27.8 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Mowqifka Somaliland ee madax dhaqameedyadii ka tegay magaalada Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa meel adag iska taagtay waan-waan ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka tegay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hadda ku sugan magaalada Garoowe, kadib markii ay socdaal ku tageen magaaladda ay colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa sheegay in marnaba ay Somaliland aqbali doonin waan-waan ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, xilli ay sii daba-dheeraatay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool.

“Ugaaskan ka degay Garoowe ee kooxda wata ee Laascaanood yimid in haddana maanta la yidhaahdo Somaliland ayay imanayaan waa nasiib xumo, oo toodii ayaa qasan oo u baahan,” ayuu yiri

“Waxba dhex-dhexaadineyna ay leeyihiin weligeen reer Somaliland iyo Laascaanood lama dhex-dhexaadin oo dhaqan ayaa leenahay oo geed ayaa wada fariisan jirnay, intaas ayaa wada nooleyn. Maanta faraha shisheeye ayaa ku jire ha ka baxeen faraha shisheeye.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu ugu baaqay hoggaanka SSC inay iska saaran dad uu sheegay inay meesha u dhalan oo dhaqan xumo ku haya, “Dadkii soo celiya aad guryahoodii ka saarteen, iska saara dadkaan meesha u dhalan ee dadka bililaysanaya.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay Faysal oo baaq nabadeed u diray garaadada ku sugan magaalada Laascaanodo “Nabadda qaata oo nabad lama diido, wixii inaga xumaaday waan hagaajisaneyna.”

Ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiyaha si weyn u dhaliilay hanaanka ay xukuumadda Somaliland ku wajaheyso colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool, isaga oo madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday in uu la yimaado qorshe cad oo xal kusoo dabaala xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan.

“Doorashadii wey ku sugeysa madaxweyne, Laascaanood wey ku sugeysa oo waa qabyo, dalka dhaqaalihiisi waadiga arkaya waa qabyo oo dalka wuxuu u baahan yahay inuu socdo oo shaqeeyo. Guri ayaa iska fadhinaya oo kolba reer ayaa u yeedhanayaa, sidaas dal laguma wado ee dal waxaa lagu wadaa siyaasad, istiraatijyada iyo wada-tashi.

Dabageed oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan khilaafka HIRSHABELLE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo haatan ku sugan magaalada Nairbi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan iyo wasaaradda maaliyadda ee HirShabelle, kaas oo ku aadan mideynta canshuuraha maamulkaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa taageero u muujiyay guddoomiye Cali Jayte oo ka biyo diiday in canshuurta Hiiraan si toos ah loogu shubo qasnadda wasaaradda maaliyadda HirShabelle.

Madaxweyne ku xigeenka oo qoraal soo saaray ayaa sidoo kale ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf horleh, isla-markaana dib u dhigi kara howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay in lagu socdo hannaankii hore ee canshuuraha inta laga xalinayo khilaafka haatan soo shaac baxay.

Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale ku kala qaybsamay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo garabna taageeray go’aanka wasaaradda maaliyadda HirShabelle, halka uu si cad uu diiday Mudane Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu keeni karo habacsanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

“Madaama aay muhiim tahay in amaanada Shacabka la xafido oo aan lagu takri falin laguna Degdegin waxa danta guud ah ayadoo loo eegayo si xilkasnimo ah daruufaha aay ku jiraan shacabka Reer Hiiraan aawadeed. ma jirto sabab aan waqti kaga Dhumino shacabka oo dagaal kula jiro khawaarijta Dhaqaalahooda, hooseeyo waxii aan ku kabeeynay Misaaniyada dagaalka iyo kabka adeegyada Maamulka in lagu bixiyo maanta , in loo weeciyo wax qorshaheeda waqtiyeed aanan la hubin kuna dhisan mustaqbal fog oo aan laheyn qorsho Degsan oo dhab ah midaas oo shacabka ku rideeyso dhiig bax dhaqaale oo aan soo kabasho laheeyn iyo dib u dhac maamul oo sababi karo Dayac amni oo baahsan iyo dib u noqosho cadawga hiil u ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in hantida shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku baxdo meel aan hubanti laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo isna shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baledweyne, isaga oo ay hareera fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, ayaa sheegay in la mideynayo canshuurta maamulka Hirshabelle, isla-markaana ka maamul ahaan ay ogolaadeen in canshuurta Hiiraan lagu shubo qasnadda wasaaradda maaliyada maamulka Hirshabelle.

Si kastaba, xisaddan cusub ee ka taagan HirShabelle ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan maamulkaasi uu wajahayo daruufo isbiirsaday, sida dhaqaale yari, fatahaad iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaan oo weli ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sawirro: Ciidanka DF ee ka dagaalamaya Galgaduud oo gacanta ku dhigay 12 nin oo…

0

Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada aagga deegaanka Cali Afrax oo 12 KM u jira magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka oo ku sii siqaya deegaano hor leh ayaa gacanta ku dhigay tiro maleyshiyaad ah, kuwaas oo isku dayey inay iska dhigaan dad shacab ah, waxaana xubnihii la qabtay ku socda baaritaan.

12 nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gacanta lagu dhigay, kuwaas oo dadka deegaanku ay ciidanka u far-muuqeen ama ku war-geliyeen inay ka tirsanaayeen kooxda.

Bulshada deegaanka Cali Afrax ayaa ciidanka ku soo dhaweeyay deegaanka oo Shabaab-kii joogay ay isaga carareen, sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Al-Shabaab waxay maalin ka hor deegaanada hoos taga Galcad uga carareen gaadiidkoodii, kadib markii ay soo wajahday shidaal la’aan baahsan, maadaama ay go’doomisay dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor, Maxamed Abuukar Xasan (Shaarib) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in hadda ay 43 KM u jiraan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ah halka degmo ee gobollada dhexe ay Al-Shabaab ka joogaan.

