27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Sawirro: Sidee Guterres loogu soo dhaweeyay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterrs iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Guterrs iyo wadiga uu horkacayo ayaa waxaa garoonka uga hortegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo dalka kusoo dhaweeyay, isla-markaana kulan hordhac ah kula yeeshay qaybta nasiinada ee garoonka Aadan Cadde.

Soo dhaweynta ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska QM.

Intaas kadib xoghayaha ayaa waxaa la galbiyay dhanka madaxtooyada, halkaas oo uu kulamo gaar gaar ah kula qaadan doono madaxda sare ee dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay xaaladaha bani’aadanimo ee dalka iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale wxuu booqan doonaa qaar kamid ah xeryaha baracayaasha, isaga oo u kuur-geli doono xaaladaha adag ee ka jira iyo duurafaha ay wajahayaan qoysaska soo barakacay.

Dhanka kale, waxaa imaashaha wafdigan caalamiga ah loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayada oo la soo dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda oo wata baabuurta dagaalka ayaa lagu arkayaa jidadka muhiimka ah, gaar ahaan waddooyinka Wadnaha, Maka Al-Mukarama iyo kuwa gala garoonka Aadan Cadde, waxayna gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee raaxada u diidayaan inay Isticmaalaan waddooyinkaasi.

Isgoysyada xiran ayaa waxaa kamid ah, Dabka, Taleex, Soobe iyo Banaadir, Tarabuun, Bakaaraha, Howlwadaag, Siinaay iyo sidoo kale waddooyin kale oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

Sidoo kale, shacaka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka waddooyinka ayaa saaka kusoo baraarugay marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Si kastaba, waa markii labaad oo uu Muqdisho booqasho ku imaanayo xoghayaha guud ee QM, waxayna aheyd markii u dambeysay 2017.

Dhageyso: GorGor oo shaacisay inta ay u jiraan Ceelbuur iyo halka ay joogaan Al-Shabaab

0

Galcad (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka lagu xoreynayo degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee kooxda Al-Shabaab ay ka joogto gobollada dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta Al-Shabaab ka xoreeyey degaanka Cali Afrax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay isaga carartay markii ay ka war-heleen in ciidanka dowladda ay ku soo wajahan yihiin.

Maxamed Macalin Abuukar Xasan (Shaarib) oo ah Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor ayaa Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in 43 KM ay hadda u jiraan degmada Ceelbuur.

Waa halka degmo ee gobollada dhexe ay ka joogaan Al-Shabaab, wuxuuna sheegay Taliyuhu in maalmaha soo socda ay gaari doonaan Ceelbuur.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa xaqiijiyey kooxda Al-Shabaab ay shalay seddax gaari uga carartay degaanka ceel-juqow kadib markii ay gudaha u galeen ciidamada dowladda.

Sababta ay uga carareen gaadiidkaas wuxuu ku sheegay Shidaal la’aan ku dhacday kooxda, maadaama ay go’doon adag gelisay dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay taliyuhu.

Sarkaalkaan hoggaaminaya ciidanka Gor Gor ee Galgaduud ka dagaalamaya wuxuu sheegay in deegaanada ay kooxdu joogto uu khilaaf adag ka jiro, kadib markii qaar ka mid ah ay go’aanadeen inay isku soo dhiibaan dowladda, qaarna diideen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada qaar ay dadkii shacabka ahaa ka daba carareen kooxda, isla markaana ay ku dadaalayaan in qof shacabka aysan dhibaato gaarin.

“Shacabkaan 15 sano ayey gumeysi ugu jireen ragaas, waa ka daba qaxeen, laakiin meel kasta waan uga dabategeynaa waana ka soo badbaadineynaa cadowga ka xeystay,” ayuu yiri Taliye Maxamed Shaarib.

“Go’doon ayey ku jiraan Al-Shabaab 70 KM oo isku weer ah ayay ka joogaan Galmudug, maalmaha soo socdana godadkooda ayaan ugu dada doonaa, dhamaan gobollada dhexe waa isku furan yihiin, jiho kastana waan ka joognaa goobaha ay ku dambeeyaan kooxaha argagixisada ah,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii sarkaalkaas ka tirsan Gor Gor wuxuu yiri, “Roobkii nagu bilowday shalay ayaa nagu da’aya, dadkii ka qaxay deegaanadaan duurka ayey ku dhibaateysan yihiin, wax ay cunaan iyo wax ay roobka ka galaan ma heystaan, waxaan ka gaareynaa waana badbaadineynaa noloshooda,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Ruushka iyo Ukraine oo isdhaafsaday maxaabiistii ugu badneyd

Moscow (Caasimada Online) – Ruushka iyo Ukraine ayaa isweydaarsaday in ka badan 200 oo maxaabiis dagaal ah maalinimadii Isniinta, sida laga soo xigtay masuuliyiin ka kala tirsan labada dhinac.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay sii daysay 106 askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka, kadib wadahadal dhex-maray labada waddan.

