27.8 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Shirka Golaha wasiirada oo looga hadlay laba qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, Mudane Xamza Cabdi Bare.

Shirka oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaaraha oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac.

Inta badan shirka golaha wasiirada ayaa waxaa diiradda lagu saaray dagaalka Al-Shabaab iyo wada shaqeynta wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed dalka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay qorshaha xukuumadda DanQaran ee xasillinta deegaannada laga saaray kooxda Al-Shabaab iyo kuwa haatan la xoreyn doono.

Golaha ayaa sidoo kale.diiradda saaray adeegyada guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii gaaray deegaanadaasi.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa.sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab la gaarsiinayo adeegyada dowladda.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa farriin guud u diray ciidamada qalabka sida oo shalay uun u dabaal-degay xuska 63 guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Xoogga dalka, wuxuuna ku booriyay inay halganka sii wadaan.

Dhanka kale, kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo wixii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ka qayb qaadanaya dadka deegaanka, ayada oo guullo waa weyn laga gaaray.

Madaale oo soo saaray amar saameynaya mas’uuliyiin badan oo ka tirsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha mamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday degmada Hodan ayaa ka hadlay amniga guud ee caasimada.

Guddoomiye Madaale ayaa soo saaray amar culus oo la xiriiro sugidda amniga Muqdisho, kaas oo saameynaya mas’uuliyiinta iyo saraakiisha hubka ku dhex qaata gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay mamnuuceen hubka culus, isaga oo sheegay in ciddii lagu arko laga qaadi doono tallaabo adag.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka inay u hoggaansamaaan amarkaan, isla-arkaana ay digtoonaadaan waxyaabahaasi.

”Hub culus magaaladan laguma dhex qaadan karo amar waa qaadasho guddoomiyeyaasha degmooyinka haka digtoonaadaano” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka gobolka Banaadir, isaga oo ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee howlgallada ka wada xaafadaha Muqdisho, si looga hortago weerarada Al-Shabaab, loona soo qabto burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo haatan qayb ahaan lagu wareejiyay ciidamo Boolis Militaar ah oo dhowaan lagu soo tababaray waddanka Uganda.

Si kastaba, maalmo kahor ayay ahayd markii amar guud oo kan ka sarreeya uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidamada faray inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan gaari kasta oo xoog ku mara baraha koontarool, sidoo kalena ay xakameeyaan hubka waa weyn.

Daawo: Nin is-qarxin rabay ayaa la weydiiyay salaadda ma dukataa? + Jawaabta

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha Ururka 9-aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa khudbad dardaaran ah u jeediyay ciidamada uu xukumo ee ku sugan jiidda hore dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliye Hurdaaye ayaa khudbadiisa kusoo hadal sheeko cajiib ah oo ku saabsan nin uu sheegay inuu is qarixin rabay, balse ugu dambeyn gacanta lagu dhigay.

Waxa uu tilmaamay in marka la qabtay la weydiiyay inuu dukado salaaddda, balse uu sheegay in uusan dukan, isla-markaana uu jecel yahay.

“Nin is qarxinaayo oo baabuur meel ku qarxinayay oo u qarxi diiday meelaa ku dhigtay Salaadda ma dukataa ayaa la yiri waa jecel yahay ayuu dhahay. Salaadda ma dukadee muxuu kuugu dili rabaa” ayuu yiri taliyaha ururka 9-aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor.

Sidoo kale taliyaha ayaa kula dardamay ciidamada cabsida Alle iyo inay dukadaan salaaddda lagu waajib yeelay.

“Salaadda Rabi tuko si aad u noqto qof ahlu Janno ah. Qalbi cugan la imaada oo Diinta ku qaadataan waxaa la yiri cilmi haddii lagu sheego caqligaaga u kaasho,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ciidanka uga digay isticmaalka waxyaaba maanka dooriya, isaga oo kula dardaamay inay iska daayaan balwadda, maadaama ay yihiin dhalinyaro.

“Waxaa idin sheegaa baahashaas hala’iska dhaafo dadka caba oo ciidanka mid ah ha iska daayeen haddii ay cabaan,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka ayaa inta badan la siiyaa wacyi-gelin guud, si ay usii laba jibaaraan shaqadooda iyo tan waajibka ku ah.

Shiinaha oo jawaab cajiib ah ka bixiyey qoraal Somaliland ay soo dhigtay twitter-ka

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay Hargeysa iyo dowladda Shiinaha ayaa markale isku qabtay arrin la xiriirta Taiwan, taas oo haatan xiisad cusub ka dhex abuurtay labada dhinac oo markii horeba isku hayay diblumaasiyadda.

