27.7 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Daawo: DF oo wafdi u dirtay Galcad iyo xogtii u dambysay ee howlgallada Galgaduud

0

Galcad (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa safar ku tegay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanada kala ah Yaasiin Farey, Cabdirisaaq Xusul iyo Senator Zamzam Daahir ayaa hoggaaminaya wafdiga gaaray Galcad oo ah degmadii ugu dambeysay ee laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanada ayaa markii ay tageen Galcad waxay la kulmeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ee suurta galiyey in Galcad ay si nabad ah ku tagaan xildhibaano heer federaal ah.

Xildhibaanadaan oo ka soo jeeda Galcad, Mesegawaa iyo Ceeldheer ayaa hey’adaha deeq bixiyayaasha ah ugu gacan haatiyey in loo soo gurmado qoysaska ku nool deegaanadaas oo noloshoodii ay burburisay kooxda Al-Shabaab.

Kooxda oo waayo badan heysatay dhulkaas ayaa deegaanadaas u diiday wax hormar ah, waxayna xildhibaanadaan u kuur gelayaan nolosha dadkii ku noolaan, kadib markii laga xoreeyey Al-Shabaab.

“Hey’adaha deeqda bixiya deegaanada kalena waa geeyaan waxa ay hayaan, laakiin waxaan ka codsaneynaa inay Galcad iyo deegaanadaan la soo gaaraan gargaar, noloshii dadkaan waxaa dhulka la gashay kooxdii ay ka dul-qaadeen geesiyaasha xoogga dalka,” ayey tiri Senator Zamzam Daahir.

Xildhibaanada ayaa ciidanka xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanad-guuradooda 63-aad oo sanadkaan ay ku qaadanayaan furimaha dagaalka, maadaama aysan u suurta gelin inay dhigtaan xaflado waaweyn oo dagaal adag ay kula jiraan Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaa duurka fog ee gobolka Galgaduud ku sii baacsanaya kooxda Al-Shabaab, waxayna saacadihii lasoo dhaafay kooxda ka saareen dhowr deegaan oo hoos tagta Galcad.

Cali-yabaal, Sabansabley, Ceeljuqow, Cali Afrax, Ceel-Afweyn iyo deegaano kale oo muhiim ah ayuu ciidanku ka xoreeyey kooxda 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxayna maanta kaabiga ku hayaan degaanka Budbud oo kooxda Al-Shabaab ay weli joogto.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka xoogga dalka ayaa Caasimada Online u sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, welina gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Amarkii Xasan Sheekh oo laga dhaqan-gelinayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay si rasmi ah u dhaqan-gelinayaan amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus noocyadiisa kala duwan.

“Anaga oo ka amba-qaadeyna hadalkii madaxweynaha, hay’addaha amaanka ee laga rabo inay fuliyaan awaamiirtaas ayay kow ka yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sida ay tahay ayaa loo fulinaya amarkaas,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumim

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay inuu billowday howl-galka, isaga oo ku wargeliyay ciidamada kala duwan ee magaalada ku dhex wata hubka inay uga soo tagaan xeryahooda.

“Ciidamada qoryaha magaalada ku dhex wata waa inay xeryaha uga soo tagaan qoryaha, haddii ay ahaan lahaayeen Boolis, Nabad-sugida, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga. Magaalada laguma arki karo qori aan ka diiwaan-gashaneyn ciidanka, qof shacab ah oo qori watana lama ogol.”

Taliye Mahdi ayaa sidoo kale wuxuu ka digay in ciidamada dowladda ay qeyb ka noqdaan falalka amni darro ee kala dagaalamayaan caasimadda dalka ee magaalada Muqdisho, “Askari kasta oo socda oo la qabto inuu xabsi galaayo oo la xirayo.”

Waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta dowladda aysan weli u hogaansamin amarkii dhawaan soo baxay, oo weli caasimadda ku dhex wataan hubka culus noocyadiisa kala duwan, islamarkaana lagala xisaabtamo doono arrintaasi.

“Masuulkii inta BKM iyo Dashiike isaga oo wata inta la joojiyo xabad bilaaba, askariga qoriga wata lasoo xiri waayo iyo wiilka istaafka ah ee waxaa lasoo xiraa oo loo haysta masuulka ay waardiyeynayaan, isaga ayaa loo eedeyna oo maxkamadda looga waca.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya oo kusoo badanaya magaalada Muqdisho xilli lagu guda-jiro bisha Ramadaan, ayna tallaabo adag ka qaadi doonaan, “Goobaha fawaaxishada ah iyo waxyaabaha maanka-dooriyo lagu isticmaalo waa mamnuuc, lamana ogola waa la xirayaa.”

Ciidamada DF iyo shacabka oo ‘howl-gal cagmarin ah’ kula wareegay degaano horleh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xooga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa cagta mariyay ku dhawaad 10 tuulo oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 4-aad ee qaybta 27-aad ee Ciidanka xooga dalka Korneyl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howl-galka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay.

“Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah janno ayaan doonaynaa hannaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka,” ayuu yiri Korneyl Saneey Cabdulle oo farriin culus u diray Shabaab-ka firxadka ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku cibaadeeysanayaan bisha Soon-qaad, ayna sii kordhinayaan howl-gallada ka dhanka ah ee looga xoreynayo dalka, iyaga oo ugu tegaya halka ay ku sugan yihiin, sida uu sheegay.