Dhanka kale agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa isna xaqiijiyay in dhankiisa Ruushka uu sii daayey illaa 100 maxbuus oo ay ku qabteen dagaalka Ukriane.

Labada dhinac midna ma bixinin faahfaahin intaas ka baxsan, iyo weliba habka loola kala wareegay maxaabiista.

Agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay barta Telegram, in qaar ka mida maxaabiista Ukraine ee la sii daayey inay qabaan dhaawacyo aad u xun iyo weliba xanuuno kale.

Isweydaarsiga maxaabiistu waa mid ka mida, meelaha kooban ee ay ka wada-shaqeeyaan Ruushka iyo Ukraine, tan iyo markii uu dagaalku ka dhex qarxay.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.

Daawo: Axmed Madobe oo maanta isku maray 5 degaan oo laga xoreeyay Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa kala ah Aw-qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Axmed Madoobe oo halkaasi khudbad uga jeediyay cutubyo katirsan ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen nabad iyo xornimo.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo baahan yahay in deegaanada kale ee wali argagixisadu ay joogaan laga xoreeyo, islamarkaana ay tahay in la gaarsiiyo horumarka dowladnimada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaas waxa uu kusii daray in markii la xoreeyay deegaanka Jannaa-Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen ciidamada qalabka sida.

“Waxaa dib u howl-galinay markii la xoreeyay ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan (ciidamada) dadka deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee dowladda,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Axmed Madoobe ayaa dadka reer Jubbaland u ballan-qaaday inay wadayaan howl-galada ka dhanka kooxda Al-Shabaab, illaa inta la xoreeynayo deegaanada maamulka Jubbaland, oo qeybo kamid ah gacanta ku hayso kooxda.

“Wey sii socon doonaan howl-galada dib u xoreynta, waxaana la dardar-gelin doona maalmaha soo socda, si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waa markii u horeysay ee Axmed Madoobe uu tago shantan deegaan tan iyo markii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo muddo ka talineysay, waxayna kusoo aadeysa xilli uu dardar ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda, ayna bilaabanayaan wejiga labaad ee howl-galada oo ay qeyb ka yihiin dalalka deriska.

Hoos ka daawo

Wasiir FIQI oo war kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa ay ciidanka ka wadaan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay howl-galada cusub ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyntii bogaadiyay howl-galadaas oo uu sheegay inay yihiin kuwa wax ku ool ah oo lagu badbaadinayo nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galada Booliska ay ka wadaan caasimada iyo guud ahaa gobolka ay baajiyeen fal-dambiyeedyo qatar ku ahaa amaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waan ku bogaadinayaa shaqada wanaagsan iyo adeegga ay umadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada Booliska gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri WAsiir Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe howl-galo lagu xaqiijinayo amniga ka waday magaalada Muqdisho, iyaga oo ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga caasimadda, kaasi oo si weyn looga dareemay magaalada.

Intii ay socdeen howl-galada qeybta ka ah qorshaha xasilinta amniga caasimadda ayaa waxay ciidamada ka hortageen kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga lid ku ah ka geysanayay magaalada iyo qaraxyo la rabay in lagu aaso hareeraha waddooyinka.

Booliska ayaa shalay howl-gal ay ka sameeynayeen deegaanka Garasbaaley ku toogtay Shabaab doonayay inuu aaso miino, kadib markii uu sameeyay iska caabin, sida ay uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo gacanta kusoo dhigeen, xilli uu miino ku dhejinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Ninkan ayuu Booliska la xiriiriyay kooxda Al-Shabaab. Gaariga ayaa qarxay, ka hor inta aanay ciidamada miino baarista ka hawlgelin.

Sidoo kale habeen kahor ayaa sidoo kale waxa uu taliska sheegay in nin kale oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay miino kula qaraxday deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, xilli uu ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa aad uga nasataya qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira amniga oo la adkeeyey iyo kooxda Al-Shabaab oo gobollo badan dagaal looga furay.

Mucaaradka Somaliland oo farriin u direy Guuleed iyo ‘nooca wada-hadallada…’

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa markii u horeysay farriin toos ah u direy ergeyga cusub ee wada-hadalada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed, xilli la filayo inay dib u billowdaan wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ergeyga cusub looga baahan yahay in wada-hadalada labada dhinac ay marka hore ku bilowdaan “soo celinta heshiisyadii labada dhinac hore u wada-galeen”.

Guddoomiye Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in lagama maarman ay tahay in wada-hadalada dib u bilaabanaya ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay noqdaan kuwa ku qotoma sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa.

“Soomaaliya iyo Somaliland haday wada-hadlayaan mid uun baanu ka wada-hadlaynaa, taasina waxa weeyi in aan ka wada-hadalno sidii aanu wax u qaybsan lahayn, weliba laba dal oo walaalo ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe.