Xiisadda cusub ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo si aan gambasho lahayn uga hadashay dhoolatus milatari oo uu Shiinaha ka sameeyay aagga Taiwan, ayada oo si weyn ugu dhaleeceysay xukuumadda Beinjing.

“Xuduudaha qaran ee waddan la yeehay waa in la ixtiraamo, lagana ilaaliyo argagixisada kusoo duusho, ama khatar dibadeed, laakiin dhoolatuska Shiinaha run ahaantii wuxuu jabinayaa maqaamkii marinka Taiwan,” ayay tiri wasaaradda arrimahadda dibadda Somaliland oo qoraal soo dhigtay twitter-ka.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale taageero u muujisay Taiwan, waxayna shaaca ka qaaday inay ku garab taagan tahay ilaalinta iyo difaaca dhulkeeda.

“Sidaas daraadeed Somaliland waxay garab taagan tahay Taiwan oo ay ka mideysan yihiin dimuquraadiyadda” ayay hadalkeeda raacisay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Dhinaca kale safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, FEI Shengchao ayaa isla twitter-ka jawaab kulul u dhigay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Danjire FEI Shengchao ayaa hadalka kasoo yeeray Somaliland ku tilmaamay wax lagu qoslo, wuxuuna sidoo kale ku sheegay inay tahay qoys gurigooda ka sameystay sohdin.

“Waa in la ixtiraamaa xuduudaha uu qaran leeyahay, laakiin haka dhigin xuduud qaran leeyahay waxyaaba lagu qoslo iyo meel aanay jirin. Qoysas caqliga saliimka leh sohdin kuma dhex sameystaan guryahooda,” ayuu isna ugu jawaabay Danjire FEI Shengchao.

Shiinaha iyo Somaliland ayaa marar badan sidan oo kale hawada isku mariyay hadallo kul-kulul, waxayna xiisaddooda kasii dartay markii ay Xukuumadda Hargeysa ee u hoggaamiyo Muuse Biixi xiriir la yeetay Taiwan oo Shiinaha u aqoonsanyahay qayb kamid ah dhulkeeda.

Xog: Daacish oo xirtay goobo ganacsi oo ku yaal Boosaaso – Maxay dalbatay kooxda?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah, kooxda Daacish ayaa xirtay xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay iska bixi waayeen lacag baad ah oo lagu soo rogay.

Shirkad lagu magacaabo Al-Macruuf ayaa la sheegay in xarumaheedii magaalada Boosaaso albaabada loo laabay kadib markii ay iska bixi waayeen lacag dhan 500,000 oo dollar oo kooxda Daacish ay sheegatay.

Xarun ay laheed shirkadaas ayaa dhawaan la qarxiyey oo dab qabsaday, waxaana halkaas ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, taas oo banaanka keentay cabsi soo wajahday ganacsatada magaalada oo caga-jugleyn kala kulmaya Daacish.

Cabsidaan ayaa wada saameysay ganacsatada Boosaaso, sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha noo waramay, waxayna Daacish bilowday dardar gelinta dhaqaaale uruursiga iyo hanjabaadaha ka dhanka ah ganacsatada.

Sida ay tilmaameyso xogtaan masuuliyiinta Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa ka gaabsaday cabsidaan soo korortay ee sababtay in albaabada loo laabo ganacsiyada qaar, maadaama ay kooxdu taallaabo qaaday.

Dhawaan Al-Shabaab iyo Daacish oo isku heysta maamulka iyo arrimaha dhaqaale uruursiga ayaa ku dagaalamay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo tobanaan dagaalame ay isaga dileen.

Ciidamada Puntland ayaan wax duulaan ah ku qaadin kooxahaas ku sii tarmaya gobolka Bari, waxaana xusid mudan in weerarro toos ah, qaraxyo iyo dilal gaadmo ah ay ka geystaan magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ka mideysan dhaqaale uruursiga iyo handadaada ganacsatada, waxayna sidaas ku helaan dhaqaale badan, maadaama dadka ganacsiyada leh ay dhiibaan wixii la weydiisto.

Ma jirto dowlad ama maamul ka difaaci kara ama amnigooda kafaala qaadi kara ganacsatada Soomaaliyeed, hadii ay diidaan baada ay weydiisanayaan kooxa argagixisada ah, waxaana loogu hanjabaa in la dilayo, hadii aysan dhiibin dhaqaalaha ay sheegtaan.