Ciidanka xoogga dalka ayaa shalay si buuxda ula wareegay tuulooyinka Ceel-Afwayn, Sabansabley iyo Cali-Yabaal oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay joogeen in ka badan 15 sano.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga carartay dhamaan deegaanadaas iyagoo aan dagaalamin, taas oo ciidanka u sahashay inay si nabad ah gacanta ugu dhigaan deegaanadaas.

Dhamaan dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaanadaas ayaa isaga qaxay, iyagoo cabsi ka qaba in lagu dul dagaalamo, waxayna saraakiisha ciidanka xoogga dalka noo sheegeen inay deegaanka dib ugu soo celinayaan dadkii ka qaxay.

Sidoo kale waxaa socda abaabul culus oo ciidanku ay ugu diyaar garoobayaan xoreynta deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Deegaanada ugu muhiimsan ee hadda ay ciidanku qorsheynayaan inay kooxda ka saaraan waxaa ka mid ah deegaanka Budbud oo bulsho badan ay ku nooshahay, aadna istaraatiiji u ah.

Duulaankaan oo ah mid si weyn u abaabulan ayaa hadda kadib ku socanaya saf-balaaran, maadaama ciidankii ka baxay Aadan-yabaal, Al-kowthar ilaa Daarunicma ay Al-Shabaab ka xoreeyeen Galcad iyo deegaanada ku hareereysan.

Hadda waxaa siman oo si saf-balaaran ah ku socon doona duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay Sh/Dhexe, islamarkaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.

Si kastaba, Wejiga 2-aad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u billowday, iyada oo wejigan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada dalalka deriska, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalkan oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.

Sawirro: Ilaalada gaarka ee Madaxtooyada iyo Xasan oo tababar loogu soo xiray Serbia

0

Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaaladda Belgrade ee dalka Serbia tababar ugu soo xiray qaar ka tirsan ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS.

Munaasabadda xiritaanka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Serbia Bratislav Gasić, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo saraakiil ka tirsan dugsiga tababarka ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta tababarka loo soo xiray ayaa gaarayay 60 askari oo isugu jiray Saraakiil, Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley, waana kuwa ilaaladda gaar ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Askartan ayaa waxay halkaasi kusoo qaateen tababar heer sare ah oo ku saabsan amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu dowladda Serbia uga mahad-celiyay garab istaaga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isaga oo sheegay in ciidankan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amniga Madaxda Qaranka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Bratislav Gasić ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in ay sii xoojin doonaan tababarada ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay dowladda federaalka Soomaaliya ku garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in guulo muhiim ah ay ka gaareen dagaalkaasi dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku asteysan danaha labada labada.

Guard member detained: Exposing U.S. espionage on allies

BOSTON, USA (Caasimada Online) – The FBI arrested Jack Douglas Teixeira, a 21-year-old U.S. Air National Guard member, on Thursday in connection with the recent leaks of classified documents.

These leaks have caused a significant stir in Washington, revealing the U.S. spying on its allies and potential military vulnerabilities in Ukraine.

The arrest took place in Dighton, Massachusetts, a small, predominantly wooded town approximately 50 miles south of Boston.

Federal agents apprehended Teixeira, dressed casually in gym shorts and a T-shirt, without incident.

Teixeira had been serving as an airman 1st class at Otis Air National Guard Base in Massachusetts, where he had been employed as a Cyber Transport Systems Journeyman, or IT specialist, since joining the Air National Guard in 2019.

Attorney General Merrick Garland informed reporters that Teixeira was wanted “in connection with an investigation into alleged unauthorized removal, retention, and transmission of classified national defense information.”

Teixeira is expected to face criminal charges related to the willful retention and transmission of national defense information.

– Implications of the leaks –

The leaked documents, widely disseminated on social media sites, are considered the most severe security breach since WikiLeaks published over 700,000 documents, videos, and diplomatic cables in 2010.

According to Defense Secretary Lloyd Austin, the Pentagon has established a task force to assess and mitigate any potential damage resulting from the leak.

Brandon Van Grack, a former Justice Department national security prosecutor, now with law firm Morrison Foerster, stated that Teixeira could face up to 10 years in prison, even if he did not intend to cause harm.

“This is someone who is facing on the higher end of exposure for years in prison … because the leaks were so damaging,” Van Grack explained.

– Tracing the source –

Although the New York Times brought the leak to widespread attention on April 6, evidence suggests that the documents had been circulating on social media as early as January or March.

Bellingcat, the Washington Post, and The New York Times have traced the documents’ origins to a defunct server on the instant messaging site Discord.

Teixeira, known as OG in a chat group on the site, was admired by its mostly young members for their shared love of guns and military gear.

The Justice Department launched a formal criminal investigation last week after a referral from the Defense Department, which labeled the leak as a “deliberate, criminal act.”

More than 50 documents marked “Secret” and “Top Secret” have been reviewed by Reuters.

However, their Authenticity has yet to be independently verified. The total number of leaked documents is estimated to exceed 100.

– Global reaction –

Several countries, including Britain, have questioned the accuracy of some of the leaked documents.

The leaks have exposed information about allies such as Israel, South Korea, and Turkey.