“Waxaa loo baahan yahay in wada-hadaladu ku bilaabmaan waji wanaagsan oo walaalnimo ka muuqato, iyada oo lasoo celinayo heshiisyadii labada dhinac ay hore u galeen, nabadana laga wada shaqeeyo.”

Guddoomiye Faysal ayaa ku dooday in qadiyada Somaliland ee gooni-goosadka ay tahay mid lama taabtaan ah, taasi oo marka la fiiriyo sii fogeyn karta in natiijo wax ku ool ah kasoo baxdo wada-hadalada la filayo ee labada dhinac.

“Jamhuuriyadda Somaliland gorgortan gali mayso hada kiini gorgortan galiseen oo Shab u qaybiseen, anagu talada dalkayaga mardambe cid la yeelan mayno,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbigada mucaaradka ee Ucid oo si adag uga horyimid in midnimada ay rabto dowladda federaalka Soomaaliya miiska wada-hadalada la soo saaro.

Dowladd federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in looga fadhiyo inay qirto “in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo walaalo ah, oo kala madax-bannaanaa oo midoobay 1960-kii, islamarkaana ay dib u kala baxeen,” sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan kasoo yeeray mucaaradka Somaliland oo la rumeysan inay kala socoto xukuumadda ayaa waxaa uu imanayaa xilli ay socdaan dadaallo dib loogu bilaabayo wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jiray, iyada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay ergey cusub oo u gaar ah wada-hadalada Somaliland.

Si kastaba, wada-hadalada labada dhinac oo muddo soo socday ayaa waxaa la tilmaama in inta badan ay horumar ka sameyn waayan in labada dhinac ay miiska soo saaran laba qadiyadood oo kala fog, kuwaasi oo ah midnimo iyo gooni-goosadka, taasi oo midna aanu dhankiisa wax dabac ah ka samayn.

Ciidan cusub oo la wareegay amniga qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo cusub oo dhawaan kusoo qaatay tababar dalka dibadiisa ayaa la geeyay guud ahaan qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidankan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxay dhawaan tababar kusoo qaateen dalka Uganda, waxaana laga howl-galiyya hadda saldhigyada Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley.

Wararka aan helayno ayaa intaasi kusii daraya in ciidankan cusub loogu tala-galay xasilinta amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo durba bilaabay roondo iyo howl-galo kala duwan xilliyada habeenkii.

Ciidamadan cusub ayaa hoostagaya talisyada Booliska degmooyinka ay ka howl-galayaan, waana ciidan loogu tala-galay xasilinta magaaladan, waxayna tababar dhowr billood ah kusoo qaateen dalka Uganda.

Ciidankan oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad afar kun ayaa waxaa mushaaraadkooda bixisay dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kaalin muhiim ka qaadatay tababarkoodii ay kusoo qaateen dalka Uganda.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay inuu qaatay go’aanka ah in amaanka caasimadda lagu fiiriyo ciidamo Milateri ah, waana sababta keentay in ciidankan oo markii hore loo waday furimaha dagaalka laga howl-galiyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, oo ayadu dhibane u ah falalka amni daro ee kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Dabayaaqadda bishii hore ayay aheyd markii ay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ay tababbar u soo xireen cutubyo kamid noqonaya Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, isaga oo halkaasi ka sheegay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka.

“Tayeynta ciidanka qaranka waxay aas-aas u tahay dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Wiil uu Fu’aad Shongole ‘dhalay oo lagu qabtay dalka Costa Rica (Faah-faahin)

0

Costa Rica (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Costa Rica aya qabtay, kadibna masaafuriyay wiil uu dhalay Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole) oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sare sare ee Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wiilka la qabtay ayaa ku safrayay magaca Lutrnan Warsame Farax, waxaana la sheegay inuu yahay curadka Fu’aad Shongole.

Sidoo kale ninka la xiray ayaa watay aqoonsi iyo baasaboorka dalka Sweden, kaas oo uu leeyahay qof kale, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Costa Rica.

Ninkan oo ku jiray liiska dadka ay raadinayso FBI-da ayaa galay Costa Rica January 4, 2023, isaga oo isticmaalaya baasaboor uu leeyahay nin lagu magacaabo Luqman Abdiaziz.

Lutrnan Warsame Faarax ayaa loo musaafuriyay dalka Guatemala ee Latin Amerika, isla-markaanaoo xad laleh Mexico. Balse wararka ayaa sheegaya in lagu soo celiyay Costa Rica.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in eedeysanaha uu muddo bil ku sugnaa Costa Rica, isla-markaana uu kusii jeeday dalka Mareykanka oo ku geli rabay tahriib ahaan.