Xasan oo qaatay dhaqan siyaasadeed ku cusub dalka iyo ‘waxa uu ka dhigan yahay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa asbuucii hore dib uga magacowday Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Ninkaan oo ay badi dadku u yaqaanan Taliye Shub ayaa xilkaan markii labaad fursad u helay.

Dowladdii Farmaajo ayaa iyaduna kal hore booskaan Taliye Shub u magacowday. Jeneraal Mahad ayaa Asluubta madax ka ahaa xilli ay xabadeeyeen gaadiid galbinaayey Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas mucaarid ahaa.

Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka waxaa weli hogaaminaya Odowaa Yuusuf Raage oo uu Farmaajo magacaabay. Odowaa ayaa hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka xilli militariga isku-dayeen inay madaxdii hore ee dalka ku dilaan hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho, xilligaasi oo la iska caabiyay.

Taliye xigeenadii Booliska, Militariga iyo Socdaalka ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh illaa hadda ku haysta xubnihii ay magacowday dowladdii Farmaajo.

In taliye Shub dib loo soo magacaabay, Odowaa aan la bedelin iyo in Xasan Sheekh weli isticmaalayo inta badan hoggaanadii ciidanka ee ay dowladda Farmaajo magacowday ayaa fikrado kala duwan laga bixiyay.

Saddex daliil ayaa ugu muhiimsan, kuwaasi oo kala ah;

1. Caddeynta in uusan aargoosi jirin: Iyada oo la xasuusto in si aan fiicneyn ay hoggaanka ciidanka ula dhaqmeen madaxweyne Xasan Sheekh intii uu mucaaridka ahaa, haddana waxa uu ololahiisa ku ballan-qaaday in uusan aarsan doonin haddii uu xukunka kusoo laabto.

Tallaabadda uu Taliye Shub ku magacaabay, Odowaa-na uu weli ugu joogo hoggaanka ciidanka xoogga dalka waxay si buuxda uga markhaati kacday ballantiisi aheyd in uusan aarsan doonin.

Dadka arrimahan isha ku haya waxay leeyihiin tani waxay caddeyn buuxda u tahay in Xasan Sheekh uu ka leexday dhabaha aargoosiga.

2. Kalsooni: Marka arrintaan laga hadlayo Xasan Sheekh wuxuu u muuqda ayay leeyihiin dadweynaha nin isku kalsoon oo aaminsan in taliyeyaasha aysan leexin karin siyaasadiisa amniga, ayna fulinayaan waxa uu isagu rabaan.

Haddii uu arko inay daacadnimadooda dhaawacan tahay awoodda inuu deg deg iskaga bedelo.

3. In ciidanka la fahamsiiyo in aanay shaqsi u shaqeynin: Haddii madaxda ciidanka ay la bixi lahaayeen dowladdii Farmaajo waxay farriintu noqon laheyd niman shaqaale u ahaa nidaamkii hore, taas oo dhaxalkeedu noqon lahaa in dowlad walba oo timaada ay la timaado taliyeyaal ciidan, kuwaas oo markii awooda ka dagaan hore u raaca.

Fallanqeeyayaasha waxay leeyihiin cashir ayaa ugu jira guud ahaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo ah dalka ayaa u shaqeysaan ee isaga daacad u ahaada oo dulmi ha u sameynin shaqsi maanta jooga berrina ka tagaya shaqada ka tagaya.

Saddexdaas fasiraad ayaa laga bixiyay inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib u magacaabayo saraakiishii Farmaajo la shaqeysay ama inuu qaar sidoodii ugu dhaafay xilalkii ay hayeen.

Somaliland oo shaacisay in xilligaan wada-hadal u furmi karin DF laba arrin darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa shaaciyay in xilligaan aysan suurta-gal aheyn inay dib u furmaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, xilli la qorsheynayo in dhawaan lasii amba-qaado wada-hadaladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, kaasi oo u magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ay soo dhaweysay xukuumadda Somaliland, kuna tilmaamtay nin wax badan kala socday wada-hadalladii iyo is-fahamkii ay hore u gaareen labada dhinac ah.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in wada-hadallada labada dhinac aysan u furmi karin laba arrin oo kala ah; dagaalka ay ku jirto dowladda federaalka iyo doorashooyinka kusoo food leh Somaliland.