While U.S. officials believe most of the materials to be genuine, some documents appear to have been altered to display inflated casualty numbers for Ukrainian forces in the war with Russia and understated figures for Russian troops.

Teixeira is expected to appear in court on Friday, as stated by a spokesperson for the U.S. Attorney’s Office in Boston.

Sawirro: Booliska Muqdisho oo la wareegay gaadiid cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa la wareegay gaadiid cusub, kaasi oo loogu tala-galay xoojinta amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Gadiidkan cusub ayaa waxa Taliska Booliska gobolka ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, waana gaadiid ay aad ugu muhiim ah howl-galada Booliska ee gudaha gobolka.

Gaadiidkan ayaa la sheegay inuu wax badan ka baddali doona baahida gaadiid ee horay ujirtay, si kor loogu qaado howl-gallada lagu sugayo amniga iyo gaafmeerka degmooyinka gobolka Banaaadir.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir G/Sarre Mahadi Cumar Muumim oo la wareegay gaadiidkan ayaa waxa uu sheegay inuu buuxin doono meelo ka banaana howl-gallada Booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in la dhowri doono loona isticmaali doono gaadiidkan cusub ee uu la wareegay taliska Booliska ee gobolka ujeeddadii loo keenay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socday howl-gallo ay ka wadeen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, burcadda iyo kooxaha ciyaal weerada.

Howlgalkan oo loogu magac daray (Garan-waa), ayaa waxaa inta badan lagu beegsanayaa xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo habeenba degmo laga sameeyo howl-gallo amni xaqiijin ah.

Daawo: MORGAN oo kasoo muuqday Martisoor kadib warkii kasoo baxay Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Jeneral Maxamed Saciid Xirsi oo caan ku ah (Morgan) ayaa xalay kasoo dhex muuqday hoteelka Martisoor ee magaalada Garoowe, xilli ay Somaliland u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood.

Muuqaalka laga soo duubay Jeneraal Morgan oo ahaa xilli habeenimo fiidkii oo la sheegay in Salaadda Taraawiixda uu kusoo dukaday masjid ku dhex yaalla hoteelka Martisoor, ayaa waxa uu meesha ka saaraya sheegashadii Somalilad.

“Wasiirka Gaashaandhiga SNM Jananka ha ka been sheegin waa maalin Ramadaan, dagaal kuma jiro Jananku oo anaga ayuu nala tukadaa, waxaa leeyahay dadkaaga runta u sheeg oo been ha u sheegin. Jeneraal Morgan garabkayga ayuu taagan yahay.”

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shalay qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Jeneraal Morgan uu ka dagaalamayo gudaha magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku hayaan Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC.

Wasiir Caateeye ayaa sheegay in Morgan uu ka barbar dagaalamayo ciidamada SSC ee haatan militariga Somaliland kula dagaalamaya duleedka magaaladaasi, isaga oo ku eedeeyay inuu horkacayo ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaasi.

“Jeneral Morgan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Hiliblihii Hargaysa’, wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farmaajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wuxuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaanood iyo ciidanka Puntland” ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer hore waxay dagaalka Laascaanood ku eedeysay inay qeyb ka yihiin jihooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka, maamul gobolleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, kuwaasi oo iyagu beeniyay eedeymahaasi.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa bishii 3-aad oo xiriir ah ku dagaalamaya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, kuwaasi oo si adag uga soo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland.

Waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay isku xilqaameen dhinacyo kala duwan, kadib markii labada dhinac ee isku haya halkaasi ay ku xireen shuruudo adag, si la iskugu imaado miiska wada-hadalka.

Si kastab, Dagaalka Laascaanood ayaa sababay khasaare badan oo isugu jira dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo weliba burbur horleh oo gaaray magaalada.

Xog: DF oo bedeshay ciidan Muqdisho ka howl-galayay afartii sano ee u dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bedeshay inta badan ciidamadii Booliska ahaa ka howl-gali jiray baraha ciidan ee wadada Wadnaha, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa xalay bedelay ku dhawaad 200 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugna dhamaan isgoysada kasoo gudba wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, kana soo bilaabanayay isgoyska Mirinaayo ee degmada Kaaraan illaa isgoyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.

Ciidanka Booliska ee la bedelay ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ka howl-galayay baraha ciidan ee yaalla wadada Wadnaha kasoo gudba ee soo aadda dhanka wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halkaasi ka sameysay baraha ciidan, marka loo eego dhamaan isgoysada kasoo gudba wadada Wadnaha, waxaana waqti kamid ah Muqdisho ka abuurmay goobo kala wareeg ah, maadama gaadiidka kuwa raaxada ee aan laheyn aqoonsiyada dowladda loo ogoleyn inay kasoo gudbaan wadada Wadnaha.

Ciidanka cusub iyo saraakiil hoggaamineysa oo dhawaan tababar kasoo baxay ayaa waxa uu taliska ciidanka Booliska ee gobolka uu geeyay barahaasi ciidan, iyaga oo la wareegaya amaanka goobaha laga soo badalay ciidankii afartii sano ee lasoo dhafay ku sugna halkaasi.

Dhawaan unbay aheyd markii ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa la geeyay guud ahaan qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Ciidankan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxay dhawaan tababar kusoo qaateen dalka Uganda, waxaana laga howl-galiyya hadda saldhigyada Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley.