FBI-da Mareykanka ayaa bishii Febraayo ee sannadkan uu sheegtay in xubin ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan tahay gudaha waddanka Costa Rica, waxaana kadib billowday howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada, laguna soo qabtay eedeysanahan.

Hay’adda Sirdoonka Costa Rica oo ka hadashay arintan ayaa sheegtay in wiilkan ay ku celin doonaan dalka uu markii hore sida sharciga ah ku joogay, haddii la waayana Soomaaliya.

Si kastaba, Fu’aad Shongole oo kamid ah golaha shuurada ee Al-Shabaab, isla-markaana ‘dhalay wiilkan’ ayaa loo haystaa inuu fududeeyay weerar 2011 ka dhacay dalka Sweden.

Weriye warbaahinta qaranka ka tirsanaa oo caawa ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa salaadii Maqrib kadib Muqdisho ku geeriyooday Weriye Miikaahiil Cabdirashiid Barre oo ka tirsanaa weriyaasha warbaahinta qaranka.

Miikaahiil ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey isbitaalka Erdogan Ex Digfeer oo ugu dambeyntii uu caawa ku geeriyooday.

Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo marxuumku uu muddo dheer kasoo shaqeynayey ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Weriye Miikaahiil Barre.

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya waxa ay ka tacsiyadeynayaan geerida ku timid Wariye Makaahiil Rashiid Barre oo ka mid ahaa wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaraddu.

Miikaahiil oo ahaa Weriye ruugcadaa ah ayaa warbaahinta qaranka uga soo warami jiray wadanka Jabuuti oo muddo uu deganaa, balse waayihii dambe wuxuu u soo wareegay Muqdisho oo hadda uu ku geeriyooday.

Maskaxda ayaa la sheegay in xanuunku uu ka haayey Weriye Miikaahiil, wuxuuna dhawaan noqday bareelis oo oo qaar ka mid ah xubnihiisa jirka ayaa dhaq-dhaqaaqa joojiyey.

Dhakhaatiirtii la tacaaleysay xaaladiisa ayaa dhawaan dalbaday in dalka dibadiisa loo qaado, maadaama xaaladda weriyaha ay aheyd mid culus, balse wuxuu caawa geeriyooday intii lagu jiray qaban-qaabadii loogu qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.

Dowladda iyo dhamaan bahda warbaahinta ayaa u kacay Miikaahiil oo waxaa gabagabo maraayey qorshe loogu qaadayo caafimaad dibadda ah, balse Allaah ayaa oofsaday caawa, iyadoo aan dal kale loo qaadin.

 

Sawirro: Iskaashiga cusub ee Soomaaliya iyo Shiinaha noqonaya shan dhinac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo weliba sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac ee muhiim ah.

Xamza iyo Shengchao ayaa kulankooda waxay diirada ku saareen kor u qaadista iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao ayaa dhankiisa waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, ayna sii xoojinayaan xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya.

Sidoo kale waxa uu danjire Shengchao u sheegay ra’iisul wasaare Xamza inay ka go’an tahay dowladdiisa sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

Sawirro: Odowaa oo tegay furimaha dagaalka iyo howl-gal culus oo ka billaabanaya…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Kormeerkan ayaa sidoo kale waxa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ku wehlinayay guddoomiyaha degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane.

Jeneraal Odowaa ayaa waxa uu ciidanka ku amaanay sida ay kooxda Al-Shabaab uga dulqaadeen shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in muddo 15 sano ah ay dhibaato ku hayeen Khawaarijtu.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xubnihii la socday ayaa intaas kadib usii gudbay furimaha dagaalka, iyaga oo gaaray deegaanka Goobo.

Deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay inuu yahay Taliska Guud ee ciidanka Macawiisleyda gobolka Hiiraan, kuwaasi oo door muhiim ah ka qaatay xoreynta deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda Al-Shabaab.

Socdaalka Jeneraal Odowaa ayaa imanaya xilli uu wejiga labaad e dagaalka uu ka billowday gobolka Hiiraan, islamarkaana ay maalmaha soo socda howl-galo culus ka bilaaban doonaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Howl-galada dib uga billowday Hiiraan ayaa illaa hadda la kulmin wax iska caabin ah, marka laga reebo qaraxayo hareeraha waddooyinka ku aaseen kooxda oo ay khasaare iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidanka iskaashanaya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku sugan deegaano dhaca koonfurta Beledweyne iyo galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan.

Sidoo kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu qadaa in maalmaha soo socday ay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah.




Senior Al-Shabab leader’s son arrested in Costa Rica

SAN JOSE (Caasimada Online) – Costa Rican authorities have recently arrested and deported Lutrnan Warsame Farah, the eldest son of a high-ranking senior leader of Al-Shabab, a Somali terrorist group.

Al-Shabab is a Somali terrorist group that seeks to overthrow the Somali government and establish an Islamic state in the region.