“Wada-hadal Somaliland iyo Soomaaliya waqtigan u furmi kara majiro oo anagu doorasho ayaa galeyna, idinkuna howl-gal ayaa ku jirtaan, waddanka aad ka saarey argagixisada,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu yiri “Somaliland iyo Soomaaliya marka ay is horfadhistaan waxay ka wada-hadli doonaa mid uun, sida aan wax u wada-qabsan laheyn. Soomaaliya-na ha qirto anagu dhibaato tirsan mayno ee waa kala baxeen Soomaaliya iyo Somaliland.”

Guddoomiye Waraabe ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in lagama maarman ay tahay in wada-hadalada dib u bilaabanaya ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay noqdaan kuwa ku qotoma sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa.

“Jamhuuriyadda Somaliland gorgortan gali mayso hada kiini gorgortan galiseen oo Shan u qaybiseen, anagu talada dalkayaga mardambe cid la yeelan mayno,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbigada mucaaradka ee Ucid oo gaashaanka ku dhuftay midnimada ay raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, wada-hadalada labada dhinac oo muddo soo socday ayaa waxaa la tilmaama in inta badan ay horumar ka sameyn waayan in labada dhinac ay miiska soo saaran laba qadiyadood oo kala fog, kuwaasi oo ah midnimo iyo gooni-goosadka, taasi oo midna aanu dhankiisa wax dabac ah ka samayn.

Booliska oo soo qabtay rag kufsi ka gaystay XAMAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska oo howlgal ka sameeyay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan fal ‘Kusfi ah’ oo ka dhacay gudaha degmadaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in laamaha amniga ay soo qabteen laba nin oo ku eedeysan kufsi loo gaystay gabar Soomaaliyeed.

Labada eedeysane ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Macalin Cabdi iyo Cali Axmed Nuur, sida lagu sheegay warka Booliska

“Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Hiliwaa ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysanayaan ku eedeysan in ay kufsi ugeesteen gabar Soomaaliyeed, waxaana lagu kala magacaabaa1 Axmed Macalin Cabdi 22 Jir, 2 Cali Axmed Nuur 33 jir” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu taliska Booliska gobolka Banaadir intaasi ku daray in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Waxaan la horgeyndoonaa Cadaalada” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska ee qaybta gobolka Banaadir.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray Booliska “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu u taaganyahay Ilaalinta Nabadgalayada Guud.
Muwaadin waxaa lagaa codsanayaa in hadii aad aragto xaalad amni dara ah in aad la wadaagto xafiiska Gurmar ee 991”.

Dhanka kale ciidamada Booliska oo kaashanay Boolis Militare ayaa howlgal ka sameeyay isla degmada Heliwaa ku qabtay in mooto ku waday maandooriye, kaas oo lagu xiray saldhigga degmadaasi.

“12/04/2023 Abaara 10:20 Am, Ciidanka Boliiska Qeyta Bari iyo Ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah kawada Dagmada Hiliwaa, ayaa soo qabtay, Mowliid Xasan Maxamud, iyo mooto uu kuwaday maandooriye kala duwan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Xamza oo sheegay arrin uu sanadkan uga duwan yahay Soomaaliya sanadihii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadan xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Mudane Xamza ayaa waxa uu tilmaamay in ciidankeenna geesiyaasha ah ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo sannado badan ay kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

“Hambalyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xuska Sannadkan wuxuu ku soo aaday iyadoo aan u dabaal dageyno guulaha waaweyn ee aad ka soo hoyseen furimaha dagaalka, laguna jabiyey Khawaarijta”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ay barbar socoto qorshaha dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka oo hadda meel wanaagsan maraya, sida uu sheegay.

Mudane Xamza ayaa xusay in xukuumaddisu aysan marnaba ilaawi doonin halyeeyadii naftooda u haray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si ay cadowga Khawaarijta ah uga dulqaadi lahaayeen.

Sanadkan ayaa Soomaaliya uga dhigna sanadkii neecoowda dowladnimo, ayada oo tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay ciidamadu xoreeyeen deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, kuwaasi oo qaarkood u ahaa marino muhiim u ah afkaartooda guracan.

Daawo: DF oo wafdi culus u dirtay degmada Balcad – Maxay ku soo arkeen?

0

Balcad (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano iyo wasiirro ah oo ka socda dowladda federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay safar ku tegay degmada Balcad oo 30 KM u jirta caasimadda Muqdisho.

Wafdigaas ayaa kormeerayey dhismaha wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Balcad iyo sidoo kale goobaha danta guud ee degmada Balcad.

Wafdigaan ayaa booqday meelaha cabsida badan laga qabo inuu ka fataho wabiga Shabeelle oo mara degmadaas iyo xarumo taariikhi ah,  sida warshadii Dharka Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Balcad.