Sarkaalkaan ka tirsan ciidanka Gor Gor ee Galgaduud ka dagaalamaya ayaa sheegay in deegaanada ay kooxdu joogto uu ka jiro khilaaf adag, kadib markii qaar ka mid ah ay go’aanadeen inay isku soo dhiibaan dowladda, qaarna diideen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada qaar ay dadkii shacabka ahaa ka daba carareen kooxda, isla markaana ay u suurta-gashay inay dib deegaanadooda uga soo celiyaan qoysaska qaar.

Iyadoo dhulkaan ay colaadi ka jirto oo ciidanka qaranka ay si joogto ah u baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, waxaa la soo weriyaa inuu ka da’ayo roob lixaad leh oo aad u saameeyey dadka shacabka ah ee ka qaxaya deegaanadooda.

Kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay in shacabka ay ku kalifeyso inay ka qaxaan deegaanooda, markii ay gudaha u soo galaan ciidamada dowladda, si ay gabaad uga dhigtaan oo aan loo duqeyn markii ay duurka u baxaan.

 

Maxay ka dhigan tahay booqashada Antonio Guterres ee Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa Talaadadii booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Antonio Guterres ayaa Soomaaliya yimid markiisii labaad, wuxuuna booqashadiisii ugu horreeyay dalka ku yimid, 2017-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya wajaheysay xaalado adag.

Xoghayaha ayaa isla shalay booqday xeyaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Baydhaba, si usoo qiimeeyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi, sidoo kale waxaa xalay munaasabad maamuus ah loogu sameeyay gudaha xarunta Villa Soomaaliya.

Haddaba, maxay ka dhigan tahay booqashada Guterres ee Soomaaliya? 

Aqoonyahan Axmed Cabdi Haadi oo bare jaamacadeed ka ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay in booqashada Antonio Guterres ay tahay mid muhiim ah, isla-markaana ay indhaha caalamka kusoo jeedineyso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in booqashadiisa ay salka ku heyso xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay abaaraha baahsan ee haatan ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Soomaaliya wuxuu u doortay daruufaha abaareed ee dalka ka jira inuu indhihiisa ku arko iyo inuu fiiriyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha QM ee ka howlgala dalka” ayuu wareysigan ku yiri Axmed Cabdi Haadi.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday booqashada Xoghayaha Guud ee QM uu ku tegay magaalada Baydhaba, gaar ahaan xeryaha barakayaasha, wuxuuna tilmaamay in sawirkaas uu adduunka kaga imaan karo qaaraan ay hesho dowladda federaalka.

“Dhinaca bani’aadanimada kaamiskii uu tegay Baydhaba annaga in dalkeena kaamis la tago oo carruur rafaadsan ka arko caadi bey nala tahay, laakiin adduunka caadi nalama aha marka sawirkaaas uu meesha kusoo galay qaaraan badan oo addduunka kaga imaan karo ayaa jiro Soomaaliya, iyadana sidaas darteed ayuu u sameynayaa” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jiro xaalado isbiirsaday, waxaana gudaha ku barakacay ku dhowaad 3 milyan, halka ay gargaar u baahan yihiin kala bar shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay baaqdeen shan xilli roobaan oo xiriir ah, sid ay sheegeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada ee dalka.

Jeneraal Odawaa Yuusuf oo shacabka u diray farriin la xiriirta dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo saaray warqad hambalyo ah oo ku socota ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-degaya sanad guuradooda 63-aad.

Sanadka kasta 12-ka bisha April waxay ciidanka xoogga dalka u dabaal degaan sanad guuradooda ka soo wareegatay markii la aas-aasay sanadkii 1960-kii.

“Geesiyaasha qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta, waxaan ku boorinayaa inay sida geesinimada leh oo ay uga guul gaareen howlgalladii ay fuliyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Jeneraal Odowaa.

Sidoo kale Taliye Odowaa ayaa codsi u diray shacabka Soomaaliyeed, si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag uu kula jiro ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ciidanka qaranka ku garab siiyaan sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta baneysatay dhiigooda, maalkooda iyo sharaftooda,” ayuu ku sii daray qoraalka Jeneraal Odowaa.

Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka xoogga dalka wuxuu guul u rajeeyey ciidanka qaranka ee furimaha ka dagaalamaya, si ay u tirtiraan kooxda Al-Shabaab.

Sanad guuradaan ayaa ciidanka xoogga dalka uga duwan kuwii hore, wuxuuna sanadkaan u dhalanayaa ciidanka, iyadoo ay dagaal adag kula jiraan Al-Shabaab oo gobollada dalka ay ku wajahayaan dagaalo adag.

Munaasabadda dabaal-degga sanad guurada ciidanka xoogga dalka ayaa xoogeeda lagu qaban jiray magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo halkaas lagu soo bandhigi jiray dhoolatus militeri oo Madaxweynaha dalka uu ka qeyb geli jiray.

Balse sanadkaan waxaa loo badinayaa in taasi aysan u suurta galeyn ciidanka, waxaana furimaha dagaalka ku maqan dhamaan saraakiishii ugu sareysay ciidanka xoogga dalka oo ay ugu horeeyaan Taliyaha guud Jeneraal oo Sh/Dhexe jira iyo Taliyaha ciidanka dhulka oo Galgaduud jira.

Mareykanka iyo Sacuudiga oo furay wada-hadal la xiriira colaadda dalka Yemen

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay in la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan uu la hadlay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kadin xiriir uu la sameeyay Talaadadii.