The group has carried out numerous terrorist attacks in Somalia and Kenya, including kidnappings, assassinations, and bombings.

Deception and arrest

The Costa Rican National Intelligence and Security Directorate (DIS) revealed that Farah entered the country on January 4, 2023, using a Swedish passport under the false name Luqman Abdl Aziz.

He remained in Costa Rica for a month, staying in hotels using false identities, before leaving through an irregular border crossing to Nicaragua.

“The Federal Bureau of Investigation (FBI) had warned in February 2023 about the possible presence of an Al-Shabab member in Costa Rica, and the FBI’s Terrorist Screening Center lists Farah,” said DIS Director Hans Sequeira.

After Farah’s arrest, DIS agents deported him to Guatemala. However, he was sent back to Costa Rica due to international regulations.

Sequeira explained that these regulations require Farah to be returned to the country where he entered legally so that he will be sent to Somalia.

Dokumentiyo sir ah oo ay dowladda Mareykanka leedahay oo la dusiyay

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qiimeyneysa sida dokumentiyo sir xasaasi ah oo la dusiyey ay u saameyn karaan amniga qaranka, waxaa sidaas Axaddii sheegay Pentagon-ka.

Dokumentiyada la dusiyey — oo ay baareyso Waaxda Cadaaladda — ayaa u muuqda inay ku jiraan qiimeyn iyo warbixino sirdoon oo qarsoodi ah, oo aan taabaneyn kaliya Ukraine iyo Ruushka, balse fallanqeynaya xulufada Mareykanka.

Inkasta oo Waaxda Difaaca ay weli baareyso sax ahaanshaha dokumentiyada oo wareegaya baraha bulshada, haddana “waxay u muuqdaan inay ku jiraan xogo aad sir iyo xasaasi u ah,” waxaa sidsaas tiri Xoghayaha Warbaahinta ee Pentagon-ka Sabrina Singh oo bayaan soo saartay.

“Waxaa la billaabay dadaal hay’adda gudaheeda ah, oo diiradda saaraya qiimeynta saameynta ay dokumentiyada ku yeelan karaan amniga qaranka Mareykanka, xulufadeena iyo saaxiibadeena,” ayey tiri Singh.

Waaxda Cadaaladda ayaa Sabtidii sheegtay inay arrintan xiriir kala sameysay Waaxda Difaacca, islamarkaana la furay baaritaan.

Dokumentiyada ayaa lagu baahiyey Twitter, Telegram, Discord iyo baraha kale ee bulshada maalmihii tegay, waxaan weli soo shaac baxaya kuwa cusub.

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay Wasington Post in qaar ka mid ah dokumentiyada ay u muqudaan kuwa wax laga beddelay, balse badankood ay waafaqsan yihiin warbixinada qiimeynta dunida ee CIA-da ee lala wadaagay Aqalka Cad, Pentagon-ka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Dadka fallanqeeya arrimaha difaaca ayaa sheegaya in dusinta caynkan oo kale ah ee dokumentiyada sirta ah ay waxyeelo iyo ceebeyn weyn gaysan karaan.

Waxay sidoo kale kuwa aad u qiimo badan u noqon karaan Moscow, oo ay tusin karaan sida qotada dheer ee sirdoonka Mareykanka ay u dhex-galeen madaxda militariga Ruushka.

Dokumentiyada qaar ayaa sidoo kale waxaa ku jira akhbaar ku saabsaan doodaha ka dhexjira dowladaha xulufada la ah Mareykanka.

AFP, VOA

US stunned by Saudi Arabia’s bold diplomatic moves

RIYADH, Saudi Arabia (Caasimada Online) – The United States has been caught off guard by Saudi Arabia’s recent decisions to restore diplomatic ties with Iran and Syria, reflecting the kingdom’s increasingly independent foreign policy stance.

CIA director Bill Burns traveled to Saudi Arabia this week to discuss intelligence cooperation and express Washington’s frustration at being left out of regional developments, as the Wall Street Journal reported.

Diplomatic surprises

Riyadh’s moves have left the US on the sidelines, raising concerns about its diminishing influence in the Middle East.

Last month, Saudi Arabia agreed to re-establish ties with Iran, a deal brokered by China, Washington’s arch-rival.

This announcement was initially met with skepticism by US officials.

A former senior US official questioned the validity of the reports, while an acting US official downplayed the breakthrough, stating that the US would wait to assess its impact.

Despite doubts, Riyadh and Tehran appear committed to moving their relationship forward.

The WSJ reports that Iranian President Ebrahim Raisi has accepted a Saudi invitation to visit the kingdom, though a date has yet to be set.

Top diplomats from both countries recently met in Beijing, agreeing to restore flights, facilitate visas, and reopen their embassies and consulates.

Challenging the US narrative

Burns’ comments contradict the US’s official stance that Saudi Arabia kept them informed of their talks with Iran.

