasoo baxeen ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kuwas oo ku soo baxay dukumeentigii sirta ahaa ee Mareykan, kaas oo si qarsoodi ah loo dusiyay, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah Jimcihii.

BBC-da oo soo xiganaysa dukumeentiga la faafiyay ayaa toddobaadkan sheegtay in Aamina Maxamed ay u sheegtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres bishii February in Ruto uu yahay ‘mid aan naxariis lahayn’ oo aanay ku kalsoonayn.

Nairobi ayaa xuddun u ah hawlgalada Qaramada Midoobay.

Korir Sing’oei, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa mar wax laga weydiiyay hadalka Aamina Mohammed, waxa uu ku tilmaamay ‘mid laga xumaado’, isagoo sidoo kale xusay in “Kenya ay aad u neceb tahay inay si qarsoodi ah u duubto madaxda Qaramada Midoobay”.

Sing’oei ayaa sheegay in Ruto uu sii wadi doono dadaalkiisa caalamiga ah ee wax ka qabashada isbedalka cimilada, dib u habeynta hay’adaha maaliyadeed ee caalamka iyo inuu hormuud ka noqdo arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa Jimcihii sheegay in “si khaldan looga been sheegay” hadalka Aamina Maxamed, “lagana saaray nuxurka macnaha guud”.

Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Martin Kimani, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Jimcihii inuu la hadlay Guterres iyo Aamina Maxamed “si ay u caddeeyaan waxa ay walaac ka qabaan” iyo in ay u muujiyaan diidmada Kenya ee la socodka dhaqdhaqqyada xog-hayaha guud.

VOA + Reuters.

Galmudug oo war kasoo saartay howlgalka ay ciidanka DF ka wadaan Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray duulaanka ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaan ay ku wiiqayaan awoodii kooxda Al-Shabaab ee gobollada dhexe, waxaana warkaan lagu cadeeyey in ciidanku ay kooxda ka xoreeyeen deegaano badan.

“Waxaa u mahadcelinayaa ciidamada xoogga iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka oo kooxda khawaarijta ah ka xoreeyay dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Galguduud, sida degmada Galcad, magaalo dalxiiseedka Budbud, magaalada Ceelyabaal iyo ku dhawaan 20 tuulo, kuwaas oo ku jiray gacanta Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Qoraalka Galmudug ayaa intaas ku sii daray, “Wajiga labaad ee howlgallada ayaa si xowli ah uga socdo Galmudug, waxayna ciidamadu kusii siqayaan degmada facaweyn ee Ceelbuur iyo deegaannada ku hareereysan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan firxadka Khawaarijta.”

Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab kala wareegay tuulada Ceel-Cali Xasan oo hoos tagta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey Weriye Abdulahi Warsame Roble.

Taliyaasha guutooyinka 3-aad iyo 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Saney Cabdulle iyo Ibraahim Yuusuf ayaa hoggaaminaya howlgalka galabta lagu xoreeyey deegaankaas cusub.

Saraakiisha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulada ay qabteen ee Ceel-Cali Xasan iyo deegaanadii ay horay uga xoreeyeen kooxda oo maanta ay ka ruuqaan-sadeen.

Sida ay saraakiil ka tirsan Gor Gor u xaqiijiyeen Caasimada Online ciidanka ayaa maanta gudaha u galay degaanka Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer.

Balse ciidanka ayaa isla maanta ka soo laabtay deegaankaas, wax iska caabin ah ciidanku kalama kulmin Shabaab-kii ka cararay Budbud, balse waxay saraakiishu noo sheegeen in xeelad ciidan ay markii dambe uga soo baxeen deegaankaas.

Berri oo Sabti ah ayaa la qorsheynayaa in duulaan kale lagu qaado Budbud, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, wuxuuna deegaankaan muhiim u yahay howlgalka xoreynta ah ee Galgaduud ka socda.

Ciidanka xoogga oo galabta Al-Shabaab ka xoreeyey deegaan kale oo muhiim ah

0

Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab kala wareegay tuulada Ceel-Cali Xasan oo hoos tagta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaasha guutooyinka 3-aad iyo 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Saney Cabdulle iyo Ibraahim Yuusuf ayaa hoggaaminaya howlgalka galabta lagu xoreeyey deegaankaas cusub.

Saraakiisha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulada ay qabteen ee Ceel-Cali Xasan iyo deegaanadii ay horay uga xoreeyeen kooxda.