Ciidankan cusub ayaa waxaa loogu tala-galay xasilinta amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo durba bilaabay roondo iyo howl-galo kala duwan xilliyada habeenkii, waxayna hoostagaan talisyada Booliska degmooyinka ay ka howl-galayaan, waana ciidan loogu tala-galay xasilinta magaaladan.

Si kastaba, dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay hadda si gaar ah isha ugu haysa xaqiijinta ammaanka Muqdisho, waxaana hadda amaanka gobolka Banaadir si wada-jir uga shaqeynaya ciidan ka tirsan Booliska, Nabad-sugida iyo ciidan cusub oo dhawaan lagu soo biiriyay oo ciidanka xoogga dalka.

Dhageyso: Biixi oo shaaciyey xal loo helay weeraradii Al-Shabaab ee xeryaha ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay weerarada rogaal celinta ah ee ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaadan xeryaha ciidamada, ayaa waxa uu sheegay inay si weyn uga baaraan degeen ka ciidan ahaan arrintaasi.

Jeneraal Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in aysan mardambe dhaceyn inay weerar gaadma ah kusoo qaadan dagaal-yahaanada Shabaab, ama xataa ay haweystaan xarumaha ciidanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan go’aan ka gaarnay weeraradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada, haday wax isku hayaan ha soo weeraraan hadda,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

“Ma dhaceyso mardambe inay u suurowdo weerar, maalinba maalinta ka dambeysa khibrad ayaa nooga siyaada dagaalkooda, oo waa baranay raggaan oo xogtaada ayaa hayna.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in aad looga gaashaantay dhagarta kooxda, islamarkaana aysan dhaceyn in markale dhibaateeyeen shacabka ama u hanjabaan, “Shabaab mardambe ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacab inuu laayo ama usoo dhuunto ma suurta-galeyso .”

Janaraal Biixi ayaa sheegay in aysan haatan jirin ciidan ay soo haweysan karaan aadna looga gaashaantay dhagartooda, xilli ay muddooyinkii dambe ay kooxda Al-Shabaab weeraro gaadma ah mararka qaar ku qaadi jirtay xeryaha ciidan ee deegaanada laga xoreeyay qaarkood.

“Khawaarijtu dhexdooda ayay iska shakiyeen oo khilaaf weyn ayaa soo kala dhex galay, taasi oo keentay in ay koox-koox isugu dhiibaan beelihii ay kasoo kala jeedeen hubkana ay ku wareejiyaan si ay u qariyaan,” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo sheegay in guluf dagal ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu wiiqay awooddii kooxda.

Jeneraal Biixi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay xog ka heleen dagaal dhex-maray kooxda oo ay rag badan isaga dileen, isaga oo sheegay inay ku shireen deegaanka Cowsweyne iyagoo go’aansaday in baaqigooda haray ay isa soo dhiibaan, sida uu sheegay.

Hoos ka dhageyso

Kaalinta Mareykanka ee wada-hadallada DF iyo Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in door muhiim ah ka qaadan doonto mira-dhalka wada-hadallada la qorsheynayo in dib ugu furmaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Safiirka xilka kasii dagaya ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Andre Larry ayaa sheegay “in dowladdiisa ay ka go’an tahay ka miro dhalinta wada-hadaladaasi,” oo dhawaan loo igmaday ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland, Cabdikariin Guuleed.

Hadalka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imanaya kadib wada-hadal dhanka qadka telefoonka ah ay ku wada yeesheen ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland iyo Amb. Andre Larry.

Guuleed iyo Larry ayaa ka wada-hadlay ahmiyadda iyo xoojinta wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii mustaqbalka dhow guul looga gaari lahaa wada-hadalladaasi.

“Danjiraha oo aan uga warbixiyay shaqooyinka culus ee na horyaalo iyo qorshayaasheena ayaa noo muujiyay taageero iyo garab istaag,” ayuu yiri ergeyga arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kooban kasoo saaray wada-hadalka uu la yeeshay danjire Larry.

Waxa uu intaas kusii daray “Danjiraha ayaa waxa uu tlmaamay in ka dowladd ahaan ay ka go’an tahay ka mirra-dhallinta wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.”

Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markii la magacaabay 1-dii bishaan, waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee dalka iyo madaxweynaha Jabuuti, kuwaasi oo kala hadlay wada-hadallada uu hormuudka u yahay.

Cabdikariin Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana u qorsheysan in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland, islamarkaana dib loo sii amba-qaado wada-hadallada labada dhinac.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli ay Somaliland sheegtay in suurta-gal aheyn inay waqti dhow dib u furmaan wada-hadallada la qorsheynayo, sababo la xiriira gulufka dagaal ee ku jirto dowladda federaalka iyo doorashooyinka kusoo food leh Somaliland.

Aqriso: DF oo soo saartay bayaan ka kooban 20 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 20 qoddob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah.

Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa waxaa safka hore kaga jirta booqashadii taariikhida aheyd ee Talaadadii uu caasimada dalka ku yimid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wada-hadalkii ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, xaaladda guud ee dalka iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Guterres ayaa magaalada Baydhabo ku booqday dadka ka soo barakacay dhibaatooyinka Khawaarijta Al Shabab iyo abaaraha.”

Warbixinta toddoblaaha ee dowladda federaalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo shacabka oo is-garabsanaya ay burburiyeen godad ay Shabaab-ka ku dhuumaleysan jireen.