Wasiirrada arrimaha gudaha, howlaha guud, tamarta iyo biyaha iyo xildhibaano heer federaal ah ayaa isku raacay Balcad, waxaana safarkaas ka warbixiyey wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi oo carruur dharka ciidda u soo doonatay magaalada la saaran Mooto Bajaaj ayaa sheegay in reer Balcad ay hiigsanayaan hormar aan caadi aheyn.

“Waxaan rajeynayaa in xarumaha muhiimka ah ee degmadaas sida warshadii dharka dib loo howlgeliyo, waxaa naloo sheegay in 70% ay shaqeyneyso warshadu,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wuxuu ka warbixiyey muhiimadda ay wadadu leedahay shacabka ku nool degmada Balcad “Dadku waxay noo sheegeen in isbitaalka Soos ee Muqdisho ay 15 daqiiqo u socdaan, halka markii hore ay burburka wada ku dhibanaayeen oo haweenka foolanaya ay dhex ku umuli jireen,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladdu aysan Xamar ku ekeyn oo meel kasta ay tegayaan, “Maanta waa u jeedaan waxaan saaranahay Bajaaj ku sugan Balcad, halkaan waxaa ka da’ay roob badan oo meelaha qaar waxaa fatahaad geystay wabiga,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha gudaha XFS wuxuu sheegay in reer Balcad ay mustaqbal fiican leeyihiin oo dalaga ka soo go’a beeraha si nadiif ah loogu iib geeyo magaalada Muqdisho

Hoos ka daawo

Cudur dhif iyo naadir ah oo laga helay dalka Shiinaha

Beijing ( Caasimada Online) – Haweeney u dhalatay Shiinaha ayaa noqotay aadanihi ugu horreeyay oo u dhinta nuuc cusub oo ka mid ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8.

Laanta Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurkaan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn dadka.

Haweeneyda u dhimatay xanuunkan ayaa aheyd 56-jir kasoo jeedda gobolka Guangdong ee koofurta Shiinaha.

Waxay aheyd qofki saddexaad ee laga helay cudur-sidaha H3N8. Sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay WHO.

Kiisaska ayaa dhammaantood ku kooban Shiinaha, iyadoo horayna loo soo gudbiyay kiisaska labada ah.

Xarunta dhexe ee Xakameynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Guangdong ma bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan daruufaha ku xeeran dhimashada haweeneyda.

Shiinaha waxa uu caan ku yahay cudurrada laga qaado shimbiraha. Sida ay wararku sheegayaan, haweeneyda u dhimatay xanuunkaan ayaa booqatay suuq lagu iibiyo shimbiraha oo ah suuq qoyan.

Feyraska H3N8 ayaa ah mid ku badan shimbiraha, ma ahan cudur bixiyo calaamado muujinaya xanuunka. Sidoo kale waxa ay shimbiruhu qaadsiin karaan xayawaanka kale.

VOA

Daawo: Korneyl Saney Cabdulle “Waxaan ku jirnaa labo cibaado”

0

Galcad (Caasimada Online) – Korneyl Saney Cabdulle Gaab oo hoggaaminaya guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka uu hoggaaminayo Saney Cabdulle ayaa caawa ku sugan duleedka degaanka istaraatiijiga ah ee Budbud oo ka tirsan gobolka Galgaduud, deegaankaas ayaa weli ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab.

Saney Cabdulle ayaa balan-qaaday in maalmo kooban gudahood ay ku xoreynayaan gobolka Galgaduud deegaanada ay ka joogaan Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ku jiraan laba cibaado.

“Roob ayaa nagu socda, askariguna roobka iyo qabowga dhacaya waa u diyaarsan yahay, waxaan ku jirnaa bishii Ramadaan, dagaalna waxaan kula jirnaa oo shaqo fiican ka heynaa Khawaarijta, marka waa laba cibaado, Ilaah ayaa na faray inaan la dirirno Khawaarijta, sidoo kale bishaan Ramadaana waa bil cibaado,” ayuu yiri Saney Cabdulle.

Korneylka ayaa sheegay in si buuxda ay ugu diyaar-garoobeen dagaalka Al-Shabaab oo hadda ay ku wajahan yihiin deegaano ay weli gobolka Galgaduud kaga ku sugan tahay kooxdu.

“Dhul badan ayaan soo xoreynay 10 bilood ayaan dagaalkaan ku soo jirnay, umad ay Khawaarijtu qaribtay ayaan kurbadii ka feydnay, inta halgankeena ka dhimana waan adkeysaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saney Cabdulle.