Labada mas’uul ayaa waxaa ka wadahadleen Iran iyo tallaabooyinka lagu soo afjarayo dagaalka Yemen.

Baaqan ayaa yimid kadib markii dhawaan Beijing ay heshiis kusoo celisay xiriirka Sacuudiga iyo Iran oo ah quwadda gobolka ugu weyn ee Bariga Dhexe, iyada oo heshiiskaas uu ahaa mid aan laga qeybgelin Mareykanka.

Wasiirrada arrimaha dibadda Iran iyo Sacuudiga ayaa toddobaadkii hore ku kulmay magaalada Beijing kadib markii ay ku heshiiyeen inay soo afjaraan khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay kadib sanado badan oo cadaawad ah oo sii hurisay colaadaha ka taagan bariga dhexe.

“Mr Sullivan iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan waxay sidoo kale ka wadahadleen isbeddello ballaaran oo ku wajahan hoos u dhaca gobolka, iyagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in laga hortago hanjabaadaha Iran iyo meelo kale,” ayuu Aqalka Cad bayaan uu soo saaray goor dambe oo Talaadadii ku sheegay.

Sacuudi Carabiya iyo Iran, oo ah quwadaha ugu awoodda badan Muslimiinta Suniyiinta iyo Shiicada, waxay sheegeen inay billaabayaan qabanqaabada dib loogu furayo safaaradaha iyo qunsuliyadaha muddada labada bilood ah ee ku qeexan heshiiskooda Shiinaha.

VOA + Reuters.

Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa isugu yeeray diblomaasiyiinta ku sugan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku maamuusay diblumaasiyiinta ka howlgala dalka oo uu wehelinayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, afur wadareed ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed ee ku tilmaaman martisoorka iyo soo dhaweynta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee saaxiibda caalamiga ah ay ka qaataan dowlad-dhiska Soomaaliya oo haatan heer wanaagsan maraya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankii caawa ku soo bandhigay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowladnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo maanta booqasho laba maalin ah ku yimid Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna kulankoodii kadib qabteen shir jaraa’id.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa soo bandhigay iskaashiga labada dhinac ee dagaalka ka dhanka argagixisada, arrimaha bini’aadannimada iyo la tacaalidda saameynta isbaddelka cimillada.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo dowlad-dhiska, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka.

Intaas kadib, Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu maanta u safray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, wuxuuna booqday xeryo barakac oo ku yaalla daafaha magaaladaas, si xaaladda nololeed ee qoysaska danyarta ah uu ugu kuur-galo.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarkiisa Baydhaba u raacay António Guterres, wuxuuna wafdigaas galabta ku soo laabtay Muqdisho oo caawa uu ku hoyanayo Xoghayaha Qaramada Midoobey.

Dhammaan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa u xiran joogitaanka António Guterres, wax gaadiid ah laguma dhex wada karo magaalada, halka meelaha qaar la diidayo dadka lugeynaya, waxaana lagu wadaa in berri uu Muqdisho ka dhoofo Xoghaye António Guterres.

Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya oo noqday kii ugu dhimashada badnaa caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada hawlgalka uga dhintay iyo kuwa uga dhaawacmay Soomaaliya.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gudaha Soomaaliya in ka badan 16-sano kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, waxaana howlgalkaan ka soo gaaray khasaare lixaad leh oo aan horay ugu dhicin ciidan dal kale loogu diray nabad ilaalin.

Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed El-Amine khasaaraha gaaray ciidanka ATMIS ku shaaciyey waraysi uu siiyey barnaamijka Galka Baarista eek a baxa Idaacadda VOA.

Ergeyga ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen ilaa 4,000 oo askari oo AMISOM ama ATMIS looga dilay ama looga dhaawacay gudaha Soomaaliya, 16-kii sano ee nabad ilaalinta ay iu joogeen.

Madaxa Midowga Afrika ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 3,500 oo askari lagu dilay Soomaaliya, halka inta kale ay la noolyihiin dhaawacyo ka soo gaaray weerarrada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in ciidanka uu khasaaraha ugu badan soo gaalay waayihii ay ku cusbaayeen Soomaaliya ee howlgalku uu bilowga ahaa, iyadoo kiisaska qaar aan si saxan loo diiwaan gelin oo suurta gal ay tahay inay jiraan askar la dilay oo aan diiwaanka lagu darin.

Sidoo kale madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu sheegay in khasaaraha dhimasho ee soo gaaray ciidanka ATMIS ay saraakiishu ku qiyaasayaan 5,000 oo askari, markii la isku biiriyo qiyaasta iyo tira koobka saxan ee la hayo.

Waxaa fashilmay qorshe uu howlgalku doonayey in wadan kasta uu soo gudbiyo tirade saxda ah ee askarta looga dilo Soomaaliya, maadaama wadamada qaar aysan dooneyn inay sheegaan tiro rasmi ah.

80-kii sano ee lasoo dhaafay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu noqday kii ugu dhimashada badnaa ee soo gaaray ciidan nabad ilaalin loogu diro dal ka tirsan dunida.

“Soomaaliya waa u qalantaa in loo dhinto oo qaan kuma ahan ciidankaan, waxay Soomaaliya xornimo qaadatay 60-kii, kadibna waxay ka qeyb qaateen xornimo gaarsiinta wadamo badan oo Afrikaan ah, sidoo kale waxay Soomaaliya wadamada Afrika ka taageertay tababarrada ciidanka iyo waxbarashada, marka waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay u qalanto garab istaag intaan ka badan,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ka qeyb galay barnaamijkaan, isagoo isna ka hadaya ciidamada dhintay iyo weliba hawlgallada milatari ee soo socda.