Waxa kale oo warbixintaan lagu xusay dib u soo celintii Taliye Shub iyo kulamadii ugu dambeeyay ee ergeyga madaxweynaha ee dhinaca arrimaha Somaliland Cabdikariin Guuleed uu la yeeshay madaxweyne Geelle.

Hoos ka aqriso

Warbixinta Toddobaadlaha

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, xaaladda guud ee dalka iyo caqabadaha jira.

2- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo magaalada Baydhabo ku booqday dadka ka soo barakacay dhibaatooyinka Khawaarijta Al Shabab iyo abaaraha.

3- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo dhameystay booqasho laba maalmood uu ku joogay Soomaaliya, ayaa beesha caalamka ugu baaqey in Soomaaliya la taageero, maadaama ay ku taagan tahay dhabbadii horumarka iyo xasilinta dalka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland Pekka Haavisto.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Hiil Weyne oo ku taalla Balcad , halkaas oo ay ku jiraan kumanaan askari oo ka qeyb qaadan doona sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya oo meel mariyay xeer lagu xakameynayo hubka lagu dhex sito Muqdisho, tallaabadaas oo qeyb ka ah xasilinta caasimadda.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray go’aanka Golaha Wasiiradda ee xakameynta hubka lagu dhex sito magaalada Muqdisho.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka labada dal.

10- Ra’iisul Wasaar Xamsa Cabdi Barre oo ugu baaqey ganacsatada inay xoojiyaan maalgashiga ay dalka ku sameynayaan.

11- Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta , S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

12- Ergayga Madaxweyna Soomaaliya ee dhinaca arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay degaannada Aw-Qumbaale, Ceel Cad, Canjeel, Harboole iyo Janaay-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al Shabaab.

14- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannadguuradii 63aad tan iyo markii la aasaasay.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tuulooyin ku teedsan Wabi Shabeelle ee Koonfuurta Beled Weyne ka xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka oo is-garabsanaya ayaa hawlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay degaanno ka tirsan Degmada Buulo Burte ee Hiiraan, iyagoo isla markaana burburiyay godad ay Khawaariju ku dhuumaaleysan jireen.

17- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal ay khasaare ugu geysteen Khawaarijta ka fuliyay tuulada Ceel Juqow oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

18- Shir ay ka soo qeybgaleen waddamada Safka Hore oo looga hadlayey isku-dubaridka bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

19- Maxkamadda Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntey 14 nin oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

20- Ciidamada Qalabka Sida ayaa si habsami uu wada hawlagalada lagu sugayo amniga caasimadda, kana hortagey fal dembiyeed la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay fadeexaddii Mareykanka ee sirtii dhawaan laga faafiyay

Washington (Caasimada Online) – Hey’adda Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabsho FBI ayaa Khamiista maanta ah xirtay, xubin ka tirsan ciidanka cirka Mareykanka, kaas oo looga shakisanyahay inuu bixiyay dukumintiyo sir ahaa oo fadeexo ku noqday Mareykanka.

Dukumintiyada loo dusiyay baraha bulshada kaddibna ay soo xigteen Warbaahinta caalamiga ah ayaa gaaray 50, halka wararka qaar ay sheegayaan in ay gaari karaan 100.

Qaar ka mid ah kuwa ugu xasaasisan ayaa si faah-faahsan xoogga u saaray awoodaha millatariga Ukraine, meelaha ay daciifka ka yihiin iyo xogo kale oo ku saabsan Mareykanka iyo xulufadiisa.

Arrintan ayaa yaxyax ku noqotay Washinton, oo wajiga siin weysay xulufadeeda daafaha caalamka.

Xoghayaha Waaxda Caddaaladda Mareykanka Merrick Garland ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay xariga nin ka tirsan ciidanka cirka qeybtiisa ilaalada qaranka.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Jack Teixeira. Saraakiil ka tirsan FBI ayaa kasoo xiray magaalada North Dighton ee gobolka Massachusetts.

Reuters + VOA

Guterres oo shaaciyay in Xasan Sheekh uu kala hadlay ‘khatarta’ khilaafka maamullada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo Talaadadii booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada.

Guterres oo hadal u jeediyay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga wada-hadleen sidii nidaamka Qaramada Midoobay ay usii wadi lahayd taageerada Soomaaliya, si loo sii ambaqaado horumarkan wanaagsan.

Waxa uu sheegay inuu hoosta ka xaariiqay muhiimadda ay xilligaan leedahay in wada-shaqeyn xooggan ay dowladda federaalka la yeelato dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, si looga hortago khataraha amni ee ka imaanaya kooxda Al-Shabaab, oo dagaal uu kaga socdo qeybo kamid ah dalka.

“Waxaan bogaadiyay dadaallada Madaxweynaha ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo amniga. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres.

Gutteres ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in lixdii sanno ee la soo dhaafay tan iyo booqashadiisi hore, uu xilligaan arkay horumar laga gaaray xagga nabadda, amniga iyo horumarka waara.

“Waxaan jecelahay inaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadka Soomaaliyeed uga mahad-celiyo sida diiran ee la ii soo dhoweeyay. Waxaan ku faraxsanahay inaan halkan ku soo laabto iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.”