Wuxuu sheegay in shacabka gobolka Galgaduud ku nool ay gumeysi adag ugu jiraan Al-Shabaab, balse uu ku rajo weyn yahay inay ciidanka la shaqey doonaan, markii laga dul qaado kooxda Al-Shabaab.

“Bulshada Soomaaliyeed qof kasta wixii uu awoodo ha kula dagaalamo kooxda Al-Shabaab, qof kasta oo ku baxa gacanta Al-Shabaab waa ahlu jano, culimadu waa noo sheegtay horayna waan u aaminsanaa,” ayuu yiri Korneyl Saney Cabdulle oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka daawo

 

Sawirro: Senator Afcadey oo gaaray furimaha dagaalka, farriina gaarsiiyey ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Axmed Maxamed Cali Afcadey ayaa maanta furinta kula Soomay ciidanka xoogga dalka, Senatorka oo goob fagaare ah ugu khudbeeyey ciidanka ayaa kula dardaarmay in ay adkeeyaan cibaadada Alle, inta ay gudanayaan waajibaadka qaran ee duurkaan ay u joogaan.

Senator Afcadey ayaa ciidanka ku baraarujiyey inay niyeystaan in dagaalka ay ku jiraan uu yahay jihaad xaq ah oo shacabka Soomaaliyeed ay uga dul qaadayaan cadow Khawaarij ah oo gumaadayey in ka badan 15 sano.

Dhanka kale dadka tuulada Ceel-Cali Axmed ayaa 4 neef oo Geel ah ku wareejiyay ciidanka xooga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee furinta ku jira, si ay ugala qeyb qaataan farxadda sanad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka oo maanta 63-sano jirsaday ayaan dhigan wax xaflad ama dabaal-deg ah, maadaama ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka maanta uu furimaha ku booqday Senator Afcadey ayaa hadda kaabiga ku haya deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo kooxda Al-Shabaab ay weli ku sugan tahay.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay isaga cararay dhamaan deegaanadii ay gaareen ciidanka xoogga dalka, taas oo ciidamada u sahashay inay si nabad ah kula wareegaan deegaano sanado badan ay maamuleysay kooxdu.

Deegaanada qaar sida Ceeljuqow waxay Al-Shabaab uga carareen gaadiidkoodii kadib markii ay u waayeen shidaal ay ku kaxeystaan, maadaama ay go’doon adag saartay dowladda Soomaaliya.

Ciidanka xoogga dalka ayaa qorsheynaya inay maalmaha soo socda gaaraan deegaano badan oo Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in wax iska caabin ah aysan kala kulmeyn kooxda.

 

Daawo: DF oo wareejisay dhaxaltooyo 33 sano si sharci daro ah loogu haystay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa maanta ku wareejiyay dadkii lahaa guri dhaxaltooyo ah, kaasi oo 33 sano si sharci darro ah loo haystay, iyada oo si qasab ah ay maxkamadda u fulisay xukunkaan oo muddo soo jiitamayay.

“Maanta waxaa u taaganahay fulinta xukunkii maxkamadda ayna Faadumo wakiilka uga aheyd dhaxaltooyada reer Xuseen Faarax Warsame, warqadda fulinta ah ee soo saartay maxkamadda waxay soo saartay lix maalmood kahor, maantana wuu fulaya,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in hadda kadib ay si qasab ah u fulin doonaan fulimaha kasoo baxay maxkamadda, taasi oo aysan marnaba gor-gortan ka geli karin maamulka, isaga oo ugu baaqay in dadka loo xukumay ee guryaha lala fadhiyo ay la imaadan maxkamadda si loogu fuliyo.

“Faadumo Cali Nuur oo wakiil ka ah dhaxaltooyada reer Xuseen Faarax Warsame waxay sheegtay in 33 sano gurigaan uusan gacanteeda ku jirin oo dad kale ku tasarufayeen, waxayna sheegtay in 13 sano ay maxkamaddaha joogtay, laakiin Ilaahay maanta waa noo suurta-galiyay in Faadumo dhulkeeda la wareegto dhulkii wakiilka u aheyd ee dhaxaltooyada.”

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa daba-yaaqaddii bishii hore soo saartay digniin culus oo la xiriirta dadka weli xoogga ku haysta dhulalka aysan laheyn, iyada oo ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee haysta xukunada maxkamadda in si qasab ah loo meel-marinayo fulintooda.