La-taliye Xuseen wuxuu sheegay in howlgalka Midowga Afrika ay Soomaaliya u heyso abaal weyn, isla markaana ay Soomaaliya abaalkaas ku gudi karto in natiijo rasmi ah laga gaaro howlgalkaan.

Ciidanka ATMIS wuxuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray weerarro toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Leego, Ceel-cadde, Ceel-baraf iyo saldhigyo kale oo khasaare baaxad leh loogu geystay ciidankaan Soomaaliya uga howlgala magaca Midowga Afrika.

Hoos ka dhageyso barnaamijka Galka Baarista

Xasan Sheekh oo dalab muhiim u ah dagaalka Shabaab hordhigay António Guterres

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarunta madaxtooyada qaranka kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee QM Mudane António Guterres oo booqasho kusoo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu hordhigay dalab muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xasan ayaa waxa uu ka dalbaday Xoghayaha Guud ee QM Mudane António Guterres inay kordhiyaan maal-gelinta xasaasiga ah ee QM ka sameynayso deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, si uu hore ugu sii socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda.

“Waxaa haatan wada-shaqeyn la leenahay bah-wadaagta kale oo naga garab siinaya barnaamijyada xasilinta, si deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ugu soo celino nidaamka dowliga ah, waxaan ka rajeynayna QM inay kordhiso maal-gelinta xasaasiga ah ee ka sameynayso deegaanada aan xoreynay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu  Guterres la-wadaagay horumarka ay sameynayso Soomaaliya, gaar ahaan guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

“Mudane, Soomaaliya xilligaan waxay sameynaysa horumar, hore ayaa u socona marka laga hadlayo jihada amniga. Dowladda Soomaaliya waxay dalkeeda ka xoreynaysa gabood falada argagixisada caalamiga oo muddo ka badan 10 sano dhib ku hayay shacabka Soomaaliyeed.”

Xasan Sheekh ayaa intaas kadib waxa uu ka dhawaajiyay in lasoo gaaray xilligii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran in ka badan 31 sano, ayna Qaramada Midoobay kala shaqeynayaan sidii uu dalkeena u gaari lahaa yoolkaasi muhiimka ah.

“QM waxaa kala shaqeynayna sidii dalkeena looga qaadi lahaa xayiraada hubka, waxaan qabaa inay tahay xilligii saxda ahaa ee Soomaaliya laga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka, waxaan QM kaga mahad-celineyna taageerada aad arrintaan naga siineysaan. Gaar ahaan xubnaha Golaha Ammaanka oo garowsaday in Soomaaliya ay soo gaartay heerkii laga qafiifin lahaa cuna-qabateyntan, taasi oo na-caawisay.”

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa waxa uu bogaadiyay booqashada uu dalka kusoo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo shaaciyay inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Al-Shabaab oo odayaal ‘garab u ahaa’ ku xir-xirtay degmada JILIB + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xir-xirtay odayaal daacad u ahaa oo markii hore usoo aruurin jirey lacagaha ay ku sheegaan Zakawaadka ah ee ka qaadan deegaanada ay gacanta ku hayaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Xariga ay kooxda Al-Shabaab kula kacday odayaashan ayaa sii kordhay 48 saac ee u dambeysay, waxaana la sheegay in odayaashan ay kasoo kala jeedaan gobollada Hiiraan iyo Koonfur Galbeed.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay magacyada laba kamid ah odayaasha la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee kooxdu xiratay, kuwaasi oo lagu kala sheegay Maadey, Sidowjiis iyo odayaal kale oo dhaqan ahaan ay u sameysatay kooxda Al-Shabaab.

Odayaashan ayaa eedeynta u weyn ee kooxda u xiratay ayaa ah inay ka gaabiyeen sida ay daacada ugu ahaayeen, si gaar ahna lacagihii ay uga soo aruurin jireen dadka ku qabiilka ah, maadaama ay xilligaan kooxdu aad ugu baahatay dhaqaale xoog leh, xilli uu socdo dagaal ka dhanka ah.

Warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in amarka lagu soo xiray odayaashan uu bixiyay horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka, Abuu Cabdalla oo magaciisa hore uu ahaa Xiiray, kana soo jeeda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Odayaasha uu xir-xiray Abuu Cabdalla ayaa la sheegay inay qaarkood isku hayb yihiin, uguna hanjabay inuu dili doono. Ninkan ayaa waxa uu xariga odayaashan u xil-saaray horjoogaha Maaliyadda kooxda Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka oo lagu magacaabo Cabdiqafaar.

Cabdiqafaar ayaa isagu toos u hoostaga oo u adeegaya horjoogaha guud ee Maaliyadda kooxda, Cabdikariin Horseed oo isagna deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Odayaashan ayaa la sheegay in laga raba inay lacagaha uga soo aruuriyaan beelaha ay kasoo jeedan sida ay hore u sameyn jireen, ama ifka laga qarin doono, sida ay ugu hanjabeen horjoogayaasha kooxda.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu ku billowday dagaalka ka dhanka ah, oo qeyb ka yahay midka dhaqaale ayaa wajaheysay culeys dhaqaale oo baahsan, iyada oo mar lasoo wariyay in si weyn uu hoos ugu dhacay mushahaarkii ay siin jirtay dagaal-yahaanadeeda.