White House spokesman John Kirby stated last month, “The Saudis did keep us informed about these talks that they were having, just as we keep them informed on our engagements.”

US officials have also emphasized their support for dialogue between Iran and Saudi Arabia long before Beijing’s involvement.

Timothy Lenderking, the US special envoy to Yemen, told MEE last year that the US was “encouraging” talks between the two adversaries to address Saudi Arabia’s security concerns in Yemen.

Normalizing relations with Syria

The US faces a more significant challenge in Saudi Arabia’s efforts to reestablish ties with Syrian President Bashar al-Assad, supported by Russia and Iran.

The US opposes normalization and has imposed crippling sanctions on Damascus. Nevertheless, Riyadh is forging ahead, planning to invite Assad to an Arab League summit in May.

According to Reuters, Saudi Foreign Minister Prince Faisal bin Farhan is expected to deliver the invitation to Assad in the coming weeks personally.

Burns: Diplomatic troubleshooter

Burns has earned a reputation as the White House’s “back-channel” emissary for sensitive foreign policy missions.

He traveled to Russia last year in a failed attempt to dissuade President Vladimir Putin from invading Ukraine and visited Saudi Arabia to mend ties ahead of President Biden’s July visit.

Burns’ recent trip coincides with Saudi Arabia’s surprise decision to implement an oil production cut, which sent crude prices soaring and drew criticism from the Biden administration for aligning with Russia during the Ukraine conflict.

Despite US objections, Saudi Arabia dismisses concerns and criticizes Western-backed energy transition goals as unrealistic.

Energy Minister Prince Abdulaziz bin Salman offered a pointed critique, asking after the OPEC+ production cut in October, “We keep hearing you ‘are with us or against us.’ Is there any room for ‘we are with the people of Saudi Arabia?'”

DF oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska caanka ah The East African ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland.

Wasiir Fiqi ayaa qiray inuu jiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed, balse uu socdo dadaal la’isugu soo dhaweynayo labada dhinac, si loo hagaajiyo xiriirka iyo wada shaqeyntooda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu kalsooni weyn ku qabo xalka nabadeed ugu dmabeyn lagu gaari doono wada xaajood iyo hab iskaashi, sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay kamid ah dowlad goboleedyada muhiimka ah ee qaybta ka ah dowladda federaalka ayna door ka ciyaarto siyaasadda & kabashada qaranka.

“Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dawlad-goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soomaaliya,” ayuu wareysiga ku yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay mudnaanka siineyso wada-hadal, ayna la xiriireyso madaxda Puntland.

“In kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Dhowaan ayay aheyd markii xalinta khilaafkan loo xil -saaray madaxda maamullada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kadib shir ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo ergo ahaan loogu diray madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Puntland ayaa horay u sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka.

Si kastaba, go’aankaas ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay caro uu madaxweyne Deni ka qaaday in shaqsiyan iyo Puntland ay waayeen xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee DAGAAL xalay ka dhacay Garoowe + Khasaaraha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi iyo rag hubeysan.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada amniga Puntland iyo rag ka ganacsada maandooriyaha oo ku sugnaa qaybo kamid ah Garoowe.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga iyo qof kale oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka dhex-maray labada dhinac, sida ay sheegeen goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah ragga hubeysan oo markii horaba ay ka bilaabatay shaqaaqada.

Dagaalkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, maadaama lagu kor dagaalamay xaafado ay dagan yihiin shacab, kuwaas oo cabsi ay soo wajahday.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan oo dhacay xalay saq-dhexe, waxaana maanta xaaladdu tahay mid deggan.

Ammaanka Garoowe ayaa habeenadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas aan la ogeyn waxa ay ahayd & burcad dhac geysaneysay.

Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaasi, kuwaas oo dhibaato ku haya bulshada deegaanka.

Si kastaba, dagaallada labada dhinac ayaa marka laga tago khasaaraha soo gaaro rayidka, waxaa jira askar iyo saraakiil looga dilay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday UK

0

Sheffield (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday magaalada Sheffield ee waqooyiga Ingiriiska taasoo lagu dilay wiil Soomaali ah.

Marxuumka oo 20 sano jir ahaa ayaa Axaddii lagu toogtay xaafadda Gleadless oo ku taala magaaladaasi, sida ay sheegeen ciidamada Booliska ka howlgala Sheffield.

Wararka ayaa sheegaya in markii loo yeeray ciidanka Booliska ay goobta ugu tageen dhaawaca wiilka Soomaaliga ah, balse uu geeriyooday inta loo sii waday isbitaalka.

Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa falkaas iyo sababta rasmiga ah ee loo toogtay wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya.

Sarkaal sare oo u hadlay Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo dheeraad ah la geeyay halka ay toogashada ka dhacday, wuxuuna tilmaamay in weli baaris ay wadaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in goobta la geeyay xeel-dheerayaal, si ay dabagal ugu sameeyaan dhacdadaas oo argagax ku reebtay Soomaalida kale.