Waxa uu intaasi sii raaciyay “Tani waxay tahay anigoo sii wada dhaqankaygii sannadlaha ahaa ee booqashooyinka is-garabistaagga ee Ramadaanka, oo ka soo billaabatay waqtigii aan ahaa Wakiilka Sare ee Qaxootiga.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo dhoweynayo sida ay dowladda uga go’an tahay xuquuqda iyo matalaadda haweenka, isaga oo baaqay in si buuxda loo dhaqan-geliyo xeerna laga soo saaro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee doorashooyinka.

“Saaxad rayid ah oo ammaan ah oo loo wada dhan yahay waxay lagama maarmaan u tahay maamul wanaaga waxayna gacan ka geysan kartaa ka hortagga iyo dhimista rabshadaha. Ka qayb-galka buuxa ee saaxadda siyaasadda oo ay ka qayb-galaan haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay dib-u-eegista dastuurka ayaa lagama maarmaan ah.”

Puntland oo shaacisay cidda ka dambeysay weerarkii Boosaaso iyo tallaabo ay qaadeyso

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka hadashay weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarkaas oo loo adeegsaday qaraxyo ayaa waxa lagu qaaday xarun ganacsi oo ay laheyd shirkadda Al-Macruuf, waxayna Puntland sheegtay inay ka dambeeyeen kooxo argagixiso oo farriisin ku leh buuraleyda gobolka Bari, taasi oo ay ula jeedo Al-Shabaab iyo Daacish oo iyadu ku xooggan halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Gashaanle Sare Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay weerarkaasi ayaa waxa uu sheegay in ujeedkiisu ahaa cabsi galinta ganacsatada magaalada Boosaaso, si ay kooxaha argagixisada ugu meel-maryo lacagaha baada ah ee ka qaadan ganacsatada.

Taliye Shire ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in la hayo xogo ku saabsan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi oo lagu qaaday xarun ganacsi oo iska laheyd shirkadda Al-Macruuf.

“Shirkadaha xawaaladaha, bangiyada iyo kuwa isgaarsiinta waxaa uga digaynaa inay akoono u sameeyaan koooxaha doonaya inay lacago baad ah ka qaataan ganacsatada (kuwa Puntland),” ayuu yiri Taliye Shire oo si adag uga horyimid lacagaha baada ah ee kooxaha argagixisada sida xoogga ah uga qaatan ganacsatada.

Ugu dambeyntiina waxa uuu sheegay in maamul ahaan ay qaadayaan tallaabooyin looga jawaabayo hanjabaadda lagu hayo ganacstada gobolka Bari, si looga badbaadiyo dhagarta kooxaha argagixisada, sida uu sheegay.

Ganacsatada Puntland ayaa wajahaysa halis uga imaaneysa kooxahaas, gaar ahaan kooxda Daacish oo halkaasi ku xooggan, waxaana lasoo warinayaa inay xirmeen xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay iska bixi waayeen lacag baad ah oo lagu soo rogay.

Dhawaan ayey aheyd markii Al-Shabaab iyo Daacish oo isku heysta maamulka iyo arrimaha dhaqaale uruursiga ay ku dagaalameen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo tobanaan dagaalame ay isaga dileen.

Ciidamada Puntland ayaan wax duulaan ah ku qaadin kooxahaas ku sii tarmaya gobolka Bari, waxaana xusid mudan in weerarro toos ah, qaraxyo iyo dilal gaadmo ah ay ka geystaan magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ka mideysan dhaqaale uruursiga iyo handadaada ganacsatada, waxayna sidaas ku helaan dhaqaale badan, maadaama dadka ganacsiyada leh ay dhiibaan wixii la weydiisto.

Si kastaba, sida la fahamsan yahay illaa hadda ma jirto dowlad ama maamul ka difaaci kara ama amnigooda kafaala qaadi kara ganacsatada Soomaaliyeed, hadii ay diidaan baada ay weydiisanayaan kooxa argagixisada ah, waxaana loogu hanjabaa in la dilayo, hadii aysan dhiibin dhaqaalaha ay sheegtaan.

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale oo malaayiin dollar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis cusub oo dhaqaale kula saxiixatay Jarmalka, kaasi oo ay ku baxeyso lacag gaareysa 19 Milyan oo doollar.

Heshiiskaan ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa la sheegay inuu soo socday ku dhawaad laba sano, kaasi oo maanta kala saxiixdeen hay’adda Gargaara oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda oo taageerta ganacsiga iyo Bangiyada iyo Bangiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

Munaasabadda heshiiska lagu kala sexiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah agaasimyaasha guud ee Wasaaradda, Madaxda sare ee hay’adda Gargaara, Madaxda Bangiyada Somaaliyeed iyo Madaxda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Safaaradda dalka Jarmalka ee Soomaaliya.

Heshiiskan cusub ayaa waxaa muhiim u yahay dib usoo kabashada illaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya, iyada oo maal-gelintaan ay si gaar ah xoogga u saari doonto ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka, sida Beeraha, Xoolaha, kalluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara ee Wasaaradda, Suleymaan Cabdi Ducaale oo ka hadlay munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa kaga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Jarmalka taageerada ay la garab taagan yahiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Allena Kern oo ah Madaxa horumarinta iyo iskaashiga Safaaradda Jarmalka ee Muqdisho ayaa waxay ballan-qaaday inay taageero buuxda siin doonto hay’adda heshiiska dhaqaale la saxiixatay Bangiga horumarinta Jarmalka ee Germany (KFW).