“Khawaarijta oo u adkeeysan waysay cududa ciidanka xooga dalka iyo dadka deegaanka ayaa baneeyay in ka badan 20 fariisin oo ay ku la haayeen deegaanada hoos taga magaalada Galcad,” ayaa laga soo xigtay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Howlgalka lagu xoreeynayo deegaanadaas ka tirsan gobolka Galgaduud waxaa qayb ka ah Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Axmed Maxamed Cali Afcadeey iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Sida ay saraakiil ka tirsan Gor Gor u xaqiijiyeen Caasimada Online ciidanka ayaa maanta gudaha u galay degaanka Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer.

Balse ciidanka ayaa isla maanta ka soo laabtay deegaankaas, wax iska caabin ah ciidanku kalama kulmin Shabaab-kii ka cararay Budbud, balse waxay saraakiishu noo sheegeen in xeelad ciidan ay markii dambe uga soo baxeen deegaankaas.

Berri oo Sabti ah ayaa la qorsheynayaa in duulaan kale lagu qaado Budbud, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, wuxuuna deegaankaan muhiim u yahay howlgalka xoreynta ah ee Galgaduud ka socda.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo Addis Ababa u tegay sameynta isbaheysi cusub

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaas uga qayb gelaya shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxay ka arrinsanayaan dib u habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.

 Madaxda seddaxda dalka ayaa shirkaas ku gorfeyn doona xal u helidda caqanadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.

Sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol ayey dowladda Soomaaliya ku soo bandhigi doontaa shirkaas.

Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda bilow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan.

Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hoos ka daawo soo dhaweyntii wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya

DF oo shaacisay in Shabaab ay weyday xubno cusub oo ay qorato lix arrin darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay weyday maleeshiyaad cusub oo ay qorato, sababo la xiriir lix arrimood oo ay soo bandhigtay.

Dowladda ayaa waxay sheegtay in kooxda ay lumisay dagaal-yahaano badan oo daacad u ahaa, kadib markii ay badatay dhalinyarada iska soo dhiibaysa ee usoo galeysa dhanka dowladda, oo ayadu fursad ay fikirkaas uga soo laaban karaan siisay dhalintaas.

“Dhaqaalihii Khawaarijta Al-Shabaab soo gali jiray ayaa si aad ah hoos ugu dhacay, waana mid kamid ah sababaha ay kooxda u weysay Maleeshiyaad cusub oo ay qortaan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxay sheegtay dowladda federaalka in cadaadis xoog leh oo kooxda Al-SHabaab ay saartay dagaal-yahaanadeeda ku harsan ay sabab u noqotay in lagu hiran waayo xilligaan, “Cadaadis xoog leh oo Khawaarijtu ay saarayn maleeshiyaadka ay ku halaagayaan dagaalada xaqdarada ah.”

“Weerarada lagu qaadayo deegaanada ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta iyo dhimashada oo ku batay,” ayaa kamid ah sababaha lixda ah ee ay dowladdu sheegtay inay meesha ka saartay in Al-Shabaab ay hesho dhalinyaro cusub oo ka barbar dagaalama.

Dadka Soomaaliyeed ayay sheegtay inay fahmeen dhagarta kooxda, sidaas darteedna aysan xilligaan ku dhex dhuuman karin, maadama ay dadka deegaanka ah ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Dhulka ay ka joogayn dalka oo soo yaraanaya tan iyo markii ay howl-galadu bilowdeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Hoos ka aqriso

Khawaarijta Al-Shabaab oo waayey Maleeshiyaad ay qortaan sababo la xiriira qoddobadaan.

  1. Waxaa badatay dhalinyaradda iska soo dhiibaysa Khawaarijta.
  2. Dhaqaalihii kooxda soo gali jiray oo hoos u dhacay.
  3. Cadaadis xoog leh oo Khawaarijtu ay saarayn maleeshiyaadka ay ku halaagayaan dagaalada xaqdaradda ah.
  4. Weeraraada lagu qaadayo deegaanada ay dhuumaalaysanayeen Khawaarijta iyo dhimasho oo ku batay.
  5. Dadka Soomaaliyeed oo fahmay dhagarta Khawaarijta.
  6. Dhulka ay ka joogayn dalka oo soo yaraanaya tan iyo markii ay howl-galadu bilowdeen.