DF Soomaaliya oo wada-xaajood cusub la yeelatay wakiilo ka socda Ruushka

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa wada-xajood la yeeshay wakiilo ka socday dowladda Ruushka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa furitaanka shirka kadib, si gaar ah kulamo ula qaatay madaxda hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, kuwaasi oo ku qotomay horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dr. Cilmi ayaa waxa uu wada-xaajood la yeeshay wakiilada ka socday Ruushka oo kamid ah dowladaha deynta ku leh Soomaaliya, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay usocday wada-hadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa G1) Dr.Floribert Ngaruko oo ay ka wada-hadleen arrimaha dib-u-habeynya maaaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa kale oo kulan doceed la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Afrika ee Hay’adda Maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Sérgio Pimenta, waxayna wada-hadalkooda diiradda ku saareen sidii IFC ay u maal-galin laheyd ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee bulshada Soomaaliyeed.

Isku soo wada duubo, shirka sanadlaha laha ah ee guddiga sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulamo diiradda lagu saari doono xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanado badan dadaal ugu jirtay deyn cafinta dalka, oo horumar ballaaran laga sameeyay, waxaana barbar socda qorshe ay dowladda ku qaadaneyso deyn kale oo balaayiin doollar ah, si uu dalka u gaaro isku filnaasho dhaqaale.

Xogta kulan dhex-maray saraakiil ka socotay Ethiopia iyo madaxda Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xarunta Wasaaradda Difaaca ee Somaliland ayaa waxaa maanta ka qabsoomay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyay wasiirka wasaaradda Cabdiqani Caateeye iyo Safiirka Ethiopia ee Somaliland Amb. Dalil Kadir Bushra.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa safiirka ku wehliyay uqaybsamaha difaaca (Military attache), halka dhanka Somaliland at qeyb ka ahaayeen saraakiisha ciidanka qaarkood, waxaana looga wada-hadlay iskaashiga labada dhinac

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa waxay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo Dhaqanka ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale labada dhinac uga wada-hadleen colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo sidii xaalkeeda loogu soo dabaali lahaa jawi nabdoon, sid ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo ka agdhaw kulankaan.

Ethiopia ayaa kal hore isku xilqaamtay waan-waan iyo dhexdhexaadin xal loogu raadinayo dagaalka Laascaanood, kuwaasi oo markii dambe fashilmay kadib markii labada dhinac ee halkaasi isku haya ay shuruudo adag ku xireen in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado.

Dowladda federaalka Ethiopia ayaa lasoo warinaya inay markale dooneyso inay dib usoo celiso dadaallada wax looga qabanayo dagaalka Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Masuuliyiinta Ethiopia ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda Somaliland, ayada oo dhawaan Safiirka Ethiopia ee Somaliland uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo ku siman laba bil, ayada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.

Si kastaba, Marka laga soo tago dhawaaqa ku kooban afka baarkiisa ee dhinac walba uu ku sheego inuu diyaar u yahay xal nabadeed, illaa hadda majiro ifafaalo muujineysa in dhinacyada iskugu yimaadan miiska wada-hadalka si loo qaboojiyo xiisada.

Cosoble oo shaaciyay ‘halis aan laga fiirsan’ oo ka dhalan karta go’aankii madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay go’aanno uu dhawaan shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay dowladda ku xakamayneyso hubka lagu dhex wato caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cali Cosoble ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka madaxweynaha oo uu sheegay in uu yimid waqti aan munaasib aheyn, isaga oo ka digay inay ka dhalan karto halis aan lagu baraarugsaneyn oo la xiriirta go’aanka dowladda ay ku xakameynayso hubka lagu dhex wato magaalada Muqdisho.

Cosoble ayaa waxa uu sheegay in hubka culus ee siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladda uu qeyb ka yahay sugidda amnigooda, ayna caasimadda mari karin haddii ay kaxeystaan ilaalo sidata hub fudud, sida uu hadalka u dhigay madaxweynihii hore ee HirShabelle.

“Madaxweynow sababta ay dowladda u raadineyso in laga qaado cunaqabateynta hubka waa iney la timaado hubka ay argagixisada wadato hub ka waaweyn. Siyaasiga iyo mas’uulka dowladda markuu kaxeysto laba wiil oo bastoolado sita iska daa shabab ee naagta caanaha suuqa ku gadda ayaan ka hor leexaneyn,” ayuu yiri  Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lagama maarman tahay in caasimadda ay masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta kale ku dhex wataan caasimadda hub ka culus midka ay argagixisadu ku haysato magaalada, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab ee dowladda ay dagaalka kula jirto.

“Marka uu qofka mas’uulka ah ku dhex wato magaalada dhashiike iyo dabajeex wuxuu sitaa hub ka waaweyn hubka ay argagixisada ku dhex wadan karto magaalada. Hadduusan hubkaa waaweyn wadan waa la soo hunguriyeynayaa naftiisana khatar ayey galeysaa.”

Marka laga imaado hadalka Cosoble, waxay xukuumadda Soomaaliya ay Axadii soo saartay xeer ka kooban 15 qodob oo lagu xakameynayo hubka culus ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyo ka ganacsiga agabka ciidamada.

Qodobka koowaad ee xeerkaan ay xukuumaddu soo saartay waxaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu wato gaadiid uu saaran yahay hubka culus, sida qoryaha RBG, BKM, Dhashiike iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda aheyni ay dalka keento hub ama gaadiid ciidan, sida Cabdi-bilaha iyo dharka ciidanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay cadeysay in cidii jebisa xeerkaan ee u hoggaansami weysay lagala wareegayo gaadiidka ama hubka, islamarkaana ay noqonayaan hanti dowladeed.

Si kastaba, qaraarka kasoo baxay xukuumadda ayaa si isku mid u saameynaya masuuliyiinta dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada, oo la faray inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada sugaya amniga caasimadda Muqdisho.