“Dadka Soomaaliyeed ee cabashadooda taallo media-ha, waxba idin fulin maayo media oo idin xukumi maayo ee maxkamadaha imaada, horena waa u ballan-qaadnay haddana waa ballan-qaadeyna in qof xaq leh inuu maxkamaddaha hortooda ka ooyi doonin oo xaqooda siin doono meel kasta oo ay nala gasho,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa farriin u diraya dadka xukunada haysta ee dhahaya dhulkii nalooma fulin waa in maxkamaddaha imaadan. Maxkamaddaha waxay u tafa-xaydatay in fulinadaas ay si camali ah ugu wareejiso dhulkooda.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka go’an tahay meel-marinta xukunada hore u dhacay ee dhulalka, kuwaasi oo waqti badan qaatay inay dhaqan-galaan, balse xilligaan ay meel-marinayaan iyaga oo adeegsanaya awooda ciidanka Booliska.

Hoos ka daawo muuqaalka

SOOMAALIYA iyo Mareykanka oo wada-hadallo cusub ku yeeshay Xalane + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre kula kulmay maanta xarunta Safaaradda ee Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wada-hadalkan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo xoojinta taageerada dhinacyada badan ee dowladda Mareykanku ay siiso dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay dowladad federaalka dagaalka kooxda Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada.

Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegay in taageeradiisa dhinaca saanada hubka ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho, islamarkaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Tan iyo markii ay bilowdeen howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.

Daawo: XASAN Sheekh oo codsi cusub u diray qof kasta oo Soomaali ah + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambaleeyay sanad-guurada 63-aad ee ka soo wareegatay maalintii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka.

Villa Somalia oo faafisay muuqaalka hambalyada madaxweynaha ayaa waxa uu codsi la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxd Al-Shabaab u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ogaadan, kana warhayaan Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray Qaranka.

“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan sanad-guuradii la xusay ayada oo halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal-dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada, sidaas daraadeed waxaa leeyahay hambalyo.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaa leeyahay aan garab istaagno Wiilasha iyo Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo naftooda u huray Qaranka. 70 meelood oo dadka Soomaaliyeed ay dagan yihiin oo Degmo leh oo Beer, Tuulo, Ceel, Waddo iyo Deegaan leh oo dullinimo loogu noolaan jiray, maanta xornimo loogu nool yahay ayey lug ku mareen, markaas ayey joogaan cirifka meeshii ay gaba-gabeen lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay u diyaar garoowan dhameystirka howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoreynayo guud ahaan dalka.

“Dadka Soomaaliyeed ha diyaar garoowaan inta dhiman xoogga aan isugu geyno, yaan la caajisin oo dib loo dhicin aan la’is dhigan, Cadawga weli wuu nool yahay, dhulkeyn dhul ka mid ah weli wuu heystaa, waan taagannahay, waan soconnaa, xurnimo iyo sharaf ayaan doorannay, waana gaareynaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sanad waliba maanta oo kale 12-ka April 2023-ka ayaa la xusaa sanad-guurada kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyada oo dhidibada loo taagay 12-ka April 1960-kii.

Xilligaasi ayaa waxaa ciidanka lagu aas-aasay ciidan ka kooban siddeed horrimood, oo lagu magcaabi jiray waqtigaa Cali Boobaaye, kuwaasi oo tiradiisu ahayd laba kun oo Askari, oo laga kala qoray lix gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee gumeystihii Talyaaniga.

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha

DF oo digniin hor leh kasoo saartay halis kusoo food leh magaalooyin dhowr ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin horleh oo ku aadan fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo kordhay heerkooda biyaha, sida ay sheegtay hay’addu.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, gaar ahaan xarunta Qaran ee ka digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in halista fatahaadahan ay waji karaan magaalada Beledweyne oo Hiiraan ah iyo Baardheere iyo Doolow oo gobolka Gedo.

“System-yada aan kala socono heer biyaha wabiga degmooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo uu maro wabiga Shabeelle, ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay kor u kacay in ka badan 2.5 (Meter) taas oo sare u qaaday suurta-galnimada ay ku fatihi karaan xilli kasta, taasina waxay ka dhigan tahay in qatarta fatahaadu ay hadda tahay mid aad sare u sareysa.”

Hay’adda ayaa waxay digniin aad u sareysa u dirtay bulshada ku dhaqan hareeraha wabiyada iyo togaga iyo biyo mareenka, taas oo ah inay qaadaan tallaabooyinka muhiim u ah bad-baadada naftooda iyo hantidoodaba.