“Waa ku kalsoonahay Gargaara taageerada ay siiso ganacsiyada gaarka,” ayey tiri Allena Kern oo ka hadashay shaqada ay hayso hay’addaan oo ah laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Si kastaba, Jarmalka ayaa kamid ah dalalka sida wayn u taageera dowladda fedaraalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, gargaarka, horumarinta, caafimaadka iyo waxbarashada.

Ciidanka DF oo maanta Al-Shabaab ka xoreeyey 3 deegaan oo muhiim ah

0

Cali-Yabaal (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta si buuxda ula wareegay kala wareegay tuulooyinka Ceel-Afwayn, Sabansabley iyo Cali-Yabaal oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay joogeen in ka badan 15 sano.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga carartay dhamaan deegaanadaas iyagoo aan dagaalamin, taas oo ciidanka u sahashay in maanta ay si nabad ah gacanta ugu dhigaan deegaanadaas.

Dhamaan dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaanadaas ayaa isaga qaxay, iyagoo cabsi ka qaba in lagu dul dagaalamo, waxayna saraakiisha ciidanka xoogga dalka noo sheegeen inay deegaanka dib ugu soo celinayaan dadkii ka qaxay.

Sidoo kale waxaa socda abaabul culus oo ciidanku ay ugu diyaar garoobayaan xoreynta deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Deegaanada ugu muhiimsan ee hadda ay ciidanku qorsheynayaan inay kooxda ka saaraan waxaa ka mid ah deegaanka Budbud oo bulsho badan ay ku nooshahay, aadna istaraatiiji u ah.

Hamiga ciidanka xoogga dalka ee ku sii siqaya dhulka ay Shabaab ka joogaan gobollada dhexe, gaar ahaan gobolka Galgaduud waa in maalmaa soo socda gudaha loo galo Ceelbuur oo halka degmo ee kooxdu ay ka joogto bartamaha Soomaaliya.

Colaada ka jirta deegaanaada, qaxa ay Shabaab-ku ku qasbayaan shacabka, si ay gabaad uga dhigtaan, isgaarsiin la’aanta ka jirta dhulkaan fog iyo cunaqabateynta ay dowladdu saartay kooxda, waxaa shacabka u dheer roobka Guga oo maalmahaan si joogto ah uga da’aya dhulka lagu dagaalamayo.

Duulaankaan oo ah mid si weyn u abaabulan ayaa hadda kadib ku socanaya saf-balaaran, maadaama ciidankii ka baxay Aadan-yabaal, Al-kowthar ilaa Daarunicma ay Al-Shabaab ka xoreeyeen Galcad iyo deegaanada ku hareereysan.

Hadda waxaa siman oo saf-balaaran ah ku soca doona duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay Sh/Dhexe, isla markaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta wafdi Mareykan ah kula shiray Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Mareykan ah oo tegay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayay safiir ku xigeenka safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle , kaas oo wadahadal toos ah la yeeshay Axmed Madoobe.

Kulanka oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada .

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in kulan looga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee socdo isla-markaana uu qayb ka yahay Mareykanka.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray howlgallada dib loogu xoraynaayo deegaanada Jubaland oo haatan la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka.

Sidoo kale waxaa Kulanka lagu soo qaaday xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanadaasi.

Dhanka kale, waxaa wafdiga ka socda safaaradda Mareykanka iyo Jubbaland ay ka wada-hadleen arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah, loona caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahaayeen.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee sida tooska uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Soomaaliya.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Jubbaland ay isku diyaarineyso guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka.

Somaliland oo shaacisay arrin ku saabsan MORGAN iyo dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in Jeneral Maxamed Saciid Xirsi oo caan ku ah (Morgan) uu ka dagaalamayo gudaha magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku hayaan Somaliland iyo dadka deegaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in Jeneral Morgan uu ka barbar dagaalamayo ciidamada SSC ee haatan milatariga Somaliland kula dagaalamaya duleedka magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya uu horay dambiyo dagaal uga gaystay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, gaar ahaan  intii uu socday dagaalkii dowladdii kacaanka iyo ururkii SNM.

Caateeye ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Moorgan uu horkacayo ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaasi.

“Jeneral Morgan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Hiliblihii Hargaysa’, wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farmaajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wuxuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaanood iyo ciidanka Puntland” ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Maalmihii u dambeeyay ayaa aad loo hadal hayay wararka ku saabsan Jeneralkan oo lagu arkay bartamaha magaalada Laascaanood, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan, maadaama gudaha magaaladaas bishii 3-aad ay ku dagaalamayaan Somaliland iyo dadka deegaanka.

Marka laga tago arrinta Moorgan waxaa Laascaanood horay u tegay taliyeyaashii hore ee bada iyo booliiska ee Soomaaliya iyo taliyihii hore ee guutada afaraad ee ciidamada Danab ee Soomaaliya oo isna uu dagaalka ku dhintay, walow Danab ay iska fogeysay sarkaalkaas.

Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood eedeymo culus u jeedineysay hoggaanka Puntland iyo sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya.