Ciidamada dowladda oo hal arrin darteed usii joogi karin deegaanada la qabtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa deegaano horleh ka xoreeyay kooxda, ayada oo dhacday in qaarkood ay ciidamada dib u faarujiyaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay tegay deegaano dhowr ah oo laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayaa si kale u dhigay arrintaan, isaga oo shaaciyay in ciidamada ay tahay inaysan kusii nagaadin deegaanka ay qabsadaan ee hore uga sii socdaan, si aysan argagixisada ugu soo rogaal celin ee difaaca ka xirtaan dhanka hore.

“Ma u baahna xeradan ama Janaay-Cabdalle in aan sii joogno qorshaha diyaar uma nihin oo kuma tala-galin maalintii u horeysay in aan halkaan difaaca ka galno, waxay aheyd in wadadaas waxyar soo wadno oo jidkaan hore u furno oo Xagar qabano oo wadadaas furno Shabaab wax ka dambeeya ma jiro, waa hubaal taasi,” ayuu yiri.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qaba in deegaanada la qabsaday aysan ciidamada difaac ka gelin ee hore uga sii socdaan, sida dhowr jeer dhacday waxay kooxda Al-Shabaab ay weerar rogaal celin ah ku qaaday deegaano laga xoreeyay, taasi oo dhalisay khasaare badan.

“Ha go’doomin wax la yidhaahdo ayaa jirta, oo ha go’doomin waxay sababeysa qofka in uusan ku eekan oo dhabarkiisa laga xidhin, taas macnaheeda waxa weeyi fadhigu askariga difaac ka culus oo uu gali karo majirto, qofka inuu socdo oo weerar qaado oo roondo sameeyo waa wax uu gali karo, laakiin in aad god ku jirtaa waa wax culus.”

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay inay ciidamada muujiyaan feejignaan dheeri ah, “Aan ku tala-galno idinka ayaa la idinku ogyahay oo ciidan meesha jiifa ayaa tihiin oo shaqo ayaa la idinka sugaya, shaqada la idinka sugayo sidey tahay u qaata.”

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu sii soconayo, illaa inta laga xoreynayo guud ahaan deegaanada ay kooxda kaga sugan tahay maamulka Jubbaland.

“Wey sii socon doonaan howl-galada dib u xoreynta, waxaana la dardar-gelin doona maalmaha soo socda, si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guterres? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada qaranka kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo saaka booqasho kusoo gaaray magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

Waxaa kale oo uu dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay booqashada uu maanta dalka kusoo gaaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo shaaciyay inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga mahadceliyey António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Dhankiisa Xogahayaha Guus QM ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

António Guterres ayaa xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.

Waa booqashadiisii labaad ee uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kusoo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna horay u yimid sanadkii 2017-kii, isagay oo markaas booqday xeryo ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha.

 

Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday guddoomiye Jeyte iyo HirShabelle

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan xiisad cusub oo salka ku heysa arrimaha maaliyadda ay ka dhex qaraxday guddoomiyaha gobolkaasi, Cali Jayte Cismaan iyo wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Cali Jayte oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka horymid qorshe ay HirShabelle ku dooneyso in lagu mideeyo canshuurta, wuxuuna diiday in canshuurta gobolka Hiiraan ka timaada ay ku dhacdo qasnada wasaaradda maaliyadda Hirshabelle ee degan magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu keeni karo habacsanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

“Madaama aay muhiim tahay in amaanada Shacabka la xafido oo aan lagu  takri falin laguna Degdegin waxa danta guud ah ayadoo loo eegayo si xilkasnimo ah daruufaha aay ku jiraan shacabka Reer Hiiraan aawadeed. ma jirto sabab aan waqti kaga Dhumino shacabka oo dagaal kula jiro khawaarijta Dhaqaalahooda, hooseeyo waxii aan ku kabeeynay Misaaniyada dagaalka iyo kabka adeegyada Maamulka in lagu bixiyo maanta , in loo weeciyo wax qorshaheeda waqtiyeed aanan la hubin kuna dhisan mustaqbal fog oo aan laheyn qorsho Degsan oo dhab ah midaas oo shacabka ku rideeyso dhiig bax dhaqaale  oo aan soo kabasho laheeyn iyo dib u dhac maamul oo sababi karo Dayac amni oo baahsan iyo dib u noqosho cadawga hiil u ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in hantida shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku baxdo meel aan hubanti laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Sabab aan ugu qaado  wax ka hooseeyo  waxii aan shabaab ka diiday ineey Gobalka Hiiraan ku Haayeen, ama aan ugu qancin  karo dadka aan Masuulka ka ahay, taas micnaheedo oo ah in Hantida shacabka reer hiiraan ku baxdo meel aan hubanti laheyn danahoodane lagu kabi karin” ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ku baaqay in la keeno hannaan Maaliyadeed oo daahfuran oo la isla ogolyahay, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo lagu wada shaqeyn karo, islamarkaana ay tahay in la ixtiraamo sarreynta sharciga.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in reer Hiiraan ay xilligaan u baahan yihiin taageero iyo garab istaag, maadaama ay dagaal kula jiraan xoogaga Al-Shabaab, wuxuunq ku baaqat in aan looga sii darin xaaladda taagan.