Booliska ayaa sidoo kale xusay inay weli ku howlan yihiin xog uruurin rasmi ah, si macluumaad dheeri ah looga helo dhacdadaasi, ayada oo bulshada deggan magaalada loogu baaqay inay qayb ka qaataan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiileyaasha.

Dhacdadan ayaa wal-wal ku reebtay jaaliyadaha u badan Muslimiinta ee ay ku jirta Soomaalida, kuna dhaqan magaalada Sheffield ee ku taalla waqooyiga dalka Ingiriiska

Magaaladaan ayaa sidoo kale kamid ah magaalooyinka ay kusoo horreeyeen Soomaalida ku nool waddanka Ingiriiska, waxaana haatan soo wajahday cabsi ka dhalatay weerarkaasi.

Sidee looga fal-celiyey go’aankii uu ku dhowaaqay madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii ku dhawaaqay go’aanno ay dowladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa waxa uu masuuliyiinta dowladda ka mamnuucay inay gaadiid dagaal ku dhex wataan magaalada Muqdisho, sidoo kale hubka culus in lagu dhex qaato Muqdisho ayuu mamcuunay madaxweynuhu.

“Xukuumaddu qaraar waxay ku gaartay magaaladaan hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni darrada aragtida dadka ayaa ka mid ah, magaalo uu dhex cararaayo gaari Cabdibile ah oo Dhashiike ku xiran yahay cid lagu qanci karo waxaa ka jira amni ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan  Sheekh.

Madaxweynaha ayaa digniintaan si isku mid ah ugu diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in awaamiir qoran ay dowladu kasoo saari doonto arrimahaan, wuxuuna ku tilmaamay masuulkii diida in gaarigiisa la baaro Shabaab kalkaal.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay go’aanka madaxweynaha?

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyo kala duwan oo ay bulshada Soomaaliyeed ka dhiibatay go’aanadan cusub ee madaxweynaha dul dhigay masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada Muqdisho.

Nuur Axmed Dahir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka madaxweynaha ayaa waxa uu yiri “Wallaahi Dr Xasan hadalo cad cad oo aan horay loog baran ayuu la yimid runta waa biyo kama dhibcaan, waxaad-ba modaa in uu dareenka shacabka uu ku hadlaayo. Guuleyso mudane madaxweyne quluubta kala jirna.”

“Waxaan idinka fadhinaa inaad fulisaan, amaradaan aad soo rogteen amar dawlo-mudeec waa inuu noqdaa. Waxaan rajeynayaa in tallaabadani wax wayn utarto amniga caasimada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas Cumar Ducaysane.

Geelle Gabbane oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanka uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan ayaa waxa uu yiri “Al-Shabaab baa Dekada Muqdisho canshuur ka qaado oo hub iyo qaraxyada kala soo dago, ayagoo ganacsato iska dhigayo ama si bareer ah oo xoog ah uga soo dagsado. Waaa ceeb inaa sidaan u hadashid, waxa socda wax ka qabo oo Al-Shabaab ka jooji canshuurta ay ka qaado dadka dowlada u shaqeya iyo waxay dekada kala soo dagayaan.”

Cabdiraxmaan Boore Cadow ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in go’aanadda uu ku dhawaaqay madaxweynaha aysan noqon afka baarkiisa ee si rasmi ah loo dhaqan-geliyo, wuxuuna yiri “Waa go’aan cad oo muhiim ah mudane madaxweyne, waana in la helo dhaqan-galkiisi arinkaa aad ayaan usoo dhaweeynayaa, guul iyo gobanimo.”

Aslam Cali Aden “Magaalada Wadada maka almukarama le miyaa mise muqidisho dhan.” – “Askariga wadada markuu maraayo xabada kufuranaayo eedadka qaar dhaawac iyo dhimasho ugeysata maanaga qabtaan waxaan rabnaa amni buuxa Allaha inasiiuo.” ayey tiri Raxmo Ibraahim Nuur.

“Hala joojiyo markaad ledahay madaxwayne waxa ku jirta in aad ogtahay kuwo sameyay arinkaa waa inaad dul dhigta amar ah in uu marayo ciqaab adag hadalkan jilicsan kadaa,” ayuu yiri Maxamed Zimba oo ku taliyay in si adag loola dhaqmo dadka hareer maraha go’aannada uu ku dhawaaqay madaxweynaha.

“Mudane madaxweyne adiguna markaad rabtid inaad meel Muqdisho kamid ah booqatid ha xiran wadooyinka ku teedsan nawaxigaas oo buruuftaada ku mar kaliya,” ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Maxamed.