Ergeyga Madaxweynaha oo Mareykanka uga qeyb-galay kulan muhiim u ah Somalia

0

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb-galay dood la xariirtay sidii xal loogu heli lahaa sugnaanta cuntada dunida, kaas oo barbar socday shir ka dhacay magaalada Washington.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Bangiga Adduunka (WB) iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah mid sanadle ah, islamarkaana loogu magac daray Kulamada Gu’ga (Spring meetings).

Sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay madaxa Hey’adda Ganacsiga Adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, Wasiirrada Horumarinta Caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray siyaabaha wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cuntada oo ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is-hareer yaal ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunto yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye.

Waxa uu xusay in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal ahmiyad juqraafi siyaasadeed leh iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.

Ergeyga ayaa horraanba muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga,macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida cunto yarida, loogana kaaftoomo gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.

“Dooddayda waxaa sal u ahaa in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi oo keli ah ahayn ee ay haysato khayraad dabiici ah, macdan qaali ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, kuna taalo meel ahmiyad juqraafi istaraatiiji ah leh, dadkeeduna u badanyahay dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka kadib soo saaray qoraal kooban.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Haddaba cid kasta oo maanta culayska iyo caqabadaha naga horqaada, mustaqbalkana nala maalgashata waxaa hubaal ah inay ku faa’iidi doonto.”

Si kastaba, Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo sanadkaan ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, cirib-tirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka iyo dhacdooyin kale oo diiradda saaraya horumarka caalamiga ah iyo hanaanka maaliyadeed ee dunida.

Odinga oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo ka dhan ah dowladda dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Mucaraadka Kenya ayaa ku dhowaaqay in dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda ay dib u billaabmi doonaan markii ay dhamaato bisha barakeysan Ramadan, inkasta oo uu jiro heshiis wadahadal oo ay kula jiraan xisbiga talada haya.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka ka qeyb-galay kulan ka dhacay caasimadda, ayaa sheegay in waqtiga dib u billaabashada dibad-baxyada lagu dhowaaqi doono kadib Ramadaanka oo la filayo inuu dhammaado Jimcaha soo aadan.

Waxaa la qorsheeyey dibadbax ka dhacaya barxadda taariikhiga ah ee Kamukunji ee caasimadda, halkaasi oo nidaamka xisbiyada badan looga dhowaaqay sagaashamaadkii.

Mucaaradka ayaa horey dibadbaxyada u agaasimay laba jeer toddobaadkii, kuwaasi oo ay ku dhinteen afar qof, islamarkaana horseeday in la xiro ganacsiyada faras magaalaha.

Intii ay socdeen dibad-baxyada, macbadyo ku yaalla deegaanka uu ku xooggan yahay Odinga ee Kibera iyo hanti ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa dab la qabadsiiyey.

Dibadbaxyada ayaa looga dan lahaa in dowladda lagu cadaadiyo inay hoos u dhigto sare u kaca qiimaha nolosha iyo in guddiga doorashada ay dib u furaan kombuyuuterada doorashada 2022, oo mucaaradka ay diideen inay aqbalaan natiijadeeda.

Madaxweyne William Rut, oo la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashooyinkaas, ayaa khudbad uu jeediyey 2-dii April wuxuu ku booriyey mucaaradka inay joojiyaan dibadbaxyada, ayna ogolaadaan wadahadallada.

Odinga ayaa kadib hakiyey dibadbaxyada, waxaana labada dhinac ay magacaabeen koox siyaasiyiin ah, kuwaasi oo eegaya arrimaha ay soo jeediyeen mucaaradka.

Hase yeeshee mucaaradka ayaa maalmihii dhowaa ku eedeeyey dowladda inaysan ka go’neyn islamarkaana dhab ka aheyn wadahadallada, ayaga oo su’aalo ka keenay shaqsiyaadka ay soo magacaabeen xisbiga talada haya oo ay ku jiraan xubno horey uga soo goostay mucaaradka.

Odinga ayaa hadda sheegaya in dibadbaxyada ay garab socon doonaan wadahadallada.

Mucaaradka ayaa ku baaqaya in wadahadallada ay ka qeyb galaan saamileyda kale sida bulshada rayidka, hase yeeshee xisbiga talada haya ayaa ku adkeysanaya in hanaankan uu noqdo mid baarlaamaani ah.

Safiirada reer galbeedka iyo kooxaha bulshada rayidka ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo wadahadallo intii ay socdeen dibadbaxyada.

AP + VOA