“Inta lagu guda-jiro 96 saacadood ee soo socota ayaa waxaa suurta-gal ah in qeybo kamid ah degmada Beledweyne ka dhacaan fatahaaddo, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nolosha iyo hab nololeedka bulshooyinka ku nool degaannada hoos yimaaa degmada Beledweyne,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliyeed.

Hay’adda ayaa waxay sheegtay in ujeedka ay warbixintaan ula wadaageyso bulshada Soomaaliyeed ay tahay in la xoojiyo diyaar garoowga bulshada lana yareeyo saameynta ay fatahaadda ku yeelan karto bulshada ku nool meelaha ay halista fatahaadu ka jirto.

Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ayaa waxa kale oo loogu baaqay hay’addaha gargaarka ee ka howl-gala deegaanadaasi inay u diyaar garoobaan xaalad kale oo soo cusboonaatay, ayna kaalmo u muujiyaan bulshada ku dhaqan magaalooyinka uu wabiga Shabeelle maro.

“Xarunta Qaran ee ka digista Halis-wadareedka waxay si dhaw ula socotaa is-badalka iyo wixii kasoo cusboonaada xaaladahaan, waxayna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu-badesho xaaladda.”

Xog: Xilliga dib loo furayo waddooyinka Muqdisho oo xiran maalintii labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayada oo la soo dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo wata baabuurta dagaalka ayaa lagu arkaayaa jidadka muhiimka ah, gaar ahaan waddooyinka Wadnaha, Maka Al-Mukarama iyo kuwa gala garoonka Aadan Cadde, waxayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay u diidayaan in ay Isticmaalaan waddooyinkaasi.

Isgoysyada xiran ayaa waxaa kamid ah, Dabka, Taleex, Soobe iyo Banaadir, Tarabuun, Bakaaraha, Howlwadaag, Siinaay iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

Sababta ay maalintii labaad oo xiriir ah u xiran yihiin waddooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay si loo adkeeyo amniga Wafdiga uu hoggaaminayo Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo Talaadadii booqasho ku yimid caasimadda dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaanba ay xiran yihiin goobaha waxbarashada sida; Jaamacadaha iyo Iskuuladda, iyada oo shacabka Magaalada Muqdisho ay maalayaan cagahooda, waxaana jiro waddooyin dhif ah oo ay ka shaqeeynayso Mooto Bajaajta.

Saraakiisha amniga ee dowladda federaalka oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in muddo kooban ay sii xirnaanayaan waddooyinka sababo la xiriira wafdiga Xoghayaha guud ee QM ee caasimadda ku sugan, waxaana la filayaa in galinka dambe ee maanta la furo.

Si kastaba, Waddooyinka Muqdisho iyo guud ahaan isku-socodka caasimadda ayaa inta badan hakad u gala ama loo xiraa wafuuda imaneysa caasimadda dalka, taasi oo shacabka cabasho xooggan ka muujiyeen, maadaama mararka qaar si kedis ah ugu soo waabariistan waddooyinka oo xiran.

Xog ku saabsan doomo lagu qabtay badda Soomaaliya iyo dalka ay kasoo jeedaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal ay sameeyeen ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo lagu soo qabtay 2 doon.

Doomahan ayaa waxay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka, sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse.

“In ka badan 30 sano ayay doomahaan laga leeyahay Iiraan si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Mubaarak Cabdiqani Muuse.

Labada doon ee ay qabteen ciidanka badda ayaa waxay dowladda federaalka sheegtay in laga leeyahay dalka Iiraan, kadib markii xogo ku filan ciidamada badda ay soo diyaariyeen, si loo horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh kiiskooda.

Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Horranta bishii hore ayay aheyd markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay digniin kasoo saartay maraakiib laga leeyahay waddamada shisheeye ee sida sharci daradda ah uga kalluumeystaan Badda Soomaaliya.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee XFS ayaa xilligaasi ku wargelisay dalalka ay maraakiibtoodu ku jiraan biyaha Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan badaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hore waxay maraakiibta dalalka shisheeye uga dalbatay inay soo celiyaan hantida ay sida sharci darada ugu qaateen dalkeena, “Haddii kale waxaan la’la tiigsan doonaa sharciga.”

Madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in maanta maadaafiic xoogan laga maqlay furimaha dagaalka xoogan ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi

Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada Somaliland madaafiic ku garaaceen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhankooda ciidamada SSC ay ku jawaabeen madaafiic, taas oo keentay in dhinacyadu ay is weydaarsadeen hub cul culus.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dhashay madaafiicdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib uu qarxo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastab, waxaa magaalada Laascaanood bishii saddexaad oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.