“Shacabka reer Hiiraan waxeey u baahan yahiin kab’mo  ee uma baahno kufin waxaan la tacaali haayna soo kabasho amni iyo mid dhaqaale kumana darsan karno wax hoos u dhigayo midnimada umadda ayadoo la fiirinayo daruufaha lagu jiro kuwii jiray iyo kuwo abuurmi karo,” ayuu markale yiri Cali Jayte.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa inoo furan hal jid oo ah la dagaalanka khawaariijta ma jirto wax ka hooseeyo oo aan ku qanci karno maanta iyo beriba. Shacabka reer hiiraan waxaan u cadeeynayaa ka masuuliyad ahaan waligeey kuma shaqeeyn umana hogaansamin dan gaar ah anigoo awoodo inaan danta guud guulo ka curiyo mana aqbalaayo mana aqbali doono wax ka hooseeyo sharci iyo Dowladnimo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay galinkii dambe shir jaraa’id oo uu Beledweyne ku qabtay guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo ay hareerahiisa fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka ku sheegay in la mideynayo canshuurta maamulka HirShabelle, isla-markaana ka maamul ahaan ay ogolaadeen incanshuurta lagu shubo qasnada wasaaradda maaliyadada ee maamulkaasi.

Sidee ayaa looga fal-celiyey tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday ergey Guuleed?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shalay kulan muhiim ah Aqalka Dowlada Djibouti kula qaatay Madaxweyne Ismaaciil CUmar Geelle.

Cabdikariin ayaa ugu horeyn Madaxweyne Ismaaciil gaarsiiyey salaan sharafeed uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo ergeyga arrimaha Somaliland ayaa ku qotomay wada-tashi ku aadan ka gun-gaarista wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

“Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankeenu waxa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doono. Madaxweynaha oo aan la wadaagay howsha culus ee na hortaala ayaa inoo muujiay sida dowladda Jabouti ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyeed,” ayuu Guuleed ku yiri qoraal uu kasoo saaray kulankan.

Cabdikariin Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana u qorsheysan in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wadahadallada.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday ergeyga arrimaha Somaliland?

Hoos ka aqriso, aragtiyo kala duwan oo Caasimada Online ay idinka soo aruurisay kulanka uu ergeyga arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed uu kula qaatay dalka Jabuuti madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Xasan Xaaji Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabadii ugu horeysay Guuleed iyo kulanka uu la qaatay Geelle ayaa waxa uu yiri  “Mudane qorshe degsanaa miyaa howshana hadii lagu magacaabayba fakatax ayaa hore ka tiriye?!. Wax kheyr leh Insha Allah. Hargeysa in aad tagtana waa rajeyneynaa.”

“Mudane si fiican ayaad hawsha wadahadalka u bilowday mudane madaxwyene Geele waa Oday Soomaliyeed oo mar walba jecel horumarka walaalnimda Soomaalida Geeska. Somaliland iyo Somalia waxa la soo gaadhay wakhtigay ku wada noolaan lahayeen walaalnimo iyo derisinimo tixgelin leh,” ayuu yiri Saciid Cusmaan.

Cabdiraxmaan Barkhadle oo isagu dhaliilay waxa uu kulankan kusoo kordhin karo shaqada Guuleed ayaa waxa uu yiri “Shaqadaadu halkaa maaha Cabdikariinow, Hargeysa iyo Laascaano inaad ka degtay ahayd.”

“Taageero waxaad uraadinaysaan Muuse Biixi Cabdi si aad uga khafiifisaan jabka ka soo gaadhay dagaalka,” ayuu yiri Axmed Cabdi Cumar.

“Cabdkariin Xuseen Guuleed waxaan kugula talin lahaa arrimaha Falastiin Iyo Israel inaad America u aadid oo Biden kala soo hadashid,” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Aadan oo isagu kamid ah dadka ka fal-celiyay ee sida weyn u dhaliilsan kulanka Guuleed iyo Geelle.

Cabdicasiis Kaarshe ayaa isaguna waxa uu yiri “Waan garanay Jabuuti balse maxa ka galay waddamada Geeska Afrika wada-hadalada masiirka umadda Soomaaliyeed.”

“Gudoomiye hawl culus ayaad haysaa Insh Allah waxaan rajeynayaa in la kala tago ama la midooobo,” ayuu yiri Axmed oo kamid ah dadka aragtidooda ka dhiibtay kulanka ergeyga arrimaha Somaliland uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Xasan Seed oo ka fal-celiyay siduu u arko kulankaan ayaa isagna waxa uu yiri “Mudane si fiican ayaad uwada shaqadii lagu doortay, xilkaas Alle ha kugu asturo doorkan waxaan ka sugayna wada-hadalkaas inu noqdo mid midha-dhala oo Somaliland guul uga soo hoyda.”

Si kastaba, Kulanka Guuleed iyo Geelle ayaa imanaya, xilli lagu wado in dhawaan dib loo bilaabo wada-hadalladii mudooyinkaan hakadka ku jiray ee Soomaaliya iyo Somaliland oo markii u dambeysay ay garwadeen ka aheyd dowladda Jabuuti.

Xaalad deg deg oo la xariirta dagaalka Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gobolka Galgaduud ayaa looga dhawaaqay xaalad feejignaan ah oo ka dhalatay dagaalka lagu qaaday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidanka xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe ay gudaha u galeen deegaanada bari ee gobolkaas oo sanado badan ay Al-Shabaab xukumayeen.

Maamulka gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaa laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka faray inay heegan galaan, maadaama Al-Shabaab ay ku soo firxa karaan, markii ay iska difaaci waayaan duulaanka kaga soo wajahan ciidanka xoogga dalka.

Gudomiye ku xigeenka Gobolka Galgaduud Xasan Gaboobe ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wajiga labaad ee howlgallada lagu sifaynayo Al-Shabaab uu si xowli ah uga socdo Gobolka Galgaduud, dhawaana la rajaynayo in demada Ceelbuur laga xoreeyo kooxda.

Qoraalka ka soo baxay maamulka gobolka Galgaduud ayaa afar qodob lagu faray maamullada degmooyinka gobolkaas iyo guud ahaan bulshada, si looga hor tago khatarta Al-Shabaab.