MAREYKANKA oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo ka dhan ah TURKEY + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii cunaqabatayn kusoo rogtay ugu yaraan afar shirkad oo fadhiggoodu yahay Turkey, kuwaas oo ay sheegtay inay jebiyeen xayiraadaha Mareykanka ee saaran Ruushka, islamarkaana ka caawiyeen dagaalka Ukraine.

Waa tallaabadii ugu cusleyd ee Mareykanka uu qaado ee ka dhanka ah Turkey, tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukraine.

Shirkadaha xayiraadaha la saaray ayaa waxaa ku jira mid ka shaqeysa elektoroonik iyo kuwa ganacsiga taknoolajiyadda, waxaana lagu eedeeyey inay gacan ka gaysteen gudbinta badeecado la xanibay.

Afarta shirkad ayaa ka mid ahaa 120 shirkadood oo Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay xayiraado kusoo rogtay.

Washington iyo xulufadeeda ayaa xayiraado culus kusoo rogay Ruushka kadib duulaankii Ukraine, hase yeeshee xarumo ganacsi oo ay ka mid yihiin Turkey, Hong Kong iyo Imaaraadka Carabta ayaa u furnaa.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in xayiraadaha lagu beegsaday shirkado iyo shaqsiyaad ka tirsan qeybaha ganacsiga badda oo “xiriir la leh Ruushka ama ay leeyihiin Ruushka.”

“Waxaa loola jeedaa digniin ku aadan dhaqan-gelinta xakameynta dhoofinta,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey weli kama jawaabin xayiraadaha Mareykanka, kuwaasi oo yimid kahor bil doorashada taariikihiga ah ee Turkey ka dhaceysa bisha May.

Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayday inay xiriir wanaagsan la lahaato Moscow iyo Kyiv labadaba intii uu socday dagaalka.

Waxay mabda’ ahaan kasoo horjeesatay xayiraadaha Reer Galbeedka, hase yeeshee waxay sheegtay inaan lagu jebin doonin Turkey, islamarkaana agabka militariga Ruushka aan dalkeeda la marin karin.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay xayiraadda saartay shirkadda Azu International ee Turkiga, oo jibka computer-ka ee dibedda laga keeno u dhoofisa Ruushka.

Waxay sidoo kale xayiraad saartay Dexias oo ah shirkad ganacsi oo sheegtay inay wakiil dhex-dhexaadiye ka tahay shirkadaha Ruushka ee xayiraadda la saaray.

VOA + REUTERS

African Union peacekeeper casualties in Somalia revealed

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – For the first time, an African Union (AU) official has publicly disclosed the casualty figures of peacekeepers operating in Somalia.

Thousands have been killed and hundreds more injured since their deployment in 2007 to protect the government from al-Qaida-affiliated al-Shabab militants.

Mohamed El-Amine Souef, the Special Representative of the African Union Commission for Somalia Chairperson, revealed the harrowing figures in an interview with VOA Somali’s “Investigative Dossier.”

Souef confirmed an estimated 3,500 fatalities, with troops from Burundi and Uganda suffering the most casualties.

“The mission has documented around 4,000 casualties. According to the force officers who served in the mission, the casualties, including those disabled, can be as high as over 5,000,” Souef said.

A history of secrecy and struggles

“The troops were not well-prepared, and the administration was not even in Mogadishu. Many cases were not properly documented,” Souef admitted.

Paul D. Williams, a professor of international affairs at George Washington University and an expert on peacekeeping operations, criticized the AU’s lack of transparency.

“The African Union has never been transparent about fatality figures from its missions in Somalia,” he said.

“It has instead deferred to the wishes of the troop-contributing countries, which did not want to announce all their dead peacekeepers publicly.

This policy decision did a severe disservice to the peacekeepers who paid the ultimate sacrifice and their next of kin.”

Initially known as the African Union Mission in Somalia (AMISOM), the operation’s first deployment in Mogadishu took place in March 2007 with troops from Uganda.

In April 2022, the mission transitioned to the African Union Transition Mission (ATMIS), with plans to withdraw from Somalia by December 2024 after Somali forces assume security responsibilities.

ATMIS currently has approximately 19,000 peacekeepers operating in Somalia.

The sacrifices of AU Peacekeepers

Souef, the former foreign minister of Comoros, said he will prioritize the families of soldiers killed in Somalia for compensation, as some have not yet been recognized “because of a lack of funds.”

The Somali government also paid tribute to the sacrifices of AU peacekeepers.

Hussein Sheikh-Ali, the national security adviser to the president of Somalia, stated, “The Somali people are in their debt,” and expressed gratitude for their assistance in liberating and protecting territories.

Continued efforts to combat Al-Shabab

AU forces, alongside Somali troops, successfully expelled al-Shabab militants from Mogadishu in July 2011 and subsequently from all major towns in the country.

However, the militants have continued their efforts to unseat the internationally supported government of Somalia, launching complex raids on front-line operating bases and killing hundreds of AU forces.

Somali government forces, supported by local fighters, have been conducting military operations since August 2022 and pledged to defeat al-Shabab this year.

ATMIS troops from Burundi and Djibouti provided support for the first phase of these operations.

Souef described the initiative as “good” and reported that ATMIS supported Somali forces with information, casualty and medical evacuations, and air support using helicopters from Uganda.

The second phase of military operations is expected to commence after the holy month of Ramadan, with non-ATMIS troops from Ethiopia, Kenya, and Djibouti participating.