Ayaan Cumar ayaa iyadna waxay tiri “Madaxweyne Xasan Sheekh waan kugu taageersanahay waana wax wanaagsan go’aankaan aad soo jeedisey ee hirgali. Tan kale waxaan kaa codsaneynaa in ciidamada Soomaliyeed qeybahooda kala duwan aad lacagta u badisid oo mushaarka ugu badan aad siiso si ay daacad ugu noqdaan wadankooda ileyn madaxweyne nin baahan gob ma ahan!.”

“War kaliya wax mataree halagu dhaqmo hadalkaaga madaxweyne,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay go’aanada uu Jimcihii ku ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: Booliska Xamar oo qabtay nin muuqaal lagu duubay isagoo waxa dhacaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taalla degmadaas.

Ninka la soo qabtay ayaa lagu tuhmayaa inuu ka mid ahaa rag maalmihii lasoo dhaafay aad loogu baahiyey baraha bulshada iyagoo dhac u geysanaya Carwo ganacsi oo ku taalla agagaarka sarta Seybiyaano.

Booliska ayaa shaaciyey in ninkaan lasoo qabtay iyo raggii la socday ay dukaankaas ka dhaceen 3 taleefoon oo noocyadoodu ay kala ahaayeen A32, A13 iyo A33 SAMSUNG.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanaha gacanta booliska ku jira cadaaladda uu wajahi doono, waxaana lagu raadjoogaa raggii kale ee dhaca la geystay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Booliska ayaa baahiyey sawirka ninka la soo qabtay oo sita qori AK47 ah iyo sawir laga soo jaray muuqaalkii ay ka duubtay kaamirada qarsoon eek u xireyd dukaanka ay dhacayeen, kaas oo muujinaya in ninkaan uu ahaa dablihii koowaad ee gudaha u galay dukaanka ee dhaca bilaabay.

Magaalada Muqdisho waxaa ku badan dhaca tuugada hubeysan ay u geysanayaan dadka shacabka ah, sida ganacsatada, ardayda iyo qof kasta oo ay u arkaan in uusan la heyn awood uu isaga difaaco.

Inta badan dhacaan waxaa geysta ciidamo ka tirsan dowladda, dhowr mar ayaana sidaan oo kale loo soo qabtay askar ay kaamiraduhu duubeen iyagoo dukaamo ganacsi dhacaya.

Maalmahaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha ammaanka ayaa isku howlaya inay sugaan amniga caasimadda Muqdisho, balse waxaa muuqata in ciidan ka tiran dowladda ay dhac ka geysanayaan gudaha caasimadda, taas oo fadeexad weyn ku ah ciidanka.

Faransiiska oo dalalka reer Yurub usoo jeediyay dalab ka dhan ah Mareykanka

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay Axaddii in Midawga Yurub aanu xiisaynayn inuu dab ku sii shido xiisadda Taiwan, ayna tahay inay qaataan Istaraatejiyad cusub oo ka madaxbanaan Washington iyo Beijing labadaba.

Macron ayaa ka soo laabtay safar saddex maalmood qaatay oo uu ku tegey dalka Shiinaha, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Shiinaha ayaa Sabtidii ka bilaabay Taiwan, dhoolatus milateri, isaga oo ka cadhaysan safarkii ay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ku tagtay dalka Maraykanka, isla markaana ay kula kulantay afhayeenka aqalka wakiillada Kevin McCarthy.

Shiinaha ayaa Taiwan u arka inay tahay dhul isaga ka mid ah, isaga oo aan weligiis ka tanaasulin in doorashooyinka uu dib ugu soo celinayo inay ku jirto inuu awood u isticmaalo. Hase ahaatee Taiwan ayaa arrintaas si weyn uga soo horjeeda.

Macron ayaa isagu sheegay in Yurub aanay soo dedejin colaadda halkaas ka jirta, balse ay wakhti ku bixiso sidii ay u diyaarin lahayd mawqifkeeda oo ka madax banaan aragtiyaha Shiinaha iyo Maraykanka ee ku aaddan Taiwan.

Warkan ayaa lagu daabacay wargeyska Faransiiska ee Les Echos iyo Politico.

Macron ayaa saxaafaddu ka soo xigatay inuu sheegay in Yurub ay u baahan tahay inay lacago badan geliso hannaankeeda difaaca, horumariso hubkeeda Nukliyeerka iyo weliba tamarta la cusboonaysiiyo, sidoo kalena hoos loo dhigo ku tiirsanaanta dollarka Maraykanka, si loo yareeyo isku hallayntooda Maraykanka.

Macron waxaa safarkiisa Shiinaha ku wehelinayey illaa 50 shirkadood oo ganacsi oo ay ku jiraan shirkadda diyaaradaha samaysa ee Airbus iyo shirkadda soo saarta tamarta Nukliyeerka ee EDF, kuwaas oo heshiisyo soo saxeexay intii safarka lagu gudajiray.

VOA + Reuters