Afarta qodob ayaa kala ah:

1 – Waxaa maamullada degmooyinka iyo deegaanada gobolka la farayaa in si dhow ay ula socdaan firxadka Al-Shabaab, si bulshada aysan ugu dhex milmin.

2 – In gaadiidka soo gelaya degmooyinka gobolka la hubiyo, si gaar ah laamaha amniga iyo saldhigyada booliska, si loo ilaaliyo badqabka bulshada.

3 – In milkilayaasha guryaha iyo hoteellada ay ku soo wargeliyaan laamaha amniga cid kasta oo ku soo kororta, si aysan gabaad ugu noqon Al-Shabaab.

4 – Dhammaan maamullada degmooyinka waa inay u diyaar garoobaan taakuleynta iyo halganka lagu soo afjarayo Al-Shabaab, wacyi-gelinna ay u sameeyaan bulshada.

Hoos ka akhriso warqadda

Waddooyinka Muqdisho oo loo xiray hal arrin darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayada oo la soo dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo wata baabuurta dagaalka ayaa lagu arkaayaa jidadka muhiimka ah, gaar ahaan waddooyinka Wadnaha, Maka Al-Mukarama iyo kuwa gala garoonka Aadan Cadde, waxayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay u diidayaan in ay Isticmaalaan waddooyinkaasi.

Isgoysyada xiran ayaa waxaa kamid ah, Dabka, Taleex, Soobe iyo Banaadir, Tarabuun, Bakaaraha, Howlwadaag, Siinaay iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

Ujeedada ka dambeysa in waddooyinka Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in maanta ay caasimasa soo gaari doonaan wafdi heer caalami ah.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka waddooyinka ayaa saaka kusoo baraarugay marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Wafdiga kusoo foolka leh magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaamin doono xoghayaha Qaramada Midoobey Antonio Guterrs, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Guterrs marka uu soo yimaado magaalada Muqdisho uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay xaaladaha bani’aadanimo ee dalka iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka oo ku aadan booqashada wafdigan caalamiga ah ee maanta ku soo wajahan caasimada dalka ee Muqdisho.

Si kastaba, waa markii labaad oo uu Muqdisho booqasho ku imaanayo xoghayaha guud ee QM, waxayna aheyd markii u dambeysay 2017.

Maxaa sahlaya in Muqdisho mar walba hoobiyayaal lagu garaaco, maxaase xal u ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa kusoo noq-noqday hoobiyayaal laga soo tuuro qeybo magaalada kamid ah, kuwaasi oo lagu tuuro xarumo dowladeed iyo goobo dad shacab ah degan yihiin.

Xalay ayaa ugu dambeysay tiro hoobiyayaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen guriga mid kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halkaas oo khasaare ka dhalatay.

Falalka noocaan ah ayaa dhowr jeer dhacay saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay. Dowladda ma sheegin halka laga soo tuuray, mana jiraan dad loo qabtay duqeymahan.

Dadka badi waxay isweydiinayaan maxaa sahlaaya in gudaha caasimadda hoobiyayaal laga soo tuuro, maxaase xal u noqon kara dhibaatada.

Maxaa sahlaya dhibaatadaan?

Dadka badi waxay uga jawaabayaan hubka faraha badan ee magaalada Muqdisho ku firidhsan ee ku jira gacmaha aan aaminka aheyn ee ka baxsan dowladda.

Ciidanka dowaldda waxay ku mashquulsan yihiin Al-Shabaab hub kala imaanaya banaanka magaalada, laakiin waxaa jira kooxo hubka ka ganacsada oo magacyo badan leh oo Muqdisho jooga, kuwaasi oo ay sahlan tahay in Shabaab-ka hubka ugu geeyaan halka ay rabaan inay ku isticmaalan ama ka tuuraan.

Dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka hadlay ka ganacsiga hubka iyo dhibaatada uu ku hayo magaalada Muqdisho.

Qoddobka ah maxaa u xal ah?

Dowladda waxay maalmahan waday xakameynta hubka caasimadda, shalay waxaa la faafiyay xeerka xakameynta hubka. Jimcihii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in la mamnuucay ka ganacsiga hubka iyo guud ahaan qalabka ciidanka.

Mid kamid ah xalka dhibaatadan waa in la dhaqan-geliyo go’aanka dowladda ay ku joojisay ka ganacsiga hubka. Waxaa jira dad dood ka keenay qoddobka joojinta ka ganacsiga hubka iyo guud ahaan agabka ciidamada, laakiin haddii aan mawduucaas dowladda lagu taageerin waxay dadka badi qabaan in dhibaatadan sii socon doonto.

Mida kale ee xalka qeybta ka ah waa isla-xisaabtan amni, hoobiyeyaasha waxaa laga soo tuura qaar kamida ah degmooyinka gobolka Banaadir, mararka qaar maalin cad ayaa la tuura.

Degmo kasta waxaa jooga taliye Boolis iyo mid Nabad-sugid, haddana lama fahmo lamana ogaado degmada laga soo tuuray hoobiyaha, taasi waa wax caqliga ka fog.

Dowladda waxay ku qasban tahay inay dib u qiimeyso madaxda ciidamada ee degmooyinka, gaar ahaan kuwa daafaha magaalada ku yaalla, oo loo badinayo in hoobiyayaasha laga soo tuuro.

Haddii aan dib u hubin iyo isla-xisaabtan lagu sameyn dhalinyarada madaxda looga dhigay laamaha amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir, maalin walba dad qiimo leh ayaa ku dhimanaaya falkaan.